25.6 C
Mogadishu
Friday, June 20, 2025

Xog: Xafiiska Kheyre oo ay yaalaan codsiyada 300 oo musharax balse shurrudo adag oo lagu xiray

Muqdisho (Caasimada Online ) – Waxaa wali Villa Somalia ka socda buuxinta feylalka Musharaxiin u taagan kamid noqoshada Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia ee dhawaan la filaayo in lagu dhawaaqo.

Musharaxiinta u taagan xilalka Wasaaradaha ayaa gudbinaaya feylalkooda, sida laga soo xigtay ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’isul wasaaraha Xasan Kheyre.

Madaxweynaha Somalia Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa Diiwaan galinta iyo uruurinta feylalka u magacaabay Mas’uul qarsoon oo shaqadiisu ay tahay qaadista Cadeymaha Tariikhda Shaqo iyo CV-yada xil doonayaasha doonaaya inay ka mid noqdaan Golaha Wasiiradda ee lagu dhawaaqi doono.

Mas’uulka loo magacaabay diiwaan galinta iyo uruurinta feylalka ayaa sidoo kale xaqiijinaaya CV-yada Musharaxiinta isagoo arrintaasi kala kaashanaaya dad ku dhow dhow Musharaxiinta jaga doonka ah.

Ilo wareedka aan xogtaani la wadaagnay ayaa xaqiijiyay in qabiil kasta loo sameeyey Khaanad lagu rido Codsiyada Musharaxa ay usoo camaamadeen ee la doonaayo inuu kamid noqdo Golaha Wasiirada Xukuumada cusub.

Qaar kamid ah Musharaxiinta ayaa aad u dhaliilay Hanaanka cusub ee Villa Somalia ay kusoo xuleyso Wasiirada cusub, waxa ayna qabaan inaan la shideyn Musharaxiinta isla markaana loo fududeeyo aqbalaadooda.

Sidoo kale, Musharaxiinta ilaa iyo hadda gudbisay feylalkooda ayaa la xaqiijiyay inay gaarayaan ilaa 300-Murashax oo dooneysa inay iska dhex aragto Liiska Golaha Wasiirada, waxa ayna tani jahwareer galisay Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isul wasaare Kheyre oo iyagu kala xulanaaya xubnaha.

Musharaxiinta gudbisay Codsiyadooda ee gaaraya 300-Murashax ayaa sidoo kale laga doonayaa inay kasoo dhexbaxaan ugu badnaa 30 Wasiir, waxaana xusid mudan in Wasiirada cusub ay kamid noqon doonaan beelo dhowr ah oo aan horay u muuqan.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo ayaa si cad u diiday in Xukuumada cusub lagu soo darro Siyaasiyiinta lagu tuhmaayo Danbiyada Qaran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Hal arrin oo keeni karto inay si fiican isku fahmaan Farmaajo iyo Dowladda Turkiga!

Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa maamulka siyaasadda Dalka Soomaliya la wareegay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ah shaqsi ay ku dheer tahay wadaniyada sida laga arkay lixdii bilood oo uu ahaa Ra’isulwasaaraha Soomaaliya.

Haddaba dowladdii waqtigeeda dhamaaday ee Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xiriir fiican la laheyd dowladda Turkiga oo la aaminsan yahay inay tahay dowladda kaliya ee si daacad ah ugu gurmatay umadda Soomaaliyeed intii ay ku jireyn abaaraha sidoo kalana waxay dayactir ku sameysay jidadka ugu muhiimsanaa magaalada Muqdisho oo ku burburay dagaaladii sokeeyey.

Haddaba waayihii dambe waxaa sii xumaanayey xiriirka ka dhaxeeyey dowladdii Xasan Shiikh iyo dowladda Turkiga markii ay Soomaaliya soo gashay dowladda Imaaraadka carabta taasoo dhawr jeer dowladii Xasan ka cosaday in la siiyo mashariicda dalka lagana saaro Soomaaliya dowladda Turkiga.

Madaxweynihii waqtigiisa dhamaaday ayaa arrintaas su’aalo geliyey maadama uu ogyahay waxyaabaha ay Turkiga u qabatay Soomaaliya, wuxuuna si dhex dhexaadnimo ah ugu sheegay inuu siin doono qaar kamid ah mashaariicda dalka isagoo ku wareejiyey dayactirka madaxtooyada iyo masaajidka Isbaheysiga ee Sayidka ku yaal.

Wixii markaas ka dambeey dowladda Imaaraadka ayaa ka shaqeenayey sidii ay u hagar daameyn laheyd mashariicda Turkiga ka waday Soomaaliya halka Turkiga ay imaaraadka u aragtay inay cabaqad ku tahay mashariicda ay SOomaaliya ka wado.

Haddaba dowladda cusub ee Soomaaliya iyo xiriirka Imaaraadka Carabta ayaa aad u xumaaday tan iyo markii uu madaxweyne Farmaajo ka hor imaaday heshiiskii ay Imaaraadka la gashay Somaliland si ay Saldhig Militari uga sameystaan.

Haddaba dadka falanqeeyo siyaasadda Soomaaliya ayaa qabo haddii uu sidaan sii ahaado xiriirka dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka inay jaanis weyn u tahay Turkiga isla markaasna ay keeni karto inay dib u bilawdaan mashaariicda ay ka waday Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa hadda gacanta ku heyso Dakadda iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho waxayna saami ku leeyihiin daqliga kasoo baxo waxayna meelahaas ka sameysay dayactir iyo horumarin aad loogu riyaaqay.

Midda kaliya ee keeni karto in Farmaajo iyo Turkiga si fiican u wada shaqeeyaan ayaa lagu sheegay inay tahay in Dowladda Imaaraadka laga joojiyo mashaariicda ay dalka ka wado maadaama ay bilawday inay ka shaqeyso waxyaabo dhibaato ku ah dowladda Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa bilaabay inuu heshiisyo la galo maamul Goboleedyada dalka ka jiro waxaana hadda ugu dambeysay heshiiskii ay Puntland la gashay taasoo keentay in lagu wareejiyo maamulka Dakadda Boosaaso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Axmed Cali Hilowle (Axmed Shariif) oo ku Dhawaaqay in uu yahay Musharax u Taagan Madaxweynaha Galmudug.

Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay Munaasabad Balaaran oo ku saabsan soo Bandhigida Musharaxnimada Madaxweynaha Galmudug Axmed Cali Hilowle (Axmed Shariif) waxaana Munaasbadaas ka soo qayb galey Xildhibaanada Dowlada Federaalka, Kuwa Galmudug, Siyaasiyiin, Odoyaasha Dhaqanka , Haween iyo Dhalinyaro.

Ugu Horeyn waxaa Munaasbadaas ka hadley Gudoomiyaha Gudiga  qabanqaabada Munaasabada waxaana uu sheegey in Muddo dheer  la qorsheynayey in Axmed Shariif uu ka mid  noqdo Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Galmudug ka dib markii ay isku raaceen Musharaxnimadiisa Bulshada Ku nool  deegaanada Maamulka Galmudug.

Madaxweyne kuxigeenkii Horey  eee Ximan iyo Xeeb Cabdi Kuus Suldaan Axmed Nuur  oo isna ka hadley Munaasbadaas ayaa waxaa uu yiri “marka hore waxaan u Mahadcelinayaa Xildhibaanada Baarlamanka Galmudug  sida Geesinimada Leh ee ay u badbaadiyeen Maamulka Galmudug marka Xigta Maamulkii hore waxaan u dooraney arrimo Fara badan oo ay ugu horeyso Dib u heshiisiinta, Nabadgelyada, Horumarinta iyo dib u soo celinta Kaabayaasha Dhaqaalaha  Dhamaan arrimahaas waxba lagama qaban sidaa darteed  waxaan Axmed Shariif uga fadhinaa in uu Dhamaan Baahiyahaas uu wax ka qabto ”

Farxiya Cabdulaahi Shiikhdoon oo ka tirsan Xilldhibaanada Maamulka GalMudug oo iyana Goobta ka hadashey ayaa  u soo jeedisey Qaybaha kala duwan ee Bulshada in ay deg deg ugu Gurmadaan Dadka dhibaatada ka soo gaartey Abaaraha, iyadoo sheegtey in ay soo dhaweyneyso Musharaxnimada Axmed Shariif

Waxaa kale oo Munasabadaas ka hadley Suldaan Bayle iyo Imaam Cabdulaahi Khaliif Rooble   oo ku hadlayey Magaca Odoyaasha Dhaqanka waxaa ay  sheegeen in Dhibaato ay ka soo mareen Dhismhihii Maamul u sameynta Axmed Shariif-na looga baahan yahay in uu  isku xiro kana shaqeeyo Midnimada  Bulshada Galmudug.

Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame   oo  Hadal  qiiro leh Halkaas ka jeedisey ayaa sheegtey inaan la difiri Karin Howlahii uu qabtey Maamulkii Hore ee Galmudug waxay kaloo ay sheegey in ay soo dhaweyneyso Musharaxnimada  Axmed Shariif hase yeeshee wax si gaar Baaq ugu dirtey Bulshada Galmudug in ay uu sara kacaan wax u qabashada Dadka ay abaaruhu sameeyeen

Wariye Cabdinaasir Xirsi Iidle oo tagey Deegaano dhowr oo ku yaal Gobolka Mudug  ayaa ka mid ahaa dadkii Munaasbadaas ka hadley waxaana uu ku dheeraadey ka hadalka Dhibaatoyinka Abaaraha ee ku dhuftey Deegaanadaas waxaa uuna Hoosta ka Xariiqey sida ay laga maarmaanka u tahay in Dadka iyo duunyada halkaas ku nool loo Gurmado.

Musharax  Axmed Cali Hilowle (Axmed Shariif) oo Munaasabadaas ka hadley  ayaa ugu horeyn Shaaciyey in uu yahay Musharax u taagan Xilka Maamulka Galmudug wuxuuna  ku dheeraadey waxa uu qaban doono haddii loo doorto Madaxweynaha GalMudug  waxaana uu yiri “ waxaan doonayaa in aan wax qabato Nabadgeliyada, soo nooleynta Kaabayaasha Dhaqaalaha, Hoos u dhaadhicinta Maamulka, Wax ka qabashada Abaaraha soo noqnoqdey, Horumarinta Reer Miyiga, Furitaanka Iskuuulo iyo Xarumo Caafimaad, Nabad kuwada noolaannsha dadka Deriska ah iyo Ilaalinta Diinta iyo Dhaqanka Soomaaliyeed”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maamulka Somaliland oo hal arrin ka codsaday madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si weyn uga hor yimid heshiiskii Berbera ee Imaaraadka Somaliland dhex maray isagoo dacwad u gudbiyey dowladda Sacuudi Carabiya markii uu booqasho iyo kulan la qaatay boqorka Sacuudig.

Haddaba Maamulka Soomaaliland ayaa dowlada Cusub ee Soomaaliya gaar ahaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra;isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxay ka dalbadeen inay fara galinta ka daayaan arinta heshiiska Berbera.

Maxamuud Xaashi oo ah Wasiirka Madaxtooyada Maamulka Somaliland ayaa ka dhawajiyey inay Somaliland ka codsaneyso dowladda Soomaaliya inay si rasmi ah faragelinta uga dhaafto heshiiska Berbero iyo Saldhigga Imaaraadka.

Wuxuu ka dhawajiyey inay wada hadal la geli doonaan dowladda Soomaaliya  marka ay ka baxaan ololaha iyo diyaar garowga doorashada Somaliland loogu jiro isagoo sheegay inaan hadda loo baahneyn in faragelin lagu sameeyo  arrimaha ku saabsan heshiiskaas.

Heshiiska Berbera dartiis ayuu u xumaaday xiriirkii ka dhaxeeyey Somaliland iyo Soomaaliya taasoo keentay inuu dalka isaga baxo Safiirkii Imaaraadka ee Soomaaliya joogay inkastoo ay ka dhawaajisay inuu markii dambe inuu u baxay arirmo isaga gaar u ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Layaab ka dhacay Maxkamad ku taal Malta markii nin Soomaali ah uu isku dhex qaawiyey

Malta (Caasimada Online)- Arrintii ugu yaabka badneyd ayaa ka dhacday maxkamad ku taal Dalka Malta markii nin soomaali ah oo dacwad loo heystay inuu bilaabay inuu maxkamadda dhexdeeda dharka isaga siibo.

Ninkaan ayaa go’aansaday inuu dharka iska siibo markii qaadigii maxkamadda uu diiday in ninkaan lagu sii daayo damiin wuxuuna bilaabay qeylo iyo Ooyin isku darsan sida ay maanta qoreyn waregeysyada ugu caansan ee adduunyada kasoo baxo.

Ninkaan falkaan sameeyey oo 22 jir ah ayaa lagu magacabaa Maxamed Cabdi Xasan waxaana loo heystay fal dambiyaad ah inuu mindi ku ceyrsaday nin kale oo soomali ah uguna hanjabal inuu nafta u dhaafin doono.

The Times Malta oo ah wargeyska ugu weyn ee halkaas kasoo baxo ayaa sheegay inuu ninkaan daganaa degmada San Gwann ee dhacdo bartaha Malta  laga dhacay moobeelkiisa iyo kabihiisa  wuxuuna wacad ku maray inuu dili doono ninka wax ka dhacay waana sababta ugu weyn ee ninkaan loo soo xiray.

Midda kale oo yaabka noqotay ayaa ah inuu ninkaan booliska hortiisa ka sheegay inuu ninkaas dili doono maadaama uu damcay inuu xoolihiisa dhaco, wuxuuna maxkamadda hortiisa ka qiray inuusan hanjabaadaas ujeed kale ka laheyn.

Francesco Depasquale oo ah qaadiga qaaday dacwada ninkaan ayaa sheegay inaan damiin lagu sii deyn doonin inkastoo uusan gelin dambi weyn oo xad dhaaf ah.

Ninkaan ayaa markii la amray in xabsiga la geeyo bilaabay inuu dharka tuurto isagoo ku dhawaaqayey ereyo ay ka mid aheyd “ Sidee macquul ku tahay inaan xabsi gelo, midaas waxaa ka xigaa inaan isdilo” .

Ninkaan dacwadiisa ayaa mar kale dib loo dhageysan doonaa waxaana booliska lasii amray inay ninkaan geeyaan xabsiga inta dacwadiisa dib looga furayo.

Caasimada Online
Xafiiska Maltay
[email protected]

Imaaraadka oo Tallaabo sii xumeyn karto xiriirka Farmaajo ka sameysay Puntland

Boosaaso (Caasimada Online)-  Guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Maamulka Puntland Maxamed Caydiid Jaamac oo la hadlay idaacadda goob joog ee magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyey inay dwoladda Imaaraadka si rasmi ah ula wareegtay Dakadda weyn ee ku taal magaalada Boosaaso.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in haddii la rabo in runta laga hadlo ay tahay in Imaaraadka ay la wareegtay Dakadda Boosaaso: “ waxay doonayaan inay ballaariyaan, markii hore dekadda ma aheyn mid caalami ah oo ay konteennarada iyo alaabaha waaweyn ee yimaada ama Maraakiibta waaweyn ay ku soo xirato” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Wuxuu hadalka intaas kusii daray inay Puntlanf lagama maarmaan ku noqotay inay heshiis la gasho Imaaraadka oo u ballan qaaday inay si heer sare ah u dhisi doonaan dakadda wuxuuna yiri: “ Mar haddii dhallinyaradii Puntland ay ku dhamaanayaan badaha maxaa diidayo in wax soo saar fiican looga sameeyo Dakadda Boosaaso, haddii dalka kaabayaashiisa la dhiso oo xoog yeeshaan, kumaamun dhallinyaro ayaa shaqo ka heli doonto”.

Guddoomiyaha oo wax laga weydiiyey ahmiyadda ay u leedahay Puntland iyo Soomaaliya dakadda Boosaaso wuxuu ku jawaabay  “Puntland waxaa ay ku taallaa meel istaraatiiji ah, waxaa ay ku taalla marinta ay maraan gaadiidka badda  ugu badan adduunka, waa geeska ugu kooneeya, dhinac waa badweyta Hindiya dhanka kalana Badda Cas, Marka waa marinka adduunka meesha uu maro”.

Dhinaca kale mar wax laga waydiiyey Caydiid sababta ay Imaaraadka u daneeneyso dakaddaan ayuu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo isagoo  yiri  “Waxaa ay tahay meesha ugu dhaw wadamada Khaliijka sida Imaaraadka, Cummmaan Yemen iyo waddamo kale, fursadaha ganacsi ee ka jira awood ay leeyihiin, waxaa ay Puntland leedahay xoolo nool, Kalluun faro badan iyo xabkada oo dhaqaalo badan ka soo galo.”

SIdoo kale wuxuu inkiray inay Imaaraadka doonayaan inay halkaas saldhig ka sameystaan wuxuuna sheegay inaysan arrintaas jirin.

Waxaa dhawaan soo baxay warar sheegayo inay Imaaraadka ay dooneyso inay Boosaaso ka  sameysato saldhig Military oo la mid ah midka la filayo inay dhawaan ka sameysto Berbera.

Heshiisyada ay imaaradka la galeyso Maamul Goboleedyada dalka iyadoo aysan dowladda dhexe ka war qaban ayaa muujinayo sida uusan u fiicneyn xiriirka labada dowladood waxaana dhawaan la filayaa inuu madaxweyne Farmaajo si rasmi ah uga hadlo arrinta ay imaaraadka ka wado gudaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso 
[email protected]

Imaaraadka Carabta oo la wareegtay Dekadda Boosaaso & DFS oo aan wali ka hadal

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow soo baxay ayaa sheegaya in Dowlada Imaaraadka ay la wareegtay dekadda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kadib heshiis dhexmaray Puntland iyo Imaaraadka.

Gudoomiyaha rugta ganacsigaiyo warshadaha Puntland Maxamed Caydiid Jaamac oo u waramaayay Idaacada GJ ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Imaaraadka ay si rasmi ah ula wareegtay Dekadda magaalada Boosaaso.

Isagoo ka hadlaayay wareejinta ayuu yiri ”Wey jirtaa in lagu wareejiyay waxaana wareejintaasi keenay duruufta ka jirta Dekadda magaalada Boosaaso”

”Dekaddu si fiican uma qalabeysna xitaa Maraakiibtu waxa ay ku dhiban tahay xirashadooda, waxaa lagu sameynayaa dib u habeyn sida uu yahay heshiiska ay labada dhinac wada gaareen”

”Arinku waxa uu marayaa in wixii aad adiga qabsan kartid aad qabsato, wixii aad qaban karinna la raadsato cid kula qabata, si horumarka iyo ganacsiga u sii jiro, si hor-u-marka u xoogeysto”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Puntland waxaa ay ku taallaa meel istaraatiiji ah, waxaa ay ku taalla marinta ay maraan gaadiidka badda ugu badan adduunka, dhinac waa badweyta Hindiya dhanka kalana Badda Cas, Marka waa marinka adduunka meesha uu maro”.

Waxa uu sheegay in Dowlada Imaaraadka ay kaga dhawdahay Dowladaha kale waxa uuna sheegay in Heshiiska uu yahay mid dhawaan dhaqan gali doona, maadaama uu dhacay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Dowlada Imaaraadka ay ka filayaan wanaag waxa uuna carab dhabay in mar waliba ay ka taageerto tababarta ciidanka badda, wax qarsoonna ma aha, ayuu yiri.

Dhinaca kale waxa uu sheegay inaanu jirin Heshiis ku aadan in Imaaraadka uu Saldhig Militery ka sameysto deegaanada Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dhageyso: Puntland iyo Galmudug oo gaaray go’aan cusub oo Gaalkacyo ku saabsan

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa si isku mid ah waxa ay isugu raaceen in ay isu furayaan Wadooyinka kala xiran ee Magaalada Gaalkacyo taas oo socotay wax ka badan 25 Sano.

Yaasiin Axmed Tumey iyo Xirsi Yuusuf Bare oo ah Guddoomiyeyaasha labada dhinac ee Puntland Galmudug ayaa si wadajir ah u sheegay in midba dhinaciisa uu xiyaarada kaga qaadayo, wadooyinka Gaalkacyo ee xiran, si ay u bilowdeen mar kale isu socodka Gaadiidka.

Sidoo kale Labada Masuul ayaa sheegay arrintan xirnaanshaha wasdooyinka sababteeda in aysna laheyn shacabka, balse ay tahay siyaasad ay kala hoggaaminayaan Mas’uuliyiinta Labada Maamul.

Waxaa ay Labada Guddoomiye ku sheegeen in ay isu furayaan Wadooyinka kala xiran ee Gaalkacyo iyada oo dadka wada dega aysan ahayn dad kala duwan sidaas darteedna loo baahan yahay in la furo Wadooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

Cadaadiska Farmaajo ee Taliyayaasha ciidamada oo keenay shuruud adag iyo is casilaad laga yaabo inay dhacdo

Gaalkacyo (Caasimada Online)- Waxaa hal asbuuc gudahood yeeshay kulamo xasaasi ah madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo taliyayaasha kala duwan ee ciidamada xoogga Soomaaliya kadib markii uu xumaaday amaanka Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa cadaadiskii ugu badnaa saaray taliyayaasha wuxuuna bilaabay inuu ula xisaabtamo qaabkii ugu dambeysay isagoo doonayo inuu xaqiijiyo amaanka magaalada Muqdishi.

Madaxweynaha ayaa su’aalo adag oo kala duwan waydiiyey taliyayaasha sidoo kalana wuxuu ku amray inay soo qabtaan shaqsiyaadka dhibaatada ka geysto Muqdisho sidoo kalana ay gacanta kusoo dhigaa askari ka dambeeyey dilka qof shacabka, waxaana ugu dambeyntii suurta gashay in askarigaas gacanta lagu soo dhigay lana filayo in dhawaan la hor keeno sharciga.

Madaxweynaha ayaa amar buuxa ku siiyey saraakiisha ciidamada iyo taliyayaaasha inay la imaadaan qaab la isku ogyahay oo ay ku xallin karaan amaanka Muqdisho sidoo kalana ay si rasmi ah u qaataan mas’uuliyadda amaanka Muqdisho ama ay xilka iska wareejiyaan.

Arrintaas ayaa keentay inay culeys weyn fuusha saraakiishada waxaana lagu waramayaa inay madaxweynaha dhankiisa ka dalbeyn mushaar joogto ah iyo saad si ay u gutaan waajibkaas, waxayna sababta amni darada ku sheegeyn ciidamada aan  helin mushaarkooda.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu qorsheenayo in dhawaan ay ciidamada si rasmi ah bil kasta u qaataan mushaarkooda si loola xisaabtamo wuxuuna saraakiisha ku adkeeyey inay shaqadooda si dhab ah u gutaan.

Cadaadiskaan uu madaxweynaha saaray taliyayaasha iyo sarakiisha dowladda ayaa laga yaabaa inay keento is casilaad maadaama ay shaqadaan tahay mid culus oo ay macqul tahay inaysan kasoo bixi karin.

Maalmaha soo socdo ayaa la filayaa haddii ay saraakiisha go’aansadaan inay shaqadooda u qabtaan sida uu rabo madaxweynaha iyo haddii ay xilkaas iska casilayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

Ciidamada Puntland oo la wareegay meelo cusub iyo Gaas oo Xaaladda ku xumaatay isuguna yeeray Wasiirada

Gaalkacyo (Caasimada Online)- Wararkii ugu dambeeyey oo ka imaanayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegayo inay goordhaweyd la wareegeyn ciidamada Puntland xarunta dowladda hoose ee Magaalada Gaalkacyo.

Waxa la sheegay inay ciidankaasi ka gadoodsan yihin Mushaar aysan muddo qaadanin. Ciidanka oo ah kuwo aad uhubeysan ayaa diiday wax dhaq dhaqaaq ah in laga sameeyo Xarunta taasi oo cabsi gelisey Shaqaalihii halkaasi kusugnaa.

Wararka waxay sheegayaan in durba Wuqooyiga Gaalkacyo laga dareemay Arintaan oo dadkuna ay hadal hayaan, Ciidan katirsan Daraawiishta Puntland ayaa sidaan oo kale waxay ula wareegeen Xalay Magaalada Garowe Koontaroolkiisa iyaguna waxay ka cabanayeen Mushaar la’aan seddex sano kudhawad.

Arrintaas ayaa keentay inuu madaxweynaha  Maamula Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa la soo sheegayaa inuu isgu yeeray golaha Wasiirada Maamulka Puntland , inkastoo sabab kulankaasi aan la shaacin.

Wararka ayaa sheegaya in arintan ay ka dambeyay kadob markii ciidamo gadoodsan ay la wareegeen Koontaroolada laga soo galo magaalada Garoowe isla markaana ay gaadiidka u diideen inay galaan gudaha magaala ama ay kasoo baxaan , sidoo kalana ay ciidamo kale la waregeyn xarunta maamulka Puntland ee Gaalkacyo.

Madaxweynaha Puntland ayaa lasoo sheegayaa inuu isugu yeeray golihisa wasiirada si uu arrintaas deg deg wax uga qabto waxaana la filayaa inuu saacado ka hadlay Garoowe kula hadlay saxaafada.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

 

Muuqaal: Somaliland oo kashiftay inuu Xasan Sheekh wax ka ogaa heshiiska Berbera

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa heshiis wada saxiixday Somaliland iyo Imaaraadka carabta kaasoo ahaa inay Berbera saldhig Miltari oo laga duqeeyo xuutiyiinta Yeman ka sameystaan.

Waxaa maalmihii ugu dambeeyey soo baxayey inuu heshiiskaas wax ka saxiixay Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid kaasoo la sheegay inuu ku qaatay laaluush gaarayo ilaa 35 Milyan oo Dollar.

Haddaba waxaan mar labaad soo baxday inuu arrintaas wax ka ogow oo uu saxiixay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud sida ay ka dhawaajiyey dowladda Somaliland.

Heshiiskaas oo ay qalinka ku duugeyn xubnaha baarlamaanka Somaliland kadib kulan gacmaha la isugu tagay oo xoog looga saaray qaar kamid ah xildhibaanada oo kasoo horjeestay heshiiskaas.

Maxamuud Xaashi Cabdi oo ah Wasiirka wasaaradda madaxtooyada Maamulka Somaliland ayaa ka dhawaajiyey inuu heshiiska Berbera wax ka ogaa Xasan Shiikh Maxamuud, wuxuna dowladda cusub iyo Ra’isulwasaaraheeda ka codsaday inay qadariyaan heshiiska labada dowladood.

Wuxuu ka dhawaajiyey inay heshiiskas Berbera wada saxiixeen Xasan Shiikh Maxamuud iyo madaxweynaha Somalialnd Axmed Siilaanyo, hadalkaan waxaa laga yaabaa inuu kiciyo xasarad siyaasadeed oo ka dhalata Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Farmaajo oo soo bandhigay sida ugu sahlan ee lagu xasilinkaro Somalia (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ka hadlay dadaalada ay Dowladiisa ku raadineyso Nabad iyo Xasilooni ka hirgashaa Somalia.

Madaxweynaha waxa uu sheegay inay ka go’an tahay inuu ka dhabeeyo hirgalinta Nabadda waxa uuna tilmaamay in Somalia ay u baahan tahay xasilooni.

Nabadda iyo Xasiloonida ayuu sheegay inay ku jirto gacanta shacabka oo uu ula jeedo in dhankooda ay kala shaqeeyan Ciidamada Amaanka.

”Waxaan qabaa in Somalia ay gali doonto jawi xasiloon haddii la helo shacab iyo ciidamo wada shaqeynaaya, waayo Kooxaha geysta falalka amni darro waxa ay ku dhex jiraan shacabka”

”Waxaan rajo ka qabaa inay wada shaqeyn doonaan shacabka iyo Ciidamada keliya waxaa harsan in la dhiiri galiyo ciidamada”

Farmaajo waxa uu ku baaqay in laga wada shaqeeyo Amniga, Xasiloonida iyo Horumarka waxa uuna cadeeyay in Somalia ay ka daashay burbur iyo kala irdhoobid.

Dhinaca kale, Ciidamada amaanka ayuu ugu baaqay in nabad ay kula noolaadan shacabka, haddii ay ka gudbaan nidaamka ciidan la horgeyn doono sharciga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ahlu Sunna oo farriin cad u dirtay Kheyre kana dalbaday qaabka ay rabaan inay noqdaan wasiirada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Shiikh Maxamed Shaakir oo ah Madaxweynaha Dowlada Gobolada Dhexe ee Ahlu Suna ayaa markii ugu horreysay ka hadlay golaha wasiirada cusub ee dhawaan lagu dhawaaqo doono iyo sida ay Ahlu Sunna u aragto.

Madaxweynaha Ahlu Sunna ayaa ka hadlay waxyaabaha loo baahan yahay in laga dhex arko golaha wasiirada cusub wuxuuna soo jeediyey fikir ku aadan arrintaas.

Sh. Shaakir ayaa  ka dhawaajiyey in xukuumadda cusub laga doonayo inay qabato howlo badan oo u baahan in si deg deg ah wax looga qabto wuxuuna ku taliyey in lasoo magacaabo shaqsiyaad waxtar u leh ummadda Soomaaliyeed.

Shiikh ayaa ugu baaqay Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya in meesha laga saaro  nin jecleysi, wuxuuna kula taliyey in shaqsiyaadka xilka loo dhiibayo lagu doorto aqoontooda iyo kartida ay u lahaan karaan inay maamulaan shacabka Soomaaliyeed.

Ahlu Sunna oo la ogaa inay si weyn uga hor timaaday siyaasadii Xasan Shiikh Maxamuud iyo dowladdiisa ayaa wuxuu hadalkaan muujinayaan inay si weyn u taagersan yihiin xukuumadda cusub ee uu hoggaaminayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra’isulwasaaraha ayaa ku dheeraaday la tashiyada uu la sameenayo beelaha Soomaaliyeed si uu usoo magacaabo wasiiro la imaado waxtar iyo isbadal rasmi ah oo ku dhaco siyaasadda Soomaaliya iyo maamulkeeda.

Hadalka Ahlu Sunna ayaa imaanayo Xilli la filayo inuu Ra’isulwasaaraha dhawan ku dhawaaqo golihiisa wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Deg deg: Maxaa soo kordhay oo keenay inuu RW Kheyre saxaafadda ugu yeero Xafiiskiisa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ay caasimadda hadda ka heleyso xafiiska Ra’isulwasaaraha ayaa sheegayo in halkaas looga yeeray saxaafadda kala duwan ee Soomaaliya.

Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa inuu saxaafadda kula hadlo xafiiskiisa isla markaasna uu shir jaraa’id qabto, waxayna arrintaan imaaneysaa xilli saacdihii ugu dambeeyey laga filayey inuu soo magacaabo golihiisa wasiirada.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxayo sababta uu Ra’isulwasaaraha ugu yeeray saxaafadda waxayna warar qaar sheegayaan inuu ka hadli doono waxyaabo kasoo kordha arrimaha abaaraha isla markaasna uu halkaas kulan kula leeyahay guddi ka socdo ganacsatada Soomaaliya.

Warar kale oo aan la hubin ayaa sheegayo inay macquul tahay inuu Ra’isulwasaaraha ku dhawaaqo golihiisa wasiirada cusub, balse midda ugu dhaw  xaqiiqda ayaa ah inuu ka hadli doono arirmaha abaaraha.

Mr Kheyre ayaa wajahaya caqabado kala duwan oo ay ugu weyn tahay qaabka Xukuumaddiisa ula tacaali doonto xaaladaha bani’aadanimo ee dalka ka jira, iyadoo horay uu uga soo shaqeeyay arrimaha bani’aadanimada.

Dhinaca kale Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa xaqiijiyay in wali socoto wada tashiyadii Ra’iisul Wasaaraha waday ee ku aadan howlaha magacaabista Golaha Wasiirada, waxaana la filayaa in todobaadka soo socda lagu dhawaaqo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Faallo: Barcelona waa Farmaajeysay!! Arbaco iyo bil sideed ah waa nasiibka sanadkan (Lama Filaan )

Markaad dib u gocato Maqaalkii aan qoray Maalin Lix (6) ah bisha Sadexaad, Ammintuna tahay 16:05 Xilliga Geeska Afrika, wuxuu ahaa mid abuuray kala duwanaasho fikradeed oo aad u baahsan, waase wax aan filayay in hal maqaal aan la deeqsiin karin bulsho dhan oo kala maskax, caqli iyo dareen duwan.

Aniggu ma aheyn mid ka turjumaya cid gaar ah, balse waxey ila tahay in 60% dadku ay fahmeen ujeedka qormadeyda oo aan ku cabirayay in lama filaanka uu suuragal yahay waqti walba balse kooxda Paris Saint Germain ay heysatay fursadda ugu fiican.

Waa Hubanti in qof walba uu garwaaqsan doono – in cabirkii aan ku saleeyay isbadalkii ka dhacay Somaliya inuu ka dhici karo Camp Nou aan ku saxnaa, balse hubaal waxey aheyd wax aada u adag inuu qof aamino iney xitaa waxaan dhici karaan.

AAN DIB KUGU CELIYO MAQAALKII HORE:

Maqaalkii hore wuxuu noqday mid saameyn xoog leh, wuxuu noqday mid ay qof walba dib u jecleysan karto iney aqrisato – inkastoo qudheyda aan wax eed ah ku lahaan laheyn xitaa hadii ay ku fashilmi laheyd madama aan carabka ku adkeeyay in PSG fursad waafi ah heysato.

Waxaa Jirtay inaan qoray dhawr qodob oo rumeyn kara Lama filaankii iyo Riyadii xalay ka dhacday Camp Nou Dib U Aqriso.

TAAGEERAYAASHA BARCELONA:

Jamaahiirta Barcelona aad bey uga qeyb qaateen hanaanka kooxda waayo waxey ku taageereen codkooda waana wax laga sugayay Catalonia.

MSN – OO AY MAALINTOODII TAHAY:

Waxey aheyd maalintooda? MSN aad bey u dadaleen waxey sameeyeen 4-gool iyo 1-caawinaad, waxeyna ka caawiyeen kooxdooda iney soo baxdo.

ISKU DHEX-YAACA PSG:

Haa! Waa isku dhex yaaceen, waana waxyaabaha ugu badan ee siiyay fursadda ugu fiican kooxda Balaugrana.

UNAI EMERY OO HAFA:

Cidna dood kama keeni karto in Unai Emery uu hafay (Qalad galay), waayo wuxuu qaatay go’aamo aan u qurux badneyn kooxda (Di Maria inusan kusoo bilaabin iyo inuu Adrien Rabiot) garoonka ku hayay ayaana ugu weyn.

GO’AANNO GARSOORE:

Qof walba waa inuu qiyaasto go’aanno garsoore iney dhici karaan, waliba waxaan carabaabay in go’aanno garsoore oo wanaag u ah Barcelona iney gacan weyn siin karto, waxaana garsooraha Jarmalka ah uu dhigay laba rigoore sidoo kalana wuxuu indhaha ka dabooshay qaladaad kale oo Barca dhib ku ahaa, balse waa aragitidiisa garsoore – waana beni’aadam maahan Robbot.

TER STEGEN OO NOQDA SPIDERMAN

Inkastoo uusan noqon Spiderman, hadana goolkii uu ka badbaadiyay Cavani, waa mid nooleyay rajada kooxdiisa, wuxuuna sameeyay wax wanaagsan.

Hagaag!! Aan isla imanno gunta maqaalka, Barcelona waxey sidii aan inyar filayay sameeyeen lama filaan, waxeyna muujiyeen iney yahiin kooxda ugu weyn kubadda cagta sidoo kalana waxey sameeyen taariikhdii ugu weyneed ee kubadda cagta.

Qodobaadii Aan Qiyaasay Iney Barcelona Siin Karaan Lama Filaanka Ma Dhaceen? Ma Ila Qabtaa Iney Qodobadaas Saacideen? Su’aal Jawaabteeda laga doonayo

BARCELONA WAA FARMAAJEYSAY?

Hubanti Barcelona waa Farmaajeysay [Markaan ku leeyahay maahan inaan isbarbardhig ku sameynayo koox iyo shaqsi, balse kaliya ka eeg dhanka lama filaanka, cidna ma fileynin in Barca soo bixi doonto xitaa Dadka Catalonia.

Balse inaad fisho wax lama filaan ah waa geesinimo dhankeeda leh, igumana ahan amaan balse wax walba oo dhici kara haka baaqsan inaad tusmeyso.

BIL SIDEED AH IYO ARBACO WAA NASIIBKA SANADKA:

Sidaan isugu lifaaqay labada lama filaan ee dalka Soomaaliya iyo kan Barcelona ee Champions League-ga, ayaan wali ku taaganahay waxeyna labaduba dhaceen Bil Sideed ah, laba bil oo xiriir ah iyo maalin Arbaco ah.

Ma Dhihi Karnaa Arbaco IYo Bil Sideed Ah Sanadkaan Waa U Nasiib? Si fudud haa markaan aragno wixii dhacay, inkastoo ay jiraan dhacdooyin badan oo naga qarsoon hadana intaan ognahay waxaan ku qasbanahay inaan dhahno waa sidaas.

GUNTII IYO GABAGABADII:

Qof walba fahamkiisa waa gooni, waxaana suuragal ah inaad u aragto inaan ahay qof maqaalkisa ku saleeyay taageero – cidna ma badali karto fikirka aad qormadeyda ka qaadato, balse waxaan rajeynaa in ugu yaraan u qaadato in qormadaan aysan ka imaan maskax waaya arrag fog u ah kubadda catga.

Waxaa Diyaariyay: Abdirashid Mohamud Nor “SHardinHo”

Xog-warran: Maxaa ka jiro in R/W Kheyre uu Farmaajo u gudbiyey liiska wasiirada cusub?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanayo Xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegayo inuu Ra’isulwasaraha ugu dambeyn dhameystiray liiska golihiisa wasiirada.

Ra’isulwasaaraha ayaa lasoo sheegayaa inuu madaxweynaha Soomaaliya u gudbiyey liiska golaha wasiirada oo dhameystiran si uu isaga u saxiixo fikirkiisana ugu darsado inkastoo ay jiraan warar kale oo sheegayo in weli ay jiraan beelo Soomaaliyeed oo aan weli ku qancin golaha wasiirada.

Ra’isul wasaaraha oo inta badan xubnaha Golahaasi diyaariyay ayaa la sheegayaa in caqabad uu kala kulmaayo Beesha Xawaadle oo ku dhagan Wasaarad gaar ah.

Ugaaska Beesha Xawaadle ayaa la sheegay  inuu yahay sababta ugu weyn ee hor taagan in golaha wasiirad lagu dhawaaqo kadib markii uu ku gacan seyray wasaarad loo qorsheeyey beeshiisa.

Ugaaska ayaa dalbaday in Beeshiisa lasiiyo Wasaarada Arrimaha Gudaha ama Amniga, waxa ayna arrintaasi sababtay in Ra’isul wasaaraha uu dib u bilaabo qancinta Beesha Xawaadle.

Haddii Uu Ra’isulwasaaraha ku guuleysto qancinta beeshaan waxaaa la filayaa inuu dhameystiro golihiisa wasiirada sidaasna uu madaxweynaha ku saxiixo liiskaas oo ay rajeenayaan inuu yahay midkii ugu haboonaa ee lasoo magacaabo.

 Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kheyre “Ceybtii aan ku xaman jirnay kuwii naga horeeyay leyguma xaman doono”

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa mar kale ku adkeystay in Xukuumadiisu ay laali doonto dhammaan dhaqanadii xumaa ee laga bartay Xukuumadihii hore.

Mr Kheyre waxa uu sheegay in Xukuumadiisu ay cuuryaamin doonto shaqsiyaadka ku sifoobay Musuqa iyo Khilaafka waxa uuna tilmaamay inaan lagu xaman doonin wixii ay ku xaman jireen kuwii isaga ka horeeyay.

Waxa uu sheegay inaan laga raali noqon doonin shaqsiyaad ka tirsan Dowlada oo ku mashquula Hantida Qaranka kuwaasi oo uu sheegay inay ka sifeyn doonaan Xarumaha Dowlada.

”Waxaan ka dhabeynayaa inaan ciribtiro dhammaan shaqsiyaadka ku sifoobay musuqa ee ka dhex shaqeeya Xarumaha Dowlada hadda ayaan sheegayaa inaan isla shaqeyn doonin kuwa noocaasi ah”

Waxa uu sheegay Xukuumada uu soo magacaabayo maalmaha soo aadan in ay ka shaqeyn doonto ilaalinta Hantida guud ee Qaranka, isagoo dhanka kale shacabka ugu baaqay in ay la socdaan Hantida Qaranka, si looga hortago ku takri fal.

Kheyre ayaa sheegay in Xukuumadihii hore ay ku xaman jireen Musuqa iyo ku tagrifalka Hantida Qaran waxa uu taa bedelkeeda sheegay inaan Xukuumadiisa lagu xaman doonin waxyaabihii lagu xantay kuwii hore.

Haddalka Kheyre ayaa imaanaya iyadoo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo dhawaan sheegay inaysan fiirsan doonin musuq iyo ku tagrifal Hanti Qaran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dhageyso: Taliyaha xogga dalka oo shaaciyey shaqsiyaad si been ah u dalacay iyo tallabo uu ka qaadayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xagga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa ka hadlay dalacsiin badan oo ka dhacday gudaha ciidamada Xoogga Soomaaliya isago ka dhawaajiyey inaan arrintaas la iska yeeli doonin lana xisaabtami doono.

Maxamed Aadan ayaa ka dhawaajiyey inay maalmihii ugu dambeysay maqlayey inay dhaceyn dalacsiin aan wadadii saxda ah loo marin taasna aysan xaq aheyn wuxuna yiri:

“ Imtixaan ayaan idin marin doonaa idinkama yeelayo in si been ah la isku dalacsiiyo, qofkii kasoo baxo imtixaanka ayaa noqon doono xidigle”

“ Waxaa jirto 250 dibadda kusoo qaadatay Leeli Sarkaa soona maray wadadii saxda aheyd sidaasna waxay ku noqdeyn Saraakiil, marka ilaahaa idinku dhaariyaya macquul miyaa inuu qof 3, 4 ilaa 6 sano ku qaadato inuu xidigle noqdo qofna uu hal habeyn ku qaato”.

“ Waan Idin Imtixaani doonaa, diyaar noqda markii la idiin yeero, waa inaad soo martaan wadada saxda ah ee la isku dalacsiiyo” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey Taliyaha.

Taliyaha ayaa hadalkaan kasoo jeediyey kulan looga tashanayey sidii loo dardar gelin lahaa ciidamada Xoogga Dalka waxaana kasoo qeyb galay saraakiil badan oo ka tirsan ciidamada Xooggaa Dalka.

Haddaba halkaan hoose ka dhageyso hadalkii uu taliyaha ka jeediyey kulankaas isagoo ay ka muuqatay xanuun

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Maxaad ka taqaanaa safiirka cusub ee Itoobiya usoo magacawday Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa xaqiijinayo inay dowladda Itoobiya usoo magacawday Sagiir iyo ergey gaar ah oo u matali doono Soomaaliya xilli dhawaan la filayo in laga raro safaaradeeda gudaha Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya ayaa is badal ku sameysay safirkii Soomaaliya u fadhin jiray waxayna si rasmi ah Soomaaliya ugu soo magacawday Jamaaludiin Mustafa Cumar oo ah shaqsi kasoo jeedo deegaanada Soomaalida ee Itoobiya.

Sidoo kale Jamaaludiin ayaa ahaa safiir ku xigeynkii Itoobiya ee safaaradda Soomaaliya wuxuuna markii sameeyey sare u kac iyadoo laga dhigay safiirka iyo ergeyga gaarka ah ee Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya.

Sidoo kale ninkaan ayaa asal ahaan ah Soomaali Itoobiyaan waxayna kusoo aadeysaa magacaabistaan xilli ay Soomaaliya ka dhacday isbadal siyaasadeed oo weyn iyadoo meesha laga saaray Xasan Shiikh Maxamuud oo ay Itoobiya aad isugu dhawaayeen.

Soomaaliya hadda waxaa madaxweyne ka ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ah shaqsi aysan isku fiicneyn Itoobiya sidoo kalana ay ka go’an tahay inuu dhiso ciidamo ay leedahay Soomaaliya oo awood leh taasina waa midda ay sida weyn uga soo horjeedo dowladda Itoobiya oo aan marnaba rabin inay aragto Soomaaliya oo cagaheed isku taagtay.

Weli lama xaqiijin haddii uu madaxweynaha Soomaaliya waraaqaha ka guddoomay safiirkaan cusub iyo haddii kale wixii warar ah ee kusoo kordhana Inshaa Allah waan idinla soo socodsiin doonaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muuqaal: Barasho Wanaagsan: “Magaceyga waa Seynab Cabdi Macalin, waxaan ahay Marwada koowaad”

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu madaxweynaha Soomaaliya bil jirsaday Shalay oo ay taariikhdu aheyd 08 March ayaa markii ugu horreysay bil kadib waxaa muuqaal saxaafadda la wadaagtay marwada koowaad ee madaxweynaha.

Marwada koowaad ee dalka ayaa muuqaalkeeda kuso bilawday (Magaceyga waa Seynab Cabdi Macalin, waxaana ahay marwada koowaad dalka”.

Muuqaalkaan ayey marwada madaxweynaha uga gol aheyd inay haweynka Soomaaliyeed u dirto halmbalyo ku aadan 08 March oo ku beegan maalinta Haweenka Adduunka oo laga xusay daafaha kala duwan ee caalamka.

Seynab ayaa is bartay dad badan oo aan aqoon muuqaalkeeda inkastoo ay lasoo daahday oo ay muuqaalkaan soo duubtay hal bil kadib haddana maanta waxaa jaanis badan helay shacabka Soomaaliyeed oo bartay xaaska madaxweynaha ay jecel yihiin ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaalka ay soo duubtay Seynab Cabdi Macalin oo ah Marwada koowaad ee dalka:

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]