25.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Qorshaha DENI ee haddii looga adkaado doorashada madaxweyne oo la shaaciyey

Garowe (Caasimada online) – Xukuumadda Puntland ayaa shaacisay in madaxweynaha maamulkaas Siciid Cabdillaahi Deni, uusan iska casilayn madaxtinnimada Puntland haddii soo waayo madaxtinnimada Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Abgaal oo fagaare ka hadlayey ayaa sheegay in haddii juu kursigaas waayo uu ahaanayo madaxweynaha Puntland.

“Madaxweynuhu musharrax weeye waa tartamayaa, isagoo madaxweyne ah ayuu tartamayaa, haddii uu guulaysto waa alxamdulilaah dadka iyo dalka ayuu wax u tarayaa, haddii qadarta Ilaahay dhacdo madaxweynaha Puntland ayuu ahaanayaa,” ayuu yiri wasiir Xasan Shire.

Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed, la-taliyaha amniga Deni, ayaa sidoo kale sheegay in uusan jirin dano siyaasadeed oo ka hor istaagaya madaxweynaha Puntland in uu isku soo sharaxo xilka madaxweynaha Soomaaliya.

“Dastuuriyan ma jirto dano is-diidaya oo ka dhalanaya in madaxweynaha Puntland isku soo sharaxo hogaanka Soomaaliya,” ayuu yiri Maxamed oo soo noqdey agaasimaha hay’adda PPMFT-ta.

Cali Xaaji Warsame, wasiirkii hore waxbashada Puntland, ayaa dhankiisa wuxuu ka dhawaajiyey in ay Deni kala xaajoodeen qadiyaddan “balse aysan wali helin jawaab ayna ka quusan in uu dalka u turo”.

“Illaa haatan wax jawaab ah kama aanan helin. Laakiin kama quusan. Waxaan rajeynaynaa in ugu yaraan uu wareejin doono maamulka si howlaha dowladda u sii socdaan hadduu doono yuusan iska casilin xilka,” ayuu xusay.

Dhawaan ayay ahayd markii madaxweyne Deni ku dhawaaqay in uu yahay musharrax u taagan madaxtinnimada Soomaaliya doorashada soo aaddan, isaga oo sheegay in ay ka go’an tahay beddelidda maamulka hadda jira.

Arrin Muqdisho ka taagan oo wax laga qaban waayey oo ‘loogu yeeray’ Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ka hadlay dhacdooyinkii mudooyinkii lasoo dhaafay ka taagnaa magaalada Muqdisho ayaa shaaciyey inay jiraan degmooyinka tirsan caasimadda oo qoysaska ku nool ay u dacwoodeen kooxda Al-Shabaab.

Mushkiladaan lasoo deristay dadka shacabka ah ee ku nool inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa ah ‘ciyaal weero’ dadka dhacaya, dilaya, haweenka kufsanaya, gaadiidka iyo guryahana burburinaya.

“Waxaa la ii sheegay in xaafado ka tirsan degmada Dharkenley ay dadka ku nooli Shabaab la xariireen, iyagoo uga dacwoonaya ciyaal weero, waxay habeen dhow dileen 3-qof, xaafadaha qaarna guryihii ayaa looga qaxay,” ayuu yiri Odawaa.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ayaa sidoo kale sheegay in dowladdu ay u babac-dhigi la’dahay dhalinyarada ficilada noocaas ah ka sameyneysa gudaha magaalada Muqdisho.

“Xaafado dhan oo ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa ciyaal-weero looga qaxay, iska dhaaf Shabaab iyo ciidan dowladeed oo taleefano furtaye, waxaa dadkii laga celi la’yahay ciyaal weero kaliya,” ayuu yiri Odawaa.

Wuxuu sheegay in faro ka baxa amniga caasimadda Muqdisho uu gaaray heerkii ugu sareeyey, isla markaana hey’adaha ammaanka ay ku guul dareysteen inay u babac dhigaan dhalinyaro si joogto ah fowdo uga sameysa gudaha caasimadda.

Hoos ka daawo

Daawo: Jadwalka doorasho ee guddoomiyaha golaha shacabka ‘oo la dejiyey’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee guddiga qaban-qaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo goordhoweyd la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaciyay in guddiga uu dajiyay jadwalka doorashada guddoonka.

Guddoomiye Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sidoo kale sheegay inay isla maantaba la kulmi doonaan guddiga doorashada guddoonka Aqalka Sare, si loo dar-dar geliyo doorashada guddoonka labada aqal.

“Maanta ayaa la idoortay isla maantaba shaqadii hore ayaa loo galay oo waxaa diyaarinay jadwalkii. Waxaa rabnaa in aan dadajino doorashada guddoonka Golaha Shacabka, sidoo kale waxaa rajeynaya in doorashada guddoonka Aqalka Sare ayadana la dadajiyo.

Guddoomiyaha ma shaacin jadwalka, balse wuxuu sheegay inay dib kasoo bandhigi doonaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in waqtigu uu ku yar-yahay, islamarkaana ay tahay in sida ugu dhaqsaha badan ay u dhacdo doorashada guddoonka labada aqal, si loogu sii gudbo qeybaha kala ee doorashooyinka dalka.

Cabdirisaaq ayaa maanta loo doortay guddoomiyaha guddiga, asaga oo helay 5 cod, waxayna deegaan doorashadiisu tahay HirShabelle, gaar ahaan Beledweyne.

Guddoomiyaha cusub ayaa ka mid ah xubnaha mucaaradka, gaar ahaan xisbiga UPD ee Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna hogaamin doona doorashada guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka iyo ku-xigeenadiisa, taasi oo si weyn loogu hardami doono.

Si kastaba, doorashada Soomaaliya oo muddo badan soo jiitamtay ayaa hadda mareysa heer geba-gebo ah, ayada oo tallaabadaan ay muhiim u tahay doorashada madaxweynaha ee afarta sano ee soo socota, taas oo loo geli doono loolan culus.

Sawiro: Qatar oo ballan-qaad culus u sameysay Somaliland

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Safiirka Qatar ee Soomaaliya ayaa gaaray caasimada Somaliland ee Hargeysa, halkaasi oo ay si weyn ugu soo dhaweeyen Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo masuuliyiin kale.

Amb. Hassan Bin Hamza Hashem ayaa magaalada Hargeysa u yimid kormeerka iyo sidii uu indhihiisa ugu arki lahaa baaxadda dhibaatadii uu geystay dabkii dhawaan ka kacay suuqa weyn ee Waaheen.

Madaxweyne ku-xigeenka oo ay wehelinayaan guddida gurmadka iyo taakulaynta suuqa Waaheen, xubno kamid ah golaha wasiirrada, ayaa safiirka geeyey badhtamaha suuqa gubtay ee Waaheen oo ay weli ka socoto nadiifinta hadhaaga hantidii gubatay.

Waxa uu safiirku indhihiisa ku arkay inta ay le’eg tahay dhibaatada dabku geystay, isaga oo muujiyey sida uu uga xun yahay dhibka gaadhay dhaqaalihii bulshada reer Somaliland ee halkaas ku ganacsan jirtay.

Saylic ayaa safiirka uga xog warramay dhibaatada uu dabku gaadhsiiyey ganacsatadii suuqa ku ganacsan jirtay iyo hantidii kala duwanayd ee halkaas taallay, waxana uu sheegay inay kumanaan qof oo hantiileyaal ahaan jiray haatan faro-madhnaan taagan yihiin oo uu dabkaasi hantidoodii baabi’iyey.

Safiirka dalka Qatar oo ay wehelinayaan, Fahad Al-Dehemi oo ah sarkaal ka socday gargaarka caalamiga ah ee Qadar iyo Yuosef Al-Mulla oo ah Cilmi baadhe dhinaca Gargaarka Bini’aadamnimada ee Qadar iyo Ali Abdullah Al-Dabbagh, ayaa muujiyey sida ay uga tiiraanyeysan yihiin dhibka gaadhay hantidii bulshada reer Somaliland.

Ugu dambeyntiina waxa uu Amb Hassan Bin Hamza uu wareejiyey mucaawimo raashin ah oo ay ugu talo-galeen 750 qoys oo oo danyar ah, isaga oo ballan qaaday inay ka dawlad ahaan ka qayb qaadan doonaan dib-u-dhiska suuqa gubtay ee Waaheen.

Sawirro: Yaa loo doortay guddoomiyaha guddiga doorashada guddoonka BF?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha guddiga qaban qaabada ee loo xil-saaray doorashada guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyaga oo iska dhex doortay guddoomiye iyo sidoo kale xoghaye.

Guddoomiyaha guddiga ayaa waxaa loo doortay Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo helay 5 cod kaas oo ay deegaan doorashadiisu tahay HirShabelle, gaar ahaan Beledweyne.

Cabdirisaaq oo ka mid ah xubnaha mucaaradka ayaa hoggaamin doono doorashada guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka iyo ku xigeenadiisa oo dhowaan la qabanayo.

Sidoo kale xoghayaha guddiga qaban qaabada doorashada ayaa waxaa isna loo doortay Xildhibaan Maxamed Abuukar Cabdi oo helay 4 cod.

Madasha ay codeynta ka dhacday ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, Cabdisalaan Dhabancad iyo Xoghayaha joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Doorashada guddoonka cusub ee baarlamaanka ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda la qabto, iyada oo shalay la magacaabay guddiga qaban qaabada oo ka kooban illaa 10 qof.

Si kastaba, doorashadan oo si weyn loogu hardami doono ayaa muhiim u ah doorashada madaxweynaha ee afarta sano ee soo socota, taas oo loo geli doono loolan culus.

Sawirro: Axmed Madoobe oo ballan qaad u sameeyey guddiga doorashada FEIT

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer federaal Muuse Geelle Yuusuf, oo ay wehelinayaan gudiyada kala duwan ee doorashooyinka.

Kulanka ayaa lagaga hadlay qabsoomida doorashada deegaan doorashada labaad ee Jubbaland ee Magaalada Ceelwaaq oo ay taallo 16 Kursi iyo sidii loo dardar galin lahaa.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa u balan qaaday in Jubbaland ay diyaar la tahay wixii tageero ah oo ay guddiyadu uga baahan yihiin intii ay socdaan doorashooyinka.

Xubnaha guddiga doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad goboleed ee Jubbaland ayaa maalinta Talaadada ah ee todobaadkaan waaa ay tegi doonaan degmada Ceelwaaq, halkaas oo lagu qabanayo doorashada 16 Kursi.

Guddiga doorashada ayaa dhawaan go’aan ku gaaray in Garbahaarey laga wareejiyo doorashada maadaama Amni ahaan ay gacanta ku hayaan maamul kasoo horjeedo Jubbaland oo diiday in guddiga doorashada halkaas tagaan.

Bishaan gudaheeda ayaa la filayaa in xildhibaanada lagu soo doorto Ceelwaaq lagu dhaariyo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, inkastoo kooxda madaxweyne Farmaajo ay iyagana wadaan doorasho kale oo lagu qabanayo Garbahaarey taasoo aysan goobjoog ka aheyn guddiga doorashada.

Dhageyso: Geedi oo xog dad badan ka yaabisay ka bixiyey doorashada CEELWAAQ

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo ka hadlay doorashada kuraasta gobolka Gedo ee loo wareejiyey degmada Ceelwaaq ayaa qiyaano qaran ku tilmaamay wareejinta deegaan doorashadaas.

Siyaasigaan oo si indha la’aan u taageera nidaamka Farmaajo ayaa wareejinta deegaan doorashada labaad ee Jubbaland ku eedeeyey Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Wuxuu sheegay in Deni iyo Axmed Madoobe ay mudo dheer lugooyo ku hayeen doorashooyinka dalka, balse uu hadda la saftay Ra’iisul Wasaare Rooble oo laga doonayey inuu si cadaalad ah dadka wax ugu qeybiyo.

“Waxaan u tacsiyeynayaa gobolka Gedo, shacab iyo maamulba dhibaatada gaartay ee kala duwan, mid amni, mid doorasho iyo tan abaaraha, in hadda doorashadii laga wareejiyo Garbahaarey raga ku fikiray waxaan u arkeynaa cadow dadkaas baabi’inaya,” ayuu yiri Cali Maxamed Geedi.

Geedi ayaa ku dooday in aysan jirin cid wax ka bedali karta heshiiskii 17-kii September, “La yaabi meyno sida ay u shaqeynayaan Deni iyo Axmed Madoobe, dhowr sano ayey Soomaali wado kasta ka soo xirayeen, doorasho qof iyo cod ah ayey diideen, guddigii doorashada ee Xaliimo Yarey ayey diideen,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in markii jid gooyo kasta oo ay dhigteen la aqbalay ay hadda Deni iyo Axmed Madoobe burburiyeen heshiiskii ay saxiixeen ee 17-kii Septembar, isagoo ku goodiyey in Soomaali aysan u sii lug xiraa doonin labadaas Madaxweyne goboleed.

“Waxaa kasii daran ayaga, ra’iisul wasaarihii laga sugayey inuu umadda Soomaaliyeed cadaalad u sameeyo oo xuquuqda cid walba ilaaliyo doorashadana daadihiyo ayaa la saftay ragii umadda dhibay,” ayuu yiri Cali Maxamed Geedi oo la hadlay Shabeelle TV.

Sidoo kale wuxuu sheegay in tallaabadii ugu yaabka badneed oo ay qaadeen ay aheyd doorashada kuraastii Garbahaarey in loo wareejiyey Ceelwaaq oo sida uu sheegay aan laheyn maamul dowladeed.

“Guddiga waxaan arkeynay inay ka gaarsiiyeen markii baarlamaanka la dhaarinayey ayey soo saareen, maadaama ay sharciyadu ka dhamaneysay, waxaana sidaas kula heshiiyey Rooble iyo Madaxweynaha Jubbaland, laakiin waxaan u sheegayaa Ra’iisul wasaare Rooble Ceelwaaq oo maamul dowladeed uusan xukumin doorashada lagu qabanayo waa dibin-daabyo hor leh,” ayuu yiri.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Musharax Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay wakiilada beesha caalamka

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe), oo ka mid ah musharixiinta xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ayaa Maanta la kulmay wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan kaas oo ay ka wada hadleen doorashooyinka dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargalinta Doorashooyinka iyo sida ay muhiimka u tahay in dhammaan siyaasiinta Soomaalidu u taageeraan dhammeystirka hannaanka dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobey oo tixgalinaya khibradda dhismaha Dowladnimada Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka haddana u taagan xilka gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhageystay talooyinkiisa la xiriira sidii Baarlamaanka Soomaaliya kaalin muuqata uga qaadan lahaa in dalka laga gudbiyo firaaqa ku yimid hay’addihii dastuuriga ahaa.

Musharax Guddomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheikh Maxamed Nuur ayaa Qaramada Midoobay gaar ahaan Wakiilka gaarka ah ee Soomaaliya mudane Swan uga mahadceliyay taageerada dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, bini’aadannimada iyo horumarinta ee Xafiiska Qaramada Midoobay siiyo Soomaaliya.

Sidoo kale dhowaan safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster ayaa la kulantay Sheekh Aadan Madoobe gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya kaas oo hadana u sharaxan xilka hoggaaminta Golaha Shacabka waxeyna u muujisay rajada wanaagsan ee Dowladda UK ka qabto in Soomaaliya si deg deg ah ay ku hesho nidaam cusub.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa reer Galbeedku u arkaan siyaasi xasiloon oo muhiim u ah dowladnimo ku dhisan dimuqraadiyad, is ogolka iyo isu tanaasul.

Xog: Imaaraadka Carabta oo usoo dayriyey Saciid Deni

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa diiday inay taageerto musharaxnimada madaxweyne ee Soomaaliya ee madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo u baahan dhaqaale xooggan inkasta oo uu soo saartay xildhibaano ka badan 40.

Deni oo Imaaraadku kala kurmay farriin uusan fileyn oo ah inaysan taageereyn oo aysan dhaqaale u hayn ayaa hadda u weecday qorshe labaad, isaga oo xubno ku dhow oo wasiiradiisa ka tirsan u diray magaalada London ee dalka UK.

Safarka wasiirada aaday London ayaa horudhac u ah kulan uu Deni doonayo inuu halkaas ku tago, isaga oo la filayo inuu maanta kusoo laabto magaalada Garoowe kadib maalmo uu ku sugnaa Nairobi. 

Deni ayaa la filayaa inuu London kula kulmo shirkad shidaal oo uu ka beecinayo ceelal shidaal oo Puntland ku yaalla, isaga warqad ogolaansho ah ka qortay ra’iisul wasaare Rooble, taasi oo dhigeysa inuu u madax banaaneeyey inuu heshiis horudhac ah la gaari karo shirkadaha shidaalka.

Haddii shirkadahaas ay aqbalaan soo-jeedinta Deni waxay bixin karaan lacag horumaris ah oo gaaraysa 5 milyan oo dollar, si uu doorashada xilka madaxweynaha ugu bixiyo.

Doorashada Soomaaliya ee sanadkan ayaa la filayaa inay noqoto tan ugu qarashka badan, ayada oo warar qaar ay sheegayaan in Farmaajo uu haysto 20 milyan oo dollar, oo ay badankeed bixineyso dowladda Qatar. 

Safarka Deni ee London ayaa lagu dhex-qariyey soo dhoweyn la sheegay inay halkaas ugu sameynayaan jaaliyadda Reer Puntland, balse ujeedka ugu weyn uu yahay la-kulanka shirkadaha shidaalka. 

Deni ayaa waxaa dhinaca kale saaran cadaadis ka imanaya siyaasiyiinta iyo waxgaradka Puntland oo ah inuu xilka madaxweynaha Puntland iska casilo ama ka haro tartanka doorashada Soomaaliya.

MUUSE GEELLE oo gaaray Kismaayo, una sii gudbaya CEELWAAQ + Ujeedka

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal Muuse Geelle Yuusuf iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu soo dhoweeyey.

Muuse Geelle ayaa Kismaayo kula kulmi doono guddiga SEIT ee Jubbaland, isaga oo kala hadli doono dhammeystirka doorashada xubnaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

Sidoo kale guddoomiyaha FEIT oo loo galbiyey madaxtooyada Jubbaland ayaa kulan la yeelan doono hoggaamiyaha maamulkaasi oo uu kala hadli doono doorashada 16-ka kursi ee loo wareejiyey degmada Ceelwaaq, kadib markii la xallin waayey arrinta Garbahaarey.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Muuse Geelle iyo xubnaha kale ee la socda ay u sii gudbi doonaan dhanka Ceelwaaq, si ay u qiimeeyaan goobta ay doorashada ka dhaceyso.

FEIT ayaa dhowaan soo saartay go’aan culus oo doorashada looga wareejiyey magaalada Garbahaarey oo aheyd deegaan doorashada labaad ee Jubbaland, taas oo lagu saxiixay heshiiskii 17 September ee laga gaaray doorashada dalka oo marar badan dib u dhacday.

Arrintaan oo uu si weyn usoo dhoweeyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa soo afjareysa khilaaf muddo hortaagnaa dhammeystirka doorashooyinka, walow ay weli qaylo dhaan kasoo yeereyso maamulka iyo shacabka gobolka Gedo ee taabacsan Villa Soomaaliya.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo natiijada kasoo bixi doonta doorashada kuraastaas oo ay isku hayaan Farmaajo iyo Axmed Madoobe.

Nabadooon Yuusuf Dhoore oo lagu dilay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo koox hubeysan xalay ay ka geysatay qaybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Dilka ahaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay Nabadoon Yuusuf Daahir Khayre (Yuusuf Dhoore) oo ka mid ahaa waxgaradka Soomaaliyeed, waxaana toogashada ay ka dhacday xaafadda NBC ee degmada Hodan.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in markii hore uu dhaawac soo gaaray marxuumka, balse mar dambe uu ku geeriyooday Isbitaalka Erdogan ee Ex Digfeer oo la geeyey, kadib dhaawac kasoo gaaray rasaasta lagu furay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya inay goobta ka baxsadeen raggii ka dambeeyey falkaasi, waxaana meesha gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online Nabadoonka la dilay ayaa ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee wax kasoo xulay ergada sanadkan ka qayb gashay doorashada xildhibaanada labada aqal ee Soomaaliya.

Allaha u naxariistee Nabadoon Yuusuf Dhoore ayaa sidoo kale ka mid ahaa waxgaradka Soomaaliyeed ee muddada dheer ka shaqeynayay nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed.

Si kastaba, dilkiisa ayaa qayb ka noqonaya falal ammaan dari oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayey magaalada Muqdisho, kuwaas oo isugu jiray dilal qorsheysan iyo weeraro qaraxyo ah.

Doorasho xildhibaano oo ka billaabaneysa Garbahaarey

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Gudoomiyaha maamulka Gedo Axmed Buulle oo ka hadlay doorashada 16-ka kursi ee gobolka Gedo ayaa sheegay in doorasho aan aheyn tan lagu qabanayo Ceelwaaq ay Garbahaarey ku qabanayaan, isagoo Ra’iisul Wasaare ka codsaday inuu kala soo qayb galo doorashadaas.

Guddoomiye Axmed Buulle ayaa ku cataabay in la dulminayo, isagoo qof kasta ugu gacan haatiyey inay ka soo qeyb gasho doorashadaas, wuxuuna carabka ku adkeeyey in ammaanka qof kasta oo doorashada ay qabanayaan ka soo qeyb geleysa ay sugi doonaan.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa cadeeyey in Garbahaarey ay wada joogaan ciidamo isugu jira ATMIS, NISA, Boolis iyo xoogga dalka, “Anagu doorashadeena si toos ah ayaan u qabsa doonaa, qof kasta oo daneynaya haka soo qeyb galo, wax kasta ayaan u diyaarinay,” ayuu yiri.

Guddoomiye Buulle ayaa nasiib darro ku tilmaamay in qabiil dhan loogu awood sheegto fursadda hoggaminta dowladnimada, “Farmaajo wa madaxweyneheena, Rooble-na waa Ra’iisul wasaare waqtigiisa heysta, anaga Farmaajo weligiis nooma imaan, laakiin ninka noo yimid oo dhibkeena arkay waa Rooble, balse hadda hal mar ayuu kala wareegay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay Rooble la hadleen oo beeshiisa ay ku dacweeyeen, “Waxaan dhahnay Rooblow, Farmaajo waa Madaxweyne, adiguna Ra’iisul Wasaare ayaa tahay, waxaan nahay shacabkii aad u dhaaratay, anaga dad la dulminayo ayaan nahay, waxaa nalo adeegsanayaa maandheyd, ma gara karno sababta uu Rooble dhibka intaan la eg noogu sameynayo,” ayuu yiri.

Sidoo kale guddoomiyuhu wuxuu sheegay in metelaadooda aysan ka hari doonin oo weligood ay daba taagnaa doonaan, doorashada Ceelwaaqna aysan sugi doonin oo Garbahaarey ay doorasho kale ku qabsa doonaan.

Hoos ka dhageyso wareysi uu siiyey Shabeelle TV

Wararkii ugu dambeeyey qarax ka dhacay JOWHAR

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta qarax culus oo khasaare kala duwan geystay uu ka dhacay inta u dhexeysa magaalada Jowhar iyo garoonka diyaaradaha ee Maxamed Dheere.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo kolonyo ay galbinayeen oo marayey halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi u u ku dhintay ugu yaraan 1 askari, isla-markaana uu jiro dhaawac kale oo intaasi ka badan.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ka mid ah Eng Mahad Omar Abdi oo ka tirsan Guddiga Doorashada heer federal iyo askar la socotay, kadib markii uu qaraxu haleelay gaarigii ay saarnaayeen.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan HirShabelle oo gurmad u sameeyey dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Kolonyada la qarxiyey ayaa waxaa sidoo kale la socday siyaasiyiin iyo dad kale goobjoog ahaa doorashooyinkii dhowaan ka dhacay caasimada Jowhar.

Xaaladda ayaa haatan deggan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa sii kordhayey weerarada qaraxyada ah ee ka dhacaya wadada dheer ee isku xirta Jowhar iyo garoonka diyaaradaha magaaladaasi.

Sawirro: Guusha Korneyl Xaadoole oo si weyn looga falceliyey

0

Jowhar (Caasimada Online) – Korneyl Cusmaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole) oo ahaa sarkaalkii hoggaaminayey ciidankii ugu badnaa ee Badbaado Qaran ee sanad ka hor Farmaajo ka hor istaagay mudo kororsiga ayaa galabta loo doortay Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.

Si weyn ayaa loo soo dhaweeyey guusha sarkaalkaan oo sanadkii ugu dambeeyey awoodiisa isugu geeyey in dalku uu doorasho aado, wuxuu hoggaaminayey ciidankii ugu badnaa ee Muqdisho dhanka waqooyi ka soo galay markii Farmaajo uu labo sano ku darsaday xukunka 12-kii April 2021.

Dadka guushiisa ka falceliyey waxaa ka mid ah xildhibaan Mahad Salaad oo sheegay in Kooramkii Badbaado Qaran uu galabta soo buuxsamay kadib markii Jowhar lagu doortay Col. Cusmaan Xaadoole.

Waxaa sanadkaan baarlamaanka ku soo biiray inta badan saraakiishii iyo masuuliyiintii kale ee sida tooska ah uga hor yimid mudo kororsigii Farmaajo, wuxuuna Taliye Xaadoole galabta ku guuleystay mid ka mid ah kuraastii ugu loolanka adkaa HirShabeelle ee HOP106, isagoo wareegii koowaad 56-cod uga guuleystay afar musharax oo kale.

Guushiisa kadib waxaa madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, wuxuuna ugu hambalyeeyay guusha uu galabta gaaray, isagoo kula dardaarmay u shaqeynta bulshada Hirshabeelle iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Korneyl Xaadoole oo kasoo jeeda beesha Mataan Cabdulle ee Wacbuudhan Abgaal ayaa ahaa sarkaal awood badan ku dhex leh qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka oo ka howlgasha gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ee HirShabeelle, wuxuuna mudo dheer ka soo mid ahaa hoggaanka qeytaas.

Waxa uu ku biirayaa xubno kale oo ka mid ahaa saraakiisha Badbaado Qaran oo baarlamanka soo galay, kuwaas oo ay ka mid yihiin Jeneraal Saadaq John, Korneyl Abuukar Jacfar, Sanetor Muuse Suudi iyo masuuliyiin kale oo u badan xildhibaano horay ugu jiray baarlamaanka.

Doorashada Colonel Xaadoole ayaa ka dhiggan in baarlamanka uu soo galay xubin kale oo aad ugu dhow mucaaradka madaxweyne Farmaajo. Waxay sidoo kale tani ka dhigan tahay inay kordheen saraakiisha ciidan ee ku jira baarlamankan 11-aad oo noqday kii ugu badnaa oo ay soo galaan saraakiil ciidan.

Kadib guusha Xaadoole ayaa waxaa rasaas xooggan oo dabaal deg ah galabta is qabsatay inta badan waqooyiga Muqdisho iyo magaalada ay doorashadu ka dhacday ee Jowhar, ayadoo aad loosoo dhoweynayo guusha Korneyl Xaadoole.

Sawirro: Farmaajo oo caawa Villa Somalia ku qaabilay guddoonka KMG ah ee BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa kulan Madaxtooyada kula qaatay Guddoomiyeyaasha kumeel gaarka ah ee baarlamaanka cusub.

Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed (Dhabancad) guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka iyo Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo isna ah guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Aqalka Sare ayuu ugu horeyn Farmaajo ugu hambalyeeyay masuuliyadda qaran ee loo igmaday.

“Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee BFS sida habsamida leh ee ay u fureen Kulanka 1aad ee Kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo Alle uga baryey in uu ku garab galo gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday,” ayaa lagu yiri qoraal ay Villa Somalia ka soo saartay kulankaas.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Dhankooda, labada Guddoomiye ayaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyey kulanka, iyaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’antahay dardar galinta doorashooyinka dalka.”

Xog: Deni oo rumeysan inay taako u dhigeen Midowga Musharaxiinta, sidoo kalena ka shakisan Axmed Madobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, oo ka mid ah xildhibaanada kasoo galay Jubaland ayaa ku dhowaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka guddoomiyaha golaha shacabka ee baaralamanka Soomaaliya. 

Musharaxnimada Xidig, oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen, ayaa leh cawaaqib siyaasadeed oo wax ka beddeli kara nidaamka awood qeybsiga Soomaaliya, oo beesha Daarood ay ka hesho xilka madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha, taasi oo saameyn karta Farmaajo iyo Saciid Deni.

Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan madaxtooyada Puntland, go’aanka Xidig ayaa lama-filaan ku noqday madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ay aad isugu dhow yihiin madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe. 

Musharaxnimada Xidig ma ahan mid la dhayalsan karo, wuxuuna awoodaa inuu xilkan kusoo baxo, isaga oo sidoo kale 2016-kii doorashadii dhacday ka helay codad badan oo lama filaan ahaa.

Xilligan waxaa intaas dheer in Koonfur Galbeed aysan dooneyn xilka guddoomiyaha golaha shacabka, sidaas darteedna ay suurta-gal tahay in Lafta-gareen oo gacanta ku haya xildhibaanadiisa uu ku riixo inay u codeeyaan Xidig.

Dhanka kale, Deni ayaa rumeysan in Xidig ayaa gadaal ka riixayaan Midowga Musharaxiinta oo ka careysan ballamadii uu uga baxay Deni, sida laga soo xigtay xubno xog ogaal ah.

“Xiddig waxaa wata Midowga Murrashixiinta oo aaminsan in Deni uga baxay ballantii ahayd inuu midkood dhisi doono si uu isagu u noqdso Ra’iisal Wasaare ama soo xulo qofka noqonaya,” ayuu yiri xog-ogaal siyaasadeed oo Muqdisho ku sugan.

Wuxuu sidoo kale intaas ku daray in murrashaxnimada Xiddig ay shaki ka dhex abuuri doonto Deni iyo Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa horey Deni uga ballan-qaaday in qof ka socda Jubaland aanu xilkaas isku soo tagai doonin, si gaar ahna Xidig oo mar kasta la rumeysnaa inuu damac noocan ah ku jiro.

La-taliyayaasha Saciid Deni ayaa hadda ka fekeraya sidii ay u dejin lahaayeen istaraatijiyad ka hortagaysa inuu Xiddig ku guuleyso kursiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

“Deni wuxuu farayaa xildhibannada uu soo saartay inay u codeeyaan qof kale. Taasi waxay yaraynaysaa fursadda uu Xiddig ku noqon karo Guddoomiye baarlamaan,” ayuu yiri ilo-wareed xog ogaal u ah arrintan.

Si kastaba, wax kasta waxay ku xiran tahay waxa uu damacsan yahay Lafta-gareen, waxaana haddii uu si buuxda u taageero Xidig aad suurta-gal u ah inuu guuleysto, maadaama sidoo kale Hawiyaha iyo Dir ayagana ay taageeri doonaan. 

Garyaqaanka guud ee DF oo Maxkamada Sare u gudbiyey jawaabta kiiska kursiga Fahad

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo qoraal u diray Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ayiday hakinta lagu sameeyey kursiga HOP086 ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda ayaa sheegay inuu aaminsanyahay in Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ay hakinta kursiga HOP086 u mareen habraacii saxda ahaa ee loogu talagalay habraaca fulinta doorashada dadban. 

Xafiiska ayaa sidoo kale difaacay awoodda iyo sharciyadda guddiga doorashada, wuxuuna sheegay in gudidga ay awooddiisu tahay inuu mas’uul ka yahay guud ahaan kormeerka hannaanka doorashada iyo xaqiijinta inay si isku mid ah u dhacdo hannaanka doorashadu iyo dabagalkaa fulinta hannaankii lagu heshiiyay ee qabsoomidda doorashada. 

Xafiiska ayaa ku gacan sayray sheegashada guddiga doorashada HirShabeelle ee ah in doorashada kursigan loo maray habraacii saxda ahaa. 

“Caddeynta ay sheegeen guddiga doorashada HirsShabeelle ma waafaqsana habraaca hirgalinta doorashada dadban, awoodna uma laha in ay iyaga oo doorashada qabtay haddana dhahaan waa sax,” ayuu yiri xafiiska garyaqaanka dowladda.

Waxa kale oo uu xafiiska garyaqaanka sheegay in qabashada doorashada kursiga HOP086 ay khilaafasan tahay habraaca hirgelinta doorashooyinka ee 1 October 2020, ay tahay awoodda guddiga doorashada heer federaal inay kormeerto, hubiso islamarkaana dabagasho habsami u socodka doorashada taasi oo uu khilaafay kursiga HOP086. 

Wuxuu sidoo kale diiday awoodda ay guddiga xalinta khilaafaadka, oo kursigan horey u fasaxay, u leeyihiin inay sidaas sameeyaan, isaga oo sheegay in taasi aanay aheyn awooddiisa. 

“Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka go’aankiisu ma khuseeyo go’aanada Guddiga GHDHF, sababtoo ah labada guddi waxaa kala hagaya laba habraac oo kala duwan,” ayuu xafiiska garyaqaanka ku yrii qoraalka.

Ugu dambeyn xafiiska garyaqaanka guud ee dowladda ayaa Maxkamadda Sare ka codsaday afar qodob oo kala ah: 

1- Inay diiddo cabashada ay dhinaca kale (qareenada Fahad) usoo gudbiyay, maadaama aysan jirin go’aan maamul oo kama dambeys ah oo laga dacwoon karo, si waafaqsan qodobka, Saad, Faqr. 3 (b) ee XNGS 1962.  

2- In ay ayiddo go’aannada guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal 2020/2021, ee summaddiisu tahay FEIT/2017/2022, ee tr. 17 Feb 2022, iyo Go’aanka kale ku soo baxay war-saxaafadeed tr. 06 April 2022, kuwaa oo loo gaaray hab-raac iyo hannaan waafaqsan wixii lagu heshiiyay. 

3- In maxkamaddu ay go’aan uga gaarto dacwaddan si waafaqsan danta guud, caddaalaadda iyo shuruucda dalka.  

4- In ay dhinaca kale saarto kharashka dacwadda si waafagsan qodobka 62 XHMS.

Korneylkii hogaaminayey Badbaado Qaran, Xaadoole oo xildhibaan loo doortay

Jowhar (Caasimada Online) – Colonel Cusmaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole) ayaa ku guuleystay doorashadii adkeyd ee kursiga HOP106 ee beelaha Galmaax Yoonis ee Wacbuudhan Abgaal oo maanta ka dhacday magaalada Jowhar, isaga oo ka adkaaday saddex musharax oo kale.

Colonel Cusmaan Xaadoole, oo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalk, ayaa wareegga koowaad ee doorashada helay 56 cod, isaga oo ka adkaaday musharaxiinta kala ah: Bashiir Maxamed Yuusuf, Fowziya Sheekh Cali Maxamuud iyo Yaxye Abuukar Aadan.  

Afarta musharax ayaa cododka u kala helay sidan

1. Cismaan Maxamed Maxamuud Xaadoole 56          
2. Bashiir Maxamed Yuusuf 20
3. Fowziya Sheekh Cali Maxamuud 0
4. Yaxye Abuukar Aadan 25

Colonel Cusmaan Xaadoole, oo kasoo jeeda beesha Mataan Cabdulle, ayaa lagu xusuustaa inuu hoggaaminayey ciidankii Badbaado Qaran ee soo galay Waqooyiga Muqdisho, kuwaas oo halkaas ka galay dagaal horseeday in laga laabto muddo kororsigii madaxweyne Farmaajo. 

Waxa uu ku biirayaa xubno kale oo ka mid ahaa saraakiisha Badbaado Qaran oo baarlamanka soo galay, uuna ka mid yahay Jeneraal Saadaq John.

Doorashada Colonel Xaadoole ayaa ka dhiggan in baarlamanka uu soo galay xubin kale oo aad ugu dhow mucaaradka madaxweyne Farmaajo. Waxay sidoo kale tani ka dhigan tahay inay kordheen saraakiisha ciidan ee ku jira baarlamankan oo noqday kii ugu badnaa ee ay soo galaan saraakiil ciidan.

Kadib guusha Xaadoole ayaa waxaa rasaas xooggan oo dabaal deg ah laga riday inta badan waqooyiga Muqdisho, ayada oo aad loogu soo dhoweynayo guusha Colonle Xaadoole.

Askar laga qaaday Muqdisho oo hab yaab leh isku dilay

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Askar ka tirsan ciidamada Galmudug ayaa isku dilayKoontaroolka Faarax Koone ee magaalada Dhuusomareeb, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal.

Askari ka tirsan ciidanka Booliska ayaa dilay askari kale xilli uu hurday, waxaana la sheegay in markii ay kusoo baxeen askartii kale ee ciidanka dowladda uu isna isla goobta isku dilay.

Askartaan ayaa ka mid ahaa kuwii dhawaan laga qaaday magaalada Muqdisho ee la geeyay magaalada Dhuusamareeb, si ay u taageeraan maamumlka Axmed Qoor Qoor. 

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay billaabeen baaritaano ku aadan sida ay u dhaceen dilalka, islamarkaana saacaddaha soo socda ay la hadli doonaan warbaahinta.

Illa aiyo hadda ma cadda, waxa dhex yaalay labada askari ee midna la dilay midna isaga is-dilay, ee keentay inuu falkan dhaco.

Dhinaca kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in xalay weerar culus ku qaadday mid ka mid ah koontaroollada laga galo magaalada Dhuusamareeb, halkaasi oo ay ku dhaawaceen hal askari. 

Maamulka Galmudug kama jawaabin sheegashada kooxda Al-Shabaab.

Aqris Magacyada: Guddiga doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo la magacaabay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab ayaa maanta magacaabay guddiga doorashada guddoonka Aqalka Sare kadib soo jeedintii ka timid xildhibaanada Aqalka Sare.

Senatorada Aqalka Sare ayaa Maanta kulankii ugu horreeyay ku yeeshay Magaalada Muqdisho, waxaana kulanka Ajendihiisa uu ahaa Warbixinta Guddoomiyaha KMG ah ee ku aadan howlaha horyaalla Senatorada Aqalka Sare Baarlamaanka dowladda.

Guddi ka kooban 6 xubnood ayaa loo magacaabay inay qabanqaabiyaan doorashada guddoonka Aqalka Sare oo ka kooban guddoomiye iyo Laba guddoomiye ku xigeen, waxaana lagu soo xulay hanaan maamul, ayada oo maamul goboleed kasta hal xubin laga keenay, laguna daray xubin ka socota Somaliland.

Magacaabista xubnaha ayaa dedejineysa doorashada guddoonka Aqalka Sare, taasi oo dhabbaha u xaareysa marka ay dhacdo in sidoo kale la qabto doorashada madaxweynaha Soomaaliya. 

Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Guddoonka Golaha Aqalka Sare ayaa isla maanta yeeshay kulankoodii koowaad waxayna Senator Aadan Cabdinaasir Maxamed u doorteen Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Golaha Aqalka Sare

Senator Samsam Daahir Maxamuud ayaa iyana loo doortay guddoomiyaha Diiwaan gelinta murashaxiinta Guddoonka Golaha Aqalka Sare, halka Senator Farxaan Cali Xuseen loo doortay Guddoomiyaha Maaliyadda Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare.

Halkaan hoose ka akhriso magacyada guddiga la magacaabay

1- Sheekh Aadan Cabdinaasir Maxamed ( Koonfur Galbeed)
2-Siciid Cabdi Xuseen (Somaliland)
3- Farxaan Cali Xuseen (Puntland)
4- ZamZam Daahir Maxamuud (Galmudug)
5- Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan ( Jubbaland)
6- Zamzam Cabdullaahi Axmed (HirShabelle)