27.9 C
Mogadishu
Thursday, August 14, 2025

Shabakada Wararka Balcad.com oo hawada ku soo noqotay Booqo.

0

Maamulka Shabakada Balcad.com waxuu ku wargelinayaa Aqristayaasha Shabakada Balcad.com in hawada mar kale ay dib ugu soo noqotay Shabakadaasi kadib Cilado heestay iyo Server cusub ay u guuraysay kadib.

Hadaba Booqo Shabakada Balcad.com oo Warar Deg Deg ah aad ka heleeyso 24 saac.

BOOQO BALCAD.COM

 

Wasiirka gaashaandhiga Somalia oo kashifay xiriiro badan oo qarsoonaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhiga Somalia Cabdixaiim Maxamuud Fiqi, ayaa sheegay in burcad badeeda dalka Somalia ay taageero ka helaan dalal shisheeye, oo isku dayaya inay qaribaan ammaanka iyo xasiloonida dalka ku yaalla geeska Africa.

Isaga oo la hadlayay wakaaladda wararka Iran ee FNA, ayaa Fiqi waxa uu sidoo kale tilmaamay xiriir ka dhaxeeya burcad badeedda iyo kooxda Al-Qacida.

“Waa macquul taas…waana ay caddahay in kooxaha burcad badeeda ay maal geliyaan kooxo iyo dowaldo shisheeye, oo isku dayaya inay wiiqaan nabadda iyo xisiloonida Somalia, ayaga oo doonaya inay ka taajiraan afduubka doomaha maraya biyaha Somalia” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in Dowladda Somalia ay mucaaradsan tahay burcad badeednimada, waxaana uu intaas ku daray in Muqdisho ay ku tala jirto inay xoojiso ciidamadeeda badda, si looga hortago shufto badeedda.

Fiqi ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay taageerto dhismaha ciidamada badda Somalia, taasi oo qeyb ka ah qorshaha lagu dhameyanayo burcad badeedda gobolka.

Xafiiska Wararka Caasimada Online

Muqdisho, Somalia

Hambalyo dhalasho

0

Hambalyo-Dhalasho

Ayeeyo   Khadiijo Xaaji   Cabdoow   Cumar

Hooyo    Saynab   Maxamed   Ducaale

C/maalik          Cali  Naasir

C/Casiis    Cali  Naasir

C/wahaab Cali Naasir

Qadan       Cali Naasir

Farduus     Cali Naasir

Jamaad      Cali Naasir

Shaafici Cabdi

Bashiir Axmed

Maxamed Jaamac

Mukhtaar Cali

Xirsi C/laahi

C/naasir  Maxamuud  Cumar

Zamzam  Yuusuf  Nuur

Ardo     Maxamed     Cali

Farxiyo    Aadan

Faa’iso     Ibraahin    Isxaaq

Deeqo      Ibraahin    Isxaaq

C/fitaax    Ibraahin   Isxaaq

Deeqo      Maxamed  Xasan

Ayaan      Aadan       Cali

Aamino   Maxamuud  Axmed Garweyne

Fartuun    Cali     Cabdi

Dhamaan asaxaabtaasi oo kala jooga Soomaaliya iyo Maraykanka waxay hambalyo leeyihiin Jaamac Cali Naasir iyo Xaaskiisa Faa’iso Muuse Cali oo uu 04/01/2013 wiil ugu dhashay Minneapolis ee Dalka maraykanka, Wiilkaasi Waxaa loogu wanqalay Maxamed Jaamac Cali Naasir, soo barbaar ayay leeyihiin, noqo kii Dalkiisa, dadkiisa iyo Diintiisaba anfaca. Aamiin

 

Farriin ka timid Dowladda Somalia oo ku socota Soomaalida oo idil

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Somalia ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay diyaar u tahay inay dalka dib ugo soo celiso dhammaan muwaadiniinteeda kala jooga caalamka, ayada oo ammaanka dalka uu soo hagaagayo.

Dowladda wax ay si gaar ah u sheegtay dadka qaxootiga ah ee ku dhibaateysan meelo ay Kenya ugu horeyso, oo dhowaan amarro adag lagu soo rogay.

Dowladda Somalia waxa ay sheegtay in xaaladda dalka ay sii hor mareyso.

“Wax soo saarka cuntada ayaa lagu wadaa inuu sare u kaco, dhammaadka sanadkan, waxaana jira xaalado muujinaya in wax soo saarka beeraha ee gobollo badan uu sare u kici doono” ayaa lagu yiri bayaanka Dowladda Somalia.

Dowladda Somalia waxa kale oo ay sheegtay inay horumarisay xaaladda ammaanka ee dalka, taasi oo ogolaan doonta in hay’ado badan oo gar gaar oo caalami ah ay dadka caawiyaan.

Xaaladda sii hor mareysa ee Somalia ayay tiri Dowladda,  ayaa sidoo kale hay’adaha Qaramada Midoobe ee UNICEF iyo WHO iyo kuwa la saaxiibka ah u ogolaatay inay caafimaad la gaaraan kuwa ugu beylahan shacabka ee haweenka iyo caruurta.

Dowladda Somalia ayaa bayaankeeda kusoo geba gebeysay in dhammaan xaaladahaas wanaagsan ee dalka iminka kasii hormaraya ay ogolaan doonto in shacabka Soomaaliyeed ay dalkooda dib ugu soo laabtaan, ayna ugu yeereyso sidan.

Xafiiska Warar Caasimada Online

Muqdisho, Somalia

 

Faroole oo ka hadlay waxyaabaha u qabsoomay maamulkiisa 4-tii sano

Boosaaso (Caasimada Online) Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Mamamuud Faroole ayaa ka hadlay xaflad xaley ka dhacday magaalada Boosaaso oo lagu dabaal dagayay sannad guuradii afaraad ee ka soo wareegtay markii la dhisay maamulkiisa ayaa ka hadlay arrimo badan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in afartii sano ee la soo dhaafay ay qabteen waxyaabo fara badan oo ah xagga horrumarka.

Madaxweynaha ayaa sheegay muddadaas in ay wax badan ka qabeen arrimaha ammaanka. Siyaasadda, la dagaalanka burcad-badeeda iyo ballaarinta maamulkiisa.

“Waxqabadkii muddii afarta sano ee aan jirnay waxa ay ahayd afar sano oo howl badan waxaad ogtihiin meesha aan wax ka billownay, haddii laga eego xagga amniga, dhaqaalaha, xagga wax qabadka hey’addaha caalamiga ah ee Soomaaliya ku tiirsan tahay waqtiga xaadirka oo aysan isku filneen, haddii laga eego adeegga bulshadda,

Wuxuu sii hadlay “ Waxa aan xafiiska la wareegnay iyadoo magaalada Boosaaso amnigeeda uu aad u liito oo aron karo wax badan ayaa laga qabtay, bishii October 2008-dii waad ogtihiin qaraxyadii ka dhacay waxana la wareegnayo deeganno badan” ayuu yiri Faroole.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in horrumarka uu gaaray maamulkiisa uu ka mid yahay dastuur u sameenta Soomaaliya in ku-meel-gaarka laga baxo.

“Dowladda Fedaraalka Soomaaliya siddii ay uga bixi lahayd ku-meel-gaarnimada waan is qabanay, laakin aaqirkii waxa ay noqotay in aan wadashaqeyno oo wixii ragga qaar ay halakan ka sheegeen aan meel marino Puntland ayaa hormuud u ahayd waxana ay ka dhacday gudaha Puntland iyadoo meel kale lagu qaban waayay oo Soomaaliya ah” ayuu yiri markale Faroole.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale daaha ka qaaday in maamulkiisa uu xilka u dhiman yahay muddo hal sano oo dheeri ah, taasoo u oggalaanaayo dastuurka Puntland.

Madaxweynaha ayaa dhaleeceeyay dad uu ugu yeeray in ay yihiin qaswadayaal doonaya in ay la burburiyo maamulka Puntland.

Si kastaba, hadalka madaxweynaha Faroole ayaa ku soo beegmaya iyadoo muddada loogu talagalay in uu xafiiska hayo ay ku ekeed shaley oo bisha January ahayd 8-da 2013-ka.

Ammaanka magaalooyinka Puntland ayaa la adkeyay waxana meel kasta la dhigay ciidamo badan oo ammaanka suga.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Boosaaso

Daawo Video-gan: Halista Kaamirada Qarsoon ee Sanadka Cusub 2013.

0

Muuqaalka Maanta waxaa idiin soo gudbineynaa Kaamirada Qarsoon ee ugu halista badan sanadka cusub 2013 kaas oo aduunka ka yaabsaday Barnaamij kooban oolaga diyaariyay.

Hadaba Aqristoow Daawo Muuqaalkaan adaa yaabi doono qaabka Kamirada Qarsoon ay u soo qabaneyso Dad si qarsoodi ah loo tooganaya.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO VIDEO-GAN:

 

Garsoorayaal sii daayay nin 30 sano ku xukumnaa oo sharciga la mariyay

Muqdisho (Caasimada Online) Maxkamada Sare ee dalka ayaa maanta oo Talaado ah waxa ay shaqada ka ceyrisay seddax garsoore oo ka tirsan maxkamadda racfaanka, kuwaasoo lagu helay in ay ka dambeeyeen sii deeynta nin lagu xukumay 30-sano oo xarig ah.

Guddoomiyaha maxkamadda sare Ceydiid Cabdulaahi Ilkaxanaf ayaa saxaafadda u sheegay in ninka la sii daayay uu ka dambeeyay dilka labo shaqaale oo ajaaniib ah oo ka tirsanaa hey’adda MSF kuwaasoo la dilay sannadkii 2011-ka.

“ Waxa jirtay in nin la shaqeen jiray hey’adda MSF ee magaalada Muqdisho kaasoo loo qabtay dilka labo dhaqtar oo u kala dhashay Belgium iyo Indonesia oo lagu dilay xaafada Buulo-xuubeey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

“Ninkan ayaa sheegay in uu qirtay dilka labada shaqaalaha oo bastooladii iyo wixii uu ku dilay la soo qabtay ayaa lagu qabtay, maxkamadda gobalka ayaa la geeyay, dacwadiina maxkamadda gobalka ayaa qaaday dacwadda waxa ay ku xukuntay ninkii 30-sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo aad u badan.

“Racfaan buu ka qaatay markaas ninkii, racfaankii garsoorayaal seddax ah ayaa dacwada racfaanka galay, markiina waxa garsoorayaasha amreen in la sii daayo ninka, oo xabsiga laga sii daayo waliba sida ugu dhaqsiyaha badan, ninkii wuu tagay isla maalintiiba waa uu baxsaday, waxana aan oggaanay in uu galay Guriceel.”

Wuxuu intaas ku daray guddoomiyaha maxkamadda sare in MSF shaqaalihii ka joogay Guriceel ay isaga baxeen magaalada Guriceel markii ay oggaadeen in ninka uu soo galay halkaas,waxan markii dambe ay ka baxeen dhammaan gobalada dhexe oo dhan.

Marka waxa soo baxday in isbitaaladii MSF ay joogeen in ay soo baxeen dhaqtar la’aan iyo dawo la’aan toona, marka annaga ayaa galnay kulan oo ah guddiga adeegga sare ee garsoorka uu ugu weyn yahay guddoomiyaha maxkamadda sare, waana fadhiisanay.

Marka wuxuu sheegay in ay u soo baxday waxa uusan xaq u lahayn garsoorka in ay meesha ka soo baxeen markiiba xukun ayaa ku dhacay seddaxda garsoor ayuu yiri Ilka xanaf.

Ma ahan wax ku cusub arrimahan Soomaaliya, waayo dhowr jeer ayey dhaceen iyadoo nin la xukumay la sii daayo ama lagu helo dambi culus, waxana door ku leh arrimahaas hey’addaha dowladda, gaar ahaan kuwa ciidanka ama maxkamaddaha dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Warbixin: Socdaalka Fowsiya ee Roma

Roma (Caasimada Online) Wafdi ay hooggaamineyso ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta oo Talaado ah booqday saxaafaradda Soomaaliya ay ku lee dahay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.

Wasiirka iyo wafdigeeda ayaa soo booqatay xarunta safaaradda iyo dhammaan qolalka ku yaalla, halkaas oo ay kula kulantay danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalkaas iyo midowga Yurub Nuur Xuseen Nuur Cadde.

Waxa kaloo wasiiradda ay kulan la qaadatay jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Roma, iyadoona kala hadashay siddii wax loogu qaban lahaa dalka, iyo in laga shaqeeyo in Soomaalida ku dhaqan dalkaas ay u noqon lahaayeen kuwa isku xiran.

Wasiirkadda ayaa sidoo kale sheegtay in dowladda Talyaaniga ay kala hadashay siddii dadka Soomaalida ee ku nool Talyaaniga loo oggaan lahaa oo aan la dhibaateen.

Wasiiradda oo socdaalo hadda ku maraysa Yurub ayaa shaley la kulantay dhiggeeda dalka Tanyaaniga Giulio Terzi.

Kulanka labada Wasiir oo qaatay saacado dhowr ah ayaa waxa ay ku gorfeeyeen arrimo ay ka mid tahay adkeynta xiriirka labada dal Soomaaliya iyo Talyaaniga, iskaashiga dhinacyada horrumarinta, sida nabadgalyada, waxbarashada iyo Beeraha.

Waa markii ugu horreysay ee ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ay booqato dalka Talyaaniga.

Wasiiradda ayaa horrey u soo booqatay dalka Ingiriiska, gaar ahaan magaalada London halkaasoo ay kula kulantay dhiggeeda dalkaas William Hague.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Roma

 

Diyaarad dhaawacyo badan ka qaaday Garbahaarey iyo xog kale.

Ciidamo badan oo ka socda dowlada dalka Ethiopia oo maalintii shalay gaaray magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa maanta fariisimo ka sameystay garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamadaasi ay yihiin kuwo  aad u badan islamarkaana ku hubeysan gaadiidka dagaalka.

Ciidamadaan ayaa gelinkii hore ee shalay gaaray degmadaasi Garbahaarey,waxaana maanta sidoo kale ay fariisin ka dhigteen duleedka degmadaasi garbahaarey.

Dhanka kale warar hoose oo aan helayso ayaa  sheegaya in diyaarad kasoo dagatay dowlada garoonka Garbahaarey ay maanta ka qaaday degmadaasi dhaawacyada ciidamo isugu jiro Ethiopian iyo Soomaaliya kuwaasi oo ku waxyeeloobay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka.

Ma jiro wax faahfaahin intaasi sii dhaafsiisan,mana jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka iyo kan Degmada.

Wasiirka Difaaca Kenya oo qaaday tallaabo ka farxisay Soomaalida Islii

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka difaaca Kenya ayaa qaaday tallaabo muhim ah oo ka farxisay Soomaalida ku nool xaafadad Islii ee magaalada Nairobi.

Yuusuf Xaji iyo Sidoo kale xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Kenya Maxamed Cilmi, ayaa dalbaday inay si deg deg loo baddalo dhammaan saraakiisha booliiska ee ku lug lahaa howl galkii lagu xir xiray Soomaali badan oo degan Islii, oo la sheegay in lagu tuhmayo aragagixisanimo.

Labada wasiir ayaa ku eedeeyay saraakiisha xad gudub iyo dhib xoogan oo ay u geysteen Soomaalida.

“Sababta kaliya ee aan illaa iyo hadda wasiir u ahay waa ayada oo Baarlamanka dhowaan kala tagi doono, ma ahan’e goor hore ayaan is casili lahaa, si aan ugu muujino dowladda in nala yaasay” ayuu yiri Yuusuf Xaaji, oo aad u careysan.

“Waxaan u sheegeynaa Kormeeraha guud ee Booliska in aanu u dul qaadan doonin dhibka ay ciidankiisa ku hayaan dadkeena” ayuu ku daray.

Xubno ka tirsan Ganacsatada Soomaalida Islii oo uu ugu horeeyo guddoomiye Xasan Guuleed, ayaa horey ugu eedeeyay booliska arrimo ay ka mid yihiin lacag xatooyo iyo bililiqo.

Xafiiska Wararka Caasimada Online

Nairobi, Kenya

Madaxweyne Xasan: Dastuurka waa in la beddelaa, beesha caalamka naguma qasbi karto wax aynan dooneyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa wada qorshe is-beddel loogu sameynayo dastuurka cusub ee dalka Somalia uu yeeshay dhowr bilood ka hor.

Madaxweynaha oo shalay ka hadlay xiritaankii kalfidhigii ugu horeeyay ee Baarlamanka ayaa ka codsaday xildhibaanada Somalia, inay u dhaqaaqaan sidii is-beddel  loogu sameyn lahaa dastuurka oo uu sheegay inay ku jiraan meelo badan oo aan ku jirin danta shacabka Soomaaliyeed.

“Dowladda iyo Baarlamanka waa inay wada shaqeeyaan sidii is beddel loogu sameyn lahaa dastuurka, si Somalia au u fuliso nidaamka federaalka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheikh.

Madaxweynaha ayaa dastuurka iminka jira u arka mid Somalia ay u keeneen dalal iyo kooxo shisheeye oo dano gaar ah leh..

“Ma jiro nidaam ay Somalia si qasab ah ugu soo rogi karaan beesha caalamka ama quwado Milatari ama kooxo yar oo kullamo sir ah yeeshay” ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxa uu intaas ku daray inaysan jiri doonin in Somalia laga hir galiyo wax aysan shacabka Soomaaliyeed dooneyn.

Is-beddelada madaxweynuhu doonaya ayaa xoogooda waxa ay taabanayaan nidaamka federaalka, si awoodo dheeri ah ay u hesho dowladda dhexe.

Xafiiska Wararka Caasimada Online

Muqdisho, Somalia

 

 

Farxiya Fiska oo si rasmi ah u qiratay xiriirka jaceyl ee ayada iyo Ceydaruus

Fanaanadda Caanka ah ee Farxiyo Fiska, ayaa ugu dambeyn waxa ay qiratay in ay Lammaane nolosha ku midoobey yihiin fanaanka weyn ee Ceyduruus Halyeey oo maalmihii u dambeeyay lagu xammanaayay.

fiska iyo ceygaFiska ayaa bogga ay ku leedahay Facebook ku sheegtay si rasmi ah in ay “Lammaane” yihiin Ceyduruus Halyeey.

Farxiya ayaa sidan soo qoratay “Aniga iyo Mataankayga, Oo habeenkii sanadka cusbaa si live u qaatnay Hees ay iska leedahay Allah unaxariiste Boqradii codka Magoole.. Waxaan jecleestan taageeradayda aan usoorta galin habeenkaa inay heestaa maqlaan, inaan Maalmo ugu soo diro ..” iyadoo soo raacisay sawirka kor ka muuqda.

Hadalka Farxiyo fiska ayaa noqonaaya mid soo afjara hadaheyntii ku aaddaneyd nolosha cusub ee Farxiya Fiska oo warbaahinta Soomaalida aad u hadal heysay.

Fanaanaddan oo ka mid ah fanaaniinta loogu jecelyahay Soomaalida ayaa horey waxa ay u kala tageen Fanaanka aha muusikiistaha ee Bashiir Hanuuniye.