Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa meel gabagabo ah marayo magacaabista golaha wasiirada iyadoo uu aad ugu mashquulsan yahay Ra’iulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre kala doorashada shaqsiyaadka soo socoday golaha wasiirada.
Haddaba caasimadda Online ayaa heshay xog muujineyso sida Maamul Goboleedyada dalka loogu qeybisayay wasiirada ugu muhiisan dowladda.
Xogtaan ayaan ka helnay dad aad ugu dhaw dhaw xafiiska Ra’isulwasaaraha, waxayna arrintaan qaadatay muddo badan waxaana lagu sheegay inay tahay midda sababta weyn u ah inay dhawr jeer dib u dhacdo magacaabista golaha wasiirada.
Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu dhawaan safar dibadda ah u baxo isagoo ka qeyb geli doono kulanka ay dowladaha IGAD ku yeelan doonaan Kenya kaasoo looga hadli doono arrimaha xaqootiga Kenya ee Soomaaliya, waxaana la filayaa in golaha wasiirada lagu dhawaaqo ka hor inta uusan madaxweynaha safarkaas u bixin.
Haddaba halkaan hoose ka aqriso qaabka maamul Goboleedyada dalka loogu qeybiyey wasiirada ugu muhiimsan ee xukuumadda Kheyre
– Puntland: Wasiirka Difaaca
– Koofur Galbeed: Arrimaha Dibadda
– Somaliland: Wasiirka Maaliyadda
– Jubbaland: Amniga
– Galmudug: Arrimaha Gudaha
– Hirshabelle: waxaa la filayaa in la siiyo Ra’isulwasaare ku xigeyn iyo wasiir.
Illo wareedyo rasmi ah ayaa Caasimadda u xaqiijiyey in wasiirka la siin doono Hirshabelle uu noqon doono wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha haddii aysan sheekada wax iska badalin maalmaha soo socdo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]