28.1 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Kala geeye – Cuqdad aabaheed! (Q.3)

Qaybtii 3aad.

Muuqaal 4aad.

Muuqaalkan waxaa ku kulmaaya, Oday Kala-geeye Cuqdad Aabaheed, gabadha uu adeerka u yahay Hodan iyo saaxiibteed Mulki, waxaana dhex maraaya sheekadaan.

Kala geeye: – Hablahaygii ii warama?

Mulki:-  Adeer waa nabad

Kala geeye: – Aad iyo aad ayaan idiinkugu hanbalyeeynayaa sharafta iyo wanaaga, aad muujiseen, aadna waan idiinku mahadnaqaayaa, waayo waxaad qabateen howl muhiim ah, maadaama aad mideeyseen ummada soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladaan, waxaana idiin balan qaadayaa in aan garabkiina istaago aana idinku taageero waxaad u baahataan, qaasatan waxaan sanadka ugu horeeya aan idinka bixin doonaa kirada, xarunta jaaliyada waxaana waliba sii dheer wixii kalood iiga baahataan, waayo waxaad qabateen howl aan anaga hortiina qaban weeyney idinkoo dhalin yaro ah, waxaana idin leeyahay mar kale hambalyo.

Mulki: – (waxaa ka muuqday dareen farxad leh, waxaana riyo ku noqday shakigii ay galisay Hodan) adeer aad iyo aad ayaad u mahadsantahay kiradana kaligaa ma bixineeysid, waayo ma awoodid waxaad tahay xoog maal ( taxi) ayaad wadaa, waa badanahay waa kala qeeybsanaynaa, waxaa nagu filan taageeradaada odaynimo.

Hodan: – (Oo ka yaaban go, aanka adeerkeed, hadalka macaan ee uu ku hadlaayo iyo sida ay u taqaan in ayan ka suurta galin wanaagaas) Adeer waa run waxaa wax walba nooga qaalisan taageeradaada odaynimo, howlaha kale anagaa fulin karna.

Kala geeye: – kkkkk adeer qowl nin weyn ka dhacay waa geed qolof ka dhacday, go, aanka waa sidaan u gaaray, anigaa bixinaaya kirada sanad, waxaanay xaruntaas ku kireeysantahay, waxaan xoogeeyga (taxi) aan ku soo shaqeeyo, cid diidi karta ama ila bixin karta malaha, waayo waxaad suurta gal ka dhigteen riyadeeyda mideeynta dadkeeyga, waliba waxaan idin leeyahay ha ku ekaanina magaaladaan oo kaliya gaarsiiya meel waloo ay soomaali ku nooshahay, waana sii tagaayaa.

Hodan: – Adeer aad iyo aad ayaad u mahad santahay.

Waxaa baxay Kala-geeye Cuqdad Aabaheed, waxaana isku soo haray, Hodan iyo mulki, waxaana dhexmaray sheekadaan.

Mulki: – ma istiri adeerkaa aad baad u dulmeeysay, waa Kan Na garab istaagay oo nagu faraxsan ka waran sharaftiisa.

Hodan: – kkkkk marna ma aaminsani howl adeerkeey garab istaagay in ay jireeyso, oo ay fuleeyso, hadalkiisana shaki unbaan ka qabaa waa in aan iska ilaalintiisa waqti badan ku luminaa.

Mulki: – waxaan u maleeynayaa in aad adeerkaa  u qabto cuqdad kale, waa waalidkaa waa kan naf iyo maalba noo huray, shakiga iyo waxa aad ka tirsaneeyso, annaga hanala fal galinin.

Hodan: – Waa yahay waan isla arki doonaa xaajadu meeshay cuskato, anniguse waxaan leeyahay waraaboow maalin wacan.

Muuqaal 5aad.

Waxaa ku kulmaya Kala-geeye Cuqdad Aabaheed iyo saaxiibkiis Igu Akhri waxaana dhex maraaya sheekadaan.

Kala geeye: – (Oo daalan maanta dhana waday (taxi) uu ku shaqeeynaayay aadna u dhibsaday ayna ku adkaatay shaqadaan kadib markuu sanada badan ku howlanaa.) Xaalladdaada ka waran saaxiib?

Igu Akhri: – (waxa uu ka shaqeeyaa truck ama makiinada wax lagu xamaalo oo uu mudo badan ku ceeshaayay) sxb waa nabad waxaanse maanta kugu socday in aad igala taliso sidaan ku baran lahaa kaxeenta (taxi) waayo shaqadeeydan waa iga hortimid waxaan rabaa in aan badalo oo aan sidaadoo kale iska raaxeeysto.

Kala geeye: – Cajaa, ib adigoo harsan waayay wali malaguu soo hoyday!? Sxb anigaaba qaatiyaan taagan oo raadraadinaaya waxaan ku badali lahaa, waxaanba rabay in aan adiga xagaaga imaado, adigana dayraadba igaga soo hormartay, laakiin sxb anigaa kuu haya howl aad u wanaagsan oo aan aad uga macaashi doono.

Igu Akhri: – sxb waligaaba waad talo fiicneeyde ma ganacsi baad noo heeysaa? 

Kala geeye: – Ganacsi casri ah ayaan noo hayaa waana Kan maanta gadmaaya oo laga macaashay, sxb waxaan sameeysaneeynaa Maamul Goboleed la magac baxay (Alfu-layl wa- layl land) madaxweeyne anigaa ka noqonaaya ku xigeena adiga! Ka waran shaqadaas?

Igu Akhri: – waa shaqo fiicana yaa na dooranaaya? Shacab soow looma baahna? 

Kala geeye: – Kkkkkkkk sxb miskiin sanidaa ma soomaali baa leh Shacab wax la wareeysto?  Anagaa wax dooraneeyna labadeena, anagaana is dooranayna, kadibna sankaan ka galineeynaa, waxaan u baahanahay aqoonsi dhanka aduunka uun, taasna waan heleeynaa ha walwalin, waxaad sameeysaa islaantaada uun waxaad ku tiraahdaa sanbuuse soo diyaari, meeshii xafladda lagu qabanaayay anigaa kireeynaaya, cabitaankii iyo fannaan ku luuqeeya hees aan ugu tala galay(Alfu-layl wa-layl land) anigaa keenaaya.

Igu Akhri: – Kkkkkkkk sxb maantaad dhakadii ugu wanaagsaneeyd keentay, laakiin sxb xafladda yaa ka soo qeeyb galaaya dadka magaalada xumaan badan beey kaa tirsanaayaane? Mida labaad tolka waad ogtahay qaaraan diid ayeey kuu yaqaanaan soow ma wanaagsana in aad aniga I hormariso, oo aad adiga ku xigeen  ii noqoto?’

Kala geeye: – sxb soow ma ogid in aan dhalinyaradii lahayd waxbaan mideeyneeynaa in aan jeebka kuritay, oo aan ka bixiyay kiradii, oo aaneey maanta marna ka maqnaan Karin xafladdeeyda Maamul goboleedka.

Igu Akhri: – haa waan maqlay. Waxaan rajeeynaayay in aad kala daadin doonto, taageeradaadana waaban la yaabay!

Kala geeye: – War waxeey ku jiraan riyo, anigaana kala daadin doona, waxaanse rabaa in aan ka helo camiraad xafladdeeyda caleema saarka madaxweeynaha maamul goboleedka (Alfu-layl wa-layl land), mida kale waxaan arkaa in aadan diyaar u ahayn ina aad ila shaqeeyso, waxaad ku rafaneeysaa waxaad tahay qaaraan diid,sxb caleemo saarka kadib, waxaan gacanta ku dhigi doonaa sadexda oday Ee ugu mihiimsan beesha, Oday maxaan cunaa, Oday danteeyda ka hadal iyo oday hal beel deeq, hadaadse adiga damacday kursigayga na kala kaxee ma weeynaayo madaxweeyne ku xigeen aniga ii carbisan iyo gole wasiiro, xukun doonkaa badan!

Igu Akhri: – sabeen allaa kugu xiran raali ahoow, adigaana kula shaqeeynaayaa, waa igu balan adaa ii indha ah.

La soco qaybta 4aad

W/Q Abwaan Cllaahi Bashiir Nuur     [email protected] 

Daawo Video: Sida uu ahaa Muuqaalka Muqdisho Maalin ka hor Burburkeeda.

0

Jimco Wanaagsan Aqristayaasheena Qiima Badan meel kasta aad ka joogtaan Daafaha Dunida waxaan idiin soo gudbineeynaa Muuqaal Xusuus mudan oo ah Bilicdii hore ee Dalkeena 21 Sano ka hor.

Hadaba Aqristoow Muuqaalkani waa mid la duubay bilo ka hor burburkii Dowladii Kacaanka ee uu madaxweynaha ka ahaa Alaha u naxariistee Jaale Mahamed Siyaad Barre, Bal dib u xasuuso wadooyinka ma martay weli oo ma raacday Texi nuucaan ee aan la haan jirnay.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA OO VIDEO AH:

Wasiirkii hore ee maaliyada oo lagu Aasay muqdisho

0

Allaha Unaxariistee Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay wasiirkii ugu horeeyya ee wasaarada Maaliyada Soomaaliya Cismaanm Axmad rooble.

Masuuliyiin ka tirsan Dowlada SoomaaliyaSiyaasiyiin,ehalada Marxuumka iyo kuwa kale ayaa maydkiisa kaga hortagay Garoonka Aadan Cadd.

Allaha Unaxariistee Cusmaan Axmed Rooble allaha waxa uu ahaa wasiirkii ugu horeeyey ee maaliyada Somalia waxaana uu todobaadkii hore uu ku geeriyooday dalka ingiriiska.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa hantiilayaasha ugu magaca weyn dalka Somaliya iyadoona dad badan ay sheegaan inuu ahaa qof ku wanaagsanaa arimaha ganacsiga muddo ka badana 40 sano uu ganaci kusoo jiray.

Cusmaan Axmed Guure ayaa waxa uu dhashay 1919-kii waxaana maanta la geeyey gurigiisii rasmiga ahaa ee qabriga.

Allaha unaxariistee Cusmaan Axmed Rooble ayaa waxa markii la keenay garoonka diyaaradaha Adan Cadde airport meesha kasoo qaaday ehelkiisa iyadoona salaadii janaazada lagula tukaday masjid kuyaalla Waaberi.

Markii salaada janaazada lagu tukaday ayaa waxa loo qaaday meydka qabuuraha shiikh Suufi ee kuyaalla dhabarka dambe ee madaxtooyada Villa Somalia.

Willian: Hamigeygu waa inaan u ciyaaraa Chelsea.

0

Xidiga diirada u saran kooxda Chelsea Willian ayaa sheegay inuu rajeynayo inuu riyadiisu dhameystiro uuna xagaaga ku biiro kooxda Stamford Bridge, sida uu qoray wargeyska Mail on Sunday.

Kubad habeeyaha kooxda Shakhtar Donetsk ayaa rajo ka qaba inuu xagaagaan u dhaqaaqo Blues oo ah kooxda uu ku riyoodo.

Chelsea ayaan noqon doonin kooxda keliya ee Ingiriis ah ee xiiseyneysa xidigaan qaranka Barzil, laakiin saxiixiisa tartan ayey kala kulmi doontaa.

“Hamigeygu waa inaan u ciyaaraa koox weyn oo ciyaarta heer sare,” ayuu xidigaani u sheegay ESPN.com.br.

“Hadii aan kuu sheego runta waan faraxsanahay, been ma sheegayo. Hamigeygu waa inaan aadaa Chelsea waxay igu soo dalbatay 20.3 milyan oo ginni waa dalab ka yimid koox weyn. Waxaan doonayaa inaan aado, laakiin ma sameyn karo sababtoo ah kooxdeyda ayaan qandaraas kula jiraa.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan.

E-mai: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Ciidamada DF iyo Raaskambooni oo heshiis la dhex dhigay.

0

Wararka Kismaayo laga helayo duhurnimada maanta ayaa sheega in la xaliyay qilaafkii ka dhex jiray Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Raaskambooni.

Saraakiil Dowlada ka tirsan oo la hadlay Idaacadaha gudaha Muqdisho ayaa sheegay in waan waan soo bilaabatay gelinkii dambe ee maalintii shalay lagu guulaystay maanta xalintooda.

Dagaalyahanada uu hogaamiyo Axmad Madoobe ayaa dagaal lagu tilmaamay inuu ahaa mid gardaro waxaa ay ku qaadeen ciidamo dowlada ka tirsan Taasna waxaa ay keentay in lala dagaalo.

Axmad Madoobe ayaa la sheegaya in waan waanta lagu kala qaadayo ciidamada dagaalaya uu qayb  ka ahaa maanta.

Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa dagan  labada ciidana waa ay is dhex socdaan.

CR7: Ma dabaal degi doono hadii aan gool ka dhaliyo Man Utd.

0

Weeraryahanka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa ku dhawaaqay inuusan dabaal degi doonin hadii uu wareega 16ka Champions League gool ka dhiyo Manchester United.

Xidiga heerka caalami ee dalka Portugal ayaa lix sano kusoo riyaaqay kooxda hugaamineysa Premier League ka hor inta uusan xagaagii 2009 ku biirin Los Blancos, wuxuuna weli dareemayaa inuu u diiran yahay kooxdiisii hore.

“Uma dabaal degi doono goolkeyga hadii aan ka dhaliyo Manchester United,” ayuu yiri Ronadlo sida ay qortay majalada AS.

Ronaldo ayaa Man United ku hugaamiyey Champions League xilli ciyaareedkii 2007-08, markaasoo uu sidoo kale noqday gool dhaliyaha ugu badan Horyaalka Ingiriiska, United ayaana waqtigaas qaaday wixii koob laga qaado Caalamka.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

AVB oo wado u furay inuu Gareth Bale ku biiro Real Madrid.

0

Andre Villas-Boas ayaa sheegay inay inta badan macquul tahay inuu Gareth Bale kooxdiisa Tottenham ka tegi doono bisha Janaayo marka uu suuqa kala iibsigu furmo.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Spurs ayaa muddo dheer lala xiriirinaayey inuu u dhaqaaqo kooxda Santiago Bernabeu tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho oo yaqaana xidigaan ayaana qirsan awooda uu leeyahay.

Laakiin tababarihii hore ee kooxaha FC Porto iyo Chelsea Villas-Boas ayaa meesha ka saaray inuu lacag aad u badan ku baxo bisha soo aadan.

“Gabi ahaanba waa macquul inuu tegi doono bisha Janaayo,” ayuu yiri Macalinka Tottenham AVB.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Yaya Toure oo loo caleemo saaray Xidiga Sanadka Africa.

0

Xidiga qadka dhexe ee kooxda Manchester City Yaya Toure ayaa ku guuleystay abaal marinta laacibka sanadka Qaarada Africa (African Footballer of the Year).

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Ivory Coast ayaa tartankan kaga guuleystay ninka ay isku wadanka yihiin Didier Drogba iyo xidiga dalka Cameroon Alex Song, oo u ciyaara kooxda Barcelona.

29-jirkaan ayaa sanad fiican ku qaatay Sky Blue wuxuuna u suurta geliyey inay hanato Barclays Premier League ka dib sanado fara badan oo uusan Horyaalku gacanteeda soo gelin.

“Habeenkaani waa habeen aniga gaar ii ah,” Toure ayaa sidaasi yiri markii uu abaal marinta helay, xilli lagu bixinaayey caasimada Chana ee Accra. “Dhamaantiin waad mahadsan tihiin. Xittaa kabtankeyga oo maanta halkaan jooga. Qof walba waan u mahad celinayaa waana ku faraxsanahay abaalmarintaan.”

Sida loogu kala guuleystay abaal marinada waa sida tan:

Xulka Qaranka Sanadka – Zambia

Xulka Qaranka Hablaha Sanadka – Equatorial Guinea

Kooxda Sanadka – Al Ahly

Tababaraha Sanadka – Herve Renard

Xidigta Hablaha Sanadka – Genoveva Anonma (Equatorial Guinea)

Garsooraha Sanadka – Gamal Hymoudy (Algeria)

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Scholes, Giggs iyo Ferdinand oo ka tegaya Man Utd.

0

Paul Scholes ayaa qorsheynaya inuu gabi ahaanba ka fariisto kubada cagta dhamaadka xilli ciyaareedka  iyadoo Manchester United Sir Alex Ferguson uu xilli ciyaareed kale oo la yaab leh ka dhigayo Old Trafford, sida uu qoray Mail on Sunday.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda United Scholes ayaa u sheegay saxiixbadiis inuu bisha May ciyaaraha ka fariisan doono uusan dib ugu soo laaban doonin.

Ferguson ayaa sidoo kale wajahaya inuu waayo halyeey kale, Ryan Giggs, ayaa ka tegi doona kooxdiisii uu mustaqbalkiisa oo dhan usoo ciyaarayey xagaaga, tababaraha ayaana ogeyn hadii ciyaaryahanka daafaca ka ciyaara Rio Ferdinand uu kooxda qandaraaska u kordhinayo.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Xaalada Xildhibaan xalay la dhaawacay

0

Laasacaanood (Caasimada Online) Xaaladda Xildhibaan Cabdi Casiis Xuseen Maxamed ayaa la sheegayaa in ay yara fiican tahay, kaddib markii loola soo cararay isbitaalka magaalada Burco ee gobalka Togdheer.

Xildhibaanka ayaa xaley salaadii cishaha kaddib kooxo hubeysan ay ku toogteen magaalada Laaasacaanood ee gobalka Sool.

Taliyaha ciidamada gobalka Sool Cali Ismaacil Faarax oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in isla goobta ay ku qabteen labo nin oo la sheegay in ay wateen bastoolado iyo bambka gacanta laga tuuro.

Taliyaha ayaa sheegay in raggan ay yihiin kuwii ka dambeeyay weerrarka xildhibaanka oo ka tirsan golaha deeganka Somaliland.

Waxa la sheegay in xildhibaanka ay labo xabadood kaga dhaceen madaxa, laakin hadda lala tacaalayo dhaawiciisa.

Waa weerrarkii labaad oo ka dhaca magaalada Laasacaanood tan iyo wixii ka dambeesay markii la qabtay doorashada golayaasha deeganka Somaliland.

Magaalada Laasacaanood ayaa la sheegay in iminka ay ku jirto xaalad aan daganeen oo weli waxa la hadal hayaa weerrarkii xaley lagu qaaday mudanaha ka tirsan xildhibaanada golaha deeganka.

Xildhibaanka xaley la toogtay ayaa waxa uu ka mid ahaan jiray wariyaasha madaxa banaan ee ka howlgala magaalada Laasacaanood.

Waxa uu hadda ahaa xildhibaan ka soo baxay doorashadii golayaasha deeganka , wuxuuna ka tirtsanaa xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Xaaladda magaalada Laasacaanood ayaa la sheegay in ay saaka deggantahay, oo dhaqdhaqaaqa dadka iyo ganacsiga ayaa caadi ku soo noqday.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Laasacaanood

XOG-WARRAN: Wax badan oodan ka ogeyn ciidamada Kenya ee qabsaday gobollada Jubbooyinka.

0

Sanadkii 2009 ayaa Maraykanka waxaa loo qaaday Lix Sargaal oo ka tirsan Ciidanka Kenya si ay u Hogaamiyaan duulaan la qorsheeyay in Ciidamada Kenya ay ku qaadaan Qadanka Soomaaliya. Qorshahan oo ahaa mid qarsoodi ah, waxa lagu adkeeyay Saraakiishaan inaysan cidna u sheegi karin.

Bishii Agoosto 8.  2009 ayay lixda Askari oo uu horkacayo kabtan Xavier Omondi gaareen  xarunta Ciidanka Ilaalada Qaranka ee magaalada Benning gobolka Georgia  ee dalka Maraykanka.

Dhowr bilood ka dib markii ay kasoo laabteen  tababarkaas, waxaa Wadanka Kenya gudihisa looga furay xarun cusub oo  lagu tababarayo ciidamo loo bixiyay Rangers Strike Force, xaruntaas oo  qudheedu aheyd xiligaas mid qarsoodi ah, waxa tababaro looga  furay ciidamo badan oo ka tirsan Ciidanka Kenya.

Isla waqtigaas waxa  laga furay isla Kenya xarun kale oo ay Maamulaan Ciidanka  Ingiriiska loona bixiyay Xarunta Special Force waxana lagu biiriyay  xarunta aan kor kusoo sheegnay ee Rangers Strike Force 40RSF.

Labada  ciidan RSF iyo SF oo ay gacanta ku hayaan ciidamo kala ah Maraykan,  Ingiriis iyo Yuhuud iyo tiro yar oo Kenyan ah oo lagu soo tababaray  Maraykanka, waxay ahaayeen qarsoodi ilaa laga soo gaaray duulaankii  Soomaaliya ee loo bixiyay Operation Linda Nchi oo ay ciidamada Kenya oo  garabsanaya Maraykan iyo Waxqabadka  ay muujiyeen ciidankii lagu soo tababaray Maraykanka iyo sida ay u  laayeen Soomaalida waxa Madaxweyne Mwai Kibaki uu ku gudoonsiiyay  ciidankaas bilado iyo dalacsiin kala duwan.

Ragga la gudoonsiiyay  biladaha ee kusoo tababartay Maraykanka waxa ka mid ah Kabtan Boniface  Waithaka oo la siiyay Xidig Qalin ah, wuxuna hada

Sanad ayay ku qaadatay Ciidanka Kenya inay qabsadaan Kismaayo.
Sanad ayay ku qaadatay Ciidanka Kenya inay qabsadaan Kismaayo.

hogaamiyaa Boniface  ciidamada Kenya ee fadhigoodu yahay Bilis-Qooqaani, Soomaaliya. Sidoo  kale waxa abaal-marin la siiyay Samwel Marwa, Abdullahi Gabow, Emedele  Epakolok iyo Mwambuzi Simba. Bilada ugu sareysa Kenya ee la yiraahdo  Head of State Commendation waxa la gudoonsiiyay Ranger Onsemus Namu.  Ragaan dhamaantood waxay kusoo tababarteen dalka Maraykanka.

Xarunta  ugu weyn ee Ciidamadan Special Operation-ka waxay ku taalaa degaanka  Gilgil, si aad ugu biirto ciidankaasna waxad u baahan tahay inaad tahay  askari aad u wanaagsan xagga adkaysiga iyo akhlaaqda.

Si  aad u noqoto marka hore ciidanka loo yaqaan Rangers Strike Force waxad u  baahan tahay inaad marto 63 maalmood oo tababar ah, haddii aad doonayso  inaad usii gudubto Special Forces-kana waxad u baahan tahay lix bilood  oo tababar ah. Farqiga u dhexeeya labadaas ciidana waxay kala yihiin  Rangers-ka waxa tababara ciidamo Maraykan ah, halka Special Forces-ka ay  tababaraan ciidamo Ingiriis ah.

Sida  dadku u maleeyaan maaha ciidamada Special Forces-ku kuwo degdeg ku howl  gala, waxayse u baahan yihiin diyaar garow dheer marka ay howlgal  sameynayaan. Waxa loogu tala galay meesha ay qabsadaan inay ka abuuraan  ilo dhaqaale, sida koronto, biyo, dalag beereed, dayactir wadooyin,  dhaqaalaha iyo siyaasada dhulka ay qabsadeena waa inay ka talo bixiyaan.

Arintan iyada ah waxay cadeyn u tahay in ciidamada Kenya ee qabsaday  magaalada Kismaayo aysan si fudud faraha ugala bixi doonin maamulka iyo  talada dhulka Jubooyinka.

Qaabka Tababarkooda

Marka  ay tababaranayaan Ciidamada Rangers-ku waxay 3 Isbuuc ku qaataan  magaalada Isiolo, ee degaanka Soomaalida, waxayna sidoo kale 3 Isbuuc oo  kale ku qaataan dhulka jooga sareeya ee buuraleyda Kenya. Kadib waxay  usoo wareegaan dhulka kulul ee xeebaha Kenya sida xerada ciidamada ee  Manda Bay.

Waxay  tababarka la qaataan ciidamo ay ka mid yihiin Special Air Service  SAS-ka Ingiriiska, Sayaret Matkal oo ka tirsan IDF Isreal Defence Force  iyo Rangers-ka Maraykanka. Sida laga soo xigtay ciidamada Kenya  tababarada qaarkood waa kuwo aysan xamili karin dadka ugu geesisan  aduunka. Waxa lagu tababaraa inaysan dib-u-gurasho sameyn karin ciidanku  xataa haddii ay galaan xaalada ugu khatarta badan. Waxa ka mid  waxyaabaha la baro, in ragga la dareensiiyo culeys iyo xanuun. Sidoo  kale waxa si xeeldheer loo baraa inay isqariyaan si ay u sameyn karaan  qaraxyo iyo dilal qorshaysan.

Waxa ka mid ah xaaladaha lagu tababaro  inay ka dagaalami karaan lana dagaalami karaan argagixisada,  magaalooyinka, lamadagaanada, buuraha iyo dhulka howdka ah. Waxa kaloo  la baraa hubka noocyadiisa kala duwan laga bilaabo hubka fudud ilaa  madaafiicda calculus.

Sida  aan kor kusoo sheegnay ciidankan waxa la bilaabay tababarkooda sanadkii  2009, kaasoo ahaa markii xukunka laga qaaday C/lahi Yusuf loona dhiibay  Shiikh Shariif Sh. Axmed, waxaana loogu tala galay inay ciidankaani  qabsadaan koonfurta Soomaaliya, taasoo hada usuurto gashay, inkastoo aan  la ogeyn sida ay ugu sii raagi doonaan qorshahooda qarsoon.

Waxa xusid  mudan in ciidamadii Itoobiya ee qabsaday caasimada Soomaaliya Muqdisho  sanadkii 2007 la bilaabay tababarkooda sanadihii 2003-2004 waxaana  sidaan oo kale tababari jiray ciidamo ka kooban Maraykan iyo Ingiriis.

Waxaase  wax laga calool xumaado ah in Soomaalidu aysan u jeedin shirqoolka loo  maleegayo ee ay u qeybsameen qaar ku faraxsan kuraas iyo jagooyin  dhalanteed ah, qaar la shaqeynaya cadowga doonaya inuu qabsado dhulkii  yaraa ee haray iyo kuwo xagjir ah oo dadkii ku dhameeyay gowrac iyo  qarax, waxayna kooxda dambe u muuqdaan kuwo si dahsoon ula shaqeynaya  cadowga madaama ay u fududeeyeen qabsashada dhulka kadib markii cadowgu  uu u balanqaaday shacabka Soomaalida inay ka badbaadinayaan kooxaha  gumaadka iyo gowraca ku haya.

Isha: Keydmedia.net

Caasimada Online: Shaqsiyaadka 2012 loo aqoonsaday Daljirka-Muuqda!

0

Bulshooy muwaadin kasta oo soomaaliyeed oo dadaal dheeri ah muujiya amaba dadka iyo dalkaba wax ku soo kordhiya, wuxuu kaa mudan yahay mahad celin guud iyo inaan abaal kiisa daah la saarin ee si daalacan ah farta loogu fiiqo, maxaa yeelay waan hubaa marka uu halyeygu geeriyoodo inaad u ilmeyn doonto amaantiisana aad badin doonto, haddaba su’aasha is weydiinta mudani waxey tahay “yaa ka mid ah halyeeyadii ugu cad caddaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee wax qabadka tayada leh soo muujiyay sanadkan sii dhamaanaya ee 2012ka”.

Daljire muuqda.

Dr:- Xuseen sheekh Axmed Hilowle, oo loo yaqaanno ( Kadare ) 1952dii ayuu soo bandhigay far qoraal aan laatiin aheyn oo uu isaga hal-abuurkeeda lahaa uguna magac daray ( Kadariya ) taas oo madbacadihii dalka ka jiray awgood aanay suura gelin in la qaato lagana door biday farta laatiinka ah oo uu hadda afsoomaaligu ku qoran yahay. Afku waa midka kaliya ah ee aanay umadda soomaaliyeed weligeed isku khilaafin kuna kala tagin meel kasta oo ay joogtaba, guushaasna waxaa iska leh halyeeyo uu ka mid ahaa Dr, kadare.

Dr:- Kadare, waa taariikh nool oo ku dayasho mudan, waayo waa shakhsiga kaliya ah ee hadda weli ka sii nool guddigii afka Soomaaliga ee u istaagay in ay abuuraan far qoraal ay yeelato bulshada soomaaliyeed oo aan 1972dii wixii ka horreeyay aanu afkeedu qorneyn, sidaa darteed, waxaannu leennahay “mudane taariikhdu ku ma illaawi doonto, waad muteysatee magacaa ha jiro”.

Daljire muuqda.

Prf:- Maxamed Cusmaan ( Jawaari ) waxaa uu nasiib u yeeshay in uu guddoon u noqdo 275 xildhibaan oo matalaya masiirka ummadda Soomaaliyeed, waa waaya arag muddo dheer ku soo dhex jiray howl fulinta qaranka soomaaliyeed ilaa iyo xilligii kacanka.

Prf:- Jawaari, wuxuu si xilkasnimo iyo waddaniyadi ay ku dheehan tahay u maareeyay habeyntii baarlamaanka iyo doorashadii dalka ee taariikhiga aheyd ee madaxtinimo raadinteeda ay u soo istaageen musharrixiin wada ruug caddaa ahaa, taasoo u dhacday si aan is qab qabsi laheyn laguna wada qancay, inta badanna waxaa taasi sahlay hannaankii degganaanta lahaa ee uu prf- jawaari wax u soo maamulay, sidaa darteed, waxaannu leennahay “mudane waad muteysatee magacaa ha jiro”.

Daljirrada muuqda ee 2012ka.

Daljire muuqda.

Amiin Caamir, waa farshaxaniiste caan ku ah sawir gacmeedyada iyo gaar ahaan kartoonnada siyaasadeed ee bulshada lagu wacyi geliyo, waa siyaasi la jaan qaada hadba dabeysha siyaasadeed ee is rog rogga badan dhanka saxda ah ee laga filan karo ama ay ku sii jeeddo waana duruus toosin ah oo loo baahan yahay in la fahmo cuqda la’aan.

Amiin Caamir oo uu kartoonkiisa siyaasadeed dhaliil u badan yahay, waxaa mar walba ka carooda intii ay dhaliishaasi saameyso, waxaana ku farxa inta aaminsan in ay dhaliishaasi tahay mid sax oo sidii la rabay loo abbaaray, taasoo mar walba ku saleysan kala duwanaashaha dhanka fikirka ee u dhaxeeya bulshada soomaaliyeed.

daljirka2012Haddaba Amiin Caamir, waxaan ku sii guubaabineynaa inuusan ka caajisin wacyi gelinta bulshada tusaalaha iyo toosinta uga baratay ee subax walba farshaxan kiisa dhaayaha ku heysa, sidaa darteed, waxaannu leennahay ” mudane waad muteysatee magacaa ha jiro”.

Daljire muuqda.

Khadiijo C/llaahi Cameey oo ku magac dheer ( Daleys )marka laga reebo Shamis abokor ( Guduudo Carwo ) oo Raadiyo hargeysa heesaha ku soo billowday, Daleys waxey aheyd gabadhii ugu horreysay ee raadiyo Muqdisho ka heesta dhismihii fanka soomaaliyeedna kaalin weyn ka soo qaadatay, iyada oo afsoomaaliga guud ahaan maay iyo maxaa tiriba si muuqata oo fasiix ah ugu soo wada heestay.

Khadiija C/llaahi Daleys wey soo halgantay xilligii gobannimo doonka aheyd welina halgankeedi bey sii waddaa, sababta ay weli isu sii dhibeysana waa dad iyo dal jacayl, waxeyna meel walba ka ruxeysaa calaankaa buluugga ah, sidaa darteed iyaduna waxaannu leennahay “Maama taariikhdu ku ma illaawi doonto, waad muteysatee magacaa ha jiro”.

Daljire muuqda.

Dr:- Maxamed Daahir Afrax, waa qoraa sare oo caan ka ah geyiga soomaaliyeed iyo meel walba oo ay soomaalidu deggan tahay, waxey dadka intiisa badan ku xusuustaan sheekooyinkiisii caanka noqday ee kala ahaa ( Maana faay iyo Galti macruuf )

Maa daama shacbiga soomaaliyeed uu qaran bur bur ku soo dhacay, wuxuu Maxmed daahir isku mashquuliyay inuusan afkoodu burburkaasi saameynin, wuxuuna madax ka ururka qalinleyda soomaaliyeed ( Somali pen ) kaasoo wax badan ka qabtay ururinta afka hooyo, waxaana ugu danbeystii laguu guuleystay qaamuus guud oo afsoomaali ah in lagu soo bandhigo dalka jabuuti shanta soomaaliyeedna leysugu keeno.

Waxaan is leeyahay taasi waa guul uu dareemi karo qof kasta oo soomaali ah, waxaana mahaddeeda iska leh intii howshaasi ka mira dhalisay gaar ahaan Maxamed daahi afrax, sidaa daraadeed waxaannu leennahay ” mudane waad muteysatee magacaa ha jiro”.

Daljire muuqda.

Abwaan: C/dhuux Yuusuf Xasan, waxaa uu ka mid ahaa shakhsiyaadkii aan 22kii sanoo ee dalka burbursanaa aan marnaba dibadda uga bixin una soo dhabar adeegay hoog iyo halaag wixii dalka ka dhacayay, taas oo aheyd naf hurnimo iyo u bareerid waddaninimo.

Xilliyadii uu burburka jiray abwaan C/dhuux, waxaa lagu xusuustaa maansooyin kiisii uu bulshada ku wacyi gelinayay, gaar ahaan riwaayaddiisii la magac baxday ” Darajo iyo xil yaa mudan?” ee laga dhigay muqdisho iyo kulan weynihii Carta ee dalka jabuuti.

Abwaan C/dhuux hadda waa maareeyaha golaha murtida iyo madadaalada wuxuu halkiisii ka sii wadaa dadaalkiisii ahaa qaran doonnimada, waana hormeeyaha kala haga bah weynta fannaaniinta Soomaaliyeed ee hal-abuurka iyo suugaanta ku mideysan, sidaa darteed waxaannu leennahay “mudane waad muteysatee magacaa ha jiro”.

Daljire muuqda.

Maxamed Aadan Teerra, waa weriye caan ah oo ka mid ahaa weriyayaashii xilligii kacaanka ka shaqeyn jiray Raadiyo Muqdisho, waana shakhsi isku darsaday degganaan iyo aftahannimo dheeri ah, isaga oo bulshada inteeda badanna sidaa ku kasbada.

Weriya Teerra, waxaa uu hadda jooga carriga ingiriiska, wuxuuna ka dhex muuqdaa mid ka mid ah TV-yada sida gaarka ah loo leeyahay ee ay xaruuntoodu tahay London, waxaana si gaar ah loogu xusuustaa barnaamijka fool ka fool ee uu ka daadihiyo TV-ga lagu magacaabo Universal.

Teerra, barnaamij socod siintiisa waa mid dhaxal gal ah oo bulshada wax ku soo kordhin karta, waayo, wuxuu isticmaala ereyo aqoon xanbaarsan oo taariikh iyo suugaanba leh taasina waa mid dhiirri gelin iyo hambalyadeeda mudan, sidaa darteed waxaannu leennahay “mudane waad muteysatee magacaa ha jiro”.

Ugu danbeystii dhammaan daljirrada muuqda ee aanay suura gelin in magacyadooda halkan lagu xuso waxaan ugu cudur daareynaa inaan la illaawin ee ay yihiin dad tirsan oo uu qaranku dugsanayo ee samir lahaa. sidoo kale daljirrada dahsoon ee suxufiyiinta, fannaaniinta iyo ciidamadaba leh ee u geeriyooday howl gudasho qaran darteed, waxaannu leennaha baal dahab ah baad ku qoran tihiin ee naxariistii janno eebbahay ha idin siiyo. Aaamiin.

Tani waa aragtideyda gaarka ah iyo sida ay ila noqotay, qalinkuna ilduuf wuu yeelan karaa ee wixii talo bixin iyo tusaaleynba igu soo hagaaji adigoo raalli ah.

W/Q: Bashiir Cali Xuseen.

[email protected]

Madaxwayne Xasan Sheikh oo u hanjabay saraakiisha Dowladda

0

Madaxwaynaha Dowlada Soomaaliya ayaa ugu hanjabay Saraakiisha dowlada Soomaaliya inay kasban doonaan ciqaab hadii Askari dowlada ka tirsan uu dadka Shacabka wax yeeleeyo.

Xasan sheekh Maxamuud ayaa mar kale  uga digay  Askariga dowlada Soomaaliya inuu kufsado ama uu  ku tagrili falo awooda labiska aan loo dulqaadan doonin.

Wuxuu sheegay Madaxwayne Xasan qaladkii uu sameeyo Askariga isagana uu u jeewan yahay Sarkaalka Askariga uu hoostago.

Sarkaalka iyo Askariga ayuu sheegay in Maxkamada ciidamada qalabka Sida ay go’aan adag  ka qaadan doonto.

Ugu dambayn waxaa  kala hadlay ciidamada dowlada inay yeesheen adaab wanaagsan ma ahan buu yiri in la yiraahdo Askariga waa kuwii mara calasta ahaa.

UNHCR oo warbixin ka soo saartay dooni ku degtay xeebaha Soomaaliya

0

Geneva (Caasimada Online) Warbixin ay soo saartay maanta oo Jimco ah hey’adda qoxootiga QM u qaabisan ee UNHCR ayaa lagu sheegay in 55-qof oo ah tahriibayaal Soomaaliya iyo Ethiopian in ay ku dhinteen dooni ku degtay xeebaha Soomaaliya.
Hay’addu waxey sheegtay in doonidu ay rogmatay 15- daqiiqo kaddib marlkii ay ka baxeen xeebaha Soomaaliya iyoona ku sii jeeday  waddanka Yemen ee ku yaalla gacanka cadmeed.

UHNHR ayaa xustay in dhacdadan ay ka badbaadeen illaa shan qof oo ahaan dadkii la socoday doonida degtay kuwaasoo  soo dabaashay,

“Meydka illaa 22-qof ayaa la helay laakin 32- kale ayaa weli maqan kuwaasoo loo marleenaayo in ay ku hafteen biyaha,” ayaa lagu yiri warbixinta UNHCR.

QM ayaa sheegtay in shilkaas uu yahay kii ugu xumaa ee ka dhaca gacanka cadmeed tan iyo bishii February 201-dii, markaas oo 57-Soomaali magangalyo doon ah ay ku dhinteen badda.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in doonidu rarku ku badnaa markii ay ka shiraacaneysay dekedda magaalada Boosaaso ee gobalka Bari.

Si kastaba, QM ayaa sheegtay in tahriibayaal gaaraya 100, kun ay ka gudbeen badda-cas iyo gacanka cadmeed sanadkan oo kaliya.
Tobannaan kun oo qof ayaa oo ka taga geeska Africa ayaa ka gudba Gacanta Cadmeed sannad

Waxaana marka laga soo tago qatarta ay kala kulmaan ciriiriga doonyaha, iyo safarka badaha, waxaa kaloo ay dhibaato kala kulmaan, dadka wax tahriibiya ee doonyaha wata oo dhac, jir dil, kufsi iyo xitaa dil u geysta, sida lagu sheegay warbixinta UNHCR.
Ugu dambeen warbixinta waxa lagu sheegay in 95-qof oo tahriibeyaal ah oo ku safray biyaha gacanka cadmeed sanadkii la soo dhaafay la waayay ama ay ay ku dhinteen.

Ciidamada DF oo saaka dagaal ku ah Raaskambooni + Wararki u dambeeyay

0

Wararka Saakay laga helayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolla Jubada hoose ayaa sheegaya in xiisad wali ay ka jirto magaalada, walow dhinaca kale ay socdaan waan waan.

Kadib markii maalintii shalay magaalada Kismaayo uu ka dhcay dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskambooni ayaa saaakay waxaa qaban qaabo dagaal ay ka jirtaa gudaha magaalada.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa saakay heegan adag ku jirta halka kuwa Raaskambooni ee ka amar qaata Axmad madoobe lamid yihiin,waxaana warar gaar ah oo aan helnay ay sheegayaan in ciidanka dowladda ay yihiin kuwa isku dayaya inay dagaalka qaadaan, balse illaa iyo hadda lala hadlayo, oo ay socdaan wada hadallo lagu celinayo.

Dagaalka ka soo cusboonaaday Kismaayo ayaa waxaa uu yimid markii dagaalyahanada jabhada Raaskamboono ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada dowlada ay ku lahaayeen xaafada Calanley halkaas oo ay lacag ku qaadaan.

Marka xiisada jirta laga soo taago waxaa soconaya waan waan ay wadaan Saraakiisha Dowlada iyo kuwa Kenya kaas oo ay ku kala qaadayaan dhinacyada dagaalaya, ayada oo inta badan ay si xoogan ula hadlayaan ciidanka Dowladda ka careysan dagaalkii gaadmada ahaa ee shalay kaga yimid maleeshiyada Raaskambooni.

CR7 oo ka maseyray Messi xilli uu ku dhowyahay inuu ka tago Real.

0

Cristiano Ronaldo ayaa wei dareemaya inay tahay inuu ka dhaqaaqo Santiago Bernabeu xagaaga wuxuuna aaminsan yahay inuusan helin naashnaashka uu helo Lionel Messi.

Lionel Messi ayaa heshiiska u dheereeyey kooxdiisa Barcelona Isbuucaan wuxuuna lasii joogi doonaa ilaa 2018, markaasoo ay ku beegan tahay dhalashadiisa 31aad.

Waxaa la rajeynayaa in sidoo kale heshiiskaan loogu kordhiyo mushaarka uu kooxda ka qaato iyadoo sanadii la gaarsiin doono 12.5 milyan oo ginni.

Laakiin sida laga soo xigtay wargeyska kazoo baxda dalka Spain Marca, Ronaldo ayaa weli laga dareemayaa inuu u careysan yahay kooxdiisa uusan faraxsaneyn, wuxuuna aaminsan yahay inuu u qalmo in loo naashnaasho sida Lionel Messi.

Halka Messi uu qandaraaskiisa Barcelona lix heer cusbooneysiiyey,  Ronaldo ayaan weli laga dalban inuu qandaraaska kooxda u kordhiyo tan iyo markii uu 80 milyan oo ginni Old Trafford kaga soo dhaqaaqay 2009.

Cristiano ayaa 169 gool u dhaliyey Los Blancos 170 kulan oo uu u saftay, halka Messi uu dhowaan jebiyey Rikoorkii gool dhalinta hal sano ee 40 sano la gaari waayey ee Gerd Muller.

Labada xidig ayaa u sharaxan Abaal marinta FIFA Ballon d’Or iyadoo uu ku wehliyo xidiga kale ee kooxda Barcelona Andres Iniesta.

Wararkii ugu Dambeeyay Xaalada Kismaayo & Dagaaladii Maanta…

0

Kismaayo (Caasimada Online) Inta la ogyahay shan qof oo u badan dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay dagaal ka dhacay saaka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbadda Hoose.

Dadka deeganka ayaa sheegay in dagaalka la isku adeegsaday hub culus, isla markaana ay jiraan dad dhintay iyo ku dhaawacmay.

Waxa dadka dhintay ku jira ciidamada milatariga ee magaalada ku sugan iyo dad rayid ah, sida ay lee yihiin wariyaasha ku sugan magaalada.

Cabdi Nasiir Seeraar oo ah afhayeenka maamulka ku-meel-gaarka ee magaalada Kismaayo, wuxuu sheegay in magaalada wax dagaal ah uusan ka dhicin, laakin ay saxaafadda bara-bagaando ay baahisay.

Wuxuu yiri “ Magaalada waa ay xasiloontahay, wax dhib ahna kama jiro, waxa ka dhacay magaalada ciidamo isku dayi rabay in ay gadood sameeyaan, laakin markii dambe la soo qabtay, intaas yar ayaa magaalada ka dhacay, wax dagaal ahna kama jiro magaalada oo gacanta annaga ayaa ku heynaa”

Qof ku sugan magaalada ayaa Shabakadda Caasimada Online u sheegay in magaalada saaka laga maqlay hub culus, isla markaana meydad lagu arkay wadooyinka.

Wuxu yiri : “ Dagaalka magaalada ayaa bilowday saaka lixdii aroornimo waxana uu socday illaa 10-kii barqo nimo, waxa la isku adeegsaday

Daawo Muuqaal ka hadlaya Burburka gaaray Degmada Hodan. “Video”

0

Muuqaalka Maanta aan Idiin soo Xuleeyno Waa Degmada Hodan oo Burbur xoogan ay ka soo gaareeyn Dagaaladii sukeeyay ee 22 sano ka dhacayay  Magaalada Muqdisho Goormee ayaa  kugu dambeysay aragtideeda Degmada Hodan.

Magaalada Muqdisho waayadii u dambeeyay waxeey ka soo kabaneysa burburkii gaaray waxaana xiligaan la gaaray xiligii ay dib u is taagi laheyd 22 sano kadib oo burbur iyo dagaalo sukeeyay ay ku dul habsadeyn.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA DEGMADA HODAN:

 

Saraakiil La dalacsiiyay iyo Xuska Maalinta Booliska oo la soo xiray.

0

Magaalada Muqdisho  waxaa goordhow gaar ahaan xarunta Generaal kaahiye  lagu soo gabagabeeyay munaasabad ballaaran oo loogu dabaaldagaye xuska 69-sanoguuradii kasoo wareegatay markii la aas-aasay ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Munaasabadan ciidanka Booliiska maanta loo dhigay ayaa waxa ay aheyd mid ballaaran islamarkaana ay kasoo qeybgaleen masuuliyiin kala duwan oo dowladda ka tirsan uguna horeeyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo xubno kale.

Generaal Shariif Sheekuna Maya  oo ah Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaliyeed oo halkaasi ka hadlay ayaa wuxuu shegay in ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ay yihiin kuwa ka shaqeeyaa Nabada iyo horumarka dalka Soomaaliyeed dhibaatooyin adagna la kulma.

Maye wuxuu sheegay in sanadkaan oo kaliya ciidamada Booliiska Soomaliyeed ay fashiliyeen qaraxyo kala duwan oo gaarayaa 150-islamarkaana ciidamada Booliiska ay ku guuleesteen arintaas.

Waxaa halkaasi bilad sharaf lagu  waxaa lagu guddoonsiiyay saraakiisha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ee halganka Dowladda usoo galay.

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid  oo ah Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya oo isna dhankiisa goobta ka hadlay ayaa sheegay in ciidmaada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliiska ay qabteen shaqooyin wanaagsan mudnaana ay uleeyihiin in la abaalmariyo.

Ra’iisul Wasaaraha  wuxuu sheegay in Xukuumadiisa ay ku dadaalayso sugida dhanka ammaanka Muqdisho iyo ilaalinta xuquuqda ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

W/D: Cabdiweli Maxamed Ilkacase

Tell:  8885943

 

Real vs Man U, Arsenal vs Bayern isku aadka UCL oo la sameeyey

0

Isku aadka wareega 16ka Uefa Champions League ayaa la sameeyey iyadoo uu ka dhacay magaalada Nyon, ee dalka Switzerland maanta oo Khamiis ah.

Kooxda heysata horyaalka Primera Division Real Madrid ayaa wajihi doonta kooxda Ingiriiska ah ee Manchester Uniyed, Cristiano Ronaldo ayaana kusoo laaban doona garoonkii uu ku barbaaray ee Old Trafford.

Intaas waxaa sii dheer, kooxdii koobka ku guuleysatay 2011 Barcelona ayaa wajaheysa kooxda Talyaaniga ah ee AC Milan.

Kooxdii sandii hore soo gaartay Finalka Bayern Munich ayaa qaabili doonta wiilasha Arsene Wenger ee Arsenal iyagoo isha ku haaya inay shan sano gudahood sedax jeer Finalka higsadaan.

Kooxda awooda badan ee Serie A Juventus ayaa garka la geli doonta kooxda Celtic lugta hore ee wareegta 16ka, halka ay Schlke la kulmeyso kooxda Turkiga ah ee Galatasaray.

Kulamada hore ee Group-ka waxaa la ciyaari doonaa 12-13 iyo Janaayto halka kulamada labaad la ciyaari doono 19-20 waxayna kooxduhu Lugta kulamada labaad ee Group-ka ciyaari doonaa 5-6 March halka ay sidoo kale ciyaaraha kulamda labaad dheeli doonaan 12-13 March.

Isku aadka wareega seeded dhamaadka waxaa la qaban doonaa 15ka March, waxaana Finalka 25ka May lagu ciyaari doonaa garoonka Wembley Stadium ee magaalada London.

Isku aadka wareega 16ka Uefa Champions Lague  waxaa loo sameeyey sida tan.

Real Madrid vs Manchester United

AC Milan vs Barcelona

Arsenal v Bayern Munich

Arsenal v Bayern Munich

Galatasaray v Schalke

Shakhter Donestk v Borssia Dortmund

Valencia v Paris Saint-Germain

FC Porto v Malaga

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Mogadishu.