25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Wararkii ugu dambeeyey ee wax ka beddelka dastuurka iyo kulan maanta dhacay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Soomaaliya iyo Guddiga La-socodka Dastuurka Baarlamaanka JFS ayaa maanta kulan wada jira waxa uu uga furmay magalada Muqdisho.

Ujeedka kulankaan ayaa ahaa soo bandhigid iyo soo jeedinta cutubyo kamid dastuurka, kaasi oo uu diyaariyay guddiga madaxa-banaan ee dastuurka Soomaaliya.

Labada guddi ayaa isla eegi doona cutubyada 1-aad illaa 4-aad ee uu soo diyaariyay guddiga madaxa-banaan ee dastuurka, ayada oo markaas kadib loo gudbin doono labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Burhaan Aadan Cumar ayaa ugu horeyn xubnaha guddiga la-socodka u soo bandhigay soo jeedinta warbixinta cutubyadan.

“Guddiga madax-banaan wuxuu u maray diyaarinta cutubyada soo jeedinta iyo warbixintooda warbixinadii iyo soo jeedimihii dastuurka ee xilliyadii 1-aad iyo 2-aad ee baarlamaankii 9-aad, iyada oo ay jirtay in xilligaas la sameeyay la-tashiyo badan oo lala yeeshay hay’adaha kala duwan ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah,” ayuu yiri guddoomiye Burhaan.

Guddoomiyaha La-socodka Dastuurka Baarlamaanka Xildhibaan Xuseen Iidoow oo isna halkaasi ka hadlay ayaa guddiga madaxa-banaan ee dastuurka ku bogaadiyay shaqada uu qabtay, kana guddoomay warbixinta iyo soo-jeedimaha cutubyadaasi.

“Waan idinka guddoonay cuutbyada aad kasoo shaqeyseen iyo warbixinta la socota. Shan billood kadib waxaa runtii garowsanahay in shaqo wax ku ool ah oo macno leh soo qabateen.”

Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiyeyaasha labada guddi iyo xubnaha kale ee guddiyada dastuurka Soomaaliya.

Hoos ka daawo

Daawo: Laamaha amniga Muqdisho oo gacanta ku dhigay qarax lala damacsanaa…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Laamaha Amaanka ayaa maanta gacanta ku dhigay qarax lala damacsanaa goob ganacsiga oo ku taalla magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay ninkii waday qaraxaasi, kadib markii laga arkay Camerada (CCTV), sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.

“Waxaa jiray kooxo iyagu khal-khal galinaya dadka ganacsatada ah in aysan xiran kaamirooyinka, wadeyna maalmihii ugu dambeeyay miinooyin ugu dhajiyaan goobahooda ganacsiga, nasiib wanaag laamaha ammaanka waxay ku guuleysteen inay fashiliyaan koox iyagu miino ku dhajisay tukaan qof muwaadin Soomaaliyeed uu lahaa,” ayuu yiri Saalax Cumar Xasan (Saalax Dheere).

Sidoo kale waxa uu sheegay in laamaha ammaanka ay qabteen Mooto Bajaaj lagu waday miinada dhajiska ah iyo weliba qofkii la socday, islamarkaana lagu raadjoogo shabakad iyadna fulineysa falalkaasi amni darrada ah ee lagu khal-khal galinayo goobaha ganacsiga.

“Ganacsatada Soomaaliyeed waxaa loogu baaqayaa in ay dardar-geliyaan howlaha ku aadan hirgelinta kaamirooyinka, ujeedooyinka markii hore awaamiirta loo saaray waxay aheyd inay kaameriyoonkaas ka qeyb qaatan sugida amniga, taasi oo maantaba suurta-galisay in raad-raaci mootadaasi iyo dadkii falka amni darrada ka shaqeynayay lagu raad-raaco islamarkaana gacanta lagu soo dhigo.”

Tan iyo markii uu soo baxay amarka dhigaya in ganacsatada xirtaan kaamirooyinka, ayaa waxaa kordhayay qaraxyada miinooyinka ee kooxaha argagixisada ku bartilmaameedsaneyso goobaha ganacsi ee u hoggaansamay amarka dowladda.

Khamiista toddobaadkii tegay ayay aheyd markii uu suuqa Bakaaraha booqday taliyaha NISA, Mahad Salaad oo u kuur-gelay ammaanka iyo waxa ka dhaqan-galay amarkii kasoo baxay hay’adda ee ku aadanaa in goobaha ganacsiga lagu xiro kaamirooyinka CCTV.

Hoos ka daawo muuqaalka

 

Cumar Cali Axmed oo is qab-qabsi dheer kadib maanta lagu wareejiyay reerkiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cumar Cali Axmed oo dhawaan sheekadiisu qabsatay baraha bulshada kadib markii ay isku qabsadeen laba reer ayaa maanta maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ay go’aan ka gaartay kiiskiisa.

Cumar Axmed ayaa kamid ahaa dhalinyaro ku dhaawacantay qarax ka dhacay xerada Nacnaca xilli loo qorayay ku biirista ciidanka qaranka.

Is qab-qabsi kadib baaris ay sameeyeen CID-da iyo maxkamadda ciimada qalabka sida ayaa maanta si rasmi ah loo caddeeyay reerka wiilkaan.

Maxkamadda Ciidamada ayaa Cumar Cali Axmed ku wareejisay Reer Cali Axmed oo la cadeeyay inay dhaleen.

Maxkamadda Ciidamada ayaa caddeysay in wiilkaan dhibanaha u ah qarax Al-Shabaab u geysatay isaga iyo saaxiibadiis sannadkii 2022 uu yahay Cumar Cali Axmed sidaas ayaana loogu wareejiyey reerkiisa.

Go’aanka maxkamadda ayaa yimid kadib in ka badan saddex todobaad oo la sugayay natiijada baaristii dheecaanka hidda raaca (DNA).

