27.4 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Wasiirka Difaaca Kenya oo qaaday tallaabo ka farxisay Soomaalida Islii

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka difaaca Kenya ayaa qaaday tallaabo muhim ah oo ka farxisay Soomaalida ku nool xaafadad Islii ee magaalada Nairobi.

Yuusuf Xaji iyo Sidoo kale xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Kenya Maxamed Cilmi, ayaa dalbaday inay si deg deg loo baddalo dhammaan saraakiisha booliiska ee ku lug lahaa howl galkii lagu xir xiray Soomaali badan oo degan Islii, oo la sheegay in lagu tuhmayo aragagixisanimo.

Labada wasiir ayaa ku eedeeyay saraakiisha xad gudub iyo dhib xoogan oo ay u geysteen Soomaalida.

“Sababta kaliya ee aan illaa iyo hadda wasiir u ahay waa ayada oo Baarlamanka dhowaan kala tagi doono, ma ahan’e goor hore ayaan is casili lahaa, si aan ugu muujino dowladda in nala yaasay” ayuu yiri Yuusuf Xaaji, oo aad u careysan.

“Waxaan u sheegeynaa Kormeeraha guud ee Booliska in aanu u dul qaadan doonin dhibka ay ciidankiisa ku hayaan dadkeena” ayuu ku daray.

Xubno ka tirsan Ganacsatada Soomaalida Islii oo uu ugu horeeyo guddoomiye Xasan Guuleed, ayaa horey ugu eedeeyay booliska arrimo ay ka mid yihiin lacag xatooyo iyo bililiqo.

Xafiiska Wararka Caasimada Online

Nairobi, Kenya

Madaxweyne Xasan: Dastuurka waa in la beddelaa, beesha caalamka naguma qasbi karto wax aynan dooneyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa wada qorshe is-beddel loogu sameynayo dastuurka cusub ee dalka Somalia uu yeeshay dhowr bilood ka hor.

Madaxweynaha oo shalay ka hadlay xiritaankii kalfidhigii ugu horeeyay ee Baarlamanka ayaa ka codsaday xildhibaanada Somalia, inay u dhaqaaqaan sidii is-beddel  loogu sameyn lahaa dastuurka oo uu sheegay inay ku jiraan meelo badan oo aan ku jirin danta shacabka Soomaaliyeed.

“Dowladda iyo Baarlamanka waa inay wada shaqeeyaan sidii is beddel loogu sameyn lahaa dastuurka, si Somalia au u fuliso nidaamka federaalka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheikh.

Madaxweynaha ayaa dastuurka iminka jira u arka mid Somalia ay u keeneen dalal iyo kooxo shisheeye oo dano gaar ah leh..

“Ma jiro nidaam ay Somalia si qasab ah ugu soo rogi karaan beesha caalamka ama quwado Milatari ama kooxo yar oo kullamo sir ah yeeshay” ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxa uu intaas ku daray inaysan jiri doonin in Somalia laga hir galiyo wax aysan shacabka Soomaaliyeed dooneyn.

Is-beddelada madaxweynuhu doonaya ayaa xoogooda waxa ay taabanayaan nidaamka federaalka, si awoodo dheeri ah ay u hesho dowladda dhexe.

Xafiiska Wararka Caasimada Online

Muqdisho, Somalia

 

 

Farxiya Fiska oo si rasmi ah u qiratay xiriirka jaceyl ee ayada iyo Ceydaruus

Fanaanadda Caanka ah ee Farxiyo Fiska, ayaa ugu dambeyn waxa ay qiratay in ay Lammaane nolosha ku midoobey yihiin fanaanka weyn ee Ceyduruus Halyeey oo maalmihii u dambeeyay lagu xammanaayay.

fiska iyo ceygaFiska ayaa bogga ay ku leedahay Facebook ku sheegtay si rasmi ah in ay “Lammaane” yihiin Ceyduruus Halyeey.

Farxiya ayaa sidan soo qoratay “Aniga iyo Mataankayga, Oo habeenkii sanadka cusbaa si live u qaatnay Hees ay iska leedahay Allah unaxariiste Boqradii codka Magoole.. Waxaan jecleestan taageeradayda aan usoorta galin habeenkaa inay heestaa maqlaan, inaan Maalmo ugu soo diro ..” iyadoo soo raacisay sawirka kor ka muuqda.

Hadalka Farxiyo fiska ayaa noqonaaya mid soo afjara hadaheyntii ku aaddaneyd nolosha cusub ee Farxiya Fiska oo warbaahinta Soomaalida aad u hadal heysay.

Fanaanaddan oo ka mid ah fanaaniinta loogu jecelyahay Soomaalida ayaa horey waxa ay u kala tageen Fanaanka aha muusikiistaha ee Bashiir Hanuuniye.

Daawo Video cajiib ah : Toddoba (7) jir Soomaali oo gabyaa ah

Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa 7 jir Soomaali ah oo gabaygii “Dugsi ma leh qabyaalad, waxay dumiso mooyaanee”, ka aqriyay xaflad soo dhoweyn ah oo wasiirka arrimaha dibedda Somalia Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan loogu sameeyay magaalada London.

Xildhibaanada baarlamanka oo aadaya gobolada ay kasoo kala jeedaan

Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay kala gaaraan deegaanada ay kasoo kala jeedaan ee gobolada Dalka Soomaaliya ,maadaama ay galeen fasaxa kalfadhiga koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya.

Kulankii 46 aad ee kalfadhigii koowaad ee mudanayaasha baarlamaanka oo shalay lasoo xeray waxaa goob joog ahaa madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud,oo u mahad celiyay mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Mudanayaasha baarlamaanka oo qaarkood la hadlay Caasimada Online xafiiska Muqdisho,ayaa sheegay inay gaarayaan deegaanadii laga soo doortay ,si ay halkaasi ugu kuur galaan marxaladaha ay ku sugan yihiin deegaanadaasi.

Xildhibaanada ayaa ka maqnaan doono ilaa 2 bisha seddexaad ee sanadkan “March”, iyagoo badankood gaari doona deegaanadii laga soo doortay,maadaama muddo bilooyin ah ay shaqeynayeen,iyaga oo qabtay wax badan.

Maalintii shalay ayay aheyd markii madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud,oo kula taliyay baarlamaanka inay gaaraan deegaanadii laga soo doortay,islamarkaana ay soo indho indheeyaan xaaladaha kala duwan ee kajira.

Askar caawa lagu dhaawacay Gaarisa

Gaarisa (Caasimada Online) Wararka naga soo garayo magaalada Gaarisa ee gobalka waqooyi bari Kenya, ayaa sheegaya in kooxo hubeysan caawa ay ku dhaawaceen illaa afar qof oo ay ku jiraan seddax boliis ah.

Sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha kooxo hubeysan ayaa weerar Bambaano ku qaaday baabuur ay la socdeen askarta la dhaawacay oo ah saraakiil boolis ah.

Markii uu weerarka dhacay, waxa goobta soo gaaray ciidamo boolis ah, kuwaasoo howlgalo baaritaan ah sameeyay.

Illaa hadda ma jirto koox sheegatay weerarka caawa lagu dhaawacay saraakiishan booliska ee ku sugnaa magaalada Gaarisa ee gobalka waqooyi bari Kenya.

Waa weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhaca gobalka waqooyi bari Kenya.

Labo cisho ka hor ayaa weerar bambaano lagu qaaday makhaaxi ku taallay xerada qoxootiga Xagardheer ee gobalka waqooyi bari Kenya, halkaasoo ay hooy u tahay qoxooti badan oo ka yimid Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Xiisad saaka ka taagan Laascaanood

Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno degmada Laascaanood ee gobolka Sool saaka degmada waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay dhaawac loo geystay mid kamid ah ganacsatada sida weyn looga yaqaan degmadaasi.

Ciidamada Booliska degmada Laascaanood ayaa sidoo kale dhaawacay haweenay ay isku heyb ahaayeen ganacsadaha lagu dhaawac maalintii shalay degmadaasi Laascaanood ee gobolka Sool.

Ehelada ganacsadaha caanka ee lagu dhaawacay magaalada Laascaanood ayaa sheegay inay aad kaga xun yihiin arintaasi,waxayna sheegeen inay werarkaasi uu ahaa mid qorsheysnaa.

Waxaa lagu eedeeyay dhaawaca halista ah ee soo gaaray ganacsadahaasi in laga soo amray laamaha amaanka ee degmada sida uu sheegay mid ka mid ah ehelada ganacdaha oo warbaahinta la hadlay saaka.

Si kastaba arintaan ayaa kusoo aadeysa iyadoo degmada saaka laga soo sheegayo inay xiisad ka taagan tahay,mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Degmada iyo kan gobolka.

Xildhibaanada Baarlamanka oo maanta xaflad sameesanaya

Muqdisho (Caasimada Online) Waxa hadda ka socda xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho munaasabad lagu soo gabagabeynayo kal fadhigii kobaad ee baarlamaanka Soomaaliya yeeshaan tan iyo markii la soo dhisay bishii August ee sannadkii hore 2012-ka.

Waxa la filayaa in kulanka lagu soo xiraayo fadhigii koobaad ee baarlamaanka Soomaaliya in ay ka qaybgalaan masuuliyiin ka tirsan dowladda oo uu ku jiro madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal wasaare Saacid iyo xubo kale.

Sida ay Shabakadda Caasimada Online u sheegeen xildhibannada baarlamaanka ayaa la fasixi doonaa muddo labo bil ah, maadama uu dhammaaday kulankoodii koobaad.

Mudanayaasha baarlamaanka oo ka kooban illaa 275-xildhibaan ayaa kulamo iyo shaqooyin joogta ahaa ku lahaa xarunta golaha ummada ee magaalada Muqdisho.

Waxana dhammaan shaqooyinkii loogu talagalay in ay qabtaan sannadka la sheegayaa in ay dhammaadeen, waxana ay gali doonaan fasax sidaas waxa yiri xildhibaan Maxamuud Axmed Kulalihi.

Waa markii ugu horreysay oo inta badan xildhibaannada ay ka soo qaygalaan fadhiyada baarlamaanka, horrey waxa u dhici jirtay in xubinta baarlamaan aysan ka soo qaybgalin fadhiyada baarlamaanka.

Kala bar baarlamaanka cusub waxa ku jira dhallinyaro aqoon yahano ah oo dibedda wax ku soo bartay.

Waxana la sheegayaa in ay wax badan ka badali karaan mustaqbalka waddanka.

Wax yaabaha ay qabteen waxa ka mid ah waxa ay cod u qaadeen xukuumadda, waxa ay ansixiyeen miisaaniyadda xukuumadda 2013-ka waxa ay sameesteen guddiyo la shaqeeya xukuumadda, waxa ay dowladda ugu baaqeen in la baaro musuqmaasuqa ka jira hey’addaha dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Muxidiin Kaalmooy oo ka dhawaajiyay hadal aan horay loo maqal

Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska dalka Muxidiin Maxamed Kaalmooy ayaa maanta ka dhawaajiyay in garoonka Aadan Cadde la weyneyn doono wax badanna laga badalayo sida uu hadalka udhigay.

Kaalmooy,wuxuu sheegay in garoonka Aadan Cadde uu yahay garoon weyn oo muddooyinkii ugu dambeeyay isbedel uu ka muuqday sida uu sheegayna wax badan wasaarada howlaha guud ay kasii badali doonto.

Wuxuu tusaalo wanaagsan ku tilmaamay horumarka garoonka ka socda,laakiin wuxuu sheegay in walli garoonka uu baahi u qabo la tartamida garoomada kale ee caalamka ka dhisan.

Muxidiin Maxamed Kaalmooy,wuxuu cadeeyay in garoonka Aadan Cadde laga dhigi doono garoon quruxdiisa la tartama garoomada ku yaala dalalka Caalamka,isagoo sheegay in dib udhiskaasi dhawaan uu bilaaban doono.

Kaliya hadalkiisa kuma ekeyn kuma Aadan Cadde,ee wuxuu sidoo kale sheegay in garoomada ,Garoowe,Gaalkacyo,Jowhar,iyo gobolada ee dalka la dhisi doono,dalkana uu noqon doono mid loosoo dalxiis tago.

Maxamed Cumar Hagafey oo ka hor yimid qorshe ka socday G/Dhexe

Maxamed Cumar Hagafey,Afhayeenka maamulka Ximin iyo Xeeb oo isaga oo ku sugan magaalada Lodon la hadlay Idaacadaha Muqdisho mid ka mid ah ayuu ka hadlay qorshe mudooyinkii ugu dambeeyay la isku howlayay is laga hergeliyo deegaanada maamulkooda.

Hagafey,wuxuu ugu horeyn ka hadlay ujeedada uu u joogo magaalada London ee caasimada Ingiriiska wuxuuna sheegay inuu halkaasi kula kulmayo masuuliyiin kala duwan oo uu kala hadlay horumarka maamulka Ximin iyo Xeeb.

Wuxuu kasoo horjeestay qorshaha uu sheegay inay abaabusheen ururka Ahlu sunna iyo maamulka Galmudug,kaasi oo ay in hal maamul oo ay ku mideysan yihiin laga hergeliyaa deegaanada gobolada Dhexe ee dalka.

Isaga oo ka hadlay mar haddii uu ka horyimid arinkaasi,uuna sheegay in maamulkooda wax uusan ogeyn inaysan hirgalaynin,ayaa la weydiiyay waxyaabaha qorshahooda ah,wuxuuna Yiri:

“Annaga ayaa wadna qorshe kala,marka waa inaan anaga ka warqabnaa wax walbaa,wax aanan ogeyn suurto gal ma noqonayaan,marka annaga ayaa qabaneyna shirka,waxa socdana waxba kalama socono”.

Wuxuu si aad ah kaga soo horjeestay in maamulo ka dhisan gobolada dhexe ee uu kala jeeday Galmudug iyo Ahlu sunna inaysan ka arinsan karin mideynta maamulka Ximin iyo Xeeb.

Daawo Video: Geed cunaya waxii usoo dhawaada Noole & Manoole

Qaar ka mid ah Wabseedyada wax ku qora Luuqada Carabiga ayaa Soo Bandhigay Sawiro muujinaya Geedo (Dhir) Cuneysa Wax walba ee kasoo Agdhawaada iyadoona ay ka qoreyn Warbixin Ay Ciwaan uga Dhigeen ???? ?????? ???? ?? ?? ????? ???? iyadoona Malaayiin qof oo daawaday sawiradaas ama Aqriyay warbixintu ay yaab iyo dheygag ka qaadeen.

Qoraalka kul manaanan Sawirada ayaa waxaa ka Mid ahaa

?????? ?????? ??? ?????? ???? ????? ???? ????? ??? ?? ????? ” ?????? ??? ???? ?? “??? ?????” ??? ???? ?????? ?????? ?? ?? ????. ????? ??????? ??????? ???? ???? ??? ?????? ?????? ????????? ? ???????? ?? ??????? ?? ??? ???????.??? ???? ??????-??? ???? ?????? ???? ?? ?? ????? ????

Hadaan si kooban u macneeyo aniga oon xaraf xaraf ama jumlo jumlo u dul istaagin waxaa weeye “inta badan geeduhu waa wax aan dhib iyo cabsi laga Filan lakin waxaa cajiib ah in ay isku badalaan sidi dugaag dadka ku abuura yaab iyo argagax geedahaas oo ah kuwo naadir ah”

Waxba yaanan war idinku daaline bal ila daawo video

Qore:-Abdikamil Yusuf Mohdamu-Khartoum Suudaan. 

Video: Fowsiya “Waan ahay Somali, oo Aftooje ayaa ninkeyga ahaa”

Wasiirka arrimaha dibedda Somalia Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa illaa iyo hadda lagu kari la’ yahay inay qirto midnimada Somalia.

Wareysi ay siisay Tv-ga Somali Channel, oo sidii la rabay aan su’aalo loo weydiin ayay Fowsiya ku sheegtay wax lala yaabay, ayada oo Somali iyo Somaliland u kala qaaday dalkii Somalia, kadibna tiri “Labadaba waan ka dhashay”.

Waxa ay tiri “Somaliland waan u dhashay, oo aabahay ayaaba caan ka ah Hargeysa, Somalia-na waan u dhashay oo ina Aftooje ayaaba ahaa odaygeyga, ilmana aan u dhalay”.

Ciddii aan garaneyn allaha u naxariistee General Aftooje, waxa uu ahaa nin Hawiye ah, Habar Gidir, Sacad.

Waxaa la yaab leh oo ma guurka Aftooje ayay Somali ku noqotay?

Waxa kale oo ay kala garan weyday gobolladii dalka Somalia, mar ay ka hadleysay arrinta Jubbooyinka

Halkan ka daawo wareysiga Fowsiya?

Faah-faahin: Qorshaha midowga Ahlu Sunna iyo Galmudug

Gaalkacyo (Caasimada Online) Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale [Qeybdiid] ayaa sheegay in uu socdo qorsho ku saabsan siddii lagu mideen lahaa maamulka uu madaxweynaha u yahay iyo ururka Ahlu Sunna.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug halkaasoo uu ka dhacay shir looga hadlaayo mideenta labada maamul.

Sidoo kale kulankaas waxa looga hadlay siddii dadka ku dhaqan deegannada ay maamulaan labada maamul in la isku furo.

Waxa ay la bada dhinac ay ka sheegeen kulankaas in ay ka wadashaqeeyaan horrumarka labada dhinac.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in mideenta labadaas maamul loo bandhigi doono dadka ku nool deegannada ay maamulaan Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Waa markii ugu horreysay oo Ahlu Sunna oo maamusha goballo ku yaalla bartamaha Soomaaliya iyo maamulka Galmudug  ay ka wadahadlaan siddii loo mideen lahaa labadaas dhinac.

Waxana hadalkiisa uu ku soo beegmayaa iyadoo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Ahlu Sunna ay u joogaan magaalada Galkacyo kulamo horu dhac ah oo looga hadlayo mustaqbalka iyo midaynta labada maamul.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

Madaxweyne Xasan Sheikh muxuu ku tilmaamay ciidamada nabad sugida?

Muqdisho (Caasimada Online)   Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amaan balaaran u jeediyey ciidamadda nabadsugida qaranka kuna tilmaamay inay yihiin kuwa ugu habdhaqanka wanaagsan ciidamadda qaranka marka loo eego sida ay bulshada ula dhaqmaan.

Hadalkaan ayuu madaxweynuhu ka jeediyey munaasabad xariga looga jarayey xarunta nabadsugida qaranka laguna xusayey sanadguuradii 41aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay ciidamadaas.

Hadalkan madaxweynuhu uu jeediyey kuna sheegay in nabadsugidu ay yihiin ciidamada ugu habdhaqanka wanaagsan waxa uu dhinaca kale u muuqdaa inuu madaxweynuhu saluugsan yahay habdhaqanka qeybaha kale ee ciidamadda qalabka sida oo qaarkood lagu eedeeyo inay xadgudubyo shacabka u geystaan.

Dhowaan ayay ahayd markii wasiirka gaashaandhiga jamhuuriyadda Soomaaliya uu jeediyey hadal uu ku sheegay inay wadaan qorshe ciidamadda qalabka sida la isugu dhafayo isagoo soo hadal qaaday in ay qabiil qabiil u goobeysan yihiin, waxaana hadalka wasiirku uu kaabayaa baaqyo qeybaha bulshada ka soo baxaya oo ku aadan in la kala firdhiyo ciidamadda dowladda ee qabiil qabiilka u goobesysan, waxaana talaabadan hadii ay rumowdo ay noqoneysaa mid soo dedejisa xasilooni waarta oo dalka ka hirgasha.

Caasimada online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Booqo website-ka ciyaaro24.com

Websetkan http://ciyaaro24.com/  waxaa uu bulshada Soomaaliyeed ee Aduunyada meelkasta ka jooga ugu tala galay inuu idin soo gudbiyo Saacad walba,Waqti walba iyo daqiiqad kasta Wararkii ugu dambeeyay Suuqa kala iibsiga,Natiijooyinka Ciyaaraha,Xasuus Taariiqeed ku saleysan Xidigaha,kooxaha,Macalimiinta iyo Kuwa kale.

Sidoo kale Websetka waxaa uu ku dadaalayaa soo gudbin Warar xaqiiqa ah kuna salaysan dhabta iyo Waliba war walba inaad ku hesho si dhaqsa ah.

RIIX HALKAN SI AAD U BOOQATO.