28.1 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Shir muhim ah oo Soomaalida uga furmay Magaalada Johannesburg

0

Kulan sanadeedkii 3 aad ee jaaliyadda Soomaalida wadankan Koonfur Africa oo xalay ka furmay magaalada Johannesburg ayaa si habsami leh uga sii socda Masjidka Imaamu Shaafici ee magaaladani.

Kulanka oo ay ka qeyb galayaan Culumaa’udiin si weyn looga yaqaano Soomaalida dhexdeeda ayaa sanad walba waxaa lagu casuumaa qaar ka mid ah culumada iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed si ay dadkooda ku dhaqan wadankan ugu faa’ideeyaan xilliyadan fasaxyada la galo wadankan.

Sanad walba waxaa kulankan soo qabanqaabiya oo suura galiya in ay Culumada Soomaaliyeed wadankan kula hadlaan Soomaalida, Hey’adda Culumada Soomaalida waddankan ee lagu magacaabo Albayaan Islamic Counsil Trust.

Waa sanadkii 3aad ee kulankan lagu qabto waddankan isaga oo noqon doona mid taxane ah oo sanad walba lagu qabto halkan. Kulankan ayaa soo bilaawday sanadkii 2010kii kolkaasoo waxii ka dambeeyey dalkan lagu casuumay culumo waawayn.

Sanadkan 2012 ayaa waxaa ka qeyb galaya sida uu ii sheegay Sh Axmad Dheere oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Albayaan Islamic Counsil Trust, culuma gaareysa ilaa iyo lix sheekh oo ka kala yimid meelo aad uga fog fog waddankan South Africa.

Mashaa’iqda ilaa iyo hadda magacyadooda aan helnay waxaa ka mid ah:

  1. Sh. Maxamad Cabdi Umal…….Kenya
  2. Sh Cusmaan Cali Faarax………London, United Kingdom
  3. Sh Sh Maxamad Aadam………Soomaaliya
  4. Sh Maxamad Idiris Axmad….Sacuudiga
  5. Sh Maxamad Calasow…………Kenya
  6. Sh Cabdirixiim Dhabar Abul Ceyneyn……Kenya

Kulankan sanadlaha ah ee haatan ka socda Masjidka Imaamu Shaafic ee magaalada Johannebsurg waxaa uu socon doonaa muddo 3 cisho ah ayadoo bishan 28keeda uu dib uga furmi doono Magaalo xeebeedka Capetown.

Goobaha ay culumada tagi doonaan ayaa waxaa ka mid ah magaalooyinka Port Elizabeth, Rustenburg iyo meelo kale oo si weyn ay jaaliyadda Soomaalidu u degan tahay.

Culumadii hore uga qeyb gashay kulankan sanadihii la soo dhaafay ayaa waxaa ka mid ah Sh. Maxamuud Shible, Sh Cali Wajiis, Sh Mustafa Xaaji Ismaaciil haaruun iyo Sh Axmad Daahir Aways.

Hey’adda Albayaan Islamic Counsil Trust ayaa ah Hey’ad Soomaaliyeed oo mar walba isku howsha sidii ay dadka Soomaaliyeed u gaarsiin diinta meel walba iyo waqti walba, waxaana howlaha Albayaan ay qabato ka mid ah Aaska Soomaalida Dalkan ku dhimata, Furidda madarasooyin ay carruurta wax ku bartaan, qabashada tartamada Qu’raanka, u dooddida xuquuqda dadka Soomaalida ee badankood aan sharciyo wanaagsan ku joogin dalka iyo waliba taakuleynta Agoomaha.

Albayaan ayaa mararka qaar waxqabadkeedu ka tallaabsada waddankan oo waxaa lagu xusi karaa xilligii abaaraha Dalka Soomaaliya ku habsadeen oo ay u istaagtay in ay Soomaalida ku wacyi geliso iney dadkooda caawiyaan.

Yusuf Shuqale

Johannesburg

[email protected]

Isu ekaanshaha Qoyska Faroole iyo kan Korea-da Waqooyi

0

Farshaxamiistaha Soomalaiyeed ee caanka ah Amin Amir, ayaa sawir qosol badan ka sameeyay xukun jaceylka Madaxa maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo wiilkiisa Maxamed Faroole.

Amin Arts ayaa Faroole iyo wiilkiisa la meel dhigay kaligii taliyihii geeriyooday ee Korea-da Waqooyi Kim Jong-il iyo wiilkiisa oo uu xukunka uga tagay Kim Jong-un.

Halkan ka arag Sawir gacmeedka Amin Arts.

faroole

 

Daawo: Hees kooxda Qeylodhaan ay u sameysay 3-da madax ee dalka

Kooxda QEYLODHAAN, ayaa soo saaray hees cusub oo waddani ah oo ay kula hadlayaan madaxda cusub ee Dowladda Federaalka Somalia ee dhowaan la wareegay talada dalka.

Heesta oo hal ku dhigeedu yahay Mas’uulkii tala hayow oo sidoo kale ay kasoo dhex muuqdeen fanaaniin joogta Naiorbi, ayaa waxa ay si toos ah ula hadleysaa madaxweyne Xasan Sheikh, Ra’iisul Wasaare Saacid iyo guddoomiye Jawaari.

Waxaa erayada sameeyay Shucayb Cabdinuur, Laxankii Jooqle Shire iyo Musica-dii Cabdi Xakiin Farayare.

Halkan ka Daawo heesta.

Wasiirka Arimaha gudaha oo tagay Afgooye

0

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga qaranka ee Dowlada Soomaaliya Cabdi kariin Xuseen guuleed ayaa maanta waxaa uu gaaray Gobolka Shabeelaha Hoose.

Socdaalka Wasiirka ayaa waxaa uu ku tagay Degmada Afgooye ee gobolka sh/hoose waxaana Safarka Wasiirka ku wehlinayay Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada  iyagoo haatana kulama halkaas kula qaadanaya Maamulka degmada.

Ujeedka Socdaalka Wasiirka ayaa waxaa ay tahay sida uu ula socon lahaa Xaalada Amaan ee degmada Afgooye iyo sidii shacabka degmadaas Nabad loogu so horseedi lahaa.

Sidoo kale masuuliyiin katirsan maamulka Gobalka Shabeelaha hoose ayaa sheegay in socdaalka wasiirka ay suuragal tahay inuu ku tago deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose.

Waxaa kale oo Wasiirka uu kala hadli doonaa maamulka degmada Afgooye Isbaarooyin ciidanka Dowlada ay soo dhigteen Lafoole waxaana ay jibiyeen Amarka Madaxwaynaha.

Daawo Warbixin laga diyaariyay Muuqaalka Qurxoon ee Muqdisho.

0

Wariye Soomaaliyeed oo Nolashiisa oo idil ku noolaa Wadanka Kenya ayaa markii ugu horeeysay tagay Magaalada Muqdisho ee ah Caasimada Wadankeena Somalia waxuu soo arkay wax uusan filaneynin asagoo horay loogu sheegay halkaasi in ay tahay meel bahalo galeyn ah.

Hadaba Wariyaha waxaa laga hayaa kalmad yaab leh oo uu ku cel celiyay oo uu doonaya in uu ku tilmaamo Magaalada Muqdisho asagoo ugu dambeyn qaatay kalmada ah Xamar Cadeey Barasho Wanaagsan.

HALKAAN KA DAAWO WARBIXINTA OO  MUUQAAL VIDEO AH:

 

Roobab wata duufaano oo ka da’ay meelo ka mid ah Somalia

0

Roobab wata duufaano xoogan ayaa ka billowday deegaano ka tirsan Waqooyi bari ee dalka Somalia, Warbixino laga helay dadka deegaanka ayaa sidaas sheegaya.

Roobka iyo duufaanta ayaa sababay in la damiyo qaar ka tirsan shirkadaha isgaasiinta iyo shirkadaha korontada qaarkood.

Digniino la xariira duufaan iyo roob ku soo fuul-leh qaar ka tirsan gobollada dalka Soomaaliya ayay maalmihii ugu dambeeyay soo saarayeen hay’adaha saadaasha hawada.

Duufaanta oo la yiraahdo Tropical Cyclone 4 waxaa la sheegayay inay soo dhex jibaaxayso masaafo 600 oo mayl koonfur bari gacanka Raas Caseyr tan iyo habeenkii Sabtida.

Degmada Bandarbeyla ayaa laga soo sheegayaa in galabta hal ruux uu ku dhaawacmay kadib markii dooni ku jirtay badda ay dabeylo ku burburiyeen, sida uu xaqiijiyey gudoomiyaha degmadaasi Siciid Maxamed “Anteeno”.

Waxay kaloo roobabka culus ay dul heehaabayeen degmooyinka Caluula iyo Baargaal iyo dhulka xeebaha ah ee ku dhow illaa xeebta ay ku yaallaan ee Badweynta Hindiya.

Duufaanta oo ku fool-leh dhinaca galbeed  ayaa sidoo kale la sheegay inay ku soconayso xawaare gaarsiisan 18 mayl saacaddiiba, laakin xoogeeda la filayo inay gaarto 63 meyl saacadiiba, oo u dhiganta 101 km saacaddii.

Sidoo kale degmooyinka Eyl iyo Garacad oo ka kala tirsan gobolada Nugaal iyo Mudug ayaa laga soo sheegayaa in roobabka ay isa soo xirxireen oo jawiga hawada ay dadku ka dareemayaan daruuro mugdi ah oo cirka isku shareeray. Garacad waxaa laga soo sheegayaa in mowjado hirar ah ay baddu bilawday iyadoo galabta badda lagu arkay iyadoo ka soo durugtey halkii ay joogtay shalay taasoo cabsi gelisay dadka ku nool degmada Garacad oo ah kalluumeysato.

Roob ka dhasha duufaantan ayaa la odorasay inuu maanta ka da’o qaybo ka tirsan deegaannada xeebaha ee Soomaaliya kuwaasoo socon doona ilaa berri oo Talaado ah.

 

Soomaali badan oo ka soo cararaya Nairobi kuna qulqulaya Muqdisho

0

Nairobi (Caasimada Online) Tan iyo wixii ka dambeeyay markii dowladda Kenya ay ku dhawaaqday in qoxootiga Soomaalida ee ku sugan magaalada Nairobi ay iska xaadiriyaan xeryaha qoxootiga Dhadhaab iyo Kaakumo, waxa bilowday in Soomaali badan ka soo tagaan halkaas.

Waxa mashquul noqday xarumaha wakiilada shirkadaha duulimaadka ee aada Soomaaliya, waxa lagu arkayaa Soomaali badan oo raba in ay aadaan Soomaaliya, kuwaasoo ka cabsi qaba in saameen ku yeelato amarka Kenya ay soo saartay.

Waxa aad u batay duulimaadka ka immaanaya Kenya ee soo aadaya Soomaaliya, waxana inta badan shirkadaha diyaaraha ay sheegeen in ay soo qaadaan toddobaadkii dhowr duulimaad oo ah Soomaali ka immaaneysa Kenya, kuwaasoo doonaya in ay soo aadaan Soomaaliya.

Qaar badan oo ah shaqaalaha ka shaqeeya xafiisyada ayaa sheegaya in toddobaadyo ka hor shaqo badan aysan heenin, laakin wixii ka dambeeyay amarkii Kenya in xafiisyadda shirkadaha diyaaradaha ay noqdeen kuwa mashquul ah.

Soomaali badan oo horrey uga soo cararay Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, ayaa hadda raba in ay dib ugu soo laabtaan, sababtu waxa ay tahay dhibkii ay ka carareen ayaa hadda la soo darsay, mar haddii qaraxyo iyo dilal ay ka bilowdeen xaafadda Soomaalida ugu badan tahay ee Islii.

Qoysas badan ayaa lagu arkayaa garoonka diyaaradaha Jooma Kinyaata, kuwaasoo raba in ay soo aadaan Muqdisho, waxa aad u kordhay duulimaadyada aada Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Sida ay lee yihiin shaqaalaha xafiisyadda shirkadaha diyaaradaha ee xaafadda Islii, waxa maalin kasta magaalada Muqdisho soo aada in ka badan 200 oo qof.

Dhinaca kale, waxa jirta Soomaali badan oo iyana u sii gudbay waddanka Uganda, kuwaasoo raacaya diyaarad ama bas.

Goobaha basaska laga raaco magaalada Nairobi ayaa waxa lagu arkayaa qoosas badan oo carruur wata kuwaasoo doonaya in ay soo aadaan Muqdisho ama Kampala.

Soomaali badan ayaa ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, waxana QM ay sheegtay in magaalada Nairobi ay ku nool yihiin ku dhawaad 30,000 oo Soomaali ah.

Soomaalida xaafadda Islii iyo magaalada Nairobi waxa ay ku lee yihiin goobo ganacsiyo oo aad u waawayn, kuwaasoo dhowrkii sano ee la soo dhaafay halkaas laga sameeyay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Baarlamanka Soomaaliya oo ay ka dhex tafatay maanta

0

Kulan buuq ku dhamaaday ayaa waxaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay Xildhibaanada Barlaamanka Soomaaliya kaas oo natiijo la’aan lagu kala tagay maanta.

Waana Markii ugu horaysay Mudanayaasha Cusub ee Baarlamanka Soomaaliya ay buuq ka dhex sameeyaan kulan ay lahaayeen dhexdooda.

Muhiimada kulanka oo ahaa ka doodista miisaaniyada Xukuumadda Soomaaliya ee 2013 ayaa intii ay socotay dooda waxaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay talo ahaan usoo jeediyeen in safaaradaha tirada badan la yareeyo.

Cismaan Aw-libaax oo kamid ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goobta ka jeediyay in laga maarmo safaaradaha qaar ee ku yaala dalalka caalamka isaga oo ka xusay dalka China iyo Ruushka.

Dhankiisa waxa soo istaagay oo goobta hadal ka jeediyay Xildhibaan C/raxmaan Xaaji Ibi oo ah mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kaasi oo sheegay in hadii laga maarmo saafaradaha dalalka China iyo Ruushka taasi macnaheeda uu yahay in iyana laga maarmo Turkiga iyo qaar kamid ah safaaradaha dalalka Africa.

Intaasi kadib ayaa waxa ay goobta noqotay meel buuq iyo qeylo noqotay oo ay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay buuqaan taasi oo keentay in kulanka uu kusoo dhamaado natiijo la’aan.

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamanka oo kulanka Shirgudoominayay ayaa waxaa uu sheegay in shirka uu xeran yahay.

Shirka buuqa ku dhamaaday maanta ayaa waxaa ka maqnaa Gudoomiyaha Baarlamanka Jawaari oo matalaya Madaxwaynaha dalka.

Warbixin: Dibad baxyo ka dhan ah Faroole oo ka dhacay Gaalkacyo

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) Faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dibadyo maanta ka dhacay maagalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, kuwaasoo looga soo horjeedo madaxwaynaha maamulka Puntland Cabdi Raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.

Dibad-baxyada ayaa la soo sheegayaa in khasaaro naf ay ka dhasheen sida ay lee yihiin goobjoogayaasha.

Inta la ogyahay seddax qof ayaa ku dhaawacmay dibad-baxa markii ciidamada ammaanka rasaas ay kula kala ceyriyeen dad dibad-baxayay oo ku sugnaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Dadka ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah maamulka madaxwayne Faroole, waxana ay la haayeen “Doonimeyno kaligii taliye waa inuu aqbalaa in doorashada Puntland la qabtaa 8-da January 2013-ka isla markaana la sii daayaa nabadoonada Puntland.”

Dibad badbaxa oo markii hore ku bilowday si tar-tar tiib ayaa markii dambe isku badalay dibad bax ballaran, oo ciidamada iyo dad dhagxaan wata ay is raacdeesteen, sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Waxaa ay u badnaayeen dhalliyaro iyo haween, kuwaasoo watay boorar lagu soo qoray hal ku dhigyo ka dhan ah madaxwaynaha Puntland.

Markii dibad-baxyada bilowdeen waxa la xiray dhammaan goobaha ganacsiga ee ku yaalla magaalada iyo goobihii dawlada sida xarunta gobolka, xarunta degmada, xarunta booliska, maxkamada iyo xafiisyada kale kuwaasoo laga cabsi qabo in la weeraro.

Ma jiraan wax war ah oo illaa hadda ka soo baxay masuuliyiinta Puntland oo ku aadan dibad-baxyada maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Xaalladda magaalada ayaa caawa deggan, waxana weli xiran goobaha ganacsiga, iyadoo magaalada lagu arkayo ciidamo si teel-teel ah u wareegaya.

Bishii hore ayaa dibad-baxyo looga soo horjeedo madaxwayne Faroole oo ay ka qayb qaateen dameero ay ka dhaceen magaalada Qardho ee gobalka Karkaar, xilligaas waxa magaalada booqanaya madaxwaynaha Puntland.

Deegannada Puntland waxa hadda ku soo qulqulaya siyaasiyiin iyo ganacsato caan ah kuwaasoo damac uu ugu jiro in ay ka qayb galaan doorashada Puntland oo lagu wado in ay ka dhacdo bisha soo socota, laakin wali aan la isku afgaran oo uu jiro khilaaf ballaaran.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

Zubizarreta: David Villa meelna ugama socdo Barcelona.

0

Agaasimaha Kubada Cagta kooxda Barcelona Andoni Zubizarreta ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka sheegaya inuu weeraryahan David Villa kooxda isaga tegi doono inta lagu jiro bisha Janaayo ee uu suuqa kala iibsigu furan yahay.

31-jirkaan heerka caalami ee dalka Spain ayaa shaki ku xeyn daabnaa booskiisa weerarka Barcelona ka dib markii uu lugta ka jabay xilli uu lix bilood garoomada ka maqnaa xilli ciyaareedkii hore, waxaana haatan lala xiriirinaayey inuu ka tago Catalans, Arsenal ayaana si qoto dheer isha ugu heysay.

Si kastaba, Zubizarreta ayaa meesha ka saaray inuu Villa kooxda ka dhaqaaqo wuxuuna sheegay inuu weli fure u yahay kooxda Blaugrana.

“Inta lagu guda jiro bisha Janaayo waan ceshan doonaa Villa,” ayuu Agaasimaha kubada cagta Barca u sheegay Canal Plus.

“Waxaana xusid mudan inaysan Barcelona qorsheyneyn inay aqbasho dalabyada u imaanaya xidigahooda inta lagu jiro Janaayo.

“David waa ciyaaryahan kooxda goolal u keeni karaaya wuxuuna awood ku leeyahay kooxda.

“Hada wuxuu kazoo kabsaday dhaawacyo tixane ahaa waxaan aaminsanahay inuu wax fiican ka sameeyo garoonka dhexdiisa.”

Villa ayaa Barcelona 2010kii kaga soo biiray Valencia, waxayna markaas kusoo iibsatay 40 milyan oo euro ka dib markii uu shan sano oo guulo uu u riyaaqay ku qaatau Mastela Stadium.

Chelsea oo bedelka A.Cole u aragta Benoit Assou-Ekotto.

0

Chelsea ayaa sida macquulka ah dalab ay kula soo saxiineyso u direysa daafaca kooxda Tottenyham Benoit Assou-Ekotto, sida uu qoray Daily Mail.

Rafa Benitez ayaa cadaadis saran yahay sidii uu u heli lahaa bedelka Ashley Cole kaasoo qarka u saaran inuu ka tago kooxda ka dib marka uu qandaraaskiisu dhamaado gabgabada xagaaga, Assou-Ekotto waa xidig aad ugu qibrad badan daafaca.

Chelsea ayaa sida lasoo werinaayo waxay dooneysaa inay xidigaan kula soo saxiixato 5 milyan oo ginni, sida uu qorayo wargeyska Metro, Spurs ayaa xidigaan 3.5 milyan oo ginni 2006dii kaga soo qaadatay kooxda Lens.

28-jirkaan heerka caalami ee dalka Cameroon ayaa ahaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan White Hart Lane xilli ciyaareedkii hore, laakiin tan iyo markii uu kooxda macalin u noqday Andre Villas-Boas dhaawacyo ayaa la degay. Sida la filaayo dhowaan ayuuna soo laaban doonaa.

Inta badan Jan Vertonghen ayaa ahaa doorka daafaca bidix, Kyle Naughton, ayaana isaga laftiisa loo doortaa booskaan.

Chelsea ayaa lala xiriirinaayey daafaca bidix ee Southampton Luke Shaw, laakiin hadii uu 17-jirkaan kusoo biiro kooxda Stamford Bridge taas ayaa la micno ah inuu heysto Blues laba daafac oo bidix misna da’yar ah Shaw iyo Ryan Bertrand.

Steven Gerrard oo mustaqbalkiisa kusoo afjaraya Liverpool.

0

Tababare Brendan Rodgers ayaa doonaya inuu Kabtan Steven Gerrard xirfadiisa kubada cagta kusoo afjaro kooxda Liverpool.

Kabtanka xulka England ayaa qandaraaskiisu dhacayaa xilli ciyaareedka soo aadan wuxuuna macalin Rodgers doonayaa inuu qandaraas cusub kooxda u saxiixo.

32-jirkaan, ayaa ku dhow inuu kulankiisii 400aad ee Premier League u safto Liverpool Rodgers ayaana maanka ku haaya inay kooxdo badan heegan ugu jiraan saxiixa Kantan Fantastc.

“Steven aad ayuu muhim inoogu yahay taasna anaa qirsan,” ayuu yiri tababarihii hore ee Swansea.

“Waan garwaaqsanahay inay qandaraaskiisa ka hartay 16 bilood laakiin waxaan doonayaa inuu qandaraas kale kooxda u saxiixo. Taasna su’aal kama taagna.

“Waan nin kooxda hugaamin karaaya waxaana doonayaa inuu xirfadiisa inta ka harsan usii ciyaaro Reds.”

YAA LAGU LEGDAY SHIRKII NAIROBI?

Shir fool ka fool ah oo in muddo ah la sugayay inuu dhexmaro madaxda dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, waa mid aynu haatan si wadajir ah u dhihi karno “wuu qabsoomay”, balse lagu kala aragti duwan yahay natiijadii ka soo baxday shirkaasi.

Madaxda dowladaha Soomaaliya iyo Kenya waxay kulmeen jimce December 21, 2012, si ay isula meel dhigaan arrimo ay dad badan filayeen in meel sare laga gelin doono ajendaha shirka, si weyn-na loo qaadaa dhigi doono.

Balse sida ka muuqata 9 qodob oo lagu soo bandhigay war murtiyeedkii ka soo baxay shirka, si weyn loogama hadlin qodobo ay si weyn Soomaalidu u sugayeen, kuwaasoo ka mid ah amar ay dowladda Kenya ku siisay Soomaalida bilaa sharciga ah ee ku nool goboladeeda inay dib ugu laabtaan xeryaha qaxootiga iyo dhisidda maamul goboleedka Jubbaland oo aan daah saarneyn inuu ahaa halkii uu ka bilowday mugdiga ku dhex jira labada dowladood.

Qaraxyo is xig xigay ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay ka dhacayay xaafadda Islii ee Soomaalidu u badan tahay ee magaalada Niarobi, kuwaasoo khasaaro nafeed iyo mid hantiyeedba gaarsiiyay Soomaalida iyo Kenyaatiga.

Inkastoo aan jirin cid Soomaalida ka tirsan oo sheegatay qaraxyadaasi, haddana dowladda Kenya waxay farta ku godaysaa Soomaalida, sidaasi darteedna ay ugu amartay inay ka baxaan magaalada Nairobi, ayna iska xaadiriyaan xeryaha qaxootiga.

Soomaalida deggan magaalada Nairobi waxay u badan yihiin kuwo aan sharci lahayn, oo qoysaskoodu ay ku biilaan halkaasi, iyo kuwo xoogsato ah oo siyaabo kala duwan noloshooda u soo saarta.

Badi Soomaalidaasi waxay u arkeen in dowladdoodu ay u soo gurmatay kana filayeen war murtiyeedka in uu ka dhex muuqdo qodob si rasmi ah u quseeya Soomaalida Nairobi deggan iyo xasilooni darrida ka dhacda gudaha Kenya, si Kenya ay u dabcido mowqifka ka saarista Soomaalida magaalada Nairobi iyo gobolada kale ee Kenya.

Arrinta kale ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay isku hayeen waxay ahayd habka dhisidda maamul goboleedka Jubbaland, oo loo arko Kenya inay si weyn dabada uga riixeyso.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka iyo odayaal ka soo jeeda gobollada Jubbooyinka kuwaasoo kula siman dowladda mucaaradidda habka loo dhisayo maamulka Jubbaland ayaa horey ugu eedeeyay Kenya inay kala qeybineyso ummadda ku dhaqan goboladaasi isla markaana ay beel gaar ah garabsiineyso, sida ay hadalkooda u dhigeen.

Inkastoo Kenya ay iska fogeysay eedeeymahaasi, haddana xubnaha ka tirsan baarlamaanka iyo odayaasha ka soo jeeda goboladaasi ee Muqdisho ka soo qeyliyay waxay ugu baaqeen Kenya inay ciidamadeeda deg deg ugala baxdo Soomaaliya.

Qodobadaasi oo muhiim ahaa waxay dad badan u arkaan in madaxda dowladda ay ka il duufeen amma la duufsiiyay.

Heshiis mase Amar?

Qodobadaasi la hareer maray bedelkood waxaa war murtiyeedka ka muuqda qodobo aad isweydiin kartid “ma heshiis baa mase waa amar” {?}.

Qodobka 7aad ee war murtiyeedka shirkii Nairobi waxa uu u qornaa sida tan 7.{Commended the role of the Inter-Governmental Authority on Development (IGAD) in the Grand Stabilization Plan for South Central Somalia and other liberated areas and stressed the need to support this process which has been endorsed by the IGAD Heads of State and Government, the African Union and the UN Security Council.}

Macnaha qodobkan marka la qaadaa dhigo waxa uu tilmaamayaa in aad loo soo dhoweeyay doorka Urur-goboleedka IGAD ee qorshaha xasilinta Bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya iyo deegaanadii dhowaan la xoreeyay, waxaana lagu nuux nuuxsaday sida loogu baahan yahay in la taageero qorshahaasi ay ansixiyeen madaxda gobolka, Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Inkastoo heshiis lagu tilmaamayo qodobkan, haddana waxa uu u muuqdaa mid si dadban ugu amrayo dowladda Soomaaliya uguna adkeynayo inay arrimaha nabadgelyada uga dambeyso dowladaha IGAD islamarkaana aysan soo faragashan sida IGAD ay wax u waddo.

