25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Israel oo duqeysay GAZA iyo dagaal culus oo socda

Gaza (Caasimada Online) – Dagaal culus ayaa laga soo sheegayaa magaalada Gaza Jimcaha maanta ah, iyada oo militariga Israa’iil ay dib u bilaabeen howl-gallada ka dhanka ah Xamaas kadib markii ay ku eedeeyeen in ay jebiyeen xabbad-joojin ku meel gaar ah oo ay rasaas ku fureen dhulka Israa’iil.

Ciidamada Israa’iil ayaa dhowr duqeymo oo xagga cirka ah ka fuliyay koonfurta Marinka Gaza, iyada oo sidoo kale la sheegay rasaas la isku weydaarsaday waqooyi-galbeed ee magaalada Gaza.

Ciidamada Israa’iil waxa ay ku dhawaaqeen in ay soo afjareen xabad-joojintii ay la galeen ururka Xamaas, iyaga oo ku eedeeyay in ay jabiyeen qodobadii lagu heshiiyay kadib markii la sheegay in gantaal laga soo riday Gaza oo ay Israa’iil ka hortagtay.

Xabbad-joojin socotay toddoba maalmood, oo soo bilaabatay 24-kii November oo laba jeer la kordhiyay, ayaa oggolaatay in tobannaan la haystayaal ah oo Gaza lagu haystay lagu beddelo boqollaal maxaabiis Falastiiniyiin ah, taasi oo sidoo kale fududaysay gelitaanka gargaarka bini’aadantinimo ee Gaza.

Saacad kahor inta aysan dhicin xabbad joojinta 7 subaxnimo, Israa’iil ayaa sheegtay inay qabatay gantaal laga soo riday Gaza.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Xamaas iyo sheegashada mas’uuliyadda gantaalkan.

Warbaahinta Falastiiniyiinta ayaa ku warantay in Israa’iil ay duqaymo cirka iyo madaafiicda ah ku garaacday marinka kadib markii ay dhammaatay xabbad joojinta, oo ay ku jirto magaalada Rafah oo u dhow xadka Masar.

Shabaab oo laba dhalinyaro ah ku dishay gobolka Hiiraan

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay xalay ku dileen deegaanka Tayeeg ee gobolkaasi laba wiil oo dhalinyaro ah.

Deegaankan ay kooxda Al-Shabaab ku dishay dhalinyaradan ayaa dhaca inta u dhaxeysa magaalooyinka Halgan iyo Garasyaani ee gobolka Hiiraan.

Dilka labada wiil ee dhalinyarada ah ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii dagaal-yahaano ka tirsan kooxda ay jidka u galeen, iyaga oo ku socdaalayay Mooto la sheegay inay kaga shaqeysan jireen deegaanadaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in willasha la dilay ay ahaayeen kuwa kamid ah dhalinyarada degmada Halgan ee gobolka Hiiraan, laguna kala magacaabi jiray AUN Ciise Cabdi Xuseen iyo Cabdicasiis Cabdullaahi Maxamed.

Si dhab ah looma oga sababta ka dambeysa dilka labada wiil ee dhalinyarada ah iyo waxa ay kooxda u beegsatay, hase yeeshe waxa uu kusoo aadaya toddobaad un kadib markii kooxda ay sheegtay inay furtay isticmaalka wadada laamiga ah ee isku xirta Beledweyne iyo Buula-burte ee gobolka Hiiraan.

Wadadan ayaa kooxda Al-Shabaab u xayirneyd in ka badan 10 sano, waana mid muhiim u ah isku socodka magaalooyinka Beledweyne iyo Buula-burte.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa dagaal adag kala kulantay gobolka Hiiraan, xilli uu dalka ku baahay gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda, kaasi oo wejigiisa hore laga gaaray guullo horleh, laguna xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah.

Al-Shabaab oo dagaal ku gashay ismaamulka Gaarisa

0

Gaarisa (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda Kenya iyo maleeshiyada Al-Shabaab oo shalay ka dhacay qaybo kamid ah ismaamulka Gaarisa, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xubno kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada Kenya ay ku lahaayeen deegaanka lagu magacaabo Xarxarka, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu geystay khasaare kala duwan, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Kenya oo ka hadlay dagaalkaas ayaa sheegay inuu ka dhashay weerar gaadmo ah oo ay soo qaadeen Al-Shabaab, balse ay ka hortageem.

Sidoo kale weerarka kadib waxaa la sheegay in Al-Shabaab ay gubeen teendhooyin ku yaalla deegaanka, sidoo kalena ay sii mareen tuulo u dhow oo ay ku gubeen saldhig ciidan.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana ciidanka Kenya ay howlgallo baaritaano ah ka wadaan qaybo kamid ah ismaamulka Gaariga oo ah halka lagu dagaalamay.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan Kenya ay ciidamo badan soo dhoobtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, si ay sugaan amniga guud ee deegaanadaasi.

Sidoo kale weerarkan ayaa qayb ka noqonaya isku dayada hubeysan ee ay Al-Shabaab ka wado gudaha dalka Kenya, kuwaas oo ay ku beegsaneyso ciidanka Kenya iyo safareyda.

Si kastaba, weeraradan ayaa kordhay todobaadyadii u dambeeyay, waxaana dhowr qarax iyo weeraro toos ah ay ka dhaceen deegaano u dhow xadka ay wadaagaan labada dal.

Kenya ayaa qayb ka ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, isla markaana la dagaalama kooxda Al-Shabaab, iyaga oo ku sugan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Sawirro: R/Wasaare Xamza oo mashruuc muhiim ah ka dhagax-dhigay Afmadow

0

Afmadow (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Afmadow, ayaa ku tilmaamay mid guul u ah bulshada deegaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in degmada Afmadow ay tahay magaalo leh taariikh fac-weyn, tallaabadan lagu dhisayo garoonka cusubna ay tahay mid dib loogu soo celinayo taariikhdii iyo kaabeyaashii horumarka ee ay degmadu lahayd, isaga oo u mahadceliyey hey’adda gacanta ku siineysa dhismaha garoonka.

R/Wasaare Xamsa ayaa sheegay in degmada Afmadow laga hirgelin doono adeegyadii bulshada ee ay ugu horreeyaan Isbitaalladii iyo goobihii waxbarashada.

Munaasabadda lagu dhagax-dhigayay dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee degmada Afmadow, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal, maamulka degmada iyo masuuliyiin ka socday hey’adda garoonka dhisaysa.

Ra’iisul Wasaaraha oo shalay ku tagey degmada Afmadow booqasho uu ugu kuur-galayo xaaladda bini’aadantinimo ee ay sababeen roobabku, ayaa sheegay in degmada ay dhinac walba ka go’doomiyeen roobabka daadadka wata  ee ka da’ay gobolka iyo kooxaha Khawaarijta ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dul istaagay baaxadda dhibaatada ay gaarsiiyeen degmada Afmadow iyo deegaannada ku xeeran daadadku.

Sidoo kale Xamza ayaa tilmaamay in xukuumaddu ay ku howlan tahay sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka ay saameeyeen daadadku.

Dhankooda, maamulka degmada, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka oo ay la kulmeen Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Jubaland ayaa uga warbixiyey khasaaraha nololeed iyo kan hantiyeed ee soo gaaray.

Daawo: Cali Jeyte oo ku dhowaaqay go’aan culus oo ka dhan ah shacabka…

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo hadda loo magacaabay hoggaamiyaha Macawiisley ayaa shalay gaaray deegaano ka tirsan koonfurta gobolka Hiiraan, halkaas oo bulsho badan uu kula hadlay.

Hoggaamiye Cali Jeyte ayaa sheegay in Shabaab ay ku soo laabanayaan dhul ay sanad ka hor ka xoreeyeen, balse hadda ay ku qaadi doonaan dagaal cir iyo dhul ah.

Wuxuu si cad u sheegay in toos loo duqey doono shacabka degan goobaha ay joogaan Al-Shabaab, isagoo dhaar ku maray in aan la kala reebi doonin Shabaab-ka iyo dadka la nool.

“Kuwa dhex degan waa ku dhex duqeynayaa ma qarinayo taas, hadii aan dadkaas ku dhex duqey waayo waxaan ka shaqeeyaa waxa uu Shabaab ka shaqeynayo ee baadilka ah,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Waa markii labaad oo Cali Jeyte uu dirayo digniin tan lamid ah, isagoo u dhaaranaya shacabka ku nool deegaanada ay Shabaab joogaan, wuxuuna amar ku bixiyey in laga guuro deegaan kasta oo kooxdaas ay joogto, maadaama ay yihiin bartilmaameed halis ah.

Sidoo kale Cali Jeyte ayaa ka hadlay warar soo baxay maalmihii lasoo dhaafay oo sheegayey in Shabaab go’doonkii ka qaadeen wadada xiriirisa Beledweyne iyo Buuloburde.

“Markii aan ka xoreynay ayey leeyihiin jidkaas waan furnay oo maxay markii hore u xirteen 15 sano ayey go’doon ku hayeen, hadey wax furayaan maxay intaas ugu dhibayeen shacabka?” Ayuu yiri Cali Jeyte.

Cali Jeyte ayaa sheegay in deegaanada uu maanta tegay ay ka bilaabayaan howlgal culus, “Deegaankiina markaan xoreyno balan managa qaadeysaan in Shabaab uusan ku soo laaba doonin, iska celiya nimankaas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cali Jeyte.

Hoos ka daawo

 

Wararkii ugu dambeeyay Marinka GAZA

0

Gaza (Caasimada Online) – Israel ayaa sheegtay inay oggolaatay in xabbad-joojinta Xamaas lagu kordhiyo ugu yaraan hal maalin oo kale, sida ay ciidamada difaaca Israa’iil ku sheegeen qoraal kusoo baxay bartooda X oo hore u aheyd twitter.

“Iyadoo la eegayo dadaalka dhexdhexaadiyeyaasha ee lagu sii wadayo habka lagu sii daayo dadka la afduubay oo loo hoggaansamayo shuruudaha heshiiska, xabbad-joojintu way sii socon doontaa.” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Bayaanka ayaa soo baxay qiyaastii 15 daqiiqo kahor inta aysan dhammaan xabbad-joojintu.

Israa’iil ayaa la sheegay in ay ku qanci wayday liiska la haystayaasha la sii dayn doono ee ay Xamaas soo jeedisay in la kordhiyo.

Xamaas ayaa sheegtay in Israa’iil ay diiday dalabkii ay ku doonaysay in kusii deyn laheyd 7 haween iyo carruur ah iyo meydadka saddex kale oo ay sheegeen in lagu dilay duqeyn ay Israa’iil geysatay.

Xamaas ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in 10-ka qof ee gacanteeda ku jira ay yihiin dumarka iyo carruurta kaliya.

Israel iyo Xamaas ayaa Isniinti isla ogolaaday in muddo laba maalin oo dheeraad ah ah lagu kordhiyo heshiiski xabad-joojinta afarta maalin ahaa oo ku ekaa xalay.

Muddo kordhinta heshiiska xabbad-joojinta oo markaas ay ku dhawaaqday dowladda Qatar, ayaa sare u qaaday rajada laga qabo in la helo xabad joojin dheeraad ah, waxaa kale oo la filayaa in arrintani ay suuragiliso sii deynta dadka ay labada dhinac kala hayaan.

Dhanka Israel, ilaa 11 Israa’iiliyiin ah oo isugu jiray dumar iyo carruur oo ay sii daayeen Xamaas ayaa xalay gaaray Israel.

Tiradaasi ayaa ka dhigtay Israa’iiliyiinta ay sii deysay Xamaas ilaa iyo hadda in ay gaarayaan 51 iyo 19 kale oo isugu jiray muwaadiniin kasoo jeeda dalal kale. Halka Falastiiniyiinta la sii daayay ay yihiin 150.

Maalmaha lagu kordhiyay heshiiska xabbad joojinta ayaa laga raja qabaa in labada dhinac ay is weydaartaan tiro kale oo dad ah. Sidoo kale gargaar bani’aadannimo oo dheeraad ah ayaa la filayaa in la geeyo Marinka Gaza.

DF oo amar 4 qodob ah dul-dhigtay diyaaradaha ka duula garoonka Aadan Cadde

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Heya’dda Duulista Soomaaliyeed iyo Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa soo saaray awaamiir adag oo ku socota diyaaradaha ka shaqeeya dalka.

Awaamiirtaan oo ka kooban afar qodob ayaa lagu farayaa shirkadaha inay ilaaliyaan xuquuqda shacabka Soomaaliyeed ee safraya, kana baxaya garoonka Aadan Cadde.

Qodobada la faray inay fuliyaan shirkadaha diyaaradaha ee dalka ka shaqeeya ayaa kala ah:

1- Waxaa lagu wargelinayaa shirkadaha diyaaradaha in aan rakaab lasoo xarey karin 3-saac ka hor waqtiga ay diyaaradu duuleyso.

2- In shirkadaha diyaaraduhu ay tikitka ku cadeeyaan waqtiga rasmiga ah ee diyaaradu ay ka ceyso.

3- Counterka looma furi doono shirkad aan heysan diyaarad ay ku qaado rakaabka, taas oo ay u dhanyihiin dhammaan shuruudihii looga baahnaa badqabka iyo duulimaadka.

4- Iyadoo la dhowrayo xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed shirkadii u hoggaansami weysa qodobada warqadaan ku xusan waxaa laga mamnuuci doonaa inay ka howlgasho garoonka Aadan Cadde.

Go’aanadaan ay baahiyeen hey’adda duulista rayidka iyo maamulka garoonka Aadan Cadde ayaa ogeysiis ka heysta midowga diyaaradaha ka shaqeeya dalka, hey’adaha amniga, sida booliska iyo nabad sugidda iyo wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada.

Hoos ka akhriso

Madaxweyne Xasan oo ka degay Dubai + Qorshaha

0

Dubai (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa Imaaraadka kaga qeyb galaya Shirka caalamiga ah ee Isbeddelka Cimmilada Adduunka (COP28), oo ka furmaya dalkaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Shirka kusoo bandhigi doona saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa dalba doona in la helo taageero caalami ah oo lagu kabayo qorshaha dowladda Soomaaliya ay kula taacaleyso daadadka iyo fatahaadaha ay sababatay duufaanta El Niño.

Daadadka ka dhashay xaaladda El-nino ayaa aad u saameeyey Soomaaliya, waxaana ka dhashay khasaare nafeed iyo hantiyeedba oo soo gaartay kumannaan Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay Imaaraadka waxa uu kulammo la qaadan doonaa Madaxweyneyaasha caalamka ee shirka kasoo qayb galaya.

Xasan Sheekh ayaa madaxda caalamka hordhigi doona dalabka taageero caalami ah loo helo gurmadka degdegga ah oo ay u baahan yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan deegaannada ay ku dhufteen daadadka Roobka.

Madaxweynaha ayaa u sii gudbi doona dalka Mareykanka oo shir kale uu kaga qeyb geli doono, isagoo ku soo laaba doona dalka, isla markaana mar kale hoggaanka u qaba doona dagaalka Khawaarijta Al-Shabaab.

Gabadhii 6-da bilood Guriceel ku xireyd oo qaantii laga bixiyey iyo tirada lacag u soo hartay

0

Guriceel (Caasimada Online) – Guddigii isku xilqaamay uruurinta lacagtii loo xirtay Xaawo Cabdullahi Nuur oo toddobaadkaan laga sii daayey xabsi ku yaalla Guriceel ayaa soo saaray warbixin dhameystiran.

Guddiga ayaa ka warbixiyey inta ay dhantahay lacagta soo xarootay, inta qof ee deynta ku yeelatay Xaawo, sida loo kala siiyey lacagta iyo inta ay dhantahay lacagta u hartay Xaawo.

Guddoomiyaha guddigaas oo lagu magacaabo Axmed Khaliif Guure oo warbixintaan soo jeediyey ayaa sheegay in lacag dhan $63 kun ay ku soo xarootay akoonkii lagu uruurinayey deynta.

Sidoo kale wuxuu sheegay in 69 qof ay lacago kala duwan ku sheegteen Xaawo, kuwaas oo la kala siiyey $57 kun oo ah deyntii lagu lahaa Xaawo.

Hadda wuxuu sheegay in akoonka Xaawo ay ku hartay lacag $8,000 (Sideed kun oo dollar ah) iyadoo aan lagu laheyn wax deyn ah.

Ugu dambeyntii guddiga ayaa u mahadceliyey cid kasta oo kaalin ka geysatay sidii deynta looga bixin lahaa gabadhaan oo 6 bilood ku xireed xabsiga degmada Guriceel.

Xaawo ayaa warbixinteeda waxaa soo bandhigay warbaahinta gudaha, kadibna kiiskeeda ayaa cirka isku shareeray, iyadoo ugu dambeyn xabsiga damaanad looga sii daayey.

Intaas kadib waxaa bilaabatay uruurinta lacagtii loo heystay gabadhaan, waxaana hadda lagu guuleystay in ugu dambeyntii laga bixiyo lacagtii, iyadoo ay u soo hartay lacag dheeraad ah.

 

R/W XAMZA oo war cusub kasoo saaray khilaafka DF kala dhexeeya Puntland + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo ku sugan Kismaayo ayaa war cusub kasoo saaray khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka Puntland.

Xamza oo ka qayb-galay kulan dadweyne oo ay su’aallo ku weydiinayay reer Kismaayo ayaa wax laga weydiiyay khilaafka labada dhinac iyo xal u heliddiisa.

Ra’iisul wasaaraha ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay dadaal ku bixisay sidii loo xalin lahaa Puntland, ayna u direen ergo saddex madaxweyne ah, si ay usoo qanciyaan madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, dhankoodana ay diyaar u yihiin xalka.

“Waxaan dirnay ergo ka kooban saddex oo dowlad goboleedyada madax u ah inay u tegaan madaxweyne Saciid oo ay kusoo qanciyaan wax alle wixii tabasho ah iyo aragti ah uu nagu khilaafsan yahay inuu keeno, annagana aan diyaar u nahayn inta aan kala fadhiisano oo aan ka doodnom haddii uu naga saxan yahayna aan qaadano tiisa” ayuu yiri Xamza.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Waxa laga hadlayana State looma hadlaayo, reerna looma hadlaayo, qofna looma hadlaayo ee waxa laga hadlaayo waa Soomaaliya”.

Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa Puntland ku sifeeyay inay da’ weyn tahay maamul goboleedyada, isla-markaana la dul mari karin, sida uu hadalka u dhigay.

“Puntland meel la’iska dul mari karo ama meel si sahlan looga gudbi kari ma’aha shacabkeeda, aqoonyahankeeda iyo madaxdeeda”.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay in dowladda federaalka ay ku rajo weyn tahay in xalka la heli doono, Puntlandna ay kusoo noqon doonto saaxadda siyaasadda Soomaaliya.

“Mar walba waxaan ku rajo weynahay in aan isku imaan doono oo Puntland waxaan oo dhan hormuud ka noqon doono, Puntland nagama maqna, laakiin waa sugeynaa” ayuu yiri.

Si kastaba, khilaafka Muqdisho iyo Garoowe ayaa saameyn ku yeeshay wada shaqeynta dowladda dhexe iyo Puntland, kuwaas oo ku kala tegay arrimaha siyaasadda dalka.

Ciidanka Macawiisleyda oo weerar ku qaaday goob isku urursanayeen Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ay maanta ciidamada dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ay ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan koxoda Al-Shabaab oo ku aadan deegaanka Cinjir, una dhow magaalada Budbud ee gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo muddo saacad ka badan qaatay, isla markaana la’isku adeegsaday hubkua culus.

Saraakiil ka tirsan Macawiisleyda oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa shaaca ka qaaday inay ka war heleen xubnaha Al-Shabaab ee isku uruursanayeen halkaasi, kadibna weerareen.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay goobta ku dileen xubno kamid ahaa kooxda, ayna la wareegeen gacan ku heynta goota lagu dagaalamay.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dadka deegaanka ee Macawiileyda.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana weli aagga Bubud dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wada ciidamada deegaanka ee howlgallada xoreynta ka wada gobollada dhexe.

Howlgalkan ayaa kusoo aaday, ayada oo muddooyinkii dambe ay istaageen dagaalladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay taliye cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta soo saaray wareegto ayaa talis cusub ugu magacaabay Ciidanka Badda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa Taliyaha Guud ee Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya u magacaabay Admiral Cabdi Warsame Cismaan, sida lagu sheegay wareegtada soo baxday.

Wareegtadan ayaa taliyaha cusub lagu faray inuu si deg-deg ah xilka loo magacaabay ula wareego, kadibna uu guto waajibaadka shaqo ee loo igmaday, uuna dardargeliyo.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ka dalbaday hay’adaha kale iyo saraakiisha ay quseyso magacaabistaan inay la shaqeeyaan taliyaha cusub ee Ciidamada Badda Soomaaliya.

Admiral Cabdi Warsame Cismaan ayaa ah nin darajada ciidanka ka gaaray ilaa Sarreeye isla markaana waqti badan ka soo shaqaynayay qaybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga dalka.

Sidoo kale Cabdi Warsame Cismaan wuxuu horay usoo noqday taliye xigeenka Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha Soomaaliya, sida aan xogta ku helnay.

Magacaabistiisa ayaa kusoo aadeysa, xilli ay mar kale Soomaaliya ku soo laabteen kooxaha burcadbadeeda oo weerarkii ugu dambeeyay maanta ku qaaday doon laga leeyahay Iran oo ku suganayd xeebaha bari ee maamul goboleedka Puntland, gaar ahaan aagga Qandala.

Falkan ayaana noqday kii labaad ee lagula kaco doon kalluumaysi oo Iran ay leedahay, waxayna ahayd laba todobaad kahor markii sidaan oo kale doon loogu afduubtay Puntland.

Waxaa ka dambeeyay oo maalmo kahor lasoo qabgtay 5 nin oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada Mareykanka, kuwaas lagu helay afduubka markab ganacsi oo lagu qabsaday meel u dhow xeebaha dalka Yemen, loona maleeyay inay weerkaas gaysteen Xuutiyiinta, balse waxa ay noqdeen Soomaali,sida ay shaacisay wasaarada gaashaandhiga Mareykanka.

Saciid Deni ma is-badbaadin doonaa kahor 8-da Janaayo?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu muddo xileedkiisu ku eegyahay 8-da bisha Janaayo ee sanadka soo aadan, xisaabta waa 40 cisho ayaa uga dhiman 5-tii sano ee loo doortay inuu hoggaamiyo maamulka Puntland.

Marka la dul istaago muddo xileedka Saciid Cabdullaahi Deni, ma waxqabad xuma oo waxaa deegaanka yaalla adeegyo lagu amaani karo oo la bilaabay ama la dhameystiray intii lagu jiray muddo xileedkiisa, laakiin dhinaca kale Saciid Deni isdhaawaca siyaasadda ayaa ku badan.

Deni dhowr jeer ayuu siyaasad ahaan isdhaawacay intii lagu jiray muddo xileedkiisa, gaar ahaan ku lug lahaanshaha falal gacan ka hadal siyaasadeed ah, kuwaasi oo sababay geerida dad badan oo aan waxba galabsan.

Dagaalkii Boosaaso ee ka dhashay isbedelkii hoggaanka ciidanka PSF, midkii uu ku qaaday Baarlamaanka ee uu ku bixiyay guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Puntland iyo dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhashay wax ka beddelka dastuurka ayaa dhamaan dhibco ka lumiyay Saciid Deni.

Iyada oo dhamaan dhacdooyinkaas dhaceen, haddana waxaa weli la aaminsan yahay inay Saciid Deni u dhaqan yihiin dhibco waxqabad ah oo u baahan inuu ilaashado oo uu ku galo doorasho wadar ogol ah.

Mucaaradka Puntland waxay wacad ku mareen inay xoog iyo xeeladba Saciid Deni dhaafinayaan deegaanka, haddii uu doorasho qaban waayo 8-da bisha Janaayo.

Haddii ay magaalada Garoowe gacan ka hadal kale aado marka la gaaro 8-da Janaayo waxaa la aaminsan yahay in Saciid Deni uu fuuqsan doono haraaga waxqabadkiisa.

Hoggaamiyahan waxaa lagu eedeeya macan-gagnimo siyaasadeed iyo in uusan waxba ka qaadan tallooyinka hareerihiisa daadsan. Haddii gacanta la iskula tago oo laga adkaado ama ay ku dhamaato sida mucaaradka rabaan Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu noqon doona hoggaamiye xukunka xoog looga qaaday oo dib u gubay wixii uu deegaanka u galay.

Dadka waxay isweydiinayaan waqtiga haray ma ku badbaadsan doona sumcadiisa, waxqabadkiisa iyo fursadiisa dib u doorashada oo weli xooggan.

Madaxda labada heer dowladeed ee Soomaaliya badi ma akhriyaan diiwaanka xun ee u yaalla dadka xukunka isku dhajiya ama natiijo xumada ay la hoydeen kuwii qabtay doorashooyin lagu qasbay.

Saciid Deni weli wuxuu leeyahay keyd waxqabad iyo fursad dib u doorasho, waxaase macaashkooda iyo muuq-beelkoodu u dhaxeeya sida uu u garto uguna dhaqmo 40 maalmood ee ka dhiman muddo xileedkiisa.

Taliye Mahad Salaad oo si lama filaan ah ku tegay suuqa Bakaaraha + Sawirrro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha hay’addaha nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee (NISA) Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta si lama filaan ah ku tegay suuqa weyn ee Bakaaraha, halkaas oo uu ka sameeyey kormeer guud.

Mahad Salaad ayaa u kuur galaya isbaddalka amni ee suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, halkaas oo muddo dheer laga cabanayay amni xumo

Booqashada taliyaha NISA ee Bakaaraha ayaa sidoo kale lagu hubinayay sida ay ganacsatadu u fulisay amarkii NISA ee ahaa in ganacsatadu xirtaan kaamirooyinka CCTV, si ay u sahlanato ilaalinta nafta iyo hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Inta uu booqashada ku jiray taliyaha waxa uu ku dhex lugeeyay gudaha suuqa, isaga oo gaar gaar u arkay ganacsatada yar yar iyo kuwa waa weyn, si uu u muujiyo isbaddalka amni ee laga dareemayo gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu taliyuhu la dukaameystay qaar ka mid ah shacabkii Soomaaliyeed ee maanta usoo iib-doontay suuqa Bakaaraha.

Qaar kamid ah ganacsatada ayaa taliye Mahad Salaad la wadaagay sida ay ugu qanacsan yihiin shaqada laamaha amniga ee dowladda iyo isbaddalka xoogan ee dhanka togan loo qaaday, waxayna ballan qaadeen inay dowladda ku garabsiinayan xaqiijinta amniga dalka.

Ugu dambeyn taliyaha hay’adda nabad sugidda Qaranka ayaa uga mahad-celiyay ganacsatada suuqa Bakaaraha sida wanaagsan ee ay ula shaqeynayaan laamaha amniga, fulintooda amarkii kaamirooyinka CCTV iyo garab istaagooda dwwladnimada, wuxuuna u ballan-qaaday in la xoojin doono ilaalinta amnigA iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa NISA.

Daawo: Markab uu soo diray Ruushka oo soo gaaray Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Markab sida shixnad gargaar oo dhan 25 kun tan oo Qamadi ah, isla-markaana ay soo dirtay dowladda Ruushka ayaa maanta soo gaaray Soomaaliya, isaga oo kusoo xirtay dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

Deeqdan ballaaran ee ka timid Ruushka ayaa waxaa la wareegtay dowladda Soomaaliya, ayada oo munaasabad kooban oo ka dhacday dekedda ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macallin Fiqi oo la wareegay gargaarkan.

Ugu horreyn waxaa goobta ka hadlay Safiirka Ruushka u fadhiya Jabuuti iyo Soomaaliya Ambassador Mikhail Alekseevich Golovanov, kaas oo ka warbixiyay deeqdan, wuxuuna tilmaamay inay tahay mucaawino ay ugu talagaleen dadka Soomaaliyeed ee ay dhibaatada kasoo gaartay fatahaadaha iyo daadadka Elnino ee haatan ku dhuftay gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in tani ay astaan u tahay saaxibtinadii soo jireenka ahayd ee ka dhexeysay dalalka Soomaaliya iyo Ruushka.

Dhankiisa wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macallin Fiqi oo munaasabadda ka hadlay ayaa u mahadceliyay dowladda Ruushka iyo madaxweyne Vladimir Putin, isaga oo sheegay in deeqdan ay tahay tii ugu weynayd ee hada soo gaartay dalka oo ay ka jiraan xaalado adag.

“Deeqdan waa tii ugu weynayd oo maalmahaan soo gaartay Soomaaliya waxay nooga timid dowladda Ruushka waxaan rabnaa inaan u mahadcelino dowladda Ruushka oo uu safiirka  wakiil ka yahay iyo madaxweynahooda garashadooda ay u garteen Soomaaliya oo hadda  xaalad adag ay ka jirto inay usoo diraan gargaar 25 kun oo tan oo Qamadi ah oo gaaraysa 500 oo kun oo kiish oo min 50 kiilo garaam ah” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Waxaa kale oo uu yiri “Wax weyn weeye, xilli saacaddaan ay dadka Soomaaliyeed wajahayaan daadad iyo fatahaado burburiyay magaalooyin, buundooyin saameeyay dad laba milyan bar ah, ayna barkaceen malyan iyo boqol kun dad ku dhow, ay dhinteen 100 qofood”

Fiqi ayaa xaqiijiyay in deeqdan la gaarsiin doono maamul goboleedyada iyo degmooyinka ugu daran ee ay ka jiraan xaaladaha adag ee ka dhashay fatahaadaha iyo daadadka.

“Waxaan rabnaa inaan deeqdan la gaarno dadka ay hadda daadadka saameeyeen iyo fatahaadaha sida ugu dhaqsaha badan dowlad goboleedyada kala duwan iyo degmooyinka kale sida ay u kala dhibaato badan yihiin” ayuu mar kale yiri wasiirka arrimaha gudaha.

Gargaarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ka yimaada Ruushka, waxaana sidoo kale la filayaa in mar kale uu December soo diro, kaas oo isna sida 25 kun oo tan oo Qamadi ah.

Xamza oo ka Jawaabay “ma hubtaa in Xasan aad isla dhamaysanaysaan” + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan magaalada xeebeedka Kismaayo ee xarunya kMG ka ah ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, isaga oo sidoo kale su’aallo uga jawaabay bulshada ku dhaqan magaaladaasi, kadib kulan uu la yeeshay.

Xamza ayaa arrimaha wax laga weydiiyay waxaa kamid ah xiriirka isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh iyo haddii uu xaqiijin karo inay isla dhameysan doonaan muddo xileedkooda.

Ra’isul wasaaraha ayaa si daah-furay uga jawaabay su’aashaasi, wuxuuna sheegay in kaliya uu xaqiijin karo inay sii jiri doonto saaxibtinimadooda oo soo bilaabatay kahor kursiga, balse aanu hubin in ay sii wada joogayaan xafiiska inta uga hartay waqtigooda.

“Mustaqbalka Ilaaahey SWT ayaa og oo garanaayo waxa dhacayo, laakiin hal uun-baan u hubaa saaxibtinimadeenu way jiraysaa, haddii aan kursiga ku kala tegno xitaa waan sii ahaaneynaa saaxibo” ayuu uga jawaabay su’aashan ra’iisul wasaare Xamza Cabdii Barre.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Aniga taan hubo inay jirayso waa tan saaxibtinimada, laakiin kursiga ma ogi”.

Waxaa kale oo uu ka hadlay saaxibtinimadooda iyo halka ay kasoo bilaabatay, maadaama ay soo wada shaqeeyeen kahor siyaasadda iyo hadda oo ay yihiin madaxda sare ee dalka.

“Horay madaxweyne Xasan Sheekh iskuma baranin kursiga, kahor ayaan saaxibo ahayn siyaasadda inaan isla soo galno ayaan saaxibo ku ahayn” ayuu mar kale yiri Xamza.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah, isla markaana la hadal haayo dood weyn oo ka dhalatay wax ka beddalka dastuurka KMG ka ah ee Soomaaliya, ayada oo la doonayo in meesha laga saaro xilka ra’iisul wasaaraha, loona guuro nidaam cusub oo madaxweyne iyo madaxweyn ku xigeen ay markii ugu horreysay yeelaneyso Soomaaliya.

Si kastaba, inta badan waxaa dhacda inay is qabtaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, taas oo keenta in ugu dambeyn meesha laga saaro wasiirka koowaad, sida horay u dhacday marka leego muddo xileedkii hore ee Xasan Sheekh iyo tii Farmaajo.

Kenya Airways oo ka laabatay arrintii muranka dhalisay ee duulimaadyada Muqdisho

Nairobi (Caasimada Online) – Shirkadda diyaaradaha Kenya ee Kenya Airways ayaa ka laabatay qoraal muran badan dhaliyey oo ku saabsan dib u bilaabidda duulimaadyada Muqdisho iyo Nairobi.

Qoraal kaas ayey Kenya ku sheegtay inay duulimaadyada Muqdisho-Nairobi dib u billaabeyso 14-ka Febraayo 2024, balse qiimaha ticket-ka uu yahay $1050, taasi oo hadal hayn badan ka abuurtay baraha bulshada.

Qoraalkaas ayey hadda ka laabatay shirkadda, waxaana qoraal cusub oo ay soo dhigtay barteeda twitter-ka ay ku sheegtay in qiimaha duulimaadka uu ka billaabanayo $420.

“Waanu idin dhegaysanay, waanu idin daryeeleynaa. Laga billaabo 14-ka Febraayo 2024, uga duula Nairobi-Muqdisho, saddex mar todobaadkii si aan kala joogsi lahayn Kenya Airways, Isniin, Arbaco iyo Sabti kasta. Ku raaxayso qiimaha gaarka ah ee ticket-ka ka billaabanayo oo ah $420. Hadda gooso,” ayey shirkadda ku tiri qoraal ay soo dhigtay twitter-ka.

Dib u billaabidda ayaa imaneysa kadib markii duulimaadyada la hakiyey bishii August ee 2020, sababo la xiriira cudurka Coronavirus.

Madaxa dhanka ganacsiga iyo macaamiisha ee Kenya Airways Julius Thairu ayaa sheegay in tallabadani ay daba socoto ganacsiga sii kordhaya iyo tirada sii kordheysa ee isu socodka hawada ee Kenya iyo Soomaaliya.

“Waxaan aad ugu hanweynahay in aan dib u yagleeli karno isku xirka Muqdisho iyo Nairobi iyada oo ay sahleyso KQ. Diyaaradda Kenya Airways waxaa ka go’an inay macaamiisheena siiso adeeg tayo sare leh, si aan uga wada shaqayno sidii aan u kobcin lahayn ganacsiga iyo maalgashiga si loo helo kobac joogto ah.”

Dib-u-soo-celinta duullimaadyada Muqdisho waa qayb ka mid ah istaraatiijiyadda ballaarinta shabakadda Kenya Airways iyo ballan-qaadka looga gol leeyahay horumarinta isku xirka qaaradda Afrika si ay shirkadda gacan uga geysato horumarka dhaqaale ee mustaqbalka fog.

Ku dhawaaqista ayaa ku soo beegantay saddex bil kadib markii Kenya iyo Soomaaliya ay kala saxiixdeen heshiis laba geesood ah oo dhinaca duulimaadka ah, taasi oo xoojin u ah shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways oo dadaal ugu jirtay in ay duullimaadyo ka bilowdo Soomaaliya.

Beesha HABAR-JECLO oo go’aan cusub ka qaadatay dagaalka lagula jiro Khatumo

0

Nairobi (Caasimada Online) – Shirweynaha Beesha Habar Jeclo ee degta bariga gobalka Togdheer ee Somaliland ayaa kusoo gebo-gaboobay magaalada Burco.

War-Murtiyeed laga akhriyay dhamaadka Shirka isla markaana nuqul kamid ah lala wadaagay Warbaahinta ayaa lagu sheegay in beeshaasi aanay duulaan ku ahayn SSC-Khaatumo isla markaana ay difaacan doonaan deegaanadooda.

Go’aamada shirka ayaa sidoo kale kujira qodob sheegaya in Beeshaasi Aqoon-san tahay Qarannimada Somaliland iyo Xuduudaheeda taasi oo lagu tilmaamay halka uu ka dhutinayo baaqoodu.

Horey Isimada SSC-Khaatumo ayaa dhawrkii bilood ee lasoo dhaafay dhawr mar Baaqyo Nabadeed u jeedisay Beeshaasi balse wax jawaab ah dhankooda lagama hayn tan iyo inta colaaduhu aanay ku fidin reer miyi’ga.

Dagaaladii ka dhacay Buq-Dharkayn ayaa laga digayaa in ay ku faafaan dhulka Miyi’ga kuwaasi oo Dabo-dheeraan kara hadii aan xal waara laga gaarin.

Hogaamiyaha Somaliland, Muuse Biixi iyo Gudoomiyaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa horey siyaasiyiinta Somaliland iyo Dhaqankuba ugu eedeeyeen in uu hurinayo colaad u gudubta reer guuraaga.

Xogta doon laga leeyahay dalka IRAN oo lagu afduubtay xeebaha SOOMAALIYA

0

Qandala (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya xeebaha bari ee Puntland ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay doon nooca kalluumaysiga ah oo laga leeyahay Iran lagu afduubtay maamulkaasi, gaar ahaan aagga degmada Qandala ee gobolka Bari.

Guddoomiyaha degmadaasi Axmed Yuusuf Khuurshe oo u warramay VOA ayaa xaqiijiyay weerarka lagu qaaday doontaasi, isaga oo sheegay in kaxeysteen rag burcadbadeed ah.

Axmed Yuusuf ayaa shaaca ka qaaday in doonta oo dhameysatay shaqadeeda ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen rag isa soo abuulay, kadibna ay sidaas ku afduubteen.

“Doon Qandala aageeda joogtay oo shaqadeydii dhammeysatay, waardiyihiina uu kasoo degay oo safar ah ayaa niman abaabulan oo qoryo wata oo burcadbadeed lagu tilmaamay ay doontaas la wareegeen oo ay kaxeysteen” ayuu yiri gudoomiyaha degmada Qandala.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Arrimo burcadbadeed ayaan uga shakisanahay doontaas, maalmihii u dambeeyayna waan helaynay Report-kooda, waxaana 100% xaqiijinay in nimankaas aysan ahayn wax iska abaabulay Qandala iyo aageeda”.

Guddoomiyaha maamulka degmada Qandala oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in doonta ay ahayd mid si sharci ah uga kalluumaysaneysay xeebaha Puntland, isla-markaana la afduubtay dhammaan shaqaalihii saarnaa doontaasi.

“Doontu waa doon Iran ah oo kalluumeysato ah oo waxaa weeye guddoontay shatiga xeebahana si sharci ah ku joogtay, marka shaqaalihii saarnaa iyo doontii oo dhammeystiran waa ay kaxaysteen” ayuu mar kale yiri Axmed Yuusuf Khuurshe.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ciidamada Badda ee maamul goboleedka Puntland ay ku bexeen arrintaas, isla-markaana ay rajaynayaan in laga dabo tego afduubayaasha.

“Waxaan jecelnahay ciidamada amniga oo hadda howlgal fuliyay inay soo afjari doonaan ama ay keeni doonaan, kadibna aan si faahfaahsan uga warbixin doono” ayuu yiri.

Si kastaba, waa doontii labaad ee kalluumaysi oo Iran ay leedahay, taas oo laba todobaad gudahood koox burcad ay kaga afduubtaan bariga Soomaaliya.

Maalmo kahor ayay sidoo kale ahayd markii shan nin oo ay qabteen ciidamada Mareykanka lagu helay afduubka markab ganacsi oo lagu qabsaday meel u dhow xeebaha dalka Yemen, isla-markaana loo maleeyay inay weerkaas gaysteen kooxda Xuutiyiinta, balse waxa ay noqdeen Soomaali,sida ay shaaca ka qaaday wasaarada gaashaandhiga dalka Mareykanka.

Amaro kasoo kala baxay dowladda iyo Al-Shabaab oo jahwareer ka abuuray Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmo kahor ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa lagu amray in ay goobohooda ganacsi ku xiraan kaamiradaha muuqaallada duuba ee loo yaqaanno CCTV, iyadoo dowladdu ay sheegtay in loogagol leeyahay sababo ami.

Muddadii loo qabtay ganacsatada in ay ku xiraan muuqaal duubayaasha ayaa soo idlaatay, iyadoo haatan albaabada la’isugu dhuftay dukaamo badan oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Ganacsatada ayaa ku doodaya in ay noqdeen dherigii labada dhinac ka gubtay, iyadoo dhinaca kale Al-shabaab ay soo saareen awaamiir ay ganacsatada uga digayaan in ay meheradahooda ku xiraan kaameradaha ay dowladdu amartay.

Waxaa soo baxayay warar sheegaya in qaraxyo lagu xiray goobo gancsi oo kaamerado lagu xiray iyo kuwo la qarxiyay intaba.

Mid kamida ganacsatada oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in ay saameyn weyn ku yeelatay amarrada kala duwan ee loo adeegsanayo ganacsatada iyo in ay meel dhexe ku dhumaan.

“Muddo laga joogo toddobaad ayaa nalagu amray in aan kaamiradu ku xirno goobeheenna ganacsi, anagana wey suura geli weyday, waxaana noo timid qolo noo sheegtay in ay yihiin nabad sugid,” ayuu yiri nin kamid ah ganacsatada.

Wuxuu sheegay ganacsadahaan in nabad sugidda Soomaaliya ay ku amartay milkiilayaasha dukaamada in ay xirtaan kaamirooyinka CCTV, amaba ay la kulmi doonaan ganaaxyo culus.

Arrintaan ayay sheegeen in ay saameyn ku yeelatay ganacsiooda maadaama la gaaray waqti uu sheegay in loo qabtay si ay amarka u fuliyaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sababo amni ku macneysay amarka dul yaalla ganacsatada, hase yeeshee ganacsatadu waxa ay qabaan aragti taas kaduwan.

“Annagu ma diiddanin in aan kaameradaha xiranno, hase yeeshee sababo amni ayeysan noogu suura geli karin culeysyo kale ayaa jira, amniga waddankana waan iska ognahay xaaladdiisa, qolana in ay ku tiraahdo kaamerado xir qolana ay diidaan waa mid annaga dhib nagu ah”.

Mar aan weydiinnay in ay jiraan digniino kaga yimid dhinaca Al-shabaab ayuu yiri, “Inta aan kawar qabo majirto digniin shaqsiyan noosoo gaartay marka lagasoo tago tan dowladda, laakiin waxaa jira warar badan oo baraha bulshada la’isla dhex marayo cabsina nagu abuuri kara”.

Macaamiisha dukaamadooda ayey sheegeen in u baahanyihiin dukaameysi, isla markaana ay lasoo xiriirayaan, waxaase ay sheegeen in aysan awoodi karaan in dukamaada ay furaan si ay wax u iibiyaan.

“Dowladda waxa aan leenahay haddii aad rabtaan in aad amaan sugtaan kameradihiinna ku xirta tabeellooyinka ku yaalla magaalada, cadaadiska iyo cabsi gelinta hanaga daayaan”, ayuu yiri ganacsadahau ku daray hadalkiisa.

Waxa uu sheegay in ay joojinayaan dhamaan ganacsiga haddii uu khatar ku yahay naftooda isla markaana ay reerohooda biilka uga raadin doonaan meelo kale, haddii dowladdu aysan si wax ku ool ah war ugasoo saarin aarrintan.

Dhinaca kale war qoraal ah oo kaso baxay ururka Al-shabaab ayaa lagu sheegay in aysan raali ka ahayn in ganacsatadu kaamirooyin ku xiraan meharadahooda.

Dhinaca kale xiriir aan la sameynay afhayeenka taliska booliska ee Soomaaliya ayuu noo sheegay in arrintan aysan qoseynin booliska balse ay tahay amar kasoo baxay ciidamada nabad sugidda.

Xiriir kale oo aan la sameynay saraakiil katirsan nabad suggida Soomaaliya ayey iyaguna ka gaabsadeen in ay ka jawaabaan cabashada ganacsatada. Balse waxay sheegeen in arrintaan ay u sameynayaan hagaajinta amniga darteed.

Dawladda Soomaaliya ayaa xilliyo hore isku dayday inay kaamirooyinka CCTV ku xirto qaar kamid ah waddoyinka Muqdisho, balse al Shabaab ayaa ku qaaday weeraro iyaga oo qaraxyo ku rakibayay tabeelayaal qaas ah oo loo muday kaamirooyinka.

Dawladda ayaa wadda dagaal ka dhan ah al Shabaab kaas oo ay uu madaxweyne Xassan Sheekh ku sheegay inuu doonayo inuu u cirib tiro ururka.

Isha: BBC