25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Maxay tahay fadeexadda Pegasus ee hareysay madaxda Sacuudiga iyo Imaaraadka?

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa beeniyey eedeymo ku saabsan in madaxdooda ay software-ka ay sameyso Israel ee Pegasus u adeegsadaan inay ku jaajuusaan suxufiyiinta iyo dadka u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda aadanaha.

War-saxaafadeed Khamiistii kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Imaaraadka Carabta ayaa lagu yiri “Tuhunnada sheegaya in Imaaraadka Carabta uu ka mid yahay dalal dhowr ah oo lagu eedeeyey inay koor-joogteyn ku beegsadaan suxufiyiinta iyo shaqsiyaadka kale looma hayo wax caddeymo ah oo saldhig u noqon kara.”

Eedeymaha noocaas ah “waa been cad,” ayaa lagu yiri qoraalka. 

Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa Arbacadii iyana sheegtay in “sarkaal Sacuudiyaan ah uu beeniyey tuhunno dhowaan lagu sheegay warbaahinta oo ah in hay’ado iyo shaqsiyaad ka tirsan boqortooyada ay software-ka Pegasus u adeegsadeen inay kula socdaan taleefonada.” 

“Ilo-wareedka ayaa intaas ku daray in eedeymaha noocan ah ay yihiin kuwa been ah, islamarkaana siyaasadda boqortooyada aysan taageerin dhaqamada noocan ah.”

Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dowlado dhowr ah oo lagu eedeeyey inay Pegasus u adeegsadeen inay kula socdaan dhaq-dhaqaaqyada mucaaradka iyo kuwa dhaliila.

Xogtan ayaa lagu ogaaday 50,000 oo qof lagu beegsaday barnaamijka Pegasus oo loo dusiyey hay’ado xuquuqda aadanaha. 

Hay’adda xuquuqda aadanaha Amnesty International, kooxda Forbidden Stories ee fadhigeedu yahay Paris iyo warbaahin ay ka mid yihiin Washington Post, Le Monde, iyo The Guardian ayaa ka wada shaqeeyey in la taxliiliyo liiskan lana shaaciyo. 

Shirkadda Israel ee NSO iyo barnaamijkeeda Pegasus, ayaa awood u leh inay daaraan kaamirada ama mikrafoonka taleefonka, si ay u helaan xogta qofka ama u dhageystaan. 

Shirkaddan ayaa caalamka markii ugu horreysay uu kusoo baraarugay 2016, kadib markii loo adeegsaday in lagu jaajuuso mucaaraadka Imaaraadka Carabta.

“Software-ka NSO waa hubka ay doortaan dowladaha dadka caburiya si ay u aamusiyaan suxufiyiinta, u weeraraan una burburiyaan mucaaradka, oo ay halis geliyaan nolol badan,” waxaa sidaas yiri madaxa hay’adda Amnesty Agnes Callamard.

Wararkii ugu dambeeyey QARAX ka dhacay duleedka Beledweyne + Khasaaraha

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay qarax nooca miinada ah gobolkaasi lagula eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga Soomaaliyeed, xilli ay howl-gal ka wadeen halkaasi.

Qaraxa ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday ciidamadaas, xilli ay howl-gal qorsheysan ka wadeen inta u dhexeysa magaalada Beledweyne iyo degmada Maxaas ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu khasaare kala duwan kasoo gaaray ciidamada dowladda iyo kuwa maleeshiyaadka loo yaqaano Macawiisleyda ee ka howl-gala halkaas.

Ugu yaraan labo askari oo uu mid ka mid ah ka tirsanaa ciidamada milatariga Soomaaliya, halka kan kena uu ka tirsanaa maleeshiyaadka Macawiisleyda ayaa ku dhintay qaraxaasi.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay saddex askari oo kale oo ka tirsanaa ciidamada qaraxa lagula eegtay duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale u sheegay Caasimada Online in weerarka qaraxa ah, kadib ciidamadu ay sameeyeen howl-gallo lagu baadi kooxihii ka dambeeyey falkaasi.

Kadib ciidamada ayaa la sheegay inay isaga sii dhaqaaqeen goobta qaraxa lagula eegtay, waxayna dib ugu noqdeen fariisimihii ay markoodii hore kasoo baxeen.

Hiiraan ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhaafay ka socday dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo xoog leh, kuwaas oo ay wadeen ciidanka dowlada iyo kuwa AMISOM ee ka howlgala HirShabelle.

David Taylor – “Waxaa lagu jir dilayaa Muqdisho, ayada oo DF ay ku qasbeyso inuu la shaqeeyo hay’adda CIA-da”

London (Caasimada Online) – Muwaadin British ah ayaa sheegay in lagu jir dilay Soomaaliya, oo ay su’aalo ku weydiiyaan saraakiil ka tirsan sirdoonka Mareykanka, waxaa sidaas weriyey wargeyska The Guardian.

Ninkan oo 45 jir ah kana soo jeeda magaalada London ayaa sheegaya in gacanta mas’uuliyiinta Soomaaliya uu ku asiibay ficillo ay ka mid yihiin inay madax uga ganbiyeen dhar, u adeegsadeen aaladaha qofka dareenka tira, madaxana u geliyeen biyo, si looga dhaadhiciyo inuu la shaqeeyo CIA-da Mareykanka. 

David Tylor, oo magaciisa saxda la beddelay kadib codsi ka yimid qoyskiisa, ayaa waxa uu muddo laba sano ah ku xiran yahay Soomaaliya, ayada oo aan wax dacwado ah lagu soo oogin. 

David ayaa ka cabsi qaba in haddii aysan dowladda UK soo faro-gelin xaaladdiisa uu wajahayo dil toogasho oo ay ku xukunto maxkamadda militariga Soomaaliya, ama loo dhoofiyo Mareykanka.

Qoyskiisa oo ku sugan London ayaa sheegaya “inay ka qalbi-jabeen” xaaladdiisa, waxayna Xafiiska Arrimah Dibedda UK ku eeedeeyeen “inuu gebi ahaanba dayacay.”

Warqado sharci ah oo sharxaya xaaladdiisa ayaa toddobaadkii tegay loo gudbiyey Xafiiska Arrimaha Dibedda, waxaana loogu sheegay inay haystaan illaa Arbacada soo socota, si ay uga jawaabaan “fashilka weli taagan” ee ay ku wajaheen arrintiisa.

Warqadahan oo ka kooban sagaal bog ayaa lagu sheegay in sirdoonka Mareykanka ay aad u daneynayaan arrinta David. Waxaa lagu sheegay warqadaha in 30-kii June, “laba sarkaal oo Mareykan ah oo isku sheegay inay ka tirsan yihiin FBI-da” ay su’aalo ku weydiiyeen Muqdisho.

Dokumentiyada ayaa lagu yiri “waxay weydiiyeen inuu jeclaan lahaa inuu ku noolaado Mareykanka. Waxay tuseen sawirrada shaqsiyaad kala duwan, oo ay weydiiyeen haddii uu garanayo.” 

Mid ka kid ah sawirrada la tusay ayaa ah Mahdi Hashi, oo ah muwaadin British ah oo kaso jeeda xaafadda Camden ee waqooyiga London, kaasi sanaddii 2012 si sir ah loogala baxay Jabuuti looguna qaaday Mareykanka, kadib su’aalo culus oo ay weydiiyeen CIA-da Mareykanka. 

Mahdi ayaa waxaa loo xiray inuu taageerayey kooxda Al-Shabaab. Hase yeeshee waxaa la sii daayey sanadkii tegay. 

Inkasta oo aan wax sabab ah – ama caddeymo ah laga siin sababta loo xiray – haddana sawirrada la tusay David ayaa muujinaya in CIA-da ay tuhmeyso inuu xiriir la leeyahay kooxda Al-Shabaab. 

Wiil uu dhalay David, oo codsaday inaan la magacaabin ayaa yiri “aabahey waxaa lagu hilmaamay xabsi dal shisheeye, isaga oo ku sugan xaalad halis ah, wax dacwado ahna aan lagu soo oogin. Waa muwaadin British ah, wax taageero ahna kama haysto dalkiisa.”

Waxa uu intaas ku daray “waxaan Xafiiska Arrimaha Dibedda wacayey maalin kasta si aan uga baryo inay sameeyaan wax kasta oo ay karaan si loo soo daayo aabahey, oo dalkiisa loogu soo celiyo.” 

Xafiiska Arrimaha Dibedda UK, ayaa ka war-hayey xariga David tan iyo bishii April 2019, iyo tuhunada ku saabsan jir-dilka tan iyo bishii December 2020, markii ay xaaskiisa oo ku sugan London la xiriirtay.

David Taylor ayaa Soomaaliya u guuray 2009, halkaasi oo uu deganaa, hase yeeshee 13-kii April 2019 ayaa la xiray kadib markii uu Yemen u aaday inuu soo cusbooneysiisto baasaboor ka dhacayey, si uu London ugu laabto. 

Waxaa saddex bil kadib loo wareejiyey saldhig militari, waxaana sida ku cad warqadha sharciga ah “loo sheegay in qof ka tirsan CIA-da Mareykanka uu doonayo inuu arko. Qofkaas ayaa isku sheegay ‘John’. Wuxuuna ku hadlayey lahjad Mareykan ah.”

19-kii September 2019, waxaa loo wareejiyey Muqdisho, kadibna isaga oo indho xiran, gacmo xiran ayaa loo qaaday magaalada Janaale. 

Dabaa-yaaqadii 2019 ayaa mar kale David waxaa loo soo wareejiyey xabsiga dhexe ee Muqdisho, oo la rumeysan yahay inuu hadda ku jiro. 

QM oo war ka soo saartay tallaabadii uu qaaday Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyey tallaabadii uu shalay qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble ee uu ku magacaabay guddiga ilaalinta qoondada haweenka ee 30%, inta lagu guda jiro howlaha doorashooyinka dalka.

Qoraalka Qaramada Midoobey ayaa lagu balan qaaday inay sii taageeri doonaan haweenka Soomaaliyeed, si qoondadooda ay u helaan matalaadooda.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweyneysaa magacaabista uu maanta magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble,13 xubnood oo ah guddi u qareemis, kaas oo ka shaqeynaya xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee kuraasta baarlamaanka federaalka ay haweenku ku yeelanayaan,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay QM.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Qaramada Midoobay waxa ay ku celineysaa taageeradeed buuxda ee ka qeybgalka haweenka Soomaaliyeed iyo matalaadooda doorashooyinka soo socda.”

Ra’iisul wasaaraha XFS Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood, kaas oo ka shaqeyn doona xaqiijinta qoondada haweenka inta lagu guda jiro doorashooyinka dalka.

13-ka xubnood ee uu ka kooban yahay guddigaas hal ka mid ah waa rag, halka inta kale ay yihiin haween, waxaana guddoomiye looga dhigay Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo ku magacaaban guddoomiyaha ururka haweenka Soomaaliyeed.

Hoos ka akhriso magacyada guddigaas

Maxaa lagu go’aamiyey shirkii xalay dhex maray ROOBLE iyo madax goboleedyada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble ayaa war ka soo saaray shir aaladda fogaan aragga ee Zoom-ka ay xalay ku yeesheen xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka ee Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada, waxayna ka wadahadleen dardar gelinta arrimaha doorashooyinka dalka.

Sida lagu sheegay qoraal uu baahiyey xafiiska ra’iisul wasaare Rooble dhinacyadu waxay isla garteen in deg deg loo bilaabo doorashada Senatorrada Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, maanta lagu waday inay bilaabato.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo habka fogaan aragga kula shiray madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, ayaa ku boorriyay in ay sida ugu dhaqsaha badan u qabtaan doorashada Aqalka Sare, maadaama maanta ay ku ekeyd xilligii loo asteeyey in la bilaabo doorashada Senatorrada Aqalka Sare,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay xukuumadda.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Madaxda ayaa isla qaadatay in la dardar geliyo doorashada Golaha Aqalka Sare ee BFS.”

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha iyo madaxda kale ee dowlad goboleedyada ayaa bulshada iyo madaxda maamulka Galmudug ku amaanay dagaalka ay kula jiraan ururka Al-Shabaab, kaas oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday bariga iyo koonfurta gobollada Mudug iyo Galgaduud ee Galmudug.

“Golaha Wadatashiga Qaranku waxa ay madaxweynaha iyo bulshada Galmudug ku bogaadiyeen howlgallada lagula dagaallamayo argagixisada Alshabaab ee Ciidammada Qaranku ka wadaan Galmudug, iyagoo u muujiyay in ay taageero hiil iyo hoo’ba leh la garab taagan yihiin,” ayaa lagu yiri qoraalkaan uu xafiiska Rooble ka soo saaray shirkii xalay ee Golaha Wadatashiga Qaranka.

Doorashada xubnaha Aqalka Sare ayaa horay loogu asteeyey in 25-ka bishan oo maanta ku beegnayd ay ka bilaabato deegaanada dowlad goboleedyada dalka, balse waxaa ku yimid dib u dhac aan la shaacin caqabada keentay, balse waxay wararku sheegayaan in dowlad goboleed kasta uu ka caga jiidayo inuu bilaabo doorashada kuraasta Aqalka Sare.

Daawo: Xaad oo soo saaray BAAQ xasaasi ah oo ka dhan ah Farmaajo iyo Fahad Yaasiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa si adag uga hadlay kiiska Ikraan Tahliil – gabadhii la waayey ee loo heysto NISA, saraakiil uu sheegay in la khaarajiyey, kuwo loogu awood sheegtay shaatiga dowladda iyo tallaabadii uu Ra’iisul wasaare Rooble xilka uga xayuubiyey Taliye ku xigeenkii hore ee Nabad sugidda Qaranka Cabdullahi Kullane.

“Waxaan maanta ka hadlayaa mushkilado badan oo waayahaan ka jiray caasimadda Muqdisho, waxaana ka hadlayaa dhibaatooyin ay ka mid yihiin arrinta Ikraan Tahliil Faarax, saraakiil ka horeysay oo qaar meydkooda la helay, qaarna aan weli la arkin, waxaan kaloo rabaa inaan ka hadlo tallaabadii Ra’iisul wasaaraha oo soo dhaweyn mudun runtii,” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Nabadoon Xaad.

Afhayeenka odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa sheegay in tallaabada uu Rooble qaaday mar hore loo baahnaa, isagoo ku tilmaamay mid muhiim ah.

“Dalku maanta hal caqabad ayuu leeyahay, waxayna ka imaaneysaa caqabadaasi madaxweynaha iyo qolada la shaqeysa oo ay ka mid yihiin taliyaha NISA Fahad Yaasiin, ku xigeenkiisii Kullane Jiis iyo Taliyaha NISA ee gobolka Yaasiin Farey, ragaas oo dhan waxay caqabad ku yihiin hiigsiga umadda Soomaaliyeed iyo doorashada hadda dalku galay, waan soo dhaweynaynaa in caqabadahaas qaar inuu Rooble wax ka qabtay, laakiin faro kama qodna ayaan leenahay,” ayuu yiri.

Nabadoon Xaad ayaa musiibo ku tilmaamay madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin, “Lanadaas nin intey meesha joogaan dadka Soomaaliyeed nabadda iyo dowladnimada ay sugayaan rajo badan malahan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Waxa uu sheegay in ragaas ay hadda ka shaqeynayaan in dadkii horay ula soo shaqeyn jiray ee xog ogaalka ahaa ay maalinba mid afduubtaan oo dilaan intii wax og, sida uu sheegay Nabadoon Xaad.

Sidoo kale Nabadoonka ayaa soo tiriyey magacyada saraakiil uu sheegay inay la shaqeyn jireen Farmaajo iyo Fahad, kuwaas oo qaar meydadkooda la helay, qaarna nolol iyo geeri lagu la’yahay.

“Dadkii lagu aaminay masiirka umadda iyo mustaqbalkii soo koraayey, inay dadkii laayaan oo midba mar la dilo, kuwa hadda noolna ay xag Ilaahey ka noolyihiin, kuwo kalena weli la daba joogo, waa wax lala yaabo oo aan horay loo arag, dalkeenana ku cusub, waa wixii argagixisadu ka shaqeyn jirtay,” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Nabadoonka oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Waxaan rabaa inaan si gaar ah isu dul taago kiiska Ikraan Tahliil, waa ka xunahay waxa ku dhacay ehelkeedana waan u tacsiyeyneynaa, qof dhalinyaro ah oo dalka meelaha halboolaha u ah ka shaqeyneysay ayey aheyd, waxay ka mid aheyd dhalinyaarada dalkaan inay meel gaarsiiyaan laga sugaayey, sida arxan darrada ah ee gabadhaas loo afduubtay, ee nolol iyo geeri lagu la’yahay, waan uga tacsiyeeynayaa waalidiinteeda iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed.”

Hoos ka daawo

Mareykanka oo ballan-qaad cusub u sameeyey DFS

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo booqasho ku tegay safaaradda Mareykanka ee ku taalla Muqdisho ayaa kulan la qaatay madaxa siyaasadda iyo nabad-gelyada ee safaaradda, Wendy Stancer, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo muhiim ah oo ay ugu horeyso doorashada.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa howl-wadeeno kale oo ka tirsan safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya & saraakiil la socotay taliyaha ciidamada Booliska.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa diiradda  lagu saaray arimaha amniga doorashooyinka  iyo mashaariicda ay isla wadaan safaaradda Mareeykanka iyo Booliska Soomaaliyeed.

Wendy Stancer iyo Xijaar oo madasha ka hadlay ayaa sidoo kale isla soo hadal qaaday wada-shaqeynta labada dhinac iyo muhiimadda ay leedahay in lasii xoojiyo, maadaama la galayo doorashooyin oo isugu jiro baarlamaanka labada Aqal iyo mida madaxweynaha.

Madaxa Siyaasadda iyo Nabad-gelyada fafaaradda Mareykanka Wendy Stancer ayaa sidoo kale ku boggaadisay ciidanka Booliska, sida ay u wadaan howlaha sugida ee amniga dalka.

Sidoo kale waxay intaasi ku dartay in dowladda Mareykanka ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato dardar-gelinta howlaha amniga doorashooyinka dhowaan ka dhacaya dalka.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo dhankiisa ka hadlay ayaa Mareykanka uga mahad-celiyey sida uu mar weliba u garab taagan yahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Mareykanka oo mashaariic kala duwan iyo howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliya  Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka sida weyn u taageero dowladda federaalka ah.

Madaxweyne ceyriyey ra’iisul wasaarihiisii, kala dirayna baarlamaanka DALKIISA

0

Tunisia (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Tunisia Kais Saied ayaa qaaday tallaabo lama filaan ah, wuxuuna kala diray baarlamaanka dalkiisa, isaga oo shaqadiina ka ceyriyey ra’iisul wasaarihiisii Hichem Mechichi, sidoo kalena casilay golaha xukuumadda.

Kais Saied ayaa shaaca ka qaaday inuu la wareegayo talada dalka, isla-markaana uu soo magacaabayo ra’iisul wasaare cusub oo gacan ka siiya xaaladda adag ee Tunisia.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu damacsan yahay inuu dejiyo qorshe ballaaran oo wax looga qabanayo xaaladda dalka, is dib loogu soo celiyo xasiloonida iyo kala dambeynta.

“Waxaan qaadanay go’aannadan, illaa inta nabadda ay ku soo noqoneyso Tuunisia iyo in aan badbaadinno dowladda,” ayuu ku yiri Mr Saied khudbad uu ka jeediyey telefishinka.

Arrintan ayaa timid, kadib markii dibad-baxyo waa weyn ay ka dhaceen dalka Tunisia, kuwaas oo looga soo horjeeday saameynta ballaaran ee ka dhalatay cudurka Covid-19 oo saameeyey dhaqaalaha dalkaasi.

Dadka Tunisia ayaa sidoo kale dalbanaya inay dhacdo dowladda, maadaama ay ku fashilantay wax ka qabashada xaaladaha adag ee haatan ka jira dalkaasi.

Dhinaca kale guddoomiyaha baarlamaanka Tunisia Raashid Ganushi ayaa ka horyimid go’aanka madaxweynaha, wuxuuna tilmaamay inuu qaaday tallaabo u muuqdo ‘Inqilaab’, isaga oo shaaca ka qaaday inuu xilka sii heyn doono, baarlamaankana uu shaqeynayo.

Si kastaba go’aanka madaxweynaha dalka Tunisia ayaa noqday mid lama filaan ah oo ‘lala yaabay’ kadib markii uu kala diray baarlamaanka, uuna ceyriyey ra’iisul wasaarihiisa.

Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka oo shaaciyey sababta weerarkii MUDUG

0

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa difaacday duqeyntii xooganeyd ee ay todobaadkii hore ka fulisay gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, taas oo ay su’aallo ka keentay Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha Congress-ka wadankaasi.

Xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in sababta ay ay Maryakanka u qaadeen duqaymihii tododbaadkii hore lala beegsaday maleeshiyada Al-Shabaab ay tahay in ciidamada Soomaaliya ay xoojiyene weerarrada ka dhanka ah mintidiinta Al-Shabaab.

Duqeyntan ayaa timid, kadib markii uu culeys xoogan uu dhinaca Al-Shabaab uga yimid ciidamada huwanta, sida uu shaaciyey Lloyd Austin.

Austin ayaa intaasi ku daray in howl-galkaasi, kadib dib loo riixay dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ee ku sugan aaga uu dagaalka ka socda ee koonfurta gobolka Mudug.

“Dhawaan waxa dhacay waxa weeye ciidamada aan iskaashiga leenahay ayaa kordhiyay howlgalladooda, waxayna dib u riixayeen Al-Shabaab,” ayuu yiri wasiir Lloyd Austin.

Hadalkan ayaa jawaab u ah Ilhaan Cumar oo warqad u dirtay madaxweyne Joe Biden, taas oo ay ku dalbaneyso inuu sharaxaad ka bixiyo sharciyadda iyo saameynta ka dhalatay howl-galkaas dhanka cirka ah ee uu Mareykanka ka fuliyey gobolka Mudug ee Soomaaliya.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida tooska ah uga qeyb-qaata dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sidoo kale tababar siiyaa ciidamada Danab ee Xoogga dalka.

QOOR QOOR oo kulamo ka billaabay Cadaado + Ujeedka

0

Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo gaaray magaalada Cadaado ayaa lagu soo warrmayaa inuu kulamo xasaasi ah ka bilaabay gudaha magaaladaas oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Qoor Qoor ayaa socdaalkiisa kusoo maray deegaanka Baxdo, isaga oo kulamo lasoo qaatay waxgaradka deegaanka oo uu kala hadlay inay qaataan doorkooda ku aadan howl-gallada iyo dagaallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda deegaanada maamulkaasi.

Sidoo kale madaxweynaha Galmudug oo ay la socdaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa ayaa haatan kulamo kala duwan oo looga arinsanayo amniga ka wada magaalada Cadaado.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in kulamada Cadaado looga hadlayo sidii loo taageeri lahaa ciidamada huwanta ee howl-gallada ka wada Mudug.

Waxaa kualmadaas  sidoo kale ka qeyb-galay maamulka degmada & saraakiisha ciidanka oo ballan-qaaday inay ka qeyb-geli doonaan dagaalka, si looga adkaado Al-Shabaab.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa maalmahan booqasho ku joogay gobolka Mudug, wuxuuna kormeeray deegaanada lagala wareegay Al-Shabaab, sida Qeycad iyo Qodqod.

Galmudug ayaa haatan xooga saareysa sidii ay dib ugu qabsan laheyd deegaano iyo degmooyin ka tirsan Mudug oo ay muddo sanado ah gacanta ku heyso Shabaab.

Si kastaba xaaladda koonfur gobolka Mudug ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana ka socda dhaq-dhaqaaqyo culus oo ciidamada huwanta ay ka wadaan halkaasi.

Maxay ka wada-hadleen guddiga doorashada heer federaal iyo kan Jubaland?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federaalka iyo kan Jubbaland u qaabilsan arrimaha doorashada ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta, kaas oo looga wada-hadlay qabsoomida doorashooyinka.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban, Maxamed Xasan Maxamed (Cirro), kaas oo shalay Jabbaland gaaray, una tegay arrimaha doorashooyinka gaar ahaan soo xulista xildhibaanada labada Aqal ee Soomaaliya.

Labada guddi ayaa sidoo kale ka wada-hadlay sidii ay u wada-shaqeyn lahaayeen, si markaasi ay u dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

Sidoo kale labada dhinac ayaa isku af-gartay in si deg deg ah loo hirgeliyo doorashada, gaar ahaan kuraasta taalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Doorashada ugu horreyso ee la qabanayo ayaa ah tan Golaha Aqalka Sare, waxaana guddiga doorashada Jubbaland uu shaaciyey in la diyaariyey goobtii lagu qaban lahaa.

“Xubnaha guddiga federaalka ka socda iyo guddiga  Jubbaland waxa ay isla garteen in la hirgeliyo qabsoomidda doorashooyinka labada gole ee BFS waxaana howsha koowaad laga qabanayaa doorashada Aqalka sare” ayuu yiri xubin ka tirsan guddiga doorashada Jubbaland.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in kaliya haatan ay harsan tahay in lagu dhaqaaqo doorashada sideeda kursi ee Golaha Aqalka Sare ee ka imaanaya Jubbaland.

Si kastaba dib u dhac ayaa ku yimid qabashada doorasha golahan oo horey loogu asteeyey 25-ka bishan oo shalay ku beegneyd, waxaase socda qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo xulista Senatorada cusub ee baarlamaanka waxaana ku xiga mida Golaha Shacabka.

Guddoomiyihii muddada Muqdisho ‘ugu xayirnaa’ NISA oo maanta ka dhoofay + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Macalimuu ayaa galabta ka dhoofay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, isagoo ku sii jeeda degmada Luuq ee gobolka Gedo, waxaana maanta garoonka loogu sameeyey maamuus iyo sagootin.

Saraakiil boolis ah oo uu hor kacayo Taliyaha Booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa guddoomiyaha ka soo gelbiyey hotel uu ka deganaa magaalada Muqdisho, waxuuna Macalimuu aad ugu mahad celiyey Ra’iisul wasaare Rooble iyo Taliska Booliska oo arrintiisa ku soo baxay, waxna ka qabtay.

Macalimuu ayaa shalay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho waxa uu ku shaaciyey in todobadii bilood ee lasoo dhaafay uu xabsi guri ugu jiray Agaasimihii hore ee Shaqaalaha NISA Cabdullahi Kullane, isagoo ra’iisul wasaare Rooble uga mahad celiyey tallaabadii xil ka qaadista aheyd ee sarkaalkaas uu ku sameeyey.

Sidoo kale guddoomiye Macalimuu oo maanta warbaahinta kula hadlay garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in wax badan ay iska bedeleen shaqadii garoonka, kadib markii uu Rooble xilkii ka qaaday Cabdullahi Kullane.

“Waxaan Umadda Soomaaliyeed u sheegayaa in amarkii Ra’iisul wasaaraha uu dhaqan galay oo qof maanta garoonka laga celinayo uusan jirin, hotelkii aan joogay saakay waxaa iga soo kaxeeyey ciidamada booliska, si nabad ah ayaana ku dhoofayaa, hada kadibna waxaan rajeynaa qof aan dembi laheyn cid celin karta ma jirto, dalku doorasho ayuu gelayaa madaxweyne sax ah allaha nasiiyo,” ayuu yiri Macalimuu oo warbaahinta la hadlay inta uusan u duulin degmada Luuq.

Cismaan Nuur Xaaji ayaa horay u sheegay in ugu yaraan seddax jeer laga soo celiyey garoonka Aadan Cadde, isagoo eedeynta xayiraadii saarneyd 7-dii bilood ee la soo dhaafay dusha ka saaray Madaxii hore ee shaqalaaha NISA Cabdullahi Kullane oo maalin ka hor uu Rooble xilka ka xayuubiyey.

“Intii uu Kullane dembiyada ka galay, aniga ayaa ugu dhib yaraa, anigana 7-bilood ayuu xabsi igu heystay, anigoo masuul soo shaqeeyey ah oo aan dad dhibaato u geysan, ayuu intaas i hor taagnaa, dembiyada kale ee uu geystay wax sahlan maaha, waxaan maqlaayey gabar NISA ku maqan oo gaarigiisa lagu qaaday, arrintaas ma ahan in madaxda dowlad goboleedyada iyo musharaxiintu ka aamusaan,” ayuu shalay yiri guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo.

Hoos ka daawo

Banaan-baxyo horleh oo maanta ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta markale dibad-bax ballaaran ka dhigay qaar ka mid ah waalidiinta Soomaaliyeed ee caruurtooda askarnimada loogu qaaday dalka Eritrea, iyagoo baaq u diray dowladda dhexe.

Waalidiintan ayaa weli baadi goob ugu jiro wiilashooda oo war iyo wacaal laga waayey, tan iyo markii loo qaaday dalka Eritrea, waxana cabashadu ay kasii dartay markii ay soo baxeen warbixino sheegaya in dhalinyaradaas qaarkood laga dagaal-geliyey gobolka Tigray.

Dibad-baxayaasha oo isugu soo baxay isgoys KM4 ee magaalada Muqdisho ayaa ku qelinayey erayo ka dhan ah madaxda muddo xileedkooda uu dhammaaday, waxayna ku eedeeyeen inay ka gaabiyeen wal-walka waalidiinta e&  maqanaashiyaha caruurtaooda.

Sidoo kale qaar ka mid ah waalidiinta oo la hadlay warbaahinta ayaa markale ka dalbaday madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday inuu soo fara-geliyo arrintan, isla-markaana uu ka hadlo xaaladda ay haatan ku sugan yihin dhalinyaradii Soomaaliyeed ee la geeyey Eritrea.

Baaqan cusub ee kasoo yeeray waalidiinta Soomalaiyeed ayaa kusoo aadaya, iyada oo laga cabsi qabo in markale uu dib u qarxo dagaalka gobolka Tigreey ee u dhexeeya dowladda federaalka ah ee Itoobiya jabhadda hubeysan ee TPLF oo dib u qabsatay degaano hor leh.

Dibad-baxan ayaa sidoo kale wuxuu imaanayaa, xilli aysan weli wax shaqo ah qaban guddigii uu ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble u xil-saaray cabashada waalidiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa caruurtooda tababar ahaanta loogu qaaday dalka Eritrea.

Si kastaba dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaan weli jawaabin rasmi ah ka bixin cabashada kasoo yeereysa waalidiintan oo ah mid soo noq-noqotay, marka laga reebo hadallo ay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ay u mariyeen dhanka warbaahinta.

Caro ka dhalatay $30 milyan oo loo qeybiyey xildhibaanada Uganda, si ay ugu iibsadaan…

Kampala (Caasimada Online) – Uganda ayaa toddobaadkan lacag ku dhow 30 milyan oo dollar u qeybisay xildhibaanada, si ay ugu iibsdaaan baabuur cusub, taasi oo caro xooggan ka dhalisay dalkan saboolka ah ee sida weyn uu u saameeyeey cudurka coronavirus.

Mid kasta oo ka mid ah 529-ka xildhibaan ee dalkaas ayaa la siiyey 200 oo milyan oo shilling una dhiganta 56,000 oo dollar, si uu ugu soo iibsado baabuur cusub.

“Waa wax aan la aqbali karin in dowladda ay raaxo u iibiso koox yar oo ka tirsan baarlamanka, oo bishii qaataa mushahar dhan $8,000, halka shacabka badankiis aysan awoodin inay noloshooda quudiyaan,” waxaa sidaas tiri Anet Nana oo u dhaqaaqda xuquuqda aadanaha, islamarkaana ah agaasimaha Midowga Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha Uganaa.

Shaqaalaha xoogsatadaha ah ee Uganda ayaa celcelis ahaan wuxuu bishii mushahar u qaataa 28 dollar, halka macallinka uu qaato 75 dollar.

Moses Isooba, oo ah agaasimaha madasha ururada aan dowliga aheyn ee Uganda (National NGO Forum), ayaa intaas ku daray “Ficilkan waa fadeexad xilli dowladda ay shacabka ka codsaneyso inay ku tabarucaan lacag lagu soo iibiyo tallaalka COVID-19.”

Waxa uu sheegay in lacagtaas loo adeegsan karay in 24 dollar la siiyo midkiiba, 500,000 oo ka mid ah dadka ugu tabaaleysan shacabka.

Afhayeen u hadlay dowladda, Ofwono Opondo oo ka jawaabaya carada shacabka, ayaa difaacay go’aankan.

“Waxaa sidan loo sameeyey in la fududeeyo xiriirka xildhibaanada ay la yeelanayaan kuwa soo doortay. Bulshada rayidka waxay qeyb ka ahaayeen diyaarinta miisaaniyadda, muddo fog ayeyna ogaayeen in xildhibaanada ay heli doonaan lacag ay kusoo iibsadaan babauur,” ayuu yiri.

Tallaabo tan la mid ah ayaa sanaddii 2018 horseeday dibadbaxyo xooggan, ayada oo dadka u dhaqaaqa arrimaha bulshada ay ku xoomeen dhismaha baarlamanka, kahor inta aan laga soo eryin.

Uganda, oo ah dal ay ku nool yihiin 45 milyan oo qof, ayaa waxaa laga diiwaan-geliyey 91,710 kiis oo COVID-19 ah iyo dhimashada 2,496 qof.

Qiyaastii illaa hal milyan oo qof oo kaliya ayaa illaa hadda la tallaalay.

AFP + VOA

Kulankii Cabdi Xaashi iyo Mahdi oo lagu kala kacay iyo qodobada la isku mari waayey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan maalintii Shalay aheyd ay iskugu yimaadeen labada garab ee guddiga doorashada doorashada Somaliland oo ay kala hogaaminayaan Guddoomiyaha Aqalka Sarre, Cabdi Xaashi iyo Ra’iisal wasaare ku-xigeenka, Mahdi Guuleed uu kusoo idlaaday fashil, kadib markii la isku fahmi waayay qoddobo uu soo bandhigay garabka Cabdi Xaashi.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Golaha Siyaasiyiinta ee Somaliland (GSS) ee uu hogaamiyo Cabdi Xaashi ayaa shaaciyey in shirkii shalay ay fashiliyeen garabka uu hogaamiyo Mahdi Guuleed, kaasi oo ay ku eedeeyen inuusan rabin in xal laga gaaro khilaafka doorashada xildhibaanada Somaliland.

“Ajandaha kulanka waxaa ka mid ahaa;- 1.Dhisida maamul wadajir ah (Steering Committee) oo haga doorashooyinka xildhibaanada ka soo jeeda GWSL 2.Goobta doorashada iyo amnigeeda 3.Habraacyada lagu dooranayo Xildhibaanada labada aqal ee Somaliland iyo 4.Dib u midaynta guddiga doorashooyinka ee kala qaybsamay iyo dhismaha guddoon wadajir ah.”

War-saxaafadeedka GSS ayaa lagu sheegay in Ergadii Golaha Siyaasiyiinta ee Somaliland iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ay shirka la tageen niyad-sami iyo hindisayaal waxtar leh oo xal lagu doonayey, gaar ahaan dib u midaynta Guddiga Doorashooyinka SEIT ee kala qaybsan, taasi oo uu ka horyimid garabkii Mahdi Guuleed.

Garabka Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa soo bandhigay in siddeeda xubnood ee heer deegaan doorasho ay dhexdooda iska doortaan guddoonkooda, sida ku xusan qodobka 6-aad faqradiisa (a) ee heshiiskii madasha, ama in dhismaha guddoonka guddiga heshiis siyaasadeed looga go’aan gaadho si la mid ah heshiiskii Shirka Madasha ee magacaabista xubnaha guddiga.

Sidoo kale waxay soo jeediyeen in guddigu iyagoo mideysan ay yeeshaan guddoon labada dhica ah am isla guddoomin (Co-chair), in lagu heshiiyo in marka uu guddoomiyaha Gudiga dhinac qaato, dhinaca kalena ay yeeshaan Guddoomiye ku xigeenka iyo xoghayaha guddiga (Registrar), haddii sidaa lagu heshiin waayana lagu kala baxo gori tuur.

Mahdi Guuleed iyo xubnihii uga qeyb-galay kulankaas ayaa gebi ahaanba diiday soo jeedimaha kala duwan ee Garabka Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ayagu u muuqday kuwa wax looga qaban karo khilaafka guddiga Somaliland, islamarkaana horseedi lahaa heshiis kama dambeys ah oo lagu soo afjaro xiisadaas.

“Ra’iisul Wasare kuxigeenka iyo kooxdiisa Wasiirrada ah oo marwalba isku halaynaya Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday, ma aha markii ugu horreysey ee ay fashiliyaan dadaalada xalka loogu baadi-goobayo arrimahan murugsan ee doorashada ee waxay xagal daaciyeen dhammaan kulamadii ay labada dhinac wada yeesheen.”

“Waxay ka caga jiideen guddiyadii wada jirka ahaa; waxay fashiliyeen waan-waantii ay odayada dhaganku bilaabeen; waxay ka baxayeen is afgarad kasta oo la gaadho; waxay si is-dabajoog ah isu hortagayeen in qodobada laysla afgarto qoraal lagu sameeyo oo dadka loo soo bandhigo.”

Golaha Siyaasiyiinta ee Somaliland (GSS) ayaa ugu dambeyntiina ugu baaqay Ra’iisal wasaaraha in uu la yimaado talo siyaasi ah oo xal u noqda khilaafka kuna dhisan caddaalad, xili uu dhawaan kulan saddex geesood ah la qaatay Cabdi iyo Mahdi Guuleed.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka


Aqriso magacyada: Rooble oo magacaabay guddi cusub oo qaabilsan qeyb kamid ah heshiiskii doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhoweyd maagcaabay guddi cusub oo ugu magac daray “Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka”.

Guddiga cusub oo ka kooban 13 xubnood ayaa waxay ka shaqeyn doonaan u ololeynta iyo xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee labada aqal ee BFS, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

“Si loo hubiyo matalaadda haweenka ee goleyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood oo qaabilsan u ololeynta iyo xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee labada aqal ee BFS,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Guddiga cusub ee uu maanta magacaabay Rooble ayaa waxaa guddoomiye u ah Marwo Batuulo Axmed Gabale, waxaana qeyb ka ah haween caan ku ah u doodida xuquuqda haweenka.

Magacaabista guddigaan ayaa waxay kusoo aadeysa xili ay dib u dhacday doorashada Aqalka Sarre oo qorshuhu ahaa inay bilaabato maanta, balse aan ilaa hadda u hirgelin arrimo la xiriira dhameystiri la’aanta hanaanka doorashadaas.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa hore u ballan-qaaday ilaalinta qoondada haweenka ee labada aqal, midaasi oo qeyb ka aheyd heshiiskii doorashada ee lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Hoos ka aqriso magacyada xubnaha guddiga cusub

MAAMUL goboleedkii labaad oo magacaabay GUDDIGA doorashada AQALKA SARE

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamanka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Dr Cali Saciid Faqi ayaa maanta si rasmi ah u magacaabey Xubnaha Xildhibaanada golaha wakiilada maamulkaas ee qabashada doorashada Aqalka Sare.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha ayaa lagu magacaabay 11 xubnood oo uu guddiga Baarlamaan ka koobnaan doono, kuwaasi oo ayagu iska soo dhex dooran doona guddoon.

Xubnaha uu magacaabay Dr Faqi ayaa waxay ka shaqeyn doonaan sidii xildhibaanada golaha wakiilada Koonfur Galbeed u dooran lahaayeen Xildhibaanada Aqalka Sare ee deegaan doorashadoodu tahay maamulka Koonfur Galbeed.

Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa noqday maamulkii labaad ee magaacaba guddiga qabashada doorashada xildhibaanada Aqalka Sare, xili uu dib u dhac ku yimid doorashada Senator-da Aqalka Sare.

Jubbaland ayaa ahaa maamulkii u horeeyay ee magacaaba guddiga qabashada doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare, oo qorshuhu ahaa inay bilaabato doorashadooda maanta oo ku beegan 25-ka bisha 7-aad, hase yeeshe waxay ugu dib dhacday sababo la xiriira habraacii doorashadaas loo qaban lahaa oo ay dhameystirin inta badan dowlad goboleedyada.

Ilaa iyo hadda ma jiro Liiska Musharixiin oo la hayo, waxaana sidoo kale fasax ku maqan Baarlamaanka Galmudug oo aan isu imaaneynin ka hor 1-da August, mana muuqdo olole doorasho oo socda.

Dib u dhacaas ayaa waxa uu mugdi kale sii gelineya Doorashada Dadban ee Federaalka oo muddo dheer dib u dhacday, welina u muuqata mid jiitameysa, islamarkaana uu ka muuqdo cagajiid hor leh.

Hoos ka aqriso magacyada xubnaha guddiga

XIJAAR oo is-beddel ku sameeyey mid ka mid ah xilalkii ugu muhiimsanaa taliska ciidamada booliska

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta xilkii ka qaaday afhayeenkii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, una magacaabay mid cusub.

Taliye Xijaar ayaa afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed u magacaabay Gashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo ka mid ahaa ciidanka Booliska Soomaaliueed.

Gashaanle Cabdifataax Aadan ayaa sidoo kale kamid ahaa saraakiisha firfircoon ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, taasi oo uu Taliyaha ugu magacaabay xilkaan cusub.

Afhayeenka cusub ayaa waxa uu bedelayaa Korneyl Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) oo horay u ahaa Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Afhayeenka Ciidanka ayaa inta badan ka warbixiya shaqooyinka booliska, howl-gallada iyo kiisaska xasaasiga ah ee lala wadaagayo bulshada, waana midda uu qaban doono Afhayeenka cusub ee maanta la magacaabay.

TPLF oo ku hanjabtay inay maalmo ku qabsan doonto jidka Addis Ababa iyo Jabuuti

Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa saacadihi la soo dhaafay xoogeystay dagaallada ka socda dalka Itoobiya, iyadoo jabhadda TPLF ay sii waddo faariisimaha ay ka sameysaneyso goballada deriska la ah.

Hogaanka sare ee ciidamada Tigray-ga ayaa sheegay in ay isku ballaarinayaan xadka gobalkooda uu la wadaago gobalada Canfarta iyo Amxaarada.

General Tsadkan Gebretensae, oo la sheegay inuu haatan yahay hogaamiyaha garabka ciidanka ee TPLF oo la baxay TDF, islamarkaana ahaa taliyihii ciidanka milatariga itoobiya ee xiligii dagaalka Eritrea, ayaa sheegay inay maalmo gudohood kula wareegi doonaan jidka Addis Ababa iyo Djibouti isku xira.

”Hawlgalkii Charchar ilaa Mile ee deegaanka Canfarta wuxuu kusoo gaba gaboobay si wanaagsan, haatan waxaan si deg deg ah kula wareegi doonnaa jidka isku xidha Itoobiya iyo Djibouti waxaana si toos ah gargaarka ugu furi doonnaa dadkayaga,” ayuu yiri General Tsadkan Gebretensae.

Waxa uu intaas ku daray inay ciidamadooda ay ku guuleysteen inay bur buriyaan fariisimo ciidamada Itoobiya ay ku lahaayeen deegano dhowr ah .

“Sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay waxaan ku guulaysanay inaan burburino ciidankii ku sugnaa aaga Qobo iyo Woldie, oo ay kamid ahaayeen ilaaladii madaxtooyada, haatana awooda ciidan waa mid anaga noo xaglinaysa, waxaana Addis Ababa gali karnaa anagoon wax iska caabin oo wayn ah la kulmin,” ayuu yiri jeneraalka.

Dhanka kale, wararka ka imaanayo Gobalka Canfarta ee dalka Jabuuti ayaa sheegaya in ay dadka shacabka ah billaabeen in ay isaga baxaan guryaha xilli ay ka cabsi qabaan inay soo weeraraan Tigray-ga.

Abiy iyo xulafadiisa ayaa waxaa tan iyo May ku sucda dagaallo ay adkaatay in ay iska caabiyaan, TPLF ayaana wacad ku martay in ay dalka kala wareegeyso xukuumaddiisa.

Wada-hadallo guul-dareystay oo xalay dhex maray Rooble iyo madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa xalay wada hadallo khadka Zoom-ka ka yeeshay xaaladihii ugu dambeeyey doorashada Soomaaliya.

Wada-hadalka Rooble iyo Maamul Goboleedyada ayaa dood dheer ka yeeshay sidii loo dardar gelin lahaa doorashooyinka, arrinta Somaliland, hirgelinta soo  jeedinta Guddiga dib u heshiisiinta Gedo iyo xalinta caqabadaha weli ka jira doorashada.

Sida ay xogta sheegeysa wada-hadalka xalay ayaa kusoo dhamaaday fashil, mana jirto wax natiijo ah oo laga gaaray qodobadii laga wada-hadlay.

Dhinacyada ayaa ku kala aragti duwanaaday arrinta Somaliland, waxaana soo ifbaxay in madaxda maamul Goboleedyada ay dhexooda kala taageerayaan labada garab ee Siyaasiyiinta Somaliland kala hoggaaminayaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

Kulanka Xalay ayaa kusoo aadayo xilli Dib u dhac uu ku yimid Doorashada Senatarada Aqalka Sare ee baarlamanka oo waqti ahaan loo asteeyay 25-ka July 2021 oo maanta ku beegan inay lagu qabto Magaalooyinka Muqdisho, Jowhar, Dhuusamareeb, Garoowe, Baydhabo iyo Kismaayo.

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal ayaa dhawaan xoojiyay habraaca lagu hagayo Doorashada Aqalka Sare, Golaha Shacabka & tan Madaxweynaha balse dib u dhaca jira uu sababi karo in uu isbadal ku yimaado jadwalka.