Haddii sida loo fasiray ay tahayna, waxa uu qodobkaasi xad u yeelayaa awoodda dowladda federaalka oo ku hanweyneyd in wax kastaa oo Soomaaliya quseeya iyada looga dambeeyo, taasoo dad badan oo siyaasiyiin iyo indheergarad ahi ku tilmaameen inaan waqtigeedii la gaarin.

Isku soo wada duuboo shirkii Nairobi ku dhexmaray madaxda dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ee ay kala hoggaaminayeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Kenya Moi Kibaki, waxa uu ahaa shir lagu legdamay oo dhulkana lagu dhigay dowladda Soomaaliya.

W/Q: Cabdulqaadir Nuunow

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay u gaar tahay qoraaga ku saxiixan

“Maxamed Cali Ameeriko Bilad ayuu naga istaahilaa”! (Aqri sababta)

Bishaan December ayaa Qaraxyo isdaba joog ah waxey ka dhaceen Dalka Kenya, Magaalada Nairobi, gaar ahaan Xaafadda Soomaalidu dagto ee Eastleigh, waxaana lagu qabqabtay Soomaali tiradeeda lagu sheegay iney 2.000 oo Qof kor u dhaaftay.

Dadkaas la xirxiray Qaarkood waxey sheeganayaan in Jirkoodi iyo Hantidoodi lagu xadgudbay.

Cabdifataax Xasan Nuurow oo kamid ah Dadkii laga soo daayay Xabsiga kuyaala Xaafada Islii ee loo yaqaano “Bangaani”  ayaa wuxuu yiri:

“Markii Xoriyadeyda lagu xadgudbay waxaan fadhiyay Maqalka Maqaayadeyda, Askar baa soo gashay ayagoo durdurinaaya, wixii Maqalka ku jiraynah waa iga boobeen, Aniga iyo Shaqaalihii intey gacnaha naga xirxreen ayeey Baabuur Shabaqla ah nagu dhex tuureen”

“Afar Maalmood baan xirnaa waxaana nasoo daayay Danjiraha Maxamed Cali Ameeriko (Maxamed Soomaali), waxaan Aaminsanahay hadii Illahey uusan Danjire Maxamed Soomaali noo bixin laheyn Maantay Dad badan oo Soomaali ah ayaa Xabsiyada ku basbeeli lahaa!” …

“Aad baan uga Mahadcelineynaa Howsha wanaagsan oo uu noo qabtay, Runtii Cali Ameeriko Bilad ayuu naga istaahilaa!

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Maxamed Cali Amerika oo  Soomaalida Nairobi kunool isku raacday inuu yahay Ninka Soomaalida Dalka  Kenya kunool Maantay badbaadshay ayaa Waayahaan Dambe Propaganda indha la’aan iyo Cunsurinimo ku dheehantahay waxaa baafinayay 8 Website oo Hal beel ay leedahay.

Waxeyna Baafinayeen oo ay Buufinayeen Propaganda Waxkama jiraan ah oo Lid ku ah Danjiraha, habayaraateenah aan laheyn Hal Qodob oo ay u cuskadeen Qalad ka yimid Danjiraha.

Websiteyo Beeleedka lagu bartay ama ku caanbaxay inay Propaganda ku buufiyaan wixii markaas ayaga aan u cuntameyn ama aysan u arkin wax ayaga kasoo fulay ayaa waxey dhaliileen Waxqabadka Danjire Maxamed Cali Amerika.

Oo maxey ku dhaliileen:

  • Waxey ku dhaliileen inuu Marwalba u danqado Dadka Soomaaliyeed oo uu wakiilka ka yahay.
  • Inuu ku wareego Xabsiyada iyo Xerooyinka Qaxootiga si uu u kuurgalo Xaalada Maxaabiista iyo Qaxootiga Soomaaliyeed.

Cali America ayaa dhowr jeer laga maqlay Idaacadaha asagoo ka dhiidhinaya, Astakeynayah Xadgudubyada loo geesto Dadka Soomaaliyeed ee kunool Wadanka Kenya. Malaha Websiteyo Beeledka aan kor kusoo sheegnay waxey diidanyihiin in Waxlaqabto oo Waxlooqabto Dadka Soomaaliyeed.

Websiteyo Beeleedyadu waxey kaloo bilaabeen inay Buraash Dhiiqa ah oo aan geed loogu soo gamban ku seeriyaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliyeed Xasan Sheikh Maxamuud, oo Sadex bilood oo kaliyah Xukunta haya, Waxey kaloo bilaabeen inay Aflagaadeeyaan R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon.

Isku soo duuboo, Aflagaadadaas indha la’aanta ah waxey muujineysaa in Beesha Websiteyadaas ku qaraabata ay kasoo horjeedo Waxwalba oo ku dheehan Horumar, Midnimo iyo Waxqabad Soomaaliyeed.

Barinah waxaan sugeynaa inay Aflagaadeeyaan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaanada aan kasoo jeedin Beesha Sideeda Website…

Isha: KON

OGOW WAX BADAN OODAN OGEYN!

Ogow Aqristow

In aqalka boqortooyada Ingiriiska Bakingham palace ay ku yalaan in ka badan 600 oo qol

In Hawaii la oranjiray Sandwich Islands

In New York ay mar ahaan jirtay caasimada  Mareykanka

In dalka Cuba uu yahay wadanka ugu sokor dhoofnta badan caalamka

In kafeegu uu yahay sheyga loogu ganacsi badanyahay marka laga reebo Petrolka

In dadka mareykanka ay yihiin kuwa ugu Kafee cabka badan dunida

In dadka habeenkii shaqeeyo ay ka cayilanyihiin kuwa maalinta shaqeeyo

Cudurka ugu caansan dunida uu yahay Ilka bololka

In sambabkaaga midig uu ka neef qaadasha badanyahay midkaaga bidix

In biyaha roobka laga helo Vitaminka loo yaqaano B12

In wadanka New Zealand uu yahay dalkii ugu horeeyay ee haweenka u ogolaaday Inay codeeyaan

In 53% haweenku anay guryahooda marnaba ka bixin make up la’aan( is naash naash la’aan)

In Finland tahay wadanka ugu jaziiradaha badan caalamka

In erayga Karate micnihiisu yahay empty hand ( gacan maran)

In Libaaxu aanu ciyi Karin ilaa uu ka gaaro 2sano oo kaamil ah

In dadku 11% ay yihiin kuwa gureey ah

In maroodiyaashu ay 4 ilaa 5 saacadood seexaan 24kii saac mar

In  waxa ugu badan oo ay dadku iloobaan marka ay safrayaan ay tahay  daawada cadayga

In 96% shumacyada ay gataan haweenka

In 42% raggu aaney dhaqin gacmahooda marka ay isticmaalaan suuliga halka 25% haweenku aysan dhiqin.

in India ay tahay wadanka ugu boostada badan caalamka

in magaaladii ugu horeysay oo ay dadkeedu gaaraan  hal milyan ay tahay London

in 80% tuugada guryaha jabsato ay da’doodu u dhexeyso 13 ilaa 21

in kalarka buluuga iyo cadaanka ay yihiin kalarada ugu badan ee laga isticmaalo iskuulada

in xiligii ugu dheeraa ee uu qof koomo ku jiro ay aheyd 37 sano

in sadax meelood meel dadka mareykan ah ay musqulaha falaashaan iyaga oo ku dul fadhiya.

in libaax badeedku aanu joojin dhaqdhaqaaq xitaa markay hurdayaan ama nasanayaan

in jazeerada ugu weyn Mediterranean ay tahay Sicily

W/Q: Wariye Axmednuur Cabdulaahi Cali

London

[email protected]

FAALLO: Puntland Ma Badbaaday Rabtaa Mise Baxnaano?

0

Waxaan maqli jiray maahmaah Soomaliyeed oo tiraahda: “Labaatan jir Mudug jooga Alle uma xil qarin”  Taas waxaa la mid ah cidii maanta Soomali hogaan u qabata.  Maxaa yeelay dadka Soomaaliyeed waa dad meheradoodii ka dhigtay siyaasad, dad habeen iyo dharaar wakhti ku dhumiya maxaa la yiri iyo maxaa la soo sheegay.

Sidaa awgeed, qof kasta oo xil qabta waxaa sugaya imtixaan aduun oo ah in ficil kasta uu qaado ama odhaah kasta oo uu ku dhawaaqo fasiraado iyo faalayn badan loo yeelayo, ama faalo xaqa asiibta ha noqoto ama mid khaldan hanoqotee.  Bal hadaba ka waran qofka yiri waxaan hogaanka u qabanayaa malaayiin qof oo wada siyaasi ah.

Waa saas oo ay reer Puntland Soomaalidu kale dhinaca siyaasad jacaylka iyo faaladeeda, marka Soomalida kale loo eego ay baro dheeryihiin.  Walow, ay sidaas tahay, ayaa shacabka reer Puntland yihiin kuwo u dhago nugul adeecista hogaankooda, had iyo goorna ka dheeraada wax kasta oo khilaaf gacan ka hadal gaari kara.   Badanaana fadhi ku dirir ayaa falan qaynta siyaasadeed lagu dhamaystaa, iyadoo si kaftan lehna hadalka la isugu dhiibayo.

Isku soo duuboo, waxaa maanta mucaaradka iyo muxaafidka Puntland iyo shacabka aan intaa midna ahayniba isla qireen in Puntland maanta ay maraysaa marxalad adag oo u baahan in lagu wajaho dabacsanaan, dulqaad iyo dareen dad iyo degaan jacayl, lagana dheeraado wax kasta oo sii fogayn kara in khilaaf gacan ka hadal yimaado.

Hadaba, waxaa shacabka ku haybtirsada Puntland dal gudo iyo dibadba uga fadhigaan hogaanka maanta xilka haya iyo qof ama koox kasta oo mucaarad ahiba ay la yimaadaan  Garaad garowshiinyo wata iyo geesinimo aan gaagax lahayn, taas oo ah dowga keliga oo lagu xalin karo laguna wajihi karo duruufaha adag ee in si nabadi ku jirto looga gudbo u baahan.

Dowlada iyo Mucaaradkuba waxyaalo ay ku saxan yihiin iyo wax yaalo ay ku khaldan yihiin baa jira, meelo ay isaga imaan karaan oo muwaafaqo keeni kartaan waa jiraan, hadaba , bal aan dib u yare jaleecno waxa sababay dib u dhaca ku yimid geedi socodka sidii loo gaari lahaa doorasho xor ah.

Dowlada: 

Dowladu wax badan oo ay qabatayna way jirtaa wax ay ka gaabisayna way jirtaa.  Hadaba waxyaalaha ay ka gaabisay oo isbedelka siyaasadeed iyo doorasho khuseeya waxa weeyaan inay ku fashilmatay inay wakhtigii loogu talo galay ku fuliso geedi socodka dimocraadiyanta, gaar ahaan Axsaabta Siyaasadeed iyo tira koobka shacabka.

Furista iyo diiwaan gelinta axsaabta siyaasadeed waxay ahayd inay fusho labo sano ka hor, ee maahayn maanta oo afartii sano dhamaatay in lakala ordo.  Taas waxaa dad badan u fasirteen in aan dowladu daacad ka ahayn in isbedel siyaasadeed oo doorasho xor ah ku salaysan uu ku dhaco wakhtigii loogu talo galay, sababta dib u dhaca loo sameeynayayna ay ahayd in dowlada ku sii seeto dheeraysato xilka dowladadeed si ay dib u dhaca cudurdaar uga dhigato.

Talaabooyinka kale ee ka soo horjeeda doorasho cadaalad ah oo dhacda  waxaa ka mid ah:

Waxay ahayd in Guddiga doorashadu noqdo guddi xor ah, oo dhexdhexaad ah oo aan xisbi ama siyaasi gaar ah awood dheeri ah ugu yeelan.  Laakiin, sida ay qabaan siyaasiyiin reer Puntland oo badani waxay tahay in xubnaha guddiga maanta jira uusan ahayn mid madax banaan balse ah mid dowlada maanta xukunka haysa ay soo magacaabatay oo dhinacooda u janjeera.

Waxaa kale oo khalad meel ka dhac ku ah caqliga muwaadiniinta reer Puntland ah in Masuuliyiintii Puntland oo wasiiro leh, gudoomiyayaal Gobol iyo degmo leh, saraakiil leh la yiraahdo waxay xubno ka yihiin Xisbiga Dowlada maanta Xilka Haya uu samaystay ee Horseed, waxaa intaa isku fuuqsaday in 66 Xubnood ee ay soo dirsadeen dhamaan qabiilada reer Puntland la yiraahdo waxay xubno ka yihiin Xisbigan cusub, waxaa kaba sii darnaa in ku dhawaaqista xisbigani ay ka dhacday Baarlamanka Puntland, taas oo ah mid ka soo horjeeda hanaanka dowladnimo,  maxaa yeelay Dhismayaasha dowladu waa mid dadka oo dhan ka dhexeeya ee xisbi gaar u leh una isticmaali karaa uusan jirin.

Mucaaradka:

Mucaaradku waxay u badan yihiin afraad , walow iskooxaysi ay iminka bilaabatay laakiin, mucaaradka kuwa ugu cadcadi waa shaqsiyaad siyaasada wax badan ku soo jiray,  lasoo shaqeeyay dowladihii Cadde, Cabdullahi iyo Siyaad Bare-ba iyo kuwii ka horeeyayba, ay isku jiil yihiin Madaxweyne Dr. Faroole.  Sidaa awgeed, maskax cusub iyo aragti ka duwan tii hore inaysan jiran ayaa dadka qaar qabaa , oo sheekadu ay tahay , toco per toco.

Mucaarad awood iyo kalsooni buuxda ka haysta shacabka Puntlandna ma jiro, sida aysan Dowlada maanta jirtaaba kalsooni buuxda shacabka oo dhan aysan uga haysan.  Goodintooda ku aadan “Car Dr. Faroole maalin ka ku darsado xukunkana” waa mid aan xal siyaasad oo nabadeed horseedi doonin.

Xisbiyada Cusub:

Xisbiyada Cusub wax weyn oo ay soo kordhinayaan ma jiraan baa dad badan qabaa, maxaa yeelay hal xisbi oo buuxin kara shuruudaha ku qeexan xeerka Puntland ma jiro, ama waa xisbiyo beeleedyo, ama waa kuwo gobol qudha ka jira oo aan ku baahsanayn Puntland oo dhan, balse badankoodu Boosaaso iyo nawaaxigeeda ka unkameen.  Waana dhaqdhaqaaqaas iyo shirarka Bari baryahaan ka socday mida keentay in Madaxweyne Dr. Faroole Boosaaso u soo raray dowladii si uu Heegan culus uga hayo finfiniinka siyaasadeed ee dowladiisa gilgilay.

Maxaa Xal ah: 

Aad ayay u adag tahay in Xisbiyo curdin ah, oo aan axdi (xeer) iyo hadaf ay ka duulayaan lahayn haday leeyihiina aan la aqoon, qaacido siyaasadeed (political base) oo xoog lehna aan haysan, dhaqaale buuran uusan jirin,  kuna kooban aragti qof ama beel, ama beelo hal gobol isla dega oo is biirsaday balse aan ku baahsanayn deegaamada Puntland oo dhan.  Haday in diiwaan geliyaan xisbiyadaasi waxay dowlada u saamaxaysaa dhowr arimood oo ah:

  1. Inay dadka ka dhaadhiciso waxaan hirgelinay dimocraadiyad , dadkiina u horseednay nidaam xisbiyo,
  2. Waxay xisbiydaan diiwaan gelintooda u adeegsan doonataa in lagu caburiyo hogaamiyayaasha mucaaradka ee afraada ah

Hadaba , waaa xaqiiq in xisbiyada degdega lagu furtay aysan isdiiwaan gelintoodu wax dheef ah soo hoyinaynin dhib ay horseedaan mooyaane, maxaa yeelay waxaa hubaal ah inaysan guul buuran soo hoyin doonin doorasho dhacda, awooda dhaqaale iyo qaacidada siyaasadeed ee maamulka jirana u babac dhici karin.

Siyaasiyiinta shaqsiyaadka ah , iyagana caqabad taas la mid ah ama kaba siiweyn ayaa hortaala, oo ah awood dhaqaale oo ay ku kala furfuri karaan xubnaha kooban oo codbixiyashasa ah ma jirto,  mid ciidan oo ay kaga hortagi karaan hadii dowlada maanta jirta xukunka ku darsatona ma jiro,  waxaaba intaa ka sii dheer,  taageero siyaasadeed oo sidaa u baahsana ma haystaan.

Dowlada maanta jirtana ku darsasho hal sano oo aan shacabku raali uga noqon, laguna qancin siyaasiyiinta ka soo horjeeda maamulkan waa mid aan u suurto galayn, ilayn Puntland rabitaan shacab ayay ku timid, maamulka jirana doorashu ayuu ku yimid, sidaa awgeed , hadii maamulku isku dayo jajuub, taasi waa mid ka hor imanasa rabitaanka shacabka, wado aan lagu faa’iidina horseedi karta, taas oo kala dili karta shacabka walaalaha ah ee reer Putnland.

Sidoo kale maadaama ay wakhtigii loogu talo galay hirgelinta axsaabta siyaasiga ah ka dib dhaceen, kuna fashilmeel hirgelintoodii, wax (last minute) dhaqiiqada ugu danbaysa la dhoodhoobay guul iyo isbedel uusan horsoode Karin.

Hadaba maxaa xal ah, waxaan arkaa labo arimood mid in ay kala doortaan reer Puntland iyagaa u dow leh.

Xalka Koowaad:

In maadaama mucaaradku aysan diyaar u ahayn in dowladu wakhti ku darsato ay doorashadii dhacdo Jan, 2013.  Balse ay ahaato oo qudha tartan dhex mara afraad siyaasiyiin ah oo tartamaya , balse wax xisbiyo siyaasadeed la yiraado meesha laga saaro, maadaama aysan mudada intaa le’eg ku suurto geli Karin in la hirgeliyo laguna barto axsaabta cusub waxa ay yihiin , cida hogaamisa, hadafka ay ka duulayaan iyo barnaajimkooda siyaasadeedba.   Qofkii ku guulaysta doorashadaasna ama ha noqdo madaxweyne Dr. Faroole ama qof kalee hore u sii wado oo dhamaystiro hirgelinta axsaabta Siyaasadeed iyo tira koobka shacabka si markaasi doorka danbe loo gaaro xornimo buuxda oo ku aadan doorashooyinka iyo xoriyadda fikarka siyaasi iyo aragtiyeed.

Xalka Labaad:

In dowlada jirta wakhti go’an loogu daro, ugu yaraan 6 bilood, ugu badnaan sanad, laakiin ku daristaasi ay wadato shuruudo dhowr ah sida:

  1. In wakhtiga diiwaan gelinta axsaabta siyaasadeed dib loo dhiyo oo la siiyo mudo ku filan hirgelintooda iyo tartankooda siyaasadeed.
  2. In guddiga doorashada oo iminka jira la kala diro oo lagu bedelo guddi dhexdhexaad ah oo ay ku wada qancaan dowlada jirta iyo mucaaradkuba.
  3. In isamadda Puntland ay heshiiskaan dhexdhexaadiyaan xilka fulintiisana dusha u rutaan
  4. In cida wax dooranaysan noqdaan shacabka Puntland ee aysan noqon 66 qof ee qol lagu soo xirto, si taas loo helana tiro koobka shacabka iyo diiwaan gelintooda la sameeyaa xiliga doorashada ka hor
  5. In doorashadu xiliga ay dhacayso , ururada dowliga ah  iyo hay’adaha kor-joogtada ka noqda doorashooyinka caalamka lagu casumaa inay goobjoog ka ahaadaan si loo xaqiijiyo in doorashadaasi cadaalad iyo xornimo ku dhacday
  6. In dowlada iminka jirta aysan hantida , gaadiidka iyo dhismayaasha dowlada u adeegsan Karin howlo xisbi siyaasadeed oo gaar loo leeyahay
  7. In mucaaradka loo saamaxo inay ilaalo gaar ah yeelan karaan, aragtidooda iyo hadafkooda siyaasadeedna  si xor ah ku gudbin karan , qabsan karaana shirar.
  8. In idaacadaha dalka ka jira aan la caburin, balse xornimo buuxda la siiyo
  9. Iyo ugu danbays in siyaasiyiinta iyo saxaafaduba ka fogaadaan aflagaado iyo bahdal qof, oo aan la shakhsiyadayn siyaasada,  balse ay ku koobnaadaan wixii siyaasad iyo badbaado dal , dad iyo deegaan khuseeya oo qudha.

W/Q: Farah Aw-Osman [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Madaxwaynaha Somalia oo socdaal ku jooga dalka Uganda.

0

Wafdi uu hogaaminayay madaxwaynaha dowlada Soomaaliya ayaa goordhow waxaa ay ka dageen magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.

Madaxwayne Xasan ayaa ka soo ambabaxay Kenya halkaas oo sadaxdii cisho ee ugu dambaysay uu booqasho uu ku joogay.

Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta  C/llaahi Ciilmooge Oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha oo Radiyaha dowlada la hadlay ayaa sheegay in guud ahaaan ajandihii ay u tageen Kenya ay ku guulaysteen.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa saacadaha soo socda waxaa uu la shiri doonaa dhigiisa Uganda waxaana ay ka hadli doonaan arimaha Amaanka iyo Xiriirka labada dal.

Baarlamanka Soomaaliya oo maanta ka shiraya Miisaaniyada

0

Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta kulan kuleh Xarunta Golaha Shacabka ee ay ku shiraan mudanayaasha Baarlamanka.

Kulanka Maanta ayaa waxaa ay baarlamanka ay ugu doodi doonaan miisaaniyada sanadka 2013  ee ay ku shaqaynayso Dowlada Soomaaliya.

In kastoo lagu madalsan yahay qabsoomida kulanka ee looga doodayo Miisaaniyada ayaa hadana dhicitaankiisa shaki badan la gelinayaa.

Xildhibaan Maxamed Cumar  oo lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kulanka maanta uu quseeyo arimaha miisaaniyad iyo dhamaystirka howlaha u yaala Baarlamanka.

Laakiin kulanka maanta ayaa waxaa ka maqnaanaya gudoomiyaha Baarlamanka oo maalintii shalay loo cuskaday qodob dhigaya in shirka uu ka baxo maadaama uu matalayo madaxwaynaha dalka waxaana la wareegaya howshiisa ku xigeenkiisa.

Afhayeenka Baarlamanka Somalia oo maanta qoddob uu jabiyay lagu qaaday

0

Muqdisho(Caasimada Online) Fadhi maanta oo Axad ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya uu ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa afhayeenka baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari qoddob uu jabiyay oo ku qoran dastuurka lagu qaaday.

Qoddobka uu jabiyay guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxa uu ahaa qoddobka 94-aad ee dastuurka qaranka, kaasoo dhigaya in hadduu uu dalka ka maqan yahay madaxwaynaha Soomaaliya ama ay xaalad caafimaad la soo daristo in xilka ugu sareeya dowladda uu qaban karo guddoomiyaha baarlamaanka.

Cumar Islow Maxamed oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka oo qoddobkaas ka hor akhriyay fadhiga maanta oo uu soo xaadiray guddoomiyaha baarlamanka, ayaa marki dambe wuxuu kursiga ka istaagay Jawaari, iyadoona uu kulanka shir guddoomiyay wixii xilligaas ka dambeeyay guddoomiye ku-xigeenka koobaad Jeylaani Nuur Iikar.

Markii qoddobaadkaas loo sheegay guddoomiyaha baarlamaanka, wuxuu ka kacay fadhiga maanta baarlamaanka, waana lagu hooriyay iyadoo uu howlka is-qabsaday sacab iyo sawaxan aad u badan.

Kulankii maanta oo uu goobjoog ka ahaa wasiirka maaliyadda iyo qorsheenta Maxamuud Suleymaan Xasan , ayaa markii dambe waxa la dhageestay guddiyo uu baarlamaanka u xil saaray in ay ka soo talla bixiyaan miisaaniyadda ay ku shaqayn doonto dowladda sannadka soo socda ee 2013-ka.

Guddoomiyaha ayaa fadhiga isaga baxay, waxana uu muuqday mid ku faraxsan , waana uu dhoola cadeenaayay markii uu fadhiga ka baxayay.

Waa qoddobkii ugu horreyay ee lagu fuliyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, isagoo markaas ah hoggaanka baarlamaanka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulamo is-daba joog ah maalmahan ku leh Muqdisho, waxana maalinta berri ah ay ka dooddi doonaan miisaaniyadda ay soo bandhigtay dowladda Soomaaliya.

Xildhibaannada ayaa dhawaan fasax labo bil qaadan doono marka uu dhammaado shaqada hadda hortaala oo ay ka mid yihiin in ay cod u qaadaan heshiis dhinaca Millatariga oo dhexmaray waddamada Soomaaliya iyo Turkiga.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Wasiirka Gaashaandhiga oo u kicitimay Uganda iyo Kenya + Ujeedka

0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya C/Xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad safar shaqo ku aaday Dalalka Kenya iyo Uganada si uu ula kulmo Wasiirrada Gaashaandhigga wadamadaasi.

Fiqi ayaa ugu horreyn Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya kula kulmi doonta Wasiirka Difaaca dalkaas Mudane Maxamed Yuusuf Xaaji oo ay ka wada hadli doonaan sidii loo xoojin lahaa Iskaashiga Dhanka amniga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo horumarin lahaa Howlgallada ay Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ka wadaan Gobollada Jubbooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo iyo magaalooyinka kale.

Socdaalka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ee Kenya kadib waxa uu wasiirku  u safri doonaa Magaalada kampala ee xarunta dalka Uganada Halkaas oo uu kula kulmi doono Wasiirka Gaashaandhigga Dalkaas Karisbas Kyonga oo uu kala hadli doono sidii loo kordhin lahaa loona dardar gelin lahaa Howlgalka Ciidmada AMISOM iyo sidii ay isaga kaashaan lahaayeen Madaxda wasaaradaha Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Uganada adkeynta iyo Xasilinta Amniga Soomaaliya.

Waa Safarkii Labaad ee Wasiirka Gaashaandhiga uu ku tago dalka Dibadiisa waxaana ka horeeyay oo uu socdaal ku tagay Dalka Turkiga.