25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Xasan oo ka dhab-hadlay xiriirka DF iyo Puntland, digniina u diray dowlad goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray qoraal uu uga ‘dhab-hadlayo’ xiriirka kala dhaxeeya dowlad goboleedyada dalka, ayaa farta ku goday Puntland, isagoo sheegay in tan iyo markii uu xafiiska yimid u uku howlanaa sidii ay wadashaqeyn ula yeelan laheyd dowladda federaalka, balse aysan weli suurtagelin, isagoo balan-qaaday in dadaalo kale u uku bixin doono dhameynta mad-madowga dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, gaar ahaan Puntland.

Madaxweynaha ayaa dowlad goboleedyada uga digay in la siyaasadeeyo arrimaha masiiriga ah ee dalka, sida midnimada iyo wadajir dalka, madax-banaanida, gobnimada siyaasadeed ee dalka, amniga iyo bedqabka muwaadinka.

Hoos ka akhriso qoraalka Madaxweynaha oo ciwaankiisu yahay “XIRIIRKA DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA IYO DOWLAD GOBOLEEDYADA.”

Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee aan hoggaamiyo waxay ugu horreyntiiba mudnaan gaar ah siisay xiriirka wada-shaqeyn ee kala dhaxeeya dowlad goboleedyada, iyadoo saldhig uga dhigaysa mabaadi’da dastuureed ee hagaysa hannaanka wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, si loo dardargeliyo fulinta ajendayaasha qaran oo ay ugu horreeyaan adkaynta amniga dalka, dhammaystirka Dastuurka Dalka oo dabranaa muddo ka badan 10 sanadood, xoojinta federaalaynta dalka iyo horumarinta dhaqaalaha.

Nasiib wanaag, muddadii koobneyd ee aan talada Dalka hayey, Dowladda Federaalku waxay ka mirodhalisay xaqiijinta inta badan ajandeyaashii mudo inagu madlanaa inaga oo guulo ka gaarnay la-dagaalanka khawaarijta oo aan deegaano baaxad weyn ka saarnay,  qaadista cunaqabateyntii hubka ee ina saarnayd in ka badan muddo 30 sano ah iyo cafinta deyntii naga hortaagneyd maalgashiga caalamiga ah.

Dowladda Federaalka waxa ay horumar ka sameysay dib-u-eegista lagu dhammaystirayo Dastuurka JFS, iyada oo sameysay wadatashiga saamileyda siyaasadeed iyo si gaar ah talo aruurin dadweyne, si toos ah iyo si danabeysanba (Online), welina waxa ay dowladu dhiirigelinaysaa wada-xaajoodka iyo wada-tashiga lagu dhameystirayo dastuurka dalka, si shacabka Soomaaliyeed u gaaraan himillooyinka ay hiigsanayaan ee ah helidda dowlad hagaagsan oo dimoqraadi ah, kana shaqeysa baraaraha muwaadinka Soomaaliga ah.

Waxaan si gaar ah  hoosta uga xariiqayaa in Dawladda Federaalku dadaal farabadan ku bixisay hagaajinta xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeya dhammaan Dowlad Goboleedyada, si gaar ahna Dowladda Puntland, si uu noqdo xiriir sharci ah oo ku salaysan danta dadka iyo dalka, welina waxaa ka go’an Dawladda Federaalka in ay sii wado dadaal kasta oo ay ku hagaajineyso Xiriirka Dawladda Puntaland, si dadka Soomaaliyeed u hantaan dawlad Soomaaliyeed oo xaqiijin karta himilooyinkooda Dawladnimo.

Hadaba, Dowladda Federaalka waxaa ka go’an sidii horeba in aysan marnaba siyaasadeynin waajibka ka saaran wadashaqeynta labada heer dowladeed ee federaalka, si gaar ah arrimaha ku saabsan dhaqaalaha, horumarinta iyo la tacaalidda arrimaha bini’aadannimada, iyadoo oo adkeynaysa waajibka iyo xuquuqaha dastuuriga oo ay leeyihiin dowlad goboleedyadu.

Ugu dambeyn, anigoo gudanaya xilkeyga dastuuriga ee ah ilaalinta midnimada iyo wadajirka dalka waxaan xusuusinayaa sida uu qabo Dastuurka Dalka in dowlad goboleedyadu aysan marnaba siyaasadeynin arrimaha masiiriga ah ee dowladnimada Soomaaliyeed, sida: midnimada iyo wadajir dalka, madax-bannaanida iyo gobnimada siyaasadeed ee dalka, amniga dalka, iyo bedqabka muwaadinka.

= DHAMMAAD =

DF oo digniin culus u dirtay dadka ku nool afar magaalo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed ayaa digniin ka soo saartay saameynta iyo dhibaatooyinka ka dhallan kara Roobab aad u xooggan oo la filayo in 8-da maalmood ee soo socota ay ka da’aan magaalooyinka Beledweyne, Bu’aale, Garbahaarey iyo Baydhaba.

Si gaar ah waxay hay’addu digniin ugu direysaa dadka barakacayaasha ah ee ku nool degmooyinka iyo daagano ku xusan warqadaan, kuwaas oo lagu wargeliyey in ay ka feejignaadaan waxyeelada roobabka.

Dadkaan waxaa lagu sheegay digniinta in ay yihiin dadka ugu nugul, uguna saameynta xooggan biya-baxooyinka iyo fatahaadaha ka dhaca dalka.

  1. Magaalada Beledweyne.

Sideeda maalin oo soocota roobab xoogan ayaa la filayaa in ay ka da’aan Beledwayne iyo deegaanada ku xeeran. “Waxa aad u sareeya suugaralnimada biyo baxyo kadhaca magaalada, gaar ahaan hareeraha Wabiga.

Hey’adda ayaa sheegtay in la qiyaasayo biyaha roobabkan aad u xooggan in ay sare u kacaan biyaha wabiga, taas oo ay ka dhalan karto fatahaado sababi kara barakac Bulsho iyo dhibaatooyin kale oo xoggan, “sidaas awgeed in dadka degan Magaalada Beledweyne waa inay muujiyaan taxadar aad u xooggan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

  1. Magaalada Bu’aale

Sideeda maalmood ee soocota roobab xoogan ayaa la filayaa in ay ka da’aan magaalada Bu’aale iyo deegaanada ku xeeran, “Waxa aad u sareeya suugaralnimada in ay biyo baxyo kadhacado, sidaas awgeed waa in dadyowga deegaanadaas ay aad u taxadaraan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

  1. Magaalada Garbahharey

Si lamid ah magaalooyinka kale, waxaa la saadaalinayaa in 8-da maalmood ee soocota ay roobab xoogan ka da’aan Garbaharey iyo deegaanada ku xeeran, waxaana digniin loo diray dadka deegaanadaas oo laga dalbaday inay taxadaraan.

  1. Magaalada Baydhaba.

8-da maalmood ee soocota roobab xoogan ayaa la filayaa in ay ka da’aan Baydhabo iyo deegaanada ku xeeran. “Waxa aad u sareeya suugaralnimada biyo baxyo ka dhacdo sidaas awgeed waa in Dadyowga deegaanadan ay aad u taxadaraan,” ayaa lagu yiri qoraalka hey’adda qaxootiga iyo barakacayaasha.

Sawirro: DF iyo Turkiga oo arrin muhiim ah hoosta ka xariiqay – xogta kulan xasaasi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan gaar ah xarunta wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya kula qaatay mas’uuliyiin wasaaradda Gaashaandhigga iyo Saraakiisha Ciidamada Turkiga ee saarnaa Markabka dagaalka ee shalay soo gaaray Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa qorsheyn iyo qaabeyn lagu dhiraan-dhirinayo hannaanka fulinta qodobo kamid ah heshiiskii Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan arrimaha tababarrada iyo taakuleynta ciidamada.

Kulankaas oo intiisa badan diiradda lagu saaray arrimaha ciidamada ayaa waxaa qeyb ka ahaa Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Guuto Madey Nuurey Sheikh iyo saraakiil kale.

Kulankaan waxaa ka horeeyey mid xalay uu la yeeshay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo casho sharaf ahaa, kulankaas ayaa xalay ka dhacay Hotel Decale oo ku yaalla xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

Saraakiisha iyo Taliyeyaasha Ciidamada Turkiga ee saarnaa Markabka dagaalka oo ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Turkiga ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo ku soo xirtay dekedda.

Markabkaas dushiisa ayaa shalay lagu qabtay munaasabad lagu kala saxiixday dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga difaaca ee dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya, waxaana madaxdii ka qeyb gashay ugu sareeyey Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xalay saraakiisha Tukida ah u sheegay in Markabka Difaaca Turkiga ee ku soo xirtay Muqdisho uu yahay dhacdo taariikhi ah oo xoojinaysa iskaashiga iyo walaalnimada Soomaaliya iyo Turkiga.

Dhankiisa Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadaljeedintiisii shalay ku yiri, “Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo  waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan  ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed.”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo war kasoo saaray geerida Suldaan Axmed Rashiid

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, bahda dhaqanka iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Axmed Rashiid Sheekh Shucayb.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu kamid ahaa tiirarka dhaqanka Soomaaliyeed ee doorka muuqda kasoo qaatay nabadda, xasilloonida, dib-u-heshiisiinta, adkeynta wadajirka shacabka iyo dowlad-dhiska, gaar ahaan dowlad-goboleedka Hirshabeelle.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa waxa uu Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Suldaan Axmed Rashiid Sheekh Shuceyb ayaa saaka waaberigii ku geeriyooday magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle, halkaasi oo isla maanta lagu aasay.

Suldaanka ayaa kamid ahaa odey dhaqameedkii ka qeyb-galay shirkii Carta ee dib loogu yegleelay dowladda Soomaaliya sanadkii 2000.

Waxa uuna kaalin muuqata ku lahaa dadaallada dib-u-heshiisiinta ee gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu qeyb ka ahaa xulista xildhibaannada reerkiisa ku matala barlamaanka Soomaaliya iyo kan gobolleedka Hirshabeelle, isaggoo kamid ahaa 135-ta odey ee u diiwaan-gashan wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Xog: Xujo weyn oo hortaalla madax goboleedyada xilli uu Abiy wado qorshe halis ah

Muqdisho (Caasimada Online) – 100 maalmood ee soo aadan xasaasi ayay u tahay Soomaaliya. Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa jeexanaya qaabka ay madaxdooda usii wada ceeshi karaan ama u kala ciidan tagi karaan.

Dowladda Itoobiya ayaa il gaar ah ku eegaysa xaaladaas. Intii la socotay warbixinadayadii ugu dambeeya dowladda Itoobiya waxay wada-hadallo hoose la wadaa madaxda laba kamid ah maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya, si ay ugu xirmaan magaalada Addis Ababa.

Tan iyo 1-dii bishii Janaayo ee sanadkaan dowladda Itoobiya waxay kala kulantay siyaasadda arrimaha dibadda guul-darro siyaasadeed iyo dharbaaxo aanay sanadahan arag.

Shirkii u dambeeyay ee dalalka G7 si weyn ayaa Itoobiya loogu dhalleeceeyay duulaanka qaawan ee ay ku qaaday midnimada iyo madax-banaanida Soomaaliya. Waxaana kale oo la sawiray halista kala taga qarameed ee ay wajaheyso Itoobiya, iyada oo dalalka G7 taageero u muujiyeen midnimada Soomaaliya.

Iyada oo loo jeedo mowqifka dalalka G7 ee xiisadda labada waddan, lana xasuusto dhibcihii diblumaasiyadeed ee ay Soomaaliya kasoo hoysay Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD, Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo Jaamacadda Carabta iyo dhanka kale hoos u dhaca siyaasadeed ee gaaray Addis Ababa.

Dadka Soomaalida waxay is-weydiinayaan madaxda maamul goboleedyada dalkooda ma u gacma qaban doonaan Itoobiya.

Dhawaan Puntland ayaa ku xiratay Itoobiya, waxaana muuqata in aanay taageero badan uga helin Soomaalida dhexdeeda sababtuna waa in aanay dadka Soomaaliyeed sinaba ugu faraxsaneyn inay arkaan qarankooda oo loogaga adkaanayo fagaarayaasha caalamka.

Itoobiya si ay uga jawaabto dharbaaxada uu madaxweyne Xasan Sheekh kaga soo dhuftay dhanka siyaasadda arrimaha dibadda waxay ka shaqeynaysa inay ka hor keento maamul goboleedyadiisa oo ay halkaasi ka fuliso aargoosi.

Cidda keliya oo riyadaasi u rumeyn karta Itoobiya waa maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya. Laba kamid ah madaxda maamullada ayaa hadda lagu qalqaalinaya inay tagaan magaalada Addis Ababa oo ay la kulmaan ra’iisul wasaare Abiy Axmed, loona sameeyo soo dhaweyn u maqaam eeg sida qaran madax-banaan.

Haddii uu ra’iisul wasaare Abiy Axmed taas ku guuleysto dharbaaxo culus ayay ku noqon doonta Soomaaliya laakiin waa mid ay isla Soomaali kale sababteeda qaadan doonto.

Madaxda maamullada ee Itoobiya qal-qaalada ku wado waxaa haysta imtixaan culus oo ah sida ay iskaga badbaadin karaan inay dhaawacaan qarannimadooda.

Si walba oo loo diidan yahay habka uu madaxweyne Xasan Sheekh ku wado siyaasadda arrimaha gudaha, haddana majiro hoggaamiye Soomaali ah oo libin ku heli doona inuu raaco Itoobiya.

Madaxda maamullada ee ka gadoodsan madaxweyne Xasan Sheekh waxaa u haboon inay kula diriraan gudaha dalka, shirarka Golaha Wadatashiga Qaran iyo fagaarayaal ay Soomaali fadhiso, balse aanay sumcadooda siyaasadeed iyo qiimahooda shaqsiyadeedba ku burburin inay dalkooda usoo raacan dal kale, Abiy Axmed aanay ka dabcin culeyska uu kala kulmayo caalamka iyo gudaha dalkiisaba.

Dowladda Itoobiya ayaa la fahamsan yahay inay wax walba ku bixin doonto inay madaxweyne Xasan Sheekh gudaha dagaal uga furto, si uu kaga mashquulo dagaalka uu waqtiga badan gelinayo ee siyaasadda arrimaha dibadda.

Dadka Soomaalida waa inay si weyn oo foojigan isha ugu hayaan madaxda maamullada ee xilligaan isku dayaya inay raacan Itoobiya.

Sawirro: Kadib dayn-cafinta Soomaaliya shir muhiim ah oo maanta laga furay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka maalgashiga Soomaaliya.

Shirkan oo lagu soo bandhigayey sidii looga faa’iideysan lahaa fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, iyada oo laga faa’iideysanayo fursadaha jira ee ay kamid tahay deyntii oo laga cafiyey Soomaaliya iyo ku biirista suuqa ganacsiga Bariga Afrika.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay waddan qani ah oo leh kheyraad kala duwan, sidaas darteedna ay xukuumaddiisu dadaal ugu jirto soo jiidashada iyo dhiiri-gelinta maalgashiyo caalami ah oo dalka u horseeda isku filnaansho dhaqaale iyo shaqo abuur.

Sidoo kale waxa uu ku dhiiri-geliyey maalgashiyada gudaha iyo dibedda in ay ka faa’iideystaan fursadaha badan ee ka bannaan maalgashiga dalka.

Waxa uu si gaar ah u xusay in fursadaha jira ay sii dhiiri-gelinayaan amniga oo soo hagaagaya iyo shuruucdii maalgashiga hagaysay oo la dhammeystiray, tallaabooyinkaas oo damaanad siinaya maalgashadeyaasha caalamiga ah.

Shirka oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, ayaa waxaa ka soo qeyb galeen ganacsato ka socotay waddamada Bariga Afrika.

Iyada oo lagu soo bandhigay fursadaha waaweyn ee dhinaca maalgashiga ah ee ka jira Soomaaliya, kuwaas oo u baahan in lagu sameeyo maalgelin, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan.

13-kii December ee sanadkii hore ayey aheyd markii Soomaaliya si rasmi ah looga cafiyay guud ahaan deyntii uu caalamka ku lahaa, taasi oo dhabaha u xaareysa inay hesho maalgashi horleh.

Sawirro: Soomaaliya oo ka guuleysatay 39 dal kadib markii…

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SoDMA) ayaa guul wayn ka gaartay loolan loo galay doorasho ka dhacday magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Soomaaliya ayaa loolankan uga guuleysatay 39 waddan oo Afrikaan ah, isla markaana xubno ka mid ah Hay’adda African Risk Capacity ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano (ARC).

Sida ay lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay SoDMA waxaa saddexda sano ee soo socoto ururkan guddoomin doono Hay’adda Maareynta, waxaana matali doono Maxamed Cumar Macalin (Wayaki)

Waa markii labaad ee ay Soomaaliya ku guuleysaneyso shir guddoonka uruurkan, tan iyo markii la saxiixay heshiiska uu ku dhisan yahay.

“Hay’adda SoDMA ayaa ku guuleeysatay doorashada xubin ka mid ah xubnaha maamulka hay’adda ARC Saddexda sanno ee soo socota, taas oo uu ku matali doono Maxamed Cumar Macalin (Wayaki), waxaana xusid mudan in Soomaaliya markii labaad ay qabato shir guddoonka Ururkaan tan iyo markii ay saxiixday heshiiska uu ku dhisanyahay ururka ARC bishii Abriil Sannadkii 2021” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Hay’adda SoDMA.

