25.1 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Wasiir warbixin ka soo saaray xog culus oo uu la wadaagay Ra’iisul Wasaare Xamza

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre la wadaagay qiimaynta afarta bil ee ugu horeysa waxqabadka Ballaan-qaadka shaqo ee horyaalla wasaaradda.

Ballanqaadka Shaqo ee Waasaaradda ayaa soo koobaya hadafyada ay wasaaraddu hiigsaneyso sannadkan 2024, taas oo la qiimeyn doono 4 bil oo kasta wixii u qabsoomay wasaaradda si loo xaqiijiyo in adeeg hufan la gaarsiiyey shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada sida joogtada ah ugu foogan howlaha la xiriira Kalluumeysiga iyo ka faa’iideysiga Dhaqaalaha Buluugga.

Wasaaradda ayaa afarta bil ee ugu horeysa ku guuleysatay hirgalinta qodobo muhiim ah kuwaas oo qeyb ka ah ballan-qaadka shaqo gaar ahaan hadafyada loo asteeyey in la gaaro afarta bil ee ugu horreysa sannadkan, tani waxa ay odoros wanaagsan ka bixineysaa in guul wax ku ool ah ay wasaaraddu ka gaarto dhammaan hadafyadeeda ku xusan ballan-qaadka shaqo ee sannadka 2024.

Qorsheyaasha guuleystay ee ku jira afarta bil ee ugu horeysa ballan-qaadka shaqo ee Wasaaradda waxaa kamid ah:

1-Dhismaha iyo qabsoomidda shirarka Golaha Sare ee Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga (FMDC),

2- Bixinta Ruqsadaha Kalluumeysiga taas oo qeyb ka ahayd qorsheyaasha la doonayo in lagu kordhiyo dakhliga gudaha,

3-Qabashada debaaldegga todobaadka Kalluumeysiga qaranka kaas oo qorshu yahay in uu qabsoomo bartamaha Bishan May. Iyo qodobo kale.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Mudane Axmed Xassan Aadan waxa uu yiri “Waxaan hiigsaneynaa hadafyo wax ku ool ah kuwaas oo aan dooneyno inaan wax uga badalno nolosha bulshada, gaar ahaan kuwa xeebaha, Kalluumeysatada iyo dhammaan dhinacyada ka faa’iideysta Kalluumeysiga, waxaan u dejinnay sannadkan qorsheyaal xambaarsan han iyo himilo Soomaaliyeed, waxaan rajeynayaa in tani ay noqon doonto mid isbadal dhab ah ku sameysa Kalluumeysiga iyo ka faa’iideysiga kheyraadka badaha ee dalkeenna”.

Madaama kal-ka ugu horeeya ee sannad shaqeedka 2024 uu si guul ah noogu soo dhammaaday, wasaaraddu waxa ay xooga saari doontaa sidii si hufan loogu hirgalin lahaa qodobada kale ee ku xusan ballan-qaadka shaqo, kuwaas oo ah qodobo aad u xiisa badan, saameyn leh, wax bandanna ka badali doona noloshada bulshada Soomaaliyeed ee ku tiirsan Kalluumeysiga.

Daawo: Beelaha Hawiye iyo Raxanweyn oo ka cabanaya Axmed Madobe, kadib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha iyo Waxgaradka beelaha Karinle-Hawiye iyo Raxanweyn ayaa maanta Muqdisho ku qabtay kulan ay ku soo bandhigeen cabasho ay ka qabaan xukun ay riday maxkamadda maamulka Jubbaland.

Xukunkaas waxaa lagu riday labo wiil oo lagu kala magacaabo Ilyaas Maxamed Xasan iyo Maxamed Ibraahim Cali, kuwaas oo lagu eedeeyey dil ka dhacay magaalada Kismaayo sanadkii 2016-kii.

Dhalinyarada hadda la xukumay ee odayaashaan ay ka cabanayaan xukunka ku dhacay ayaa mudadaas ku xiraa magaalada Kismaayo.

Saddex dhalinyaro ah ayaa loo qabtay dilkaas, balse mid kamid ah ayaa la siidaayey halka labadii kale dil toogasho ah lagu xukumay.

Odayaasha maanta Muqdisho ku qabtay shirka jaraa’id ayaa sheegay in dhalinyaradaas lagu riday xukun aan cadaalad aheyn, isla markaana aysan helin qareeno u dooda oo ka difaaca eedeymaha loo soo jeediyey.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayey ka dalbadeen in kiiskaan uu soo fara-geliyo, iyagoo si cad u sheegay in dadka ka soo jeeda beelahooda lagu dulmiyo awooda maamulka Axmed Madoobe.

“Sideee sano ayaa wiilasheena lagu heystay xabsiyo ku yaalla Kismaayo, anagoo ah Karanlehawiye iyo Raxanweyn waxaan Jubaland ka tirsaneynaa cadaalad darro, xitaa ragii ku eedeysnaa kiiskaan qaar ayaa la fasaxay, wiilasheeniina waxaa ku dhacay xukun sharci darro ah,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii hadlay.

Odayaashaan ayaa sheegay in beesha uu ka dhashay ninkii la dilay 8 sano ka hor ay cadeeyeen in raggaan aysan dilka geysan oo aysan ku qanacsaneyn in loo ciqaabo ninkii laga dilay dartood.

Waxay odayaashaan maaamulka Axmed Madoobe uga digeen inuu ku takri falo awood oo la toogto wiilal aan geysan dilka loo heysto, “Dadkii qisaasta lahaa ayaa dhahaya ragaan ma naloo tooganayo, marka ma jirto sabab uu maamulka Jubbaland ugu madax-adeygo in cadaalad darro lagu toogto wiilasheena,” ayuu yiri oday kale oo kulankaas ka hadlay.

Hoos ka daawo

https://www.facebook.com/share/v/hkx2b5WdSZauRMkn/?mibextid=WC7FNe

Sababta uusan Xamza uga hadli karin doorasho iyo arrimaha wiiqaya damaca Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre wuxuu sheegay in wax walba oo dhaca aanay Soomaalida dib iskugu dooran doonin teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho, wallow aanay xukuumaddiisu illaa maanta wax shaqo ah ka qabanin inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Soomaaliya oo maanta laheyn guddi doorasho, sharci doorasho, xisbiyo sharciyeysan, argagixisana weli ka adkaanin, dadkeedu aanay tirakoobneyn, baarlamaankeeda iyo wasiiradeeda qabiil lagu qeybsado, musuqiina uu xarkaha goostay ayay dhinaca kale madaxdeedu ka sheekaynaya doorasho dadweyne oo hufan, tii oo dhanka kale dalka uu yahay dal ay ciidankiisa iyo shaqaalihiisa ajnabi biilan, hanaankiisa siyaasadana aan heshiis laga aheyn.

Xamza Cabdi Barre hadda waa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, laakiin dib aan kugu celiyo shan sano kahor.

2019-kii Xamza waxa uu ahaa guddoomiyihii guddiga doorashada ee maamulka Jubbaland, wuxuu qabtay doorashadii ugu fadeexadda iyo fool-xumada badneyd taariikhda dowladeed ee Soomaaliya. Waxay ka dhacday magaalada Kismaayo.

Doorashadan waxaa loo yaqaana saddex qof u keenso kursigaaga xildhibaannimada, kadibna Axmed Madoobe ayaa midkii uu doono ka xulan doona, kaas ayaa qabiilka u noqonaya xildhibaan.

Guddigii doorashadaas curiyay, jiheeyay ee fuliyay waxaa madax u ahaa Xamza Cabdi Barre oo maanta ra’iisul wasaare ka ah Soomaaliya. Micnaha doorashadaas uu Axmed Madoobe kusoo laabtay ee Xamza maamulay ma jirin qabiil xildhibaankooda qortay.

Kursi walba saddexdii qof ee loo soo xulay ee Xamza lagu wareejiyay isna Axmed Madoobe ayuu ku wareejiyay, kaas oo isaguna midkii uu rabo kala baxay kursi walba.

Ra’iisul Wasaare Xamza wuu difaacay doorashadaas, isagoo xisaabta isku dhariga ku difaacaya Axmed Madoobe, wuxuuna iska indho-tiray qaladaadkii iyo fool-xumadii ku jiray doorashadaas.

Maanta isla siyaasigaas ayaa dhaliil ka qaba doorashooyinkii ka dhacay teendhada Afisyoone, oo loo arko kuwii ugu hufnaa Soomaaliya. Sida qura ee aad ku fahmi karto in doorashooyinkii Afisyoone ay dhexda yaaleen oo ay hufnaayeen waa inay marnaba ku adkaanin madaxweynayaashii kuraasta ku fadhiyay xilligii la qabtay doorashooyinkaas.

Haddii la musuqi karo ama la boobi karo doorashooyinkii ka dhacay teendhada Afisyoone marwalba waxaa kusoo laaban lahaa madaxweynaha fadhiya xafiiska.

Soomaaliya waxay u muuqata in hadda laga raadinayo doorashadii ugu horreysay ee la boobi karo, madaxweyne kasta oo fadhiyay Villa Somalia ma jeclayn doorashooyinkii dadbanaa ee gunaanadkoodu ay ka dhaceen Afisyoone.

Sababta ay xilligaasi madaxda u diidanayeen maantana looga cararayo waa in uusan doorashadaasi xadi karin, boobina karin madaxweynaha kursiga fadhiya.

Ra’iisul Wasaare Xamza isagu kuma jiro madaxda Soomaaliyeed ee maanta ka hadli karta hufnaan doorasho, waxaana dhib iyo dhaawac ugu filan diiwaankiisi hore ee doorashadii Jubbaland ee uu kursiga ugu xoogay Axmed Madoobe.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isagu ah ninka ay ka go’do inuu saxo jihada dhabta ah ee Soomaali isku aamini karto, kuna sii wada-jiri karto waxay u badan tahay inuu waaqica usoo laaban doono lixda bilood ee soo aadan marka ay mucaaradka Xamar iskugu tagaan oo dowladdiisa xisaabtan lagu bilaabo, kuwa maanta la safana ay diidan sida uu wax u falkinayo, maamul goboleedyada hurdada kasoo toosan, dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkana ay dalbadaan in aan la qaadan karin wax aan loo dhameyn iyo damac caawinaya hal qof.

R/W Xamza oo wasiiraddii ugu badnaa la saxiixday…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta la saxiixday 15 kamid ah Golaha Wasiirrada ballan-qaadka iyo qiimeynta waxqabadka 4-tii bilood ee la soo dhaafay.

Sidoo kale saxiixan ayaa waxaa qeyb ka ah hiigsiga waxqabadka wasiiradda 15-ka ah ee inta ka dhiman sanadkan.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha oo qoraal soo saaray ayaa tallaabadan ku macneeyay inay qeyb ka tahay hannaanka casriyeynta dowladnimada, xoojinta hufnaanta iyo xisaabtanka.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa faray Wasiirrada in si dhab ay uga shaqeeyaan ballan-qaadka ay saxiixeen ee ku aaddan qorshaha hiigsiga 2024 ee xukuumadda Dan-Qaran.

Sidoo kale waxa uu sheegay in lagula xisaabtami doonno wasaaradda walba mas’uuliyadda saaran iyo ballan-qaadyada ay saxiixeen.

Wasiirradda 15-ka ee kamid ah ee maanta uu ra’iisul wasaare Xamza la saxiixaday ballan-qaadyada iyo qiimeynta waxqabad ayaa waxaa kamid ah;

  • Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta
  • Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda & Dastuurka
  • Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta
  • Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha
  • Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka
  • Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
  • Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta
  • Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda
  • Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda
  • Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka
  • Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada

Sawirro: Ciidan cusub oo ka tirsan DF oo tababar heer sare ah loogu soo xiray Jabuuti

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Waxaa maanta dalka Jabuuti loogu soo xiray tababar heer sare ah oo muddo u socday ciidan cusub oo qeyb ka noqonaya Booliska Soomaaliyeed.

Tababarkaan oo muddo ka socday Dalka Jabuuti ayaa waxaa kaalin ka geystay dowladaha Talyaaniga iyo Jabuuti, ayada oo ciidanka tababarka loo soo xiray ay ka tirsan yihiin Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed.

Ciidanka ayaa ah dufcadii 20-aad, sida uu shaaciyay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin oo maanta ciidankan cusub tababarka u soo xiray ayaa bogaadiyay dadaalka iyo dhabar-adeyga ay muujiyeen mudadii uu socday tababarkaan.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sanadihii dambe si weyn loo tayeynayay, ayada oo dhowrkii bilood ee u dambeysay ay soo baxeen dafcado cuusb, oo qaarkood ay tababarka ku qaateen dugsiga tababarrada ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye.

Ciidankaas ayaa hadda qeyb ka ah booliska Soomaaliyeed, iyagoona ka qeyb qaadanaya dadaalada lagu xakameynayo dhagarta kooxaha argagixisada ay bulshada Soomaaliyeed u soo maleegaan.

Si kastaba, ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa xilligaan dagaal kula jira kooxda Al-Shabaab, ayada oo dowladda sheegtay inuu qorshuhu yahay in muddo kooban lagu soo afjaro kooxda.

Daawo: Shacab careysan oo maanta dibad-bax ka dhigay MUQDISHO + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadweyne careysan oo maanta isugu soo baxay  Muqdisho ayaa dibad-bax cabasho ah ka dhigay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Shacabka isugu soo baxay halkaas ayaa kasoo horjeeday dilka loo gaystay Sayid-Cali Cabdi Cadde oo kamid ahaa saraakiisha ciidanka Xoogga dalka oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerar la sheegay inay habeen hore gurigiisa oo ku yaalla degmada Boondheere ku qaadeen ciidamada dowladda.

Qaar kamid ah dibad-baxayaasha oo ka hadlay falkaasi ayaa faah-faahin ka bixiyay sida ay wax u dhaceen, ayaga oo sheegay inay ka xun yihiin dilka sarkaalkaasi.

“Sayid-Cali isaga oo gurigiisa joogo cadowga uu furimaha kula dagaalamaayay asoon dilin ayaa nin shaatiga uu wato la wato dilay” ayay tiri gabar kamid ah dibad-baxayaasha.

Sidoo kale ehellada marxuumka oo ka qayb-galay dibad-baxa ayaa sheegay in aanay aasi doonin maydka, illaa laga soo qabanayo dambiilayaasha.

Waxaa kale oo ay farriin u direen dowladda, gaar ahaan madaxweynaha, taliyaha NISA iyo hay’adaha garsoorka ee dalka.

“La aasi maayo Sayid-Cali, illaa cadaalad aan ka helno dowladda waxaan ka rabnaa cadaalad” ayuu yiri mid kamid ah ehellada marxuumka.

Allaha u naxariistee Saydi-Cali Cabdi Cadde oo ahaa sarkaal dhalinyaro ah ayaa kamid ahaa ciidanka lagu soo tababaray Eritrea, wuxuuna ka qayb-qaatay howlgallada xoreynta ee ka socda gobollada dhexe, wuxuuse ugu dambeyn ku baxay isla gacanta ciidanka dowladda.

Golaha wasiirada oo ansixiyay heshiisyo lala soo galay Turkey iyo dal kale + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana goobjoog ahaa inta badan xubnaha Golaha.

Shirka ayaa lagu ansixiyay heshiisyo ay dowladda federaalka lasoo gashay dalalka Turkiga iyo Pakistan, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Heshiiska Turkiga lala soo galay ayaa ku saabsan Iskaashi dhinaca Garsoorka oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ay dhawaan wada gaareen Ankara iyo Muqdisho.

Heshiiska Garsoorka ee Soomaaliya iyo Turkiga oo ka kooban afar qeybood ayaa diiradda saaraya dhinacyada kala ah; iskaashi, Gargaarsi sharciyeed, Dhiibid eedeysanayaal ama dembiileyaal iyo Wareejin Shakhsiyaad xukuman oo xabsi ku jira.

Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey Heshiis Iskaashiga oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan, kaas oo aysan faah-faahin dheeraad ah ka bixin xukuumadda.

Intaas kadib shirka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee dalka iyo howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah looga dhagaystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.

