Obama oo lagu cadaadinayo weerar ka dhan ah Somalia, Al-Shabab darteed

Washington DC (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah sharci dejiyayaasha Mareykanka, ayaa ku qal qaalinaya madaxweyne Obama inuu qaado weerar ka dhan ah kooxda Al-Shabab ee dalka Somalia, si looga hor taggo weeraro la mid ah kan West Gate, oo qaarkood laga yaabo inay ka dhacaan gudaha Mareykanka.

“Waxaan ka hadleynaa koox argagixiso oo awood leh oo muujiyey inay sameyn karaan weeraro ka baxsan gudaha Somalia, dadna ka qortay Mareykanka” ayuu yiri Peter King oo ah guddoomiyaha guddiga ka hor tagga argagxisada iyo sirdoonka ee aqalka wakiilada Mareykanka.

“Al-Shabaab ma ahan koox sii daciifeysa, ee waa koox awood sii heleysa, waxaana kuu caddeyn kara waxa ka socda Nairobi” ayuu yiri Tom Coburn oo ah xubin sare oo ka tirsan Guddiga Ammaanka Gudaha ee Congress-ka Mareykanka.

Qaar ka mid ah saraakiisha Mareykanka, ayaa sheegaya in weeerarka Al-Shabaab ee West Gate uu yahay mid ay kooxdaas ku muujineyso baaq ah inay damacsan tahay kuwo kasii baaxad weyn.

Dhinaca kale saraakiisha Mareykanka, ayaa sheegaya in West Gate Mall uu ka mid yahay saddex Mall oo waa weyn oo ku yaalla gudaha dalka Kenya, kuwaasi oo dowladda Kenya ay uga digeen in ammaankooda uu yahay mid aad u baylahan.

Caasimada Online
Xafiiska Washington DC
Caasimada@live.com