Midowga Africa oo hanjabaad ka soo saaray weerarkii XALANE

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma oo ah Haweeneyda Gudoomiyaha Gudiga Midowga Africa, ayaa si adag uga hadashay weerarada ay maleegayaan maleeshiyaadka Al-shabaab ee sida ba’an kaga soo horjeeda dowlada Somalia iyo howlgalka AMISOM.

Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma, waxa ay soo hadalqaaday weerarkii maalmo un ka hor ka dhacay afaafka hore xerada Xalane oo ay xarun ku leeyihiin Saraakiisha Reer galbeedka iyo kuwa AMISOM.

Nkosazana waxa ay sheegtay inay ka dhamaatay dulqaadka islamarkaana ay bixin doonaan taageero lid ku ah maleeshiyaadka Al-shabaab.

Nkosazana waxa ay sheegtay in AMISOM ay ka jawaab celin doonto weerarkii Xalane islamarkaana ay u aargudi doonaan tiradda ku dhimatay weerarka.

Waxa ay sheegtay inaanu badneyn khasaaraha ka dhashay weerarkii ka dhacay afafka hore ee xarunta Xalane balse ay yihiin kuwo ka danqanaaya in xarumahooda lagu weeraro.

Nkosazana waxa ay sheegtay in aan wax dib u dhac ah ku keeni doonin go’aanka AMISOM weerarada qorsheysan ee Al-shabaab ku qaadayaan fariisimaha ciidamada caawinaya Somalia.

Amaan gaar ah ayey ka jeedisay doorka ciidamada Uganda ee qeybta howlgalka AMISOM ay ka ciyaarayaan nabad ku soo dabaalida Somalia iyo sida noloshooda u hurayaan.

AMISOM ayey sheegtay inay diyaar uyihiin ka hortagida weerarada Al-shabaab ay ka geysanayaan xarumaha dowlada iyo kuwa AMISOM.

Ugu danbeyntii, Nkosazana waxa ay dowladaha saaxiibada la ah Somalia ku boorisay inay garab ka geystaan dhaqaalaha lagu socodsiinaayo howlgalka ka socda Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com