Maxaad kala socotaa shirqoolka DFS loogu maleegay wada-hadalada Addis?

Heshiiska Kismaayo: Khiyaano lagu burburinayo Go’aanadii IGAD iyo Dawladaha AMISOM!!

Heshiiska ka socda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa la sheegayaa in is-afgarad laga gaaray qaar ka mid ah qodobaddii ay isku hayeen waftiyaddii ka kala socday Dawladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubooyinka.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegayaa in heshiis kasta oo ka soo baxa shirkaas uu ku noqonayo dhabar jab, maadaama uu heshiiskaan uu baabi’inaayo heshiisyaddii horey IGAD iyo Wadamada ciidmada ka jogaan Soomaaliya uga gaareen arrinta Jubooyinka.

IGAD ayaa horey go’aan ugu gaartay in dawladda Soomaaliya ay isugu yeerto shir ay u qabanayso dhamaan kooxaha ay quseyso arrimaha Jubbooyinka ayna u samayso Maamul KMG ah, Dawladda Soomaaliya ayaa ka shaqeysiin weysay ilaa iyo hada in ay shir isugu keento kooxaha ay quseyso arrimaha Jubbooyinka, waxaana diidey inuu Xamar yimaado Gudoomiyaha Jabhada Kaanbooniyiinta ahna Gudoomiyaha Kismaayo Axmed Madoobe, dawladda ayaa hadda ku jirta shir ay kor jooge ka yihiin IGAD , shirkaas oo waxii kasoo baxa aysan waxba ka socon doonin balse wuxuu calaamad u yahay in dowladda Soomaaliya aaney aheyn dowlad u babac dhigi karta in ay iyada oo isticmaaleysa awoodeeda sharciga ah in ay xaliso xasaradaha ka jira gobolada dalka, mar walba ay ku qabsantahay in ay u jilicsanaato shaqsiyaad fulinaya danaha dalalka deris ah, teeda kale, shirkaani wuxuu wax kama jiraan ka dhigayaa oo kaliya shirkii dawladdu ahayd inay ku qabato Muqdisho, shirkaas oo IGAD ay horey u go’aamisay ninkii diidey inuu Xamar yimaadana aysan culeys ku saarin!

Sidoo kale wadamada ciidamada ka joogaan Soomaaliya waxaa ay go’aamiyeen in Dekedda iyo Garoonka diyaaradaha Kismaayo lagu wareejiyo Dawladda Soomaaliya, go’aanadaas oo aan la dhaqan gelin cidda diideyna aan banaanka la soo dhigin, culeysna aanba la saarin in go’aankaas la hirgeliyo ayaa dawladda Soomaaliya lagu qanciyey inay shir la gasho kooxda Axmad Madoobe. Heshiiska shirkaan oo waxyaalaha looga hadlayo ka midka yihiin maamulka dekedda iyo Garoonka Kismaayo ayuu heshiiskani wax kama jiraan ka dhigayaa heshiiskii ay dhowaan Kambala ku gaareen wadamada Ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya ayaa uun soo sixiixi doonta heshiis baabi’inaya heshiisyadii horey IGAD iyo Wadamada Ciidamadaa ka joogaan Soomaaliya u gaareen heshiiskaasi oo ay ku soo aqoonsan doonto Axmad Madoobe, aqoonsigaas oo uu Axmad Madoobe iyo wadamadii keensaday ka saacidaya in Axmad Madoobe xaqiijiyo in Dawladda Soomaaliya aysan wax awood ah ama maamul ah ku yeelan Maamulka Kismaayo wax kasta oo qoraal ahaan loogu heshiiyaba.

Dawladda Soomaaliya ayaa madaxdeeda gaar ahaan Faarax Cabdulqaadir iyo Cabdikariin ay uun soo sixiixi doonaan heshis aan waxba ka fulin maadaama madaxda dawladda ku mashquulsan yihiin shir la mid ah shimbitayahow heesa hees wanaagsan heesa, halkii ay ciidan Qaran ka samayn lahaayeen, si ay uga xorreeyaan waddada u dhaxaysa Shalanbood iyo Kismaayana Shabaab, si ciidamada milateriga, booliiska iyo Nabadsugida dawladda federaalka u tagaan magaalada Kismaayo.

Dawladda Soomaaliya ayaa labadii nin ee ku dagaalantay Kismaayo oo kala ahaa Axmed Madoobe iyo Col Bare Hiiraale , labadaas nin oo kala taagersanaa Dawladda Soomaaliya iyo Dawladda Kenya Aqoonsatay Axmad Madoobe oo dawladda Kenya keensatay iyada oo aan ilaa hadda la ogeyn waxa ay ugu talagashay Col Barre Hiiraale , Col Cabaas oo taagerida ay taageersanaayeen dawladda Soomaaliya darteed looga saaray magaalada Kismaayo.