Dhinaca kale wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa xarunta ururka midowga Afrika ee Magalaada Adis-Ababa uga qeybgalay kal-fadhigii 14-aad ee shir-weynaha sannadlaha ah oo ay isugu yimaaddaan wadamada xubnaha ka ah Hay’adda African Risk Capacity (ARC) oo qaaradda Afrika u qaabilsan Maareeynta Khataraha Musiibooyinka.

Shirkan oo ay ku kulmeen 39-ka dal ee xubnaha ka ah ururkaan qeeybtiisa farsamada waxaa gudoominayey Agaasimaha waaxda Maareeynta Khataraha Musiibooyinka SoDMA, Khadar sheekh Maxamed Nuur, waxaana shirka qeybtiisa farsamo lugu go’aamiyey go’aanno farsamo oo la hordhigayay madaxda hay’addaha wadamadda xubnaha ka ah oo uu doorkan guddoomiyey Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallim Cabdulle.

Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe bandhig cajiib ah ka sameyneysay fagaarayaasha caalamka, waxaana dhowaan ay ku guuleysatay ku biirista Dallada Bariga Afrika ee EAC, hadda waxa ay dooneysaa kursiga guddoomiyaha Midowga Afrika oo ay u sharraxan tahay Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo horay usoo qabatay xilal kala duwan.

Somaliland oo ka jawaabtay carada ay Jabuuti ka qaaday heshiiska badda ee Itoobiya

0

Waahington (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland Ciise Keyd Maxamuud ayaa ka jawaabay hadalkii wasiirka maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaaleh oo cadeeyey in Jabuuti iyo madaxweynaheeda Ismaaciil Cumar Geelle ay si weyn uga caroodeen tallaabadii uu Muuse BIixi badda ku siiyey Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Ciise Keyd Maxamuud oo ku sugan Maraykanka ayaa u waramay Idaacadda VOA, wuxuuna sheegay in wax dhibaato ah aysan u arkin hadalka wasiirka maaliyadda Jabuuti.

Sidoo kale Wasiir Keyd ayaa sheegay in Jabuuti aysan u geysan wax dhibaato ah, balse ay ka shaqeynayeen aayaha umadda reer Somaliland, markii ay gelayeen heshiiska Itoobiya, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Waxaa la weydiiyey sababta ay uga baxeen heshiiskii ay garwadeenka ka aheyd Jabuuti ee dowladda federaalka Soomaaliya ay la galeen, wuxuuna ku dooday in halkaas wax heshiis ah aan lagu gaarin, taasina ay sababtay in Somaliland ay iska daneysato.

Sidoo kale wuxuu sheegay in heshiiska ay la galeen Itoobiya uusan dhabarjebin ku aheyn Jabuuti iyo arrimihii ay waday ee dhexdhexaadinta, balse uu ahaa mid ay muddo kasoo wada shaqeynayeen Somaliland iyo Itoobiya.

“Si fudud uma aanaan tegin Itoobiya, afar bilood ayaan ka shaqeynayey arrintaas, kulanka Jabuuti markii uu dhacayey anigu waxaan joogay Addis Ababa, taasi waxay keentay in madaxweynuhu uu Itoobiya tago si heshiiskaas uu u saxiixo, maadaama uu soo dhamaaday wadahadalkeenii anaga iyo Itoobiya,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Wasiirka ayaa meesha ka saaray in heshiiskaas uu ahaa falcelin ku saabsan heshiiskii ay garwadeenka ka aheyd Jabuuti, balse uu ahaa heshiis ay muddo afar bilood ah ka shaqeyneysay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo isagu uu hoggaamiyo.

Ugu dambeyntii wasiir Ciise Keyd ayaa sheegay in Jabuuti iyo Somaliland ay yihiin walaalo, isla markaana uu ka dhaxeeyo heshiis iyo walaalnimo soo jireen ah.

“Heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya meel aad u wanaagsan ayuu marayaa, wax kastana waxay u socdaan sidii loo qorsheeyey,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Ciise Keyd Maxamuud.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Suldaan kamid ahaa Salaadiin-tii qeybta ka aheyd shirkii Carta oo maanta lagu aasay Jowhar

0

Jowhar (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle lagu aasay Suldaan Axmed Rashiid Sheekh Shuceyb oo ahaa Suldaanka beellaha Lixda Shiidlo, oo saaka waaberigii geeriyooday.

Meydka Suldaan Axmed Rashiid ayaa Salaadda Janaasada lagula tukaday garoonka kubada cagta Xasey Kumaari ee magaalada Jowhar, ayada oo tukashada salaad ka qeyb-galeen mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulka HirShabelle iyo tan degmada.

Suldaan Axmed Rashiid AUN ayaa kamid ahaa odey dhaqameedkii ka qeyb-galay shirkii Carta ee dib loogu yegleelay dowladda Soomaaliya sanadkii 2000.

Suldaanka ayaa kaalin muuqata ku lahaa dadaallada dib-u-heshiisiinta ee gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu qeyb ka ahaa xulista xildhibaannada reerkiisa ku matala barlamaanka Soomaaliya iyo kan gobolleedka Hirshabeelle, isaggoo kamid ahaa 135-ta odey ee u diiwaan-gashan wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe oo ka tacsiyadeeyay geerida Suldaanka ayaa waxa uu sheegay inuu naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u adeegida shacabka HirShabelle.

“Allaha u naxariistee Marxuum Suldaan Axmed Rashiid waxa uu kaalin wayn ka soo qaatay aasaaska iyo dowlad dhiska Hirshabeelle iyo sidoo kale dadaalada nabadeynta bulshada,” ayuu Cali Guudlaawe ku yiri qoraal uu kasoo saaray.

Waxa uu intaas kusii daray “Marxuumka waxaan Alle uga baryayaa inuu Janatul Fardawsa ka waraabiyo, Qoyska, Ehelada iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo.”

Guri ay saraakiil Shabaab ah ku shirayeen oo la duqeeyay

0

Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeymo ay maanta diyaarado dagaal ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Dhexe, taas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta oo ahayd mid bartilmaameed ah ayaa ka dhacday aagga degmada Ruun-nirgood, halkaas ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Warbaahinta dowladda ayaa warisay in duqeyntan si gaar ah loola beegsaday guri ay ku shirayeen saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab, balse ma shaacin khasaaraha gaaray.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in dhulka lala simay guriga la beegsaday ee ay ku sugnaayeen xubnaha sar sare ee Al-Shabaab.

“Diyaarado dagaal ayaa duqeymo culus ka fuliyay Degmada Ruunirgood ee Gobalka Sh/dhaxe, waxaana dhulka lalasimay guri ay ku shirayeen xubna sare sare oo ka tirsan AS,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Sidoo kale inta uu socday weerarkan diyaaradaha ayaa duqeeyay dhulka howdka ah ee u dhexeeya xadka gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayaan xoogaga Al-Shabaab.

“Diyaaradaha dagaalka ayaa sidoo kale duqeeyay dhulka howdka ah ee ku yaalla xadka Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi dhanka cirka ah ee ay guusha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka degmada Ruun-nirgood oo ah halka ay duqeyntu ka dhacday.

Shabeelaha Dhexe oo ay weli ka socdaan howlgallo culus ayaa kamid ah gobollada lagu jabiyay Al-Shabaab, maadaama wajigii koowaad ee dagaalka looga xorreeyay dhul aad u ballaaran oo ku yaalla HirShabelle.

KENYA iyo Soomaaliya oo galay heshiis cusub oo la xiriira ganacsiga qaadka

Nairobi (Caasimada Online) – Xoghayaha beeraha iyo xanaanada xoolaha ee Kenya Mithika Linturi ayaa ku dhawaaqay in Kenya ay heshiis dhoofinta qaadka ah la galeyso Soomaaliya 8da bisha soo socota ee Maajo, si loo xaqiijiyo faa’iido dhaqaale, loona abuuro hanaan sharci oo ganacsiga qaadku ku shaqeeyo.

Mr Linturi wuxuu hoosta ka xariiqay in qaadku uu laf-dhabar u yahay dhaqaalaha degmada Meru, kaasoo waxtar u leh nolosha dad badan oo degmadaas ku nool.

Xoghayaha wuxuu u ballan qaaday dad uu la hadlayey in xukuumaddiisa ay diyaar u tahay in ay ilaaliso danahooda.

Sannadihii u dambeeyey waxaa ganacsiga qaadka ee Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeya hareeyey khilaaf soo noqnoqonayey, horena uma aysan jirin heshiisyo qaadka la xiriira oo ay labada dhinac wada galeen.

Muddo ku dhawaad laba todobaad laga joogo ayaa dib waxaa u billowday qaadkii tegi jiray Muqdisho, ka dib markii muddo hakad ku jiray.

Cabdiwaaxid Barre Macallin oo ka mid ah dadka ka shaqaysta qaadka ee ka soo qaada Beeralayda ilaa ay u dhoofiyaan Soomaaliya ayaa sheegay in ay khaati ka joogaan wax uu isagu ugu yeeray “magafayaasha qaadka” oo lacago dheeraad ah ka qaada ganacsatada qaadka u dhoofiya Soomaaliya.

“Waa arrin dhib ku ah dadka nolol maalmeedkooda, beeralayda ilaa kuwa ku xiran ee wax ka hela, lacagta maaha mid ah canshuurta oo Kenya u dhacda, iyo mid Soomaaliya u dhacda laakiin waxay u dhacdaa kudlad isku xiran oo ku sii xiriirsan dad awood leh,” ayuu yiri Barre.

Dowladda Soomaaliya ayaa qaadka Miiroowga ee Muqdisho tagaya sida maalin laha ah ku canshuurta lix dollar kiiladiiba.

Kenya waxay muddo raadinaysay suuq ay isku hallayn karto oo ay u dhoofiso qaadkeeda. Soomaaliya dhowr goor oo hore ayuu ganacsiga qaadku hakad galay sababo qaarkood siyaasado markaas taagnaa salka ku hayey, halka suuqii kale ee loo dhoofin jiray qaadka Kenya oo ah dalka Ingiriiska isna gabi ahaanba laga mamnuucay bishii Juun 2014. Soomaaliya weli kama aysan hadlin heshiiskaas.

Isha: BBC

DF oo faahfaahin ka bixisay howlgal lagu laayey Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay howlgallo culus oo lagu laayey Al-Shabaab, kuwaas oo isugu jira duqeymo iyo dagaal toos ah, inta badan howlgalladaas ayaa ka dhacay gobolka Mudug.

War ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgaladaas lagu dilay in ka badan 30 Shabaab ah, waxaana tirada ugu badan lagu dilay duqeyn ka dhacday deegaan lagu magacaabo Carfuuda oo ka tirsan gobolka Mudug.

“In ka badan 30 Khawaarij ah ayaa lagu dilay howlgal milateri oo ay iska kaashadeen Ciidamada Qalabka Sida iyo saaxiibada caalamiga ah oo laga fuliyay deegaanka Carfuuda oo qiyaastii 20 km Waqooyi Bari kaga beegan magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sida lagu sheegay warka dowladda, hawlgalka waxaa lagu beegsaday labo arrimood oo kala ahaa, mid ay isku abaabulayeen maleeshiyaad Khawaarij ah iyo xarun ay ku diyaarinayeen qaraxyo.

“Ciidamada Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa sidoo kale ku guulaystay in ay burburiyaan dhammaan saanaddii Khawaarijta oo ay ku jiraan gawaarida dagaalka iyo kuwa ay qaraxyo u diyaariyeen,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii warkaan ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya waxaa lagu yiri, “Hadafka ugu wayn ee dowladda ayaa ah in Khawaarijta lagu beegsado goob kasta oo ay gabaadsadaan si dadkeena iyo dalkeena looga xoreeyo cadawga Khawaarijta.”

Dowladdu faahfaahin kama bixin dagaal culus oo xalay ka dhacay deegaanka Xawaadley ee waqooyiga Muqdisho oo hoos taga degmada Balcad, halkaas oo Shabaab ay soo weerareen, balse lagu jebiyey.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, Al-Shabaab waxay xalay qorsheeyeen inay cagta mariyaan ciidanka jooga Xawaadley oo isugu jira xoogga dalka iyo kuwo deegaanka ka soo jeeda oo xaq u dirir ah, balse waxaa la helay xogtooda, waxaana looga hortegay duleedka magaalada, halkaas oo jab culus lagu gaarsiiyey.

 

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhigyo ku yaalla duleedka degmada Balcad

0

Balcad (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar toos ah oo ay Al-Shabaab ka fuliyeen duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo uu xigay dagaal toos ah.

Weerarka ayaa waxaa lagu ekeeyay saldhigyo ay ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ku leeyihiin deegaanka Xawaadley oo hoostaga magaaladaasi.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa sidoo kale isku dayay inay qarxiyaan, iyaga oo miino ku xiraya buundada deegaankaasi oo muhiim u ah isku socodka dadka shacabka ah, balse waa laga hortegay.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan iyo dagaalka ka horreeyay, maadaama dhacdadu ay dhacday xilli habeen ah.

Sarkaal u hadlay milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay fashiliyeen weerarka Al-Shabaab, wuxuuna intaasi ku daray inay haatan wadaan howlgallo dheeraad ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ku raad joogaan xubnaha Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday aagga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xawaadley laba jeer oo hore waxaa sidaan oo kale usoo weerartay kooxda Al-Shabaab, balse waxaa dib u celiyay ciidanka Xoogga dalka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq dhaqaaq laga dareemayaa aagga halka lagu dagaalamay.

Weerarkan ayaa kusoo aaday, ayada oo uu shalay Balcad booqday madaxweynaha HirShabelle oo mashariic horumarineed ka daah-furay gudaha degmadaas, kuwa kalena ka dhagax dhigay, kuwaas oo muhiim u ah dhammaan dadka deegaanka.

Sawirro: Fartaag oo kulankii ugu horreeyay la yeeshay wasiirrada heer goboleed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa maanta kulan la qaatay wasiirrada amniga dowlad-goboleedyada dalka oo Muqdisho u jooga xoojinta wada-shaqeynta laamaha amniga.

Wasiirrada ayaa xoogga saaray sidii loo mideyn lahaa dadaallada lagu sugayo amniga dalka iyo dardar-gelinta la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay kulanka.

Masuuliyiintan ayaa sidoo kale diirada saaray tayeynta booliska iyo xoojinta wada-shaqeynta ku aaddan ka hortagga iyo kadaba tagga falalka dambiyada.

Wasiir Fartaag ayaa xusay muhiimadda ay amniga dalka u leedahay mideynta shaqada laamaha amniga iyo isku xirnaanta booliska, ayada oo shirkaan uu kusoo aaday xilli muhiim ah oo ay dalka ka socdaan howl-gallo ka dhan ah argagixisada.

Wasiirka ayaa waxa kale oo uu bogaadiyey sida ay uga go’an tahay wasiirrada amniga ee heer dowlad-goboleed in la sii amba-qaado qorsheyaasha lagu xoojinayo Booliska Soomaaliyeed.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirrada amniga dowlad-goboleedyada Jubbaland, HirShbelle, Galmudug iyo Koonfur-galbeed. Waxaana ka maqneyd Puntland oo ayadu xiriirka u jartay dowladda federaalka, kalana laabatay kalsoonidii wada-shaqeyneyd.

Fartaag ayaa 7-dii bishaan loo magacaabay wasiirka amniga gudaha kadib billooyin uu xilkaasi banaana, ayada oo magacaabistiisu kusoo aadeysa xilli xasaasi ah oo dalka uu ku jiro dagaal ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

Sawirro: Aadan Madoobe oo u baxay safar dibadeed

0

Muqdisho (Caasimada) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, isaga oo kusii jeeda gudaha dalka Turkiga.

Ujeedka safarka Sheekh Aadan Madoobe ayaa la xiriira ka qayb-galka shirweyne caalami ah oo soconaya mudo seddex maalmood ah, kaas oo ka dhacaya dalkaasi.

Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa oo ay qayb ka yihiin xildhibaano ayaa inta ay ku sugan yihiin dalka Turkiga waxa ay uga qayb-geli doonaa shir ay isugu imaanayaan madaxda Baarlamaanada waddamada Islaamka, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Sheekh Aadan Madoobe.

Afhayeenka baarlamaanka ayaa khudbad ka jeedin doono shirka, taas oo uu ugu hadli doono horumarrada ka jira dalkeenna iyo tallaabooyinka uu qaaday Baarlamaanka Soomaaliyeed oo ka kooban laba Aqal.

Sidoo kale waxa uu guddoomiyuhu kulamo doceedyo kala duwan la qaadan doonaa madaxda baarlamaanka ee dalkaasi, si uu ugala hadlo arrimo quseeya xaaladda dalka.

Turkiga oo martigelinayo shirkan ayaa ah saaxibka koowaad ee Soomaaliya, wuxuuna taageero xoogan siiyaa hay’adaha kala duwan ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa kale oo uu ka qayb qaataa dib u dhiska ciidanka Xoogga dalka iyo dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Tallaabadii ugu dambeysay ee uu Turkiga qaaday waxa ay ahayd difaaca badda, isaga oo markab dagaal usoo diray xeebaha Soomaaliya, kaas oo shalay soo gaaray dekedda wayn ee magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa kusoo aaday, kadib heshiiskii badda ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo ay ka carootay dowladda dhexe, oo soo saartay go’aanno culus oo ka dhan ah xukuumadda Addis Ababa.⁸

Sawirro: Xamza oo kulan ugu yeeray saraakiishii Muqdisho keentay markabka dagaal

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan casho sharaf ah ku maamuusay Saraakiisha iyo Taliyeyaasha Ciidamada Turkiga ee saarnaa Markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Turkiga.

Markabkaas ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo ku soo xirtay dekedda, waxaana dushiisa lagu qabtay munaasabadda lagu kala saxiixday dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga difaaca ee dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Markabka Difaaca Turkiga ee ku soo xirtay Muqdisho uu yahay dhacdo taariikhi ah oo xoojinaysa iskaashiga iyo walaalnimada Soomaaliya iyo Turkiga.

Kulanka cashada ayaa waxaa ku wehelinayey Ra’iisul Wasaaraha, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno, saraakiil ciidan iyo Danjiraha Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

Ujeedku wuxuu ahaa in caawa kulankaas shaqada ah lagu casuumo saraakiisha Turkiga ee Markabkaas saaraa, kuwaas oo ku yimid safar dhanka badda ah, maadaama ay la socdeen markab dagaal oo hordhac u ah qorshaha Turkigu uu ku soo degayo xeebaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Danjiraha dowladda Turkiga ayaa galabta kaga qeyb-galay dusha markabkaas dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Turkiga munaasabad ku saabsan dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga difaaca Labada dal.

“Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo  waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan  ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Jabuuti oo cadeysay siday uga carootay go’aankii Muuse Biixi uu badda ku siiyey Itoobiya

0

Washington (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda ee dalka Djibouti, Ilyaas Muuse Dawaleh oo ku sugan magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa ka hadlay aragtida dowladda Djibouti ee heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray Ethiopia iyo Somaliland, kaas oo Muuse Biixi uu ku saxiixay qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in Jabuuti aysan dooneyn inay dhex gasho arrimaha gudaha ee Somaliland, balse ay beeninayaan warar been abuur ah oo ku saabsan arrintaas oo khuseeya Jabuuti.

Wuxuu sheegay in Jabuuti iyo Somaliland ay walaalo yihiin, balse mowqifka Jabuuti uu cadyahay, markii la joogo wixii dhacay, isagoo muujiyey in sharafta madaxweynaha Jabuuti uu meel uga dhacay Muuse Biixi.

“Mowqifka Madaxweyne Ismaaciil iyo Jabuuti waa cadyahay, sharaftu waa in arrinta miiska saaran runta laga sheego, waxaa la rabay in Muuse sheego hadii uusan dhab ka aheyn heshiiska Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Dawaaleh.

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay xaq u leeyihiin aayahooda inay ka tashadaan, balse Jabuuti ay samadoon ama dhexdhexaadiye ka yihiin arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland, maadaama ay dhiig wadaagaan.

“Wax noo qarsoon maleh mowqifkeenu waa cadyahay, Muuse Biixi waxaan ka weynay habeen kale nala hoyo, kadibna waxaan ka war helnay inuu galay heshiis kale oo aad idinkuba aragteen, waan la yaabnay, waana cadeynay mowqifkeena arrinta Itoobiya,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Jabuuti.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in Jabuuti aysan caqabad u arkin walaalahood Somaliland, “Heelka ay naga taagan tahay walaalnimada Somaliland, waxaan Midowga Yurub uga ololeynay in dhaqaale lagu siiyo sidii ay u dhisan laheyd kaabayaal dhaqaale, maadaama ay nabadooda dhisteen,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti ayaa shacabka Somaliland u sheegay inay u hayaan galgaceyl walaalnimo, balse tallaabadii Muuse Biixi ay ka xumaatay Jabuuti, “Canaantaas waa u taallaa Muuse Biixi, laakiin isaga ayey u taallaa sidii uu u laab xaaran lahaa walaalkiis Madaxweyne Ismaaciil,” ayuu yiri Wasiir Ilyaas Muuse.

Hoos ka dhageyso wareysigaan uu siiyey VOA

Daawo: Xasan Sheekh oo shaaciyey qorshe culus oo u bilowday Turkey iyo Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Danjiraha dowladda Turkiga ayaa kaga qeyb-galay dusha markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Turkiga munaasabad ku saabsan dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga difaaca Labada dal.

Madaxweynaha ayaa xusay taariikhda faca-weyn ee ka dhaxaysa Turkiga iyo Soomaaliya, gaar ahaan doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan dowlad-dhiska, gargaarka iyo garab istaagga dadka Soomaaliyeed, iyagoo xilli adag ku soo dhiirraday in ay soo gaaraan Soomaaliya.

“Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo  waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan  ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo mahadcelin iyo bogaadin u diray Madaxweynaha Turkiga, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyey in dhaqan-gelinta heshiiskan ay suurta gelinayso dib u soo celinta Ciidamadda Badda Soomaaliyeed oo awood u yeesha in ay kaligood sugaan difaaca badaheenna, muddo dhow kaddib, haddii Alle idmo.“Heshiiska aan la saxiixanay Soomaaliya wuxuu caalamka tusay in xiriirka walaaltinimo uu ahaan doono mid waligiis

“Heshiiska aan la saxiixanay Soomaaliya wuxuu caalamka tusay in xiriirka walaaltinimo uu ahaan doono mid waligiis sii jiri doona. In markabkaan dagaal uu yimaado Soomaaliya waxay qeyb ka tahay heshiiskii difaaca Badda ee Soomaaliya iyo Turkiga ay galeen,” ayuu yiri Safiirka Turkiga ee Soomaaliya.

Waxaana xusid in maalinta dhaqangalka heshiiskaan lagu soo beegay maalinta sanad-guurada 104-aad ee qarannimada Turkiga, taasi oo muujinaysa ahmiyadda heshiiskani u leeyahay labada dal walaalaha ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in heshiiskani horseedi doono in la gaaro Soomaaliya ku filan difaaca iyo ilaalinta xeebaheeda oo hadda ay dhibaato ba’an ku hayaan Maraakiib shisheeye, kuwaas oo xeebaha dalka uga kaluumeysta si sharci darro ah, halka qaarkooda ay ku shubaan maadooyin sun ah oo halis ku ah noolaha ku jira Badda.

Hoos ka daawo

 

Maxay abwaanada reer Somaliland ee Al-Shabaab ku biiray uga duwan yihiin dadka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hadal-heyn xoogan iyo falcelin ayaa ka dhalatay tirada sii kordheysa ee abwaanada kasoo jeeda gobollada waqooyi ee ku biiraya kooxda Shabaab, waxaana abaaankii ugu dambeeyay uu noqday Maxamed Maxamed Ibraahim (Jeesto).

Abwaan Jeesto oo tegay Jilib, iskuna dhiibay kooxda Al-Shabaab ayaa kahor inta uusan aadin ku sugnaa magaalada Muqdisho oo ku noolahaa muddooyinkii lasoo dhaafay

Ninkan ayaa inta uu joogay Muqdisho ayaa waxaa horay u xiray hay’adda NISA, kadib tuhuno soo galay isaga oo loo haystay markaas inuu baraha bulshada ka taageeray kooxda Al-Shabaab, balse waxaa lagu sii daayay damiin, isaga oo ugu dambeyn aaday dhanka Jilib.

Dhowr jeer ayay hor ayay dhacday in rag kasoo jeeda gobolada waqooyi ama Somaliland ay isku dhiibeen kooxda Al-Shabaab, waxaanaAbwaan Maxamuud Jeesto kasii horreeyay Abwaan Nageeye Khaliif,  Sheekh Aadan Sunne, Cabbdiwaaxid Cali Gamaadiid iyo rag kale.

Haddaba Maxay Abwaanada kasoo jeeda Somaliland ee ku biiray Shabaab uga duwan yihiin dadka kale?

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka falceliyay arrintan ayaa shaaca ka qaaday in aysan waxba ku kula duwaneyn shaqsiyaadka ku biiraya Al-Shabaab ha joogaan koonfur ama waqooyi, isaga oo sheegay in laga haboon yahay in deegaan loo tiiriyo qofka ku biiro kooxdaas.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in aan abwaan la oran karin qof tiriyay labo gabay ama saddex gabay, sida uu hadalka u dhigay.

“Reer Koofurow qofkii laba ama saddex gabay tiriya waa abwaan ka daaya” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Wiilkii AS ku biirana hayb tilmaamka halka degaan ah ka daaya, illeyn Koonfur waa looga biiraa degaankiisana ma sheegtaane”.

Dhinaca kale qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaalaha baraha bulshada ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay qodobkan arrintan xasaasiga ah.

Maxamed Khadar “Abwaan, aqoonyahan, qoraa, suxufi waxaas dhan shakibaa iga galay, Koonfur meel cajib weeye “.

Cabdiraxmaan Gurey ayaa falcelintiisa ku yidi”Abwaanimadii shaqo kale ayay noqotay hadda”.

Guuleed Xuseen “Nin koonfur joogo ragaas waxee yihiin looma tilmamaayo midka waqooyi ka yimid mindhaa xiisa gooni ah ayaa haaya”.

Maxamed Muuse “Magaca Abwaan aya Khalad laga galay, ninka timo deesta labdoo eray isku aadista Abwaan maaha”.

 

 

Maxkamadda ciidamada oo xukun adag ku ridday sarifle jaajuus u ahaa Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun adag ku ridday Maxamed Cali Xersi Diirshe oo ay ku xukumay1 5 sano oo xabsi ciidan ah, kadib markii lagu helay kamid ahaanshiyaha xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Maxamed Cali Xersi Diirshe, ayaa loo soo xiray inuu ka tirsanaa qeybta Jaajuusnimada iyo inuu gacantiisa ku fuliyey Falal agagixisanimo.

Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, ayuu ku lahaa goob uu gabbaad ka dhiganayey oo lagu sarifo lacagaha, isaggoo Khawaarijta uu u gudbin jiray xogaha Ciidanka Muqdisho ka baxa ee ku wajahan Shabeellaha hoose, islamarkaana maraya Wadada Ceelasha Biyaha, tiradooda iyo gaadiidka ay wataan intaba.

Al-Shabaab waxuu ku biiray 2012, waxaana ku tashkiiliyey Yuusuf Xasan Ibraahim oo horey Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ay ugu xukuntay 10 sano oo Xabsi Ciidan ah, isaggoo ku daray qeybta Jaajuusnimada iyo Bombo tuurka, Xogaha uu helana waxaa uu u gudbin jiray Yuusuf Xasan Aadan.

Bishii Lixaad sanadii 2022 waxa uu Bomb gacmeed ku tuuray saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka deegaanka Ceelasha Biyaha oo xilligaasi ku sugnaa goob timaha lagu jarto, sidoo kale Goobo kale oo ay kamid yihiin Alnasri 3 iyo Hotel Musdalifo ayuu Bomb ku tuuray.

Falalkaasi argagixisanimo ee uu geystay Maxamed Cali, ayaa waxaa ka dhashay dhaawaca seddex ruux oo labo kamid ah ay ahaayeen Haween.

Maxamed Cali Xersi Diirshe, ayaa u cararay deegaanka Jannaale, kadib markii Ciidanka amniga ay soo qabteen Yuusuf Xasan Ibraahim oo ahaa Horjoogihiisa, Afar bilood kadibna waxa uu kusoo laabtay Ceelasha Biyaha isaggoo sii amba-qaaday dhagartiisa, waxaana markaan horjooge u ahaa nin lagu magacaabo Nabadoonka.

Hay’adaha amniga oo ku raad-joogay Maxamed Cali Xersi Diirshe, ayaa Deeganka Ceelasha biyaha kasoo qabtay taariikhdu markii ay aheyd Kow iyo tobankii Bisha Labo iyo Tobnaad ee 2023.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Q.S ayaa codsaday qaadista kiiskan, waxaana laga oggolaaday Labo iyo Tobankii Bishii seddexaad ee Sanadkaan 2024.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Maxamed Cali Xersi Diirshe 15 Sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.