26.4 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goordhow ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Sida ay innoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka qaraxa waxaa uu ahaa mid is-miidaamin ah, waxaana fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa.

Wadada uu qaraxu ka dhacay ayaa xirneyd, sababo la xiriira doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee oo ka socota Dugsiga Tababarka  Booliska Janeraal Kaahiye.

Sidoo kale waxaa meesha uu qaraxu ka dhacay ku taalla bar-koontarool oo laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada, isla-markaana lagu hubiyo gaadiidka galaya Villa Soomaaliya.

Khasaara ugu badan ee ka dhashay qaraxan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu gaaray dad shacab oo xilligaas marayey waddada, waxaana haatan socda gurmad loo fidinayo.

Xaaladda goobta ayaa sidoo kale weli aad u kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Faah faahinta kala soco:Caasimada.net.

Cabdiraxman Cabdishakuur oo si rasmi ah u xaqiijiyey arrin muddo la hadal hayey

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan kursi kamid ah Golaha Shacabka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa galankii dambe ee maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Dhuusamareeb, halkaasi oo si weyn ugu soo dhaweeyen Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil, Odayaasha dhaqanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu Cabdiraxmaan ku shaaciyay musharaxnimadiisa, wuxuuna ku yiri “Waxaan u tartamayaa mid ka mid kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Galmudug. Waxaan rajaynayaa doorasho hufnaan iyo daahfurnaan leh.”

Waxa kale oo qoraalkiisa ku yiri “Waxaan si mug leh ugu mahadcelinayaa wasiirrada, xildhibaannada heer Federaal iyo dowlad goboleed, masuuliyiinta degmada, qaybaha kala duwan ee bulshada, saraakiisha iyo odayaasha dhaqanka ee sida miisaanka iyo milgaha leh ii soo dhoweeyey.”

Inkasta oo uu sheegin Cabdiraxmaan tirsiga kursiga uu isku soo taagay ee Golaha Shacabka, ayaa haddana waxaa ogaanay in kursigaas uu tirsigiisu yahay HOP#138, kaasi oo uu hadda ku fadhiyo Xildhibaan Saciid Nuur Qayliye (Siciid Giriish).

HOP#138 ayaa kamid ah kuraas uu guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug uu shaaciyay 5-tii bishaan, waxaana lagu wadaa in doorashadiisa la qabto toddobaadka soo socda.

Cabdiraxmaan oo ah siyaasi si weyn uga soo horjeeda madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu cadaadis badan kala kulmayaa Villa Somalia oo rabta inay dhaafiso kursigaas, inkasta oo uu kalsooni ka haysto beesha.

Qoor-Qoor oo si toos ah ugu xiran Villa Somalia ayaa la sheegay in lagu qasbayo inuu sameeyo dariiq walba oo Cabdiraxmaan Cabdishakuur lagu dhaafin karo kursigaan, balse arrinta aan la dhaafi karin waa inaan kursigaan loo sameyn karin Ergo been ah oo aan la boobi karin.

Kursigaan ayaa wuxuu ku jiraa kuraasta dabka ku ah madaxweyne Qoor-Qoor ee dhallin kara xiisadaha Amni, haddii la isku dayo in la boobo.

Inkastoo la sheegay in reerka isku raaceen in kursigaan la siiyo Cabdiraxmaan, haddana musharixiinta kale ee kursigaan raadinayo waxaa kamid ah Xasan Cadde, Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde, Nin wasiir ka ah Koonfur Galbeed iyo xildhibaanka hadda ku fadhiya kursiga Saciid Nuur Giriish.

Qorshaha uu Cabdullaahi Kulane u tagay Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Cabdullaahi Aadan Kulane oo kamid ah saraakiisha sare ee NISA ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Kulane oo ka yimid dhanka Caabudwaaq oo maalmihii dambe uu ku sugna ayaa waxaa Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay ciidamo iyo gaadiid fara badan oo ay ku jiraan kuwa dagaalka, waxaana la dejiyay gudaha magaalada.

Cabdullaahi Kulane oo kamid xulafada Farmaajo Fahad Yaasiin, Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, haatanna ah La-taliyaha Amniga Qaranka ee Farmaajo ayaa magaalada Dhuusamareeb u tagay doorashada kursi kamid ah Golaha Shacabka.

Kulane ayaa u sharaxan kursiga uu tirsigiisu yahay HOP#040, kaasi oo ay hadda ku fadhido Xildhibaanad Nafiiso Faarax Jaamac.

Musharaxnimada Kulane ayaa waxaa la fahamsan yahay inay qeyb ka tahay qorshe ujeedkiisu yahay in doorashada Golaha Shacabka lagu soo saaro saraakiil ka tirsan NISA, si ay ku helaan xasaanad, kaasi oo uu qeyb ka yahay Fahad Yaasiin.

Taliyaha ku-meel gaarka ah ee NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey ayaa horey xulafada Farmaajo iyo Fahad ugu guuleysteen inay u boobaan kursiga HOP#067, arrintaasi oo mar dhalisay xaalada hubanti la’aan ah.

Si kastaba, Kursiga uu isku soo taagayo Kulane ayaa waxa uu kamid yahay kuraas uu guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug uu shaaciyay 5-tii bishaan, waxaana lagu wadaa in doorashadiisu qabsoomto toddobaadka soo socda.

Daawo: Heshiiska uu Cali Guudlaawe la galay beesha Xawaadle oo la sheegay in aanu aheyn sida loo dhigay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Caaqil Muumin Gariig oo la hadlay warbaahinta ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiiskii shalay la shaaciyay inay wada gareen Madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Beesha Xawaadle.

Caaqilka ayaa sheegay in Odayaasha heshiiska la galay Cali Guudlaawe ay yihiin kuwa hore u taageersanaa oo uu shalay la kulmay, hase yeeshe aysan aheyn kuwii tabashada ka qabay maamulkiisa.

“Qofka marka uu mas’uul yahay waa laga fiican yahay in uu xoog adeegsado oo meel ku tago, xoogna meel fog tagi maayo, shalay waxaa maqlayay Odayaal inta la xareeyay kuwii taageerayaasha ahaana la reebtay, markaa kuwii laga reebtay iyaga ayaa war laga rabaa,” ayuu yiri.

“Awood ayaa ku sheeganaya ma shaqeynayso taas ogaada, Nin rag ah gadaashada lagama dayo ee garabkaga laga daya. Dadkana waxaa u hormaray dad jaahiliin ah ee ha iska qabtaan.”

Waxa uu carabka ku adkeeyay in uu rabo in xiisada taagan si daah-furan loo wada-hadlo, oo aysan dhibaato dhicin, islamarkaana aan awood la isku maquunin.

Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in doorashooyinka ka socda dalka ay noqdaan kuwa musharaxiinta lagu dooranayo waxqabad, oo aan lagu soo saareyn laalush, sida inta badan ka dhacday doorashooyinka.

“Hala tashto oo Soomaalinimo ha la muujiyo oo dagaalada ha la joojiyo oo ha la wada-hadalo, hala wada-heshiiyo ma dooneyno dagaal iyo bur, qofkii la qaban waayana ha la yiraahdo qofkaas qabta.”

Hadalka Caaqil Muumin ayaa imanaya xilli ay shalay madaxtooyada HirShabelle shaacisay inay heshiiyeen Odayaasha dhaqanka beesha Xawaadle iyo madaxweyne Guudlaawe oo in ka badan sanad ay u diidanaayeen inuu tago magaaladaas.

“Madaxweynaha iyo odayaasha dhaqanka ayaa heshiis rasmi ah ka gaaray tabashadii iyo diidmadii ay ka qabeen Dowladda, iyagoona ku balamay in maanta wixii ka dambeeyo laga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka Dowladnimada,” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxtooyada HirShabelle.

Wararkii ugu dambeeyey ee ciidanka Itoobiya oo duqeyn culus ku billaabay Mekelle

0

Mekelle (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Mekelle ee degaanka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in duqaymo dhanka cirka ah oo ay ay fuliyeen ciidamada cirka ee Itoobiya ay ka dhaceen magaalada Mekelle.

Duqayntan ayay ciidamada cirku u adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxaana lasoo sheegayaa inuu jiro khasaare badan.

Duqayntan maanta ka dhacday magaalada Mekelle ayaa kusoo hagaagtay iyadoo Afhayeenka TPLF Getachow Reda uu maanta sheegay in haddii xal kama dambays ah la helin ay qaadi doonaan hawlgallo adag.

Wali waxaan joogsan dagaalka u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF, iyadoo haatan uu dagaalku u badan yahay dhanka degaanka Canfarta, oo ay ka barakaceen shacab aad u tiro badan, kuwaas oo ka cararaya dagaalada u dhaxeeya TPLF iyo ciidanka gaarka ah ee degaanka Canfarta.

Dagaalka Itoobiya oo socdo ku dhawaad hal sano ayaan weli wax natiijo ah laga gaarin, waxaana muuqata hadda inuu fashilmay wada-hadaladii u dhaxeeyey dhinacyada is haya.

Xiisadda udhaxeysa dowladda Federaalka iyo gobolka Tigrayga ee ay hogaamiso kooxda TPLF ayaa bilaabatay kadib markii raiisul wasaare Abiy uu xukunka qabtay bishii April 2018.

TPLF oo mar awood badneed oo maamuli jirtay dowlada in kabadan 27 sannadood, waxaa booska ka saaray Abiy Axmed.

Saddexdii bishii Nofember 2020 ayay ciidamada amniga ee gobolka Tigray ay weerareen saldhigyada ciidammada qaranka ee Tigray

Abiy wuxuu ku dhawaaqay khilaafka dabayaaqadii bishii Nofeembar, balse dagaalka wuxuu socday tan iyo markii la qabtay doorashooyinka qaran ee 21 Juun.

Qarax xoogan oo ka dhacay Boosaaso iyo dhimasho iyo dhaawac badan oo jira

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegay in halkaas uu ka dhacay qarax xooggan oo sababay khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Qaraxa ayaa lala beegsaday meherad nooca loo yaqaano Merfish ay fariistan dadka qayila, taasi oo ku taalla bartamaha magaalada Boosaaso, halkaasi oo ay fadhiyeen dad isugu jira shacab iyo askar.

Inta la xaqiijiyay illaa hadda waxaa ku geeriyooday qaraxaas saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen 10 qof oo kale.

Mas’uuliyada qaraxa ayaa durtadiiba waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab, oo ayadu inta badan qaraxyada ka fulisa dalka.

Boosaaso ayaa amnigeeda uu sii xumaanayay, tan iyo markii ay soo bilaabay xiisadii ka dhaxeysay xukuumadda Saciid Deni iyo saraakiisha sar-sare ee hay’adda PSF-ta ee maamulkaas.

17-ka bishii hore ayay aheyd markii labo qarax lagu weeraray laba shirkadood oo ku yaalla bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga dowlad goboleedka Puntland.

Weerarka koowaad oo ahaa bam ayaa xiligaas waxaa lagu tuuray xarunta shirkad lagu magcaabo Al-Najax, waxaana ku dhaawacmay hal ruux, halka qaraxa labaad lagu weeraray xarun ay leedahay shirkad kale oo la yiraahdo Muwaafaq.

Boosaaso ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyey ka dhacayey falal liddi ku ah amniga magaaladaas oo ka mid ah goobaha loo qorsheeyey inay ka dhacdo doorashada.

Shan sano kadib arrinta ugu weyn ‘ee lagu xusuusto’ madaxweyne FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjire Maxamed Caalim oo kamid ah dadka ka faallooda siyaasadda arrimaha Soomaaliya oo ka hadlay 5-ta sano ee u buuxsantay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, ayaa sheegay in Farmaajo uu ku tuntay dowladnimadii Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in arrinta u weyn ee lagu xasuusan doono intii uu joogay Villa Somalia ay tahay dhiibistii Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax oo ahaa sarkaal ka tirsan ururka ONLF, loona dhiibay dowladda Itoobiya.

“Shan sano ee uu joogay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kiiskii ugu xumaa wuxuu ahaa dhiibistii muwaadin Qalbi-Dhagax, wuxuuna gacantiisa ku burburiyay siyaasadii arrimaha dibedda, golihii garsoorka, ururadii bulshada iyo dowladnimadii,” ayuu yiri.

Tallabada uu Farmaajo xiligaas ku dhiibay Qalbi Dhagax waxaa dhawaan khalad ku tilmaamay Golaha Wasiirada uu hogaamiyo Rooble, ayaga oo meesha ka saarayna in ururkii ONLF ee uu ka tirsanaa loo aqoonsado argagixiso.

Sidoo kale waxa uu ku eedeyay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday in uu ku fashilmay wada-hadaladii Somaliland ee Soomaaliya, uuna qaaday tallaabooyin sii fogeynaya maamulkaas.

“Waqti la yiraahdo shan sano iyo afar sano kale ayaa la dooranaya (Farmaajo) meesha kama banaana. Shantaas sano ee aheyd 8-dii Febraayo ee 2017-ka farxxadii iyo soo dhaweyntii la soo dhaweeyay illa maanta waxaa dhex taala dadka Soomaaliyeed colaad iyo dhaqaale xumo.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in rabitaanada madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ay dalka galiyeen xaalado halis ah, isaga oo ku guul-darreystay dhammaan nidaamkii dowladnimada.

Farmaajo ayaa muddo xileedkiisa wuxuu dhamaaday sanad ka hor, muddadaas Soomaaliya ma aheyn dal xasilan, saddex jeer waxaa uu ka kacay heshiisyo doorasho, labo jeer ayuu inqilaab isku dayey, mar uu 2 sano ku darsaday iyo mar uu ra’iisul wasaare Rooble u diiday xafiiska.

Maxaa kasoo baxay kulankii madaxweynaha Taiwan iyo wafdiga ka socda Somaliland?

0

Taipei (Caasimada Online) – Taiwan iyo Somaliland ayaa ballaarinaya xiriirkooda dhaqaale iyo midka siyaasadeed, inkasta oo ay yihiin labada dowladood ee ugu go’doon diblomaasiyadeedka badan caalamka.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Ciise Kayd ayaa maanta la kulmay madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen, wuxuuna sheegay in booqashadiisa Taipei “ay muujineyso go’aanka iyo adkeysiga aan wadaagno ee aan ku ballaarineyno kuna dheereyneyo saaxiibtinimadeena, iskaashigeena oo aan ku gaarsiineyso heer sare oo faa’iido u wada leh labadeena dal.”

Madaxweyne Tsai ayaa ku tilmaantay xiriirka mid ka mid ah guulihii diblomaasiyadeed ee ugu weynaa ee maamulkeeda.

Somaliland oo sheegtay inay Soomaaliya ka go’aday 1991-kii ayaan wax xiriir diblomaasiyadeed ah la laheyn dal kale.

Taiwan oo si iskeed ah isku maamusha, balse China ay sheegtao inay ka mid tahay, ayaa xiriir diblomaasi la leh 14 dal, balse waxay xiriiro aan toos aheyn oo xooggan la leedahay Mareykanka iyo inta badan dalalka caalamka.

Waxay xiriir rasmi ah la leedahay kaliya hal dal oo African ah oo ah boqortooyada Eswatini, oo horey loogu yaqiin magaca Swaziland.

Taiwan ayaa safaarad ka furatay caasimadda Somaliland ee Hargeysa bishii August 2020, halka Somaliland ay xafiis matalaad ka furatay Taipei 9-kii September ee isla sanadkaas.

Taiwan iyo Somaliland-ba aqoonsi kama haystaan QM, balse Ciise Kayd wuxuu sheegay in taasi aanay meesha ka saareyn xuquuqda ay Somaliland u leedahay inay hesho siyaasad arrimo dibadadeed oo madax-banaan.

“Qaran madax-banaan ahaan, xuquuqda Somaliland ay u leedahay xiriir dibadeed nabad ah oo saaxiibtinimo oo ay la yeelato dhammaan dalalka caalamka waxaa lagu ilaaliyey xeerka caalamiga ah,” ayuu Kayd u sheegay wakaaladda wararka Taiwan ee CNA.

Kayd ayaa hoggaaminaya wafti wasiiro ah oo ka socda Somaliland oo ku sugan Taipei, waxeyna labada dhinac amaaneyn iskaashigooda sii koraya ee arrimaha beeraha, kalluumeysiga, waxbarashada iyo tamarta.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha Zhao Lijian oo ku sugan Beijing ayaa dowladda xisbiga DPP ee Taiwan ku eedeeyey “dab hurin iyo waxyeeleynta madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee dalalka kale.”

“Tani cidna kama faa’iideyso waxayna dhalin doontaa un inay ayada un is dhaawacdo,” ayuu yiri Zhao.

AP + VOA

Rooble oo dalab hordigay safiirka SACUUDIGA oo uu maanta la kulmay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Axmed Bin Muxamed Saalix Almuwalad.

Kulanka Rooble iyo Safiirka Sacuudiga ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii Abaaraha wax loogu qaban lahaa.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Axmed Bin Muxamed Saalix Almuwalad oo ay ka  wada hadleen xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.

Dhinaca kale, kale Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjire Muwalad ayaa ka wada hadlay xaaladda abaarta ka jirta Soomaaliya iyo sidii dowladda Sacuudigu uga qeyb qaadan lahayd gurmad lala soo gaaro dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay, sida lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Kulanka uu Rooble uu la yeeshay Danjiraha Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu kulamo looga hadlayo gurmadka abaaraha uu la yeeshay qaar ka mid ah Ganacsatada, Culumada iyo  Safiirada waddamada Caalamka ee u fadhiya Soomaaliya.

Madaafiic BARAAWE lagu weeraray maanta oo sababay dhimasho iyo dhaawac

0

Baraawe (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar loo adeegsaday madaafiic oo maanta lagu qaaday gudaha magaallo xeebeedka Baraawe oo ay haatan ka socoto doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku hubteen qaybo ka mid ah magaalada, gaar ahaan xaafadda Dayax oo ay ku taallo Madaxtooyada dowlad Koofur Galbeed Soomaaliya, taas oo ay haatan ka socoto doorashada baarlamaanka.

Ugu yaraan hal qof oo aheyd haweeney ka mid ah dad deegaanka ayaa ku dhimatay weerarkan, halka ay ku dhaawacmeen 3 qof oo kale, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Dadka deegaanka ayaa waxaa sidoo kale soo wajahday cabsi xoogan oo la xiriirta weerarkan, maadaama madaafiicda ay ku dhaceen xafado ay dagaan yihiin shacab.

Sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee loo geeyey Baraawe inay sugaan amniga doorashada ayaa howl-gallo sameeyey, kadib madaafiicda lagu garaacay magaaladaasi, balse ma jirto ilaa iyo hadda wax faah faahin ah oo ay saraakiisha ka bixiyeen weerarkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana weli socota doorashada Baraawe oo ah deegaan doorashada labaad ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ku dhowaad 10 xildhibaan ayaa iyo llaa iyo hadda lagu doortay magaaladaan oo ay maanta ka bilaabatay doorasho ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Koonfur Galbeed.

Si kastaba, ammaanka doorashada ayaa marar badan laga digay in la carqaladeedyo, ayada oo qubarada amniga ay horey u sheegeen in Al-Shabaab ay ka faa’iideysan karto mashquulka lagu yahay doorashada, maadaama saraakiisha ciidamadu ay ku milmeen.

Mareykanka oo xayiraado kusoo rogay qaar ka mid ah madaxda SOOMAALIDA

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa ku dhowaaqay soo saarista xayiraado Visa oo ka dhan ah shakhsiyaad hadda xilal ka haya iyo kuwa horey uga soo qabtay Soomaaliya, oo lagu eedeeyey inay mas’uul ka yihiin waxyeeleynta hanaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.

Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri “Maanta, ayada oo ay ku beegan tahay sanad-guuradii koowaad ee marka uu muddo xileedka ka dhammaaday madaxweynaha Soomaaliya, waxaan ku dhowaaqayaa fulinta xeerka Socdaalka Qaranka qeybtiisa 212(a)(3)(C), kaasi oo diidaya in Visa la siiyo shakhsiyaad xilal ka haya iyo kuwa horey uga soo qabtay Soomaaliya, kuwaasi oo la rumeysan yahay inay mas’uul ka yihiin waxyeeleynta hanaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.”

Blinken ayaa sheegaya in shakhsiyaadkaas ay rabshado u adeegsanayaan dibad-baxayaasha, ay xirayaan ama cabsi gelinayaan suxufiyiinta iyo xubnaha mucaaradka, ayna boobayaan hanaanka doorashada dalka.

Waxa uu intaas ku daray in xubnaha qoysaska shakhsiyaadkaas ay sidoo kale saameyn karto xanibaaddan.

“Siyaasaddan ayaa lagu dabaqi doonaa xubno kaalin firfircoon ka qaatay hanaan khiyaameyn ku dhisan oo lagu sameeyey hanaanka doorashada Soomaaliya ama ku guuldarreystay inay gutaan waajibaadkooda ah inay doorasho hufan ku fuliyaan waqtigeeda, ama beegsaday suxufiyiinta iyo xubnaha mucaaradka, ayaga oo handadaya, cabsi gelinaya, xiraya ama la beegsanaya rabshado kale,” ayuu yiri.

Blinken ma shaacin magcayada shakhsiyaadkan iyo goorta ay hirgaleyso siyaasadda lagu beegsaday. 

“Hoggaamiyayaasha qaranka iyo dowlad goboleedyada Soomaaliya waa inay ka dhabeeyaan ballan-qaadkooda ah inay doorashada Golaha Shacabka dhameeyaan kahor 25-ka Febraayo, taasi oo dhabbaha u xaari karta hanaan dowladeed firfircoon oo ay Soomaaliya yeelato,” ayuu yiri Blinken.

“Dowladda Mareykanka waxay si buuxda u taageereysa shacabka Soomaaliya, waxaana naga go’an inaan kala shaqeyno sare u qaadidda dimoqraadiyadda iyo barwaaqada labadeena dal.”

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegay in waddada ugu wanaagsan ee Soomaaliya ay ku joogteyn karto nabad ay tahay in si deg deg loo soo geba-gebeeyo hanaanka doorashooyinka.

Kuraastii ugu horreysay oo maanta lagu doortay Baraawe – Yaa kusoo baxay? + Sawirro

0

Baraawe (Caasimada Online) – Magaalada Baraawe ee caasimada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee ay deegaan doorashadooda tahay degmadaasi.

Doorashadan oo noqoneyso tii ugu horreysay ee deegaan doorashada labaad ayaa waxaa ku soo baxay xildhibaano cusub, kadib doorasho ka dhacday Baraawe.

Kuraasta doorashada la qabtay ayaa kala ah:- Hop-165, Hop-161, Hop-044, Hop-016 iyo Hop-152 kuwaas oo aan loo gelin tartan adag.

Yaa ku soo baxay:-

1- Hop-165: Waxaa ku guuleystay Saalim Caliyow Ibrow oo helay 70 cod
2- Hop-161: Waxaa ku guuleystay Yuusuf Maxamed Aadan oo helay 80 cod
3- Hop-044: Waxaa ku guuleysatay Maryan Maxamed Cali oo heshay 73 cod.
4- Hop-016: Waxaa ku guuleystay Xuseen Cali Xaaji oo helay 81 cod.
5- Hop-152: Waxaa kuu guuleystay Cabdulaahi Cumar Abshirow oo helay 83 cod.

Doorashada ayaa haatan sii soconeyso, waxaana la guda-galay kuraasta kale ee xigta ee loo qorsheeyey in isla maanta lagu qabto magaallo xeebeedka Baraawe.

Koonfur Galbeed ayaa noqotay maamul goboleedka ugu horreeyey ee dhaqan-gelaya deegaan doorashada labaad, taas oo qayb ka aheyd heshiiskii lagu gaaray Muqdisho.

Boqor BURHAAN oo go’aan kasoo saaray KURAASTA HOP#234 iyo HOP#228

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka mid ah waxgaradka Puntland, gaar ahaan dhaqanka ayaa go’aan kasoo saaray doorashada kuraasta Hop#234 iyo Hop#228 ee Golaha Shacabka, isaga oo qoondeeyey, sida ay beeluhu ugu tartamayaan.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Boqorka, kadib shir ay Beesha Cismaan Maxamuud (Majeerteen) oo leh kuraastaan ku yeelatay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, waxaana hal kursi loo qoondeeyey inay u tartamaan Bah-yaaquub iyo Bah-dubeys, halka midka kale oo haweenka loo qoondeeyey la siiyey Bah-gareen.

Halkan hoose ka aqriso:-

Ujeedo: Qoondeynta Kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Beesha Cismaan Maxamuud

Maanta oo taariikhdu tahay 08 Febaraayo 2022 kuna beegan Rajab 7, 1443, waxaa magaalada Boosaaso ka dhacay shir ay isugu yimaadeen odoyaasha saddexda beelood ee doonaya in ay helaan labada xubnood ee Golaha Shacabka Dowladda Soomaaliya.

Sida la wada og yahay 275-ta xubnood ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalku waxay ku dhisan tahay hab qaybsi beelaha waxaana weli loo gudbin in deegaan lagu saleeyo kuraasta, sidaas darteed waxay ka soo bilaamataa shirkii Carta ee sanadkii 2000.

Saddexda xarig ee tirsanaya taraha ayaa kala ah Xariga Bah Gareen, Xariga Bah Yaaquub iyo Xariga Bah Dubeys (Xariga Garoowe).

Beesha Bah Gareen ayaa kursi ka heshey Baarlamaankii u horeeyey ee lagu soo dhisey magaalada Carta sanadkii 2000. Beesha Bah Yaaquub ayaa iyaduna heshey sanadkii 2004, halka beesha Bah Dubeys ay heleen xubin baarlamaan sanadkii 2009, labada xubnood ee Bah Yaaquub iyo Bah Dubeys waxay isla dhaceen sanadkii 2012.

Markii la waayey xarig tanaasula, waxaan guddoominey oo cuqaasha isla qaadaney in.

Labada xarig ee Bah-Yaaquub iyo Bah-Dubeys ay hal kursi ku tartamaan,

Xariga Bah Gareen ayaa loo gartey in ay mudan yihiin in ay u tartamaan kursiga kale oo keligood leeyihiin.

Maadaama haweenku ay qoondo gaar ah ku lee yihiin baarlamaanka, waxaan isla qaadaney in beesha heshey kursiga keligeed ee Xariga Bah Gareen ay qaataan qoondada Haweenka oo ay keenaan DUMAR.

Wabilaahi Towfiiq

Boqor Burhaan Boqor Muuse

Dabley weerar ka geysatay MASJID ku yaalla Afgooye

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar ay dabley hubeysan xalay ka geysatay degmada Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed.

Dableyda weerarka fulisay oo ku hubeysneyd Bistoolado ayaa beegsatay Masjidka Raqayle oo ku yaalla degmadaasi, waxaana ay ka geysteen weerar sababay dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in ragga weerarka fuliyey ay gudaha u galeen Masjidka, kadibna ay rasaas ku fureen dadkii ku sugnaa halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa dhacdadan ku dhintay ugu yaraan hal qof, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale oo ka mid ahaa dadkii ku cibaadeysanayey Masjidka la weeraray.

Sidoo lale waxaa lagu soo warramayaa inay goobta isaga baxsatay kooxdii fulisay weerarka, kadib marka ay fuliyeen weerarka.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, waxayna sameeyeen howlgallo kooban oo lagu baadi goobayo dableyda ka dambeysay falkaasi.

Afgooye ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro khasaare geysta oo ay ka fuliyaan xoogaga kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolka Shabeelaha Hoose.

Wasaarada Waxbarashada K/G oo war la yaableh kasoo saartay doorashada Baraawe

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wasaaradda waxbarashada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa war la yaableh oo lama filaan noqday kasoo saartay doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo maanta ka dhaceyso magaalada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda ayaa waxaa sii gaar ah looga hadlay kursiga tirsigiisa uu yahay HOP#160 oo ay u sharraxan yihiin Maxamed Yuusuf Xasan oo ah wasiirka waxbarashada dowlad gobaleed Koonfur Galbeed iyo Mudane Cali Abuubakar Maxamed.

Wasaaradda ayaa hambalyo horudhac ah usii dirtay wasiir Maxamed Yuusuf oo maanta u tartamaya kursigan, kaas oo lasoo warinayo in si gaar ah loogu xiray.

“Dhamaan masuuliyiinta, Agaasimayaasha iyo Howl wadeenada Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa ay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mohamed Yusuf Hassan, oo maanta la gadoonsiiyay shahaadadiisa musharaxnimo isaga oo utartamayo kursiga HOP# 160 deegaan doorashadiisu tahay Baraawe.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhacdadan ayaa ah mid dhif iyo naadir ah, kuna cusub siyaasadda, gaar ahaan doorashada Soomaaliya oo ah mid dadban, isla-markaana laga soo calaameeyey khaladaad fara badan.

Si kastaba kursigaan la filayo inuu ku soo baxo wasiirka waxbarashada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed waxaa horey ugu fadhiyey, gaar ahaan Baarlamaankii 10-aad Xildhibaan Nuur Siidow Baaba, kaas oo gebi ahaan laga reebay tartanka, loona diiday doorashada.

Turkiga miyuu ka macaashay xiriirka SOOMAALIYA?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya xiriir aad u wayn oo ku qotoma dhinacyada dublamaasiyadda, siyaasadda, ganacsiga iyo arrimaha militariga.

Hase yeeshee waa xiriirka ganacsiga ee u dhaxeeya labada dal kan durba muujinaya natiijo labada dowladood farax galiyay, gaar ahaan dowladda Turkiga oo isha ku haysa maalgashiga ganacsiga ee muwaaniinteeda iyo shirkadaheeda ay ku sameeyeen gudaha Soomaaliya, iyada oo xitaa wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga ay si sanadle ah ula socota baaxadda maalgashiga Turkiga ku sameeyo Soomaaliya sida ay tabinayso warbaahinta dalkaas.

Tirakoobyada ay hayso Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, ganacsiga Turkiga uu ka sameeyay Soomaaliya wuxuu gaaray $187.3 milyan sanadka 2018 halka $250.85 milyan uu gaaray sanadka 2019, sida uu faafiyay wargeyska Daily Sabah ee Istanbul kasoo baxa.

Sannadkii 2020-kii, baaxadda ganacsiga Turkiga iyo Soomaaliya ayaa lagu qiyaasay 280 milyan oo doolar, waxaana lagu qiyaasaa in shirkadaha Turkiga ay maalgashi ku sameeyeen dalka ay gaareen $100 milyan.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Dekedda Muqdisho waxaa maamula shirkado laga leeyahay dalka Turkiga.

Waxyaabaha ay ganacsatada Soomaalida sanooyiinkii u dambeyay sida wayn uga soo dhoofsanayeen Turkiga waxaa ka mid ah dharka iyo daawoyiinka.

Wargeyska Daily Sabah ee ka soo baxa dalka Turkiga oo booqday Mudiqho ayaa sheegay in marka aad tagto suuqyada Bakara, Xamarweyne ama Suuq Bacaad oo dhammaantood ku yaalla caasimada aad arki karto badeecooyinka lagu sameeyay Turkiga ee buux dhaafiyay, gaar ahaan dharka iyo qalabka kale.

Ganacsatada suuqyadasai ayaa wakaalada wararka ee Turkiga ee Anadolu u sheegay in saaxibtinimada Muqdisho iyo Ankara ay ganacsatada Soomaalida gaar ahaan shirkadaha yar-yar fursad u siisay in ay Turkiga la falgalaan islamarkana badecooyiin badan ay Turkiga ka soo iibsadaan.

Badeecooyiinka inta badan ay ganacsatada Soomaaliyeed ka keenaan dalka Turkiga ayaa waxaa ka mid ah dharka, qalabka electroonika, qalabka dhimaha iyo waliba alaabaha guryaha la dhigto.

Cabdiwaaxid Axmed Ibrahim, oo ka mid ah ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa wakaalada wararka ee Anadolu u sheegay in sanooyiinkii u dambeeyay ay ganacsatada Soomaaliya ay fursao badan oo ganacsi ka heleen Turkiga.

“Waxaan filayaa in arrinta ugu muhiimsan ay tahay in markii hore dharka laga keeni jiray Shiinaha iyo dalal kale, kuwaasoo aad u jaban, balse tayadoodu aad u yar tahay, hadda dhammaan badeecooyinka uu sameyay Turkiga waa kuwo la isku halleyn karo oo la awoodi karo, dadka Soomaaliyeedna farqiga u dhexeeya way arki karaan,” ayuu yiri. Ibraahim.

Xiriirka dhanka tasiilaadka

Toban sano kahor, markii madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, uu cagta dhigay Muqdisho, isagoo ku tegay booqashadii ugu sarreysay ee hoggaamiye uu ku tago Soomaaliya ayaa waxay taasi indhaha caalamka u soo jiidday xaaladda daran ee bani’aadannimo ee ka jirtay dalkaas.

Markii uu sare u kacay xiriirka ganacsi ee u dhaxeeya Turkiga iyo soomaaliya waxaa lagama maarmaan noqtay in la helo qaab badeecoyiinka Turkiga lagu geeyo gudaha soomaaliya.

Waxaa abuurmay shirkado badan oo dhanka tasiilaadka iyo alaabaha sidii lagu geyn lahaa Soomaaliya .

Maxamed Dubo oo ah Agaasimaha Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliyeed ee Wasaaradda Qorsheynta oo la hadlay Wakaalada Anadolu ayaa farta ku fiiqay waxyaabaha sabab u noqday in ay kor u kacaan ganacsiga iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ka imaanaya dalka Turkiga.

Waxa uu sheegay in tan iyo 2011, Turkiga uu ku lug lahaa horumaro waaweyn oo ka dhacay Soomaaliya, laga soo bilaabo tayaynta iyo caawinta hay’adaha dowliga ah ee u adeega dadka shacabka.

Duubo ayaa sheegay in sidoo kale maalin walba ay duulimaadyo diyaaradeed oo Turkish Airline ay ka soo degto Istanbul iyo Muqdisho taasina ay keentay in ganacsatada Turkiga iyo Soomaalida ay noqdaan kuwo isku xiran.

Dhanka waxbarshada

Dalka Turkiga ayaa sanooyiinkii u dambeyay noqday meel ay ardeyda Soomaalida ay u raadsadaan waxbarashada gaar ahaan jaamacadaha.

Qaar ka mid ah jaamacadaha Turkiga ayaa waxay deeqo waxbarsho u fidiyen kumannan ardey Soomaliyeed ah.

C/fitaax Xuseen Mubaarak, oo bare ka ah kuliyadda dhaqaalaha iyo maamulka ee Jaamacadda Muqdisho, oo la hadlay wakaalada wararka ee Anadolu ayaa aaminsan in ka qeybgalka Turkiga ee Soomaaliya ay dib u qeexday siyaasadda arrimaha dibadda, taasoo sidoo kale fursad u furtay ganacsatada iyo ururada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya.

Mubaarak ayaa xusay in Jaamacadaha Turkiga ay siiyeen ardayda Soomaaliyeed qoondo sare, taasoo ka dhigan inay kamid yihiin ardayda ugu badan ee wax ka barta ku dhawaad ​​200,000 oo arday oo jaamacadaha dhigta.

Toban sano kahor, markii madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, uu cagta dhigay Muqdisho, isagoo ku tegay booqashadii ugu sarreysay ee hoggaamiye uu ku tago Soomaaliya ayaa waxay taasi indhaha caalamka u soo jiidday xaaladda daran ee bani’aadannimo ee ka jirtay dalkaas.

Xigasho: BBC

Wararkii ugu dambeeyey ee DAGAALKA gobolka Cafarta ee dalka Itoobiya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda gobolka Cafarta ee Itoobiya ayaa sheegtay in dad ka badan 300,000 oo qof ay ku barakaceen dagaalladii halkaas ka socday tan iyo bishii December, waxayna ku eedeysay ciidammada Tigrayga inay dil iyo dhac u geysteen dad rayid ah.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalka ka socda Canfarta uu xannibay raashin la geeyn jiray gobolka Tigray ee dariska la ah, halkaasi oo dhowr boqol oo kun oo qof ay ku sugan yihiin xaalad macaluul ah.

“Dadku waxay u cararayaan cabsi buuxda oo dhan walba ah,” ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee Canfarta, oo codsaday inaan la magacaabin.

Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii hore sheegtay in 9 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar cunto guud ahaan gobollada Tigray, Canfar iyo Axmaarada iyadoo kooxaha gargaarka ay la halgamayaan sidii ay u gaari lahaayeen deegaannada go’doonsan.

Dagaalka ayaa ka qarxay gobolka Tigray bishii Nofambar 2020, kaas oo ay iskaga horyimaadeen dowladda Itoobiya iyo xulafadeeda, oo ay ku jiraan ciidammada Canfarta, iyo ciidammada daacadda u ah Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF), oo ka talisa gobolka.

Colaadda ka aloosan waqooyiga Itoobiya ayaa waxaa ku dhintay kumannaan qof oo rayid ah, iyadoo malaayiin kalena ay ku barakaceen saddex gobol oo ka tirsan Itoobiya iyo dalka ay deriska yihiin ee Suudaan.

Xukuumada Canfarta ayaa bayaan ay soo saartay isniintii ku sheegtay in kooxda TPLF ay soo gashay gobolkaas bishii December.

VOA

Prof. DALXA oo shaaca ka qaaday in laga reebay tartanka doorashada ee Baraawe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo 15-kii sano ee lasoo dhaafay ku jiray baaralamaanka Soomaaliya ayaa sanadkaan u muuqda in laga reebay tartanka doorashada, kadib markii galabta la shaaciyey xubno kale oo ku tartami doona kurisigiisa HOP#080.

Guddiga doorashada heer dawlad goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa galabta soo saaray liiska musharaxiinta u tartamaysa 13-ka kursi ee maalmaha soo socda lagu dooranayo Baraawe, waxaana kuraastaas ka mid ah Hop080 oo Dalxa ku dhafiyey 15-kii sano ee lasoo dhaafay.

Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo BBC la hadlay ayaa sheegay in hab-raacii loo baahnaa aan loo marin tartanka kursigiisa, oo odeyaashii saxda ahaa ee beeshiisa aan talada laga qayb galin, isagoo shaaciyey in dad kale oo aan beesha aheyn ay howsha wataan.

Aweys Xuseen Macalin iyo Maxamed Cusmaan Jibriil ayaa la shaaciyey inay ku tartami doonaa kurisiga Xildhibaan Dalxa. 26 musharax oo u kala tartami doona 13-ka kursi ee lagu bilaabayo doorashada Baraawe ayey qeyb ka yihiin xubnahaas ku loolami doona Hop080.

“Odayashii sharciga ahaa ee beeshu ay lahayd sida suldaanka iyo nabadoonka guud iyo labadii bulshada rayidka kuwiiba lama aqbalin,” ayuu yiri Prof. Dalxa.

Xildhibaan Dhalxa ayaa xusay in ergada kursigaas soo dooranaysa ay yihiin kuwo uu soo gudbiyay musharaxa sida uu sheegay ‘kursiga loo xiray.’

Prof. Dalxa oo la weydiiyey in sanadkaan uu musharax yahay iyo in kale, ayaa sheegay in go’aankaas aan laga sugin oo mar hore go’aan laga gaaray kurisga beeshiisa, isagoo carabka ku dhuftay in qof gaar lala doontay.

“Aniga waxaan ku faraxsanahay in la i dulmiyo, hadiiba ay dhaceyso kii wax dulmiyay in aanan noqon oo berito aan ilaah subxaanahu watacaalaa la hortageyn oo markaas aan qofkii la dumiyay aan noqdo,” ayuu yiri Prof. Maxamed Cumar Dalxa.

Dalxa ayaa ka mid ahaa xubnihii sida weyn u taageersanaa Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo oo saaxiib dhow ay yihiin Cabdicasiis Laftagareen oo iska leh go’aanka kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

Hase yeeshee waxaa muuqata in Dalxa ku khasaaray saaxiibtinimadii Farmaajo oo la iska tuuray, sidaana lagu dhaafiyey kursigii uu mudada dheer ku metelaayey beeshiisa.

Sawirro: Xaalada Beledweyne oo caawa cakirantay kadib dilka nabaddoon caan ah

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Xaaladda magaalada Beledweyne ayaa caawa hal mar is bedeshay, kadib markii lagu dhex dilay Nabadoon Cabdi Xuseen Coloow oo caan ka ahaa magaalada, kana kamid ahaa odayaasha dhaqanka magaalada Beledweyne.

Koox ku hubeysan bastoolado ayaa Nabadoonka ku dishay xaafadda Buundo-weyn, waxayna dilka kadib isaga baxsadeen goobta.

Dilka Nabadoonkaas kadib waxaa magaalada ka bilaawday howlagllo culus, waxaana dadkii ku sugnaa magaalada intooda badan laga soo saaray guryaha, si loo baaro, sidoo kale dadka socda wadooyinka iyo gadiidka ayaa mid mid loo baarayaa caawa.

Taliyaha ciidanka Nabad sigidda ee ka howlgala Beledweyne, Ibraahim Madaxey ayaa hoggaaminaya howlgalkaan oo caawa aad looga dareemayo magaalada Beledweyne oo ay ku sugan yihiin dhammaan madaxda dowlad goboleedka HirShabeelle.

Dilka caawa loo geystay Nabadoon Cabdi Coloow waxuu ku soo aaday, xilli maanta madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe uu hey’adaha ammaanka amray in xaafad – xaafad loo baaro magaalada, si loo xaqiijiyo amniga doorashada ka dhaceysa magaaladaas.

Sidoo kale waxuu dilkaan dhacay iyadoo maanta ay odayaasha dhaqanka beesha Xawaadle la heshiiyeen madaxweyne Cali Guudlaawe oo in ka badan sanad ay u diidanaayeen inuu tago magaaladaas.

Maxaa looga hadlay kulankii Rooble iyo guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka heer Federaal Maxamed Cawil Warsame.

Kulanka ayaa waxay uga wada-hadleen sidii loo dardar-gelin lahaa habsami u socodka doorashooyinka, gaar ahaan midda Golaha Shacabka oo ka socota magaalada Muqdisho iyo maamulada dalka.

Sidoo kale waxaa kulankaan diirada lagu saaray sidii ay guddiga qeyb uga noqon lahaayeen hufnaanta doorashada, maadama ay qabtaan dacwadaha iyo cabashooyinka ka dhasha doorashada.

“Kulanka wuxuu ku saabsanaa is xog-waraysi ku saabsan arrimaha doorashada iyo sidii loo dardargelin lahaa habsami u socodka, hufnaanta iyo daahfurnaanta doorashada,” ayaa lagu yrii qoraal ka soo baxay Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka heer Federaal

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa ah guddi laf dhabar u ah doorashada waana guddiga ugu dambeeya ee go’aan ka gaaraya Natiijada doorashada Xildhibaanada la doortay.

Guddiga ayaa dhawaan doortay guddoon cusub, ayada oo Maxamed loo doortay guddoomiye, wuxuuna ka mid ahaa xubnihii uu Rooble ku beddalay todobadii xubnood ee uu horay uga saaray Guddiga Xallinta.

Doorashada Goloha Shacabka oo weli kasii socota dalka ayaa lagu wadaa in la soo gabo-gabeeyo 25 Febraayo 2022, oo ay shirkii u dambeeyay ee doorashada ku go’aamiyeen madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka.