26.5 C
Mogadishu
Friday, January 2, 2026

Xog: Wasiir kamid ah Xukuumadda R/W Cabdi Wali oo baangado lagu bursaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxey sheegayaan in xiisad ka dhex taagan tahay Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumada Somaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Ururada haweenka qranka Somaliya.

Xiisada waxay ka dhalatay kadib markii Wasiir Khadiijo ay soo saartay warqad ay shaqada uga joojineysay dhamaan hay’adaha iyo ururada kale ee ku shaqeeya Guriga Hooyooyinka taasi oo warqadeeda la dhaqan gelin waayey.

Waxay sidoo kale Amar kusoo saartay warqad kale Wasiir Khadiijo in dhamaanba laga fujiyo Boorarka ku dhagan guriga Hooyooyinka ee Magaalada Muqdisho hadana waa laga dhago adeegay amarkaasi waxaase ay taasi keentay in khilaaf xoogan uu soo kala dhex galo Ururka Haweenka Qaranka iyo Shaqaalaha Wasaarada Haweenka.

Ilo wareedka aan la hadalnay ayaa inoo xaqiijiyey in xitaa arintu ay gaartay baangado la isku qaatay markii haweenka la isku fahmi waayey munaasabad ka dhacda guriga Hooyooyinka xilli shalay loo dabaal dagayo maalinta Haweenka Adduunka 8-Maarso, oo wasiirka baangado lagu bursaday

Wasiir Khadiijo ayaa waxay arintaan sheegtay in Xukuumada madaxdeeda kala hadli doonto maadama ay sheegtay in lagu tix gelin waayey amarkeeda oo la kala ogaan doono cida maamulka iska leh guriga Hooyooyinka ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ibrow: Axmed Madoobe wuxuu ku yimi talo Kenya, laakiin Nuunow doorasho

Baydhabab (Caasimada Online) – Malaaq Ibrow Cali oo ka mid ah malaaqyada beelaha Digil & Mirifle ee taageersan doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Madoobe Nuunow, ayaa naqdiyey hadal ka soo yeeray hogaamiyaha maamulka Jubbooyinka Axmed Madoobe, oo sheegashada Nuunow ee madaxtinnimada 6-da Gobol ku tilmaamay mid riyo ah.

Malaaq Ibrow wuxuu sheegay in Madoobe Nuunow lagu doortay shir ay ka soo qeybgaleen waxgaradka beelaha degan lixdaasi gobol, halka uu sheegay in uu yahay nin ay Kenyaanku wataan, ayna u isticmaalayaan siyaasadooda qarbudaada & dhul balaarsiga ah ee ay ka leeyihiin Soomaaliya.

“Madoobe Nuunow wuxu ku yimid shir beelaha 6-da gobol ay isugu yimaadeen, oo ay si fiican u lafa gureen mustaqbalka goboladaasi, aakhirkiina goáan ku gaaray dhismaha maamulkan, marka qofka riyada ku yimid waa isaga“ ayuu yiri Malaaq Ibrow.

“Axmed Madoobe waxaan leeyahay haddii adiga oo Qabri-dahare baadiyaheeda ka yimid aad madax ka noqotay Kismaayo, weliba adigoo ay Kenyaan ilaalo ka hayaan, maxaa u diidaysaa Madoobe Nuunow inuu madax ka noqdo goboladaasi 6-da ah” ayuu yiri Malaaq Ibrow.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
[email protected]

Daawo Video: Turkiga oo Muqdisho ka her geliyay mashruucyo haweenka…!

Dowlada Walaalaha ee Turkiga oo si dhab ah u garab taagan Walaalaheeda Soomaaliyeed ayadoo Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ka wada howlo badan oo mashaariic ah oo isugu jira Dhismooyin & Deeqo wax barasho.

Arintani ka farxisay Haweenka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho ee uu Turkiga ka her galiyay magaalada ayaa ah mid ay aad u hadal hayeeyn Haweenka ku nool Gobolka Banaadir ee nala daawo Muuqaalkani farxadeed.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Muungaab oo la kulmay g/miyaasha

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Sareeyo guud Gen Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta oo Axad ah kulan la qaatay dhammaan guddoomiyaasha degmooyinka gobalka Banaadir.

Kulanka oo ay saxaafadda bannaanka ka joogtay, ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hadlay afhayeenka maamulka gobalka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan.

Wuxuu sheegay in kulanka looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay adkeynta ammaanka caasimada iyo in la dardar galiyo howlaha nadaafada.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay oo kale afhayeenka in guddoomiyaha gobalka Banaadir uu codsaday in dadka loo fududeeyo qaadashada warqadda aqoonsiga, isagoona intaas ku daray in dhawaan degmooyinka gobalka Banaadir laga sameyn doono xarumo laga qaato Warqadda ID Card-ka.

Waa kulankii ugu horreeyay ee guddoomiyaha gobalka Banaadir uu la qaato guddoomiyaasha gobalka Banaadir tan iyo markii xilkaas loo magacaabay 23-kii bishii horre ee Febraayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maamul loo dhisaayo Shabeelooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Afgooye waxaa maanta oo Axad ah ka furmaya shirweyne maamul loogu dhisaayo gobalada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Guddoomiyaha qaban qaabada shirka, Muxyidiin Xasan Afrax oo la hadlay warbaahinta Muqdisho, ayaa sheegay in shirka maanta ka furmaya magaalada Afgooye uu daba socdo shirar u soo socday muddo lix bil beelaha ka soo jeeda labada gobal la iskuna raacay in la sameeyo maamul gobaleed ay ku mideesan yihiin labada gobal ee dariska ah.

Wuxuu sheegay oo kale in shirka maanta ka furmaaya Afgooye ay ka soo qaybgali doonaan 800 oo ergo ah kuwaasoo ka socda labada gobal, mas’uuliyiin ka socda dowladda, QM iyo diplomaasiyiin caalami ah.

Mar la weydiyay in maamul dhawaan lagu dhisay Beydhabo oo lix gabal ah, wuxuu sheegay in maamulkaas aanu matali karin gobalka Shabeellaha Hoose, isagoona tilmaamay in labada gobal ay ku heeshiiyeen odayaashooda iyo mas’uuliyiintooda in ay sameestaan maamul ay ku mideesan yihiin.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in maalmaha soo socda ay sameyn doonaan dastuurka u yaalla maamulka loo dhisaayo labada gobal.

Si kastaba, maamulkan ayaa imaanaya iyadoo shirar iska soo horjeedo oo maamul loogu dhisaayo lix gobal iyo seddax gobal oo uu ku jirro Shabeellaha Hoose uu ka socda Beydhabo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maamul goboleed loo sameynayo 2-da Shabeelle ee la wada sheeganayo

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa galabta saxaafadda kula hadlay odayaasha iyo guddiga qaban qaabada shirweyne looga hadlaayo maamul loo dhisaayo gobalada deriska ah ee Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Waxaa shirka joogay siyaasiyiin iyo xildhibaanno ka soo jeeda labada gobal.

Waxaa goobta lagu sheegay in maalinta berri ah in uu shirweyne looga hadlaayo maamul gobaleed loo sameeyo labada gobal uu halkaas ka furmi doono.

Guddiga qaban qaabada shirka ayaa sheegay in maalinta berri ah la dooran doono ergooyinka u matalaya labaada gobal shir iyo in la sameeyo dastuurka uu yeelan doono maamul gobaleedka cusub.

Mid ka mid ah odayaasha ka qaybgalay kulanka ayaa baaq u diray beelaha ka soo jeeda Baay iyo Bakool, wuxuuna yiri “ Miriflow Baay iyo Bakool ha idinku filnaado, maamulka idinba deeqo”.

Waxaa kaloo kulanka joogay guddoomiyaasha gobalada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Dhinaca kale, wararka naga soo gaaraya degmada Janaale, ayaa sheegaya in halkaas maanta uu ka dhacay dagaal u dhexeya labo beelood oo wada degga Gobolka Shabeellaha Hoose.

Inkastoo aan laga warqabin waxa uu salka ku haayo dagaalka labada beelood, ayaa waxaa hadana la soo sheegayaa in mid ka mid ah lagu soo weeraray deegaanka Buulo Busleey, oo ku taala duleedka degmada Janaale.

Dagaalka oo billowday barqanimadii maanta, ayaa xilligii duhurka ku fiday deegaano kale oo ku galbalka ku yaalla, wuxuuna daba socodaa dagaallo soo noq noqday oo gobalka la haray.

Caasamada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

General JAAMAC Maxamed QAALIB oo arrimo xasaasi ah caawa kashifay

Muqdisho (Caasimada Online) General Jaamac Maxamed Qaalib, oo ah siyaasi caan ka ah Soomaaliya marna soo noqday Taliyihii Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Xiligii Xukuumaddii Dhexe ee Milateriga, ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ee dhawaan ka mid noqdtay AMISOM aaney waxbo ka badali doonin xaalada ammaan ee dalka.

Wuxuu sheegay in uusan Kheyr u arkin in la dhaho Ethiopia ayaa ammaanka Soomaaliya door ka qaadaneysa.

Isagoo la hadlaayay Idaacad Maxali ah oo ku taalla Muqdisho, ayuu sheegay Ethiopia in ay mar kasta ka shaqeyso siddii ay Soomaaliya ku degi lahayn.

“Ethiopia waxa ay markasta ku dedaaleysa siddii Soomaaliya aaney ku deggi lahayn, waana arrin la ogyahay, oo ay xittaa dowladda hadda jirta ogtahay” ayuu yiri siyaasiga Jaamac Maxmed Qaalib.

Waxaa uu sheegay in uusan u arkin Ethiopia in ka shaqeeneyso Soomaaliya in ay degto, isagoo sheegay dastuurka Soomaaliya ay lee dahay in ay soo dejisay Xabshi, waxaa uu ku tilmaamay nidaamka fedaraalka mid ay dan weyn ugu jirto dowladda Ethiopia.

Mar Idaacadda Goobjoog wax ka waydiisay waxa uu ku caddeenaayo, wuxuu sheegay inuu darsay dastuurka KMG ah ee dalka u yaalla in afar qoddobo mooyee inta kale ay soo sameesay dowladda Ethiopia.

