27.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Muqdisho oo lagu arkay meyd digniin la dul dhigay (Faah-faahin)

Muqdisho(Caasimada Online) Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa galabta la soo dhigay meydka wiil dhallinyaro ah, intaas loogama harin ee waxaa la dul dhigay warqad ay ku qoran tahay digniin taasoo ah in meydkiisa aan la qaadi Karin.

Gabar ku sugan Suuqa Bakaaraha oo la hadashay Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegtay in meydka wiilka dhallinyarada ay soo dhigeen rag la bisan ciidamada dowladda, kuwaasoo dadka ka agdhawaa goobta ku wargaliyay in ciddii qaada meydka wiilkan iyana la dili doono.

Ragga dilka geestay iyo wiilka dhallinyarada ee la dilay lama garanayo waxa ay yihiin, balse Suuqa Bakaaraha oo uu ku yaallo saldhig boolis waxaa dhowr jeer ka dhacay dilal.

Dhinaca kale, waxaa degmada Shibis lagu dilay Sarkaal ciidamada dowladda ka tirsan kaasoo lagu magacaabo Cali Xasan wuxuu ahaa seddax xidigle, waxaana uu ka tirsanaa saldhigga booliska ee Shibis, war lagu qoray bogga Radio Muqdisho ayaa iyana lagu sheegay in la dilay ninkii dilay sarkaalkaas.

Sidoo kale, waxaa caawa qaraxyo laga maqlay xaafad ku taalla degmada Kaaran, qaraxyada ayaa la sheegay in ay khasaaro geesteen balse si dhab ah looma ah.

Dilalka u jeedo badan ee Muqdisho ka socda ayaa la oegyn wax yaabaha sababta u ah, iyadoo hey’addaha ammaanka ay lee yihiin waxaan wadnaa dedaal ku saabsan siddii ammaanka loo adkeen lahaa, waxaana magaalada ay dhigeen dhagaxaan badan taasoo awoodoodo ay ku soo koobeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Sawirro: Madaxweynaha Soomaaliya oo kusoo laabtay Muqdisho

Addis Ababa (Caasimada Online)  madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo kuwaasoo labadii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa Ethiopia, ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa sii dhaweeyay madax ka tirsan xukuumada Addis Ababa iyo danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhiya halkaas Axmed Cabdi Sallaan Xaaji Aadan.

Dhinaca kale, waxaa maalintii seddaxaad ku sugan magaalada Addis Ababa wafdi ka kala socda dowladda Soomaaliya iyo maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa u tagay Ethiopia ka qaybgalka xuska geerida hoggaamiyihii hore ee dalkaas Meles Zanawi oo hal sanno ay ka soo wareegtay.

Sidoo kale, madaxweynaha waxaa uu xaley casho sharraf u sameeyay ergo ka socda dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam.

Sawirrada madaxweynaha ee markii uu kasoo baxayey Addis-Ababa

xasa 1xasa 2xasa 3xasa 4xasa 5xasa 6

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

 

Dhaawaca haweeneydii Swedish-ka oo warar ay kasoo kordheen

Nairobi (Caasimada Online) War hadda ku soo dhacay xafiiska Caasimada Online ee Nairobi ayaa sheegaya in goordhow garoonka caalamiga ee duyuuradaha Jomo Kenyatta  in laga soo dajiyay dhaawaca haweeneyda u dhalatay dalka Sweden oo maanta duhurkii lagu weeraray magaalada Muqdisho.

Haweeneydan oo lagu magacaabo  Ain Margaret Levin ayaa xabadda kaga dhacday feeraha, in kastoo ay ka baxday sida ay in oo sheegen ilo ku dhow safaaradda Sweden ee Nairobi.

Sidoo kale weerarkan waxaa xaqiijisay wasaaradda arrimaha dibedda Sweden, balse wax faah-faahin ah oo kale lama hayo.

Saxaafadda looma oggolaan in la tuso haweeneydan oo da’deeda lagu sheegay 46-jir waxaana magaalada Muqdisho la sheegay in ay tegtay 18-kii bishan August.

