28.3 C
Mogadishu
Friday, January 2, 2026

Arag Sawirrada: Bilicda MUQDISHO ee maalin iyo habeen-ba ka bidhaameysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Muuqaalka Habeenkii ee magaalada Muqdisho, ayaa muuqanaya mid in badan ka duwan 20kii sano ee lasoo dhaafay.

Bilicda magaalada ayaa hada ah mid dib usoo laabaneysa, waxaana markaad si guud dusha uga eegto muuqaalka magaalada Xiliyada Habeenkii waxaad arkeysaa bilicda Nalalka.

Sidoo kale waxaa magaalada kusoo badanaya Goobaha lagu caweeyo, kuwaasoo ay shacabka ku nastaan kuna tamashleeyaan ilaa saqda dhexe ee Habeenkii.

10013922_731252323562058_74198340_n (1)xamar-habeen-1xamar-1xamar-2

Arag Sawirro: C/weli Gaas oo booqday goobo muhiim ah oo ku yaalla Jabuuti

Djibouti (Caasimada Online)-Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas oo maalmahan ku sugnaa isaga iyo wafdi ka socda maamulka Puntland ayaa maanta booqday dhismayaal badan oo caalami ah kuna yaalla dalka Djibouti , waxaana dhismayaashaas gacanta ku haya Shirkado Chines ah .

Goobaha uu Madaxweyne Gaas booqday waxaa ka mid ah wadada tareenka Djiouti taasi oo isku xirta dalalka Djibouti, Ethiopia iyo wadamo kaloo Africa ka mid ah.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland oo beryihii danbe safar shaqo ah ku jooga Djibouti waxaa magaalada Carta ee dalkaasi maanta casumaad qado sharaf ah ugu sameeyey masuuiyiinta sare ee rugta ganacsiga Djibouti.

Booqashada Madaxweyne Gaas uu ku joogo Djibouti waxaa ay qaadatay mudo maalmo ah, waxaana wafdigu ay dib ugu soo laaban doonaan caasimadda Puntland ee Garowe.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa maanta booqday dhismayaal badan oo caalami ah kuna yaalla dalka Djibouti , waxaana dhismayaashaas gacanta ku haya Shirkado Chines ah .

Goobaha uu Madaxweyne Gaas booqday waxaa ka mid ah wadada tareenka Djiouti taasi oo isku xirta dalalka Djibouti, Ethiopia iyo wadamo kaloo Africa ka mid ah.

11

Wafdiga Madaxweynaha Puntland oo beryihii danbe safar shaqo ah ku jooga Djibouti waxaa magaalada Carta ee dalkaasi maanta casumaad qado sharaf ah ugu sameeyey masuuiyiinta sare ee rugta ganacsiga Djibouti.

Booqashada Madaxweyne Gaas uu ku joogo Djibouti waxaa ay qaadatay mudo maalmo ah, waxaana wafdigu ay dib ugu soo laaban doonaan caasimadda Puntland ee Garowe.

12

13

gas7

gas3

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

KEEROOW 50 (Konton) sano ha-gaaro

(Let keeroow be 50 years old)

Dadka Somaaliyeed meel-walboo ay joogaan  waxay is wey diiyaan Su’aasha ah goormee ayuu  Dalkeenu   uu Nabad  noqonayaa???

Jawaabo kala duwan ayaa laga bixiyay Su’aashaasi, waa Qofba garashadiisa iyo aqoontiisa inta ay la egtahay.

Qolooyin baa qabo in ay nabadu ay soo dhaw dahay, waxayna hadalkooda daliil  uga dhigayaan arimahan hoose.

Koow  in ay Dadku fahmeen micnaha Qabiilka,iyo ujoodooyinkiisa gurracan.

Labo  in  siyaasada Dalka ay ugudubtay qaab Axsaabaysi ah, ayna  ka gudubtay qaabkii Qabiilka ku dhisnaa, xaaladuna  ay meel wanaagsan  ay marayso.Qolooyinka fikirkaa aaminsan waxaa loo yaqaanaa YAKUN KHEYR( kheyr bay ahaanaysaa)

Qolooyin kale baa iyagana qaba in xaalku uu joogo meel hoose, laakiin  haddii arrimaha  qaar la saxo, ay rajo wanaagsan  ay  iman-karto.  Qolooyinka Fikirka noocaani ahi qaba iyagana waxaa loo yaqaanaa Not Too Bad (ma wada xuma)

Qolooyin kale ayaa iyagana qaba fikir ah  in Somaaliya ay ubaahan tahay ugu yaraan 10 Sano  oo kale si ay caalamka  ula jaan qaado.Qolooyinkaan waxaa loo yaqaanaa (Nothing stays the same) (wax waligooda sidooda ahaanayo majiraan)

Qolooyin kale ayaa qabo in marka lagaaro Codeeyn xor ah Nin & codkiisa (One man & one vote)  in  Somaaliya  ay noqonayso waddan  israaco   oo  wanaagsan   Sanadku markuu noqdo  2020.Qolooyinkaan waxaa loo yaqaanaa Good news (Aqbaar wanaagsan)

Qolooyin fikir kaa ka duwan qabo ayaa jira, iyagoo hadalkooda cuskinaya arrimo muhiim ah,si gaar ahna farta ugu fiiqayo waxa jira hadda iyo wixii lasoo dhaafay, xaalka Somaaliya in uusan dhaweyn  uuna yahay mid  Ceel dheer ku dhacay, Qolooyinkan waxaa loo yaqaanaa Group of Truth (kooxda Runta) waxayna daliil ka dhiganayaan qodobadan hoose.

1- Somaliya kooxaha isaga soo horjeedo waa Dulmi  Vs  Dulmi, Dagaalada iyo is riix-riixa mudada dheer socdayna waxa uu u dhaxeeyaa kooxo si qalad ah isaga soo wada  horjeeday oo kaliya, majirto Qolo xaq  leh oo xaqqeeda raadsanayso waa Qolooyin si dulmi ah isaga soo wada horjeeday.

2- Weli waxaa lagu jiraa Dhul boobkii iyo isbarakicintii lagu hayay umadda looma ooyaanka deegaanadooda,  Qaybo kamid ah dhulkooda Qalin ayaa lagu boobay, Qaarna Qori ayaa lagu boobay, Qaarna farsamooyin kale ayaa lagu boobay oo yaab leh, sida Guur farsamo ah  oo ay guursadaan Gab-dhaha Degan Gobolada Barwaaqada ah, Qolooyinkan Dhul-boobka  ah waxay Dadkooda   usoo jeediyeen talo ah in laguursado Gab-dhahaasi barwaaqaysan si ay ugu milmaan  una dhaxlaan deegaanadan barwaaqada ah.

Gab-dhaha lagu balammay in laguursado Magacyadooda waa sidan Maano, Hadiijooy, Ruqiyoow, Batuulaay, Faadnaay, Fanaay kuuso, iisho, Caashoow, Kheerto, Binti, Nimcooy, Shariifo, Gaabo, Soonto, Xaaweey, IWM.

Haddii uu wiil udhashana in loo bixiyo magacyadan midkood  Keeroow, Eenoow, Aliyoow, Abdoow, Mustafoow, Xuseenoow, Abroone, Munye, Buube, Ibraahinoow, sababtuna waa qiyaanooyin kale ee la doonayo in lagu dhaco deegaanada Dadka masaakiinta ah ee u dhaxeeyo labada Webi.

Ula jeedku waa in wiilka laga dhalay Hadiijoow  ee loo  bixiyay Keeroow in uu sheegto Deegaanadaasi in uu leeyahay, cid walbo way ogtahay Jiin Dhoobeey weli Taariikhda laguma hayo Nin jileec ah ee deganaa ka hor 1954. Dadka dhul-boobka ah  waxay ku soo duuleen Dhulka labada Webi  laga soo bilaabo 1954 ilaa iyo maanta, Waxayna ku  yimaadeen Farsamooyin kala duwan  sida  Qalin, Qori, Qabiil , Shaati Diin, Shaati Dowlad-nimo waxa la boobayo waa Dad masaakiin ah Deegaanadooda.

Dadka duulaanka ku ah dadka masaakiinta ee marba shaar usoo xirto, xalaaleeystayna deegaanadooda waad aragtaan sida  loo xalaalaystay Jubooyinka, Dadkii asalka ulahaana looga boobay, waad aragtaan sida Shabeelaha Hoose xaalkiisa uu yahay.

Group of Truth (kooxda Runta) waxay kaloo ay sheegeen oo ay yiraahdeen  Qolooyinka dhul-boobka mid kamid ah wuxuu orad ugu jiraa inuu helo uuna gacanta ku soo dhigo Gobolada Jubbada Hoose, Jubbada dhexe iyo Gedo. oo ay degaan ka dhigtaan, dadkii lahaana sidaasi looga fara-maroojiyo ama looga boobo iyagoo ka faaiidaysanaayo  xaaladihii hore ee loo soomaray & xaalada hadda jirto.

Qolada Labaadna  waxay  orad ugu jirtaa in ay hesho laga soo bilaabo Gaalkacyo ilaa iyo Jammaame oo ay dagaan ka dhigtaan, dadkii masaakiinta ee lahaana sidaasi looga boobo oo afka ciida loogu daro.

Caalamku waa wada ogyahay Labadaa Qolo ee Dhulboobka ah in ay ahaayeen Xoolo dhaqato oo aysan ahayn Beeralay ama Kaluumaysato, xirfadooduna waa xoolo dhaqato, deegaanadooduna way ka fogaayeen Juqoraafi ahaan Aga-gaaraha labada  Webi.

Dib ufiiri Taariikhdooda ama Gabayadooda kuma jiraan wax ay uga had-layaan Webi iyo Beero qodasho ama kaluumaysi waxaa kujira oo kaliya waa GEEL, DAGAAL, QABIIL, Gab-dho lakala boobo IWM,

Dadka looma ooyaanka dhibka soo gaaray lama soo koobi karo, ee ka soo gaaray Dadka dhul boobka ah ee ku  soo duulay Dhul-kooda, Dadka looma ooyaanka waxaa gudaha Dalka Somaaliya looga ooday xerooyin  Magaalooyinka waa weyn sida Muqdisho, Gaalkacyo, Boosaaso, Garoowe.Xerooyinkaasi waxaa loo bixiyay xerooyinka Barakacayaasha.

Dadka looma ooyaanka ee deeganadooda laga boobay dhibka soo gaaray intaa kuma eko waxaa jiro qaar usoo cararay Wadamada aynu deriska nahay sida Keenya & Ethoopia  iyadoo laga faa’iidaysanayo dhibka haysto ayaa Diintoodii laga saaray , dhibaatadaasi soo gaartay waxaa masuuliyadeeda leh dadka soo barakiciyay ee dhulkooda ka boobay.

Dadka looma ooyaan iyagoo barwaaqo iyo bash-bash kujira ayaa qolooyinkaan Dhul boobka ah ay  ka dhigeen qaxooti una bixiyey magaca Barakacayaasha,  waa runtooda way soo barakiciyeen.

Group of Truth (kooxda Runta)  waxay kaloo sheegeen hadii aysan waxba iska badelin sida xaaladu hada ay tahay ay sii ahaato  waxay noqonaysaa  in la sugo inta uu KEEROOW  uu konton sano ka gaarayo, Keeroow  waa wiilkii laga dhalay Hadiijoow. Dadka looma ooyaanka Rajaduudu waxay  noqonaysaa in ay sugaan inta uu Keeroow 50 sano ka gaarayo

Waxaa  laga yaabaa in Keeroow uu xaqqa fahmo uuna  soo celiyo wixii waalidkiisa ay dhaceen, uuna kulaabto meeshii ay ka yimaadeen waalidkiisa,  xaalku waa  Keeroow 50 SANO hagaaro markaas ayaa nabad lahelayaa waana 50 sano kadib, xaalku waa yaa dhintay yaa nool,.taas oo aan weli lahubin  waa hadii Keeroow uu xaqqa famo, hadii uusan Keeroow uusan xaqqa fahmin uuna sidii waalidkiisa oo kele uu noqdo iyadana waa arin kale oo dhici karta  oo khatarteeda leh, siina dheerayn karta rajada Dadka looma ooyaanka ay ka qabaan in ay helaan dhulkii laga boobay. Xaalku waa Keeroow konton sano hagaaro,

Keroow wuxuu konton sano gaarayaa marka lagaaro 2040 xaalku waa KEEROOW KONTON SANO HAGAARO  (Let keeroow be 50 years old).

W/Q: Maxamed Adkeeste

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]. Mahadsanid

Axmed Madoobe oo maleeshiyo badan looga dilay qarax ka dhacay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online)- War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qarrax miino uu caawa maqribkii ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Inta la ogyahay afar qof oo u badan askarta maamulka KMG ah ee Jubba ayaa ku dhintay tiro intaas ka badana waa ay ku dhaawacmeyn,sidda ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha

Qarraxa ayaa lagu weerarray baabuur ay la socdeen ciidanka maamulka KMG ah ee Jubba.

Qarraxa kaddib waxaa goobta gaaray ciidamada ammaanka kuwaasoo ka billaabay goobta baaritaan.

Faah-Faahinta warkan kala soco Caasimada Online

Xog: Markab arrin cusub Muqdisho ku soo biiriyey oo ka shiraacday Dekedda

Muqdisho (Caasimada Online)- Ilo xog ogaal ah oo ku sugan dekedda Muqdisho iyo wariyaal kale ayaa u xaqiijiyay Shabakadda Caasimada Online in saakay aroortii in uu ka shiraacday dekedda ee Muqdisho Markab weyn oo sidda dhowr kun oo tan oo Jaay kaasoo maalmahan ku xirnaa dekedda.

Waa markii ugu horeysay ee Muqdisho Jaay looga keeno dibedda taariikhda.

Jaay oo ah dhagxaan yeryer oo loo adeegsado dhismaha guryaha ayaa la sheegay in laga soo daabulay mid ka mid ah waddamada caalamka, waxaana keensaday ganacsato Soomaali ah, sidda ay lee yihiin ilaha warkan noo xaqiijiyay.

Waa markii ugu horresyay oo Jaayga loo adeegsado dhismaha guryaha oo laga soo buuxiyay markab laga soo dajiyo magaalada Muqdisho.

Ma cadda in jaaygan markabka uu keenay loo isticmaali doono dhismooyinka ay dalka ka dhisayaan Turkiga iyo hey’adda kale ee kaalmeenaya Soomaaliya iyo in loo isticmaali doono dhismooyinka ganacsiga ee laga dhisaayo Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa labadii sanno ee la soo dhaafay ka socday howllo dhismooyin ah oo ay dhisayaan Turkiga iyo ganacsato dooneysa in ay maalgashi ka sameestaan caasimada.

Soomaaliya uma baahnaa in Jaay looga keeno dibedda, waayo waa uu ka buuxaa, waxaana tani ay dhaqaalo iyo cuna qabateyn ku tahay xoogsatada iyo gacansatada gudaha, ayada oo looga baahan yahay dowladda inay ka hortagto falalka noocan ah, haddiiba ay ka war hayso.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video: Isbedalka cusub ee Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa ka jirta Nolol cajiib ah oo aad moodo mid ka duwan sidii ay ahaan jirtay sanadihii ugu dambeeyay taas oo wax weyn iska badaleyn tan iyo 2-dii sano ee ugu dambeysay.

Muqdisho waxaa ka jirta Nolol maraxalado kala duwan leh oo raaxo & rafaadba leh taas oo aan ula jeedo in Muqdisho dhinac amaan uu ka jiro dhinacna uu ay ka jirto amaan daro ee nala daawo muuqaalkani cajiibka ah.

HALKAAN KA DAAWO:

 

SAWIRRO: Madaxweynaha SOMALIA oo codsi hordhigay baarlamaanka Japan

Tokyo (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka codsaday baarlamaanka dalka Japan in ay ka qaybqaataan dib u dhiska xarunta baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ku sugan Japan ayaa maanta oo Khamii ah booqday xarunta Aqalka Sare ee Baarlmaanka Dalka Japan isla-markaana kulan la-qaatay guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka dalka Japan Mr Masaaki Yamasaki iyo ku xigeenkiisa Mr Azuma Koshishu.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka dalkan Japan ayaa ku ammaanay Dowladda Soomaaliya tallaaboyinkii ay qaaday labaddii Sanno ee la soo dhaafay islamarkaana ballan qaaday in Dowladda Soomaaliya ay ka caawin doonaan dhisidda Aqalka sare ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

1888573_10203147812354847_1182196737_n

Madaweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya kana dalbaday inay caawiyaan Baarlmaanlka Soomaaliya “ Baarlmaanka Soomaaliya howlo xoog leh oo dar-darteeda leh ayuu ku tallaabsada. waxaannu ka dalbanay Baarlmaanka Japan inay naga caawiyaan dhisidda Aqalka Sare ee Baarlamaanka” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga la socday oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta Saciid Cabdullaahi Maxamed iyo Wasiiradda Howlaha Guu iyo Dib-udhiska Nadiifa Maxamed Cusmaan ayaa soo indho-indheeyey howlka shirarka ee Aqalka Sare ee Baarlmaanka dalka Japan.

1888573_10203147812354847_1182196737_n

1240532_10203147810794808_272925677_n

1904228_10203147811994838_1165939062_n

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Tokyo

[email protected]

Fiqi: Beel aan SOMALIA tuulo ka degin ayaa la wareegtay taladii WADDANKA

Nairobi (Caasimada Online) – Agaasimahii hore hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Somalia Axmed Macalin Fiqi, ayaa bogiisa Facebook ku qoray sheeko cajiiba,wuxuuna yiri “Taladii Somalia waxaa la wareegay beel lixaad oo aan Somalia tuulo ka degin”.

Waxa uu Axmed Macallin Fiqi sheegay in beeshan lixaad ay ka dhex farcantay beelaha shanaad ama loo yaqaan .5, isaga oo u xusay in beeshan ay awooddii dalka Somaliakala wareegtay beelihii awoodda is-baday ee dalka Somalia muddo isku garbinayey.

Axmed Macallin Fiqi ma uusan magacaabin beeshan uu ula jeedo qoraalkiisa.

Qoraalkii Axmed Macallin uu soo dhigay bartiisa facebook, ayaa u qornaa sidan:-

fiqi facebook

 

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

DR. SAADIQ EENOW oo qaaday tallaabo ku cusub Soomaaliya oo farxad badan

Soomaaliya waxay noqotay xarunta qashinka ama sunta lagu daadiyo, hantideeda badda iyo barigana la boobo iyadoo aan cidina is-waydiinin. Qofkii hantida qaranka xada, ama ajaanib u gacan galiya ayaan marnaba abaalkooda la marin.  Dilka iyo barakicinta ummadda kuwa kacana waaba lagu dalacsiiyaa .

Xirfadlaawayaal Xirfado sheegtay

Waxaas oo dhan waxaa isku fuuqsaday oo waayadan soo banbaxay, dad badan oo sheeganaya xirfado aysan lahayn sida macallinnimo, dhakhaatiir, kalkaaliyeyaal, Injineerro, shaybaariisteyaal iwm.

Sannadkaan biloowgiisii mar aan soo maray degaanno badan oo dalkeenna ka mid ah waxaan indhahayga ku soo arkay dad badan oo aan habayaraatee wax xirfad caafimaad ah lahayn, islamarkaasna dhakhtarnimo sheeganaya, dadkuna ay saf ugu jiraan. Qaarkood waxayba samaynayeen qalliimo sida goynta qumanka, burooyinka, bixinta xabbadaha iyo waliba dhalinta haweenka dhali waaya. Qaar kale Ultrasound (Computer) bay la wareegayaan iyagoo inta been been dadka saara, ka dibna dawo qaali ah oo qalad ah u qoraya.

Haddii bukaanka dawadu ku dhinto tii Allaah baa u timid uunbaa la oran, dhakhtar ku sheeggana waxba loo raacan maayo oo shaqadiisuu sii wadan .Toloow kuwa xabbadda dadka markay ku dhuftaan uu u dhinto, maxaa iyaga loo qabsadaa ?

Tallaabo farxad leh

Waxaan shalay warbaahinta Soomaalida ka akhriyay ama ka dhagaystay in magaalada Garoowe lagu xiray nin Kenyan ah oo dhakhtarnimo ku qaraabanayay iyo labo soomaali ah oo la shaqaysanaysay.

Baaritaan ay wasarada caafimaadka ku samaysay xaruntan ayay ku ogaatay inay tahay mid aan sharci ahayn daawooyinka dadka laga iibiyana ay yihiin kuwo aan jirin oo si qaldan looga faa’iidaystay xarunta ayaa sidoo kale waxaa fariisan jiray Nin Keenyaan ah oo dhaqtar sheegtay.

Stephen Wang’Ombe Nduga madaxda wasaradda caafimaadka waxay ku eedeeyen inuu yahay nin ka been sheegay xirfada caafimaadka isla markasna shihaadooyinka uu wata ay yihiin kuwo been abuur ah oo aan waxba ka jirin.

Wasiirka Caafimaadka Dr.Saadiq Eenow ayaa sheegay inay maanta soo gabo-gabeeyeen baaritaankii xarunta Nayroobi lagu hayay isla markasna ay ka hortagi doonaan dadka sidan oo kale uga dhex shaqaysta Puntland.

”Arrinta la xariirta nin dhaqtar ah oo la yiraho Stephen Wang’Ombe Nduga oo mudo saddex sano ahna ka shaqaynayay Puntland arrintaan iyada ah waanu soo afjarnay waxana ku xukunay inuu dalka ka baxo,sababtana waxa weeye degree aan sax ahayn iyo qalab aan sax ahayn ayuu ku shaqaynayay”.Eenow.

Waxa uu sidoo kale wasiirku dadka ugu baaqay inay kusoo war galiyeen haddii ay arkaan dad noocaan oo kale oo caafimaadka si qaldan ugu shaqaysanaya.

Ninkaan Kenyaanka ah iyo qalabkii uu ku shaqaynayay ayaa waxaa lagu wareejiyay wasaradda Amniga Puntland si ay tilaabo uga qaado.

Stephen Wang’Ombe Nduga ayaa laga soo cayriyay magaalooyinka Bosaso iyo Gaalkacyo oo shaqooyinka oo kale ka hayay Agaasimaha guud ee caafimaadka ayaa sheegay qalabka uu isticmaalayay Ombe inuu yahay kuwo maclin ah oo aan caalamka looga shaqayn.

Si aad ah ayaan ugu farxay markii aan maqlay in Dr.Saadiq Eenoow, wasiirka caafimaadka ee Puntland uu ku dhawaaqay in rugtii caafimaadka ee beenbeenta ahayd albaabada loo laabay, isla markaasna shaqaalaheedii xabsiga loo taxaabay.

Faanoole Farikama qodna

Waxaa caado noqotay in qof waliba uu farmashi iska furto isagoo aan wax xirfad ah u lahayn. Waxaa yaab ah, dhwor maalmood ka bacdi, waxay magaaladu ugu yeeri Dr., Isaguna wuu ku sii indha-adkaadaa, shaqadii khaldanaydna sii laba jibaaraa.
Howsha wasaarradda caafimaadka Puntland ku dhaqaaqday waa mid lagu farxo, muujinaysana in dowladdu doonayso inay dadkeeda waxna u qabato, wixii dhib ku hayana ka qabato.

Halkan ka arag warqadihii fashilay beenta Dhaqtar beenaadkii Kenya

nai 1nai 2nai 3nai 4nai 5nai 6nai 7

Qore :Dr.Cabdi Faarax Taano
Denmark , [email protected]

DF oo ka jawaabtay eedeen uga timid hay’ad caalami ah oo ahayd in ay….

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Soomaaliya ayaa degdeg uga jawaabtay eedeen culus oo uga timid hey’adda xuquuqda aadanaha ee HRW, taasoo ahayd xukunnada ay rido maxkamadda ciidanka qalabka sida.

Afhayeenka madaxweynaha Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo la hadlaya VOA-da ayaa sheegay in labo aan la qaadan karin caalamka iyo hey’addaha xuquuqda aadanaha in ay yiraahdaan dowladda Soomaaliya waxbo kama qabto tacadiyada dhinaca aadanaha ee ka dhaca Muqdisho iyo in ay yiraahdaan ciqaabta ma ahan tii saxda ah.

“Labo arrin la iskuma heli karo waa middee wax ha laga qabto dhibaatooyinka dhacaya marna la yiraahdo ciqaabtan ma ahan tii saxda shuruucdeena ayaa noo fasaxaysa xukunka dilka” ayuu yiri afhayeenka madaxweynaha.

Yariisow ayaa sheegay in dalka Soomaaliya muddo dheer ay ka jirtay dhibaato soo jireen ah taasoo ah in dadka la iska dilo laga sameesto wixii la rabo, marka si loo baabi’yo waa dowladda waxa ay go’aan ku gaartay in ay fuliso sharciga dalka u yaalla ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya in ay tahay dal Islaam isla markaana sharciga dalka uu dhigaayo qofka qof dila in la dio.

Mar la weydiiyay in goobaha lagu toogtay eedeesanayaasha in ay tahay goobo lagu cayaaro kubadda cagta isla markaana dadka la yiraahdo u soo daawasho taga.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya muddo dheer in ay burbur ku jirtay sidddaa darteed ma aaney jirin goobo lagu talagalay in dadka lagu toogto ayuu yiri.

Waxaa la weydiiyay in magaalada Muqdisho maalin kasta dad lagu toogto oo la dhaho waxa ay ahaayeen kuwa bastoolado ku hubeysan waana ay baxsadeen, siddee dadkaas loola xisaabtamaa.

Wuxuu sheegay in ay wadaan siddii loo hagaan jin lahaa hey’addaha garsoorka marka waxaas oo dhan dib u habeyn ayaa lagu sameynaa ayuu yiri.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Madaxweyne XASAN oo laga dalbaday in uu joojiyo xukunnada qisaasta ah

Nairobi (Caasimada Online)- Hey’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa maanta oo Khamiis ah cambaareysay wax ay ugu yeertay xukunka dilka ah ay fuliso maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Warbixinta HRW ayaa madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqday in la joojiyo xukunadaas maadama goobaha lagu fuliyo ay yihiin goobo lagu cayaaro kubadda cagta, waxaan ay tusaale u soo qaatay dhowr cisho markii seddax askari oo ka tirsan dowladda oo la sheegay in ay horrey u dileen dad kale.

Hey’adda HRW ayaa siddoo kale sheegtay in goobta uu xukunka ka dhacay ay joogeen carruur kuwaasoo daawanayya sidda uu u dhacay xukunka.

Human Rights Watch ayaa sheegtay in ay ka soo horjeedo xukunka lagu fuliyay seddaxda askari ee garsoorka maxkamadda ku qaadatay kuwaasoo la sheegay in ay horrey u dileen labo askari iyo qof rayid ah, waxaa kaloo hey’adda ka soo hor jeesatay goobta uu xukunka ka dhaacay oo ay ku soo xoomeeyn dad ay ku jiraan carruur.

Waa mid ka mid ah xukunnada qisaasta ee maxkamadda ciidanka ay fuliso
Waa mid ka mid ah xukunnada qisaasta ee maxkamadda ciidanka qalabka sida ay fulisay

Hey’addu waxaa kaloo ay sheegtay in dadkaas la toogtay aaney loo oggolaan qareeno difaaca eedeemaha loo heesto sidda lagu sheegay warbixinta.

Waxaa kaloo hey’adda ka digtay in goobaha lagu cayaaro kubadda cagta in loo isticmaalo in lagu toogto dadka la soo eedeeyay islamarkaan waxa ay ku baaqday in la siiyo caddaalad iyo fursad ay isku difaacaan dadka la soo eedeeyay.

Ugu dambeyn hey’addu waxa ay madaxweynaha Soomaaliya ku eedeesay in uu go’aamiyo dadka la toogto taasoo muujineysa in uu isaga uu ku lug lee yahay howlaha maxkamadaha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Dad ku dhintay howgallada xoogan ee ka socda magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online)-Inta la ogyahay labo qof oo rayid ayaa ku dhinteen howgallo saakay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen xaafado ku teedsan waddada warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Labada qof ee dhintay ayaa waxaa haleeshay rasaas ay fureen ciidamada dowladda intii uu howgalka socday.

Waxaa la arkayay xaafadaha howgallada ay ka socdaan oo askarta gurri u galaya iyagoona soo qabqatay dad u badan dhallinyaro.

Intii howgalka uu socday waxaa istaagay isku socodadka iyo gaadidka, in kastoo goordhow ay caaddi ku soo noqdeen.

Ma jirto cid ka hadashay howgallada saakay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen xaafado ku yaalla magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Salaad Cali Jelle: DF dhibaato ayey ku noqon doonaan maamulada la dhisayo

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha xisbiga nabadda iyo dimuqraadiyada, Salaad Cali Jeelle ayaa ka digay maamul gobaleeduada looga dhawaaqayo dalka in ay caqabad ku noqon doonaan dowladda Soomaaliya.

Salaad Cali Jeelle oo u warramayay saxaafadda ayaa sheegay in maamuladaas la dhisaayo in aaney ku saleesneen rabitaanka dowladda ama lagu dabakhay nidaamka dastuurka ee dalka u yaalla.

“Dagaalkii ka dhacay Kismaayo oo aan ognahay dowladda in ay maaro u weysay iyo maamul gobaleedyada laga dhisaayo dalka waa arrin dhibaato ku ahaan doonta dowladda, loogana baahan yahay in ay la timaado karti, dulqaad, iyo firfircooni” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Wuxuu sheegay maamulada laga dhisaayo dalka in ay ku saleesan rabitaan shakhsiyaad, taasna ay dhabar ku tahay dowladda Soomaaliya oo looga fadhiyo in ay suurta gal ka dhigto sannadka 2016-ka doorasho in ay ka dhacaan dalka.

Wuxuu sheegay dowladda in looga baahan yahay in ay wax ka qabto maamulada sidda waalida ah loo dhisaayo ee aan dastuurka iyo rabitaanka dowladda ku saleesneen.

Ugu dambeyn siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay cid ka bixisa dhibaatada ay ku jirto.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Muxuu ra’iisul wasaare CABDI WELI ka doonay magaalada ADDIS-ABABA?

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Cabweli Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goordhow ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho iyagoona ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ka qaybgali doono shirka 25-aad ee urur gobaleedka IGAD kaasoo dhawaan ka furmaya magaalada Addis Ababa.

Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale la sheegay inta ay joogaan Addis in ay kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaan madaxda ka soo qaybgaleysa shirka.

Waxaa kaloo ra’iisal wasaaraha la sheegay in uu la kulmi doono madaxda ciidamada ay ka joogaan Soomaalida sidda Itoobiya,Kenya iyo Jabuuti.

Waa markii labaad oo ra’iisal wasaare Cabdiweli uu tago magaalada Addis Ababa tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Daahir Badal: Kismaayo xasuuq baa ka socda, Axmed Madoobe-na waa…

Kismaayo (Caasimada Online)-Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka dowladda fedaraalka Soomaaliya oo ku sugan Kismaayo, ayaa ku eedeeyay maamulka KMG ah ee Axmed Madoobe in ay xasuuq ka wadaan magaaladaas.

Wuxuu sheegay in magaalada si bareer ah loogu laayo dadka rayidka ah, isagoonta intaas ku daray in maamulka KMG ah ee Jubba uu magaalada ka billaabay boob iyo barakicin uu ku hayo shacabka.

Isagoo u warramayay Idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho ayuu tilmaamay in arrimahaas ay geesanayaan maleeshiyada Raaskambooni iyo kuwa ONLF oo laga keenaydalka Ethiopia sidda uu hadalka u dhigay.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Daahir Badal ayaa tilmaamay in maamulka KMG ah ee Jubba uu ka baxay heshiiskii dowladda Soomaaliya uu la galay sannadkii horre.

Wuxuu maaxda dowladda ugu baaqay in ay wax ka qabtaan xasuuga Axmed Madoobe iyo maamulkiisa ay ka wadaan gobalada Jubbooyinka gaar ahaan Kismaayo.

Wuxuu kaloo sheegay haddii aan waxbo laga qaban in Kismaayo ay ka billaaban doonaan dagaallo sokeeye sidda uu yiri.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka KMG ah ee Jubba oo ku aadan eedeenta ugu timid sarkaalkan ka tirsan ciidamada dowlada ee ku sugan Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

MAXAA maanta ka socda MUQDISHO?

Muqdisho (Caasimada Online)- Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda howgallo ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Wariye ka tirsan Caasimada Online oo ku sugan goobaha ay howgallada ka socdaan ayaa soo sheegay in meelaha qaar ciidamada ay rasaas fureen ay ku dhaawacmeen dad rayid ah.

Goobaha ay howgallada ka socda ayaa ka mid ah xaafado ku yaalla degmada Deyniile iyo Waddada dheer ee Warshadaha, waxaana halkaas lagu arkayay ciidamo fara badan oo baaraya guryaha.

Dadka ku dhaqan goobaha ay howgallada ka socdaan ayaa sheegaya in ay walwal ka qabaan howgallada ka socda xaafadahooda.

Waxaa xiran goobaha ganacsiga iyo wax barashadda ee ku yaalla xaafadaha ay howgallada ka socdaan.

Waa maalintii labaad oo xiriir ah oo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay howgallo lagu xaqiijinaayo ammaanka ay ka wadaan caasimada Muqdisho oo maalmihii dambe xaaladeeda ammaan ay aad u sii xumaaneysay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Baarlamaanka Bariga Africa oo ku shiri doona Muqdisho & Africa…

Johannesburg (Caasimada Online) – Dalka Koonfur Afrika gaar ahaana magaalada Johannesburg,waxaa ka socda shir ay leeyihiin baarlamaanka waddamada Afrika kaaso arrimo badan looga hadlayo.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka qeyb-galay shirka baarlamaanka Afrika,waxaana qeyb ka ah xildhibaannada dowladda faderaalka ka socda ee kulanka ka qeyb-galaya xildhibaan Cabdi Samad Macallin Maxamuud oo ka mid ah mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Waxuu sheegay xildhibaan Cabdi Samad Macallin Maxamuud in arrimaha looga hadlayo shirka baarlamaanka Afrika inay ugu weyntahay sidii loo hali laha hal baasaboor oo mideeya qaaradda Afrika.

Arrinta kale ee uu xildhibaanku sheegay in Soomaaliya muhiimada uleh waxaa uu ku sheegay inay tahay sidii baarlamaannada waddamada Bariga Afrika ay kulan ugu yeelan lahaayeen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ammaanka Soomaaliya iyo howlgalka AMISOM ayaa qeyb ka ah sida uu sheegay xildhibaanku arrimaha ay ka doodayan baarlamaanka Afrika,isagoona inta raaciyey inay fursaddan uga faa’iidaysan doonaan sidii ay fikradahooda ula wadaagi lahaayeen xubnaha ka socda baarlamaannada waddamada kale ee qaaradda Afrika.

Halka hoose ka dhageyso xildhibaanka oo arrimaha ka hadlaya

Halkan-ka-dhageyso-hadalka-Xildhibaanka

Shirka ay leeyihiin baarlamaanka Afrika,waxaa uu ku soo aaday sannadkan xilli maalinta Sabtida ee soo socota ay u dabbaal-degi doono 10 guuradii ka soo wareegtay aas-aaskoodi .

Arag Sawirrada: Madaxweyne XASAN iyo boqorka Japan oo ku kulmay Tokyo

Tokyo (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya oo maalintii seddexaad ku sugan caasimada Japan ee Tokyo ayaa maanta oo Khamiis ah la kulmay boqorka dalkan Japan  Akihito.

War-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in labada nin ay ka hadleen arrimo badan oo ay ka mid tahay xaalada Soomaaliya.

Boqorka Dalka Japan ayaa u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya  inuu aad uga walaacsan yahay xaaladda Soomaaliya isla-markaana ballan-qaaday in Dowladda Japan ay juhdi xoog leh gelin-doonto sidii Soomaaliya mar kale u noqon lahayd wadan xasilooni buuxda  ka jirto.

IMG_2974

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaaa marka hore uga mahad-celieyey boqorka Japan tageeradda Dowladda  Japan ay ku bixiso Soomaaliya iyo sida wanaagsan ee Madaxweynaha iyo wafdigiisa loogu soo dhaweeyey dalka Japan.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga tacsiyeyay dhibaatada duufaantii ku dhufatay gobolka fukushima oo ay shalay ku beegneyda sannad-guuradii Seddexaad ee musiibadii dhacday.

 

IMG_3015

IMG_29691

IMG_2977

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Tokyo

[email protected]

Mareykanka oo isku soo jeestay: CIA-da & congress-ka oo ay ka tafan tahay

Washington DC (Caasimada Online) – Madaxa guddiga golaha Senateka u qaabilsan arrimaha Sirdoonka ayaa shaaciyey in hay’ada sirdoonka Maraykanka CIA ay si qarsoodi ah u weerartay computerada guddiga Baarlamaanka iyagoo ka tir tiray qoraalo xasaasi ah iyo baaritaankii ay wadeen gudigaasi.

Dianne Feinstein oo ah madaxa Guddiga Senateka u qaabilsan Sirdoonka oo ah guddiga la xisaabtama hay’adaha sirdoonka ayaa sheegtay in warbixino xasaasi ah oo muujinayey khaladaadka CIA-da laga tir tiray computerada yaalay xarunta Baarlamaanka oo ay ku shaqeenayeen guddiga baaritaanka wada.

Warbixinada la tir tiray ayaa la sheegay inay kamid ahaayeen xog la xariirta jirdilka ay Sirdoonka Maraykanka CIA u geystaan dadka ay qabtaan, in sirdoonka Maraykanka ku fashilay inuu xog fiican ka helo maxaabiista ku xiran Guwantanamo Bay oo la jirdilo iyo in CIA-da ay xog been ah u gudbiyaan Golayaasha Baarlamaanka.

“…Arrintan ay ku kacday hay’ada Sirdoonka waxay si dhab ah u burburineysaa sharcigii kala qaadayey awoodaha dowlada sida ku xusan Dastuurka Maraykanka…” ayey tiri Dianne Feinstein oo sheegtay in sirdoonka uu faraha lasoo galay awoodii Baarlamaanka iyo sharci-dajinta Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa laga codsaday inuu fasaxo qaar kamid ah qoraalada sirta ah ee hay’ada Sirdoonka si loo ogaado heerka uu gaarsiisan danbiyada lagu heysto hay’ada sirdoonka. Balse Aqalka Cad ayaan weli arrintan jawaab ka bixin iyadoo la filayo in Obama uu ka gaabsan doono xiligan inuu fasaxo qoraaladaasi, maadaama laga yaabo in arrintaasi isaga xafiiskiisa wax u dhinto.

Caasimada Online

Xafiiska Washington DC

[email protected]

VIDEO: Wasiir MUQDISHO baabuur iyo baaskiil kula damaashaadaya (Daawo)

Muuqaal Cajiib ah oo laga diayariyaya Wasiirka Warfaafinta Dowlada Mustaf Dhuxuloow kaas oo ah Wasiirka oo MAgaalada ku damaashaadaya asagoo ka sheekeynaya Xaalada Amaan & Nolosha Muqdisho.

Hadaba Aqristoow Muuqaalkani waa mid ka hadlaya isbadalka Magaalada ka dhacay Balse Wasiirka ayaa waxuu sameynayaa waxyabao cajiib ah oo Bulshada ka yaabiyay ee nala daawo adaa ka heli doonee.

HALKAAN KA DAAWO: