25 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Sawirro: Xubno ka tirsan guddiga FEIT oo gaaray Garbahaarey – Maxaa socda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo gaaray wafdi ka socda guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo xalinta khilaafaadka, kuwaas oo warbaahinta u faahfaahiyey qorshaha socdaalkooda.

Cabdiweli Maxamed Cilmi oo ka mid ah xubnaha guddiga FEIT ee maanta gaaray Garbahaarey ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan go’aanka ah in deegaan doorashada labaad ee Jubbaland loo wareejiyo magaalada Ceelwaaq.

Wuxuu sheegay in go’aankaas aysan ku mideysneyn xubnaha guddiga, “Sidaas darteed waxaan leenahay habraaca doorashada waxbaa laga bedeli karaan, laakiin sharciyadeeda wax lagama bedeli karo, anigu sharciyad ayaan ku soconaa, waxaana diyaar u nahay inay doorashada ku qabno magaalooyinka sharciga ah ee lagu heshiiyey oo Garbahaarey ay ku jirto,” ayuu yiri Cabdiweli.

Xubnahaan oo badankood warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay Garbahaarey u tageen qabashada doorashada 16-ka kursi ee laga soo doorto gobolka Gedo, iyagoo kormeer ku tegay goob loo qorsheeyey inay doorashada Garbahaarey ku qabtaan.

Dhanka kale xubno uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal Muuse Geelle ayaa ku sugan magaalada Kismaayo oo shalay ay ku qabteen doorashada hal kursi, kuwaas oo maalmaha soo socda ku jawahan degmada Ceelwaaq, si doorashada 16-kaas kursi ay u qabtaan.

Sida muuqata gobolka Gedo waxaa laga abaabulayaa doorashooyin is barbar socda, waxaana xusid mudan in xukuumadda iyo dowlad goboleedka Jubbaland ay isku raaceen in doorashada kuraastii taallay Garbahaarey loo wareejiyo Ceelwaaq oo Jubbaaland ay maamusho.

Tallaabadaas waxaa ka carooday maamulka iyo siyaasiyiinta kale ee gobolka Gedo, waxayna hadda isku diyaarinayaa doorasho u gaar ah, iyagoo garab ka helaya xafiiska Farmaajo oo loolan adag oo kuraastaas ku wajahan uu kala dhaxeeyo Axmed Madoobe.

Qodobadii ay ku doodeen Fahad iyo guddiga FEIT ee dacwaddii maanta billaabatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa maanta billowday dhagaysiga dacwad uu Fahad Yaasiin, taliyihii hore ee NISA, ka gudbiyay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal, kadib markii ay waxba kama jiraan ku sheegeen natiijada kursi HOP86 oo horey uu ugu guuleystay doorasho ka dhacday magaalada Beledweyne.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo hadda ah la taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo, horeyna u soo noqday agaasimaha hay’adda sirdoonka ayaa kursigaas loogu doortay 20-kii bishii Febraayo ee sanadkan magaalada Beledweyne, waxaa se doorashadiisa ku gacan seyray guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Federaal oo sheegay in aan la marin habraacyadii doorashada u dagsanaa, taasina waxay abuurtay jahwareer iyo khilaaf cusub, waxayna markii dambe uu Fahad Yaasin dacwad u gudbiyay maxkamadda sare.

Siday wax u dhaceen maanta

Fadhiga maxkamadda oo uu gudoominayay gudoomiyaha maxkamadda sare, Baashe Yuusuf Axmed, ayaa bilowgiiba lagu furay dacwad u dhaxaysa qareenka u doodaya Fahad Yaasiin iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka oo diidan dacwadda ka dhanka ah Guddiga Hiraglinta Doorashooyinka Heer Federaal.

Dhegeysiga dacwadda oo socotay in ka badan hal saac ayaa la soo xiray, inkastoo aan la shaacin xilliga ay maxkamaddu soo saari doonto go’aankeeda.

Doodda Maxkamadda oo qaybteedii hore la soo gabagabeeyay ayaa xafiiska Garyaqaanka Guud oo difaacaya Guddiga Hiraglinta Doorashooyinka Heer Federaal, waxay qareennadiisu codsadeen in Maxkamaddu ay diido qaadista dacwaddan, maadaama heshiiskii 17 kii September yo heshiisyadii ka dambeeyayba ay ku cadeyd habraacyada lagu maamulayo doorashada, laguna xallinayo haddii murano ay ka yimaadaan.

Fahad Yaasin ayaa guddiga doorashooyinka FEIT ku eedeeyay in si sharci darro ah ay u celiyeen kursiga tiirsigiisu yahay 86 oo dhawaan loogu soo doortay magaalada Baladweyne.

Haddaba, waxaan halkan idin kula wadaageynaa nuxurka qodobadii ugu muhimsanaa ee looga dooday maxkamadda maanta:

Awoodda maxkmadda

Waxaa jirtay hadal hayn ku aadanayd in maxkmadda sare ay wood u leedahay dhageysiga dacwaddan iyo in kale. Qareennada ka socday xafiiska garyqaanka Guud ee dowladda ayaa ku dooday inuu jiro habraac cad oo ku aadan xallinta khilafaadka doorashada sida ku cad heshiiskii 17 September ee ay ansixiyeen labada gole ee baarlamaanka.

Wuxuu sheegay inuu jiro guddi khilaafaad loo cawdo iyadoo ugu dambeyntana ay madasaha qaranka dib u eegis ku sameyn karaan go’aannada guddiga khilaafaadka. Hase yeeshee qareenka matalayay Fahad Yaasiin, abuukaate Sakariye Ismaaciil Nuur, ayaa ku dooday inaysan jirin “awood ka sareysa garsoorka oo ka gar-naqi karta khilaaf noocuu doono ha ahaadee.”

Wuxuu xasuusiyay qareennada matalayay guddiga inay ahayd inay maxkamadda keenaan dalab is hortaag ka hor inta aan la guda galin gudbinta jawaabaha dacawadda uu soo gudbistay Fahad.

Habraacii mala maray

Qareenkii matalayay Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa ku dooday in kursiga HOP086 la hakiyay ka hor inta aan la qabanin doorashada sidaas darteedna qabashada doorashada uu ku soo baxay Fahad ay ahayd mid sharci darro ah. Qareenka Fahad ayaa dhinaca kale ku dooday in guddiga khilaafaadka ay fasaxeen kursiga isla markaana xubna ka socdo guddiga heer Federaal ay goobjoog ka ahaayeen qabsoomidda doorashada kursigaasi.

“FEIT ma laali kartaa natiijo doorasho”

Qareenka Fahad, Sakariye ayaa ku dooday in habraacyada aysan ku jirin in guddi heer Federaal uu ka gar-naqi karo cabashooyin la xiriira dacwad doorasho. Wuxuu sido kale sheegay in guddigu uusan “hakin karin ama laaali karin natiijo doorasho ama mid la shaaciyay.”

Qareenka matalayay guddiga doorashada, garyaqaan Muuse Axmed Ciise ayaa hase yeeshee sheegay in guddiga heer Federal uu “leeyahay door kormeer iyo dabagal oo micnaheedu yahay nuu sixi karo wixii khadlan”

Muxuu Fahad ugu dacwoon waayay guddiga khilaafadka?

Qareennada guddiga doorashada ayaa ku eedeeyay Fahad inuu baalmaray nidaamkii loo dajiyay xallinta khilaafaadka doorashada, kadib markii uu ku guuldarreystay inuu dacwad u gudbiyo guddiga loogu talogalay xallinta khilaafaadka.

Qareenka Fahad, Sakariye Ismaaciil Nuur, oo sharraxayay sababta uu guddiga khilaafaadka ugu dacwoon waayay Fahad ayaa sheegay in guddiga ay mar horeba go’aan ka so saareen oo ay fasaxeen qabashada kursiga, kadib markii uu guddoomiyaha guddiga doorashooyinka soo saaray warqad uu ku hakinayay doorasahda kursiga HOP086 horrantii bishii Febraayo.

Xigasho: BBC Somali

Mahad Salaad oo faah-faahiyey sida uu ku yimid isku dhacii shalay ee xarunta BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay isku dhac kooban oo asaga iyo Xildhibaano taabacsan Farmaajo ku dhexmaray shalay xarunta Golaha Shacabka.

Mahad Salaad ayaa sheegay in isku-dhacaas ay keentay aqoon darro xildhibaanada cusub ee taabacsan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka haysatay shuruucda iyo xeerarka Baarlamaanka.

“Saaxiibaday horta laba mushkilo ayaa haysatay, xildhibaanada maanta dooda waday mid waxay aheyd inaysan xog ogaal u aheyn xeer hoosaadka labada aqal ee Baarlamaanka,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in buuqa uu ka dhashay kadib markii ay Xildhibaanada taabacsan Farmaajo oo ay kamid yihiin Cabdullaahi Aadan Kulane Jiis iyo Cabdishakuur Cali Mire ay bilaabeen dood kadib markii la ansixiyay xeer hoosaadka doorashada oo aysan xiligaas harsaneyn dood kale oo Baarlamaanka u dhineyd.

“Markii uu Ajendihii dhamaaday ee la xiray golihii ee hoobiyeyaal lagu soo weeraray xarunta BF waxaa la yiri Xildhibaanada ayey banaanka u bixin illaa inta laga hubinayo, intii ay Xildhibaanada hoolka ku jireen ayaa Xildhibaano soo kaceen, kuwaasi oo guddoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka u yimid ayaga oo gacanta ku dhagan oo jiidaya u yimid.”

Waxa uu kusii daray hadalkiisa “Markan arkay ayaga oo gacanta ka jiidaya guddoomiyaha ayaa soo kacay. Kadib faro taag taag iyo dagaal ayey meeshii ka bilaabeen, runtii intii aan wax u sheegi karno ee waanin karno waa u sheegnay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in kaamirooyinka ay qabteen intii hadalada isku jiid-jiidayeen ee aysan jirin wax kale oo culeys ama dagaal kale oo ka dhacay xarunta Baarlamaanka.

Hadalkaan ayaa imanaya xili si weyn loo hadal hayay buuq shalay ay xarunta Baarlamaanka ka sameeyen xildhibaanada taabacsan Farmaajo, ayaga oo Kaamirooyinka warbaahinta ay qabteen Xildhibaan Cabdishakuur Mire oo u fak-fakanaya Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah xubnaha sida weyn u mucaaridsan Farmaajo.

Diiwaan-gelinta musharixiinta guddoonka BF oo Muqdisho ka bilaabatay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka bilaabatay diiwaan-gelinta Musharixiinta u tartameysa xilalka guddoomiye ee Aqalka Sare, Golaha Shacabka iyo ku xigeennadooda.

Sida uu jadwalka ahaa, diiwaan-gelinta musharixiinta ayaa waxay bilaabaneysay maanta waxayna ku egtahay maalinta Jimcaha ee 22-ka April, waxaana Maanta Shahaadada musharaxnimada la guddoon siiyey musharrax Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdullaahi Aadan Axmed Black.

Aadan Madoobe ayaa mar soo noqday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Madoobe ayaa ka mid ah Xildhibaannada ku matalaya Baarlamaanka 11-aad Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.

Dhinaca kale, Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shahaadada musharaxnimo guddoonsiiyay Maxamed Cumar (Caananuug) oo ka mid ah musharaxiinta u taagan Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 27 April 2022, ayada oo ay ku egtahay isdiiwaan galinta musharaxiinta u hanqal taageysa qabashada shirguddoonka Golaha Shacabka 22 Bishaan oo ku beegan maalinta Jimcaha.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Shalay ansixiyey jadwalka doorashada guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya kadib kulan ay buuq ka sameeyeen xildhibaanada taageersan madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaaajo.

C/risaaq Cumar oo shaaciyay xog la xiriirta weerarkii BF – Madfaca kama iman meel fog

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee guddiga qaban-qaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka ayaa markii u horeysay ka hadlay weerarkii hoobiyeyaal ee shalay lagu garaacay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Villa Hargeysa, xilli ay ku shirayeen xubnaha labada Gole.

Guddoomiye Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in hay’addaha amniga ay u sheegen in hoobiyeyaashaas laga soo tuuray meel aan ka fogeyn xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa, taasi oo kor usii qaadeysa tuhunka ku xeeran weerarkaas.

“Hoobiyaha kuwa waaweyn aan aheyn ayaa kusoo dhacay Baarlamaanka hortiisa, waxay Hay’adaha amniga noo sheegeen in hoobiyaha kusoo dhacay Baarlamaanka laga soo tuuray meel aan ka fogeyn goobta,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray hadalkiisa “Waxa ku dhaawacmay dad shaqaale ka ah baarlamaanka iyo dad ka shaqeeya Amniga oo Askar ah. Waxa kulmiyey labada arrin ayaa ah wax la is-weydiiyo.”

Weerarkaas ayaa waxa uu sababay khasaare u badan dhaawac iyo burbur ka dhashay hoobiyeyaasha lagu garaacay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa durbo shalay sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, kadib qoraal ay ku baahisay warbaahinta ku hadasha afkeeda, kaasi oo ay ku sheegtay inay khasaaro ku gaarsiisay ciidamo iyo howl-wadeenada Baarlamaanka.

Xog: Deni oo isugu yeeray xildhibaanada Puntland laga soo doorto + Qorshe cusub

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, ahna musharax madaxweynaha Soomaaliya, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa isgu yeeray xildhibaanada labada Aqal ee baarlamanka federaalka kasoo galay Puntland, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. 

Deni oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, ayaa la sheegay inuu xildhibaanada kala hadli doono doorashada madaxweynaha Soomaaliya iyo habka ay u wajahayaan.

Rabitaanka koowaad ee Deni ayaa ah in xildhibaanada ay codkiisa siiyaan isaga, balse xogta aan helnay ayaa sheegeysa inuu sidoo kale kala hadli doono musharaxa ay u codeyn doonaan haddii uu ku haro wareegga koowaad ama kan labaad ee doorashada. 

Deni ayaa soo saartay illaa 40 xildhibaan, wuxuuna sidoo kale isku haleynayaa xildhibaanada kasoo galaya Jubaland ee uu soo saaray saaxiibkiis Axmed Madoobe, taasi oo siineysa taageerada ku dhowaad 60 xildhibaaan. 

Hase yeeshee, tiradaas kadib ayaanay caddeyn sida Deni uu xildhibaano kale ku heli doono, ayada oo sanadkan la rumeysan yahay in ugu yaraan 5 musharax ay heli karaan ku dhowaad 50 cod iyo ka badan wareegga koowaad ee doorashada. 

Ma cadda musharaxa uu Deni taageeri doono haddii uu haro, balse waxaa la hubaa inuusan aheyn Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, maadaama uu horey u sheegay in sababta uu isku sharxay ay tahay in kursiga uu dhaafiyo madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday.

Horey waxaa u jiray in Deni la rumeysnaa inuu taageerayo madaxweyne Xasan Sheekh, oo aad isugu dhowaayeen, balse hadda xiriirkooda aanu sidii hore aheyn kadib markii uu qaatay go’aanka uu isku sharxay. 

Kulanka Deni isugu yeeray xildhibaanada ayaa imanaya ayada oo ay jirto inuusan weli hayn dhaqaale ku filan oo doorashada uu ku galo kadib markii ay dowladda Imaaraadka Carabta oo uu isku haleynayey u sheegtay inaysan taageeri karin, sida aan xog ku helnay.

Daawo: Maxkamadda Sare oo billowday dhageysiga dacwadda kursiga FAHAD

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta si rasmi ah u guda gashay dhageysiga dacwadda uu u gudbiyey la-taliyaha amniga qaranka Fahad Yaasiin, taas oo la xiriirta kursiga loo doortay ee HOP086, kadib markii uu hakiyey guddiga doorashooyinka ee FEIT.

Doodda maanta billaabatay ayaa waxay labada dhinac ee qareenada Fahad iyo Guddiga FEIT kusoo bandhigeen doodahooda.

Hoolka doodda ayaa ahaa mid firaaqo ah, waxaana la xadiday dadka ka qeyb-galaya dhageysiga dacwddaan oo ah mid xasaasi ah, marka laga reebo qareennada difaacayey Fahad, kuwa u doodaya guddiga FIET iyo guddoonka maxkamadda sare ee dalka.

Guddoomiyaha maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed ayaa soo xiray fadhigga maanta, wuxuuna sheegay inay maxkamaddu dib ka soo saari doonto qaraar ku aadan kursigaasi.

“Maxkamaddu qaraarbey kasoo saari doontaa, Insha Allaahu Tacaalaa, haddana maxkamadda waa ay innoo xiran tahay,” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Maxkamadda Sare ayaa 10-kii bishaan April xaqiijisay inay qabatay gal-dacwadeed uu soo gudbiyey la taliyaha dhanka amniga ee Farmaajo, Fahad Daahir Axmed (Fahad Yaasiin).

Fahad ayaa ka dacwoonaya guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT oo sharci darro ku tilmaamay doorashadii kursiga uu Fahad ka soo qaatay Beledweyne ee HOP086.

Maxkamadaan waxaa guddoomiye ka ah Baashe Yuusuf Axmed oo ah nin aad ugu dhow nidaamka Farmaajo, siyaasiyiin badan oo kiiskaan isha ku haya ayaa qaba tuhun ah in Maxkamaddu fasixi doonto kursigaas.

Hase yeeshee Garyaqaanka guud ee dowladda oo xilligaas qabsaday maalmo dheeraad ah, si uu u soo xaqiijiyo hanaankii loo maray doorashada kursiga Fahad Yaasiin ayaa Sabtidii shalay Maxkamadda ku jawaab celiyey.

Qoraalkii xafiiska Garyaqaanka guud ee dowladda uu u diray Maxkamadda Sare waxaa lagu sheegay inuu aaminsanyahay in Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ay hakinta kursiga HOP086 u mareen habraacii saxda ahaa ee loogu talagalay habraaca fulinta doorashada dadban.

Xafiiska ayaa sidoo kale difaacay awoodda iyo sharciyadda guddiga doorashada, wuxuuna sheegay in gudidga ay awooddiisu tahay inuu mas’uul ka yahay guud ahaan kormeerka hannaanka doorashada iyo xaqiijinta inay si isku mid ah u dhacdo hannaanka doorashadu iyo dabagalka fulinta hannaankii lagu heshiiyay ee qabsoomidda doorashooyinka Somalia.

Halkan hoose ka daawo:-

Sheekh Aadan Madoobe oo iska casilay xilkii Xisbiga Himilo Qaran + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka 11-aad ee dalka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo dhammeysirka doorashooyinka Somalia.

Aadan Madoobe ayaa shirkiisa jaraa’id ku shaaciyey inuu iska casilay xilkii uu ka hayey xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Sababta ayaa waxa uu ku sheegay inuu u hoggaansamayo, sida uu qabo Dastuurka KMG ah ee ku aadan qodobkiisa la xiriira in qofka isku sharraxayo guddoonka baarlamaanka uu marka hore iska cisilo, haddii uu xil ka hayo xisbiyada siyaasadeed ee ka jira gudaha dalka.

“Shirkeyga jaraa’id maanta wuxuu ku saabsan yahay inaan u caddeeyo Ummadda Soomaaliyeed sida uu qabo Dastuurka Qaranka ee KMG ah qodobkiisa 65-aad, farqaddiisa 3-aad oo na fareyso qof kasta oo u tartamaayo guddoonka Golaha Shacabka, mise guud ahaan baarlamaanka Soomaaliyeed inuu iska casilo xil kasta oo uu u hayey xisbi siyaasadeed, sidaas daraadeed waxaan u caddeynayaa Ummadda Soomaaliyeed inaan iska casilay xilkii aan ka haayey Xisbiga Himilo Qaran,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay, haddii uu ku guuleysto xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka inuu u sinnaan doono dhinacyada siyaasadda dalka, kana shaqeyn doono cadaaladda.

“Haddii Ilaahey igu guuleeyo waxaa noqon doonaa Oday Soomaaliyeed oo u siman dhammaan garabyada siyaasadeed ee dalka, cadaaladda iyo sinaana aan ku maamuli doono,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe.

Hadalkiisa ayaa ku soo aadayo, iyada oo maanta la bilaabay diiwaangelinta xubnaha musharixiinta ee u taagan guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, kadibna doorashada labada guddoon la qaban doono 26 iyo 27 bishan April.

Maamulka degmada Kaxda oo shaaciyey xog ku aadan dilka ABWAAN BEDDEL

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay Marxuum Abwaan Beddel Jaamac Xirsi oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Soomaaliyeed, kaas oo xalay lagu dilay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Marxuumka ayaa waxaa toogasho ku dilay rag ku hubeysnaa Bistoolado, kuwaas oo goobta ka baxsaday, xilli ay ku beegneyd afurkii, gaar ahaan mar laga soo baxay Salaaddii Maqrib.

Guddoomiyaha maamulka degmada Kaxda Maxamed Yuusuf oo ka qayb-galay Aaska ayaa ka hadlay dilka Abwaanka, wuxuuna tacsi u diray ehellada iyo Ummadda Soomaaliyeed.

“Runtii waa geeri aad u xanuun badan, waana uga tacsiyeyneynaa qaraabada, ehellada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Yuusuf.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ku raad joogaan raggii ka dambeeyey dilka loo geystay Abwaan Beddel Jaamac, isla-markaana ay hayaan xogtooda, ayna gacanta kusoo dhigi doonaan, si loo horgeeyo maxkamadda, loogana qaado tallaabo waafaqsan sharciga.

“Waxaan caddeyneynaa Abwaan Bedal gacantii dishay, haddii Ilaahey raalli ka noqdo in lagu tegi doono. Raadad ayaan heynaa, xogo ayaan heynaa waana ku tegi doonaan,” ayuu nar kale yiri guddoomiyaha maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

AUN Beddel Jaamac Xirsi ayaa caan ka ahaa magaalada Muqdisho, wuxuuna aad uga hadli jiray arrimaha siyaasadda iyo xaaladaha taagan, isaga oo kasoo muuqan jiray warbaahinta.

Si kastaba, dilkiisa ayaa qayb ka noqonaya falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey magaalada Muqdisho, xilli lagu jiro xaalad kala guur ah & marxalad doorasho.

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada guddoonka labada gole ee baarlamanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa haatan laga dareemayaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Diiwaangelinta xubnaha musharixiinta ayaa lagu wadaa inay maanta si rasmi ah uga bilaabato xarunta labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, madaama jadwalka la shaaciyey lagu sheegay in diiwaangelinta ka bilaabayo 19-ka bishan April ee sanadka 2022-ka oo maanta ku beegan.

”Maalinta Barri ah 19 April 2022, guddiga doorashada guddoonka Golaha Aqalka Sare BFS wuxuu billaabayaa diiwaangelinta murashaxiinta u tartamaya xilka guddoonka golaha Aqalka Sare,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay guddiga doorashada guddoonka Golaha Aqalka Sare Soomaaliya.

Guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa ee labada Aqal ayaa waxaa isku soo taagay xildhibaano iyo Senataro ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, kuwaas oo loolan u geli doono shir guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka.

Musharixiinta ayaa sidoo lale laga doonayaa in ay bixiyaan lacagaha ku xusan diiwaangelinta oo shalay la shaaciyet, gudbinta sooyaalkooda iyo isu diyaarinta qabashada doorashada guddoonka labada Gole.

Arrintan ayaa qayb ka ah dhammeystirka doorashada Soomaaliya, maadaama shalay la meel mariyey jadwalka doorashada ee guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

Dorashada ayaa waxaa loo qorsheeyey in ay dhacdo 26-ka April & 27-ka April 2022 oo la kala dooran doono guddoonka labada Gole, kadibna waxaa xigi doono doorashada Madaxweynaha oo ah tan ugu dambeysa.

Faah-faahin: Sidee ku yimid isku dhacii Mahad Salaad iyo Cabdishakuur Cali Mire?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii  shalay ee xildhibaanada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ay ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa ka dhacay buuq lagu sigtay inay gacanta iskula tagaan qaar ka mid ah xildhibaanada cusub.

Kulanka ayaa waxaa lagu ansixiyey jadwalka doorashada guddoonka labada Aqal, wuxuuna dhacay xilli laga cabsi qabay in xildhibaano taageersan Villa Somalia ay isku dayaan inay joojiyaan si doorashada dib loogu dhigo, taasi oo aan dhicin.

Xildhibaannada ayaa si aqlabiyad leh ku ansixiyay habraaca doorashada guddoonka baarlamaanka, kadibna waxaa la maqlay jug culus oo ahayd hoobiyeyaal lagu weerarray xarunta baarlamaanka ee Villa Hargeysa. 

Ugu yaraan 7 ruux oo u badan askarta goobta ku sugnayd ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen weerarka.

Inta uu socday buuqa ayaa waxaa guddoonka baarlamaanka u tagay xildhibaan Cabdullahi Aadan Kulane (Kulane Jiis) oo laga soo doortay Galmudug, gaar ahaan degmada Balanbale.

Kulane ayaa u muuqday mid diidan mudada uu soo bandhigay guddiga baarlamaanka u qaabilsan doorashada guddoonka, oo loo asteeyay in mida aqalka sare ay dhacdo 26-ka April, maalinta xigtana la doorto guddoonka golaha shacabka.

Intii uu xildhibaan Cabdullahi Kulane la hadlayay guddoonka KMG ah ayaa waxaa sii garab istaagay oo ay hadal isla dhaafeen xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.

Waxaa la arkayay xildhibaan Cabdullahi Kulane oo ku xanaaqay Mahad, islamarkaana ay labada mudane ku sigteen inay isu gacan qaadaan. 

Waxyar kadib waxaa dhinaca kale ee baarlamaanka ka soo kacay xildhibaan Cabdishakur Cali Mire oo si toos ah u abaaray Mahad Salaad. Lama maqli karin hadallada dhexmaray labada mudane, balse xaalkoodu waxa uu gaaray in la kala qabto.

Mahad iyo Cabdishakur oo muddo siyaasadda Soomaaliya ku wada jiray, islamarkaana ay deegaan doorashadoodu tahay Galmudug ayaan si rasmi ah uga hadal waxa ay isku hayeen. 

Waxaa xusid mudan in labadan xildhibaan oo ka wada tirsanaa baarlamaankii kan ka horreeyay ay kala taabacsan yihiin Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo mucaaradkiisa. 

Mahad Salad oo kulanka kadib qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in qorshaha xildhibaannada ka aragti duwan uu ahaa “isbaaro ay u dhigtaan doorashada guddoonka baarlamaanka”.

Kulankii shalay ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa laga dheehan karay kala qeybsanaanta sanadihii la soo dhaafay haraysay siyaasadda dalka.

Khadiija Maxamed Diiriye oo isku soo sharaxday kursigii uu qorsheynayey Fahad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye ayaa shaacisay inay tahay murashax u taagan kuriga guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka baarlamanka federaalka Soomaaliya.

Kursiga xildhibaanad Khadiija ay ku dhawaaqday inay u tartameyso ayaa waxa la rumeysan yahay inuu yahay midka uu sida aadka ah u doonayo Fahad Yaasiin oo weli aanu helin shahaadada xildhibaannimo.

Khadiija Maxamed Diiriye ayaa qoraal ay soo saartay boggeeda Facebook waxay ku shaacisay murashaxnimadeeda, iyadoo tiri “Kadib markaan talo soo jeedinta saaxiibadeeyda siyaasadda aan ku tolloownay anigoo dareensan in hore loo dhaqaajiyay doorashada golaha shacabka BJFS waxaa lacaga bilaabo caawo soo bandhigayaa murashaxnimadayda guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee golaha shacabka baarlamaanka 11-aad”.

Khadiija iyo Fahad Yaasiin ayaa aad isugu dhow, waxaana la ogeyn in tallaabada ay ku shaacisay murashaxnimadeeda inay tahay siyaasad iyo in Fahad ka quustay inuu helo kursiga laga hakiyey, sidaasi darteedna uu u arkay in Khadiija Maxamed Diiriye booskii uu banneeyay inay buuxiso.

Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye ayaa caan ku ah is rog-rogga siyaasadeed waana sababta keentay inay shan jeer soo gasho baarlamaanka, iyadoo xiligaan ay ka mid tahay taageerayaasha Villa Somalia.

Doorashadii baarlamaanka 11-aad ayey sidoo kale waxay ka mid aheyd murashaxiintii aadka loogu saadaalinayay guddoomiye ku-xigeenka koowaad, iyadoo cododkii ay heshay ugu shubtay Cabdiweli Ibraahim Muudeey.

Dhinaca kale, waxaa xilkaan isu soo taagay Xildhibaan Maxamuud Cabdulqaadir Jeego iyo Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-Nuug), kuwaasi oo shaaciyay inay u taagan yihiin tartanka guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka.

Ruushka oo soo bandhigay rag ka yimid Britain oo lagu qabtay dagaalka Ukraine

Moscow (Caasimada Online) – Laba dagaal-gale oo u dhashay dalka Britain ayaa la sheegay in ciidamada Ruushka ay ku qabteen dagaalka ka socday gudaha dalka Ukraine, oo hadda kusii siqaya bishii saddexaad.

Dagaalyahanada la qabtay ayaa kasoo muuqday Telefishinka Qaranka Ruushka, waxayna Ra’iisul Wasaaraha England Boris Johnson ka codsadeyn inuu ka caawiyo sidii loo sii deyn lahaa.

Shaun Pinner oo 48 jir ah iyo Aiden Aslin oo 28 jir ayaa muuqaalkooda laba jeer la kala baahiyey iyaga oo dalbanaya in lagu bedesho siyaasiyiin Ruushka taaageersan oo lagu hayo Ukraine.

Dowladda UK weli kama aysan hadlin raggaan sheegay inay kasoo jeedaan England ee la sheegay in lagu qabtay dagaalka Ukraine.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa sheegay in tiro badan oo ka mid ah ciidamada Ruushka ay hadda diiradda saareen hawlgalkii ay muddo dheer isku diyaarinayeen.

Goor sii horreysay, Golaha Ammaanka Qaranka ee Ukraine ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay isku dayeen in ay dhulka ku daraan ku dhawaad​​ dhammaan ciidamada jiidaha hore ee gobollada Donetsk, Luhansk iyo Kharkiv.

Weerarkan ayaa ahaa mid la filayey muddo dheer kadib markii Ruushka uu ku guul daraystay inuu qabsado Kyiv.

Ruushka ayaa markii hore u muuqday in uu doonayay in uu qabsado magaalooyinka waaweyn ee Ukraine oo uu afgambiyo dowladda.

Hase yeeshee ka dib markii ay la kulmeen iska caabin adag, saraakiisha difaaca ee Ruushka ayaa sheegay in ujeeddooyinkoodii ugu muhiimsanaa ee “marxaladda koowaad ee hawlgalka” ay “guud ahaan u qabsoomeen” sidaa darteedna ciidamadooda laga soo raray aagagga caasimadda.

Waxay ku dhawaaqeen qorshayaal cusub oo diiradda lagu saarayo duulaanka “xoreynta” gobolka Donbas ee ku hadla afka Ruushka.

DANAB oo burburiyey saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen MUDUG

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo qorsheysan oo ciidamada Xoogga dalka dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran Danab ay ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Mudug.

Howlgalladaan ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xoogag ka tirsan Al-Shabaab, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan Xoogga dalka.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay inay burburiyeen fariisimo ay kooxda Al-Shabaab ku laheyd halkaasi, ayna la wareegeen deegaanada Qaraarow, Kalaxiran, Goryaale, Dhuumaale, Caad, Gabdhaale, Waable, Xawal Xasan Cadde, Hareeri Dheere iyo  Gaade.

Ujeedka howlgalladan ayey saraakiisha ciidamada Danab ku sheegeen in looga hortegayo weeraro ay had iyo jeer Al-Shabaab kasoo abaabulaan deegaanada ay ka joogaan Mudug.

Waxa kale oo ay intaasi ku dareen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada milatari ee haatan ka socda gobollada dhexe, gaar ahaan Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha dalka.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab ee ku aadan howlgalladaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaan dadka deegaanka soo wajahday cabsi la xiriirta in dagaallo culus oo u dhexeeya labada dhinac ay ka qarxaan halkaasi.

Gedo: Sarkaalkii lagu eedeeyey weerarka Macalimuu oo xog cusub bixiyey

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – G/Sare Cabdullahi Aadan Warfaa oo ah taliyaha ciidamada guutada Gedo ee militeriga Soomaaliya ayaa ka jawaabay eedeymihii uga yimid guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo Cusmaan Nuur Xaaji Macalimuu.

Guddoomiye Macalimuu ayaa sheegay in xalay gurigiisa ay ku soo weerareen ciidamo Farmaajo ku beel ah oo Taliye Warfaa uu u soo diray, balse uu iska difaacay.

Sidoo kale guddoomiye Macalimuu ayaa sheegay in ciidamadaas ay tiro ahaan gaarayeen 50 askari, sababta loo soo weerarayna wuxuu ku sheegay in siyaasad ahaan uu taageeray maamulka Jubaland, taasna ay ka xumaadeen maamulka iyo saraakiisha ciidamada ee ku sugan gobolka Gedo.

Gaashaanle Sare Cabdullahi Aadan Warfaa oo BBC la hadlay ayaa iska fogeeyey eedeynta ah in xalay uu gurigiisa ku wareeray guddoomiye Macalimuu, balse wuxuu qirtay inuu xubno saraakiil ah u diray.

“Macalimuu nin sarkaal ah waaye oo ciidanka aan madaxda u ahay ayuu ka tirsan yahay, marka cidna ma weerarin ee taleefan hala iigu geeyo ayaan iri, si aan ula hadlo,” ayuu yiri, Taliyaha ciidmaada guutada 10-aad ee gobolka Gedo.

Taliye Warfaa ayaa intaas ku sii daray in Macalimuu uu kala hadli rabay arrimaha siyaasadda ee uu Facebook-giisa ku qoro, maadaama uu yahay sarkaal ciidan, ciidankana ay mamnuuc ka tahay ka hadalka siyaasadda.

“War siyaasadda maxaa ku geliyey nin ciidan ah ayaa tahaye inaan dhaho ayaan rabay, seddax sarkaal ayaan u diray, kadib markii aan talefankiisa waayey, sarkaal aan ku kalsoonahay ayuuna ahaa, hadii la weerarayna dhimasho iyo dhaawac ayaa meesha ka dhici lahaa, balse warkaas waa been,” ayuu yiri Taliye Cabdullahi Warfaa.

Mar la weydiiyey qoraalka ay dhibsadeen ee Macalimuu uu soo dhigay wuxuu ku jawaabay, “Horta anagu amniga gobolkaan ayaan qaabilsanahay Macalimuu wuxuu soo qoray in hadii Gedo doorasho lagu qabanaayo inuu dib ula wareegi doono xafiisyadii uu maamuli jiray, arrintaasna hadda inuu ka hadlo kuma haboona, ninkaan guddoomiye ayuu soo ahaa jiray dadkan waa ka tarxiili jiray gobolkaan cidii ka hor imaata.”

FARMAAJO oo war kasoo saaray weerarkii maanta ee Villa Hargeysa iyo dilka Bedel

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida Allaha u naxariistee, Abwaan Beddel Jaamac Xirsi oo caawa lagu dilay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale caafimaad degdeg u rajeeyey muwaadiniinta uu dhaawacu ka soo gaaray weerarkii hoobiyaha loo adeegsaday ee maanta lala beegsaday xarunta baarlamaanka ee Villa Hargeysa, kuwaas oo labo ka mid ah ilaalada Cabdiraxmaan Cabdishakuur ay ku jireen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in Marxuum Beddel Jaamac Xirsi uu ahaa abwaan iyo nabaddoon lagu yiqiin samadoonnimo, waddaniyad iyo dal jacayl, isaga oo door lama illaawaan ah ka qaadan jirey wacyigelinta bulshada, nabadaynta, dowlad-dhiska dalka.

“Alle ha u naxariistee Marxuum Beddel Jaamac Xirsi waxaa uu ahaa haldoor, abwaan iyo nabaddoon bulshada ka wacyi gelin jirey aafada qabyaaladda, kalatagga iyo aayo-xumada colaadaha, waxaana uu mar walba ku baraarujin jirey taageerada dowladnimada, midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed. Waxaan xanuunka tacsida la qaybsanayaa ehelka Marxuumka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray xafiiska Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa cambaareeyey weerarkii hoobiyaha loo adeegsaday ee maanta lagu qaaday xarunta Villa Hargeysa.

Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in meel looga soo wada jeesto ficillada gurracan ee kooxaha argagixisada ah, si buuxdana loola shaqeeyo ciidamada qaranka ee maalin iyo habeen u taagan sugidda amniga dalka.

Kooxo ku hubeysan Bistoolado ayaa salaadii Maqrib kadib banaanka Masaajid ku yaalla degmada Kaxda waxay ku toogteen Allaha u naxariistee Abwaan Bedel Jaamac oo isla goobta ku geeriyooday, waxaana goobta ka baxsaday ragii dilay marxuumka.

Hoyga Sheekh Shariif oo uu ka socdo olole is dul saaran

0

Muqdisho (Caasimaa Online) –  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna murashax madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa Axadii shalay dib ugu soo laabtay magaaladaMuqdisho kadib markii maalmihii lasoo dhaafay uu ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Soo laabashada Shariif oo kusoo beegantay seddax maalin kadib dhaarinta xildhibaanada cusub ayaa kadib waxaa xalay hoyga uu ka degan yahay Muqdisho ka billowday dhaqdhaqaaq iyo olole ay qeyb ka ahaayeen xildhibaanada cusub ee dhawaan la dhaariyay, kuwasi oo u diyaar garoobayo doorashada guddoonka baarlamaanka.

Sheekh Shariif ayaa hoygiisa afur ugu sameeyay tiro xildhibaano ah, waxaana ay xildhibaanada la shiray Shariifka ay isku raaceen inay u midoobaan sidii ay u siin lahaayeen murashaxa ay Sheekh Shariif iyo mucaaradka wadaan ee Sheekh Aadan Madoobe.

Shariif iyo xubno ka tirsan mucaaradka waxay ka mideysan yihiin inay ku taageeraan codkooda Sheekh Aadan Madoobe oo u sharaxan guddoomiyaha golaha shacabka, islamarkaana xilkan horey usoo qabtay iyo Cabdi Xaashi oo Aqalka Sare ay la doonayaan mucaaradka iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Dhinaca kale, kulamadaasi ayaa waxaa barbar socday ololaha murashaxnimada Shariifka ee madaxweynaha soo socda.

Xildhibaanada isugu tegay hoyga Shariifka ayaa qaarkood loo badinayay inay u janjeeraan dhinaca Villa Somalia, kuwaasi oo qaarkood deegaan doorashadooda aheyd Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabeelle oo Shariifka lagu tiriyo badankooda.

Sheekh Shariif oo ilaa iyo hadda loo arko murashax taageero heysto oo la tartami karo Farmaajo ayaa sidoo kale kooxda taageerta Villa Somalia waxay u arkaan murashax macquul ah oo ka duwan murashaxiinta kale marka laga hadlaayo mucaaradka, waxayna ku tilmaamaan inuu yahay Plan-B oo ay ula jeedaan inay taageerayaan haddii uu guuldareysto Farmaajo.

‘Falkii ay sameeyeen xildhibaanada mucaaradka cusub’ oo laga jawaabay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdi-saabir Nuur Shuuriye oo maanta ka qeyb ka ahaa xildhibaanadii ansixisay jadwalka guddoonka labada gole ayaa weerar siyaasadeed culus ku qaaday xildhibaanada taabacsan Farmaajo.

Cabdi-saabir ayaa xildhibaanada cusub ee taabacsan Farmaajo ku tilmaamay “Mucaaridka cusub ee golaha”, kuwaasi oo uu ku eedeeyay inay diidan yihiin qabashada doorashada guddoonka.

“Mucaaridka cusub ee tirada yar ee Nabad iyo Nolol ee diidan qabashada doorashada gaar ahaan mida guddoonka waxxaan leeyahay weli lama gaarin waqtigii mucaaradnimada ee waxaa lagu jiraa waqtigii sameysanka Baarlamaanka 11-aad marka sii kaydsada Energy-ga cusub,” ayuu ku yiri Cabdi-saabir qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

“Gacan ka hadalku ma ah mucaaradnimo ee waa shaqo ciidan Gorgor, Gaashaan iyo Haramcad. Hubka Baarlamaanku waa Dastuurka KMG, Xeerhoosaadka iyo dood maangal ah.”

Sidoo kale Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay dhacdadii maanta ayaa sheegay in taageerayaasha Farmaajo ee qeybta ka noqday Baarlamaanka ay hadda isku bedeleen mucaarid.

Fiqi ayaa halis weyn ku tilmaamay kusii shaqeynta xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa, kadib hoobiyeyaashii maanta lagu eekeeyay, kuwaasi oo la tuhunsan yahay inay ahaayeen mid siyaasadeed.

“Hoobiyihii, feerkii iyo buuqiiba waa codeeyeen laakin natiijadii waxba kama bedelin. Barlamaanku mucaarad iyo muxaafid ayuu lahaan jiray, hadda taageerayaasha Farmaajo oo fara ku tiris ah waa mucaarad, taageerayaashii mucaaradkuna waa muxaafid, waagii hore hoobiye iyo feer midkoodna ma jirin,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku sii daray “Farmaajo iyo kooxdiisa waa muuqataa in ay mucaarad ku danbeyn doonaan laakin waxay u baahan yihiin koorsooyin mucaaradnimo edban ah in ay qaataan.”

“Waa halis ku sii shaqaynta villla Hargaysa, hawl meesha ay ka dhacayso uu darbiga ku dhegan ka soo horjeedo way adag tahay sida qaab nabdoon ay ugu socon karto.”

Hadaladaan ayaa imanaya ayada oo kulankii maanta ee xildhibaanada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ay ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa uu ka dhacay buuq lagu sigtay inay gacanta iskula tagaan qaar ka mid ah xildhibaanada cusub.

Kulanka ayaa waxaa lagu ansixiyey jadwalka doorashada guddoonka labada Aqal, wuxuuna dhacay xilli laga cabsi qabay in xildhibaano taageersan Villa Somalia ay isku dayaan inay joojiyaan si doorashada dib loogu dhigo, taasi oo aan dhicin.

Hase yeeshee, markii uu soo dhammaaday kulanka ayaa waxaa ka dhacay buuq ay abuureen labo xildhibaan oo qaraabo la ah madaxweyne Farmaajo kuwaas oo kala ah xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire iyo Cabdullaahi Kulane (Kulane Jiis).

Labada xildhibaan ayaa la arkayey iyaga oo ku buuqaya kursiga guddoonka ku-meel gaarka ah ee labada aqal, taasi oo sababi rabtay in gacanta la isku qaado.

Shuruudaha musharaxa u tartamaya xilka guddoonka BF oo la shaaciyay (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa goordhoweyd soo saaray shuruudaha laga rabo musharaxiinta isku soo taagaya xilka Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Shuruudaha uu guddiga soo saaray ayaa waxa kamid ah in Xildhibaanka isku soo tagaya jagadaas uu haysto Aqoonsiga Xildhibaanimo (ID Card-ka).

Guddiga ayaa ku wargeliyay musharaxiinta guddoonka Golaha Shacabka in 19-ka illaa 22-ka April ay soconeyso diiwaan-gelinta musharaxiinta guddoonka Golaha Shacabka.

Shuruudaha Musharixiinta laga rabo oo dhameystiran, ayaa waxay kala yihiin;

  1. Aqoonsiga Xildhibaanka (ID Card)
  2. Arjiga caddeynta Musharaxnimo
  3. Taariikh nololeedka Musharaxa (CV)
  4. Labo Sawir
  5. Warqadda cadeynta lacag qabashada Bangiga Dhexe
  6. Balan-qaadka u hogaansamridda natiijada doorashada
  7. Foomka diiwaan-gelinta Musharaxa
  8. Foomka soo-joodinta Musharaxnimada

Arrintan ayaa imaneysa kadib markii ay maanta si wada-jir ah u ansixiyeen labada gole jadwalka doorashada guddoonka labada aqal, taasi oo qeyb weyn ka qaadaneysa dadajinta doorashada madaxweynaha.

Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxay dhaceysaa 27-ka April, halka doorashada Guddoomiyaha Aqalka Sare la qorsheeyey inay dhacdo 26-ka April, sida lagu ansixiyey kulankii maanta.

Labada Aqal ayaa 19-ka ilaa 22-ka April qabanaya diiwaan-gelinta murashaxiinta u taagan guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare.

Dhinaca kale, baarlamanka ayaa kordhiyey lacagta diiwaan-gelinta musharaxiinta u taagan xilka guddoomiyaha oo laga dhigay $40,000, halka sanadkii 2016 ay ka aheyd $30,000. Waxaa sidoo kale la kordhiyey lacagta diiwaan-gelinta musharaxiinta guddoomiye ku-xigeenada oo laga dhigay $20,000 halka kalkii hore ay ka aheyd $15,000.

Xildhibaano ka falceliyey madaafiicdii lagu garaacay BF iyo cidda ka dambeysay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay weerarkii hoobiyeyaasha ee maanta lagu qaaday xarunta baarlamanka Soomaaliya oo ay kulan ku lahaayeen xildhibaanada Labada Aqal.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay inuu Alle ka samata bixiyey weerarka isaga oo xusay inay shaqsi ahaan isaga dhaawacmeyn 2 askari oo ka tirsanaa ilaaladiisa.

“Wuxuu Alle maanta naga samata bixiyey hoobiye lagu garaacay xarunta Golaha Shacabka, waxaa ku dhaawacmay dad badan oo ay labo ka mid ah ilaaladayda gaar ah yihiin. Waxaan Alle uga baryayaa caafimaad degdeg ah iyaga iyo inta kale ee dhaawaca ah. Hoobiyuhu uma muuqan mid meel fog ka yimid, wuxuuna qayb ka yahay qalqal gelinta amniga iyo isku dayga dib loogu dhigayo doorashada. Hadda ka dib waa in kulamada, khudbadaha iyo doorashada Guddoonka Labada Aqal iyo ku xigeennadooda lagu qabtaa Teendhada Afisyoone, si aan dib looga dhicin doorashada,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Sidoo kale xildhibaan Qaali Shire oo kamid ah xildhibaanada cusub ee soo galay baarlamaanka 11-aad ayaa shaki gelisay in madaafiicdaas ay soo tureen kooxda Al-Shabaab.

Qaali Shire ayaa sheegtay in xiligaas ay aad ula socotay waxa dhacayay, maadama ay joogtay banaanka, islamarkaana ay madaafiicdaasi ahaayeen kuwa ka yimid meel aan aad uga fogeyn goobta.

“Madfacaas Askari meesha taagnaa uu ka fakaday waa yeelayaa lakiin meel fog uu ka yimid cidii loo shegaa waa ciyaal dadka anaa ugu dhawaa oo banaanka joogay,” ayey ku tiri Qaali Shire qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook.

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah xildhibaanada ugu miisaanka culus baarlamanka Soomaaliya ayaa isna sheegay in ujeedada madaafiic lagu garaacay xarunta Baarlamaanka ay aheyd in la baqdin geliyo.

“Markii ay u socon weysay isbaaradii ay rabeen in ay u dhigtaan doorashada Guddoonka Barlamaanka ayay Hoobiye noogu badaleen si naloo baqdin geliyo. Iyadiina waa socon weysay!,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay ayaa ujeedada weerarkii hoobiyayaasha ku tilmaamay inuu ahaa mid fuleynimo ah oo lagu cabsi gelinayey baarlamaanka, si loo carqaladeeyo dhameystirka doorashada.

Waxaa jira warar sheegaya in la doonayo in deg deg ah loogu doorto guddoonka labada aqal, ayada oo ujeedaduna ay tahay in Fahad Yaasiin la dhaafiyo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas iyadoo sheegtay in madaafiicdu ay dhaawaceen ugu yaraan 7 ruux oo isugu jira shaqaalaha Baarlamaanka iyo askar ilaalo u ahayd qaar ka mid ah xildhibaanada golaha baarlamaanka.