Muxuu Caanood ka yiri wararka sheegaya in DFS uu kala goostay afartameeyo gaadiid dagaal?

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo inta badan warbaahinta dalka ay hadal hayan warar sheegaya in Abaanduulihii hore ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdullaahi Cali Caanood la goostay gaadiid iyo ciidamo ka tirsan dowlada, ayaa waxaa arrintaasi markii ugu horeysay ka hadlay Caanood.

Abaanduulihii hore ee Ciidanka oo arrintaas ka hadlaayay ayaa sheegay inuu aad ula yaabanyahay halka laga keenay wararkaasi.

Caanood ayaa beeniyay in uu goostay oo uu waddo Abaabul Jamhadeyn ah, waxa uuna sheegay inuu u baxay howl markii horaba qabyo u aheyd.

Caanood, mar ay BBC wax ka weydiisay inuu ka carooday magacaabista abaanduulaha cusub oo uu doonayo inuu dagaal jabhadayn ah bilaabo ayuu yiri “Waxaasi waxba kama jiraan, waa wixii Soomaali ku hoogtay oo ku ba’day, ilaahna naguma jirrabo”.

Wuxuu kaloo jeneraalku waxba kama jiraan ka soo qaaday inuu Balli doogle kula kulmay Askar Maraykan ah.

Sidoo kale, Jeneraal Caanood, wuxuu sheegay in maanta uu dagaal ku dhex maray magaalada Marko ayaga iyo Al Shabaab, kaasoo uu sheegay in ay iyagu bilaabeen, balse Al-Shabaabna is difaacen, iminkana ay wadaan howlgalo kale.

Caanood, oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in dagaalku uu ahaa mid sii qorshaysnaa ka hor inta aan la magacaabin abaanduulaha cusub, hase yeeshee ay soo afmeeri doonaan maadaama ciidamada ay maanta si buuxda ula wareegen degmada Marko.

Geesta kale, wuxuu intaa ku daray Jeneraal Caanood inuu xilka wareejin doono marka hawlgalka la soo afjaro.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com