Mar uu ka hadlaayay qoddobada dowladda Soomaaliya ay ku lee dahay, wuxuu sheegay in ay yihiin afar qoddob oo kala ah, Arrimaha dibedda, gaashandhigga, baasaboorada iyo maaliyada.

Ugu dambayntiina General Jaamac Qaalib ayaa sheegay inta Ethiopia loo ordaayo in waligeed aaney Soomaali dhibka ka bixi doonin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Wasiir ku hanjabay is-casilaad, xilli uu jahwareer hareeyey isku-shandheynta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhiga Somalia ayaa ka biyo diiday qorshe la rabay in loogu magacaabo Wasaaradda Amniga Qaranka kadib markii la qorsheeyey isku shaandheeyn cusub oo lagu sameyn doono Xukumadda Ra’isul wasaare Cabdi Weli.

Wasiirka Amniga Qaranka Somalia Cabdi Kariim Xuseen Guuleed ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh u gudbiyay fariin ku saabsan inuu xilka Wasiirka Amniga iska casili doono hadaan loo wareejin Wasaarad kale.

Waxaa jira qorshe la doonayo in Jeneralka heeysta Wasaaradda Caafimaadka loo weareejiyo Wasaaradda Gaashaandhiga, halka Wasiirka Gaashaandhigana laga dhigaa Wasiirka Amniga,Wasiirka Amnigana loo wareejinaa Wasiirka Caafimaadka.

Ra’isul Wasaare Cabdi Weli ayaa Wasiirka Gaashaandhiga u gudbiyay macluumaadkaas shalay, hase yeeshee wuxuu si deg dega ugu sheegay inuu xilka iska casili doono hadii sidaas loo sameeyo isku shaandheeynta.

Wasiir Maxamed Sheekh wuxuu sheegay inuu aqbali karo Wasaaradda Amniga hadii la hoos keeno Boliiska iyo Laanta socdaalka.
Si kastaba ha ahaatee, tani waa khilaaf curdun ah oo wajahay xukuumadda iyo loolan u dhaxeeya taas oo wiiqi karta xukuumadda iyo waxqabadkeeda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Video: Hooyo qurbaha ka tagtay oo ku dhaqaqday tallabo lagu farxay

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka waxaa six owli ah ugu laabanaya Qurba Joogta Soomaaliyeed ee dalka dibadda uga maqnaa oo dalkooda dib ugu soo guuraya.

Mid ka mid ah Hooyooyinka Soomaaliyeed ee qurbaha ka tagay ee dalka dib ugu noqday ayaa waxeey muqdisho ka sameysay talaabo aad loogu farxo reer Muqdishana ay hadal hayaa ee adna nala daawo oo arkay.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Israel oo ku qabatay xeebaha Somalia markab hub u siday ururka Xamaas

Nairobi (Caasimada Online) Sidda uu qoray Sabtida maanta ah, wargeys ka soo baxa Israel, markab hub u u siday ururka Xamaas ee ka dhisan dhulka Falastiiniyiinta ayaa lagu qabtay xeebaha Soomaaliya.

Markabkan ayaa la sheegay in ay qabteen ciidamo si gaar ah u tababbarran, oo Israel ah, waxaana lagu qabtay meel 100 mail u jirta xeebaha Soomaaliya.

Sidda uu baahiyay wargeyska warkan qoray, Markabkan ayaa hubkan ka keenay dalka Iran, waxaana la rabay in uu sii maro dalka Sudan si uu halkaas uga galo magaalada Gaza oo ay gacanta ku heyso kooxda Xamaas.

Markabka hubka sidda ayaa la sheegay in uu soo maray dalka Syria ka hor inta aan lagu qaban xeebaha Soomaaliya, waxaana la lee yahay wuxuu kaloo wadaa qalab dhismo iyo agab kale.

Ma jirto ilaa hadda wax war ah ka soo baxay Xamaas oo ku aadan in markab hub u siday in lagu qabtay xeebaha Soomaaliya.

Xeebaha Soomaaliya ayaa noqday meel wax kasta la marsiiyo maadama aaney cid ilaalisa, iska daa markab hub sidda waxaaba maraakiibka ay ku daadiyeen sunta iyo haraadiga hubka nukleerka.

Israel ayaa dhibaato joogta ah ku heysa falastiiniyiinta ku xayiran magaalada Gaza oo ay maamusho kooxda Xamaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Wafdi Turkish ah oo tagay Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) Wafdi ka socda dowladda Turkiga ayaa maanta barqadii gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Wafdiga oo uu hoggaaminaayo danjire ku xigeenka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.

Danjire ku-xigeenka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in safarkooda uu la xiriiro siddii ay sahmin lahaayeen xaalada magaalada Beledweyne isla markaana loo caawin lahaa dadka ku dhibaateesan magaalada.

Wxuuu sheegay in wafdiga la socda ay ku jiraan saraakiil ka socota hey’adda bisha case ee dalka Turkiga iyo saraakiil kale oo ka socda hey’addaha gargaarka dalkaas, kuwaasoo raba in ay mashaariic ka hirgaliyaan gobalka Hiiraan.

Maamulka gobalka Hiiraan ayaa soo dhaweeyay wafdiga ka socda dowladda Turkiga.

Waa markii ugu horreysay oo wafdi ka socda Turkiga ay tagaan magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Turkiga ayaa raba in uu ballaariyo mashaariicda ay ka hirgalinayaan guud ahaan dalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Beledweyne

[email protected]

SHEEKH SHIBLI oo qoray qormo cajiib ah: Dabin MUSLIM mise Dar MUSLIM

Nairobi:-Waa maqaalkaan kooban oo uu qoray Sheeh Maxamuud Maxamed Shibli wuxuuna maqaalku xanbaarsan yahay faa’iido badan isagoo taabanaya dhinacyo kale duwan , Qoraalkaan ayaa Sheekh. Maxamuud Maxamed Shibli waxaa uu ugu magacdaray Dabin Muslim Mise Dar Muslim hoos ka akhriso Maqaalka oo dhamaystiran

Dabin Muslim Mise Dar Muslim

Allaah ayaa mahad dhamaanteed iska leh, N.N. ha ahaato Nabeeganna scw korkiisa, Intaas ka dib. Dadku waa laba qeybood marka laga eego daacadnimada iyo dibindaabada, waxayna kala yihiin:-

1) Dabin Muslim Iyo:

2) Dar Muslim.

Dabin Muslim: Waa qof ka shaqeeya shirqoolka & lugooyada muslimka asaga oo adeegsanaya xeelado kala duwan oo hadba waji cusub leh, sida badanna aan dadku si fudu ku garan karin.

Dar Muslim: Waa qof waxa uu samaynayo daacad ka ah, qaladkii ka dhacana aan dhibaato Muslim ula jeedin sida badan, waana laba nooc dadkaasi

1. Dhug qabe: Waa qof fiira leh, waxa dhacayana dhugan kara hadba heer ay noqotaba, qofka noocaas ah ma badna in waqti dheer la siro, ama lagu fuliyo mardabo wayn oo uusan garanayn, Muslimka sidaas ahna waa midka aan god laba jeer laga wada qaniinin.

2. Damane: Waa qof daacad ah laakiin damiin ka ah dagitaanka, mana qaado dareen dhow ilaa uu gaadho meel fog, waxaa dhici karta in la adeegsado dadkana lagu dago hadii uu sidaas u damanyahay.

Xasuus Taariikheed:-

Waxaa soo maray taariikhdii hore ee Muslimiinta rag samayn jiray axaadiis been abuur ah oo lahaa dano kala duwan, kuwaas oo ahaa Dabin Muslim, waxaana kamid ahaa dadkii loo adeegsaday fidinta iyo gudbinta axaadiistaas dad Dar Muslim ah oo loogu soo gabaday diinta fidinteeda kana damanaa dibindaabadaas.

Waxay ahaayeen dad cibaado badan oo dadka Muslimka ah u hayaan kalsooni, ayaguna maanay filaynin in qof Muslim ah been sheegayo, iskaba dhaaf in uu ka been sheego Nabi Muxammed scw.

Waxay Culimadii Muslimku garteen dhagarta ay sameeyeen kooxda Dabin Muslim, waxayna si aad ah uga digeen in lagu kadsoomo dadkaas daacadda ah oo laga dhagaysto axaadiista ay sheegayaan, maadaama ay ka daman yihiin xeeladaha kooxda Dabin Muslim, Waxaadna ka helaysaa qeyb kamid ah waxii ay culimadu ka dhaheen dadkaas hordhaca Saxiixu Muslim.

Imaamu Abu Al-Zinaad ayaa yidhi:” Waxaan Madiina Ku soo gaadhau boqol dhamaantood dintooda lagu aamino, hase yeeshee aan xadiis laga qaadanin, waxaa la yidhi: dadkiisii ma ahan “.” أَدْرَكْتُ بِالْمَدِينَةِ مِائَةً، كُلُّهُمْ مَأْمُونٌ، مَا يُؤْخَذُ عَنْهُمُ الْحَدِيثُ، يُقَالُ: لَيْسَ مِنْ أَهْلِهِ ” مقدمة صحيح مسلم.

– Waxaa kale oo taariikhdii hore ee Muslimiinta soo maray Mukhtaar Bin Abii Cubayd Al-Thaqafi oo astaan dagaal ka dhigtay in loo aargudo Imaam Xuseen Bin Cali Bin Abii Daalib, oo ay si dulmi ah ku dileen dawladii reer Banii Umaya.

Waxaa raacay dad badan oo ka cadhaysnaa dilka Imaamkaas wayn, waxayna moodeen in Mukhtaar yahay Dar Muslim, laakiin ku hongoobay markii danbe oo ogaaday in uu yahay Dabin Muslim, oo aan diin wadin ee dhagar qabe ah.

Waxaa kamid ahayd xeeladihii uu isticmaalay in uu adeegsaday damane khayr doon ah ( Dar Muslim ), dadkana ku maamulay si wanaagsan markii hore, laakiin wuxuu dib kala soo baxay wax aan la filayn. Waxaa dib ka soo baxday in uu sheegtay Mukhtaar Al-Thaqafi in uu yahay Mahdi-gii Nabigu scw ku bishaareeyay, waxayna arrintaas dhacday markii uu is yidhi waxaad haysataa dad ku aaminsan oo kaa dhagaysanaya.

Waxaa xigtay waqti kadib in uu sheegtay Nabinimo oo yidhi waxaa igu soo daga waxyi, taas oo ahayd halkii uu u socday laakiin wuxuu u soo maray dariiq dheer. Waxaad halkaas ka garatay in dadku ay saarnaayeen gaadiid aanay aqoon darawalka kaxaynaya iyo meesha dhabta ah ee loo socday, oo ay ka sacbinayeen ama takbiirta ka qaadayeen daaqadaha ayaga oo dagan, dan aanay aqoonna u durbaan tumayeen.

Waxaan garwaaqsanay:

Waxaan ku soo gunaanadayaa qoraalkan kooban in ay jiraan dhacdooyin badan oo sidaas oo kale ah, waxaana dhihi lahaa aqristaha qormadan, waa in aad garwaaqsataa:-

1. Dadku ma wada gartaan dhagar qabaha is qarinaya ( Dabin Muslim ) ee dad kooban ayaa inta ay dhuuxaan nuxurkiisa, taariikhdana dheehdaan kas oo dhalaaliya waxa uu yahay dhib wadaha cusub.

2. Aqoonta taariikhda iyo dhuuxitaanka waayaha dadku ma wada gaadhaan, ee inba Allaah ugu deeqaa, ayagaana Allaah wax ku badbaadiyaa marar badan.

3. Dhagar qabaha ( Dabin Muslim ) doonaya in uu dadka dago wuxuu adeegsan karaa damane daacad ah ( Dar Muslim), wuxuuna ku suuq geeyaa badeecad aan gadanteen.

4. Muslimka laba jeer god lagama qaniino, ninkii shalay dagay ee diin, dal, duunyo iyo dadba halaagay ma fiicna in aad damiin inta noqoto, maalinba midab kuu yeesho.

5. Dadka waxaa ugu daran marka lagu dago magac diineed, waxayna keentaa in laga dido diinta iyo inta daacada ka ah ee aan Dabin Muslim ahayn.

6. Dhagar qabaha u socda danaha gaarka ah ( Dabin Muslim ) isma muujiyo marka hore ee wuxuu dadka u sheegaa waxa ay rabaan, wuxuuna u dhaqmaa sida ay doonayaan, inta uu ka gaadhayo heerkii uu rabay.

Intaan qorma kale ku kulmi doono, waxaan idiin rajaynayaa khayr iyo liibaan labada daaroodba ah.

W/Q: Sh. Maxamuud maxamed Shibli

Caddeymo muujinaya qataraha habka federaalka oo soo if-baxaya (Warbixin)

Waxaa sii kacaya xiisadaha ka dhex taagan saamileyda kala duwan ee ku sugan Baydhaba oo ku aaddan samaynta gobol cusub oo federaal ah, taas oo mar kale su’aal ka dhalisay inay Soomaaliya awood u leedahay in ay dhaqangeliso federaalnimada.

March 3-deedii, ayaa Madoobe Nuunow Maxamed loo doortay in uu yahay madaxweynaha maamul-goboleed cusub oo la yidhaahdo Gobolka Koonfurta-galbeed oo ka kooban gobollada Bay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe. Hase ahaatee, saddex ka mida gobolladaas — Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose — ayaa horay ugu midoobay in ay sameeyaan Maamulka Ku-meel-gaadhka ah ee Jubba sanadkii 2013-kii.

Maxamed ayaa wax aan jirin ka soo qaaday dhaleecaynta ah in doorashadiisu aysan nidaamka waafaqsaneeyn, isaga oo sheegay in 850 wufuud ah, oo ay ku jiraan siyaasiyiin iyo oday dhaqameedyo matalaya gobollada la isku hayo, ay ugu codeeyeen inuu jagada helo.

Isagoo ka jawaabaya edeeymaha ah in doorashadiisu ay hoosaasinayso IJA, ayuu ku dooday in IJA ay sharci ahaan lahayd lix bilood oo kaliya, taas oo ka dhigaysa maamulka Kismaayo ka dhisan mid “sharci-darro ah” oo aan wax ka soo qaad lahayn.

“Sidaas darteed, iskuma mashquulinayno maamulkaas,” ayuu yiri Maxamed. “Waxaa na hor yaala howlo kale oo waawayn, kuwaas oo ah inaan dhammaystirno waxa ka hadhay [samaynta] maamulkeenna.”

Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Cali, oo ah ergay 41-jir ah oo ka qeyb galay shir-goboleedkii Gobolka Koonfurta-galbeed, ayaa sheegay in codka wufuudda uu ka turjumayo rabitaanka dadka ku nool gobolladaas.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in uu soo dhowaynayo shacabka ka so horjeeda maamulka cusub ee la dhisay oo wadahadalka diyaar u ah.

“Waxaan rabnaa inaan go’aan ka gaadhno mustaqbalka gobolladeenna waxaana uu dastuurka dalku xaq noo siinayaa [inaan sidaas yeelno],” Cali ayaa sidaas sheegay. “Waxaan taageersannahay xukuumaddeenna federaalka ah waxaana aan sidoo kale jeclaan lahayn in xukuumaddu ay aqoonsato rabitaanka dadweynaha, gobol kasta oo ay ku sugan yihiin.”

Shir-goboleed ka soo soo horjeeda ayaa sii socda

Laakiin Cabdullaahi Yaxye, oo ah oday dhaqameed ka soo jeeda Jubbada Hoose oo qeyb ka ahaa sameeynta IJA, ayaa sheegay in shacabka gobollada Jubbooyinka aan laga qeyb galin samaynta dawlad-goboleedka cusub ee Baydhabo laga dhisay.

Gobolka Koonfurta-galbeed “wax shaqo ah kuma ay laha shacabka Jubbooyinka”, ayuu yidhi.

“Cidina nagalama tashan maamulka laga dhisayo Baydhabo,” ayuu yiri. “Waxaan kula talin lahaa walaalaheen [ku sugan Baydhabo] in ay ka gaabsadaan in ay sheegtaan gobollo ay ka dhisan yihiin maamullo la aqoonsan yahay.”

Dhanka kale, shir-goboleed lid ku ah ayaa wali ka socda Baydhabo, iyada oo wufuudda halkaas jooga ay taageerayaan samaynta maamul federaal ah oo ka kooban saddexda gobol ee Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Siid Cali Maxamed, oo ka mida 650-ka wafdi ee ka qeyb qaadanaya shirka, ayaa sheegay in wufuuddu ay dhammaystireen dastuur goboleed, isku raaceen calan goboleed magacaabeenna xubnaha baarlamaan goboleedka cusub oo dooran doona madaxweynaha. Taariikh wali looma qaban doorashada, ayuu yidhi.

Maxamed ayaa wax aan jirin ka soo qaaday sharci ahaanshaha madaxweynanimada Madoobe Nuunow Maxamed isaga oo sheegay in dadka gobolka ku nool ay intooda badan rabaan maamul saddex gobol ah.

“Waxaan haysannaa taageerada shacabka ku nool Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose. Xukuumaddeenna [federaalka ah] waxay taageersan tahay sameeynta maamulka saddexda gobol walaacna naguma hayso kooxda samaysatay maamulka lixda gobol ah, laakiin haddii ay diyaar u yihiin wadahadal, waan soo dhoweeynaynaa,” ayuu yidhi Maxamed.

Dhisidda maamul goboleedyo haysta taageero dhinaca shacabka ah

Muranka ku salaysan sida dhulka loo qeybin lahaa oo loo dhisi lahaa maamul goboleed hoos yimaada dawladda federaalka Soomaaliya ayaa muddo dheer ka soo dhex jiray qeybo ka mida shacabka ku nool lixda gobol taniyo markii la sameeyay IJA sannadkii hore, iyada oo ay dadka qaar u soo baxeen waddooyinka si ay uga mudaaharaadaan heshiisyada dib-u-heshiisiinta ah iyo aqoonsiga rasmiga ah ee IJA.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (FGS) ayaa mar kale ku dhawaaqday taageeradeeda maamulka saddexda gobol, iyada oo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdullaahi Goodax Barre uu ugu baaqay saamileeyda inay “iska ilaaliyaan khilaaf aan loo baahnayn oo laga yaabo inuu marin habaabiyo dadaalka aan ugu jirno dib-u-dhiska dalkan”.

“Marka la eego heshiiskii u dhexeeyay FGS iyo Maamulka Ku-meel-gaadhka Jubba oo kal hore August ka dhacay Addis Ababa, Itoobiya, waxay dawladda federaalka Soomaliya ayidaysaa wixii ka soo baxay heshiiskaas,” Barre ayaa wariyeyaasha ugu sheegay Muqdisho 3-dii March.

“FGS waxay diyaar u tahay in ay hoggaamiso hannaanka federaalnimada, siiba dhismaha maamul-goboleed federaal ah oo laga sameeyo gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose,” ayuu yidhi Barre.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, oo Wasiirka Arrimaha Dastuurka iyo Dib-u-heshiisiinta ka soo ahaa Xukuumaddii Federaalka Ku-meel-gaadhka ahayd ee Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Maxamed Cali, ayaa sheegay in dhibaatada ka jirta Baydhabo ay ka timid in ay xukuumadda federaalka ka boodday dhowr tallaabo oo laga rabay in la qaado inta aan maamul-goboleedyada la sameeyn ka hor.

Intaan la isku dayin in la sameeyo maamul goboleed federaal ah ka hor, waa in la sameeyo guddi ka shaqeeya xudduudaha gobollada, oo ay ku xigto in la sameeyo dawlado hoose ee ka soo bilaabanaya heer tuulo iyo degmo.

Xukuumadda federaalka waxay sidoo kale ku fashilantay in ay dhaqan-geliso sharciyo ay ansixiyeen baarlamaanka oo ku aaddan sida loo sameeyo maamul-goboleedyada, kuwaas oo gacan ka geysan karay khilaafka Baydhabo iyo kuwo kale in aysan muddo ka dibba soo noqon, ayuu yidhi.

Isha: Sabahi Online

GUULEED OO U JAWAABAY TARSAN !!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga qaranka ee dowladda Soomaaliya Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa iska fogeeyay eedeyn dhowaan uga timid guddoomiyihii hore gobalka Banaadir ahaana duqii magaalada Muqdisho mudane Tarzan.

Waxa uu sheegay in baabuur uusan dhicin isla markaana baabuurtaasi oo ahaa nuuca aan xabadda karin xukuumaddu ay amartay in amniga lagu sugo oo hay’adaha ammaanka dalka lagu wareejiyo.

“Tarzan waa uu i nabayaa aniga ma qaadan baabuur uu lahaa gobalka ee toddobo baabuur waxa ay ahaayeen kuwa amniga lagu xaqiijinayay” sidaas waxaa sheegay Wasiir Guuleed.

Dhowaan ayaa Maxamuud Axmed Nuur Tarzan uu shaaciyay in wasiir Cabdikariin Xuseen Guuleed uu la wareegay sanadkii la soo dhaafay gawaari loogu tala-galay in maamulka gobalka Banaadir uu ugu adeego shacabka.

Wuxuu caddeeyay baaburtaas in ay hadda gacanta ku hayaan hey’addaha ammaanka, maadama ay yihiin kuwa aan xabada karin ay uga cabsadeen in ammaanka lagu khalkhal galiyo ayuu yiri.

“Amarka baabuurtaas looga wareejiyay maamulka gobalka Banaadir waxaa soo saaray golaha wasiirrada ee horrey annagana waan fulinay uun” ayuu yiri.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Daawo Video: Hooyo Soomaaliyeed oo ay qabsatay dhacdo lala ilmeeyey

Hooyadaan ayaa waxaa lagu magacabaa Sadiya waxayna iyadoo uur leh aaday dalka Mareykanka iyadoo 7 caruur ah oo ay dhashay uga tagtay wadanka Somalia, balse 7 sano kadib ayeyse arin qiiro badan oo dad badan ka ilmeysiisay la kulantay.

Muuqaalkani laga duubay dhacdadani qabtaya Sacdiyo ayaa waxaad ka arki kartaa qaabka cajiibka ah ee dhacada iyo dadka oow ada ilmeynaya ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Xasan oo hambalyo u diray haweenka

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa oo ka hadlayey munaasabadda maalinta Haweenka Caalamka ayaa yiri “ Waxaan marka hore u dirayaa hambalyo dhammaan haweenka Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa iyo dibedda ku kala nool, waxaana leeyahay sii xoojiya doorkiina muhiimka u ah shacabka Soomaaliyeed. Haweenku waa hormuudka iyo laf-dhabarka bulshada Soomaaliyeed. Doorkii 23kii sano ee la soo dhaafayna waa mid muuqda oo ay ahaayeen hal-bowlaha carruurta iyo qoyskaba oo ay mas’uuliyada qoyska dhanka shaqada iyo dhaqaalahaba hayeen.”
“Diinteenna Suuban iyo dhaqankeena wanaagsan ayaa tilmaamaya muhiimada Haweenka, shacabkana waxaan uga mahadcelinayaa sida ay marwalba u karaameeyaan, u sharfaan una dhowraan xuquuqda dumarka Soomaaliyeed. Dumarka Soomaaliyeed kuwooda gudaha joogana waxey mar-walba ka shaqeynayeen sidii dagaalada iyo collaadaha loogu bedeli lahaa nabad iyo horumar. Kuwooda ka mid noqday Qurbo-joogta Soomaaliyeedna waxey hormuud ka ahaayeen sidii qoysaskooda iyo Soomaalida kaleba ay ugu soo diri lahaayeen biilkooda. Qoysaska gabdhaha qurbaha ka aadayna waxey noqdeen kuwo aan illoobin qoyskooda iyo deriskaba.”

Sidoo kale gabdhaha Soomaaliyeed ee Qurba joogta waxey fursad u heleen waxbarasho oo maanta ay muuqato kaalinta ay waxbarashada gabadhaha soomaaliyeed uga jiraan, waxeyna noo tahay ammaan, dhiirigelin iyo wax lagu faano.

“Ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa meel walba oo ay joogaan inay sii xoojiyaan taageerada gabdhaha iyo haweenka Soomaaliyeed oo lagu dhiiri geliyo waxbarashada, shaqada, si ay ula tartamaan haweenka adduunka. Haweenka Soomaaliyeed waa inay danta guud ku midoobaan oo aragtiyaha kala duwan looga gudbaa si midnimo iyo wadajir ah. Ummad walbana horumarkeedu waxuu ku xiran yahay sida loo sharfo oo loo qiimeeyo dumarkooda.”

“Dowladda waxaa ka go’an inay sii xoojiso dadaalkeeda ku wajahan sidii dumarka Soomaaliyeed ay u heli lahaa xuquuqahooda oo ay bulshada uga dhex muuqan lahaayeen. Waana inaan ku dhiiri gelinaa dumarka inay siyaasadda, waxbarashada iyo ganacsiga ka qeybqaataan.”

DAAWO sawirradii ugu dambeeyay ee garoonka diyaaradaha Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) Gaoonka diyaaradaha Kismaayo oo uu ka muuqdo dib u casriyeen aad u ballaan, ayaa sawirro cusub laga soo qaaday.

Garoonka oo dib u billaabay shaqadiisa tan iyo markii ciidanka Kenya ay qabsadeen magaalada Kismaayo labo sanno ka hor, ayaa hadda waxaa ka muuqda isbadal xooggan, waxaana maalin kasta ku soo dagga diyaarado fara badan.

Diyaaradaha qaar ee garoonka soo fadhiista waa ku ay la socdaan rakaab ka yimid Muqdisho iyo meelo kale oo gobalka, waxaa kaloo jirra dad kald oo ka yimaada waddamada caalamka kuwaasoo in muddo ah imaan Kismaayo.

Waxaa kaloo garoonka isticmaalka diyaaradaha u kireesan hey’addaha gargaarka iyo kuwa ciidanka AMISOM.

Haddaba akhristayaasha ku xiran Shabakadda Caasimada Online, waxaan u soo gudbineynaa sawirro ka turjumaay isbadalka garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Halkan hoose ka daawo
5
2
1
4
6
3

Kismaayo: Meydka qof rayid ah oo uu dilay maamulka A/Madoobe oo la helay

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaas lagu arkay meydka qof rayid ah, kaasoo la shegeegay in ay dileen ciidamada ammaanka maamulka KMG ah ee Jubba.

Ninkan ayaa laga helay xeebta magaalada Kismaayo, waxaana jirkiisa ku yaallay rasaas aad u fara badan.
Dhinaca kale, wasiirka arrimaha gudaha maamulka KMG ah ee Jubba, Maxamed Warsame Faarax (Darwiish) oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa sheegay in uu soo dhammaaday howgallo lagu si feenayay dadka falalka ammaan darida ka waday magaalada.

Wuxuu sheegay ninka meydkiisa laga helay xeebta uu ka mid ah rag in muddo ay baadi goobayeen kana mid ah dadka falalka ammaan darida ka waday magaalada Kismaayo sidda uu yiri.

Wuxuu shegeay in dhammaan kooxahii falalka ammaan darida ka waday Kismaayo laga dhigay wax la dilay iyo wax la soo qabtay.

Wasiir Darwiish ayaa xusay in xaalada ammaanka magaalada Kismaayo in hadda la isku haleen karo sidda uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Axmed Madobe: Wareejinta dekedda & garoonka waa laga horeeya + Reer Baydhaba waa riyoonayanaan

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, Axmed Maxamed Islaam oo hadda ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa ka hadlay sida ay u arkaan doorashadii lagu doortay Madoobe Nuunow Maxamed , oo madaxweyne u noqonaya maamul lix gobal oo ay ku jiraan Jubbooyinka. wuxuu ka gaabsaday balse wuxuuu yiri “Aragtideenu waa tan beesha caalamka iyo dowladda Soomaaliya, mana diiddanin in maamul ay dhistaan beelaha deggan gobaladaas base ma ahan lagu mashquulo maamul dhisan”

Waxaa wax laga weydiiyay sababta ay uga caga diidayaan in ay wareejiyaan gegida diyaaradaha iyo dekedda Kismaayo, wuxuu tilmaamay in arrintaas ay u baahan tahay farsamo iyo in loo dabakho sidda uu yahay dastuurka, wax yaabo badan ayaa ka horeeya ayuu yiri Axmed Madoobe.

Halkan ka dhageyso wareysi Axmed Madoobe uu siiyeey BBC-da

madoobe cusub

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

M. S. Aadan: “Annigoo wata maamulka 6-da gobal ayaan tagayaa KISMAAYO”

Baydhabo (Caasimada Online) Maxamuud Sayid Aadan oo ah ku-xigeenka madaxweynaha maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed ee dalka,ayaa sheegay in maamulkaas dhawaan la geyn doono magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Baay.

Isagoo ka qaybgalaayay barnaamijka Jimcaha ee BBC-da ayuu shegeay in maamulka KMG ah ee Jubba oo lagu soo dhisay Addis Ababa uu meesha ka baxau sidda uu hadalka u dhigay.

“Maamulka KMG ah ee Jubba waxa uun ku hesiiyay Faarax Sheekh Cabduqaadir oo ahaa wasiiru dowlihii madaxtooyada, marka maamulkaas wuxuu ka socon waayay xitaa magaalada Kismaayo, waxaan dhihi lahayn dadka taageera maamulka lixda gobal oo ay ku dhan yihiin dadka ku dhaqan gobalada loo dhisay” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Wuxuu kaloo sheegay in isagoo wata maamulka lixda gobal in uu tagi doono magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Si kastaba, hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, Axmed Madoobe ayaa isna sheegay in maamulkooda ay aqoonsan yihiin dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]