25.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Xildhibaano ka falceliyey madaafiicdii lagu garaacay BF iyo cidda ka dambeysay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay weerarkii hoobiyeyaasha ee maanta lagu qaaday xarunta baarlamanka Soomaaliya oo ay kulan ku lahaayeen xildhibaanada Labada Aqal.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay inuu Alle ka samata bixiyey weerarka isaga oo xusay inay shaqsi ahaan isaga dhaawacmeyn 2 askari oo ka tirsanaa ilaaladiisa.

“Wuxuu Alle maanta naga samata bixiyey hoobiye lagu garaacay xarunta Golaha Shacabka, waxaa ku dhaawacmay dad badan oo ay labo ka mid ah ilaaladayda gaar ah yihiin. Waxaan Alle uga baryayaa caafimaad degdeg ah iyaga iyo inta kale ee dhaawaca ah. Hoobiyuhu uma muuqan mid meel fog ka yimid, wuxuuna qayb ka yahay qalqal gelinta amniga iyo isku dayga dib loogu dhigayo doorashada. Hadda ka dib waa in kulamada, khudbadaha iyo doorashada Guddoonka Labada Aqal iyo ku xigeennadooda lagu qabtaa Teendhada Afisyoone, si aan dib looga dhicin doorashada,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Sidoo kale xildhibaan Qaali Shire oo kamid ah xildhibaanada cusub ee soo galay baarlamaanka 11-aad ayaa shaki gelisay in madaafiicdaas ay soo tureen kooxda Al-Shabaab.

Qaali Shire ayaa sheegtay in xiligaas ay aad ula socotay waxa dhacayay, maadama ay joogtay banaanka, islamarkaana ay madaafiicdaasi ahaayeen kuwa ka yimid meel aan aad uga fogeyn goobta.

“Madfacaas Askari meesha taagnaa uu ka fakaday waa yeelayaa lakiin meel fog uu ka yimid cidii loo shegaa waa ciyaal dadka anaa ugu dhawaa oo banaanka joogay,” ayey ku tiri Qaali Shire qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook.

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah xildhibaanada ugu miisaanka culus baarlamanka Soomaaliya ayaa isna sheegay in ujeedada madaafiic lagu garaacay xarunta Baarlamaanka ay aheyd in la baqdin geliyo.

“Markii ay u socon weysay isbaaradii ay rabeen in ay u dhigtaan doorashada Guddoonka Barlamaanka ayay Hoobiye noogu badaleen si naloo baqdin geliyo. Iyadiina waa socon weysay!,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay ayaa ujeedada weerarkii hoobiyayaasha ku tilmaamay inuu ahaa mid fuleynimo ah oo lagu cabsi gelinayey baarlamaanka, si loo carqaladeeyo dhameystirka doorashada.

Waxaa jira warar sheegaya in la doonayo in deg deg ah loogu doorto guddoonka labada aqal, ayada oo ujeedaduna ay tahay in Fahad Yaasiin la dhaafiyo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas iyadoo sheegtay in madaafiicdu ay dhaawaceen ugu yaraan 7 ruux oo isugu jira shaqaalaha Baarlamaanka iyo askar ilaalo u ahayd qaar ka mid ah xildhibaanada golaha baarlamaanka.

Mahad Salaad, Kulane Jiis iyo Cabdishakuur Cali Mire oo la kala qabtay (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee xildhibaanada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ay ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa ka dhacay buuq lagu sigtay inay gacanta iskula tagaan qaar ka mid ah xildhibaanada cusub.

Kulanka ayaa waxaa lagu ansixiyey jadwalka doorashada guddoonka labada Aqal, wuxuuna dhacay xilli laga cabsi qabay in xildhibaano taageersan Villa Somalia ay isku dayaan inay joojiyaan si doorashada dib loogu dhigo, taasi oo aan dhicin.

Hase yeeshee, markii uu soo dhammaaday kulanka ayaa waxaa ka dhacay buuq ay abuureen labo xildhibaan oo qaraabo la ah madaxweyne Farmaajo kuwaas oo kala ah xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire iyo Cabdullaahi Kulane (Kulane Jiis).

Labada xildhibaan ayaa la arkayey iyaga oo ku buuqaya kursiga guddoonka ku-meel gaarka ah ee labada aqal, taasi oo sababi rabtay in gacanta la isku qaado.

Kaamirooyinka warbaahinta ayaa qabatay xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire oo u fak-fakanayo xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xubnaha ugu culus ee mucaaradka, kaasoo xildhibaanada buuqa sameynayey ugu baaqayey inay ka ag fogaadaan guddoonka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xildhibaan Kulane Jiis oo NISA ka tirsanaa baarlamaanka kusoo biiray uu u gacan qaadi rabay guddoonka ku-meel gaarka ah ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdisalaan Xaaji Axmed (Dhabancad), inkastoo aan ka helin caddeymo.

Cabdishakuur Cali Mire iyo Kulane Jiis ayaa kasoo horjeeday in maanta uu Baarlamaanka ansixiyo jadwalka doorashada guddoonka Baarlamaanka Labada Aqal taas ugu dambeyn ku dhammaatay si aysan ku qanacsaneyn.

Waxaa jira warar sheegaya in la doonayo in deg deg ah loogu doorto guddoonka labada aqal, ayada oo ujeedaduna ay tahay in Fahad Yaasiin la dhaafiyo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, taasi oo xildhibaanadan la sheegay inay doonayeen inay ka hortagaan.

R/W ROOBLE oo shaaciyey ujeed laga lahaa weerarkii lagu qaaday xarunta BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaaca ka qaaday ujeedka laga lahaa weerarkii maanta lagu qaaday Xarunta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu ka socday kulan wadajir ah oo ay yeelanayeen labada Aqal.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble lagu yiri  “Ra’iisul Wsaaraha Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya waxa uu cambaaraynayaa falalka argagixisada ee la doonayo in lagu carqaladeeyo shaqada Baarlamaanka Federaalka ah.”

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ujeedada weerarkii hoobiyayaasha ku tilmaamay inuu ahaa mid fuleynimo ah oo lagu cabsi gelinayey baarlamaanka, si loo carqaladeeyo dhameystirka doorashada.

“Isku dayga Maanta waxa uu ahaa fal fulaynimo ah oo la doonayay in lagu cabsigaliyo Baarlamaanka oo ku guda jira waajib gudashadiisa dastuuriga ah si loo cuuryaamiyo in doorashadu dhaqso u dhammaato,” ayaa lagu yiri qoraalka xafiiska Rooble kasoo baxay.

Dhinaca kale, Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyey dadaalka Baarlamaanka Federaalka ee dhameystirka doorashada guddoonka labada gole iyo jadwalkii lasoo saaray Maanta.

Warka kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa ku soo beegmaya xilli maanta labada Gole ay yeesheen kulan wadajir ah, kaas oo ay ku meel marinayeen jadwalka doorashada guddoonka labada gole ee baarlamanka federalka Soomaaliya.

Kahor kulanka ayaa waxaa jiray cabsi xooggan oo laga qabay in taageerayaasha madaxweynaha Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay fowdeeyaan kulanka, si dib loogu dhigo doorashada guddoonka labada aqal.

Waxaa jira warar sheegaya in la doonayo in deg deg ah loogu doorto guddoonka labada aqal, ayada oo ujeedaduna ay tahay in Fahad Yaasiin la dhaafiyo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.

Hadalka kasoo baxay ra’iisul wasaare waxaa laga fahmi karaa in eedda uu jeediyey ay tahay mid siyaasadeysan, ayada oo aanu si toos ah cid gaar ah u magacaabin.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas iyadoo sheegtay in madaafiicdu ay dhaawaceen ugu yaraan 7 ruux oo isugu jira shaqaalaha Baarlamaanka iyo askar ilaalo u ahayd qaar ka mid ah xildhibaanada golaha baarlamaanka. 

Wararkii ugu dambeeyey ee hoobiyeyaasha maanta lagu garaacay baarlamaanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomalaiya ayaa sheegaya in goordhow hoobiyeyaal lagu garaacay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Villa Hargeysa, xilli ay ku shirayeen xubnaha labada Gole.

Hoobiyeyaasha ayaa ku dhacay afaafka hore ee xarunta, xilli uu soo dhammaaday kulan ay lahaayeen xildhibaanada labada Gole oo lagu ansixiyey habraaca doorashada guddoonka.

Xaaladda goobta ayaa mar qura is-bedashay, waxaana qal-qal amni laga dareemay xarunta Baarlamaanka oo ay ka socotay shaqo adag oo lagu dardargelinayo doorashada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa jira khasaare u badan dhaawac iyo burbur ka dhashay hoobiyeyaasha lagu garaacay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka dhaawacmay ay ku jiraan laba ka mid ah ilaalada xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishkuur Warsame oo ku sugnaa barxadda Baarlamaanka.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab ayaa durbo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, kadib qoraal ay ku baahisay Internet-ka, kaas oo kaga hadashay weerarka Baarlamaanka.

kooxda ayaa shaacisay in hoobiyeyaasha ay ku dhaceen gudaha xarunta, balse ma shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay halkaasi.

Arrintan ayaa sii kordhineysa walaaca laga qabo amniga dalka, gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho, xilli lagu jiro kala guur iyo marxalad adag oo doorasho.

JADWALKA iyo habraaca doorashada guddoonka labada aqal oo la ansixiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa ka hadlay shaqooyinka horyaallo oo ay ugu horreyso doorashada guddoonka Labada Gole ee dalka.

Ugu horreyn xildhibaanada cusub ayaa ansixiyey wax ka baddelka habraaca ku-meel-gaarka ah ee u gaarka ah doorashooyinka Guddoonka labada Gole iyo Madaxweynaha.

Habraacan ayaa waxaa ogolaatay illaa 190 Mudane, waxaa diiday hal xildhibaan, waxaa ka aamusay 6 xilddhibaan, sida uu shaaciyey guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka.

Intaasi kadib, waxaa warbixin laga dhageystay guddoomiiyeyaasha guddiyada doorashada ee labada Aqal oo ka warbixiyey qorshe howleedkooda iyo jadwaka ay dajiyeen.

Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ah guddoomiyaha guddiga qaban qaabada doorashada Golaha Shacabka oo warbixinta gudbiyey ayaa shaaciyey jadwalka.

19-ka ilaa 22-ka bishan April ayuu sheegay in la bilaabayo diiwaan-gelinta murashaxiinta guddoonka Golaha Shacabka. (9:00 ilaa 16:00 xilliga Shaqada). 23-ka bishaan ayuu sheegay in loo qorsheeyey in la qabto ‘hadal jeedinta musharaxiinta guddoomiyaha Golaha Shacabka. Maalinta xigta ee 24-ka April ayaa sidoo kale loo qorsheeyey in la qabto ‘hadal jeedinta musharaxiinta guddoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka.’ 25-ka ilaa 26-ka bisha waxaa la siiyey fursad ay xubnaha guddigu isugu diyaariyaan doorashada guddoonka golaha shacabka oo la qorsheeyey inay dhacdo 27-ka bishaan April.

Dhankiisa guddoomiya guddiga doorashada ee Aqalka Sare ayaa isna shaaciyey jadwalka doorashada guddoonka Golahaasi, wuxuuna sheegay 19-ka ilaa 20-ka bishan April la diiwaan-gelinayo murashaxiinta guddoonka Golaha. 23-ka illaa 24-ka April in loo qorsheeyey in la qabto ‘hadal jeedinta musharaxiinta guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa ee Golaha Aqalka Sare, halka 26-ka ay dhaceyso doorashada guddoonka.

Sidoo kale xildhibaanada isku raacay lacagaha laga qaadayo musharaxa madaxweyne, midka gudoonka labada aqal iyo kuxigeenadiisa, Lacagta laga qaadayo musharaxiinta madaxweynaha waa 40.000 (Afartan kun oo doolar), lacagta laga qaadayo musharaxiinta guddoomiyaha labada aqal waa 20.000 (labaatan kun oo doolar), halka lacagta laga qaadayo gudoomiye kuxigeenada labada aqal ay tahay 15.000 (Shan iyo toban kun oo doolar).

Macalimuu oo shaaciyey inay soo weerareen ciidamo ku beel ah Farmaajo (Daawo)

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Gedo Mudane  Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu) oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey weerar xalay saq-dhexe lagu qaaday hoyga uu ka dagan yahay Garbahaarey.

Macalimuu ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in weerarkaasi ay ku soo qaadeen xilli Suxuurtii ah ciidamo ku beel ah madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Gedo ayaa shaaca ka qaaday in la doonayey in lagu khaarijiyo weerarkaasi, balse uu ka bad-baaday, sida uu u sheegay Suxufiyiinta.

“Xalay 3:30AM xiligii suxuurta aan isku diyaarinayay waxaa la isku dayay in la isug soo weeraro ciidamo ka amar-qaata Villa Somalia, Iskudaygaas waxa uu ahaa mid la rabay in la igu soo afjaro, sagaal-saac habeennimo waxaa la igu yiri ciidanku xerada wuu kasoo baxay oo way kugu soo wajahan yihiin, waxaa nasiib darro ah in ciidamada oo aan cadawga lagu weerarin lagu beegsado saraakiishii Al-Shabaab ka qabsatay Gobolka Gedo,” ayuu yiri.

Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu) oo hadalkiisa sii wata ayaa eedeeyey ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee la geeyey gobolkaasi, wuxuuna tilmaamay inay yihiin hal beel ah, isla-markaana dano siyaasadeed iyo kuwa shaqsiyeed loo geystay halkaasi.

Ninkan ayaa mar la safnaa Villa Soomaaliya, gaar ahaan xilligii ay dowladu dagaalka ku qaadeysay Axmed Madoobe, walow markii dambe ay kala furteen isaga & madaxtooyada.

Xaaladda Garbahaarey ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Gedo iyo saraakiisha ciidanka dowlada oo ku aadan eedeyntaasi.

Arrimahan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan meel qaraar ay mareyso arrinta degmada Garbahaarey, kadib markii doorashadii magaaladaas loo wareejiyey degmada Ceelwaaq.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse maamulka gobolka ee taabacsan Villa Soomaaliya ayaa ka horyimid tallaabadii ay qaadeen FEIT iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Xog: Agaasimaha cusub ee loo magacaabayo NISA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ku-meel gaarka ah ee hay’adda NISA Yaasiin Farey ayaa la filayaa inuu xilka ka dego marka uu maro dhaarta xildhibaan, waxaana xog aan helnay ay sheegeysaa in lagu beddeli doono sarkaal ka tirsan NISA oo beel ahaan kasoo jeeda beesha Absame

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in magacaabista Taliyaha NISA todobaadkii hore dib loo dhigay iyo in Yaasiin Farey uu xilka wareejiyo sababo la xiriira cabsi laga qabay diidmo iyo khilaaf hor leh inuu ka dhex abuuro Villa Somalia iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Sida aan xogta ku helnay, Rooble ayaa lagu tijaabiyay xil wareejinta taliyaha ciidamada Asluubta Taliye Shub oo awood qeybsi ahaan kasoo jeeda Digil iyo Mirifle, taasi oo wax fal celin ahna uusan ka sameyn Rooble.

Taliyaha cusub ee Asluubta Jen. Cabdikariin Cali Afrax oo aan ku beel aheyn Taliyihii hore ayaa wado cusub u furay xilalka awood qeybsiga ku dhisan, waxaana la filayaa in taliyaha cusub ee NISA loo magacaabi doono Taliyaha hoggaanka IT Eng. Cabaas oo kasoo jeeda beesha Weyteen Absame.

Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa ahmiyad gaar ah siinaya qofka noqon doona taliyaha NISA inuu yahay qof ay hubaan oo la shaqeyn kara.

Hay’adda NISA ayaa ku eedeysan falal tacadiyo ah oo ugu horeyso kiiska Ikraan Tahliil oo ka mid aheyd shaqaalihii ku dhowaa Fahad Yaasiin, waana sababta dhalisay khilaafka ay ku kala guureen ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxweynaha xafiiska sii jooga ee Farmaajo.

Ma cadda xilka ay heli doonta beesha shanaad, oo awood qeybsiga beelaha ay tahay inay hesho mid ka mid ah shanta taliye ee ciidamada, ayada oo markii hore u uku fadhiyey Fahad, balse sidii xilka looga qaaday uu hayey Yaasiin Farey oo kasoo jeeda Abglaa/Hawiye. 

DF oo jawaab ka bixisay dalabkii reer MUQDISHO, kadib qaaday tallaabo culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomalaiya oo ka jawaabeysay dalabkii reer Muqdisho ee ku aadanaa wax ka qabashada kooxaha ciyaal weerarada ee ka dilaacay degmooyinka gobolka Banaadir ayaa xalay qaaday tallaabo culus.

Ciidamada Booliska oo fulinayey amar kasoo baxay madaxa sare ee dalka ayaa xalay howlgallkii ugu ballaarnaa ka sameeyey degmada Dharkenley oo ka mid ah degmooyinka laga barakacay, kadib markii ay ku xoogeysteen kooxaha ciyaal weerada ee hubeysan.

Howlgalkan oo ay si wadajir ah u fuliyeen mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo ciidanka Booliska ayaa waxaa lagu soo qabtay koox ciyaal weero ah iyo hoggaamiyeyaashooda, kuwaas oo lagu xiray saldhigga degmadaas, si markaasi looga qaado tallaabo sharci ah.

Taliyaha Booliska degmada Dharkenley Macalin Aadan oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay in aysan aqbali doonin dhibaateynta dadka shacabka, isla-markaana wuxuu farriin u diray waalidiinta dhalay dhalinyaradaas fowdada ka bilaabay xaafadaha Dharkenley.

“Haddii cunugaagii oo gacanta lagu hayo ka daba imaato oo tiraahdo kama tirsaneyn waa inkirmaad ama difaacid, haddaad qarisaa la mid ah hadaad soo sheegi weyso ayaa la mid ah haddaad wax ka qaban weyso ayaa la mid ah,” ayuu yiri Macalin Aadan.

Dhankiisa guddoomiyaha maamulka degmada Dharkenley Guhaad Sheekh Xasan oo ka hadlay dhibaatada ka taagan degmadiisa ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay cirib tiri doonaan kooxaha ciyaal weerarada, isla-markaan ay dhigi doonaan xabsiga, si loo xiro.

“Ka maamul ahaan ka hay’ad amni ahaana waxaa naga go’an inaan ciribtirno, insha allah ciyaalkaas weerarada,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka degmada Dharkenley.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo badanayey qaylo dhaanta shacabka reer Muqdisho oo xilliyada habeenkii ay lasoo daristay cabsi xoogan iyo weeraro uga imaanayo kooxo kala duwan oo ciyaal weero ah oo ku sugan degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir.

DAAWO: DAA’UUD CADAR CILMI: Maalmo kadib geeridii aabihiis ayaa isna la dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay Daa’uud Cadar Cilmi oo ahaa wiil dhalinyaro ah, kuna shaqeysanayey mootada nooca Bajajta, kadib markii uu rasaas ku furay askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Marxuumka ayaa waxaa xilliga afurka ee shalay gelinkii dambe lagu dilay Aargada Dayniile, isaga oo Sooman isla-markaana u socday xaafaddiisa, si uu uga soo afuro.

Daa’uud Cadar ayaa korinayey sideed caruur ah oo isagu dhalay iyo sideed kale oo uu maalmo ka hor ka geeryooday Aabihiis, sida ay sheegtay Hooyada dhashay marxuumka.

“Daa’uud Aabihiis bil-buu duugan yahay hadda dhow ayuu dhintay aniga hadda Asaay ayaa ii saaran. Sideed caruur ah oo isugu dhalay iyo sideed kale oo aan aniga dhalay oo isagu u dhaq-dhaqaaqayey ayaa ku nool meeshaan marka xaq darro ayaa lagu dilay,”ayey tiri.

Sidoo kale Hooyadan oo ay ka muuqatay tiiraanyo ayaa baaq u diray dowladda, gaar ahaan ra’iisul wasaaraha, madaxweynaha iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, waxayna ka codsatay in cadaalad loo helo wiilkeeda, maadaama uu baxsaday askarigii dilay.

Hooyadan ayaa sidoo kale shaacisay in wiilkeeda Daa’uud Cadar Cilmi uu ahaa qofka kaliya ee u dhaq-dhaqaaqayey qoyska, kuna tiirsaneyd noloshooda.

“Waxaan codsaneynaa ninkaas dadkii xaq darrada ku dilay dadka ay quseysay oo ra’iisul wasaaraha leh oo madaxweyne leh oo guddoomiye leh inaan cadaalad helno. Cadaalad ayaan u baahanahay dad maras ah ayaa nahay isagaa noo dhaq-dhaqaaqayey aniga waayeel ayaan ahay” ayey markale tiri Hooyada dhashay Marxuum Daa’uud Cadar Cilmi.

Dhacdadan murugada leh ayaa qayb ka noqoneyso dhibaatooyinka ka dhashay dilalka ay askarta ciidamada dowladda ka geystaan Muqdisho oo sii kordhayey maalmahaan dambe.

Loolanka Fahad iyo guddiga FEIT – Maxaa dhici kara kadib go’aanka Maxkamadda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga Qaranka madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa farriin adag oo diidmo ah kala kulmay garyaqaanka guud ee dowladda Soomaaliya, kaasoo la filayey inuu dhankiisa ka riixi doono in la guda galo dacwada kursiga HOP#086.

Fahad Yaasiin ayaa asbuucii hore qabsaday qareen dacwad ka gudbiya guddiga doorashada ee FEIT kaas oo kursigiisa ka reebay kuraastii la doortay ee Golaha Shacabka.

Fahad wuxuu aaminsanaa inuu dhinaca sharciga ku xoog badan yahay halkaasna uu kursigiisa fasax deg deg ah kasoo heli doono, laakiin waxaa muuqata in dhinaca ay is hayaan ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha inay shaqo adag ka qabteen dhanka garyaqaanka guud.

Xafiiska garyaqaanka guud ee dowladda federaalka ee Soomaaliya oo Sabtidii qoraal u diray maxkamadda sare ee dalka ayaa ayiday hakinta lagu sameeyey kursiga HOP#086 ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir kaas oo uu hakiyey guddiga doorashada ee FEIT.

Xafiiska garyaqaanka guud ee dowladda ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federal inay hakinta kursiga HOP#086 u mareen habraacii saxda ahaa ee loogu talagalay fulinta doorashada.

Garyaqaanka guud ee Dowladda ayaa sidoo kale difaacay awoodda iyo sharciga guddiga doorashada, wuxuuna sheegay in guddiga ay awoodiisu tahay inuu mas’uul ka yahay guud ahaan kormeerka iyo xaqiijinta hannaanka doorashada.

Wuxuu xafiiska garyaqaanka guud diiday sheegashada guddiga doorashada HirShabelle ee ah in doorashada kursiga Fahad Yaasiin loo maray habraacii saxda ahaa. Halkaan waxaa laga fahmay in garyaqaanka guud uu si weyn uga fogyahay Villa Somalia.

Kooxda Ra’iisul Wasaaraha ayaa dadaal badan ugu jirta in kursiga Fahad kor loo hayo illaa ay ka dhacdo doorashada guddoonka golaha Shacabka.

Kooxda Fahad Yaasiin waxay sheegayaan inay garyaqaanka guud ka shakiyeen markii uu diiday inuu kusoo jawaabo labadii maalin ee maxkamaddu siisay.

Mar kale maxkamadda maalin dheeri ah ayey ugu dartay garyaqaanka misana laba asbuuc ayuu codsaday, balse wixii oo dhan ayuu markii dambe garyaqaanku dhinac isaga riixay Sabtidii.

Hadda wararka aan heleyno waxay sheegayaan kooxda Fahad Yaasiin inay xoogooda isugu geynayaan in maxkamaddu tallaabo qaado, ayada oo warar ay sheegayaan in kiiska loo fariisanayo 19-ka bisha oo ah Talaadada.

Xubnaha guddiga FEIT waxay mar hore sheegeen in kursiga HOP#086 lagu laaban doono doorashadiisa. Inkasoo ay sii daayeen Laba kamid ah Afartii kursi oo ay sheegeen in lagu wada laaban doon, haddana ma jiraan wax diidaya in kuraasta dhiman la fasaxo, laakiin caqabaddu waa inaan kursiga HOP#086 laga geli karin heshiis siyaasadeed oo ay Rooble iyo Fahad aad u kala fog yihiin.

Fahad iyo kooxdiisa hadda waxay xoogooda isugu geynayaan maxkamadda Sare, laakiin waxaa la ogeyn sida uu go’aanka maxkamadda u shaqeyn karo maadaama garyaqaankii guud ee Dowladda diiday in dacwad loo qaado go’aanka guddiga FEIT.

Sidoo kale guddiga doorashada ee FEIT iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo is kaashanaya uma badna inay go’aan hal dhinac ah oo ay maxkamaddu gaarto inay u hoggaansami doonaan.

IRAN oo jawaab kulul ka bixisay kitaabka qur’aanka ee lagu gubay Sweden

0

Stockholm (Caasimada Online) – Muslimiinta ku nool dalka Sweden ayaa sii wada dibadbaxyo ka dhan ah Rasmus Paludan oo ah hoggaamiyaha xisbiga midigta fog Stram Kurs (Hard Line) kaasoo magaalooyin ka tirsan Sweden ku gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka.

Dibadbaxyo ka dhashay falkaasi foosha xun ee xurma darada loogu geystay Kitaabka Qur’aanka ayaa ku faafayguud ahaan dalka Sweden, iyadoo mudaaharaadayaasha iyo booliska uu dhex maray isku dhacyo sababay in la dhaawaco toban booliska ka tirsan, lana gubo ilaa afar gaari oo booliska leeyihiin.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa jawaab kulul ka bixisay falkaasi, iyadoo u yeertay sii-hayaha safaaradda Sweden si ay u gaarsiiso dareenka jamhuuriyadda islaamiga ah iyo sida ay ugu xun yihiin tallaabada ay kitaabka qur’aanka kariimka ah ku gubeen koox midigta fog ka tirsan oo Swedish ah iyo Denmark, islamarkaana ay ku aflagaadeeyeen bisha barakeysan ee Ramadaan.

Ergayga Sweden ayaa waxaa u yeeray axadii shalay Madaxa Xafiiska Saddexaad ee Galbeedka Yurub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, isagoo muujiyay sida xooggan ee ay Iran uga cabaneyso xurma darada lagula kacay kitaabka barakeysan ee Islaamka oo uu wado hogaamiyaha koox midigta fog oo ay ilaalinayaan Booliska Sweden, isla markaana uu ku marmarsiyoonayo ee xoriyatul qawlka.

Rasmus Paludan oo ah hogaamiyaha xisbiga midigta fog Stram Kurs (Hard Line) ayaa isku dayay in uu ku gubo kitaabka qur’aanka kariimka ah sabtidii meel ay ku badan yihiin muslimiinta, isagoo maalmihii lasoo dhaafay ku gubay Kitaabka magaalooyin ay ka mid yihiin Linkoping, xaafada Rinkeby “Stockholm” ee Soomaalida degto, halkaasi oo Muslimiinta ay kala hortageen tuuryo.

Paludan oo ay wehliyaan ciidamo boolis ah ayaa mar kale tagay goob fagaare ah oo ku taal magaalada Linkoping ee koonfurta Sweden, waxaana la sheegay in ay dhigeen kitaabka quraanka kariimka ah ee Muslimka oo ay isku dayeen in ay dab qabadsiiyaan iyagoo iska indha tiraya dibadbaxyada uga imaanayay dadka daawanayay.

Mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa si kulul u cambaareeyay falka lagu gubay qur’aanka kariimka ah, isagoo xasuusiyay dowladda Sweden mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta iyo xurmada uu leeyahay Kitaabka quraanka.

Iran ayaa sidoo kale ugu baaqday Sweden in ay qaado tillaabo deg deg ah oo lagu soo afjarayo ceebeynta Qur’aanka Kariimka ah, loona damaanad qaado in falalkan oo kale aysan soo noqon doonin mustaqbalka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa intaa ku dartay in aflagaadeynta iyo xurma darada lagu sameeyay Quraanka ay leeyihiin in ka badan laba bilyan oo muslimiinta caalamka ku nool iyo in la dhaawaco dareenkooda ay tahay xadgudubka ugu xun ee ka dhanka ah xorriyadda hadalka. Waxayna Iran ku eedeysay booliska in uu arrintaasi taageerayo.

War qoraal ah oo uu soo saaray booliiska ayaa ku dhawaaqay in dibadbaxayaashu ay gubeen haamaha qashinka, bas iyo baabuur boolisku leeyahay, kadib shilal xiriir ah oo ka dhacay magaalada Malmo ee koonfurta dalkaasi iyo magaalooyinka kale.

Isku dhacyo kuwan la mid ah ayaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay bannaanbax looga soo horjeedo falkaas waxashnimada ah.

Maalintii sabtida ayey ahayd markii isku dhacyo ba’an ku dhex maray booliska iyo dad mudaaharaadayey meel ku taal bartamaha Sweden oo muslimiintu ku badan yihiin xili ay socdeen banaanbaxyo looga soo horjeedo talaabadaasi.

Ra’iisul wasaaraha Sweden ayaa taageeray kooxda midigta fog gubay Qur’aanka Kariimka.

Jimcihii, sagaal askari oo booliis ah ayaa lagu dhaawacay isku dhacyo kan la mid ah oo ka dhacay magaalada Orebro ee bartamaha Sweden.

Rabshado ka dhacay magaalada Linkoping ee bariga Sweden maalintii Khamiista, ayaa saddex askari oo boolis ah loo qaaday isbitaal. Labo qof ayaa lagu xiray mudaaharaadkaas.

Xog: Maalinka maxkamadda sare ay qaadeyso dacwada kiiska kursiga FAHAD

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo xog ogaal ah oo ku dhow Villa Somalia ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in maalinta Talaadada ah ee 19-ka bishaan ay Maxkamadda Sare ee dalka qaadi doonto dacwadda kiiska kursiga Fahad Yaasiin.

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa 10-kii bishaan April xaqiijisay inay qabatay gal-dacwadeed uu soo gudbiyey la taliyaha dhanka amniga ee Madaxweyne Farmaajo, Fahad Daahir Axmed (Fahad Yaasiin).

Fahad ayaa ka dacwoonaya guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT oo sharci darro ku tilmaamay doorashadii kursiga uu Fahad ka soo qaatay Beledweyne ee HOP086.

Maxkamadaan waxaa guddoomiye ka ah Baashe Yuusuf Axmed oo ah nin aad ugu dhow nidaamka Farmaajo, siyaasiyiin badan oo kiiskaan isha ku haya ayaa qaba tuhun ah in Maxkamaddu fasixi doonto kursigaas.

Maadaama uu guddoomiye Baashe saaxiib dhow la yahay kooxda Villa Somalia, shaki badan lagama qabo in Maxkamadda Sare ay soo saari doonto go’aan ay ku fasaxeyso kursiga Fahad, hadii ay u fariisato kiiskaan.

Todoba maalmood ka hor Maxkamadda Sare ayaa soo saartay qoraal ay ku wargelisay Garyaqaanka guud ee dowladda inuu muddo laba maalmood gudahood ah kaga soo jawaabo gal-dacwadeedkan laga soo gudbiyey guddida doorashada ee heer federaal.

Hase yeeshee Garyaqaanka guud ee dowladda oo xilligaas qabsaday maalmo dheeraad ah, si uu u soo xaqiijiyo hanaankii loo maray doorashada kursiga Fahad Yaasiin ayaa Sabtidii shalay Maxkamadda ku jawaab celiyey.

Qoraalkii xafiiska Garyaqaanka guud ee dowladda uu u diray Maxkamadda Sare waxaa lagu sheegay inuu aaminsanyahay in Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ay hakinta kursiga HOP086 u mareen habraacii saxda ahaa ee loogu talagalay habraaca fulinta doorashada dadban.

Xafiiska ayaa sidoo kale difaacay awoodda iyo sharciyadda guddiga doorashada, wuxuuna sheegay in gudidga ay awooddiisu tahay inuu mas’uul ka yahay guud ahaan kormeerka hannaanka doorashada iyo xaqiijinta inay si isku mid ah u dhacdo hannaanka doorashadu iyo dabagalkaa fulinta hannaankii lagu heshiiyay ee qabsoomidda doorashada.

Sidoo kale Garyaqaanka guud ee dowladda ayaa ku gacan sayray sheegashada guddiga doorashada HirShabeelle ee ah in doorashada kursigan loo maray habraacii saxda ahaa.

Fahad oo aad u doonaya inuu u tartamo kursiga guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka ayaa xoogga saraya sidii loo fasixi lahaa kursigiisa, inta aan la gaarin doorashada guddoonka oo la qabanayo 27-ka bishaan.

Guddigga loo xil-saaray qabanqaabada doorashada guddoonka golaha shacabka iyo xafiiska Rooble oo hoggaanka u haya doorashooyinka, dagaal xuna uu kala dhaxeeyo Fahad Yaasiin iyo guud ahaan garabka Farmaajo ayaa dedejinaya doorashada guddoonka oo dhaceysa inta aysan dhamaan bishaan April, sida la qorsheeyey.

Wararkii ugu dambeeyey xiisadda maanta ee xarunta BF iyo arrimaha la isku hayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno ka tirsan xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaa la filayaa in maanta ay fowdo ka dhacdo xarunta baarlamanka federaalka, ayada oo ay isku hayaan xildhibaano iska soo horjeeda.

Kulankan wadajirka ah oo ay maanta xarunta Villa Hargeysa ku yeelanayaan xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ayaa lagu ansixinayaan jadwalka doorashada guddoonka labada Aqal oo la qorsheynayo in bishan gudaheeda lasoo gabagabeeyo.

Kooxda Rooble ayaa isku dayeysa inay dedejiso kulamada baarlamanka, si deg deg loogu doorto guddoonka, ayada oo ujeedaduna ay tahay in Fahad Yaasiin la dhaafiyo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.

Kursiga Fahad ayaa weli xayiran, balse waxaa jirta xog sheegeysa in Maxkamadda Sare ay fasixi doonto, taasi oo kooxda Rooble iyo guddiga doorashada ku qasbeysa inay si cad u diidaan go’aanka Maxkamadda ama fasaxaan kursiga.

Kooxda Fahad ayaa ayagana wada dadaal ay uga hortagayaan qorshahan, si dib loogu dhigo guddoonka doorashada, taasi oo waqti dheeri ah siineysa Fahad.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah mucaaradka ayaa xaqiijiyey abaabulka socda ee ah in xildhibaano loogu tala-galay inay fowdo ka kiciyaan kulanka maanta lagu ansixinayo xeerka doorashada guddoonka labada Aqal.

“Farmaajo ayaa abaabulaya Xildhibaano beri fowdeeya kulanka Barlamaanka, si doorashada guddoonka barlamaanka dib ugu dhacdo. Waa qar-iskatuurnimo iyo isqarxin siyaasadeed. Waan hubaa inuu ku fashilmi doono siduu horay ugu fashilmay iskudayo nuucaan oo kale ah!” ayuu yiri Mahad Salaad.

Kooxda Rooble ayaa dhankoodana ku doodaya inaysan beegsaneyn Fahad, balse ay ka cabsi qabaan in Soomaaliya laga jarto dhaqaalaha caalamka.

Haddii bishan April dhexdeeda la doorto guddoonka labada Aqal waxaa yaraa doona cabsidii laga qabay in bartamaha bisha soo socota ee May – dalka laga jarto taageeradii dhaqaale ee kabka miisaaniyadda.

Sidoo kale dib u dhac dambe oo ku yimaada jadwallada doorashooyinka dalka ayaa halis galin kara nidaamka dib u habeynta deyn cafinta Soomaaliya.

Hase yeeshee waxaa jira dadaallo culus oo ay wado Villa Somalia, kuwaas oo xoogga lagu saaro in dib loo dhigo doorashada guddoonka baarlamnaaka, ilaa inta xal laga gaarayo diidmada natiijada doorashadii kursiga Fahad Yaasiin.

Fahad oo aad u doonaya inuu u tartamo kursiga guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka ayaa xoogiisa isugu geeyey sidii loo fasixi lahaa kursigiisa, inta aan la gaarin doorashada guddoonka oo la qabanayo 27-ka bishaan.

Sida ay ogaatay Caasimadda Online Maxkamadda Sare ayaa maalinta Talaadada ah ee 19-ka bishaan, waxay qaadi doontaa dacwadda kiiska kursiga Fahad Yaasiin, iyadoo loo badinayo inay soo saarto go’aan ay ku fasaxeyso, maadaama guddoomiyaha maamula uu aad ugu dhowyahay nidaamka Farmaajo.

Balse khuburada sida dhow u darsa siyaasadda Soomaaliya waxay qabaan in go’aanka Maxkamadda Sare oo la sii saadaalinayo in aysan dhexdhexaad aheyn, uusan wax badan u soo kordhineyn qorshaha la hor istaagay ee Fahad Yaasiin.

Guddigga loo xil-saaray qabanqaabada doorashada guddoonka golaha shacabka iyo xafiiska Rooble oo hoggaanka u haya doorashooyinka, dagaal xuna uu kala dhaxeeyo Fahad Yaasiin iyo guud ahaan garabka Farmaajo ayaa dedejinaya doorashada guddoonka oo dhaceysa inta aysan dhamaan bishaan April, sida la qorsheeyey.

Xubnaha guddiga loo xil-saaray qabanqaabada doorashada guddoonka golaha shacabka ayaa shalay guddoomiye u doortay Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ka tirsan xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh, taasina waxay sii xumeysay rajadii tartanka guddoomiye ku xigeen ee Fahad Yaasiin.

Loolan ka dhex-billowday xarunta BF iyo qorshe lagu fashilinayo kulanka berri

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Muqdisho ka billowday loolan adag u u dhaxeeya xildhibaano kala taabacsan ra’iisul wasaare Rooble iyo kuwa kale oo taageersan Fahad Yaasiin iyo madaxweyne Farmaajo, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in kulan xildhibaanada baarlamaanka beri ku yeelanayaan xaruntooda oo looga hadlayo xeerka doorashada guddoonka labada aqal la billaabay olole lagu fashilnayo.

Kooxda Rooble ayaa isku dayeysa inay dedejiso kulamada baarlamanka, si deg deg loogu doorto guddoonka, ayada oo ujeedaduna ay tahay in Fahad Yaasiin la dhaafiyo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.

Kursiga Fahad ayaa weli xayiran, balse waxaa jirta xog sheegeysa in Maxkamadda Sare ay fasixi doonto, taasi oo kooxda Rooble iyo guddiga doorashada ku qasbeysa inay si cad u diidaan go’aanka Maxkamadda ama fasaxaan kursiga.

Xildhibaano ka tirsan labada aqal baarlamaanka ayaa koxoda Fahad iyo Farmaajo diyaariyeen inay fowdo ka dhex abuuraan kulanka si dib u dhac ugu yimaado doorashada guddoonka baarlamaanka labada aqal, loogana hortago qorshaha Rooble.

Sida ku cad jadwal doorasho oo ay heshay Caasimada Online, waxaa la filayaa in doorashada guddoonka ay dhacdo 27-ka bishan.

Waxaa sidoo kale qorshaha fashilinta kulanka qeyb ka ah madaxweyne goboleedyo taabacsan Fahad, oo lasoo hadlay xildhibaano ku xiran.

Tiro xildhibaano ah ayaa laga dhaadhiciyay qorshaha inay fowdo iyo diidmo ka sameeyaan kulanka beri ee baarlamaanka u madalsan yahay.

Dhinaca kale, waxaa qorshaha socda ka digay xildhibaanada mucaaradka iyo kuwa kasoo horjeeda siyaasadda Villa Somalia.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo saaray bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay in caawa la abaabulayo xildhibaano beri fowdo ka sameeya kulanka baarlamaanka, si doorashada guddoonka baarlamaanka dib ugu dhacdo.

“Waa qar-iska tuurnimo iyo isqarxin siyaasadeed, waan hubaa inuu ku fashilmi doono siduu horay ugu fashilmay isku-dayo nuucaan oo kale,” ayuu ku yiri qoraalkiisa xildhibaan Mahad Salaad.

Xog: Jadwalka doorashada guddoonka golaha shacabka oo aan helnay (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lasoo saaray jadwalka doorashada guddoonka golaha shacabka, kaas oo ay heshay Caasimada Online, sida ku cad jadwalkaan, bishaan April inta aysan dhamaan ayaa la qorsheeyey inay dhacdo doorashada guddoomiyaha golaha shacabka iyo labadiisa ku xigeen.

Inkastoo dib u dhaca jadwallada doorashooyinka Soomaaliya ay caadi iska noqdeen, hadana waxaa muuqata in guddiga loo xil-saaray doorashada guddoonka iyo xukuumadda ay ka go’antahay inay dedejiyaan doorashadaan.

Sabtidii shalay ee 16-kii April ayaa la magacaabay Guddiga qabanqaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo ka kooban 10 xubnood.

Axadii maanta ee 17-ka April ayaa xubnaha guddigaas waxay iska dhex doorteen guddoomiye hoggaamin doona guddiga qabanqaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka, waxaana ku guuleystay Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Berri oo ku beegan 18-ka April waxaa labada Aqal ee baarlamaanka lagu balamiyey kulan wadajir ah, kaas oo lagu ansixinayo xeerka doorashada guddoonka labada Aqal.

19-ka ilaa 20-ka bishan April, oo kala ah Talaadada iyo Arbacada soo socda ee todobaadkaan ayaa la qorsheeyey inay dhacdo diiwaan-gelinta murashaxiinta guddoonka Golaha Shacabka. (9:00 ilaa 16:00 xilliga Shaqada).

Sida ku cad jadwalkaan ay heshay Caasimada Online 23-ka bishaan ayaa la qorsheeyey inay dhacdo ‘hadal jeedinta musharaxiinta guddoomiyaha Golaha Shacabka.’

Sidoo kale maalinta xigta ee 24-ka April, sida la qorsheeyey waxaa dhici doonta ‘hadal jeedinta musharaxiinta guddoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka.’

Ugu dambeyntii, 25-ka ilaa 26-ka bisha waxaa la siiyey fursad ay xubnaha guddigu isugu diyaariyaan doorashada guddoonka golaha shacabka oo la qorsheeyey inay dhacdo 27-ka bishaan April.

Musharax Xasan Sheekh oo ku adkaaday loolankii maanta ka dhacay xarunta BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxweyne Farmaajo kaga adkaaday doorashadii lagu doortay guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka.

Xubnaha guddiga qaban-qaabada ee loo xil-saaray doorashada guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay guddoomiye u doorteen Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Cabdirisaaq oo ka tirsanxisbiga uu hogaamiyo madaxweynihii hore Xasan Sheekh ee UPD, ayaa helay 5 cod, isaga oo sidaas uga adkaaday kooxda madaxweyne Farmaajo oo iyagana dadaal u gelay inay helaan kursigaas.

Guddoomiyaha cusub ayaa si adag uga soo horjeeday shantii sano ee xilka u sareeya dalka uu joogay madaxweyneFarmaajo hab maamulkiisa iyo tallaabooyinkii uu u qaadayey.

Cabdirisaaq ayaa hogaaminaya guddigaan oo ka shaqeyn doona abaabulka iyo dhaarinta guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa ku-xigeen, waxay guushiisana banaanka u saareysa in xubnaha qaban-qaabada guddiga ay badankooda yihiin mucaarid, marka laga reebo afar xubnood oo taabacsan Villa Somali.

Farmaajo iyo xulafadiisa ayaa fursad muhiim ah u arkayay inay gacanta ku dhigaan hogaanka guddigaan, kaasi oo ay uga faa’iideysan lahaayeen xal ka gaarista kursiga Fahad Yaasiin ee HOP#086 iyo loolanka guddoonka Golaha Shacabka, hase yeeshe hadda waa damac guul-dareystay.

Guul-darada Farmaajo ee loolanka hogaanka guddigaan ayaa sida ay qabaan falan-qeeyayaasha siyaasadu waxay saameyn ku yeelan doonta qorshaha dib usoo laabashadiisa.

Si kastaba, Guddoonka KMG ah ee guddiyada labada aqal iyo guddiyada qaban-qaabada ayay ka go’an tahay dadajinta doorashada guddoonka rasmiga ah ee labada gole, taasi oo u gogol xaadhi doonta qabashada doorashada madaxweynaha oo si weyn loogu hirdamayo.

Xildhibaanada cusub ee BF oo kulan la isugu yeeray berri iyo ajendaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalinta berri ah yeelanaya kulan weyne wada-jir ah, kadib markii uu maanta guddiga qaban-qaabada doorashada guddoonka uu shaaciyay in uu dejiyay jadwalka doorashada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Xildhibaanada ayaa goordhoweyd waxaa loo diray fariin sheegaysa in maalinta berri ah saacadu markay tahay 9:00 subaxnimo uu goluhu leeyahay kulan.

Fariinta loo diray Mudaneyaasha labada gole ayaa waxaa lagu sheegay in ajendaha kulankaas uu yahay Ansixinta wax ka bedelka habraaca ku-meel-gaarka ah ee u gaar ah doorashooyinka guddoonka labada gole iyo Madaxweynaha.

Sidoo kale waxa lagu kala qaadan doono kulankaas warbixin ku saabsan howlaha u qabsoomay iyo kuwa soo socda ee Guddiga qaban-qaabada Golaha Shacabka.

“Mudane Xildhibaan Beri oo Isniin ah Tariikhdu tahay 18 April, waxaa jira Kulan weyne Wadajir labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Agendaha: 1. Ansaxinta wax ka badelka Habraaca ku-meel-gaark ah ee u gaarka ah Doorashooyinka Guddoonka labada Gole iyo Madaxweynaha iyo 2. Warbixin ku saabsan hawlaha u qabsoomay iyo kuwa soo socda ee Guddiga Qabanqaabada Golaha Shacabka – Saacadu waa 09:00 subaxnimo,” ayaa lagu yiri farriinta.

Guddoonka Ku-meel-gaarka ah ee labada Gole ayaa hore iskula qaatay in la dardar-geliyo doorashada guddoonka, ayada oo labada dhinac ay soo saareen guddiyo ka shaqeeya arrintaas.

Guddoomiyaha cusub ee guddiga qaban-qaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo goor sii horeysay la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in waqtigu uu ku yar-yahay, islamarkaana ay tahay in sida ugu dhaqsaha badan ay u dhacdo doorashada guddoonka labada aqal, si loogu sii gudbo doorashada madaxweynaha.

Doorashada Soomaaliya oo muddo badan soo jiitamaysay ayaa hadda mareysa heer geba-gebo ah, ayada oo tallaabooyinkaan ay muhiim u yihiin qabsoomida doorashada madaxweynaha ee afarta sano ee soo socota, taas oo loo geli doono loolan culus.

Badbaado Qaran iyo BF – Xaadoole oo xisaabta buuxiyay

0

Jowhar (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidanka Dowladda ee ku biiraya Baarlamaanka Soomaaliya ayaa weli sii socda Colonel Cismaan Maxamed Maxamuud Xaadoole ayaa ku guuleystay doorashadii Kursiga HOP#106 ee shalay ka dhacday magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Cismaan Xaadoole ayaa ka adkaaday saddex xubnood oo tartanka kula jirtay. Korneylkan ayaa codeynta wareegii hore helay 56 cod taasoo meesha ka saartay in loo baahdo wareeg kale oo doorasho. Wuxuu ka adkaaday Bashiir Maxamed Yuusuf, Fowsiya Shiikh Cali Maxamuud, iyo Yaxye Abuukar Aadan.

Kursigaan waxaa horey ugu fadhisay xildhibaan Mino Xasan Shibis taasoo aan sanadkaan usoo istaagin tartanka. Xaadoole waa xubin ka tirsan ciidanka xoogga dalka. Bishii April ee sanadkii hore ayuu magaciisa qabsaday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kadib markii uu ciidan xooggan soo geliyey qeybta woqooyi ee Magaalada.

Xilligaas madaxweyne Farmaajo ayaa ku darsaday 2 sano oo aan sharci aheyn mudadiisa xil-heynta. Xaadoole wuxuu xilligaas saxaafadda kula hadlay isgoyska Mirinaayo, wuxuu sheegay inuu furinta uga soo baxay inuu difaaco sharciga dalka.

“Laba sano oo 20 sano dhasha inaan diido ayaan halkaan u imid,” ayaa kamid ahaa hadalladii laga diiwaan geliyey sarkaalkan.

Dagaalkii ugu cuslaa ee muddo kororsiga looga soo horjeeday ayuu hoggaamiyey Xaadoole, isagoo difaac u noqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Senator Muuse Suudi Yalaxow oo halkaas daganaa.

Korneel Xaadoole wuxuu qaatay kursi ka dhaxeeyey afar jufo. Waxaa la aaminsan yahay inuu garab fiican ka helay hoggaamiyaha maamulka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Marka la joogo gobolka Shabeelaha Dhexe, Xaadoole wuxuu ku jiraa saraakiisha lagu xurmeeyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Dadka yaqaana waxay ku sheegaan nin daacad u ahaa shaqada ciidanimada, laakiin tan iyo markii ay bilaabatay inay askarta ku milmaan siyaasadda dalka oo aheyd dabeyl la socotay nidaamka madaxweyne Farmaajo, wuxuu Xaadoole ku jiray saraakiisha lasoo wariyey inuu galay damaca siyaasadda.

Mashruucii Badbaado Qaran oo si weyn u saaciday magaciisa ayaa sidoo kale kamid ah waxyaabaha ku dhiira geliyey inuu xildhibaan soo doonto.

Hal sano kadib dagaalkii muddo kororsiga, waxaa golaha shacabka ee baarlamanka 11-aad soo xaadiray intii badneyd saraakiishii isaga hortimid muddo kororsiga, si gaar ah xubnihii la baxay Badbaado Qaran.

Waxaad Baarlamaanka 11-aad ku arkeysaa Maxamed Abuukar Jacfar, Saadaq Joon iyo Xaadoole halka siyaasiyiinta Muuse Suudi Yalaxow, Mahad Maxamed Salaad, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo qaar kale oo mashruucaas tiir dhexaad u ahaa iyaguna ay golaha joogaan.

Hay’adda sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka ee NISA ayaa iyaduna dhinaca kale xubno badan kusoo dartay baarlamanka 11-aad.

Inkastoo taliyihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir weli lagu dhagan yahay, haddana qaar badan oo kamid ah ciidankii dharcadka ahaa ee NISA ayaa ku biiray baarlamanka 11-aad.

Sanadkaan waa Baarlamanka waa askar, xildhibaano kuraas loo soo boobay, kuwa lagu soo xushay inay rabaayad yihiin, qaar guulwadeynimadoodii hore ay caawisay iyo kaadiriintii hore oo qaar ay miisaankooda kusoo laabteen.

Waxaa jira walaac ku saabsan in baarlamaankan noqon karo kii ugu liitay ee dalka soo maray abid, waxayna dadka walaacaan qaba daliilsanayaan tayada dadka iyo aragtida lagu saleeyey xulashada oo ah yaa soo dagaalamay, yaa cod isiin kara iyo yaa shalay ii sacabo tumay.

Rajo beelkaan waxaa hordhac u ah hab dhaqanka ay durba soo bandhigeen xildhibaanada qaar kuwaas oo ku dhex lumay jeebka madaxdii kuraasta soo siisay.

Qorshaha DENI ee haddii looga adkaado doorashada madaxweyne oo la shaaciyey

Garowe (Caasimada online) – Xukuumadda Puntland ayaa shaacisay in madaxweynaha maamulkaas Siciid Cabdillaahi Deni, uusan iska casilayn madaxtinnimada Puntland haddii soo waayo madaxtinnimada Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Abgaal oo fagaare ka hadlayey ayaa sheegay in haddii juu kursigaas waayo uu ahaanayo madaxweynaha Puntland.

“Madaxweynuhu musharrax weeye waa tartamayaa, isagoo madaxweyne ah ayuu tartamayaa, haddii uu guulaysto waa alxamdulilaah dadka iyo dalka ayuu wax u tarayaa, haddii qadarta Ilaahay dhacdo madaxweynaha Puntland ayuu ahaanayaa,” ayuu yiri wasiir Xasan Shire.

Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed, la-taliyaha amniga Deni, ayaa sidoo kale sheegay in uusan jirin dano siyaasadeed oo ka hor istaagaya madaxweynaha Puntland in uu isku soo sharaxo xilka madaxweynaha Soomaaliya.

“Dastuuriyan ma jirto dano is-diidaya oo ka dhalanaya in madaxweynaha Puntland isku soo sharaxo hogaanka Soomaaliya,” ayuu yiri Maxamed oo soo noqdey agaasimaha hay’adda PPMFT-ta.

Cali Xaaji Warsame, wasiirkii hore waxbashada Puntland, ayaa dhankiisa wuxuu ka dhawaajiyey in ay Deni kala xaajoodeen qadiyaddan “balse aysan wali helin jawaab ayna ka quusan in uu dalka u turo”.

“Illaa haatan wax jawaab ah kama aanan helin. Laakiin kama quusan. Waxaan rajeynaynaa in ugu yaraan uu wareejin doono maamulka si howlaha dowladda u sii socdaan hadduu doono yuusan iska casilin xilka,” ayuu xusay.

Dhawaan ayay ahayd markii madaxweyne Deni ku dhawaaqay in uu yahay musharrax u taagan madaxtinnimada Soomaaliya doorashada soo aaddan, isaga oo sheegay in ay ka go’an tahay beddelidda maamulka hadda jira.

Arrin Muqdisho ka taagan oo wax laga qaban waayey oo ‘loogu yeeray’ Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ka hadlay dhacdooyinkii mudooyinkii lasoo dhaafay ka taagnaa magaalada Muqdisho ayaa shaaciyey inay jiraan degmooyinka tirsan caasimadda oo qoysaska ku nool ay u dacwoodeen kooxda Al-Shabaab.

Mushkiladaan lasoo deristay dadka shacabka ah ee ku nool inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa ah ‘ciyaal weero’ dadka dhacaya, dilaya, haweenka kufsanaya, gaadiidka iyo guryahana burburinaya.

“Waxaa la ii sheegay in xaafado ka tirsan degmada Dharkenley ay dadka ku nooli Shabaab la xariireen, iyagoo uga dacwoonaya ciyaal weero, waxay habeen dhow dileen 3-qof, xaafadaha qaarna guryihii ayaa looga qaxay,” ayuu yiri Odawaa.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ayaa sidoo kale sheegay in dowladdu ay u babac-dhigi la’dahay dhalinyarada ficilada noocaas ah ka sameyneysa gudaha magaalada Muqdisho.

“Xaafado dhan oo ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa ciyaal-weero looga qaxay, iska dhaaf Shabaab iyo ciidan dowladeed oo taleefano furtaye, waxaa dadkii laga celi la’yahay ciyaal weero kaliya,” ayuu yiri Odawaa.

Wuxuu sheegay in faro ka baxa amniga caasimadda Muqdisho uu gaaray heerkii ugu sareeyey, isla markaana hey’adaha ammaanka ay ku guul dareysteen inay u babac dhigaan dhalinyaro si joogto ah fowdo uga sameysa gudaha caasimadda.

Hoos ka daawo