27.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

DEG DEG: Qarax khasaaro geestay oo mar kale ka dhacay Kenya

Nairobi (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa wuxuu sheegayaa in qarax nooca bambaanada ah caawa lagu weerraray kaniisad ku taalla magaalada Mandheera ee gobalka waqooyi-bari Kenya.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu geestay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, waxa la sheegayaa in dadka dhaawacmay loola cararay isbitaalada magaalada.

Markii qaraxa uu dhacay, waxa goobta soo gaaray ciidamo fara badan, kuwaasoo howlgalo halkaa ka wadda, laakin ma jirto dad loo soo qabqabtay.

Ma jirto koox sheegtay qaraxa caawa ka dhacay magaalada Mandheera.

Qaraxa ayaa ku soo aaday iyadoo ammaanka waddanka Kenya aad loo adkeeyay, kaddib markii laguda galay ciidda masiixiga oo shaley bilaabatay.

Kenya dhawaanahan waxa ka dhacayay, qaraxyo iyo dilal kuwaasoo ka dambeeyay markii ciidamo Kenya loo soo diray Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

XOG: Ganacsato badan oo Soomaali ah oo billaabay in hantidii ka taallay Kenya ay u raraan……!

Nairobi (Caasimada Online) Warar ay heshay shabakadda Caasimada Online ayaa sheegaya in wixii ka dambeeyay markii rabashado ay ka dhaceen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, in Soomaali badan oo halkaas ganacsiyo ku lahaa ay bilaabeen in ay maalgashi ka sameeystaan caasimada Uganda ee Kampla.

Soomaalidan ayaa la sheegay in Malaayin Shilling ay kala baxeen Baananka Kenya, kuwaasoo ka cabsi qaba in la boobo hantida ay ku lee yihiin xaafadda ay ku badan tahay Soomaalida ee Islii, oo dhawaanahan ay ka dhaceen qaraxyo xooggan.

Sidoo kale waxa jira Soomaali badan oo ku noolaa magaalada Nairobi, kuwaasoo bilaabay in ay soo aadaan waddamada Soomaaliya iyo Uganda, iyagoo ka cabsi qaba in waxyeelo ay ka soo gaarto rabshadaha ka dhaca Kenya.

Soomaali badan ayaa ganacsi ballaaran ku leh magaalada Nairobi, kuwaasoo 20-kii sano ee la soo dhaafay halkaas ku lahaa goobo ganacsiyo oo aad u waawayn.

Kenya ayaa dhawaan ku amartay Soomaalida ku nool magaalooyinka in ay iska xaadiriyaan xeryaha qoxootiga Kaakumo ama Dhadhaab.

Soomaali badan ayaa lagu arkayaa xafiisyada shirkadaha diyaaradaha ee ku yaalla Nairobi iyo goobaha basaska laga raaco, kuwaasoo soo aadaya magaalada Muqdisho.

Haddii ay Soomaalida ganaciga ku leh Nairobi ay bilaabaan in ay maalgashi ka sameestaan waddanka Uganda ama ay dib ugu soo laabtaan waddankooda, waxa ay taasi ku keeni kartaa saameen waddanka Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Baarlamanka oo diiday meel marinta miisaaniyadda xukuumadda ee 2013

Muqdisho (Caasimada Online) Fadhi maanta xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya uu ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, waxa ay ku diideen meel marinta miisaaniyadda ay ku shaqayn doonto xukuumadda Soomaaliya sannadka na soo aadan 2013-ka, taasoo ay soo diyaarisay wasaaradda maaliyadda.

Kulanka oo ay soo ka qaybgaleen xildhibaanno gaaraya 154 mudane, waxa shir guddoominaayay afhayeenka baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan {Jawaari}, waxana dood dheer kaddib uu sheegay in cod loo qaado miisaaniyadda ay soo bandhigtay.

Xildhibaanno gaaraya 54-mudane ayaa oggolaaday in miisaaniyadda la meel mariyo halka ay diideen 70-xildhibaan, waxana shirka markii codka loo qaadayay ka maqnaa 30-xildhibaan oo markii hore joogay fadhiga sida uu sheegay afhayeenka baarlamaanka.

Si kastaba, xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa seddaxdii cisho ee la soo dhaafay waxa ay ka dooddayeen miisaaniyadda xukuumadda ay ku shaqayndoonto sannadka 2013-ka, taasoo dhawaan la horgeeyay.

Intaas kaddib, afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay sida uu qoraayo xeerka dastuurka uu dhigaayo in muddo 30-cisho ah ay wasaaradda maaliyaddu dib ugu laabato miisaaniyad ay soo bandhigtay, si mar dambe cod loo siiyo.

Ma cadda sida laga yeeli doono miisaaniyadda ay soo bandhigtay xukuumadda oo ay qaar badan oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka ay saluugsan yihiin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Magacyada iyo xilliyada Soomaalida sanadkan lagu dilay Koonfur Africa

Kadib Baartiaan Dheer Iyo Xog Uruurin Aynu Ka Sameynaya Magalooyin Kala Duwan Oo Ku Yaala Dalka Koofur Afrika Si Aan Wax Badan Ugu Ogaana Dadkii Soomaaliyeed Ee Sanadkii 2012 Lagu Laayay Koofur Afrika Ayaan Halkan Idiin Kugu Soo Koobeynaa

Ku Dhawaad 100 Qof Oo Ganacsato Soomaali Una Badan Dhalanyaro Ayaa Lagu Dilay Dalka Koofur Afrika Magalooyin Kala Duwan Oo Ku Yaala Tiro Ku Dhaw 127 Dhawacyao U Badan Mindiyo Iyo Rasaas Ayaa La Gaarisyaya Halka Kuwa Kalane Dab La Qabadsiyay Iyago Oo Nool Kuwa Oo Dhibaato Murug Leh Lo Geysatay

Sanadkii Tagay 2012 Dadkii Ugu Badna Ayaa Waxa Lagu Dilay Tuulooyin Hoos Yimaada Magalada Cape Town Ee Dalka Koofur Afrika

Halkan Ka Aqrisa Qaar Kamid Ah Magacayada Dadkii Soomaaliyeed Ee Sanadkii 2012 Lagu Layay Koofur Afrika

January “27, 2012- Cape Town Waxa Lagu Dilay Marxuum Axmed Xuseen Oo Ganacsada Ahaa

Janury 10-2012 Buracad Hubeysan Ayaa Dhawacay Muwaadin Soomaaliyeed Degaanka Fahalaburg Ee Ka Tirsan Cape Town

January 21  2012-Ganacsade Soomaali Ah Oo Magaciisa Lagu So Gaabiyay maxamed ayaa lagu dhex toogtay dukaankiisa, Oo Ku Yaala Duleedka Magalada Cape Town Ee Dalka Koofur Afrika .

Feb-7-2012 Rag Hubeysay Ayaa Dilay Marxuum Farhaan Oo Dagaana Degaanka Khaalija Ee Cape Town Waxan Isla Goobta Lagu Dhawacay Sadax Wiil Oo La Joogaty

March 15/2012-Cap Town Laba wiil oo Soomaaliyeed isla markaana walaalo ahaa ayaa nolosha lagu gubay, xilli ay ku sugnaayeen goobtooda ganacsi oo ku taalla tuulada Paarl oo hoostagta magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika.

Aabbaha dhalay labaadan wiil oo murugo fara badan ay ka muuqatay wajagiisa, oo aan la kulanay ayaa ka  codsaday  dowladda Soomaaliya inay kala hadlaan dowlada Koofur Afrika wax ka qabashada  dhibaatooyinka lagu hayo Soomaalida ganacsiyada ku leh dalkaasi

April 12-2012-Cape Town Gaar Ahaan Degaanka West Bank Waxa Lagu Dilay Ganacsade Soomaaliyeed Oo Lagu Magacaabi Jiray Salaad Xusen Ganey

Jun 21 2012 -Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray C/Laahi Xersi C/Laahi, ayaa waxaa lagu dilay Deegaanka Malmesbury ee Magaalada Cape Town, iyadoo ay dilkiisu geysteen seddex nin oo madow ah, oo u dhashay dalkaasi Koonfur Afrika.

June 18- 2012 Waxaa La Dilay Ganacsade Soomaali Ah Oo Lagu Magaacabi  jiray C/laahi Jiin Gudbaaye Xili Uu Ku Sugnaa Dukaankiisa Oo Ku Yaala  tuulada Phillipi ee duleedka magaalada Cape town

Tuesday, June 19 2012  Ilaa Sabtidi Maalmo kooban gudahood oo Koonfur Afrika lagu dilay Shan ruux oo Soomaaliya Waxa Kaloo La Jir Dilay Kuwa Kale Oo Badan

July 5, 2012-Cape Town Gaarn Ahaan Degaanka Yanga Ayaa Lagu Dilaya Ganacsade Lagu Magacaabi Jiray Axmed Coley Isla Habeenkaas Waxa Sido Kale La Dilay Wiil Dhalanyara Ah

July 13, 2012.-Cape Town-1-qof ayaa dhintay halka 2-kalana waa la dhaawacay markii kooxo hubeysan oo u dhashay dalka Koonfur Afrika ay beegsaden ganacsato Soomaaliyeed.

August 19, 2012 Cape Town Burcad Hubeysan Ayaa Toogatay Marxuum daahir macalin xaashi Oo Ku Sugnaa Dukaankiisa Ganacsi Oo Ku Yaala Magalada Cpe Town

September 17, 2012-Port Elezaberth Dhacdo Naxdin Leh Kadib Markii Gabar Yar Oo Soomaaliyeed Misane Uur 9 bilood Ah Laheyd Ayaa Inata La Kufsaday Kadib Marag Ama Ceejo Lagu Dilay Sida Uu Warbaahinta U Xaqjjiyay Yusuf Oo Ahaa Seyga Gabadha La Dilay Oo Aan La Hadalnay

Isla  Bisha September Burcad Madow Ah Ayaa Khaarijiyay Ganacsade magaciisa lagu Soo Gaabiyay “jano Gale” Marxuumka ayaa waxaa ku wehliyay Dukaankiisa Labo wiil kale dhawac ayaa soo gaaray

September 25, 2012.-Cap Town Labo Dhalanyaro Soomaali Ah ayaa La Toogtay Xili Ay Goob Gnacsi Oo Ay Jogeen Ku Suganayeen Degaanka Filipi Ee Duleedka Magalada Cape Town

9 Oct 2012 –Burcad Koofur Afrikaan Ah Ayaa Gnacasade Soomaaliyeed Ku Dilay Dukaanskiisa Gnacsi Oo Ku Yaala Xaada Khaalija Ee Magalada Cap Town Wiilkaas Ayaa Magaciisa Lagu Sheegay Ciise Waxana Uu Ahaa Shaqaale Dukaanka Ka Shaqeynay

October 9, 2012.-Port Elizepeth-Koox Burcad Madow Ah Ayaa Toogtay Alaha u Naxariistee Muwaadinka Lagu Magcaabi Jiaray Rooble Faarax xili uu ku suganaa afaafka hore ee goobtiisa ganacsi

October 11-2012 -Cape Town Degaanka Isku Raranka Ee Kaaliija Ayaa Lagu Dilay Muwaadin Soomaalia Oo Lagu Magacaabi Jiray Liibaan Kaasi Oo Dilkiisa Toorey Isticmaalay Xili Dad Ehelkiisa Ah Ay Shegeen In Qudha Torey Loga Jaray Dilka Oo Dhacay Xili Habeen Ah Ayaa Police-ka Koofur Afrika Oo Soo Gaaray Goobta Dilka Uu Ka Dhacay Baritaan Ay Smeyeen Ayey Maalimo Kadib Ehelka Weelka La Dilay Ku War Galiyeen Inay Qabteen Ninkii Dilka Geysatay Sharcigane Ay Hor Geyn Donaan balse ma jirta cid dabagashay hadalka police-ka

October 12, 2012 -Burcad South African ah ku dilay tuulada Khaliija ee duleedka magaalada Cape Town nin ganacsade Soomaali ah kadib marki ay ka waayeen lacago ay rabeen in ay ka dhacaan.Marxuumka la dilay oo lagu magacaabo Maxamed Cunshur

Octobar 20, 2012 “King Wilmes Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku nool waddanka Koonfur Afrika ayaa la dil ugu geystay wiil kale oo Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo koobay Bile, kaasoo ay dilkiisa u adeegsadeen tooreey ama billaawe.

Nov 22, 2012 Cape Town Koox burcad koonfur African ah ayaa ku dilay muwaadin Soomaaliyeed Degaanka Khaalija Kaasi Oo Lagu Magacaabi Jiray Bashiir

Nov 2012/08- Cape Town-Laba ganacsato Soomaali ah oo lagu kala magacaabi jiray Bashiir Sheekh Suufi iyo Cabdi Tifow ayaa lagu dilay tuulada Valhalaburg ee duleedka magaalada Capetown ee wadanka Koonfur Afrika.

Dec 07-2012 Preoria Burcad Koofur Afrikan Ah Ayaa Si Arxan Dara Ah U dilay Ganacsade Soomaaliyeed Oo Lagu Magacaabi Jiray Cali Jano Gale Xili Dilkiisa Ay Dhalo U Isticmaaleen Oo Ay Ku Qaarijiyeen

Dec 14, 2012 -Koox Burcad Koonfur afrikaan ah ayaa Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Magacaabi Jiray Cabdi Xasan Geedi Ayaa Lagu Dilay Degaanka Filiibi Duleedka Magaalada Cape Town ee Dalka Koofur afrika Iyadoo Xiliga Dilka Uu Dhacayay Uu Marxuumka Dhintay Watay Gaari Yar waxana burcada ay u gashay jidka kadibna raas ay ooda ugu qadaanen iyago halkasi ku dilay marxumka dhintay mid kalene dhawac uu soo gaaray waxana burcada ay ku dhaqaqen dilka kadib fal aad u fool xun iyagoo gaariga marsiyaya Marxuumxka

December 20-2012 Koox madow koofur afrikan ayaa xili fiid habeen ah kaliija ku dilay muwadin soomaaliyeed oo lagu magaacabi jiray Osmaan shamuuq

Boobkii Loo Geysay Dukaamaha Ganacsiga Soomaalida Koofur Afrika

Feb- 17th, 2012-Rustenburg Gaar Ahaan Deegaanka Sun Rise In ka badan 19 dukaan oo ay leeyihiin ganacsato Soomaali ah ayaa boob loogu geystay tuulooyinka hoos taga magaalada Rustenburg ee gobolka North West ee waddanka Koonfur Afrika.Dadkaas Hanida Laga Boobay Ayaa Naftooda Kala Baxsaday

July 10, 2012- Deegaanka Fahluburg oo duleedka kaga began magaalada Cape town ayaa kooxo Burcad ah oo udhashay South Africa galinkii Waxay Boob Baahsan Kula Dhaqaqeen In Ka Badan 30 Dukaan Oo Ay Ganacasto Soomaalliyeed Lahayeen Kuwaa Oo Ay Dhamaan Cagta Mariyeen Xili Goob Joog Ay Ahaayeen Police-ka Koofur Afrika Oo Ay Shegeen In Aysan Bad Baadin Karin Hantida La Boobaya Balse Ay Bad Baadinayaan Nafta Gnacasatada Leh

Nov 16, 2012- Dad Careeysan Oo Koofur Afrikaan Ayaa Cagta Mariyaya Oo Boobay Ku Dhawaad 5 Dukaan Oo Ay Soomaali  Lahaayeen kuna yeelay Deegaanka swellodom kaasi Oo Qiyaastii Sadax boqol (300km) Ujira Magaalada Ceptown Ee Dalka Koonfur Afrika.Mana Jirta Cid Ka Hadashay Boobkaas.

Si Kastaba Beegsiga Lagu Haya Soomaalida Ayaa Wali Sii Socda Madaama Wadanka Koofur Afrika Soomaalida Ku Nool Lagu Qiyaasay In Ka Badan 50 Kun Una Badan Dhalayaro Shaqeeysata Balse Ilaa Haatan Ma Aysan Helin Cid La Difaacada Dhibaatooyinka Lagu Haya

W/Q Wariye Omar Kiyow

Omar Kiyow

Caasimadda Online

Xafiiska Koonfur Afrika

Dagaal ka dhex qarxay Somaliland iyo Khaatumo State iyo guulo la sheegtay

Laascaanood (Caasimada Online) Dagaal u dhaxeeyay Ciidamo ka kala socda Maamulka Khaatuma iyo Kuwa Puntland ayaa waxaa ay ka dhaceen deegaano ka tirsan Gobolka Sool.

Hadaba dagaalkaas ayaa waxaa faah faahin ka bixiyay Mamulka khaatumo state oo xaqiijiyay in dagaalo ka dhacay duleedka Degmada Xudun ee Gobalka Soolkaasi uu dhexmaray ciidamadooda  iyo sidoo kale ciidamada maamulka Soomaaliland.

Maxamed Ducaale  oo ah Wasiirka amniga ee maamulka Khaatumo State oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in dagaalkaasi uu ahaa mid ay soo qaadeen ciidamada maamulka Soomaaliland ayna iska caabiyeen.

Wasiirka ayaa sheegay in dagaalka xoogiisa uu ka dhacay duleedka Degmada Xudun kadib markii ciidamada khaatuma ay meesha ka saareen kuwa Soomaaliland.

Howlgalo kala duwan ayuu sheegay inay fuliyeen dagaalka kadib maadaama sida uu sheegay dhulkooda iyo sidoo kale maalkooda lagu soo weeraray sida uu sheegay wasiirka amniga khaatuma

Somaliland wali kama aysan jawaabin hadalka ka soo baxay maamulka Khaatuma laakiin Somaliland ayaa ka soo horjeeda Jiritaanka Maamulka Khaatumo .

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Laascaanod

Jaaliyadda Maakhir State oo Shir culus ah Ku Yeeshay Cape Town

Cape Town, – Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika, gaar ahaan soomaalida kasoo jeeda deegaanada Maakhir State ee Gobalada Sanaag, Hayland iyo galbeedka bari ee Somalia, ayaa goor dhow waxaa usoo gabagaboobay kulan caalami ah oo maalmihii ugu dambeeyey uga soconayey Magaalo-xeebeedka Cape Town ee dalkani Koonfur Afrika.
Kulankan oo ay kasoo wada qeybgaleen Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Waxgarad, Ganacsato, Haween iyo dhalinyaro kuwada abtirsada maamulka Maakhir State, ayaa waxaa looga hadlayey horumarka deegaanadaasi, gaar ahaan hawlaha dib u dhiska ah ee ka soconaya Dekadda Laas-qoray iyo Jaamacadda Maakhir University iyo sidii loosii baraarujin lahaa qurba joogta kale ee Jaaliyadda.
HaylandMaxamed Deeq Sheekh C/laahi oo ah Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Maakhir State, oo ka mid ahaa mas’uliiyiinta kulankaasi soo abaabushay, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay talaabooyinka lagu horumarinayo adeegyada bulshada ee ka soconaya deegaanada maamulka, isagoo sidoo kalana aad ugu mahadceliyey Jaaliyadda Maakhir State ee reer London. Britain, wuxuuna ku amaanay waxqabadka hagar la’aanta ah ee ay halkaasi ka wadaan.
Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Jaaliyadda Maakhir State ee dalka Koonfur Afrika, Maxamed Cali Samatar, oo isagana ku nuuxnuuxsaday in arimahani socda laga wada qeybqaato, islamarkaana aan ruux, koox iyo urur midna lagu eeganin horumarinta deegaanada iyo dadka reer Maakhir.
Si kastaba ha ahaatee, Jaaliyadda Maakhir State ee Koonfur Afrika, ayaa balan qaaday inay hiil iyo hooba la garab istaagi doonaan dadkooda iyo maamulkoodaba, si dib loogusoo nooleeyo bilicda deegaanadaasi, islamarkaana sare loogu qaado aqoonta dhalinyarada si mustaqbal wanaagsan uu u yeesho deegaanka.
Nuqul ka mid ah bayaanka Jaaliyadda Maakhir State ee Koonfur Afrika ku shirtay oo inasoo gaaray, ayaa waxaa ku saxiixnaa Gudoomiye ku xigeenka guud ee Maamulka Maakhir State :
Mudane Maxamed Deeq Sheekh C/laahi 
Tell : +27731076639

Sawirro + Video + Warbixin: Muqdisho kala duwanaa shalay iyo Maanta

Tani ma ahan Muqdishidii lagu bartay dagaalada, dilka, dhaca iyo nidaam la’aanta, hada waa caasimadii Soomaaliya oo dhamaan waxyaabihii lagu tilmaami jiray bari ka noqotay.

Dib u dhis ballaaran ayaa ka socda, dhismooyin hor leh oo indhaha soo jiidanaaya ayaa kusoo kordhay, kuwo kalena dhismo ayaa ku socda, waxaana magaalada laga dareemayaa isbadal muuqda oo sanadaha soo socda ka dhigi doona caasimad la mid ah kuwa dalalka geeska Afrika ugu quruxda badan.

Kala duwan shalay iyo maanta, hadii shalay indhahaagu qabanayeen guryo ku burburay madaafiic aan loo meel dayin, maanta indhahaagu ma qabanayaan guryo ay reebeen raadadkii dagaalada, ee waxaa daawaneysaa Muqdishadii cusbeyd.

Dad badan ayaa sharciga iyo wadooyinka Muqdisho ee Booliska iyo Taraafikada kala hagayaan ay la yaab ku noqotay, halka dhalinyarada qaarkood ay ugub ku tahay iney arkaan nidaamka cusub ee Muqdisho ka hirgalay oo aysan horay u soo arkin ama dagaaladii iyo burburkii kusoo dhex koray.

Tan aad la fajaceyso ee lagu farxo ayaa ah muuqaalka hoose ee Video-ga oo Wariye tegay Muqdisho ka diyaariyay horumarka dhinaca ganacsiga iyo qaab cusub oo dadka ay ku iibsanayaan alaabaha daruuriga ah E-Cash oo ah qaab ku cusub dalka, waxayna dadka alaabahooda ku iibsanayaan E-Cash-ka oo Taleefanka Mobile-kaada aad wax walbo ku gadaneyso iyadoo dadka aysan wax lacag ah gacanta ku qaadaneyn.

Qurba joogta Soomaaliyeed ayaa noqday kuwo dalkii ku laabtay oo ganacsigii sare u qaaday, iyagoo magaalada kusoo kordhiyay ganacsiga Makhaayadaha, Hoteeladda iyo goobaha dadku ay ku sheekeystaan oo qaab casri ah lagaaga iibinaayo wax walbo.

W/Q: Ali Muhiaddin
Warfaafiye.com

Halkan Hoose Ka Daawo Video-ga iyo Sawirrada

muq 1muq 2muq 3muq 4muq 5muq 7

 

DF oo ku dhowaaqday war farxad leh oo ku aadan ciidamada qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay dhaqaale badan ku bixin doonto dhismaha iyo xoojinta ciidamada Soomaaliya, si ay u badalaan mustaqbalka dhow kuwa AMISOM ee jooga Soomaaliya.

Isagoo ka hadlaayay wasiirka maaliyadda iyo qorshaynta ee xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xasan Saleebaan fadhi xildhibaannada baarlamaanka uu ku yeshay xarunta golaha shacabka ayuu sheegay in ciidamada xoogga Soomaaliya la siin doono dhaqaale ku filan si loo adkeeyo ammaanka waddanka.

Wasiirka ayaa mar la waydiiyay miisaaniyada ay soo bandhigtay xukuumadda sannadka 2013-ka in ay ku jiraan kuwa ciidamada ayaa sheegay in miisaaniyada xukuumada cusub ay dajisay in ay ku jirto dhaqaalaha la siinaayo ciidamada.

Wuxuu intaas ku daray in dhaqaalaha ku xusan miisaaniyadda xukuumadda ee ciidamada loogu talagalay aanay ku koobnaan doonin xisaabta la gudbiyay, balse ay ku bixin doonaan dhaqaale kale oo dheeraad ah, si ay u suuragasho sugidda ammaanka iyo difaaca dalka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaley kulamo ay saxaafadda bannaanka ka joogtay ku yedeshay Muqdisho, kuwaasoo ay uga dooddayaan miisaaniyadda ay xukuumadda Soomaaliya u gudbisay.

Si kastaba, madaxwaynaha Soomaaliya oo ka hadlaayay casho sharaf ay u sameeyeen isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayo jaaliyadda Soomaalida ee waddanka Uganda, wuxuu sheegay in wixii hadda ka dambeeya askarta ciidamada dowladda mushaarkooda ay ka qaadan doonaan Dahabshiil, isla markaana laga hortagi doono musuqmaasuqa ka dhaca lacaga loogu talagalay ciidamada.

Dhowr jeer oo horrey ayaa dowladdu lacago ay ugu talagashay ciidamada waxa ay ku dhaceen jeebaba shaqsiyaad kale, taasoo keentay in askariga uu dhac iyo bililiq u geesto dadka rayid ah ama ku safra waddada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Afar dal oo Yurub ah oo dib u celin doona Soomaalida “Warbixin”

Denhaag (Caasimada Online ) Wasiirka  qaxootiga ee wadanka Holland, Fred Teeven oo isniintii la hadlay  baarlamaanka Holland, ayaa sheegay in amaanka caasimadda Soomaaliya, Muqdisho uu soo hagaagay  oo hada dib loogu celin karo dadka daganaashiyaha Holland loo diido.

Sida uu qoray wargeyska DutchNews, dowladda Holland waxay horay u hakisay in ay dib u celiso Soomaalida sharciga daganaashiyaha loo diido sababo  la xariiray dagaaladii ka jiray Muqdisho iyo nawaaxigeeda. Fred Teeven wuxuu intaas ku daray in wadamada Germany, Sweden iyo Belgium ay dib u bilaabayaan celinta Soomaalida codsigooda magangalyo doon la diido.

Soomaalidii diida in ay si iskood ah u laabtaan ayaa laga yaabaa in lagu xareeyo xarumo amaankooda la sugay, wasiirka ayaa intaa ku daray in aan Soomaaliya lagu celin doonin qofna inta baarlaanku uu ka soo saarayo hadal ku aaddan xaaladdan cusub ee soomaalya.

Soomaali badan oo loo diiday in magangalyo laga siiyo dalka Holland ayaa  banaanbaxyo ka dhigay Holland, kuwaas oo ka cabsi qaba  inay noloshoodu khatar gasho  haddii ay ku noqdaan dalka Soomaaliya.

Sweden ayaa horay u sheegtay  in ay yarayn doonto bixinta daganaashiyaha ay siiso soomaalida wadanka gudihiisa iska dhiibta isla markaan ay qiimayn doonti qofkii codsi magangalyo weydiista dhibka uu sheeganayo,  taas oo macanaheedu yahay in la joojiyey sidii hore oo qofkii la xaqiijiyo in uu koofurta iyo bartamaha soomaliya ka yimid sharciga loo siin jiray.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Holland

Gudniinka Fircooniga ah iyo Galmada

Gudniinka gabdhaha oo dadyowga Somaliyeed ku dhaqmaan loona yaqaan Gudniinka Fircooniga ah (Female Genital Mutilation) waa qalliin halis ah oo curyaamiya xubnaha taranka ee haweenka iyada oo la minguuriyo ama la gooyo qayb weyn oo ka mid ah xubinta taranka taas oo aan la suuxin xilliga qalliinka lehna xanuun daran oo ka fog raxmadda. Gudniinkanu waxa uu keenaa dhiig-bax weyn marka gabadha la gudayo iyo marka la guursadaba, ragguna waxay dhibaato weyn kala kulmaan maalmaha arooska.

Gudniinka Fircooniga ah waxa uu tirtiraa dhammaan wasladda hammad kordhinta ee haweenka ee ku daboolan xubinta tarankeeda iyo xataa dhinacyada xubintaba. Ma jirto meel ay Shareecada Islaamka kaga soo aroortay gudniinka darran ee lagu sameeyo gabdhaha. Shareecada Islaamku waxay oggoshay in gabdhaha lagu sameeyo gudniin fudud kaas oo ah in caarada kore laga jaro wasladda hammad kordhinta ee xubinta taranka haweenka iyada oo aan laga daadin dhiig, loo geysan dhaawac xun hareeraha xubinta taranka isla markaana aan saamayn xun ku yeelan caafimaadka nolosheeda iyo raaxada galmadeeda marka gabadha la guursato. Gudniinka noocan ah ee fudud waxba uma dhimo abuuritaanka hammadda gabadha.

Galmadu waa shay dabiici ah oo qofka Eebbe ku abuuro inta uu noolyahay waana raaxo muhiim ah oo naftu iyo jidhku u baahanyihiin inay helaan [Spiritual pleasure and physical gratification]. Xilliga hordhaca galmada [Sexual foreplay] haweenka wakhti ka dheer ka ragga ayaa ay ku qaataan kicinta hammadooda waxaana arrintaas sii murgiya oo sii dheereeya Gudniinka Fircooniga ah sababta oo ah waxaa ka go’an wasladda dedejisa kicinta hammadda galmada.Goynta wasladda hammad kordhinta ee gabadha waxay la midtahay goynta qaybta hore ee xubinta taranka ragga. Xubin ka mid jidhka qofka oo Eebbe (S.W.T) u abuuro raxaada nafta iyo jidhka ee sayga iyo oorida xilliga galmada ma banaana in la gooyo sababta oo ah waxa ay ka horimanaysaa abuuritaanka Eebbe.

Shareecada Islaamku aad ayay u difaacdaa xuquuqda raaxada galmada ee haweenka waxa ayna qabtaa in ragga iyo haweenku ka simanyihiin xuquuqda galmada oo dhinac kastaba xaq u leeyahay inuu helo. Ujeedada guurka waxa weeye in lammaanuhu kala helaan raaxo, ubad, iyo inay ka horjoogsato dembiga macsida ah ama sinada. Waxay kale oo raaxada galmadu u suurtogelisaa lammaanaha inay ku noolaadaan xasilooni, jacayl, kalgacal, iyo naxariis. Eebbe (S.W.T) isaga oo tilmaamaya wanaagga iyo qiimaha guurku leeyahay ayaa waxa uu Suuradda Arruum, aayadda 21aad ku leeyahay, “Oo waxaa ka mid ah Aayadihiisa inuu nafihiinna idiin abuuray ooriyo si aad ugu xasishaan, waxaanu ka yeelay dhexdiinna [Ragga iyo haweenka] kalgacal iyo naxariis. Waxaa runti arrintaas ugu sugan calaamooyin [Caddaymaha jiritaanka Eebbe] qoomka fekera.” Haddii ooridu ka dhawacantahay xagga galmada oo aanay ka helin raaxadii ay xaqa u lahayd ee Gudniinka Fircooniga ah ka duudsiyay waxaa hubaal ah inuu dhaawacanyahay isna kalgacalka ama jacaylka ay u hayso saygeeda oo runtii aad u sarrayn lahaa haddii aan hammadda laga dhaawicin.

Waxaa la soo weriyay in samankii Nebi Muxammed noolaa (N.N.K.H) ay haweeney Madina ku gudijirtay gabdhaha dabadeedna uu Rasuulku Ku yidhi, “Si daran ha u goyn waayo sidaasu waxay u fiicantahay gabadha waxayna u sii wanaagsantahay sayga [Guursandoona].” [Sunan Abu Daawuud]. Waxaan muran ku jirin in gudniinka fircooniga ah uu dhibaato caafimaad iyo dhibaato raaxaba u leeyahay gabadha isla markaana ninkeedu aanu jeclayn. Haddii aanu gudniinka fircooniga ah lahayn qiimo diimeed ama caafimaad waxaa markaas dadyowga Soomaalida laga rabaa inay ka fogaadaan caadadan xanuunka badan lagana qaado caafimaad xumada. Gudniinka Fircooniga ah waxa ay gabadhu kala kulantaa laba dhibaato oo naxdin leh kuwaas oo kala dhibaato wakhti gaaban oo haleesha gabadha maalmaha la gudo sida: Dhaawac, cabsi, xanuun daran, dhiig-bax, kaadi horjoogsi, yax-yax, niyad-jab, argagax iwm, iyo dhibaato haleesha wakhti dheer oo la socota nolosha gabadha sida: Hammadda oo dhaawacanta, caadada oo dhibaato ku noqota, fool raagta oo ilmuhu waayo meel ku filan oo uu soo maro, ku qalid ilmo, dhiig-bax weyn dhalmada kadib, wakhti saa’id ah oo ay ku jirto cusbitaalka marka ay dhasho iwm.

Dadka aaminsan Gudniinka Fircooniga ah waxa ay ku doodaan in gudniinkan noocan uu ilaasho bikranimada gabadha si aanay u haweysan ninba ilaa inta la guursado. Su’aashu waxay tahay: Haddii gabadha laga dilo hammadda Eebbe (S.W.T) u abuuray, sidee ayaa ay ugu hawoonaysaa nin Mustaqbalka? Maxayse ku falaysaa guurka haddii raaxadiisa laga dhaawaco? Guurka tiirarkiisa ama faa’iidooyinkiisa waxaa ka mid ah in gabadhu galmada ka hesho raaxo sida ninka iyo carruur. Xishoodka gabadha waa wax Eebbe ku talaalo oo ay ku ilaashato bikranimadeeda ee maaha wax gudniinku u ilaasho. Gudniinka Fircooniga ah waa dhaqan aad u xun oo oorida ka duudsiya raaxada galmada isla markaana saygu dareensanyahay in aanay isugu raaxaysan sida Eebbe u abuuray.

Dadyowga Somaliyeed meel kasta oo ay joogaanba waxaa la gudboon inay joogteeyaan ololaha lagu tirtirayo dhaqankan foosha xun ee Gudniinka Fircooniga ee ku salaysan cadowtinimada iyo raaxo dilidda si loo badbaadiyo xidhiidhka raaxada, farxadda, iyo wanaagga qoyska oo muddo dheer dhaawacnaa. Dhaqankan foosha xun waxaa isticmaala dalal badan waxaase uu ugu daran yahay dadyowga Somaliyeed, Suudaan, iyo Naajeriya.

Qore: Ibrahim Hassan Gagale

[email protected]

Taariikh: December 24, 2012.

 Ogeysiis

Maqaalkanu waa qodob ka mid Buug aan dhawaan soo saaridoono {In Shaa Allaah} oo ka hadlaya guurka, qoyska, iyo galmada. Waxaan dhawaan soo saarayaa buugga oo Af-Somali ku qoran, dabadeedna waxaan xagaagga soo saarayaa isaga oo ku qoran Afka Ingiriisiga. Buugtan waxaa loogu talagalay dhammaan dadyowga Somaliyeed meelkasta oo ay joogaanba. Buugga ku qoran Luqada Ingiriisiga waxaa loogu talagalay dhallinyarada dadyowga Somaliyeed ee u soo haajirtay Reer Galbeedka si ay u ilaashadaan dhaqankooda iyo Diintooda.

Ajaaniibtii xooga lagu soo furtay oo tagay magaalada Gaalkacyo

Shaqaallo ajaaniib ah oo gacanta ugu jiray kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ayaa maanta Xuriyadoooda dib u helay waxaana ay gaareen magaalada Gaalkacyo.

Tirada dadkan Ajaaniibta ayaa waxaa ay gaarayeen Markii hore 24 ruux laakiin labo kamid ah ayaa dhintay halka 22 kalana  Gaalkacyo la gaarsiiyay maanta.

Ajaaniibtan ayaa ka sheekeeyay markii ay gacanta kooxaha Burcad badeeda ay  ka soo baxeen ayaa sheegay in kooxaha Burcad badeeda ay ula dhaqmeen si ka baxsan Bini’aadinimada

Mid kamid ah laheestayaashii lasoo badbaadiyay ayaa ka sheekeeyay waxyaabaha ay la kulmeen intii ay gacanta kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay ku jireen.

Hadalkiisa ayuu intaasi wuxuu ku daray in kooxaha burcad badeeda ay ragaasi ushegeen inay dilayaan hadii aysan Dowladaha ay ka dhasheen iyo shirakada iskaleh markabka aysan bixin lacago madaxfurasho ah.

Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa muddo dhan saddex sano waxa ay heesteen markabka oo laga lahaa dalka Yemen shaqaalaha saarana ay udhasheen wadamo kala duwan.

Agaasimaha La-dagaalanka burcad badeeda Puntland Cabdirisaaq Maxamad Axmad (Ducaysane) ayaa isna sheegay inuu fariin udirayo kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo uu sheegay inuu waqtigooda dhamaaday aysana kusoo ganban doonin xeebaha maamulka Puntland.

Shaqaalahan Maanta la gaarsiiyay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa xoog kaga soo furtay kooxaha Burcad badeeda Ciidamada Bada ee Puntland.

 

Daawo Muuqaal Qurux Badan oo laga soo duubay Garoonka Adan Adde.

0

Muuqaalka Maaanta aan idiin soo gudbineeyno waa Muuqaal kooban oo laga soo duubay Garoonka Caalamiga ah ee Adan Adde Airaport kaas oo ay ka soconeyso howlo dardar xoogan leh waxaana dareemeeysaa in Wadankii uu Nabad noqday.

Jawiga Goobta waa meel dagan Garoonka howlo badan oo shaqo ayaa ka soconeyso waana mashquul saa’id ah diyaarado baxayo iyo kuwo soo dagaya intaba waa isugu jiraan.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA OO VIDEO AH:

 

Ajaanib lagu dilay dalka Somalia

Wararka aan ka heleyno degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in kooxda burcad badeeddaay dileen la heyste u dhashay wadanka Denmark, oo horey loogala haray markab iyo shaqaalo ay madax furasho ka qaateen shufta badeedda Soomaalida.

Muwaadinka u dhashay dalka Denmark ee ay dileen kooxda burcad badeedda ayaa la sheegay inuu ahaa Injineer sare, waxaan kooxda shufata badeeddu dalbatay lacag madax furasho gaar ah in laga siiyo injineerkan, taasina waxaahorey uga biya diiday shirkadda iskalaheyd markabka uu la socday injineerka u dhashay dalka Denmark.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in dilka Injineerku uu ka dambeeyay markii ay dowladda Denmark ka gaabisay jawaab ay ka bixiso sii deynta burcad badeeda ayka qabteen xeebaha ku dhaw dalka Soomaaliya.

Bishii Janaayo ee sanadkii 2011-kii ayaa la xusuustaa in kooxaha burcad badeeddu ay injineerkani kala hareen markab uu saarnaa kaasoo ay la socdeen shaqaalo badankood u dhashay dalka Filibiin.

Ninka ajanabiga ah ee ay dileen burcad badeedo ayaa waxa lagu magacaabi jiray EddyLlopez waxa  uuna gacanta burcad badeeda ku jiray mudo sand ku dhawaad ah .

Toogashada muwaaidnkan u dhashay  Denmark ayaa imaaneyso iyadoo muddo lix bilood ah aanu shufta badeeddu qabsan markab,waloo lacago badan ay ka heshay shuftadu sii deynta maraakiib iyo shaqaalo ay horey u qabsadeen.

Burcad badeeda soomaaliya ayaa horay looga baran in ay dilaan shaqaalaha saran maraakiibta ay qafaashaan , waana fal ku cusub shufta baedeedda Soomaalida, hayeehsee dowladda Denmark ayaa kamdi ah wadamada dagaalka adag kula jira kooxda burcad badeedda Soomaalida.

Isha: Salaamanews.com

Dooni ku dagtay Xeebaha Puntland iyo ganacsto ku hanti beeshay

Garowe (Caasimada Online) Wararka naga soo gaarato deeganka Bander-beyla ee gobalka Karkaar ayaa sheegaya in dooni u rarneed ganacsato Soomaali ah ay ku degtay halkaasm karii ay ku kaceen dabeelo xooggan oo roobab wata.

Doonida ayaa la sheegay in ay ku soo keeday dekedda Magaalada Muqdisho,

Agaasimaha waaxda dowladaha hoose ee wasaarada arimaha gudaha maamulka Puntland Jaamac Xasan Xuseen hadda ku sugan deeganka Bandar-beyla ayaa saxaafadda u sheegay in dooni siday agab u badan bagaash ay ku degtay xeebaha bari ee deegannada Puntland.

Wuxuu sheegay in la soo arkay qaar ka mid ah alaabtii saarnaa doonta oo badda ay soo carisay, laakin doonida iyo shaqaalaha la socday in aan la ogayn meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

Dadka deeganka ayaa sheegay in ay arkeen qalab badan oo la sheegay in ay ahaayeen kuwii saarnaa doonida degtay.

Waxa goobta soo gaaray ciidamada gurmadka iyo shaqaale kuwaasoo baadi goob u galay doonida degtay.

Maamulka Puntland ayaa amray in la soo badbaadiyo doonida iyo shaqaalaha oo illaa hadda aan la hogeyn sida ay xaaladooda tahay.

Si kastaba, dabeelo xooggan ayaa ka bilowday xeebaha bari ee waddanka Soomaaliya, kuwaasoo horrey looga digay.

Illaa hadda khasaaro baaxad leh oo ay geesteen dableelaha rooababka wata lama soo sheegin.

Meelaha la sheegay in ay ku dhufan doonto dabeelaha wax aka mid ah mid ah degmada Caluula iyo tuulooyinka u dhow.

Duufaantan oo ku socota xawaare u dhaxeeya 30-ilaa 40 mile ayaa la saadaalinayaa in marka ay dhulka soo gaarto uu xowligeedu is dhimo oo uu noqdo 18 mile.

Sannadkii 2004-tii ayaa meelo badan oo xeebaha bariga Soomaaliya waxa ku dhuftay Sunaami xooggan , waxana uu geestay waxyeelo xooggan oo dad iyo duunyo ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garowe

Adel Taarabt oo sheegay inuu ku wajahan yahay AC Milan.

Kubad Sameeyaha Muslimka ah ee kooxda Queen Park Rangers Adel Taarabt ayaa shaaca ka qaaday inuu wadahadalo sida macquulka ah uu ugu dhaaqaaqayo AC Milan uu kulan jiro, xilli kooxda San Siro ay dooneyso inay dib u dhis weyn isku sameyso.

Xidiga dalka Morocco ayaa sheegay in wakiilkiisu uu wadahadalo magaalada Milano kula jiro Madaxweyne ku xigeenka kooxdasa Adriano Galliani, xidigaan ayaana horaan iska diiday inuu ku biiro kooxo Premier League ah ama Real Madrid ama Barcelona midkoodna.

Taarabt ayaa xiligaan fure u ah kooxda QPR xilli uu gaarsiiyey guusoodii ugu horeyay ee Premier League xilli ciyaareedkaan kulan ay hornaantii bisha tan wajheen kooxda Fulham, wuxuuna dhaliyey labada gool ee kooxdiisu ay ku badisay, bandhigiisa ayaana xidigaan ka dhigaya inuu ka ciyaaro meel ka baxsan London.

Taarabt ayaa u sheegay wargeyska kasoo baxa Talyaniga ee Gazzetta dello Sport: “Waan diidi lahaa dalabyo iiga yimaada kooxaha waa weyn ee Ingiriiska hadii ay Milan isoo dalban laheyd.

“Wakiilkeyga ayaa wadahal kula jira Galliani, laakiin waxay ku xiran tahay xaalka Robinho iyadoo lasoo warinaayo inay Milan diirada saareyso Javier Pastore.

“Milan hada maahan koox waqti fiican ku jirta, kamana mid ahan kooxaha sar sare.

“Si kastaba, hadii aan ku biiro Milan markaas waxaan ku daah furan lahaa kooxo waa weyn sida Real Madrid iyo Barcelona.”

Taarabt ayaa la aaminsan yahay inuu guulo ku gaari karo kooxda Talyaaniga ka dhisan, sida saaxiibkiis ay horay ugu soo wada ciyaareen Tottenham ee Kevin-Prince Boateng.

Rafael Benitez: Chelsea weli way u tartami kartaa Horyaalka EPL.

Tababare Rafael Benitez ayaa shaaca ka qaaday inay  Chelsea weli xilli ciyaareedkaan ku tartami karto horyaalka Barclays Premier League.

Ka dib markii ay 8-0 ku xasuuqeen kooxda Aston Villa Axadii, Benitez ayaa diiday inuu meesha ka saaro inay kooxdiisu qaadi karto Horyaalka, inkastoo ay 11 dhibcood ka dambeeyaan hugaamiyeyaasha Manchester United.

Markii la weydiiyey inuu ciyaatoydiisa u sheegi doono inay ku guuleysan karaan Horyaalka, Benitez ayaa yir: “Waxaan arki doonaa ka dib laba ama sedax kulan.

“Waad arki kartaa inay ciyaartoydu halsooni ku qabaan nafsadooda, waana aaminsan yihiin, marka waa inaan sugnaa dhamaadka.

“Waxay sameynayaan dhaqdhaqaaq fiican, fursado ayey abuurayaan. Hada hadii aan xaaladaan kusii jirto markaas waa ii fududahay inaan dhaho waan ku dagaalami karnaa.”

Gool dhaliyaha Swansea Michu oo loogu yeeray qaranka Spain.

Weeraryahanka kooxda Swansea City Michu oo la yaab ka dhigaya Horyaalka Ingiriiska ayaa looga yeeray xulkiisa Spain bisha February.

Vicente del Bosque, tababaraha xulka heysta Koobka Qaramada Yurub iyo Kan Aduunka, ayaa xaqiijiyey inuu 26-jirkaani ciyaari doono kulanka saaxiibtinimo ee  Spain 6da February magaalada Doha kula ciyaareyso Uruguay.

Weeraryahanka xulka Spian ayaa kula biiri doona dhigiisa kooxda Celta Vigo Iago Aspas, kaasoo la fahamsan yahay inuu Janaayo diirada u saran yahay tababaraha kooxda Swansea Michael Laudrup.

“Iago Aspas iyo Michu waxay kasoo muuqan doonaan kulanka (Uruguay),” ayuu Del Bosque u sheegay TV-ga Spain.

Michu ayaa ahaa xidig aad u dhameystiran tan iyo markii uu kusoo biiray kooxda Laudrup, wuxuuna xagaagii 2.2 milyan kaga soo dhaqaaqay kooxda Rayo Vallecano. Xidigaan ayaana ahaa dhaliyihii goolka barbaraha ee Swansea kulankii ay Axada Barclays Premier League ku wajaheen Man United, 13 gool ayuuna dhaliyey 18 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkaan.

Dhanka kale, Aspas, ayaa la yaab ka dhigay La Liga xilli ciyaareedkaan, wuxuuna dhaliyey lix gool 17 kulan oo uu saftay. Waxaana lagu qiimeeyaa 8 milyan oo ginni.

Benitez oo la dhacsan inuu D.Luiz qadka dhexe kasii ciyaaro.

Tababaraha Chelsea Rafael Benitez ayaa diyaar u ah inuu David Luiz kulamada soo aadan u isticmaalo qadka dhexe si ay kooxdu ugu tartanto Horyaalka.

Blues ayaa usoo hanqal taagtay horyaalka Premier League markii ay guul darro 8-0 ah cabsiisay kooxda Aston Villa kulan Axadii ka dhacay Stamford Bridge.

Daafaca dambeedka dhexe, Luiz, ayaana dhaliyey goolka labaad ee Chelsea oo ahaa Laad xor ah oo uu si cajiib ah u dhaliyey, waxaana lagu sii heyn karaa booskaas ka dib markii uu la yaab ku dhigay kooxda Villans.

Tababaraha KMG ah ayaa yiri: “Wuxuu leeyahay awooda uu ku ciyaari karo boos walba wuxuuna kooxda u yahay daafac cajiib ah.

“Dadku waxay dhahayaan sidoo kale doorka qadka dhexe wuu ku fiican yahay waxaan u maleynayaan way saxan yihiin.

“Kulankii aan wajahnay Villa ayuu tusay inuu booska qadka dhexe xakameyn kara wuxuuna leeyahay awooda uu ku sameeyo.”

Luiz, oo 25 jir ah, ayaa qadka dhexe ku wehlinaayey halyeey Frank Lampard iyadoo kooxda heysata Koobka Kooxaha Yurub Chelsea ay dib u heleen taageeradooda markaasoo ay la yaab ku dhigeen kooxda Paul Lambert.

SAF: Van Persie waa Eric Contana-ha cusub ee Man United.

Sir Alex Ferguson ayaa aaminsan inuu Robin Van Persie la mid yahay halyeeygii kooxda Manchester United Eric Contana.

Tababaraha United ayaa shalay daaha ka qaaday inuu Van Persie ku dhiman karay markii uu kubad madaxa kaga dhuftay daafaca Swansea  Ashley Williams.

Laakiin, inkastoo ay Red Devils barbaro 1-1 ah la gashay kooxda ka dhisan Wales Fergie ayaa arka sida uu muhimka u yahay xidigaan ay 24 milyan oo ginni kaga soo qaateen Arsenal xagaagii.

Tababaraha Scotland u dhashay ayaa yiri: “Abaal marinteena sanadka cusub waxaan helnay markii uu Robin van Persie yimid Old Trafford.

“Uma badni inta badan inaan ka hadlo hal qof maxaa yeelay waxaan rumeysanahay inay guusha kubadu ku timaado wada shaqeyn. Kooxduna kuma tiirsana hal qof laakiin waxaad mararka qaar nasiib u yeelaneysaa inaad hesho ciyaaryahankii kuu dhameystiri lahaa shaxdaada.

“Shaki kama taagna in sidii uu halkaan u yimid uu dhameystiray weerarkeena.”

 

Daawo Sawirada Bilicda Garoonka Koonis oo la dhigay cows macmila

Howl cows macmil ah lagu dhigaya garoonka Istaadiyo Koonis ee magaalada Muqdisho ayaa shalay lasoo gebe gebeeyay kadib muddo ay howshaasi socotay.

Cows-ka ayaa ahaa mid xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA uu ugu deeqay xiriirka Soomaaliyeed, waxaana cowska dhigay khabiir u dhashay dalka Holland.

Cowska cusub ayaa ka dhigay garoonka mid aad u qurux badan oo indhuhu u riyaaqaan

Daawo Sawirrada.
coos 4coos 5coos 6coos 1coos 2coos 7coos 8