26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Daawo: Qorshe ay degeen Qoor Qoor, Kheyre, Dhegey iyo Dhegdheer oo la shaaciyey

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Luul Maxamed Sheekh oo aheyd musharax xildhibaan, balse ka soo quusatay inay tartanto ayaa eedeymo culus u soo jeedisay madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor, Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo xubnaha kala ah Dhegey iyo Dhegdheer oo sanadkaan mar kale ku guuleystay inay ka mid noqdaan baarlamaanka 11-aad.

Luul oo waqti badan ku bixisay inay u tartanto kursiga beesheeda ayaa sheegtay in hadda ay isaga soo tagtay Dhuusamareeb, kadib markii ay ogaatay in Kheyre iyo Qoor Qoor ay soo qorteen liiska dhamaan xubnaha ay siinayaan kuraasta baarlamaanka ee taalla deegaanada Galmudug.

Sidoo kale Luul ayaa cadeysay in mar hore la xushay dadkaas oo hadda waxa ka socda Galmudug aysan doorasho aheyn, iyadoo tiri, “Waxa Galmudug ka socda waxaa Aabe u ah Qoor Qoor, hooyana waxaa u ah Xasan Cali Kheyre, Abaayo iyo Aboowana waxaa u kala ah Dheg-Dheer iyo Dhagey.”

Waxay sheegtay in afartaas nin ay go’aan ka wada gaaraan xulasho ay sheegtay in Galmudug ay ka socoto, sidoo kale waxay xubnahaas ku eedeysay in qoondada dumarka aysan ogoleyn.

“Axmed Qoor Qoor xaq kuma shaqeyn, inta dhimana xaq laga sugi maayo, aniga afkiisa ayuu igu yiri doorashadaas waa mid dadban, ninkii aan doono Tuur ayaan u yeelaa, kaan rabana lugtiisa ayaan gacan uga dhigaa, sida aan rabo ayeyna ku dhamaneysaa,” ayey tiri Luul Maxamed Sheekh.

Hadda waxay sheegtay inay go’aansatay inay ka soo laabato Dhuusamareeb, iyadoo aan tartamin, kadib markii sida ay sheegtay loo cadeeyey in aysan tartami karin.

“Qoor Qoor doorasho xalaal ah meesha kuma hayo, qabiil kasta kuraastiisa waxaa go’aan ka gaaraya Dhegey iyo Dhegdheer, Kheyrana gadaal ayuu ka fadhiyaa, qof kasta oo kursiga ka daananaya Galmudug, mindidii caloosha laga gelin lahaa horay ha u qaato,” ayey hadalkeeda ku sii dartay Luul Maxamed Sheekh.

Waxay sheegtay in Xasan Cali Kheyre uu dhibaato badan ku hayo Galmudug iyo beeshiisa Murusade, iyadoo balan qaaday in si goos goos ah ay u soo bandhigi doonto dhibaatooyinkaas.

Hoos ka daawo

Askari si jees-jees ah u dilay maamo da’ ah kadibna diiday in la bad-baadiyo (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ku dilay Hooyo Khadiijo Maxamed Nuur oo aheyd haweeney da’ah.

Askariga ayaa haweeneydaan dilay waaberigii hore ee Jimcihii saakay, isagoo diiday in loo qaado goob caafimaad, taas oo keentay in dhiig-bax ay ugu geeriyooto goobta.

Haweeneyda la dilay oo da’deeda lagu sheegay 50 jir ayaa maqaaxi ku laheyd deegaanka Ceelasha Biyaha, iyadoo gacanta ku heysay nolosha afar caruur ah oo waxbarata iyo waalidiinteed oo da’ ah.

Ehellada Maamo Khadiijo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in askari ka mid ah ciidan aad u hubeysan oo gaadiid Beebayaal ah wata oo ka yimid dhanka magaalada Muqdisho una socday dhanka Afgooye uu dilay haweeneydaas.

Sidoo kale ehellada oo tilmaan ka bixiyey ciidankaas ayaa shaaciyey in ciidankaas laga kaxeeyey xerada Nacnac oo ku taalla degmada Wadajir, isla markaana ay u gudbeen dhanka degmada Afgooye.

Waxay sheegeen in askarigaas uu si jees-jees ah u dilay Maamo Khadiijo Maxamed oo u soo kalahday inay shidato maqaayadeeda, inta aan laga soo bixin salaadii subax ee Jimcihii maanta.

Ugu dambeyntii ehelladu waxay dowladda ka dalbadeen inay u cadaalad fasho oo loo soo qabto askarigii dilay Khadiijo Maxamed ee hadana dadkii goobta ka ag dhawaa u diiday inay u qaadaan goob caafimaad, si nolosheeda loo badbaadiyo.

Hoos ka daawo

 

Gudoomiye caawa lagu dilay Baydhaba iyo wasiir ka tirsan K/Galbeed oo la weeraray

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Baydhaba ee gobolka Bay waxay sheegayaan in caawa la weeraray guriga wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi, sidoo kalena la dilay guddomiyihii xaafadda Daaru-Salaam ee magaalada Baydhaba.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah koox ku gubeysan bastoolado ayaa dishay nin dhalinyaro ah oo magaciisa lagu soo koobay Cabdirisaaq, kaas oo guddoomiye ka ahaa xaafadda Saaru-Salaam oo ka mid ah xaafadaha magaalada Baydhaba.

Dhanka kale weerar loo adeegsaday bambo gacmeed ayaa isla caawa lagu qaaday guriga uu magaaladaas ka degan yahay wasiirka arrumaha gudaha Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi.

Ilaa hadda mid jirto cid soo werisay wax khasaare ah oo ka dhashay bamboo-gacmeedkaas lagu weeraray guriga wasiirka arrimaha gudaha Koonfur Galbeed, hase yeeshee waxaa naloo xaqiijiyey in wasiirka aysan waxaba soo gaarin.

Sawirro laga soo qaaday halka ay guriga kaga dhaceen bambaanooyinkaas ayaa muujinaya burbur xoog leh oo ka dhashay weerarkaas.

Xaafad lagu magacaabo Lugabaxdi oo ka mid ah xaafadaha magaalada Baydhaba ayuu ku yaalla guriga wasiirka ee caawa lagu weeraray bambooyinka gacanta laga tuuro.

Dadka ka agdhow goobta waxay noo sheegeen in kooxdii weerarkaas fulisay ay goobta isaga baxsatay, waxaana caawa xaafadaas iyo xaafadaha kale ee ka agdhow ka socda baaritaano ay sameynayaan ciidamada ammaanka.

Hoos ka eeg sawirada guriga la weeraray

 

Liiska kuraas cusub oo la shaaciyay doorashadooda + Xubnaha hadda ku fadhiya

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa maanta shaaciyay jadwalka 13 kursi oo doorashadooda lagu qabanayo magaalada Baraawe oo ah deegaan doorashada labaad ee maamulkaas.

Kuraasta ay doorashadooda ka dhaceyso Baraawe waxaa horay ugu fadhiyey xildhibanada kala ah:

1- HOP#165 Saalim Caliyow Ibrow
2- HOP#044 Safiyo Xasan Nuur
3- HOP#161 Sayid-Cali Cabdulqaadir Macalin
4- HOP#152 Cabdullahi Cumar Abshir
5- HOP#016 Aamino Sheekh Cusmaan
6- HOP#151 Cabdullahi Xuseen Cali
7- HOP#153 Cabdullabhi Sheekh ISmaaciil
8- HOP#173 Cusmaan Xaaji Cali
9- HOP#150 Xasan Cusmaan Xuseen Roryooley
10- HOP#155 Jawaahir Cadaawe Cabdi
11- HOP#080 Maxamed Cumar Dalxa
12- HOP#250 Maxamed Saciid Cabdullahi
13- HOP#160 Nuur Siidow Baaba.

Doorashada 13-ka Kursi ayaa sida uu shaaciyay guddiga doorashada Koonfur Galbeed kala qabsoomi doonta maalmaha Arbacada oo la dooranyo 7 kursi iyo Khamiista oo la dooranayo 6 kursi.

Guddiga ayaa sheegay in maalinta Axada ay bilaaban doonto tababarka guddiyada, soo gudbinta ergooyinka iyo tababarida ergooyinka, ayada oo maalinta Salaasada ee 8-da bishaan ay guda-gali doonaan qabashada araajida, diiwaan gelinta iyo lacag shubista musharaxiinta.

Doorashada Golaha Shacabka ee dalka ayaa dardar ku socota sida uu sheegay guddiga doorashooyinka heer federaal, waxaana qorshuhu yahay in doorashadaan la soo gaba-gabeeyo 25-ka bishaan, oo hore u go’aamiyeen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay guddiga

Qarax ka dhacay duleedka Kismaayo iyo shacab badan oo ku dhintay (Warbixin)

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in duleedka magaaladaas miino kula qaraxday gaari ay saarnaayeen dad shacab ah.

Gaariga oo ahaa nooca Caasiga ah ayaa miinada nooca dhulka ah qabsatay xilli uu marayay degaanka Gaabo-gabdhoole ee ku dhow degaanka Cabdi dhoore ee duleedka magaalada Kismaayo.

Sida ay Caasimada Online u sheegen dad deeganka ah, inta badan dadkii saarna gaariga ayaa ku dhintay qaraxaasi miino, ayada oo kuwa kalena uu soo gaaray dhaawac culus, kuwaasi oo loo qaaday caasimada maamulka.

Saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Jubbaland ayaa qaraxa miino ee haleelay gaariga ay saarnaayeen dadka shacabka ku eedeeyay inay ka dambeeyay ururka Al-Shabaab, oo ay sheegen inay miinada halkaas ku aaseen.

Ma aha markii u horeysay ee gaari shacab ay miino kula qaraxdo deegaanada u dhow magaalada Kismaayo, ayada oo dabayaaqadii sanadkii dhamaaday ay sidan oo kale gaari ay saarnayeen dad shacab ah miino la kacday, kaasi oo ay ugu yaraan 4 qof oo ka mid ahaa dadkii la socday gaariga ayaa ku dhintay, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale.

Si kastaba, wadooyinkii ku yaala degaanada hoostaga magaalada Kismaayo ayaa inta badan waxay kooxda Al-Shabaab qaraxyo kula eegata Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee AMISOM iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland.

Sawirro: Farmaajo oo gaaray Ethiopia iyo ujeedka safarkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Farmaajo iyo Wafdigiisa ayaa waxaa soo dhaweyn halkaas ugu sameeyey Wasiiro kala duwan oo ka tirsan Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed iyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya Danjire Abdilahi Ahmed Jamac.

Sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay madaxtooyada, Farmaajo ayaa halkaas uga qayb galaya meertada 35-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika, ee sanadkiiba mar la qabto.

Shirweynahan oo ay ka qayb-galayaan Hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa looga arrinsanayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 iyo wax ka qabashada caqabaha kala duwan ee ay Qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada, cunno yarida iyo cudurka COVID-19.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday iyo Wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka Qaaradda Afrika iyo dadaalada Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada, ka soo kabashada saamaynta COVID-19, wax ka qabashada fatahaadaha, ka gaashaamashada abaaraha iyo la dagaallanka ayaxa, kuwaas oo qeyb ka ah khataro ay wajahayso Qaaradda Afrika.

Wafdiga uu horkacayo Farmaajo ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa waxay kulan doceedyo la yeelan doonaan Hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo madaxda kale ee ka soo qayb-galaysa Shirweynahan Midowga Afrika.

Shirkan ayaa la rumeysan yahay inuu yahay kii ugu dambeeyey ee uu Farmaajo ka qeyb-galo haddii aan dib loo dooran, ayada oo Soomaaliya la filayo inay sanadkan yeelato madaxweyne cusub.

Qabashada shirkan ayaa muhiim u ah ra’iisul wasaraaha Ethiopia iyo “walaalka” Farmaajo Abiy Ahmed, sababtoo ah waxay muujin doontaa inay xasilloonida dib ugu soo laabaneyso dalka Ethiopia oo muddo sanad iyo bar ku dhow ay ka socdaan dagaallo sokeeye.

Dhowr bilood kahor, waxaa diblomaasiyiinta Reer Galbeedka ay ka digayeen in mucaaradka Ethiopia ee Tigray ay qabsan karaan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, taasi oo keentay inay shaqaalahooda kala baxaan.

Si katsaba, xaaladda dagaal ayaa isbedeshay kadib markii ay Tigray-ga dib u gurteen kuna laabteen gobolkooda, taasi oo dolwadda nafis siiyey, islamarkaana soo afjartay cabsidii laga qabay inay la qabsado Addis Ababa.

Labo sano kadib Qoor Qoor oo u abaal guday 9 ka mid ah 11-kii xubnood ee dhistay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Labadii Bisha January laba sano kahor Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo wasiiru dowle ka ahaa xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa loo doortay hoggaanka Galmudug. Doorashada Qoor Qoor iyo dhismihiisaba waxaa si weyn ugu kala qeybsamay xildhibaanadii heer federaal ee kasoo jeeday Galmudug.

Xubnahaas waxay qaar raaceen musharixiin kale, halka qaarna ay Qoor Qoor ay dul saarteen kaarkooda, kuwaas oo sidoo kale garab buuxa ka heystay madaxtooyada Soomaaliya.

Doorashadii Galmudug ee 2020 waxay aheyd wajiyo badan. Ka sokow inuu dhacayey isbadal hoggamineed oo xagga maamulka ah. Haddana waxay dhinacyada isha ku hayeen doorashada heer Fedraal, maadaama uu maamulkaas gacanta ku hayo doorashada 37 Kursi oo kamid ah Golaha Shacabka iyo 8 Senator.

Maamulka Villa Somalia ujeedkooda wuu caddaa, waxaase xoogaana loolanka xildhibaanada kasoo jeedo deegaanka. Waxaa jiray tiro xildhibaano ah oo xoogooda isugu geeyey inay Qoor Qoor dhisaan iyaguna uu dhiso xilliga doorashada Federaalka ah.

Haddaba labadii Bishaan waxay ku aadaneyd sanad guuradii Labaad ee doorashadii Axmed Qoor Qoor, waa waqti ay dhinaca kale socoto doorashada heer Federaal.

Laba Sano kadib su’aasha la is waydiinayo waxay tahay; Qoor Qoor ma dhisay xubnihii isaga dhisay Laba Sano ka hor oo ma u abaal guday.

Waxaa shalay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug lagu doortay Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow kaas oo kusoo laabtay kursigii uu ku fadhiyey ee HOP#49. Mustaf wuxuu kamid ahaa xubnihii tiir dhexaadka u ahaa inuu Qoor Qoor madax ka noqdo Galmudug.

Mustaf wuxuu ku biiray liiska xubnihii uu Qoor Qoor dib ugu abaal guday. Siyaasadda Soomaaliya waa naadir inaad aragto qof aad dhistay oo isna berri ku dhisaya.

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas Dhagey iyo Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer waxay ahaayeen saddexda qof ee lagu tijaabinayey saaxiibtinimada sayaasadeed ee Qoor Qoor.

Saddexdan Nin iyo hoggaamiyaha Galmudug waxay macaamilayeen 20-kii sano ee lasoo dhaafay, waxay ahaayeen saddexdii siyaasi ee ugu horeysay ee bannaanka u istaagtay inay Qoor Qoor ku dhisaan xilka hoggaamiyaha Galmudug.

Maanta saddexdaba waa heleen kuraastoodii, Dhagey Geelle Aqalka Sare ayuu qaatay haddana waa iska casilay oo wuxuu qaatay kursi Golaha Shacabka ah, halka Mustaf iyo Dhagdheer ay boosaskoodii kusoo laabteen.

Inaad Saddexdaan xubnood ku aragto liiska ugu horreeya ee xildhibaanada ka imaanaya Galmudug waa xaalad u wanaagsan dariiqa siyaasiga ah ee Qoor Qoor.

Senastor Zamzam Daahir waxay kamid aheyd xubnihii xoogga badan geliyey dhismihii Qoor Qoor iyadoo weliba la xasuusto in siyaasiyiinta waaweyn ee beesheeda ay diidan yihiin ka qeybgalka dhimsha cusub ee Galmudug.

Kuma khasaarin halgankeedii oo Qoor Qoor-kii ay shalay dhistay ayaa iyadana maanta soo dhisay oo soo siiyey kursigeedii Aqalka Sare, iyadoo weliba si weyn loola dagaashan yahay.

Liiska dadka Qoor Qoor wax ka dhistay ee kuraasta soo qaatay waxaa kamid ah Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire, Xildhibaan Duniya Maxamed Cali, Xildhibaan Xuseen Iidow, Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid , Senator Cabdixakiim Macalin Axmed iyo Senator Saciid Siyaad Shirwac.

Dhammaan xubnahaan waxay kamid yihiin kuwii xoogooda isugu geeyey inuu Axmed Qoor Qoor noqdo hoggaamiyaha Galmudug, isaguna hadda dhammaantood wuxuu kasoo dhigay xildhibaano Golaha Shacabka ah iyo Senetaro.

9 kamid ah 11-kii XIldhibaan ee u istaagtay inay Qoor Qoor dhisaan ayaa dib usoo helay Kuraastoodii Aqalka Sare iyo kuwoodii Golaha Shacabka.

Inuu Qoor Qoor u abaal guday xubnihii isaga dhisay waxay hoggaamiyaha Gamudug ku sunteysaa inuu yahay nin saaxiibtinimada iyo abaalkaba ku wanaagsan xilli ay u buuxsantay Laba Sano oo uu xafiiska joogay.

Baarlamaanka Turkiga oo go’aan ka gaaray mooshin laga keenay ciidamada Turkey ee ku sugan Soomaaliya

0

Ankara (Caasimada Online) – Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa ansixiyay mooshin ogolaanaya in ciidamada Turkiga ee ku sugan Soomaaliya loo kordhiyo waqtiga ay sii joogayaan Soomaaliya.

Baarlamaanka dalkaas ayaa ansixiyey mooshinkaas oo lagu dalbanayey in ciidamada Turkiga ka joogo Soomaaliya loo ogolaado inay halkaas sii joogaan illaa 10-ka Feberaayo 2023.

Mooshinkaan ayaa waxaa baarlamaanka hor geysay madaxtooyada Turkiga oo codsatay in mudada loo kordhiyo ciidamada Turkiga ee ku sugan Gacanka Cadmeed, badda iyo xeebaha Soomaaliya.

Waqtiga ay ciidamada Turkiga joogayaan dalka Soomaaliya ayaa waxay ku ekeyd 10-ka Bishan February ee sanadkaan, waxaana hadda loogu daray muddo 1 sano ah.

Waa markii 14-aad ee Ankara ay kordhiso joogitaanka guud ahaan ciidamadeeda gacanka cadmeed tan iyo markii ugu horeysay ee uu meelmariyay baarlamaanka sannadkii 2008-dii.

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka sameystay saldhig Militari oo weyn kaasoo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Turkiga oo ka qeyb qaata tababarada ciidamada Soomaaliya.

Ciidamada ay tababaraan dowladda Turkiga ayaa ka qeyb qaata howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa sanadihii ugu dambeeyey saaxiib joogta ah la aheyd Soomaaliya tan iyo markii ay usoo gurmatay xilligii ay dalka ka dhaceen abaarihii qatarta ahaa waqtigii uu dalka madaxweyne ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Gudiga Xalinta Khilaafaadka oo go’aan ka gaaray saddax kursi oo hakad la geliyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal (GXKHDDF) ayaa go’aan ka gaaray Kuwaasta Summaddoodu tahay HOP#201, HOP#209 & HOP211 oo deegaan doorashadoodu tahay Gobollada Waqooyi-Somaliland.

Guddiga oo guddoomay Cabashooyin kasoo laabtay kuraastaas ayaa baaris ku sameeyay waxyaabaha ay ku doodeen dhinacyada tabashooyinka ka gudbiyay, waxaana ugu dambeyn uu kasoo saaray go’aan.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in Saddexdan kursi doorashadooda loo maray hab waafaqsan heshiiskii doorashada, isla markaana ansax yihiin.

Kuraastaan ay shaaciyeen guddiga xalinta khilaafaadka iney yihiin kuwa saxan habkii ay doorashadooda u dhacday ayaa ahaa kuraas todobaadkii lasoo doorashadooda ka dhacday magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka mid ahaa kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadooda tahay gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

Waa kuraastii ugu horeysay oo dacwad laga soo gudbiyey tan iyo markii uu Ra’isulwasaare Rooble eryey 7 kamid ah guddiga xallinta khilaafaadka oo lagu eedeeyey inay ku milmeyn siyaasadda.

Hoos Ka akhriso Qoraalka Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada Dalka.

 

 

 

Habraacyadii doorashada ee lagu heshiiyay ‘oo fashilmay’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha ururada Bulshada Rayidka, Cismaan Muxudiin Shaatax oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in habraacyadii doorashada ee lagu heshiiyay 9-kii bishii hore aysan dhaqan galin.

Guddoomiye Cismaan ayaa sheegay in xarunta Ururada bulshada rayidka ay soo gaarayaan cabashooyin dhowr ah oo la xiriira doorashada Golaha Shacabka oo ku socota hanaan musuq-maasuq ah.

“Bulshada Rayidka waxay aad uga xun tahay in sidii ugu haboona loo hirgelin go’aamadii kasoo baxay shirkii Madasha Wada-tashiga Qaran ee 9-kii January, waxayna taasi aad u sii fogeynaysa kalsoonida shacabka ay ku qabi karaan doorashooyinka dalka maxsuul kasoo baxa,” ayuu yiri.

“Xarunta ururada bulshada rayidka waxaa soo gaaraya warbixino muujinaya in si dhameystiran aan loogu dhaqmin qoddobadii kasoo baxay heshiiska, waxaana soo jeedinayna in madaxda dowlad goboleedyada ay fuliyaan go’aamadii kasoo baxay shirkii Muqdisho.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in weli caqabado ka jiraan sidii loo xaqiijin lahaa nidaamka xulista ergooyinka, xuquuqda musharaxa u taagan doorashada Golaha Shacabka iyo madax-banaanida guddiyada dowlad goboleedyada.

“Waxaa ugu baaqeyna madaxda dowlad goboleedyada iyo kuwa federaalka inaysan ku dhaqaaqin tallaabo kasta oo keeni karta khilaaf caqabad ku noqda doorashooyinka, lagana fogaado in dhibaato ka dhalato habka loo fulinayo doorashooyinka.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntiina sheegay in shaki weyn ka muujinaya xaqiijinta qoondada Haweenka, maadama aan si rasmi ah loo dhaqan-gelin qoddobadii lagu heshiiyay, wuxuuna ka dalbaday guddiyada in lasoo hormariyo kuraasta haweenka.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay soo baxayaan in musuq-maasuq ballaaran uu ka jiro doorashada Golaha Shacabka, ayada oo waqtiga loo qabtay in lagu soo gaba-gabeeyana ay ka harsan tahay 22 maalmood oo keli ah.

Maxaa dhici kara haddii ay Somaliland hesho aqoonsi?

Aragtidayda ku wajahan jawaab u helista su’aasha kor ku xusani, waxa ay tahay in laba mid uun ay dhacayso:

In Somaliland markay hesho aqoonsigii ay waayaha badan goobaysay ay guntiga u giijisato sidii ay u noqon lahayd bogcad isu-keenta, ururisa, afkaar ahaan, dhaqaale ahaan, isu-socod ahaan iyo Amni ahaanba Saddexda Dawladood ee Mandaqada Soomaalidu ku leedahay ee kala noqon doona :JABUUTI, SOOMAALIYA iyo SOMALILAND lafteeda.

Si ay u hirgaliso qodobadaa kor ku xusan waxa ay hor-kici doontaa in Jabuuti laysugu yimaado iyadoo lagu heshiinayo in aan Saddexda Shacab Visa isugu safrin, taa beddelkeeda la isugu safri karo (Identity card-ka) dal walba leeyahay, sida wadamada af-turkiga ku wada-hadla ee isku isirka ah.

In Haayadaha amni, milatari iyo boolis laga sameeyo gudi wada-shaqayneed, taasoo mustaqbalka Soomaalida ku hagi karta in ay yeeshaan ciidan midaysan oo ah Sida ka Wadamada Galbeedka Afrika, ilaaliyana masaalixda Soomaalida guud ahaanteed.

Waxa taa cagsigeeda dhici karta in Somaliland ay is colaystaan Soomaaliya kuna kala biiraan amma la kala saftaan Xulufooyinka dunida ka jira ee ku loolamaya gobolka, taas oo dhali doonta inay noqdaan Soomaalidu kuwo Sida Hindiya iyo Pakistan ama Kuuriyada Waqooyi iyo ta Koonfureed mar walba lidi isku ah oo midna bari raaco midna galbeed dabadeedna laysku garaaco. Haday tani dhacdo Ummadda Soomaaliyeed xaalkeedu wuxu noqon doonaa “Kud ka guur oo qanjo u guur,” tanina saw maaha.

Hadaba, Somaliland guusheeda dibada iyo guduhu waxa ay ku xidhan yihiin sida ay uga faa’iidayso dadkeeda ay ku jirto aragtida horumarineed ee gudaha iyo dibadaba dhisaysa . waxa Somaliland looga baahan yahay inay reform aad u balaadhan ku samayso nidaamkeeda dawladnimo ee gudaha sida dawladaha hoose oo ah meel magac ahaan uun u jirta balse shaqo ahaan meesha ka maqan, waana hay’adii qaabilsanayd hagaajinta nolosha aas-aasiga ah sida; biyaha, waxbarashada, laydhka, caafimaadka iyo wadooyinka, taas oo si xoogan uga qayb-qaadan karta in bulshadu ku ilaaliyaan qaranimadooda rabitaan iyo doonis iyaga ka timaada.

Inay laanteeda amniga gudaha wax laga bedelo, iyadoo meesha laga saraayo nidaamka maafiyada yar-yar ee dhalinyaradeedu ku kacdo habeenkii, taasoo Sababta in aan qofna dhex mari karin magaalooyinka qaar, Sawir fool xunna ka bixinaysa dawladnimada Somaliland, hadii taasi Gudaha Somaliland ka hirgasho, wax weyn ayey u taraysaa Dawladnimadeeda waxa aanay Somaliland u horseedi doontaa inay hesho wadiiqo ay ku iibiso siyaasadeeda arimaha dibada, ahaatana mid warkeeda loo dhegaysto si kasmo leh, waana wadiiqooyinka Quwadaha ku riixi kara inay u arkaan Somaliland xidig baahi loo qabo in la aqoonsado.

Somaliland waxa haysta dhibaatooyin badan oo aan aaminsanahay in aqoonsi la’aantu sabab u tahay balse dadku u arkaan in aanay u ahayn, waxaana ka mid ah dhibaatooyinka kala qaybsanaanta bulsho ee meelo ka mid ah gudaheeda ka jirta.

Waxa aan odhan karaa haddii Somaliland la yidhaa waa la aqoonsaday, wuxuu qof walba niyada ku hayaa siday Aqoonsi la’aan dawladnimadeeda ugu wada-fidisay dhul-xuduudeedka ay sheegato badankiisa, iyada oo u heshay Awood, dhaqaale iyo ina ay tahay “Sovereignty State” si dhamaystiran ayey ula wareegi kartaa inta dhiman. Tabashada Bulsho ee jirtaa waxa ay u badantahay in ay si nature ah isu xaliso sidii wakhtigii Ingiriiska.

Wakhtigii gumaystaha gobolada bariga Dadka ku nool qaybo ka mid ahi, si adag ayey uga soo horjeedeen gumaystaha iyagoo ku saxsanaa balse taasi waxa ay dhashay kala fogaan Soomaalida dhexdeeda ah, waxa’se fursad noqotay markii xorriyadii soo urtay in loo midoobay doonashadeeda iyo u-ariminteeda Ragga sida weyn uga dhex-muuqday waxa ka mid ahaa Garaadkii Guud ee Reer laascaanood iyo Suldaankii Reer badhan.

W/Q: Shaam Suldan

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Wiilka Macallin Maxamuud oo sheegay habka uu ku yimid kursiga uu ku guuleystay

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wiil uu dhalay hoggaamiyaha Ahlu Sunna Wajameeca Sheekh Macallin Maxamuud Xasan Faarax ayaa shalay xildhibaannimo loogu doortay magaalada Dhuusamareeb ee dowlad goboleedka Galmudug.

Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud wuxuu ka mid yahay xubnihii shalay ku soo baxay doorashadii ka dhacday dhuusamareeb inkastoo uu sheegayo inuu ku yimid awood qabsi beeleed.

Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud oo BBC u warramay wuxuu sheegay guusha xildhibaannaimada uu marlabaad gaaray uu ku faraxsan yahay shaqooyinkii uu horay dalka u soo qabtay kuwa ka ballaaranna inuu dalka uu u qabto uu diyaar u yahay. Wuxuuna intaa ku daray inuu ka mid yahay Ahlu Sunna Waljameeca uuna ka sii mid ahaanayo.

“Ahlu Sunna dadka oo dhan ayaa ah, Ahlu-Sunna waa ahay horayna waa u ahaa haddana waa ahay dadka Soomaaliyeed diinkooda iyo caqiidadooda dhanbaa Ahlu Sunna ah waan ku soo shaqeeyey waana ku shaqeynayaa insha allah wax hadda oo isbeddel oo gaar ah oo ay leedahayna ma leh,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisamad.

Wuxuu intaas ku daray inuu muddo badan uu ka soo shaqeeyey dowladda dhexe iyo heshiisiinta Ahlu Sunna iyo maamulka Galmudug guushiisa marlabaad xildhibaannimada looga doortayna ay ku timid awood qaybsiga ku saleysan 4.5.

Balse ay waxba ka jirin hadalka sheegaya waxyaabaha ay Ahlu Sunna au dagaallameysay inuu ka mid ahaa kursigiisa.

“Wey fiicnaan lahayd laakiin waxaad ogsoon tahay waxay ku timaaddaa arrintaanu waxaa uu baarlamaanka ku saleysan yahay wax la yiraahdo 4.5 qabiilbeyku yimaaddaan dad 101 qof ah ayaa ii codeeyey oo laga yaabe iney intooda badan ay fikir ahaan ama siyaasad ahaan ay ku kala duwan yihiin waana ogsoon tahoo waxaa lagu imaadaa 4.5,marka waxyaabahaasi waxay u badan yihiin waxyaaba raqiis ah oo ay dadka isaga hadlaan, iyada oo ayna jirin nidaamka Ahlu-Sunna ayaan dowladda Soomalaiya mas’uuliyad sare ka soo qabtay xildhibaanna ka soo noqday.”

Guddoomiyaha guud ee Ahlu Sunna Wal Jamaaca, Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan Faarah oo ah Cabdisamad aabihii, oo dabayaaqada sanadki hore wareysi gaar ah oo naadir ah siiyey laanta Af Soomaaliga ee BBC-da, wuxuu beeniyey warka sheegay inuu wiilkiisa uu xil u raadinayo isaga oo sheegay iney Ahlu Sunna dowladda Galmudug ay mamuleysay balse wiilkiisa wax xil ah uu ka qaban warkaasina uu haba yaratee waxba ka jirin.

“Waa wiilkee wiilka aan danta u raadiyoo oo danta leh dowlad dhisan oo baarlamaan leh, oo madaxweyne leh, oo madaxweyne ku xigeen leh, oo ciidan leh oo nooc walba leh ayaa Ahlu Sunna Waljamaaca ka dhisneyd, wiilka anigu aan dhalay xilka uu ka hayey muxuu ahaa ha la sheego, dhinaca Dowladda Federaalka ahna shaqa iskuma aanan laheyen, bal horta qofka weydiiya xilka aad sheegeyso ood leedahay waa uu raadinayaa xaggee buu joogaa,” ayuu yiri hoggaamiyaha Ahlu Sunna Wajameeca Sheikh Macallin Maxamuud Xasan Faarax.

Wararkii ugu dambeeyey ee xaalada deegaanadii lagu dagaalamay ee Galmudug

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa degan xaaladda deegaanno ka tirsan degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud, kadib dagaalo culus oo labadii cisho ee udambeeyay ay halkaas ku dhex-mareen maleeshiyo beeleed.

Nabaddoon Cabdulqaadir Maxamuud Shidane oo kamid ah Cuqaashii coladaas ku baxday oo la hadlay VOA ayaa sheegay inay ku howlan yihiin sidii si rasmi ah loogu soo afjari lahaa dagaalkaas.

“Waxaa u diyaarsaneyn in aan xiriir helno oo hadda waxaa diyaar u nahay in aan la macaamiilno oo walaalaha kale la hadalo oo Ilaahay dartii dadkaas kala joojino,” ayuu yiir Nabaddoon Cabdulqaadir.

Sidoo kale waxa uu sheegay in labada Beeleed ee ku dagaalamay deegaanada Balanbal uusan ka dhaxeyn muran hore usii jiray, balse ay hadda isku qabteen daaqsiinta dhulkaas, kadib abaaro ba’an oo ku dhuftay deegaanada Galmudug.

“Hadda dhibka jira ee isku leynayaan dadkaas waa meeshii cunada laheyd ee daaqsiinta, markay cuno ka waayeen meeshii hore u daganaayeen iyo barkadihii oo abaar ayaa ku dhacday.”

Dagaalkaas ayaa waxaa ka dhashay khasaaro badan oo iskugu jira dhimashada iyo dhaawaca, wuxuuna kusoo beegmay xili abaaro ba’an ay ku dhufteen deegaanada Galmudug

Shalay unbey aheyd markii Madasha Badbaadada Galmudug ay baaq nabadeed kasoo saartay xiisadaas, ayada oo sheegtay inay aad uga walaacsan tahay dagaalka ka qarxay deegaanka Hiraale ee hoostaga degmada Ballanbale ee gobolka Galgaduud, kaasi oo sababay khasaaro nafeed oo ballaaran.

“Madasha Badbaadada Galmudug waxay ugu baaqaysaa waxgaradka ka soo jeeda beelaha walaalaha ee dagaalku u dhexeeyo in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka, laguna xaliyo wada-hadal iyo nabadeyn arrimaha sababay dagaalka dhimashada iyo dhaawaca badan dhaliyey ee ku soo beegmay xili abaaro ba’an ay ku dhufteen deegaanada Galmudug,” ayaa lagu yiri qoraalka Madasha Badbaadada Galmudug.

Xukunka kiiska COLDOON: Garsoore ku dayasho mudan

                     “المتهم بريء حتى تثبت إدانته” 

 قال تعالى: ” إِنَّ اللَّهَ يَأْمُرُكُمْ أَنْ تُؤَدُّوا الْأَمَانَاتِ إِلَى أَهْلِهَا
وَإِذَا حَكَمْتُمْ بَيْنَ النَّاسِ أَنْ تَحْكُمُوا بِالْعَدْلِ
إِنَّ اللَّهَ نِعِمَّا يَعِظُكُمْ بِهِ إِنَّ اللَّهَ كَانَ سَمِيعًا بَصِيرًا” [النساء:58]

Ciidamada  Booliska  Somaliland ayaa Cabdimaallik xabsiga u taxaabay bishii 8aad ee sanadkii tagey (2021) markii lagu eedeeyay inuu u ololeynayay in la xiro xarumaha madadaalada iyo dhaqanka iyo dugsiyada wadamada shisheeye laga maalgeliyo ee Somaliland ku yaalla.

Eedeymaha Cabdimaalik loo soo jeediyay waxaa ka mid ah:

1-. In uu bartiisa Facebook uu ku faafiyay warar dacaayad iyo been abuur  ka dhan ah iskuulka Abaarso iyo jaamacadda Barwaaqo.

2- Dacaayad qaran dumisnimo ah oo uu faafiyey

3- In uu Cambaareeyay umadda Soomaaliland iyo Qaranimadeeda.

4- Faafinta warar been abuur ah iyo aflagaadeyn siyaasiyiinta iyo golaha sharci dejinta Somaliland, IWM

Go’aankii Maxkamadda

Shalay oo ay taariikhdu aheyd 3-da bisha 2-aad 2022, Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqday in Coldoon lagu waayey wax dambi ah–acquitted , waxayna amartay in laga sii daayo xabsiga.

Xeer ilaalinta  ayaa dhanka kale la sheegay inay rafcaan ka qaadatay go’aanka kasoo baxay maxkamadda Hargeysa ee lagu sii daayey Wariyaha.

Maxaa laga baran karaa garsoorka Somaliland?

Maxkamadda iyo Garsooraha shalay soo saaray go’aanka lagu siidaynayo Coldoon waxay mudanyihiin ku dayasho. Garsoorka Somalia inteeda kale Waxaa laga rabaa inay wax badan kaga daydaan garsoorka Somaliland oo ay boorka iska jafaan ayna noqdaan Sharci-dabaqayaal rasmi ah (Genuine Law Appliers). Go’aanka Maxkamadda ka soo baxay shalay wuxuu isoo xasuusiye Garsoorkii Somalia ka  jiray intii u dhexaysay 1960–1969.

Garsooraha ku dhiiraday go’aankaan waxaa looga dayan karaa arimahaan soosocda:

1- Geesinimada uu ku dhiiraday inuu Sharciga kiliya u hogaansamo, uuna iska indhatiro caga-juglaynta iyo fara-gelinta Xukuumadda.

2- U hiilinta Diinta iyo Raali-gelinta Rabbi, garsoorayaashu/garsooruhu wuxuu dabaqay oo daacad u noqday Shareecada Islaamka .

3- Muujinta Madaxbannanida iyo hufnaanta Garsoorka Somaliland

4- Kor u qaadida Ku dhaqanka sharciga (rule of law)

5- Kor u qaadida Kolsoonida Shacabku ay ku qabaan Garsoorka Somaliland

6- U gudashada Amaanadii Umadda si hufan oo Ikhlaas ku dheehanyahay, iyo sidookale u cadaynta Umadda in meel loo laabto ay jirto oo cadaalad loo raadsado.

7- Muujinta Awoodda Garsoorka iyo inuu yahay laan la siman Xukuumadda iyo Baarlamaanka

Guntii iyo Gabagebadii: Soomaaliya waxay waxay u baahantahay Garsoor caadil ah oo kasbada kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed laguna barto Cadaalad, Madaxbanaani, Hufnaan, Daah-furnaan, Karti, Aqoon….

.للقاضي أربع خصائص: الاستماع بأدب ، والرد بحكمة  والتفكير بحكمة ، واتخاذ القرار بنزاهة. (سقراط)
إذا كانت لديك القوة فلدينا الحق. (فيكتور هوغو). إذا مارست العدل ، فلن تهلك حتى لو مت. (لاو تسي)

W/Q: Garyaqaan Cabdiqani Sheekh Jamac Cirguje
[email protected]  

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Kenya oo qaaday tallaabo ay uga hortageyso weeraro ay qorsheeneyso Al-Shabaab

0

Nairobi (Caasimada Online) – Kenya ayaa ciidamo u badan Booliis waxa ay geysay Ismaamullada Soomaalida halka kuwa militari ah ay dhigtay deegaannada soo xiga Soohdinta Soomaaliya sida ay uga hortagaan weerarada Al-Shabaab.

Ilo deegaanka ah ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada Kenya ay su’aalo weydiinayaan dad isaga kala gudba Xadka dalkaas uu la wadaago Soomaaliya halka shaqsiyaadka ay ka shakiyaan baaris dheeraad ah ku sameeyaan.

Ujeedka kordhinta Ciidamada Kenya ayay dadka Deegaanku ku sheegeen in ay ka dambeeyay kaddib markii labadii todobaad lasoo dhaafay ay kordheen weerarada ka dhacaya Deegaannada xiga Soohdinta waxaana mas’uuliyadda weeraradaas sheegtay Al-Shabaab.

Sarkaal katirsan Ciidamada Kenya ayaa sheegay in had iyo jeer Ciidamada ay wadaan howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka Xadka balse shaqadu ay sii kororto marka ay wax dhacaan ama soo gaarto Digniin Amni.

Ciidamada gaarka u tababaran ee Kenya u qaabilsan la dagaalanka “Argagixisada” ayaa dhowr jeer howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno kala duwan balse ma sheegin natiijada kasoo baxday maadaama ciidankaan howlgalladooda inta badan aanay faah-faahin ka bixin.

Maxay doorashadii maanta uga duwaneyd kuwii hore?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, gaar ahaan kuwa deegaan doorashadooda ay tahay Dhuusamareeb.

Doorashada maanta ayaa waxay ka duwaneyd kuwii hore, maadma oo hal kursi ay ku loolameen Afar musharax, halka sida la ogyahay halkii kursi ee Golaha Shacabka lagu soo saari jiray labo musharax oo midkood uu yahay malxiis.

Kursiga HOP#049 ayaa waxaa isku soo taagay musharaxiinta kala ah; Mustaf Shiikh Cali Dhuxuloow, Cabdullaahi Cabdi Guutaale, Jamiilo Cali Xeyle iyo Cabdinuur Ciise Xiiray.

Waxa uu kursigaan xiiso gaar ah u yeelay doorashadii maanta ayada oo si weyn loogu loomay, islamarkaana ugu dambeyntii ku guuleystay Mustaf Shiiq Cali Dhuxuloow oo kamid ah Midowga Musharaxiinta.

Sida la rumeysan yahay kursigaan ayaa wax lagu loomay illaa hadda ka jira kuraasta maalmihii dambe lagu dooranayay maamulka Galmudug, ayada oo inta badan musharaxiinta ku soo baxay doorashooyinka ay yihiin kuwo hore loo sii ogaa, maadama si gaar ah loogu xiray.

Musuq-maasuqa ka jira doorashada kuma koobna oo keliya maamulka Galmudug, hase yeeshe waxa uu si weyn ugu baahay maamulada dalka, wuxuuna xaalku maraya inaga boobsiiya doorashada sidii la doono ha loo maamule!.

MAREYKANKA oo qaaday tallaabo soo dedejin karta dagaal uu la galo Ruushka

0

Washington (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa dhawaan ciidamo dheeraad ah u diri doona dalalka Poland iyo Romania si ay uga difaacaan bariga Yurub dhibaatada la sheegay inay ka dhalatay ciidamada tirada badan ee Ruushku geeyay xadka Ukraine.

Sida ay sheegen Saraakiil Mareykanka ah ciidamadan ayaa tiradooda tahay ku dhawaad 3,000 oo askari, waxayna ciidamdan isugu jiraan kuwa cirka iyo dhulka. www.colombia.co

Ciiamada ayaa ka bixi doona saldhigyada Vilseck ee dalka Jarmalka iyo Fort Bragg oo ku yaal goblka North Carolina, sida ay xaqiijisay wasaaradda difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka.

Afhayeenka Pentagon-ka John Kirby, ayaa sheegay in ujeedadu tahay in digniin adag loo diro madaxweynaha Ruushak Vladmir Putin, wuxuuna sheegay inay caddeynayaan in Mareykanku diyaar u yahay difaaca NATO.

Sidoo kale, Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in dirista ciidamadooda ay waafaqsan tahay hadalladii uu u sheegay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

“Ilaa iyo inta uu si gar-darro ah u dhaqmayo, waxaan hubin doonnaa inaan u xaqiijin karno xulafadayada NATO iyo Bariga Yurub inaan halkaas joogno,” ayuu yiri Biden, sida lagu sheegay Twitter-ka.

Ruushka ayaa hore ugu goodiyay in uu qaadi doono tallaabooyin millateri oo aan la cayimin, haddii aan la fulin dalabkiisa, oo ay qeyb ka tahay ballan-qaadka NATO ee ah inaysan marnaba aqbalin xubinnimada Kyiv, kadib markii uu boqol kun oo askari geeyay meelo u dhow xuduudaha Ukraine.

Hase yeeshe waxay Moscow iska fogeysay inay waqti xaadirkan duulaan ku qaadeyso dalka Ukraine, ayada oo ku jees-jeestay Britain oo ay ku tilmaamtay Ra’iisul Wasaarahood in uu jahwareersan yahay, siyaasadiisuna ku dhisan tahay jaahilnimo iyo doqonimo, sida uu hadalka u dhigay Ruushku.

Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya xili ay socdaan dadaalo lagu rabo in xal diblomaasiyadeed la gaaro, islamarkaana dhawaan lagu wadaa in madaxweynaha Turkiga uu booqdo dalka Ukraine, halka Ra’iisul Wasaaraha Jarmalkana uu ka degi doono Moscow si uu ula kulmo Putin.

AHLU-SUNNA oo si aan la fileyn u dhigtay doorashada Wiilka Macallin Maxamuud

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa ka hadlay guusha uu maanta gaaray Cabdisamad Macallin Maxamuud, oo uu dhalay hoggaamiyaha ururkaas Macallin Maxamuud, kaasi oo maanta xildhibaan golaha shacabka ah loogu doortay magaalada Dhuusamareeb

Ururka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa sheegay xildhibaannimada maanta Dhusamareeb loogu doortay Cabdisamad Macallin Maxamuud inuusan ururkaasi ku matalin, balse uu qabiilkiisa kusoo baxay.

“Horayna waan u sheegnay qof kasta oo Soomaali ah xaq wuxuu u leeyahay inuu xildhibaan noqdo mar labaadna qof kastaba dee waa inuu qabiilkiisa ka soo galaa marka arrintaa arrin hadda mowqifki Ahlu Sunna Waljameeca ama wixii ka dhaxeeya dowladda dhexe ama dowladda Galmudug wax wax hadda ka baddalaya ma aha magaca Ahlu Sunna kuma soo bixin ee qabiilkiisa ayuu ku soo baxay,” ayuu yiri Cabdisalaan Adan Xuseen Madaxa Siyaasada Ahulu Sunna Waljameeca oo BBC-da wareysi siiyay.

“Asaga nin Ahlu Sunna ah waa yahay, Sheekha Guddoomiyaha u ah Ahlu Sunnana waa dhalay laakiin taasi wax fikir ah ama matalaad ah ama xiriir ah oo ay arrintaasi Ahlu Sunna Waljameeca ay ku leedahay ma jirto,” ayuu yiri.

Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud ayaa isna sheegay inuu ku yimid awood qabsi beeleed.

“Ahlu Sunna dadka oo dhan ayaa ah, Ahlu-Sunna waa ahay horayna waa u ahaa haddana waa ahay dadka Soomaaliyeed diinkooda iyo caqiidadooda dhanbaa Ahlu Sunna ah waan ku soo shaqeeyey waana ku shaqeynayaa insha allah wax hadda oo isbeddel oo gaar ah oo ay leedahayna ma leh,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisamad.

Waxa weli ka socota doorashada kuraasta aqalka hoose oo muddo badan dib u dhac uu ku yimid, dib u dhacaasi oo ay sababeen khilaaf ku yimid habraaca doorashada ee horay loo soo saaray.

Waxaana weli dhiman kuraas badan iyada oo jadwalka cusub ee doorashada aqalka sare ee Soomaaliya loo dajiyeyna uu dhigayo in la soo gabagbeeyo bishan Fabraayo ee aan ku jirno.

50 ka mid ah shaqaalaha G/BANAADIR oo shaaciyey in hal sano ka badan aan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku dhawaad 50 dhalinyaro ah oo ka shaqeeya gobolka Banaadir ayaa cabasho xoogan ka muujiyey mushaar la’aan xoog leh, ayaga oo sanad iyo dheeraad ahna ay ku guul-dareysteen inay helaan xuquuqdoodii.

Dhalinyartaan oo qaarkood la hadleen idaacada KNN ayaa waxay sheegen in muddo ka badan sanad la meer-meerinayay, markii dambena loo sheegay in cabashadooda uu wax ka qaban karo oo keliya Guddoomiyaha gobolka, Cumar Filish.

“Cabashadeena waxaa ka bilownay agaasimaha oo wax war ah kama helin, waxaana u gudbinay agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha oo markii dambe noo sheegay in arrinteena uu gaarsiiyay Cumar Filish, laakiin wax jawaab oo cad nooma soo sheegin,” ayuu yiri wiil kamid ah dhalinyartaas oo la hadlay KNN.

“Arrin dheer iyo mujaamilo dheer waxaa naloo sheegay in arrinteen ay ka sokeyn Guddoomiyaha, anaga waqtiga waa noo saamixi waayay in aan la kulano guddoomiyaha.”

Waxay dalbadeen in arrintaan uu soo fara-geliyo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, maadama mushaarkii xaqa u lahaayeen ay la’yihiin muddo sanad iyo ka badan aha.

“Waxaan iskugu jirnaa agaasimayaal, agaasime waaxeedyo, shaqaale iskugu jira kuwa xafiiseed iyo kuwa nadaafadeed,” ayuu yiri mid kamid ah oo la weydiiyay qeybaha ay shaqaalaha mushaar la’aanta ka cabanaya iskugu jiraan.

Ma aha markii u horeysay ee shaqaale ka tirsan gobolka Banaadir ay ka cawdaan mushaar la’aan, illa haddana majiro wax war ah oo ku aadan arrintaan oo kasoo baxay maamulka gobolka.

Hoggaamiyihii DAACISH oo hab yaab leh ku dhintay

Idlib (Caasimada Online) – Hoggaamiyihii ururka Daacish ayaa lagu dilay howl-gal gaar ah oo ka dhacay gobolka Idlib ee waqooyiga galbeed ee Syria, sida uu shaaciyay madaxweynaha Mareykanka.

Howl-galka lagu khaarajiyay Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi ayaa waxaa fuliyay ciidanka Kumaandooska Mareykanka (Navy Seal), kadib xog sirdoon oo ay heleen.

Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa kusoo degay diyaarado helicopter ah, waxayna weerareen guri ay Daacish ku laheyd Syria, ayaga oo isku-dhac socday laba saac uu dhex-maray koox hubeysan, sida ay sheegeen goobjoogeyaal.

Joe Biden iyo kuxigeenkiisa Kamala Harris ayaa si toos ah u daawanayay howl-galka lagu dilay hogaamiyaha Daacish, kaasi oo dilkiisa ay dharbaaco kulul ku noqoneyso kooxdan oo hore looga saaray magaalooyiinkii ay ka xukumi jirtay ee Iraq iyo Syria.

Madaxweyne Biden ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu amray weerarka si uu ilaaliyo shacabka Mareykanka iyo xulufadeena ugana dhigo dunida meel amni ah.

“Ayada oo ay ku mahadsan yihiin ciidamadeena geesiyada ah ee xirfadda leh, waxaan goobta dagaalka ka saarnay Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi – Hoggaamiyihii Daacish,” ayuu Biden ku yiri bayaan uu soo saaray.

Hogaamiyaha la beegsaday Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi ayaa hoggaanka kooxda mintidiinta ah la wareegay 31-kii October 2019, maalmo un kadib markii hoggaamiye Abu Bakr al-Baghdadi uu ku dhintay howl-gal ay Mareykanka ka fuliyeen isla aagaas.

Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in al-Qurayshi uu u dhintay si lamid ah Al-Baghdadi, isaga oo isku qarxiyey bam dilay isaga iyo xubno ka mid ah qoyskiisa, oo ay ku jiraan haween iyo caruur kadib markii ay kusoo siqeen ciidamada Mareykanka.

Howlgalka ayaa yimid xilli ay Daacish isku dayayeen inay dib usoo laba kacleeyaan, ayaga oo weeraro dhowr ah ka fuliyey gobolka.

Si kastaba, Iska hor-imaadka ayaa sidoo kale waxaa lagu dilay 13 qof oo ay ku jiraan lix caruur iyo afar haween ah, sida ay sheegen kooxaha gurmadka deg-degga ah.