26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

DF oo qarisay khasaaraha qarixii Ceelgaabta iyo xogta cidda la beegsaday – Xog

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adaha Amniga dowladda Federaalka ayaa qariyey khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo shalay ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Ceelgaabta, kaasoo waxyeelo kasoo gaaray ergo kasoo jeeda Somaliland.

Sida xogta lagu helay, waxaa qaraxa uu haleelay gaari bas ah oo ka mida kuwii ay la socdeen ergadaasi, waxaana dhaawacyo qaarkood culus yihiin kasoo gaaray ku dhowaad 8 dumar ah oo kasoo jeeda Somaliland, gaar ahaan magaalada Burco oo ka mid ahaa ergada doorashadii shalay Muqdisho ka dhacday.

Hablaha ergada ahaa qaarkood ee qaraxa is-miidaaminta ku dhaawacmay ayaa lagula tacaalayaa isbitaalka Digfeer, waxaan la sheegay in laba ka mida ay qabaan dhaawacyo culus oo ay qalliin galeen, iyadoo baraha bulshada lagu hadal hayo xaaladooda, qaarkoodna ay ahaayeen dad aad looga yaqaan.

Landa Cabdi Maxamed iyo Amal Baashe oo ka mida ergda ku dhaawacmay qarixii shalay ayaa si weyn loogu wadaagay baraha bulshada ee dadka kasoo jeeda Somaliland, waxaana duco loogu diray hablaha dhaawacmay, iyadoo la is weydiinayo sababta keentay inay dowladda iyo hay’adaheeda Amniga ay qariyaan dhibaatadaasi.

Warbaahinta dowladda ayaan soo hadal qaadin warka qaraxa weyn ee dhacay iyo qasaaraha uu geystay, waxayna ciidamadu diideen inay saxafiyiintu tagaan goobta qaraxa, iyadoo tacadi kula kacay weriyeyaasha qaarkood.

Afhayeenka Booliska Col. Cabdifitaax Aadan Xasan oo war kooban kasoo saaray qaraxa ayaa ka gaabsaday inu ka hadlo khasaaraha qaraxu geystay. Qaraxan ayaa u muuqda in Hay’adaha Amniga ay go’aansadeen inay qariyaan, laakiin dhibannyaashii iyo dadkooda ay bannaanka soo dhigeen.

Amiin Ambulance oo gaadiidkooda gurmadka ay goobta gaareen ayaa sheegay inay qaadeen 6 qof oo meyd ah iyo 13 qof oo dhaawac ah, sida uu sheegay madaxa Aamin Ambulance Dr. Cabdulqaadir Cabdiraxmaan.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay qaraxa ku dishay 11 qof oo isugu jira ergo iyo ciidamada booliska.

Isha: Goobjooge 

CC Shakuur oo loo ogolaaday kursiga xildhibaan balse hal caqabad oo culus wajahaya

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Arbacadii waxaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Cabdiraxmaan oo shan sano ku kharash gareeyey mucaaradnimada Farmaajo, ayaa hadda u tartamaya kursiga Hop138 ee golaha shacabka.

Masuuliyiin heer federaal ah, maamulka magaalada Dhuusamareeb, wasiirro ka tirsan Galmudug iyo dadweyne badan ayaa Cabdiraxmaan ku soo dhaweeyey deegaan doorashadiisa.

Qoraal uu boggiisa Facebook-ga ku daabacay waxuu ku sheegay in Dhuusamreeb uu u tegay inuu tartamo mid ka mid ah kuraasta golaha shacabka, isagoo rajeeyey in doorashada kursigaas ay noqoto mid hufan.

Dad badan waxay is weydiinayaan Cabdiraxmaan kursi maka soo heli doonaa Dhuusamareeb? Hadii Cabdiraxmaan uu soo waayo kursiga beeshiisa ee golaha shacabka, waxay caqabad weyn ku noqon doontaa damaciisa Villa Somalia iyo halgankii waqtiga dheeraa ee siyaasadda.

Inkastoo waxa hadda dalka ka socda aan doorasho lagu qeexi karin, hadana inaad kasoo dhex-baxdo mashruucaan doorashada shabaha ama aad ku dhacdo, waxay labadaas dadweynuhu u qaadan karaan qiimeyn toos ah.

Markii laga hadlayo xaalka doorashada ee sanadkaan, afar dhinac ayaa laga eegayaa kursigaan, waa sida uu kuu garab taagan yahay maamulka gacanta ku haya kursiga, qabiilka kurisga leh, guddiga doorashada maamulaya iyo xaalka tartamayaasha.

Markii hore dhaqaalaha ayaa macne weyn lahaa, laakiin hadda dad badan oo dhaqaale heystay ayaa sanadkaan kuraastii loo soo diiday. Hadii aan kala qaadno dhinacyadaas oo aan waafajino Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

1 – Maamulka Galmudug

Hoggaamiyaha Galmudug Axmed Qoor Qoor waxaa la sheegay inuu ogolyahay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu qaato kursiga beeshiisa, laakiin ma rabo inuu u xoogo sidii loo sameeyey ragga qaar.

Shirkii ugu dambeeyey oo seddax cisho ka hor ay Muqdisho ku yeesheen Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Qoor Qoor waxaa la isla qaatay in maamulku uusan aad u fara gelin kursigaan, balse si dadban uu u taageero Cabdiraxmaan.

In maamulku uusan ku diidaneyn, oo dagaal uusan kugula jirin waa fursad muhiim ah xilligaan.

2 – Qabiilka

Seddax jufo ayuu ka dhaxeeyaa kurigaan, odayaasha ay taladu ka go’do ee 3-daas jufo iyo dhalinyaradu waxay ka mideysan yihiin rabitaanka ah in kursigaan la siiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Rabitaanka ay beeshiisu u qabto Cabdiraxmaan ayaa dhabarjab ku ah musharaxiinta kale ee raadineysa kurisgaan.

Waxaa la xaqiijiyey in beeshu isku raacday inay sanadkaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur doortaan.

3 – Musharaxiinta kale

Kursigaan Xildhibaankii horay ugu fadhiyey oo ah Saciid Nuur Giriish ayaa la sheegay in weli damac ku jiro oo sanadkaan uu qorsheynayo in mar kale uu u tartamo kursigaan. Hase yeeshee Saciid waxuu wajahayaa dood ku saabsan metelaadiisii shantii sano ee lasoo dhaafay.

Taardhuleed oo wasiir ka soo noqday Galmudug, deegaankana aad looga yaqaano ayaa isna ka mid ah musharaxiinta kursiga Hop138, waxaana jira warar sheegaaya in musharaxnimada Taardhuleed uu  gacan ku leeyahay Fahad Yaasiin oo u soo dhex-maray xubin ka mid ah guddiga doorashada Galmudug.

Sidoo kale waxaa jira nin la yiraahdo Cabdinaasir Cabdi Caruush oo sida la sheegay dooqa koowaad u ah Villa Somalia. Xubnihii kale ee u tartamaayey kursigaan waxaa la sheegay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur ay u tanaasuleen.

Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa waxaa ka go’an inay taageeraan cid kasta oo Cabdiraxmaan Cabdishakuur dhaafi karta kursigaan, si loo qab-jebiyo.

Sidoo kale waxaa jira culeys ka imaanaya dhanka guddoomiyaha guddiga doorashada Galmudug Maxamed Daahir Guuleed, kaas oo ka soo jeeda beesha iska leh kursigaan.

Guddoomiye Maxamed Daahir iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa la sheegay in aysan isku fiicneyn.

Si walbaba markii dhinacyo badan laga fiiriyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa la saadaalinayaa inuu ku soo bixi doono kursiga Hop 138 oo la dooranayo horaanta todobaadka soo socda.

Abdullahi Osman Farah

Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda ERDOGAN

0

Ankara (Caasimada Online) – Madaxtooyada Turkiga ayaa xaqiijisay in Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu dib ugu laabtay xafiiskiisa shaqada kaddib markii uu maray baarista Covid-19 oo uu dhaqtarkiisa u xaqiijiyay in jirkiisa laga waayay.

Erdogan & Marwadiisa waxaa todobaadkii hore laga helay Covid-19, waxa ay gurigoodu ku galeen Karaantiil oo ma tagin xafiiska shaqada sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan Madaxtooyada Turkiga balse maanta ayuu dib ugu laabtay xafiiskiisa.

Dr Serkan Topaloglu oo ah dhaqtarka gaarka ah ee Madaxweynaha Turkiga ayaa Wakaaladda Wararka Anadolu u sheegay in Khamiistii uu Erdogan uu maray baarista hubinta Covid-19 sidaasina jirkiisa looga waayay Fayruska ku dhacay.

“Hubinta Baarista Covid-19 ee Madaxweyne Erdogan waxa aan ku xaqiijinay in fayruska jirkiisa uu ka baxay waxaana uu sameeya soo kabasho degdeg ah Jimcaha ayuu shaqadiisa dib ugu laaban doonaa” ayuu yiri Dr Serkan Topaloglu.

Recep Tayyip Erdogan ayaa shacabkiisa ugu baaqa in ay qaataan tallaalka Covid-19 sidoo kale ay raacaan tilmaamaha loo arkay in looga hortagi karo faafitaanka Fayruskaan oo galaaftay nolosha Dad badan tan iyo markii uu kasoo ifbaxay Shiinaha.

Xaalad adag oo ka taagan magaalada BARAAWE

0

Baraawe (Caasimada Online) – Magaalada Baraawe ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed ayaa laga soo warinaya inay ka taagan tahay xaalad aad u adag oo dhanka caafimaadka, ayada oo maalintii labaad lagu qabtay doorashada kuraas kamid ah kuwa Golaha Shacabka.

Baraawe oo ah caasimada rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa laheyn gawaarida gurmadka deg deg ah, taasi oo sababta in bukaanada qaarkood ay u geeriyoodaan dhiig bax badan.

Dhakhaatiirta ka howl-gasha magaalada oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegay in Ambulance la’aanta ka jirta Baraawe ay tahay mid halis weyn ku ah bulshada ku nool, maadama bukaanada isla markiiba la soo gaarsiin karin Isbitaalka.

“Maanta waxaa inoo imaatay Gabadh xaamilo ah oo illaa shalay foolaneysay, nasiib darro waxaa ku dhacay dhiig bax saa’id ah, waxaana loo waayay wixii lagu soo qaadi lahaa. Inta aan joogno xarumaha caasimad ee degmada dhibaatadaas aad ayey u soo noq-noqotay,” ayuu yiri mid kamid ah Dhaqaatiirta ka howl-gasha Baraawe.

Arrintan ayaa kamid dhibaatooyin dhowr ah oo ka taagan magaaladaas, ayada oo hore u ballan-qaaday Ra’iisul Wasaaraha in Baraawe ay heli doonto gawaarida gurmadka deg deg ah, xilli uu booqday, hase yeeshe illaa hadda ma jirto wax gaaray.

Baraawe oo ah deegaan doorashada labaad ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa ka socota doorashada Golaha Shacabka, waxaana illaa maanta lagu doortay 13 xildhibaano.

SABABTA ay mar kale dib isugu soo dhowaanayaan dalalka ISRAEL iyo TURKEY

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa dalkiisa ku casuumay dhiggiisa Israel Isaac Herzog, taasi oo tusmeyneysa isu soo dhowaanshaha labada dal oo ay dhalisay dano awood badan oo ka dhaxeeya, oo ay qeyb ka tahay walaac ay ka qabaan barnaamijka Nukliyeerka Iran iyo mustaqbalka shidaalka iyo gaaska laga soo dhoofiyo Ruushka.

Xiriirka muddada dheer xumaa ee Turkey iyo Israel ayaa qabowgi ka dhashay ay qarqar-yadiisa si qoto-dheer u taabatay jaaliyadda yar ee Yuhuudda ah ee ku nool Turkiga.

Kumannaan ka mid ah bulshada laga tirada badanyahay ee Yahuudda Turkiga ayaa u hayaamay Israel iyo Yurub, kaddib marki ay eedeymo is-daba-joog ah kala kulmeen wargeysyada Turkiga ee u janjeera dhinaca dowladda.

Laakin casuumadda uu Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan u fidiyay dhiggiisa Israeli Isaac Herzog, ayaa loo arkaa qeyb ka mid ah dadaallada uu ku doonayo in dalkiisa uu ka qaado go’doominta Israel ee mandiqadda, taasoo ay dadka wax taxliiliya ku sheegeen mid horseedi karta dib u qaabeyn.

“Waxay u muuqataa in Turkigu aanu dhab ahaantii aanu kaligiis ahaan karin, xiriir xun lama lahaan karo ku dhawaad dal kasta oo ku xeeran. Shaki iigama jiro in Turkigu uu dhinaciisa aad u doonayo in uu hagaajiyo calaaqaadka. Sida aan horay u sheegay, waxaa iga yaabinaya ayaa ah in Israa’iiliyiinta ay goobta ku soo boodayaan si shuruur la’aan ah,” waxaa sidaas yiri Soli Ozel oo maaddada xiriirka caalamiga ah ka dhigaa Jaamacadda Kadir Has University ee magaalada Istanbul.

Sannadki 2018-ki, Turkiga ayaa safiirkiisii kala soo baxay Israel, islamarkaana weydiistay danjiraha Israel inuu ka tago Anaka, arrintaas oo uu Turkigu ku muujinayay go’aankii uu Mareykanka Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israel.

Taageerada xooggan ee Turkiga uu siiyo Falastiiniyiinta, gaar ahaan martigelinta mintidiinta Xamaas ee Istanbul, ayaa ahayd qodobka ugu muhiimsan ee xiisadda.

Balse falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Ankara ay qaadayso tillaabooyin ay wax kaga qabanayso walaaca Israel.

“Waxaa jiray bilooyin wada-hadallo ah, in ka badan hal sano. Waxaan dhihi karaa Turkigu mar hore ayuuba hakiyay dhaq-dhaqaaqyada in badan oo ka mid ah garabka mayalka adag ee Xamas,” waxaa sidaas tiri Asli Aydintasbas oo xubin sare oo ka tirsan Xiriirka Dibadda ee Golaha Yurub.

Turkey ayaa Israel la wadaaga walaaca ah in barnaamijka niyukleerka Iran uu isu baddalo hub. Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda gobolka ayaa rumeysan in taasi ay waddada u xaari karto aragti mideysan oo arrintani ka qaataan labada dhinac.

“Dabcan, Turkiguba ma rabo inuu arko Iran oo ku hubeysan niyukleer. Laakin Iran uguma hanjabin Turkiga in ay ka tir-tireyso khariiradda sida ay ugu hanjabtay Israel. Sidaasi daraadeed, farqi ayaa u dhaxeeya heerka khatarta. Laakin, haddii ay Israel dajiso xiisadda Turkiga, markaa waxay fursad u heli doontaa in ay diiradda saarto khatarta weyn. Waay ila tahay in dejinta xiisadda Turkiga ay halkaasi ka caawin karto,” ayey tiri Gallia Lindenstrauss oo ah khabiir ku takhasustay Siyaasadda Arrimaha Dibadda Israel, oo ka tirsan Machadka Daraasadka Amniga Qaranka ee ku yaalla Tel Aviv.

Madaxweyne Erdogan ayaa sidoo kale u arka gaaska dabiiciga ah ee ballaaran ee sannadihi dhawaa ay heshay Israel uu yahay il muhiim u noqon karta iskaashiga labada dhinac, marka loo eego baahida Turkiga ee dhinaca tamarta.

“Dhab-ahaantii Turkigu wuxuu u baahanyahay gas, waxana u maleynayaa in jawaabtu ay noqon karto gaaska laga soo saarayo ceelka Leviathan ee loo qorsheeyay in la dhoofiyo. Waxay sidoo kale taasi hagaajin kartaa xiriirka isla markaana jebin kartaa go’doominta Turkiga ee Bariga Midhitareeniyaanka,” ayuu yiri Mehmet Ogutcu oo ka mid ah Naadiga Tamarta ee Lonodon.

Inkasta oo ay muddo sannado aad u sarreeysay xiisadda labada dhinac, haddana, xiriirka ganacsi ee Turkiga iyo Israel ayaa ahaa mid wanaagsan. Dadka ka faallooda mandiqadda ayaa sheegaya in isu soo dhawaasha labada dhinac ay fursad wanaagsan u noqon karto soo laabashada xiriirka caadi ah oo ay yeeshaan.

Koonfur Galbeed oo soo gaba-gabeyneysa doorashada magaalada BARAAWE

0

Baraawe (Caasimada Online) – Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa shaaciyey liiska 13-kursi oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

13-kaan kursi waxay gabagabo u yihiin kuraasta taalla magaalada Baraawe, waxayna guddigu sheegeen in maalmaha soo socda ay qabanayaan doorashada kuraastaan.

Maanta waxaa lasoo gabagabeeyey doorashada 13-kii kursi ee lagu bilaabay doorashada Baraawe, waxaana degmadaas oo ah deegaan doorashada labaad ee Koonfur Galbeed laga soo doortaa 26-kursi.

Koonfur Galbeed oo xubnaha ugu badan ay ka soo galaan baarlamaanka dalka ayaa hadda si dardar leh ku wada doorashada golaha shacabka, xilli dowlad goboleedyada kale gaabiyeen dhaqdhaqaaqa geedi socodka doorashada.

Dhanka kale doorashada Baraawe waxaa loo diiday warbaahinta, iyadoo aan la xadeyn sababta, hase yeeshee waxaan qarsooneyn in musuq iyo wax si daba marin badan ay ka jirto doorashada ka socota dalka.

Hoos ka aqriso liiska kuraasta lagu dooranayo Baraawe

Xog: Axmed Madoobe iyo SACIID DENI oo hakiyey doorashadii golaha shacabka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynahayaasha maamulka Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa hakad geliyey doorashada Kuraasta Golaha Shacabka ee ka socotay deegaanadaas.

Maamulka Goboleedka Jubbaland ayey ugu dambeyso inuu qabto doorashada Kuraasta Golaha Shacabka ee maamulkaas 27-dii Bishii hore ee January.

Sidoo kale Saciid Deni ayaa isna hakad geliyey doorashada Golaha Shacabka, waxaana ugu dambeysay 2-dii February markaas oo qaar kamid ah Kuraasta Golaha Shacabka lagu doortay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulkaas.

Isku darka labada maamul Goboleed ee Jubbaland iyo Puntland ayaa soo saaray Kuraas gaareyso illaa 30 iyadoo ay u dhiman tahay in ka badan intaas.

Gebi ahaan waxaa hakad ku jiro howlihii doorashada ee labadaas maamul Goboleed, waxaana xusid mudan in guddigii doorashada ee Jubbaland inay ku sugan yihiin Magaalada Nairobi ee dalka Kenya xilli laga sugayo inay dhameystiraan doorashada.

Illaa hadda si rasmi ah looma ogo sababta ka dambeyso hakad ku yimid doorshadii ay wadeen iyadoo ay xusid mudan tahay in waqtigii loo qabtay in lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka ay ka dhima tahay 15 Maalin.

Saciid Deni oo la filayo inuu isku soo taago xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayey xogaha sheegayaan inuu ku mashquulsan olole lacag raadin ah sidaas ay isaga iyo Axmed Madoobe ku heshiiyeen in hakad la geliyo doorashada si ay waqti ku filan u helaan.

Maamul Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa si dardar leh ku wado doorashada Golaha Shacabka iyagoo fulinayo heshiiskii uu Golaha Wada-tashiga Qaran ku gaaray Muqdisho.

Shabaab oo sheegasho yaab leh kasoo saartay qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii maanta ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

War kasoo baxay Shabaab ayaa lagu sheegay in Is-miidaaye ka tirsan xarakada uu fuliyay qaraxaas, bartilmaamedkiisana uu ahaa afar Bas oo siday Ergo kasoo baxday xarunta Jeneraal Kaahiye oo ay maanta ka dhaceysay doorashada xildhibaanada kasoo jeeda gobolada Waqooyi.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in qaraxaas ku dileen 6 xubnood oo kamid ah ergadii soo xulaysay xildhibaanada iyo 5 kamid ah ciidamadii Booliska ahaa oo saarna kolonyo galbinayay.

Sidoo kale waxaa warka kasoo baxay Al-Shabaab lagu sheegay in qaraxaas uu dhaawac ka gaaray 13 Ergo ah iyo 3 ka tirsan askarta ilaalada u aheyd ee booliska.

Illaa hadda ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijisay khasaaraha ay sheegatay Al-Shabaab inay gaarsiisay ergada iyo ciidamadii la socday, maadama ay wararka qaar sheegayan in ergada qaraxaas lala beegsaday ay ka badbaadeen.

Dhanka kale, Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo goor sii horeysay ka warbixiyey qaraxaan ayaa sheegay in waxyeelo xoogan kasoo gaartay dad shacab ah oo xilligaas ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Maalmihii u dmabeeyey ayaa waxaa gudaha caasimada ee Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah ammaanka, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ku soo aaday, xilli doorasho.

DF oo shaacisay magacyada Soomaali meydkooda laga helay xuduudda laba dal

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay magacyada Soomaali kamid ahaa tahriibayaasha meydkooda laga helay xuduudka Giriiga iyo Turkiga ee la sheegay inay qabowga u dhinteen.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay si weyn uga xumaatay dhacdadaas naxdinta leh, ayada oo dalbatay in baaritaan lagu sameeyo xaaladaha ku xeeran dhimashada muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Shanta qof ee dhimashadooda xaqiijisay dowladda ayaa lagu kala magacaabi jiray; Cabdi Mahdi Cali, Yaxye Jamaal Muumin, Abuubakar Axmed Ibraahim, Naasir Suleymaan Xasan iyo Najax Cabdi Axmed.

“Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si murugo leh loogu wargaliyay in dadka tahriibayaasha ah ee meydkooda laga helay xadka Giriiga iyo Turkiga ay ku jireen shan qof oo Soomaali ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu dalbaday baaritaan ku aadan arrintaas, ayada oo dowladda ku boorisay dalalka ay khuseyso iyo hay’addaha QM u qaabilsan qaxootiga ee UNCHR ay si deg deg ah ugu sameyso daba-gal dhacdada naxdinta leh.

“Dowladda ayaa si weyn uga xumaatay dhacdadii naxdinta lahayd ee soo gaartay shaqsiyaadkii aan u baroor-diiqnay toddobaadkan. Dowladda federaalka ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoysaska iyo eheladii ay ka baxeen dhibanayaashaas.”

Ugu dambeyntiina waxaa qoraalka lagu cambaareeyay xad-gudubyada ka dhan dadka Soomaalida, karaamada aadanaha iyo badbaadada nolosha bini’aadamka, iyadoo la raacayo Axdiga 1951 ee la xiriira xaalada Qaxootiga iyo baaqa caalamiga ah ee xuquuqul Insaanka.

Weerar culus oo lagu qadaay garoon diyaaradeed ku yaal Sacuudiga + Khasaaraha

Abha (Caasimada Online) – 12 qof ayaa lagu dhaawacay firirka diyaarad Drone ah oo lagu weeraray garoonka diyaardaha Abha ee dalka Sacuudiga, taasi oo Sacuudiga ay sheegeen inuu dhexda ka qabtay barnaamijkooda difaaca hawada.

Howlgalkii diyaaradaha ee garoonka ayaa caadi kusoo laabtay kadb markii muddo kooban la hakiyey, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay isbaheysiga Sacuudiga ee dagaalka ka wada Yemen.

Dadka ku dhaawacmay weerarka ayaa isugu jira shaqaalaha garoonka iyo dad safar ahaa oo kasoo kala jeeda dhowr dal, ayuu intaas ku daray bayaanka oo ay baahisay warbaahinta Sacuudiga.

Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa inta badan beegsata garoonka Abha oo ku yaalla koonfurta Sacuudiga, meel ku dhow xuduudda Yemen iyo qeybo kale oo ka mid ah Sacuudiga, ayada oo adeegsaneysa gantaallo iyo diyaarado drone ah.

Inta badan gantaalladaas ayaa dhexda laga qabtaa, balse qaar ka mid ah ayaa dilay dhowr qof kuwa kalena dhaawacay.

Xulufada Sacuudiga ayaa si joogto ah duqeymyo uga fuliya Yemen, halkaasi oo ay sheegaan inay beegsadaan bartilmaameedyada Xuutiyiinta.

Imaaraadka Carabta oo xubin ka ah Isbaheysiga, ayaa laba goor sheegtay bishii Janaayo inay burburisay gantaallo ballistic ah oo ay Xuutiyiinta kusoo weerareen.

Hase yeeshee weerar dhacay horraantii Janaayo oo loo adeegsaday diyaarad Drone ah ayaa saddex qof ku dilay magaalada Abu Dhabi, ayada oo lix kalena ay ku dhaawacmeen, weerarkaas oo ay sheegteen Xuutiyiinta.

REUTERS + VOA

Taliye C/Xamiid oo mar kale hadal heyn dhaliyey – Halkee ku dambeysay shaqo joojintii?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada badda Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir oo uu dhowaan shaqo joojin ku sameeyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta kasoo muuqday warbaahinta.

Cabdixamiid ayaa ka hadlay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, taas oo loogu dabaal-dagayey sanad guurada 57-aad ee aaska aaska ciidamada badda Soomaaliya.

Taliyaha ayaa sheegay in muddadii uu joogay xafiiska uu tayeeyey ciidamada badda, isla-markaana ay haatan diyaar u yihiin inay ilaaliyaan biyaha Soomaaliya.

“Ciidamadda badda waynu tayeynay, badeena waan ilaashan doonnaa,” ayuu yiri taliyaha ciidamada badda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Mar dambe ma soconeyso, haddii Allaha awooda leh idmo in badda Soomaaliya ay noqoto meel kotorabaan ah oo ay cid walbo iska soo gasho,” .

Dhinaca kale hadal xoogan iyo falcelin ayaa ka dhalatay hadalka uu maanta taliyuhu siiyey warbaahinta, waxaana dadka isticmaala baraha bulshada ay su’aallo ka keeneen, halkii ay ku dambeysay shaqo joojintii isaga lagu sameeyey?

“Ninkan shaqo ka joojintiisii ma Prank bay ahayd?. Soomaaliya inaynan kala danbayni ka jirinbay markhaati ka tahay,” ayuu yiri Sahal Muumin oo ka mid ah dadka isticmaala aaladda Facebook-ga ee ka falceiyey hadalka taliyaha ciidanka badda.

Dhankiisa Liibaan Cali Mire oo ka hadlay arrintan ayaa yiri “Ninkaan Rooble muxuu u xiri waayay?,”.

Dadka kale ee ka hadlay in taliyaha uu shaqadiisa sii wato waxaa ka mid ah nin kale oo lagu magacaabo Cabdi Sheekh Yuusuf oo yir “Gen. Cabdi Xamiid oo iska wata shaqadiisa,”.

Si kastaba, taliye Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa horey eedeyn culus ugu jeediyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Roobe oo uu ku eedeeyey inuu boobayo dhul ay leeyihiin ciidamada badda, hadalkaas oo sii huriyey khilaafka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxii ka dhacay Ceelgaabta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo tarata macluumaadka laga helayo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo maanta ka dhacay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo ka warbixiyey qaraxan ayaa shaaciyey inuu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qaraxa.

Cabdifitaax ayaa sidoo kale xaqiijiyey in qaraxa ay waxyeelo xoogan kasoo gaartay dad shacab ah oo xilligaas ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Dhanka kale warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in is-miidaamiyaha uu beegsaday ciidamo ku sugnaa goobta iyo gaari la sheegay inay saarnaayeen ergey ka mid ah kuwa qayb galaya doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee ka socota caasimadda.

Wadada uu qaraxu ka dhacay ayaa xirneyd, sababo la xiriira doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee Dugsiga Tababarka  Booliska Janeraal Kaahiye.

Sidoo kale waxaa meesha uu qaraxu ka dhacay ku taalla bar-koontarool oo laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada, isla-markaana lagu hubiyo gaadiidka galaya Villa Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan deggan, balse waxaa burbur xoogan uu ka muuqdaa isgoyska Ceelgaabta oo ah halka uu qaraxu ka dhacay, kaasi oo laga maqlay inta badan Muqdisho.

Maalmihii u dmabeeyey ayaa waxaa gudaha caasimada ka dhacayey falal liddi ku ah ammaanka, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ku soo aaday, xilli doorasho.

QM oo baareysa markab Turkish ah oo lagu arkay xeeb ay maamusho Al-Shabaab

0

Istanbul (Caasimada Online) – Guddiga khubarada QM ee qaabilsan Soomaaliya, kuwaas oo kormeera hubka sharci-darrada ah ee lasoo geliyo dalka, ayaa sheegay inay baarayaan markab Turkish ah oo lagu arkay xeebta aag ay maamusho Al-Shabaab, bishii August 2021, sida uu qoray Wargeyska Nordic Monitor oo helay caddeymo muujinaya arrintan. 

Markabka oo ay leedahay islamarkaana maamushoa shirkadda Mavi Deniz Taşımacılığı ve Sanayi Ticaret Limited Şirketi, ee fadhigeedu yahay Istanbul, ayaa muddo 24 saac ah ku sugnaa meel kaliya 1000-meter ama hal km u jirta xeebta aag maamusho Al-Shabaab, sida laga ogaaday qalabka ku xiran markabka ee sheega halka uu ku sugan yahay ee loo yaqaan (AIS)

“Aagaas ma ahan meel ay maamulaan ciidamada amniga Soomaaliya, waana meel ay Al-Shabaab maamusho, waxaa loo yaqaan Cali Gaudud, oo u dhow Cadale,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay baarayaasha QM.

Sida muuqata, shakiga ayaa ka dhashay sababta markab uu muddo 24 saac ah ugu sugnaa aag ay maamusho Al-Shabaab, waxaana ka dhashay tuhun ah in laga yaabo inuu hub u geeyey kooxda.

Milkiilayaasha markabka ayaa sheegay inay weerar kula kulmeen xeebaha Soomaaliay 13-kii August 2021, islamarkaana lagu soo rogay qorayga sabanka ama RPG iyo rasaas yaryar, sida laga soo xigtay kabtanka markabka.

Ayada oo ay u muuqato inaanay ka dhaadhicin sheekadaas, ayaa baarayaasha QM waxay warqad rasmi ah u direen shirkadda Turkish-ka ee leh markabka, ayaga ka dalbaday caddeymo ku saabsan sababta markabka ugu xirtay biyo aad ugu dhow meel ay maamusho Al-Shabaab iyo xog dheeri ah oo ku saabsan weerarka ay sheegeen in lagu qaaday.

Shirkadda ayaan kasoo jawaabin su’aalihii baarayaasha QM, waxaana warbixinta loo gudbiyey Golaha Ammaanka QM, 6-dii October 2021. 

Dowladda Turkiga ayaan weli ka hadlin dhacdadan.

Baaritaanka QM ayaa muujinaya in markabka uu ka tegay Fethiye oo ka tirsan gobolka ku yaalla Koonfurta Turkey ee Antalya, islamarkaana ku nagaaday xeebta aaggan ay maamusho Al-Shabaab 12-kii illaa 13-kii August.

Sida ku cad xogta diiwaan-ka, markabka ayaa waxaa leh qoyska ninka ganacsade Turkish ah oo lagu magacaabo Erdal Tümsek.

Shirkadda markabka leh ayaa bishii Febraayo 2019 codsatay in laga badbaadiyo inay musalafto, taasi oo ay maxkamad ogolaatay. Inkasta oo dhowr mar loo dheereeyey badbaadadaas, haddana ugu dambeyn shirkadda ayaa musalaftay 15-kii September 2021, sida ku cad go’aan kasoo baxay maxkamad ganacsi oo ku taalla Istanbul.

Tani waxa uu macnaheedu yahay in xilligii markabka uu ku xiranayey halka shakiga uu ka dhashay, ay shirkadda leh wajaheysay culeys dhaqaale. 

Arrinta kale ee shakiga weyn dhalisay ayaa ah in markabka ay horey u laheyd hay’ad Turkish oo lagu magacaabo IHH, oo hadda kahor lala xiriiriyey ururuka Al-Qacida, taasi oo iska iibisay 2018. 

Waxaa sidoo kale marar badan soo baxay caddeymo muujinaya in IHH ay taageero siisay kooxaha Daacish iyo Al-Qacida ee Iraq iyo Syria.

Bishii Janaayo 2014, dacwad-oogaha Turkey ayaa dacwaddii ugu horeysay ka xareeyey hay’adda IHH kadib markii baaritaan ay sameeyeen booliska lagu ogaaday inay hub u dusisay jihaadiyiin Al-Qacida ah oo ku sugan Syria.

Sawirro: DOORASHO gacan taag ah oo MUQDISHO ka dhacday – Yaa kusoo baxay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa haatan ka socota doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuraasta deegaan doorashadooda ay tahay gobollada waqooyi.

Kursiga HOP#205 oo lagu bilaabay doorashada ayaa waxaa ku guuleystay Axmed Cabdi Kooshin, kadib markii ay u tanaasushay Muna Xusen Faarax oo la tartami laheyd.

Kooshin ayaa loo qaaday codeyn gacabn taag ah, wuxuuna helay 99 cod, sida uu shaaciyey guddiga maamulka doorashada kuraasta gobollada waqooyi (Somaliland).

Guusha xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin ayaa aheyd mid lasii oogaa, maadaama si gaar ah kursiga loogu xiray, si uu ugu biiro baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Kursiga labaad HOP#263 waxaa ku guuleystay Muuse Siciid Jaamac oo helay dhammaan codadka ergada oo ah 101, waxaana u tanaasushay, Khadra Cabdi Maxamed.

Sidoo kale waxaa cod gacan taag kusoo baxay xubna kala ah: Cali Maxamuud Aadan oo ku guuleystay kursiga HOP#240, Cali Cabdi Ibraahim oo ku soo baxay HOP#271 iyo Cabdiqani Ismaacil Siciid oo isna ku guuleystay kursiga tirsiigiisa uu yahay HOP#241.

Guddiga doorashada ee Somaliland ayaa ku howlan dadajinta doorashada, taas oo qayb ka ah fulinta heshiiskii doorashooyinka ee ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Si kastaba, doorashada Golaha Shacabka ayaa haatan si dardar leh u socoto, waxaana qorshaha uu yahay in lasoo gabagabeeyo 25 bishan Febraayo ee sanadka 2022-ka.

Xog: Saddex qodob oo Cali GUUDLAAWE uu ku xaliyay tabashadii reer Baladweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo waxgaradka Reer Beledweyne ayaa heshiis ka gaaray khilaafkii taagnaa mudadii sanadka aheyd ee sababay inuu Cali dhisi waayo xukuumad, inuu Beledweyne tagi waayo ama inuu xataa qabsan waayo xafladdii caleemka saarka.

Ciidan ay madaxtooyada geysay magaalada Beledweyne ayaa dhawaan sababay inuu Guudlaawe tago magaaladaas, iyadoo aysan dhicin wax rabshado ah.

Hadalkii koowaad ee uu jeediyey markii uu Beledweyne tagay ayaa kamid ah waxyaabaha furaha u noqday inuu wada-hadal la yeesho Bulshada Magaalada, gaar ahaan Beeshii tabashada qabtay.

Inkastoo arrintaan muddo laga soo shaqeenayey, haddana Cali wuxuu sheegay maalintaas inuu diyaar u yahay xallinta tabasho kasta haddii ay tahay mid beeleed, mid deegaan ama mid shakhsiyadeed.

Kulan muhiim ah oo ay Beledweyne ku yeesheen Cali Guudlaawe iyo cuqaashadii Beeshii tabashada qabtay ayaa lagu gaaray heshiis buuxa, sida uu maamulka faafiyey.

Muuqaalada lasii daayey waxaa ka muuqatay odayaasha Beesha oo cudurdaar bixinaya. Kulanka wuxuu ku bilowday in Cali laga raali geliyey in loo diiday inuu tago Magaalada Beledweyne.

Intaas kadibna waxaa loo gudbay qodobada muhiimk ah ee salka u ahaa tabashada, tabashada Beeshaan waxay bilaabatay markii ay waayeen kursigii hoggaanka maamulka HirShabelle iyadoo ay Jowhar isku heshay caasimaddii iyo hoggaankii maamulka.

3 qodob ayaa si buuxda oo loo dul istaagay kulankii ka dhacay Beledweyne, kuwaas oo la xaqiijiyey in is afgarad laga gaaray.

1- Caasimadda

Cali Guudlaawe waxaa la hor dhigay inuu caasimadda soo wareejiyo maadaama uu hoggaankii maamulka qaatay. Cali waxaa la sheegay inuusan arrintaasi diidin markii horana uusan diidmo ka qabin. Balse wuxuu sheegay inuusan isaga bixin karin oo ay tahay in sifo sharci ah loo maro oo loo baahan yahay codka 3/2 kamid ah xubnaha baarlamanka HirShabelle.

Cali Guudlaawe wuxuu odayaasha u sheegay inuu arrintaasi kala shaqeenayo uuna diyaar u yahay. 63 xildhibaan oo kamid ah baarlamaanka HirShabelle waxay kasoo jeedaan Gobolka Hiiraan, wuxuuna Cali u sheegay odayaasha inay taasi ka caawineyso in mashruucaan deg deg lagu hirgeliyo.

Oydaashii waxaa la sheegay inay ku qanceyn in arrintaasi loo wajaho si Baarlamaani ah.

2- Awooda hoggaamiye ku xigeenka maamulka

Cali Guudlaawe waxaa lagu xujeystay inuu awood badan heystay markii uu ahaa hoggaamiye ku-xigeenka maamulka HirShabelle, sidoo kalana ay beeshiisa heysatay wasaarado muhiim ah.

Waxaa la waydiistay inuu soo wareejiyo wixii ay isaga iyo reerkiisa heysteen markii uu ahaa hoggaamiye ku xigeenka maamulka, waxaa la sheegay inuu Cali taas aqbalay oo uu hoosta ka xariiqay.

3- Degmooyin cusub

Odayaasha waxay Cali Guudlaawe ka dalbadeen in degmooyin cusub la siiyo ama kuwa la magacaabay xilligii Cali Cabdullaahi Cosoble inuu sharciyadooda baarlamanka geeyo oo uu soo dhameystiro dagmanimadooda.

Waxaa la sheegay inuu Guudlaawe aqbalay qodobkaas isagoo xusay inay jiraan degmooyinka ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe oo iyaguna miiska saaran uuna isku dari doono sidaasna uu Baarlamaanka u gudbin doono si looga dhigo degmooyin rasmi ah.

Waxaa kaloo kulanka lagu soo hadal qaaday in kuraasta Golaha Shacabka ee taala Magaalada Beledweyne in doorashadooda ay si hufan oo caddaalad ah ay u dhacdo, iyadana waxaa la sheegay in mabda’ ahaan la isla qaatay.

Intaas ayaa ugu muhiimsanaa doodii Cali Guudlaawe iyo Reer Beledweyne, waxaana la sheegay inuu kulanka kusoo dhammaaday is calool fiyowbi leh.

AMISOM oo magaca laga beddelayo + Magaca cusub

0

Muqdisho (Caasimada Oline) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Ururka Midowga Afrika oo shirar kala duwan ka yeeshay qorshaha kala guurka ee ay ciidamada AMISOM uga baxayaan dalka ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay saxiixeen labada dhinac.

Bayaanka oo ka kooban dhowr qodob ayaa wxaa lagu qeexay geeddi socodka howlaha kala guurka ee howlgalka AMISOM oo haatan loo beddelayo mid ku meel gaar ah.

Sidoo kale dowladda federaalka iyo Midowga Afrika ayaa isla qaatay jadwal cusub oo ay ku xuseen, sida howluhu u kala horreeyaan.

Halkan hoose ka hoose ka aqriso:-

  1. Kaddib markii la soo-dhoweeyay wafdiga Midowga Afrika (AU), Qarammada Midoobay (UN) iyo Midowga Yurub (EU) dooddaha farsamo ee Kooxda Afarta Xubnood ah iyo wadahadallada la qabtay 28ka Janaayo 2022 ilaa 9ka Febraayo 2022 ee horumarinta Fikirka Hawlgallada, Warbixinta Wadajirka ah Xulashooyinka Taageerada Saadka ee Hawlgalka Cusub Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.
  2. Kaddib markii la xusay geesinnimada iyo naf-hurnimada ciidammada AMISOM iyo Ciidammada Amniga Soomaaliya nafta u hureen la dagaallanka Al-Shabaab, isla markaasna la ammaanay doorka AMISOM iyo kan dalalka aynciidamada ka joogaan Soomaaliya ee lagu dhisayo Soomaaliya oo xasilloon oo nabad ah.
  3. Kaddib markii la soo-dhoweeyay khariidad-hawleed ay diyaariyeen Kooxda Afarta Xubnood ee CONOPs-ka, Warbixinta Wadajirka ah iyo Xulashooyinka Taageerada Saadka ee Hawlgalka Cusub Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo xaqijinta muhiimadda ay leedahay in la raaco jadwalka iyo habraacyada dhammaystirka CONOPs-ka, Warbixinta Wadajirka ah iyo Xulashooyinka Taageerada Saadka ee ku jira khariidad-hawleedka lagu heshiiyey ee Kooxda Afar-Geesoodka ah.
  4. Kaddib markii la aqoonsaday heshiiskii hore ee farsamo ee DFS iyo MidowganAfrika ay ku kala saxiixdeen Addis Ababa 21ki Janaayo 2022 ee ku saabsanaa cabbiraadda iyo ujeeddooyinka istaraatijiyadeed ee mustaqbalka ee Hawlgalka Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyo in la xuso ka qayb-galka kulanka is-waraysiga ee Qaahira ee ku saabsanaa Hanka Soomaaliya ee 2021 kabdib ee agaasintay Xarunta Caalamiga ah ee Qaahira ee Xallinta Khilaafaadka, Nabadaynta iyo Nabaddhiska.
  5. Kaddib markii la isku raacay horumarka laga sameeyey diyaarinta qabyo-qoraalka CONOPS-ka, qabyo-qoraalka Warbixinta Wadajirka ah iyo qabyo-qoraalka Xukashooyinka Taageerada Saadka ee Mugdisho intii u dhaxeysay 29kii Janaayo 2022 ilaa 9ka Febraayo 2022 in ay waafaqsan tahay Khariidada lagu heshiiyey ee Kooxda Afar-Geesoodka ah.
  6. Kaddib markii loo mahad-celiyay saaxiibada caalamka taageerada ay siiyeen AU, AMISOM iyo DFS 14kii sano ee la soo dhaafay dadaallada lagu xoojinayo nabadda Soomaaliya.
  7. Kaddib markii la isla oggaaday in hawsha Kooxda Farsamada Affar-Geesoodka ah (Quartet) loo gudbin doono Madaxda Sare ee Quartet-ka si loo tixgeliyo.
  8. Maxaa Xigayo? Kooxaha Farsamada Afar-Geesoodka ah waxay ku heshiiyeen sida hoos ku xusan:
  9. Gudbinta qabyo-qoraalka CONOPs-ka, qabyo-qoraalka Warbixinta Wadajirka ah iyo qabyo-qoraalka Xulashada Taageerada Saadka ee Shirka Heerka Madaxda Sare ee Quartet-ka waxaa la qorsheeyay inta dhaxayso 14ka ilaa 18ka Febraayo 2022 si loo tixgeliyo.
  10. Gudbinta qabyo-qoraalka CONOPs-ka, qabyo-qoraalka Warbixinta Wadajirka ah iyo qabyo-qoraalka Xulashada Taageerada Saadka ee Shirka Heerka Madaxda Sare ee Quartet-ka waxaa la qorsheeyay inta u dhaxayso 21ka ilaa 25ka Febraayo 2022 si loo oggolaado.
  11. Gudbinta qoraalka kama dambaysta ah ee saddexda nuqul ee Golaha Nabadda iyo amniga Midowga Afrika iyo Golaha Amniga Qarammada Midoobay waa ugu dambayn 7da Maarso 2022 si loo tixgeliyo loona meelmariyo 31ka Maarso 2022.

Golaha Wadatashiga Qaran oo kulan deg deg ah yeeshay kadib xayiraadii Mareykanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada dalka oo ku mideysan Golaha Wadatashiga Qaran ayaa xalay yeeshay kulan deg deg maalin kadib markii Mareykanka uu soo rogay xayiraad la saaray mas’uuliyiin Soomaaliya.

Kulanka oo ay Golaha Wadatashiga Qaranku ku yeesheen habka fogaan aragga, ayaa looga hadlay dhammeystirka howlaha doorashooyinka, xaaladda amniga iyo sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ka jira dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble.

Faah-faahinta intaas dheer lagama bixin kulanka, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay in  golaha ay isku dayayaan inay doorashada Golaha Shacabka dhammeeyaan kahor 25-ka Febraayo, oo ah muddada uu u qabtay Mareykanka, taasi oo ay naga xigto kaliya 15 maalmood.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa Talaadadii ku dhowaaqay soo saarista xayiraado Visa oo ka dhan ah shakhsiyaad hadda xilal ka haya iyo kuwa horey uga soo qabtay Soomaaliya, oo lagu eedeeyey inay mas’uul ka yihiin waxyeeleynta hanaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.

Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri “Maanta, ayada oo ay ku beegan tahay sanad-guuradii koowaad ee marka uu muddo xileedka ka dhammaaday madaxweynaha Soomaaliya, waxaan ku dhowaaqayaa fulinta xeerka Socdaalka Qaranka qeybtiisa 212(a)(3)(C), kaasi oo diidaya in Visa la siiyo shakhsiyaad xilal ka haya iyo kuwa horey uga soo qabtay Soomaaliya, kuwaasi oo la rumeysan yahay inay mas’uul ka yihiin waxyeeleynta hanaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.”

Blinken ma shaacin magcayada shakhsiyaadkan lagu beegsaday siyaasaddan.

Mareykanka ayaa horey u sheegay inuu xayiraado la beegsan doono madaxda Soomaaliya haddii aan doorashada lagu dhameyn kahor 25-ka Febraayo, waxaana laga cabsi qabaa inuu soo rogo kuwa cusub

Sawirro: Koonfur Galbeed oo qabatay doorashada kuraas uu ku jiro kursiga DALXA

0

Baraawe (Caasimada Online) – Magaallo xeebeedka Baraawe waxaa maalintii labaad lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka, kuwaas oo deegaan doorashadooda ay tahay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa waxa ay kala yihiin, Hop-250, Hop-160, Hop-173 iyo Hop-080, waxaana ku jira kursigii uu ku fadhiyey Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo horey u shaaciyey in loo diiday inuu ka qayb-gala doorashada ka socota Baraawe.

Aweys Xuseen Macalin ayaa ku soo baxay kursigaas oo uu tirsigiisa yahay Hop-080, maadama loo xiray, wuxuuna helay 76 cod, sida uu shaaciyey guddiga.

Sidoo kale xubnaha kale ee soo baxay ayaa waxaa ka mid ah:-

1-Cali Maxamed Sheekh oo helay 80 cod ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-250

2-Maxamed Yuusuf Xasan oo helay 73 cod ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-160

3-Cabdifataax Cabdulaahi Araye  oo isna helay 73 cod ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-173.

Baraawe oo ah deegaan doorashada labaad ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa shalay lagu qabtay doorashada illaa 7 kursi, waxaana kusoo baxay xubno aad ugu dhow Lafta Gareen.

Maxkamadda ICJ oo ku dhowaaqday xukun adag oo ka dhan ah dalka Uganda

0

Hague (Caasimada Online) – Maxkamada cadaaladda aduunka ee ICJ ayaa shalay ku dhawaaqday xukun ay dowladda Uganda ku amrayso inay magdhow boqolaal milyan ah siiso dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).

Magdhowga ay xukmisay maxkamadda ayaa dhan $325 Milyan oo doolar, waxayna la xiriirta dagaalkii arxan darada ahaa ee u dhaxeeyay wadamadan deriska ah ee billowday dabayaaqadii 1990-kii.

Maxkamadda ICJ ayaa sheegtay in magdhowga la siinayo Congo uu yahay waxyeelada dadka iyo hantida dalkaas kasoo gaartay falalkii ay Ugand ku jebisay waajibaadkii caalamiga ahaa ee ka saarna dariskeeda, kuna hubeysay jabhado.

“Maxkamaddu waxay xustay in magdhowga lagu abaalmariyay DRC waxyeelada dadka iyo hantida ay ka tarjumayso waxyeelada soo gaaray shakhsiyaadka iyo bulshooyinka taasi oo ka dhalatay jebinta Uganda ee waajibaadkeeda caalamiga ah,” ayuu yiri madaxweynaha maxkamadda Joan E Donoghue oo ah garsoore Mareykan ah.

Xukunka maxkamadda ee magdhowga ayaa yimid in ka badan 15 sano kadib markii ICJ ay xukuntay xukun adag oo ka koobna 119 bog oo ah in dagaalka ay ciidamada Uganda ku qaadeen dalka Congo uu jabiyay sharciga caalamiga ah.

“Lacag gaareysa $225 Milyan waa magdhowga khasaarada nolosha iyo waxyeelada kale ee dadka oo ay ku jiraan kufsiga, askaraynta caruurta iyo barakac illaa shan boqol oo qof. $40 Milyan waa burburka hantiyeed iyo $60 Milyan ee waxyeelada khayraadka dabiiciga ah.”

Sanadkii 2005-tii ayey aheyd markii maxkamadda ICJ ay sidan oo kale ku xukuntay Ugand inay bixiso magdhow lacageed, laakiin illaa hadda ma bixin.

Si kastaba, lacagta ay xukmisay maxkamadda ayaa aad uga hooseysa codsigii Congo ku dalbatay magdhow in ka badan 11 bilyan oo doolar, kaasi oo lagu sheegay qasaarihii ka dhashay qabashada gobolka Ituri ee Waqooyi-bari ee dalkaasi.

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goordhow ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Sida ay innoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka qaraxa waxaa uu ahaa mid is-miidaamin ah, waxaana fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa.

Wadada uu qaraxu ka dhacay ayaa xirneyd, sababo la xiriira doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee oo ka socota Dugsiga Tababarka  Booliska Janeraal Kaahiye.

Sidoo kale waxaa meesha uu qaraxu ka dhacay ku taalla bar-koontarool oo laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada, isla-markaana lagu hubiyo gaadiidka galaya Villa Soomaaliya.

Khasaara ugu badan ee ka dhashay qaraxan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu gaaray dad shacab oo xilligaas marayey waddada, waxaana haatan socda gurmad loo fidinayo.

Xaaladda goobta ayaa sidoo kale weli aad u kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Faah faahinta kala soco:Caasimada.net.