26.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Musharaxii ugu horreeyey ee beesha Daarood oo isku soo taagay gudoomiyaha BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, oo ka mid ah xildhibaanada kasoo galay Jubaland ayaa ku dhowaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka guddoomiyaha golaha shacabka ee baaralamanka Soomalaiya. 

Cabdirashiid Xidig ayaa qoraal uu ku daabacy bartiisa facebook ku yiri “Mudaneyaal iyo marwooyin anigoo ah xildhibaan Cabdirashid Maxamed Xidig waxaan idinla socod siinayaa inaan u sharaxnahay xilka gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka federalka ee Soomaaliya 2022/2026.”

Waxa uu intaas ku daray “Mudaneyaal iyo marwooyinm baarlamanka federaalka waxaa horyaalla waajibaad dastuuriya oo lagama maarmaan u ah dowlad dhisida dalkeena, sidaas darteed anigoo fahamsan waajibaadkaas aqoon iyo waayo aragnimo dheera u leh hogaaminta baarlamaanka iyo gudashada waajibaadkiisa, waxaan go’aansaday inaan isusoo sharaxo qabashada xilka gudoomiyaha golaha baarlamaanka federalka ee Soomaaliya.”

Xidig ayaa ka codsaday xildhibaanada federaalka inay taageeraan codkoodana siiyaan, wuxuuna intaas ku daray inuu maalmaha soo socda soo bandhigi doono faah-faahinta qorshihiisa siyaasadeed. 

Xidig ayaa sidoo kale xilkan isku sharaxay doorashadii guddoomiyaha baarlamankii 10-aad ee dhowaan muddo xileedkiisu dhammaaday, balse aan ku guuleysan.

Musharaxnimada Xidig, oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen, ayaa leh cawaaqib siyaasadeed oo wax ka beddeli kara nidaamka awood qeybsiga Soomaaliya, oo beesha Daarood ay ka hesho xilka madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha. 

Haddii la doorto Xidig, waxay ka dhigan tahay in beesha Daarood ay weyn doonto labada xil ee ugu sarreeya dalka, inkasta oo aysan caddeyn heerka ay gaarsiisan tahay taageerada uu haysto.

Dhowaan waxaa jiray dadaal ay wadeen beelaha Dir, Digil iyo Mirifle, oo ay waxa kaga bedelayaan habka awood qeybsiga, waxaana musharaxnimada Xidig ay siineysaa fursad ay taas ku xaqiijiyaan haddii ay codkooda ku taageeraan.

Yaa kusoo baxay doorashadii adkeyd ee kursiga beesha Daa’uud ee xalay dhacday?

0

Jowhar (Caasimada Online) – Doorasho la isla gaaray ilaa saqdhexe oo xalay ka dhacday magaalada Jowhar ayaa ayaa waxaa kursiga #HOP024 ku guuleystay Maxamed Axmed Beereey oo ka guuleystay seddax murashax oo kula tartamayay kurigaasi.

Xildhibaan Beereey ayaa helay 59 cod, waxaana kusoo xigay Yuusuf Mohamed Xaaji Dool oo helay 25 cod, halka murashaxii shantii sano lasoo dhaafay ku fadhiyay kursigaasi Cabdulqaadir Caraboow oo helay 7 cod.

Tartanka kursigaan oo ahaa mid adag ayaa waxaa guusha Beereeyl qeyb ka ahaa siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale oo beesha iska leh kasoo jeeda, waxaana la sheegay in taageerada ugu badan uu ka helayay xildhibaan Beereey guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Finish.

XIldhibaan Beereey ayaa sanadkii 2016 looga adkaaday doorashada kursigan oo uu ku guuleystay Xildhibaan Cabdulqaadir Carabow.

Xildhibaan Caraboow oo ka mid ahaa xubnihii loo saadaalinayay ayaa wuxuu taageero ka haystay Maxamuud Cali Ugaas oo saaxiib dhow ay ahaayeen, iyadoo la ogaa in doorashadii 2016-kii uu Maxamuud Cali Ugaas damcay inuu tartanka ka reebo xildhibaanka guuleystay ee Maxamed Axmed Beereey.

Xildhibaan Beereey ayaa horay ugu mid ahaa madaxda hay’adda Samsam, waxaana lagu tirayaa inuu ka tirsan yahay ururka Al-Islaax oo qeyb ka ah siyaasadda Somalia.

Jadwalka doorashada 16-ka kursi ee CEELWAAQ oo shaaca laga qaaday (Aqriso)

Kismaayo(Caasimada Online) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Jubaland ayaa soo saaray jadwalka doorashada 16-ka kursi ee lagu qabanayo magaalada Ceelwaaq saacado kadib markii la shaaciyey in kuraastii taaallay Garbahaarey loo wareejiyey magaaladaas.

Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland (SEIT) oo tixraacaya warqadda sumadeedu tahay GHDHF/56/2022 kana soo baxday guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Federaal FEIT kuna taariikhaysnayd 13/04/2022 ayna ku cayimeen goob doorashada 2-Aad ee Jubbaland waxay guddiga SEIT Jubbaland halkan ku shaacinayaan jadwalka doorashada 16-ka kursi oo lagu qabanayo Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga.

Doorashooyinka ayaa la qabanayaa inta u dhaxeysa 18-ka illaa 27-ka April, ayada oo kursiga ugu soo horreeya oo ah HOP079 ay doorashadiisa dhaceyso 18-ka bisha oo ku beegan Isniinta.

Qabashada doorashada kuraasta Ceelwaaq ayaa ka dhigan in dhammaan doorashada golaha shacabka la dhameyn doono 27-ka April, maadaama kuraastaas ay yihiin kuwa kaliya ee harsan, ayada oo la filayo in HirShabeelle ay doorashadeeda dhameyso xilligaas kahor.

Guddiga doorashada heer federaal ayaa Khamiistii sheegay inuu go’aankan gaaray markii uu arkey inay lagama maarmaan tahay 16-ka kursi ee taalla Garbahaareey inaysan ka harin hanaanka doorashada dalka, xilli maanta la dhaariyey xildhibaanada cusub.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay caqabado amn ku hor gudban yihiin inay doorasho ku qabsoonto Garbahaareey, islamarkaana maamulka Garbahaareey ay diideen in xubno ka socda Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal ay ku tagaan booqasho loogu kuur geli lahaa in la soo hubiyo xaaladda Amniga magaalada Garbahaareey.

Hoos ka eeg jadwalka 

  

“Doorashada Garbahaarey waa ay dhaceysaa, mana la wareejin karo,” waxaa yiri…

Garbahaarey (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Gedo ayaa ku gacan sayray go’aankii kasoo Guddiga doorashada heer federaal ee FIET ee lagu sheegay in doorashadii Garbahaarey loo wareejiyey Ceelwaaq, taasi oo ay ku qeexeen sharci darro.

Guddoomiyaha maamulkaas Axmed Buulle oo BBC-da la hadla ayaa sheegay inay ku taagan yihiin Heshiiskii 17 September. 

“Garbahaarey Heshiiskii 17 September ayay ka mid tahay, xildhibaannada saakay la dhaarinayay waxa lagu dhaariyay waa 17 September, kuwa dhiman waxa lagu soo dooranayaana waa 17 September, cid hal qodob ka beddeli karta ma jirto, shalayna waan taagneyn haddana waan taagannahay,” ayuu yiri.

Axmed Buulle ayaa ku eedeeyay Guddiga FEIT inaysan habeysneyn oo ay dhowr garab noqotay. “Waxaan ku xaqiijinayaa in haddii warqaddaas ay xaqiiq noqoto aan Garbahaarrey ku dooran doonno xildhibaannadii dhinnaa oo ay doorashada Garbahaarrey ka dhacayso,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in markii horeba aan lagu heshiin waayin in doorashada ay Garbahaarrey ka dhacdo, isla markaana ay ku jirtay qodobbada heshiiskii 17 September, wuxuuna sheegay inaysan u dulqaadan doonin arrintaas ana doorashada qabsan doonaan.

“Aniga waxaan rabaa ninka ragga ah ee Ceelwaaq doorasho ku qabanaya. Annagu sharci baan qabbaan u nahay, sharciga haddii lagu xad gudbay cid aan qabban u nahay ma jirto, doorashadeennana waan qabsaneynaa, iyadoo xor iyo xalaal ah ayaan qabsaneynaa, cid aan magacn uga nahayna ma lahaa” ayuu yiri Guddoomiyaha maamulkaas Axmed Buulle.

Si kastaba, Jubaland ayaa u muuqata inaysan dheg jalaq u siineyn maamulka Gedo ee taabacsan Farmaajo, waxayna ku dhaqaaqday qabashada doorashada Ceelwaaq. 

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Jubaland ayaa soo saaray jadwalka doorashada 16-ka kursi ee lagu qabanayo magaalada Ceelwaaq saacado kadib markii la shaaciyey in kuraastii taaallay Garbahaarey loo wareejiyey magaaladaas.

“Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland (SEIT) oo tixraacaya warqadda sumadeedu tahay GHDHF/56/2022 kana soo baxday guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Federaal FEIT kuna taariikhaysnayd 13/04/2022 ayna ku cayimeen goob doorashada 2-Aad ee Jubbaland waxay guddiga SEIT Jubbaland halkan ku shaacinayaan jadwalka doorashada 16-ka kursi oo lagu qabanayo Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga.

Doorashooyinka ayaa la qabanayaa inta u dhaxeysa 18-ka illaa 27-ka April, ayada oo kursiga ugu soo horreeya oo ah HOP079 ay doorashadiisa dhaceyso 18-ka bisha oo ku beegan Isniinta.

Markabkii DAGAAL ee hor-kacayey ciidamada Ruushka ee Ukraine oo qarxay

Moscow (Caasimada Online) – Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Ruushka oo waxyeelo kasoo gaartay qarax Arbacadii lasoo dhaafay dhacay ayaa quusay, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Ruushka.

Markabkani ayaa waxay horey dowladda Ruushka u sheegtay in uu dab qabsaday.

Dabka ayaa sababay qaraxa rasaasta markabka dagaalka saarneyd, Ruushka ayaa sheegay in gabi ahaan shaqaalihii markabkaasi markii dambe loo daad gureeyay maraakiibta Ruushka ee ku dhowaa badda madow.

Dowladda Ruushka wax faahfaahin ah kama bixin qaabkii uu u dagay markabka dagaal.

Markii hore waxay wasaarada gaashaandhiga ee Ruushka ay sheegtay in markabka dagaal uu dul sabeynayo badda, balse gelinkii dambe ee Khamiistii warbaahinta dowladda Ruushka ayaa baahisay warka sheegaya in markabka Moskva uu dagay.

Markabkaan oo 510 shaqaale qaada ayaa horkacayay weerarkii ciidamada badda ee Ruushka a ka geysteen Ukraine, isagoo ah astaan muhiim u ah militariga.

Ukraine ayaa sheegtay in markabka ay ku weerartay labo ka mid ah gantaalladeeda Neptune.

Markabka ayaa degay iyada oo dib loogu soo celinayo mid ka mid ah dekadaha Ruushka xilli ay cimilado ay aad u xumeyd oo ay dabaylo socdeen.

Maalintii ugu horeysay ee duulaanka Ruushka ee Ukraine 24-kii Febraayo, Moscow waxay heshay sumcad ka dib markii ciidamada ay tiradooda aad u yartahay oo ah kuwa Ukraine ee difaacayay Jasiiradda Snake ee Badda Madow ay ugu baaqeen in ay isa soo dhiibaan , dalabkaasi oo ay ciidamadaasi Ukraine ay diideen .

Markabkan waxaa uu horey sidoo kale uga soo dagaalamay dalka Suuriya, halkaasi oo uu gacan ka siinayay ciidamada Ruushka weeraradooda.

Wasaarada gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa ku tilmaamay degitaanka Moskva mid ‘dharbaaxo weyn ku ah maraakiibta dagaalka Ruushka .

Sidoo kale degidda markabkani ay ka hor imaaneyso sheegashada madaxweyne Putin ee ah in howlgalkiisa gaarka ah ee milatariga Ukraine uu u socdo sidii loo qorsheeyay.

Guddoonka KMG ah ee BF oo fariintii ugu horreysay u diray xildhibaanada cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee ku-meel gaarka ah ee agolaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad Cabdisalaan Xaaji Axmed “Dhaban-cad” ayaa sheegay in doorashada xilligeeda daahday ay sababtay in adduunka uu fikrad kale ka qaato Soomaaliya islamarkaana digniin ay ku bixiyeen inay jaran doonaan dhaqaalaha ay ku taageeraan Soomaaliya.

Dhaban-cad ayaa isagoo u mahad celinayay ra’iisul wasaare Rooble iyo guddiga doorashada wuxuu codsaday in sida ugu dhaqsaha badan loo soo dedejiyo doorashada xildhibaanada dhiman maadaama waqtiga dheeraaday, caalamkana uu digniin siiyay dalka.

“Waxaan codsanayaa in kuraasta dhiman lasoo dedejiyo, iyadoo la wada og-yahay fikrada adduunka naga haysto in waqtigii dheeraaday, oo digniin nala siiyay oo lacagaha go’aya iyo banuuqda xermeysa oo la og yahay inta cadaadiskaas nalagu wado, waxaan farayaa xildhibaanada golaha shacabka ilaa laga doorto guddoomiyaha rasmiga iyo ku-xigeenadiisa inaan qofna maqnaan karin, fasaxna uusan jirin, maalinta sabtida 9:00 subaxnimo iyo Villa Hargeysa” ayuu yiri.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Aqalka Sare Maxamed Cali Yuusuf “Gaagaab” ayaa iclaamiyay in xubnaha Aqalka Sare maalinta sabtida soo xaadiraan xaruntooda, islamarkaana aysan jiri doonin qof ka maqnaan kara kulankaasi maadaama shaqo badan sugeyso, wax badanna laga sugaayo.

Guddoomiyaha KMG aqalka sare Maxamed Cali Yusuf Gaagaab iyo Guddoomiyaha KMG aqalka hoose Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan “Dhabancad” ayaa noqday xildhibaanada ugu da’da weyn labada aqal, sidaasina ay ku noqdeen guddoonka KMG.

Guddoomiye Gaagaab oo deegaan doorashadiisa tahay Puntland iyo Dhaban-cad oo reer Galmudug ayaa laga sugayaa inay kasoo dhalaalaan howsha loo igmaday gaarsiinta guddonka rasmiga ah ee baarlamaanka aqalka hoose iyo aqalka sare.

Murashax madaxweyne Cabdullaahi Cali Xasan oo baaq iyo dardaaran u diray xildhibaanada cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda ganacsiga Eng. C/llaahi Cali Xasan oo ka mid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Somalia ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay dhaarta xildhibaanada cusub ee labada aqal baarlamaanka Somalia.

Eng. C/llaahi Cali Xasan ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in xildhibaanada cusub ee labada aqal ay u taal howl culus iyo samatabixinta dal iyo dad ay dowladnimada kusii dhaceyso ceel dheer.

“Farriinta ugu horeysa ee aan halkan uga diraayo waa in ay Alle uga baqaan xilka loo dhaariyay, dalkana ka saaraan mugdiga iyo walaaca” ayuu yiri wasiirkii hore ee Ganacsiga haddana ka mid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Somalia.

Wuxuu sidoo kale amaan iyo bogaadin u jeediyay gudiga doorashooyinka dadban iyo cid walba oo suuragalisay in halkan maanta lasoo gaaro sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir C/llaahi ayaa mudadii uu hagayay wasaaradda ganacsiga wuxuu u jiheeyay inay horumarto isla markaana caalamka iyo xiriirka caalamiga kula tartanto wasaaradda uu madaxda ka ahaa. Sidoo kale, wuxuu fadhiisiyay nidaamka iyo sharciyada wasaaradda.

Dadka aqoonta dheer u leh wasiir C/llaahi waxay ku sifeeyeen inuu yahay nin dalka u jaheyn kara dowlad wanaag, deganaansho siyaasadeed, mid amni, horumar dhaqaale, mid bulsho, cadaalad iyo sinnaan.

Rooble oo amar cusub kasoo saaray doorashada kuraastii laga wareejiyey Garbahaarey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay go’aankii guddiga doorashooyinka ee heer federaal ay ka gaareen doorashada kuraastii Garbahaarey, taasi oo loo wareejiyay degmada Ceelwaaq ee isla gobolka Gedo.

Rooble ayaa sidoo kale waxa uu kuu booriyay guddiga SEIT ee Jubbaland iyo dowlad goboleedka Jubbaland inay si dhaqso ah u soo dhameystiraan kuraasta ku dhiman.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble isagoo tixgalinaya xaqa matalaadda dadka Gobolka Gedo iyo ahmiyadda dhammaystirka doorashada wuxuu bogaadinayaa soona dhaweynayaa go’aanka Guddiga Doorashooyinka FEIT ee ku aaddan deegaan doorashada 2aad ee Jubaland,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble.

Hadalka Rooble ayaa imanaya kadib markii Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal uu goor sii horeysay oo maanta ah ku dhowaaqay in doorashadii 16-ka kursi ee magaalada Garbahaarey loo wareejiyey magaalada Ceelwaaq ee isla gobolka Gedo.

Guddiga ayaa sheegay inuu go’aankan gaaray markii uu arkey inay lagama maarmaan tahay 16-ka kursi ee taalla Garbahaarey inaysan ka harin hanaanka doorashada dalka, xilli maanta la dhaariyey xildhibaanada cusub.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay caqabado amaan ku hor gudban yihiin inay doorasho ka qabsoonto Garbahaarey, islamarkaana maamulka Garbahaareey ay diideen in xubno ka socda Guddiga FEIT ay ku tagaan booqasho loogu kuur-geli lahaa in la soo hubiyo xaaladda Amniga magaalada Garbahaarey.

Guddiga ayaa xusay in go’aankiisa ay qeyb ka aheyd markii uu arkey cabashooyinka beelaha kuraastoodu taalla magaalada Garbahaarey.

Si kastaba, Go’aanka guddiga ayaa waxa si weyn u soo dhaweeyay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, lamana oga sida ay uga fal-celin doonaan maamulka Garbahaarey ee hoostaga Villa Somalia, kaasi oo hubanti la’aanta amni ee halkaas ka taagan horseed u ah.

Farmaajo oo sheegay waxa ay ka dhigan tahay dhaarinta xildhibaanada cusub ee BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray qoraal ku aadan dhaarinta xildhibaanada cusub ee baarlamanka Soomaaliya oo maanta ka dhacday teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

Hoos ka aqriso qoraalka Farmaajo 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu hambalyeeyay gudashada Dhaarta Dastuuriga ah ayaa tilmaamay doorka shacabku ay ka sugayaan Xildhibaannada cusub ee ku aaddan xoojinta dowlad-nimada, horumarinta dalka iyo adkeynta midnimada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay dalka u leedahay dhammeystirka doorashadu, si waafaqsan heshiiskii 17-kii Sebteembar ee ay ku heshiiyeen Madaxda Madasha Wadatashiga Qaranku, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Barlamaanka JFS, kaas oo saldhig u ah fulinta doorashooyin wadar-ogol ah.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay xildhibaanada labada Aqal in ay dhammeystiraan dadaalkii uu Barlamaanka 10aad ku bixiyay meel marinta hindise sharciyeedyo waxtar u leh dowlad dhisidda kuwaas oo hortabin u leh sii ambaqaadida isbadallada socda ee amniga, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee lagu tallaabsaday sanadihii ee lasoo dhaafay.

Madaxweynaha ayaa shacabka soomaaliyeed ku adkeeyey in ay xoojiyaan wadajirka iyo midnimadooda, ilaashadaanna miraha dowladnimada, iyada oo muwaadin kasta uu mudnaanta siinayo danaha Qaranka iyo sidii aan u horumarin lahayn dalkeenna.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyey Xildhibaannada Labada Aqal ee maanta la dhaariyey in uu Alle u fududeeyo waajibaadka Qaran ee horyaalla, kana yeelo masuuliyiin ka shaqeeya danta dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Baarlamaanka cusub oo yeeshay guddoon KMG ah iyo kulan loo balansan-yahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah teendhada Afisyooni uga dhacday munaasabadda dhaarinta xildhibaanada cusub ee baarlamaanka labada aqal, taasi oo muddo dheer soo jiitameysay, kadib khilaafaad ka dhashay hannaanka doorashada.

Munaasabadda oo muhiim u aheyd dhammeystirka doorashada, ayaa waxaa qeyb ka ahaa dhaarintii maanta xildhibaanada kasoo baxay Koonfur Galbeed, kadib markii xal laga gaaray tabashadii madaxweyne Lafta-gareen.

Kadib intaas labada aqal ee baarlamaanka ayaa yeeshay guddoon kumeel-gaar ah, kaasi oo shir-guddoomin doona kulanka lagu dooranayo guddoonka rasmiga ee labada aqal ee baarlamaanka 11-aad.

Gudoomiyeyaasha KMG ee ayaa kala ah, Golayaasha Shacabka oo ah; Cabdisalaan Xaaji Liibaan (Dhabancad) iyo Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab oo ah Aqalka Sare.

Dhabancad iyo Gaagaab ayaa ah labada qof ee ugu da’da weyn labada aqal, waxaana muuqata in sidaas uu ku fashilmay isku day ay Villa Somalia ku rabtay in xubno ay wadato uu noqdo guddoonka kumeel-gaarka ah.

Guddoonkan ayaa sheegay in aan waqti la lumin doonin, islamarkaana ay bilaaban doonaan kalfadhiyada baarlamaanka 11-aad, kaasi oo kulankiisa u horeeya isugu imaan doonaan maalinta Sabtida ah.

Si kastaba, Xildhibaanada cusub ayaa waxaa hortaalla shaqo adag, waxaana ugu horeysa doorashada guddoonka baarlamaanka labada aqal iyo doorashada madaxweynaha, oo ah midda sida weyn loo wada sugayo.

Beesha caalamka oo dalab u dirtay madaxda Soomaalida kadib dhaarintii xildhibaanada

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa qoraal ay soo saartay uga hadashay dhaarinta xildhibaanada cusub ee baarlamanka Soomaaliya oo maanta ka dhacday teendhada Afisyoone ee Muqdisho, waxayna dalab cusub u direen madaxda siyaasadda Soomaaliya.

Hoos ka aqriso qoraalka beesha caalamka 

Saaxiibada caalamka* waxay soo dhaweynayaan dhaarinta maanta ee xubnaha dhowaan la doortay ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Soomaaliya. Kaddib muddo ka badan hal sano oo dhammaan hay’adaha Soomaaliyeed ee la soo doortay ay dhaafeen waqtigoodii dastuuriga ahaa, waxaan ku faraxsanahay in baarlamaanka cusub uu hadda diyaar yahay. 

Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarka hoobiyaasha ah, ee ay mas’uuliyadiisa sheegteen al-Shabaab, oo subaxnimadii hore ee maanta ka dhacay meel ku dhow goobta ay ka dhaceysay xafladda dhaarinta.

Waxaan ku hanweynahay in si degdeg ah loo dhamaystiro marxaladaha haray ee geedi-socodka doorashada, gaar ahaan doorashada hoggaanka baarlamaanka, kadibna Madaxweynaha. Waxaan ogsoonahay in ay jiraan kuraas baarlamaan oo aan la buuxin, waxaana fahamsanahay in, marka kuwan la go’aamiyo, in xubnaha dheeraadka ah la dhaarin karo oo ay ku soo biiri karaan geeddi-socodka hadba meeshi uu marayo. 

Saaxiibbadu waxay mar kale ugu baaqayaan madaxda Soomaalida inay yareeyaan xiisadaha siyaasadeed, ixtiraamaan xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka muwaadiniinta Soomaaliyeed, ayna si deg deg ah, nabad oo lagu kalsoonaan karo u soo gebagebeeyaan hannaanka doorashada. 

*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ruushka, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.

AXMED MADOOBE oo war kasoo saaray go’aanka FIET ee doorashada Garbahaarey

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa soo dhaweeyay go’aankii uu maanta guddiga doorashooyinka heer Federaalka doorashada kuraasta Garbahaarey ugu wareejiyay Ceelwaaq.

Go’aanka guddiga ayuu madaxweynaha maamulka Jubbaland ku macneeyay mid lagu dardar-galinayo doorashooyinka deegaan doorashada labaad ee Jubaland.

Axmed Madoobe ayaa markale ku celiyay in aan kuraasta taala gobolka Gedo laga reebayn doorashooyinka guud ee dalka, islamarkana ay lagama maarmaan tahay qabashada kuraasta gobolkaas taala si dadka deegaanka ay u helaan matalaad dhab ah.

“Waxaa marwalba muhiim ah in gobolkaas ay kasoo baxaan Xildhibaano ku yimid rabitaanka bulshada deegaanka oo aan meel kale oo gobolka aheyn loo rari karin doorashada, taasi oo qasabtay in laga wareejiyo Garbahaarey oo ay ka jirin kalsooni iyo xasilooni doorasho lagaga qaban karo,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ku dooday in sababaha u weyn ee doorasho uga dhici karin Garbahaarey xiligaan ay tahay in aan la damaanad qaadi karin nabad-gelyada dadweynaha iyo ergooyinka halkaasi tagi lahaa.

Madaxweynaha ayaa ku booriyay guddiyada doorashooyinka ee kala duwan inay sida ugu dhakhsiyaha badan kusoo gaba-gabeeyaan doorashooyinka xildhibaanada ee deegaan doorashada labaad ee Jubaland, si looga faa’iidaysto wakhtiga oo dib u dhac kale aanu u iman.

Ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay dadweynaha ku nool magaalada Ceelwaaq inay kala shaqeeyaan hay’adaha amniga nabad-galyada deegaanka, soo dhawaynta martida iyo ergooyinka ka qeyb qaadanaya doorashooyinkan.

Guddiga FEIT oo shaaciyey magaalada loo wareejiyey doorashadii Garbahaarey

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa goordhow ku dhowaaqay in doorashadii 16-ka kursi ee magaalada Garbahaarey loo wareejiyey magaalada Ceelwaaq ee isla gobolka Gedo. 

Guddiga ayaa sheegay inuu go’aankan gaaray markii uu arkey inay lagama maarmaan tahay 16-ka kursi ee taalla Garbahaareey inaysan ka harin hanaanka doorashada dalka, xilli maanta la dhaariyey xildhibaanada cusub.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay caqabado amn ku hor gudban yihiin inay doorasho ku qabsoonto Garbahaareey, islamarkaana maamulka Garbahaareey ay diideen in xubno ka socda Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal ay ku tagaan booqasho loogu kuur geli lahaa in la soo hubiyo xaaladda Amniga magaalada Garbahaareey.

Wada uu intaas ku daray in guddiga go’aankiisa ay qeyb ka aheyd markii uu arkey cabashooyinka beelaha kuraastoodu taalla magaalada garbahaareey.  

“Markuu guddiga garwaaqsaday inaysan suuragalahayn inay doorasho ka dhacdo magaalada Garbahaareey waxaa lagama maarmaan u noqotay in meel kale oo dadka u dhaxeyso amnigeeduna sugan yahay la helo. Guddigu waxaa uu go’aamiyey in doorashada garbahaareey laga bedelo laguna bedelo in doorashada lagu qabto Magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Caasimada Online ayaa dhowr toddobaad kahor shaacisay qorshaha doorashada Garbahaarey loogu wareejinayo magaalada Ceelwaaq, qorshahaas oo Axmed Madoobe uu kala hadlay saraakiisha ciidanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM inay sugaan amniga. Halkan ka aqriso xogtaas.

Daawo: Dabageed oo weerar culus ku qaaday ROOBLE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, isaga oo weerar culus ku qaaday Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Dabageed ayaa si adag uga hadlay dooda ka taagan kursiga tirsigiisu yahay HOP086, kaas oo doorashadiisa lagu qabtay Beledweyne, isla-markaana uu kusoo baxay Fahad Yaasiin, wuxuuna sheegay in kursigaas loo maray si sax ah, ayna doorteen ergada beesha iska leh.

Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle ayaa ku eedeeyey ra’iisul wasaaraha inuu caqabad ku yahay dhammeystirka doorashada, isla-markaana uu abaabulayo xiisad siyaasadeed.

“Ra’iisul wasaaraha lama canaantaana caanihii daadiyey hadduu is leeyahay lama leh wax dhibaataa oo doorashaada caqabad ku ah oo isaga aheyn ma jiraan,” ayuu yiri Dabageed.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Doorashadii loo diray kama shaqeynaayo, amni kama shaqeynaayo,”.

Yuusuf Dabageed oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ay dhibanayaal u yihiin Rooble iyo guddiga FEIT, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa wax uga daadsan yihiin Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, shanta State inay kuu sinaadaan ayaa la rabaa ,” ayuu markale yiri madaxweyne ku xigeenka HirShabelle.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo xalay qoraal kasoo baxay HirShabelle looga dalbaday guddiga FEIT iyo Ra’iisul wasaaraha in la fasaxo kursiga Fahad Yaasiin.

Cabdullahi Sanbaloolshe oo tilmaam yaab leh ka bixiyey baarlamaanka cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ka mid ah xildhibaanada dooran ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan munaasabadda dhaarinta ee baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Sanbaloolshe ayaa si weyn bogaadiyey qabashada munaasabadda dhaarinta, wuxuuna tilmaamay inay soo gabagabeyneyso firaaqii Dastuuriga ee muddada lagu jiray.

“Maanta wixii ka dambeeya waxaa meesha ka bixi doonaa firaaqa siyaasiga ah ee ka taagan hadda dowladnimada Soomaaliya marka guul ayaan rajeynayaa,” ayuu yiri.

Agaasimihii hore ee hay’adda nabad sugidda oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaam ka bixiyey baarlamaanka cusub, wuxuuna xusay inuu ka duwan yahay baarlamaanadii hore.

Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa xusay in baarlamaanka 11-aad ay kusoo biireen xubno aad u kala fikir duwan, isla-markaana kala nooc ah, sida uu hadalka u dhigay.

”Baarlamaankan waxaa laga filan karaa inuu ka badalnaado Baarlamaanadii hore Baarlamaankan waxaa laga filan karaa dad afkaara kala duwan leh ayaa isugu yimaaday ooo aan isku nuuc aheyn” ayuu sii raaciyey agaasimihii hore ee hay’adda nabad sugidda.

Si kastaba, baarlamaanka federaalka aha ee Soomaaliya ayaa xubnaha loo doortay waxaa kasoo muuqday saraakiil ciidan iyo xubno kale oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya, kuwaas oo isla fariisan doono kulamada baarlamaanka 4 sano ee  soo socota.

HirShabeelle oo mar kale ku hagoogatay Fahad Yaasiin

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxtooyada maamulka HirShabeelle ayaa ku hagoogatay oo taageero xooggan u muujisay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo weli kursigiisa HOP086 uu ka xayiran yahay dhanka guddiga doorashada heer federaal (FEIT). 

HirShabeelle ayaa dalbatay ka dalbatay Gudiga FEIT iney fasaxaan kursiga HOP086 dhowraana heshiisyadii Madasha Watashiga Qaran si looga fogaado waxkasta oo dib udhac u keeni karo doorashada dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay maamulka. 

Qoraalka HirShabeelle ayaa yimid saacado kadib markii Guddiga doorashooyinka heer federaal uu xalay fasaxay kuraasta kala ah HOP204 iyo HOP103, oo laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed, halka uu go’aamiyey in lagu laabto doorashada HOP154, balse aanu soo hadal qaadin kursiga Fahad ee HOP086.

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay HirShabeelle 

Dowladda HirShabeelle waxay aad uga xuntahay hakinta sharci darrada ah ee lagu sameeyay Kursiga HOP086 oo deegaan doorashadiisu tahay Dowladda HirShabeelle.

Dowladda HirShabeelle waxay cadeeyneysaa in doorashada kursigaas loo maray hannaan waafaqsan Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 iyo habraacyadii doorashooyinka oo sax ah, goobjoogna ay ka ahaayeen Gudiyada SEIT, FEIT iyo Gudiga xalinta khilaafaadka, wax cabasha ahna aysan ka imaanin beesha leh kursigaas iyo murashaxiintii ku tartantay sidaas darteedna ay natiijadiisu tahay mid sax ah. 

Dowladda HirShabeelle waxay ka digeysaa tallaabooyinka ay gudiga FEIT ku xagal daacinayaan dhameestirka doorashooyinka dalka.

Dowladda Hirshabelle waxay cadeynaysaa in kursiga tirsigiisu yahay HOP086 aysan jirin wax habraac qaldan ah balse loo heysto dano siyaasadeed taasina waxaa cadeyn u ah in gudiga FEIT uu caawa fasaxay kuraastii lala hakiyay iyadoo aysan jirin wax habraac qaldan ah oo lasaxay, arintuna ay tahay anigaa qabsaday anigaana fasaxay tasoo muujineeyso kutakrifal awoodeed.

Uga dambeeyn Dowladda HirShabeelle waxay ugu baaqaysaa Gudiga FEIT iney fasaxaan kursiga tirsigiisu yahay HOP086 dhowraana heshiisyadii Madasha Watashiga Qaran si looga fogaado waxkasta oo dib udhac u keeni karo doorashada Dalka. 

-DHAMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA HIRSHABEELLE

Agaasime ku-xigeenkii NISA oo sheegay sababta rasmiga ee loo haysto kursiga Fahad

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa xalay fasaxay kuraasta kala ah HOP204 iyo HOP103, oo laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed, sida lagu shaaciyey shir jaraa’id oo Baydhaba ay ku qabteen xubnihii guddiga ee maanta tegay.

Sidoo kale, guddiga ayaa go’aamiyey in lagu noqdo doorashada kursiga HOP154 oo ka mid ahaa 3-dii kursi ee Koonfur Galbeed lagu diiday natiijada doorashadooda. 

Go’aankan ayaa ka dhigan in kursiga Fahad Yaasiin ee HOP086 uu weli xayiran yahay, ayada oo la filayo in maanta Muqdisho lagu dhaariyo xildhibaanada cusub ee labada Aqal ee baarlamanka Soomaaliya.

Guddiga doorashada waxay sheegeen in habkii lagu doortay kursiga HOP086 ay khaladaad ka buuxeen, hase yeeshee kursigaas waxba kama duwan nidaamka musuq-maasuqa ah ee kuraasta baarlamanka lagu soo doortay 95%.

Dadka qaar ayaa sidoo kale rumeysan in kursigaas loo xayiray kiiska Ikraan Tahliil oo aheyd gabar ka tirsaneyn NISA oo la tuhunsan yahay inay dileen xubno ka tirsan hay’adda darteed. 

Hase yeeshee agaasime ku-xigeenkii hore ee hay’adda NISA Cabdisalaan Guuleed ayaa sheegay in sababta loo heysto kursigaasi ay tahay mid siyaasadeed, isaga oo soo bandhigay tusaale muujinaya inaanu shaqo ku laheyn kursiga Ikraan.

“Fahad wuxuu la mid yahay, haddii lagu eedeynayo kiiskii Ikraan Tahliil iyo eedeymaha kale oo ay dad badan ku soo oogeen, wuxuu la mid yahay Yaasiin Farey oo ah ku simaha taliyaha NISA, wuxuu la mid yahay Kulane Jiis, dad badan oo waxaa jira ah eedeysanayaal ay kiisas ka yaallaan maxkamadda, oo aan ilaa iyo hadda la beri yeelin. Marka haddii ay arrintaas la xiriirto kuwan laftigooda ma aysan ahayn inay soo gudbaana” ayuu yiri Cabdisalaan.

Wuxuu Cabdisalaan intaas ku daran in laba arrinba ay suurto gal tahay, oo ah; in laga gudbo khilaafka kursigan oo xal loo helo iyo in Fahad uu noqon waayo xildhibaan.

Rajada Fahad oo markii hore ay saacideysay inay isku qaanad ahaayeen kuraas ka badan 70 oo laga soo doorto Koonfur Galbeed ayaa hadda hoos u dhacday kadib markii Lafta-gareen uu xalay heshiis la galay guddiga doorashada. 

Maamulka GALMUDUG oo dhowaan ciidamo geynayaa Caabudwaaq + Ujeedka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Galmudug ayaa qorsheyneyso in ciidamo dheeraad ah oo isugu jiro Boolis iyo Nabad Sugid ay dhowaan geyso degmada Caabudwaaq oo ku taalla waqooyiga gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Arrintan ayaa waxaa lagu go’aamiyey shir looga hadlayey ammaanka oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb, kaas oo uu guddoomiyey madaxweynaha ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Dahir Ciid, ayna ka qaybgaleen saraakiisha laamaha ammaanka.

Cali Daahir Ciid oo kulanka ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada cusub ee la geynayo Caabudwaaq loogu tala-galay inay xoojiyaan amniga magaaladaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen falal liddi ku ah amniga, sida dilal qorsheysan iyo weeraro.

Sidoo kale madaxweynaha ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug ayaa ugu baaqay shacabka inay soo dhoweeyaan ciidamadaas, isla-markaana ay la shaqeeyaan.

Waxa kale oo uu farriin culus u diray Cali Daahir Ciid odayaasha deegaanka, culimada iyo ganacsatada oo uu ugu baaqay inay qaataan doorka kaga aadan nabad-gelyada guud.

Caabduwaaq ayaa waxaa haatan ka jira dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo u dhexeeyo maleeshiyaad ku sugan degmadaas & naxaaxigeeda, kuwaas oo weeraro ka fuliya halkaasi.

Gobolka Galgaduud ayaa waxaa marar badan kusoo noq-noqday colaad beeleedyo salka ku hayo dilal la xiriira aano Qabiil oo ka taagan qaybo badan oo ka mid ah gobolkaasi.

Maleeshiyaad hubeysan oo maanta la wareegay hoolka doorashada degmada EYL

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maanta maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen hoolka doorashada degmada Eyl, halkaas oo la filayey in lagu qabto doorashada guddoonka golaha deegaanka.

Maleeshiyaadka hubeysan ayaa waxa ay iska hor imaad kooban la galeen ciidamada Booliska, iyaga oo kadib kala wareegay hoolka doorashada.

Wararka ayaa intaasi ku daraya  in ugu yaraan hal qof uu ku dhaaawacmay shaqaaqadaasi, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Arrintan ayaa salka ku heyso is qab-qabsi ka dhashay doorashada guddoomiyaha golaha deegaanka iyo ku xigeenkiisa, kadib markii ay kala jabeen xubnaha ururka Kaah oo laba garab kala noqday, isla-markaana ku kala tegay qaab Qabiil, sida aan xogta ku helnay.

Xiisadda ayaa waxaa sii xoojiyey in labada garab ay kala wataan musharixiin u taagan doorashada guddoomiyaha degmada Eyl, taas oo keentay isku dhacooda.

Sidoo kale qaar kamid ah siyaasiyiinta ururada mucaaradka ayaa ku eedeeyay garab ka mid ah ururka Kaah inuu ka dambeeyo falka ka dhacay degmada Eyl, waxayna sheegeen in lagu carqaladaynayo geeddi socodka doorashada axsaabta badan ee ka socota Puntland.

Si kastaba, Ururada mucaaradka ayaa uga guuleystay urur siyaasadeedka xukuumadda guddoomiyaasha degmooyinka Qardho iyo Ufeyn oo laga qabtay doorashada qof iyo cod.

Wararkii ugu dambeeyey ee dhaarinta xildhibanada cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka dhacayesa munaasabadda dhaarinta xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, taas oo soo martay is jiid jiid dheer iyo murano soo kala dhexgalay guddiga FEIT iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka.

Munaasabadda ayaa lagu wadaa in goordhow ay ka bilaabato Teendhada Afisyooni, halkaas oo ay isugu tegi doonaan xildhibaanada cusub.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyey, iyada oo la xiray dhammaan waddooyinka gala Dugsiga Tababarka Booliska Janaral Kaahiye illaa iyo Afisyooni oo la dhigay ciidamo dheeraad ah.

Illaa iyo hadda waxaa shahaadada qaatay in ka badan 200 oo xildhibaan, kuwaas oo si wadajir ah loogu dhaarinayo baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Sidoo kale waxaa xal laga gaaray tabashadii Koonfur Galbeed, kadib markii guddiga FEIT uu fasaxay kuraastii laga hakiyey maamulkaasi, waxaana xildhibaanada kasoo baxay Koonfur Galbeed ay qayb ka noqon doonaan dhaarinta.

Ra’iisul wasaare Rooble iyo FEIT oo garab ka helaya Beesha Caalamka ayaa ku adkeystay qabashada munaasabadda dhaarinta xildhibaanada labada aqal, si looga gudbo xaaladda adag ee kala guurka ah.

Si kastaba, munaasabaddan ayaa muhiim u ah dhameystirka doorashooyinkanSoomaaliya oo marar badan dib u dhacday, taas oo qaadatay muddo ka badan sanad dheeraad.