27 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Wararkii ugu dambeeyey ee qarax ay shacab ku dhinteen oo ka dhacay JOWHAR

0

Jowhar (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya ka dhashay qarax maanta ka dhacay duleedka magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu haleeyay Mooto Bajaaj ay la socdeen dad shacab ah, xilli uu mareysay deegaanka Xaanshooley ee duleedka Jowhar.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaran ku dhintay ugu yaraan afar qof oo saarnaa mootada la qarxiyey, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoonyahay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, kuwaas oo meesha kasoo qaaday meydadka iyo dhaawaca dadka ku waxyeeloobay miinadaasi.

Ma jiro weli wax faah faahin ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka HirShabelle ka bixiyeen dhacdadaasi, balse waxaa haatan socda baaritaano dheeri ah.

Qaraxan ayaa qayb ka noqonayo falal ammaan darri oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayey magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay haatan ka socoto doorashada kuraas ka mid ah xubnaha deegaan doorashooduu tahay gudaha magaaladaas.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah ka fulisa halkaasi, waxaana ay ku beegsadataa ciidamada iyo mas’uuliyiin maamulka HirShabelle, inkastoo illaa iyo hadda aysan kooxdu ka hadlin weerarkan qaraxa ah ee maanta loo dhigay dadka shacabka ah.

Jowohar ayaa waxaa haatan laga dareemayaa mashquul xoogan oo ku aadan doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya oo si rasmi ah uga bilaabatay gudaha magaaladaasi.

Shaki cusub oo hareeyey dhameystirka doorashada golaha shacabka Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shaki laga muujinaya in Doorashada Golaha Shacabka lagu soo geba-gabeen karo muddadii lagu heshiiyay iyo in kale, sababo ku aaddan dhowr arrimood oo is biirsaday.

Sida ku cad heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka, doorashada kuraasta Golaha Shacabka ayay tahay in lagu soo geba-gabeeyo muddo 40 maalmood ah oo ku eg 25-ka bishan, illaa iyo haddana xitaa lama soo dooran kala bar kuraasta Golaha Shacabka oo 275 kursi ka kooban.

Tirada guud kuraasta Golaha Shacabka ee illaa iyo hadda la soo doortay ayaa ah 127 kursi, kuwaa oo 26 ka mida ay dumar ku soo baxeen.

Waqtiga oo aad ciiriri u ah, gaabiska hareeyay qoondada haweenka, kuraasta u baahan in khilaafkooda la xaliyo iyo mushaar la’aanta soo wajahday Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed ayaa bilow u noqon kara in doorashada ay mar kale sadkeedii dhaafto.

Marka laga soo taggo Koonfur Galbeed, Dowlad Goboleedyada kale ayaan weli doorashada Golaha Shacabka ka bilaabin goob doorashadooda 2aad.

Jubbaland oo caqabad ka haysato Garbahaarey, Hirshabelle oo aan la ogayn goorta doorashada kuraasta Golaha Shacabka ka qaban doonto Beledweyne iyo Puntland oo weli aan wax abaabul ah ka bilaabin Boosaaso waxay arrimahaasi oo dhan wiiqayaan suurtagalnimada in doorashada golahaasi lagu soo gaba-gabeeyo maalmaha tirsan ee haray.

Siyaasiyiinta qaarkood ayaa kuu sheegaya inaysan jirin wax ifafaalo ah oo muujinaya in doorashada 275-ka kursi ee Golaha Shacabka lagu soo gaba-gabeen doono bil iyo tobanka cisho ee jadwalkeeda ku muddeysan.

Doorashadan ayaa noqonayso tii ugu liidatay ee dalka laga qabto, tan iyo intii dib loo yegleelay Dowladnimada Somaliya, laba iyo labaatan sano horteed.

Wararkii ugu dambeeyey ee loolanka doorashada ka dhaceyso Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa haatan ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada afar kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada kuraastan ayaa goordhow ka bilaaban doonto magaalada Dhuusamareeb, waxayna kala yihiin afarta kursi:- Hop#138, Hop#007, Hop#040 iyo Hop#053.

Laba ka mid ah kuraastan ayaa aad isha loogu hayaa, waxaana ugu horreeyo kursiga uu u tartamayo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo midka loo xiray Cabdullahi Kulane.

Sidoo kale waxaa kursi ka mid ah kuraastan si gaar ah loogu xiray dumarka, waxaana ku tartami doono illaa 7 haween ah, sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee Galmudug.

Dhammaan musharixiinta tartamaya ayaa shalay la siiyey shahaadada musharaxnimada, si ay qayb uga noqdaan tartanka ka dhacaya caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Halkan hoose ka aqriso magacyadooda:-

1-Hop#138 waxana ku wada tartami doono Cabdiraxman Cabdishakuur iyo Musharax  Naciimo Xuseen Cali

2:Hop#007 waxaa ku wada tartami doono Faarax Cabdi Diini iyo Maxamed Cabdi Cali

3: Hop#040 waxa isna kuwada tartami doono Cabdullahi Aadan Kulane iyo Xasan Cabdi Jaamac

4: kursiga afaraad eee Hop#053 ayaa isna waxaa ku tartami doono 7 haween ah.

Abaalka Farmaajo oo lagu tijaabinayo kursiga Muudey oo uu dagaal ku hayo Fahad

0

Baraawe (Caasimada Online) – Magaalada Baraawe waxaa ka socdo boob diiwaanka geli doono oo la xiriira doorashada Soomaaliya. 26-kii kursi ee baarlamaanka Soomaaliya ee taalay magaalada Baraawe waxaa illaa hadda la doortay 13 kursi, waxaana dhiman 13 kale oo liiskooda la shaaciyey.

Wajigii koowaad ee doorashada Baraawe lagu doortay 8-kursi ayaa la tuuray dadkii horay ugu fadhiyey 4-na waa lasoo celiyey xubniii horey u heystay, hal kursina wuxuu ahaa mid uu dhintay xildhibaankii ku fadhiyey.

13-ka Kursi ee dhiman waxaa ku jira kursiga sida weyn isha loogu wada hayo ee HOPP#145, kaas oo uu ku fadhiyo guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee golihii shacabka ee baarlamaankii 10-aad Cabdiweli Ibraahim Muudey.

Sida aan xogta ku heleyno culeys badan ayaa la saaray kursiga Muudey, Lafta Gareen ayaa ka caga jiiday inuu Muudey siiyo kursiga, dhawaan ayaa lasoo saari doonaa jadwalka 13-ka kursi ee dhiman iyo musharixiinta isku diiwaan gelisay, waxaana laga cabsi qabaa in Muudey laga reebo liiska.

Sida ay ku warameen ilo muhiim ah waxaa Cabdiweli Muudey ku dhagan Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ujeedka uu Fahad Yaasiin u diidan yahay Muudey waxaa lagu sheegay damaca Fahad ee guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaa Shacabka baarlamaanka 11-aad.

Fahad Yaasiin maalmahaan wuxuu ka shaqeeyaa inuu xildhibaan soo noqdo, kadibna uu noqdo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.

Waxaa la sheegay inuu Fahad aaminsan yahay in haddii uu Muudey soo laabto inay adkaan karto inuu qaato kursiga guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka.

Ilaha aan la hadalnay waxay sheegeen in la rabo in kursiga Muudey la siiyo nin la yiraahdo Cabdullaahi Maxamed Sheekh ama sida Dadka qaarkood u yaqaanaan Maxamed-Weli Cabdullaahi Sheekh. Waa Nin qurba joog ah oo ka yimid wadanka Australia.

Fahad Yaasiin iyo Lafta Gareen waxaa la sheegay inay heshiis ku yihiin arrinta Ninkaan. Cabdiweli Muudey wuxuu shantii sano ee lasoo dhaafay ahaa mid fuliya wax walba oo nidaamka Farmaajo uu rabo.

Wuxuu kooxda Farmaajo u qabtay shaqadii ugu weyneyd oo aheyd in Jawaari mooshin laga qabto, cadaadisna lagu saaro inuu is casilo.

Ajandayaal badan oo golaha Shacabka la keenay ayuu Muudey u dhigay sida uu Farmaajo rabay. Markii ay Mursal iyo Farmaajo is qabteen wuxuu ahaa Ninkii ka shaqeeyey inuu isku soo celiyo.

Shantii Sano waxay uga dhammaatay isagoo ah wakiil daacad ah oo ay Farmaajo ku leedahay Golaha Shacabka, laakiin 5 sano kadib kursigiisii ayaa maanta loo diidan yahay.

Waxaa loo diiday inuu ka duulo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, isaga oo ku sii jeeday Baraawe, si uu ugu tartamo kursiga uu ku fadhiyo oo loo xiray Maxamedweli C/llaahi Sheekh oo reer Australia ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in isku dayga lagu celiyay C/weli Muudey uu ka dambeeyo La-Taliyaha Amniya Qaranka Fahad Yaasiin oo quudareynaya inuu tartamo booska Guddoomiye kuxigeenka 1aad.

Inkastoo la sheegay inuusan Farmaajo diideen Muudey, haddana waxaa la fahamsan yahay in uusan wax shaqo ah iska gelin inuu difaaco.

Maalmahaan waxaa Kuraastii Golaha Shacabka laga eryaday Dad badan oo Farmaajo la shaqeenayey mudadii uu xafiiska joogay. Qaar si aan leex leex laheyn u caddeysan jiray inay isaga 100% taageersan yihiin oo dartiis Dad kale u colaadiyey ayuu Farmaajo la yimid Dadkii lagu badali lahaa, taas oo dad badan ku qasabtay inay shaki geliyeen inuu Farmaajo yahay Nin garanaya abaalka siyaasadda.

Hadda waa Kursigii Muudey kaas oo abaal siyaasadeed xooggan ku leh Farmaajo, waxayna Dad badan leeyihiin kursigaan waa midka lagu baran doono inuu Farmaajo yahay Nin abaal siyaasadeed leh.

Waxaa laga wada dharagsan yahay in Laftagareen uu 100% ku shaqeeyo rabitaanka Farmaajo, sidaas darteed Dad badan waxay leeyihiin Farmaajo waa awoodaa inuu Kursiga Muudey ka celiyo Fahad iyo Laftagareen.

Xog: Yaa loo rabaa kursiga Cabdiweli Ibraahim Muudey?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay isa-soo tarayay guuxa doorashada kursiga sumadiisu tahay HOP#145 ee uu hadda ku fadhiyo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Kursigaan ayaa waxaa si gaar ah loogu xiray Maxamed-weli Cabdullaahi Sheekh oo reer Australia.

Muhiimada u weyn ee loogu xiray kursigaan Maxamed-weli ayaa ah in uusan culeys ku noqon karin rabitaanka La-Taliyaha Amnigaa Qaranka Fahad Yaasiin, oo asagu raba in uu galo booska Muudey ee guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka.

Fahad iyo Muudey oo isku hayb ah ayaa loolan adag ku dhex-mari lahaa golaha, maadama uu Muudey markale difaacan lahaa booskiisa, waana sababta u weyn ee hadda loo dhaafinayo kursigiisa.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa goor sii horeysay loo diiday in uu ka duulo garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde, si uu utago magaalada Baraawe oo ay taallo doorashada kursigiisa.

Diyaarad ka qaadi laheyd guddoomiye ku-xigeenka 1-aad garoonka Muqdisho ayaa lagu amray inaysan ka bixi karin, waxaana lasoo wariyay in saacado ku jireen Muudey iyo Ciidamo Ilaalo u ah qeybta VIP-da ee garoonka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in tallabada looga hor istaagay Muudey in uu ka dhoofo Muqdisho uu ka dambeeyo La-Taliyaha Amnigaa Qaranka Fahad Yaasiin, oo isagu hunguriyaynaya booskiisa.

Xulafada Farmaajo iyo Fahad ayaa isku-dey kasta u sameynay sidii ay u xaqiijin lahaayeen rabitaankooda ku aadan doorashada, gaar ahaan xildhibaanada loogu raadinayo xasaanad oo ugu horeeyo Fahad, oo raba in uu kamid noqdo guddoonka golaha.

Jubaland oo shaacisay in DOORASHO aysan ka dhici karin Garbahaarey + Sababta

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta Golaha Fulinta iyo xubnaha ku jira baarlamaanka Jubbaland ee ka soo jeedo gobolka Gedo ayaa shaaciyey in doorasho aysan ka dhici karin magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo oo ah deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

Xubnahaan ayaan Madaxweynaha Jubbaland u soo jeediyey in laga fikiro oo la raadiyo xal suurta gelin kara qabsoomida doorashada 16 kursi oo taalla magaalada Garbahaarey.

Bayaanka ka kooban todoba qodob oo xubnahaas ay soo saareen waxay ku sheegeen in caqabadaha ka jira gobolkaas ay laf-dhabar u tahay hey’adda Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo ciidamo badan oo la yiraahdo Duufaan ku daabushay Gobolka Gedo.

Waxay sheegeen in ciidanku ay dadka gobolkaas ku nool ay ku hayaan cadaadis iyo cabsi gelin xoog leh, sidoo kale waxay sheegeen NISA ay gobolka Gedo ka bilaawday isku hubeynta beelaha, taas oo sida ay sheegeen horseedi karta xaalad amni daro iyo gacan ka hadal hubeysan oo dhex mara beelaha wadaaga kuraasta taalla Garbahaarey.

Ilaa sideed beelood oo kuraastoodu Garbahaarey ayaa bayaankaan lagu sheegay inay si buuxda isku hubeeyeen, taas oo hadii muran ka dhasho doorashada Garbahaarey keeni karta gacan ka hadal dhex mara beelaha kursi wadaagta ah, sida lagu sheegay qoraalkaan.

Xubnahaan ayaa qeybaha dambe ee bayaankooda tala ahaan waxay ugu soo jeediyeen, “Iyadoo la tixraacayo caqabadaha xilligaan ka jira deegaan doorashada labaad ee Jubbaland iyo baahida loo qabo in doorasho dalka uga dhacdo waqtigii loo asteeyey, waxaan soo jeedineynaa in laga fikiro xal kale oo suurta gelinaya qabsoomidda doorashada 16-ka kursi ee taalla Garbahaarey.”

Gobolka Gedo ayaa hadda ka maqan gacanta Jubbaland, waxaana maamusha dowladda federaalka oo cudud ciidan uga qabsatay Jubbaland, dhamaan magaalooyinka waaweyn ee gobolkaas waxaa ka howlgala ciidamo u badan NISA iyo Gor Gor, waxaana laga war-sugayaa sida ay suurta-gal u noqon karto doorasho ay maamuleyso Jubbaland oo ka dhacda Garbahaarey.

Hoos ka akhriso qodobada bayaanka

Daawo: Koonfur Galbeed oo amar culus ku soo rogtay musharaxiinta kuraasta Baydhaba iyo BARAAWE

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo saaray amar ku socda musharaxiinta kuraasta xildhibaanada golaha shacab ee deegaan doorashadoodu tahay magaalooyinka Baraawe iyo Baydhaba.

Amarkaan ayaa ah in musharaxiintu aysan magaalooyinkaas la tegin karin hub iyo ciidan u gaar ah, sidoo kale wasaaraddu waxay ku sheegtay war-saxaafadeedkaan in ammaanka musharaxiinta ay damaanad qaadeyso.

Wasaaradda ayaa amarkaan ku socodsiisay maamulka garoomada magaalooyinka Koonfur Galbeed, hey’adaha ammaanka dowladda federaalka, K/Galbeed iyo musharaxiinta dooneysa inay u tartamaan kuraasta xildhibaanada ee laga soo doorto deegaanadaas.

Koonfur Galbeed ayaa go’aankaan ku macneysay mid looga hor tegayo qalqal gelin amni oo laga abuuro magaalooyinka Baydhaba iyo Baraawe, inta ay ka socoto doorashada xildhibaanada golaha shacabka.

“Wasaaradda amniga Koonfur Galbeed waxay u cadeyneysaa musharaxiinta dooneysa inay u tartamaan kuraasta golaha shacabka inay sugi-doonto ammaankooda, si lamid ah sidii ammaankooda loo sugay musharaxiintii hore, hey’adaha amniga waxaa la farayaa inay fuliyaan amarkaan,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaarada amniga K/Galbeed.

Amarkaan ayaa ku soo aaday xilli maanta guddoomiye ku xigeenkii hore ee golaha shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudey loo diiday inuu ka dego magaalada Baraawe oo laga soo doorto kursiga HOP#145 oo horay uu isagu ugu fadhiyey.

Wararka qaar ayaa sheegaya in tallabada looga hor istaagay Muudey inuu tago Baraawe uu ka dambeeyo La-Taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasiin, oo la sheegay inuu damac uga jiro booska uu ku fadhiyo Muudey ee guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha shacabka.

Hoos ka daawo amarka K/Galbeed

https://youtu.be/CvGX7VQXdbI?t=1

Video: Muudey oo ka hadlay xayiraaddii lagu sameeyey iyo cidda ka dambeysay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo maanta goor sii horeysay laga hor istaagay in uu ka duulo magaalada Muqdisho, ayaa la hadlay warbaahinta.

Cabdiweli Muudey ayaa sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu ka dambeeyay tallaabadii looga hor istaagay in uu tago magaalada Baraawe oo ah deegaan doorashada labaad ee maamulkaas.

“Safar ayaa ahaa maanta waxaa u socday Baraawe, oo u aadayay kursigii yaalay oo u tartamo, waxaa diyaaradii lagu amray inaysan i qaadi karin. Waxaa lagu yiri ninkaas lama keeni karo, oo asaga ayaa la ogoleyn,” ayuu yiri.

“Markaa weydiiyay qoladii shirkada diyaaradaha waxay yiraahdeen amar ayaa nala soo siiyay oo qolada maamulka Koonfur Galbeed ayaa amar nasoo siiyay, qolada Aviation-ka Baraawe waxay ku dhaheen haddii amar la’aan soo qaadan diyaarada waa soo ridayna ayey dhaheen, waa arrin yaab leh.”

Waxa uu intaas kusii daray in sababta u weyn ee looga hor istaagay in uu tago Baraawe ay tahay inuusan u tartamin kursiga uu fadhiyo hadda ee sumadiisu tahay HOP#145.

Muudey ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in qof gaar ah loo wado kursigaas, isaga oo ka gaabsaday in uu si toos ah u weeraro La-Taliyaha Amnigaa Qaranka Fahad Yaasiin, oo sida la fahamsan yahay ka dambeeyay tallaabada lagu celiyay maanta.

“Waxaa u sheegaya Umadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka intaba in uu maanta xad-gudubkaas igu dhacay, sababta loo diidan yahay in aan meesha tago waa in aan u tartamo kursiga, waxa iska leh kursigaas qabiil ee qof iskama laha, markaa in la yiraahdo adiga ma tartami kartid arinta isaga ah waa la ogyahay dadka ka dambeeya, la iskagama hari doonana.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in uusan marnaba aheyn nin loo hanjabi karo, uuan ka hadheyn xuquuqdiisa, islamarkaana waxa dhacay maanta la iskula xisaabtami doono.

Kursiga laga hor istaagay Muudey in uu utartamo ayaa waxaa si gaar ah loogu xiray Maxamed-weli Cabdullaahi Sheekh oo reer Australia, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Hoos ka daawo Muudey

Sawirro: Kulane Jiis iyo CC Shakuur oo maanta la siiyey shahaadada musharaxnimo

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga Doorashada Galmudug ayaa maanta shahaadada musharaxnimo guddoon siiyey Cabdullaahi Aadan Kulane oo ka tirsan Hey’adda Nabad-Sugidda Qaranka sidoo kalana kamid ah saraakiishii lagu eedeeyey dilka Ikraan Tahliil.

Cabdullaahi Kulane oo u sharaxan kursiga HOP#040 ayaa waxaa la tartamayo Xasan Cabdi Jaamac oo la rumeysan yahay inuu yahay musharax malxiis ah, ayada oo la filayo inuu Kulane si fudud ku qaato kursiga.

Sidoo kale, guddiga ayaa shahaadada musharaxnimada siiyey siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah musharixiinta sanadkaan u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Cabdiraxmaan oo raadinayo Kursiga HOP#138 ayaa waxaa booskaas kula tartameysa Naciimo Xuseen Cali oo iyadana la rumeysan yahay inay tahay malxiis, ayada oo la filayo inuu Cabdiraxmaan si fudud ku qaato kursiga..

Dhanka kale, waxaa shahaadada musharaxnimada la siiyey Faarax Cabdi Diini oo kamid ah wasiirada Galmudug kaasoo u taagan Kursiga HOP#007.

Doorashada kuraastaan ayaa la filayaa inay Magaalada Dhuusamareeb ka dhacdo Maalinta Berri, waxaana lasii saadaalinayaa inay kusoo bixi doonaan:

1- Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
2- Cabdullaahi Aadan Kulane
3- Faarax Cabdi Diini

Cabdullaahi Kulane oo u tartamaya kursi beeshiisa ee HOP#40 ayaa loo xiray kursiga, waxaana la hubaa inuu soo qaadanayo, halka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo u tartamaya kursiga beeshiisa ee HOP#138 la isku dayayey in la hor-istaago, balse lagu fashilmay.

Sida aan xogta ku helnay, Villa Somalia ayaa waday dadaal xooggan oo kursiga looga dhigayo mid loo qoondeeyo haween, si meesha looga saaro Cabdiraxmaan Cabdishakuur, balse waxaa hadda muuqata inuu qorshahaas fashilmay.