Sheekada wiilkan ayaa hadal hayn xooggan ka dhalisay baraha bulshada, ayada oo dadka siyaabo kala duwan uga fal-celiyeen, iyada oo ugu dambeyntiina maanta lagu wareejiyay reerkiisa.

Soomaaliya ‘oo heshay waddamo hub diyaar ula ah’ kadib go’aankii QM

0

New York (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Danjire Abuukar Cisman Baalle ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay go’aankii Golaha Ammaanka ee cunqabatayenta hubka looga qaaday Soomaaliya, kadib muddo 31 sano ah.

Abuukar Baalle ayaa shaaca ka qaaday in go’aankaas uu ahaa mid taariikhi ah oo waqti badan la sugayay, isla markaan u muhiim u ah guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Danjiraha ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan waddamo badan oo haatan Soomaaliya diyaar ula ah inay siiyaan hub casri ah, taasna ay ku timid qaadista cunaqabateynta hubka.

“Waddamo badan oo asaxaab nahay ayaa jiro oo diyaar u ah inay hub siiyaan dowladda dhexe ee Soomaaliya waxaa jira waddamo kale oo ka ganacsada hubka oo laga soo iibsan karo” ayuu yiri danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Baalle.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in markii hore ay caqabaddu ka jirtay cunaqabateynta, maadaama Soomaaliya aan loo ogoleyn hubka waa weyn, haddase laga gudbay.

“Cunaqabateyntu waxay ahayd qof walba oo raba inuu wax kusiiyo kuma siin karin oo waxa uu ka baqaayay UN-ka iyo is daba socodka inuu dhib uga yimaado” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu meesha ka saaray walaaca laga qabo in hubkan loo fasaxay Somalia uu gacan galo cid kale, isaga oo sheegay inuu jiro nidaam loo diyaariyay xakameyntiisa.

“Walwalka ah hubka inuu iska soo galo waddanka waxaas ma’aha wax laga walwalo, waxaa diyaarsan system lagula soconaayo dhaq-dhaqaaqa guud” ayuu mar kale yiri Mr. Baalle.

Soomaaliya ayaa ugu dambeyn ku guulaystay in laga qaado cunaqabateynta muddada dheer saarnay, taas oo kusoo aaday, xilli ay dowladda dagaal kula jirto Al-Shabaab.

Is-miidaamin ka dhacday xerada TurkSom ee Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo saaka ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, kaas oo jugtiisa si weyn looga maqlay inta badan degmooyinka ku yaalla gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa ismiidamin ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay afaafka hore ee xerada TurkSom oo ku taalla degmada Wadajir, gaar ahaan waddada aada Jasiira.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in qaraxa uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa, wuxuuna beegsaday ciidamo cusub oo loo qorayay Xoogga dalka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxaan uu gaystay khasaare u badan dhaawac, waxaana waxyeelo soo gaartay ugu yaraan 4 qof oo kamid ah dadkii ku sugnaa goobta.

Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in qofka qaraxu ku xirnaa uu doonayay inuu dhex galo dhalinyaro saf ku jirtay si ay u qortaan ciidanka Gorgor ka soo horjeedka xerada TurkSom laakiin ay ciidamada amaanku ka shakiyeen, deetana inta aanu soo gaarin uu is qarxiyay.

Dhanka kale Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxa ayaa shaaca ka qaaday inay ku dishay 32 ka tirsan dhalinyaradii ciidanka qoranaysay, sida ay hadalka u dhigtay.

Al-Shabaab ayaa horay sidaan oo kale qaraxyo ugu weerartay xeryo ciidan oo ku yaalla Muqdisho, xilli ay ka socotay diiwaangelin ciidan, waxaana ugu dambeeyay weerarkii ka dhacay xerada Kuliyadda Jaalle Siyaasad, inkastoo laga hortegay ismiidaamiyihii fulina rabayu weerarkaais, kadib markii ay rasasaaseeyeen ciidanka, sidaasna kuu ku qarxay,

Waxaa sidoo kale ka horreeyay weeraro kale oo horay uga dhacay xerada Nacnaca oo iyana ku taalla degmada Wadajir, halkaas oo ay dhowr jeer qarxiiyeen xubnaha Al-Shabaab.

Villa Somalia oo shaacisay labada dhinac ee kaliya ee hub lasoo degi kara Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay cidda hub lasoo degi karto, kadib markii Soomaaliya laga qaaday cunaqabatayntii hubka ay saarneyd 32-ka sano. 

Xuseen Macallin Maxamuud, oo ah la-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo ciidamadeeda ay soo gadan karaan hub kala duwan.  

‘’Dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka waa dalban karaa hub oo awoodda ay leeyihiin ku xiran maaddama ay leeyihiin booliis iyo asluub kaliya, loona oggolyahay inay maamulaan hub iyagana ku siman inay si nidaami ah dalka ula imaan karaan,” ayuu yiri Xuseen Macallin. 

Isagoo ka jawaabayey sababta ay maamulladu hub usoo dajisan karaan ayuu yiri  “Dabcan dowladeey ku hoos noolyihiin, kaligood wax ma sameeyaan, dowladda Soomaaliya ayey ka mid yihiin, dowladda iyo xafiiska amniga qaranka laga dhexdhisay ayaa nidaamka ay u keensan karaan xaddidaya, iyada oo heshiiskii amniga qaranku uu dhigayo in ciidamo u gaar ah oo booliska ah iyo ciidamada u gaar ah oo asluub ah ay yeelan karaan, marka hub intaas ku xaddidan ayey keensan karaan” ayuu yiri Xuseen Macallin. 

Wuxuu intaas ku daray in maamul goboleedyada ay oggolaansho ka qaaadanayaan dowladda dhexe ka hor inta aysan hubka dalban.

Dhinaca kale, Xuseen Macallin Maxamuud ayaa sheegay in laga bilaabo 2-dii December, Soomaaliya hub nooc kasta oo hub ah oo dunida lagu kala iibsho ay xaq u leedahay inay soo gadato. 

Wuxuu sheegay inaysan jirin wax shuruudo ah oo Soomaaliya u dhiman ama laga sugayo inay buuxiso

Ciidamada Soomaaliya ayuu sheegay inay muhiim tahay inay helaan hub ay kaga adkaanayaan ururka Al-Shabaab oo ay dagaal kula jirto.

“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa gacmaha ka xirnaa, hubka la wada haysto hub ka waa weyn oo uu dalka ku ilaalin karo, cidda hubka ay haysato si khaldan u istcimaalaysana shaqa ka qaban karo ayey muhiimaddu tahay hadda,” ayuu intaas ku daray Xuseen Macallin.

Qaraxyo maanta ka dhacay Muqdisho + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa saddex qarax oo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, kuwaas oo lala beesaday xarumo ganacsi oo ku kala yaalla suuqa Baakaaraha iyo degmada Warta Nabbadda ee gobolka Banaadir.

Qaraxa koowaad oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay xarun ganacsi oo ku taalla qeybta Cirtoogte ee Suuqa Bakaaraha, halkaas oo la sheegay in maalmo ka hor lagu xiray kaamirada qarsoon ee CCTV, kadib amar kasoo baxay dowladda,

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhaawacmeen laba haween ah oo ka agdhowaa goobta, sidoo kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray goobta la qarxiyay.

Laba oo qarax oo kale, oo iyaguna ahaa miinooyin ayaa ka dhacay xaafadda Laba Dhagax ee dgemada Warta Nabadda, kuwaas oo iyana lala beegsaday xarumo ganacsi.

Mid kamid ah qarxyadaas waxaa lala beegsaday goob ganacsi oo uu leeyahay ganacsadaha caanka ah ee Qoobey, sida ay innoo sheegeen ilo dadka dadka deegaanka.

Sidoo kale qaraxa saddexaad oo isna ka dhacay Laba Dhagax ayaa waxaa lagu qarxiyay xarun lagu magacaabo Oranje Jibsi, taas oo uu buurbur xoogleh soo gaaray.

Labadan qarax ayaa ka duwanaa midka ka dhacay Bakaaraha, waxaana labadan goobood toos u tegay rag ka tirsan Al-Shabaab oo qaraxyada geeyay, kadibna baxsaday.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan qaraxyadaas oo qayb ka noqonaya beegsiga haatan lagu hayo ganacsatada.

Weeraradan ayaa kusoo aaday, ayada oo Khamiistii uu suuqa Bakaaraha booqday taliyaha NISA, Mahad Salaad oo u kuurgeliyay ammaanka iyo waxa ka dhaqan-galay amarkii kasoo baxay hay’adda ee ku aadanaa in goobaha ganacsiga lagu xiro kaamirooyinka CCTV.

Israel oo dalalka Carabta ku wargelisay qorshe yaab leh oo ay ka damacsan tahay Gaza

Qaahira (Caasimada Online) – Israel ayaa ku wargelisay dhowr dal oo Carbeed inay doonayso inay aag difaac ah ka abuurto dhinaca Falastiiniyiinta ee soohdinta Gaza, si looga hortago weeraro ay Xamas mustaqbalka kusoo qaado Israel. 

Qorshahan ayey Israel sheegtay inay fulineyso kadib dhammaadka dagaalka Gaza, sida ay ilo-wareedyo Masaari iyo kuwa gobolka ku sugan ay u sheegeen wakaaladda wararka Reuters. 

Qorshahan ayaa macnihiisu yahay in ciidamada Israel ay ka difaaci doonaan Israel gudaha Gaza intii ay ku sugnaan lahaayeen xudduudoodii hore, balse ma cadda inta kilometer ay Israel dooneyso inay aagga difaacca ka dhigto.

Sida laga soo xigtay saddex ilo-wareedyo gobolka ah, Israel waxay qorshaheeda la wadaagtay dalalka deriska ah ee Masar iyo Urdun, iyo sidoo kale Imaaraadka Carabta, oo sanadkii 2020 xiriir diblomaasi la sameystay Israel.

Waxa kale oo ay sheegeen in Sacuudiga, oo aan xiriir la lahayn Israel islamarkaana joojiyey wada-hadallo uu Maraykanku dhex-dhexaadinayey kadib markii uu dagaalka Gaza bilowday 7-dii October, lagu wargeliyey qorshaha Israel.

Ilo-wareedyada ma aysan sheegin sida ay xogtani ku gaartay Riyadh, oo aan si rasmi ah u lahayn xiriir toos ah oo ay la leedahay Israel. Turkiga oo aan Carab ahayn ayaa sidoo kale loo sheegay, sida ay sheegeen ilo-wareedyadan.

Hindisahani ma tilmaamayo in uu soo afjarmi doono weerarka Israel – kaas oo dib u billowday Jimcihii, kadib xabbad-joojin toddoba maalmood ah –balse waxa uu muujinayaa in Israel ay ka gudubtay dhex-dhexaadiyeyaasha Carabta ee la aasaasay, sida Masar ama Qatar, iyada oo doonaysa in ay qaabayso Gaza dagaalka kadib.

Ma jirto dawlado Carbeed oo u muujiyay wax rabitaan ah inay ilaaliso ama maamulaan Gaza mustaqbalka, waxayna intooda badan si buuxda u cambaareeyeen weerarka Israel ee lagu dilay in ka badan 15,000 oo qof iyo burburinta dhul badan oo ka mid ah magaalooyinka Gaza.

Xamaas waxay ku dishay 1,200 oo qof duullaankoodii October 7, waxayna qafaasheen in ka badan 200 oo qof.

Dowladaha Masar, Sacuudiga, Qatar, Turkiga, iyo Urdun si degdeg ah ugama aysan jawaabin codsiyo ku saabsan inay ka hadlaan arrintan.

DF oo ciidamo horleh ka dajisay Galmudug + Ujeedka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamada horleh gaysay Galmudug, kuwaas oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo wata hubkooda iyo gaadiid dagaal ayaa gaaray magaalada Guriceel, halkaas oo ay kusoo dhaweeyene saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay ku biiri doonaan wajiga labaad howlgallada Al-Shabaab looga xoreynayo gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa innoo sheegay in ciidamadan ay si gaar ah u tagi doonaan furimaha dagaalka ee aagga deegaanka Shabeelow, si ay xoojiyaan ciidanka Xoogga dalka, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo Macawiisleyda ku sugan halkaasi.

Sidoo kale waxa ay saraakiisha ku dareen in ciidamadan cusub ee gaaray Galmudug ay dhiig cusub ku shubi doonaan dagaalka, ayna weerari doonaan kooxda Al-Shababa.

Ujeedka ayaa ah in maalmaha soo socda la xoreeyo deegaanada ay haatan Al-Shabaab ka joogaan gobollada Galgaduud iyo Mudug oo indhowaanahan ay ka socdaan howlgallo culus.

Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, waxaana Galmudug ka soconayo diyaar garow ku aadan dagaal culus oo mar kale lagu qaado kooxda Al-Shabaab.

Soomaaliya ayaa waxaa si guud uga socdo howlgallo xereyn ah oo ay hormuud u tahay dowladda dhexe oo kaashaneysa maamul goboleedyada iyo sidoo kale dadka deegaanka.

Kheyre oo DF u diray farriin culus oo ku aadan ciidamada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo qoraal ka soo saaray go’aankii cunaqabateynta hubka looga qaaday dowladda Soomaaliya, ayaa dowladda federaalka Soomaaliya u diray baaq ku aadan hubka iyo ciidamada qaranka.

Kheyre ayaa sheegay in go’aankaas uu Soomaaliya u horseedayo isku filaasho amni oo caalamka ay wax kula qeybsa karto.

“Hambalyo Soomaaliya oo Golaha Amaanka Qaramada Middoobay ka qaaday cunaqabateynta hubka, si Soomaaliya awood ugu yeelato iney amnigeeda gudaha, kan gobolka iyo caalamkaba ugu filnaato,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay sii wado qorshaheeda hagaajinta hay’adaha amniga. Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda looga baahan yahay inay inay xaqiijiso xakameynta hubka iyo saadka ciidamada, si aysan u gelin gacan argagixiso.

Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale dowladda ku adkeeyey inay muhiim tahay in ciidamada qaranka loo dhameystiro xuquuqdooda.

“Waxaa Dowladda Soomaaliya waajib ku ah in ay sii waddo dardargelinta hagaajinta hay’adaha amniga iyo adkeynta habraacyada xakameynta hubka iyo saadka si loo xaqiijiyo gacan ku haynta guusha la gaaray, sidoo kalena waa lagama maarmaan in xuquuqaha kale ee ciidankeena qof iyo qoysba la kaamilo,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Kheyre.

Golaha Ammaanka ee Qaranada Midoobe ayaa saqdii dhexe ee xalay u codeeyey in Soomaaliya laga qaado cunaqabateyntii hubka ee saareyd 31-ka sano, waxayna dowladda Soomaaliya hadda kadib awood u leedahay inay nooc kasta oo hub ah soo iibsato.

Ciidamada DF oo hal goob ku dilay 60 Al-Shabaab ah

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in haatan howlgal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab uu ka socdo aagga deegaanka Halgan ee gobolkaasi, kaas oo qaatay saacado badan oo xiriir ah.

Howlgalkan oo ah mid qorsheysan ayaa waxaa iska kaashanaya ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamig ah, wuxuuna si gaar ah uga scodaa tuulada Hilow Bacaad oo hoostagta deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in howlgalkan khasaare culus oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur lagu gaarsiiyay xubnaha kooxda Al-Shabaab oo ku sugan halkaasi.

Sida ay shaacisay warbaahinta dowladda waxaa howlgalkan culus lagu khaarijiyay in ka badan 60 Al-Shabaab ah, kuwaas oo isku uruursanayay tuulada uu weerarka ka dhacay.

“In ka badan 60 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga oo ka dhacay Tuulada Hilow Bacaad oo 8 KM dhinaca Koofur galbeed ka xigta deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale warbaahinta dowladda ayaa intaasi kusii dartay in ciidamadu ay burburiyeen, isla markaana ay cagta maryeen saldhiyo ay kooxda ku laheyd halkaasi.

“Howlgalkaan oo qaatay Saacado badan walina socda ayaa sidoo kale waxaa lagu bur buriyay fariisimo ay khawaarijtu halkaasi ku lahaayeen iyo saanado ciidan” ayaa lagu yiri.

Xaaladda ayaa haaatan kascsan, waxaana lagu soo warramayaa in weli howlgalka socdo, kaas oo lagu baacsanayo xubnaha kooxda Al-Shabaab ee ku sugan aagga Halgan.

Hiiraan ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, isla markaana khasaare culus lagu gaarsiiyay wejigii koowaad ee dagaallada haatan ka socda dalka.

Saciid Deni iyo xisbiyada Puntland oo ku dhowaaqay mowqif la xiriira doorashada

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shir socday shalay illaa xalay la qaatay xisbiyada siyaasadda Puntland, wuxuuna mar kale ku adkeystay doorashada la isku diidan yahay ee qof iyo cod. 

Shirka waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta iyo hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda ee kala ah Xisbiyada SINCAD, IFIYE, RUNCAD, MUSTAQBAL, KAAH iyo SHAQAALAHA.

War-saxaafadeed kasoo baxay shirka ayaa lagu sheegay in looga hadlay dardargelinta dhameystirka doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Golaha Wakiilada, Madaxtooyada iyo saddexdii degmo ee ka harsanaa Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka ee Gobolka Nugaal ee kala ah Garoowe, Dangoroyo iyo Godobjiraan. 

Shirka ayaa imanaya xilli mucaaradka Puntland ay weli diidan yihiin doorasho qof iyo cod ah, oo ay u arkaan mid uu Deni ku dheereysanayo muddo xileedkiisa ku eg bisha Janaayo. 

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka kasoo baxay shirka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay Xisbiyada siyaasada Puntland, shirkaasi oo socday maanta ilaa iyo caawa ayaa looga hadlay dardargelinta dhameystirka Doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Golaha Wakiilada, Madaxtooyada iyo saddexdii degmo ee ka harsanaa Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka ee Gobolka Nugaal ee kala ah Garoowe, Dangoroyo iyo Godobjiraan.

Madaxweynaha iyo Xisbiyada Siyaasadda ayaa kulankooda xoogga ku saaray, isu diyaarinta dhameystirka Doorashooyinka Dadweyne oo nabad ku dhaca, Shirka waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta iyo hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda ee kala ah Xisbiyada SINCAD, IFIYE, RUNCAD, MUSTAQBAL, KAAH iyo SHAQAALAHA. 

Madaxweynaha iyo Xisbiyada Siyaasadda Puntland waxay u mahadceliyeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo cidkasta oo door ka qaadanaysa doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Golaha Wakiilada iyo Madaxtooyada, sidoo kale waxaa loogu baaqay cidkasta oo ka aragti duwan hanaanka şocda in albaabka wadahadalka u furanyahay. 

Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Dowladda Puntland, wuxuu Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni cod dheer ku sheegay in Dowladu diyaar u tahay wadahadal iyo in ay la fariisato cidii ka aragti duwan, si hanaanka dimuqraadiyadu ugu taabo galo xasilooni iyadoo qof walba doorkiisa qaadanayo.

Cunto la’aan iyo xaalad halis ah oo ka jirta degmo ka tirsan gobolka HIIRAAN

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Cunto la’aan iyo xaalad bini’aadannimo oo khatar ah ayaa laga soo sheegayaa degmada Jalalaqsi iyo deeggaanno hoos yimaada kadib markii Wabiga Shabeelle uu qararka goostay kuna fatahay deegaannadaas.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Nuur Maxamed Absuge (Nuur Dheere) oo la hadlay VOA ayaa sheegay in xaaladda deeganadaasi ay mareyso in dadkii ku noola ay naf ka raadiyaan “cowska”, ayna ku jiraan xaalad bini’aadanimo oo khatar ah.

“Baahi qof haysa waa arkay laakiin weligay ma arkin baahi cows ku geynaysa, marka ka hor ma arkin, waxaa maqli jiray dadka tahriiba kaadidooda ayay cabaan, tahriib waa nolol raadi iyo kibir adoo biyo nadiifa helaya, waa wax aad dooratee laakiin qof gurigeeda joogta oo wax ay ku cuntay weysay oo cows naf ka raadisay xaaladda gobolka sidaas ayay maree,” ayuu yiri guddoomiye Nuur Dheere.

Sidoo kale waxa uu baaq cod dheer u diray dadka kasoo jeeda gobolka iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed, si loogu gurmado dadka xaaladda bini’aadannimo ku haysato deegaanadaasi.

“Hooyada hadey saas gaarin, wey kusoo socoto maanta hadey hooyo Soomaaliyeed cows cuneyso oo aad ku fiirsato hooyada ayaa berri sidii noqoneysa,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Jalalaqsi oo baaq u diray Jaaliyadaha dalka dibaddiisa ee kasoo jeeda degmada.

Guddoomiyaha ayaa xusay in markii uu indhihiisa kusoo arkay xaaladda daran uu hay’daha degmada iyo ganacsatada ku booriyay inay taakuleeyaan dadkaasi, wuxuuna ugu baaqay dowladda iyo umadda Soomaaliyeed inay gurmad lasoo gaaran dadkaasi.

“Qofkii beer ku noola oo saddex sano u bixin, xoolo kale laheyn, wiilna dibad u jirin oo inta ay baxdo soo shaqeysaneyn, biyo ay go’doonsheen, aniga ayaa doon ku tagay dadka dhibaatadaas ayaa haysata Ilaahay ayaa naga dulqaadi kara, laakiin qof kasta oo bini’aadan ah oo gobolkaan kasoo jeeda, ama Soomaali ah umadda waxay rabaan in la garab istaago dadka waa ba’een.”

Hoos ka dhageyso wareysiga guddoomiyaha

Aqalka Sare oo war yaab leh kasoo saaray wixii maanta ka dhacay xarunta barlamanka

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa qoraal ka soo saaray gacan-qaadkii iyo buuq maanta hareeyey kulanka labada Aqal ee ka dhacay xarunta golaha shacabka.

Xildhibaanada golaha shacabka oo diidanaa in la guda-galo akhrinta miisaaniyadda 2024-ka, iyadoo aan lasoo xirin miisaaniyadii sanadkii hore ayaa sameeyey buuq iyo gacan-qaad.

Waxaa hoolka lagu garaacay habdhowraha golaha shacabka oo xildhibaan ka tirsan golaha uu u gacan qaaday.

Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka Cabdullahi Abshirow ayaa kulanka shir guddoominayey, waxaana wixii maanta dhacay iska fogeeyey guddoonka Aqalka Sare.

Qoraalka ka soo baxay Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in buuqii maanta hareeyey kulanka labada aqal uu ahaa nasiib darro laga baaqsa karay oo Aqalka Sare uusan qeyb qaadan.

“Golaha Aqalka Sare, wuxuu ka xun yahay is hortaaggii ka dhacay Villa Hargeysa maanta oo ay tariikhdu tahay 𝟐/𝟏𝟐/ 𝟐𝟎𝟐𝟑, kaas oo sababay in uu qabsoomi waayo kulanka wadajirka ahaa oo loogu ballansanaa in looga hadlo Xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2024-ka iyo Xisaab xirka Sanad Maaliyadeedka ku dhamaaday 31-ka Decenber 2022-ka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka Aqalka Sare ayaa intaas ku sii daray, “Golaha Aqalka Sare oo ka duulaya 𝐪𝐨𝐝𝐨𝐛𝐤𝐚 𝟓𝟔-𝐚𝐚𝐝 xarafka (𝐚) oo qeexaya in ay Labada Aqal u gutaan si wadajir hawlaha ay waddagaan, wuxuu howlo shaqo u tegay Xarunta Golaha Shacabka Villa Hargeysa, balse, nasiib darro waxaa halkaas ka dhacay dhacdo aan ku habboonayn maqaamka iyo milgaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Golaha ayaa ugu dambeyn qoraalkiisa ku yiri “Aqalka Sare wuxuu caddaynayaa in uusan dhacdadaan qayb ka ahayn, wuxuuna rajaynayaa in xal degdeg ah laga gaaro wixii dhacay.”

Xildhibaan Cabdisamad Macallin ‘oo ka badbaaday weerar halis ah’ (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa gaari uu la socday Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, kaas oo habeenkii Jimcihii lagu rasaaseeyay magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa ka hadlay dhacdadaasi wuxuuna xaqiijiyay inay jirto, lana rasaaseeyay isaga oo maraya waddada Maka Al-Mukarrama.

Cabdisamad ayaa sheegay inuu kusoo dhacay bar ay ciidamo ka tirsan kuwa NISA ku baarayeen gaadiidka, kadibna uu askari ka tirsan ciidankaas uu xabado ku furay, taas oo ku dhacday daaqadda gaariga, balse ay ka badbaadeeu,

Isaga oo ka hadlayay falkaas ayaa waxa uu yri “Maalinta Khamiista ah ee habeenka Jimcaha soo galayay abaare 10:00 habeenimo waqti ku aadan ayaan waxaa mareynay waddada Makka Al-Mukarrama, agagaarka isgoyska Xaaji Baasto,waxaana ku nimid bar koontarool oo ay joogeen ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda oo lagu baarayay gaadiidka meesha marayo askari kamid ah Hay’adda ayaa wuxuu na weydiiyay inaan u leexano midigta, si naloo baaro kadibna darawalkii waxa uu uu sheegay inuu xildhibaano wado askariga markaas waa ka madax adeegay, waana ogolaanay inaan u leexano dhanka ay baabuurta taalay, kadib waxaan weynay meel aan ka galno baabuurtii la baarayay kadibna kala wareegaddii askariga xabado ayuu nagu soo riday daaqada gaariga ayay ku dhaceen”.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in falka kadib ay goobta ku gaareen saraakiil ka tirsan Nabad Sugidda, kadibna tallaabo la qaaday askarii ka dambeeyay dhacdada oo al xiray.

“Waqti yar oo kooban gudahood waxaa nagu soo gaaray saraakiisha u sarreysa Hay’adda Nabad Sugidda, waxaana markiiba ay qaadeen tallaabo runtii aan ku qanacnay oo ah in askarigii markiiba qorayga laga qaaday, lana xiray” ayuu mar kale yiri.

Waxaa kale oo uu intaasi raaciyay “Mar labaadna waa iga daba yimaadeen, waxayna igu yiraahdeen wax kasta oo qanaacaad ah inay diyaar iila yihiin, waxaana u sheegay inaan ku qanacsanahay sharciga”.

Ugu dambeyn xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud ayaa meesha ka saaray weerarka sheegaya in falkaas uu ahaa mid la doonanay in isaga lagu khaarijiyo, balse waxa uu hoosta ka xariiqay inuu ahaa mid kam ah oo uu gaystay askari khaldamay, sida uu hadalka u dhigay,

“Arrintaan dhacday ma’ahan mid siyaasad la xiriirta ee ahayd arrin ku dhacday qaab xumo askari meeshaa taagnaa, isagana waxaan rajaynaa inuu ka waantoobo” ayuu markale yiri.

Dood ka dhalatay kulan uu guddoomiyay Saadaq Joon kadib markii loo doortay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dood xoogan iyo falcelin ayaa ka dhalatay kulan gaar ah oo uu maanta shir guddoomiyay Xildhibaan Saaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo loo doortay guddoomiyaha guddiga saaxibtinimada baaralmaannada Soomaaliya iyo Turkiga.

Kulankan oo ahaa kii koowaad ee guddiga ayaa waxaa waxaa shir guddoomiyay Jeneraal Saadaq Joon, taas oo ay su’aallo ka keeneen qaar kamid ah dadka Soomaaliyeed.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay dardargelinta shaqooyinka iyo wanaajinta xiriirka ka dhaxeeya labada baarlamaan, ayada oo xubnaha guddiga ay ka doodeen sida hufan oo ay u wada shaqeyn karaan Baarlamaannada dalalka Soomaaliya iyo Turkiga.

Haddaba sidee looga falceliyay xilka loo doortay Jeneraal Saadaq Joon?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ee Internet-ka ayaaa siyaabo kala duwan uga hadlay, waxayna inta badan kasoo horjeesteen in guddigan uu hoggaamiyo Xildhibaan Saadaq Joon, halka kuwa kalena ay dureen shaqada iyo waxa uu qabaanayo guddiga saaxibtinimada Baaralmaannada dalalka Soomaaliya iyo Turkiga.

Omar Sham oo kamid ah dhalinyarada ka hadlay ayaa xilka guddoomiyenimo ee Saadaq Joon ka yiri “Baarlamaanka Jabuutina ha loogu daro Legend-ka”.

Abdirizak Ismacil ayaa isna si kaftan ah uga facceliyay “Somalia shaqo abuur haddii la rabo in lagu sameeyo ma laguu waaynayo”.

Maxamed Cabdullahi ayaa isaguna yiri “Soomaaliya dibjir iyo tuug wax xada baa isugu soo haray xilalkii, dal ba’ayow yaa ku leh?”.

Hassan Ali ayaa isna su’aal ka keenay arrintaan “Yaab badnaa saadaq John muxuu ka yaqaana saaxibtinimo?”.

Abdulqadir Jaamac ayaa dhankiisa soo dhaweeyay “Maashaa allah Janeraale guul” ayuu ku yiri falcelintiisa.

Mohamud Dirie “Golaha Shacabka BJFS maanta kahor rajada shacabka wa ay sii naf baxaysay, balse maanta ayay qudh baxday.”

Ali Xildoon ayaa isna ku jawaabay “Qof aan xiriirka caalamiga ah xittaa aqoon miyaaa Xilkaaasu magacowdeen?, Baarlamaanka Somalia xaggee noo wadaa?”.

SSC oo jawaab ka bixisay go’aannadii ay ku faraxday ee beesha HABAR-JECLO

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaanka dhaqanka SSC-Khaatuma ayaa jawaab ka bixiyay go’aanadii kasoo baxay shirweynihiui Beesha Habar-Jeclo ee degta bariga gobalka Togdheer ee Somaliland ee lagu soo gebo-gaboobay magaalada Burco, isla markaana lagu sheegay in beeshu aanay duulaan ku ahayn SSC, balse ay difaacan doonaan deegaanadooda.

Go’aannada kasoo baxay shirka ayaa waxaa sidoo kale kujiray qodob sheegaya in Beeshaasi ay Aqoon-san tahay Qarannimada Somaliland iyo Xuduudaheeda taasi oo lagu tilmaamay halka uu ka dhutinayo baaqoodu.

SSC-Khaatuma oo jawaab deg-deg ah kasoo saartay arrintaasi ayaa shaaca ka qaaday inay si buuxda ula qaadatay go’aanka ay gaartay Beesha Habar-Jeclo ee ah in aysan duulaan ku ahayn Khaatumo, sidoo kalena ay diyaar u tahay wada noolaasho iyo daris wanaag.

“Golaha Dhaqanka ee SSC-Khatumo wuxuu soo dhowaynaynaa, sidoo kalana si buuxda ula qaatay go’aanka ay beesha Habarjeclo ku gaadhay inaysan duullaan ku ahayn deegaannada beelaha SSC-Khatumo, diyaarna u tahay wada-noolaansho iyo deriswanaag” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saaray SSC-Khaartuma.

Sidoo kale Khaatuma ayaa ka codsatay Beesha Habar-Jeclo in ciidankeeda ay ka ceshato dagaalka ay waddo Somaliland, ayaguna ay ilaalin doonaan darisnimada Beeshaasi.

Halkan hoose ka aqriso:-

JAWAABTA ISIMADA SSC-KHATUMO EE KU AADDAN QORAALKA KA SOO BAXAY SHIRKA BEESHA HABARJECLO EE BURCO 28 NOVEMBER, 2023.

  1. Golaha dhaqanka ee SSC-Khatumo iyaga oo aaminsan midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuu caddaynayaa in deegaannada SSC-Khatumo ay leeyihiin maamul u gaar ah oo si toos ah u hoos yimaadda dawladda Federaalka Soomaaliya.
  1. Golaha Dhaqanka ee SSC-Khatumo wuxuu soo dhowaynaynaa, sidoo kalana si buuxda ula qaatay go’aanka ay beesha Habarjeclo ku gaadhay inaysan duullaan ku ahayn deegaannada beelaha SSC-Khatumo, diyaarna u tahay wada-noolaansho iyo deriswanaag.
  1. Goluhu isaga oo aamminsan in dagaal sokeeye khasaare mooyee aan wax khayr ahi ka dhalanayn, wuxuu mar kale u caddaynayaa beesha Reer Shiikh Isxaaq, gaar ahaan beesha Habarjeclo ee aanu deriska nahay, in aanu wiilshayada iyo ciidankayagaba ceshanayno, dhinacoodana aan ka filayno in ay ceshadaan wiilashooda iyo ciidankoodaba.
  2. Ugu dambayntii Golaha Sare ee Dhaqanka SSC-Khatumo wuxuu Ilaahay uga baryayaa umada Soomaaliyeed meel ay joogaanba midnimo iyo nabadgelyo waarta.

Somaliland oo war yaab leh kasoo saartay qaadista xayiraadda hubka Soomaaliya

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda maaulka Somaliland ayaa maanta war la yaableh kasoo saartay go’aankii Golaha Ammaanka QM ee cunaqabateynta hubka looga qaaday Soomaaliyda, kadib muddo 31 sano ah oo ay saarnayd xiyaaraad dhanka hubka ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa waxaa walaac looga muujiyay go’aankan oo ay sheegtay inuu xambaarsan yahay khatartiisa, ayada oo sheegtay in tallaabadan ay sababi karto halis weyn oo ka dhalaneysa, haddii hubka loo fasaxo Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigtay.

“Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay walaac xooggan ka muujinaysaa ka qaadista cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya, taasi oo saarnayd tan iyo 1992-kii oo uu soo saaray Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu ahaa 733 (1992)” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Sidoo kale Somaliland ayaa sheegtay in cawaaqib xumo ay ka dhalan karto go’aankan, marka loo eego kooxaha xagjirka ah iyo maleeshiyaad ay sheegtay inay ku xoogan yihiin Soomaaliya, ayada oo tusaale usoo qaatay ciidamada deegaanka ee SSC-Khaatuma.

Waxaa kale oo ay intaasi kusii dartay in khatartaas ay ku sii baahi karto gobolka oo dhan, haddii aan hadda laga hortegin.

“Waxaan waayo-aragnimo u leenahay cawaaqib xumada ka dhalan karta fidinta hubka aan la xakameynin, waxaanan ka feejigannahay khatarta kooxaha xagjirka ah iyo ciidamada maleeshiyaad ka ah, soo ifbaxa kooxo maleeshiyo beeleed ah sida kuwa Laascaanood oo la safan kooxaha xagjirka ah waxay muujinaysaa khatar cad oo hadda ka jirta gobolka”.

Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale ay Somaliland ku sheegtay in Soomaaliya aanay lahayn nidaam fiican oo ay hubka ku xakamayso taasi oo sababi karta in hubku uu gacanta u galo gacan kale, kadibna uu waxyeeleyn karo ammaanka guud ee Soomaaliya iyo dariskeeda.

Gabagabadii ayaa waxaa warsaxaafadeedkan looga codsaday Golaha Ammaanka ee QM inay ka fiirsadaan go’aankooda oo ay tilmaameen inay ka dhalan karto dhibaato wayn.

Somaliland ayaa sidaan oo kale dhawaan uga hortimid ku biiritaankii Soomaaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika, balse ma jirto cid warkeeda dhag jalaq u siisay, waxayna arrimahaasi qayb ka yihiin, sida ay uga soo horjeedo go’aanada iyo horumarka Soomaaliya.

UK oo faragelisay khilaafka doorashada Puntland iyo Saciid Deni oo sheegay…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dowladda Boqortooyada UK ayaa maanta billowday faragelinta xaaladda cakiran ee Puntland, gaar ahaan khilaafka doorashada.

Safiirka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Ambs. Michael Nithavrianakis ayaa maanta bilaabay dadaallo ku aadan sidii xal loogu heli lahaa xiisadda ka taagan Puntland.

Nithavrianakis ayaa la kulmay madaxda sare ee dowlad goboleedka ee Puntland, gaar ahaan Saciid Deni, ku xigeenkiisa iyo qaar kamid ah golaha wasiirada, isaga oo ka hadlay arrimaha ka taagan Garoowe, si xal loogu helo is faham waaga ka dhashay doorashada.

Kulanka labada dhinac ayaa waxaa looga hadlay xaaladda guud ee maamulka Puntland iyo sidii loo dhammeystiri lahaa doorashooyinka dimuquraadiga ah ee maamulkaas.

Sidoo kale waxa ay isla soo hadal qaadeen, sidii loo dardargelin mashaariicda kala duwan oo ay dowladda UK ka fuliso deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

“Kulanka oo ay ka qeybgaleen  xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, ayaa looga hadlay guud ahaan xaalada  Soomaaliya iyo arrimaha Puntland, sida Doorashooyinka dimuqraadiga ah ee Puntland  loo dhamaystiri lahaa iyo sidii loo sii dardargelin lahaa mashaariicda horumarineed ee UK ka fuliso Puntland,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

Puntland aya waxaa hada ka taagan xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashada oo ay isku hayaan madaxweyne Saciid Deni iyo xubnaha mucaaradka ah.

Mucaaradka iyo madaxweynaha ayaa isku fahmi waayay qaabka loo wajayo doorashada, ayada oo uu sii dhammaanaayo muddo xileedka hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase haatan socda dadaallo ay qayb ka tahay beesha caalamka oo lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisadda ka taagan Puntland.

Daawo: Maxaadan ogeyn oo maanta ka dhacay xarunta BF?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan xasaasi ah oo ay maanta xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ku lahaayeen xarunta Villa Hargeysa ayaa lagu kala kacay, kadib markii uu buuq xoogan uu hareeyay hoolka ay ku shiraayeen xildhibaannadu.

Doodda ayaa ka dhalatay laba ajende oo la horgeeyay Baarlamaanka, kuwaas oo kala ahaa xisaab xirka miisaaniyadda sanadkii hore iyo meel-marinta misaaniyadda sanadka cusub, taas oo ay su’aallo ka keeneen xildhibaanada oo diiday in la’isku qabto labada ajende.

Sidoo kale xildhibaanada qaar ayaa ka horyimid in kulankan uu guddoomiyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo madasha ku sugnaa, taas oo ahayd oo dood kale oo meesha tiilay.

Intaas kadib waxa sii xoogeystay buuqa, kadibna waxaa go’aan qaatay guddoomiye Cabdi Xaashi oo si deg-deg ah usoo farageliyay arrintan kadibna soo xiray kulanka baarlamaanka.

“Haddii ay arrintu sidaa tahay shirku waa innoo xiran yahay, ballanta dambana waan soo sheegi doonaa” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Sidoo kale waxaa arrintan ka hadlay qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka oo ay kamid tahay Qaali Cali Shire oo sharraxaad ka bixisay waxyaabaha keenay buuqa.

“Baarlamaanka ayaa Problem dhex yaallo ayada oo si hoose ama sare loo xallin ayaa waxaa nala dhex keenay maanta guddoomiyaha Aqalka Sare nin weyn oo xushmadleh oo wanaajineyso waayay, laakiin tiisa daryeella tu kale ku dara teena aan soo xalisano, kabacdi hanaloo keeno” ayay tiri xildhibaan Qaali Cali Shire.

Waxa kale oo ay intaasi kusii dartay in aysan raali ka ahayn labada ajende ee la horgeeyay maanta, kadibna ay iska diideen, sida ay hadalka u dhigtay.

“Anaga raalli kama nihin labada ajende ee nala horkeenay, laakiin qoraal ahaan waa loo soo diray” ayay hadalkeeda sii raacisay.

Dhankiisa Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Kulane oo lo yaqaano (Kulane Jiis) ayaa isna ka hadlay dooddan, wuxuuna sheegay in la’isa soo hoos geliyay labada ajende oo waa weyn.

“Waxaa weeye waxaa yaalla laba ajende oo waa weyn, labada ajende waxa waayay xisaab xirka iyo qoondada miisaaniyadda cusub ee sanadkan,” ayuu isna ku jawaabay Kulane Jiis.