Sidoo kale, wararka ay heshay Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegaya in weerarkaas lagu dilay nin Soomaali ah balse heesta dhalashada dalka Sweden kaasoo lagu magacaabo Cabdiraxiin Xasan, kaasoo la sheegay in uu ka tirsanaa xisbiga ay hoggaamiso haweeneyda la dhaawacay.

Sidoo kale waxaa weerarkaas lagu dhaawacay nin kale oo Soomaali ah isla markaana heesta dhalashada dlaka Sweden.

Sidoo kale labo qof oo kala ah darawalkii iyo nin waardiye u ahaa ayaa ku dhintay weerarkaas oo ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Markii hore dhaawaca haweeneyda ayaa loo qaaday Isbitaalka Xalane ee ay maamusho AMSIOM balse waxaa la keenay caawa Nairobi.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

SAWIRRO: Ajaaniib maanta dhaawac loogu geystay Muqdisho iyo dil dhacay

Muqdisho (Casimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ku dilay Wiil Turjumaan aha iyo Askari ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya iyagoona dhaawac u geystay Haweney u dhalay dalka Sweden.

Weerarka ayaa ka dhacay agagaarka Jaamacada Soomaaliya gaar ahaan qeybta ay ka degen tahay aggaarka isgoyska MK4 ee magaalada Muqdisho, waxaana haweeneyda u dhalatay Sweden la sheegay inay halkaas ka bxsay Cashar ku saabsan dowlada wanaaga.

Falkan weerarka ah ayaa dhacay xilli haweeneydaas ay kasoo bexeysay ilinka hore ee jaamacada Soomaaliya waxaana ilaa iminka la xaqiijiyay geerida wiilka Turjumanka ahaa iyo Askri ka tirsan ciidamada dowlada halka haweeneyda Sweden -ka kasoo jeeda uu dhaawac soo gaaray.

Mid ka mid ah Ardayda dhigata  Jaamacada Soomaaliya ayaa sheegay in falka markii uu dhacay kadib ay goobta soo gaareen ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya,iyadoo goobta ay xireen baaritaanana ay sameeyeen.

Kooxihii dilka Geystay ayaa durba meesha ka baxsaday,waxaana la ogeyn sababta ka dambeysay dilka loo geestay turjumaanka iyo askari iyo sidoo kale dhaawaca haweenaydaasi.

Halkaan ka dhageyso Arday ka mid ah jaamacada Soomaaliya 

Arday-ka-mid-ah-jaamacada-Soomaaliya-

12345

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: DF oo ka dhawajisay hadal dhiiri gelinaya kufsiga

Muqdisho (Casimada Online) –  Xukuumada Soomaaliya aya maanta waxay kulan ka yeelatay kiis Kufsi ah oo dhawan lagu eedeyay inay geysteen ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM kaas oo uu ra’isul  wasare Saacid uu u xilsaaray guddi ay madax u aheyd Wasiirka adeega Bulshada Xukkumada Soomaaliya.

Gudigii dhawaan ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, uu u xilsaaray arinta kiiska kufsiga ayaa waxay sheegeen inay arintaas go’aan cad ay ka wadaan isla markaana waxaa kulankaas laga soo saaray Warsaxaafadeed  ku qotomay arintan ku aadan Xad gudubka Dumarka .

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan

Dhaqan galinta talooyinka guddiga madaxa banana ee xaqiiqo raadinta tacadiyada xuquuqal insaanka waa mid naga go’an, umana dulqaadanayno xad-gudubyada ka dhankaa muwaadiniinta Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Farax Shirdon “Saacid” oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadii kadib markii ay guddigu soo bandhigeen warbixintii xuquuqul insaanka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa magacaabay guddigan madaxa banana 7dii Feebaraayo 2013. Waxaana loo wakiisahay inay u kuurgalaan, dibna u eegaan xaaladda xuquuqal insaanka ee dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho mudo hal sano ah.

“Waxaan ka dalbanay inay keenaan xog lagu kalsoon yahay ayna warbixin madax-banaan ka soo saaraan xaalada xuquuqal insaanka ee sanadkii la soo dhaafay. Kadibna ay dawladda u soo jeediyaan talooyin wax ku ool ah, si wax looga qabto tacadiyada nooc kasta oo ay yihiinba,” Ayuu yiri Ra’iisa Wasaaraha oo intaas raaciyay in hawsha guddigu u gogol xaarayso nidaaminta, illaalinta iyo horumarinta xuquuqal insaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Guddiga ayaa Ra’iisal Wasaaraha munaasabadan ku gudoonsiiyay warbixintoodii oo qoraal ah, taas oo ay goob joog ka ahaayeen shank amid golaha wasiirada xukuumada, taliyeyaasha ciidanka, gubnaha baarlamaanka iyo bulshada rayidka. Wasiirka Horumarin Adeega Bulshada Dr. Maryan Qasim oo munaasabadan furtay ayaa sheegtay in dawladdu xilweyn iska saarayso ilaalinta xuquuqda insaanka. Halka Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Aminga Qaranka Cabdikarim Xuseen Guuleed uu sheegay in dawladdu la imaan doonto wax-qabad buuxa oo ku aadan illaalinta xuquuqal insaanka.

Warbixinta guddiga ayaa hoosta ka xariiqday inaysan jirin xadgudubyo dhanka dawladda ka yimaada oo si ula kac u-dhaca. Waxayse xuseen inay jiraan caqabado badan oo keenaya inay dhacaan xadgudubyo lid ku ah xuquuqul insaanka, iyo in muwadiniin Soomaaliyeed wayaan xuquuqahooda aasaasiga ah. Waana kuwo dhamaan la xariira duruufaha dalku ku jiro awgood.

Warsiirka arimaha Gudaha iyo Amniga qaranka Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay inaysan inay wax ka qabanaayaan he’adaha Buun Buuniya Kiisaska Kufsiga waxaana uu sheegay inay iyaga oo dano dhaqaalo ka leh ay haweenka ku qalqaaliyaan inay yiraahdaan waa nala kufsaday si QM ay xoogaa qarashaad ah uga helaan sida uu sheegay .

Halkaan ka dhageyso Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia

Cod-Ismaaciil1

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wada-hadallada dowladda Somalia iyo Jubaland ee Addis-Ababa (Warbixin)

Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia waxaa ka socda wadahallo u dhaxeeya ergo ka socota Dowladda Federaalka iyo Axmed Maxamed Islaan “Axmed Madoobe” oo dhawaan shir ka dhacay magaalada Kismaayo loogu doortay madaxweynaha maamulka Jubaland.Shirka labada dhinac u dhaxeeya ayaa daba socda shirar ay horey ugu yeeshee magaaalada Addis Ababa, waxaana ay labada dhinac ka wada hadlayaan sidii loo soo afjari lahaa muranka u dhaxeeya ee ku aadan maamulka magaalada Kismaayo.Dowladda Soomaaliya ayaa qaadacday maamulka looga dhawaaqay Kismaayo ee Jubaland, kuna tilmaantay inuu sharci darro yahay, balse Axmed Madoobe oo maamulka madax u ah ayaa ku doodaya inay xaq u leeyihiin inay maamul sameystaan sida uu qabo dastuurka federaalka Soomaaliya.

Dowladda Ethiopia ayaa labada dhinac dhex-dhexaadinaysa, waxaana la filayaa in wadahadaladoodu ay socdaa ilaa maalmaha so socda.

Farxaan Cali Axmed, qunsulka safaaradda Soomaalida ee Addis Ababa ayaa VOA u sheegay in madaxweynaha dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud uu xalay labada dhinac u sameeyay casho, isagoo ku booriyay laba dhinac inay wadahadalladan ka mira dhaliyaan iskuna tanaasulaan.

Madaxweyne Xasan wuxuu ka mid ahaa dhowr madaxweyne oo Addis Ababa u tagay si ay uga qeybgalaan xuska sannad-guurada koowaad ee ka soo wareegatay markii uu dhintay ra’iisul-wasaarihii hore ee Ethiopia Meles Zenawi.

La taliyaha mdaxaweyne Xasan Sheikh oo ay maxkamad Mareykan ah ku abaal marisay 15 milyan oo dollar, Sabab?

orneyl horey uga tirsanaan jiray kacaankii Somalia ee Maxamed Siyaad Barre, oo ka tagay dalka Mareykanka isaga oo ay ku socota dawad ku saabsan inuu jir dilay nin u dooda xuquuqda aadanaha, ayaa xaakim federaal ah waxa uu ku xukuamay inuu bixiyo 15 milyan oo dollar oo magdhow ah, magaalada Columbus ee gobolka Ohio.

Xaakim Mark Abel ayaa lacagtaas ku abaal mariyey Abukar Xasan Axmed oo dacwaddii uu billaabay 2010-kii ku sheegay in dhowr bilood uu jir dil kala kulamayey Col. Cabdi Adan Magan, sanadihii sideetameeyadii.

Garyaqaan Abukar Xasan Axmed
Garyaqaan Abukar Xasan Axmed

Abuukar ayaa dacwadda ku sheegay in Col. Magan uu mas’uul ka ahaa xarigisia iyo jir dilkiisa.

Abuukar ayaa sheegay in 3 bilood oo jir dil ah ay sababtay xanuun darran oo gaarsiiyey inuu dhib ku qabo fadhiga, dhaawac xunna u geystay kaadi heystiisa.

Sida Abuukar sheegay Col. Magan, ayaa waxa uu ahaa dambi baaraha guud ee hay’adda nabad sugidda qaranka Somalia, xilligii Maxamed Siyaad Barre.

Mid ka mid ah garyaqaanada u doodaya Abuukar, Christina Hioureas ayaa sheegtay in xukunka xaakimka uu dirayo farriin ah in Mareykanka uusan ahayn dal ay ku nabad galaan kuwa geysta xadgudubyada xuquuqda aadamaha.

Col. Cabdi Aadan Magan, Sawir la qaaday xilligii kacaanka
Col. Cabdi Aadan Magan

Waxa kale oo ay sheegtay in inkasta oo Magan uu ka dhuuntay Mareykanka, oo uu iminka ku sugan yahay Kenya, haddana lala wareegi doono hantidiisa, si ay u bixiso qeyb ka mid ah lacagta 15-ka milyan ah.

Abuukar ayaa waxa uu macallin ka ahaan jiray Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, wuxuuna ahaa garyaqaan u dooda kuwa siyaasad ahaan kasoo horjeeday Maxamed Siyaad Barre.

Abuukar iminka waa la taliyaha dhinaca sharciga ee madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, waxaana uu waqtigiisa uu ku kala bixiyaa magaalooyinka Muqdisho iyo London oo uu degan yahay.

FG:Waxaa xusid mudan in inta badan idaacadaha Soomaalida iyo website-yo ay si qaldan u tarjumeen warkan, ayaga oo u dhigay in lacagata magdhow-ga ah laga doonayo la taliyaha madaxweynaha, sidaa darteed ayaan idin soo lifaaqeynaa warbixintii ay qortay wakaaladda wararka ee AP, oo uu soo xigtay TV-ga ABC ee Mareykanka, sid aadan u jahwareerin Halkan Click sii

Madaxweyne Xasan oo si ka fool-ka fool ah ula kulmay Axmed Madoobe

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wararka uu soo sheegayo wariyaha Shabakadda Caasimada Online ee dalka Ethiopia ayaa sheegaya in xaley madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu la kulmay hoggaamiyaha Jubbland Axmed Maxamed Islaam.

Kulankan oo ka dhacay safaarada Soomaalida ee Addis Ababa, waxaa uu ahaa mid aanwax shaqo ah ku lahayn wada hadallada labada dhinaca sidii aan horey idin kugu sheegnay, taa beddelkeedna waxa uu ahaa casho uu madaxweynaha u sameeyay ergada labada dhinac , isaga oo siinaya dar daaran.

Madaxweynaha oo goobta ka hadlay ayaa kula dar-daarmay labada dhinac in ay xal ka gaaraan heshiiskooda, kaasoo lagu wado in uu berri iyo maanta uu sii socdo sida wararka aan heleyno ay sheegayaan, waxaana lagu wadaa in madaxweynaha kusoo laabto Muqdisho, isaga oo wada hadallada u deynaya xubnaha DF ee jooga Addis.

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in xal laga gaaro ismaan dhaafka ka dhex jirra dowladiisa iyo maamulka Axmed Madoobe, wuxuuna sheegay in hal meel loo wado socdo, taasoona dan ugu jirta dhammaan dadka Soomaalida gaar ahaan dadka Jubbooyinka.

Wuxuu kaloo madaxweyne Xasan Sheekh goobta ka sheegay in wax yaabaha dhiman ee shirka looga arrinsado gudaha dalka, isla markaana dhawaan la soo afjaro muranka dowladiisa iyo maamulka Jubbland.

Intaas kaddib Axmed Madoobe oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay in isaga iyo wafdigiisa ay uga mahadcelinayaan madaxweynaha kulanka uu la qaaatay iyo waqtiga uu u huray la kulankooda, wuxuuna sheegay in Soomaaliya aysan kala maarmin.

Balse wuxuu sheegay in waa dowladda oo ah buu yiri dowladeena aysan ka soo horjeesan rabitaanka dadka Jubbooyinka.

Si kastaba, wariyaha warkan ka soo diray Addis Ababa wuxuu sheegayaa in marka la eego labada dhinac sida ay u hadlayaan isla markaana ay u qoslayaan in meesha uu ka muuqdo in ugu dambeen uu dhici karo is-afgarad buuxa, in kastoo ay jiraan shuruudo mid ba kan kale uu ku xirayo.

Wixii soo kordha kala soco Shabakadda Caasimada Online

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi
[email protected]

DHAGEYSO: Jawaari oo qaab cajiib ah jawaab u siiyey C/raxmaan Faroole

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh Cismaan Jawaari, ayaa wuxuu ka hadlay waxyabihii u qabsoomay tan iyo 20-kii August ee sanadkii lasoo dhaafay, xilligaas oo lasoo dhisay barlmaanka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inay muujiyeen wax qabad wanagsan mudadii sanadka aheyd oo ay jireen baarlamanka Soomaliya, balse wuxuu shaaca ka qaaday inay jiri karaan dhaliilo badan iyo caqabado aan sidaasi u buurneyn sida uu sheegay.

Si kastaba waxa uu yiri in dhaliilahaas aanay marnaba ku jirin in ay beddeleen wax ay umadda Soomaaliyeed ku heshiiyeen.

Jawaari, ayaa beeniyay eedeynta kaga timid Maamulka Puntland taas oo ku aadan inay wax ka badalen Dastuurka Soomaaliya waxaana uu sheegay inay arintaasi tahay mid aan waxba ka jirin .

Dhawaan Madaxweynaha Maamulkaas Faroole ayaa sheegay inay kalsoonidii kala laabteen dowlada dhexe ee dalka iyagoo taasi u sababeeyay inay wax ka badashay dastuurkii lagu heshiiyay ee lagu dhaqi lahaa dalka.

“Marka qofka mas’uulka ah uu wax eedeynayo waxaa muhim ah inuu hayo caddeymo” ayuu yiri Jawaari.

Halkan ka dhageyso wareysiga gudoomiyaha Baarlamanka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DHAGEYSO: Hogaamiye kooxeedkii DF Somalia ay u magacwoday xilka oo la soo diiday iyo dagaal laga cabsi qabo

Dhuusa-Mareeb (Caasimada Online) – Ururka ahlu Suna wal jamaaca, ayaa waxay shaca ka qaadeen inay yihiin mamul goboleed gooni waxana ay sheegeen inaysan aqbali karin in deegaanada ay maamulaad loo soo magacaabo Maamul aysan iyaga waxba kala socon.

Macalin Maxamuud Sheek Xasan Farax, Gudoomiyaha Golaha Fulinta ururka ahlu Sunna ayaa sheegay inaysan marnaba rali ka noqon doonin  in dowlada ay maamul usoo magacaawdo deegaan ama gobol ay ka taliyan ururka Ahlu Sunna.

“Marnaba aqbali meyno in Xuseen Cirfo halkan gobolka Galgauduud uu xukumo” ayuu yiri

Ma’uulkan u hadlay ahlu sunna aya sheegay inay ka hortagayaan maamulkan ay soo dhistay dowlada Soomaaliya hadii uu siku dayo inuu soo caga dhigto gobolka isagoona digniin u diray .

Arintan waxay ka dambeysay kadib markii dhawaan dowlada Soomaaliya ay maamul u magacaawday gobolka Galgaduud ee bartamha Soomaaliya , inkastoo gobolkaas inta ugu badan a k arimyaan ururka ahlu sunna waxaana sidoo kale deegaano ka mid ah gobolkaas ka arimiya Maamulka Ximan iyo Xeeb.

Si kastaba xeel dheerayaasha ayaa ka digaya in diidmada Ahlu-Sunna iyo Xukun doonka Cirfo ay dagaallo u horseedi karaan deegaanka.

Dhageyso Hadalka Ahlu Suna

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusa-Mareeb
[email protected]

DAAWO VIDEO: Tarsan oo ceebeeyey siyaasiyiin ceyr ka qaata Yurub

Muqdisho (Caasimada Online: – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Tarsan oo weerar kulul ku qaaday Siyaasiyiin uu ku sheegay kuwo aan weligood xitaa Mas’uul ka noqon guryahooda oo anan ogeyn Nolasha Ciyaalka ay dhaleyn.

Tarsan ayaa sheegay inay ceeb tahay nin gabay mas’uuliyadda qoyskiisa, haddana doonaya inuu mas’uul ka noqdo Somalia oo dhan, sababta oo ah buu yiri “Haddii aad ku nooshahay ceyrta Yurub, waxaad tahay mashaqeyste gabay mas’uliyaddii saarneyd qoyskiisa”.

Gudoomiye Tarsan oo kaa yaabin doono sida uu u bahdilaya ragg uu yaqaano ayaa ka qoslin doono qaabka uu uga faaloonaya taariikhdooda iyo sida ay umadda dhibka ugu hayaan

HALKAAN KA DAAWO:

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Somalia oo laga caawinayo arrimo

Muqdisho (Caasimada online) Warbixin Cusub ay soo saartay Hay’ada Caafimaadka aduunka ee Marka Magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano (WHO),ayaa waxay ku sheegtay inay caawineyso Dadka dhimirka la’ ee iyagu ku dhaqan wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay kuwaasi oo dadka ugu nugul dhibaatada,sida lagu sheegay warbixinta.

Hay’ada ayaa tibaaxday in Qorshaha uu ugu jiro sidii loo taageeri lahaa dadka Waalan oo inta badan ay wax ka gaaraan Maskaxda kuwaasi oo u baahan gargaar deg deg si wax looga qabto baahidooda,iyadoo fursadani ee hay’ada ay soo bandhigtay ku sheegtay inay ka faa’ideysan doonaan dad badan oo Maxkaxda looga jira.

Saraakiil ka tirsan Hay’ada Caafimaadka Aduunka oo soo xiganeysa Wakaalada wararka Ghana ayaa waxay shaaciyeen in kormeer iyo tira koob ay sameeyeen ku ogaadeen in wadamada ay ka midka yihiin Soomaaliya,Afghanistan, Burundi, Indonesia Iraq, Jordan, Kosovo, Sri Lanka, Timor-Leste, Marinka gaza iyo wadamo kale oo aad u badan ay ku badan yihiin dadka dhimirka la’ kuwaasi oo aan haysan waxyaabihii aas-aasiga ay u baahnaayeen sida daryeel iyo waxii la mid ah.

“Runtii Hadii aan nahay hay’ada Caafimaadka Aduunka,waxaa xil naga saaran Qof walba oo bini-adam ah oo u baahan daryeel caafimaad,waana go;aan aan gaarnay inaan dadkaasi caawino”,ayuu yiri Sarkaal ay soo xigatay Wakaalada wararka ee Chana.

Wuxuu sheegay in arintaan ay ku dhiira gilineys inay caawiyaan dad badan oo dhimirka la’ kuwaasi oo daryeelkii ay u baahnaayeen aanay helin.

Soomaaliya waxay ka mid tahay wadamada ka soo kabanaya qalalaasaha siyaasadeed,waxaana ku nool dad badan oo dhimarka looga jiro kuwaasi oo saameyn ay ku yeesheen dhibaatada dalka soo martay.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Jawaabo loo helay 5 su’aal oo Geedi ku saabsan iyo 8 arrin oo laga ogaaday

Waraaq furan oo ku socota  Cali M. Geedi

Mudane, professor Cali Moxamed Geeddi, igaraalli noqo haddaan kuu gafo, iina soo sheeg waxaan qalday.

Ka dib, markaan la yaabay dhaqankaaga siyaasadeed, ayaa maskaxdeydu i tustay inaan taariiqdaada dib u-baaro.

Dad-badan oo aqoon kuu leh ayaan la xiriiray, waxaanna weydiiyey su’aalo ay ka mid yihiin:-

  • Qoyskii ku soo barbaariyey.
  • Tacliintaadii.
  • Meeshaad ka shaqo bilowday.
  • Sidaad siyaasadda ku soo gashay.
  • Intaad xilka qaranka haysay sidaa ahayd.

Waxaa la ii sheegay in aabbahaa Moxamed Geeddi  (geeddi dheere) uu ahaa sargaal askari ku soo raagay oo gaadiidka tu taqasusay. Geeddi dheere waxaa lagu tilmaamay nin dabeecad iyo shaqaba fiican oo dadku jecel yahay.

Waxaa la ii sheegay inaad jaamacadda ummadda, (xannaanada xoolaha) ka baxday oo aad waliba kaaliye bare ka noqotay (midhaa kuugu filan inaad professor noqoto) markii Soomaaliya loo fiirsho.

Waxaa la ii sheegay, in burburkii qaranka ka dib aad ka shaqeyn jirtay haa’yad ngo ah. Warku wuxuu intaas raacinayaa inaad waqtigaas xiriir gooni ah ee qoddo dheer la yeelatay dawladda Itoobiya, taasoo sabab u noqotay inaad wasiirka kowaad ka noqoto dawladdii Soomaaliyeed ee Imbigaati lagu yagleelay sanadkii 2005. Dadka arrintaas ii sheegay waxbey daba-dhigayeen.

Waxaa lagugu eedaynayaa inaad qaladaad xunxun oo  aan la hayn madax iyaga oo kale samaysay  gashay intaad xukunka sare haysey, sida:-

–  Lacagtii dawladda Sacuudi Carbiya ugu deeqday ummadda soomaaliyeed, taasoo aanan tirsigeeda caddayn Karin asii la hubo inay maayiin dollar ahayd, ma jirto cid kale oo meel ku sheegi karta adiga maahee. Xitaa marxuum C. Yuusuf oo markaas ahaa madaxweynaha dalka, waxaa si waadax ah looga wariyey inuusa hal doolar meel uga ogayn. Arrintaasuna tahay middii dagaalka dhalisay.

–  Waxaa idaacado shisheeye sheegeen, inaad wiilkaaga maalaayin doolar ku oroosisey, iyadoo dad Soomaaliyeed gaajo u naf baxayaan.

ü  Waxaa la sheegayaa inaad gurigii John Grand ku iibsaday kala goynta Suudaan, aad ka sii iibsatay marka layska dhaafo gol-goosiga aad ka sameysay Islii iyo meelo kale.

–  Waxaa intaasoo dhan ka daran is-xambaarkii canka aha ee aad boqolaalka qof ku geeysay dalalka reer galbeedka waagii aad madaxda sare ahayd arrintaasoo magacxumo weyn u soo jiidday sumcadda Soomaaliya illamaa baasa-boorkeenni meel kasta laga diiday.

 

–  Waxaa la wada ogyahay, inaad geed dheer iyo mid gaabanba u-fuushay sidii aad jilbaha dhulka ugu dhufan lahayd dawladdii kmg ahayd, iyadoo la aaminsanaa in lagaa soo diray meeshii lagaa soo dhisay.

 

–  Waxaa muuqata inaad dawladdaan curdanka ah ee dhibaatada ku-filano haysato weerar siyaasadeed ku hayso iyadoo taas baddalkeeda lagaa sugayey inaad qibraddaada iyo magacaaga hadduuba jiro ku garab-istaagtid.

–   Markasta waxaad u-muuqataa in shisheeye kaa dhex hadlayo.

–   Markii arrimahaas oo dhan laysku geeyo, waxaad iila ekaatay:-

– NIMAAN:-  NAXAYN!, BAQAYN!, EE AAN WALIBA XISHOONAYN!, OO WALIBA CADAW TIIRSHE AH.

Haddii waxaasu beeh yihiin, fadlan ii soo qor xaqiiqda, waxaan kaa ballan qaadayaa inaan meediyaha u bandhigo.

W/Q: Cali Yaasiin Gurbe

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahn tan Caasimada Online

Sawirro: Madaxweyne Xasan iyo wafti la socda oo gaaray London

War-Saxaafaddeed:

Date:1/02/2013

(Muqdisho,Soomaalia,Febraayo,01 2013)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi sare uu hogaaminayo ayaa waxeey ka dageen caasimadda dalka Ingriiska ee London.

Waxaa safarkan Madaxweynaha ku wehliyo R/Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalimiga Marwo Fawziyo Yusuf Adam,Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdul-Qaadir, la taliyayaasha Madaxweynaha, iyo saraakiil ka tirsan Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha booqashadiisa ayaa imaanayso kadib markii ay dowladda Ingriiska casuumaad rasmi ah u fidisay.” Cilaaqeed-keenii jiray ayaan rabaa in-aan dib u soo celino” Madaxweynaha ayaa safarkiisa wuxuu kula kulmi doonaa R/Wasaaraha Ingriiska Mudane David Cameron iyo madax kale oo ka tirsan dalka Ingriiska .

Safarka Madaxeynaha ayaa wuxuu qeyb ka yahay safarro kala duwan oo dib loogu soo nooleynayo xiriirka Soomaaliya ay la leedahay beesha caalamka.

xasan 1xasan 2xasan 3xasan 4xasan 5

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

 

Shir caalami ah oo Somalia darteed loo qabanayo + Halka uu ka dhacayo

Nairobi (Caasimada Online) Dalka Kenya ayaa lagu qaban doonaa shir wayne looga hadlayo maalgashi lagu sameeyo Soomaaliya.

Shirkan oo ay soo qaban qaabiyay urur la yiraahdo Golaha Dhaqaalaha Soomaaliya (Somalia Economic Forum) ayaa loogu talagalay in lagu eego sida ugu haboon ee maalgashi loogu sameenaayo Soomaaliya.

Xasan Dudde waa maareeyahaya ururkan wuxuu sheegay in shirkan looga gun lee yahay siddii Soomaaliya loo siin lahaa dhaqaale si ay cagaheeda isugu taagto.

Wuxuu kaloo sheegay in madaxda siyaasadda Soomaaliya ay horay u qaadeen tallaabooyin lagu xaqiijinayo xasillooni siyaasadeed, kuwaas oo horseeday in ay soo baxaan fursado ganacsi iyo kuwo dib loogu dhisi karo dalka.

“Shirka maalgashiga Soomaaliya wuxuu fursad bandhig u noqon doonaa shirkadaha isgaarsiinta, gaadiidka dhismaha, beeraha, kalluumeysiga, waxbarashada iyo warshadleyda” ayuu yiri Xasan.

Si kastaba, shirkan ayaa la gu wadaa in uu dhaco 12 – 13 June ee sanadkan 2013-ka.

Waxaa jira dad badan oo raba in ay maalgashi ka sameeyaan Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho, kaddib markii ay arkeen shirkadaha Coca-Cola, Turkish Airlines, Africa Oil, SKA iyo kuwa kale oo ka howlgalaya Muqdisho.

Sidoo kale waxa jira Soomaali badan oo Muqidsho dib ugu soo laabtay kuwaasoo billaabay in ay maalgashi ka sameestaan magaalada, waxana ay ka dhiseen xarumo iyo hotelo waayn oo aan horrey loo arkin.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi