25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Sawiro & Warbixin: Maxay Somalia kala soo kulantay shirki shalay ee Brussels

Brussels (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Marwo Fowzia Yusuf Haji Adam iyo wafdi ay hoggaamineyso oo beryahan ku sugnaa Brussels ayaa maanta soo gabogabeynaya shirka ay halkaas uga qeybgalayaan oo looga hadlayo Horumarinta Caalamka. 

Wasiir Fowzia ayaa shirka inta uu socday kulamo gaar gaar ah la yeelatay mas’uuliyiin kala duwan oo ay kala hadleysay soo xoojinta xiriirka iyo sidii dalalka caalamka ay uga dhabeyn lahaayeen ballanqaadyadooda oo ay dowladda Soomaaliya garab weyn k siin lahaayeen qorsheyaasha lagu xasilinayo dalka, iyo kuuwa lagu dardargelinayo dhismayaasha hay’adaha dowliga ah iyo sidii mashaariic horumarineed loogu heli lahaa dalka. 

Shirkan oo ay ka soo qeybgaleyn Madaxweynayaal iyo Ra’iisul Wasaareyaal ka kala socda caalamka oo ay ka mid yihiin Madaxweynayaasha Liberia, Niger, Ra’iisul Wasaarayaasha Jamaica, Lithuania, Cape Verde. Sidoo kale waxaa ka soo qeybgalay Madaxa Midowga Africa Nkosazan Zuma, Madaxweynaha EU Barosso, iyo madaxda Midowga Yurub. Sidoo kale waxaa ka soo qeybgalay Wasiiro ka kala socda caalamka, gaar ahaan Wasiirada horumarinta ee Midowga Yurub. 

Wasiir Fowzia ayaa sheegtay in Soomaaliya ay maanta horumar ballaaran ku tallaabsatay caalamkana laga codsanayo inay Dowladda qorsheyaasheeda taageeraan. Wasiir Fowzia ayaa warbixin kooban ka bixisay horumarka ballaaran ee dhinacyada badan sida amniga, dib-u-heshiisiinta, shirarka Qaranka ee dadka talada laga qeybgalinayo, iyo qorsheyaasha cad-cad ee dowladdu soo bandhigtay. Wasiir Fowzia ayaa ku nuuxnuuxsatay in dumarka iyo dhalinyarada ay yihiin laf dhabarka bulshada loona baahanyahay in loo abuuro shaqooyin iyo mashaariic keeni kara in dalku dib u dhismo. 

Wasiir Fowzia ayaa Midowga Yuruub uga mahadcelisay doorka hoggaamineed ee arrimaha Soomaaliya, kuna dhiiri gelisay inay ballanqaadyadii iyo saxiixii Compact la soo dedejiyo si dalka loo gaarsiiyo marxalad horumarineed. Shirka ayaa maanta la soo gabogabeyn doonaa. 

Sawirro

faw (1)faw (2)faw (3)faw (4)faw (5)faw (6)faw (7)faw (8)faw (9)faw (10)faw (11)faw (12)faw (13)faw (14)

Faahfaahin: Weerar lagu qaaday Hotel ku yaalla Bosaso & dad laga afduubtay

Boosaaso (Caasimada Online) Waxaa faah-faahin laga helayaa weerar xaley kooxo hubeysan ay ku qaadeen hotel ku yaalla magaalada Boosaaso ee gobalka Barri.

Goobjoogayaal ku sugan Boosaaso ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online, hotelka la weeraray oo lagu magacaabo London Hotel, laga afduubtay dad ajnebi ah, balse tira sax ah lama hayo.

“Weerarka ayaa soday muddo, waxaana kooxda soo weerartay ay isku dayeen in ay gudaha u soo galaan dhismaha Hotelka” sidaas waxaa yiri goobjooge ku sugan Boosaaso.

Maamulka Puntland, ilaa hadda kama hadlin weerarka xaley lagu qaaday hotelka ku yaalla Boosaaso.

Hotelka ayaa waxaa degannaa dad ajnebi ah iyo dad Soomaali ah.

Wararkii ugu dambeeyay, waxa ay sheegayaan in ciidamada ammaanka Puntland ay tageen hotelka, iyagoona rasaas is dhaafsaday ilaalada hotelka.

Wariayasha ku sugan Boosaaso ayaa arrintan ka gaabsaday weerarka lagu qaaday.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Boosaaso

[email protected]

Buur Madow: Khilaafka Xasan & Saacid waxaa ka muhiimsan wada hadalka S/L

Berbera (Caasimada Online) Boqor Aw-Maxamuud Cismaan Buur-Madow oo ka mid ah salaadiinta ka soo jeeda gobalada waqooyi ee dalka, ayaa ka hadlay dib u dhac markale ku yimid wada-hadalladii u socday dowladda fedaraalak Soomaaliya iyo Maamaulka Somaliland.

Isagoo la hadlaayay Idaacad ku taalla Muqdisho, ayuu sheegay khilaafka madaxweynaha iyo raysal wasaaraha uu ka muhiimsan yahay wada-hadalada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland.

“Madaxweyne iyo raysal wasaare khilaafkooda waxaa ka weyn masiirka, annigu waxan qabaa in uu sii socon karo wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waa in guddiyo ay soo dirraan dowladda si labada dhinac ay uga faa’ideestaan horrumarka jira” ayuu yiri Boqor Buur-Madow.

Hadalka Boqor Buur-Madow ayaa ku soo beegmaya kaddib markii labo maalin ka hor wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis uu sheegay in dib loo dhigay wajigii seddexaad ee wada-hadalada Dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland kaasoo lagu ballansanaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa lagu wadaa in ay qabsoomaan baisha Janaayo ee sannadka dambe 2014.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Soomaali lagu xiray dal aan laga fileyn in uu tallaabada sameeyo

Muqdisho (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Khartoum ee xarunta dalka Sudan ayaa sheegaya in halkaas lagu xiray in ka badan 24-qof oo Soomaali ah.

Dadka la xiray waxaa ku jirra sagaal dumar ah,sida ay lee yihiin Soomaalida ku dhaqan dalka Sudan.

Dadka la xiray waxa ay la socdeen dooni ka timid dalka Yemen taasoo ku xiratay dekedda Port-Sudan ee dalka Sudan.

Ciidamada ammaanka ayaa ku eedeeyay dadkan in ay si sharci daro ah ku galeen dalka Sudan, isla markaana hadda la weydiinayo su’aallo.

Sudan waxa ay ka mid tahay dalalka ay sii maraan Soomaalida u tahriibaysa Yurub , waxaana ay ka soo galaan xudduudda Itoobiya iyo Koonfur Sudan.

Dekedda Port- Sudan waxay ku taallaa waqooyi Bari dalka Sudan, 675 KM ayayna u jirtaa magaalada caasimadda ah ee Khartoum.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Gar waa loo wada Islaam: Faarax waa falxad waana faxal! (Faallo xasaasi ah)

Waxaa baryahan danbe golayaasha fadhi ku dirirka iyo golayaasha qaar lagu soo qoraa arin jaa’ifo iyio aflagaaddo ah oo leh ujeeddooyin badan balse lagu bartilmaameedsanayo Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Mudane Faarax Cabdiqaadir. Sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in dadka Soomaaliyeed kuwooda wanaagga iyo samaha usaaxiibka ahi ay isxilqaamaan oo ay ka hortagaan dacaayadaha raqiiska ah ee aan sal iyo raadna lahayn ee lala beegsado shakhsiyaad sharaf iyo karaamo ku leh qaranka Soomaaliyeed oo aan marna xumaan ehelna u ahayn laguna arag.

Inkastoo ay dadka Soomaaliyeed ee waxgaradka ahi ay xog ogaal yihiin ayna kala yaqaanaan samawade iyo xumaan dhiiqe haddana waxaa baryahan danbe nasiib darro qaylo dheeraaday inta xun oo aan iyagu xishoonin kuwaasoo aan illaahayna ka cabsanin, aadamana karaameynin. Arintan ayaa waxay keentey in dad badan oo aan aqoon iyo xiiso badan u qabin siyaasadda Soomaaliyeed iney akhriyaan ama dhageystaan fidnoolayaasha oo been afuufaya ama jaaifeynaya shakhsiyaad wanaagsan. Haddaba su’aasha qofwalba isweydiin karo ayaa ah maxaa keeney in Faarax laga bartilmaameedsado rag iyo dumar badan oo Soomaaliyeed oo kamid ah madaxda iyo wasiirada dawladda. Maxaa isaga loogala dhexbaxay intaasoo masuul. Ma caqli iyo cilmi uu dheer yahaybaa lagu cayuumay mise cibaaro kale ayaa jirta.?

Jawaabta ay tahay umadda Soomaaliyeed iney ogaadaan waxaa weeye waxaa hubaal ah waxaa laga xunyahay in Faarax uu kamid yahay madaxda dalka maaddaama uusan ahayn amaba kasoo jeedin beelaha qaswadayaasha Soomaaliyeed oo iyagu isna siiya waxwalba haddana waxwalba burburiya. Marka ficilka oo dhami waxuu ka bilawday xaasidnimo iyo xiqdi asalkeedu yahay maxuu booskaas nin ree hebel ah u joogi waayay! Qaabka xun ee umadda Soomaaliyeed lagu duleystey ee 4.5 darteed ay kuwa xumaha jeceli waxey qayladoodu dabada ku haysaa sababtee Faarax oo kasoo jeeda beelaha yaryar uu u muteystey kursigaas iyo waliba sidee saaxiib dhaw ula yahay Madaxweynaha Soomaaliya. Balse waxaysan ogeyn kuwaasi xiriirka iyo aqoonta labada nin dhextaalla iney tahay mid ka durugsan kana fog miisaanka caqligooda yar!

Ninkii Faarax yaqaana, bartay ama la shaqeeyey ayaa garankara waxaana tusaale kaaga filan inuu yahay saaxiib dhaw la yahay walaalo aysan beel iyo hayb isku raacin oo ay shaqo isbartay waana midda dad badani aad uga xumaadeen. Faarax mudadii burburka dalku ku jiray waxuu joogay Soomaaliya waxuuna ubadnaa Muqdisho, mana uusan lahayn maleeshiyaad illaaliya. Faarax waxqabadkii uu qabtey iyo shaqadii uu ka hayay Soomaaliya waa mid muuqata aadna looga yaqaano Xamar gaar ahaan dhanka Waxbarashada.

Marka miyeysan ahayn masayr iyo xiqdi in laga xumaado in Faarax iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay yihiin saaxiibo jidna isla maray jiscinna wadaagay.

Dacaayadaha laga faafiyey Faarax oo beenta ah ayaa waxaa kamid ah in Faarax iyo Raisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ay isku dhaceen ayna tahay sababta Madaxweynaha iyo Raisul Wasaaruhu isku haystaan. Arinkaas waa been waxna kama jiro mana dhicin wax xumaan ah oo ka dhaxeysa Faarax iyo Saacid.

Balaayo afuufka jecel xumaantu waxey sidoo kale meel wayn uga dhacaan madaxweynaha Qaranka Xasan Sheekh Maxamuud iyagoo usawira inuu ku socdo kaliya maskaxda Faarax taasoo ah meel ka dhac. Xasan Sheekh Maxamuud waa muwaadhin aqoon iyo karti leh, waddankana ku hoggaamiya maskaxdiisa. Madaxweynaha isagaa iska leh go’aanka ah in Raisul Wasaaruhu ka dago xilka mana jiro qofkale oo ku qasbaya shalayna isagaa keeney Raisul Wasaaraha. Illaahay Amarkii oran maayaan Faarax isagaa keeney Saacid, balse waxey ku dagdagayaan iney dhahaan isagaa burinaya!

Sidoo kale waxaa lagu xantaa in dawladda ay u taliyaan rag yar oo ka tirsan Xarakada Dam-Jadiid. Umadda Soomaaliyeed ee Muqdisho joogta waxey ka dharagsan yihiin in Faarax iyo madaxweynuhuba aysan ahayn kana mid ahayn Xarakada Damjadiid. Marka saw islaanimadu ma ahan in qofka wanaaggiisa la sheego iyo waxii xumaan ah ee cad ama lagu arkay isagoo sameynaya. Bal u fiirso kuwa naarta afuufa, waxa ay sheegaan oo dhami waa sidaas, marna masheegi karaan meel iyo waqti xumaan lagu sheegey madaxweynaha iyo saaxiibkiis Faarax.

Dawladda guud ahaan wanaag badan, hormar badan iyo caqabado badanba way mareysaa habeen iyo dharaarba waxaana hawshaasi ay dhextaalla masuuliyiinta uu ugu horeeyo madaxweynaha Qaranka Xasan Sheekh Maxamuud, Raisul Wasaaraha iyo golaha Wasiirada iyo golaha Shacabka Soomaaliyeed. Waxii wanaag ah iyo hormar ah waa guul usoo hoyatay shacabka sharafta badan ee Soomaaliyeed, waxii caqabad ahna waa mid u taalla qaranka Soomaaliyeed.

Waxaan qormadan kusoo afmeerayaa in garadardu tahay shay xun, qofka muslimka ahna sharaftiisa iyo cirdigiisu yahay mid aad dhawrsoon. Faarax Cabdiqaadir Waa Falxad waana Faxal iyo waliba saaxiib dhab ah oo Xasan Sheekh Maxamuud.   Faarax iyo Xasanba waxey haysteen shaqo wanaagsan oo daggan oo aan naftoodu nabad ku ahayd iyagoo Xamar joogey xiliyadii ay ugu xumeyd, balse waxay ka doorbideen iyagaa iyo saaxiibadoodba iney dalka iyo dadka wax u qabtaan ayna soo afjaraan xumaantiii dalka laasintay iyo dhibaatooyinkii ina halakeeyey. Inkastoo ay tahay siyaasad meesha ay wax ka dooneen oo aysan masaajid galin, haddaba Gar waa La wada Islaam!

Waxaa Qoray A . Birmad

Email:[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahn tan Caasimada Online

Dhageyso: Xagee buu marayaa Shirka maamul u sameynta K/Galbeed?

Baydhabo (Caasimada online) Wali waxaa magaalada Beydhabo ka soconayao qorshaha maamul u sameynta gobolada Koonfurta Somalia kaas oo ay ku midoobayaan ilaa lix gobol oo ka mid ah gobolada dalkeena.

Malaaq Shiino , wuxuu ka mid yahay Odayaasha horboodaya qorshaha lagu soo dhisayo maamul goboleedka Koonfur galbeeb Somalia , waxaana uu sheegay inay meel wanaagsan ay wax u marayaaan,  islamarkaana maanta odayaasha loo qeybinayo kararka aqoonsiga.

Maalinta barito ah wuxuu sheegay inay ka dhici doonto magaalada Baydhabo  xaflada furitaanka shirkada oo ka furmaya,  kaas oo lagu soo doonayao madaxweynaha maamulka sida uu shaaca ka qaaday .

” Shirka Bari ayuu si toos ah u furmayaa dhowaana waxaa lasoo magacaabayaa Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Somalia, ma jirto wax cabsi ah oo aan ka qabno in shirkaas uu qabsoomi waayo, mana jirto cid naga hor istaagi karto” ayuu yiri Malaaq Shiino

Malaaq Shiino, wuxuu shaaca ka qaaday in wali ay sugayaan  ergooyin  kasoo jeeda beesha Mareexaan, kuwaas oo ka imaanaya magaalooyinka gobolka Gedo qaar, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa Wali ka soconaya Magaalada Baydhabo qorshe la doonayo in lagu soo dhiso maamulka la magac baxay koofur galbeed Soomaaliya, dadka qaar ayaa kuu sheegaya in shirkan uu yahay mid waqti looga sii luminayo Dowlada Somalia.

Halkaan Hoose ka dhageyso Malaaq Sheeno

Malaaq Cali Cabdo raxmaan Axmed Shiino

Caasimada online

Xafiiska Baydhabo

[email protected]

Ciidamada Sierra Leone ee ku sugan Somalia oo 2 bilood mushaar la’aan ah

Muqdisho (Caasimada online) Dowlada Sierra Leone oo ciidamo ku howlgala magaca AMISOM ay ka joogaan Somalia ayaa shaaca waxay ka qaaday in muddo Labo bilood ah askarteeda aysan helin wax mushaaraad ah .

Hadalkan waxaa lagu sheegay warsaxaafadeedka kasoo baxay Wasaaarada Gaashaandhiga Sierra Leone, waxaana lagu baahiyay warbaahinta dalkaas.

“Ciidamadeenna waxaan dhameystirnay toddoba bilood ka hor, shan bilood oo ka mid ah ayayna heleen mushaarka uu bixiyo ururka Midowga Afirka. Labadii bilood ee ugu dambeysay wax mushaar ma helin, innaga ayaana ka siinaynay jeebkeenna lacago ka mid ah mushaarkooda,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaarada difaaca Sierra Leone .

Dowlada Sierra Leone ayaa sidoo kale sheegtay in kaliya askarta kaga sugan Soomaaliya ay siinayaan ilaa 100 doolar inta ay ka helayaan mushaarkooda oo sax ah, sida warka lagu sheegay.

Sierra Leone waxay sheegtay in ciidamadeeda ay qeyb ka yihiin howlgalka AMISOM isla markaan ay xaq u leeyihiin xaquuq la mid ah kuwa ay helaan ciidamada ku howlgala magaca AMISOM ee ka socda wadamada Uganda, Burundi iyo Jabuuti.

Wixii ka dambeeyay markii Dowladda Sierra Leone ay soo dhameestirtay ciidameeda ka jooga Soomaaliya muddo todobo bilood ka hor ah, ayaa wasaarada Gaashaandhiga dalkasi waxay shegtay in ciidamadaasi aysan si toos ah uheli jirin saadka ciidan ee loogu talogalay iyo mushaaraadkooda  intaba.

Marka laga soo gudbo dowlada Sierra Leone ciidamada ka socda sidoo kale waxaa Somalia ku sugan ciidamo kale oo ka kala socda dalal dhowr ah kuwaas oo mushaaraadkooda joogta u qaata lamina oga waxa dhibaatadan Sierra Leone kaliya ku koobay

Ciidamada ilaa iminka si rasmi ah howlgalka AMISOM uga mid noqday waxaa ka mid ah   Uganda,Burundi, Jabuuti, Kenya iyo Sierra Leoneinkastoo dowlada Ethiopiana ay dhawaan howlgalkaas ku biirtay.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

VIDEO: Waqti yar bixi wax badan ka ogow dalkaada “Muuqaal naxdin leh”

Caasimada Online: Xaalada dalka Soomaaliya Muwaadin kasta oo Soomaali ah wuu la socdaa balse waxaa jiro arimo badan oo aysan si dhab ah u ogeyn Shacabkeena Soomaaliyeed ee Dal iyo Dibadd labaduba joogaan.

Aqristoow waqti yar bixi wax badan baad ku ogaan doontaa Muuqaalkani aan jaceylahay in aan idiin la wadaagno kaas oo si toos ah ku tusin doono arimo badan oo aadan ogeyn oo aan jaceylahay in aad ogaato daawo video-ga link hoose.

HALKAAN KA DAAWO:

 

KENYA oo laga diiday in si qasab ah ay dib ugu celiso Soomaalida

Nairobi (Caasimada online) Hishiiskii horaantii bishaan ay kala saxiixdeen dowlada Kenya iyo Soomaaliya iyo Hayada qaxootiga u qaabilsan QM ayaa dhigayay in si aan qasab aheyn lagu soo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya, sida uu mar kale sheegay afhayeenka UNHCR oo wariyaasha kula hadlay magaalada Geneva.

Adrian Edwards,  afhayeenka hayada QM ee Qaxootiga ayaa sheegay inaysan jiri doonin in dadka Soomaaliyeed si xoog ah dalkooda loogu soo celiyo, laakiin lasoo celin doono dadka doonaya kaliya.

UNHCR ma taageeri doonto in si xoog ah dadka qaxootiga loosoo celiyo”ayuu yiri afhayeenka UNHCR, isagoo ka jawabayo hadalo kasoo yeeray dowlada Kenya.

Dowlada Kenya ayaa marti gelisay qaxooti badan oo Soomaali ah oo QM ay ku sheegtay inay gaarayaan 470,000 kuwaasi oo ku jira xerada ugu weyn ee qaxooti ee dalka Kenya.

“UNHCR waxay u shaqeysaa oo ay u hadlaysaa qaxootiga maalin kastaa, laakiin booqashadii Dhadhaab waxay qaxootiga siinaysaa fursad ah in saraakiisha sar sare ee Somalia ay weydiiyay halka ay doonayaan inay ku laabtaan”ayuu hadalkiisa ku daray Adrian Edwards afhayeenka UNHCR.

Qaramada Midoobay ayaa wado qorshe ku aadan in dib loosoo celiyo ilaa bisha Janaayo tiro kamid ah qaxootigaasi ee ku sugan dalka Kenya, waxaana dhawaan masuul u hadlay UNHCR uu sheegay inay gacan weyn ka geysan doonaan soo celinta qaxootiga.

UNHCR ayaa sidoo kale diyaarinaysa qorshe diyaarad dadkaasi loogu geynayo  seddex degmo oo ka tirsan Somalia oo kala ah Baydhabo, Luuq iyo Kismaayo.

Caasimada online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Wadan kale oo kusoo biiray howlgalka ladagaalanka Burcad Badeeda

Muqdisho (Caasimada online) Koox ciidamo ah oo gaaraya 12 xubnood oo ah guuto qaas ah oo ka mid ah ciidamada Sebia ayaa maanta la filayaa inay gaaraan dalka Jabuuti, kuwaasi oo maalmo ka dib si rasmi ah u bilaabaya ka qeyb galka howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada dowlada Serbia Ljubisa Dikovic ayaa maalintii shalay sheegay in soo sagootiyeen ciidamada oo ku sugnaa xero ciidan oo ku taala deegaanka Panveco, kuwaasi oo barka hore qorshaha uu yahay inay ka tagaan magaalada Istanbul kadibna ay usii gudbaan dalka Jabuuti,iyagoo howlgalka la dagaalanka burcad badeeda ka bilaabi doona xeebaha gacanka Cadan.

Mr Dikovic ayaa sheegay in muhiimada ay tahay in midowga Yurub ay ku biiraan ciidamada dowlada Serbia, iyagoo sameynayo weeraro ka dhan ah burcad badeeda, isagoo dhanka kale cadeeyay in ciidamadaasi ay qaateen tababar dheraad ah.

Xaflad lagu sagootinayay ciidamadaasi ayaa waxaa hadal ka jeediyay hogaamiyaha ciidamada loosoo xirayo xeebaha Soomaaliya Ivan Tanaskovic, isagoo u mahad celiyay isaga iyo asxaabtiisaba  dowlada Serbia sheegayna inay waajibkooda si wanaagsan u gudan doonaan.

Ciidamadaasi ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo tababar in muddo ah qaatay, kuwaasi oo lasoo xulay, waxaana tababarka dowlada Serbia ka taageeray dowladaha Greece iyo Faransa.

Ciidamada ayaa ku biiraya howlgalka loogy magac daray Atlanta ee la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya, kuwaasi oo kooxaha burcad ah ka difaaca maraakiibka shixnadaha gargaarka wada iyo maraakiibka isaga kala goosha xeebaha Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Guddoomiye cusub oo KMG ah oo loo magacaabay Banka Somalia + Cod

Muqdisho (Caasimada Online) Shabakadda Caasimada Online ayaa ogaatay in si kumeel gaar ah loo magacaabay guddoomiye ku-meel-gaar ah oo sii wadi doona shaqada maamulka guddoomiha Baanka Soomaaliya.

Arrintan ayaa timid markii maanta kulan xasaasi uu ka dhacay Muqdisho, kaasoo ay ka qaybgaleen Wakiilo ka socda Midowga Yurub, wadamada deeq bixiyaasha iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha la magacaabay ayaa shaqada sii haan doona, kaddib markii beesha caalamka ay codsaday in la keeno guddoomiye cusub oo badala guddoomiyihii horre Yusur Abrarr oo dhawaan shaqadaas iska casishay.

Waddamada deeq bixiyaasha ayaa dowladda ka codsaday in loo baahan yahay guddoomiye cusub oo maamulka Baanka adduunka si loo ogaado dhaqaalaha dowladda soo gala iyo sida loo maamulo.

Wasiirka Maaliyada Xukuumada Somalia Maxamuud Xaaji Suleemaan , oo  markii kulanka madaxweynaha uu soo dhaamaday kadib saxaafada la hadlay ayaa ka warbixiyay waxyaabihii kulankaas looga hadlay .

Wuxuu sheegay in arimaha kulankaas looga hadlay ay ugu muhiimsanaayeen magacaabista gudoomiyaha cusub ee Bankgiga dhexe ee Somalia iyo Mooshinka xildhibaanada Somalia ee Ra’isul wasaare Saacid.

Waa guddoomiyihii seddaxaad oo loo magacaabo Baanka Soomaaliya,muddo sannad ah oo ay jirto dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wariirka Maaliyada Somalia

Wasiirka maaliyada

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Beesha CAALAMKA oo Madaxweynaha kala hadlay mooshinka R/W SAACID

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho, gaar ahaan, garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa goordhow ku soo dhammaaday, shir looga hadlaayay arrimo xasaasi ah.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweyne Xasan Sheekh, wasiirka maaliyadda, wafdi ka socda Midowga Yurub, gaar ahaan waddamada deeq bixiyaasha, QM, iyo dipolomaasiyiin kale.

Shirka oo ahaa mid albaabada uu u xiran yahay, waxaa looga hadlay mooshinka laga keenay raysal wasaaraha iyo xukuumadiisa, kaasoo hadda hor yaalla baarlamaanka iyo magacaabista guddoomiye cusub oo uu yeesho Baanka Soomaaliya.

Ilo xog-ogaal ah oo ka qaybgalay kulanka ayaa noo sheegay in looga hadlay arrimo badan oo xasaasi ah, waxaana markii uu soo dhammaaday saxaafadda si kooban ula hadlay wasiirka maaliyadda, Maxamuud Suleymaan.

Wasiirka ayaa tilmaamay in shirka looga hadlay qoddobo muhiim ah, oo ku jirro mooshinka laga keenay raysal wasaaraha iyo xukuumadiisa.

Wasiirka waxaa kaloo uu sheegay in lagu soo hadal qaaday siddii degdeg loogu magacaabi lahaa guddoomiyaha cusub ee Baanka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa tilmaamay in madaxweynahu uu u ballan qaaday wafdiga beesha caalamka iyo deeq bixiyaasha in loo hoggaansami doono sida mooshinka ay ugu codeeyaan baarlamaanka iyo natiijada ka soo baxda.

Wasiirka markii uu dhammeeyay shirkiisa, wuu diidday saxaafadda in ay su’aal weydiiyaan.

Waxaa jirta culeyso ka imaanaya beesha caalamka oo ku aadan mooshinka ka dhanka ah raysal wasaaraha iyo xukuumadiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

AUN Wasiirkii horre arrimaha dibedda Soomaaliya oo maanta geeriyooday

Hargeysa (Caasimada Online) Allaha ha u naxariisto, waxaa maanta magaalada Hargeysa ku geeriyooday wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya, danjire Axmed Maxamed Aadan Qaybe oo sidoo kale xilal kala duwan ka soo qabtay Somaliland.

Marxuumka ayaa ku dhintay da’da 83-jir, waxaana geeridiisa ka hadlay madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, isagoona aaska danjiraha u magacaabay guddi heer wasiiro ah oo uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Biixi Yoonis.

Marxuum Qaybe ayaa ah siyaasi rug cadaa ah, wuxuuna muddo 25-sanno ahaa danjire dowladii kacaanka ee marxuum Siyaad Barre.

Taarikh Koobaan

Marxuumka ayaa ku dhashay magaalada Caddan ee dalka Yemen sannadkii 1730-kii, wuxuu waxbarashadiisa dugsigga, hoose, dhexe iyo sarre uu ku qaatay dalka Yemen.

Wuxuu waxbarasho u aaday dalka Ingiriiska, isagoona sannadkii 1961-dii uu ka mid noqday toddobo danjire oo ahaa kuwii ugu horreeyay ee Soomaaliya ay magacowday.

Haddaba, maamulka iyo shaqaalaha Shabakadda Caasimada Online, waxay tacsi weyn u dirayaan qoyska,qaraabada,ehelada iyo dadkii uu ka baxay marxuum Axmed Maxamed Qaybe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

Daawo Video: Muwaadin Somali ah oo cabsi ka qaaday in uu diyaarad raaco

Caasimada Online:  Muwaadin Soomaaliyeed oo ku nool Wadanka Mareykanka laguna magacaabo Guled Mohamed ayaa ka sheekeynaya arin kaa ooyin doonto oo ku saabsan mid u diiday in uu dhoofo.

Hadaba Aqristoow dhibaatada heysata Soomaalida ku nool Wadamada Qurbaha waxaa ka mid ah arinkani heysata Walaalkeena Guuleed Mohamed oo ka hadlaya sabab u diiday in uu dhoofo oo uuba niyeeysan in uu diyaarad raaco… Nala Daawo Sababta….

HALKAAN KA DAAWO:

SOOMAALI boob iyo dhac xoogan lagu hayo tan iyo xaley (Faah-Faahin)

Johannesburg (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika, ayaa sheegaya in halkaas ay ka socdaan wax boob lagu hayo dukaamo ay lee yihiin Soomaalida ku ganacsata .

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee koonfur Afrika, Cabdiraxmaan Raabbi, oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in kooxo madow Koonfur Afrikan ah in ay boob ku hayaan tan iyo xaley dukaamo badan oo ku yaalla xaafad ku taalla Johannesburg.

“Boobkii xaley billowday ayaa ka socda location ka suweto iyo nawaaxigeeda kaasooo ila iyo saaka ka socda duleedka magaaladda johannesburg, dukaamo Soomaaliyeed oo la gubay xalay dadkii dhex jiifay oo raq iyo ruux midna la arag ilaa hada. wixii faah fahin dib ayaan ka soo sheegeynaa inshaa allaah.” Ayuu yiri guddoomiyaha.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dhibaato noocan oo kale laga soo wariyo dalka Koonfur Afrika oo noqday meelaha ugu horeeya ee lagu dhibaateeyo Soomaalida dibedda.

Ma jirto cid ilaa hadda wax ka qabtay dhibaatada joogtada ah ee lagu hayo Soomaalida ku ganacsada dalka Koonfur Afrika.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Xog: Khilaafka Xasan iyo Saacid oo dib u dhigay arrin muhim u ahayd Somalia

Hargeysa (Caasimada Online) – Ilo xog-ogaal ah oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in khilaafka madaxda dowladda Soomaaliya uu sabab u noqday in uu markale dib u dhaco wada-hadalladii u socday dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in mar seddaxaad uu dib u dhacay shirka labada dhinac, wuxuuna sabab uga dhigay khilaafka ragaadiyay madaxweynaha iyo raysal wasaaraha.

Wasiir Biixi wuxuu caddeeyay in labo codsi oo ku saabsan in uu baaqday shirkaas ay kasoo kala gaareen dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo dowladda Turkiga.

Wada-hadallada labada dhinac ayaa lagu waday in uu qabsoomo horaantii bishan November, balse waxaa la sheegay in uu dhacaayo bisha soo socoda ee December, haddana dib ayey u dhaceen.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland wuxuu caddeeyay in ay wada-hadalladaas ay qabsoomi doonaan bisha January ee sannadka dambe 2014-ka.

Si kastaba, waxaa hubaal ah in khilaafka madaxweynaha iyo raysal wasaaraha uu sabab u noqday in ay baaqdaan kulamo badan iyo shaqooyin horyaalay dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhawaan ka baaqday shirkii hoggaamiyaasha Afrika iyo Carabta ee ka dhacay Kuwait.

Ma cadda halka uu ku biyo shuban doono khilaafka labadan, oo hadda gaaaray meeshii ugu xumaa, iyadoona golaha sharci-dajinta ee Baarlamaanka uu hadda horyaalo mooshin ka dhan ah raysal wasaaraha Soomaaliya.

Turkiga wuxuu shir horre ugu qabqabtay labadan dhinac dalkiisa, wuxuuna hadda hor boodayaasha howlaha nadeenta Soomaaliya.

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, wuxuu toddobaadkan sheegay in dalkiisu uu qunsyliyad ka furaanyo magaalada Hargeysa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

Xilliga Isku-dhuuqa Baarlamanka oo la gaaray: Maaxdan ogeyn oo socda?

Baarlamaanka Somaaliya ayaa toddobaadkan galay xilli ay dadka qaar aad uga naxsan yihiin waxa dhici kara , qaarna ku faraxsan yihinn , Kaas oo ah waxa uu dhali karo khilaafka madaxda sare oo haatan soo gaaray halkii lagu kala goyn lahaa oo ah baarlamaanka .

Baarlamaanka waxaa hor yaalla Mooshin la soo gudbiyey oo ka dhan ah Ra’iisul wasaaraha iyadoo baarlamaanka xubnihiisu u kala qeybsameen labo dhinac, ” Waa waqtigoodii ..baarlamaanku ku tilmaami jireen , xilliga isku-dhuuqa oo ah marka ay codkooda ku gorgortami jireen …ku shubo waqtigii loo bixiyey” ayuu yiri Maxamed Nasir oo ah nin dhallinyaro ah oo Muqdisho ku nool oo goob ka ahaa saddex khilaaf oo soo maray madax sare oo kala duwan oo Somali ah.

Ceydiid Ilko Xanaf oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka hadlay khilaafka hadda saaran miiska baarlamaanka ayaa ku tilmaamay khilaafka soo noqnoqda ee Madaxda sare ee Somalida in ay sabab u tahay iyadoo aaney kala qeexneyd howsha ama shaqada Madaxweynaha ama Ra’iisul wasaaraha, “Shaqadii ra’iisul wasaaraha ayaad arkeysaa iyada oo uuhayo Madaxweynaha ama ra’iisul wasaarihii oo faraha kula jira shaqo uusan laheyn ” ayuu yiri.

Cali Maxamed Geeddi ,waa ra’iisul wasaare hore oo soo maray Somaliya , isaga laftiisa khilaaf hore ayaa seejiyey shaqadiisa wuxuuse hadda aminsan yahay in ra’iisul wasaare Saacid in uu jid ku taagan yahay oo uu madaxweynuhu ku xadgudbayo shaqo uu laahaa ra’iisul wasaaraha, ” Anigu uma eexanayo Saacid waxaanse ogahay in laga gardaran yahay mana aha in shaqada ka tagao ” ayuuna yiri.

Dad badan ayaa aaaminsan in ciddda keliya ee muujisay in aan lagu taxtagin in laga faa’ideysto khilaafka madaxda uu yahay goddoomiyaha baarlamaanka Jawaari oo jeediyey hadal ku aaddan xildhibanaada iyo saxaafadda oo ahaa in aan la buubunnin lagana faa’ideysan khilaafkaas hase yeeshee hadalkiisu aanu u muuqan mid laga jawaabay marka loo eego xusul duubka xildhibaanada iyo la kala safashada labada dhinac.

Xogaha baarlamaanka laga helayo waxay sheegayaan in si loo helo kalsoonida xildhibaanada uu jiro xodxodasho laaluush lagu bixinayo codkii keliyana lagu bixnayo lacag 6-7 kun oo doollar ah , waxayse isweydiintu tahay ..YAA ISKA LEH LACAGTAA ….LA FARAQAYO ..XAGEESE KA KEENEEN RA’IISUL WASAARAHA IYO MADAXWEYNAHA ?..

W/Q: Maxamed Shiil Xasan Shiil

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

Musharixiinta doorashada Puntland oo soo saaray go’aan ka dhan ah Faroole

Boosaaso (Caasimada Online) – Musharrixiinta u taagan doorashada maamulka Puntland oo dhaceysa horaanta bisha Janaayo ee sannadka dambe, ayaa soo saaray qaylo dhaan la xiriirta ammaanka inta ay doorashada socoto.

Isagoo ka hadlaayay Magaalada Gaalkacyo, Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah musharrixiinta ugu cad-cad doorashadda ayuu sheegay in loo baahan yahay qof dhex-dhexaad ka noqda arrimaha ammaanka inta ay socoto doorashadda, maadama uu Faroole oo ah madaxweynaha iminka uu ka qaybgalayo doorashadda.

“Madaxweyne Faroole waa musharrax, haddii la rabo in ay ka dhacdo Puntland doorasho xaq ah, waa in la helaa cid dhex-dhexaad ah, annagu waxaan u aragnaa ruuxaas in uu ka haboon yahay Gen: Saciid Samatar oo horrey wasiirka gaashandhigga u soo qabtay” ayuu yiri Musharrax Cali Xaaji.

Waxaa soo baxaysa walaac laga qabo doorashadda maamulka Puntland, iyadoo musharrixiin fara badan oo hadda ku sugan Gaalkacyo ay lee yihiin waxaa laga yaabaa haddii uu madaxweyne Faroole uu ku guuleesan waayo xafiiska waxaa laga yaabaa in uu khalkhal galiyo ammaanka deegannada Puntland.

Qolyaha sidan ku andoocanaya, waxa ay joogaan Gaalkacyo, oo ma tagi karaan Garoowe oo ah xarunta maamulka Puntland, waana tan keentay walaaca, sida ay lee yihiin dad badan oo ku xeel-dheer arrimaha Puntland.

Isku soo duub, waxaa muuqata culeys ballaaran oo heesta madaxweyne Faroole, iyadoo markii uu tagay dhawaan danjire Kay Puntland, uu si isku mid ah ula kulmay Faroole iyo musharrixiinta doorashada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Boosaaso

[email protected]