Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan suuqa Bakaaraha, kaas oo ay jugtiisu si xoogan u maqleen dadka deegaanka.
Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in xalay saq-dhexe lagu xiray xarun ganacsi oo ku taalla agagaarka isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.
Weerarkan ayaa waxaa fuliyay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo goobta ka baxsaday, waxaana goor dambe meesha gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka.
Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay qaraxan, balse waxaa lasoo wariyay in burbur uu soo gaaray dhismaha xarunta ganacsi ee la weeraray.
Sababta loo beegsaday goobtan ganacsi ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii lagu xiray kaamirada qarsoon ee CCTV oo ay amartay dowladda Soomaaliya, balse waxaa dhanka kale ka horyimid kooxda Al-Shabaab oo haatan bilowday beegsiga ganacsatada.
Weerarkan ayaa kusoo aaday, ayada oo Khamiistii uu suuqa Bakaaraha booqday taliyaha NISA, Mahad Salaad oo u kuurgeliyaya ammaanka iyo waxa ka dhaqan-galay amarkii kasoo baxay hay’adda ee ku aadanaa in goobaha ganacsiga lagu xiro kaamirooyinka CCTV.
Waxaa qaraxan ka horreeyay mid kale oo dhawaan ka dhacay agagaarka isgoyska Black Sea, kaas oo lala beegsaday dukaan lagu biiyo qalabka baabuurta ee Spare Parts-ka oo isna lagu xiray Kaamirada, waxaana ka horreeyay qaraxyo kale oo lala eegtay xarumo kale
Si kastaba, magaalada Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay ammaankeeda waxa uu ahaa mid deggan, waxaana howlgallo ka wadan ciidamada dowladda Soomaaliya.
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in taliska ciidanka xoogga dalka uu u yeeray saraakiisha hoggaamisa qeybaha 21-aad iyo 27-aad ee militeriga Soomaaliya oo ka howlgala HirShabeelle iyo Galmudug.
Saraakiisha loo yeeray ayaa u badan kuwii hoggaaminayey ciidankii Badbaado Qaran ee Muqdisho kula dagaalamay Madaxweyne Farmaajo, markii uu damcay inuu sameysto mudo kororsi.
Sida ay noo sheegeen saraakiil xog ogaal ah, qorshuhu wuxuu yahay in ciidanka iyo saraakiisha qeybahaas loo sameeyo feyl-celin ama dib u tababarid, qalabeyn iyo dib u dhis cusub oo markaan ay aad ugu baahan yihiin qeybaha 27-aad iyo 21-aad ee militeriga Soomaaliya.
Ciidamadaan waa kuwii ugu horeeyey ee dib loogu soo aas-aasay ciidamada xoogga dalka, waxaana la sheegay in saraakiisha loo yeeray ay ku jiraan Korneyl Saney Cabdulle oo ah nin awood badan ku leh Sh/Dhexe, Baakaay oo ah ninka hoggaamiya qeybta 27-aad, Cali Xuubey, Ibraahim Yuusuf iyo saraakiil kale.
Saraakiisha qaar waxaa la sheegay inay heystaan ciidan iyo hub culus oo aan ku jirin diiwaanka dowladda, waxayna dowladdu hadda ku amartay inay cadeeyaan qiimaha hubkaas, si looga iibiyo oo dowladdu ula wareegto iyo tirada askarta aan ku jirin diiwaanka ciidanka qaranka.
Waxaa iska soo dabadhaca warar badan oo ku saabsan qorshaha dowladda ee ku saabsan arrintaan, balse xogta ugu badan ee Caasimada Online ay heleyso waxay sheegeysaa in saraakiishaan loo qaadayo tababar dibadda ah, ciidamadana tababar iyo dib u diiwaan gelin loogu sameyn doono gudaha dalka.
Markii arrintaan loo eego shuruucda ciidanka iyo shaqada militeriga waxaa la sheegay in wax dhibaato ah aysan arrintaani laheyn, isla markaana ay dowladdu awoodeeda leedahay.
Waxaa arrintaan xiiso gaar ah u yeeleysa in saraakiisha loo yeeray ee tababarka loo dirayo ay yihiin kuwii hoggaaminayey dagaalkii Badbaado Qaran oo siyaasiyiintii ay u hiiliyeen uu ugu horeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh oo xiligaas mucaarad ahaa.
Maalmihii u danbeeyey waxaa caasimadda Puntland ee Garoowe ka socdey dedaalo lagu xalinaayo ismari-waaga ka taagan doorashada Puntland ee loo madlan yahay in ay qabsoonto 8 Janaayo 2024.
Xiisadda iyo jaahwareerka waxaa kor u qaadey kadib markii 19 bishii hore ee Nofeembar Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni soo geliyey magaalada Garoowe ciidamo aad u faro badan oo wata gawaarida dagaalka iyo kuwa gargaarka degdega ah waxaana ay ka soo kicitimeen gobolka Bari, taasi waxay keentey in ciidamada Kumaandooska ee guutada Danab ay soo galaan gudaha magaalada Garoowe isla markaana fariisimo ka samaystaan galbeedka iyo koonfurta magaalada Garoowe.
Dad badan ayaa ka qaxay caasimadda mudadii u dhaxaysey 19-24 bishii hore ee Nofeembar, waxaa xirmey iskoolada waxaa cabsi weyn laga qabey in dagaal kale caasimadda ka dhaco. Waxaa soo gaarey magaalada Garoowe qaar kamid ah Isimmada beesha Dhulabahante si xaaladda loo qaboojiyo.
Isimmada SSC ee u yimid dejinta xaaladda Puntland ayaa ku guuleystey in ciidamada la kala qaado xaaladda amni caadi lagu soo celiyo dadkana laga saaro cabsida, kadib waxay bilaabeen sidii xal siyaasadeed loo heli lahaa. Isimmada SSC ayaa kulamo la qaatey dhinacyada ay khuseyso sida, Madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa, Shirguddoonka Baarlamaanka Puntland, Dallada Mucaaradka, Xisbiyada siyaasadda ee ku dhaw xukuumadda iyo bulshada rayidka ah. Waxa taas barbar socdey Culimada Puntand oo badankood isugu yimadeen Garoowe kuwaas oo uu hoggaaminaayo Sheekh Daahir Aw-Cabdi oo ka soo kicitimay gobolka Bari, waxaana ay kulamo la qaateen dhamaan dhinacyada siyaasadda isku haya.
Dhamaadkii bishii hore ee Nofeembar, Golaha Wakiilada ee Puntland waxay joojiyeen Xeerka Doorashooynka Puntland ee qof iyo cod ee Xukuumaddu u gudbisey, waxaana guddigii ka shaqeynaayey xeerkaas soo jeediyeen in xeerkan la hakiyo maadaama uu khatar ku yahay fulintiisu amniga dalka. isku dayo badan waxaa adkaatey in Xeerka mar danbe baarlamaanka lagu celiyo taas oo noqotey caqabada ugu weyn ee soo wajahdey Madaxweyne Deni oo horey u sheegay in aan cidna loo joojineyn doonitaankiisa nooca doorasho ee uu rabo.
Habeenkii Jimcadu soo galaysey ee bilashada bisha ugu danbeysey muddo xileedka hay’adaha dastuurga ah waxaa kulan saddex geesood ah madaxtooyada ku yeeshey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan iyo Afhayeenka baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, kulankan ayaa ahaa kii ugu adkaa ee saddexda nin dhex mara muddooyinkan.
Guddoomiye Cabdirashiid ayaa sheegay in xeerka doorashadu uu dhintey dibna aan loogu celin karin baarlamaanka doorasho aan xeer lahayna lama qaban karo, meel loo dhaafo 66 Xildibaan ee beeluhu iska soo xuli jireen aysan jirin sidaas darteed laga doonaayo in Madaxweynuhu uu dalka jiheeyo. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ku raacey laakiin sheegay in laga war sugo Isimmada SSC ee hawsha gacanta ku haya. Madaxweyne Deni waxa uu ku yiri waxaad tihiin rag soo tashadey sidaas darteed waan soo tashan, waxaana sugayaa Isimmada SSC, laakiin waa in Garaad Jaamac Garaad Cali la sugo oo dhawaan ka soo degaya magaalada Garoowe.
RAJADA MADAXWEYNE DENI EE GARAAD JAAMAC GARAAD CALI.
Madaxweyne Siciid Deni ayaa hadda si toos ah ula bareeraya damiciisi ahaa muddo kororsi laba sano ah. Xog ku dhaw madaxweynaha ayaa sheegaysa in rajada ugu danbeysa ee uu qabo ay tahay Garaad Jaamac Garaad Cali in uu qayb ka noqdo dedaalada Isimmada SSC ay wadaan kuwaas oo hadda soo dhameeyey wada xaajoodkii ay wadeen lagana sugaayo in ay warkooda ku dhawaaqaan.
Xogtu waxay sheegaysa in Garaad Jaamac Garaad Cali uu qabo in SSC iyo Puntland hadda la kala saaro oo laga dhigo laba maamul oo walaalo ah oo is dhinac deggan (side-by-side), taas oo macnaheedu yahay in 17 Xildhibaan ee SSC aysan qayb ka sii ahaan karin Puntland mudada kala guurka ah, sidaas darteed in maamulka hadda jira loogu daro laba sano muddo xileedka kadibna lagu qabto doorashooyinka iyada oo deegaanada SSC ka maqan yihiin markaas, si taas loo hirgeliyo Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa qaba in shirweyne la isugu yimaado, waana sababta ugu weyn ee Madaxweyne Deni u doonaayo in dedaalada isimmada SSC-Khaatumo uu jiheeyo Garaad Jaamac Garaad Cali, ama arrinta loo beddelo mid heer Daarood ah oo laga qaybgeliyo isimada Sade iyo kuwo kale oo Absame.
Waxaa la is weydiin Garaad Jaamac garaad Cali sidee ayuu u dhexgalayaa arrimo ka horeeyey iyo xaajo ay galeen Isimmo ay gobol ka soo wada jeedaan oo hawshoodu dhamad tahay? Sidee ayuu wax uga beddalaya 29 Isim oo reer Puntland ah oo guddoonshey in doorashadu ku dhacdo xiligeedi taasna ay tahay xalka keliya ee lagu kala badbaadayo? Sidee ayey suurtagal ugu tahay iyada oo aan dastuurka Puntland la beddelin juqraafi ahaan iyo wax wadaag in hadda uu ku dhiirado laga saaro meesha 17 xildhibaan ee beesha Dhulbahante? sidee ayuu mucaradka ugu qancin karaa in Madaxweyne Deni loo sameeyo Muddo kororsi?
Xurmadle Garaad Jaamac Garaad Cali doorashadii ugu danbeysey ee Puntland ee uu ka qaybgalo waxay ahayd sanadkii 2008-2009. Garaadka iyo Wasiirkii Wasaaradda qorsheynta la siiyey Saleebaan Axmed Ciise (Xaglo-toosiye) waxay isaga tageen Garoowe waxaana uu jeediyey khudbadiisi caanka ahayd isaga oo soo xiganaya gabaygii Faarax Nuur ee “Masalaha nimaan ii dhigeyn midig ma saarayo” Dhanka kale in badan oo kamid ah Isimmada SSC waxay soo xuleen xildhibaanada 17 ka ah ee hadda fadhiya, waana maamul ay wax ka dhiseen 1998.
Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Siciid Deni waxa uu ku dooday in uu hadda ka haraayo doorashadii qof iyo cod taas oo ugu danbeyn Golaha wakiiladu diideen xeerkeedi, waxaana uu diidan yahay in nidaamkii lagu soo dhaqmey 19 sano ee isaga lagu soo doortey lagu noqdo kaas oo ay mar kale guddoonsheen Isimmada Puntland intooda badan. Madaxeyweyne Siciid Deni ayaa doonaya in meel dhexe la isugu yimaado taas oo lagu sheegay nooc kale oo doorasho oo isagu soo alifo taas oo ah nidaamkii doorashadii Xildhibaanada federalka ee kal sii horeysey uu dambiisha kuwada qaatey.
“Waa cunaqabateyntii ugu dhirirka badnayd ee abid Golaha Ammaanka uu dal saaro, waa go’aan taariikhi ah oo muddo dheer ka dhowr sugaynay, dadaal badana u galnay” ayuu yiri.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowladda federaalka ay haatan qaadeyso tallaabo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo hoosta ka xariiqay in fududu looga saarayo dalka.
Ra’isul wasaaraha ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in Soomaaliya ay fursad u heleyso inay soo iibsato qalab iyo hub casri ah oo ay helaan ciidamadeeda.
“Waxaan awood u yeelanaynaa inaan dalka ka xorayno Khawaarijta si fudud, maadaama aan markii hore isku awood uun ahayn dhinaca qalabka iyo hubka marka laga fiiriyo” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaaruhu.
Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay fududaan doonto dhisida ciidamada Xoogga dalka, si ay u hataan amniga xuduudaha iyo kan dalka oo dhan.
Si kastaba, Soomaaliya waxa ay haatan la daalaa dhacaysaa caqabado badan oo dhanka ammaanka ah oo ay ka mid yihiin joogitaanka kooxaha xagjirka ah, sida Al-Shabaab ee ku xiran shabakadda argagixisada caalamiga ah ee Al Qaacida.
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo u codeeyay in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, kadib 31 sano oo dalkaan ay saareyd cunaqabateyntaas.
Ugu horreyn madaxweynaha ayaa ka warbixiyay dadaalka ay dowladda ku bixisay in la qaado cunaqabateynta hubka, faa’iidada ay u leedahay dowladnimada iyo halganka xoreynta dalka.
Sidoo kale Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka Soomaaliyeed u diray farriin ku saabsan cunaqabateynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya.
“Dadka Soomaaliyeed waxa aan rabaa in aan ugu bishaareeyo sanadka 32-aad in aysan cunaqabateyn hubkanina saarneen, maanta dadka Soomaaliyeed waxa aan rabaa in aan u sheego dalka Soomaaliya dhammaan cunaqabateynta hubka waa laga qaaday,” sida uu yiri.
Madaxweynaha ayaa xusay in haatan wixii ka dambeeyay ay Soomaaliya xor u tahay inay soo iibsato inta awood u leedahay hubka ay u baahan tahay, lana macaamileysa caalamka.
“Dalkeena maanta waxa uu xor u yahay intii awoodeenu ay la’egtahay hubkii aan rabno in aan soo iibsanno, oo caalamka aan ka soo iibsanno.” ayuu mar kale yiri madaxweynuhu.
Waxaa kale oo uu ka hadlay fursadaha ay Soomaaliya haysato, isaga oo xusay in caalamka ay weydiisan karaan inuu ka taageero hubka ay u baahan yihiin.
“Waxaa maanta fursad u haysannaa dalalka na kaalmeenaya ee saaxiibada nala ah ee walaalaha ah, hubkasta oo aan waydiisanno in ay na siin karaan.” ayuu sii raaciyay.
Ugu dambeyn madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay ku ad-adkaan doonto xakameynta hubka iyo khulkhulkiisa , isaga oo hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay u dajisay shuruuc gaar ah.
Si taas lamid ah dhamaan musharaxiintii kale ee raadinayay kursiga yaalla Villa Somalia waxay ballan-qaadkooda ku dareen in haddii la doorto ay dhameystiri doonaan dastuurka.
Horraanta bisha Janaayo ayaa la filayaa in cutubyada ugu horreeya ee dastuurka la geeyo Golaha Baarlamaanka, halkaasi oo ay Xildhibaannada uga doodi doonaan.
Haddaba, saddex dhinac aan ka eegno arrimaha taagan.
Xaqqa madaxweynaha
Dhameystirka dastuurka waa shaqo Soomaaliyeed sida uu dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh ka hor sheegay Golaha Baarlamaanka.
Horay madaxweynaha ayaa la sheegay inuu guddiyada gacanta ku haya dastuurka uga joojiyay inay dalka dibaddiisa uga hadlaan dhameystirka dastuurka. Xasan Sheekh wuxuu fulinayaa mid kamid ah ballan-qaadyadiisa ahaa inuu dhameystiro dastuurka.
Halkaas marka laga eego madaxweynaha wuxuu haysta jid la wada yaqaano, fulinta qodob kamid ah sababihii codka loo siiyay iyo xaqiijinta mid kamid ah qodobadii uu qabyada uga tagay.
Su’aasha ah xaq ma u leeyahay madaxweynaha inuu dhameystiro dastuurka? Jawaabteedu waa Haa balse dhinaca kale waxaa jirta laba arrimood oo aan laga boodi karin marxaladan.
Goorma la dhameystiraya dastuurka?
Waqtigu waa muhiim iyada oo khilaaf siyaasadeed jiro, Puntland ay maqan tahay, Somaliland aan xal loo helin, qabaa’ilkuna ay weli is iimaansan waa adag tahay in la dhameystiro dastuurka.
Kooxaha dhaliilsan shaqadan waxay ku doodayaan in marka xal loo raadiyo muranada siyaasadda, maqnaashaha Puntland iyo macnaha Somaliland.
Si kale markii loo dhaho, maadaama dastuurka uu yahay heshiis bulsho waa in la hela madal loo dhan yahay iyo marxalad raali la iskaga yahay, si ay berri dhaqan-gelintiisu u sahlanaanto.
Qaabka dhameystirka
Madaxweynaha wuxuu rabaa in dastuurkani cadeeyo in dalka ka guuray nidaamkii baarlamaaniga ahaa, una guuray nidaam Madaxtooyo.
Soomaaliya tan iyo 1960-kii shacabka ma dooran madaxweyne ee waxay dooran jireen wakiiladda baarlamaanka, kuwaasi oo iyaguna dooran jiray madaxweynaha, kaas oo isagna soo magacaabi jiray ra’iisul wasaaraha.
Haddii la aadayo hanaan ah inay shacabka soo doortaan madaxweynaha, oo laga guurayo kursiga ra’iisul wasaaraha, oo la qaadanayo madaxweyne iyo ku-xigeenkiisa, oo muddo xileedka laga dhigaayo 5 sano, sidoo kalena laga takhalusayo hanaanka 4.5 waxaa loo baahanaya heshiis siyaasadeed, taasina waa ka guda weyn tahay awoodaha Baarlamaanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa laga rabaa inuu la yimaado heshiis siyaasadeed, inta uusan raadin gacan taaga Baarlamaanka, si arrintu u fududaato. Waxa kale oo muhiim ah in la cadeeyo xilliga ay qoddobadan dhaqan-galka noqon doonaan.
Ma inta lagu jiro muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la dabaqi doona qoddobadan haddii dastuurka la dhameystiro mise waxa ay ka bilaaban doonaan dowladda xigta iyo muddo xileedka dambe. Arrimahan waa kuwo u baahan in si dhab ah loo cadeeyo.
Si guud shaqada dhameystirka dastuurka waa howl wanaagsan, laakiin nidaamka tallada haya waxaa laga rabaa inay xikmad ku wajahaan doodaha hareer yaalla dhameystirka dastuurka, si uu go’aanka berri u noqdo mid Soomaaliyeed oo dhaqan-gal noqon kara.
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble oo kusoo biiray doodda ka taagan wax ka beddelka dastuurka, ee heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran.
Heshiiskan ayaa dhigaya in dalka uu yeesho laba xisbi qaran, sidoo kalena meesha laga saaro ra’iisul wasaaraha oo lagu beddelo madaxweyne ku-xigeenka.
Cosoble ayaa doodda taagan ku biiriyay in Soomaaliya ay u baahan tahay 1 xisbi oo keliya, halka siyaasiyiinta kasoo horjeeda qoddobkaan ay qabaan in xataa 2 xisbi yar tahay oo la kordhiyo.
Madaxweynihii hore ee HirShabelle oo u muuqda mid ka aragti duwan dhinacyada kale, ayaa waxa uu tusaale usoo qaatay waddanka Shiinaha oo ah waddanka ugu horumarka iyo dhaqaalaha badan dunida, isagoo sheegay in uu halkaasi ka taliyo hal xisbi keliya.
“Soomaalida waa dad qabiili ah, wexeyna kari waayeen iney qabiil ka guuraan oo qaran u guuraan. Waa dad doonaya iney isku dhafaan nidaamka qabiilka iyo nidaamka qaranka,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee HirShabelle Cali Cosoble.
Hoos ka aqriso qoraalka Cosoble oo dhameystiran;
Wanaagga nidaamka halka xisbi waxaa tusaale kuugu filan waddanka China oo ah waddanka ugu horumarka iyo dhaqaalaha badan dunida.
China Communist Party (CCP) waa xisbiga keliya ee ka taliya China. China ma aha waddan uu keli talis xukumo oo ah sawirka dacaayadda ah ee ay reer galbeedka ka bixiyaan, tusaalena waxaa kuugu filan iney sannadkii tiro gaareysa 200 malyan dalxiis u aadaan wadammada reer galbeedka ayagoo ka dhoofaya waddankooda, mana uu jiro hal qof oo Chinese ah oo baxsada ama iska dhiiba waddan kale. Hadduu keli talis heysto waxaa dunida lagu arki lahaa ciyaartoy iyo mas’uuliyiin Chinese ah oo nabadgelyo weydiisanaya caalamka.
Soomaalida waa dad qabiili ah, wexeyna kari waayeen iney qabiil ka guuraan oo qaran u guuraan. Waa dad doonaya iney isku dhafaan nidaamka qabiilka iyo nidaamka qaranka.
Labada nidaam wexey ku tartamaan shacabka sidaa awgeedna ma aha laba nidaam oo iska barbar shaqeyn kara.
Dunida horusocodka ahna markey is barbar dhigtay labada nidaam wexey dooratay nidaam qaran. Hase ahaatee Soomaaliya waxaa ku gacan sarreeya nidaamka qabiilka ee aan oggoleyn nidaamka qaranka.
Waxaa lagu guda jiraa dib u eegista dastuurka. Waxaa la rabaa in la soo saaro dastuur qaran, waxaa ayaan darro ah dastuurka waxaa gacanta ku haya wakiilladii ay qabiillada soo dirsadeen, waxaana gadaal u fadhiya oo eegaya qabiilkooda oo berri kula xisaabtami doona sidii ay u ilaaliyeen danaha qabiilka.
Wakiillada qabiilka (xildhibaanada) kuwooda aanan dooneyn in laga gudbo qabiil oo loo gudbo qaran aad ayey u dhibeysaa inuu dalka yeesho 2 xisbi wexeyna door bidayaan inuu reer walba yeesho xisbi gaar ah.
Wakiiladan waxaa kale oo ay aad u diidan yihiin in la baabi’iyo jagada wasiirka koowaad dalkana uu yeesho madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen.
Diiddadooda salka kuma heyso waddaniyad iyo qaran dhisid ee wexey difaacayaan danaha loo soo igmaday ee qabiilka.
Wakiilladan wexey rabaan in mar kasta ee uu dalka galo xaalad adag, iney la kala saftaan madaxweynaha iyo ra’iisulwasaaraha oo ay qaska iyo fowdada daba dheeraadaan si uu qabiilka u soo laba kacleeyo.
Balse waxaan aaminsanahay iney baarlamaanka ka tirsan yihiin tiro aad u badan oo xildhibaano ah oo muddo aad u dheerba arkaayay cilladda Soomaaliya heysata kuna guuleysan doonaan meel marinta hal hoggaan oo dalka lagala xisaabtamo iyo laba xisbi halka uu reer walba ka yeelan lahaa xisbi u gaar ah, walow aan aniga door bidi lahaa hal xisbi oo sida China hormariya Soomaaliya.
Xildhibaannada qabiil diidka ah ee qaran doonka ah ayaa ka badan xildhibaannada qaran diidka ah ee qabiil doonka ah.
New York (Caasimada Online) – Go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, kadib 31 sano oo dalkaan ay saareyd cunaqabateyntaas.
Go’aankaan waxaa uu muhimad weyn u leeyahay barnaamijyada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sugidda amniga, xasilinta iyo xoojinta dowladnimada curdanka ah.
Haddaba faa’iidooyinka uu go’aankan la iman karo ayaa waxaa ka mid ah:
Soomaaliya waxa ay la daalaa dhacaysay caqabado badan oo dhanka ammaanka ah oo ay ka mid yihiin joogitaanka kooxaha xagjirka ah, sida Al-Shabaab ee ku xiran shabakadda argagixisada caalamiga ah ee Al Qaacida.
Dowladda Soomaaliya waxa ay u baahan tahay in ay hesho hub iyo qalab casri ah, si ay si hufan ula dagaalanto khatarahaas oo ay u sugto ammaanka xudduudaheeda.
2- Difaaca Qaranka:
Qaadista cunaqabateynta hubka waxay dowladda Soomaaliya u sahlaysaa inay dhisto oo casriyeyso ciidamadeeda qalabka sida, taas oo sare u qaadaysa awoodda ay u leedahay inay difaacdo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.
3- Dadaalka nabad ilaalinta iyo xasilinta:
Soomaaliya waxa ay diiradda saartay, hormuudna ka ahayd dadaallo badan oo nabad ilaalin iyo xasilineed oo ay wadajir uga shaqeynayeen Midowga Afrika iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah.
Helitaanka hubka iyo qalabka ayaa muhiim u ah dowladda Soomaaliya si ay si hufan u gudato waajibaadkeeda sugidda amniga, isla markaana ay Ciidamada ATMIS ugala wareegto amniga guudee dalka.
Dowladda Soomaaliya waxay u baahan tahay qaabkii ay ku qalabeyn lahayd hay’addeeda sharci fulinta iyo si ay xudduudaheeda uga ilaaliso ka ganacsiga hubka sharci darrada ah, argagixisada, iyo khataraha kale ee caalamiga ah.
5. Dawlad-dhisidda iyo dawladnimada:
Xoojinta awoodda dawladda Soomaaliya ee ku aaddan sugidda amniga waxay lagama maarmaan u tahay dadaalka ay ugu jirto hirgelinta maamul xasilloon, bixinta adeegyada bulshada, iyo horumarinta dhaqaalaha.
Dubai (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada (COP28) oo lagu qabtay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa ku soo bandhigay saameynta xooggan ee ka soo gaartay dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed isbeddelka xooggan ee ku socda cimilada.
Madaxweynaha ayaa sheegay in daadadka ka dhashay duufaanta Elnino ay ku dhinteen in ka badan 120 qof oo Soomaaliyeed, halka ay ku barakeen in ka badan hal malyan.
Madaxweynaha ayaa sheegay inay dowladdu la tacaalayso dhibaatada soo gaartay dadka Soomaaliyeed, isla markaana ay dadaal xoog leh ku bixiyeen yareynta khasaaraha la filayey.
“Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa dalalka ay sida tooska ah u saameysa arrinta isbeddelka cimilada, waxaana tusaale u ah dadkeenna haatan la tacaalaya daadadka ka dhashay duufaanta El-nino waa kuwii kal hore ka soo gudbay abaartii ku habsatay dalka,” ayuu yiri.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed oo ku howllan xoreynta dalka iyo in ay iska dulqaadaan argagixisada, haddana ay u nugul yihiin abaaraha, fatahaada iyo roobabka duufaanta wata.
Iyadoo ay Soomaaliya heystaan intaas oo caqabadood wuxuu sheegay in hadana ay ka go’an tahay in ay ka qeyb qaataan dadaal kasta oo xal loogu raadinayo dhibaatada isbeddelka cimilada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadiisa ku dhaliilay hannaanka caalamiga ah ee ka hortagga saameynta isbedelka cimilada sii xumaaneysa ee dunida.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku dooday in dalalka Afrika aan si mug leh looga qeyb gelin qorshaha xallinta dhibaatadan, wuxuuna ugu baaqay dalalka warshad-leyda ah in ay guutaan masuuliyadda ka saaran arrinkaas, si loo xaqiijiyo duni ku habboon nolasha.
DECEMBER 1: World Heads of State pose for a group photo at Al Wasl during the UN Climate Change Conference COP28 at Expo City Dubai on December 1, 2023, in Dubai, United Arab Emirates. (Photo by COP28 / Mahmoud Khaled)
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaaciyay in Soomaaliya ay heli karto magdhowga khasaaraha iyo waxyeellada ka dhashay isbeddelka cimilada ah.
Cabdiraxmaan oo daba socda isfaham lagu gaaray shirka is-beddelka cimilada (COP28) ee ka socda dalka Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay in Soomaaliya ay magdhow u heli karto waxyeelladii kasoo gaartay i-beddelka cimilada.
Shirka is-beddelka cimilada ayaa la isku raacay bixinta magdhowga khasaaraha iyo waxyeellada (Loss and Damage Fund), kaasi oo ay bixinayaan dalalka wasaqeeya hawada dunida.
“Soomaaliya waxay ka mid ah dalalka ugu ba’an ee ay waxyeellada ka soo gaarto is-beddelka cimilada, si degdeg ah oo fududna uga faa’iidaysan kara fursadaas, waase haddii hawsha loo diro dad aqoon, xirfad iyo waaya-aragnimo leh,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu soo saaray.
Sidoo kale waxa uu yiri “Dalal badan ayaa u tartamaya sidii ay u heli lahaayeen dhaqaalahaas, waxayse ku xiran tahay dalkasta dadka uu hawsha u dirsado. Haddii aysan taas dhicin, Soomaaliya marna ka faa’iidaysan mayso magdhowga, kana bixi mayso qaylo dhaan, baryo, gargaar iyo gurmad deg-deg oo markii ay fatahaad ama abaar jirto lagu soo tuuro.”
Soomaaliya waxay ka mid ah dalalka ugu ba’an ee ay waxyeellada ka soo gaarto is-beddelka cimilada, si degdeg ah oo fududna uga faa’iidaysan kara fursadaas, waase haddii hawsha loo diro dad aqoon, xirfad iyo waaya-aragnimo leh.
Dad xiriirin kara wada shaqayn dhexmarta hay’adaha dawladda federaalka, kuwa maamul goboleedyada iyo qaybaha kale ee bulshada ee aan looga maarmin hawsha, sidoo kalana la imaan kara xariiftan diblomaasiyadeed, galaangalka, wada xaajoodka iyo qancin dadka bixinaya magadhawga.
Dalal badan ayaa u tartamaya sidii ay u heli lahaayeen dhaqaalahaas, waxayse ku xiran tahay dalkasta dadka uu hawsha u dirsado.
Haddii aysan taas dhicin, Soomaaliya marna ka faa’iidaysan mayso magdhowga ay bixinayaan dalalka wasaqeeya hawada dunida, kana bixi mayso qaylo dhaan, baryo, gargaar iyo gurmad degdeg oo markii ay fatahaad ama abaar jirto lagu soo tuuro.
In ka badan 7 milyan ayey abaari bilo yar saamaysay, maantana dhowr milyan oo kale ayey fatahaad dhibaato u gaystay.
Waxaan nahay dad aan ka sarriigan baryada iyo weji gabaxa, deris la ah faqri , iyo fuulxumo uusan Ilaaheey u qorin, balse ay iyaga isku xukmiyeen. Markii damiirku damqo, ayaa danta guud la jiri karaa.
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa soo saaray baafin rasmi ah, oo la xiriirta dahab laga helay magaalada Muqdisho.
Booliska ayaa sheegay in 21-kii November ee sanadkaan ay qoys ka tirsan ciidanka Booliska ay xaafadda Oodweyne ee degmada Deyniile ka heleen cadad dahab ah.
Afhayeenka Booliska Sadiiq Doodishe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qoyskaas oo isticmaalaya ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay raadinayaan cidii iska lahayd dahabkaasi.
Booliska ma shaacin cadadka iyo nuuca dahabka ay heleen, hase yeeshe waxa uu sheegay in intaasba looga baahan yahay cidii laheyd dahabkaasi, sida uu sheegay afhayeenka.
“Waxaa laga doonayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dahabkaasi ka maqan yahay in ay sheegaan goobta uu dahabkaasi uga lumay, cadadkiisa iyo nooca uu yahay dahabkaasi,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Sadiiq Doodishe.
Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa uu intaasi kusii daray “Cadadka dahabkaasi qofkii soo sheegta waa inay telefoonkaas lasoo xiriiraan, oo ay sheegtan nooca uu yahay, kadib ayaa process-kii dahabkaas qofkii lagu siin lahaa la marsiin doona.”
Ra’iisul Wasaaraha ayaa culimada kala hadlay doorka ay ku leeyihiin la dagaallanka Khawaarijta, dadaallada fikirkooda lagu ciribtirayo iyo dowlad wanaagga.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa culimada uga warbixiyay waxqabadka Xukuumadda ee arrimaha la xiriira diinta iyo awqaafta.
Sidoo kale wuxuu Xamza ka codsaday culimada in ay door-muuqda ka qaataan dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ee wajigiisa labaad uu dhawaan ka bilaaban doonno Jubaland.
Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaruhu ka codsaday culimada inay bulshada ku dhaqan gobolka u bidhaamiyaan afkaarta gurracan argagixisada, si loo helo kacdoon bulsho.
Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Mukhtaar Roobow, ayaa la isku dhaafsaday talooyin la xiriira dowlad-dhiska Soomaaliya iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada ah.
Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay hanaanka ay ku imaanayaan labada xisbi qaran ee lagu gaaray heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran.
Heshiiskii 27-kii May ee Golaha Wadatashiga ayaa dhigaya in dalka uu yeesho laba xisbi qaran, sidoo kalena meesha laga saaro ra’iisul wasaaraha oo lagu beddelo madaxweyne ku-xigeenka.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in labada xisbi qaran ee ku xusan heshiiskaasi ay ku imaanayaan tartan furan oo ay kasoo dhex bixi doonaan labadaasi xisbi.
“Hanaanka loo maro asxaabta marka la sameynayo shuruudo ayaa la dejiya oo boqolaal xisbi ayaa gasha oo la sameysta, dabadeedna waa la kala reeba, sida imtixaanka loo qaado unba imtixaan la qaada oo labada xisbi ee u sareysa ayaa noqonayo xisbiyo qaran,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.
Sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaruhu xusay in tirada xisbiyada qaran, haddii la kordhinayo iyo haddii tiradii uu kusoo baxay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran lagu deynayo, uun heshiis laga gaarayo.
“Labada xisbi ee ugu sareysa imtixaanka ama saddexdii ugu sareysa ayaa noqonaya xisbiyo qaran hadba sidii lagu heshiiyo, dalkaasi nidaamka uu qaato unbey ku xiran tahay. Marka xisbiyada qaran waxay ku yimaadan sida arday un imtixaan gashay oo kuwii ugu horreeyay laga qaatay sidaas oo kale unbey ku imaanaya hadey 2, 3 iyo ka badan noqonayaan sidaas unbey ku imaan doonaan haddii Ilaahay yiraahdo.
Si kastaba, Heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ayaa dhigaya in dalka uu yeesho laba xisbi qaran, sidoo kalena meesha laga saaro ra’iisul wasaaraha oo lagu beddelo madaxweyne ku-xigeenka, waxaana taas si weyn uga horyimid madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
Kulanka oo ka dhacay hoyga madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankaan ayaa waxaa looga arrinsaday wax ka beddelka dastuurka dalka, si gaar ah qoddobada taabanaya haykalka dowladda ee nidaamka baarlamaaniga ah, kaasi oo qorshihiisa ay wado dowladda madaxweyne Xasan.
Sida ay illo wareedyo ku dhow-dhow kulankaan ay u sheegeen Caasimada Online, ayaa waxay isla qaateen in aysan wax tallaabo ah qaadi doonin inta ay la kulmayaan madaxweyne Xasan Sheekh.
Siyaasiyiintan oo sida aan xog ku helnay kulan ka dalbaday Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay shantii sano ee la soo dhaafay isbahaysi ku wada jireen, codkoodana siiyeen ayaa raba in marka hore Xasan ay fursad siiyaan, kahor mowqifkood kama dambeysta ah.
Qodobka ay sida weyn u diidan yihiin mucaaradka waa nidaamka ku dhisan madaxtooyada ee madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, kaasi oo kooxda madaxweyne Xasan Sheekh ay doonayaan inay hir-geliyaan, loona arko isku day awood uu isugu koobayo Xasan Sheekh.
Maalmihii lasoo dhaafay, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sii billaabay olole ku wajahan xildhibaannada labada aqal ee baarlamanka, kuwaasi oo lagu qal-qaalinayo inay ansixiyaan qorshaha wax ka bedelka dastuurka.
Si kastaba, Lama oga sida ay labada dhinac ku heshiin karaan, laakiin Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wajihi doona mucaaraadkii ugu horreeyey ee saaxiibadiisii shalay kaga imaanaya.
New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcaha maanta ah waxaa lagu wadaa in uu go’aan ka gaaro qaadista cuna-qabateynta hubka ee Soomaaliya saaran sanadaha badan, waxaana la filayaa in laga qaado.
Dowladaha Golaha Ammaanka ee QM oo 15 dowladood ka kooban ayaa maanta ansixinaya laba qaraar oo ay u soo gudbisay dowladda Ingiriiska, oo ku baaqaya in Soomaaliya si buuxda looga qaado cuna-qabateynta hubka ee saaran, si dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay u hesho fursad ay ku soo iibsan karto hub casri ah ama dalka loo geyn karo.
Golaha Amaanka ayaa cuna-qabateynta saaray Soomaaliya sanadkii 1992-kii, si loo joojiyo qul-qulka hubka gali jiray gacanta hoggaamiye kooxeedyadii xukunka ka tuuray madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, taasi oo keentay in dalka lugaha la galo dagaal sokeeye oo daba dheeraaday.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan codsatay in laga qaado cuna-qabateynta hubka, si loo qalabeeyo ciidamadeeda loo diyaarinayo inay masuuliyadda amniga dalka kala wareegaan kuwa Midowga Afrika ee ATMIS, oo waddanka ka baxaya bisha December sanadka soo aadan ee 2024-ka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo toddobaadkan bilowgiisi ka hadlayay furitaanka Baarlamaanka ayaa shaaciyay in horraanta bisha December Soomaaliya laga qaadayo cuna-qabataynta hubka ee sanadaha badan saarna dalkeenna.
“Bisha December asbuuca ugu horreeya cuna-qabateynta hubka ayaa dhamaanaya Insha Allah. Bisha December 13-keeda deyn cafinta ayaa iyadna dhamaan doonta haddii Alle yiraahdo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ma uusan cadeyn in dowladda ay ballan-qaad ka heysato dalalka 15-ka ah ee Golaha ammaanka Qaramada Midoobay, kuwaasi oo maanta lagu wado in ay qaraar ka gaaran cuna-qabateynta hubka ee Soomaaliya saaran.
Soomaaliya ayaa hadda ku jirta marxalad dib usoo kabasho ah, kadib muddo sanado ah oo dagaal, fowdo iyo kala dambeyn la’aan kusoo jirtay, ayada oo dowladda hadda dalka ka jirta ay ku guuleysatay in Bulshada Bariga Afrika lagu biirayo Soomaaliya.
Muqdisho (Caasimada Online – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay xaaladihii ugu danbeeyey ee dalka ka dhacay, gaar ahaan falalka amni darro ee toddobaadkii u dambeeyay.
Saadiq Aadan Cali, Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa shaaciyay in guud ahaan dalka ay ka dhaceen siddeed kiis oo dil ah, kuwaasi oo qaar ka mid ah ay Al-Shabaab geysatay, halka kuwa kale ay u dhaceen aano qabiil iyo dilal caadi ah.
“Asbuucii lasoo dhaafay sidoo kale waxaa amni darro ah oo dalka ka dhacay khasaare geystay illaa 8 dhaawac ah, shilalka dalka ka dhacay waxay ahaayeen saddex shil, waxaa dab ka dhacay saddex dab ah laba ka dhacay gobolka Banaadir, midna dowlad-goboleedka Soomaalida HirShabeelle,” ayuu yiri afhayeenka.
Sidoo kale waxa uu sheegay in guud ahaan dalka muddo todobaad ah uu ka dhacay afar qarax, kuwaasi oo ay geysteen kooxda Al-Shabaab, “hal bam gacmeed oo degmada Hodan lagu soo tuuray oo ciidamada ammaanka arkeen oo dad ka bad-baadiyeen ayaa jirta.”
Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in laamaha ammaanka oo kaashanaya ganacsatada ay ku guuleysteen in goobaha ganacsiga lagu xiray inta badan Kaamirooyin loogu tala-galay in lagu xaqiijiyo amniga goobaha ganacsiga.
Waxa uu faray in ganacsatada aan weli fulin amarkaas ay sida ugu dhaqsaha badan ku xirtaan, “Inta dhiman waxaa ka rajeynayaa inay ku xirtaan si nafta iyo maalka muwaadiniinta loo ilaaliyo.”
Taliska ayaa ugu dambeyntiina markale ku celiyay in ay baneeyaan dadka degan dhulkii dabdamiska booliska iyo hoggaanka dhismaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ku yaalla degmada Wadajir, gaar ahaan kasoo horjeedka Sebiyaano, una dhaxeeya siliga Amerikaanka iyo Isbitaal Madiina.
Inkasta oo weli aan la cayimin taariikhda shirka, haddana sida ilo wareedyo kala duwan ay Caasimada Online u xaqiijiyeen, mas’uuliyiintan ayaa khatar siyaasadeed u arka wax ka bedelka dastuurka dalka.
Qodobka ay sida weyn u diidan yihiin waa nidaamka ku dhisan madaxtooyada ee Madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, kaas oo kooxda madaxweyne Xasan Sheekh ay doonayaan inay hir-geliyaan, loona arko isku day awood uu isugu koobayo Xasan Sheekh.
Maalmihii lasoo dhaafay, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sii billaabay olole ku wajahan xildhibaannada labada aqal ee baarlamanka, kuwaas oo lagu qalqaalinayo inay ansixiyaan qorshaha wax ka bedelka dastuurka.
Si kastaba, waxaa xusid mudan in xubnaha mucaaradka uusan ka mid aheyn madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo fadhiggiisu yahay magaalada Doha ee dalka Qatar.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhagan meel-marinta heshiiskaasi, wuxuuna qorsheynayaa in dhawaan la horgeeyo Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Heshiiskan ayaa dhigaya in nidaamka Madaxtinimada dalka u guuro madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen iyo in doorasho wadajir ah ka dhacdo dowlad-goboleedyada dalka oo dhan.
Madaxweyne Qoor-Qoor oo wax ka saxiixay heshiiskaasi, ayaa waxa uu magaalada Muqdisho kula kulmay Xildhibaan dowladda federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto maamulka Galmudug.
Qoor-Qoor ayaa Xildhibaannada laga soo doorto Galmudug ee uu kula shiray Muqdisho ka dalbaday meel-marinta heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran oo xubno kamid ah Xildhibaannada ay ka soo horjeedaan.
Kulankaan ayaa kusoo dhammaaday isfahan guud, iyada oo xildhibaannada inta badan ay soo dhaweeyeen codsiga madaxweyne Qoor-Qoor.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxda maamullada iyo xukuumadda ku booriyay dardar-gelinta qorshahaan, iyada oo dhawaan madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen uu Baydhaba iskugu geeyay inta badan Xildhibaanada labada Golle ee BFS ee kasoo jeedo maamulkaasi.
Madaxweyne Lafta-gareen ayaa sidoo kale Xildhibaannada ka dalbaday meel-marinta heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran, ayada oo xusid mudan tahay in siyaasiyiinta mucaaradka ay si weyn u diidan yihiin meel-marinta qorshahan doorasho ee ay dowladdu doonayso inuu baarlamaanku ansixiyo.
Si kastaba, Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran ayaa dhigaya in dalka uu yeesho laba xisbi qaran, sidoo kalena meesha laga saaro ra’iisul wasaaraha oo lagu beddelo madaxweyne ku-xigeenka, waxaana sii xoogeysanaya ololaha lagu doonayo meel-marintiisa.
KISSINGER: Waxaad tihiin wadan yar, oo aan haddana laga waayin wararka.
QASSIM: Wax walba waxay ku xiran yihiin sida dabayshu u dhacayso. Ma annaga ayaa wararka abuurna, mise kuwa kale ee sameeya xaaladda nagu qasbeysa in aan tilaabo qaadno. ?
KISSINGER: waa sidee xaalada xiriirkeenna?
QAASIM: Waxaan jeclaan lahaa inaan ka faalloodo taas. Waxaan aaminsanahay inay jirto fursad wax lagu hagaajin karo.
KISSINGER: waan kugu raacsanahay.
QAASIM: Haa, waxaad xustay qodobo wanaagsan intii lagu gudo jiray qadada. Wax baad ka baranaysaa Afrika.
KISSINGER: Wax badan ayaan ka bartay daawashada siyaasadda Afrikaanka. Idinka Soomaalida ah waxaad tihiin dad qalafsan tihiin. Taas ulama jeedo sida a
QAASIM: Qalbigeena iyo maskaxdeenna ayaan ka hadalnaa.
KISSINGER: Ma rumaysni in dawladaha Afrika oo dhan ay yihiin cadaw, laakiin haddii aad eegto ficillada Dowladda Soomaaliya, marna la idinku ma tilmaami karo dhex-dhexaad. Arrin kasta oo caalami ah waad nagaga soo horjeedaan.
Ma khaldami karno mar walba.
QAASIM: Aragtideennu waa in Soomaaliya iyo Mareykanku wada yeeshaan xiriir aan lahayn dareen cadaawad. Su’aalo gaar ah ama siyaasado, arrin ku saabsan
KISSINGER: Waxaan rumaysanahay inaan ka badbaadi karno waxyeelo naga soo gaarta saldhigga Soofiyeedka ee Soomaaliya, laakiin waxaan filayaa in ay ku xiran tahay in la isla fahmo waxa saldhig ah.
Haddi aad ku qeexdo saldhig meel ciidamada militariga ayay joogaan, qalabkoodu na yaalo, taasi waa saldhig.
QAASIM: Waxaad u baahan tahay inaad wax badan ka ogaato dabeecaddaha dadkayaga. Marna ma ogolaanayno saldhig shisheeye. Ma leh saldhig iyo meel adeeg oo shisheeye. Waxaan aragnay sawiradiinna dayax gacmeedyada oo aad tiraahdeen gantaalo ayaad heysataan. Waan eegnay eedeyntaas, oo waxaan ogaanay in waxa aad ugu yeertiin gantaalo inay yihiin minaaradaha masaajidda.
KISSINGER: Waxaa laga yaabaa inaad tahay dad khiyaano badan oo aad gantaalada ku qarisaan minaarada.
QAASIM: Waxaan u furnay masaajida si ay kormeerayaashu u booqdaan. Ma hayno lacag aan ku iibsano gantaalada.
KISSINGER: Ma aaminsanin inay yihiin gantaaladiinna. Laakiin, aan intaas uga harno. Wax cadaawad ah uma qabno Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, waxaanu aragnaa in aad naga soo horjeesataan gole kasta oo caalami ah. Waxaad ka hortimaadeen hindisahayada koonfurta Afrika.
Soomaaliya ayaa safka hore kaga jirta kuwa na dhibaya anaguna waxay ka shaqaynayaan nabadda. Waxaan diyaar u nahay inaan hagaajino xiriirkeena. Ma diidinin sheegashadiinna dhuleed haddii aydan xoog u isticmaalin xallinta khilaafaadkaas.
QAASIM: Waxaa jirta sabab aan u wanaajino xiriirkeena, iyo waxaa na laga yaabaa inay jirto fursad sidaas lagu sameeyo. Waxaan u baahanahay inaan mid ba kan kale si cad uga fahmo mowqifkiisa. Wada tashi ayaa naga maqan. Dhexdhexaadnimada Maraykanku kuma filna. Waxaan rabnaa inaad ciyaarto doorka firfircoon ee xalinta dhibaatooyinkeena.
Gaza (Caasimada Online) – Dagaal culus ayaa laga soo sheegayaa magaalada Gaza Jimcaha maanta ah, iyada oo militariga Israa’iil ay dib u bilaabeen howl-gallada ka dhanka ah Xamaas kadib markii ay ku eedeeyeen in ay jebiyeen xabbad-joojin ku meel gaar ah oo ay rasaas ku fureen dhulka Israa’iil.
Ciidamada Israa’iil ayaa dhowr duqeymo oo xagga cirka ah ka fuliyay koonfurta Marinka Gaza, iyada oo sidoo kale la sheegay rasaas la isku weydaarsaday waqooyi-galbeed ee magaalada Gaza.
Ciidamada Israa’iil waxa ay ku dhawaaqeen in ay soo afjareen xabad-joojintii ay la galeen ururka Xamaas, iyaga oo ku eedeeyay in ay jabiyeen qodobadii lagu heshiiyay kadib markii la sheegay in gantaal laga soo riday Gaza oo ay Israa’iil ka hortagtay.
Xabbad-joojin socotay toddoba maalmood, oo soo bilaabatay 24-kii November oo laba jeer la kordhiyay, ayaa oggolaatay in tobannaan la haystayaal ah oo Gaza lagu haystay lagu beddelo boqollaal maxaabiis Falastiiniyiin ah, taasi oo sidoo kale fududaysay gelitaanka gargaarka bini’aadantinimo ee Gaza.
Saacad kahor inta aysan dhicin xabbad joojinta 7 subaxnimo, Israa’iil ayaa sheegtay inay qabatay gantaal laga soo riday Gaza.
Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Xamaas iyo sheegashada mas’uuliyadda gantaalkan.
Warbaahinta Falastiiniyiinta ayaa ku warantay in Israa’iil ay duqaymo cirka iyo madaafiicda ah ku garaacday marinka kadib markii ay dhammaatay xabbad joojinta, oo ay ku jirto magaalada Rafah oo u dhow xadka Masar.