25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Muxuu madaxweyne Cagjar ka yiri siyaasadda Ethiopia ee ku wajahan Soomaaliya?

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha gobolka Soomaalida Ethiopia Mustafe Muxumed Cumar ayaa ka hadlay siyaasadda Ethiopia ee ku wajahan Soomaaliya iyo isbeddelka ka dhacay dalkaas tan iyo markii uu xukunka la wareegay Abiy Ahmed, bishii April ee 2018.

Mustafe Cagjir oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in isbaddelka ka dhacay Ethiopia uu deeggaanka Soomaalida u horseeday, badhaadhe iyo xorriyad ballaadhan, sida uu hadalka u dhigayn

Waxa uu intaas ku daray in xisbiga Barwaaqo ee haya tallada Ethiopia, kaasi oo dhowaan un la dhisay uu guul ka gaari doono doorashooyinka ka dhacaya dalkaasi bartamaha sannadkan.

Mustafe ayaa dhinaca kale sheegay in aanay jirin wax faragelin ah oo dowladda Ethiopia ay haatan ku hayso dalka Soomaaliya, inkasta oo uu qiray in dowladihii hore ee Ethiopia ay si weyn faraha ugula jireen arrimaha Soomaaliya.

Hase yeeshee waxaa xaqiiq ah in faro-gelina Ethiopia ee Soomaaliya ay iminka la mid tahay sidii ay aheyd sanado badan, ayada oo ciidamada dalkaas uu madaxweyne Farmaajo u adeegsado inuu ku weeraro maamul goboleedyo ay ka mid yihiin Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Madaxweyne Mustafe ayaa dhanka kale si weyn u dhaleeciyay maamulkii dowladdu weerartay ee TPLF oo uu sheegay in ay dhibaato xoog leh ku hayeen dadka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ay diyaar u yihiin sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen dalalka ku yaalla bariga si loo dhameeyo dhibaatooyinka kala duwan ee ay wajahayaan.

Askar Haramcad ah oo lagu dilay dagaal ay Muqdisho kula galeen maleeshiyo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay dagaal sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaas oo ay  ku dhinteen askar ka tirsaneed booliska gaarka ah ee Haramcad.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyey ciidamada booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo koox maleeshiyaad ah oo tilmaantooda lagu soo koobay (Macawiisley).

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Haramcad ay kooxdaas ku weerareen goob ay isbaaro u taalay, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus.

Inta la xaqiijiyey 4-askari ayaa ciidamada Haramcad looga dilay iska hor imaadkaas, sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo dhanka ammaanka ah.

Sidoo kale waxaa la sheegay in kooxdii isbaaradu u taalay ee la weeraray uu gaaray khasaare aan la cayimin inta uu dhanyahay, waxaana jiray dhaawacyo soo kala gaaray labada dhinac oo la dhigay isbitaallada Muqdisho.

Afhayeen booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo la hadalay Shabeelle TV ayaa sheegay in goobtii lagu dagaalamay ay caawa joogaan ciidamada Haramcad, isla markaana laga ceyrshay meleeshiyaadkii ku sugnaa, sida uu sheegay.

Waxaa maanta aad u kacsaneed xaaladda deegaanka Jaziira oo ah goob ay dadka reer Muqdisho u dalxiis tagaan, si gaar ah maalmaha Khamiista iyo Jimcaha ayaa aad loo tagaa xeebta dheer ee Jaziira.

Deegaanka Jaziira oo dhaca duleedka koofureed ee magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe marti geliyey isku dhacyo soo noq-noqday, kuwaas oo u dhaxeeyey ciidamada dowladda iyo kooxo maleeshiyaad ah.

Waxyaabaha ugu badan ee isku dhacyadu ka dhashaan ayaa ah isbaarooyin iyo qaadka ka yimaada Kenya oo si dhuumaaleysi ah xeebta Jaziira looga soo dejiyo, halka dowalduna ay go’aansatay in qaadkaas uusan soo gelin magaalada Muqdisho.

Hoos ka dhageyso wareysiga Afhayeenka Booliska   

Daawo: Senator Farmaajo ku eedeeyey inuu Gedo iyo gobol kale u kala eexday

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Xuseen Sheekh Maxamuud, oo ah Xoghayaha Guddiga dib u eegista Dastuurka labada Aqal BFS oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa eedeymo culus u jeedisay madxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Senator Xuseen ayaa dowladda federaalka ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ayuu sheegay inay ku fashilantay sugida amniga, isagoona ku eedeyay inuu ciidamo ku daabulayso deegaano aan looga baahneyn.

Waxa uu xusay in ciidamada ay dowladda ku daabuleyso gobolka Gedo oo uu sheegay inay dano gaar ah oo siyaasadeed ay ka leedahay, taasi oo muddooyinkii dambe xiisad xoogan dhalisay.

Senator-ka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan si isku mid ah ugu cadaalad falin gobolada Bakool iyo Gedo, kaasi oo ay kasoo kala jeedaan Farmaajo iyo Senator-ku.

“Madaxweyne Farmaajo dadka kasoo jeeda gobolada Gedo iyo Bakool isku si uguma cadaalad falin, waxay bulshadu arkayaan dadaalka dheeraadka ah ee aad galinayso gobolka aad kasoo jeedo ee Gedo,” ayuu yiri isagoo sheegaya qaabka uu madaxweyne Farmaajo deegaankiisa wax ugu qabtay.

“Ciidanka qaranka ee maalin walba loogu daabulsyo goobo ay doorasho ka socoto, maxaa loogu bad-baadin waayay dadka noloshoodu halista ku jirto, mise kursiga ayaa ka muhiimsan nolosha dadka.”

Sidoo kale waxa uu fariin cod dheer ugu diray in laga howl-galo go’doon ay Al-Shabaab galiyeen deegaano badan oo ka tirsan Koonfur Galbeed, kuwaasi oo ay hagratay dowladda federaalka, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Senator-ka ayaa imanaya xili dowladda federaalka ay muddooyinkii dambe  ciidamo hor leh ka dejinaysay deegaano ay ka qabanayso doorasho lagu muransan yahay, iyada oo si gaar ah ciidamo faro badan ugu daabushay gobolka Gedo oo uu kasoo jeedo madaxweyne Farmaajo.

Hoos ka daawo Senator Xuseen

Ra’iisul Wasaare Rooble oo soo saaray digniin culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha dowladda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray digniin culus taasi oo si gaar ugu socotay Hay’adaha garsoorka dalka.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa uga digay hay’adaha garsoorka inay u cadaalad fali waayan bulshada Soomaaliyeed, xili muddooyinkii dambe cabasho balaadhan laga muujiyey.

Waxa uu sheegay in uu ka war hayo cabasho badan oo bulshada ka muujiyeen garsoorka dalka, taasi oo uu maanta uga digay bahda garsoorka.

“Shacabka Soomaaliyeed aad bey uga cawdaan garsoorayaasha waxaan idinkaga digayaa in shacabku idinka cawdo, waxa aad maanta fashaan ayaad bari heleysaan, barri shacab ayaad noqoneysaan maanta cadaalad fala si aad barri u heshaan,” ayuu yiri ra’iisal wasaare Rooble.

Sidoo kale waxa uu sheegay in mas’uuliyiinta Garsoorka ay berri noqon doonaan shacab, loogana baahan yahay inay ka digtoonadan waxa ay falayaan inta ay xilka u hayaan bulshada. 

Digniintan ayaa imanaysa xilli dhowr jeer bulshada qaarkood ay cabasho xoogan ka muujiyeen bahda cadaalada, oo ay sheegen inaysan maxkamadaha dalka ka helin cadaalad.

Mootada laba lugaaleyda ee Muqdisho ka shaqeyso oo amar laga soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in dhowaan shir ka dhacay Muqdisho islamarkaana ay ka qeyb galeen mas’uuliyiinta amaanka ee dowladda Soomaaliya la isku afgartay in Muqdisho laga joojiyo Mootada laba lugaaleyda oo ay dadka Muqdisho u yaqaanaan (Dhug-dhugley).

Xubnaha aan la hadalnay ayaa sheegay in amarkaan aan wali lagu dhaqaaqin balse la isku afgartay, waxaana sababta lagu sheegay in la helay xog tilmaameysa in Muqdisho lagu diyaariyay rag wata Mootooyinkaan oo qaraxyo Ismiidaamin ah ka geysan doono Gobalka Banaadir.

Goobaha laga joojin doono ama la isku afgartay laga bilaabo ayaa ah wadada hormarta Madaxtooyada Soomaaliya, Saldhigyada muhiimka ah ee ciidamada amaanka, Wasaaradaha qaar iyo goobo kale.

Mootada Dhug-dhugleyda waxay kamdi ah gaadiidka sida weyn loogu isticmaalo Muqdisho waana mid kamid ah gaadiidka aan wadooyinka ka xirmin, taas oo ka dhigtay in dad badan oo shaqeeya ay soo iibsadaan si ay shaqooyinkooda ugu tagaan.

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale tilmaameysa in goobaha laga joojin ay qeyb ka tahay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho oo ah aagga sida looga isticmaalo oo ay uga shaqeeyaan sida gaadiidka BL-ka ah.

Arintaan ayaa shaqa la’aan ku ridi karta boqolaal dhalinyaro ah oo ka raadsada nolal maalmeedkooda, ayaga oo dadka ku qaada ama ugu adeega ganacsiyada doonaya inay adeegyadooda gaarsiiyaan macaamiisha. 

Muqdisho: DF oo ciidan ku daadisay waddo halistu ku badatay dhowaanahan

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ee Gobalka Banaadir ayaa ciidamo boolis ah dhigay wadada 21-ka October ee ka leexata KM4 islamarkaana tagta ilaa Dekada Muqdisho kadib markii ay halkaas ku kordheen qaraxyada dhulka la geliyo oo ay ku dhinteen dad badan kuwa kalane ay ku naafoobeen. 

Wadadaan oo maristeeda muhiim tahay islamarkaana ka mid ah wadooyinka aan mashquulkooda ama ciriirigooda badneyn ayaa dhowr jeer waxaa si joogta ah uga dhacay qaraxyo u badan Miinooyinka soo boodada ah ee la dhigo Laamiga geeskiisa, taas oo lala beegsaday saraakiil ciidan iyo shaqaale dowladeed. 

Dadka halkaas lagu qarxiyay islamarkaana ka badbaaday waxaa kamid ah General Cali Xirsi Barre Cali Gaab oo laba jeer lagu qarxiyay, guddoomiyaha degmada Hodan oo ilaa hadda la jiifo dhaawicii ka soo gaaray, iyo tobaneeyo qof oo kale. 

Qaraxii ugu dambeeyay ayaa waxaa ka badbaaday Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya waxaana talaabadaan lagu dhigay ciidanka la aamisan yahay in ay yareen karto qatartii weyneed ee halkaas ka jirtay. 

Wadada hadda la dhigay ciidanka amaanka ee booliska Soomaaliya dhowr jeer oo hore ayaa dowladda Soomaaliya loogu baaqay in ay ciidan dhigto. Sidoo kale waxaa sidaas oo kale ciidan in la dhigo u baahan wadada Cabdiqaasim oo noqotay meel ay ku bateen Qaraxyada dhulka la geliyo.

Guddoomiyihii Gedo ee DF oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Jubbaland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen oo haatan si dhow ula shaqeeyo dowladda Soomaaliya ayaa xilka qaadis ku sameeyey maamulka gobolka Gedo ee garabka dowladda, kadib wareegto uu soo saaray maanta oo ay tahay 14-ka bishaan January.

Wareegtadan ayaa waxaa lagu sheegay in xilka looga qaaday guddoomiyihii gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macallimuu), iyada oo xilkaasi loo magacaabay guddoomiye cusub oo lagu magacaabo, Axmed Buulle Gareed.

Macallimuu oo xilkan hayey wixii ka dambeeyey, tan iyo markii ciidamada dowladda la geeyey gobolkaasi ayaa waxaa lagu eedeeyey xil gudasho la’aan ku aadan shaqadiisa.

Sidoo kale guddoomiyaha cusub ayaa la faray inuu si deg-deg ah ula wareego xilka loo magacaabay, iyada oo sidoo kale laamaha amniga la amray inay la shaqeeyaan.

Xilka qaadistan ayaa ku soo aadeya, iyada oo muddooyinkii u dambeeyey ay ka sii dareysay xiisada gobolka Gedo ee dowladda dhexe iyo Jubbaland, waxaana sidoo kale ay arrintaan saameyn ku yeelatay doorashooyinka guud ee dalka ka dhaceysa sanadkan.

Shirka Golaha Wasiirada oo maanta baaqday + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dib u dhac aan la shaacin waxa sababay ayaa ku yimid shirkii la filayey inay maanta yeeshaan golaha wasiirada xukuumadda federaalka  Soomaaliya, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Xubnaha golaha wasiirada ayaa waxaa loo diray farriimo gaar ah, iyada oo lagu war-geliyey baaqashada shirkaan oo ahaa mid la wada sugayey oo aad isha loogu hayey.

Shirka todobaadlaha ah ee golah wasiirada ayaa maanta qorshuhu ahaa in lagu ansixiyo illaa 15 safiir oo ay dowladda federaalka ah u direyso qaar ka mid ah dalalka caalamka.

Magacaabista safiirada ayaa waxaa ka timid dood adag, iyada oo Khamiistii la soo dhaafay kulankii golaha wasiirrada Soomaaliya la hor geeyey liiska 12 safiir si loo ansixiyo, balse dib ayaa loogu celiyey wasaaradda arrimaha dibadda oo markii hore soo gudbisay liiskaas.

Sidoo kale wasiirrada qaar ayaa dood adag ka keenay in la ansixiyo liiska safiiradaas, iyagoo ku dooday in aan la soo waafajin nidaamka awood qeybsiga ee 4.5.

Si kastaba magacaabida safiiradan ayaa ku soo aaday, xilli dalka uu ku jiro marxalad adag oo kala guur ah oo Soomaaliya ay isku diyaarineyso doorashooyinka 2021-ka.

Sawirro: Swan oo gaaray Baydhabo xilli Lafat-gareen uu doorasho qorsheynayo

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan & wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

James Swan iyo wafdigiisa oo ay qeyb ka yihiin madax ka socotay hay’adaha kala ah IOM iyo OCHA ayaa kulan Albaabada u xiran yihiin waxa ay la yeesheen madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka wada-hadleen xaaladda adag ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

Sidoo kale labada dhinac ayaa isla soo hadal qaaday arrimo ay ka mid yihiin gargaarka iyo saamaynta ka dhalatatay Ayaxa.

Safarka ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli halkiisii yahay is mari-waaga doorashada ee u dhexeeya  dowladda & mucaaradka

Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah maamullada taabacsan dowladda dhexe, iyada oo la filayo inay billowdo doorashada, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana arrimahan ay ku soo beegmayaan, xilli ay dowladdu ku dhowaaqday hirgelinta doorashooyinka dalka.

Luxembourg iyo Midowga Yurub oo bah-dilay Pompeo

Luxembourg (Caasimada Online) – Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa baajiyey safar u uku tegi lahaa Yurub, kadib markii wasiirka arrimaha dibedda Luxembourg iyo saraakiisha Midowga Yurub ay diideen inay la kulmaan.

Saraakiisha Yurub ayaa qaadacay Pompeo maalmo kadib markii burcad taageersan madaxweyne Trump ay qabsadeen xarunta Congress-ka, taasi oo ah weerar aan horey u dhicin oo lagu qaaday dimqoraadiyadda Mareykanka, kana yaabiyey hoggaamiyeyaasha caalamka.

Pompeo, oo ah xulufo aad ugu dhow Trump, ayaa doonayey inuu Jean Asselborn kula kulmay dalka Luxemburg oo ah dal yar balse ah hodan muhiiim u ah gaashaanbuurta NATO, kahor inta uusan hogaamiyeyaasha Yurub kula kulmin magaalada Brussels, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen wakaaladda wararka Reuters.

Safarka Pompeo ee Luxemburg ayaa la baajiyey kadib markii saraakiisha ay ka cago jiideen inay ballan saacadeed u qabtaan. Safarka Brussels ayaa sidoo kale la baajiyey.

“Hogaamiyeyaasha Yurub waxay ceeb u arkeen la kulanka Pompeo kadib rabshadihii Arbacadii tagtay ka dhacay Washington,” waxaa sidaas yiri diblomaasiyiin Yurub ah oo la hadlay Reuters.

Trump ayaa taageerayaashiisa ku dhiiri-geliyey inay ku xoomaan Aqalka Capitol Hill oo ay ka socotay ansixinta doorashadii Joe Biden ee xilka madaxweynaha Mareykanka, taasi oo Trump uu diiday inuu aqbalo in looga adkaaday.

Pompeo ayaa cambaareeyey rabshadihii Capitol Hill-ka hase yeeshee wax tixraac ah kuma sameyn beenta Trump iyo inuu taageerayaashiisa kiciyey.

Isaga oo ka yaabay rabshada ayaa wasiirka arrimaha dibbeda Luxemburg, Asselborn waxa uu Trump ugu yeeray “dambiile” iyo “qaswade siyaasadeed”.

Muxuu ka dhigan yahay qoraalka beesha caalamka ee doorashada Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Beesha Caalamka ayaa Talaadadii war qoraal ah kasoo saartay arrimaha Soomaaliya, waxeyna walaac ka muujiyeen is-mari-waaga ka jira hirgalinta hanaanka doorashada ee horay loogu heshiiyay.

17-kii September waxaa dhacay heshiis ay wada gaareen dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah, waxaana la isla jiheeyay hannaan doorasho oo lagu wada saxiixan yahay iyadoo laga soo saaray war murtiyeed.

Beesha Caalamka waxey sheegeen in heshiiskii lagu gaaray Muqdisho uu kaliya yahay kan lagu dabaqi karo arrimaha doorashooyinka.

Muddada xil heynta madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa ka hartay wax ka yar 30 maalmood, walina la iskuma fahimin habka loo bilaabay doorashada, waxaana gaabiska uu ka yimid maadaama wali aan la isku fahmin wadada saxda ah ee loo marayo doorashooyinka.

Jibriil Aw Maxamed oo ah macalin wax ka dhiga jaamacad ku taalla dalka Mareykanka ayaa wax laga weydiyay qoraalka beesha caalamka waxa uu ka dhigan yahay.

“Ujeedadu waxey tahay inaan heshiiska dib loo furin oo aan loo noqonin habkii 2016, sidaas ayaa ku cad warqadda, waxaana jirta in maamullada qaar ay doonayaan in hal magaalo wax lagu doorto,” ayuu yiri Jibriil.

Mar wax laga weydiiyay sida la isku waafajin karo dhaqan galinta heshiiska iyo xalinta tabashooyinka hadda jira, wuxuuna yiri: “Waxyaabaha uu heshiiska dhigayo in sidooda loo hayo ayey doonayaan Beesha Caalamka, balse waxyaabaha farsamada ah sida guddiga lagu muransan yahay waa wax la badali karo hadii dood ka timaado, balse arrimaha lagu heshiiyay oo ah magaalooyinka la dhigayo kuraasta ee labada ah waa in la dhaqan galiyo maadaama heshiiska ay ku jirtay”.

Halkaan ka dhageyso wareysiga oo dhameysitran

 

Ciidamo gadoodsan oo la wareegay Galinsoor iyo xaaladda oo aad u kacsan

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Galgaduud ayaa sheegaya in maanta xaalad kansanaan ah laga dareemayo magaalada Gelinsoor ee gobolkaasi, kadib markii ay isku fadiyeen ciidamo ka tirsan Galmudug oo gadoodsan.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inay labo jidgooyo ka sameysteen halkaasi, iyaga celinaya gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan oo dhowaan tababar loogu soo xiray xerada Dhanka-Roone ayaa sheegay inay ka cabanayaan mushaar la’aan heysata.

Sidoo kale ciidamada ayaa ku goodiyey inay magaalada u kala xirnaan doonto, inta ay ka helayaan mushaaraadkooda xuquuqdooda.

Dhaq-dhaqaaqa ay wadaan ciidamada ayaa sidoo kale sameyn ku yeeshay gaadiid fara badan oo haatan ku xayiran gudaha Gelinsoor, kuwaas oo ah kuwa safar ah.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda Galmudug oo ku aadan xiisada ka taagan magaalada Gelinsoor iyo gadoodka ay ka sameeyeen ciidamada maamulkaasi.

Inta badan ciidamada Galmudug ayaa gadood & dhaq-dhaqaaqyo culus ka sameeya magaalooyinka maamulkaasi, iyaga oo ka cabanaya mushaaraad & daryeel la’aan.

Jadwalka doorashooyinka dalka oo mar kale fashilmay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jadwalka doorashooyinka, gaar ahaan kan Golaha Aqalka Sare ayaa markale fashilmay, sababo la xiriira khilaafka weli ka jira dalka.

Jadwalkan oo uu soo saaray guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka 2021-ka ayaa markale dhaqan-gelin waayey, iyadoo maanta oo ay tahay 14-ka January la filayey in la soo gaba-gabeeyo doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya oo jadwalkii ugu dambeeyey lagu caddeeyey inay dhaceyso 7 illaa 14-ka bisha January ee sanadkan 2021-ka.

Waa jadwalkii labaad ee dhaqan-geli waaya, iyada oo sababta ugu weyn ay tahay khilaafka ka taagan guddiga iyo tabashada laga muujinayo hannaanka doorashada.

Is-bedalka ku yimid jadwalkii hore ayaa waxaa sabab looga dhigay, kadib dalab ka yimid madaxweynaha Galmudug, sida uu shaaciyey guddiga doorashooyinka dalka.

Dhanka kale illaa iyo hadda guddigu ma sheegin sababta markale dib u dhigtay jadwalkoodii labaad ee fashilmay, iyada oo waqtiguna uu yahay mid gabaabsi ah.

Si kastaba arrimahan ayaa ku soo aadayo, iyada oo xukuumadda Soomaaliya ay ku dhowaaqday hirgelinta doorashooyinka dalka, waxaana halkeedii ah tabashada ay weli muujinayaan midowga musharraxiinta mucaaradka iyo madaxda Jubbaland iyo Puntland.

Dalalka Sudan iyo Ethiopia oo qarka u saaraan dagaal

Addis Ababa ( Caasimadda Online) – Waxaa sare usii kacayaa xiisadda ka dhex oogan dalalka Suudaan iyo Itoobiya ee salka ku haysa dhul ku yaalla xuduudda, ayada labada dhinac ay isku jeedinayaan eedeymo ku saabsan cidda gar-darran.

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya waxay sheegtay in ciidamada Suudaan oo hubeysan ay kasoo tallaabeen xadka, islamarkaana ay qabsadeen beero, sidoo kalena ay dhaceen hanti.

Afahayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda, Dina Mufti ayaa sheegay in xadgubkaas uu horseeday in dagaal uu ka dhex qarxo xudduudka labada dal inkasta oo ay socdaan wadahadallo lagu xallinayo arrintaas.

Dhinaca kale, Suudaan ayaa dhaleeceysay Itoobiya, waxa ayna sababta xiisadda taagan ku tilmaantay dandaansi ay maleeshiyaad Itoobiyaan ah ka wadaan deegaanka Al-Quraysha oo dhaca bariga.

Wasaaradda arrimaha dibadda Suudaan ayaa ka codsatay beesha caalamka inay soo farageliyaan xaaladda isla markaana ay dhaleeceeyaan ‘koox hubeysan oo kasoo jeedo gobolka Amxaarada’

Iskudhaca labada waddan ee hadda taagan wuxuu ku saabsan yahay dhulka loo yaqaanno Al-Fashaqa, halkaas oo ah meesha uu gobolka Amhara ee waqooyiga-galbeed uga yaalla Itoobiya uu xadka kala wadaago gobolka Gedaref ee dalka Suudaan.

Al-Fashaqa, oo ku fadhida dhul dhan 600 kiilo mitir ayaa ah dhul ku fiican dhanka beeraha. Waxaa marar badan goobtan uu dagaal ku dhexmaray beeraleyda labada dal. Itoobiya iyo Sudan ayaa waxaa u dhaxeeya xuduud aad u dheer kaas oo dhan 750 kiilo mitir.

Toddobaadkan ayay aheyd markii mas’uuliyiinta Suudaan ay sheegeen in 6 qof oo rayid ah ay dileen ciidamo Itoobiyaan kaddib markii ay weerar ku qaadeen halkaas.

Xarun ay lahaayeen Al-Shabaab oo duqeyn lagu burburiyey + Khasaaraha

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Taliska Mareykanka ee Africa ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo ay diyaaradahooda shalay gelinkii dambe ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Baay oo hoostaga maamulka Koonfur Galbeed Somalia.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay taliska Mareykanka ee magaciisa loo soo gaabiyo Africom ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaasi lala beegsaday xarun ay kooxda Al-Shabaab ku laheyd deegaanka Buulo-Falaay oo hoostaga degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Africom ayaa shaacisay in duqeyntan lagu burburiyey dhismaha xarunta Al-Shabaab ee ay beegsadeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka.

Sidoo kale Africom ayaa intaasi ku sii dartay in weerarkan lagu dilay mid ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugnaa halkaasi.

“Duqeynta ka dhacday Buulo fuulaay, waxay muujineysaa go’aankeenna waxayna hoos u dhigeysaa awoodda Al-Shabaab ee hanjabaadda Soomaaliya iyo deriskeeda, waxaan qorsheyneynaa in aysan jirin meel ammaan ah oo ay ku dhuuntaan Al-Shabaab,”.

Ugu dambeyn Africom ayaa hoosta ka xariiqday in weerarkaasi dhanka cirka ah ay kala kaashadeen ciidamada Soomaaliya, islamarkaana aanu jirin khasaare soo gaaray rayidka.

Si kastaba maalmihii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka ee jooga Soomaaliya ayaa kordhoyey howl-gallada milatari ee ay ka wadaan koonfurta dalka.

Dowladda KENYA oo war kasoo saartay weerarkii Al-Shabaab ee Mandheera

0

Nairobi (Caasimada Online) – Booliiska Kenya ayaa faah faahin ka bixiyey weerar ay dagaalyano ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen gaari Bas ah oo ka ambabaxay magaalada Mandera, kuna sii jeeday dhinaca magaalada Nairobi ee caasimada wadankaasi.

Weerarka oo ahaa mid dhabagal ah ayaa waxaa xigay iska hor imaad toos ah oo dhexmaray ciidamada galbinayey gaarigaas iyo raggii weerarka qaaday.

Qoraalka ka soo baxay Booliiska ayaa waxaa lagu sheegay in gaariga ay la socdeen illaa 25 qof, islamarkaana ay dhamaantood nabad qabaan.

Sidoo kale Booliiska ayaa sheegay inay ku raadjoogaan ragga ka dambeeyey oo ay tilmaameen inay ka soo gudbeen xadka Soomaaliya.

“Dhamaan Ciidamada waa ay nabad qabaan iyo dadkii saarnaa Gaariga baska ah, kuwii na soo weeraray waxaa ay u soo gudbeen dhanka xaduudka Soomaaliya waana ku raad joognaa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska Kenya.

Sidoo kale ciidamada Booliiska ayaa intaas ku sii daray “Baska wuxuu ku wajahnaa Takaba. Isaga oo 30 KM dhanka Galbeed kaga beegan boosteejada wuxuu arkay laba gaari oo 500 mitiri u jirta wuxuuna hoos u dhigay xawaaraha baabuurka. Kalkii dambe waxaa rasaas lagu soo furay dhanka darawalka gaariga,”.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro khasaare geysta ka fuliya gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee wadankaasi.

Aqalka Wakiilada dalka Mareykanka oo u codeeyey xil-ka-qaadista TRUMP

Washington (Caasimada Online) – Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa maanta u codeeyey in xilka laga qaado madaxweyne Donald Trump, taasi oo Trump ka dhigeysa madaxweyne ugu horreeyey taariikhda Mareykanka ee laba goor lagu soo oogo dacwad xil-ka-qaadis.

Trump ayaa lagu eedeeyey inuu kiciyey kacdoon rabshadeysan oo ka dhan ah dowladda markii taageerayaashiisa ay Arbacadii, 6-dii Janaayo, si rabshado leh ay ku galeen Aqalka Congress-ka Mareykanka ee Capitol Hill.

Xil-ka-qaadista Trump ayaa waxaa u codeeyey dhammaan xubnaha dimqoraadiga iyo 10 ka mid ah xubnaha Jamhuuriga.

Si kastaba, Trump oo xilka ka degaya 20-ka Janaayo, ayey u egtahay inaan ka hor laga xayuubin doonin, sababtoo ah Aqalka Senate-ka oo ay tahay inuu ansixiyo xil-ka-qaadistan ayaa fasax ku jira wuxuuna soo laaban doonaa 19-ka Janaayo. 

Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Senate-ka, Mitch McConnel oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa diiday baaq kaga yimid dimoqraadiga oo ahaa inuu kulan deg deg ah isugu yeero Senate-ka.

Halka kiis dacwadeed ee xil-ka-qaadista Trump loo cuskadada ayaa ah “hurinta kacdoon rabshadeysan oo ka dhan ah dowladda”, waxaana sal looga dhigay khudbad uu jeediyey kahor inta aanay taageerayaashiisa ku xoomin Capitol Hill-ka. 

Khudbaddaas ayaa Trump wuxuu mar kale ku celiyey beentiisa ah in doorashada la xaday, wuxuuna taageerayaashiisa ugu baaqay inay u u dareeraan Aqalka Congress-ka.

Rabshadihii ka dhacay Capitol Hill-ka ayaa waxaa ku dhintay shan qof oo ay ku jiraan laba sarkaal oo boolis ah.

Xog ka cusub kiiska 15-ka safiir ee dooda qabyaaladeed ka dhex-abuuray G/Wasiirada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in kulanka Khamiislaha ah ee berri ay yeelanayaan golaha wasiirrada xukuumadda

Soomaaliya la hor geyn doono ansixinta 15 safiir oo cusub.

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helnay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in maalinta berri ah, kulanka golaha wasiirrada la horgeyn doono liiska safiirradaas cusub, si ay u ansixiyaan.

Khamiistii la soo dhaafay kulankii golaha wasiirrada waxaa la hor geeyey liiska 12 safiir si loo ansixiyo, balse dib ayaa loogu celiyey wasaaradda arrimaha dibadda oo markii hore soo gudbisay liiskaas.

Wasiirrada qaar, gaar ahaan kuwa soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa dood adag ka keenay in la ansixiyo liiska safiiradaas, iyagoo ku dooday in aan lasoo waafajin nidaamka awood qeybsiga Soomaaliya ee 4.5-ta.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa kulankaas ka go’aamiyey in wasaaradda arrimaha dibaddu dib ula laabato liiska safiiradaas, balse Khamiista berri ayey wasaaraddu golaha hor keeni doontaa liiska 15 xubnood oo safiirro cusub loo sharciyeynayo, sida aan xogta ku helnay.

Magacaabida Safiiradan ayaa ku soo aaday, xilli muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo ay ka dhiman tahay dhowr iyo labaatan cisho, waxaana arrintaan ku geedaaman shaki badan.

Dad badan ayaa qaba in magacaabidda safiirradaan cusub loo adeegsanayo olole siyaasadeed, maadaama xubnaha qaar ee safiirrada loo magacaabayo ay ka yimaadeen qaar ka mid ah dowlad goboleedyada taageersan dowladda federaalka.

Magacaabidan haddii ay dhaqan gasho, waxaa la filayaa inay galaafan doonto safiirro hadda xilal ka haya dalal ay ka mid yihiin Ruushka, Pakistan, Hindiya, Kenya, Mareykanka, Koofurta Sudan, Itoobiya iyo Sudan, kuwaas oo boosaskooda ku weynaya hannaanka awood qeybsiga ee beelaha Soomaaliya.

Illaa 60-cisho ayey ku qaadan kartaa aqbalaadooda dalalka loo dirayo safiirradan cusub.

CC Shakuur oo shaaciyey kharashkii uga soo xarooday taageerayaashiisa + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo bandhigay kharashka ay ugu taba-ruceen dadka taageersan xisbigiisa Wadajir, tan iyo markii uu si toos ah taageerada u weydiistay.

5-tii bishan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo u sharaxan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa iska soo duubay muuqaal uu shacabka ku weydiidanayo inay siiyaan kharash uu ku galo doorashada.

Muuqaal kale oo uu maanta iska soo duubay Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu ku sheegay in lacag dhan 50-kun oo dollar ay soo gaartay, taas oo dadka taageersan ay ku soo shubeen akoonadii iyo lambarradii uu soo bandhigay.

“Tdobaad ka hor ayaan dadka Soomaaliyeed ka codsanay inay na taageeraan, dadka Soomaaliyeed si togan ayey uga jawaabeen baaqeenii, markii aan fiirinay bangiyadii iyo lambaradii waxaa noo soo xarootay lacag dhan $50,000 (Konton kun oo dollar), waan u mahad celineynaa dadkii nagu taageeray lacagtaas,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hoos ka Daawo

Shan qof oo GALGADUUD loogu gaystay dil la xiriira saraakiishii horey loo dilay

0

Balambal (Caasimada Online) – Deegaanka Xersi Lugey oo qiyaastii 7-KM u jira magaalada Balambal ee gobolka Galgaduud, waxaa galabta hal goob lagu dilay shan qof oo shacab ah, iyadoo laba kalena ay soo gaareen dhaawacyo halis ah.

Dadkaas oo ku sugnaa hal guri oo ku yaalla deegaankaas waxaa soo weeraray rag hubeysan, kuwaas rasaas huwiyey guriga ay ku jireen ragaas, waxaana goobta ku geeriyootay shan nin, halka laba kale oo ay soo gaareen dhaawacyo halis ah loola cararay degmada Gurceel.

Magacyada ragga maanta la dilay ayaa kala ah: 1- Gaarane Cawil Samatar, 2- Cabdi Xirsi Carab Kaahiye, 3- Cabdiyare Maxamed Ow Faarax, 4- Cadaawe Xirsi Lugey, 5- Ibnu Calidhere Xirsi Cawaale.

Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle oo falkan ka hadlay ayaa sheegay in dhacdadaan ay daba joogto tii bishii hore lagu laayey saraakiishii ciidanka xoogga dalka.

9-kii bishii hore December ayaa meel aan ka dheereyn goobta maanta lagu dilay dadkan waxaa lagu weeraray saraakiil ka baxday Gurceel oo u socotay Balambal, kuwaas oo laga dilay lix nin, waxaana weerarkaas ka badbaaday seddax kale.

Wasiir Falagle oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ku bexeen goobtii maanta lagu dilay dadkaas, isla markaana ay xooga saarayaan sidii loo soo qaban lahaa raggii geystay falkaas.

Degmada Balambal ee gobolka Galgaduud waxaa ka taagan dagaal beeleed bada dheeraaday, kaas oo u dhaxeeya beelo asal ahaan ka soo kala jeeda magaalooyinka Gurceel iyo Caabudwaaq, kuwaas oo ay ka soo kala jeedeen saraakiishii la laayey bishii hore iyo ragga maanta la dilay.

Hoos ka dhageyso wareysiga wasiir Falagle