Qeybtii 1aad ee qisadan xanuunka badan ayaa intii la socotay waxay inoo joogtay Axmed Saadaq iyo Sacdiyo Cumar oo ah wiilka iyo gabadha dhalinyarada ee sawirkooda meesha idinkaga muuqdo oo ay asiibtay caado ay inta badan Soomaalidu ku dhaqmaan oo ah in hantiilaha la daryeelo balse diifta iyo daruufta ka muuqata danyaraha jaceylku wado aan la eegin.
Qeybta 2aad ayaa inooga bilaabanaysa maanta .
Waxaa taa kasii daran ka sokow dhaqaale xumida, inay arintu sii cuslaatay markii wiilka waalidkiis halkii uu ka sugaayey inay u doonaan gabadha ay iyaga is laheysiiyeen gabadha (waxaan taa ula jeednaa in aderekiis Yuusuf Khaliif (47 jir) oo ka yimid dibadda uu gabadha la gaclooday Axmed Saadaq).
Axmed Adeerkiis oo ka yimid Kanada, ayaa arkay Sacdiyo Cumar oo ah saaxiibo isku dhinta ahaayeen Axmed Saadaq oo iyadu guriga ugu timid isaga si ay usoo salaanto maadaama uu dalku in badan kamaqnaa, balse Adeer Yuusuf ayaa si gaar ah usoo dhaweeyey Sacdiyo isagoo u muujinaya rabitaan iyo ka helitaan iyada xageeda uu ka dareemay durbadiiba.
Intaa ka dib Cismaan Khaliif oo isna adeer u ah Axmed Saadaq, ayaa wuxxuu Yuusuf Khaliif gacan ku siiyey sidii uu ku heli lahaa Gabadha, isagoo u balamiyey dhowr jeer oo uu guriga ugu keenay, weliba si qarsoodi ah oo uusan fahamsaneyn Wiilka ay Jaceyl-wadaaga yihiin ee Axmed.
Axmed aad ayuu uga carooday tallaabooyinka uu qaaday Adeerkiis Cismaan oo si weyn uga dharagsanaa xiriirkiisa jaceyl ee Sacdiyo kala dhaxeeya, wuxuuna is weydiiyey in qorshuhu yahay in isaga mustaqbalkiisa mugdi la geliyo, balse waxaa durbadiiba Axmed Saadaq ku dhashay go’aan ah inuu si toos ah arintan iyo ujeedada ka dambaysa uu ka waraysto Gabadha qudheeda oo maalmihii ugu dambeeyey xiriirkooda ay noqdeen kuwo goos goos ah.
Axmed oo ku sugan K/Afrika, ayaa si deg deg ah telefoon uga wacay saaxiibtiisa rumaad ee noloshiisa uu ka jecel yahay, waxaan dhex martay sheekadan….. La soco Qeybta 3aad ee Qisada.
Kooxo hubaysan ayaa habeenkii xalay waxaa ay magaalada Kismaayo ku dileen Nabadoon caan ka ahaa halkaas.
dilka Nabadoonka ayaa waxaa uu ka dhacay meel u dhow gurigiisa .
Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmad sheekh waxaana uu ahaa Nin dadka reer Kismaayo ay aad u garanayaan.
Askarta Dowlada ayaa goobta tagay marka uu falka dilka dhacay mana jirta cid ay u qabteen dilkiisa.
kooxaha wax dilay lama garanayo sababta ay u beegsadeen Nabadoonka iyo Cida ay ka tirsan yihiin balse dilka Nabadoonka ayaa waxaa uu kamid yhaya dilalka qorshaysan ee ka dhacaya Mudooyinkan Kismaayo.
Ururka ONLF ayaa sheegay in wadahadalkii ka dhaxeeyay dowladda Itoobiya uu hakad ku yimid kadib markii ay labada dhinac isku mari waayeen arrimaha dastuurka.
Sarkaal sare oo ka tirsan ururka ONLF ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay doonaysa in urruka ONLF uu aqoonsado dastuurka Itoobiya ka hor intaan la guda gelin qodobada hor yaalla labada dhinac.
Cabdinur Faarax oo ururka ONLF u qaabilsan Bariga Afrika, ayaa sheegay in ururkooda uusan aqoonsanayn dastuurka loogu dhaqmo Itoobiya.
Kulankani ayaa ah kii labaad ee labada dhinac ku dhex maro Kenya, iyadoo horey ay ugu heshiiyeen qodobada laga wada hadlayo.
Hadii wadahadalkan dib loogu noqda, waxa ugu horeeya ee laisla meel dhigi doona waa xabad joojin rasmi ah, maadamaada dagaalka ONLF iyo Itoobiya u dhaxeeya uu weli socdo.
Ka dibna waxaa la guda geli doonaa dhamaystirka qodobada lagu wada heshiinayo oo dabcan ay ka mid noqonayaan, awooda iyo maamulka gobolka Soomaalida.
Kooxda Elman ayaa xaqiijisay Horyaalnimada dalkeena Somaaliya ka dib markii ay garaacday galabta kooxda Banaadir Sports Club ciyaar ka dhacday garoonka Jaamacadaha ee Magaalada Mogdishu.
Elman ayaa horaan u muuqatay kooxda ugu awooda badan horyaalka, iyadoo keliya hal guul darro la kulantay, waxaana loo xaqiijiyey horyaalka iyadoo ay kulamo ka dhiman yihiin.
Kubad soo jiidasho leh oo ay galabta kusoo bandhigeen garoonka Jaamcadaha ayaa u xaqiijisay inay noqdaan horyaalnimada sanadkaan.
Iyadoo kooxda kaalinta labaad ku jirta LLPP Jenyo ay ka sareyso dhibco gaaraya 10 dhibcood.
Dhanka kale Kooxda Badbaado ayaa xaqiijisay booskeeda heerka labaad.
Sida ay u kala sareeyaan kooxuhu:
KOOXDA
Ciyaartay
Guul
Bareejo
La garaacay
FG
DH
Elman FC
12
9
2
1
18
29
LLPP Jeenyo
11
4
7
0
7
19
Heegan
11
5
4
2
4
19
Banadir S Club
12
3
6
3
3
15
Dekadaha
11
3
4
4
-2
13
Saxafi FC
11
2
5
4
-3
11
Horseed
11
2
5
4
-4
11
Badbaado
11
0
1
10
-23
1
Elman ayaa xaqiijisatay Horyaalkoodii labaad oo isku xiga ka dib markii ay galabta 2-1 ugu awood sheegatay kooxda Banaadir, waxaana goolka looga hor maray Elman iyadoo uu ka dhilyey ciyaarta oo mareysa daqiiqadii afaraad ciyaarayahan Nuur Cabdi Xuseen [Nuur Dhagool], waxaase ka beeniyey oo goolka barbaraha Elman u dhaliyey Cabadullahi Yuusuf Cismaan, sidaas ayaana lagu kala nastay.
Markii la isku soo laabtay ayaa ciyaartu sii dhanaanaatay, iyadoo labada koox ay wada qeybsanayeen ciyaar ku dhisan weerar iyo weerar celis waxaana goolka guusha Laad xor ah Elman ugu dhaliyey Sacad Saalax Xuseen. Sidaas ayeyna Elman ku qaaday Horyaalkii 37aad ee Somaaliya.
(Gothenburg) 18 Okt 2012 Dadka Soomaaliyeed waxay intoodii ugu horreeysay ay qurbaha usoo qexeen kadib markii ay dagaaladu ka qarxeen dalkeenna Soomaaliya horaantii 80-meeyadii kuwaasoo ugu dambayntii dhulka dhigay nidaamkii dhexe ee dalka sanaddii 1991-kii.
Waxaa lakala tegey daafaca caalamka min New Zeeland ilaa New York, Bali ilaa Buenos Aires, dadka Soomaaliyeed oo ah mujtamac bulshaawi ah waxay la koowsadeen nolol cusub oo faa’iidooyin iyo khasaare, horumar iyo caqabado intaba leh, laakiinSoomaalida oo lagu sheego dad dadaal badan gaar ahaan ganacsiga aan xirfadda ku dhisneeyn (Ameteur business ) waxay ka muuqdaan dalal badan oo ay ka sameeyeen horumarro ganacsi u badan halka ay qaarkood isku dayayaan inay fursadaha jira siyaabo kale uga faa’iidaystaan.
Tiiyoo ay sidaasi jirto maanta marka aad ka fikirto mujtamac 20 sano iyo sugood qurbe joogay Soomaalidu aad bay uga hoosaysaa heerkii ay gaari kartay hadii ay dadaasho welina ma muuqdo faham guud oo ku aadan in dhibaatada jirta ay u baahan tahay xal wadareed ee waxaa weli socda is EED EEDKII dhexdeena oo aan ku darnay mid aan u jeedinayno dadka kale inagoo leh: ’’Nama arki karaan’’ ’’Nalama jecla’’ IWM kuwaasoo ay wax ka jiri karaan balse laakiin aan eeda inteeda badan anagu leenahay.
Biya dhaca maqaalka:
Qodobka aan doonayo inaan ka hadlo waa mid ku qotoma dhalinyaro deganaanta iyo nasiinada ku qooqay oo deeto bilaabay inay inta magacyo baas la baxaan ay kusoo laabtaan dhigoodii Soomaaliyeed oo ay si bilaa micne ah jidadka ugu dilaan iyagoo weliba mararka qaar raadsanaya kuwa waxgalka ah ama mustaqbalka ifaya leh.
Hooyo Soomaaliyeed oo wiilkeedii lagu dilay magaalada London oo u waramaysay barnaamij documentery ahaa oo laga sii daayay ALJAZEERA INTERNATIONAL kaasoo uu Raage Oomaar ugu magac daray ’’JIIL LUMAY’’ (Lost generation) ayaa sheegtay in waxa ugu naxdinta badani aysan kaliya ahayn wiilkeedii ay jeclayd ee la dhaafiyay ee ay tahay inuu wiilkeedu uu gacan Soomaaliyeed ku boxo isagoo kumanaan mayl kasoo fog qaaquulooyinka dalkeenna ka qiiqaya.
Waxaan mar daawaday muuqaal ay inta soo duubeen ay boga muuqaallada Youtube.com soo geliyeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku dhaqan Maraykanka waxa ay sameeynayaan ee ay la wanaagsanaatay inay dadka la wadaagaan maaha mucaawino ay dad u qaybinayeen ama u aruurinayeen ee waa iyagoo inta jidka soo istaaga dadka oo ay kujiraan xitaa kuwa waayeelka ah ee jidka maraya si aan naxariis lahayn u qadaanqadinaya (u kala tuuraya). Bal qiyaas inta daawata iyo inta ay u sheegaan aragti noocee ah ayay naga qaadanayaan?).
Waxaa laba sanadood kahor soo baxday Cartel ay ku midaysan yihiin dhalinyaro Soomaaliyeed oo iibinaya jirka hablaha Soomaaliyeed oo ay warbixintu sheegaysay in gabdhaha dabinkan ku dhacay ay kujireen 12 jir ilaa 13 jir.
Waxaan sidoo kale idin tusayaa muuqaal muujinaya dhibaatada ay Soomaalida Toronto ay ku hayso arinta kooxo baandooyin ahaan u abaabulan oo si micna darro ah isu dila dadka kalana dila.
Waxaa ugu yaabka badan ee aan aad uga gubtay ayaa ah in anagoo magac ku yeelanay khilaaf, qarax, iyo burcad badeed marka dalkii la eego misna in qurbihii nalala xiriiriyo magacyo aan noo cuntamin oo aan ku habooneyn magaceenna Soomaaliyeed iyo kan Islaamka aan sheeganayno waxay noqonaysaa arin aynaan indhaha ka qarsan karaynin. Aan u istaagno soo noolaynta mageceenna sii dhimanaya.
Magacyada inoo baxay!
Sida aad warbixinta ku arkaysid wuxuu weriyaha hilinka CBC News ee dalka Canada uu warka ku bilaabayaa in GAANGIS, HUB, DAROOGO iyo DHIBAATO oo dhan ay la ciirciirayaan Soomaalida Toronto waa muuqaal runtii aad looga xumaado gaar ahaan marka qof lagala soo cararay khilaafka dhiiglaha ee dalkeenna ay XIKMADIISU noqoto inuu qori iyo daroogo daba galo! Kuna darsoo sheekooyinka noocan ihi kuma koobna hal meel. Waa yaabe maxaan ka sameeysanahay?.
Tan ugu daran baase waxay tahay dabcan dadka Soomaaliyeed ee qurbaha jooga kolleey way ka badan yihiin nimankaa waawayn ee ay dalalka reer galbeedku ’’Caruurta’’ u yaqaanaan ee iyagiina is caruurreeyay ee waxay tahay in waxgaradka Soomaalidu ay u dhaqmayaan sidii goroyadii madaxa aasatay ee is tiri laguma arkee sidaa ku dhuumo inta ay duufaanta iyo colku ay ka gudbayaan.
Waxaa kale oo ka daran in hadii ay sidan kusii socdaan oo ay dadkeenna qurbuhu u kala baxaan mid Paltalk ka caytama/caytanta, mid marfash ku qayila, mid shiishad cabeeysa, mid fadhi ku dirir ka qoran, gaangistarro daroogo iyo dil u bandhigan iyo intii kale oo u kala baxda mid dhexda ku dhunsan oo inta woxoogaa yar qabsaday Soomaalinimada inkira ama ka faana iyo mid dantii yaqaan ah laakiin aan waxba iska saarin danta guud ee mujtamacan ka dhaxeeysa isagoo aaminsan ’’Waxba kama qaban kartid’’ runtii waxaad arki doontaan iyadoo Soomaalida loo soocayo sida Chipsy-ga oo weliba anaga naga wanaagsan waayo way midaysan yihiin ugu yaraan.
Xikmadda qaybtan
Maaha inaan ahay qof tabane ah oo dhanka xun uun wax ka eegay lkn waxaa la yiri: ”Qofkii aan waxa jooga garanin, waxa soo socda ma garto” waxaan arkaa mujtamac ay caadifad iyo collaytan ay cardaadiqaha ka dhigeen ilaa ay ka gaaraan heer ay yiraahdaan: ”Intii hebel noolaan lahaa aan wada dhimano” taasoo aan ku mataalay sidii nin laantii uu geedka ka saarnaa isla jaraya isagoo qof kale ku xumeeynaya, adigoo marka waxyaabaha aan waqtiga ku dhumino marka aad eegto ay kuusoo baxayso inaynaan wax badan oo wanaagsan sidan kusoo sidin.
Goolhayaha Kooxda Juventus Gigi Buffon ayaa waayo kale ku sii qaadan doono Garoonka Olympic ee Magaalada Turin, kadib markii uu Madaxweynaha kooxda Juventus Andrea Agnelli uu ogolaaday in qandaraas cusub gacanta loo geliyo Goolhayaha Xulka Talyaaniga.
Xidigii hore ee Kooxda AC Parma ayaa la filayaa in Mustaqbalkiisa ciyaareed in uu ku soo gababeeyo Kooxda La vecchia Signora, markii Gacanta Loo geliyay Dhiil cusub oo uu ku sii joogi doono Kooxda Ka dhisan Magaalada Turin.
Balse Gazzetta dello Sportayaa sheegtay in Kooxda Juvuntus ay dhimi doonto Mushaarka 6 milyan euro ah ee uu heli jiray Goolhaye Buffon, waxaana haatan mushaar ahaan u qaadann doono Aduun Lacageed oo dhan 4.5 uero.
Goolhaye Buffon ayaa Kooxda Juvuntus waxa uu sanadkii 2001-dii, kaga soo biiray Kooxda Parma, wuxuuna mudadii 11 sano eheed ee uu la joogay Naadigaas la qeyb saday Koobab Muhiim ah isagoo u saftay 330 kulan.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Cabdi Weli Maxamed Cali gaas, ayaa tallooyin iyo digniin isugu daray ninka isaga beddelay ee C/qaadir Maxamed Shirdoon “Saacid”.
Gaas oo ka hadlayay xalaf uu xilka ugu wareejinayay Saacid, ayaa u sheegay Saacid inuu heysto fursado badan, balse uga digay qataraha hor yaalla fursadahaas.
“Saacid waxa uu heystaa fursad uu dalka iyo dadka Soomaaliyeed uu uga bixin karo dhibaatada muddo ay la daala dhacayeen, hase yeeshee waxaa hor yaalla caqabado badan, waxaana looga baahan yahay feejignana dheeri ah si uu uga gudbo”
Gaas ayaa dhinaciisa ballan qaaday inuu tallooyin iyo wixi kal ee muhim ah uu la garab istaagi doono Saacid, si afarta sano ee soo socota ay u noqdaan kuwa ay ka sheekeeyaan Soomaalida.
Waxaa uu dhanka kale ugu baaqay xildhibaanada in iyaguna ay garab istaagaan ra’iisul wasaaraha, oo aysan noqon xildhibaanadi ka horeeyay, oo khilaaf iyo xukuumad ridis caado ay u ahayd.
Kabtanka kooxda Chelsea ayaa laba isbuuc kasoo fikiraayey qoraalkii ay dacwadiisa kasoo saareen gudigii madaxa banaanaa ee FA-gu u xil saareen hadaladii cunsuriga ahaa ee uu Terry u adeegsaday daafaca QPR Anton Ferdinand.
Terry, oo la ganaaxay afar kulan iyo 22o kun oo ginni ayaana raali gelin ka bixiyey wixii uu garoonka ku dhex sameeyey, isagoo ku tilmaamay wax aan macquul ka aheyn inay ka dhacaan ciyaar kubada cagta ah.
“Waxaan doonayaa inaan fursadaan uga faa’iideysto inaan ku raali geliyo qof walba erayadii aan ku dhex isticmaalay ciyaarta,” ayuu yiri Terry.
“Inkastoo aan ka murugsanahay sida ay wax u go’aamiyeen FA-gu, hadana waxaan aqbalay inaan isticmaalay erayadaas, oo ahaa kuwa aan la marnaba laga aqbali Karin garoon kubada cagta ah iyo xitta nolashaba.
JT ayaa sidoo kale sheegay inuu ka xun inuu ka hoos maray heerkii ay ka filayeen taageerayaasha Chelsea. Wuxuuna sheegay inaysan mar dambe dhici doonin.
“Erayadii aan isticmaalay ayaa ahaa kuwa ka hooseeya heerkii ay iga fileysay Chelsea Football Club, iyo anigaba, tanina mar kale ma dhici doonto.”
Terry ayaa seegi kulanka sabtida ay kooxdiisu la ciyaari doonto Tottenham, marka lagu darro kulamada Manchester United ee 28da October iyo kulanka Carling Cup ee u dhexeeya labada koox sedax maalmood ka dib, wuxuuna tababuunka ka fuuli doonaa kulankiisa ugu dambeeya ee Chelsea ay u safri doonto Swensea City.
John Terry wuxuu maanta ku dhawaaqi doonaa hadii uu rafcaan ka qaadanaayo ganaaxiisii afarta kulan ahaa ee la dul dhigay ka dib markii uu hadalo cunsyri ah u adeegsaday difaaca kooxda Queens Park Rangers Anton Ferdinand.
JT iyo la taliyeyaashiisa ayaa heystay laba isbuuc inay uga soo fekeraan warbixintii ay soo saareen gudigii madaxa banaanaa ee loo xil saaray kiiska Terry iyo Ferdinand kuna soo rogay ganaaxa afarta kulan ah iyo 220 kun ee ginni, John ayeyna qasab ku tahay inuu jawaab bixiyo kama dambeys 6:00 PM xiliga England, taasoo ah waqtiga ugu dambeeya ee uu racfaan ku qaadan karo ama uu ku aqbali karo ganaaxa.
Kabtanka Chelsea oo racfaan ka qaata ganaaxan ayaana noqon dooonta mid dhibaato sii dhalisa maadaama lagu tilmaamay cafis uu weydiisto inay tahay wax aan la aqbali karin.
Frank McLintock ayaa u sheegay taageerayaasha Arsenal inay iska iloobaan in Gededa Emirates Stadium ay ku arkaan ciyaaryahan lagu soo iibshay lacag fara badan.
Saxaafada ayaa soo jeedineysay in Gunners ay tababarahooda Arsene Wenger gacanta ka saartay 35 milyan oo ginni, taasoo uu Janaayo kula soo wareegi doono xidig weerarka ka ciyaara.
Laakiin Halyeeygii hore ee Highbury McLintock ayaa cadeeyey Siyaasada Wenger, inuusan hal ciyaaryahan kusoo iibsan doonin lacag intaas dhan.
“Waxaa jiray warar ay saxaafadu qoreysay maalihii lasoo dhaafay in Arsene Wenger uu 35 milyan kusoo iibsan doono weeraryahan laakiin uma maleynaayo inuu weligiis sidaas sameyn doono,” ayuu yiri Frank McLintock.
Arsenal ayaa lala xiriirinaayey inay Janaayo lacag badan u huri doonto xidiga aadka loogu qiimeeyo weerarka ee Radamel Falcao.
Federico Macheda ayaa qarka u saaran inuu ka tago kooxdiisa Manchester United, ka dib markii uu xidigu ka waayey boos joogta ah, sida ay qortay majalada The Sun.
21 jirkaan, weerarka ka ciyaara ayaa kulankiisii ugu dambeeyey ciyaaray kulamadii Boxing Day-ga ee sanadii hore.
Wakiilkiisa Giovanni Bia, ayaa laga soo xigtay isagoo dhahaya: “Wuxuu doonayaa inuu ciyaaro hadii uusan awoodi karin ka dib Janaayo waxaan isku deyi doonaa inaan helno xal wax bedela.”
Liverpool ayaa lasoo sheegayaa in saraakiil indha-indheeya ay u dirtay daafaca tayada leh ee Genoa Andreas Granqvist iyo qadka dhexe ee kooxda Palermo Josip Ilicic.
Waxaa la rumeysan yahay in kooxda Anfield wakiilo ka socda ay ku sugnaayeen gegeda Marassi intii ay socotay ciyaartiiGenoa-Palermo ka hor inta aan la aadin qaramada.
Si kastaba, sida ay tebinayaan saxaafada guduha Talyaaniga, Liverpool ayaa wax ka badan kulankaan la qaadaneysa Ilicic.
24 jirkaan dalka Slovenia ayaa ku sugnaa Rosanero tan iyo 2010kii, waxaana loo qiimeeyaa mid ka mid ah qadka dhexe ee kooxda ugu fiican.
Madaxweynaha kooxda Paris Saint-Germain Nasser Al-Khelaifi ayaa sheegay inay xaqiiq tahay inay jeclel yihiin Daniele De Rossi, laakiin wuxuu cadeeyey in wax ku saabsan arinka aysan usoo bandhigeyn saxaafada.
Kooxda ka dhisan dalka Faransiiska ayaa ka dhex muuqatay suuqyada Yurub ka dib markii ay lasoo wareegeen xidigo magac leh sida Zlatan Ibrahimovic, Thiago Silva iyo Ezequiel Lavezzi.
Sida uu tebinaayo Sky Sport Italia, maalqabeenada reer Qatar ayaa diyaar u ah inay heelaan geesiga qadka dhexe ee kooxda AS Rome.
“Waa dhab, inaan jecelnahay De Rossi. shaki la’aan waa ciyaaryahan weyn, laakiin wax ku saabsan kama aan sheegeyno saxaafada.”
De Rossi ayaa lasoo sheegayaa inuu khilaaf xoogan kala dhexeeyo tababarihiisa Zdenek Zeman kaasoo aan la ciyaarsiin kulankii 2-0 ku dhamaaday ee Atlanta.
Waxaa laga yaaabaa in mar walba aad maqasho in Ciidamada Dowladda Somalia aysan qaadan wax mushahar ah, marka ay qaataanna ay helaan lacag aad u yar oo aan u dhigmin naf hurnimo, ayada waddaniyadduu dhinaceedu tahay.
Sida aan ognahay mushaharka ciidanka DF waa 100 illaa 200 oo dollar bishii, ayada oo ay ku xiran tahay darajada askariga, hase yeeshee mararka qaar taas ayaaba wareer ka gasha.
Balse ka wraan ciidamada AMISOM ee jooga Somalia. Warbixin aan helnay oo gaar ah ayaa sheegeysa in sanadkan oo kaliya ciidanka Amisom ay ku baxayso lacag dhan 437 Milyan oo ah kaliya qalabka iyo agabka dagaal.
Lacagtaas 338 milyan oo ka mid ah wxaa bixiyay Mareykanka.
Askari kasta oo ka mid ah Amisom waxa uu mushahar ahaan u qaataa 1028 dollar bishii, waxaana lacagtaas bixiya Midowga Yurub. Waxaa taas dheer 500 oo dollar oo ay dowladdii soo dirtay bil kasta ku qaadato.
Askarigii ku dhintaa dagaalka waxa ay qoyskiisa magdhow ahaan u lee yihiin 100 kun oo dollar, halka ciidamada Soomaalida, kii dhintaa aanba la is warsan.
Lacagta 437 milyan ee dollar ah xitaa sanadkii masoo gasho Dowladda Somalia, oo lama siiyo.
Haddaba su’aasha ayaa ah maxay beesha caalamka u dooneyn inay dhisto ciidamada qaranka Soomaaliyeed, oo ay lacag badan ku bixiso, mase waxaan la dooneyn in Somalia ay isku filnaanto, oo weligeed ay na dul fadhiyaan Uganda, Burundi, Kenya iyo wixii la halmaala?
Maxay tahay sidoo kale sababta Dowladda Somalia iyo madaxdooda aysan uga hadlin arrintan oo aysan ugu sheegin beesha caalamka in Ugaandeeska aysan ka karaamo badneyn askariga Soomaaliga ah, mise dadkoodaba qiimo lama lahan?
Weli ma hayno ciddii arrinkan ka jawaabi lahayd, balse aqriste wad ku biirin kartaa fikirkaaga.
W/Q: Axmed Cali Sheikh Tifaftiraha Caasimada Online.
Ciidamada Amisom ee taageeraya dowladda Somalia, ayaa caqabad ku noqday nolosha dad badan oo degan duleedka magaalada Muqdisho, sida ay dadkaasi ka cabanayaan.
Waxaa dadkaasi ka mid ah dadka degan deegaanka No.50 ee duleedka Xamar, oo sheegay inay wajahayaan biyo la’aan baahsan oo sababteeduna ay lee yihiin ciidamada Amisom.
Mid ka mid ah odayaasha deegaanka ayaa Caasimada Online ka codsaday in cabashadooda la baahiyo, waxaana uu sheegay in ciidamada Amisom ee dhowaanahan howl gallada ka wdaay gobolka Shabeelada Hoose, ay ka hor taagan yihiin inay ka dhaansadaan ceelka kaliya ee deegaanka uu lee yahay.
“Waxaan qabnay hal ceel, halkii ceelna waxaa farriisin ka dhigtay ciidanka Amisom, markii dadku halkaas ay u biyo dhaansi doontaanna xabbad ayaa lagu soo ceyriyaa” ayuu Xaaji Xasan macow u sheegay Caasimada Online.
Waxaa kale oo uu intaas ku daray in taasi ay usii dheer tahay boobka iyo burcadnimada ay ciidamada Dowladda Somalia ku hayaan dadka deegaanka.
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelada Hoose Cabdullahi Muuse Abuukar, oo aan arrintan wax ka weydiinay ayaa difaacay ciidanka Amisom, waxaana uu sheegay in cashada dadka deegaanka ay tahay mid aan jirin.
Haddii wali Kala guurkii lagu jiro, maadaama aan wali la dhammaystirin dhismihii dawladnimo, maadaama aan wali la kala guran oo wali goradda la iskula jiro, lase yiri waxaa laga baxay ku meel gaarkii, sida la sheegay, aanse sidaa ahayn, aqriste, bal sii goob qormadii ahayd: “Ku meel gaarkii ma laga baxay?!”.
Haddii uu dhacay kala wareeg, dadka intiisa badanse ku tilmaameen ISBADAL, aniguse aan ku gaabsanayo kala wareeg, maadaama aan la garanayn meeshuu ka yimid, waxa sababay, cidda horseedday ama maalgalisay, maxaa yeelay beeso ayaa lagu kala baxay, cidda uu ka goys haysto ee uu ku daaban yahay, ayaan qoray qormadii ahayd: “Maxaa dhacay?!”.
Hadda waxaa loo madlan yahay dhismaha Golaha Wasiirrada, oo laga sugayo inuu soo magacaabo Mudane Shirdoon, oo dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh u xushay inuu xilkaa qabto, marka laga soo tago soo dhawaynta dhiirran iyo midda dhabbacanba, waxaa mudane Shirdoon hortaal hawl aan yarayn, oo ay ugu horreyso dhismaha Golihiisa Wasiirrada, waana mid aan wax uga dhihi doono qormada dhexdeeda.
Bartamihii bishii afraad ee sannadkan ayaan qoray qorma cinwaankeedu ahaa: “Foolal cusub iyo Faro Caddaana!” oo aan ku qoray dhawr qodob oo muhim u ah maamul walba oo ka dhismaya Soomaaliya, Gobol, Degmo iyo Tuulaba. Qormadaa waxaa wehlisay heesta: “Waa inaan dib loo arag” ee ay ku xareediyaan Kooxda Qaylodhaan erayadii Bashir M. Hersi.
Maanta oo wajigii hore ee qodabbadii qormadaa iyo heestuba hirgaleen, ayaan doonayaa in aan mar kale ku soo laabto isla mawduucii, si aan u sii xoojiyo qodobbadaas, loona dhammaystiro hannaanka geeddi socodka billowday, ilaa laga guranayo mirihii oo dhan, maadaama aan is leeyahay in maanta ay tahay maalintii la hirgalin lahaa qodob iyo qoraal, hawraar iyo hadal midkood ku jira, ee aan hoosaasin iyo haasawe midna loo hamuun qabin.
Haddii madaxda dawladda u sarraysaa aysan ku sheegganayn:
Inay ka qaybqaateen dagaal sokeeye.
Inay ka qaybqaateen dagaal diimeed.
Inay lunsadeen hanti qaran.
Inay qabyaaladiistayaal yihiin.
Inay yihiin qabqablayaal.
Aqriste, xasuuso qodobbadan horaan u qoraye, waxaanna ku sii dari lahaa qodobbadan:
in haraadigu uusan kala harin, waxaan uga jeedaa, maadaama madaxdii hore uusan qofna dib uga soo laaban, waa inaan xil loo magacaabin masuul walba oo xil hore uga soo qabtay dawladihii burburka, gaar ahaan Golaha Wasiirrada inaan lagu soo darin Wasiirradii dawladihii hore dalka u soo maray, marka laga reebo dawladdii Maxamed Siyaad Barre, isna waa inuusan ku eedaysnayn xasuuq, barakicin iyo muqus.
In mudanihii Wasiir noqda uusan Baarlamaanka xubin ka sii ahaan, oo mid ku ekaado Xildibaannimo ama Wasiirnimo, sidaa waxaan u leeyahay inaysan dhicin inuu laba Mushaar qaato [Laba canlayn] illeen beesaba looma hayee. Taa sokow, inuusan laba awood oo is dhexgalaysa isla hayn, dabcan, dunida waa ka jirtaa, oo wax diidaya ma lahan, balse, dani anaga nooguma jirto, illeen mudane isagu isu codaynayaa, is dacweyn maayee!
Inqofkii xil sare qabanaya, uusan mushaar iyo biil lahayn, ee ku shaqaynayo iskaa wax u qabso iyo mutadawacnimo ama Folontari, Mushaar iyo biil midna aan la siin, dabcan waa in muddo loo qabtaa middan.
Qodobkan bal aan daliil u doonee, Allaha u naxariistee, Abwaan C/qaadir Xersi “Yamyam” baa shirkii Addis Ababa ka dhacay sanaddii 1993-dii ku maansooday sidan:
Waagii mudnaantiyo
Wasiir magac ku faanaa
Baabuur madaw iyo
Muraayadaha xiran jiray
Meelaha nacfiganale
Loo kala hor mari jiray
Maareeyana la noqon jiray
Gudbe maalmahoodii!
Waxa timid marxalad adag
Oo maamul sare iyo
Ninka madax u ciilqaba
Masuuliyadu qaadiyo
Kow dhaar la mariyaa
Tahay miiskii soo gado
Musuqana dil baa tahay
Mushaar ma lihid shaqaduna
Maqrib iyo ilaa subax
Ilaa qaranka maydkaa
Lagu hubiyo meel wacan
Halkaaseey maraysaa.
Haddii aan mushaar la’aan la joogi karin waa in la cayimaa mushaarka qofkii xil sare qabanaya, maxaa yeelay xaddidka lacagaha soo gala madaxdan waxay xakamayn kartaa isdaba marin iyo musuqmaaq inuu dhaco, kaba si muhimsane, waxaa lagula xisaabtami karaa dakhliga soo gala, oo laguna qaadi karaa xisaabi xil ma leh.
In la kala qaado xilka Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho, micnaha in laba qof loo kala magacaabo, maadaama ay xallin karto gunuunac hoose oo iman kara ama jiraba.
In mudane Tarzan uu ku ekaado Xildhibaannimadiisa, maadaama laga codsaday inuu labada jago mid ku koobnaado, gaar ahaan loo qabtay in bil gudeheed uu ku hor yimaado Baarlamaanka si loo dhaarsho, uuna u wareejiyo xilka uu hayo ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisha.
In la baddalo Maareeyaha Dekadda Muqdisho iyo Maraayaha Garoonka Aadan Cadde, maxaa yeelay xilalkan marka laga soo tago inay xasaasi yihiin, waa ilaha ugu muhimsan ee dawladda dhaqaale ka soo galo, sidaa awgeed, waa in loo xulaa rag hufan oo aan ka soo qaybqaadan maamulladii hore ee musuqu daashaday.
In xilalka laga qaado dhammaad saraakiisha ugu sarraysa ee ciidaanka iyo nabad sugidda, marka laga reeno Gen. Dhaga badan, Abbaaduuliyaha Ciidan Qaabka Qaranka, oo aan la’aantiis guushaan la gaareen.
In la baddalo Guddoomiyaha Maxkamadda sare, dabcan ma sharcibaa mise ma ma ahan? Waa arrin kale, ujeedku waa inaysan kala harin hoggaankii hore, ee nala haray halkanna na soo gaarsiiyey.
Ugu dambayn, isu gaynta qodobbadab yaa isugu soo aruuraya cinwaanka qormada, ee ah: “Haraadigu yuusan kala harin” maadaama ay sii xaqiijinayso in aan la kala reebin kuwii musuqa iyo murrugmaarugta ku mashaqeeyey dalkan iyo dadkan.
Halka “Foolal cusub iyo Faro Caddaana” furfurkeedu yahay sidan: foolalka cusubi waxay daaqadda ka saarayeen kuwii sanadaha silica siyaasadda hoggaanka u hayey, faro caddiduna, waxay meesha ka bixiyeen dhamman xaaraan ku naaxyada, iyo xinjirro daadiyayaasha!
Qormada waxaan ku soo afmeerayaa heestii: “Waa inaan dib loo arag” ee ay ku xareediyaan Kooxda Qaylodhaan, erayadii Bashir M. Hersi, iyadoo qoraal, maqal iyo muuqaal ah, si aad u daawto heesta oo muuqaal ah liilkan hoose sii raac: