25.1 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Khaatumo oo ka hadashay ‘gantaal’ la sheegay inuu ku soo dhacay deegaanadeeda

0

Taleex (Caasimada Online) – Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ayaa ka hadlay wararka ku saabsan ‘gantaal’ la sheegay inuu Jimcihii kusoo dhacay agagaarka magaalada Taleex ee gobolka Sool arrintaas oo si wayn u qabsatay baraha bulshada ee Internet-ka.

Xoghayaha warfaafinta ee SSC oo la hadlay BBC Daahir Cabdirisaaq Axmed ayaa xaqiijiyay in waxa ku dhacay miyiga deegaanka Kalcad oo u dhaxaysa degamada Taleex iyo Godaale uu yahay gantaal habow ah.

Daahir ayaa sheegay in dadka deegaanku u sheegeen Maamulka in xilli hore oo ooga waaberi ah ay maqleen guuxa waxa dulmaraya basle ay aamineen inuu ahaa diyaarad.

“Waxay sheegeen inay xilli barqadii ah tageen goobtu uu gantaalku ku dhacay oo kaliya uu yaalo haraadigii iyo danbas balse waxaa muuqata inuusan dhulka wax badan hoos u jarin marka laga wax yar oo afka hore la galay,”ayuu yiri Daahir.

Mar wax laga waydiiyay sida ay ku xaqiijiyeen in burburkan uu yahay diyaarad aan duuliye lahayn iyo gantaal ayuu xoghaye Daahir, sheegay in haya’addaha ammaanka iyo saaraakiisha tagay goobta ay xaqiijiyeen uu ahaa gantaal.

Daahir, wuxuu sheegay in dadka deegaanka ay rumaysan yihiin inuu ka soo dhacay dhanka jihada bari ee kaga beegan badda cas balse aysan SSC-Khaatumo aysan si rasmi ah u xaqiijin karin halka uu ka yimid iyo cida soo riday toona.

“Waxaa deegaanka gaaray saraakiil ka tirsan haya’addaha ammaanka, waxayna soo aruuriyeen haraadiga gantaalka, waxaana la keenayaa Laascaanood si baaritaan dheerada loogu sameeyo, markaas ayaan heli doonaa faahfaafin intaas ka badan” ayuu yiri xoghayaha warfafinta ee Khaatumo.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inaysan jiran wax khasaare dad ama duunyo ah oo uu sababay gantaalka ku dhacay deeganadooda.

“Waxani wuxuu u egyahay gantaal habow ah baan u aragana marka si cad uma sheegi karno inuu dal ama qolo hebel ka yimi, wali baaritaanku ma dhammaan” ayuu yiri Daahir.

Si kastaba, dadka deegaanka u xaqiijiyeen SSC-Khaatumo, waxay rumaysan yihiin gantaalku ka yimid jiidda dhanka bariga kaga beegan xaga badda cas.

Dad ku dhintay iyo kuwo ku dhaawacmay duleedka Hargeysa kadib markii…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay shil baabuur oo maanta ka dhacay duleedka bari ee magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Shilka ayaa si gaar ah uga dhacay agagaarka deegaanka Aw-barkhadle, kadib markii ay isku dhaceen laba baabuur oo ku socdaalayay halkaasi.

Baabuurka isku dhacay ayaa siday rakaab, waxaa dhintay ugu yaraan saddex qof, halka ay dhaawacmeen 4 kale, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale dadka ku dhaawacmay shilkan ayaa loola soo cararay mid kamid ah isbitaallada ku yaalla magaalada Hargeysa oo haatan lagu dabiibayo xaaladdooda caafimaad.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay booliska Somaliland oo ku aadan dhacdadaasi sababtay dhimashada iyo dhaawaca ee laga soo wariyay maamulkaasi.

Somaliland ayaa waxaa ku badan shilalka gaari, waxaana badanaa ka dhasha khasaarooyin kala duwna oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Sababta ugu wayn ee soo cel-celisa shilalka gaari ayaa waxaa lagu sheegay darawallada oo si xawli ah u kaxeeya gaadiidka, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobollada maamulkaas.

Sawirro: Xamza oo kulankii u dambeeyay la yeeshay Catriona

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulankii ugu dambeeyay la qaatay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Marwo Catriona Laing oo haatan kasii tageysa shaqada.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa ujeedkiisu ahaa sagootinta Catriona Laing, maadaama ay soo gaba-gabeysey shaqadeedii diblumaasiyadeed ee Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Xamza oo madasha ka hadlay ayaa ugu horreyntii uga mahadceliyay  Danjire Laing doorkii ay ka soo qaadatay taageerada dowladnimada Soomaaliya, muddadii ay ka howlgaleysay Soomaaliya.

Xamza ayaa haweeneydan ku amaanay sida ay u xoojisay taageerada iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, muddada kooban ee ay joogtay xafiiska.

Dhankeeda, Danjire Catriona Laing ayaa uga mahadcelisay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed wada-shaqeynta ay u muujiyeen intii ay ku guda jirtay gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Catriona Laing ayaa maalmihii u dambeeyay kulamo ka waday gudaha dalka, kuwaas oo ku macsalaameyneysay madaxda Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa ay booqasho ku tegtay qaar kamid ah xarumaha maamul goboleedyada, ayada oo wada-hadallo lasoo yeelatay hoggaamiyeyaasha gobollada.

Qaramada Midoobay oo ay hay’adaheeda ka howlgalaan gudaha dalka ayaa xiriir wanaagsan iyo wada shaqeyn buuxda la leh dowladda federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND oo gacanta ku dhigtay hub iyo shabakad looga shakisan yahay…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada badda ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee  Puntland oo maanta sameeyay howlgal culus ayaa gacanta kusoo dhigay hub sharci darro ah iyo shabakad looga shakisan yahay inay yihiin burcad badeed Soomaali ah.

Howlgalkan ayaa ka dhacay xeebaha degmada Eyl, halkaas oo kamid ah meelaha laga abaabulo weerarada burcad badeedda ee lagu qafaasho maraakiibta shisheeye.

War kasoo baxay taliska ciidanka badda ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in haatan ay baaris ku hayaan kooxda lasoo qabtay, sidoo kalena la wareegeen hubka sharci darrada ah.

Sawirrada ragga lasoo qabtay iyo hubka soo galay gacanta ciidamada ammaanka oo ay ku jiraan hub culusayay baahisay Puntland, kuwaas oo qabsaday baraha bulshada.

Sidoo kale ciidamada ayaa sheegay inay ku raad joogaan burcad badeeddii dhowaan madaxa furashada ka qaatay markab laga leeyahay dalka Bangladesh oo laga qaatay lacag $5 milyan ah, kaas oo ay sii daayeen kooxaha burcad badeedda Soomaalida ah.

Dhanka kale ciidamada ayaa intii ay wadeen howlgalkooda waxay gacanta ku dhigeen doon kalluumaysi oo laga leeyahay dalka Yemen, taasoo si sharci darro ah uga kalluumaysanaysay xeebaha bari ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Qorshaha Puntland ayaa ah ka hortagga weerarada ay kooxaha burcad badeeddu ka abaabulayaan xeebaha maamulkaasi, gaar ahaan aagga degmada Eyl ee Puntland.

Burcad badeedda ayaa mar kale dib isku abaabulay, waxayna todobaadyadii ugu dambeeyay ay dhowr weerar ka fuliyeen biyaha Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah.

Maxay tahay cabsida iyo walaaca la soo gudboonaaday madaxda sare ee Israel?

Tel Aviv (Caasimada Online) – Saraakiisha Israel ayaa si isa soo taraysa uga walaacsan in Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ay qorsheynayso inay u jarto warqad lagu soo xirayo hoggaamiyeyaashooda militariga iyo kuwa siyaasada ee lagu eedeeyay dambiyo dagaal.

Wararka ayaa sheegaya in laga yaabo in Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu ka mid yahay.

Maxkamada ICC oo fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa sadexdii sano ee la soo dhaafay baaritaan ku waday falalka ay Israel ka waday dhulka ay heysto iyo waliba sidoo kale falkii ay Xamaas gaysteen.

Waxay awood u leedahay maxakamadda inay dacwad ku soo oogto oo ay xukunto shaqsiyaadka dambiyada culus gaystay sida uu qabo sharciga caalamiga ah.

Waxay hore u soo saartay amarro lagu soo xirayo hoggaamiyeyaal ay ka mid yihiin Vladimir Putin, Liibiya Mucamar Al Qadaafi, iyo dagaal-oogaha reer Uganda Joseph Kony.

Mr Netanyahu ayaa ku eedeeyay maxkamada ICC inay isku dayeyso inay curyaamiso awooda Israel ay isku difaacdo.

Hadalkiisa ayaa muujinaya in arrintan ay madaxda Israa’iil ay si hoose uga wadahadleen.

Inkastoo ICC aysan xaqiijin sheegashada Israa’iil, haddana markii dacwad oogaha guud Karim Khan uu booqday Israa’iil iyo Daanta Galbeed bishii December ee la soo dhaafay farriintiisu waxay ahayd mid cad.

Qareen u dhashay Britain ayaa booqday goobaha ay Xamaas weerartay ee tuulooyinka Israa’iil ee u dhow xayndaabka Qaza, halkaasoo dagaalyahannada Xamaas ay weerareen 7-dii Oktoobar.

Waxa uu sidoo kale la kulmay hoggaamiyeyaasha siyaasadda, wuxuuna u safray Ramallah si uu ula hadlo qoysaska dhibanayaasha Falastiiniyiinta wixii ay kala kulmeen Gaza iyo Daanta Galbeed. Waxaa uu cambaareeyay rabshadaha ay geysteen dadka rayidka ah ee labada dhinac, wuxuuna ballan qaaday in uu baaritaan ku sameyn doono.

“Dhammaan dhinacyadu waa inay u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada,” ayuu yiri hadal uu soo saaray xilligaas. “Haddii aadan samayn, ha caban marka xafiiskaygu uu shaqadiisa qabsado.”

Mr. Khan ayaa sheegay in weeraradii 7-dii Octobar, oo rag hubaysan oo Xamaas ka tirsan ay ku dileen ilaa 1,200 oo qof oo u badnaa dad rayid ah, ayna ku qafaasheen 253 qof, sida laga soo xigtay warbixinnada Israa’iil, ay ka dhigan yihiin “Qaar ka mid ah dambiyada caalamiga ah ee ugu waaweyn.

Arrinka Israa’iil, welwelkiisu wuxuu ahaa laba arrimood. Waxa uu carabka ku adkeeyay in ay waajib ku tahay in uu howlgalkooda milatari ee Gaza ay u fuliyaan si waafaqsan “sharciga lagu maamulo iskahorimaadyada hubeysan”.

Israa’iil ayaa lagu eedeeyay in ay ku guul darreysatay in ay si ku filan u difaacdo dadka rayidka ah muddada bilaha ah ee ay ku jirtay ololaha duqeymaha, inkastoo ay ku adkeysaneyso in ay qaadayso dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si looga fogaado khasaaraha.

Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegtay in in ka badan 34,500 oo qof lagu dilay halkaas tan iyo markii uu dagaalku billowday, kuwaas oo u badan carruur.

Israa’iil xubin kama aha ICC waxayna sheegtay in maxkamaddu aysan awood u lahayn. Laakiin maxkamada ayaa xukuntay in tan iyo 2015 ay awood u leedahay Daanta Galbeed, Bariga Quddus iyo Gaza ka dib markii Falastiiniyiintu ay u ansixiyeen heshiiskii aasaaska ee Rome Treaty.

Israa’iil waxay walaac ka qabtaa in haddii la soo saaro warqad lagu soo xirayo hogaamiyayaasheeda ay la kulanto takoor iyo cambaareyn.

Bishii Janaayo, maxkamaddu ICC waxay soo saartay go’aan ku meel gaar ah oo ku amaraya Israa’iil inay qaado tillaabooyin looga hortagayo xasuuqa Gaza, laakiin waxay ka gaabsatay inay u sheegto inay soo afjarto weerarka millatari.

Michael Oren ayaa ahaa danjiraha Israa’iil ee Maraykanka intii u dhaxaysay 2009 iyo 2013. Waxa uu tilmaamayaa kiis ay Koonfur Afrika dhawaan u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ), taasoo ku eedaysay Israa’iil inay xasuuq u geysatay shacabka reer Falastiin ee Gaza, eedaymo adag.

Dhammaan eedeymahan Israa’iil way beenisay.

BBC

Xaalad culus oo maanta kasoo korortay waqooyiga GAZA

Gaza (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegtay Jimcihi in waqooyiga Gaza ay hadda ka jirto macluul buuxda, kaddib muddo ka badan lix bil oo weerar dhan walba leh iyo xayiraad dhanka sahayda ah oo ay ciidanka Israil ku hayaan guud ahaan Marinka Gaza.

Agaasimaha Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP, Cindy McCain, ayaa sheegtay dadka ku nool qeybta waqooyi ee Gaza ay galeen macluul.

Wareysi ay siiyay warbaahinta NBC ee dalkan Mareykanka ayay McCain oo ah muwaadin Mareykan ah sheegtay, in xaaladda ka jirta waqooyiga ay tahay “argagax,”

“Waxaa jirta macluul— macluul buuxda ayaa ka jirta waqooyiga, waxayna hadda kusii socotaa xagga koofurta.”

Waxay sheegtay in xabbad joojin iyo kordhinta gargaar bani’aadannimo oo la marsiiyo badda iyo barriga ay muhiim u yihiin ka hor tag lagu sameeyo masiibo bani’aadannimo oo ku habsata in ka badan 2.3 milyan oo ruux oo ku nool.

Dhanka kale, ururka Xamaas ee maamula Gaza ayaa rajo ka muujiyay heshiis xabbad-joojin ah oo ay la saxiixdaan Israil, xilli ay Israil ku adkeysaneyso weerar ay ku qaado degmada Rafax.

Hogaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh ayaa sheegay in ay dhawaan ay wafdi u dirayaan dalka Masar si ay u dhameystiraan wadahadallada xabbad-joojinta ee dhawaanahanba socday.

Masar, Qatar iyo Mareykanka ayaa hogaaminaya dhex dhexaadinta wadahadallada labada dhinac.

Booliska oo war culus kasoo saaray qabashada nin xaaskiisii u dilay si arxan darro ah

Muqdisho (Caasimada Online) – War ka soo baxay ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigay nin la sheegay inuu dilay xaaskiisii oo u dhashay saddex carruur ah.

Qoraal ka soo baxay Taliska Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigey maanta Maxamed Ismaaciil oo ku eedeysan dilka xaaskiisii.

Howlgalka lagu soo qabtay ninkaas ayaa dhacay maanta duhurkii sida lagu shaaciyey warbixinta booliska, waxaana da’diisa lagu sheegay 44 jir.

Waxaa ninkaas laga qabtay deegaanka Garasbaaley, waxaana lagu sheegay warbixinta booliska in Maxamed uu dilkaas u geystay si bareer ah.

Xabiibo Xuseen Cabdullahi ayaa la sheegay magaca haweeneyda ninkaan loo heysto inuu dilay oo u dhashay seddax caruur ah.

Waxay aheyd 34 jir ninka dilay u dhashay 3 wiil, falkaan dilka ah waxaa loo adeegsadey toorey uu watey eedeysanaha, wuxuuna ka dhacay deegaanka Garasbaalay, gaar ahaan waaxda 2-aad dhinaca Xoosh.

“Ciidanka Boliisku waxay gacanta ku soo dhigeen gacan ku dhiiglaha oo asagana dhaawac isku geystey, waxaana dhaawaciisa lagu daweynayaa isbitaalka Boliiska ee Madiina, iyadoo sida ugu dhaqsida badan loo hor geyn doono cadaaladda,” ayaa lagu yiri qoraalka booliska.

Xog: Hub halis ah oo lagu sameeyey Iran oo ku soo dhacay gudaha Soomaaliya

Taleex (Caasimada Online) – Magaalada Taleex ee gobolka Sool, waxaa xalay ku soo dhacay hub culus oo lagu farsameeyey dalka Iiraan, kadib markii Xuutuyiinta Yemen ay hubkaas u adeegsadeen Maroab laga leeyahay Mareykanka oo ku socday badda Cas.

Hubkaasi ma geysan wax khasaare ah, wuxuuna ku dhacay afaafka hore ee magaalada Taleex oo dhacda waqooyiga Soomaaliya, magaaladaas waxaa ka taliya maamulka ku meelgaarka ah ee SSC Khaatumo.

Dadka qaar waxay sheegeen in haraadiga waxyaabaha burburay ee deegaanka lagu arkay ay ula muuqdaan diyaad dagaal, waxaa laga helay calaamado muujinaya inay farsameysay Iiraan, balse warbaahinta Iran oo ka hadashay arrintaan ayaa bixisay xog kale.

Warbaahinta Iran oo aan xiganeyn wax ilo wareed dowladda ah ayaa sheegtay in waxa ku dhacay Soomaaliya uu yahay hal gantaal oo ‘Kuruus’ ah oo ay farsameysay Iran, balse ay rideen Xuutiyiinta ka dagaalanta dalka Yemen oo ku weerartay Markab laga leeyahay Mareykanka.

Xogta warbaahinta dalka Iran waxaa lagu sheegay in Xuutiyiintu ay hubkaas isticmaalayeen ilaa 2019-kii, isla markaana ay ku fuliyeen weerarro badan oo lagu qaaday dalka Sacuudiga.

Waa markii ugu horeysay oo Soomaaliya uu ku soo dhacay hub laga soo riday dalka Yemen, waxayna arrintaan abuuri kartaa xaalad cusub oo gobolka ah, maadaama lagu soo xadgudbay Soomaaliya.

Dowladda Iran ayaa toos u taageerta xuutiyiinta ka dagaalanta dalka Yemen, waxayna u adeegsataa weerarro xasaasi ah oo ka dhacay Bariga Dhexe, marin biyoodyada muhiimka ah ee ka ag-dhow xeebaha Yemen.

Dowladaha Soomaaliya iyo Iiraan ma lahan wax xiriir ah, waxaana Iran ka suurtaaba inay jilaafooyin badan u dhigto Soomaaliya,  sida inay hubeyso argagixsada, si lamid ah Xuutiyiinta Yemen, sida ay qabaan quburada ka faalooda arrimaha siyaasadda iyo dhaqdhaqaaqa Bariga Dhexe.

Kiiska wiilka Xasan Sheekh iyo heshiiska Soomaaliya iyo Turkey maxaa ka dhaxeeya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxay galeen heshiis iskaashi dhanka iweydaarsiga dambiileyaasha, maxaabiista iyo eedeysanayaasha ah, heshiiskaan ayaa saameynaya kiis hadda tagaan.

Dhowaan wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa shil gaari ku dilay nin Turkish ah, taasi waxay dhalisay in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud uu maro cadaaladda, waxaana lagu xukumay labo sano oo xabsi ah iyo lacag magdhow ah.

Markii uu dhaqangalo heshiiskaan waxay Turkigu ku qasbanaa doonaan in wiilka Madaxweynaha ay ku soo wareejiyaan dowladda Soomaaliya, si xabsigiisa inta ka dhiman uu ugu qaato Soomaaliya, in heshiiskaani dhaco waxaa la tuhinsan yahay in Madaxweyne Xasan Sheekh oo juhdi badan ku bixiyey.

Heshiiska Garsoorka ee ay gaareen Soomaaliya iyo Turkiga oo ay shalay ansixiyeen golaha wasiirada ayaa ka kooban afar qeybood, waxaana diiradda lagu saaraya dhinacyada kala ah; iskaashi, Gargaarsi sharciyeed, Dhiibid eedeysanayaal ama dembiileyaal iyo Wareejin Shakhsiyaad xukuman oo xabsi ku jira.

Qodobka dareenka iyo muranka badan dhaliyay ayaa ah midka , Dhiibidda eedeysanayaal ama dembiileyaasha, qaar ka mid ah khubarada iyo siyaasiyiinta ayaa ka digay saameynta uu yeelan karo qodobkan ku saabsan isu soo gacan galinta eedeysanayaasha ama dembiileyaasha.

Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka ee Soomaaliya Xasan Macalin oo wareysi siiyey BBC ayaa sheegay in heshiiskan aysan jirin sabab looga baqo.

“Waddamada waxaa jira heshiisyo ay galaan labada dal oo xiriir laba geesood ah ka dhaxeeyo, heshiisyadaas waxaa la yaraahdaa Extradition, qof baa dambi ka galaya wadanka marka dalka kale ayaa soo dalbanaya marka taas hadda waan kala saxiixanay golaha wasiirada ayaana la marsiiyay, lama dhihi karo heshiiskan waxay dowladdu u adeegsa doontaa arrimo siyaasadeed,” ayuu yiri wasiir Xasan.

Waxaa uu sheegay in heshiiskan isu gudbinta dambiilayaasha iyo eedeysanayaasha uusan siyaasad iyo mucaarad midna quseyn, islamarkana uu yahay mid caalamka oo dhan ka jira.

“Dhiibid eedeysanayaasha ama dembiileyaasha wax mucaarad iyo siyaasad ah ma aha , isu soo gacan galinta waxaa uu leeyahay qaabab sharci ah oo maxkamado ayuu maraa labada wadan-ba marka qofka dambiga halkan ka galay cadeymihiisa ayaa la geynayaa” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Xasan Macalin.

Dawladdii dhexe iyo damaca Itoobiya (Xog-warran sirdoon)

Marka hore, waxaan jeclahay inaan in kooban isu tilmaamo, dadweynaha aan hore ula socon qoraalladii taxanaha ahaa ee aan ku soo bandhigay boggan.

Waxaan ka mid ahaa saraakiishii sare ee ciidankii Nabad Sugidda Soomaaliyeed (NSS) fursad qaali ah u helay inay qayb lama iloobaan ka qaataan dhismahiisa kaddib markii la mideeyey Qaybtii Sirdoonka Boliiska (Special Branch) iyo kii Ciidammada Qalabka Sida (Military Intelligence), kaasoo dhidibbada u aasaasay Nabad Sugidda Soomaaliyeed, 8dii Janaayo 1970kii. Waxaan go’aansaday inaan intaa uga baxo anigoo u daynayo Ummadda Soomaaliyeed oo runtii ah garsooraha dhabta ah.

Intii u dhexaysay asaaska  ciidanka NSS (08/01/1970) ilaa burburkii dawladdii dhexe (30/12/1990), hawlihii kala geddisanaa ee aan ka qayb qaatay waxaa ka mida ahaa Maamulka iyo lasocodka jabhadihii mucaaradka ee ka horjeeday keligii taliyihii u bareeray inuu qabsashada xukunka ku daadiyo dhiig badan oo uu ugu horreeyo Boqorkii Haile Selassie iyo saraakiil sare oo badan oo ka mid ahaa Golihii Kacaanka ee hoggaanka Itoobiya la wareegay (Derg).

Waxaan ka mid ah saraakiishii loo xilsaaray inay wareystaan madaxda jabhadihii mucaaradka ahaa, kuwaas oo kala ahaa:

1- Meles Zenawi (TPLF – Tigray People’s Liberation Front)
2- Isaias Afewerki iyo Mohamed Ramadan (EPLF) – Eritrean People’s Liberation Front.
3- Osman Salah Sabbi – (ELF) – Eritrean Liberation Front – Garab ku xirnaa dalalka Carbeed.
4- Jeylani Buna – (OLF) – Oromo Liberation Front.

Dawladdii dhexe waxay jabhadahasi iyo hoggaamiyahooda ku martigelisay xafiisyo, deegaanno, gaadiid, raashin iyo baasabooro diblomaasiyadeed ay ku safraan.

Waxaan mid-mid wareysiyo xog uruurin qaatay dhowr bilood la yeelannay madaxdooda iyo saraakiisha la socotay intaba, kuwaasoo natiijadii ka soo baxday u suurta gelisay dawladda Soomaaliya inay ka dhex aragto fursad dagaal oo ay ku xureyn karto Soomaali Galbeed. Waxaan ka diyaarinnay warbixinno kala duwan oo guud ahaan ka koobnaa 2000-2500 bog.

Waxaa hubaal ah in dad badan ay isweydiin karaan ujeeddada aan qoraalkan u soo bandhigay. Sideedba, Soomaalidu waxay ku caan baxday inay daffiraan xusuusta taariikhdooda, Runtii, waxaan ogsoonahay in haddii aad rabto inaad qiimeyso xaaladda aad ku sugan tahay, waxaa lama huraan ah inaad ku saleyso xaaladda aad ku sugnayd (barbardhig: Shalay iyo Maanta), haddiise aad rabto inaad mustaqbalka taxliisho waxaa iyana lagama maarmaan ah inaad ku saleyso midda aad u sugan tahay (barbardhig: Maanta iyo Berrito).

Waxaa hubaal ah in shakhsiyaad kooban ay fikirkaasi qabaan waayo inta badan waxay ku fekeraan maxaad maanta quudataa ee aanu marnaba isku taxluujin mustaqbalkiisa iyo kan qaranka, taasoo lagu tilmaami karo mid hammi la’aan ah. Sidaa awgeed, ujeeddada aan ka leeyahay waa inaan xusuusiyo kuwa aan kor ku soo xusay iyo kuwa isku nafaqeeyo falebbada qabyaaladda (Tribalism Solution Drip).

Haddba, waxyaabihii aan ka barannay wareysiyaddii aan madaxda jabhadaasi la yeelanay waxaan ka mid ah inay ka wada sinnayeen in mucaaridnimaddoda ay ku saleysnayd la-dagaallanka xukunkii markaas jiray ee Mengistu Haile Mariam ee aan marnaba ku ahayn qarannimaha iyo midnimmada Itoobiya.

Haddii aan soo koobo, jabahadaha Tigray iyo Eritreya waxay ka wada sinnaayeen haalgankooda ku saleysan ridista xukunka Mengistu, hase yeeshee tan Oromada, markii aan ka wareysanay dhulka ay u halgamayaan, waxay na soo hordhigeen qariidad aan aad uga fajacnay oo qeexaysay in dhulkooda uusan ku ekeyn dhulka Itoobiya oo keliya ee ay ku andacoodeen inuu soo gaarayo degmada Balcad oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe kaabigana ku haysa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Qiimeyn saddex cisho qaadatay kaddib, Taliska NSS waxay u gudbisay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, Ilaahay Jannadii ha ka waraabiyo, wuxuu amray in si degdeg ah Xafiiskooda albaabada loo laabo, baasaboorrada lagala noqdo si degdeg ahna looga masaafuriyo dalka. Halkaa waxaa ka caddaatay in qowmiyadaha faraha badan ee Itoobiya ka kooban tahay, marka laga reebo Oromadu oo ku sifowday inay tahay qowmiyadda keliya ee Itoobiya ee u hanqal taagaysa dhul Soomaaliyeed.

Su’aasha isweydiinta leh waxay tahay: Xukunka Itoobiya waxaa soo maray Qowniyadda Amxaarada iyo Walayto, waa maxay sababta ay u soo ixbaxday sheegashada dhulka iyo xeebaha Somaaliya kaddib markii ay Oromadu qabsadeen Xukunka Itoobiya oo madax ka noqday Abyi Ahmed? Jawaabtu waxaan u dhaafayaa Soomaalida weli ku jirto waddaniyadda iyo samatabixinta isirka Soomaaliyeed.

Oromadu waxay faafiyaan dacaayad raqiis ah sal iyo raadna lahayd oo ku salysan inay Oromada iyo Somaalidu kala fogeyn kana soo wada jeedaan hal Isir. Soomaaliyey, waxaan leeyahay: Maskaxdu waxay u shaqaysaa sida dallaayad (Parachute) oo si fiican u shaqo gudato markay furanto. Maskaxdu ha furnaato ee yaan lagu koobin oo keliya afkaarta xirxiran oo meelna hiigsanayn.

Qoraalkaygan waxaan ku soo gabagabaynayaa: Jiritaankeenna waxaa heerkan soo gaarsiiyey halgankii awoowayasheenii, marka laga reebo soddonkii sano ee u dambeeyey oo aan dib u noqonnay, annuguna waxaa waajib nagu ah inaan ubadkenna u sii xaarno mustaqbal ka wanaagsan midka aan hadda ku jirno.

Aan dib isugu noqonno, haddii kale waxaan mas’uul ka noqon doonaa, Addun iyo Aakhiro, cawaaqib xumada ka dhalan karta ficilladda xunxun oo aan caadeysannay.

Mahadsanidiin,

W/Q: Ahmed Dhakal
Global Consultant & Analyst
e-mail: [email protected]
X:@AhmedKarate5

Ciidamada Ruushka oo galay saldhig ay ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka – Maxaa dhacay?

Niamey (Caasimada Online) – Ciidamada Ruushka ayaa gudaha u galay saldhig ciidamada cirka ah oo ku yaalla dalka Niger oo ay ku sugan yihiin ciidamo Maraykan ah, sida uu sarkaal sare oo ka tirsan gaashaandhiga Maraykanka u sheegay wakaalada Reuters.

Tallaabadan ayaa daba socota go’aanka ay ciidamada militariga ee xukuma Niger ay ku amreen ciidamada Mareykanka inay dalka ka baxaan.

Saraakiisha militariga ee maamula dalka ku yaalla Galbeedka Afrika ayaa u sheegay Mareykanka in uu dalka kala baxo ku dhowaad 1,000 askari, kuwaas oo ilaa afgambigii sanadkii hore ahaa saaxiib muhiim u ah dagaalka ka dhanka kooxaha muqaawamada ee dilay kumannaan qof, malaayiin kalena barakiciyey.

Sarkaal sare oo ka tirsan gaashaandhiga Mareykanka oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in ciidamada Ruushka aysan ku dhex milmin ciidamada Mareykanka balse ay isticmaalayaan hangar gaar ah oo ku yaalla saldhigga Airbase 101, kaasi oo ku dheggan garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Diori Hamani ee magaalada caasimadda ah ee Niamey.

Tallaabada ay qaadeen ciidamada Ruushka, oo ay wakaalada wararka ee Reuters ahayd tii ugu horeysay ee ay soo tabisa, ayaa ka dhigaysa in ciidamada Maraykanka iyo kuwa Ruushka ay aad isugu dhow yihiin xilli xifaaltanka militari iyo diblomaasi ee labada dal uu sii kordhayo sababo la xiriira dagaalka Ukraine.

Waxay sidoo kale dhalinaysaa su’aalo ku saabsan masiirka qalabyada Mareykanka ee dalka Niger ka dib bixitaankooda.

“(Xaaladdu) ma fiicna laakiin mid la maareyn karo waqtiga dhow,” ayuu yiri sarkaalka.

Mar wax laga weydiiyay warbixinta Reuters, Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin wuxuu hoos u dhigay qatar kasta oo ku iman karta ciidamada Mareykanka ama fursada ah in ciidamada Ruushka ay ku dhawaadaan qalabka militariga Mareykanka.

“Ruushka waxay ku sugan yihiin dhisme gaar ah, marinna uma haystaan ciidamada Mareykanka ama qalabkeena,” Austin ayaa sidaas ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay Honolulu.

“Waxaan mar walba diiradda saarayaa badqabka iyo babdbaadada ciidamadeena, hase yeeshee waqtigan, ma arko arrin halis ah marka ay noqoto ilaalinta ciidamadeena.”

Safaaradaha Niger iyo Ruushka ee Washington ayaan deg deg uga jawaabin codsi falcelin oo loo diray.

Mareykanka iyo xulufadiisa ayaa lagu qasbay in ay ciidamadooda kala baxaan dhowr dal oo Afrikaan ah kadib afgambiyo xukunka keenay kooxo ay ka go’an tahay inay iska fogeeyaan dowldaha Reer Galbeedka.

Ka sokow ka bixitaanka la filayo ee Niger, ciidamada Mareykanka ayaa sidoo kale ka baxay Chad maalmihii dhowaa, halka ciidamada Faransiiska laga eryey Mali iyo Burkina Faso.

Somalia oo taageero cusub oo la xiriirta xiisada Itoobiya ka heshay shir ka dhacay…

0

Banjul (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa taageero muhiim ah ka heshay shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Islaamka oo xalay xilli dambe lagu soo gaba-gabeeyay Banjul ee caasimada Gambia.

Shirka ayaa waxa uu qoraal ku taageeray nabad-gelyada, xasilloonida, madax-bannaanida iyo wada-jirka dhuleed ee Soomaaliya, xilli ay taagan tahay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo meel sare gaartay kadib markii xukuumadda Abiy heshiis beenaad ay ku rabto dhul badeed la saxiixtay Somaliland.

Sidoo kale waxay wasiirrada dalalka Islaamka ay qoraalkooda ku sheegeen in aanay aqbaleyn fal xad-gudub ku ah madax-bannaanida iyo wada-jirka dhuleed ee Soomaaliya, taasi oo xoojineysa guusha diblumaasiyadeed ee dowladda federaalka ka gaartay xad-gudubka Itoobiya.

Shirka ayaa isaga oo taageeraya xoojinta kaalinta Soomaaliya ay ku leedahay fagaarayaasha caalamka iyo urur goboleedyada wuxuu hoosta ka xarriiqay taageerayna murashaxnimada Fawziya Yusuf Xaaji Adan, oo ah murashaxa Soomaaliya ee guddoomiyaha Midowga Afrika.

Dhinaca kale, Wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macallin Fiqi oo hoggaaminayay ergada Soomaaliya ayaa waxa uu kulammo doceed uu si gooni ah ula yeeshay wasiirrada dhiggiisa ah ee dalal dhowr ah ay kusoo dhammaadeen is af-garad.

Xubnaha wafdiga Soomaaliya oo qaar ay ku koobnaayeen galaan-galka iyo taageerada murashaxnimada Fawziya, waxaa ka mid ahaa laba wasiir oo hore oo arrimaha dibadda ah, dannjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika, wakiilka Soomaaliya ee ururka dalalka Islaamka ah iyo diblumaasiyiin kale.

Maalinta berrito ayaa waxaa lagu wadaa in magaalada Banjul uu ka furmo shir madaxeedka dalalka Islaamka, kaasi oo ay ka qeyb-galayaan 57 dal oo xubno ka ah ururka.

Booliska Muqdisho oo soo qabtay rag baxsad ahaa oo kiis xasaasi ah loo haysto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa goordhoweyd shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay saddexda nin oo muddo baxsad ahaa, oo lagu raad-joogay.

Saddexdan nin oo mid kamid ah uu ka tirsan yahay ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa loo haysta dilka wiil yar oo Ardey ah oo 18 Jir ah, kaasi oo lagu magacaabo Cabdullaahi Cabdi Isaaq.

“Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir oo hawl-gallo kala duwan sameeyey ayaa ugu dambeyn waxaa u suurto-gashay inay gacanta ku soo dhigaan eedeysanayaashii falkaas ku eedeysnaa,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir.

Eedeysanayaashan ka kooban saddexda xubnood ayaa waxay magacyadooda kala yihiin;

1. Cabdi Axmed Cadow (Maleeshiya)
2. Axmed Maxamed Raage (Qataatow) – Askariga CXDS.
3. Farxaan Aadan Nuur (Maleeshiya)

Dilka wiilka yar ee ay ku eedeysan yihiin saddexdan nin ayaa dhacay taariikhdu markey ahayd 10-ka April 2024, abaaro 11:45PM oo ku beegnayd habeenkii ciidul fidriga la sugayey degmada Deyniile gaar ahaan Eeriya Ceel-dacas oo u dhow deegaanka G/baaley, sida uu shaaciyay booliska.

Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka booliska “Waxaas halkaas xabado lagula furay gaari borobakis ah oo soonahaas maraayay, waxaana falkaas arxan darada ah ku geeriyooday marxuum Cabdullahi Cabdi Isxaaq oo 18 jir arday ahaa.”

Eedeysanayaasha ayaa waxaa saacadaha soo socda la horgeyn doona maxkamada, si loo marsiiyo cadaaladda, sida lagu shaaciyay qoraalka taliska booliska.

Somaliland oo si yaab leh u weerartay Reer Galbeedka iyo Carabta taageera Soomaaliya

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa weerar culus ku qaaday waddamada Reer Galbeedka iyo Carabta ee taageerada siiya dowladda federaalka Soomaaliya.

Somaliland ayaa sheegtay in taageerada ay waddamada Reer Galbeedka siiyaan dowladda Soomaaliya ay khatar ku tahay deganaanshaheeda gudaha, ayada oo sheegtay inay dalalkaan kala safan doonta kuwa ay is-hayaan.

Arrintaan oo lagu sheegay warbixin dheer oo uu sii daayay Millateriga Somaliland, oo uu ku saxiixna Taliye Nuux Taani ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in ciidamo dalalkaasi ay u tababareen Soomaaliya ay qeyb ka ahaayeen dagaalkii Laascaanood.

“Deeqaha dhaqaale iyo tababarka ciidamada ee waddamada Galbeedka iyo Carabta ay siiyaan Soomaaliya waxay khatar ku yihiin ammaanka Somaliland,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Millateriga Somaliland.

Askar ay tababareen Mareykanka iyo ‘Imaaraadka’ ayay xustay Somaliland inay ka dagaalameen Laascaanood, taasi oo sababtay in ay magaalada gasho xaalad hubanti la’aan ah.

Sidoo kale waxay warbixinta tilmaamaysa “in Laascaanood ay gacanta ugu jirto xoogag argagixiso qeyb ka tahay, kadib markii ciidamadadii loo tababaray Soomaaliya iyo taageeradii dhaqaale ee la siiyay loo isticmaalay in Somaliland lagu bur-buriyo,” sida lagu yiri qoraalka.

“Aqoon-yahano badan ayaa aaminsan in taageerada beesha caalamka ee Soomaaliya ay sababi karto dagaal balaaran hadii Soomaaliya ay soo weerarto Somaliland, dagaalka Laascaanood waa calaamad walaaceeda leh, iyada oo askartii ay tababareen Mareykanka iyo Eritrea argagixiso ay la dagaalamayan Somaliland.

Somaliland ayaa ugu dambeyntiina sheegtay inay xulafo la noqon doonto waddamo ay kamid yihiin Shiinaha, Ruushka iyo Iran, haddii ay taageero buuxda ka weydo Reer Galbeedka sida weyn u taageera dowladda federaalka Soomaaliya.

Qiso la yaab leh oo ka soo baxday Osama Bin Laden

Sideed dareemi lahayd haddii xilliga cashada uu “kuu soo martiyo” qofka loogu doonista badan yahay adduunka?

Ninkaasi waxaa uu ahaa hogaamiyihii Al-Qaacida Usama Bin Laden, waxaana gurigii lagu martigelinayay xagaagii 2010 uu ku yaallay gobolka Waziristan oo ah gobolka ay dagaan qabaa’ilka Pakistan.

Hal sano oo kaliya ka dib martiqaadkan, Usama bin Laden ayaa May 2, 2011 lagu dilay hawlgal ay ciidamada badda Maraykanku ka fuliyeen magaalada Abbottabad, Pakistan.

Sanad ka dib dhimashadiisii, 2012, waxaa soo baxday sheeko gaar ah oo ku saabsan labadan qof ee Waziristan ay uga sheekaynayeen taasi oo ku saabsan markii Usama bin Laden lagu casuumay gurigooda, laakiin dadkii martiqaadka sameynayay xilligaasi ma aysan aqoon cidda martida u ah.

Marka loo eego sheekadii habeenkaas sida uu sheegay Ilyaas Khan, qoys daggan Waziristan ayaa sugayay qof soo booqan doona kaas oo lagu wargeliyay dhowr toddobaad ka hor inuu yahay ‘qof muhiim ah’. oo u soo martin doona.

Looma sheegin magaca martida iyo waqtiga gaarka ah ee uu martida imaanayo sidoo kale saacado yar ka hor ayaa loo sheegay. Kow iyo tobankii habeenimo xilli dadka deegaankan ay hurdeen ayaa waxa ay maqleen dhawaqa baabuurta ku soo wajahan taasi oo ah martidii ay sugayeen.

Mid ka mid ah dadkaas oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo oo faahfaahin ka bixiyay dhacdadan, ayaa sheegay in “ilaa 12 gawaarida nooca Jiibka oo waaweyn oo isku mid ah ay soo galeen goobta kuwaasi oo ka kala yimid jihooyin kala duwan”.

Gawaarida mid ka mid ah ayaa istaagay afaafka hore ee guriga , waxaana kursigii dambe ka soo baxay nin dheer oo xiran cimaamad cad iyo khamiis.

Waxay ahayd xilli mugdi habeen ah, dadkii martida loo ahaa ee Waziristan indhahooda way rumaysan waayeen , sababtoo ah qofka hortooda taagan ma ahayn qof caadi ah, balse waa qofka loogu doonista badan yahay adduunka, Usama Bin Laden, oo aan ahayn oo keliya awood sare aduunka laakiin leh awoodda buuxda ee ururka Al-Qaacida.

Usama Bin Laden, Waxaa lagu raadinayey dhaqaale badan, islamarkaana cidda keenta macluumaad ku saabsan waxaa loo ballan qaaday abaal-marin lacageed oo dhan 1.5 milyan dollarka Maraykanka.

“Waan argagaxnay,” ayuu yiri qof ka soo jeeda deggaanka Waziristan. Ma aanan filayn in martida guriga noogu timid uu noqon doono Usaama.

Osama Bin Laden ayaa gaariga ka soo degay, wuxuuna gacan qaaday dhammaanba dadkii. hogaamiyaha qabiilka Waziristan, ayaa wuxuu qabtay gacanta Usaama oo dhunkaday sidoo kale wajiga ayuu gacanta ka mariyay.

Usaama waxa uu gacanta saaray garabka ku-xigeenkiisa waxaa uuna u soo dhaqaaqay dhinaca qolkii loo diyaariyey martida. Dadkii guriga joogay ayaan gudaha u gelin, waxaana joogay oo kaliya labadii nin ee la socday Usaama.

Waxaa xusid mudan in dhacdadan ay ku beegneyd sanad ka hor geeridii Usaama xilli uu ku sugnaa magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan, oo 300 km oo kaliya u jirta tuulada habeenkaas lagu martiqaaday.

Markii uu soo baxay warka ku saabsan dhimashada Usaama, ninkii hore ee martida u ahaa ayaa u sheegay dhawr saaxiibbadiis ah oo ku saabsan booqshadaan lama filaanka ahayd. Waxa uu shuruud ka dhigay in la qariyo magaciisa iyo deegaankiisa.

Sida uu sheegay, Usama Bin Laden waxa uu habeenkaas ku sugnaa ku dhawaad 3 saacadood, waxaana uu ku tukaday salaada, nasasho ka dib, waxa martida lagu soo daweeyay bariis iyo hilib digaag.

Inta lagu guda jiro xilligaan ayaa waxaa loo diiday in ay ka baxaan xarunta, mana jirto cid gudaha u soo gali karta, iyadoo saqafka sare iyo hareeraha xarunta ay ku sugnaayeen rag hubeysan oo dhammaan isku gadaamay.

Markii ninkii martida loo ahaa uu codsaday in aabbihii oo 85 jir ah loo ogolaado inuu la kulmo Usama Bin Laden, ilaaladii Usama waxay u ekaayeen kuwo aan hadalkaas dhibsan. Si kastaba ha ahaatee, ninkii martida loo ahaa ayaa codsaday in loo aqbalo rabitaanka aabihiis, sidaas darteed fariinta waxaa loo gudbiyay hogaamiyaha Al-Qaacida, wuuna aqbalay.

Afar ilaalo ah ayaa lagu daray ninkii martida loo ahaa si ay u soo qaadaan aabbihii, markii goobta uu ku jiray la soo galiyay aabahan da’da ah ayaa lagu wargaliyay joogitaanka Usama Bin Laden.

Ninkii martida loo ahaa oo da’ dhexaad ahaa ayaa muddo 10 daqiiqo ah la qaatay Usaama, sida uu sheegay, waxa uuna ugu duceeyay hoggaamiyaha Al-Qaacida luuqadda Pashto.

Usaama iyo ilaaladiisii ayaa muddo ka dib iasaga tagay halkaasi.

Gawaaridii jiibabka ahaa ayaa dib uga soo baxay xarunta, waxayna u kala yaaceen jihooyin kala duwan. Dadkii martida loo ahaa waxay qiyaasi waayeen kii uu ahaa baabuurka Usaama ku jiray iyo jihada uu u dhaqaaqay.

Markay sheekadan ka sheekaynayeen, dadkan reer Waziristan waxay ku adkaysteen inaanay ka hadli karin qofka ka codsaday inay martida u diyaariyaan, martiqaadka iyo cuntada. Waxa kale oo uu ka gaabsaday inuu ka hadlo dadka la socday Usaama.

Waxaa xusid mudan in kadib geeridii Osama ee Abbottabad, maamulada Mareykanka iyo Pakistan ay sheegeen in hogaamiyaha Al-Qaacida uu keligiis ku noolaa magaalada muddo ku dhow shan sano, mudadaasna uusan ka bixin xaruntiisa.

Laakiin sheekadani waxay caddaynaysaa in sheegashadani aanay run ahayn. Si kastaba ha ahaatee, su’aalo badan ayaa weli aan laga jawaabin.

Aagga uu Usama si lama filaan ah uga soo muuqday habeenimadii 2010-kii ayaa ahayd dhul aad u baaxad weyn oo fog, isla markaana ciidamada Pakistan ay dhowr jeer ka fuliyeen hawlgallo ka dhan ah mintidiinta gobolka Waziristan. Waxaa is waydiin mudan Sidee Usaama Bin Laadin uga baxsaday isbaarooyinka ay joogaan ciidamada Pakistan?

Dowladda Pakistan iyo militariga Pakistan ayaa had iyo jeer beeniya inay wax xog ah ka hayaan Usama Bin Laden, sida ay sheegeen hoggaamiyaha Al-Qaacida ma jirin wax taageero ah oo ay u hayeen.

arrinta kale ee is weydiinta mudan ayaa ah qofka aan la aqoon ee dahsoon balse saameynta ku leh ee soo agaasimay hoyga iyo cuntada iyo sidoo kale goobaha safarka ee Usaama Bin Laadin.

Waa maxay ujeedada booqashada Usaama iyo ugu dambeyntii qofka loogu doonista badan yahay adduunka. lama garanayo dadka martida loo yahay.

Xigasho: BBC Somali

Turkiga oo qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah ISRAEL

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa qaaday tallaabadii ugu cusleyd oo ka dhan ah Israel, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xaaladda Gaza.

Wasaaradda Ganacsiga ee Turkiga ayaa soo saartay bayaan lagu sheegay in Turkigu ay hakiyeen dhammaan badeecooyinka dhanka ganacsiga ee ay la lahaayeen Israel, sababo lagu tilmaamay duullaanka ay ku hayso Gaza.

“Turkigu wuxuu si adag oo go’aan ah u fulin doonaa tallaabooyinkaan cusub ilaa ay dowladda Israel ka ogolaaneyso sii socoshada gargaarka bini’aadanimo iyo in dadka Falastiin ay helaan mucaawino aan kala go’ laheyn,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Wasiirka arrimaha dibadda Israel ayaa ku eedeeyay madaxda Turkiga in ay iska indha tirayaan danaha dadka Turkiga iyo heshiisyada ganacsiga caalamiga ah.

Sannadkii 1949-kii, Turkigu wuxuu ahaa waddankii ugu horreeyay ee Muslimiin ah oo aqoonsaday Israel. Laakiin xiriirku wuu sii xumaaday tobannaankii sano ee la soo dhaafay.

Sannadkii 2010-kii, Turkigu waxa uu xidhiidhka diblomaasiyadeed u jaray Israel, kadib markii 10 qof oo Turki ah oo u ololeeya Falastiin lagu dilay isku dhacyo ay la galeen ciidamada kumaandooska Israel, kuwaasi oo fuulay markab laga leeyahay Turkiga oo isku dayey in uu jabiyo go’doominta badda ee Israel ku haysay marinka Gaza.

Sanadkii hore ganacsiga labada dal ee Turkiga iyo Israel ayaa ku kacay ama gaaray lacag ku dhow 7bn oo doolar oo u dhiganta (£5.6bn).

Xaaladda Marinka GAZA oo quus joogta iyo QM oo ku dhawaaqday arrin cusub

New York (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in dagaalka ka socda Marinka Gaza uu 40 sano dib u celiyay horumarkii halkaasi ka socday, waxaana dib u dhiska Gaza ku kici doona balaayiin dollar sanado badan.

Abdullah Al-Dardaari, oo ah agaasimaha xafiiska waddamada Carabta ee barnaamijka horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP ayaa yiri, “Barnaamijka soo kabashada hore ee saddexda sano ah ee lagu celinayo boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah hoy ku meel gaar ah oo ku yaala goobihii ay asal ahaan ka soo jeedaan iyada oo taageero bulsho oo dhamaystiran, ay ku kici doonto inta u dhaxaysa 2 ilaa 3 bilyan oo dollar.”

“Dib u dhiska guud ee Gaza maanta, marka loo eego qiyaastayada, wuxuu u dhexeeyaa ugu yaraan 40 ilaa 50 bilyan oo doolar,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Al-Dardaari ayaa weriyayaasha kula hadlay magaalada Cammaan ee dalka Urdun, halkaas oo uu ku daah-furay warbixin cusub oo ay UNDP soo saartay oo ku saabsan saamaynta bulsho iyo dhaqaale ee la filayo ee dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, kaasi oo Talaadadii toddoba bilood jirsaday.

Iska horimaadka ayaa khasaare u geystay nolosha Falastiiniyiinta, iyada oo in ka badan 34,000 oo qof ay ku dhinteen illaa 78,000 oo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ee Gaza.

Bartamihii April, barnaamijka horumarinta ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dhimashada iyo dhaawaca ay gaarayeen ugu yaraan 5% dadweynaha Gaza.

Dagaalka ayaa waxa uu dhulka la simay inta badan Gaza, isagoo dhaawacay ama bur-buriyay 370,000 oo guri iyo 9% hanti ma guurtada ah ee ganacsi.

UNDP waxay sheegtay in xitaa xaaladeeda ugu wanaagsan ay qaadan doonto 16 sano illaa 2040 – dib u dhiska guryihii burburay, iyada oo aan la dayactirin kuwa bur-buray.

Haddii wakhtiga dib u dhiska uu raaco qaab la mid ah dagaaladii 2014 iyo 2021 ee u dhaxeeyay Xamaas iyo Israa’iil, warbixintu waxa ay leedahay Gaza waxa ay u baahan tahay ku dhawaad 80 sano si ay dib ugu soo celiso guryihii bur-buray.

Wax soo saarka Falastiin ayaa sidoo kale si weyn dhibaato u soo gaartay tan iyo markii dagaalka billowday, isagoo hoos u dhacay 25% – ama ku dhawaad $7 bilyan.

Al-Dardaari ayaa sheegay in boqolkiiba 29 ay gaari karaan haddii dagaalku sii socdo illaa bisha July.

Maxay tahay farriinta ay DF u dirtay saxaafadda xilli ay tacadiyo ka tirsanayaan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta hambalyo ku aadan 3-da May u dirtay Saxafiyiinta Soomaaliya, maadaama ay maanta asteysan tahay dabbaal-dega maalinta caalimaga ee xorriyadda saxaafadda oo ku asteysan 3-da May.

Xuska sanadkaan ayaa loogu magac daray udabbaal-degga maalinta xorriyadda saxaafadda iyo xoojinta kaalinta warbaahinta ee xasaradaha ka dhasha isbedelka cimilada, sida uu shaaciyay wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac.

Wasiirka oo qoraal soo saaray ayaa wariyayaasha ku dhiira-galiyay inay door xooggan ka qaataan wacyi-galinta qatarta dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada oo si weyn u saameeyay dunida oo dhan, Soomaaliduna ay dhibanayaasha isbeddelka cimilada deegaanka kamid tahay.

“Munaasabadda qiimaha leh ee maalintan caalamiga ah ee xorriyadda saxaafadda awgeyd waxaan rabaa in aan halkaan hambalyo diirran uga diro Wariyayaasha kaalintooda wax ku ool ah ee nolosha bulshada, run sheegista, daah-furnaanta iyo dimuqraadiyadda,” ayuu yiri Wasiir Daa’uud.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan qirayaa in doorkiina (saxaafadda) wacyi dhiska dadweynaha uu yahay mid muuqdo oo lagama maarmaan ah.”

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta xorriyadda, badqabka saxaafadda, hubinta daah furnaanta iyo xaqa xog helista wariyayaasha, xilli ay saxaafadda Soomaaliya ka tirsaneyso tacadiyo badan.

“Waxaa ajande weyn inoo ah taageerada iyo dhiiragalinta warbaahinta, ka dowlad ahaan waxaa naga go’aan in aan kor u qaadno tayada warbaahinteena iyo tababarada ay helaan suxufiyiinta, waxaan aaminsanahay wariyayaal tababaran oo wacyi ahaan dhisan in ay muhiim u yihiin dowlad wanaagga iyo horumar waara oo waddankeenu gaaro,” ayuu markale yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa intaas kusii daray “Dhismaha Golaha Warbaahinta Qaranka oo ay dhowaan meel mariyeen Golaha wasiirada waa tallaabo hore loo qaaday si loo xoojiyo daah furnaanta iyo isla xisaabtanka, hawshani waxa ay muujinaysa sida dowladdu uga go’an tahay xoojinta warbaahinta iyo dhiira-galinta dhaqan galinta mabaadi’da iyo anshaxa suubban ee Saxaafadda.”

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay ‘dhaar cusub’ oo R/W XAMZA uu mariyay wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaarha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa shalay la saxiixday 15 kamid ah Golaha Wasiirrada ballan-qaadka iyo qiimeynta waxqabadka 4-tii bilood ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale saxiixan ayaa waxaa qeyb ka ahaa hiigsiga waxqabadka wasiiradda 15-ka ah ee inta ka dhiman sanadkan.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha oo qoraal soo saaray ayaa tallaabadan ku macneeyay inay qeyb ka tahay hannaanka casriyeynta dowladnimada, xoojinta hufnaanta iyo xisaabtanka.

Xamza ayaa sidoo kale faray wasiirrada in si dhab ay uga shaqeeyaan ballan-qaadka ay saxiixeen ee ku aaddan qorshaha hiigsiga 2024 ee xukuumadda Dan-Qaran, lagulana xisaabtami doonno wasaaradda walba mas’uuliyadda saaran.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay tallaabadan?

Tallaabadan uu qaaday ra’iisul wasaare Xamza ayaa waxaa ka dhalatay fal-celin xooggan, ayada oo dad badan ay su’aallo ka keeneen ujeedada dhaarta xafiiska haddii heshiisyadan oo kale loo arko inay lagama maarmaan u yihiin xaqiijinta mas’uuliyadda loo igmaday.

“Xukuumad iyadii heshiis isla galayso!,” ayuu yiri Maxamed Faarax Geedi oo kamid ah dadka ka fal-celiyay tallaabadan.

Xudeyfa Cabdi Cali ayaa isna sidoo kale waxa uu yiri “Wasiirada qaar afar bil iska dhaafe bilna xafiiska ma joogaan, sidre marka macquul ku tahay in la yiraahdo waxqabadka afartii bil ee lasoo dhaafay ayaa wax la iska waydiina?.”

“Dan-Qaran caadi ma aha shaqo ayay hayaan,” ayuu yiri Ibraahim Yare oo isna ka fal-celiyay arrintaan.

Tallaabadan ayaa sidoo kale waxaa ka dhashay shaki horleh, maadaama ay inta badan ka maqan yihiin wasiirradii ugu muhiimsana, sida wasiirka maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda ayaa maqnaashihiisa heshiiskan muhiimka ah uu dhaliyay shaki badan, gaar ahaan tan iyo markii baaritaanadii musuq-maasuqa ee dhawaan ay ku lug yeesheen hay’addo muhiim ah oo ay ku jirto wasaaradda maaliyadda.

“Wasaaradda maaliyada xagee looga tagay meesha ugu muhiimsan ee la rabo in lala xisaabmo ayey ahayd?,” ayuu yiri Faysal Caaqil oo kamid ah bulshada Soomaaliyeed ee tallaabadan ka hadlay.

Si kastaba, Arrintaan ayaa dadka qaar ku riday jawhareersan, iyada oo ay ka dhasheen su’aallo badan sida ay dowladda uga go’an tahay hufnaan iyo isla xisaabtanka iyo weliba sida wasaarradii ugu muhiimsana loo siineyn mudnaanta.

Daawo: Xildhibaanada Abgaal oo DF u qabtay 3 maalin kadib kiisas gilgilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta badan Xildhibaanada beesha Abgaal ayaa shalay ka qeyb-galay banaanbax ka dhacay taallaada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, banaanbaxaas ayaa lagu dalbanayey cadaaladda sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka oo dhawaan lagu dilay Muqdisho iyo wiil kale oo galabta lagu dilay isla fagaaraha Daljirka.

Xildhibaan Cismaan Xaadoole, Xildhibaan Maxamed Cajiib, Xildhibaan Yuusuf Kabaale, Xildhibaan Yaasiin Farey, Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul iyo Duqa Muqdisho ayaa dadweynihii careysnaa kala soo qeyb galay banaanbaxa.

Dadka banaanbaxa dhigay ayaa dowladda ka codsaday in cadaaladda lasoo taago ragii dilay sarkaalka oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Nabad Sugidda, sidoo kale masuuliyiinta ayaa fagaaraha Daljirka kula hadlay dadweynihii careysnaa.

Iyadoo laga cabanayo dilkii Dhamme Sayid Cali Cabdi ayaa galabta wiil kale oo dhalinyaro ah lagu toogtay fagaaraha Daljirka, kadib markii askar isku dayeysay inay dadka kala buriyaan ay rasaas ku fureen dadkii bilaabay banaanbaxa.

Wiil ka mid ahaa dadkii banaanbaxa bilaabay ayaa halkaas ku geeriyooday waxaana cakirantay xaaladda oo waxaa cirka isku shareertay carada dadweynaha, intaas kadibna waxaa goobta soo gaaray masuuliyiinta dowladda ku metesha dadweynihii cadaaladda dalbanayey.

Xildhibaanada oo mid mid u hadlay ayaa balan-qaday in kiiska Taliye Sayid-cali ay dabageli doonaan oo dhiigiisa ay meel soo saari doonaan, cadaaladana lagu xali doono kiiskaan oo ah mid culus, maadaama la dilay sarkaal muhiim ah.

Xildhibaanada ayaa dadweynaha careysan ka codsaday inay kala tagaan oo banaanbaxa joojiyaan, isla markaana ay ka war sugaan ayaga oo cadaalad u raadi doona wiilasha la dilay oo mid uu ahaa sarkaal muhiim ah oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka.

Is-rasaaseyn habeeno ka kor ka dhacday degmada Boondheere ayuu dhaawac culus ka soo gaaray Taliye Sayidcali iyo askar ilaalo u aheyd, kadib markii sida la sheegay inay gurigiisa ku weerareen askar ka tirsan NISA.

Taliyaha ayaa Arbacadii u geeriyooday dhaawacii soo gaaray, waxayna masuuliyiinta hadlay qabsadeen 3 maalmood oo arrintaan ay xalkeeda ku keeni doonaan, iyagoo balan-qaaday in ehellada marxuumka ay warbixin dhameystiran u soo gudbi doonaan.

Hoos ka daawo