Cabdiweli Muudey oo lagu celiyay garoonka Muqdisho iyo cidda ka dambeysa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa goordhoweyd loo diiday in uu ka duulo garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Muudey ayaa kusii jeeday magaalada Baraawe ee maamulka Koonfur Galbeed, si uu ugu tartamo kursiga uu ku fadhiyo ee sumadiisu tahay HOP#145.

Diyaarad ka qaadi laheyd guddoomiye ku-xigeenka 1-aad garoonka Muqdisho ayaa lagu amray inaysan ka bixi karin, waxaana lasoo warinaya in weli ku sugan yihiin Muudey iyo Ciidamo Ilaalo u ah qeybta VIP-da ee garoonka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in tallabada looga hor istaagay Muudey in uu ka dhoofo Muqdisho uu ka dambeeyo La-Taliyaha Amnigaa Qaranka Fahad Yaasiin, oo lasoo warinayo in uu hunguriyeynayo booska uu ku fadhiyo Muudey ee Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha shacabka.

Kursiga uu ku fadhiyo Muudey ee HOP#145 ayaa waxaa si gaar ah loogu xiray Maxamed-weli Cabdullaahi Sheekh oo reer Australia.

Fahad Yaasiin oo saaxiib dhow la ah Farmaajo, sidoo kale ay isku hayb yihiin Muudey ayaa waxa uu gacanta ku hayaa maamulka kursiga uu dhaafiyay guddoomiye ku-xigeenka 1-aad, si uusan culeys u wajahin rabitaanka Fahad.

Tan iyo markii ay bilaabatay doorashada Golaha Shacabka ayaa waxa socday qorshe ujeedkiisu yahay in doorashada Golaha Shacabka lagu soo saaro saraakiil ka tirsan NISA, si ay ku helaan xasaanad, kaasi oo uu qeyb ka yahay Fahad Yaasiin.

Taliyaha ku-meel gaarka ah ee NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey ayaa horey xulafada Farmaajo iyo Fahad ugu guuleysteen inay u boobaan kursiga HOP#067, arrintaasi oo mar dhalisay xaalada hubanti la’aan ah.

Xulafada Farmaajo iyo Fahad ayaa isku-dey kasta u sameynay sidii ay u xaqiijin lahaayeen rabitaankooda ku aadan doorashada, gaar ahaan xildhibaanada loogu raadinayo xasaanad oo ugu horeeyo Fahad, oo asagu gadaal iska mariyay liiska xulafada.

Magacyada siyaasiyiinta caanka ah ee ku fadhiya 13-ka kursi ee doorashadooda la shaaciyey ee Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddiga Doorasada HirShabelle ayaa soo saray liiska kuraasta 13 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka, kuwaas oo lagu dooranayo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Kuraasta 13-ka kursi ah ee la shaaciyay qaarkood waxaa ku jira kuwo ay ku fadhiyaan siyaasiyiin miisaan culus ku dhex leh siyaasayada Soomaaliya, waxaana jira welwel badan oo ay qabaan Musharaxiinta qaar oo ku aadan in loo boobo kuraasta shaqsiyaad gaar ah oo la wato.

Kuraastan waxaa hore ugu fadhiyey xubno ka mida Golaha wasirada xukuumadda xil-garsiinta, iyo wasiiro hore, waxaana xiiso leh inuu ku jiro kursiga isha lagu wada hayo ee uu doonayo inuu soo qaato Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo uu hadda ku fadhiyo Xildhibaan Faarax Sheekh Cabduqaadir.

Xildhibaannada ku fadhiye kuraasta la shaaciyey in doorashadooda ka dhaceyso Beledweyne ayaa la filayaa inaysan intooda badan soo laaban, waxayna kala yihiin:

HOP#003: Waxa ku fadhiyey Maxamed Cabdiraxmaan Sheekh Beenebeene.
HOP#006: waxaa ku fadhiyey Baarlamaanka 10-aad Maxamed Cabdullaahi Axmed
HOP#008: Waxaa xilligan ku fadhiyey Dr Xuseen Cabdi Cilmi
HOP#015: waxaa ku fadhiyey Baarlamaanka 10-aad Xiis Xasan Aadan
HOP#022: Waxaa ku fadhiyey Cismaan Maxamed Cabdi (Daallo)
HOP#031: waxaa ku fadhiyey Baarlamaanka 10-aad Yuusuf Xuseen Axmed
HOP#032: waxaa ku fadhiyey Baarlamaanka 10-aad Khaliif Cabdi Cumar
HOP#068: waxaa ku fadhiyey Baarlamaankii 10-aad Faadumo Faarax Ibraahim
HOP#074: waxaa ku fadhiyey 10-aad Cabdullaahi Colaad Rooble
HOP#086: Waxaa ku fadhiyey Faarax Sheekh Cabduqaadir
HOP#109: waxaa ku fadhiyey Baarlamaanka 10-aad Cabdifitaax Qaasim Maxamuud
HOP#252: Waxaa hadda ku fadhiya Cabdicasiis Saalax Carmaan
HOP#274: waxaa ku fadhiyey Baarlamaankii 10-aad Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux.

Maamulka HirShabeelle ayaa noqonaya maamulkii labaad ee shaaciya doorashada kuraasta taala deegaan doorashada labaad ee doorashooyinka Golaha Shacabka, waxaana maamulkii ugu horeeyay noqday Koonfur Galbeed oo Baraawe ku qabatay doorashada13 kursi, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda la qabto doorashada 13-ka kursi ay shaaciyeen guddiga doorashada HirShabelle.

Maxaa sababay dagaalka ciidamada CC SAHKUUR iyo Kulane ee Dhuusamareeb?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhexeeyey ciidamo kala taabacsan musharrixiinta Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Cabdullaahi Aadan Kulane oo ku sugan Dhuusamareeb.

Iska hor imaadka oo xalay ka dhacay gudaha magaalada ayaa waxaa ka hadashay dowlad goboleedka Galmudug oo digniin culus u dirtay musharixiinta ciidamada la tegay halkaasi.

Taliyaha saldhigga booliska Dhuusamareeb, Gaashaanle Maxamed Aadan Warsame oo la hadlay wariyeyaasha ayaa ka hadlay is-rasaaseynta dhex-martay labada dhinac, inkastoo uusan shaacin khasaaraha ka dhashay, balse wuxuu tilmaamay in la xiray askarta dirirtay

Gaashaanle Maxamed Aadan Warsame ayaa sidoo kale xusay in dagaalka uu ka billowday tuhun la xiriira Telefoono la dhacay, balse si dhaqso ah loo xalliyey.

“Saraakiisha ciidamada khilaafku dhex maray ayaa kala dhexgalay ciidamada ka wada tirsan dowladda ee shaqaaqada dhexmartay, waxaana lagu xirey saldhigga booliska askarta bilaabay fowdada,”ayuu yiri taliyaha saldhigga booliska ee magaalada Dhuusamareeb.

Ugu dambeyn wuxuu digniin adag u diray musharixiinta ciidamada la tegay caasimada Galmudugm wuxuuna la tilmaamay in aan la aqbali doonin falkasta oo dhaawacya amniga.

Si kastaba Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u tartamaya kursiga HOP#138, halka  Cabdullaahi Aadan Kulane  loo xiray kursiga HOP#40. labadaan kursi ayaa waxaa doorashadooda la qaban doonaan 14-ka bishan Febraayo oo ku beegan Isniinta.

Sawirro: Dowladda Qatar oo laba arrin u ballan-qaaday DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Qatar u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Xasan bin Xamsa Hashem, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo dhowr ah.

Labada mas’uul ayaa kulankooda diiradda ku saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Qatar, sida uu shaaciyey Gadiidka iyo Duulista Hawada.

“Waxaan kawada hadalnay iskaashiga labada dal iyo sidii loosii xoojin lahaa,” ayuu yiri Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu safiirka u ballan qaaday in Qatar ay ka qeyb qaadan doonto horumarinta garoomada iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

“Dhinaca duulimaadyada waxaan isla qaadanay horumarinta garoomada dalka iyo kor u qaadida kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya,” ayuu sii raaciyey Wasiir Duraan.

Ugu dambeyn Duraan Axmed Faarax  ayaa uga mahad-celiyey dowladda Qatar taageerada ay mar weliba la garan taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Qatar ayaa 5-tii sano lasoo dhaafay garab taagneyd dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxayna dalka ka fulisay mashaariicyo kala duwan.

Si kastaba, ballan-qaadkan cusub oo ay Qatar u sameysay dowladda federaalka ayaa kusoo aadaya, xilli haatan Soomaaliya ay ku jirto marxalad doorasho iyo waqti kala guur ah.

Digniin laga soo saaray nabadoon la sheegay inuu u xareysan yahay Fahad Yaasiin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha iyo nabadoonnada beesha reer Aw-Xasan ayaa digniin kasoo saaray Nabadoon beeshaas ka tirsan oo u xareysay Fahad Yaasiin oo hadda u sharxan kursiga xildhibaan ee beeshaasa.

Qoraal ay soo saareen 10 odayaal iyo Nabaddoon isugu jira ayay cabasho uga muujiyeen kursiga HOP086 ee yaalla magaalada Beledweyne, waxayna caddeeyeen in Maxamed Xuseen Axmed aanu ahayn Suldaan, Nabadoon ama Ugaas qabiil oo la doortey, balse uu ahaa wakiil saxiixe doorashadii 2016.

Odayaasha ayaa Nabaddoon Maxamed Xuseen Axmed ayey ku eedeeyeen inuu ku kacay arrimo ay ka mid yihiin:

1- Isagoo ahaa wakill saxiixihii doorashadil 2016, uuna hadda ku nool yahay goob qarsoon oon la garanaynin, isla markaana dilday codsiyo badan oo uga yimid odayaasha dhaqanka inuu la kulmo ama ka soo qaybgalo shirarkooda si looga tashado arimaha kursiga HOP086

2- Inuu muddo 6 bilood ah u xareysan yahay murashax ka mid ah musharixiinta u taagan kursigaas (Fahad Yaasiin), si uu ugu qoro ergo isaga u gaar ah oo aan lagala tashan Odayaasha Dhaqanka Beesha iyo Jifooyinka kursiga wada leh.

3- Shirar isdaba joog ah oo ay yeesheen Odayaasha Dhaqanka ee Beesha waxaa u soo baxday in Maxamed Xuseen Axmed aan lagu aamini Karin masiirka beesha, madaama uu isaga doortay in uu isu dhlibo hal musharax, xaqna uusan ulahayn Inuu qaado tallaabo uusan fasax uga haysan Golaha Dhaqanka ee beesha, isla markaana uusan dhexdhexaad ka abayn xulidda ergada kursiga Hop086, sidoo kale uu u gacan galay hal musharrax oo rabo in asaga kursiga loo xiro cid kalana aynan kula tartamin.

4 – Odoyaasha Dhaqanka Reer Ow Xasan waxaa ka go’an in si waafaqsan habraaca Doorashada dalka loo madax baneeyo Hoggaanka Dhaqanka ee Beesha Reer Ow Xasan soo xulidda 5 ta xubnood ee Guddiga Farsamada, sidaasna ay 5 taas xubnood kusoo xulaan ergada 101da ah iyadoo laga talogalinaayo Odoyaasha Dhaqanka lyo guud ahaan xubnaha beesha.

Odayaasha waxay waxay Guddiga Doorashada ee heer Federaal FEIT, Guddiga Doorashada ee Dowlad goboleedka Hirshabeelle SEIT iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada, ka codsadeen inay gacan nalagu siiyaan ka hortagga boobka abaabulan ee baalmarsan habraacyada doorashada dalka ee lala maagan yahay masiirka kursiga HOP086

1- Nabadoon Axmed Muxumed Xaaji Maxamuud
2- Nabadoon Xasan Cumar Abuukar
3- Nabadoon Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Khalilf
4- Suldaan Sheekh Ibraahim Sheekh Cabduqaadir Sheekh Cabdulle
5- Nabadoon Amiin Sheekh Cabdullaahl Sheekh C/deer
6- Nabadoon Sh. Maxamed Cabdullaahi Goosaar
7- Nabadoon Raage Sheekh Cumardaahir Sheekh Cabdullaahi
8- Nabadoon Sheekh Cumar Caagane Xaaji Cabdisamad
9- Nabadoon Xaaji Maxamed Axmed Xaamud
10 -Sheekh Cismaan Macallin Cabdullaahi Cali

Abwaan Cabdikariin Jiir oo ku geeriyooday Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ku geeriyooday Abwaankii Soomaaliyeed, Cabdikariin Faarax Qaarey (Jiir) oo maalmahan dambe ku xanuunsanaa caasimada.

Geerida ku timid marxuumka ayaa waxaa xaqiijiyey qaar ka mid ah ehelladiisa iyo bahda Fanka, wuxuuna ku dhintay Isbitaalka Erdogan oo horey loo oran jiray Digfeer.

Cabdikariin Jiir ayaa waxaa uu ahaa Odey Soomaaliyeed iyo Mulaxamiiste cajiib ah, waxaana ka mid ah Heesaha uu laxanka saaray heesta Beledweyn ee Samatar qaado.

Sidoo kale wuxuu kaalin weyn kasoo qaatay Fankii Bariisamaadka, gaar ahaan xilligii uu dhisnaa Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda ayaa ka hadlay geerida ku timid marxuumka, waxayna tacsi u direen ehelladiisa iyo guud ahaan bahda Fanka.

Wasaaradda warfaafinta oo qoraal soo saartay ayaa sidoo kale Abwaanka Alle uga bariday inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowsa.

“Wasiirka, wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa ka tacsiyeeyay geerida Marxuumka iyagoo allaah uga baryay inuu naxariistiisa ku daboolo,” ayaa lagu yiri qoraal tacsi ah oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinrta Soomaaliya.

Alle ha u naxariistee, Abwaan Cabdikariin Jiir wuxuu sannadkii 1943-dii ku dhashay magaallo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug.

Mareykanka oo markale digniin culus u diray Ruushka

Washington (Caasimada Online) – Aqalka Cad ayaa sheegay, in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu Sabtidii shalay u sheegay dhiggiisa Russia Vladimir Putin in duullaan uu Ruushku ku qaado Ukraine uu sababi doono “Dhibaato baahsan oo soo gaarto aadanaha”.

Biden ayaa sidoo kale Putin u sheegay in Galbeedka ay ka go’antahay in xasaraddan lagu dhammeeyo dariiqa diblomaasiyadda, laakin si taasi la mid ah ay ugu diyaar garoobeen xaaladaha kale.

Aqalka Cad ma bixin faahfaahin ku aadan, in wadahadalkiui khadka telefoonka ku dhexmaray shalay Biden iyo Putin ee qaatay muddada saacadda aheyd uu hoos u dhigi karo halista dagaal ay suurtagal tahay inuu ka qarxo Yurub.

Madaxweyne Biden ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanka iyo xulufadiisa ay jawaab deg deg ah oo kama danbeys ah bixin doonaan isla markaana cuna-qabateyn adag oo cawaaqib xumi ka dhalan doono kusoo rogi doonaan, haddii ay Moscow ka dhabeyso weerarka ay rabto in ay ku qaaddo dalka deriska la ah ee Ukraine.

Dhanka kalana, in ka badan 10 waddan ayaa ugu ugu baaqay muwaadiniinta ka joogta Ukraine, in ay si deg deg ah uga baxaan, sababo la xiriira suurtagalnimada dagaal daqiiqad walba ka billaaban kara Ukraine.

Dalalkaasi waxaa ka mid ah Mareykanka, Canada, Ingiriiska, Jarmalka, Australia, Japan, Netherlands, Talyaaniga iyo Israel.

Maamul goboleedkii 2-aad oo shaaciyey KURAASTA degaan doorashada 2-aad

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka HirShabelle ayaa noqotay maamul goboleedkii labaad ee ku dhowaaqa kuraasta deegaan doorashada labaad ee Golaha Shacabka, si loo dhaqan-geliyo heshiiskii doorashooyinka dalka ee horay lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Guddiga SIET ee HirShabelle ayaa soo saaray liiska 13 kursi oo ka mid ah kuraasta taalla gudaha magaalada Beledweyne, kadib markii uu magaaladaasi tegay madaxweyne Cali Guudlaawe oo is-afgarad la gaaray reer Hiiraan oo tabasho xoogan ka qabay maamulkiisa.

Kuraasta 13-ka kursi ah ee la shaaciyay qaarkood waxaa ku jira kuwo ay ku fadhiyaan siyaasiyiin miisaan culus ku dhex leh siyaasayada Soomaaliya, waxaana jira welwel badan oo ay qabaan Musharaxiinta qaar oo ku aadan in loo boobo kuraasta shaqsiyaad gaar ah oo la wato.

Kuraasta doorashadooda la shaaciyey oo la qaban doono maalmaha soo socda ayaa waxa ay kala yihiin:- Hop#003, Hop#006, Hop#008, Hop#015, Hop#022, Hop#031, Hop#032, Hop#068, Hop#074, Hop#086, Hop#109, Hop#252 iyo Hop#274.

Maamulka HirShabeelle ayaa noqonaya maamulkii labaad ee shaaciya doorashada kuraasta taala deegaan doorashada labaad ee doorashooyinka Golaha Shacabka, waxaana maamulkii ugu horeeyay noqday Koonfur Galbeed oo Baraawe ku qabatay doorashada13 kursi, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda la qabto doorashada 13-ka kursi ay shaaciyeen guddiga doorashada HirShabeelle.

 

Ciidanka Kenya oo qarax culus lagula beegsaday LAMU

0

Nairobi (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya lagula eegtay gobolka Xeebta Laamu ee dalkaasi.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo ay la socdeen ciidamada Kenya, xilli ay ku socdaalayeen halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka, kadib ay rasaas fureen ciidmada Kenya ee la qarxiyey.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Kenya ayaa xaqiijiyey jiritaanka weerarkaasi, waxayna shaaciyeen in ciidamadu ay sameeyeen iska caabin xoogan, kadib qaraxa lalal beegsaday.

Sidoo kale ciidmada Kenya ayaa sameeyey qaraxa, kadib howlgal ay ku baadi goobayaan kooxihii ka dambeeyey weerarkaasi oo meesha ka baxsaday.

Al-Shabaab oo dhankeeda guulo ka sheegatay weerarkan waxa ay shaacisay in halkaasi ay ku dileen ugu yaraan 15 askari oo ka tirsanaa ciidamada Kenya, sidoo kalena ay gubeen baabuur ka mid ah kolonyada ay wateen.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gudaha Kenya, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa ciidamada dalkaasi.

Shaqaale ka tirsan QM oo lagu afduubtay YEMEN

Caden (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in shan ka mid ah shaqaalaheeda Jicmihii lagu afduubtay koofurta Yemen, xilli ay kusii jeedeen Caden.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo Russel Geekie ayaa sheegay in howlwadeenadooda lagu afduubay gobolka Abyan ee waddankaasi.

Russel Geekie ayaa sidoo kale tilmaamay in ay hadda ku rajo weyn yihiin in maamulka aaggaasi ka taliya ay xorriyadooda dib u soo celiyaan saraakiisha Qaramada Midoobay.

Dhanka kalana, diyaaradaha dagaalka Mareykanka nuuca F-22 ayaa shalay gaaray saldhig militari oo ku yaalla dalka Isutagga Imaaraadka Carabka, kaddib marki uu Imaaraadka duqeymo aanan horay loo arag kala kulmay dagaalyahannada Xuutiyiinta ee dalka Yemen.

Imaaraadka ayaa kaalin muuqata ka ciyaara dagaalka lagu hoobtay ee sanadihi dhawaa ka socday dalka Yemen, isaga oo qeyb ka ah dowladaha Carbeed ee la dagaallamaya jabhadda Xuutiyiinta ee taageerada ka hesha Iran.

Yemen ayaa waxaa sanadihii u dambeeyey ka socday dagaallo culus oo u dhexeeya kooxda Xuutiyiinta iyo dowladda Yemen oo garab ka heleysa isbaheysiga uu horkacyo Sacuudiga.

Dagaallada ayaa sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogan oo Yemen dib u dhigay, tan iyo markii ay Xuutiyiinta isku ballaariyeen qaybo badan oo ka mid ah dalkaasi.

QOOR QOOR oo soo saaray liiska musharaxiin cusub

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa caawa soo saaray liiska musharixiinta u tartamaya kursiga u dambeeya doorashada golaha Aqalka Sare ee BFS.

Kursigaan oo horay loo doortay waxaa 18-kii bishii November iska casilay Senator Yuusuf Dhegey oo hadda ah Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.

Farxaan Cali Maxamuud iyo Naciima Yuusuf Maxamed ayaa lagu shaaciyey warqad ka soo baxday xafiiska Qoor Qoor inay ku tartami doonaan kuriga Aqalka Sare ee beesha Duduble, Farxaan waa wasiirka Maaliyadda Galmudug, waxana la sheegay in Qoor Qoor uu asaga la rabo kursigaas.

12-kii bishii Agoosto 2021 ayaa Yuusuf Geelle Ugaas (Yuusuf Dhegey) loo doortay kursigaan, balse 18-kii November ayuu iska casilay.

Yuusuf Dhegey ayaa xilligaas shaaciyey in sababta uu isku casilay ay tahay in cidiisa uu ka dhex sameeyo siyaasad caafimaad qabta, balse mar kale ayuu soo qaatay kursiga isla beesha ee golaha shacabka.

Waa kursigii u dambeeyey ee doorashada golaha Aqalka Sare ee dalka, waxaana horay loo doortay dhamaan kuraasta kale ee Aqalka Sare, dhawaan waxaa lagu wadaa in guddiga doorashada Galmudug uu soo saaro jadwalka doorashada kursigaas.