Sanca (Caasimada online)-Dowladdaa Sacuudiga ayaa war kasoo saartay duqeyn ka dhacday dalka Yemen oo ay ku dhinteen dad badan oo Soomaaliyeed oo dooni saarnaa.
Maj. Gen. Ahmed Al-Assiri oo ah Afhayeenka Ciidamada Isbaheysiga uu Sucuudigu hoggaamiyo ayaa sheegay in Weerarkaasi aysan geysan diyaaradahooda ,islamarkaana ay geysteen Xuutiyiinta.
Waxaa uu sheegay in goobta dadkaasi lagu dilay aysan Weeraro ka fulin Diyaaradaha Sucuudiga ,laakiin ay ku tuhun san yihiin in ay ka dambeeyeen Kooxaha Xuutiyiinta dalka Yemen.
Kooxaha Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa dhankooda xusay in aysan haysanin diyaarado Gantaalo rida ,dadkaasi masaakiinta ah in ay laayeen Ciidamada Sucuudiga.
Mucaaradka Xuutiyiinta Yemen ayaa ku eedeeyey isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo inay fuliyeen weerarka.
Wakiilo ka socda ururka socdaalka adduunka ee IOM ayaa sheegay in qiyaastii 80 qaxooti ah la soo badbaadiyey, islamarkaana loo qaaday magaalada Xudeyda.
42 qof oo qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa la dilay markii diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ay ku weerartay doon ay saarnaayeen xeebaha dalka Yemen.