Musuqa aan qarsooneyn ee ka jira Soomaaliya

By Idil Muxumad Cabdi

mohamedLaga soo bilaabo  Xoriyaddii iyo gobonimadii Soomaaliya ay qaadatay sanadkii 1960-kii ,  dowladahii dalka soo marey waxay si xoog leh ula dagaalami  jireen musuq-maasuqa iyo xatooyadda xoolaha dadweynaha iyo tan qaranka , iyagoo sameeyey ama meelmariyey xeerar  ad adag oo lagu qaado dadka ku lug –yeesha musuq-maasuqa noocyadiisa kala duwan.

Ganacsi aan sharci aheyn

Kadib burburkii Dowladdii Milatariga ee Kacaankii 21 October, waxaa jiray  dad wadanka keeni jiray badeecooyin aan taya caafimaad laheyn sida daawooyinka waqtiga dhicidda isticmaalkooda dhowyahay, raashiin bakhaar ku raagey iyo waxyaalo kale oo badan .

Waxaa xusid mudan waxyaabaha dureeraha ah ama budada ka sameysan ee dibadaha laga keeni jiray sida cabitaanada , cuntooyinka gazaceysan , gawaari dug u eg oo isticmaal galay, qalab aan hagaagsaneen iyo waxyaabo kale oo loo adeegsan jiray howlaha isgaarsiinta dalka , waxaa inta badan agabkaasi laga keeni jiray bariga fog ee ASIA .

Sida ay cadeynayaan dad badan , waxaa laga warhayaa dhibaatooyinka ma dhamaatada ah ee dalaaleydu ku howlanaayeen , kuwaasi oo suuq-geynaya ama iibinaya dhul banaan, cabiran ama kuwa aan cabirneen , iyagoo adeegsanaya jowmitirro iyo nootaayooyin ay si gaar ah u leeyihiin.

Waxyaabaha caadada noqdey waxaa ka mid ah kala iibsiga ama ka beecmushtaridda hubka noocyadiisa kala duwan,  iyadaa la og yahay dhibaatada iyo waxyeelada uu leeyahay hubka, weliba kuwa laayaan ah ee loogu tala galey in cadowga keliya oo isticmaalo.

 

Tayada Waxbarashada oo hooseysa

Waxyaabaha aan indhaha  laga qarsan karin ee dalka iyo dadka soomaaliyeed dhibaatada ku hayo ayaa waxaa ka mid ah goobaha waxbarashada sida dugsiyada waxbarasho iyo Jaamacadaha sida  gaarka ah loo leeyahay ee caruurta soomaaliyeed lagu baro manhajyo wadamo kale iyo taariikhdooda.

Arrinkani waxa uu dhaliyay marin habaab xagga aqoonta ah iyo tayada waxbarasho oo aad u hooseysa , tiiyoo ay u dheer tahay in Shahaadada Jaamacadeed ee laga qaato gudaha dalka ay noqotay mid xad dhaaf ka ah tan dugsiga sare , taasoo ku tusineysa qof aan heerka hoose ee aqoonta aan ka dhisneen , misana huwan shahaado Jaamacadeed oo aanu waxba ka garaneyn waxa uu ku takhasusay magac ahaan mooyee.

Arrimaha layaabka leh waxaa laga xusi karaa suuqa loo yaqaano CABDALLA-SHIDEEYE oo ku yaala magaalooyin badan oo kamid ah dalka Soomaaliya.

Haddii aan qeexno Cabdalla-shibeeye waa suuq yar oo u furan sameynta dukumintiyo la xiriira dhalashada,warqadaha guurka , shahaadooyinka heerarkooda kala duwan, shatiyada ama ruqasadaha iyo sabarloogooyinka ama warqadaha lahaan haha dhulka.

Dhammaan dukumintiyada suuqaasi lagu sameeyay waa kuwa sharci darro ah oo abuura xaalad dhiig ku daadan karo iyo boob hanti aanu qofku laheyn ama sheegasho heer aqoon oo qofku aanu u dhigmin.

Musuqa Canshuuraha iyo deeqaha

Waxaa cad in Musuq weyn uu ka dhex jiro Xafiisyada hey’adaha kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya , maamulada Federaalka ee ka dhisan qeybo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya .

Waxaa ayaan darro ah oo aan marna la iloobi karin boobka lagu haayo hantida iyo deeqaha samafal ee loogu tala-galay Soomaaliya oo ay lunsadaan hey’adaha shisheeye ee fadhigoodu yahay Xarunta Xalane ee Muqdisho iyo Magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya , waxa aanu jirin hey’ad dowladeed oo la xisaabtanta habka ay u maareeyeen hantidii loogu deeqay Soomaaliya .

Haddaba , marka aan eegno Musuqa Canshuuraha iyo maamul xumada ka jirta dalka oo ay u dheertahay cadaalad darro iyo dulmi loola bareero dad aan waxba galabsan , shaqada oo lagu kobo qoys ama qabiil ama deegaan , halka dadkii dalka wax u tari lahaa loo dhigay silsilado caqabado ah oo aaney ka tallaabi karin.

La dagaalanka Musuq-maasuqa.

Maadaama la ogsoon yahay in Musuq uu hareeyay dhammaan qaab dhismeedkii dowladnimo ee Soomaaliya , waxaa ila haboon oo aan ku talin lahaa in laga hortago Musuqa nooc kasta ama tilmaan kasta oo uu leeyahay .

Waxa ay taladeydu ku qotantaa xoojinta hey’adaha garsoorka , dib u dhiska iyo qalabeynta xarumihii ay ku howlgali jireen .

Waxa kale oo ku talin lahaa xoojinta iyo helidda guddiga adeegga garsoorka oo lagu soo xulay aqoon iyo waaya-aragnimo si ay ugu shaqeeyaan hab hufan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Shaqada garsoorka , waxaa tiir u ah helidda ciidan amni oo fuliya go’aanada soo baxa , sidoo kale dhaqan-geliya shuruucda dalka u degsan, waxa ayna taasi abuuri kartaa kalsooni weyn oo shacabka ah .

FG. In kastoo uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu marar shacabka Hortooda ka  balan qaadey in la hagaajin doono Hay’adda garsoorka dalka, Soomaaliya sanadkan waxaa ay hormuud ka noqtey liiska wadamada ugu musuqa badan aduunka.

Qormadan waxaa diyaariyay :

Mohamed Abdullahi Ahmed
Email. mohamedabdullahi2000@gmail.com
Tell: +252 61 556 90 53