26.8 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Xog iyo Gorfeyn: Dawladda Deegaanka Khaatumo: Ilaalinta midnimada Somalia

Khaatumo state of Somalia ayaa ah maamul u dhisan habkii dawladii xornimadoonka ahayd ee daraawiishta taas oo uu gundhig u ahaa ilaalinta midnimada iyo xornimada shakhsiga Soomaaaliga ah. Dawladii daraawiishta oo lawada ogyahay halgankii dheeraa ee ay u gashay jiritaanka umada Soomaaliyeed waxaa saldhig u ahaa deegaan qalalaasaha ka jiraa ay wali sabab u tahay ilaalinta midnimada iyo jiritaanka umada Soomaaliyeed.

Deegaankaasu waa deegaan leh baaxad iyo dhul istraatiigi ah taas oo halgamayaashiii daraawiishtu u door bideen inay saldhig iyo udub dhexaad u noqoto halgankoodii xornima doonka ahaa.maqaalkan waxaan uga gon leeyahay inaan ku ifiyo in Soomaalia ay leedahay dad mar kasta u taagan midnimada iyo jiritaanka umada Soomaaliyeed taas badalkeedana kula kulma caqabado siyaasadeed, dhaqaale iyo waliba faragalin ciidan.

Khaatumo waxay ku taalaa waqooyiga Soomaalia halkaas oo uu gumaystihii ingiriisku mariyay calaamadii xadaynta inkastoo dadka daganaa dhulkan khaatumo ay ahaayeen kuwa gumaystahaasi kala horyimi halgan hubaysan oo ay ahaayeen dadkii ugu horeeyay bariga afrika ee la dagaalamay sancadaalihii gumaystaha ahaa ee ingiriiska. Deegaankan waxa uu ka mira dhaliyay hamigiisii ahaa masaxida xad beenaadka Soomaali lagu kala xayndaabay waxayna calankoodii dharaar cad kula midoobeen Soomaalidii koonfurta oo iyaguna ahaa kuwo la harjadaya hagardaamooyinkii gumaysataha talyaaniga. Waxay Soomaalidu noqotay kuwa fahmay waxa ay dadka deegaanka khaatumo ay mar hore fahmeen u hureen dhiig iyo dheefba ayna ku waajaheen baqoortooyadii aduunka abid ugu  wayneed xilligan casriga ah, ingiriiska. Kadiba yagleelidii Soomaalidii waqooyi iyo koonfureed dadka reer khaatumo waxay u jeesteen u adeegida danta guud iyagoo si kastaba qayb laxaadleh uaga ahaa dawladihii soo maray dalka Soomaalia. Nasiib darro, Soomaalia waxay ku dhacday hog ay adagtahay inay ka baxdo waxayna dhuunta u gashay cadaw awalba u hamuun qabay Soomaaliduna waxay noqdeed dadka ugu nugul umadaha caalamka waxayna hoos uga dhaceen xaalkii ay ku jireen xilligii gumaystaha waxaana helay cadaw aan ill iyo baartoon reebin. Waxaa lagama maarmaan noqotay in la helo dad u istaaga badbaadinta umadan sidii ay daraawiishtu u badbaadiyeen waxay qaadatay waqti badan in la helo dadkaas waxaana Soomaaliyada burburtay ka da’ayay dhiig iyo musiibooyin aan tiro lahayn waxaa kamid ahaa fikradaha dib daxalka looga tiray tii ay aabayaashi shacabka khaatumo u shahiideen ee ay gumaystihu uga caal waayeen inay maalin un mariyeen shacabka khaatumo arintaasi oo ah ” kala goynta umada Soomaaliyeed”.  Khaatumada casriga ah waxay u istaagtay ka hortagida aaxooyinkaas qabyaaladaysan ee lagu kala goynayo umada Soomaaliyeed. Waxaanan waqtigan la soconaa inay Soomaaliya ka socdaan dagaalo ku slaysan qabyaalada kooxo diimeed iyo maamulo dhul isku haysta. Dagaalka aan joogsiga lahayn ee ka socda waqooyiga Soomaalia waa mid in badan oo Soomaaaliyeed ay saari la yihiin qaar ayaa ku sifeeya

– Mid qabiil

– Dhul durugsi

– Maamulo

Dhamaan fikradahaasi waxay hareer mareen qeexida halganka barakaysan ee shacuubta khaatumo. Ma ahan mid qabiil, waayo qabiilka khaatumo dagaai waxaa jenbiga ku haya mid ay isu isir dhaw yihiin gurmad iyo gaashaana uma loodiyaan. Ma ahan mid dhul durugsi, waayo waxay ka socon lahayn hareeraha kalle. Mana ahan mid maamulo. Waa dagaal u dhaxeeya ” midnimada iyo kala goynta “mana ahan dagaal ku cusub mandiqadan waa kii uu halyeeygii Soomaaliyeed kana soo jeeday khaatumo uu lahaa

Anagoo taleex naal jihaad taladii soo qaadnay.

Waxaan kusoo gunaanadayaa shacabka khaatumo oo taariikh fac wayn u leh ilaalinta midnimada iyo sharafka umada Soomaaliyeed , Soomaaliya ma u abaal celin doonta mase waxay mari doontaa wadadii hore ee ay kaga abaal ka dhaceen agoomihii ay ka tageen halgamayaashii daraawiishta. Waxaana taas barbarsocda in shacabka khaatumo aysan ilaah mooye aysan cid kalle kaashanayn kii u dhintay dharafka iyo qiyamka diintiisa iyo dalkiisa ilaah ayaa barakaynaya.  Suaashanu waxay gunaanad u tahay maqaalkan. Waa maxay cida masuuliyada u saartay shacabka khaatumo ilaalinta midnimada Soomaaliyeed ?

W/Q. Dr. Cabdijaliil Mohamed

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Dowladda Greece oo lagu eedeeyay tacaddiyo ka dhan ah Soomaalida

Brussels (Caasimada Online) Warbixin ay soo saartay hey’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa lagu eedeeyay dowladda Greece, in ay tacadiyo xooggan kula kacaan dadka maganlyo doonka ee gaara dalkaas.

Dad fara badan oo ka yimid Asia iyo Africa ayaa gaara dalka Greece, kuwaasoo doonaya inay magangalyo ka raadsadaan waddamada Yurub.

Hey’adda ayaa ku eedeesay dowladda in ay xirtay tobanaan kun oo qoxooti ah, oo ay ku jiraan carruur badan” taasoo ah mid fool xun ayaa lagu yiri warbixinta Amnesty International.

Dadka la dhibaateeyay waxa ku jira Soomaali badan oo qoxooti ku ah dalkaas, kuwaasoo doonaya in ay sii aadaan waddamada Yurub.

Afhayeen u hadlay Amnesty International  John Dalhuisen ayaa sheegay in dowladda Greece ayaa ku guul dareesatay in ay dhowrto qoxootiga magangalyo doonka ah ee tagaya waddankaas.

Wuxuu sheegay in tacadiyo ballaaran loo geesto qoxootiga ka soo gubta soohdinta Turkiga ee soo gala waddanka Greece.

Bishii August, bilayska waxa ay ku xireeb magaalada Athens in ka badan  1,100 magangalyo doon ah kuwaasoo aan wadanin wax dikuminti ah.

Soomaalida ku sugan dalka Greece ayaa la sheegay in qaar ka mid ah ay dawarsadaan dukuumada iyo hoteladda, mana jirto cid wax u qabta ama xannaaneeya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Yurub

FAALLO: AFKA HA LA OON TIRO !!!

Waxaan doonayaa inaan isweydiinno su’aalo dhawr ah, oo ku saabsan afkeena,  af Soomaaligu ma cid gaaraa leh? Mise waa hanti qaranbaa iyo dowladeed? Aqristoow is weydii  yaa xil ka saaran yahay Afka Soomaaliga?.

Aan ku billaabee, Soomaalidu waxay si toos ah u dareemaan baahida afka, markay qurbaha iyo waddamada dibadda yimaadaan ama mararka ay joogaan goobaha waxbarashada, ee intuu galo Maktabad, ama kaydka buuggaagta ay indihiisu qaban waayaan wax afkiisa ku qoran.

Waxaa kaaga sii daran marka ay joogaan  wadamada ay hayaanka iyo barakaca ku tageen ee Galbeedka, waxaa qasab iyo sandulle lagaga dhigaa inay bartaan afka waddanka ay ku nool yihiin, iyadoo qaarkood loogu hanjabo haddey baran waayaaan in lacagta kaalmada ah ee la siiyo laga goosan doono, xilli walba oo uu gooyo  barashada afka waddankaas.

In kasta oo ay aad u yar yihiin inta isku hawsha barashada afkeena hodanka ah, dhigmo iyo dhiwaqiisa, dhigaalba, dhaqan iyo hiddaba, suugaan iyo sooyaalba, oo dad badan u arkaan wax aan faa’iido laga gaarayn, balse ah, aragti gaaban iyo aqoon darro uu ka arradan yahay afkiisa.

Haddaan usoo dego ujeedka qormadayda, ayaan doonayaa inaan waxoogaa kaga hadlo shirkan lagu suntay af iyo eray bixin, aysanna ka marnayn in la soo bandhigi doono Qaamuuskii ugu weynaa ee abid ee laga qoro  Af Soomaaliga, shirka waxaa lagu casuumay Madaxda Gobollada Shanta ahaa ee Soomaaliya.

Sida ay sheegeen  raggii mudada dheer ka shaqaynayay qoritaanka Afka Soomaaliga waxay soo muteen dhibaatooyin iyo wacyi fara badan, oo ay kelliftey kala aragti duwanaanshaha, koox ama nin weliba, ee doorbidayey in  la qaato fekerkiisa, waxaa ka mid ahaa markaas farihii la soo bandhigay dhawr farood in la qoray, sida: Farta Cusmaaniya, Kadariya, Gadabiirsiya, laatiin, IKK.

Waraysi uu siiyey Qoraa, Abwaan Xuseen Sh. Axmed “Kadare” oo ka mid ah ragga tirada yar ee  hadda ka nool raggii qorey ee hirgeliyey afka Soomaaliga, warbaahinta Soomaaliyeed ayuu ku sheegay in la billaabay qoritaanka Afka Soomaaliga, ka hor xoriyada Dalka Soomaaliya, haddaba, waxa maalinba geeddi la guuro, oo guri la hadhsadoba,  gu’gii 1972 dii ayaa la dhaqangaliyey in la qoro Farta Af Soomaaliga, ee ah tan aan maanta qorayo.

Aqriste, mid muhim ah aan ku wadaajiyo, oo ah, in badan inaad maqasho in Kaligi Taliye Maxamamed Siyaad lagu ammaano inuu far Soomaaliga qoray, aan ku weydiiye; ma tahay ammaan uu mudan yahay? Qofka noolaha ah waxa uu sameeyo, waay kala yihiin; Waajib laga sugayey inuu guto iyo is xilqaan uu u sigaatay buuxin kaalin bulshadeed, haddaba, midda sare, teebay noqonaysaa labadan?.

Waxaan doonayaa  inaan qeexo af iyo inta la xiriirta, ee uusan ka maarmin adeegsi iyo ururinba, umadda aan intaas yeelan waxay qatar u u tahay in afkeedu lumo, maadaama baaritaanno badan lagu soo bandhigay in afaf badan ay dabargo‘ ku sigan yihiin, qaarna horeba u le’deen

Af, Suugaan, Hidde iyo Dhaqan 

Hidde iyo Dhaqan

Dhaqan waa; muuqaal si dhab ah uga turjumaya waxay Qowmiyadi leedahay, ee ay kaga duwan tahay kuwa kale, ee ah; Af, Hidde, Dhaqan, Fal iyo Farsama, ee ku umaddi wadaagto, iskagana raalli tahay midna dadka adduunka la wadaagto midna keligeed leedahay, mid hore u jirey iyo mid la unkayo ama la unki doono Xaajo ugub ama curad waa mid uun. Mid isbedesha oo laga guuro iyo mid soo kororta oo loo guuro. Dhaqankuse qaybaha nolosha ayuu galaa, gebi ahaanteed, oo ku dhisan hadday Qof Qoys ama Qaran noqon lahayd.

Dhaqanka Soomaaliyeed, marka la xuso, qofba meel ayaa u muuqata,  qofbaa waxaa u muuqda Hugii iyo hannaankii dhar xidhashadii. Qof kalana waxaa u muuqanaysa oo uu xasuusanayaa, xishoodkii iyo hamrashadii  gacalka iyo walaalaha. Mid kale ayaa waxaa u muuqanaysa, hiddihii iyo suugaantii. Mid kale ayaa waxaa u muuqanaya, Saanaddii hubka, Farsamadii  iyo hawl nololeed, sida xoola dhaqashada reer guuraanimada, beerallayda iyo  xeerarkii geedka looga dhaqmi jiray. Midbaa soo xasuusanaya, Dabshidkii,  Xidigintii IQB. Dhaqanka Soomaaliyeed maaha mid qalin qof iyo buug midna koobi karayo, balse,  isku soo doo wada duube, waa dhaqan umadi gaar u leedahay oo asal iyo astaan u ah.

Af 

Afku waa kan wax weliba ku jiraan, waa dhawaqa Carrabka iyo Dhuunta ka soo baxa ee ka soo fula dareenka maskaxda, ee aynu u isticmaalno erayeynta nolol maalmeedka, isu tagga erayo dhawr ah ayaa noqda weedh, oo dhawaqiisa markaad maqasho kuu samaynaya macnaha iyo ujeedka aad garan doonto waxa uu yahay,  Af waa wax umad u gaar ah oo ay u adeegsato heerarkeeda nololeed, waxaynu ku salaynaynaa  Afku waa dhawaq ay isku fahmaan bulsho weliba oo isku dad iyo deegaan wadaagta ama ku mideysan  afkaas ay ku hadlayaan afku waa hadal, Hadalkiina waa midka u sii kala baxaya; Hawraar, Hal-abuur, Hasaawe, ama Tix iyo Tiraab, hadalkaa umadeed ma jiro qof gooni u leh, ma jiro eray ka mid ah qof diidi kara adeegsigiisa, waa hanti la wada leeyahay, dadkana waxaa loogu jecelyahay, kan dhawra ee dhaqaaleeya, ee isku hawla, dayaca iyo darxumadana ka jira.

Afku wuxuu leeyahay  Jirrid ama Gun, Laan iyo Faraq, intaasoo qaybood waxay kordhinayaan aqoonta afeed,  walax kasta iyo qalab kasta wuxuu ku salaysan yahay afkaas iyo cidda afkaa lihi waxay u taqaan, waa magacyo iyo erayo  taxan oo tilmaan iyo abbaar lagu yaqaanno, oo kuu iba bixinaya la iskuna  af garanayo oo ku suntaysa ujeedka iyo oraahda qofka kale watey, weydiimo iyo war ama wacaal hadba kay doonto ha ahaatee, waa kan ay wax weliba ka soo farcameen.

Haddaba umaddeena Soomaaliyeed ayaa nasiib u yeelatey inay noqoto umad isku af ah oo aysan jirin afaf kale duwan oo ay isticmaalaan.

Afka iyo Muhiimaddiisa 

Waxaa dhacday inaan la sheekeystay, rag asxaabtayda ah oo kal kala yimid waddamo kala duwan, sida: Kameroon, Everycaosta iyo waddamo kale oo Afrikaan ah, oo dhammaantood ku hadlaya Afka Fransiiska, maalin maalmaha ka mid ayaan weydiiyey maxaa la yidhaahdaa Afkiina hooyo magaciis? Wuxuu mid weliba iigu jawaabay afkayga hooyo waa Fransiis! Waxaan is idhi ismaydaan fahmin, waan ku celiyey, wuxuuna iguu jawaab celiyeen waa Faransiis, markaasaan weydiiyey, 1884 ka hor, intaanu cadowgii gumaysigu iman Afrika maxaad ku hadli jirteen? Waxay iigu jawaabeen, waxaanu lahayn, luuqado kala duwan, oo markaad 50 Km socotaba aad gelayso luuqad kale oo aan tii kale meel ka shaabihin, wuxuu markaa nin weliba ku qasbanaa inuu barto inta jiiraan la ah, luuqadahooda  si ay isu fahmaan oo ay u kala adeegtaan, waxay yidhaahdeen, luuqaddan Fransiiska ayaa waxii oo dhan meesha ka saartay, waxaanu leenahay hadda hal Af oo la yidhaahdo Fransiis.  Waxaay i weyiideen maxaad ku hadashaa adigu? Waxaan idhi waxaan leyaahay luuqad la yidhaahdo Soomaali oo qoran oo caalami ah, dad intaas xaddi le egna ku hadlaan, kadib ayay  iigu jawaabeen, Awooyaashaa ayaa kuu hiilliyey, oo la dagaallamay Gumaysiga, balse, haddii aydaan Talyaani, Ingiriis iyo Fransiis,  iska celin lahayn, luuqaddiisu way lumi lahayd, waxaanad ku hadli lahayd af nin Yurubiyaan ahi leeyahay sida anaga oo kale, maalintaas waxaa halkaas iiga baxay inaan haysto wax aan dheerahay qayrkay oo ah, Af, Hidde iyo dhaqan ii gaar ah, oo aan cidina ila wadaagin, waa wax lagu faano, inkastoo dad badan oo Soomaaliya oo aqoonyahanno isku sheega u maleeyaan ilbaxnimo luuqadaha ajaanibka ama  afafka qalaad.

Suugaan 

Suugaantu waa qayb  ka mida laamihii iyo faraqyadii  aan soo sheegnay ee afku lahaa haddaba,  waa maxay Suugaani?

Suugaan waa eray kulmiyana: hawraar kastoo hannaan, habdhac iyo heenso u gaara leh. Suugaannna asal ahaan waxay ka timaaddaa hadal, hadalkana waxaa loo kala saaraa: Tix iyo Tiraab ama Hawraar iyo Hal abuur.

Maansadu waxay u kala baxdaa qaybo badan, sida: Gabay, Guuroow, Geeraar, Jiifto, Shirib, Masafo, Saar, Buraanbur, Hees, oo dhawr nooca ah, Hees Hawleed, Hees Ciyaareed, Hees Carruureed iyo Heesaha cusub, ee iminka lagu xareediyo. Suugaanta waxaa kale oo ka mid ah Maahmaahda, Murtida, Halxiraalaha iyo Hawraaraha Halqabsiga ah, ee sida joogtada ah loo adeegsado mid walba xilligeeda iyo xuskeeda gaarka ah lagu xusho. 

Qoraalka Afka

Qoraalku waa dhigaal afeed u gooniya afka lagu qorayo, isagoo la wadaagi kara xarfaha ama shaqallada qoraallo kale, oo laga adeegsado adduunka, ayey haddana, ku kala duwanaan yihiin; dhisme, dhigaal iyo dhawaq intaba. Sida maanta keenna oo ka mid qoraallada lagu qorey (Latin) haddana, qof walba oo dhigaalka Laatiinka yaqaan ayaa awood u lahayn inuu fahmo afkeena, lagase yaabe inuu kicin karo ama ku dhawaaqi karo, hadduu isku dayo  inuu aqriyo, inta uu ka oggaanayo isbedelka xarfaha laatiinka ee ay luuqadaha ku qorani adeegsadaan, waa halkuu ka yidhi Abwaan Cabdule Raage Taraawiil.

Labaatan iyo laba aamustiyo, shaqal irmaaneeya

Amraniyo tilmaamiyo gudbe, aade iyo jooge

Isku-dare, xiriiriye falkaab, ereyadeenii ah

Ebyaniyo haddaan magac-u-yaal, ku arkay joornaalka

Mar haddii afkaygii la qoray, aabbe iyo hooyo

Mar haddaan ammaahsigi ka baxay, lagu agoontoobay

Abaal waxa leh nimankii fartaa, soo abaabulaye

Amiirnimo sin iyo garab jirtay, nagu abuureene

Afafkaa qalaad iyo maxaa, eregta ii dhiibtey

Anaa macallinoo raba dad loo, furo iskuulaade

 ~ Cabdulle Raage Taraawiil, 1972

Qoraalkii ayaa wuxuu noqday koobaha noo kaydiya, Dhaqanka, Afka, iyo Suugaanta, hadda qoraalkii Afka Soomaaliga oo laga joogo muddo hadda gaadhaysa, 40 sanadood ayaa waxaa  dhawaanahan, la maqlayey in la doonayo in la horumariyo, Afka, xeerarka dhigaalka iyo qoraalka afka soomaaliga, hab iyo hannaan iyo higaad iyo hawraar la isku raaco oo loo qaato tan keliya ee loo adeegsan karo, marka wax la qorayo.

Waxaa la sheegay in lagu qoray Jamhuuriyada Jabuuti aan walaalaha nahay Buug la yidhi waa Qaamuuskii ugu weynaa ee afka Soomaaliga.

Berigii hore waxaa dhammaan umadda Soomaaliyeed isku raacday in la qoray Af Soomaaliga, balse, uu qabyo yahay, Qoraal ahaan, dhigaal ahaan iyo Dhismo ahaanba, aanna bal kuu balbalaadhiyee, aqriste,  wuxuu la mid yahay qoraalka aan maanta haysannaa, Guri  guudkii laga dhisay oo dadan, oo aan lahayn daaqado, albaabo, iyo xakabado lagu fuulo, sidoo kale aan lahayn, qaybihii nasashada  iyo raaxada, oo lagama maarmaan u ah nolosha, tusaalahani wuxuu sheegayaa in umadda Soomaaliyeed leedahay  qoraal afeed la yaqaan, balse,  aan dhammaystirnayn una baahan qabyotir xooggan oo aan loo kala hadhin.

Waxaan ka wada dhereg sannahay, umadda Soomaaliyeed ayaa nin weliba wuxuu isu yaqaana  keligii Soomaali, oo gobol walba haddaad tagto ama la sheekaysato bulshada ka timid waxay isku sheegayaan inay yihiin; dadka ama gobolka ugu faraca wanaagsan ee ku hadla af Soomaaliga ugu quruxda badan uguna hoddansan, anigu anigoo dhalinyaro ah, ayaan waxaan tegay 11 Gobol oo dalka ah, oo ku kala yaalla, Waqooyi, Bartamaha, Koonfurta dhaw, iyo Galbeedka. Intii u dhaxaysay, 1988-1998 Waxaana nasiibku ii saamaxay inaan  wax ka oggaado, kala duwanaanshaha, Farac afeedka ama laamaha afkeena, ma jiro, farqi weyn oo u dhaxeeya marka laga reebo qaab odhaaheedka carrabka oo kala yara geddisan, balse, erayga Soomaaliga ahi ma kala gedisnaa karaa, Tusaale ahaan: “Waa Cadhaysanahay, Waa caraysanahay, waa caraysnahay, balse, waxaa jirta inay dhammaan gobollada Soomaaliyeed, dhinacyada Suugaanta, ciyaaraha, heesaha xoolaha,  qaab nololeedka reer guuraaga iyo beeralayda iskaga mid yihiin.

Waxaa jirta haddaba isu dhawaansho dhinaca afguriyada ah, bal aan is raaciyo intii isku koox ah ama wadaagta, farac af Soomaaliyeed iyo dhawaq isku mida.

Gobollada: Waqooyiga, Sool, Sanaag, Togdheer, Hargaysa, Awdal oo isku qayb ah.

Gobollada: Barriga, Nugaal iyo Barri, qayb Sanaag ah iyo Qayb  Sool ah

GobolladaDhexe: Mudug, Galguduud iyo Hiiraan.

Gobollada: Shabeelooyinka

Goboladda: Jubbooyinka iyo Qayb Gedo ah

Gobollada: Bay, Bakool iyo Qayb Gedo ah

Gobolka: Banaadir. Dhammaan Afguriyadaa oo dhan ayaa looga hadlaa iyo Af Magaalada dadkeeda u gaar ahna waa jiraa.

Waxay isku farac afeed ama af guri isku yihiin hadba inta is oollin xigta kuma aanan salayn anigu sida ay isu xigaan dhinacyada  dhalashada ee sida ay isula degaan ayaan ku saleeyey oo isugu afguri iyo dhawaq dhaw yihiin.

Dhinaca Dhaqanka Farqi uma dhaxeeya

Gu’gii 1993  ayaan waxaa tegay degmada Xarardheere, waxaa nasiib u yeeshay inaan soo raaco geel la waraabinayo ceelka degmada xarardheere, anigoo aqoon in badan arkay geel la waraabinayo, qalabka iyo dhaqamada geela qaybo ka mid ah ee gobolka Togdheer weliba Hawdka in badan tegay ilaa deegaamada, Balli dhiig, Buuhoodle, Duruqsi, Oodweyne,  iyo tuulooyin badan oo ka sarreeya, sida Gaashaamo, Yucuboole ilaa Marqaan, dhulkaas oo aad iyo aad geela looga dhaqdo, dabeecaddihiisa iyo dhaqamadiisa aad looga xiiseeyo.

Markii geelii la soo tubey ayaa la kala horey, oo horweyn iyo irmaan loo kala saarey. Waa sidaan ku  iqiinnaye, Irmaankii markuu fulay ayaa horweyntii ama gaanihii isagana la soo tubay, waa loo heesayaa, wuxuu yidhi wiilkii xarardheere geela ku waraabinayey, sidan:

“Sool inaad tegi soddona aad qadi saas biyaha ku cab”.

Waxaan weydiiyey miyaad taqaana  Axmedoow Sool, iyo Nugaal? Wuxuu yidhi:  “waqooyi iney iga xigtaan ogahay, balse, heestu waa hees caan ah”

Waxaa kale oo loogu heesayaa geelaas, markuu soo fulay:

“Xabado badan oo xinjiri taal, xayaad ololaay”

 “Faruur dhabashada, nin fudfudiyo fuluhu ka cabsoo”

“Xalaal iyo xoog suu ku xero galo midna kuma xuma

Waxaa isoo baxday wiilka jooga Galguduud ama Mudug bari iyo kan jooga Buuhoodle ama Taleex  Xiis iyo Maydh, iyo Berbera inuusan jirin farqi dhaqan oo u dhaxeeya dhinacyada xoola dhaqashada iyo reer guuraanimada, balse, maxaa jira, waxay kala leeyihiin deegaamadaasi, Af guriyo farac   afeed  aad markiiba fahmayno nin weliba gobolkuu ka yimid. Gobollada kale ee dalkuna waa la mid.

Haddaba waxaan uga socdaa intaasoo sheeko ah, Af guriyeedkaas ayaa maanta qof weliba warqada uu qorayo ama xafiiskiisa ka baxaysa ku qoraa mana jiro, af dhexdhexaad ah ama dhigaal umadda oo dhami ka dhaxayso tusaale.

Tusaale kale  intan oo weedhood keebaa sax ah keebaase qalad ah?

Eeddo xaawao waxay iibisaa  Tomaandho

Eeddo Xaawo waxay gaddaa Yaanyo

Eeddo xaawo waxay ka ganacsataa Mirooleey

Waryaa habeen horaato maxaa iigu gooysay,?

War habeen hore maxaad iigu jartay?

Waraa habeen hore  maxaa iigu gambisay?

War heedheh, habeen hore maxaad ii lug goysay? 

Iyadoo la isla fahmayo dhammaan ujeedka erayadan, ayaa haddana, jirin mid ah kii la isku raacay ee qoraal ahaaneed ama sida gaarka ah loo xushay,  halkaas waxaa ka soo baxaa inuusan jirin, qoraal la isku raacsan yahay, balse, uu jiro keliya qoraal Soomaali ah oo nin weliba u xor yahay sida uu wax ugu qoranayo.

Waxaa jira erayo  qoloba si u taqaan, oo mararka qaarkood, kaftan iyo jareexo badan dhaliya, la islana ogyahay qolo weliba sidey u taqaan, intii ka danbeysay Xornimada waxaa timid is dhex gal badan, oo dhinac walba ah, sida dhinacyada  guurka, deegaanka, iyo wada noolaanshaha, waqtiyadii dhibaatooyinka iyo dagaallada sokeeyana waxay fududeeyeen, inuusan jirin, qof Soomaaliya oo lahjad kale la yaabaya oo meel walba la isugu geeyey dadkii ayna isugu tageen iyagoo isku qasban.

Waxaan aamin sanahay in la gaadhay waqtigii ay Soomaalidu ku midoobi lahayd Guddi loo saaro oo baadhitaan qota dheer ku sameeya, is waafajinta afka, dhaqanka iyo dhigaalkaba, iyagoo dhinacna u burinayn. Tusaale  ninbaa waxaa lagu ammaanayaa hebel  nin ka af soomaali badani ma jiro, haddii uu u yimaado nin reer baydhabood ah, ama wallaweyn ama Kuntuwaarrey ka yimidna  Af gurigiisa ma yaqaan, deegaan weliba wuxuu leeyahay, ciyaaro, heeso, suugaan, way yartahay dadka inta taqaana, dhammaan deegaamada dalka oo dhan, marka qolo walba iyo gobol walba dadkooda suugaanta, iyo afka iyo dhaqanka iyo taariikhda ku xeeldheer ha la xulo,  hana la wada maro, deegaamada Soomaaliya, ilaa Herer ilaa Jabuuti Gaarisa ilaa iyo Ceelaayo waa iney cagta dhigaan, gobol walba waxaa laga helayaa

Af Soomaali iyo erayo aan laga helayn gobollada kale, markaas ayaa la dhihi karaa waxaa la qorey 50% Qaamuus ah, haddii Afka badhkiis la qorana inta kalena waa soo xero gelaysaa.

Waxaa kale oo aan kula talin lahaa Guddiyadaas haddiiba la magacaabo, iney u daneeyaan dhalinta waxbaranaysa, kuwa qurbaha ku dhashay iyo cid walba oo u baahan, oo Qaamuuska la qoro waa in la geliyaa, aaladaha casriga ah, ee  is turjubaana “Universal translator” Google Translator” oo ka caawin doona qofka inuu helo ama barto si sahlan kelmadaha ku adkaada ama qaab qoraaleedka saxan ee afkiisa.

Waxaa loo baahan yahay in la helo guddi madax banaan oo baadhitaan  dheer oo gaaraya 10 sano iyo ka badan  daraaseeysa, ka dibna dhidibada u aasa Af Soomaali la isku raacsan yahay, Dhawaq iyo dhigaal iyo habdhac iyo hannaankiisaba oo leh xeer, dabar  iyo xad aan laga gudbayn, si tuducda qaldan markiiba loo tibaaxo iyadoo loo adeegsanayo qodobbada iyo xeerarka ay u sameeyaan guddigaasi.

Ku hadalka nin weliba xor ayuu u yahay, af gurigiisa iyo faraciisa, balse,  nin hal gobol lama laba gobol aan dhinac u dhaafin lama dhihi karo waa nin aqoon dheeraada u leh Af Soomaaliga, saa maba yaqaan walaalkiisa kale faraca Af Soomaali ee uu ku hadlo iyo  adeegsiga erayadiisa, iyo qalab iyo qaab nololeedkisaba.

Suugaanyahanka Soomaaliyeed, iyo Qoraaga Soomaaliyeed waa kaydka iyo marjaca Af Soomaaliga waxaanan ku boggaadinayaa dhammaan bahda Suugaanleeyda ah inay ilaaliyeen, oo dhawreen hanti qaran iyo Qowmiyadeed, qalinlleeydana intii wax qortey iyo kuwa hadda qori doona waan ku dhiirrigelinayaa, waxaanse u sheegayaa afka maaha tuulada aad degan tahay iyo tan kuu dhaw iyo inta reerkiinu ku hadlaan ee waa umadda Soomaaliyeed oo dhan.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

“Aayatiinkeena oo idil ALYOOM buu kusoo idlaaday”!!?

21-ki sano ee ugu danbeeyay Somalia waxa ay ku sugneed xaalad la wada ogsoon yahay sida ay aheyd taasoo dhalisay in ay dad badan oo muwaadiniin ah ku nafwaayeen kuwa kalena ku naafoobeen halka qaarna ay wadanka oo dhan isaga carareen, iyagoo wadamo shisheeye qaxooti ku noqday.

Waxaa jiray dad iyaga aan waligood meelna ugu dhaqaaqin bacdii iyo bugtii la isku hayay daruufo ha u keento ama wadankaaga ku dhimo haba ka aheyd.

Marba heer waxa ay soo martaba Soomaaliya haatan xaalku sidii hore waa uu dhaamaa oo waxaa soo muuqanaya ifa faallo nabadeed & dib ugu soo laabasho ah & maalgashi xoog leh, abaabul qorshe ganacsi iwm.

Hadaba waxaa jirta in wax yaabo badan oo dhanka nolosha ah ay saameyn ku yelatay dowlad la,aanta taasoo saameyn ku yeelatay dhamaan umaddii oo iddil.

ALYOOM waa eray kasoo galay dhankaa iyo qurbaha siiba dalka Yemen oo Soomaali badan qaxooti ku yihiin, hadaba eraygan ALYOOM oo ah eray carabi ah ayaa waxa loola jeedaa wax hal maalin qura la isticmaalo, ALYOOM aad ayaa loo addeegsadaa waayahan danbe waxaana ugu wacan shaqadii oo noqotay mid aanan laheyn waxa loo yaqaano SAVE ama dhigaal.

Waxaa jirta dadka caadiga ah ee garab raratada ah ee qabta howlaha dhismaha, Xamaaliga, Darawalada, ay si aad ah u dhibsadeen noloshan ALYOOM ka ah waxaa dhacda in muwaadinka Soomaliyeed ee garab ra ratada ah in subixii sida uu uga soo dhaqaaqo reerkiisa marka uu habeenkii ku laabto xaafada waxa uu soo shaqeeyay ku ekaataa kaliya Jigada ama wixii beri la cuni lahaa bes.

Noloshan ALYOOMka ah waa mid ay qaati ka taagan yihiin dadka aan soo sheegay laakiin ay dhaanto in maalintaas ay ilmahu qadaan, balse dhibaatada jirtaa ee haysata garab raratada waxa ay tahay hadii ilmaha ka xanuunsado ama islaanta u dhasho ama xitaa xaalad deg deg ah galo lasoo deristaa wal wal iyo walaahow waayo ma haysto qarash uu ku daaweeyo sidaana ku qasbanaadaa inuu meelaha u car cararo ama deen soo qaato ama ku qasbanaadaa  inuu wacdo qof ehel u ahaa oo dibada jooga.

Noloshan ay ku nool yiihiin ragan sidoo kale ma maareyn karto haduu leeyahay Ilmm yar oo iskuul u dhigta waxa uu iaga bixiyo feega sidaana ku kalifmataan in xitaa ilmaha ay ka dhankooda ka raadiyaan ALYOOMka oo ay Caseye ama kuwa qaraabka ah iska noqdaan waayo ma haystaan daryeelkii rasmiga ahaa ee ay walidkooda uga baahnaayeen

Waxaaba ugu siidaran inta uu raadiska ku jiro inuu ka baaqdo shaqadii ALYOOMka, ka dibna ay dhacdo in maalintaas ilmaha qadaan inta uu wax raadis ku jiro, waayo shaqadiisa waxa ay aheyd mid maalintaas waxa uu so shaqeyso ah oo haduu uu iman sidaas ku seegaa mana jiro cid la xisaabtameysa marka uu baaqdo ileyn waa shaqo fursad ah, tusaale ahaan nimanka fuundiga ee guryaha dhisa shaqadooda waa ninkii yimaada inuu ka faaidaysta aan laheyn tiro kooban.

Sidoo kale dadkan garab raratada ah dhibaatada haysataahi waxa ay tahay in ay degan yihiin guryo ijaar ah bilkastana laga rabo ugu yaraan 50$ mana jirin wax save u ahaa oo uu ku bixinayo bilkastana aad arkeyso dad garab ra rato ah oo lagu dhagan yahay.

Waxaa jira Hooyooyin caawiya Aabayaasha shaqada ALYOOMka  hayo kuwaas oo qabta shaqooyin yar sida in ay miis ganacsi ku leedahay iridka hortiisa oo ay ku gado qudaar, sidoo kale waxaa jira iyana Hooyooyin Ayuuto gala oo dabira ijaarka guriga.

Si kastaba ha ahaatee arintan ayaa ah mid ay ka ca banayaan dadkan garab raratada ah hase yeeshee waxaan jirin cid xuquuqdooda ilaalisa, balse waxaa looga fadhiyaa dowlada in ay wax ka badasho shaqooyinka sidan oo kale ah una sameyso xuquuq dhamaan shaqalaha oo dhan sida caadiga ah marka qofka da noqdana u qortaa waxa loo yaqano (patient)

Ugu danbeyntii waxaan kusoo gaba gabeynayaa ninkii igu dhaliyay inaan qoro qormadan oo ahaa nin deris kayga kaasoo aan maqllo markasta isagoo leh “Aayatiinkeena oo iddil ALYOOM buu kusoo idlaaday”!!

W/D Asad Abukar Ali (Asad Dhayow)

Email [email protected]  

Goormee kugu Dambeeysay Degmada Wardhiigleey. “Daawo Video-gan”

0

Goormee kugu dambeeysay Muuqaalka Degmada Wardhiigleey ee Magaalada Muqdisho waa Muuqaal dhawaan laga soo duubay Degmadaasi oo ay Dadka kaga hadlayaan Xaalada Nololeed iyo mida Amaan tan iyo dagaaladii soo maray halkaasi.

Muuqaalkaan ayaan jecleeysanay in aad nala wadaagtaan oo aad maalinba maalinta xigta nala daawataan Muuqaal cusub oo dalkii laga soo duubay.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA OO VIDEO AH:

 

Muqdisho Magaalo Qaran oo aan Mudnaan lasiin. “Sababta Aqri”

0

Caasimadda dalkeenna Somalia ee Muqdisho, ayaa lagu tilmaami karaa inay ka mid ahayd Magaallooyinka Caalamka kuwa ugu Nabdoonaa, inkastoo 21-sanno ee ugu dambeysay ka mid noqotay Magaallooyinka ugu amni-daran Caalamka.

Qaddar Rabbi ka sokow, waxaa sababay inay Magaalladda Muqdisho noqoto magaallo Colaadeed, kadib, markii ay Dowladdii Dhexe ee Kacaanka burburtay bilowgii sannadkii 1991-kii.

Burburkaasi ayaa waxa uu sababay inay dillaacaan Dagallo-sokeeye, kuwo Siyaasadeed iyo kuwo Shaar-diimeed la huwiyey, iyadoo dhamacda colaadaha ay saamayn buuxda ku yeelatay Midnimadda Qaranka iyo Mustaqbalka Muwaadiniinta Somalia oo iyagu haatan badankooda wehel u noqday colaado, faqri, cudduro iyo barakac gudaha ilaa Dibedda ah.

Haddaba, Xilligan oo ay Saansaan Nabadeed iyo mid Dowladnimo muuqdaan, ayaa waxaa loo baahan yahay in dib loo dhowro Sharafta iyo Xuquuqda ay Caasimadda Muqdisho lahayd.

DFKMGS iyo guud ahaan Ummadda Soomaalida ee ku dhaqan gudaha iyo daafaha magaalladda Muqdisho ayaa laga sugayaa inay iska kaashadaan Dib-u-soo-nooleynta Nabadda iyo Bilicda Muqdisho, si ay taasi dhabaha ugu xaarto in la dhiso Maamul u gaar ah Caasimadda oo ka madax-bannaan Maamul-gobaleedyadda haatan la dhidbayo amaba kuwa horey loo dhidbay.

Haddaba, marka aad eegto Ololaha Siyaasadeed ee loogu tartamayo Dhismaha Maamul-gobaleedyadda, waxaad ka dareemi kartaa inaysan jirin Hadaf lagu badbaadinayo Maamulka Muqdisho ee Mustaqbalka lagu hagi doono.

Siyaasiyiin, Odayaal-dhaqameedyo iyo xubno ka tirsan Jaalliyadaha Soomaalida ee Dibedaha ku nool ayaa u xusul-duubaya inay afduub ku sameeyaan Nidaamka Maamul ee Gobalka Banaadir, kuwaasi oo durbadiiba soo bandhigay Maamul-u-yaallo ay ku asteynayaan Maamul-u-samaynta Magaalladda Muqdisho.

U-xusul-duubka noocaasi ah waxa uu horseedi karaa inay Beelo Khaas ah sheeegtaan Magaalladda Muqdisho, oo ay xaqiiq ahaan wada deggan yihiin Aqlabiyadda Beelaha Somaliweyn.

Waana ayaan-xumo inay jiraan Qabaa’illo, Siyaasiyiin iyo Shaqsiyaad ku naalloonaya inay Xuquuqda Caasimadda Muqdisho ka dhigaan Dhaxal-beeled aan lagu xad-dudbi karin, xilli ay Caasimadaha Caalamka yihiin kuwo loo dhan yahay oo aan Beelo Khaas ah loo dhaxal-siin karin.

Muwaadin kasta oo Soomaali, Waddani dhab ah waxaa la gudboon inay ka fekeraan Mustaqbalka Maamulka Magaalladda Muqdisho, isla markaana olole ballaaran loo galo sidii lagu dabar jari lahaa Aragtiyaha Dhaxalka Beelaha ee ay qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Danastayaasha iyo Odayaasha Dhaqanka hpor-boodayaan.

Aragtideenna Qaran ha ahaato in la dhiso Maamul u gaar ah Magaalladda Muqdisho, oo aan lagu lammaaninin Maamul-gobaleedyadda loo dhidbayo sidii midnumadda Qaranka Somalia lagu kala dhantaali lahaa.

Hal-ku-dhegga Ummadda Soomaalida ee deggan gudaha iyo daadfaha Muqdisho ha garwaaqsadaan inay Magaalladda Muqdisho tahay Magaal Qaran oo ka madax-bannaan Maamul-gobaleedyadda haatan u faxasayo Axdi-qarameedka KMG ee Nidaamka Federalka dhabaha u xaarayo.

W/Q. Wariye Anwar Bakhiit
Magaallada Jabouti
Email: [email protected]

Arsenal oo heshiis la gaartay shan ka mid ah ciyaartoydeeda.

Jack Wilshere, Alex Oxlade-Chamberlain iyo Aaron Ramsey ayaa ka mid ah shan ciyaryahan oo Arsenal u saxiixay heshiisyo waqti dheer ah iyadoo ujeedada Arsene Wenger ay tahay inuu kooxda ku dhiso ciyaartoyda da’yarka ah ee dalka Britain.

Sedaxda ciyaaryahan ee Gunners ayaa dhamaantood mustaqbalkooda u hibeeyey kooxda Waqooyiga London iyagoo saxiixay heshiisyo cusub, Kieran Gibbs iyo Carl Jenkinson ayaana u waafaqay labo ciyaaryahan oo kale inay kooxda qandaraaska u dheereeyaan.

Ciyaartoyda da’yarka ah ayaa kooxda Premier League isu geyn u saftay 350 kulan, Wilshere ayaana si gaar ah loogu qiimeynayaa kabtanka mustaqbalka koxda.

Wenger ayaa daaha ka qaaday heshiisyadaan cusub inay qeyb ka yihiin qorshihiisa dheer ee uu kooxda ku dhisayo, wuxuuna sidoo kale sheegay inay ciyaartoyda British-ka ah kooxda caawin doonaan mustaqbalka.

Dhamaan shantaan ciyaaryahan ee qandaraasyada cusub u saxiixay kooxda ayaa u saftay qaramadooda, Ramsey ayaa xulkiisa Wales u saftay 24 kulan, halka ciyaartoyda kale ay England u safteen.

Spian oo weli ku jirta kaalinta 1aad ee qiimeynta FIFA.

Qiimeyna bilaha ah ee xulalka aduunka ayaa la sameeyey iyadoo tobanka xul ee ugu sareysay bishii hore aysan waxba iska bedelin bishaan.

Spain ayaa hugaamineysa kala sareynta xulalka aduunka waxanaa booska koowaad ilaa afaraad buuxiyey Germany, Argentina iyo Italy.

Xulka dhaca Koonfur America Colombia ayaa ku dhameystay kaalinta shanaad, Ecuador ayaa gashay kaalinta 13aad, halka xulka Mali uu galay kalinta 25aad.

Hadaba hoos ka eeg kala sareynta bilaha ah ee qiimeynta xulalka aduuna ee Fifa.

Darajo Magaca             Dhibco

  
  1Spain16060 
  2Germany14370 
  3Argentina12900 
  4Italy11651 
  5Colombia11643 
  6England11510 
  7Portugal1144-3 
  8Netherlands1124-1 
  9Russia10700 
  10Croatia10640 
  11Greece10331 
  12Switzerland10044 
  13Ecuador9994 
  14Côte d’Ivoire9951 
  15Mexico994-1 
  16Uruguay975-5 
  17France9491 
  18Brazil946-5 
  19Algeria8870 
  20Sweden8703 
  21Belgium868-1 
  22Japan8402 
  23Denmark821-1 
  24Norway8102 
  25Mali8093 
  26Chile793-5 
  27Bosnia-Herzegovina7884 
  28USA782-1 
  29Czech Republic781-4 
  30Ghana777-1 

Xulkeena Somalia ayaa galay kaalinta 195aad waxaana ka hooseeya xulal dhowr ah oo ay ku jiraan Eritrea, South Sudan iyo San Marino.

Darajo            Magaca                       Dhibcaha      

 195Somalia27-2 
 196Eritrea24-4 
 196Seychelles24-2 
 198Macau231 
 199Kyrgyzstan201 
 199South Sudan201 
 201Cook Islands16-3 
 202Djibouti130 
 202Mauritius131 
 204Andorra11-1 
 205Anguilla40 
 206Mauritania30 
 207Bhutan00 
 207San Marino00 
 207Turks and Caicos Islands00 

 

Puntland oo ka warbixisay Maydad horleh oo laga helay Xeebta Boosaaso

Maamulka Puntland ayaa maanta sheegay inay gacanta ku soo dhigeen doomo lagu tahriibiyo dadka Shacabka ee Yaman doonaya.

Wasiirka Kaluumaysiga Maamulka Puntland Maxamad Faarax Aadan oo warbaahinta lahadlay maanta ayaa sheegay inay bada ku soo caaariyeen dad kale oo horleh oo gaaraya afar ruux oo qayb ka ah 18 kii ruux ee shalay ku soo caariyay xeebaha gobolka Bari gaar ahaan deegaanka Caluula.

Maalintii shalaya ayay ahayd Markii doon ay dad shacab ay la socdeen oo tiradooda ay gaarayso 60 ruux ay bada kula qanibtay doonidii ay la socdeen taas oo aan ka fogayn Xeebta magaalada Boosaaso.

Wuxuu sheegay in maanta la aasay dadkii Shalay ay bada soo caarisay Islamarkaana ay gacanta ku dhigeen 18 doon oo kuwa Tahriibka ah.

Wasiirka Kaluumaysiga iyo qayraadka Bada Puntland ayaa carabaabay inay wadayaan howlgalka ay ku soo qabanayaan kooxaha wax tahriibiya iyadoo shalay dadka dhintay ay ku jireen rag,Dumar iyo Caruur 4 sano jir ah.

 

Drogba oo Juventus ka sokoow diirada u saaran AC Milan.

AC Milan ayaa Juventus kula dagaalameysa saxiixa Didier Drogba, sida uu qoray wargeyska Daily Mirror.

Sida Nicolas Anelka, weeraryahankii hore ee Chelsea ayaa isha ku haaya inuu kasoo hayaamo kooxda Shiinaha Shanghai Shenhua ka dib wax ka yar hal xilli ciyaareed.

Juventus ayaa xidigaan horaan dooneysay iyadoo dalbaneysa weeraryahanka heerka caalami ee dalka Ivory Coast, kaasoo 35 jir noqonaya sanada soo aadan, wuxuuna qandaraas 18 bilood ah kula jiraa kooxdiisa xilli ay Milan gaartay wareega 16ka Champions League.

Laakiin Milan, sidoo kale waxaa diirada u saaran  Mario Balotelli oo xaalad qasan kula jira kooxdiisa Manchester City, waxayna dooneysaa inay keento gegeda San Siro.

Kooxda Silvio Berlusconi ayaa isku diyaarineysa inay iibiso weeraryahanadeeda Robinho iyo Alexandre Pato si ay ugu laabtaan Janaayo dalkooda Brazil.

Drogba, ayaa kusoo laabtay Chelsea si uu tababar ula qaato wuxuuna isku diyaarinayaa Koobka Qaramada Africa ee bisha soo aadan, wuxuuna ka tegay kooxda Stamford Bridge xagaagii ka dib markii ay Blues usoo bandhigtay inuu qandaraaska hal sano ugu kordhiyo.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Mogadishu.

Wararkii ugu dambeeyay dab qabsaday Mehrado ganacsi oo ku yaala Afgooye

Faah faahino ayaa ka soo baxaya dab qasaaro gaystay oo ka kacay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose gaar ahaan halka loo yaqaan Koontroolka Baar Cismaaciil lagu magacaabo.

Waxaa la sheegay Sida ay noo soo Warinayaan dadka reer Afgooye in koranto uu kakacay dabka kaas oo qabsaday goob ganacsi ah oo ku dhawayd halka Korantada ay ka kacday.

Laakiin  dadka deegaanka ayaa daqiiqado kadib waxay ku guuleysteen in la damiyo dabkaasi waxaana jira hanti aan la ogeyn intay gaarsiisan tahay oo dabka uu baabi’iyey.

C/llaahi iideey oo ah Gudoomiyaha degmada Afgooye oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ciidamada dawlada ee kusugan degmadaasi ay ka qeyb qaateen ugurmashada dadkii saameyey dabkaasi.

Maamulka Gobolla Shabeelaha hoose  ayaa ugu tacsiyeeyay dadkii ku ceyrtoobay dabkii xalay ka kacay afgooye taasi oo iminka laga dareemayo raad reeb dabkii halkaasi ka kacay.

Man City iyo Man Utd oo dagaal ugu jira saxiixa Fernandinho.

Manchester City iyo Manchester United ayaa dagaal weji-ka-weji ah ku geli doona saxiixa xidiga qadka dhexe ee qaranka Brazil Fernandinho, aka Fernando Luiz Rosa, marka uu suuqa kala iibsigu dib u furmo bisha soo aadan.

Kooxda heysata Horyaalka Ingiriiska ayaa la fahamsan yahay inay heshiis is-af-garad ah la gaartay xidiga kooxda Shakhtar Donestk, si uu ugu soo dhaqaaqo Eastlands.

Laakiin haatan, Sir Alex Ferguson ayaa ku biiray loolanka kubad sameeyahaan kaasoo lagu qiimeeyo 20 milyan oo euro (16.5 milyan oo ginni).

Kooxda heysata horyaalka Ukraine ayaan u baahneyn inay xag dhaqaale isaga iibiso hantideeda tababare Mircea Lucescu ayaana doonaya inuu ilaashado xidigaan, ka dib markii ay kooxdu gaartay wareega 16ka Champions League.

Iyadoo ay Tottenham diiradu u saaran tahay William, Shakhtar ayaa laga yaabaa inaysan ganacsi sidaas ah sameyn, laakiin 27-jiraka Fernandinho ayaa isha ku haaya inuu sideed sano ka dib ka tago dalka Ukraine waxaana doonaya labada koox ee ugu sareysa Barclays Premier Laegue.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Mogadishu.

Arsenal oo xal waara la gaartay ciyaartoydeeda baxsadka ah.

Arsene Wenger ayaa isku deyeya inuu heshiisyo uu ku ilaashanayo la galo ciyaartoyda British-ka ah ee kooxdiisa Arsenal, wuxuuna wadahadalo nabadeed ay kula jirtaa kooxdu Theo Walcott.

Alex Oxlade-Chamberlain, Aaron Ramsey iyo Kieran Gibbs ayaa dhamaantood la isku afgartay inay qandaraasyo cusub kooxda u saxiixaan, halka Jack Wilshere sidoo kale qirtay inuu heshiis shan sano ah oo cusub kooxda u saxiixayo.

Laakiin wargeyska Mirror Sport ayaa daaha ka qaaday in xidiga qaranka England Walcott  uu wadahadalo nabadeed kula jiray Wenger Isbuucii lasoo dhaafay wuxuuna isku deyeyaa inuu xaliyo mustaqbalkiisa Gunners ka dib markii uu qiimihiisa kusoo bandhigay kulankii Isniinta ee Reading.

Hadaba Wenger ayaa doonaya inuu xidigaan kooxda kusii hayo, laakiin Walcott ayaa laga yaabaa inuu kooxda ku xiro in la siiyo boos joogta ah oo gooldhaliyaha ah, sidoo kale waxaa laga yaabaa inuu mushaar dhan 100 kun oo ginni kooxda ka dalbado.

Halka Arsenal ay dooneyso inay siiso 85 kun oo ginni, 23-jirkaan ayaana horay u diiday inuu qandaraas shan sano ah oo uu isbuucii ku qaadanayo 75 kun oo ginni kooxda u saxiixo.

Hadii ay Arsenal heshiis la gaari weyso xidigeeda, Chelsea, Manchester United, Manchester City iyo Liverpool ayaa heegan u ah inay Walcott la wareegaan.

Oxlade-Chamberlain, oo 19 jir ah, ayaa shan sano oo heshiis ah kooxda u saxiixaya wuxuuna isbuucii ka qaadan doonaa 60 kun oo ginni.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Mogadishu.

Gabada u dhaxda Balotelli Fico: Mario waa qeyru-masuul.

Gabadha uu saaxiibka la yahay Mario Balotelli, Raffaella Fico ayaa cadeystay inuu yahay qeyru-masuul aan waxba ka ogeyn gabadhiisa yar.

Taleefeshinka ayaa laga sii daayey in Pia bishaan lagu umuli doono magaalada Naples, balse weeraryahanka Manchester City iyo qaranka Italy ayaan weli booqan iyaga.

“Mario waa qeyru-masuul waxna kama quseeyaan gabadhiisa iyo aniga,” Fico ayaa sidaas u sheegtay Chi magazine.

“Wuxuu qiimo leehay in ka badan Mona Lisa, balse iska daa inuu wadada u xaaro gabadhiisee. Oo aheyd sidii habooneyde, wuxuu joojiyey inuu soo bandhigo xiiso walba oo uu u qabo aniga iyo gabadha.

“Wuxuu ku qanacsanaa inuu I guursado, waxayna aheyd qorsheheena. Durbadiiba wey qasmeen ma garanaayo sababta. Waxaan qaadi doonaa tijaabo DNA ah si aan u ogaado inay Pia gabadhiisa tahay.

“Si dhaqso ah ayaan Fariin ugu diray, ka dib markii ay Pai dhalatay. Keliya 00:30 (lix saac iyo bar habeenimo) ayey ahed markii aan taleefanka ka wacay. Waxaan u sheegay inaan umulay.

“Wuxuu iigu jawaabay: ‘Ah, Ok. Waxba igama quseeyaan.’ Taleefoonka ayuuna igu demiyey. Markaas ayaa iigu dambeysay inaan codkiisa maqlo.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Mogadishu.

SAF oo la kulmay Guardiola xilli uu u muuqdo bedelkiisa Man Utd.

Tababaraha Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa New York Isbuucaan kula kulmay tababarihii hore ee Barcelona Pep Guardiola, oo aan weli go’aan ka gaarin mustaqbalkiisa, sida uu qoray wargeyska The Sun.

Macalinka United ayaa u duulay Mareykanka isaga iyo weliba xaaskiisa Cathy xilli ay soo dhowdahay ciida Kirishtanka.

Laakiin sidoo kale wuxuu la kulmay Guardiola, iyadoo la ogyahay inuu sidaan oo kale laba mar ula kulmay,  iyadoo labadaan nin ay guryo ku leeyihiin Mareykanka.

Ma cada hadii uu Tababaraha United, kaasoo 71 jirsanaya sanadka cusub uu sii kordhin doono 26-ka sano ee uu Red Devils hugaaminaayey.

Guardiola hadii uu diyaar yahay markaas waa ninka koowaad ee Old Trafford laga doonayo, Bayern Munich iyo Chelsea ayaana sidoo kale si aad ah u daba jooga, sida uu SunSport ogaaday 25kii November.

United ayaa ninkaan ka door bideysa Jose Mourinho laakiin tababaraha Everton David Moyes, oo 49 jir ah, ayaa sidoo kale ugu cad cad bedelka Ferguson.

Guradiola, oo 41 jir ah, ayaa ka tegay Barca dhamaadkii xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay ka dib markii uu ku hugaamiyey sedax horyaal iyo laba Champions League, labada Koob ee kooxaha Yurub Finaladooda wuxuu ka qaaday United.

Mourinho ayaa qarka u saaran inuu ka tago Real Madrid xagaaga laakiin dad badan oo ku sugan Old Trafford ayaa isha la raacaya.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Mogadishu.

Zlatan Ibrahimovic oo taageero u noqday Lionel Messi.

Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain Zlatan Ibrahimovic ayaa sheegay inuu Lionel Messi u qalmo inuu ku guuleysto abaal marinta Ballon d’Or, xittaa hadii uu ku guuleystay sedax jeer hada ka hor.

Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa ugu cad cad inay kusoo baxaan kaalmaha hore ee abaal marinta, laakiin Ibrahimovic ayaa aaminsan inuu Kabtanka Argentina sida cad u qalmo.

“Messi waa ciyaaryahanka ugu fiican caalamka, wuu u qalmaa Ballon d’Or,” ayuu Ibrahimovic u sheegay BeIn Sport.

“Waan ogayahay inuu ku guuleystay dhowr jeer laakiin wuu u qalmay. Wuxuu u ciyaaraa sida inuu PlayStation yahay, waa wax aan la rumeysan Karin. Dadka dhahaya uma qalmo waxba kama garayanaan kubada cagta ama waxay u hadlayaan micno darro.”

Ibrahimovic ayaa sidoo kale amaan kala dul dhacay ciyaaryahankii hore ee qadka dhexe ee Real Madrid Zinedine Zidane, wuxuuna halyeeyga Faransiiska ah ku sheegay mid aan nuuciisa la helin.

“Markii uu Zidane garoonka soo galo, 10ka ciyaaryahan ee kale waaba fiicaanayaan. Waana wax iska fudud.

“Wuxuu ahaa mucjiso. Wuxuu ahaa ciyaaryahan aan nuuciisa la helin. Wuxuu ka fiicnaa ciyaaryahan kasta, wuxuu ka yimid caalam kale. Ciyaartoyda ay isku kooxda yihiin la mid ayey noqonayaan marka uu garoonka ku jiro. Waa ciyaaryahan sameyn kara farqi aysan ciyaartoyda kale sameyn Karin.

“Ma garanaayo hadii aan arki doono ciyaaryahan la mid ah. Taasi waa fikradeyda. Dadka kale wey ka dhiiban karaan fikirkooda, sidoo kale ana waxaan ahay ciyaaryahan wanaagsan.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Mogadishu.

Daawo Video-gan: Awooda Haweenka Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed

Aqristoow waxaan soo daawaday Video Muuqaal ah oo ah Haweenka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo tababar qaadanaya waxeeyna haweenkaasi muujinayaan in ay diyaar u yihiin difaacida wadankooda iyo in ay la dagaalamaan kooxaha diidan Dowlada Somalia.

Muuqaalkani waa mid ku tusinaya Awooda Ciidamada Haweenka Xooga Dalka Soomaaliyeed Daqiiqado ayaan aamusnaa markaas ayaa ilmo igu soo istaagtay Bal Aqristoow ila Daawo oo ila arag Video Qiirada leh.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA VIDEO:

KASHIFAAD: Burburin xoogan oo ku socota wasaarada arrimaha dibedda Somalia + Kaalinta Fowsiya (Q.2)

(Qeybtii 2-aad) Halkan ka Arag Qeybtii hore

Taariikhda MADOW ee Wasiiradda Arrimaha Dibedda Somalia

Horey waxaan uga soo Hadley Burburinta lagu hayo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ee Somalia oo ay hor-kaceyso Wasiiradda laftigeeda. Haatan waxaan halkaan kaga hadli doonaa taariikhda MADOW ee Wasiiradda Fawziya Yuusuf Xaaji Adan.

Sifooyinka ugu yar oo laga rabo inuu leeyahey qofka loo magacaabayo jagada wasiirka arrimaha dibedda:

1. Inuu yahey qof dalka daacad u ah oo aan khayaamo looga baqeyn;

2. Inuu yahey qof aamin ah oo aan tuugo lagu aqoon;

3. Inuu yahey qof qabiilka iyo eexda ka fog oo heer qaran gaarsiisan;

4. Inuu yahey qof nadiif ah oo asaga iyo famiilkiisa aan wax xun lagu aqoon;

5. Inuu yahey qof deggen oo dulqaad weyn leh;

6. Inuu yahey qof aqoon leh: khaas ahaan cilmiga diplomaasiyadda, sharciga dawliga ah (International law), taariikhda iyo juqraafiga addunkana in fiican ka fahmayo; (dawladaha islaanka ugu yaraan)

7. Inuu si fiican u fahmayo sida ay u wada shaqeeyaan dawladaha iyo hey’adaha caalamiga ah;

Haddaba haddaan qodobada aan kor ku soo qorey qodob qodob uga faalloono waxaa noo soo baxaya:

1. Inuu yahey/tahey qof dalka daacad u ah oo aan khayaamo looga baqeyn: Khayaamo ka weyn ma jirto in aad GUBTID calanka dalkaaga ama dalka aad wasiir arrimaha dibedda u tahey. Fawziya waxey meel fagaare ah ku gubtey calanka Somalia; waxeyna raacisey dadka koonfurta Somalia deggen waa XOOLO oo haddaan nahey Somaliland waxba ma dooneyno in aan ku darsano. Maanta side bey u matali kartaa calankii ay gubtey iyo dadkii ay xoolaha ku sheegtey? Danbiga noocaan ah mid la cafin karo ma ahan. Madaxweynaha Somalia iyo Prime Ministerka waxaa laga rabaa iney dib uga fiirsadaan Fawziya in MASUULIYADDAAS lagu aamini karo inta wali Wasaaraddu rajo leedahey.

2. Inuu yahey qof aamin ah oo aan tuugo lagu aqoon: Fawziya waxey ka sameysey magaalada LONDON ee dalka Ingiriiska (UK) hey’ad la yiraahdo RAAD Organization oo degeneyd cinwaanka:8 Manor House, The Green, Southall UB2 4BJ. Hey’adatan waxaa ku socda dacwooyin iyo baaritaan lacago ay qaadatey. Lacagihii faraha badnaa ee RAAD Organization lagu soo qaadey, waxey Fawziya ku furatey RAAD TV oo ahaa TV FITNO kaliya ka hadla oo guubaabiya Somalialand ineysan waxba ku darsan Somalia. Balse waxey ka oran jirtey CADAWGA ugu weyn ee Somaliland waa Somalia. Marar badan waxey ka tiri “War annagu dadkaan ma rabno ee maxey noogu dhegen yihiin”. Hal sano wax ka yar ayuu shaqeeyey RAAD TV, kadibna wuu xirmey illeyn wuxuu ahaa TV xaaraan ku dhisan iyo naceyb.

3. Inuu yahey qof qabiilka iyo eexda ka fog oo heer qaran gaarsiisan: Fawziya waa qof qabiilku lafaha ka galey. RAAD Organization waxaa ka shaqeynayey hal reer oo kaliya. RAAD TV waxaa ka shaqeynayey hal reer oo kaliya oo wariyayaashii saaxiibka ahaa bey isku dirty oo colaad dhex dhigtey. Waxaa RAAD TV shaqo u doontey nin Somali ah oo mutacalim ah. Fawziya ayuu u tegey. Waxey ku tiri “Waar guryo la xaaqo halkaan kuma heyno ee meel kale ka raadso”. Markii Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Somalia loo magacaabey waxey isugu yeeratey hal reer. Markii la weydiiyey qabiilo kale waxey ku jawaabtey wax diplomaasiyiin ah maleh. Ninka Somali oo dhan ugu khibradda badan Mr. Mohammed Shekh ayuu noqdey oo ka dhashey reerkii ay ku tilmaantey ineysan wax diploomaasi ah ka dhalan. Haatan waxaa lagu wadaa in Mr. Mohammed Sheekh uu hogaanka u qaban doono wasaarada arrimaha dibedda oo Somalia asaga oo mar hore kala tuurey qorshayaal fara badan oo ay wateen Fawziya iyo kooxda ku heegaarsan.

4. Inuu yahey qof nadiif ah oo asaga iyo famiilkiisa aan wax xun lagu aqoon: Fawziya taariikhdeeda LONDON mid aad u xun weeye. Aabaheed wuxuu noqdey ninka Somalia oo dhan ugu caansan, sababtuna waxey aheyd wuxuu galey DANBI aan Somalia oo dhan laga aqoon oo walibana MAXKAMAD lagu keeney. Awowgeed ayaa weydiiyey aabaheed oo wuxuu ku yiri “Maandhaw maxaad danbiga intaas le’eg u gashey adigoo og in dadka Somalida ah yihiin dad MUSLIM ah oo danbiyada noocaas ah aan dalka oo dhan laga aqoon?” Fawziya aabaheed oo u jawaabaya aabihiis wuxuu ku yiri “Aabe waligaa ma maqashey qof baa ceeeeb u dhintey?”. Fawziya meel halkaa ka fog kama imaan. Waa family aan CEEBTA kala jecleyn oo aan wax xishood ah lagu arag

5. Inuu yahey qof deggen oo dulqaad weyn leh: Culuumta diploomaasiyadda waxyaabaha ugu muhiimsan oo lagu barto waxaa ka mid ah DULQAAD (TOLERANCE). Dulqaad waa ilbaxnimo, waa geesinimo; waa reer magaalnimo. Qofka Diploomaasiga ah waxaa laga rabaa inuu arrin walba si aad u qoto-dheer uga fiirsado, la tashado dadka arrintaas taagan khibradda u leh. Qofka diploomaasiga ah waxaa la rabaa inuusan hadalku ka dhicin. Jabuuti, Kenya, Ethiopia, Turkey intaba wey ku fashilantey Fawziya (socdaalada Fawziyo iyo fashilaadeeda oo tafaftiran waxaan ku soo qori doonaa MAQAAL gooni ah dhawaan). Dalalka Islamka ah albaabka kama furayaan Fawziya waayo taariikhdeeda ayey si fiican u heystaan. Xaggee bey u hogaamin siyaasadda arrimaha dibedda ee Somalia?

6. Inuu yahey qof aqoon leh: khaas ahaan cilmiga diplomaasiyadda, sharciga dawliga ah (International law), taariikhda iyo juqraafiga addunkana in fiican ka fahmayo: Maxey tahey aqoonta ay leedahey Fawziya? Rag Malaga waayey reerka wasaaraddaas loo dhiibey? Maxey Fawziya ka taqaan sharciga dawliga ah oo laga rabo in qofka diploomaasiga ahi wax ka yaqaan? Taariikhda iyo Juqraafiga adduunka waxba kama garaneyso. Fawziya waa IHAANO dhan kasta oo laga eego. Aqoon-darro, caqli-xumo iyo qabiil baa ka buuxsamey. Waxeyna ku darsatey la-taliyayaal ayada ka sii liita oo aan ayagana si tafaftiran taariikhdooda madow uga soo sheekeyn doono dhawaaan.

7. Inuu si fiican u fahmayo sida ay u wada shaqeeyaan dawladaha iyo hey’adaha caalamiga ah:

Nasiib darro Fawziya waxba kama garaneyso sida ay u wada shaqeeyaan dawladaha caalamku. Ethiopia waxaa ka soo raacey CEEB weyn. Kenya waa laga diidey in la qaabilo. Turkeyga BEEN weyn ayey ka sheegtey, waana lala yaabey! Fawziyo waxey ku fashilantey Hey’ad yar oo lacag aad u fara badan lagu siiyey oo dal aad u horumarey ku taal. Waxey ku fashilatey RAAD TV oo ay ayadu burburisey. Waxey ku fashilantey oo walibana lagu soo garaacey Somaliland markey tiri xisbi ayaan ka furan. Xamar ma qashin-qub ayey noqotey? Hadba qofkii gobolkiisa laga soo ceyriyo ayaa usoo shaqo doonta! Maxaa kaa nasiib darro ah!!!!

Fawziya waxey DIRECTOR ka aheyd Companies House UK. Halkaan ayaad ke heli kartaa:
www.companieshouse.gov.uk
Check:RAAD Ltd
Haddaadse dib usii raacdid Historyga; waxaad arki doontaa ineysan hadda DIRECTOR ka aheyn. Sababta aysan hadda Director uga aheyn iyo dhaqaalihii lagu qaatey RAAD Organization iyo RAAD TV dhawaan ayaan maqaal kale oo tafaftiran ku soo qori doona. 

Ujeedooyinka ugu weyn ee safaaradaha loo soo xereynayo waxaa ugu muhiimsan:

1. In safaaradaha muhiimka ah la geeyo dad Fawziyo daacad u ah oo kala shaqeeya burburka Somalia, sida safaaradda USA, Italy, Belgium, Turkeyga, Kuwait, Saudi Arabia, Masar iyo Kenya.

2. In safiiro badan oo aan aqoon iyo khibrad laheyn laga buuxsho safaaradaha kale ee Somalia si wax-qabadkoodu u yaraado;

3. Fawziya waxey CUQDI ka qabtaa rag badan oo aad iyo aad iyada uga aqoon badan, ugana khibrad fiican, iney Wasiirad u noqoto. Maalin kasta BOQOL khalad ayey gashaa waayo degdeg ayey talaabo walba u qaadeysaa ayadoon ka fiirsan. Markaas ayaa waxaa la soo siinayaa jawaab diploomaasi ah oo micnaheedu yahey WAXBA MA FAHMEYSID ee shaqadu sidaas ma ahan. Haatan waxey rabtaa iney safaaradaha ka buuxiso YES man oo wax kasta oo khalad ah oo ay u qorto ku raaca ee aan sixi-karin.

Dadka Somaliyeed oo ka danqanaya arrimaha Somalia, waxaan ku adkeynayaa iney si fiican u baaraan waxyaabaha aan ka soo qorey Fawziya iyo taariikhdeeda ee aysan lab-la-kac ku dhaqmin.

Qoraalkeygii hore, gabar ayaa waxey soo qortey “Waxaan ahey die-hard Somalilander, waxaana taagyeersanahey Fawziya”. Waxaan qabaa hadey wax yar oo caqli ah ku fakareyso ineysan hadalkaas soo qorteen waayo hadalkaasi uma fiicna Fawziya.

Waxaad iga sugtaanba waa RAAD Organization iyo RAAD TV dhaqaalihii dawladda Ingiriiska looga soo qaadey iyo sida ay ku baxdey lacagtaas; iyo Xisbigii ay Fawziya damacdey iney Somaliland ka sameyso iyo meesha uu ku danbeeyey iyo sababaha ay hadda Xamar ku timid. Stay tuned for more alarming news!!!

Ahmed Warsame

LONDON

United Kingdom

Soomaali Isma Taqaanno! Waa Run…

Maalin maalmaha ka mid ah anigoo geed qurac ah harsanayo baa ii yimid nin oday ah oo rati hogaaminayo. Ninkii baa I nabdeystay wuxuunaa ka dib I weydiiye qolodaan ahay. Waxaan ka hakaday jawaabta illeyn geya aynu joognay baa ka aloosaneyd dhiillo colaadeed oo lama kala garan garaynin qofka kula jaalka ah kan aad iska illaalineysid.

Weli waan ka meer-meerysatay jawaabta oo sheeko dheer baan u galay, haseyeeshee wuxuu igu yiri: Anigu waxaan ahay Eeylle.

Wuxuuna ii daba dhigay su’aasha ah in aan garanayo Eeylle iyo sababta magacaas loogu bixiyey? Waan aamusay in door ah, hasee yeeshee odaygii baa ii micneeyey wuxuuna yiri:

“Afar nin oo ku qalabeysan fallaro, eebo iyo burar baa waxay ka qeyb galeen dagaalkii Uxud. Markii fardihii iyo ciidankii waranlleyda ahaa foodda is dareen baa gaaladi  dhan ka soo jeesateen, dhanka kalena Muslimiintii soo safatay.

Maalintaa raggu ma yareen oo waxaad moodaa in gaaladu ay ka soo tegin gaashaan qaad, waayeel iyo dumarba. Muslimiintuna waxay dhamaayeen 1000 keliya.

Markii labadii ciidan isku soo dhawaadeen, dagaalkiina bilowday baa afartii nin ee ahaa rag quluubtooda iimaan buuxiyey goobta dagalka la soo galay eeyo miciya galool ah ee aan laga aqoon yeey-duuur ama uubato oo dagaalka u tababaran. Durbadiiba waxay kuuxa eeyaha baqdin geliyeen gaalaadii waayo in eeyo lagu dagaalamo waxay waagaasi ahayd  xeelad ugub ah ee aan horay la arag.

Intii u dagaalku socday baa afartii nin waxay muujiyeen geesinimo dheeraad ah taasoo gaaladii gayisiisay in dhankoodii baneeyaan oo dhabarka jeediyeen waxaana raacdeystay eeyihii, kolkaas bay xooreen hubkii iyo kabihii ay siteen.

Geesiyadaasi waxay dagaalamayeen ilaa gaaladu u carareen dhanka  Mako oo waxay fuuleen fardahoodii.

Waxaa kaloo cagaha wax gadayey gaalidii kaloo ku xeernaa oo iyaguna goobtii ka caararay. Waxaa aan kala soocmay labadii ciidan muslimiintii iyo gaaladii xeel dagaal awgeed. Waxaa hakaday dagaalkii muddo gaaban.
Markaa ka dib, Muslimiintii iyagoo koox-koox ah bay u soo kaceen halkuu rasuulka (SCW) joogay.

Rasuulkii baa wediiyey raggii eeyaha watay ee sida geesinimada leh u dagaalamay oo wuxu amray in ay u yimaadaan si uu ugu duceeyo.

Maalintaas baa magaca Eeylle inoo baxay. Haddabo halyeyadaasi waxay qeyb libaax ka qaateen dagaalkii weynaa ee Uxud.

Ninkii markuu iga taagay baan maskaxdeeda dib ugu laabatay waxaana ii soo baxay in Soomaali aynan weli is baran.

Afeef: Sheekadan waa khiyaali, lakiin suurtagal ah in ay dhacday, ujeedaduna  ma  aha in cid gaar ah lagu xadgudbo.

Cumar Axmed | Keydmedia Online

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Tirada suxufiyiinta la dilay sannadkan oo la soo saaray (Warbixin)

Wanshinton (Caasimada Online) Lixdan iyo toddobo suxufi ayaa la dilay sannadkan sii dhammaanaya 2012-ka, waa mid ka mid ah warbixinadii ugu naxdinta lahaa uu soo saaro guddiga difaaca suxufiyiinta ee magaciisa loo soo gaabiyo CPJ.

Tani waa mid ka badan 42%, marka loo eego dhimashada suxufiyiinta sidaas ayaa lagu sheegay warbixinta sannadlaha ee CPJ.

CPJ waxa kaloo ay ku eedeesay in tiro badan oo waryaal ah lagu dilay dagaalada ka socda Sryia, qalalaasaha weli ka taagan Soomaaliya oo wariyaal badan ay ku baxeen iyo Pakistan oo ay wariyaasha lagu dilo.

Warbixinta sannadkanCPJ’waxa ka muuqda waxyaabo naxdin leh,waayo wariyaasha la dilay ayaa aad u badan,

Dalka Pakistan sannadihii 2010 iyo 2011-ka wuxuu ahaa dal wariyaasha ugu badan adduunka lagu dilo, laakin hadda tirade la dilay waa ay yer yihiin oo sannadkan illaa 7-Jountalis ayaa lagu dilay.

Afar ka mid ah waxa lagu dilay deeganka Balochistan.

CPJ baaritaan ay sameesay, waxa ay ku ogaatay in 67-da wariye ee la dilay sannadkan dilkooda uu la xiriiro shaqadooda, waana tiradii ugu badneed tan iyo markii uu guddiga CPJ blaabay in uu diiwangaliyo dhibaateenta wariyaasha.

Dalka Sryia 28-suxufi ayaa lagu dilay sannadkan,  13-ka mid ah waxa ay u dhasheen dalkaas.

Dalka Soomaaliya oo ku yaalla geeska Africa, waa dalka ugu horreeya Africa ee lagu dilay sannadkan wariyaasha, illaa 18-suxufi ayaa lagu dilay, ma jirto cid loo soo qabtay dilkooda ama xittaa sheegtay.

Dalka hadda waxa ka dhisan dowlad rasmi ah, laakin weli awood uma lahan in ay difaacdo wariyaasha ka shaqeeya dalka.

Waxa kaloo jira kuwa badan oo ka tagay dalka, kuwaasoo u aaday waddamada dariska halkaasoo ay qoxooti ku yihiin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi