25.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Guddiga doorashada BF oo la magacaabay iyo sida ay beelaha u qeybsadeen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdisalaan Axmed Dhabancad ayaa magacaabay guddiga qaban qaabada doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo ka kooban 10 xubnood oo ka soo kala jeeda shanta beelood, kuwaasoo kala ah:

Guddigan ayaa la faray inay sida ugu dhaqsaha badan u diyaariyaan doorashada guddoonka golaha shacabka, taasi oo dhabbaha u xaareysa in la gudo galo doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Guddigaan ayaa maalinta berri oo Axad ah magaalada Muqdisho ku yeelan doona kulankooda ugu horreeya, iyagoona ka arrinsan doona howlaha loo idmaday ee ah doorashada guddoomiyaha golaha iyo labadiisa ku-xigeen.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta kulankii ugu horreeyay ku yeeshay Villa Hargeysa, wuxuuna Ajendaha kulankaas ahaa dhaarinta Xildhibaano cusub iyo magacaabista Guddiga doorashada Guddoonka Golaha.

1- Cabdullaahi Rooble- kasoo jeeda Puntland (Daarood)
2- Mohamed Hussein Hadi- Kasoo jeeda Somaliland (Dir)
3- Cabdirisaaq Cumar- kasoo jeeda Hirshabeelle. (Hawiye)
4- Xuseen Maxamed Nuur- kasoo jeeda Galmudug (Hawiye)
5- Xaaji Cali Max’ed Nuur- Kasoo jeeda Koonfur Galbeed (Digil iyo Mirifle)
6- Maxamed Abukar- Kasoo jeeda Koonfur Galbeed (Digil iyo Mirifle)
7- Dahabo Suusow Maxamud- Kasoo jeeda Hirshabeelle (Beesha 5aad)
8- Qaasim Cilmi Seed- kasoo jeeda Galmudug (Daarood)
9- Cumar Sharif Jeeg- kasoo jeeda Banaadir (Beesha 5aad)
10- Nasro Mahdi Caraale- kasoo jeeda Jubbaland (DIR).

XOG: Ciidamo isku dayaya inay joojiyaan doorashada oo ku wajahan CEELWAAQ

Garbahaarey (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan gobolka Gedo ayaa qorsheynaya inay tagaan magaalada Ceelwaaq, oo la filayo inay ka dhacdo doorashada 16 kursi oo ka mid ah golaha shacabka, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia u sheegeen Caasimada Online.

Ciidamadan ayaa sida la sheegay isku dayaya inay joojiyaan doorashada halkaas ka dhaceysa ee uu wado maamulka Jubaland, kadib markii laga soo wareejiyey Garbahaarey, balse ma cadda sida ay ugu guuelysan doonaan. 

Ceelwaaq ayaa ku taalla xuduudda Soomaaliya iyo Kenya, waxaana la filayaa in amniga doorashada halkaas ay sugaan ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM, sida ay xog ku heshay Caasimada Online. 

Gobolka Gedo ayaa waxaa intiisa badan gacanta ku haya ciidamo taabaacsan madaxweyne Farmaajo oo isugu jira xoogga dalka iyo NISA, gaar ahaan qeybta Duufaan, waana mid ka mid ah sababaha maamulka Jubaland u diiday inuu doroasho ku qabto Garbahaarey.

Doorashada gobolka Gedo ayaa muddo aheyd xudunta khilaafyadii keenay dib u dhacay sanadka ka badan ee doorashada Soomaaliya, ayada oo oo ay isku hayeen madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo hadda u muuqda inuu loolankaas ku guuleystay haddii aanu dhicin isbeddel kale oo deg deg ah.

Dhinaca kale, waxaa hadda socda qorshe lagu qabanayo doorashada Garbahaarey sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed oo ku adkeystay in meel aan Garbahaarrey ahayn aysan doorasho ka dhici karin. 

“Aniga waxaan rabaa ninka ragga ah ee Ceelwaaq doorasho ku qabanaya. Annagu sharci baan qabbaan u nahay, sharciga haddii lagu xad gudbay cid aan qabban u nahay ma jirto, doorashadeennana waan qabsaneynaa, iyadoo xor iyo xalaal ah ayaan qabsaneynaa, cid aan magacn uga nahayna ma laha,” ayuu yiri Buulle Gareed.

RUUSHKA oo dalkiisa ka mamnuucay Boris Johnson digniintii ugu adkaydna u diray dalalka Galbeedka

Moskow (Caasimada Online) – Ruushka ayaa dalkiisa ka mamnuucay Ra’iisul Wasaare Boris Johnson iyo wasiirro kale inay soo galaan Moscow, sababo la xiriira mowqifka UK ee dagaalka Ukraine.

Xoghayaha Arimaha Dibada Liz Truss, Xoghayaha Difaaca Ben Wallace iyo 10 kale oo siyaasiyiin sare ah – oo u badan xubno ka tirsan Golaha Wasiirada – ayaa sidoo kale laga mamnuucay inay galaan dalka Ruushka.

Moscow ayaa sheegtay in go’aankan uu ahaa mid looga aargoosanayay cunaqabateynta UK ay saartay tan iyo markii ay gudaha u gashay Ukraine. Bishii Maarso, Moscow waxay sidoo kale dalkeeda ka mamnuucday madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Dhanka kale, Ruushka ayaa si rasmi ah ugu digay Maraykanka iyo xulafadiisa hubka ku taageera Ukraine.

Qoraal diblomaasiyadeed oo ay Moscow u dirtay Washington, oo nuqul kamid ah ay darseen warbaahinta Maraykanka ayaa lagu sheegay in hubka lagu taageero Ukraine ay ka dhalan karto “cawaaqib aan la saadaalin karin”.

“Hubka ay Maraykanka iyo xulafadiisa NATO siinayaan Ukraine waxa uu sii hurinayaa dagaalka, waxaana ka dhalan karta cawaaqib aan la saadaalin karin,” ayaa lagu sheegay warqadda labada bog ah ee uu Ruushka diray.

Qoraalka oo la diray Talaadadii ayaa ku soo beegmay xilli ay soo baxeen warar sheegaya in Maraykanka uu taakulo milateri oo dhan 800 oo milyan oo dollar uu u dirayo Ukraine. Waxaa hubkaas kamid ah madaafiicda goobaha fog duqeeya, si xukuumadda Kyiv ay ugu babac dhigto awoodda milateri ee Ruushka.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Maraykanka ayaa sheegay in digniinta Ruushka loo fasiran karo in kaalmada milateri ee la siiyay Ukraine ay wax badan ka tartay furimaha dagaalka.

Kaalmada milateri ee Maraykanka ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay gaarto Ukraine, xilli ciidamada Ruushka ay isku urursanayaan bariga dalkaas si ay duullaan ballaaran ugu qaadaan gobolka Donbas todobaadyada soo socda.

Midowga Afrika oo wakiil cusub u soo magacaabaya Somalia kadib eryidii Madeira

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa haatan ku howlan sidii loo beddali lahaa Wakiilka Ururkaas u qaabilsan Soomaaliya, Francisco Madeira oo uu dhowaan dalka ka ceyriyey ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Wargeysa The East African oo soo xiganayo ilo diblomaasiyadeed ayaa shaaciyey in maalmaha soo socda la beddalayo Madeira, kadib markii uu xumaaday xiriirka kala dhexeeya xukuumadda Soomaaliya ee hoggaamiyo Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya si weyn loogu cadaadinayo inuu xilka iska casilo, si aysan ugu ekaan in shaqada laga eryay.

Ujeedka ayaa lagu sheegay in Midowga Afrika uu doonayo, sidii hoos loogu dhigi lahaa xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay eryidda Danjirahooda u qaabilsanaa Soomaaliya.

Warbixinta ayaa sidoo kale muujineysa in ninkan lagu beddalayo Maman Sambo Sidikou oo u dhashay dalka Niger.

Francisco Madeira oo loo jaray warqad aan dalka looga baahneyn, ayaa waxaa horey loogu eedeeyey inuu farageliyey arrimo aan shaqadiisa aheyn iyo inuu ku kacay hadallo gef ku ah Rooble, madaxweynayaashii hore ee dalka iyo qaar ka mid ah madaxda goboleedyada.

Arrintan ayaa kusoo aadeyo, iyada oo Khamiistii lasoo dhaafay Guddoomiyaha Midowga Afrika uu shaaca ka qaaday inuu kalsooni buuxda ku qabo Mr Madeira, isaga oo si weyn uga soo horjeestay go’aanka ra’iisul wasaaraha, dhinaca kale taageeray madaxweynaha.

Qaar ka mid ah falanqeeyeyaasha sida dhow ula socda arrimaha siyaasadda iyo diblumaasiyadda ayaa hadalkaas ku sifeeyey mid lagu difaacayo sharafka Madeira, isla-markaana uusan jirin weji kale oo uu kusii joogo, ayna haboon tahay inuu is-casilo.

Si kastaba, arrimahan oo idil ayaa kusoo aadaya, xilli la beddelay howlgalkii AMISOM ee Soomaaliya ka socday tan iyo 2007-dii, waxaana lagu beddelay magaca ATMIS.

Premier Bank oo ardayda Jaamacadaha Muqdisho ku tartansiinaya $21,000

Muqdisho (Caasimada Online) – Bangiga Premier ayaa maanta daahfuray tartanka hal-abuurka ganacsiga oo uu markii ugu horreysay maanta Muqdisho ugu qabanayo ardayda dhigata jaamacadaha dalka ee leh hibada iyo halabuurka ganacsi. 

Madaxa Ganacsiga Premier Bank Mudane Cabdishakuur Afrax oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ay tartanka soo codsadeen ilaa 31 hal-abuure oo uu bangigu u saaray guddi ku sameeyay qiimeyn hordhac ah. Ayna qiimeyntii guddiga ka soo gudbeen 12 hal-abuure oo ka kala yimid 10 jaamacadood, kuwaas oo maanta tartankaan loo daahfuray. 

Madaxa Xiriirka Dadweynaha ee Bangiga Mudane Axmed-Nuur Maxamed ayaa sheegay in tartankan laga baahin doono qaar ka mid ah warbaahinta dalka. Mudane Axmed-Nuur ayaa sidoo kale sheegay in tartamaha gala kaalintaa koowaad uu bangigu ku abaalmarin doono $9,000 oo uu hal-abuurkiisa ganacsi ku maalgashado. Guuleystaha gala kaalinta labaad uu ku guuleysan doono $7,000. Tarmaha ku guuleysta kaalinta seddaxaadna uu heli doono $5,000.

Waxaa xusid mudan in uu bangigu tartankaan oo kale si joogto ah uu sanadkii shanaad ugu qabanayo magaalada Hargeysa. Madaxa Xiriirka Dadweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ay tartankaan Muqdisho ku qaban doonaan sanad kasta.

Wuxuuna ardayda jaamacadaha ee aan fursadda u helin in ay sanadkaan ka qeybgalaan ugu baaqay in ay u sii diyaargaroobaan ka qeybgalka tartankan sanadaha soo socdo. Wuxuuna ballanqaaday in uu bangigu fikirkiisa u maalgelin doono ardagii ku guuleysta.

Maxaa fashiliyey isbaheysigii uu Boqor Buurmadow ka abaabulayay Muqdisho?

Horraantii sanadkan markuu Boqor Cismaan Buurmadow yimid Muqdisho waxaa lagu soo dhoweeyay maamul sare. Wuxuu ku duulayay dabayl isbeddel-doon ah, taas oo oday dhaqameedyada Muqdisho ugu saameynta badan ay u guuxeen. Markuu si kaftan u sheegay in beshiisu hoggaamiso dowladda labaad ee Soomaaliya ka jirta (Al-shabaab), wuxuu Boqor Buurmadow la kulmay dhaleeceyn iyo ku eedeyn inuu u qaameysan yahay dadka ay Al-shabaab Koonfurta Soomaaliya ku gumaadday. Siyaasi ayaa ka dalbaday Boqor Buurmadow inuu bixiyo magta dadkii ku baxay gacanta Al-shabaab.

Khubdaddaas ‘kaftanka’ ahayd waxay sii kala fogeysay Buurmadow iyo siyaasiyiinta Muqdisho. Waxaa xigtay in beesha Dirta Waqooyi oo uu Buurmadow ka mid yahay ka cawdeen Ra’iisal Wasaare Rooble oo uu ku tilmaamay nin xaqa beesha duudsiinayay. Wuxuu ka codsaday beesha Rooble inay ceshadaan Ra’iisaal Wasaaraha. Dhaleeceyntaas waxaa ka mid ahaa dadkii soo jeediyay Senator Cabdi Xaashi Cabdi iyo Professor Cabdi Ismaaciil Samatar.

Laga billaabo baaqi wadajirka ahaa uu Boqoor Buurmadow la soo saaray siyaasiyiinta beeshiisa qaarkood waxaa badatay dadaallada uu ku doonayay inuu ku mideeyo siyaasadda beeshiisa oo ka mid ah beelaha awood-qeybsiga 4.5 ku salaysan. Xiriir ayuu la sameeyay Madaxweynaha Koonfurl Galbeed, kalana hadlay isbahaynsi Digil & Mirifle iyo Dir marka doorashada Madaxweynaha ay dhacayso.

Boqor Buurmadow wuxuu Muqdisho kula loollamay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed si uu saameyn ugu yeesho codbixinta xildhibaannada Somaliland.

Dhowr caqabadood ayaa Boqor Buurmadow soo foodsaaray. Midi waxay ka soo jeedda loollankii uu Buurmadow la galay garabka Mahdi Guuleed. Buurmadow wuxuu ka socday Madaxweynaha Somaliland oo u xusul-duubaya yaraynta saameynta siyaasadeed ee Mahdi Guuleed, dhanna wuxuu Biixi kala socdaa Madaxweynaha Jabuuti oo xubnaha beesha Ciise faray inaysan u codeynin Madaxweyne Farmaajo haddii uu isu soo taago in dib loo doorto. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen wuxuu Buurmadow ka codsaday inuu u sheego sida Ra’iisal Wasaare ku xigeenka, Mahdi Guuleed, u arko isbahaysiga uu Buurmadow u arko mid la samayn karo. Waxay ahayd su’aal Buurmadow ku noqotay laf dhuun gashay. Waxaa u caddaatay Laftagareen in Buurmadow uusan xitaa taageerada Dirta Waqooyi badankeed haysan, iskaba dhaaf beesha Dir guud ahaan.

Laftagareen iyo Mahdi Guuleed xiriir wanaagsan ayaa ka dhexeeya. Haddiiba uu isbahaysi labada beelood u dhexeeya in laga wada hadlo ay gaarto, waa labada siyaasi oo ka wada hadli kari lahaa. Dhowaan wareysi kooban oo uu Buurmadow bixiyay kaddib dabkii Suuqa Waaheen burburiyay wuxuu sheegay in isaga uu leeyahay fikradda isku dayga samaynta isbahaysi si Hawiye iyo Daarood la iskaga dhiciyo siyaasad ahaan.

Labada beelood oo ay ka soo kala jeedaan Laftagareen iyo Buurmadow haddii ay siyaasad ahaan midoobaan waxaa dhici karta inay meesha ka saaraan labada beelood oo Soomaaliya xukunkeeda ku kaltamayay. Waxaa jira darbiyo siyaasadeed oo ay inay jebiyaan loo baahan yahay si isbahaysi siyaasadeed oo cusubi labada beel u dhexmaro. Darbiga ugu weyni waa Somaliland oo sheeganaysa inay dalka Soomaaliya ka go’day. Xaaladdaas siyaasadeed waxay yaraysay awoodda gorgoronka Dirta Waqooyi waayo Madaxweyne Soomaaliyeed ma tagi karo meelaha ay Somaliland ka taliso.

Boqor Buurmadow oo Baydhaba lagu soo dhoweynayo

Isbahaysiga uu Buurmadow mala-awaalay oo kale wuu jiraa hase ahaatee ma aha mid hore loo shaaciyay. 2016kii waxaa Nayroobi ku shiray ergo ka socotay Madaxweyne Farmaajo iyo siyaasiyiin reer Waqooyi ah. Shirkaas waxaa soo abaabulay Ismaaciil Hurre Buubaa, Wasiirkii Arrimmaha Dibedda ee Soomaaliya. Shirkaas waxaa ka soo baxay heshiis siyaasadeed ay Beesha Garxajis horseed ka ahayd. Farmaajo wuxuu ballanqaaday in reer Waqooyigu aad ugu muuqan doonaan dowladda hadduu Madaxweyne noqdo. Kaddib doorashadii 2017kii beesha Dirta Waqooyi waxay noqotay tiir ka mid ah tiirarka Nabad iyo Nolol.

Boqor Buurmadow goor dambe ayuu ogaaday heshiiskii 2016kii lagu dejiyay istaraatijiyadda dowladda federaalka ku socoto badankeed. Markuu la xiriirayay Laftagareen wuxuu Buurmadow doonayay inuu sameeyo isbahysi kaas la mid ah, laakiin, aqoonta yar oo uu u leeyahay siyaasadda koonfurta Soomaaliya ayaa majaxaabisay Boqor Buurmadow. Buurmadow wuu ka safray Muqdisho, mana cadda inuu dib ugu soo noqonayo.

Sida la saadalinaayo beesha uu ka tirsan yahay marka la eego dhanka awood qeybsiga waxay u codeyn doontaa badankeed Madaxweyne Farmaajo. Boqor Buurmadow wuxuu Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni markuu Muqdisho booqanyay dhowr bilood ka hor. Codadka tirade yar oo uu Buurmadow saameynta ku leeyahay Meesha ay aadi doonaan ma cadda. Dagaal siyaasadeed ayuu Buurmadow ka bixi waayay intuu Muqdisho joogay. Way ku adkaatay inuu noqdo oday-dhaqameed iyo siyaasi. Boqor Buurmadow meeshuu u qoystay ayuu ku qallajistay.

Xigasho: Puntland Post

Wararkii ugu dambeeyey ee loolanka adag ee ka taagan kursiga HOP#106 + Sawirro

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada kursiga HOP#106 laga dareemayo halkaas, kaas oo ay deegaan doorashadiisu tahay caasimada HirSahbelle ee Jowhar.

Kursigan oo ka mid ah kuraasta ku harsan HirShabelle ayaa waxaa isku diiwaan-geliyey illaa 6 musharrax oo shahaadada ka qaatay guddiga doorashada ee SEIT.

Xubnaha tartamaya ayaa mid ka mid ah waxa ay tahay dumar, halka shanta kalena ay yihiin rag, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil iyo siyaasiiyiin caan ah, waxayna kala yihiin:-

1-Cusman Maxamed Maxamuud ( Xaadole), 2-Shadoor Xaaji Maxamuud, 3-Fowziya Sheikh Cali Maxamuud, 4-Bashiir Maxamed Yuusuf, 5-Yuusuf Cabdi Cabdulle 6-Yaxye Abuukar Aadan.

Doorashada ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay ka bilaabato magaalada Jowhar, iyada oo si weyn loo adkeeyey ammaanka magaaladaasi.

HirShabelle ayaa tartan furan ka dhigtay kuraasta haatan doorashadooda ay ka socota Jowhar, waxaana ugu dambeeyey HOP#024 oo uu kusoo baxay Maxamed Axmed Beerey.

Si kastaba, HirShabelle ayaa ka mid ah maamullada ka daahay jadwalka doorashada iyo dhammeystirkeeda, kadib caqabada hareeyey kuraasta taalla maamulka HirShabelle.

Maxkamadda magaalada Hargeysa oo amar kasoo saartay xarigga 13 Wariye

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa waxaa maalintii afaraad ku xiran illaa 13 Wariye oo ay dhowaan xabsiga dhigeen ciidamada Booliska Somaliland, kadib dhacdadii xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

Wariyeyaashan oo ka howl-gala warbaahinta qaybaheeda kala duwan, sida Telefishinno iyo Idaacado ay ka mid ah BBC-da ayaa saaka kasoo muuqday maxkamadda Hargeysa.

Wararka ayaa sheegaya in maxkamaddu ay amar kasoo saartay xarigga Wariyeyaashaasi, isla-markaana ay amartay xabsiga lagu sii heyn doono illaa 5 cisho oo dheeraad ah.

Booliska ayaa doonaya in 5-taasi maalmood uu kusoo dhammeystiro caddeymahooda, si maxkamaddu ay go’aan rasmi ah uga soo saarto xariga Suxufiyiintaasi.

Maxkamadda ayaa sidoo kale ku amartay saraakiisha Booliska in dhaqtar la geeyo Wariye Maxamed Ilig oo ka mid ah Wariyeyaasha xiran, kadib xaalad caafimaad oo soo wajahday.

Sidoo kale Wariyayaashan ayaa waxaa la filayaa in shantaasi maalmood ka dib lagu soo celiyo maxkamada, si loo dhammeystiro dacwadda loo heesto.

Arrintan ayaa Somaliland waxa ay kala kulantay cabmbaareyn xoogan oo ka timid Ururka Suxufiyiinta  iyo xisbiyada mucaaradka ee ka jira maamulkaasi.

Si kastaba, Somaliland ayaa waxaa caadi ka noqday xariga lagula kaco Wariyeyaasha, Fanaaniinta, Siyaasiyiinta iyo cid kasta oo kasoo horjeesata xukuumadda maamulkaasi.

Guddiga doorashada ee guddoonka BF oo loo soo xulayo hab beeleed

0

Muqdisho (Caasimada Online) -Kalfadhiga 1-aad kulankiisa 1-aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, kaas oo uu shir guddoomiyey Cabdisalaan Axmed Liiban (Dhabancad) oo ah guddoomiyaha KMG ah.

Ugu horreyn waxaa kulanka lagu dhaariyey illaa lix Mudane oo ka maqnaa munaasabaddii dhaarinta ee Khamiistii lagu qabtay Teendhada Afiysooni ee xerada Xalane.

Guddoomiyaha KMG ah oo madasha khudbad ka jeediyey ayaa marka hore ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka iyo shaqada hortaalla baarlamaanka cusub.

“Waxaad wada ogtihiin saaxibayaal xaaladda dalkeena uu ku sugan yahay maanta iyo cadaadiska uu adduunka innagu hayo oo nala leeyahay haddaanan waqtigaas wax lagu dhammeyn wax walba waa xirmaayaan,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Waxaa istaagay tiirkii dowladnimada laga bilaabayey waxa dhimana waxa aan ku kalsoonahay inaad dhammeystiri doontaan,”.

Dhabancad oo hadalkiis sii wata ayaa xusay in laga rabo ka baarlamaan ahaan inay dadajiyaan dhammeystirka doorashada, si looga faa’iideysto waqtiga la heesto.

“Waxaa hadda na horyaal oo la rabo inaan dadajino waxaa weeye guddoonkii rasmiga ahaa ee Golaha Shacabka iyo ku xigeennadiisii,” ayuu markale yiri guddoomiyaha KMG ah.

Intaas, kadib ayuu guddoomiyaha KMG ah soo jeediyey inuu dhiso guddiga doorashada ee guddoonka baarlamaanka, balse waxaa diiday xildhibaanada, iyadoo kadib codeyn loo qaaday.

Xildhibaanada ayaa isku raacay in xubnahaasi loo qaybsado hab beeleed, si loogu saleeyo nidaamka 4.5 ee ay wax ku qaybsadaan beelaha Soomaaliyeed.

“Waxaan arkay haddii gacanta la taagay inta diidan soo jeedinteyda inay badan tahay marka waxaan rabaa idinka is kala yaqaan inaad beel ahaan laba laba qofood ii keentaan,” ayuu yiri guddoomiyaha KMG ah Mudane Cabdisalaan Axmed Liiban (Dhabancad)

Baarlamaanka Soomaaliya oo uu kulankiisii ugu horreeyey ku bilowday diidmo ayaa waxaa horyaal shaqada adag oo ay ugu muhiimsan tahay doorashada soo socota madaxweynaha.

Wararkii ugu dambeeyey ee kulanka xildhibaanada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada cusub ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay kulankooda ugu horreeya ku yeeshaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo looga hadlayo arrimo dhowr ah.

Xildhibaanada cusub ayaa waxaa loo diray fariimo wargelin ah oo ku aadan inay soo xaadiraan kulanka oo maanta oo ka dhacaya xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa iyo tan ay ku shiraan xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa warbixn lagu siin doonaa xildhibaanada cusub, howlaha horyaala iyo qeybinta xeer hoosaadka u gaarka ah doorashooyinka gudoomiyeyaasha & madaxweynaha.

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, Cabdisalaan Dhabancad oo ka hadlay kulanka ay maanta yeelanayaan ayaa sheegay inay dadajin doonaan howlaha shaqo ee hor yaalla.

“Fadhiga 1aad ee Golaha Shacabka waa furitaanka, ka shaqeynta Hay’adda Sharci dejinta oo howsheeda istaagtay, Dalka sidii Dowladdiisa u kala horreysa loo wado sida qaban-qaabinta doorashada Guddoonka si Dowladnimada uu ula wareego, sida ugu dhaqsiyaha badan ayaa lagu dooranayaa Guddoomiyaha & labadiisa Ku xigeen, taladu waa mid dhextaalla 275-ta Xildhibaan” ayuu yiri gudoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Somalia.

Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray maamullada HirShabelle iyo Jubbaland oo uu ka dalbaday inay soo dhammeystiraan xildhibaanada ka harsan maamulladaasi.

“Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabelle & Jubbaland oo ay ku dambeeyaan Xildhibaannada waxa aan ka codsaneynaa in la dadejiyo, Hir-Shabeelle oo kuraas yar ku dhiman yihiin waxa aan leenahay maalin ama labo maalin kusoo gabagabeeya, Jubbaland sidoo kale dadejiya doorashada 16ka kursi si dhammaan Xildhibaannadu ugu soo wada xaadiraan Aqalkooda” ayuu sii raaciyey xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad.

Si kastaba, xildhibaanada cusub oo la dhaariyey 14-kii bishan ayaa laga sugayaa inay dhammeysitaan doorashada dalka, gaar ahaan tan guddoonka iyo mida madaxweynaha.

Daawo: Taliye Shub oo shaaciyey sababta aan loogu dhaarin xilka xildhibaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub) oo hadda ka mid noqday xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xilkii hoggaanka ciidanka Asluubta uu ku wareejiyey ku xigeenkiisa.

Sidoo kale Jeneraal Mahad ayaa u jawaabay rag uu sheegay inay been abuur ka faafiyeen, isagoo in guddiga doorashooyinka aysan siin kursiga xildhibaan ee uu ku fadhiyo, cid kale oo war u boobtana aysan jirin.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay sababta aysan weli u dhaaran isaga, Yaasiin Farey iyo Cabdullahi Kullane, isagoo beeniyey warar uu sheegay in laga faafiyey oo ah in Farmaajo uu ka hor istaagay dhaarinta.

“Waxaa la yiri shahaadadii ma qaadan oo waxaa u diiday Farmaajo, taasi waa been laba shahaado ayaan weliba wataa, tan federaalka iyo tii maamulka la isaga soo doortay uu i siiyey, dhaarta in lagu dhaqmo aan la rebin ee la boobaayana diyaar ayaan u ahay, waqtigeeda ayaan dhaaranaa,” ayuu yiri Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta.

Wuxuu sheegay in cid xilka ka qaadis ugu goodi karta aysan jirin, balse uu fahamsan yahay in xilka taliyaha iyo xubinimada baarlamaanka aysan is qaba karin, sidaas darteedna ku xigeenkiisa uu xilka ku wareejiyey, intii uusan Baydhaba kursiga u doonan.

“Waxaan wataa ID Card ay K/Galbeed isoo siisay, shirka berrina waan ka qeyb gelayaa oo baarlamaanka waan isugu imaaneynaa, aad ayaan ugu faraxsanahay dhaarinta iyo dhismaha baarlamaanka, waxaana diyaar u ahay in shuruucda baarlamaanka aan ku dhaqmo, daneheyga ayaana ku maqnaaye cid kale yaan dusha la iga saarin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Mahad.

Hoos ka Daawo

Maxaa looga hadlay kulankii Rooble iyo gudoonka cusub ee Labada Aqal ee BF?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa xafiiskiisa kulan gaar ah kula yeeshay labada guddoomiye ee baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Rooble ayaa guddoomiyeyaasha KMG ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka cusub wuxuu kala hadlay sidii loo dardar-gelin lahaa dhammeystirka doorashooyinka dalka.

Waxaa hadda la guda galay ka shaqeynta qorshaha qabashada doorashada guddoonnada labada Aqal ee baarlamaanka, maadaama Dhabancad iyo Gaagaab ay yihiin labo ku sime, ilaa inta laga soo dooranayo guddoon rasmi ah.

Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhaban-cad oo ah guddoomiyaha ku meel gaar ah ee golaha shacabka iyo Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo isna ah guddoomiyaha KMG ah ee Aqalka Sare ayaa si wadajir ah u iclaamiyey in berri oo Sabti ah ay furmayaan kulamada labada Aqal.

Labada Aqal ayaa ku kala shiraya xarumahooda, waxaana lagu wadaa inay kulamadooda diiradda ku saaraan arrimaha ku xeeran qabsoomidda doorashooyinka guddoonada labada Aqal ee baarlamaanka.

Labadaan guddoomiye ayaa shalay hoggaanka u qabtay baarlamaanka cusub, kadib markii la dhaariyey xildhibaanada, sida uu shaaciyey guddiga doorashooyinka 290 xubnood oo laba Aqal ah ayaa la dhaariyey shalay.

Daawo: Muxuu Indha-Cadde ka yiri musharaxnimada Deni?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-Cadde oo markii u horeysay wax laga weydiiyay musharaxnimada madaxweynaha Puntland, Saciid Deni ee xilka u sareeya dalka ayaa sheegay in Deni uu jaanis wanaagsan u muuqdo.

Indha-Cadde ayaa sheegay in Saciid Deni uu soo saartay Xildhibaano badan oo u gudbin kara wareega 2-aad ee tartanka madaxtinimada dalka.

“Saciid Deni waxa uu arkay jaanis oo wuxuu is-yidhi jaanis ayaa haysata. Farmaajo iyo Deni meel lagu tartansiiyo mayba gaadhinba, oo waa la arkay sida uu u dhaqmay Farmaajo, waxaanba isleeyahay asaga (Deni) ayaa doorashada qof iyo cod ah ka bilaabay,” ayuu yiri.

Jeneraal Indha-Cadde ayaa madaxweyne Deni ku amaanay doorashada uu ka hirgeliyay maamulkiisa, taasina ay aad u kala fogeynayaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farmaajo ayaa waxaa loo diiwaan-geliyay inta uu joogo Villa Somalia in uu dalka dhowr jeer u horseeday hubanti la’aan amni, iskuna dayay in uu sameysto muddo kororsi sharci darro ah, kaasi oo markii dambe uu si sandule ah uga laabtay.

Madaxweynaha Puntland ayaa bishii hore ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo shaaciyey in hadafkiisa ugu weyn uu yahay sidii uu meesha uga saari lahaa madaxweyne Farmaajo.

Saciid Deni ayaa asagu ku tashanaya Xildhibaanada uu gacantiisa kusoo saartay iyo kuwa kale ee usoo saaray saaxiibkii Axmed Madoobe, wuxuuna ololihiisa doorashada hal ku dhig uga dhigay “Bedelida Farmaajo iyo taageerada musharax kasta oo aragtidaas qaba”.

“Waxaan halkaan baaq uga dirayaa dhamaan musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya, waa inay ku midoobaan in la bedelo madaxweynaha hadda jooga ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo,” ayuu yiri Deni.

“Hadafka u weyn oo aan leeyahay wuxuu yahay in Maxamed Cabdullahi Farmaajo uusan sii joogi karin xilka, waa adagtahay in dalkaani uu horay u sii socdo, hadii uu sii joogo.”

Daawo: Shir loogu jawaabay beelaha Hawiye oo maanta MUQDISHO ka dhacay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay shir aaya-tashi ah oo ay isugu yimaadeen Ugaasyada, Odayaal dhaqameedka iyo Waxgaradka Dir, Digil iyo Mirifle iyo sidoo kale beelaha Shanaad, kaasi oo looga hadlayay xaalada dalka.

Shirka ayaa waxaa si gaar ah looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka oo maraya heer geba-gebo ah, kadib markii uu guddiga FEIT shalay dhaqan-geliyay jadwalkii dhaarinta xildhibaanada cusub.

War-saxaafadeed kasoo baxay shirkaas ayaa waxaa meesha looga saaray cabsida ku aadan in shirarka Dir, Digil iyo Mirifle uu dan gaar ka leeyahay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, la iskagana hor keenayo qabiilada qaarkood.

“Maalmahaan waxa jiray hadalo ay beesha Hawiye la wadaagayeen saxaafada, kuwaasi oo ahaa in Beelaha Dir, Digil iyo Mirifle iyo beesha Hawiye uu dagaal dhexmari doono, dagaalkaasi oo uu abaabulayay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamadaay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taasi oo aan sal iyo raad toona laheyn,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay shirka.

Sidoo kale waxay cadeeyen in shirarkooda uu ku saabsan yahay aaya-tashigooda gaarka ah, islamarkaana aysan meesha oolin dagaal kala dhaxeya beesha Hawiye.

“Dadkaan cid ma soo abaabulin oo ayaga ayaa dantooda iyo midda dalka isku xilqaamay. Waa waxba kama jiraan in aan abaabuleyno dagaal iyo hebel ka dambeeya oo soo dirsaday,” ayuu yiri Oday kamid ah Nabadoonada ka hadlay shirka.

Ugu dambeyntiina waxay sheegen inay u midoobeen danta umadda Soomaaliyeed oo aysan jirin cid si gaar ah u taageersan yihiin ama u neceb yihiin, ayna ka shaqeynayaan Soomaaliya horumarkeeda.

Hoos ka daawo muuqaalka

Musharaxnimada Farmaajo iyo Saciid Deni oo halis lama filaan ah ay soo wajahday

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, oo ka mid ah xildhibaanada kasoo galay Jubaland ayaa ku dhowaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka guddoomiyaha golaha shacabka ee baaralamanka Soomalaiya. 

Musharaxnimada Xidig, oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen, ayaa leh cawaaqib siyaasadeed oo wax ka beddeli kara nidaamka awood qeybsiga Soomaaliya, oo beesha Daarood ay ka hesho xilka madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha. 

Dhowr iyo laabatankii sano ee la soo dhaafay, waxaa xilkaas loo dooran jiray siyaasi ka soo jeeda Koonfur Galbeed, halka Xidig oo doorashadii u dambaysay ee January 2017 galay kaalinta labaad uu noqday qofka labaad ee ugu codadka badan. 

Damaca Koonfur Galbeed

Balse, Koonfur Galbeed ayaa hadda dooneysa in taas wax laga beddelo, ayada oo odobaadyadii la soo dhaafay ay jireen warar sheegaya in Koonfur Galbeed oo ku dhawaad rubuc qarni haysatay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ay hadda tijaabin rabto xilalka kala ah Madaxweynaha ama Ra’iisal wasaaraha.

Maadaama kuraasta ugu sarreysa dalka – Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka – lagu saleeyo qaab awood qaybsi ah oo ku dhisan habka 4.5 ee beelaha Soomaalida, haddii ay Koonfur Galbeed wareejiso Gudoomiyaha, waxa taasi bedalaysaa cidda helaysa labada xil ee kale.

Daahir Qoriyoow Isaaq, oo falanqeeya siyaasadda Gobolka Geeska Afrika, ayaa aaminsan in ujeeddada ugu weyn ay tahay “in kursigaas uusan ahayn mid la isku halleyn karo, oo aan cago adag ku taagneyn”.

“Waxay ila tahay waxa ugu weyn waa caqabadaha uu guddoomiyaha golaha shacabka la kulmayo marka uu Golaha hoggaanka u hayo. Ma aha kursi uu qofka hubo in uu kusii fadhin karo inta aysan muddo xileedka u dhammaanin. Waxaa taas sii dheer in aan lagu tixgelinin kursiga”. ayuu yiri Daahir Qoriyoow.

Farmaajo iyo Saciid Deni

Haddii la doorto Xidig, waxay ka dhigan tahay in beesha Daarood ay weyn doonto labada xil ee ugu sarreeya dalka, taasi oo si rasmi ah u dileysa rajada ay leeyihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Siciid Deni oo ay isku beel kasoo jeedaan. 

Maadaama Xidig uu ku qoondo yahay labadaas nin marka la eego hannaanka 4.5, haddii uu ku guulaysto doorashada gudoomiyaha golaha shacabka, waxaa meesha ka baxaysa fursaddooda, ayay leeyihiin dadka darsa qaab dhismeedka dowladda federaalka ee Soomaaliya. 

Xildhibaanada taageersan Deni iyo Farmaajo waxay labaduba xaqiijin doonaan inaan la taageerin Xidig, si aanay taas u dhaawicin rajadooda.

Hase yeeshee, ayada oo ay jireen isku day isbaheysi oo ay rabeen Dir, Digil iyo Mirifle, suurta-galna ay tahay in xildhibaanada Hawiye ay sidoo kale taageeraan Xidig, lama yareysan karto halista kusoo wajahan Saciid Deni iyo Farmaajo.

Wax ay ahaatdaba, tani waxa xamaasad kale u yeeleysaa loolanka hoggaanka sare ee dalka, waana arki doonnaa halka ay ku dhammaato.

Rabshado culus oo maanta ka dhacay Masjidka Al-Aqsa iyo 152 qof oo lagu…

Qudus (Caasimada Online) – Ugu yaraan 152 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dhaawacay iska horimaad maanta ayaga iyo ciidamada booliska Israel ku dhex-maray gudaha Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa ee magaalada Qudus.

Inta badan dhaawacyada Falastiiniyiinta ayaa waxaa sababay rasaasta caagga ah, bambooyinka qiica kaliya sii daaya, iyo garaacis ay sameeyeen booliska, sida ay sheegta hay’adda Bisha Cas ee Falastiin.

Ciidamada Ammaanka Israel ayaa heegan culus ku jiray tan iyo markii weeraro dhowr ah oo dhimasho leh ay Israel ka dhaceen labadii toddobaad ee tegay.

War-saxaafadeed ay soo saareen ayay ciidamada Israel ku sheegeen in boqolaal qof oo Falastiiniyiin ah ay dhagxaan iyo baaruud kusoo weerareen ciidamada oo ku sugnaa meel u dhow halka lagu cibaadeysto ee Darbiga Galbeed kadib salaaddii subax ee Jimcaha.

Waxay intaas ku dareen in kadib ciidamada ay galeen dhismaha Al-Aqsa “si ay u kala eryaan dibna ugu celiyaan shacabka, si dadka kale ee cibaadeysanayey ay si nabdoon uga baxaan.”

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in saddex askari ay ku dhaawacmeen iska horimaadka.

Boolisku waxay xireen boqolaal Falastiiniyiin ah, waxaa sidaas tweet ku sheegay afhayeen u hadlay ra’iisul wasaaraha Israel Naftali Bennett.

“Waxaan ka shaqeyneynaa inaan xasilloonida kusoo celino Xaramka Shariifka ah iyo guud ahaan Israel. Waxaa intaas dheer, waxaan isku diyaarineynaaa xaalad kasta, ciidamada amniguna diyaar ayey u yihiin shaqo kasta,” ayuu yiri Bennet.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Falastiin oo ka hadashay rabshadaha Al-Aqsa ayaa sheegtay “in Israel ay si buuxa oo toos ah mas’uul uga tahay dambiga dhacay iyo cawaaqibkiisa.”

“Faro-gelin caalami oo deg deg ayaa loo baahan yahay si loo joojiyo gardarrada Israel ee ka dhanka ah Masjidka Al-Aqsa iyo in xaaladda ay farah ka baxdo,” waxaa sidaas yiri Nabil Abu Rudeineh, oo ah afhayeenka madaxweynaha Falastiiniyiinta Mahmoud Abbas, oo dowladdiisa ay maamusho aagga Israel ay haysato ee Daanta Galbeed.

Xamas oo iyana maamusha Marinka Gaza ayaa sheegtay in Israel “ay xambaareyso mas’uuliyadda iyo cawaaqibka.”

REUTERS + VOA

Daawo: Muxuu Cabdirashiid Janan ka yiri doorashadii laga wareejiyey Garbahaarey?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa si lama filaan ah uga hadlay go’aankii uu guddiga doorashadad heer Federaal uu magaalada Ceelwaaq ugu wareejiyay doorashada kuraastii taalay magaalada Garbahaareey.

Janan ayaa go’aanka guddiga FEIT ku tilmaamay inuu yahay go’aan mudan in lasoo dhaweeyo maadaama uu kusoo aaday waqti loo baahnaa.

Cabdirashiid Janan ayaa sheegay in gobolka Gedo laga badbaadiyay inay ku dhacdo matalaaad la’aan, isagoo sheegay in guddiga doorashada uu qaatay go’aan wanaagsan oo Gedo looga saarayo jiitanka doorashada.

“Haddii Garbahaareey xoog lagu haysto oo madaxweyne ku-xigeenkii ku dhashay loo diidan yahay, hadduu Ceelwaaq imaan karo, oo madaxweynihii Jubaland imaan karo, oo guddigii doorashada Jubbaland imaan karo, in doorashada lagu qabto wax dhib ah uma arko. Taas waxaa ka xun inay ka haraan barlamaanka Soomaaliyeed, sida maantaba dhaarta uga hareen,” ayuu yiri Cabdirashiid Janan oo wareysi siiyay Idaacadda goobjoog.

Cabdierashiid Janan ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo iyo hay’adda Nabad-Sugida inay cuuryaamiyeen gobolka Gedo, isagoo sheegay in danahooda gaarka ah u dhibaateeyeen masiirka reer Gedo.

Janan ayaa intaas kusoo daray inay quus taagan yihiin cid kasta oo isku dayaysay inay masiirka gobolka Gedo looga taliyo Villada, sida uu yiri.

Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland oo sannadkii hore heshiis la galay dowladda islamarkaana ku wareejiyay ciiddankiisii, ayaa hadda u muuqda mid mowqifkiisii uu isbeddelay, isagoo ka hor yimid wax ka socda gobolka Gedo ee madaxweyne Farmaajo ku lug leeyahay.

Halkaan hoose ka daawo wareysiga Janan oo dhameystiran

Xog: Sababta ay taliyaasha xildhibaanada noqday u diideen inay dhaartaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Laba kamid ah Afarta taliye ee xukunta ciidamada dalka ayaa ku biiray golaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad. Yaasiin Cabdullaahi Farey oo ah taliyaha ku-meel gaarka ah ee hay’adda NISA iyo Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub) oo taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliya ayaa xubno ka noqday Baarlamaanka cusub.

Labada Nin ayaa Baarlamaanka kasoo galay Galmudug iyo Koonfur Galbeed. Saraakiishaan weli waxay ku fadhiyaan xilalkoodii hore.

Shalay waxay aheyd Maalintii la dhaarinayey xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad. Taliye Yaasiin Farey ayaa tagay xarunta guddiga FEIT, wuxuuna qaatay shahaadada xildhibaanka laakiin ma uusan xaadirin dhaartii xildhibaanada, halka taliyaha Asluubta xildhibaan Mahad uu isna dib isaga dhigay shahaado qaadashada iyo dhaarta Labada.

Labada sarkaal ayaa haddii ay dhaartaan noqonaya xildhibaano rasmi ah, taasoo ka dhigan inay si toos ah u weyn doonaan xilka taliyinimada.

Qofka xildhibaanka ah looma ogala xil ka hooseeya wasiir federaal ah, taliyaaashana waxay xisaabsan yihiin darajo ka hooseyso wasiir, sidaas darteed, maalintii ay dhaartaan oo ay xildhibaano buuxda noqdaan waa banaan yihiin hoggaanka labadaas ciidan.

Yaasiin Farey oo hadda kamid ah xubnaha sida weyn Farmaajo ugu dhow dhow ayaa haddii uu NISA baneeyo waxaa abuurmaya dood cusub, horey Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxweyne Farmaajo waxay ugu heshiiyeen inuu Yaasiin Farey si ku-meel gaar ah hay’adda NISA usii hoggaamiyo, balse ay ka heshiiyaan cidda loo magacaabayo xilka taliyaha rasmiga ah.

Labada Nin ee Farmaajo iyo Rooble si weyn ayey u kala fog yihiin waqtigaan, mana ka heshiin karaan qadiyad noocaas ah, sidaas darteed NISA waxay heysataa inuu Yaasiin Farey sii joog ama inuu abuurmo buuq cusub oo hoggaankeeda la xiriira.

Labada taliye ee Asluubta iyo NISA dib ayey isku sii dhigi doonaan illaa muddo si ay xilakooda usii heystaan ayaa laga soo xigtay qaar kamid ah dadka ku dhow dhow taliyaashaan, Farmaajana hadda xiiso uma qabo isbadal xagga hoggaanka ciidanka ah, maadaama ay dhammaan saraakiisha isaga weli daacad u yihiin.

Dhageyso: Xildhibaan Cali Xaaji oo sharaxay sababta uu u amaanay Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Cali Xaaji Aadan Abuubakar, oo ka mid ah xildhibaannadii Golaha Shacabka ee shalay xilka loo dhaariyay, ayaa muddo kooban kadib markii lagu doortay magaalada Baladweyne waxaa soo ifbaxay muuqaal laga duubay isaga oo ku sugan deegaanka Ceelcali ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay Al-Shabaab ka taliyaan.

Hadal uu goob musaanasabad ahayd ka jeediyay ayuu ugu mahad naqay Al-Shabaab, isaga oo adegsaday ereyga “WILAAYADA ISLAAMIGA AH” iyada oo arrintaas ayay dad badan ka fal-celiyeen kuwaas oo xildhibaanka ku eedeeyay in uu xiriir dhow la leeyahay Al-Shabaab.

Wareysi uu siiyay VOA SOMALI ayuu ku sheegay in muuqaalkiisa lagu faafiyay Baraha Bulshada laga soo jartay khudbad uu ka jeediyay deegaanka Ceel Cali 2014-kii xili uu halkaas u tagay adeeg caafimaad maadaama uu yahay dhaqtar & hormarinta Waxbarashada Deegaankaas.

“Video-ga waxa uu ahaa 2014-kii, xilli aniga oo dhaqtar iyo bare Jaamacadeed ah oo ka shaqeeya Muqdisho aan aaday Deegaanka Ceel Cade oo waxa aan waday macalimiin Iskuul oo maadooyinka Seyniska dhiga waxaana geeyay Iskuulka Ceel Cali oo 2012-kii aan u baddelnay Dugsi Sare, Guddigii maamulayay Iskuulka ayaa ii xil saaray in aan u hadlo, khudbaddii aan jeediyay oo dheereed ayaa laga soo jartay qaybta aan ka leeyahay “Wilaayada Islaamiga” haddii aan tegay meesha ay ka talinayaan oo madaxdoodii fadhiso waan ku qasbanaa in aan adeegsado ereygaas,” ayuu yiri xildhibaan Dr. Cali Xaaji Aadan.

Wuxuu intaas kusii daray  “Qofka meesha ka taliya in aad ugu yeerto magaca uu jecel yahay haddii kale adiga ayaa dhibaato laguu geysanayaa, tan kale waxa aan u baqay iskuulka in ay dhibaato soo gaarto oo aan loo fahmin in ay dowlad ama hay’ad taakulo ka helo, anigana nafteyda ayaan u baqay”.

Xildhibaankaan ku guuleystay HOP#039 ayaa beeniyay in uu xiriir la leeyahay Al-Shabaab isaga oo difaac ka dhigtay in dalka dibaddiisa uu waxbarasho u aaday kahor inta aanay aasaasmin, isla markaana aanay jirin shaki laga qaaday ama caqabad ka dhalatay muuqaalkaas oo soo gaartay kaddib faafintiisa.

Waxa beeniyay in ergada dooratay ay ku jireen kuwa Al-Shabaab u tagay, Guddi qaabilsan hubinta Codeeyaasha uu xaqiijiyay maadaama la mamnuucay Eragadii u tagtay Al-Shabaab ee soo dooratay Xildhibaannada Baarlamaanka 10aad ee JFS.

“Dad Ergooyinka galay oo inta cabsaday u tagay Nimankaas way jiraan, kuwaas in ay dib usoo galaan doorashada dambe lama ogola oo Dowladdu go’aan ayay ka gaartay, aad ayaa loo hubinayay oo Guddiyo Amniga ayaa ka shaqeynayay,” ayuu yiri Xildhibaan Dr Cali Xaaji Aadan.

Dr. Cali Xaaji Aadan Abuubakar ayaa 04/04/2022 ku guuleystay HOP#039 isaga oo helay 86 cod, waxa uu ballanqaaday in uu wax u qaban doono Deegaanka uu metalo ee Ceel Cali oo gacanta DG Hir-Shabeelle ka maqan.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysigiisa oo dhameystiran

Xildhibaanada kutlada NISA oo beddelay mowqifkoodii

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay shahaadada Xildhibaanimo qaatay inta badan xildhibaanada kutlada NISA, kuwaasi oo markii hore si iskood ah u go’aansaday inaysan shahaadada qaadan, kadib markii uu guddiga doorashooyinka ee heer federaal uu hakiyay kursiga Fahad Yaasiin.

Xildhibaanada qaatay shahaadada ka hor dhaarinta Xildhibaanada labad aqal ayaa waxaa kamid ah: Taliyaha NISA ee ku-meel gaarka ah Yaasiin Farey, Cabdrisaaq Xusul, Dayax Cumar iyo Faarax Cabdi Diini, kuwaas oo sidoo kale la dhaariyey marka laga reebo Yaasiin Farey.

Waxaa muuqata in xildhibaanadaan ugu dambeyntii ay danta ku qasabtay inay shahaadada qaatan, maadama aan illaa hadda xal laga gaarin kursigii Fahad, islamarkaana uu guddiga FIET dhagaha ka fureysanayo dacwadii uu gudbiyay.

Sida la fahamsan yahay, xildhibaanada kutlada NISA oo markii horeba ahaa tiro kooban oo ku dhow 20, ayaa xiligan u arka in maqnaashahooda uusan yeelaneyn saameyn weyn, sidaas darteedna ay is-daad raaciyeen xildhibaan tirada badan ee la dhaariyey.

Kursiga Fahad oo marxalado kala duwan soo maray ayaa waxay hadda dacwadiisa taalla maxkamadda sare ee dalka, taasi oo la filayo inay kasoo saarto go’aan u xaglinaya dhankiisa, inkasta oo illaa hadda aan maxkamadda loo gudbin jawaab-celintii dacwadaas.

Doorashada Soomaaliya oo muddo badan soo jiitameysay ayaa hadda mareysa heer geba-gebo ah, ayada oo maanta xildhibaanada cusub ee baarlamaanka labada aqal lagu dhaariyay munaasibad ka dhacday teendhada Afisyooni.