Labada wasaaradood ayaa sheegay in howlgalladu u socdaan sidii loo qorsheeyay dhawaana qorshuhu yahay in la dardargeliyo dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

Muddooyinkii u dambeeyay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo galeysay heshiisyo caalami ah, waxaana ugu dambeeyay kan difaaca ee ay lasoo gashay dowladda Turkiga.

 

 

Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho + Bartilmaameedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay qaybo kamid ah deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo gaystay waxyeello kala duwan.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay xaafadda Jabad Geelle, waxaana lala eegtay gaari ay leedahay Shirkadda Korontada Ee BECO.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in gaariga la qarxiyay oo haa booyad uu dab qabsaday, isla markaana ay ku burburtay goobta.

Sidoo kale waxaa dhaawac culus uu soo gaaray darawalka baabuurka, kaas oo loola soo cararay mid kamid ah isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano dheeraad ah ka wada halkaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka deegaanka iyo Shirkadda BECO oo ku aadan weerarkaasi qaraxa ah ee maanta ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarkan waxaa ka horreeyay mid kale oo todobaadkan deegaanka Garasbaaley lagula eegtay gaari ay leedahay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, kaas oo lagu dilay lix kamid ahaa shaqaalaha shirkadda.

Lama oga cidda ka dambeysa weeraradan, balse dowladda ayaa ku eedeysay kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, balse iyagu ma sheegin beegsiga lagu hayo shirkadahaasi.

Maxaa laga filan karaa maamul goboleedyada kadib go’aankii R/W Xamza?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib hadal-jeedintii ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo maalin kahor ku dhowaaqay in doorashada soo socota aan dib loogu laaban doonin Teendhada Afisoone ayaa waxaa isa soo soo taraya falcelinta laga bixinayo go’aanka ra’iisul wasaaraha dalka.

Arrintan ayaa dhalisay hadal-hayn xoogan, waxaana durbo ka horyimid siyaasiyiin kala duwan oo uu kamid ah agaasimihii hore NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo rag kale.

Madaxda maamul goboleedyada ayay sidoo kale suuragal tahay inay ka horyimaadaan arrinta uu ka dhawaajiyay Xamza, sida uu qabo xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka falceliyay khudbadda ra’iisul wsaaraha.

Jeesow oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa sheegay in maamul goboleedyada laga filan karo inay beddalaan go’aanka ra’iisul wasaaraha, dibna loogu laabto Teendhada Afisyoone.

“Waa suurtagal waxa uu ra’iisul wasaaraha ku khudbeynaayay inay beddalaan dowlad goboleedyada iyo nimanka kale ee mucaaradka ah oo ay yiraahdaan Teendhada hala aado, laakin annaga baarlamaan ahaan waxaan ansixinay inay doorashada u dhacdo hal qof iyo hal cod” ayuu yiri Daahir Amiin Jeesow.

Xildhibaanka ayaa taageero u muujiyay ra’iisul wasaaraha, wuxuuna sheegay inuu rabo in aan dib loogu laaban Teendhada, si loo qabto doorasho dadweyne oo qof iyo cod ah.

“In mar walba Teendhada lagu noqdo aniga ma qabo, waana ku raacsanahay hadalkaas ra’iisul wasaaraha oo ah mid u hiilinayo dadka Soomaaliyeed” ayuu mar kale yiri Jeesow.

Waxaa kale oo uu ka warbixiyay sida loo qaban karo doorasho qof iyo cod ah, maaadaama dhibaatooyin xoogan ay weli ka jiraan gudaha dalka.

“Haddii xittaa la tagi Karin tuulooyinka hala geeyo sanduuqyada doorashada magaalooyinka waa wayn ee ay gacanta ku heyso dowladda, xisbina haloo tartamo” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan at taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka, kaas oo ka biyo diideen mucaaradka iyo Puntland.

Arrinta cadeyneysa in Xasan iyo Xamza daacad ka ahayn dooraasho qof iyo cod ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii kasoo yeeray ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ee ahaa in xukuumadda ay ka go’an tahay in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah.

Xamza ayaa yiri “Annaga ma qarineyno, beenna kama sheegayno, way noo caddahay waana ku shaqeynaynaa mar kale in aanaan ku laaban doorashadii teendhada. Qofkii raba in aan ku sii soconno ha ogaado waagii dhaweyd halistii aan galnay, masuuliyadda na saaran ayaa na faraysa in aanaan ku laaban wixii la soo maray.”

Si kastaba, Thaabit ayaa soo bandhigay qodobo muujinaya in dowladda aysan dhab ka aheyn inay fuliso doorasho qof iyo cod ah, islamarkaana ay isku dayeyso muddo kordhin inay sameysato

Hoos ka aqriso qoraalka Thaabit.

Inaan teendhadii loo laaban waxaa daliil u noqon kara in Gobolka Banaadir laga qabto doorasho qof iyo cod oo xor iyo xalaal ah maadaama shacabka Muqdisho diyaar u yihiin doorasho xalaal ah.

Muddo kordhin 1 sanno ayaa loo sameeyay Dowlad Gobolleedyada, ujeedaduna aheyd qabashada doorasho qof iyo cod November 2024 iyo in Gobolka Banaadir laga qabto doorasho qof iyo cod Golaha Deegaanka iyo Duqa Muqdisho June 2024 oo bil kaliya ka harsan tahay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya muddo kordhin kale miyaa u madlan mise 6 bil waa lagu qaban karaa doorasho qof iyo cod Dowlad Gobolleedyada?

Dowladda Federaalka waxay ummadda ka sugeysaa iney jiheyso doorashooyinka Dowlad Gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir maadaama lagu jiro xilligii loogu baahida badnaa go’aan masiiriya oo waaqaca dalka ka turjumi kara.

Daawo: Abgaal oo soo saaray qodobo ay Guudlaawe uga dalbanayaan inuu is-casilo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxgaradka iyo Duubabka dhaqanka ee beesha Abgaal oo maalmahaan ku shirsanaa Muqdisho ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray xaaladda maamulka HiiShabeelle, iyagoo farriin u diray madaxweyne Cali Guudlaawe.

Bayaanka laga soo saaray shirkaas waxaa ugu horeyn lagu sheegay in Cali Guudlaawe uu ku fashilmay hoggaaminta maamulka HirShabeelle, iyagoo ka codsaday inuu ka tago shaqada, si loo helo jaanis wax lagu xaliyo.

Waxgaradka Abgaal ee warkaas soo saaray waxay sheegeen in HirShabeelle ay kala go’day oo Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe aysan ku mideyneyn maamulka uu hoggaamiyo Cali Guudlaawe.

Sidoo kale, Abgaal waxay sheegeen in labada Gobol ee maamulkaas uu ka arrimiyo ay yihiin gobollada ugu qanisan dalka, balse hadda ay yihiin labada gobol ee ugu nasiib kara daran Soomaaliya, iyagoo sababteeda dusha ka saaray madaxweyne Cali Guudlaawe.

Qeybihii dambe ee bayaanka ka soo baxay waxgaradka Abgaal oo xildhibaan Cali Saciid Sheekh Maxamed uu u akhriyey warbaahinta ayaa laga soo saaray qodobada kala ah:

1- In Madaxweyne Cali Guudlaawe uu ka tanaasulo hoggaaminta HirShabeelle, sababtoo ah wuxuu qeyb ka yahay qacabadaha maamulka, sidaas darteed xalka qeyb kama noqon karo.

2- Waan iclaamineynaa shirweyne ay isugu imaanayaan dhamaan waxgaradka, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka HirShabeelle, si looga tashado dhismaha HirShabeelle cusub.

3- Waxaan ugu baaqeynaa Madaxweyne Xasan Sheekh inuu si dhow ula socdo xaaladda HirShabeelle.

Hoos ka daawo

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Beledweyne iyo barakac ka bilowday kadib…

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka taagan tahay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaas oo ay xalay ka da’een roobab mahiigaan ah.

Roobabkan oo socday in ka badan afar saacadood oo xiriit ah ayaa ka da’ay xaafadaha magaalada Beledweyne, kuwaas oo saameyn ku yeeshay shacabka ku dhaqan halkaasi.

Biyaha ayaa gudaha u galay qaar kamid ah xaafadaha degmada Beledweyne, taas oo kordhisay xaaladda adag ee ka jirta magaaladaasi oo xarun u ah gobolka Hiiraan.

Xaafadaha ugu daran ee dhibaatada laga soo wariyay ayaa waxaa kamid ah Kooshin iyo Xaawo Taako oo shacabku bilaabeen inay isaga barakacaan guryahooda.

Barakacayaasha ayaa intooda badan gaaray bariga magaalada, gaar ahaan deegaanka Ceel Jaale oo ay inta badan dadka ku barakacaan mar kasta oo ay fatahaad dhacdo.

Saameynta ugu daran roobabkan fatahaadaha wata waxa ay saameyn ku yeesheen dadka danta yar ee ku jira kaamamka barakac ee ku yaalla magaalo madaxda gobolka Hiiraan.

Sidoo kale maamulka degmada ayaa wada gurmad iyo dadaallo lagu samata bixinayo dadka ay saameeyeen roobabka xoogan ee xalay ka da’ay magaalada Beledweyne.

Dhinaca kale waxaa hakad galay duulimaadyada diyaaradaha, maadaama roobabka ay saameeyeen garoonka Ugaas Khaliif oo muhiim u ah isticmaalka dadka shacabka ah.

Sanad kasto fatahaad xoogan iyo daadad ayaa ku dhufto magaaladaan oo uu dhex maro wabiga Shabelle, waxaana khasaaraha ugu badan uu soo gaaraa dadka rayidka ah.

KENYA oo weerar ku dishay ku dhawaad 10 Shabaab ah

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Kenya ayaa maanta howlgal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka fuliyay qaybo kamid ah gobolka xeebta ee Lamu.

Ciidamada ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanay aagga kaymaha deegaanka Kumba ee gobolka Lamu.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaasi lagu dilay ugu yaraan 6 ka tirsanaa Al-Shabaab, kadib markii ay ciidamadu ugu tageen goob ay ku dhuumaaleysanayeen.

Sidoo kale ciidamada ayaa soo furtay sahay muhiim ah oo ay ka carareen Alshabaab, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan booliska dalka Kenya.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaar ka mid ah Shabaabka ay u suurtagashay in ay baxsadaan, kuwaas oo ay weli ku raadjoogaan ciidamada ammaanka ee dalka.

Sarkaal sare oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa farriin u diray dadka deegaanka, wuxuuna ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, maadaama xubnaha baxsaday ay dib usoo abaabuli karaan weeraro ay ka fuliyaan waddooyinka waa wayn ee gobolka.

“Shacabka waxaa lagula talinayaa in ay feejignaadaan sababtoo ah howlgalku wuxuu horseedi karaa dhaq-dhaqaaqyo kordhay oo kooxda ah, gaar ahaan tirada argagixisada dhaawaca ah ayaa lagu soo waramayaa inay badan tahay,” ayuu yiri sarkaal u hadlay Kenya.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guusha ka sheegatay dowladda Kenya oo kamid ah dalalka la dagaalama kooxda.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada Kenya ayaa kordhiyay howlgallada ay ka wadaan deegaanada dhaca xuduuda, si looga hortegao weerarada kooxda Al-Shabaab.

Mareykanka oo Ruushka ku eedeeyay inuu jabiyay xeerka hubka

Washington (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa Arbacadi shalay Ruushka ku eedeeyay inuu jebiyay, xayiraadda caalamiga ah ee saaran hubka ka sameysan suntan kiimikaca ee Kolorobikiin oo ah kiimiko dadka neefta ku xirta.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ku eedeysay Ruushka, in suntan uu u adeegsaday ciidamada Ukraine. Waxay kaloo waaxdu sheegtay, in ciidanka Ruushka ay sidoo kale dagaalka Ukraine u adeegsadeen kiimikada dadka lagu kala eryo ee waxyeelleysa indhaha, cunto-mareenka, sambabka iyo afka.

Mareykanku wuxuu sheegay in isticmaalka kiimakooyinkan ee ciidanka Ruushka aysan ku koobneyn hal dhacdo, balse ay qeyb ka tahay damaca Ruushka uu ku doonayo inuu dhufeysyada uga saaro ciidamada Ukraine iyo inuu libin ka gaaro xeeladihiisa dagaalka.

Dhaleeceyntan ayaa kusoo beegantay xilli uu Ruushka Arbacadi shalay gantaal baalistik ah ku bartilmaameedsaday magaalada dekadda leh ee Odesa ee dalka Ukriane, weerarkaas oo ay ku dhinteen shan qof.

Voa

Maxkamadda Dambiyada oo soo saaraysa amar lagu soo xirayo madaxda Israel

Tel Aviv (Caasimada Online) – Madaxweynaha Israa’iil ayaa maanta ku booriyay xulafada Israel inay diidaan dadaallada loo adeegsanayo Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee ka dhanka ah dagaalka Israel ay ka waddo Gaza, isagoo ka digay” halista ku wajahan dimoqraadiyadda meel kasta oo dunida ah.

Kulan uu magaalada Tel Aviv kula yeeshay xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken, madaxweyne Isaac Herzog waxa uu ku nuuxnuuxsaday awoodda nidaamka sharci ee Israa’iil iyo ixtiraamka sharciga, waxaanu diiday baaritaan ay Maxkamadda ICC ku hayso hab-dhaqanka Israa’iil ee dhulka Falastiiniyiinta.

“In la isku dayo in Maxkamada Caalamiga ah ee Dambiyada loo adeegsado Israa’iil oo la dagaalameysa argagaxisada, waxay halis cad oo taagan ku tahay Dimuqraadiyada iyo dalalka xorta ah ee nabadda jecel ee raacaya qawaaniinta sharciga caalamiga ah,” ayuu u sheegay suxufiyiinta.

“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan xulafadayada iyo asxaabtayada inay diidaan oo ay diidaan dadaal kasta oo noocaas ah.”

Hadalkiisa ayaa soo baxay iyadoo ay jiraan warar sheegaya in mas’uuliyiinta Israa’iil ay ka cabsi qabaan in maxkamadda fadhigeedu yahay magaalada Hague ay dhawaan soo saarto amarro lagu soo xirayo madaxda Israel qaarkood.

Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa la sheegay in uu arrintan kala hadlay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden isaga oo wacay dhamaadkii toddobaadkan.

Netanyahu wuxuu ku adkaystay goor dambe oo Talaadadii ah fariin uu soo dhigey barta Telegram “ma jiro go’aanka Hague ama mid kale, oo sinaba u dhaawici doona go’aankeena ah inaan gaarno dhammaan yoolalka dagaalka”.

Ujeedada tallaabadan, ayuu yiri haddii la fuliyo, waa in loo hanjabo madaxda iyo askarta dawladda Israa’iil, taas oo asal ahaan lagu curyaaminayo awoodda dawladda Israa’iil ee is-difaaca, ayuu yiri.

“Israa’iil waxay filaysaa in hogaamiyayaasha caalamka xorta ah ay si adag uga soo horjeestaan tallaabadan fadeexadda leh.”

Mareykanka ayaa Isniintii sheegay in uu ka soo horjeedo baaritaanka ICC-da.

VOA

Maxaad ka ogtahay arrinta dhashay musuqa ‘xarkaha goostay’ ee Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Marka maqasho ereyga musuq oo lala xiriiranayo hay’addaha dowladdaada, waxaa durba kugu soo dhacda lacag la xaday ama hanti dowladeed oo sifo sharci darro ah lagu qaatay, iyada oo laga faa’iideysanayo fursad xukun heerka ay doontaba ha leekaate.

Laakiin weli ma isweydiisay marka dowladnimada laga hadlayo musuqa jeebka yaa dhalay?

Ereygaan meel ku qoro musuqa jeebka waxaa dhalay musuqa xilalka. Si aad u fahamto qodobkan isweydii imisa qof ayaad taqaana maanta, kuwaas oo loo dhiibay shaqo dowladeed oo aanay aqoonteeda laheyn, tartan ku helin, tii oo dhinaca kale laga yaabo in qofkaas uu leeyahay diiwaan xatooyo oo hore.

Shaqooyinka dowladdeena badi laguma bixiyo aqoon, ammaano, mudnaan iyo tartan. Tani waa heer walba oo dowladdeena ah.

Markii uu qofka qabto kursi uu xitaa isagu ogyahay in uusan u qalmin oo aqoonteedii laheyn, kartina lagu siinin, balse beddelkeeda lagu siiyay reer ahaan, saaxiibtinimo ahaan iyo maalmo ku noolow.

Dabcan waxa ugu weyn ee uu kari karo waa inuu wax dhaco, kumana sii jirto markii uu arko qofkii isaga magacaabay oo isagna wax xadaaya. Qof xilka lagu siiyay si musuq-maasuq ah sidee loo dhihi kara waxba ha musuqin.

Sidoo kale markii aad magacowdo wasiir ama maareeye xatooyo ku suntan, sidee u rajeynaysa in shaqaalaha ama askariga ugu hooseeya uusan waxba xadi doonin.

Si ay Soomaaliya uga adkaato musuqa jeebka waa inay marka hore ka adkaato musuq-maasuqa xilalka, oo shaqooyinka muhiimka ah ee dowladda lagu bixiyaa aqoon, karti, amaano iyo mudnaan.

Qofkii si sharfan oo aqoon iyo cadaalad wadata ku yimaada kursiga ayaa dhisi kara hay’ad dowladeed oo sharfan, kana dhowrsan kara dhaca hantida umadda. Illaa ay madaxda Soomaalida joojiyaan musuqa xilalka lagama adkaan karo musuqa jeebka.

Xogta kursi ka banaan Aqalka Sare oo la amray in la buuxiyo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta soo saaray warqada amreysa in la soo buuxiyo kursiga UH#16.

Kursigan oo deegaan doorashadiisu tahay dowlad-goboleedka Galmudug, ayaa waxaa dhawaan ka geeriyooday Allaha u naxariistee Senator Cabdi Xareed.

“Waxaan lagama maarmaan ah u arkay buuxinta kursiga tirsigiisu yahay UH#16, si ay u helaan metelaad muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xaqa u leh kursiga,” ayuu Guddoomiye Cabdi Xaashi ku yiri warqadda uu maanta soo saaray.

Sidoo kale waxa uu ku yiri “Waxaa la idinka codsanayaa in aad soo buuxisaan kursiga kor ku xusan idinkoo u maraya habraacyadii lagu soo dhigay Baarlamaanka 11-aad.”

Warqadda kasoo baxday guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BJFS ayaa waxay si toos ah ugu socotay madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Qoor-Qoor, ayada oo ‘og’ la siiyay madaxweyne ku-xigeenka maamulka iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug.

Kursigan oo ka mid ah kuraasta deegaan doorashadooda tahay Galmudug ayaa waxaa loo saadaalinayaa in loo doorto Cabdiweli Ibraahim Garyare oo hadda ah Maareeye ku-xigeenka hay’adda duulista rayidka.

Doorashada kursigan ayaa lagu wadaa inay dhawaan ka dhacdo Galmudug, maadaama uu guddoomiye Cabdi Xaashi amray in si dhakhso ah loo soo buuxiyo, isaggoo sheegay ahmiyadda ay u leedahay Aqalka Sare soo buuxinta kursigaan, “si uu Aqalka Sare u guto hawlihiisa Dastuuriga ah iyada oo xubnihiisu dhameystiran yihiin”.

Sawirro: Wafdi culus oo ka socda Turkiga oo maanta Muqdisho yimid + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi ka socda dowladda Turkiga ayaa maanta doo gaaray magaalada Muqdisho, kaasi oo uu horkacayo wasiir ku-xigeenka wasaaradda caddaaladda ee dalka Turkiga, Niyazi Acar.

Wasiir Niyazi iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa garoonka magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wasiirka wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka Soomaaliye Xasan Macallin Maxamuud.

Soo dhaweynta wafdigan ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa safiirka dalka Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktaş iyo diblomaasiyiinta safaaradda Turkiga.

Wasiir ku-xigeenka caddaaladda Turkiga Niyazi Acar ayaa wasiirka caddaaladda iyo arrimaha dastuurka Soomaaliya uga mahad-celiyay soo dhaweyta diirran ee isaga iyo wafdigiisa loo sameeyay.

Labada wasiir ayaa inta wafdigu uu Muqdisho joogo yeelan doona kulamo ay uga wada-hadlayaan ajendayaal dhowr ah oo ay ugu weyn tahay xoojinta xiriirka arrimaha caddaaladda iyo garsoorka ee labada dal.

Booqashada rasmiga ah ee wafdigaan ayaa timid kadib safarro shaqo oo uu hore wasiir Xasan Macallin Maxamuud ku tagay dalka Turkiga. Iyada oo wafdigaan dalka ku yimid casuumaad uu wasiirka u fidiya.

Shalay ayay aheyd markii uu magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka uu yimd madaxa hay’adda sirdoonka qaranka Turkiga Ibraahim Kalin, oo isla shalay la kulmay madaxweyne Xasan Sheekh iyo agaasimaha hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya Cabdullaahi Sanbaloolshe.

Turkiga ayaa ah saaxibka koowaad ee Soomaaliya, wuxuuna ka taageeraa dhinacyada bani’aadanimada iyo milatariga, isaga oo tababaro siiyo ciidamada xoogga dalka, kana taageera howl-gallada socda dhanka cirka.

Xasan oo qoraal cusub soo saaray – Maxaa ku qoran?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa manta soo saaray qoraal, kaasi oo ku saabsan munaasabadda maalinta shaqaalaha adduunka ee 1-da May.

Madaxweynaha ayaa marka hore dhambaal hambalyo ah u diray dhammaan shaqaale weynaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, isaga oo ayaa tilmaamay muhiimada ay shaqaalaha Soomaaliyeed u leeyihiin dowladnimadeena.

Waxa uu xusay in dowladda ay xoogga saartay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed, iyada oo la dardar-geliyey dadaallada ku aaddan xoojinta iskaashatooyinka dalk.

Sidoo kale waxa uu faray dhammaan mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay in ay ilaaliyaan xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed.

“Waxaan Shaqaale weynaha Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa, Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May. Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa ay ku suntanyihiin hawl-karnimo, hufnaan iyo dhabar adayg, waxaana ku amaanayaa kaalintooda muhiimka ah ee ay xilligaan ka qaadanayaan halganka dib u xoreynta iyo horumarinta dalka,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay doorka taariikhiga ah ee shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sooyaalka dalkeenna, dowlad-dhiska iyo difaaca Qaranka, isaga oo u duceeyey waalidiinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku naf waayey iyaga oo maskaxdooda iyo muruqooda ugu adeegaya dalkooda.

Xasan Sheekh iyo madaxda dowlad goboleedyada miyey kala shakiyeen?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda maamullada weli isku dhinac uma socdaan.

Iyada oo dhawaan uu baaqday shir ay labada dhinac qaadan lahaayeen ayaa wararka hoose ee la helayo ay muujinayaan rejo ah inuu shirka dib u qabsoomi karo bisha May ee maanta bilaabatay.

Shirka kahor waxaa jira xiriiro gaar-gaar ah oo madaxweyne Xasan Sheekh uu la yeeshay qaar kamid ah madaxda maamullada.

Waxaa ugu weyn ee laga sii wada-hadlayo waa doorashada madaxda maamullada. Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa la sheegaa inuu ku qanacsan yahay in aanay maamullada bisha Novermber ee sanadkaan qaban karin doorasho qof iyo cod ah, taas oo aan illaa hadda wax shaqo ah laga qaban, halka uu sidoo kale si xooggan u diidan yahay in maamullada u ogolaado inay qabsadaan doorasho dadban, taas oo hadey dhacdo isagana ku celinaysa teendhada Afisyoone.

Mar haddii aanay maamullada lixda billood ee soo aadan ku qaban karin doorasho qof iyo cod ah, madaxweynuhuna uusan ogoleyn mid dadban dookha haray waa muddo kororsi.

Mid kamid ah madaxda maamul goboleedyada ayaa laga soo xigtay inuu madaxweyne Xasan Sheekh rabo inuu siiyo muddo kororsi hal sano ah afarta maamul goboleed ee Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, kaas oo ka bilaabanaya May 2024 kuna eeg May 2025.

Balse waxa uu sheegay hoggaamiye goboleedkaas in aanay iyagu ku qancin muddo kororsi labo sano ka yar, kaasi oo ka bilaabanaya May 2024 kuna eeg May 2026.

Sidoo kale shuruudda ay wataan madaxda maamullada waa in Villa Somalia toos ugu dhawaaqdo muddo kororsigaas cusub, oo aan laga dhigin go’aan ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Qodobkaan waa is-qaameyn siyaasadeed, maamullada waxay aaminsan yihiin in Xasan Sheekh uu rabo inuu sanadkaas ku meel-marsado sharciga doorashooyinka, sharciga axsaabta, kuna dhisto guddiga doorashada isagoo saddexdaba ku saleynaya rabitaankiiea gaarka, kadibna markii la gaaro May 2025 oo ay isaga hal sano u dhiman tahay inuu dhamaantood daadiyo kuna beddesho koox isaga kala shaqeyn karta rabitaankiisa heer federaal, taas oo ay madaxda maamullada aad u fahamsan yihiin una diidan yihiin.

Sababta dhinaca madaxweyne Xasan Sheekh iyaguna uga cago-jiidayaan inay bixiyaan muddo kororsi labo sano ah waa in haddii la isla gaaro May 2026 inuu waqtigoodu dhamaanayo, sidaas darteed madaxweyne aan sharciyad haysan cidna doorasho ma gelin karo oo tiisa ayaa u baahan in laga heshiiyo, sidaas awgeed waxay rabaan inay halka sano ku dirqiyaan maamullada oo ay danahoodana ku gaaran.

Waa xarig jiid culus, hal sano madaxda maamullada ayaa ku dhib qaba, laba sano waa Xasan Sheekh oo sharciyad la’aan ah oo aan maamullada waxba kaga duwaneyn.

Madaxweyne Xasan Sheekh gorgortanka nuucaan ah keligii ayaa galaaya, isaga oo waayahan dambe la sheegay inuu taladdii u diiday saaxiibadii wax lasoo dhistay. Dhowr xubnood oo kooxdiisa kamid ah oo arrimahan wax ka weydiinay waxay qabaan walaac xooggan oo ku saabsan in siyaasad ahaan loo dhiman karo nuuc walba oo muddo kororsi ah oo la siiyo maamullada.

Madaxda maamullada qaar ayaa ka fekeraaya in haddii uu madaxweyne Xasan Sheekh u diido muddo kororsi laba sano ah inay qabsadaan doorashooyin iskood ah, taas oo dhalin doonta buuq iyo qalalaase siyaasadeed oo horleh.

Madaxweyne Xasan Sheekh marka la eego marxaladda uu maanta ku jiro dhaqaale ahaan, maqnaashaha Puntland, niyad-jabka beesha caalamka iyo kalsooni xumada ka muuqata saaxiibadii wax la dhistay, waa ku qasban yahay inuu wax walba u sameeyo sidii uu kusii haysan lahaa afartaan maamul goboleed ee HirShabelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland.