26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

FARMAAJO oo billad sharaf gudoonsiiyey shaqaale guul usoo hooyey dalka + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Billad iyo Shahaado sharaf ku maamusay Masuuliyiintii iyo howlwadeennadii ka soo shaqeeyay dib u soo celinta Maamulka Hawada Soomaaliya.

Madaxweynaha oo xubnahaas kula hadlay Villa Somalia ayaa adkeeyay ahmiyadda ay leedahay xaqiijinta madaxbannaanida dalka, dowladnimada iyo sharafka Qarannimadeenna.

Waxa uu sheegay Sooyaalka dalkeenna ay baal dahab ah ka geli doonaan Muwaadin kasta oo door ku lahaa dib u soo celinta Maamulka Hawada Dalkeenna, iyada oo jiilalka dambe ay tilmaansan doonaan shaqadaas waddaniga ah ee ay dalkooda iyo dadkooda u qabteen.

“Soo celinta Maamulka Hawada dalkeenna waxaa ay ahayd arrin aad u adag, madaama welwel badan laga qabay tayada howlwadeennadeenna iyo qalabka aan isticmaaleyno awooddiisa, laakin waxaa fikirkaas beeniyay Masuuliyiinta iyo khuburada Soomaaliyeed ee Duulista Hawada oo muujiyay karti iyo in ay daacad u yihiin masuuliyaddaas Qaran,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha oo guddoonsiiyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Billad sharaf ayaa ku bogaadiyey howlwadeennada Duulista Rayidka sida ay muddo kooban gudohood ugu horseedeen in dalkeennu lagu ammaano dhanka Maamulka iyo Maaraynta Duulista Hawada.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoonsiiyay Shahaado Sharaf dhammaan Halyeeyadii ka soo qeyb qaatay Qorshaha Qaran ee Soocelinta Maamulka Hawada Soomaaliyeed, Howlwadeennada Hay’adda Duulista Rayidka ah iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Dhankooda, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad iyo Maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista Rayidka Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa ka warbixiyay horumarka dalka ee dhanka Duulimaadyada Rayidka ah iyo Amniga Garrommada Diyaaradaha, waxa ayna tilmaameen in Shirkado diyaaradeed oo caalami ah ay ku soo dhiirradeen adeegsiga Hawada Soomaaliya.

Golaha Ammaanka oo kulan deg deg ah ka yeelanaya muranka doorashada Somalia

0

New York (Caasimadda Online) – Magaalada New York waxaa maanta la filayaa inuu ka qabsoomo shir ay xubnaha Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ka yeelanayaan xaaladda Soomaaliya.

Kulankaan looga hadlayo xaaladda ka jirta Soomaaliya oo walaac laga muujino, waxaa ka qeyb galaya wakiilka Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya (James Swan), kaas oo ka warbixin doona xaalad walba oo ku gadaaman dalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha ka taagan doorashooyinka.

James Swan ayaa la filayaa inuu Golaha ku wargeliyo khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka ee la xiriira guddiyada doorashooyinka ee uu dhowaan dhisay Ra’iisul Wasaaruhu ayna diideen mucaaradka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Dhawaan ayey aheyd markii Qaramada Midoobay ay dowladda Soomaaliya ugu baaqday inay wax ka qabato saddex waxyaabood oo ku gudban doorashada dalka, waxaana la filayaa inuu war culus kasoo baxo kaas oo ku saabsan doorashooyinka lagu wado inuu dalka galo.

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay ugu baaqaan dowladda federaalka inay tixgeliso cabashooyinka mucaaradka lanala sameeyo guddi cusub oo lagu heshiiyo oo hirgeliya doorashooyinka.

In ka badan 10 musharax madaxweyne oo ku shiray magaalada caasimada ah ee Muqdisho, ayaa diiday hay’adaha doorashooyinka ee uu dhawaan magacaabay ra’iisul wasaaraha, Maxamed Xuseen Rooble, iyagoo sheegay in aysan dhexdhexaad ahayn.

Musharaxiinta mucaaradka waxey xukuumadda hadda jirta ku eedeeyeen iney saraakiil ciidan, shaqaalaha madaxtooyada iyo taageerayaal dowladda ah ka buuxisay guddiga, taasna aysan sharciga waafaqsaneen.

Si kastaba waxaa la sugi doonaa warka culus ee kasoo bixi doona kulanka ay maanta ku yeelanayaan New York, golaha amniga ee qaramada Midoobay.

Netanyahu oo booqasho ku tegay Sacuudi Carabiya

Riyadh (Caasimadda Online) – Sida ay xaqiijiyeen warbaahinta Israel, Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa safar qarsoodi ah ku tagay dalka Sacuudi Carabiya, xilli aysan labada dhinac midkood shaacin safarkaas, halkaasi oo uu kulan kula qaatay dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salman.

Sida ay werisay warbaahinta Israel, safarka Netanyahu ayaa dhacay maalintii Axadda.

Kulanka ayaa lagu soo waramayaa in looga hadlay xiriirka labada dhinac, xili ay dalalka carabtu ay heshiis nabadeed la galeen Israel oo ay kala dhaxeysay xiisada Falastiin, midaasi oo uu gadaal ka riixayay Donald Trump.

Warar kale ayaa sidoo kale sheegaya in kulanka Netanyahu iyo Maxamed Bin Salmaan uu goob joog ka ahaa xoghayah arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeao.

Inkasta oo aysan jirin warar rasmi ah oo ku aadan kulankaasi oo kasoo baxay labada dhinac, ayaa haddana waxa jira qoraal uu Twitter-ka soo dhigay, la taliyaha Netanyahu (Topaz Luk) oo u muuqday mid uu ku sheegayo in kulan uu dhacay.

Warbaahinta Israel qaarkeed ayaa sheegtay in ujeedka ugu weyn ee kulanka uu ahaa sidii Sacuudiga looga dhaadhacsiin lahaa inay xiriir la yeelato maamulka Yahuuda.

Maamulka Trump ayaa isku dayayay in Sucuudiga uu ka dhaadhiciyo inuu heshiis la galo Israa’iil kaddib markii qaar kamid ah dalalka carabta ay heshiis nabadeed la galeen Israa’iil kaas oo dib loogu soo celinayo xiriirkii kala dhexeeyay.

Dowladda Sacuudiga ayaa laga yaabaa inay kusoo biirto wadamada aqoonsaday Israa’iil maadaama culeys badan ay kala kulmeyso Mareykanka iyo Israel.

XOG: Mucaaradka oo weli shaki badan ka qaba Kheyre iyo sababta ka dambeysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano iyo Senataro ka tirsan labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kalane qeyb ka ah xisbiyada UPD iyo Himilo Qaran oo ay kala hogaamiyaan Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, ayaa wali muujinaya walaac xoog leh oo ay ka qabaan musharax Xasan Cali Kheyre.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa sheegaya in wali xubnaha xisbiyadaan dalbanayaan in Kheyre ooh adda musharax madaxweyne caddeeyo mowqifkiisa ku aadan saaxiibadiisa hore ee Viila Somalia.

Xubnahaan ayaa sheegay in Kheyre uu wali saaxiib la yahay Villa Somalia, gaar ahaan agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya, Fahad Yaasiin iyo Madaxweyne Farmaajo islamarkaana uu yahay dhagax lagu soo dhax tuuray mucaraadka.

Xildhibaanada qaarkood ayaa dalbaday in uusan ka mid noqon midowga musharaxiinta ilaa uu caddeeyo mowqifkiisa halka qaarkoodna ay dalbadeen in aad looga fiirsado.

Tuhunka ayaa sii xoogeystay kadib markii Kheyre khudbaddii uu jeediyey Jimcihii markii uu kusoo laabtay Muqdisho uu ka fogaado inuu si toos ah u dhaliilo madaxweyne Farmaajo ama Fahad Yaasiin.

Waxaa sidoo kale jirta in Kheyre ay diiwaanka ugu jirto inuu 2016-kii isaga oo ka mid ah xubnaha sare ee ololaha Xasan Sheekh, uu haddana si hoose ula shaqeynayey ololaha madaxweyne Farmaajo.

Xasan Cali Kheyre ayaa wajahaya cadaadis badan oo dhanka muacaaradka ah, inkastoo uu ka qeyb galay shirka musharaxiinta, kadib markii uu ka gudbay shuruud lagu xiray oo ahayd inuu raali geliyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

QOOR QOOR oo labo arrin u ballan-qaaday mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay qaar ka mid ah musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada soo socota ee 2020/21.

Kulanka oo ka dhacay guriga uu magaalada Muqdisho ka dagan yahay Qoor Qoor, islamarkaana ay qeyb ka aheyd casho sharaf uu madaxweynaha Galmudug u sameeyey musharraxiinta ayaa waxaa ka qeyb galaya ra’isul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre, madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, hogggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow.

Intiisa badan waxaa kulankan diirada lagu soo saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan marxaladda kala guurka ah ee lagu jiro.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada-hadlay arrimo ku aadan doorashada, siiba muranka ka taagan dhismaha guddiyada doorashooyinka dalka.

Qoor Qoor oo madasha ka hadlay ayaa u ballan qaaday musharraxiinta labo qodob oo kala ah:1-inuu diyaar u yahay inuu qeyb ka noqdo dadaalada lagu xalinayo dooda ka taagan guddiyada doorashada ee heer iyo heer dowlad goboleed intaba.

2-Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa sidoo kale intaasi ku daray inuu waa-waan ka dhex bilaabi doono musharraxxiinta iyo madaxda dowladda dhexe.

Waa kulankii labaad ee ay yeesheen labada dhinac, waxaana dhammaan looga wada-hadlay sidii loo xalin lahaa tabashada ay muujinayaan musharraxiinta mucaaradka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socdo dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xoog leh iyo shirar u dhexeeya hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee dalka.

 

Gobolka Amxaarada oo mar kale gantaalo lagu garaacay iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxa subaxnimadii saaka magaalada Bahirdar ee caasimada gobolka Amxaarada laga maqlay qaraxyo xoogan oo ka dhashay gantaalo lagu soo tuuray, sida ay ku warantay idaacada BBC-da.

Gantaalahaasi oo looga shakisan yahay inay ciidamada TPLF ku garaaceen gobolka Amxaarada, ayaa si weyn looga dareemay jugtooda, iyada oo shacabka ku nool caasimada ku abuurtay argagax hor leh.

Dhawaan ayey aheyd markii sidan oo kale habeenim dhowr gantaal lagu garaacay caasimada gobolka Amxaarada ee Bahirdar, xili uu sii xoogeysanayo dagaalka Tigrayga iyo dowladda federaalka.

Gantaalada ayaa waxa tuuray dagaalyahano ka tirsan maamulka TPLF oo dagaal xoogan kula jira xukuumadda Abiy Axmed, sida ay dhawaan baahisay warbaahinta gobolka Amxaarada.

Weerarka gantaalaha ee lagu qaaday caasimada gobolka Amxaarada ayaa noqonaya midkii saddexaad ee lagu qaado, tan iyo markii uu bilowday dagaalka Itoobiya ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Tigrayga.

Waxa sii xoogeysanaya dagaalkaasi, iyada oo maamulka TPLF uu ka biyo diiday inay isku dhiiban dowladda federaalka Itoobiya, oo xiligan sheegatay inay muddo badan ku qaadaneyn inay qabsato caasimada ismaamulkaasi.

Xukuumadda Itoobiya ayaa guulo waaweyn ka sheegatay dagaalka Tigrayga, iyada oo maalmihii u dambeeyay qabsatay magaalooyin muhiim ah, taasi oo ay ugu dambeysay magaalada Idaga oo 97-km u jirta caasimada Mekelle ee maamulka Tigrayga.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee maamulka Joe Biden oo la shaaciyey

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa la filayaa in la-taliyihiisa muddada fog Antony Blinken uu u magacaabo inuu noqday xoghayaha arrimaha dibedda, sida ay sheegeen saddex qof oo xog-ogaal ah.

Biden ayaa sidoo kale la filayaa inuu Jake Sullivan, oo ka mid ahaa kaaliyayaashii ugu dhowaa Hillary Clinton, u magacaabo la-taliyaha amniga qaranka, sida ay werisay warbaahinta Bloomberg oo soo xiganeysa dad xog ogaal ah.

Labada qof ayaa la filayaa in la magacaabo Talaadada.

Madaxa shaqaalaha Aqalka Cad ee maamulka Biden, Ron Klain ayaa Axaddii sheegay in madaxweynaha la doortay uu Talaadada magacaabi doono qaar ka mid ah golihiisa wasiirada, hase yeeshee waxa uu diiday inuu shaaciyey boosaska.

Sullivan oo 43 jir ah, iyo Blinken oo 58 jir, ayaa labaduba laba xilli oo kala duwan ahaa la-taliyayaasha amniga qaranka ee Biden, intii uu ahaa madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka.

Waaxda Arrimaha Dibedda waa tan ugu sarreysa wasaaradaha Mareykanka, waxaana xoghayaha arrimaha dibedda uu yahay qof haga siyaasadda arrimaha dibedda.

Blinken ayaa ahaan jira ku-xigeenka xog-hayaha arrimaha dibedda, xilligii Obama.

Sidoo kale, la-taliyaha amniga qaranka waa mid ka mid ah jagooyinka ugu muhiimsan uguna awoodda badan Aqalka Cad, wuxuuna hogaamiyaa xubno isugu jira khuburo militari, diblomaasiyiin iyo sirdoon, kuwaas oo hormariya siyaasadda arrimaha dibedda iyo militariga.

Mahad Salaad oo Rooble ka dalbaday inuu iska bari yeelo odayaal ‘gef gaystay’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu ku dhaleeceeyey Ra’iisul wasaare Rooble, isagoo ku eedeynaya hadal ay dhawaan jeediyeen odayaal u muuqday inay taageero u yihiin xukuumadiisa.

Mahad Salaad ayaa sheegay in odayaashaas laga soo abaabulay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Muqdisho, isagoo sheegay in hadalkoodii aan laga faa’iideyn wax aan ceeb iyo foolxumo aheyn, sida uu hadalka u dhigay.

“Odoyaasha Gaalkacyo iyo Xamar laga abaabulay ee hadalada xanafta iyo dhega-hadalka ah warbaahinta la soo fariistay ceeb iyo foolxumo in ay soo jiido mooyee faa’iido lagu gaari maayo. Dalkaan Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaare waa soo lahaan jiray sidaana qaraabadoodu uma qabyaalad hadli jirin,” ayuu yiri.

Mahad Salaad ayaa sidoo kale ra’iisul wasaaraha ugu baaqay in hadii uu wax ka ogaa hadalkii ay jeediyeen odayaashaas uu raali gelin ka bixiyo, hadii kalena uu iska beri-yeelo.

“Mudane Ra’iisul Wasaare hadii ogaalkaa arintaan lagu sameeyay waxaan codsanayaa dadka loo gafay in aad raali gelin siiso. Hadii aadan waxaba ka ogeyna sharaftaada ayaa meel looga dhacay ee fadlan iska fogeey,” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Hoos ka Daawo hadalka uu dhibsaday Mahad Salaad

Culimada Soomaaliyeed oo 6 qodob kasoo saaray muranka ka taagan doorashada (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaanka hey’adda culumada Soomaaliyeed ayaa war-saxaafdeed ka soo saaray ismaan dhaafka siyaasadeed ee dalka ka jira, kaas oo salka ku haya hanaanka loo fulinayo heshiiskii dhawaan laga gaaray nooca ay noqoneyso doorashada Soomaaliya ee 2021-ka.

Qoraalka culumadda oo ka kooban todoba qodob ayaa waxaa ku saxiixan seddax Sheekh oo kala ah, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Sheekh Yuusuf Cali Ceynte iyo Sheekh Shariif Maxamed Cumar, waxaana baaq loogu jeediyey dhinacyada isku haya arrimaha siyaasadda iyo doorashada dalka.

Qoraalka culumada qodobkiisa koowaad ayaa siyaasiyiinta ugu baaqaya inay u turaan dadka iyo dalka ay hoggaanka u yihiin, isla markaana ka fogaadaan wax kasta oo culeys ku keeni kara walaaltinimada iyo jiritaankooda.

“Waxaan u soo jeedineynaa dhinacyada kala duwan in wixii khilaaf ah ay ku xaliyaan wadahadal, walaalnimo iyo isu tanaasul,” ayaa lagu yiri bayaanka culumada.

Dhamaan hey’ada ay khuseyso ayey u soo jeediyeen inay qabtaan doorasho xor iyo xalaal ah, iyadoo lagu dul shaqeynayo heshiiskii ay madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ka gaareen arrimaha doorashada.

Sidoo kale xukuumadda federaalka ayey u soo jeediyeen inay dhigto gogol, isla markaana ay gar-wadeen ka noqoto wadahadllo lagu turxaan bixinayo khilaafka ka dhashay doorashada dalka.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhinacyada kala duwan inay joojiyaan hadallada xanafta leh iyo wax kasta oo hurin kara xaaladda dalka, abuuri karana qalalaase siyaasdeed” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka culumada.

Hoos ka akhrso bayaanka culumada

Abiy Axmed oo 72 saac u qabtay hoggaanka TPLF inay isku soo dhiibaan

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa Axaddii maalmo kooban u qabtay madaxda iyo ciidamada Tigrayga inay iskugu soo dhiibaan ciidamada dowladda federaalka, kuwaasi oo uu sheegay inay ku wajahan yihiin magaalada Mekelle ee caasimada Tigrayga.

Abiy ayaa madaxda Tigrayga iyo ciidamadooda u qabtay muddo saddex maalin ah (72-saac), kadib markii ciidamadiisu ay shalay la wareegen magaalada Idaga oo 97-km u jirta caasimada Mekelle ee maamulkaasi.

Waxa kale oo uu sheegay in hogaanka maylka adag ee Tigrayga ay marayaan meel aan marnaba laga soo noqon karin, isla markaana ay xiligan u furan tahay inay si nabad-gelyo ah isugu soo dhiibaan dowladda federaalka.

Abiy ayaa dadka ku nool magaalada Mekelle ee caasimada ismaamulka Tigrayga ugu baaqay inay garab istaagan oo taageeran ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira madaxda maamulkaasi.

Arrintan ayaa imaneysa xili lasoo warinayo in ciidamada Tigrayga ay ka biyo diideen inay is dhiiban, isla markaana ay sii wadayaan dagaalka ay ku jiraan ciidamada millateriga Itoobiya.

Xukuumadda Itoobiya ayaa sidoo kale shalay sheegtay in ciidamadeedu ay magaalada Idaga Hamus ka qabsadeen xoogaga u daacad ah xukuumadda gobolka Tigrayga, kadib dagaal culus oo halkaasi ka dhacay.

Qoraal ka soo baxay guddiga xaaladaha deg-dega ayaa shalay lagu sheegay in magaalada oo ku taala halka laga galo magaalada Mekelle ee xarunta tigreega ay gacanta ciidanka gashay.

Ciidanka Itoobiya ayaa afartii cisho ee ugu dambeysay qabsaday magaalooyin muhiim ah oo ay ka mid yihiin Shire, Axum, Adwa, Adigrat iyo Idaga Hamus.

Maamulka Tigray ayaa sheegay in dad rayid ah lagu laayey dagaalka ka dhacay magaaladaas laakiin faahfaahin intaa dheer may bixin. Madaama oo telefoonnadii iyo internet-kiiba go’an yihiin way adagtahay in la xaqiijiyo wararkaas.

Midowga Afrika aya sheegay inuu ergo dirayo, waxaana isa soo taraya baaqyada Qaramada Midoobay ee xabbad joojinta ah si loo helo marino gargaarka aadamenimo la mariyo, iyada oo midaasi xukuumada Abiy ka dhago adeygayso.

Guddiyada doorashada ee Muqdisho ku kulansan oo doortay hoggaan KMG ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdullaahi Abyan Nuur iyo Yuusuf Maxamed Khayr ayaa loo doortay in ay si ku-meel gaar guddoomiyeyaal uga noqdaan guddiga xallinta khilaafaadka iyo guddiga doorashooyinka heer federaal.

Labadan mas’uul oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa hore xilal kala duwan uga soo qabtay dowladihii ku-meel gaarka ahaa iyaga oo xilliya kala duwan ahaa xildhibaanno heer federaal ah.

Cabdullaahi Abyan Nuur oo ah ninka ugu da’da wayn guddigan ayaa hore u ahaa wasiirkii caddaaladda iyo arrimaha diinta ee xukuumadihii madaxweyneyaasha Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana loo doortay guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee guddiga xalinta khilaafaadka.

Yuusu Maxamed Khayr, oo loo doortay guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee guddiga doorashooyinka heer federal, wuxuu laba jeer soo noqday wasiir ku-xigeen, guddoomiyaha gobolka Bakool iyo xubin ka tirsan guddigii fulinta ee ururukii RRA.

Tababarka guddiyada doorashooyinka ee heer federaal ayaa shalaygalay maalinkii labaad iyada oo uu si rasmi ah u furay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Khamiista soo socoto la qabanayo doorashada guddoonka labada guddi oo ay wali ka maqan yihiin xubnaha Puntland iyo Jubaland.

Tirada guddiga doorashooyinka ee Muqdisho ku sugan waa 20 halka guddiga xallinta khilaafaadka ay yihiin 17 qof. Xubnahan ayaa haysta kooram ku filan oo ay doorasho ku galaan balse lama hubo tallaabada ay qaadi doonaan Jubaland iyo Puntland haddii la gaaro go’aano aysan qeyb ka ahayn.

Cabdi Xaashi, Maareeye iyo Ibraahim Iidle oo ku biiray SHIRKA musharraxiinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullahi, guddoomiyihii hore maxkamadda sare, Ibraahim Iidle Suleymaan iyo wasiirkii hore warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ku biiray shirka musharraxiinta oo galay maalintii 3-aad.

Shirka oo lagu waday in maanta la soo gaba-gabeeyo ayaa dib loo dhigay, waxaana la soo xiri doonaa maalinta beri ah oo laga so saari doono war-murtiyeed.

Cabdi Xaashi, Ibraahim Iidle iyo Maareeye ayaa shirka siin doono warbixin ku aadan khilaafka ka taagan doorashada, gaar ahaan guddiyada doorashooyinka dalka.

Wararka ayaa sheegaya in si gaar ah ay mas’uuliyiintan uga hadli doonaan muranka ka taagan guddiyada doorashada ee gobollada waqooyi ku metalaya doorashada.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa horey wada-tashiyo gaar ah ula yeeshay ururada bulshada rayidka yo culimada, si ay doorashadu u noqoto wada-ogol.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan mareyso meel xasaasi ah, waxaana meel aad u fog kala joogo hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo madaxda dowladda dhexe.

Wararkii ugu dambeeyey ee shirka u socda musharaxiinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka socda shirka wada-tashiga musharraxiinta oo galay maalintiisii 3-aad.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya illaa 14 musharrax oo u taagan xilka madaxweynaha, kana qeyb-galaya tartanka doorashada ee 2020/21.

Wararka ayaa sheegaya in shirka lagu daray maalin dheeri ah, islamarkaana la soo xiri doono beri oo Talaado ah, iyada oo la filayo in laga soo saaro war-murtiyeed & go’aano la xiriira waxyaabaha laga wada-hadlay.

Saxaafadda ayaa sidoo kale loo diiday inay galaan hoolka, waaana kulanka maanta uu yahay mid ka duwan kuwii hore ee ay yeesheen musharraxiintu.

Intiisa badan waxaa shirkan diirada lagu saaray doorashada soo socota, gaar ahaan muranka ka taagan dhismaha guddiyada ka shaqeynaya doorashadaasi.

Musharraxiinta ayaa walaac xoogan ka muujinayo guddiyadaasi oo ay dhowaan ku dhowaaqday xukuumadda Soomaaliya, iyaga oo dalbanaya in is-bedal lagu sameeyo.

Sidoo kale waxaa la filayaa in shirweynahan uu maanta ku biiro guddoomiyaha golaha aqalka sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi oo si weyn uga soo horjeedo, sida ay wax wado xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale musharraxiintu ay wada-tashiyo gaar ah la yeesheen ururada bulshada rayidka ah iyo culimada u diinka, si ay doorashadu u naqato wada-ogol.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan mareyso meel xasaasi ah, waxaana meel aad u fog kala joogo hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo madaxda dowladda dhexe.

Dad ku dhintay dabeylo ku dhuftay bariga PUNTLAND

0

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii la soo dhaafay deegaanada Puntland ka da’ay roobab dabeylo wata oo ku dhufay xeebaha ku yaalla maamulkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dabeylahaasi oo horey looga digay ay geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan shan ruux oo kalluumeysato ahaa ayaa ku dhintay roobabka ka da’ay xeebaha maamulka Puntland, gaar ahaan gobolka Bari.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa shaaciyey in kalluumeysatada geeriyootay ay la rogmatay doonidii ay saarnaayeen, xilli ay ka jalaabayeen xeebaha maamulkaasi.

Guddoomiyaha gobolka Karkaar oo la hadlay warbaahinta ayaa sidoo kale sheegay in haatan ay socdaan gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeeladu soo gaartay.

Sidoo kale wuuxuu ugu baaqay dadka shacabka ah ee degan agaarka xeebaha inay muujiyaan feejignaan dheeri ah.

“Degmada Xaafuun waxaa ka da’ay Roob Dabayla wata oo aan ka dignay maalmihii lasoo dhaafay, xaaladdu ma wanaagsano, maadaama isgaarsiintu aan la heli Karin, balse baadi-goob ayaa socda si gurmad loo gaarsiiyo dadka halkaas ku sugan ay u nugul yihiin Roobabka laga digay,” ayuu yiri waxaa yiri guddoomiyaha gobolka Karkaar.

Shalay ayey aheyd markii ay digniin ku aadan dabeylahan soo saartay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo farriin u dirtay dadka degan xeebaha Puntland.

Xog: Xiisadii kala dhalatay tegista Cali Guudlaawe ee Beledweyne oo la xaliyey

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku guuleystay xalinta xiisad beryahan dambe ka taagneyd gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, taas oo ka dhalatay tegista safar uu magaaladaasi dhowaan ku gaarayo madaxweynaha cusub ee maamulka HirShabelle, Cali Cabdulaahi Xuseen (Guudlaawe).

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan iyo taliyaha nabad sugida gobolkaasi Colaad Cabdullahi Dalabey ayaa booqasho ku tegay deegaanka Ceelgaal oo ku yaalla duleedka Beledweyne, halkaas oo ay isku aruusanayeen maleeshiyaad iyo saraakiil hore oo ka soo horjeeday, sida loo wajahay dhisida maamulka HirShabelle.

Labada dhinaca oo kulan yeeshay ayaa ka wada-hadlay, sidii meesha looga saari lahaa xiisadaasi, islamarkaana looga shaqeyn lahaa horumarinta HirShabelle.

Saraakiisha gadoodka waday ee kulanka ka qeyb-galaya ayaa waxaa hoggaaminayey sarkaal lagu magacaabo Janaraal Abuukar Xuud oo ka mid ahaa musharaxiintii ka hartay tartanka doorashadii dhowaan ka dhacday gudaha magaalada Jowhar.

Ilo ku dhow kulankaasi ayaa Caasimada Online u sheegay inay labada dhinac isku afgarteen in laga wada-shaqeeyo nabadda, wada-hadalna lagu dhameeyo arrinta.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in saraakiisha iyo maleeshiyaadka hubeysan ee abaabulka ka waday Ceelgaal lagu soo celiyey Beledweyne, halkaas oo ay kula kulmi doonaan madaxda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Si kastaba saacadaha soo socdo ayaa waxaa la filayaa in gobolka Hiiraan uu gaaro madaxweyne Guudlaawe waxaana kaga sii horreeyey ku xigeenkiisa Dabageed.

SOMALILAND oo Masar u jeedisay eedeyn la xiriirta dagaalka gobolka Tigray

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxa weli laga deyrinaya xaalada Itoobiya oo toddobaadyadii u dambeeyay uu ka socday dagaal xoogan oo u dhaxeeya maamulka Tigreyga iyo dowladda federaalka dalkaasi ee uu hogaamiyo ra’iisal wasaare Abiy Axmed.

Dagaalka Tigreyga iyo xukuumada Abiy Axmed ayaa sii xoogeysanaya, iyada oo ay soo baxayaan inuu dal kale gacan ka geysanayo dagaalkaasi, sida uu sheegay guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan.

Guddoomiye Saleebaan oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dagaalkaasi ay qeyb ku leedahay xukuumadda Masar, taasi oo uu sheegay inay ugu soo gabaneyso Sudan oo xad ay wadaagan dalka Itoobiya.

Saleebaan ayaa sidoo kale xusay in dagaalkaasi uu saameyn xoogan ku yeelanayo gobolka, haddii uu kasii daro dagaalka ka socda Itoobiya ee u dhaxeeya maamulka maylka adag ee Tigreyga iyo dowladda federaalka ee dalkaasi.

Waxa kale oo uu ka digay in xiisada dagaalkaasi lasii huriyo, isagoona soo jeediyay in xal nabadeeda lagu dhameeyo dagaalkaasi oo toddobaadyadii u dambeeyay ka holcayay Itoobiya.

Hadalkan ayaa imanaya xili uu soo baxayo tuhun la xiriira in dagaalkaasi ay qeyb ka tahay dowladda Masar oo xiisad xoogan kala dhaxeyso Itoobiya, taasi oo ku qotomta biyo xireenkeeda webiga Nile-ka.

Si kastaba, dagaalka maamulka Tigreyga iyo xukuumadda Abiy Axmed ayaa u muuqda mid kasii daraya, xili ay beesha caalamka ku baaqday in labada dhinac ay iskugu yimaadan miiska wada-hadalka, hase yeeshe ay ka madax adeygayso dowladda federaalka oo u aragta in madaxda TPLF ay awood is-bideen.

R/W ROOBLE oo kulamo ka wada Baydhaba + Sawirro

0

Bayddhabo ( Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xalay ku hoyday magaalada Baydhabo ayaa kulamo kala duwan ka bilaabay gudaha magaaladaasi, kuwaas oo looga hadlayo xaaladda dalka.

Rooble ayaa si gaar ah kulan ula qaatay golaha wasiirada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana goobjoog ahaa xubno ka mid ah golihiisa wasiirada.

Kulankan oo uu wax ka guddoomiyey madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa waxaa looga hadlay arrimo la xiriira wada-shaqeynta Koonfur Galbeed & dowladda dhexe.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday muhiimada ay leedahay isku xirka hay’adaha maamulkaasi iyo kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

“Waxaan idinku boorrinayaa in aad wadashaqeyn wanaagsan yeelataan, iskana kaashataan howllaha muhiimka u ah dadka aad matashaan iyo tan guud ee Qaranka Soomaaliyeed. Sidoo kale waa in la xoojiyaa wada shaqeynta heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale ra’iisul wasaaraha ayaa la kulmay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka magaalada Baydhabo oo uu kala hadlay xaaladda dalka iyo doorashooyinka.

Ing. Rooble ayaa kula dar-daarmay inay qaataa doorkooda ku aadan taageerada dowladda iyo nabad-gelyada, si dalka uu uga gudbo marxalada kala guurka ah.

Waa safarkiisii ugu horreeyey ee uu Rooble ku tegay magaalada Baydhabo, tan iyo markii loo magacaabay ra’iisul wasaaraha bishii September ee sanadkan 2020-ka.

Xog: Cabdi Xaashi oo ku biiraya shirka ka socdo Muqdisho ee mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa lagu wadaa in maanta uu ku biiro shirka madaxda mucaaradka uga socdo magaalada Muqdisho.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in madaxda shirkaas ka qeyb galeyso ay casuumeen guddoomiye Cabdi Xaashi, oo la arko mas’uulka kale ee ka mid ah xubnaha sare ee dowladda ee dhex-dhexaadka ka ah arrimaha doorashada, islamarkaana uu ka aqbalay.

Haddii Cabdi Xaashi ku biiro shirkaan ayaa loo arkaa wax weyn oo badali kara dareenka beesha caalamka iyo in badan oo kamid ah oo shacabka Soomaaliyeed, maadaama sumcad badan uu dalka ku dhex leeyahay.

Cabdi Xaashi ayaa dhowr jeer muujiyay qeyla dhaan uu ka qabo sida ay dowladda Soomaaliya u soo magacaawday guddiga doorashada ee gobalada waqooyi, wuxuuna magacaabay guddi lid ku ah kan dowladda.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa habeen hore magacaabay guddi kale iyadoo hore xukuumada u magacaawday guddi kale oo hore u jiray.

Shirka ayaa waxaa shalay ku biiray ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo qeyb weyn ka ah doorashada Soomaaliya, ahna xubno ay si weyn u dhageysato beesha caalamka.

Sidoo kale shirkaan ayaa waxa ku biiray odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed waxeyna arrintaas sii kordhin doontaa culeyska saaran madaxda dowladda Soomaaliya ee ah inay wax ka beddelaan guddiyada doorashada eel aga horyimid.

Dhinacyada kusii biiraya shirka ayaa la rumeysan yahay inay cadaadiska ku kordhin doonaan dowladda.

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Tigray oo xaalad cusub ay kusoo korortay

Addis Ababa (Caasimadda Online) – Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeedu maanta ay magaalada  Idaga Hamus ka qabsadeen xoogaga u daacad ah xukuumadda gobolka Tigreyga  kadib dagaal culus oo halkaasi ka dhacay.

Qoraal ka soo baxay guddiga xaaladaha deg-dega ayaa lagu sheegay in magaalada oo ku taala halka laga galo magaalada Mekelle ee xarunta tigreega ay gacanta ciidanka gashay.

Idaga Hamus oo ah Magaalada ay ciidamada Dowladda Itoobiya la wareegeen  ayaa waxay 97km u jirtaa Magaalada Mekelle ee caasumada ismaamulka tigreega .

Ciidanka Itoobiya ayaa seddexdii cisho ee ugu dambeysay qabsaday magaalooyin muhiim ah oo ay ka mid yihiin Shire, Axum, Adwa iyo  Adigrat.

Maamulka Tigray ayaa sheegay in dad rayid ah lagu laayey dagaalka ka dhacay magaaladaas laakiin faahfaahin intaa dheer may bixin.

Madaama oo telefoonnadii iyo internet-kiiba go’an yihiin way adagtahay in la xaqiijiyo wararkaas. Midowga Afrika aya sheegay inuu ergo dirayo, waxaana isa soo taraya baaqyada Qaramada Midoobay ee xabbad joojinta ah si loo helo marino gargaarka aadamenimo la mariyo.

Laakiin warfidiyeenku waxay sheegayaan in xukuumadda ra’isal wasaare Abiy Axmed aanay waxba ka soo qaadin dedaalkaa dhexdhexaadinta ah oo aad mooddo iney ka go’an tahay in dagaalku sii socdo.

Dhanka kale Jimcihii dowladda waxay sheegtay inay ciidamadeeda la wareegeen magaalooyiinka Aksum iyo Adwa.

Dowladda ayaa sheegtay in xooggagii kula dagaalamayay magaalooyiinkaasi “ay is dhiibeen”.

Magaalada Aksum ayaa ah mid ka mid ah magaalooyiinka ugu waawayn gobolka Tigrey, halka magaaalada buuraleyda ah ee Adwa sidoo kale lagu tilmaamay magaalo istaraatiji ahaan muhiim ah.

Horraantii toddobaadkan ciidamada dowladda dhexe waxay la wareegeen magaalooyiinka Shire iyo Raya.

Musharaxiinta ku shirsan Muqdisho oo dalab culus u diray A/Madoobe iyo Deni

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee maalintii labaad ku shirsan magaalada Muqdisho ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay codsi ugu direen madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland.

War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in baaritaan ay sameeyeen musharaxiintu ay ku ogaadeen in xubnaha guddiga doorashada ee heer federaal kuwooda ka yimid Jubbaland iyo Puntland ay ku jiraan xubno ka tirsan shaqaalaha rayid ah ee maamulladaas.

Musharaxiinta ayaa ka codsaday madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland inay dib u eegis ku sameeyaan, oo ay soo bedelaan xubnaha ka tirsan shaqaalaha rayidka ah ee ku jira labada guddi.

“Waxaan mar kale ku celineynaa in magaxcaabista guddiyada la waafajiyo heshiisyadii doorashada ee horay loo gaaray, dastuurka Jamhuuriyadda iyo sharuucda kale ee dalka, si loo helo doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu kalsoonyahay” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Illa 14 Musharax ayaa ku saxiixan qoraalkan dalabka loogu diray madaxda Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo maalinkii labaad shir ku yeeshay magalada Muqdisho, waxayna ka wada-hadlayaan arrimaha doorashada iyo sidii ay wax uga bedeli lahaayeen hanaanka loo maamulayo haatan, oo aysan ku qanacsaneyn.

Isniinta berri ah ayaa la filayaa inay ka soo saaran war-murtiyeed dhameystiran oo ay ku cadeynayaan mowqifkooda ku aadan doorashada iyo tabashada ay ka qabaan habka ay wax u wado Villa Somalia, iyagoo horay u balan qaaday inuu ka soo yeeri doono go’aan ay ku mideysanyihiin.

Hoos ka akhriso qoraalka