27.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Daawo Video-gan waxuu ku tusinayaa in aan dib u helnay Awoodeenii Ciidan.

0

Muuqaalka Maanta waa muuqaal marka aad aragto aad aad ugu farxeeyso waa muuqaal ku tusinaya in Dalka Somalia awoodii Ciidan ee uu la haan jiray ay dib u soo noqoneeyso Maanta.

Hadaba Daawo Awooda Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed oo awoodooda soo bandhigaya waana wax lagu farxo muwaadin kasta oo maanta arko Muuqaalkaan.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO VIDEO-GA:

 

Sidii aad ku ogeyn Koonis Sidaan ayaa kaaga dambeysay + Daawo Sawirada

Waxaa maanta oo taariiqda ay ku beegan tahay 2-1-2013, inoo suurto gashay inaan booqanaa garoonka Studium Koonis ee degmada Cabdi Caziiz ,waxaana ka muuqday isbdel weyn oo dhanka bilicda ah.

Daawo Sawirada

1

 

 

 

 

 

 

 

2

 

 

 

 

 

 

 

3

 

 

 

 

 

 

 

4

 

 

 

 

 

 

 

 

5

 

 

Ciidamada Amisom oo Muqdisho ku Toogtay Nin Madaxa looga jiro.

0

Warar kala duwan oo ka soo baxaya Deegaanka Kax Shiiqaal ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta barqanimadii waxeey ciidamad aAmisom ku toogteyn nin Madaxa looga jiro.

Ciidamada Amisom ayaa istaajiyay ninkani madaxa looga jiray ayagoo ku amray in uu is taago balse nin xanuunsanaya oo madaxa looga jiro ma garto wax loo sheegaya waxeeyna taasi sababtay in ay Madaxa ka toogtan Ciidamada Amisom.

Dhanka kale Wararka ayaa sheegaya in Meydka Marxuunka xanuunsanaa ay meesha ka qaadeyn Eheladiisa oo aad uga xumaaday falkii lagu dilay wiilkooda xanuunsanaa ee maanta ay toogteyn ciidamada Amisom.

Si kastaba ha ahaatee Ma’ahan markii ugu horeeysay oo Ciidmaada Amisom qof xanuunsanaya ay toogaan waxaana dhowr jeer oo hore ay u toogteyn dad madaxa looga jiro.

Muhiimada Safarka wafdiga wasiirka gaashaandhiga ee Baydhaba

Warar hoose oo Caasimada Online ay ka helayso magaalada Baydhaba ee gobolka Baay ayaa sheegaya in wafdiga wasiirka Gaashaandhiga ee maanta gaaray magaalada Baydhaba ay la kulmi doonaan masuuliyiinta maamulka.

Waxaa wararka ay shegaya in caawa wafdiga wasiirka Gaashaandhiga ay ku hoyan doonaan magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay,halkaasi oo maanta ay gaareen.

Waxaa wafdiga qeyb ka ahaa taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya General C/qaadir Sheikh Cali Diini,xildhibaano ka soo jeeda magaalada Baydhaba iyo saraakiil kale.

Wafida ayaa maanta kulan la qaatay masuuliyiinta maamulka magaalada Baydhaba iyo saraakiisha ciidamada xooga dalka ee ku sugan magaalada Baydhaba.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa dhawaan gaaray degmooyin ay ka mid yihiin magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose,magaalada Garabahaarey ee gobolka Gedo,magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe iyo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Wargelin: Caasimada Online oo weriye jooga Muqdisho dooneysa

Caasimada Online waxa ay u baahan tahay suxufiyiin la shaqeeya oo buuxiya qeybaha soo soo scoda.

Weriye kasoo qora wararka magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Shuruudaha laga doonayo qofka buuxin kara waa in hab qoraalkiisuna wanaagsan yahay, islamarkaana ku sugan yahay Muqdisho..

Sidoo kale dhammaan codsadayaasha waa inay access fiican u heli  karaan internet-ka

Waxa ay Caasimada bixineysaa mushahar waanaagsan. Fadlan haddii aad daneeneso shaqooyinkaas nagala soo xiriir [email protected]. Insoo soo sheeg magaalada aad joogto, iyo fikradahaaga aad is leedahay waad ku hormarin kartaa tayada boggan.

Mahadsanidiin

Siyaasiyiin caan ah oo ku howlan daminta khilaafka ka jira Puntland

Gaalkacyo (Caasimada Online) Iyadoo laga cabsi qabo in khilaafka siyaasadeed ee ka jira deegannada Puntlandn uu cirka isku shareero marka la gaaro 8-da January ee sannadkan, markaas oo ay ku egtahay xilliga uu heynayo xafiiska maamulka Puntland Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ayaa wax bilowday waan iyo in la isku soo dhoweyo dhinacyada siyaasadda.

Dadka ku howlaan in la damiyo khilaafka ka jira Puntland waxa ka mid ah madaxweynihii hore Jeneraal Cadde Muuse oo maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Isagoo la hadlaayay saxaafadda ayuu sheegay in uu billaabay dadaallo lagu xallinayo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Puntland.

Wuxuu kaloo sheegay Cadde Muuse in uu sababta uu Gaalkacyo u tegay ay tahay in uu isku soo dhoweeyo maamulka Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee isku khilaafsan muddo kororsi uu rabo madaxweyne Faroole.

Wuxuu caddeeyay in ay billowdeen wadahaddalada u dhexeya maamulka hadda jir iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ka soo jeeda deegannada Puntland.

Ugu dambeen madaxweynihii hore ee Puntland wuxuu sheegay in uu rajo ka muujinaayo in uu ku guuleysan doono wadahaddalada uu ka dhexwado dhinacyada isku haya siyaasadda Puntland.

Si kastaba madaxweyne Faroole ayaa sheegay in aysan jirin waqti uu kororsaday ee dastuurka uu ku dhaqmayo kaas oo madaxwaynaha u fasaxaya in muddo shan sano ah uu xilka hayo.

Madaxwaynuhu wuxuu sheegay in dadka ku eedaynaya waqti kororsiga ay leeyihiin dano ka baxsan Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Soomaali rabtay in ay dib ugu laabtaan waddankooda oo lagu xayiray S/Africa

Johannesburg  (Caasimada Online) Booliska waddanka South Africa ayaa shaley is-hortaag ku sameeyay Soomaali badan oo dooneysay in ay dib ugu soo laabtaan waddankooda.

Illaa ku dhawaad 100 qof oo Soomaali ah ayaa shaley dib looga celiyay garoonka diyaaradaha Johannesburg, ee dalka South Africa, kuwaasoo rabay in ay soo aadan waddankooda, kaddib markii ay u adkeesan waayeen dhibaatada loogu geesto dalkaas.

Mustaf Maxamed waa wiil dhalliyaro Soomaali ah, wuxuu ka mid ahaa dadkii shaley laga soo celiyay garoonka diyaaradaha ee Johannesburg, wuxuu u sheegay VOA-da in dowladda Konfur Afrika ay diiday in Soomaalida ku nool dalkeeda ay ku laabtaan waddankooda.

“Annagoo joognaa garoonka diyaaradaha ee Johannesburg  oo aan rabnay in aan ku noqon waddankeena ayaa nalagu celiyay Airport -ka , markii hore waxa lagu bixi jiray GO HOME ama Bassaboord-ka Soomaaliya haddana koley waa la joojiyay oo waxa joojisay dowladda, marka rajo aan lee nahay oo ay sugeyno ma jirto” ayuu yiri Mustaf oo ka mid ahaa dadkii shaley laga soo celiyay Garoonka diyaaradaha Johannesburg.

Mar la weydiiyay sababta loogu diiday in ay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha Johannesburg wuxuu sheegay in dowladda ay ku wargalisay dadka Soomaalida in aysan jirin wax baasaboor ah ama Go Home oo lagu dhoofi karo.

Wuxuu kaloo sheegay in ay jiraan Soomaali kale oo horrey looga diidday in ay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha Johannesburg, kuwaasoo rabay in ay dalkooda soo aadan.

Mustaf ayaa sheegay in ay Jiraan Soomaali badan oo loo diiday in ay ka dhoofaan garoonka ay mareen dhulka kuwaasoo sii aadaya Kenya kaddibna dalkooda ku laabaanaya.

Dalka South Africa oo ay ku nool yihiin Soomaali badan, waxa uu ka mid yahay waddamada lagu dhibaateeyo Soomaalida, waxa la boobaa ama lagu gubaa hantidooda iyaga ayaa la dilaa, waxana sidaas yeelaa dadka u dhashay waddankaas.

Sannadkii hore ayaa la sheegay in tiradii ugu yareed ee Soomaali ah lagu dilay kuwaasoo gaaraya illaa 100-qof sidaas waxa saxaafadda u shegay  guddoomiyaha guddiga Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Koonfur Afrika.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka South Africa

Dhacdo Xanuun leh: “Kufsashadii & Dilkii Garaaftey Nolashi Xaliimo Xusen”

Kadib qabsashadii magaalada laascaanood iyo Xudun ee gobolka Sool “Khaatumo State Of Somalia” ay qabsadeyn ciidamada maleeshiyada “Siilaanyo” ee Somaliland waxaa dhacey arimo fara badan oo naxdin iyo tiiraanyo leh hadey ahaan laheyd xaquuda bili”aadmka oo meel looga dhaco,Dambiyo Dagaal oo loogeysto Dadka Shacabka ah sida hooyooyinka, caruurta iyo waliba dadka xoola dhaqatada ah (human rights violations, crimes against humanity and war crimes) arimhaas oo dhan wali qofna looma sooqaban mas’uuliyadeyda– xittaa arimaha kadhaca magaalada laascaanood oo ee xoog kuheystaan ciidamada maleeyshiyada ah ee “Siilaayo” wali madhicin in Askari dambi kagaley shacabka in dambigiisii lagu ciqaabo.

Waxey aheyd Deseember 24, 2012 markii ciidamada maleeshiyada “Siilaayo” ee Somaliland ee duulanka kusoo qaadeyn Xudun agagaarkeyda ayka sameeyeen halkaas dhadco aad iyo aad looga fajacey ayna kadhacdey tuulada Lafweyne ee hoostagta Magaalda XUDUN ee Gobolka SOOl. halkaas oo gabadh yar oo jirta 13 sanno (Xaliimo Xussen Warsame) iyadoo ARI lajoogta Maalin cad ayku kufsadeeyn, Jirdileeyn, kadibna inta margiyada lagajarey markaas lagooracey!!! dhacdodaas Foosha xun waxey noqotey arin kucusub dadka degaanka degan kuna reebtey yaab iyo amakaak, iyadoo eeysan arintaas dhaqanka xun habayaraatee eeysan kahadlin waxna kaqorin Saxaafada Somaliga balse ee waxkaqoreen arinta india kadhacdey xittaa Madaxda Dowlada Somaliyeed eeysan kahadlin dhamaantood.arinta xaliimo kana gaabsadeyn inee dhaleeceeyaan maleeshiyada “Siilaanyo” marka laga reebo waxaa wax kaqore kuwa kahoolgala ama kuhadla Afka maamulka Khaatumo State.

Arintaas arin lamid (same case) ayaa Waxey dhacdey Deseember 19, 2012 subaxnimadii axada ayaa gabadh 23 sano jir ah (Damini) oo udhalatey wadanka INDIA yaa gaari bus ah dhexdiisa lagu kufsadey, lajirdiley kabibna dhaawicii soogaarey ayee ugudhimatey maalmo kabib isbitaalka. arintaas foosha xun waxey gilgishey magaalooyinka waaweyn sida New dalhi, Mumbai iyo wadanka Indiaoo dhan xittaa aduunka oo dhan ayee arintaas kusoo baraarugey iyadoo waliba Jariiradaha Caalamka ugu afka dheer ee wax kaqoreen una aheyd cinwaanka hore.

Waxaa kaloo kahadley arintaas gabadha reer wadanka india kudhacdey Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Ban ki-moon (UN Secretary- General) hadalka uu kahadley gabadhaasna waxuu ficil celin uyahey arinta Xaliimo isagoo yiri Xigasho: “Violence against women must never be accepted, never excused, never tolerated,” and that every girl and woman has the right to be respected, valued and protected” Macnaheyduna yahey Dhibka loogeysto Dumarka lama aqbali karo, lagamana raali noqonkaro, loomana dulqaadan karo, gabadh iyo dumar walba waxaa xaq ah inee helaan tixgalin, qiimeyn iyo ilaalin.

Su’aash meesha isweydiinta mudan ayaa waxey tahey Aawey the Secretary-General’s representative for Somalia, Mr. Augustine Mahiga? miyeesan habooneyn inuu kafilqaato habdhaqanka Ban ki-moon oo ah ninka kasareeya ayna tahey inuu dayacey shaqadiisii uu xilka kasaarnaa ee somalia anigoo wali xasuusan sidii jilicsaneyd ee kuu kabixiyey raali gelin macno daro aheyd warqadii xafiiskiisa kasoo baxdey ee “SOMALILAND STATE OF SOMALIA” taas oo aan aheyn wax qalad hadana kamashquulsan wixii waajibkiisu ahaa.

Guntii iyo gunaanadkii waxaa ah wax laga xumaado Saxaafada kuhadasha Afka Somaliga sida VOAiyo BBC ay ka’aamuseyn kufsashadii iyo dilkii gabadha Xaliimooo kadhacdey Lafweyne, Somalia hadana breakinn news noogu sheegayaan arinta gabadha Damini ee INDIA. iska dhaaf arintaas ineeysan waxba kasheegin labadaas idaacad balse waxey kasimanyihiin ineeysan kahadlin waxa kadhaca dagaanka Maamulka “KHAATUMO STATE OF SOMALIA” waxa kadhaca xumaan iyo samaan. Magca Xaliimo iyo taariikhda ay kureebtey dhacdodaas dagaanka SSC ee Khaatumo State waa mid laga xisaabtami doono mardhow. illaahey Janadiisa haka waraabiyo Aamiin. Why Xaliimo Xussen Warsame?

Asadnaa Suudi

Columbus, Ohio

[email protected] 

An Independent Consultant, and Columnist.

Qur’aanka iyo Raqamka (Tirooyinka) (Mucjisada Qur’aanka)

Carab waxay ahayd dad kuwa ugu liita xagga cilmiga iyo aqoonta casrigii Muxammad (NNKH) lasoo diray Nebi ahaan, waxa keliya ee ay ku faani jireenna wuxuu ahaa gabayga iyo aftahannimada. 

Waa halka ay Yahuuddii dhulka Xijaas ku nooleed ka oran jirtay sida uu Ilaahay inooga qisooday.
 ذَلِكَ بِأَنَّهُمْ قَالُوا لَيْسَ عَلَيْنَا فِي الأُمِّيِّينَ سَبِيلٌ وَيَقُولُونَ عَلَى اللَّهِ الكَذِبَ وَهُمْ يَعْلَمُونَ 

 (آل عمران‏:75) 
”Naguma laha ummiyiinta (kuwa aanan waxba qorin waxna aqrin- Carabta) daw, (macnaha wixii ay noo dhiibtaan waan qiyaani karnaa, waana dhici karnaa maadaama ay yahiin Juhalo), waxayna ku dhihi Alle been iyagoo og”. Aali Cimraan: 75.

Xilligaasi isaga ahi baa Ilaahay wuxuu Carab kasoo dhex saaray koodii ugu cilmi yaraa, ee aanan weligiis xataa gabaygii ay Carab ku faani jirtay aanan gabyin, bal’ee aanan awoodba u lahayn inuu hal xaraf oo meel ku qoran aqriya.
Muxammad ibnu Cabdillaahi (NNKH) wuxuu ahaa Nebigii ummiga ahaa (yacni mid aanan wax qorin waxna aqrinin) ee Ilaahay uu u doortay risaaladan. Xaaladda Carbeed ee waqtigaasi marka laga soo tego xilligaasi nolashii kale ee ay kusugnaayeen labadii quwadood ee adduunka xilligaasi ugu weynaa Alle kasokoow (Ruum iyo Furus) xataa ma aanay gaadhsiisneyn halka ay nolasha maantu dunidu gaadhay. Tiiknoloojiyaduna warkeeduba iska daa. Waxyaabo badan oo immika aqoonta casriga lagu ogaaday ayaa jira oo aanan xilligaasi la ogaan karin. Xilligaasi isaga ahi baa Muxammad (NNKH) wuxuu Alle agtiisa ka keenay risaala qeexeysa waxyaabaha dunida ka dhacaya iyo wixii dhici doono oo dhan.Risaalada uu Muxammad (NNKH) la yimid waxay ahayd Qur’aan cajiib ah, oo sida ugu wanaagsan uga qisooda qisooyinkii dhacay, iyo kuwa iman doonaba. Ma ahan oo qura risaalada uu la yimid mid qisooyin uun xambaarsan, bal’ee waxay sidataa shareeca iyo qaynuuno cajiib ah, oo qof bini Aadam ahi aanu awood u lahayn curintooda. Waxaase cajiib ah mucjisaadka iyo dalaa’ilka kujira risaalada uu la yimid Nebiga ummiga ahi ee Muxammad ina Cabdillaahi (NNKH).Haddaba Qur’aanka uu la yimid Nebi Muxammad (NNKH) ayaa ah mucjisada ugu weyn ee Ilaahay koonkan uu keenay, sida uu Nebigeenna suubban (NNKH) inoo sheegay. Wuxuu Qur’aankani ka weyn yahay mucjisadii uu la yimid Nebi Ciise ee ahayd noolaynta mowdka dhintay Alle idinkiis, ka samaynta dhoobada sida shimbir oo kale oo dabeeta uu ku afuufi jirtay ruuxda, dabeetana idinka Alle dartii u noqon jirtay shimbir duulaysa, iyo fayoobaynta dadka haamta ah (indhaha la’) iyo kuwa baraska qabo iwm. Wuxuu Qur’aankani ka weyn yahay mucjisooyinkii sagaalka ahaa ee uu la yimid Nebi Muuse, iyo sidoo kale mucjisadii Nebi Saalix ee ahayd dhagaxii hasha dhalay iwm.Dhammaan mucjisooyinkii uu Ilaahay siiyey Nebiyadiisa, waxaa ugu weyn mucjisadan cilmiyeed ee Qur’aanka, oo wax lamid ah aanay jirin koonkan. Waa aqoontii iyo cilmigii iyo mucjisadii ugu weyneed ee Alle ku galladaystay umaddan Nebi Muxammad (NNKH).Aayad Qur’aani ah ayaa waxay ka hadli kartaa in ka badan kun mowduuc oo cilmi ah, sida ay sheegeen culimada cilmiga icjaasul Quraan-ka. Ilaahayna run buu sheegay markuu yiriقال تعالى: إن هو إلا ذكر للعالمين* ولتعلمن نبأه بعد حين
 (سورة ص، الآية:87-88). 

”Qur’aankanu waa uun waano. Dhab ahaanna waxaad u ogaan doontaan warkiisa muddo kadib”. Saad: 87d-88d.
Bal aan maanta wax ka taabanno ciwaanka aan kor kusoo xusnay, ee ah Qur’aanka iyo raqamka (tirada). Haddaba Qur’aanka waxaa ku soo arooray magacda noocyada shey walbo iyadoo caksi loogu xusay, shey walubana sheyga lidka ku ah si dheeli tir ah oo caddaalad ah ayaa magaciisu uu ugu soo arooray Qur’aanka. Bal aynu isla eegna mucjisaadka Raqmiga ah ee Qur’aanka kariimka1. Ma ogtahay laftiga Ad- Dunyaa (adduunyada) in Qur’aanka uu kusoo arooray 115 mar?
2. Mase ogtahay in laftida Al Aakhirah (aakhirada) uu Qur’aanka kusoo arooray 115 mar?

3. Ma ogtahay in laftiga Al Malaa’ikah (Malaa’igta) uu Qur’aanka kusoo arooray 88 mar?
4. Mase ogtahay in laftiga Ash- Shaydaan (Shaydaanka) uu Qur’aanka kusoo arooray88 mar?

5. Ma ogtahay laftiga Al Xayaah (nolal) in Qur’aanka lagu xusay 145 mar? 
6. Mase ogtahay laftida Al Mawt (geeri) in Qur’aanka lagu xusay 145 mar?

7. Ma ogtahay in laftiga An- Nafac (naafic) lagu xusay Qur’aanka 50 mar?
8. Mase ogtahay in laftiga Al Fasaad (fasaad) uu Qur’aanka kusoo arooray sidoo kale50 mar? 9. Ma ogtahay laftiga An- Naas (dad) in lagu xusay Qur’aanka 368 mar?
10. Mase ogtahay in laftiga Ar- Rusul (Rusul) uu Qur’aanka kusoo arooray 368 mar?

11. Ma ogtahay in laftiga Ibliis (Ibliis) Qur’aanka uu kusoo arooray 11 mar?
12. Mase ogtahay in laftiga Isticaanah Ibliis  (ka magan galka Ibliis) uu Qur’aanka kusoo arooray 11 mar?

13. Ma ogtahay laftiga Al Musiibah (masiibo) in Qur’aanka uu kusoo arooray 75 mar?
14. Mase ogtahay laftiga Ash- Shukur (mahadnaq) in Qur’aanka uu kusoo arooray 75 mar?15. Ma ogtahay in laftiga Al Infaaq (quudin) uu Qur’aanka kusoo arooray 73 mar?
16. Mase ogtahay in laftiga Ar-Ridaa (raalli ahaansho) uu Qur’aanka kusoo arooray73 mar?

17. Ma ogtahay in magaca Aadam (CS) uu Qur’aanka kusoo arooray 25 mar?
18. Mase ogtahay in magaca Ciise (CS) uu Qur’aanka kusoo arooray 25 mar?

19. Ma ogtahay in laftiga An- Nissaa (dumar) lagu xusay Qur’aanka 24 mar?
20. Mase ogtahay in laftiga Ar-Rijaal (rag) lagu xusay Qur’aanka 24 mar?

21. Ma ogtahay in laftiga Al Muslimiin lagu xusay Qur’aanka 41 mar?
22. Mase ogtahay in laftiga Al Jihaad lagu xusay Qur’aanka 41 mar?23. Ma ogtahay in laftiga As-Sixir (sixirka) lagu xusay Qur’aanka 60 mar?
24. Mase ogtahay in laftiga Al Fitnah (fidnada) lagu xusay Qur’aanka 60 mar?

25. Ma ogtahay laftiga Al- Lisaan (carrabka) in Qur’aanka uu kusoo arooray 25 mar?
26. Mase ogtahay in laftiga Al Mowcidah (waano) uu Qur’aanka kusoo arooray 25 mar?

27. Ma ogtahay laftiga Az- Zakaat (zakada) in Qur’aanka uu kusoo arooray 32 mar?
28. Mase ogtahay in laftiga Al Barakah (barakada) Qur’aanka uu kusoo arooray 32 mar?
29. Ma ogtahay laftiga Al Caql (caqliga) in uu Qur’aanka kusoo arooray 49 mar?
30. Mase ogtahay laftiga An- Nuur (iftiinka) in uu Qur’aanka kusoo arooray 49 mar?

31. Ma ogtahay in laftiga Ash- Shiddah (dhibaato) Qur’aanka lagu xusay 114 mar?
32. Mase ogtahay laftiga As- Sabr (adkeysi) in Qur’aanka lagu xusay 114 mar?33. Ma ogtahay laftiga Ad-Daalluun (kuwa baadiyoobay) in Qur’aanka lagu xusay 17 mar?
34. Mase ogtahay laftiga Al- Mowtaa (kuwa dhintay) in Qur’aanka lagu xusay 17 mar?35. Ma ogtahay magaca Muxammad (NNKH) in Qur’aanka lagu xusay 4 mar?
36. Mase ogtahay laftiga Ash- Shariicah (shareecada) in Qur’aanka lagu xusay 4 mar?37. Ma ogtahay salaadaha faralku inay yahiin 5 salaadood?
38. Mase ogtahay laftiga As- Salaat (salaadda) in Qur’aanka lagu xusay 5 mar?39. Ma ogtahay bilaha sanadku inay yahiin 12 bilood?
40. Mase ogtahay laftiga Ash- Shahr (bil) in Qur’aanka lagu xusay 12 mar?41. Ma ogtahay maalmaha sanadka inay yahiin 365 maalmo?
42. Mase ogtahay in Qur’aanka lagu xusay laftiga Al Yoom (maalin) 365 mar?

43. Ma ogtahay laftiga Al Baxar (bad) in Qur’aanka lagu xusay 32 mar?
44. Mase ogtahay laftiga Al Birr (birri) in Qur’aanka lagu xusay 13 mar?Waxaa laga yaabaa inaad is tiraahda laftiga Al Baxar waxaa lagu xusay Qur’aanka 32 mar, laftiga Al Birrina 13 mar, taasoo ka dhigan in labada magac ee caksiga (lidka) isku ah ay isku khilaafeen tirada. Sidee bay sidani ku dhacday? Maxay Al Baxar haddii ay noqotay 32 mar in lagu xusay ay Al Birrina u noqon weyday 32 mar? Ama Al Birri hadday noqotay 13 mar in lagu xusay, maxaa loogu xusi waayay Al Baxar-na 13 mar? Waxaa laga yaabaa haddii aan intaa uga hadho qoraalkaan inaad su’aashaasi mar walba is weydiin lahayd, laakiin cilmi Ilaahay baa ku duugnaa halkaasi, wax yar uun baana cilmiga Ilaahay la inaga siiyay. Bal aynu qeexno mucjisada kujirta halkaasi.Laftiga Al Baxar (badda) waxaa Qur’aanka lagu xusay 32 mar.
Laftiga Al Birr (birriga) waxaa Qur’aanka lagu xusay 13 mar. Haddii aynu labada tira isku darno waxaa inoo soo baxaya raqamka 45Tusaale 32+13451. Inta mar ee laftiga Al Baxar lagu xusay Qur’aanka (32) u qeybi inta mar ee lagu xusay Al Baxar (32) iyo Al Birri (13) oo la isku daray= 45, dabeetana ku dhufo boqolkiiba boqol 100%.

Tusaale 32/45 * 100%

Waxaa kuusoo baxaysa 71.111111%

2. Sidoo kale inta mar ee laftiga Al Birri lagu xusay Qur’aanka (13) u qeybi inta mar ee lagu xusay Al Baxar (32) iyo Al Birri (13) oo la isku daray= 45, dabeetana ku dhufo boqolkiiba boqol 100%.

Tusaale 13/45 * 100%

Waxaa kuusoo baxaysa 28.8888888889%

Haddii aan isku darno labada natiija, waxaa inoosoo baxaya 100%

Tusaale: Natiijada hore ee Al Baxar  71.111111% ku dar natiijada dambe ee Al Birri   28.8888888889% = 100%. Subxanallaah!!.

Halkani waxaa kasoo bidhaantay mucjiso cajiib ah oo Qur’aankeennu uu sheegay 14 qarni kahor, halka cilmiga xaadirkan jaamacadaha lagu dhiga ay dhawaan uun ogaadeen. Culimada Juqraafiga ku talax tegey waxay sheegeen, qaarkoodna ay kutubbo waaweyn ku qoreen, kuwaasoo jaamacadaha dunida ugu caansan lagu dhiga, in kubadda wareegsan ee dhulka ay ka kooban tahay qeyb biyo ah (bad) iyo qeyb yaabis ah (birri). Waxay culimadaasi sheegeen in birrigu uu ku fadhiya 28.8888888889%, halka baddu ay ku fadhida 71.111111%. Subxanallaah!!. Bal mar kale dib u jaleec qormada kore, oo dheh Subxanallaah!!. Intaan waa cilmiga yar ee aynu haleelnay, balse cilmi kale oo aynaan ogeyn ayaa xaraf weliba oo kamid ah Qur’aanka ku aasan.

Dhawaan ayay ahayd markii culimada reer galbeedku ay iktishaafeen arrintaas, laakiinse innagu Muslimiinta, Qur’aanka iyo cilmiga uu Alle inagu galladeystay ayaa 1400 sano kahor inooga qisooday, fiicnaanse lahaydaa haddii cilmi kasta aan Qur’aanka iyo sunnada ka raadin lahayn. Xikmad Ilaahay iyo cilmi baa kujirey markuu Ilaahay labada erey ee Al Baxar iyo Al Birri uu u kala doortay in mid weliba tira u gaar ah uu Qur’aanka kuxuso. Waana kaa cilmiga Eebbe ee aanan la koobi karin inta yar ee inooga iftiintay.

Ma jirin waxyaabaha microskoobka ah iyo tiknoloojiyadan casriga ah ee wax waliba sahashay in laga ogaada xaaladda koonkan, laakiin waxaa cajiib ah, Maxammedkii keenay cilmigani koonka ka qisoonaya muddo laga jooga 14 qarni ka hor, ma uuna ahayn mid aqoon u lahaa wax dhigidda iyo wax aqrinta, mana jirin xilligaasi tiknoloojiyadan casriga ah ee hadda uun lagu ogaaday amuurtaan. Waxaa haddaba is weydiin mudan halkee buu Muxammad (NNKH) cilmigan ka keenay? Ma yahay wax uu qof aadana ah, oo weliba noolaa casri mugdi ah oo xitaa koranto aanay jirin inuu iska iqtiraacda xaqiiq dhab ah muddo 14 qarni ka hor, oo misna caalamkan cilmiga ku talax tegey uu hadduun ogaado xaqiiqdaas? Waa arrin aanan suurtoobi karin taasi, laakiin waxa keliya ee xaqiiqda ah ee qof kastoo caqli lihiba u muuqanaya waa in waxa kani ay ka yimaadeen xag Alle, Muxammadna (NNKH) uu yahay Rasuul Alle (Swt).

Allihii ina hanuuniyey ee inaga yeelay Islaam ayaa mahad dhammaanteed iskaleh, nabad iyo naxariisna ha ahaato Nebigeennii suubbanaa dushiisa.

Rabbigayoow!! inoo siyaadi cilmi oo ina haleeshii kuwa suubban.

WQ: Mohammed Dahir Abdi
Email:[email protected]

__________________________
Afeef: Lama copy-yeysan karo idin la’aan. Xuquuqda qoraalku wuxuu u gaar yahay qoraha iyo webka caasimada.net

5 ku dhimatay Hargeysa & dhaawaca 24

Haygeysa (Caasimada Online) Sida ay sheegayaan wariyaasha ku sugan magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa sheegaya in shil baabuur oo ka dhacay meel ku dhow Hargeysa ay ku dhinteen illaa shan askari oo ka tirsan ciidanka Somaliland, halka 24-kalena ay ku dhaawacmeen.

Shilka ayaa la sheegay in uu ka dhashay markii ay isku dhaceen labo baabuur oo mararay deeganka ku yaalla magaalada Hargeysa.

Taliyaha ciidanka booliska maamulka Somaliland Cabdulaahi Fadal Iimaan ayaa  saxaafadda u sheegay in shilka baabuur ay ku dhinteen illaa afar askarta ciidamada dowladda.

Wuxuu intaas ku daray in dhammaan dadkii dhaawaca ahaa la dhigay isbitaalka magaalada Hargeysa, halkaasoo hadda lagu daweynayo.

Dadka ku dhintay shilka waxa ku jira ku xigeenka wacyi galinta ciidanka Booliska Somaliland Marxuum Yaasiin Jaamac.

Meydka dadka dhintay ayaa la dhigay isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ay gaareen madax ka tirsan maamulka Somaliland.

Waa shilkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca magaalada Hargeysa sida ay lee yihiin wariyaasha ku sugan halkaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Daawo Video-gan: Muqdisho Shalay & Maanta, Maxaa iska Badalay?

Siyaasiga Proff Ismacil Samatar ayaa ka sheekeeynaya Qiimaha ay lee dahay Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho Iyo Buburka soo gaaray Wadanka Somalia 22 Sano ee la soo dhaafay ayuu Siyaasiga ka sheekeeynayaa.

Hadaba Muuqaalkaani Daawo Muqdisho sideey ahaan jirtay iyo sida ay maanta tahay sidee u aragtaa.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO:

Ra’iisal wasaare Saacid oo booqday xarumo ciidan oo ku yaalla Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa saaka booqasho ku maray goobaha kala duwan ee ay ku sugan yihiin ciidamada ka hawlgala madaxtooyada iyo agagaarkeeda.

Ra’iisal wasaaraha ayaa socod ku maray goobaha Ilaalada, deegaanada iyo barxadaha nasashsda ee ciidamada ayaa xogwareysiyo kala duwan la yeeshay saraakiisha iyo askarta uu kula kulmay goobahaasi.

Ra’iisal Wasaaraha “Saacid” ayaa salaan ka qaatay cutubyada kala duwan ee ku sugnaa goobahaas, waxana Ra’iisul Wasaaruhu u muujiyey ciidanka sida ay uga go’ntahay Xukuumaddiisu sidii ay mudnaanta kowbaad u siin lahayd ciidanka, si loo daboolo dhamaan baahiyada kala duwan ee.

Waxa kale oo uu la kulmay ciidamo dhaawacyo kala duwan qaba iyo kuwo jirran oo uu sheegay in si deg deg ah xaaladooda caafimaad wax looga qaban doono.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale booqday xaafadaha ku yaalla aagagga ciidamadu daganyhiin, isagoona halkaas kula shekaysatay dadka shacabka ah ee ku nool xaafadahaas.

Ugu danbayntii Ra’iisul wasaare Saacid ayaa u rajayey ciidanka qaranka in sanadkan cusub uu noqon doono mid ay helaan dhammaan xuquuqdooda kala duwan si dalka looga xoreeyo kooxaha nabad-diidka ah.

Ra (1)

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Madaxweyne Xasan oo la kulmaya Jaaliyadda Soomaalida ee Sudan

Khartoum (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay booqasho ku tagayn magaalada Ad Damazin ee caasimadda gobolka Blue Nile State ayaa lagu wadaa in uu kulamo la qaato jaaliyadda ku dhaqan dalkaas.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa maanta ka qaybgalay xaflad loo sameeyay sanad-guuradii 57-aad ee ka soo wareegatay markii dalka Sudan uu xorriyadda ka qaatay dalka Ingiriiska.

Madaxweynaha oo uu soo dhaweeyay dhigiisa waddanka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa waxa uu ka qaybgalay galabta  xaflad xarigga looga jaraayo biyo xireenka Roseiris oo ballaarin lagu sameeyay si loo kobciyo wax soo saarka beeraha ee dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu kulamo la qaato dhiggiisa waddankaas  Cumar Xasan al-Bashir  kaddibna waxa uu kulamo caawa la qaadan doono jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Khartum iyo ardayda Soomaalida ee wax ka barta Jaamacadaha ku yaalla Sudan..

Waa booqashii ugu horreysay ee uu madaxweynaha Xasan Sheekh ku tago dalka Sudan  tan iyo markii xilkaas loo doortay 10-kii September sannadkii hore 2012-ka

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khartoum

Madaxwayne Xasan oo gaaray Sudan

Madaxwaynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray dalka Sudan.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa waxaa ay maanta ka ambabaxeen Muqdisho waxaana ay ku dageen haatan gobolo ka tirsan Dalka Sudan.

Caawa ayaa lagu wadaa in Madaxwaynaha uu gaaro Caasimada dalkaas ee Khartoum halkaas oo uu kula kulmi doono jaaliyada Soomaalida ee dalkaas.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale waxaa uu la kulmi doonaa Madaxwayne Cumar Xasan Al-bashiir oo uu kala hadli doono arimaha soomaaliya.

Ujeedka Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa waxaa uu yahay inuu ka qaybgalo xuska Sanad guuradii 57 aad ee ka soo wareegatay markii ay xurnimada ay ka qaateen gumaystihii dalka Ingiriiska.

Ciidamo u dabaal dagayay 2013 oo Muqdisho lagu helay (Maxaa qabsaday)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Kuwa Amisom ayaa qarax lagula eegtay Muqdisho xili ay u dabaal dagayeen Munaasanada Sanadka Cusub ee 2013.

Sadax qarax oo bambaanada gacanta laga tuuro, ayaa lagu weeraray ciidamada oo ku sugnaa Xarunta Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku xaraysan yihiin ciidanka Amisom,waxaana ay ku dhex jireen xafladda xuska 2013, markii weerarka uu dhacayay.

Dad ka agdhow halka uu qaraxa ka dhacay,  ayaa sheegay inay ka war heleen dhawaqa qaraxa wax yar kadib markii uu soo gaarayay dhawaqa Muusiga loogu tala galay damaashaadka 2013.

Ilaa iyo hada lama xaqiijin qasaaraha ka dhashay, Laakiin waxaa jirtay Risaas ay fureen ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa Jabuuti.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Muxuu yahay sanadka miillaadiga? (Diinta iyo micnaha 12-ka bil)

Haddaynu nahay ummad Islaam ah waxaa naga reebban u dabbaal degidda wax aanan ka ahayn ciidaha uu Ilaahay nagu fadilay ee ciidul fitriga iyo ciidul adxaha. Waxaa inaga reebban inaan la dabbaal degno umada lumay oo aan salaad waliba niraahno Ilaahayoow! jidkooda hana marsiin (Al maghtuubi calayhim, waladdaalliin).

Sanadka miillaadiga oo asliyan ah mid isbadbaddalo badan soo maray, ayna ku dheeleen boqorradii Roomaaniska, ayaa caawo buuxinaya 2013, taasoo ah tira aanan ina quseynin.

Dhawaan ayay ahayd sanadkeenna Islaamka, ee sixadiisu toosan tahay, isbad badallo badanna aanan soo marin uu inoo buuxiyey 1434, oo maantuna aan kujirna bishiisii labaad (Safar) ayna inoo marayso 17, kaasoo aan kusoo dhaweynay duco iyo kheyr, innagoonan waxba ixtifaal u samaynin.

Sow inaguma fool xumo inaan u dabbaal degno sanad aanan keenna ahayn, oo bishiisii kowaad ay ahayd Febraury, dabeetana lagu baddaley January. Augost iyadoo ay 1 tahayna loo wareejiyey 14, is baddalladaasoo ay horu mood u ahaayeen boqorradii Roomaaniska? Mase taqaan macnaha dhabta ah ee bilooyinkaasi?

1. Jaunary waa kalmad laatiini ah oo loola jeedo ILAAHA CADCEEDDA.

2. February oo ahayd bishii kowaad ee sanadka, oo markii dambe laga dhigay tan labaad, waa kalmad Frances ah oo luuqaddii hore ah, ficil ahaanna ka dhambaalmatay kalmadda ah Februalia. Waxaa loola jeedaa waqtiga cayiman ee kafaaragudka dembiyada diinta Nasaarada (masiixiyadda).

3. Mars, waa kalmad laatiini ah, oo macna ahaan loola jeedo ILAAHIGII DAGAALKA

4. Apriil, waa kelimad laatiini ah, oo asal ahaan ka dhambaalmatay ficilka ah ape rire, waxaana loola jeedaa ILAAHAYADDA GABADHA AH, EE U XILSAARAN Furidda albaabada samada, si ay qorraxda usoo baxdo kadib markay maqnayd muddo dhowr bilood ah xilliga barafka iyo xagaayga.

5. May, waa kelimad ka dhambaalmatay maia, oo Roomaanka ay u yaqaanneen ILAAHA QASABKA AH, EE WAX JAAJUUBO.

6. June waa kalmad ka dhambaalmatay luuqadda Franceska oo ah lone, laatiinkii horena ay oran jireen junius, oo loola jeeda ILAAH JOREN AMA YONER, oo macna ahaan loola jeedo ILAAHIGII DAYAXA IYO XAASKIISA OO WADA SOCDA, Roomaankii hore ayaa sidaas kumacneyn jirey.

7. July waxaa loogu magacday Qeysarkii Room ee la oran jirey Julios (Yuuliyos) oo jirey 44- 100 Ciise ka hor. Bishan magaceedii hore waxaa la oran jirey quintils, oo loola jeeday bishii shanaad, waa ka hor inta aan bisha January laga dhigin bisha kowaad ee sanadka, ee ay ahayd bishii labaad ee sanadka.

8. August, waxaa loogu magac daray boqorkii Roomaanka ee Qeysar Augost ee magaciisa saxda ah la oran jirey Auktaafiyoos, oo jiri jirey intii u dhaxaysay 14 illaa 63 Ciise ka hor. Magaca Augost waxaa boqorka loo bixiyey sanadkii 31 Ciise ka hor, markii uu ka adkaaday Antinio. Bishan inta boqorka lagu saminin, waxaa la oran jiran sextillis, oo loola jeeday bishii lixaad.

9. September, waxaa ay ka dhambaalmatay kalmad Roomanku ay adeegsan jireen oo ah Septem oo loola jeeday toddobo, taasoo tilmaamaysay bishan oo ahayd bisha toddobaad ee sanadka.

10. October, waxay ka dhambaalmatay kalmadda Octo, oo Roomaanisku ay adeegsan jireen, taasoo loola jeedo siddeed, oo tilmaamaysa bishan oo markaasi ahayd bisha siddeedaad ee sanadka.

11. November, waxay ka dhambaalmatay kalmadda Novem, oo Roomaanku ay u yaqaanneen sagaal, taasoo loola jeeday bishan oo ahayd bisha sagaalaad ee sanadka.

12. December, waxay ahayd kalmad ay Roomaanku u yaqaanneen 10 dhamaystiran, taasoo ay ula jeedeen bishan oo ahayd bisha 10-aad ee sanadka. Waxayna ahayd bisha ugu dambeyso ee sanadka Miilaaddiga, intaanan horey looga soo darin bilaha labada ah ee kala ah Jaunary oo ahayd bisha labaad ee sanadka, iyo February oo laga dhigey bisha kowaad ee sanadka. Dhowr qarni kadib ayaa mar kale la baddalay oo laga dhigey Jaunary bishii 1-aad ee sanadka, February bishii labaad ee sanadka.

Miyay mudan tahay waxa kani ee sidan isugu dhex qasan ee gaallimada inoo horseedaya inaan u dabbaal degno?

WQ: Mohammed Tahir Abdi

Email: [email protected]

Dhageyso: Sh. Cariif: Xukunka diimeed ee dadka u dabaal daga sanad cusub

Dunida masiixiga ama Christian-ka waxaa looga dabaal dagayaa curashada sanadka cusub ee 2013, oo inta badan gaaladu ay xusaan meel kasta oo ay joogaan.

Hase yeeshee,  waxaa jira dad badan oo muslimiin ah oo iyagana u dabaal dagaya sanadkan cusub. Qaarkood ma fahamsana waxa ay sameynayaan, qaar waa ay og yihiin oo haddana kalam jecla, qaarna waxa ay moodaan wax iska caadi ah oo aan dhib lahayn.

Haddaba Sheikh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif, oo ka mid ah culimada ugu caansan Somalia, ayaa ka hadlay sanadka cusub iyo xukunka qofka u dabaal daga.

Halkan ka dhageyso

 

Faallo: Soomalida maanta & tii shalay‏: Waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin

Waxa aan halkan ku soo gudbinayaa maqaal gaaban oo aan kaga hadli doona farqiga u dhaxeeyo Soomalida maanta iyo tii shalay,walaalayaal sida aad ka warqabtana dadka Soomaliyeed waxa ay ka mid yihiin shucuubta tirada badan ee ku nool caalamkan,waxa ayna dadka Soomaliyed haystaan nimcooyin badan oo ay yar tahay cid haystaa Gaal iyo Muslim, waxaana nimcooyinkaasi ka mid ah iyagoo alle ka dhigay dad isku diin ah,isku af,isku midab iyo isku dhaqan, laakin sidaas oo ay tahay hadana waxa ay maanta noqdeen dadka dunida ugu xun ee ku rafaadsan buqcad kasta oo ku taal dunidan,marka waxaan rabaa inaan maqaalkan uga hadlo bal farqiga u dhaxeeyo Soomalida maanta iyo tii hore.

Soomalidii hore

Soomalidii hore uma baahno inaan wax badan ka waramo maxaa yeelay waan ognahay waxa ay ahaayeen iyo taariikhdooda laakin si aan isu barbardhigno iyaga iyo Soomalida maanta waxa aan u baahannahay inaan wax ka niraahno si aan u helno farqiga u dhaxeeyo iyaga iyo kuwa maanta jooga,Walaalayaal Soomalidii hore waxa ay ahaayeen dad intooda badan xoolo dhaqato iyo kuwa beeraley ah, kuwaas oo si sharaf leh ugu noolaa dhulkii uu ilaah ku abuuray iyagoo dhaqanayo xoolaha uu alle ku maneystay sida Geela,Lo’da,Ariga iyo wixii soo raaca.

Waxa ay ahaayeen Soomalidii hore dad leh xeerar iyo dhaqamo wanaagsan oo intooda badan ka soo burqanayey diinta Islaamka, waxaana dhaqamadaasi ka mid ah geesinimada,deeqsinimada,martisoorka,iyo caawinta dadka maasaakiinta iyo kuwa kaloo badan,waxa ay ahaayeen dad qab leh oo u arko in cunsurka Soomaliga uu uunka ugu sareeyo,waxa ayna ku taamayeen in mar un la qotomiya dowlad xoogan (SOMALIWEYN) oo ka hanaqaada dhulalka ay Soomalidu ka degan tahay Geeska Africa,waxa ay xaqiijinta ahdaaftaasi u u hureen kumanaan kun,iyagoo la dagaalay Gumeystayaashii cadaa iyo kuwii Madoobaa.

Inkasta oo Soomalidii hore aysan ku nooleyn magaalooyin leh system dowladeed hadana Waxa ay ahaayeen dad neceb waxyaabo badan oo uu ugu horeeyo kufsiga,dilka dadka loo yaqaano birimageydada,dhaca,bililaqada iyo dawarsiga.waxa ay sidoo kale aad u necbaayeen in la gumeysto sida aan ka arki karno taariikhdeena,waxyaabaha cajiibka ah waxaa ka mid ah xitaa markii laga xuruubay Gumeysigii reer Yurub in Soomalidii diiday in afkii gumeystiyaashaasi lagu hadlo sida ay sameeyeen wadamo badan oo la soo gumeystay sida wadamada Galbeedka Africa iyo Koonfur America.

Gaba gabadii waxa aan dhihi karaa Soomalidii hore waxa ay ahaayeen dad is jecel oo cadowgooda si guud isaga celiya,waxa ayna dunida kaga tageen taariikh wanaagsan oo maanta baal dahab ah uga jirto guud ahaan taariikhda Wadankeena,waxaana ka xusi karaa Soomalidaasi Axmed Gurey,Sayid Maxamed Cabdille Xasan,Dhagaxtuur,Xaawo Taako iyo kuwa kaloo badan ,kuwaasi oo la dagaalamay dhamaan Gumeystiyaashii soo hunguriyeey dhulka ciziga iyo sharafta ee ay Soomalida ku nooshahay.waxaana gunaanudki leeyahay ilaahay ha u naxariisto Soomalidii hore wixii danbi ah oo ka dhacayna ilaahay ha u dhaafo maadaama ay naf iyo maalba u hureen jirintaanka Umaddeena ayna ku guuleysteen iney taagaan dowlad Soomaliyeed oo xoog badan taasoo iyadana hamigeedu ahaa in la xaqiiyo dream-kii ahaa SOMALIWEYN.

Soomalida Maanta

Soomalida maanta waxa aan dhihi karaa waa Soomalidii ugu xumeyd ee soo marta qowmiyadda Soomalida ah, maxaa yeelay waxaa ay ka gudbeen dhamaan maxaariimtii ilaahay dadka ka reebay haday ahaan lahayd dhiig la daadiyo,dumar la kufsado bililiqo iyo dhac aan gabasho lahayn iyadoo waliba mararka qaar lagu faanayo,Intaasi kuma aysan ekaanin waxaa ay u soo horkaceen wadankoodii cadowgoodii soo jireenka ahaa ilaa ay soo dhex istaajiyeen caasimadoodii,waana wixii ugu xumaa ee ay Soomalida maanta sameyso.

Walaalayaal waxyaabaha ay Soomali sameysey, waa wax maanta oo dhan hadii la yiraahdo halaga sheekeeyo aan la soo koobi karin, maxaa yeelay waxa ay ku kaceen waa waxii ugu xumaa oo dad bani’aadam ku kaco,miyaad aragtay dad inta doomo lasaaro waliba iyadoo lacagi laga qaatay hadana badda bartankeeda lagu daadinayo iyadoo aan mar ahayn oo labo ahayn, ma waxaasi ayaad aragteen ama maqasheen ma jirto cid aan Soomali ahayan oo waxaasi sameyn karta.waxaa ka sii xun markii ay yiraahdeen waxaan kala jareynaa Jamhuuriyaddii la oran jiray Soomaliya halka dunida aan maanta ku noolnahay uu qof kasta doonayo isbahaysi iyo cid uu bah wadaag la noqdo,cajiib!!!!!

waxyaabaha ay Soomalida maanta sameysay waxaa ugu qaabdaran markii dad Soomaliyeed oo aan in badan oo ka mid ah galin wax danbi hadana gacanta loo geliyo dowlado shisheeye,waxaan la yaabaa maamulada Hargeyso iyo Garoowe oo ku faanayo in ay dad Soomaliyeed u gacan geliyeen dowladd Itoobiya oo waliba ay ku jiraan gabdho yaa kariim, ma waxaasi baa qof muslim sheeganayo ku kici karaa? yaab badanaa,waxyaabihii iigu yaabka badnaa oo aan maqlo waxa ay ahayd in mid ka mid ah Madaxweyniyaashii soo maray kililka 5aad uu qaabilay wasiir ka socday dowladda CUBA,isagoo uga mahadceliyey gacantii ay Itoobiya ka siiyeen jibintii ciidamadii Soomaliya dagaalkii dhexmaray Soomaliya iyo Itoobiya 70 tameeyadii, waliba ninkaasi waxaan maqlay in uu ka mid ahaa caruurtii ka soo qaxday dagaalkaasi, markii waxbarashadiisa dugsiga sare uu ku dhameystayn gudaha Soomaliya ka dibna dibadda loogu diray waxbarasho kale.

Walaalayaal waxa aan isugeysaney hadaannahay Soomalida maanta ma aha wax qof caqli lehi uu ku fikiri karo ma waxa aad aragtay in qof Soomali ah inta madaxa laga soo gooya hadana dadka la horkeenayo, ma waxa aad maqashay in qof soo tukaday salaad subax inta la dilo hadana ilaahay loogu xamdinayo dilkiisa hadana diinbaan u dagaalameynaa lagu leeyahay.waxani ma aha waa qof caadi ah ka suurooba.

Ma waxaad maqasheed dumar hir ah oo iska socda sidii taaqaatiirtii aan xaduudda lahayn, waxyaabaha aan ku aragnay Soomalida maanta ma aha wax caadi, 2002 ayaa Nayroobi tagay anigoo ka imid Soomaliya, waxaa ku arkay dumar badan oo guryo u kireysan markaasaan weydiiyey dadkii maxay yihiin dumarkan meesha degan xitaa gabdho yar yar ayaa ku jiray ,waxaana la iigu jawaabay waa dumar iskaabulo ah, waxa ay igu noqotay wax aan aad ula yaabay maxaa yeelay waxaan maqli jiray oo kaliya rag iskaabulo ah, waxaasi waxaa lagu arkay Soomalida maanta.

Waxyaabah nalagu arkay waayadan danbe waxaa ka mid ah niman la leeyahay waa Aqoonyanaho iyo Siyaasiyiin oo inta idacaado iyo Tv-yo lagu martiqaado si ay u taxliiliyaan arimaha wadankooda hadana aad la yaabeyso markaad hadaladooda dhegeysato, halka mararka qaarna aad ku wareereyso wadanka ay u dhasheen,waxaan daawaday mid ka mid ah Tv-yada Soomalida oo ay marti ku ahaayeen labo nin oo lagu sheegay iney aqoonyahano yihin waxana laga wareysaneyey arimaha u dhaxeeyo Wadankooda iyo Kenya, markaan dhegeystay hadalooda waxaan kala garan waayey iney Kenyaan ahaayeen iyo iney Soomali ahaayeen sababtoo ah maba moodid iney Soomali yihin,waxaadna la yaabeysaa sida ay carabka ugu adkeyn karin waxa danta wadankooda ugu jirt hadana waxa lagu leeyahay waxbaan naqaanaa.!!!

Waxaa iigu darnayd waayadan dad dowladdoodii oo joogta ku dhahayo Kenya ayaa nooroon oo maamul noo sameyneyso,waxa ka sii yaab badan ciidan la leeyahay waa ciidankii qalabka sida hadana gabdhihii umulaha ahaa iyo kuwii aan qaangaarin faraxumeynayo maalin kasta cajiib and cajiib,walaalayaal hadii ceebi loo dhimanayo inaga ayaaa u dhiman lahayn.waxaan qoslaa markaan maqlo dad la leeyahay wadankiini ayaa la idinku celinayaa oo hadana diidayo iyagoo waliba ku doodayo hanoola dhaafo qaxootinimadeena ,sow tii laga faani jiray qaxootinimadu mahan yaab badanaa!!

Gaba gabdii waxaan leeyahay Soomaliyeey ceeb iyo foolxumo nooma harin dal iyo dibadba, hadaan dooneyno inaan sharaftii iyo karaamadii aan lahaan jirnay soo ceshano waxaa noo furan hal waddo oo kaliya, waana inaan taageernaa dowladdan hadda jirta maxaa yeelay waa wadada ugu dhow oo aan uga bixi karno fuulxumadaan.waxaana gunaanudkii leeyahay aan ilaahay u towbad keeno isna cafinno, dowladdaasi tabarta daranna aan taageero hiil iyo hooba la garab istaagno.

W/Q: Maxamed Ibrahim

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Puntland oo la shaaciyay tirada ururada siyaasadda ee ka jira

Garoowe (Caasimada Online) Guddiga doorashooyinka maamulka Puntland ayaa shaaciyay tirade ururaada siyaasada ee ka dhisan deegannada Puntland, iyadoo xilliga doorashada maamulkaas uu dhacaayo 8-bisha January 2013-ka.

Guddoomiyaha guddigaas oo saxaafadda kula hadlaayay magaalada Garoowe ayaa sheegay in wajiga koobaad ee diiwangalinta ururada siyaasadda ay gaarayaan illaa lix urur kuwaasoo kala ah:

1–HORSEED

2-MIDNIMO

3-PDP

4-UDAD

5-HOR-CAD

6-WADAJIR

Si kastaba, ururada qaar badan waxa ay taageero u yihiin maamulka Madaxweyne Faroole, oo hadda raba in hal sano oo kale ay xafiiska siihayaan, arrintaasna waa laga digay.

Ururadan ayaa loo qaban doonaa doorasho, waxana laga rabaa seddax urur kuwaasoo noqon doona kuwa ugu codka badan.

Madaxweyne Faroole wuxuu lee yahay in aan xilka siihayo halsano oo kale, waxa ii fasaxay sharciga.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa sidoo kale sheegay in dadka ku eedeenaya mudda korar siga ay lee yihiin dano ka baxsan Puntland.

Isagoo la hadlaaya BBC-da ayuu yiri “Annaga haba yaraatee wax muddo korarsi aan sameenay ma jiraan, mana weydiisan maalin xittaa maanan weydiisan, in kastoo aan ka xumahay dood aad siiseen rag wasiiro iyo dad buuqa magaalada wada, marka waan ka xumaaday”

“Waana in hal eray lagu soo celiyo waayo dastuurka wuxuu dhigayaa in madaxweynaha uu heyn karo muddo shan sano ah, dastuurkan ma ahan mid hadda bilowday ee waxa bilaabay maamulkii annaga naga horeeyay waxana uu ahaa bishii Febraayo 14-keedii 2007-da”

 

Shaqaalo dowladeed awood u yeeshay ku takrifalidda hantida Qaranka

Dowlad kastaa oo jirtaa waxa ay leedahay sharci u gaar ah oo ay ku maamusho dalkeeda iyo dadkeeda, sharciguna waa inuu qabtaa shaqsi kastaa oo dambi galaa ha ahaado shacab, madax, askari, xildhibaan, safiir, wasiir, biitooni(dhul xaaqe) iyo shaqaale kastaa oo dowladda u shaqeeya.

Shaqaalaha dowladdu waa kala heer heer, weyna kala darajo sareeyaan, mid walibana waxa uu qabtaa shaqooyin u gaar ah oo uu u hayo Qarankiisa, waxaana muhim ah in shaqaale kastaa lagu abaalmariyo haddii uu qabto wax wanaag ah oo uu kor ugu qaadayo sumcadda dalkiisa, sidoo kale haddii uu qalad ama dembi Qaran galo waa in sharcigu qabtaa oo lagu qaadaa ciqaabta heerka dambiyeed ee uu galay.

Sida aynu ogsoon nahay Safiirradu waxa ay ka mid yihiin shaqaalaha dowladda, dal kasta oo ay safiir ka yihiinna waxa ay ku metelaan Qarankooda, waxayna ku howl galaan oo ay ku shaqeeyaan awaamiirta dowladdooda, taasoo ay jirto ayaa waxaa haddana muddooyinkan dambe soo ifbaxay in qaar ka mid ah safiirradii dowladda Soomaaliya u fadhiyay dalalka caalamka ay yeeshaan awood u gaar ah iyagoo aan ka amar qaadan wasaaradda arrimaha dibadda ee howshooda qaabilsan.

Waxaa dhacday in safiirro Soomaaliyeed ay awood u yeesheen ku takrifalidda hantida Qaranka iyagoo aan dowladdooda wax amar ah uga heysan amaba latashi la samaynin, sida in safiir uu si iskiis ah u kireysto dhismaha iyo xafiisyadii Safaaraddii uu magaca Soomaaliya ku matalayay, weliba waxaa layaab sii ah in safiirradaas qaarkood ay ku doodaan inay arrintaas ku saxsan yihiin….. “Lacagaha kirada laga helo waxaan ku dayactireynaa dhismaha safaaradda” ayaa laga hayaa qaar ka mid ka mid ah safiirrada kireystay safaaradaha Soomaaliya, iyadoo qarashaadka ay ku kireeyeen aysan dowladdoodu la ogayn amaba ka war heynin, ayna markaasi noqoneyso hanti dowladeed si marmarsiyo ah loo dhacay una gashay jeebabka shaqsiyaad safiirro ah, ileyn ma jiro heshiis dowladdu saxiixday ama wax ka ogtahaye, kaliya waa awood ay si gaar ah isu siiyeen safiirro shaqaale dowladeed ah.

Sidoo kale waxaa jira dhismayaal safaarado iyo dhisayaal kale oo ay leedahay dowladda Soomaaliya oo aan ilaa iyo hadda gacanta dowladda ku jirin oo safiiro Soomaaliyeed ay ka kireysteen ama ay ka iibiyeen hay’ado, ganacsato iyo shaqsiyaad caadi ah, waxaa kale oo jira safaarado ay dhex degan yihiin qoysasaka safiirrada kuwaasoo hantidii qaranka u isticmaala sida inay iyagu leeyihiin oo kale.

Haddaba dowladda Soomaaliya waxaa la gudboon la xisaabtan gaar ah in ay ku samayso safiiradaha aan dhicin ee aan la beddelin, hantida qaranka iyo qarashaadka soo gala safaaradahana iyaga u isticmaala hanti u gaar ah, iyagoo weliba ku dooda “Dowladdu wax mushaar ah nama siiso inagaa si kasta oo aan wax ku heli karno ka samaysanayna safaaradaha aan ka talinno”.

Waxaa kale oo la ogsoon yahay in safaaradaha qaar ay qabtaan howlo dhaqaalo uu ku soo galo sida iyagoo bixiya Baasaboorro, warqado dal ku gal ah, kuwo dal ku joogid ah iyo arrimo fara badan oo ay dhaqaalo ku kasbadaan, mana uu jiro la xisaabtan dhab ah oo wasaaradda arrimaha dibaddu ay la samayso safiiradaas takrifalidda samaynaya.

Dhawaan ayay ahayd markii Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Soomaaliya ay xildhibaannada Baarlamaanku wax ka weydiiyeen safaaradaha lagu takri-falay ee safiiradu ay iska kireysteen amar dowlo la’aan, waxayna ku doodday oo ay isku difaacday wasiiraddu  in markii la kireynayay safaaradahaas ay ka horreysay xilligii magacaabisteeda, hase ahaatee aysan sidaasi uga hari doonin oo ay baaritaan ku samaynayso iyadoo xustay in ay Guddi  gaar ah ay u saartay arrintaas.

Haddaba eeddu kuma koobna safiirado kireystay safaarado ee sidoo kale waxaa jira safiirro aan waxqabad muuqda lahayn, kuwaasoo weliba is laheysiiyey howsha safiirnimo  uguna shaqeysta si shaqsi ah ee aan si Qaran ugu shaqeynin, iyadoo qaar ka mid ah safiiradahaas ay ku dhex milmeen ganacsatada iyo maalqabeennada Soomaalida ee dalalka ay safiirrada ka yihiin, kuwaasoo awooddooda safiirnimo uga qaata dhaqaale iyagoo kula gorgortama in wax kasta oo ay safaaradda uga soo baahdaan ama isku xirka madaxda dalka ay ku ganacsadaan u fududeynayaan, marka waxaa loo baahan yahay in kuwaasi ay dowladdu il gaar ah iyaguna ku eegto.

Su’aalaha jawaabaha u baahani waxa ay yihiin: Safiiradu shaqaale dowladeed ma aha miyaa…? Sharciga dalka u degsan iyagu ma qabto miyaa…? Mar haddii ay ka howlgalaan meel dalka ka baxsan wey ka madax bannaan yihiin miyaa dowladda iyo sharciyada dalka oo shaqaalaha iyo shaqsiyaadka gudaha dalka ku sugan kaliya ayuu sharcigu qabtaa miyaa macnuhu….? Jawaabaha su’aalahani waa kuwo u yaala dowladda Soomaaliya ee uu madaxweynaha u yahay Prof. Xasan Sheekh Maxamuud.

W/D: C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil  Dalmar)

[email protected]

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan