28.1 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Daniel Sturridge oo ku dhow inuu ku biiro kooxda Liverpool.

0

Liverpool ayaa la aaminsan yahay inay xalisay qarashaadkii cadaanka ah ee Daniel Sturridge xilli ay ku dhowdahay inay usoo dhaqaajiso Anfield waxaana la rajeynayaa in heshiiska shaaca laga qaado 48da saacadood ee soo aadan.

Wargeyska Afka dheer ee Sportsmail ayaa ogaaday inay wadahadalada la iska meel dhigay uuna 23-jirkaani ka dhaqaaqi doono Stamford Bridge xilli uu qeyb ka noqonayo weerarka la xoojinayo ee kooxda Liverpool.

Sportsmail ayaa markii ugu horeysay ogaatay inay Liverpool dooneyso Sturridge dhamaadkii bishii August.

Xidigaan ayaa caafimaadka u mari doona Reds waxaana la fahamsan yahay inay kula saxiixaneyso 12 milyan oo ginni.

Theo Walcott oo doonayaa inuu lasii joogo kooxdiisa Arsenal.

0

Theo Walcott ayaa qaboojiyey wararka sheegay inuu xilli ciyaareedka ka tegayo Arsenal, xilli uusan xidigaani weli qandaraas cusub la gelin kooxdiisa wadahadalada qandaraaska ayaana la isla meel dhigi doonaa bisha soo aada.

Walcott, oo ah ciyaaryahanka xilli ciyaareekaan ugu goolasha badan Arsenal isagoo dhaliyey 11 gool, ayaa wuxuu qandaraaskiisu dhacayaa xagaaga waxayna Arsenal diiday inay mushaarkiisa Isbuucii 75 kun oo ginni ah u kordhiso.

Hadii wadahadalada heshiiska cusub la isla meel dhigi waayo bisha soo aadan, Walcott ayaa si fudud u dhegeysan doona dalabyada kaga imaanaya Manchester City, Liverpool, Manchester United iyo Chelsea inta lagu jiro xagaaga.

Laakiin 23-jirkaan heerka caalami ee dalka England ayaa ka dhawaajiyey inuu weli doonayo inuu lasii joogo Arsenal hadii wadahadalada la isla af-garto. Sidoo kale uu tababare Arsene Wenger siiyo boos joogta ah iyo in fursad loo siiyo inuu ka ciyaaro booska gool dhaliyaha.

AC Milan oo Janaayo 20 milyan ku dooneysa Mario Balotelli.

0

Kooxda Talyaaniga AC Milan ayaa cadeysay inay Janaayo 20 milyan oo ginni kula soo saxiixaneyso weeraryahanka kooxda Manchester City Mario Balotelli, waana si kazoo horjeeda sida uu doonayo tababaraha Manchester City Roberto Mancini.

Madaxweynaha kooxda Milan Silvio Berlusconi ayaa wuxuu amar ku siiyey ku xigeenkiisa Adriano Galliani inuu lasoo saxiixdo Balotelli oo uu taageere u yahay, wuxuuna doonayaa inuu ciyaaryahankii hore ee Inter Milan dib ugu soo celiyo San Siro, xilli ay Milan qorsheyneyso inay wadahadalo toos ah la galaan milkiilayaasha City ee u dhashay dalka Abu Dhabi iyo wakiilka ciyaaryahanka Mino Raiola.

Taas ayaa kasoo horjeesaneysa Mancini oo lasoo werinaayyey inuu doonayo inuu xidigaani baaqi kusii ahaado England.

Balotelli ayaa seegay kulankii City ay 1-0 ku garaacday Reading, Mancini ayaa kulanka ka dib yiri: “Mario wuu xanuunsanayaa. Ma garanayo xilliga uu diyaar noqon doono. Hal isbuuc sidaan ayuu u xanuunsanaa. Shalay tababarka ayuu yimid sababtoo ah wuxuu doonayey inuu tababar qaato laakiin wuu awoodi waayey. Laakiin waan ku booqan waayey gurigiisa. Waana wax aan macquul aheyn.”

Waxaa lasoo sheegayey inuu Balotelli xiriiri aan wanaagsaneyn kala dhexeeyo Mancini, iyo milkiilaha City Sheik Mansour iyo gudoomiye Khaldoon al Mubarak.

Sir Alex Ferguson oo isha ku haaya bedelka Nemanja Vidic.

0

Sir Alex Ferguson ayaa bisha soo aadan Janaayo mudnaanta siinaya inuu lasoo saxiixdo xidig ka ciyaara daafaca dhexe, waxaana diirada u saaran xidiga heerka caalami ee dalka Denmark Jores Okore, sida uu qoray wargeyska Sunday People.

Tababaraha Manchester United ayaa sidoo kale isha ku haaya Geesigii Celtic usoo bixiyey Champions League, goolhaye Fraser Forster, kaasoo aduunka is baray markii ay Barcelona shabaqa u waardiyaha ka ahaa dhibaato ku martay.

Fergie ayaan dooneyn inuu bartamaha xilli ciyaareedka ganacsi badan sameeyo laakiin wuxuu u sheegay wakiilada wax u indha-indheeya inuu doonayo daafac dhexe sababtoo ah dhaawacyada la degay Nemanja Vidic iyo Rio Ferdinand oo aan u muuqan mid mustaqbal dheer sii leh.

Waxaana haatan diirada u saaran 20-jirka daafaca uga ciyaara kooxda Nordsjaelland Okore, kaasoo la yaab ka dhigay Champions League sanadkaan, inkastoo kooxdiisu ay guul darrooyin dhowr ah qaadatay.

Okore, ayaa lagu qiimeeyaa mid ka mid ah xidigaha daafaca ugu fiican Yurub waxaana dhowaan loogu yeeray qaranka Danish-ka, wuxuu kazoo jeedaa dalka Ivory Coast laakiin wuxuu qaatay dhalashada dalka Denmark, Okore ayaana lagu qiimeeyaa xidig leh qaaab difaaceed wanaagsan.

Chelsea oo qandaraaska u kordhineysa Juan Mata.

0

Chelsea ayaa qarka u saaran inay qandaraas cusub ka dalbato Juan Mata kaasoo Stamford Bridge kusii heyn doona shanta sano ee soo aadan.

24-jirkaan qadka dhexe ayaa 18 bilood kooxdaan heshiis kula jiray markaasoo ay Chelsea kala soo saxiixatay Valencia bishii August sanadii hore.

Xidiga heerka caalami ee dalka Spain ayaa si dhaqso ah ula qabsaday Chelsea, xilli uu caawimaad siiyey ninka ay isku wadanka yihiin Fernando Torres.

Xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyey ayuu Blues ku hugaamiyey FA Cup iyo Champions League wuxuuna noqday xidig ay aad u jecel yihiin taageerayaasha Stamford Bridge.

Sidaas darted, Chelsea ayaa dooneysa inay ka dalbato qandaraas cusub oo laba sano ah ayna mushaarkiisa ka dhigto 100 kun oo ginni Isbuucii.

Xidigaan ayaa sidoo kale qiimihiisa gool dhalinta soo bandhigay xilli uu goolal soo dhaliyey isagoo ka hoos shaqeynaya tababareyaashii soo leyliyey kooxda Galbeedka London ­Andre Villas-Boas, ­Roberto Di Matteo iyo haatan oo uu kazoo ciyarayo Rafa Benitez.

Cristiano Ronaldo oo doonaya inuu kusoo laabto Man Utd.

0

Weeraryahanka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa doonaya inuu kusoo laabto xagaaga kooxdiisii hore ee Manchester United.

Wargeyska SunSport ayaa daaha ka qaaday in xidigii  hore ee United uu rajeynayo inuu ka tago Real Madrid uuna kusoo laabto Old Trafford, maalin ka dib markii uu sheegay tababare Alex Ferguson inuu jeclaan lahaa inuu kooxda kusoo laabto.

27-jirkaan heerka caalami ee dalka Portugal ayaa loo sheegay in si fiican loogu soo dhoweyn doono garoonkii uu horay ugu soo ciyaari jiray marka ay Real Madrid lugta labaad ee wareega 16ka Champions League wajahdo United.

Xidigaan oo 80 milyan oo ginni Los Blancos kula biiray 2009, ayaa si aad ah kooxdaas uga soo dhex muuqday wuxuuna 170 kulan ku dhaliyey 169 gool. Waana mid ka mid ah xidigaha ugu mushaarka badan caalamka taasoo keentay inuu 810 milyan oo ginni ku qaato 2½ (Laba sano iyo bar) gudahood.

Si kastaba, Ronaldo ayaa isha ku haaya inuu dib ugu soo laabto kooxdiisii hore ee Red Devils. Halka uu sidoo kale doonayo inuu mar labaad la shaqeeyo tababare Fergie.

10-kii Xidig ee heshiiskooda uu ku ku fashilmay Macalin Alex Ferguson

0

exclusive-information-about-sir-alex-ferguson’s-26-years-at-manchester-united-01-456x552In ka badan 25-sano ee  uu ku fadhiyay kurisga keydka ee kooxda Manchester United Macalin Alex Ferguson oo 70 jir ah, waxa uu ku guuleestay in uu Kooxda Manchester United ka dhig mid ka mid ah kooxaha kubada cagta ciyaaro ee Caalamka ugu weyn looguna jecelyahay.

Waxa uu u soo joogay guulo fara badan oo ay kooxdiisa gaartay wuxuuna Magaca Man Utd noqday mid Caalamka aynu maanta joogno si aad ah loogu yaqaano looguna ixtiraamo.

Waxaa sidoo kale marag madoonta ah in Macalin Ferguson uu yahay Macalinka ugu waqtiga dheer ee kooxaha waa weyn ee Caalamka soo leyliyo iyadoo Milkiilayaasha Kooxda Manchester United ne ay taasi badalkeeda ugu abaal marin ugu dhigeen in ay Masiirka Kooxda ay gacanta ugu shubaan.

Hadaba Intii uu Macalinka u dhashaay Dalka Scotland  ku sugnaa Garoonka Old Trafoll waxa uu Kooxda Manchester United u soo hoyay in ka badan 38 Koob oo ay ku jiraan 12 Horyaalka Primier Leagu-ka ah iyo 2 ka mid ah Koobka ugu Qaalisan Qaarada Yurub ee Champions Leagu-ga loo yaqaan.

Guushaasi uu gaarsiiyay kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson waxaa barbar socday  dabeecadiisa oo aad u kul kulul taasina ay qasabtay in ay kooxda isaga tagaan  qaar ka mid ah Xidigo muhiim u ahaa Kooxda Manchester United sida Roy Keane, David Bechkam iyo Ruud Van Nistelrooy Fabian Barthez iyo kuwa kale .

Magacyada 10-kii Xidig ee heshiiskooda uu ku ku fashilmay Alex Ferguson .

1- DIEGO FORLAN  (Signed from Independiente for £6.9m in 2001)

2. BEBE  (Signed from Vitoria de Guimaras for £7.4m in 2010)

3. MASSIMO TAIBI (Signed from Venezia for £4.5m in 1999 )

4. ERIC DJEMBA-DJEMBA (Signed from Nantes for £3.5m in 2003)

5. DAVID BELLION (Signed from Sunderland for £3m in 2003)

6. JORDI CRUYFF (Signed from Barcelona for £1.4m in 1996)

7. DONG FANGZHUO (Signed from Dalian Shide for £500,000 rising to £3.5m in 2004)

8. JUAN SEBASTIAN VERON (Signed from Lazio for £28.1m in 2001)

9. KLEBERSON (Signed from Atletico Paranaense for £6.5m in 2003)

10. WILLIAM PRUNIER (Signed on a free transfer in 1995)

Ugu Danbeyntii xusid mudan in Macalin Ferguson uu sidoo kale uu ku guuleestay in uu Heshiisyo lagu faa’day ku soo xero galiyay Xidigo caan ah sida C. Ronaldo, P. Evra, P. Scholess, Ryan Giggs, Denis Irwin, Edwin Van der Sar iyo xidigo kale oo tiro badan.

Cabdiqani Cali Dalmar
[email protected]
Caasimada-Bern Switzerland

DEG DEG: Digniino laga bixiyay duufaano ku dhufan doona Somalia

0

Duufaano kuleylo wata, ayaa la saadaalinayaa inay ku dhufan doonaan Somalia saacadda marka ay tahay 12:00qm 25-ka December, waxaa sidaa shaaciyay ciidamada badda iyo kuwa cirka Mareykanka.

Duufaanta oo ah nooca Tropical Storm 4, ayaa la sheegay in dhibic dhaceedu noqon doono 8.2, ayna keeni doonto hal daqiiqo oo ah dabeylo aad u xoogan, oo xowligoodu saacaddii ku socon doona 101km ama 63 mile.

saadaalWaxaa sidoo kale laga digay in dabeysha iyo boorka ka kici doona dhulka ay aad u sareyn doonaan marka duufaanto soo dhacdo.

Waxaa duufaanada ay si gaar ah u saameyn doonaan xeebaha deegaanada Puntland, gaar ahaan Eyl iyo meelo ku dhow.

Milataraiga Mareykanka waxa ay sheegeen in akhbaartan ay tahay kaliya mid feejignaan ah, oo aan loo qaadan karin kuwa ku saleysan go’aano dhimasho ama naf halis galin kara ama hanti.

Waxa ay sheegeen in qof kasta oo ku sugan deegaanka oo ka walaacsan bad baadadiisa nololeed uu la xiriiro hay’adda dalkiisa u qaabilsan cimilada, balse nasiib darro adeegaas iminka kama jiro Somalia.

Digniintan ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray oo Milatariga Mareykanka u gudbiyay  TropicalStorm Risk (TSR), oo ay ka mas’uul yihiin hay’adaha Aon Benfield, Crawford & Company iyo Jaamacadda University College London (UCL).

FG: Digniintan waa mid ku dhisan saadaal un, qasabna ma ahan inay 100% sax noqoto

Muqdisho: Askar dib ugu noqotay isbaaro iyo tallaabadii laga qaaday

0

Ciidamo Dowlada ka tirsan oo isbaaro dhiganayay ayaa  la sheegay in la dhigay Saldhiga ciidamada dowlada ee degmada dherkenley waxaana gacanta ku soo  dhigay ciidamo kale oo dowlada ah.

Gudoomiyaha degmada Dherkeley ee dowlada Soomaaliya Macalin cabdule cali hilowle ayaa carabaabay inay gacanta ku soo dhigeen ciidamo hubaysan oo dowlada ka tirsan misan ay u taalay Isbaaro ay dadka shacabka lacago baad ay ugu qaadayeen waxaana ka hortagay ayuu yiri ciidamada degmada oo ku howlanaa qaadista Isbaarooyin wali si hoos ah u jira.

Wuxuu sheegay Gudoomiyaha in Askartan ay ku xiran yihiin saldhiga degmada Dherkenley ayna u gudbin doonaan laamaha Amaanka dowlada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ay Askartan lacag badan ku qaadanayeen guryaha la dhisayo iyo alaabaha la dajinayo ama la qaadayo.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa horay uga digay Askarta Dowlada Isbaaro dhigashada walow hadalkiisa uu dhaqan galay hadana wali waxaa jira Isbaarooyin hoose oo ay dhiganayaan ciidamada dowlada.

Faroole oo Nabaddoono caan ah kala baxay Hoteelo ay deganaayeen.

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in ciidamada maamulkaasi ay xireen nabadoono caan ka ah Deeganadaasi.

Nabadoonadan la xiray ayaa waxaa wararku sheegayaan in laga baxay Hoteelo ay ka deganaayeen magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Afar nabadoon  ayay wararka sheegayaan in saddex kamid ah ay dib usoo celiyeen halka mid kalena ilaa iyo iminka aan la aqoon halka lala aaday.

Waxaa sida la sheegay nabaddoonada lagu xiray amarka madaxweynaha maamulkaasi Cabdiraxmaan Faroole.

Nabadoonada xalay ciidamada maamulka Puntland ay xireen islamarkaana ay dib ugu soo celiyeen hoteelka ay ka dagan yihiin Magaalada Garoowe, ayaa waxaa kamid ahaa Nabadoon Maxamed Shoobe Afcase, Caaqil Sahal Cabdislaaan Yuusuf Faahiye oo dhamaantood u tagay Garoowe ka hadalka siyaasada cakiran ee Puntland.

Madaxwaynaha Puntland Faroole ayaa doonaya in waqtiga uu kororsado taasna waxaa ka soo horjeestay dhamaan dadka Puntland ee isugu jira odayaasha, siyaasiyiinta iyo qaybaha kale ee Bulshada.

Waxaa sii kordhaya mucaaradada lagu hayo Faroole, waxaana taa beddelkeeda Faroole uu sii kordhiyay xariga dadka isaga kazoo horjeeda.

Raila Odinga oo lataliye ka dhigtay nin Soomaali ah + Sababta iyo howsha

0

Nairobi (Caasimada Online) Ra’iisal wasaaraha waddanka Kenya Raila Odinga ayaa u magacaabay lataliyihiisa dhinaca siyasadda arrimaha Soomaaliya Ibrahim Axmed Rashid.

Kaliye ma ahan arrimaha Soomaaliya in uu kala shaqayn doono, ee wuxuu sidoo kale kala shaqayn donna arrimaha gobalka oo dhan.

“Waa ku kalsoonahay in dadka Soomaliyeed ay u midoobi doonan kahor taga dhibaatooyinkii ugu dambeeyay” sidaa waxaa yiri Odinga.

Mr. Rashiida ayaa noqon doona ninka isku xiri Ra’iisal wasaaraha iyo dowladda Soomaaliya, waa qof ku xeel dheer arrimaha Soomaaliya ka socda.

Magacaabista Ibrahim Ahmed, ayaa kusoo aadeeysa xilli uu wadanka Kenya booqasho laba cisho ah ku joogo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh, iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Soomaali badan oo ah Kenyan ayaa xilal ka haya xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisal wasaare Odinga waxa ka mid ah wasiirka gaashandhiga Yuusuf Xaaji.

Kenya iyo dowladda Soomaaliya xiriirkooda ma wanaagsaneen tan iyo markii la doortay madaxweynaha Soomaaliya bishii September ee sannadkan.

Labada dowladood ayaa ku kala aragti duwan maamul u sameenta gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

Kenya ayaa olale ballaaran ugu jirta siddii degdeg loo samen lahaa maamulka jubbooyinka iyo Gedo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Maxkamad gaartay go’aan ku saleysan qurux kii ugu yaabka badnaa + Video

0

Nin madax ka ah goob shaqo, ma ka ceyrin karaa shaqada mid ka mid ah shaqaalihiisa, sababtoo ah isaga iyo xaaskiisa ayaa u arka inay halis ku tahay guurkooda?

Jawaabta waa haa, waxaa sidaasi jimcadii xukmisay maxkamadda sare ee gobolka Iowa ee dalka Mareykanka.

“Su’aasha inaan ka jawaabno ay tahay ayaa ah……in shaqaale aan wax xiriir ah ku lug yeelan si sharci ah loo ceyrin karo, sababtoo ah booska ayaa u arka inay tahay mid quruxdeeda iyo soo jiidashadeeda aan indhaha laga qabsan karin” waxaa sidaas qoray xaakim Edward M. Mansfield, oo ka tirsan maxkamadda sare ee xaakimiinteedu ay labka wada yihiin ee Iowa.

Kiiskan, ayaa gaaray maxkamadda kadib markii shaqaale lagu magacaabo Melissa Nelson laga ceyriyay shaqadeeda, sababo la xiriira booskeeda oo u arkay inay tahay mid soo jiidasho leh oo aan la iska indha tiri karin.

Garyaqaanka u doodaysa Melissa ayaa sheegtay in go’aanku yahay mid qaldan oo u xaglinaya hal jinsi.

Melissa oo ah kalkaaliye dhaqtarka ilkaha oo lagu magacaabo James Knight, ayaa waxa uu ku eedeeyay inay u labisto si dareen gelin ah, oo   wareer gelisay, kadibna ku qasabtay inuu shaqada ka eryo si uusan u damcin, taasi oo bur bruin karta guurka isaga iyo xaaskiisa.

Sidoo kale xaaskiisa ayaa iyana ka shaqeysa xarunta caafimaad.

Kiiskana ayaa noqday mid aad looga hadal hayo guud ahaan warbaahinta dalka Mareykanka iyo go’aanka yaabka leh oo ay qaadatay maxkamadda sare ee Iowa.

Halkan ka Daawo wareysi CNN la yeelatay Melissa

Dowladda oo war naxdin leh u dirtay hay’adaha gar gaarka caalamiga ah

0

Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in hay’ad aysan ka warqabin ka howlgali karin dalka Soomaaliya xilli hay’ado badan dalka ay ka shaqeeyaan.

Wasiirka Adeega Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Maryan Aweys xilli ay ka hadlaysay kulan ay la qaadatay Hay’adaha ka howlgala dalka Soomaaliya ayaa arintaan ka dhawaajisay.

Maryan Aweys Wasiirka Adeega Bulshada Xukuumada Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay inay farxad u tahay dalka Soomaaliya ay ka dhamaatay marxaladii kala guurka aheyd Dowladda iminka jirtana ay tahay Dowladd rasmi ah.

Majiri doonaaan ayay tiri  qorshayaal ay dusha kala imaadaan Hay’adaha caafimaadka iyo kuwa howlaha kale ka qabta dalka Soomaaliya islamarkaana hogaanka Hay’adaha ay leedahay Wasaarada adeega Bulshada.

Wasaarada adeega Bulshada Xukuumada Soomaaliya ayaa kulan la qaadatay maalintii shalay dhamaan Hay’adaha ka howlgala dalka Soomaaliya ee qaabilsan dhanka caafimaadka iyo gargaarka intaba.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo ku kulmaya Nairobi.

0

Nairobi (Caasimada Online)  Warar lagu kal soon yahay ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ku sugan magaalada Nairobi, uu kulan la qaadan doono guddoomiyaha ku meel-gaarka ee magaalada Kismaayo ahna hoggaamiyaha ururka Raaskambooni Sheekh Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo isna gaaray  magaalada Nairobi maanta oo sabti ahayd.

Madaxweynaha ayaa galabta la kulmay jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan magaalada Nairobi.

Ma jirto wax-faah-faahin ah oo laga hayo safarka uu maanta ugu ambabaxay Axmed Madoobe magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Laakin illo lagu kal soon yahay ayaa sheegay in uu kulan la qaadan doono Madaxweyne Xasan Sheekh  Maxamuud si ay uga wada hadlaan arimaha maamul usamaynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Axmed Madoobe ayaa dhawaan ka celiyay garoonka diyaaradaha Kismaayo wafdi uu soo diray madaxweynaha Soomaaliya, kaddib markii uu sheegay in aan lagu soo wargalin.

Sidoo kale, inta uu halkaas joogo Axmed Madoobe waxa uu kulan kula qaadan doona urur gobaleedka IGAD oo ku howlan maamul usameenta gobada Jubbooyinka iyo Gedo oo hadda meel gabagabo maraya.

Sidoo kale waxa kulanka madaxweynaha uu la qaadan doono Axmed Madoobe uu la qaadan doono shirweynaha Jubbaland oo hada la xaqiijiyay in Bisha January ee sanadka cusub uu dhici doono.

Hoggaamiyaha kooxda Raskambooni Sheekh Axmed Madoobe waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku sagootiyay, saraakiilsha Ciidamada Huwanta iyo kuwa Kenya.

Wixii ku soo kordha warkan kala soco Caasimada Online

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Garab ka mid ah ONLF oo sheegay in ay aqbaleen Dastuurka Ethiopia.

0

Addis Ababa (Caasimada Online) Sarkaal ka tirsan ururka ONLF ayaa sheegay inay aqbaleen dastuurka Ethiopia oo sabab u ahaa inay burburaan wadahadallo dhexmaray  Ururka iyo dawladda Ethiopia bishii October ee sannadkan.

Cabdninuur Cabdullaahi Faarax oo ah kaaliyaha xoghyaha arrimaha dibedda ururka ONLF isla markaana xubin ka ah Guddiga Fulinta ayaa sheegay inuu ku sii jeedo magaalada Addis Ababa ee caasimada Ethiopia.

Wuxuu sheegay in u jeedka socdaalkiisa uu la xiriiro sddii uu wadahadallada usii wadi lahaa sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu yiri “Dowladda Ethiopia sida aad la socotiin muddo ayaan wadahleynay oo wadahadalladii waa kii ay hakadeen, si aan kutalagal ahayn ayey u hakadeen ,koley ONLF kama aysan noqon wadahallada, haddii aan nahay madaxdii Jabhadda, qaabka ay wadahallada u hakadeen markii ay yimaadeen caqabado”

Wuxuu kaloo sheegay in koo yar ay go’aan gaartay kuwaasoo sheegay in dastuurka Ethiopia aysan oggoleen, marka kaddib tashi aan sameenay hoggaankii jabhadda iyo golihii dhexe waxan go’aan sanahay in wadahadallada ay sii socdaan , dastuurka Ethiopia aan ku wada xoojoono oo aan qaadano dastuurka Ethiopia” ayuu yiri

Mar la weydiiyay go’aanka cida ku wehlisa wuxuu yiri “Annigu masuul ayaan ahay, halganka aan matalayay waxa uu ahaa guddiga dhexe ayaan ahaa ee ururka, ragii halganka iyo dagaalka ururka bilaabay ayaan ahaa, ma ihi qof kaligiis dhaqaaqi kara, waxan matalayaa shacabka Soomaaliya ogaadeeniya, ONLF ayaan matalayaa, magacii kaadirka, kii golaha dhexe ee ururka ayaan matalayaa”

Wuxuu kaloo sheegay in ay jiri karaan dad tira yar oo ka soo horjeeda go’aanka uu qaatay inta badan hoggaanka ururka ONLF.

Dhinaca kale, waxa go’aankaas ka soo horjeestay  Cabdilqaadir Xasan Hir-mooge oo ah Af-hayeenka Ururka ONLF, kana tirsan golaha dhexe.

Wuxuu sheegay in aysan jirin wax wadahadal ah oo u socda Ururka ONLF iyo dowladda Ethiopia.

Wuxuu kaloo sheegay  Cabdinuur Cabdullaahi Faarax inuusan xubin sare ka aheyn wadahadalladii hore ee lala galay xukuumadda Addis Ababa ee ka dhacay Nairobi isla markaana aan loo xilsaarin arrintaasi.

Si kastaba, waxa muuqata khilaaf hor leh iyo kala sii fogaansho ka dhexjira hoggaanka ONLF.

ONLF iyo dowladda Ethiopia bishii October ee sannadkan ayaa kulan uu ku dhexmaray magaalada Nairobi, laakin waa lagu kala booday.

Kulankaas waxa kaloo ka horreeyay  labo kulan oo hore oo Nairobi iyo London lagu qabtay.

Sida lagu wado hadii uu wadahadalladda labada dhinac uu horray u socdo, waxa ugu horreeya ee la isla meel dhigi doona waa xabad joojin rasmi ah, maadamaada dagaalka ONLF iyo Ethiopia u dhaxeeya uu weli socdo.

Kaddibna waxaa la guda geli doonaa dhamaystirka qoddobada lagu wada heshiinyo oo dabcan ay ka mid noqonayaan, awoodda iyo maamulka gobolka Soomaalida.

Ethiopia tan iyo markii uu geeriyooday ra’iisal wasaarihii hore waxa is badalay, wax yaabo badan, iyadoo uu hoggaanka cusub durba la soo baxay siyaasad ka yara duwan tii Meles Zenawigii geeriyooday.

ONLF waa koox in muddo ah dagaalo jabahadeen ah kula jirtay dowladda Ethiopia, sannadkii horre ayaa garab ka mid ah uu la heshiiyay dowladda Ethiopia.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Gudoomiyaha Baarlamanka oo gudi dabagal u magacaabay heshiiskii..

0

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta gudi u saaray dabagalka heshiiskii ay gaareen dowlada Soomaaliya iyo Turkiga.

Iyadoo maanta lagu waday in Baarlamanka ay ka doodaan Arimaha Miisaaniyada ayaa ajandahaas dib loo dhigay dib dambana looga arinsan doono.

Prof Maxamad Cismaan Jawaari ayaa maanta ku dhawaaqay gudi ka kooban shan xubnoood kana tirsan Baarlamanka waxaana ay dabagalayaan heshiskii dowlada iyo Turkiga.

Gudigan uu jawaari magacaabay waxaa kamid ahaa Wasiirkii hore ee gaashaandhiga Xuseen Carab ciise

Arinta magacaabista ayaa timid kadib markii Xukuumada ay horkeentay Baarlamanka ansixinta heshiiskaas.

Kadib Markii Madaxwaynaha Soomaaliya uu tagay Turkiga ayaa waxaa heshiis uu dhexmaray wasiirka gaashaandhiga Dowlada Soomaaliya iyo Turkiga.

 

Horumarka waxbarasho ee ardyada Soomaaliyeed ee Turkiga + Sawirro

0

Marka aad maqasho ugu horayn dalka Turkiga ama aad ka daawato shaa shadaha caalamka Madaxda Turkiga, waxaa durba kugu soo dhacaya Dareen  ay ku dheehan tahay Jacayl Walaaltinimo, waxaadna Xusuusanaysaa kaalinta ay Dowladaasi ka gaysatay abaarihii ka dhacay Soomaaliya sanad ka hor. Marka aad maqasho Muqdisho waxaa soo gaaray wafdi ka socda, Sweden, Holand, Norway, Maraykanka Qadar, Kuwait iyo kuwa  kale oo aad aragto Garoonka Muqdisho oo Diyaaradaha ay la yihiin meel ay ka galaan Bakin, waxaa Durba kugu soo dhacaya Ra’iisul Wasaaraha dalka Turkiga iyo Wafdi uu hogaaminayo Recep Tayyib Erdogan oo daah Furay arintaas.

Aqristow intaas oo dhan marka aad ka Gudubno waxaa dalka Turkiga ka socda horumar ay ka gaareen Soomaalida Dagan halkaas haday ahaan lahayd dhinaca waxbarshada dhinaca Xoriyada  taasi oo ay Mas’uuliyadeeda leedahay safaarada Soomaaliya ee Turkiga ee uu safiirka ka yahay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.       Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay Turkiga  ee uu Safiirka ka yahay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxay ka midtahay safaaradaha fara ku tiriska ah ee Caalamka ku yaal oo garab is taagay Umada Soomaaliyeed .

sawirada safiirkasawirada safiirka 2sawirada Safiirka (12)Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay Dalka Turkiga  oo ah Dalalka Carabta kuwa ugu Qanisan ayaa waxay labalaabtay Howsheeda waxaama mas’uuliyadaas iska leh safiirka iyo shaqaalaha safaarada oo ah kuwa xili walba u soo jeeda dadka Soomaaliyeed ee jooga dalkaas una dhaga Nugul arintaas.

SafaaraddaSoomaaliya ee dalka Turkiga ayaa si rasmi ah u howlgelisay bar internet(Website) kaasi oo ay si toos ah dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan kula xiriiri karaan si xogaha ay isku weydaarsadaan.

Dadaalka safiirka Soomaaliya ee Turkiga Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan  ayaa waxa ay Soomaalida dagan Turkiga sheegeen in uu yahay mid la mid ah hogaanka Casriga ee Qarnigan, waxayna ku tilmaameen safiirka shaqsi Qalbi furan oo Soomaalida isku mid ay u tahay.   SafaaraddaSoomaaliya ee Turkiga ayaa noqoneysa Safaaradii ugu horeysay ee si toos ah uhowlgelisa Website ay dadka Soomaaliyeed  ay kala socdaan wax qabadka safaarada Soomaaliya ee Turkiga.

soomaalida dan ama Jaaliyada Soomaaliyeed ee Ku Nool Turkiga ayaa si diiran u soo dhaweeyay dadaalka uu wado Safiirka Soomaaliya ee Turkiga Maxamed Mursal Sheekh oo ay ku tilmaameen mid ka soo baxay shaqadii safaarada iyo mida muwaadinimo ee uu Xaqa u lahaa.

Danjire  Maxamed Mursal Sheekh ayaa waxa uu ka midyahay safiirada dalaka islaamka gaar ahaan kuwa Carabta u fadhiya caalamka, hadana waxaa barbar socda qaabilaada safaaradaas ay u hayso Soomaalida dalkaas dagan.

Ardayda  wax ka Barata jaamacada Turkiga ayaa ku amaanay Danjire Mursal dadaalka uu wado, waxayna sheegeen in Xili ku haboon loo soo magacaabay safaarada.

“ Aniga waxaan ka mid ahay ardayda dhigata Jaamacadaha Turkiga, waxaana imid mar dhaw waxaan ka mid ahaa arkaydii dhawaan soo gaartay Turkiga, waxaana oran karaa safaarada soomaaliya ee  uu Safiirka ka yahay Danjire Maxamed Mursal Sheekh, waxaan Oran karaa waa shaqsi ku daysho mudan, oo la aantiis wax ma baran lahnayn”ayay Tiri fartuun axmed Yuusuf oo Bogan uga Warantay Xaalada Soomaalida dagan Turkiga iyo howlaha safaarada Soomaaliya ee Turkiga.

“ waxaan  u socdaa sida in aan Joogo Muqdisho, waxaan xor u ah in aan safaarada Soomaaliya tago Waqti kasta, safiirka si Toos ah ayaan kula kulmaynaa  xataa qof Naga Celiso maleh, hadaanahay Soomaalida ku Nool Turkiga, Appoint Ment ayaan  nala siinayaan isla markiina waan arkaynaa safiirka, waxaana u sheegaynaa waxa aan Rabno haday ahaan lahayad dhinaca sharciga, dhinaca Waxbarashada iyo arimo kale”ayay tiri fartuun axmed Yuusuf.

Sidoo kale dadaalka Danjire Maxamed Mursal Sheekh ayaa waxaad moodaa in uu waa Cusub u furay Soomaalida dagan Turkiga gaar ahaan dhalinyarada wax ka barata halkaas oo gaaraya Boqolaal iyo kuwa horay u joogay

La soco qeyb kale Cabdixakiin Cilmi Xasan [email protected] [email protected] [email protected] Tel–+254-711830393

Muqdisho iyo wixii xalay ka dhacay + Ballanqaadkii Saacid oo aan fulin

0

Muqdisho ayaa xalay mar kale waxaa ay ku soo laabatay Madaafiic, taas oo lala rabay Xarumaha Madaxda Dowlada Soomaaliya ay ka dagan yihiin caasimada.

Tiro Madaafiic oo aan la garaneyn halka ay kasoo dhaceen, ayaa marqura saqdii dhexe ee xalay waxaa laga maqlay Muqdisho iyadoo lasoo wariyay in dhaawacyo kala duwan ay geesteen madaafiicdaasi.

Madaafiicdan,  ayaa waxaa  lagu bartilmaameedsanayay Xarunta Vila Soomaaliya,  hase yeeshe waxa ay ku dhaceen xaafado kamid ah Warta Nabadda.

Saddex ruux ayaa ku dhaawacmay markii siyaabo kala duwan madaafiicda ay ugu dhaceen guryo ay ku sugnaayeen,ilaa iyo iminka lama soo sheegin dhimasho ka dhalatay madaafiicdaasi.

Ra”iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlayay todobaad sii horeeyay oo Muqdisho ay ka dhaceen Madaafiic madaxtooyada lala rabay waxaa uu sheegay inaysan dhici doonin mar labaad in howlkooda lagu soo weeraro, balse ballan qaadkaasi waa uu ka dhabeyn waayay.

Madaxweyne Xasan & Kibaki oo heshiis ka gaaray qaxootiga Soomaalida

0

Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya ayaa u muuqday inay isku afgarteen heshiis aan dhameystirneen oo ku wajahan xaaladda qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalka Kenya.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa shalay booqahso ku tagay dalka Kenya, xilli dowladda Kenya ayaa soo saartay amar ay dadkaasi ku siisay inay dib ugu noqdaan xerooyinka qaxootiga oo ay ka tagaan magaalooyinka waa weyn.

Labada Madaxweyne ayaa si wada jir ah u muujiyay walaaca ay ka qabaan qaxootiga Soomaalida ee ee ku jira xerooyinka qaxootiga ee bariga Kenya.

Waxa ay labaduba ballan qaadeen inay si wada jir ah ula shaqeeyeen hay’adaha caalamiga ah, si loola yimaada qorshe dalkaasi dib loogu celinayo Somalia, si ay dib ugu dhisaan noloshooda ugana qeyb qaataan horumarinta dhulkooda hooyo.

Labada madaxweyne ayaanse ka hadal arrinta murugada ay ka jirto ee dadka ku nool xaafadda Islii, oo dowladda Kenya ay amartay inay dib ugu noqdaan xerooyinka, ayaguna aysan dooneyn.

Dad badan ayaa filayay in madaxweyne Xasan Sheikh uu Kibaki kusoo qaadi doono arrintaas, iyo in dhacdooyin ay gesyteen dad yar oo fara ku tiris ah aysan saameyn Soomaalida oo idil.

Markab sida hub iyo saanad milatari oo ku soo xirtay dekedda Kismaayo

0

Warar lagu kalsoon yahay oo Caasimada Online ay ka heshay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in markab sida hub fara badan uu xalay kusoo xirtay dekedda magaaladaas.

Ilo-wareedyo  ka mid ah shaqaalaha dekedda, ayaa sheegay in markabka uu sidoo kale sido saanad milatari.

Warar kale ayaa iyana sheegaya in markabka ay la socdaan saraakiil milatari oo ka socda dalka Sierra Leone oo qeyb ka noqon doona howl galka Amisom ee magaalada Kismaayo.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa xalay aad loo adkeeyay, sababo la xiriira arrintan.

Ma jiraan warar intan dhaafsan oo laga helayo arrintan iyo sidoo kale wax hadal ah oo kasoo baxay taliska Amisom.