25.1 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Maxaa ka socda dhulka qabuuraha iyo toogashada Iskuul Buluusiyo ee Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Fadeexadaha dhulalka ee ka taagan magaalada Muqdisho waxay markaan ku fideen qabuuraha.

Waxaa shalay qabuuraha Iskuul Buluusiyo laga saaray meydad uu ku jiray meydka Allaha u naxariiste majaajilistihii caanka ahaa Cabdi Muriidi Dheere oo caan ku ahaa naaneysta Ajakis, kaas oo qabuurahaasi lagu aasay dhowr sano kahor.

Qoyskiisu waxay sheegeen in lagu wargeliyay in dhamaan meydadka laga saari doono dhulkaasi ayna kooda la baxaan. Laakiin ma aanay sheegin cidda amarkaasi bixisay.

Xogo soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in qoyska lagu cadaadiyay inay ereygaasi ka laabtan, oo ay ku beddelaan inay iyagu khiyaarkooda ula baxeen.

Laakiin duruufta dib loogu soo faagi karo meyd saddex sano la aasay waa la fahmi karaa in aanay aheyn khiyaar caadi iyo howl fudud.

Qabuurahan ayaa la sheegay in marhore darbi lagu wareejiyay, dadka qaarna si hoose loogu wargeliyay inay meydadka ehelkooda la baxaan.

Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh iyo cid walba masuuliyad ayaa ka saaran xurmaynta meytada, laakiin madaxda bixisay amarkaasi dadka ma siinin dhul kale oo meydadka ku aastan.

Goobuhu waa labo qeybood, waa qeybta qabriyada iyo qeybta toogashada. Dadka qaar ayaa sheegaya in ganacsato la siiyay qeyb kamid ah dhulkaasi.

Halka xubno ka tirsan dowladda oo la hadalnay ay iyaguna ku doodayaan in qabuuraha loo socon oo la rabo qeybta toogashada iyo dhul u dhow, halkaasina laga dhisi doono xero ciidan.

Maamul xumo, damac yaab leh iyo duulaankii dhulalka oo halkoodii kasii socda ayay noqoneysa farriinta naxdinta leh ee ka timid qabuuraha Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho.

Daawo: Sayid Cali oo arrimo xasaasi ah ka hadlay: Waxaa la’iigu hanjabay dil kadibna…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sayid-Cali Macallin Daa’uud oo loo haysto inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamed ayaa mar kale maanta kasoo muuqday maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir oo fadhigii labaad maanta ka yeelatay kiiskan xasaasiga ah.

Sayid-Cali oo su’aallo lagu waydiiyay maxkamadda ayaa ka jawaabay arrimo xasaasi ah oo wax laga waydiiyay, kuna saabsan kiiskan oo ay isha ku wada hayaan dadka Soomaaliyeed.

Ninkan ayaa qirtay inuu shidaal soo iibsaday, isla markaana dabka uu qabad-siiyay guriga, isaga oo sheegay in ujeedkiisa uu ahaa inuu gubo alaabta taalay guriga.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu isku dayay in xaaskiisa oo gubaneysay uu bad-baadiyo, isagana ay waxyeelo kasoo gaartay dhegaha iyo gacan, sida uu ka hor sheegay maxkamadda.

Waxaa kale oo uu ku dooday in falka kadib dad badan ay kusoo xoomeen, kadibna ay ugu hanjabeen inay dilayaan, isaguna uu sidaas ugu cararay gaarigiisa, uuna aaday suuqa Xoolaha, kadibna uu usii cararay gobollada dhexe ee dalka oo ah goobta laga soo qabtay

“Aniga dad badan ayaa igu soo cararay oo iigu hanjabay inay i dilayaan, anne sidaas ayaa uga baxsaday guriga, maadaama ay xaafadda dagan yihiin qoyska xaaskeyga” ayuu yiri.

Dhinaca kale waxaa maxkamadda kasoo muuqday marqaatiyeyaal cusub, sida gabar kamid ah dariska iyo Dr Ciise oo ah dhaqtarkii u horreeyay ee loo geeyay marxuumadda.

Faadumo Abuukar oo kamid ah dariska marxuumadda ayaa ka hor hadashay maxkamadda, waxayna sheegtay inay aragtay Luul oo gubaneyso, isla markaana Ashahaadaneyso.

“Albaabka waxaa taagnayd marxuumad Luul oo Ashahaadeynao, isla markaana gubaneyso, waxayna dalbaneysay caawinaad” ayay tiri Marqaati Faadumo.

Sidoo kale waxa ay sii raacisay “Aniga waxay igu tiri eedo i caawi, kadibna sidaas ayaan ku qaadnay aniga iyo dad kale, waxayna igu tiri intii aan sii wadnay lmaheyga waa Agoon, haddana ma rajoobi doonaan?”

Waxaa gabagabadii soo xiray fadhigan guddoomiyaha maxkamadda racfaanka oo sheegay in doodda ay sii socon doono fadhiga kalena lagu go’aamin doono dhageysiga dacwaddan.

Horay waxaa Sayid-Cali xukun dil toogasho ugu soo xukuntay maxkamadda darajada 1-aad ee gobolka Banaadir, kadib markii ay sheegtay in lagu helay dambiga lagu soo eedeeyay.

Si kastaba, haddii mar kale Sayidcali ay maxkamadaani ku xukunto dil toogasho ah, waxaa u furan inuu mar kale qaato racfaan oo kiiskaan uu u gudbo maxkamadda sare ee dalka.

Soomaaliya iyo Turkey oo ku ballamay 4 arrin oo waa wayn

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa mar kale yeeshay wada-hadallo xasaasi ah oo ku saabsan xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Wada-hadalladan ayaa waxaa si gaar ah u yeeshay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan oo isku arkay caasimada dalka Gambia ee Banjul, halkaa soo uu ka socdo shirka waddamada Islaamka.

Labada ma’suul ayaa ka wada-hadlay arrimo ku aadan xaaladda iyo xiriirka labada dhinac oo ah sii xoogeysanayay sanadihii lasoo dhaafay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo looga hadlay kulankan ayaa waxaa lagu sheegay in labada dhinac ay isku fahmeen xoojinta qodobadii ay kawada hadleen.

Saalax iyo Fidan ayaa sidoo kale ku ballamay in la xoojiyo in la xoojiyo Iskaashiga Amniga, Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo  Waxbarashada oo ay iska kaashanayeen labada dowladood.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah horumarinta iskaashiga ka dhexeeya labada waddan oo soo billowday  sanadkii 2011kii oo xiligaas Turkigu uu dalka kusoo galay caawinta dadkii abaartu saamaynta taban ku reebtay.

Kulankan wuxuu kusoo aaday, xilli todobaadyadii lasoo dhaafay ay labada dowladda galeen heshiisyo muhiim ah oo ugu horreeyo kan difaaca biyaha Soomaaliya.

Turkiga ayaa ah saaxibka koowaad ee Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ka qayb qaataa dhismaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee la dagaalama Al-Shabaab.

XASAN SHEEKH markii uu hadli waayey ayaa loo hadlay

Maaddada la dhaho “Political Communication” waxaa lagu bartaa muhiimadda ay xiriirka iyo la-hadalka dadku u leeyihiin fulinta ajandayaasha iyo siyaasadaha dawladda. Marka la isku xiraayo Siyaasadda iyo Xiriirka, waxaa la yiraa “Siyaasaddu waa hawl iyo hadal isla socda”. Haddii labadaas mid la waayo, kan kale waxba ma tarayo. Siyaasad hadal keliya ah waxaa fashilinaya hawl-la’aan. Mid hawl keliya ahna waxaa fashilinaya hadal-la’aan!

Waxaan isku dayay inaan baaro xogta ku saabsan Qubuuraha la faagayo. Waxaan maqlay in dhulka loogu talogalay saldhig ay Turkigu u dhisayaan si loogu tababbaro ciidamo badda ah oo Soomaaliya loo diyaarinayo. Waa qeyb ka mid ah heshiiskii difaaca ee dhex maray labada dal, kaasoo ay dadka Soomaaliyeed u wada riyaaqeen.

Dhulku waa dhul hore oo ay dawladdu lahayd, isla ciidamada ayaana isticmaali jiray. Laakiin halkaan waxaa ku jira dhawr nasiibdarro:

1. Ma badna warbaahin xogta raadisa. Waxaa lagu wada kaaftoomay oo xiiso yeeshay hadalhaynta baraha bulshada.

2. Dawladdu [gaar ahaan Madaxweynaha] muhiim u ma arkaan in dadweynaha lala wadaago xogta ku saabsan go’aannada dawladeed. Keliya waxaa laga war-helaa fulinta (enforcement). Waana tallaabada ugu dambeysa oo wixii ka horreeyay ee muhiimka ahaa laga soo gudbay. Waxay taas keenaysaa in la isku fasaxo dadweynaha iyo ciddii xog siin karta— waana cid aan ahayn ciddii xogta runta ah heysay.

3. Madaxweynuhu [sida waaqaca laga arki karo] waxa uu aaminsan yahay in aysan qiimo lahayn in dadka war lagu qanciyo, marba haddii waxqabad lagu qanco uu ka shaqaynayo. Laakiin waxa uu laba jeerba u shaqaynayaa mucaarad aanan iyagu shaqeysan karin. Wuxuu u dhisayaa kaabayaal dawladeed oo ay berrito asaga ka dhaxlaan. Inta uu dhismahaas ku jirana waxa uu isla iyaga fursad lama-helaan ah u siinayaa in shaqadaa horumarka ah ee ay berrito ka dhaxli doonaan ay maanta isla isaga ku sii dacaayadeeyaan oo ku sumcad-dilaan; maadaama uusan [isagu] bulshada u sheegaynin waxa uu qabanayo.

Dabciga siyaasaddu waa legdan luggooyaysan. Waxa ay ku shaqaysaa qaaciddada dhahda: “Ha ka fekerin wanaagga, ee ka feejignaaw cawaaqibta”. Balse Madaxweynaheennu waxa uu ka fekerayaa wanaagga (Virtues), halka ay mucaaradkiisuna ku foogan yihiin inay wanaaggiisaas kala soo dhex baxaan cawaaqib (Consequences) asaga u daran, iyagana u dan ah!

Labada dhinacba waxaan leenahay Nasiib Wacan!

Mohamed Dhaaley

Sawirro: R/Wasaare Xamza oo maanta furay kulan xasaasi ah oo looga hadlayey…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta furay kulan looga hadlayey horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa furitaanka kulanka ka sheegay dadaallada dowladda federaalka ee ku aaddan horumarinta dhaqaalaha loo dhan yahay oo xasilloon, xilli daba-yaqaada sanadkii tegay laga cafiyay Soomaaliya dhamaan deymihii lagu lahaa.

Kulanka aqoon isweydaarsiga ah oo ay goobjoog ka yihiin wasaaradaha wax-soosaarka dalka ayaa inta uu socdo waxa ay khubaro caalami ah oo ku xeel-dheer dhaqaalaha oo uu kamid yahay Proff Stefan Dercon, oo ah khabiir dhaqaale iyo bare wax ka dhiga Jaamacadda OXFORD ee dalka Ingiriiska kusoo bandhigayaa jihada lagu gaari karo dhaqaale oo horumarsan, kana tarjumaya yoolalka mustaqbalka lagu gaarayo isku filnansho dhaqaale.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa waxa kale oo uu tilmaamay sida ay Soomaaliya uga faa’iideysan karto goobteeda istiraatiijiga ah, dadkeeda hal-abuurka leh iyo xiriirada dhaqaale ee gobolka.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay sida ay muhiim u tahay in si wadajir ah loo shaqeeyo, si loo horumariyo qorshaha kobcinta dhaqaalaha iyo in laga faa’iideysto fursadaha jira.

Mudane Xamza ayaa kulanka ka sheegay muhiimadda ay leedahay in qorshaha horumarinta qaranka dib-u-casriyeyn lagu sameeyo, loona gudbo qorshe qaran oo cusub oo loogu magac daray NTP, kaasi oo diiradda saarayaa abuurista siyaasado iyo istiraatiijiyado dhaqaale oo taageeraya kobcinta dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo xoojinta xasilloonida dhaqaale.

Xogta kulan xasaasi ah oo dhex-maray R/W Xamza iyo safiirka Imaaraadka Carabta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta, Axmed Juma Al Rumaithi oo fadhigiisu yahay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane  Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Juma Al Rumaithi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday xaaladda gobolka, oo ay ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo culus oo ay ugu horreyso xiisadda heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya.

Imaaraadka ayaa kamid ah waddamada Carbeed ee xiriirka wanaagsan laleh Soomaaliya, kaas oo ka taageero dhinacyada dhaqaalaha, milatariga iyo arrimaha bani’aadanimada.

Waxaa kale oo uu Imaaraadka gacanta ku hayaa qayb kamid ah ciidanka Soomaaliya, kuwaas oo uu siiyo tababaro gaar ah iyo qalab milatariga.

Wada-hadalladan cusub ee dhex-maray Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan dowladda federaalka ay heshiis difaac lasoo gashay Turkiga, kaas oo la rumeysan yahay inuu ka soo horjeedo Imaaraadka oo isna dhaq-dhaqaaq ka wada dalka.

Maxaan galabsaday? – Gabar ka cabsi qabta sharci xasaasi ah oo farriin culus u dirtay BF

Waxa aan ahay gabadh Soomaaliyeed oo aan weligeed wanaag maahine, wax dhiba geysan, waxa aan ka hayaamey dalkaygii anigoo naf la carar ah, waxa aan tegay dal shisheeye oo aan dalkaygii ahayn.

Waxa aan galay sidaan nafteyda u horumarin lahaa, weligay bulshadeyda diinteyda iyo dhaqankayga kama guurin, magaca Soomaaliyeed wax aan taro maahine waxba uma dhibin

Hadda waxa aan ahay marwo la qabo, waxaa aan wax ku bartey oo wax la bartey dadyoow shisheeye ah maadaama aan yaraa dalka aan joogana Soomaalidu ku yarayd iyagaan la macaamiley oo xidhiidh naga dhaxeeyey.

Ugu dambeyn markaan dhammeystay waxbrashadeydii waxa aan xidhiidh yeelanay wiil caddaan ah oo yurubiyaan ah, waanu is afgaranay, waxaanna ku heshiinay inaan nolol wadaagno.

Waxa uu soo marey sidii diinta iyo dhaqanku oggolaayeen oo ah inuu reerkayga iga doonto iina guursado sida gabadh Muslim ah loo guursado.

Wiilku waa Muslim balse waa Yurubiyaan, taasi waa tan koowaad, waanna midka calafku ii galay ee Eebbe isku kaa qorey anigoo Afrika geeskeeda ka imid inaan badhtamaha Yurub ku kulano.

Ilaa maanta dalka iyo dibadda waxaa aan u taaganahay taageerada iyo taakuuleynta bulshadeyda anigoon u eegin gobolka iyo beesha uu yahay.

Waxa aan ilaa hadda gacanta ku hayaa waalidkay oo aan waajibkii ubad lagu lahaa gutaa, sidoo kale inta aan gacan la gaadho ee dadkayga ah.

Waxa aan hadda la murugaysanahay in baarlamaanka Soomaaliya yidhaahdo, Gabadha Soomaaliyeed ubadkeeda ma aqoonsani haddii uusan Soomaali ahayn.

Arrinta kale ee la yaabka leh baa ah, In wiilka Soomaaliyeed ee guursada gabadh reer kale ah uusan sharcigaasi qabanayn.

Haddaba maxaan galabsadey oo dalkayga xuquuqdii aan ku lahaa layga duudsiyey. Ma dambi iyo dakano ayaan galay?

Bulshada Soomaaliyeed waxaa burburiyey waa garsoor-xumo iyo sinaan la’aan, tanina waxa ay qayb ka tahay caddaalad darradii hore u jirtey.

Haddii uusan qof walba oo Soomaaliyeed helin xaqiisa waxaa iman doonta in la waayo dad lexejeclo dalka ka leh maxaa yeelay haddii qof walba tabashadiisa aan la dhegaysan
Waxaa dhici doonta in laysu garaabi waayo waa tii gabyaagu ku gabyey
“Rag caddaalad waaya sidii Cawsha kala yaac.”

Haddii gabadha Soomaaliyeed ee iyadu aan dooran in ay qaxdo aan dooran in ay dal shisheeye tagto ee duruufta ragga Soomaaliyeed sababeen darteed dal iyo dad shisheeye magansatay haddana la yidhi “Adiga iyo ubadkaagu xaq iyo xerr midna kuma lihidin dalka saw maaha gardarro loo badheedhay.?

Guud ahaan bulshada Soomaaliyeed waxa aan weydiinayaa maxaan galabsaday? Maxay tahay godobta aan galay ee lay gawdhiyey gaarna laygu saaray?

W/Q: Bilan Sabriye

Faadumo: Waa tuma gabadha Muslimadda ah ee noqotay taliyaha ciidank cirka Kenya?

Nairobi (Caasimada Online) – Maj Gen Fatuma Gaiti Ahmed ayaa noqotay haweenaydii ugu horreysay ee taariikhda dalka Kenya loo magacaabo Taliyaha Ciidamada Cirka Kenya. Taas oo uu xilkaan u magacaabay madaxweynaha dalka Kenya William Ruto.

Waxuu sidoo kale madaxweynahu magacaabay hoggaamiyaal kale oo uu ku jiro taliyaha ciidamada qalabka sida kadib geeridii ku timid taliyahii hore ee ciidamada dalka Kenya Gen. Francis Ogolla oo shil diyaaradeed ku dhintay bishii lasoo dhaafay.

Gen Charles ka hariri ayaa loo dalacsiiyay in uu qabto ayaa loo magacaabay taliyaha cusub ee ciidamada qalabka sida ee Kenya.

Sareeye Gaas Fatuma Ahmed ayaa horey xilal hore oo markii koobaad dumar qabteen kasoo qabatay ciidamda dalka Kenya oo hoggaankoodu waligoodba u badnaayeen rag. Waana haweenaydii koobaad ee ciidamada Kenya ka noqota Sarreeye iyo Guuto iyo Gaashaanle Sare.

Fatuma waxay ciidamada Kenya kusoo biirtay sanadkii 1983-dii iyadoo kasoo kashaqaysay Ciidanka Adeegga Haweenka oo ah talis dumar u gaar ah si ka gooni ahna qaybaha ciidamada difaaca Kenyana u shaqeeya.

Waxayna ahaayeen talis bixiya adeegyada waajibaadka maamul, dhaqaale, dawo iyo xidhiidh ee ciidamada. Cutubkaan ayaana la kala diray sanadkii 1999-kii xubnahii ayaana loo ogolaaday in ay ku kala biiraan qaybaka kala duwan ciidamada, sida kuwa circa, badda iyo ciidamada qalabka sida.

Wada shaqaynta cutubkaan ayaana fursado badan u abuurtay haweenka si’ay uga qayb qaataan waajibaadka ciidamada, dadka sidaan ugasoo dhex baxayna waxaa kamid ah Sareeye Guuto Maj Gen Fatuma Axmed.

Sare u kaceedana waxaa loo arkay guul weyn oo ay ka gaartay horumarinta hannaanka sinnaanta jinsiga ee ciidamda qalabka sida ee dalka Kenya.

2018-kii ayuu madaxweynahii markaas ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta u dalacsiiyay in ay noqoto Jeneraal buuxa, waxuuna markaas sheegay in uu ku xisaabtamaayay in ay noqoto ‘‘tusaale wanaagsan oo ay ku daydaan haweenka dalku’’.

“U caddee in aysan jirin wax xadidaya haweenka” ayuu yidhi madaxweynahii hore ee Kenya Uhuru Kenya Xiligaas.

Sarreeye Guuto Faatuma Axmed waxay sheegtay in ciidanka in ay ku biirto u uku dhiirigeliyay adeerkeed kaas oo markaas ciidamada ku jiray, waxayna sheegtay in ay aad u jeclayd edabtiisa iyo howlkarnimadiisa. Taasina ay nolosheeda maanhag u noqotay tan iyo koriimadeedii hore.

Waxay sheegtay in qaar kamida ah qoyskeeda ay ka niyad jabiyeen ku biiritaanka ciidanka. “Ma’aha shaqo loogu talo galay dumarka” ayay ku dhaheen siday ka sheegtay telefeeshinka Citizen 2018-kii. “Balse waxaa iga go’anaa in aan isbeddel ku sameeyo noloshayda” ayay tidhi.

Waa hooyo dhashay 3 carruur ah waana qof jecel dhexgalka iyo la socoshada dumarka ka yaryar si’ay u dhiirigeliso. Waana muslimad diinteeda ku adag. Waxay Dugsiga Difaaca Qaranka ee Kenya ka qalin jabisay sanadkii 2000.

Waxayna sheegtay in sare u kacadeedan iyo darajooyinkaan ay gaadhay ay sabab u ahayd edabta iyo howlkarnimadeeda intii ay ku jirtay ciidamada dalka Kenya.

BBC

Sawirro: Cabdullaahi Caliyow iyo Najiib Cabdisalaan oo howlgal lagu dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta howlgal culus ay ciidamada Xoogga dalka ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Baay, kaas oo lagu beegsaday horjoogayaal ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkan oo ah mid qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ee ka howlgasha Koonfur Galbeed.

Ciidamada ayaa howlgalkooda ku gaaray Sarmaan-dheere iyo Mooro-busbus ee gobolka Baay, waxaana lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo looga hadlay howlgalkaas ayaa lagu sheegay in howlgalkan lagu horjoogayaal ka tirsanaa kooxda oo magacyadooda lagu kala sheegay Cabdullaahi Caliyow iyo Najiib Cabdisalaan.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in marka la dilayay ay uruurinayeen lacago baad ah, sida lagu caddeeyay warsaxaafadeedka.

“Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ayaa howlgal ay xalay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Baay waxa ay ku dileen Cabdullaahi Caliyow iyo Najiib Cabdisalaan oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuna howlanaa uruurinta baad ay ka qaadayeen dad shacab ah” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Xubnaha la dilay ayaa ahaa bartilmeedka howlgalka, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysay howlgalka.

“Howlgalkaas ayaa ka dhacay deegaannada Sarmaan-dheere iyo Mooro-busbus ee gobolka Baay, waxayna saraakiisha hoggaamineysay howlgalka u xaqiijiyeen Warbaahinta Qaranka in ay ku guuleysteen dilka dhagarqabayaashii bartilmaameedka u ahaa ee shacabka dhibaateyn jiray” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dhaq-dhaqaaqyo culus ka waday deegaanada Koonfur Galbeed, kuwaas oo lagu qaaday kooxda Al-Shabaab.

Halka uu ku dhacay Hoobiye lagu soo riday Muqdisho iyo sababta keentay dabaca amni

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoobiye ayaa xalay kusoo dhacay dhabarka danbe ee Madxafka Qaranka, gaar ahaan dhisme aad ugu dhow xarunta TV-ga Universal, waxaana laga helayaa xog hordhac ah.

Waxaa la sheegay in hoobiyahaas oo ahaa hal xabo uu ku dhacay guri weyn oo dhisme uu ku socday oo wax dad ah aysan joogin xiligaan.

Goobjooyaal tegay dhismaha uu hoobiyahaasi ku dhacay ayaa Caasimada Online u sheegay in wax khasaare nafeed ah uusan geysan hoobiyahaas, maadaama uusan dad joogin guriga.

Lama garanaayo halka laga soo tuuray hoobiyahaas, sidoo kale waxay dowladdu horay ugu guul-dareysatay inay ogaato halka laga soo rido hoobiyaha lagu garaaco xaafada Muqdisho.

Ammaanka Muqdisho ayaa maalmahaan laga dareemayaa culeys aan horay u jirin, waxaana loo sababeynayaa dhowr arrimood oo is biirsaday.

Kow, isbedelka lagu sameeyey hoggaanka NISA oo muhiim u ah amniga Muqdisho, Mahad Salaad oo xafiiska muddo ku dhow labo sano ayaa ku guuleystay amni ku soo dabaalidda caasimadda Muqdisho.

Hadda, waxaa xafiiska la wareegay Cabdullahi Sanbaloolshe, waxaana hortaalla xujo adag, taasi oo ah inuu halkiisa kasii amba-qaado sugidda amniga Muqdisho iyo in Khawaarijta lagu beegsado deegaanada ay joogaan.

Tan kale oo loo sababaynayo weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho ku soo badanaya waa dagaalkii ka dhanka ahaa Khawaarijta ee ka socday gobollada dalka uu istaagay, taasi oo fududeyneysa in kooxdu ka shaqeyso sidii ay dhibaatooyin uga geysan lahaayeen gudaha caasimada, si shacabka ay u niyad jebiyaan.

TOOS: Maxkamadeynta Sayid-Cali iyo waxyaabaha ka cusub kiiskiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta fadhi labaad ka yeelatay kiiska xasaasiga ah ee loo haysto Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedeysan inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamed oo u geeriyootay dabkaasi.

Fadhigan oo ka duwan kii hore ayaa waxaa ka qayb-galaya dhinacyada u dhexeyso doodda oo ah xeer ilaalinta iyo qareenada difaacaya eedeysanaha iyadoo dadweyne kale ay tegeen hoolka, kuwaas oo ay ku jiraan ehellada labada dhinac.

Maxkamadda ayaa toos u guda gashay doodda, waxaana maanta lagu soo bandhigay fadhigan caddeymo cusub oo ay la timid xeer ilaalinta qaranka oo iyadoo soo oogtay dacwaddan.

Waxyaabaha ka cusub kiiskan waxaa kamid ah in lasoo bandhigay muuqaalka guriga lagu gubay Luul, in la keenay marqaatiyeyaal cusub oo ay ku jiraan dadkii ugu horreeyay ee marxuumadda ugu galay guriga iyo dhaqaatiirta isbitaallada la geeyay kahor inta aysan geeriyooon.

Faadumo oo kamid ah dariska marxuumadda ayaa ka hor hadashay maxkamadda, waxayna sheegtay inay aragtay Luul oo gubaneyso, isla markaana Ashahaadaneyso.

“Albaabka waxaa taagnayd marxuumad Luul oo Ashahaadeynao, isla markaana gubaneyso, waxayna dalbaneysay caawinaad” ayay tiri Marqaati Faadumo.

Sidoo kale waxa ay sii raacisay “Aniga waxay igu tiri eedo i caawi, kadibna sidaas ayaan ku qaadnay aniga iyo dad kale, waxayna igu tiri intii aan sii wadnay lmaheyga waa Agoon, haddana ma rajoobi doonaan?”

Doodda ayaa haatan sii socota, waxaana si toos ah loogala socdaa warbaahinta iyo baraha bulshada, maadaama uu kiiskan yahay mid aad isha loogu wada hayo.

Sayid-Cali, isaga ayaa dalbaday maxkamadda racfaanka, kadib markii uu ku qanci waayey xukunkii dilka ahaa ee maxkamadda gobolka Banaadir ay ku riday.

Horay waxaa ninkan xukun dil toogasho ugu soo xukuntay maxkamadda darajada 1-aad ee gobolka Banaadir, kadib markii ay sheegtay in lagu helay dambiga lagu soo eedeeyay.

Si kastaba, hadii mar kale Sayidcali ay maxkamadaani ku xukunto dil toogasho ah, waxaa u furan inuu mar kale qaato racfaan oo kiiskaan uu u gudbo maxkamadda sare ee dalka.

Xog kasoo korortay kiiska SAYID-CALI iyo maxkamadda oo berri tallaabo qaadeysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Sayid-cali Macalin Daa’uud ayaa berri mar kale la hor geynayaa maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Maxkamadaan ayaa horay u dhageysatay dacwadda kiiska Sayid-cali, balse mar kale ayaa berri la horgeynayaa si dhageysiga dacwadiisa horay loogu sii amba qaado.

Sayidcali, isaga ayaa dalbaday maxkamadda racfaanka, kadib markii u uku qanci waayey xukunkii dilka ahaa ee maxkamadda gobolka Banaadir ay ku riday.

Ninkaan ayaa gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis, waxayna u geeriyootay dhaawac culus oo ka soo gaaray dab uu qabadsiiyey, balse waxay dood ka taagan tahay qaabka uu ninkaan dabka u qabadsiiyey xaaskiisa.

Sayid-Cali ayaa ku dooday in gurigiisa uu gubay, isla markaana xaaskiisii Luul ay gashay guriga oo gubanaya, markii uu dabku qabsaday ayuu sheegay inuu ku dadaalay badbaadinteeda, ilaa isagu uu gubtay.

Gacan iyo wajiga ayuu ka gubtay Sayid-Cali, waxaana la waayey marqaati ku cadeeya in gabadha xaaskiisa aheyd u uku tala-gal u gubay, balse baaritaanada xeer ilaalinta iyo qoyska Luul ayaa maxkamadda gobolka ku qanciyey in ninkaas lagu xukumo dil toogasho ah.

Hadda kiiskiisu wuxuu u gudbay maxkamadda racfaanka, waxay horay kiiskaan u dhageysatay hal mar, waxaana berri suurtagal ah inay ka soo saarto xukun.

Hadii mar kale Sayidcali ay maxkamadaani ku xukunto dil toogasho ah, waxaa u furan inuu mar kale qaato racfaan oo kiiskaan uu u gudbo maxkamadda sare ee dalka.

Qoyska Luul Cabdicasiis oo diidanaa inay aastaan meydka ayaa ku qancay xukunkii dilka ahaa ee maxkamadda gobolka Banaadir ay ku riday Sayid-Cali, taasi oo sababtay in markii dambe meydka la aaso, in kastoo markaas uu reerku ogaa go’aanka uu racfaanka ku qaatay Sayid-Cali.

Xasan Sheekh oo Muqdisho ka sagootiyey haweeney ay dalka ka ceyrisay DF

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Lainga oo soo gaba-gabeysay shaqadii diblumaasiyadeed ee ay ku joogtay dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Catriona Lainga, doorka ay ka qaadatay iskaashiga Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ee taageerada dowlad dhiska, nabada, amniga iyo arimaha binu aadannimo

Wakiilkii gaarka ahaa ee xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Catriona Lainga oo Madaxweynaha uga mahad-celiysay kulankan ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta ay ku guda jirtay gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa isla Catriona Laing oo soo gaba-gabeysey shaqadeedii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay dalka.

Xamsa, ayaa uga mahadceliyay Danjire Laing doorkii ay ka soo qaadatay taageerada dowladnimada Soomaaliya, muddadii ay ka howlgaleysay dalkeenna, taas oo xoojisay taageerada iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Dhinaceeda, Danjire Catriona Laing ayaa uga mahadcelisay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed wada-shaqeynta ay u muujiyeen intii ay ku guda jirtay gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Daawo: BOOLISKA oo war culus kasoo saaray arrinta qabuuraha Iskuul Buluusiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa soo farogeliyay xiisadda ka dhalatay dhulka qabuuraha Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho, taas oo ka dhalatay markii laga saaray halkaasi qaar kamid ah maydadka.

Afhayeenka booliska oo la hadlay warbaahinta ayaa beeniyay inuu jiro amar kasoo baxay taliska oo lagu burburinayo qabuurahaasi, isaga oo waxba kama jiraan ku tilmaamay.

“In maydadka laga saaro qabuuraha Iskuul Buluusiya ma’ahan mid jirto arrintaas, amar kasoo baxay talisyadana ma jiro” ayuu yiri afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay darbiga lagu wareejinayo qabuuraha, isaga oo xusay in ujeedka uu yahay in lala socdo dhaq-dhaqaaqa qabuuraha iyo cid kasta oo lagu aasayo.

Beriyahan waxaa soo kordhay in qof la dilo, haddana la duugo, si looga hortago arrintaasn ayuu booliska soo kordhiyay siyaasaddan cusub” ayuu mar kale yiri afhayeenku

Dhinaca kale waxa uu afhayeenku sheegay in dadka Soomaaliyeed ay xor u yihiin inay la baxayaan maydadka ehelladooda, hadii ay heli karaan meel ay iyagu la jecel yihiin

“Xor ayay u yihiin bulshada Soomaaliyeed ninka qof ka dhintay ee horay ugu aasay halkan, haddii uu meel wanaagsan ku aasanaayo ama gurigiisa xor ayuu u yahay” ayuu raaciyay.

Arrintan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maanta qabuurahan laga bixiyay maydka Majaajiliista Ajakis oo ay ehelladu ay sheegeen inay ku aasayaan goob kale.

Somaliland oo ka laabatay qoraal yaab leh oo ay horey u soo saartay – Maxaa isbedelay?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Taliska ciidanka milariga Somaliland oo war cusub soo saaray ayaa ka laabtay qoraal dhowaan lagu baahiyay boggooda Facebook-ga kaasi oo lagu cambaareeyay xisbiyada mucaaradka Somaliland iyo waddamada Reer Galbeedka.

Shir jaraa’iid oo uu maanta qabtay afhayeenka millateriga Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi (Cabdi-Dheere) ayaa waxa uu ku sheegay in qoraalkaasi aanu ahayn mid rasmi ah oo ay ogaayeen saraakiisha sar sare ee ciidanka milatariga, sida uu hadalka u dhigay.

Cabdi-Dheere oo jawaab waafi ah ka bixiyay warqaddaasi ayaa caddeeyay in aanay kasoo bixin xafiiska taliyaha guud oo markii hore la sheegay inay kasoo baxday.

“Waxaanu jawaab waafi ah ka bixinaynaa warqada ka hadlaysay waxyaabah faraha badan leh, ee dowladaha faraha badan leh lagu duray, xisbiyada qaranka JSL qaarkood lagu duray, warqadaas kamay bixin xafiiska taliyaha ciidanka qaranka ee ay ku suntan tahay” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in waxa ku qoran aysan ka tarjumeyn ciidanka, balse uu daabacay shaqsi gaar ah oo ka tirsan ciidanka Somaliland, kaas oo uu xusay in tallaabo adag laga qaaday, maadaama uu ka hadlay xiriirka Somaliland iyo arrimaha dibadda.

Afhayeenka ayaa sidoo kale raalligelin ka bixiyay qoraalkaasi, wuxuuna sheegay in ciidanka uu u siman yahay xisbiyada kala duwan, kana hadlin karin siyaasadda dibadda.

“Warqadaasi cidkasta oo ay gaadhay waanu ka raaligalinaynaa, si buuxda ayaanu uga raaligalinaynaa, warqad rasmi ah oo xafiiska taliyaha ka baxdayna maaha sinaba” ayuu sii raaiyay Cabdi-Dheere.

Qoraalka hore ee uu talisku beeniyay ayaa lagu sheegay haddii mucaaradka ku guuleystaan doorashada in aanay la shaqeyn doonin, ayna xiriirka u jari doonaa waddamada Reer Galbeedka, kadibna ay iskaashi toos ah la yeelan doonaa dalalka Shiinaha iyo Ruushka.

Dad badan oo ka falceliyay arrintan ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadallada is burinaya ee kasoo baxay taliska ciidamada milatariga ee maamulka Somaliland.

Maxaa ka jira in la damciyay qabuuraha Iskuul Buluusiyo oo maydadkii laga soo saaray?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hadal-heyn xoogan ayaa ka dhalatay amar la sheegay in laga soo saaray qabuuraha Iskuul Buluusiya, kaas oo dhaliyay in qaar kamid ah maydadkii ku jiray qabuurahaasi maanta ay dib usoo saaraan ehelladdooda.

Maydadka lasoo saaray waxaa ku jiray Marxuum Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo kamid ahaa majaajilistayaasha caanka ah ee Soomaaliyeed, kaas oo geeriyooday 2021-kii.

Wiil uu dhalay marxuumka oo lagu magacaabo Maxamed Jaceelow ayaa sheegay inay ka war heleen amarkaas oo lagu sheegay in qabuuraha lagu burburinayo, kadibna ay sidaas kula soo baxeen maydka Aabahood, isaga oo sheegay inay ku aasi doonaan meel kale.

“Annaga oo soo booqanay Aabe ayaa maalin dhexdaas imaanay qabuuraha, waxaa naloo sheegay in dhammaan maydadka ku jira qabuurahan in la baxsanaayo, sidaas aawgeed waxaan go’aansanay inaan maanta Aabe ka bixino oo gayno meel kale” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan gayn doonaa meel kale oo amaan ah oo aan ku booqan karno, waligiisna aan laga bixin doonin”.

Dhinaca kale waxaa arrintan ka hadlay guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Cali Yare Cali oo beeniyay in la amray in maydadka laga saaro qabuuraha Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho.

Cali Yare oo sheegay inuu baaritaan sameeyay ayaa waxa ku sheegay inuu ku ogaaday in aan la dacaamin dhulka qabuuraha ee Iskuul Buluusiya, sida uu hadalka u dhigay.

“Baaritaan kooban oo aan ku sameeyay arrinta qabuuraha iskuul buluusiyo waxaan xaqiiqsaday inuu yahay BEENABUUR oo aanay jirin cid damaaciday qabuuraha ama amartay in meeydadka laga saaro toona. laakiin qoyska Marxuum Ajakis ay iyagu si iskood ah ula baxeen. Dadka aan la xariiray waxaa kamid ah isla qoyska” ayuu yiri Cali Yari.

Waxaa kale oo uu yiri  “Isla sidaan oo kale waxaa sannadkii 2019 meydad lagala baxay qabuuraha qaranka markii la sheegay in dowladdu iibsatay taas oo iyaduna aheyd BEENABUUR kale. Qoysaskii maalinkaas ka hadlay waxaa kamid ahaa qoysaska Marxuum Abdullahi Ciise iyo Maxruum Abdirashiid Cali Sharmaake”.

Ma’ahan dhacdadan wax ku cusub magaalada Muqdisho, waxayna ahayd dhowaan markii arrintan oo kale ay ka dhacday qabuuraha Macallin Nuur oo iyana ku yaalla Garasbaaley.

Daawo: Maydka AJAKIS oo maanta dib loo soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka taagan xaalad murugo leh, taas oo kasoo korortay qabuuraha Iskuul Buluusiya.

Wararka ayaa sheegaya inuu soo baxay amar la sheegay in la siiyay ehellada ay dadkooda ku aasan yihiin qabuurahaasi oo bilaabay inay la baxaan maydadka.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in dhulka ay ku yaallaan qabuuraha lagu wareejiyay Bulukeeti, taasoo kordhisay walaaca ay qabaan ehellada iyo dadka deegaanka.

Maydadka la bixiyay waxaa ku jira Allaha U naxariistee Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo sanadkii 2021-kii lagu aasay qabuurahan, kadib xanuun kusoo booday.

Ehellada Ajakis iyo qaar kamid ah asaxaabitiisa ayaa tegay qabiriga, kadibna soo saaray maydkiisa oo lagu aasi doono meel kale.

Wiil uu dhalay marxuumka oo la hadlay Telefishinka Universal ayaa sheegay inuu soo gaaray warka ku saabsan qabuuraha, sidaasna ay kusoo saareen maydka Aabahood.

“Annaga oo soo booqanay Aabe ayaa maalin dhexdaas imaanay qabuuraha, waxaa naloo sheegay in dhammaan maydadka ku jira qabuurahan in la baxsanaayo, sidaas aawgeed waxaan go’aansanay inaan maanta Aabe ka bixino oo gayno meel kale” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan gayn doonaa meel kale oo amaan ah oo aan ku booqan karno, waligiisna aan laga bixin doonin”.

Ma’ahan dhacdadan wax ku cusub magaalada Muqdisho, waxayna ahayd dhowaan markii arrintan oo kale ay ka dhacday qabuuraha Macallin Nuur oo iyana ku yaalla Garasbaaley.

Xasan Sheekh oo ka baaqday shir muhiim u ah Soomaaliya iyo mas’uulka uu u direy

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka baaqsaday ka qayb-galka Shir Madaxeedka dalalka Islaamka oo ka dhacaya Caasimadda dalka Gambia ee Banjul, halkaas oo ay ku qulqulayaan madax kala duwan.

Madaxweynaha ayaa waxaa beddalkiis baxay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo Soomaaliya ku metali doono shirkaasi, waxaana ka horreeyay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka qayb-galay gogol xaarka shirweynahan.

Sida uu sheegay Yuusuf Garaad Cumar oo ah Wakiilka gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Geeska Afrika, Badda cas iyo Gacanka Cadmeed,  Ra’iisal Wasaare ku xigeenka dalka mudane Saalax Axmed Jaamac oo wakiil ka ah Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka qeyb-galayo Shir madaxeedka dalalka Islaamka oo maanta ka furmaya magaalada Banjul.

Waxaa la filayaa in shir-madaxeedkan uu goor-dhow furmo, ayada oo looga hadli doono arrimaha siyaasadda ee saamaynta ku leh dunida islaamka, si gaar ah arrinta Falastiin.

Sidoo kale hoggaamiyeyaasha wadamada xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka, waxay mudnaanta siin doonaan arrimaha dhaqaalaha, bani’aadannimada, bulshada iyo dhaqanka, si gaar ah arrimaha ku qotoma dhalinyarada, haweenka, qoyska, culuumta, tiknoolojiyadda, warfaafinta iyo bulshooyinka muslimka ah.

Ajandaha shirka waxaa sidoo kale lagu soo hadal-qaadi doonaa diididda hadallada islaam nacaybka, kor u qaadidda wadahadalka, arrimaha isbeddelka cimillada iyo sugnaanta cuntada.

Si kastaba, shirkan waxaa ka horreeyay mid kale oo ay shalay yeesheen wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka ku jira ururkan, kuwaas oo sheegay in aanay aqbaleyn fal xad-gudub ku ah madax-bannaanida iyo wada-jirka dhuleed ee Soomaaliya, taasi oo xoojineysa guusha diblumaasiyadeed ee dowladda federaalka ka gaartay xad-gudubka Itoobiya.

Daawo: Ciidamada Jubaland oo WEERAR culus ku qaaday GEDO ayaga oo beegsanaya…

Luuq (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay Jubbaland ka sameysay Jimcihii deegaano ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Howlgalkan oo ka dhacab inta u dhexeysa degmooyinka Luuq iyo Doolow ayaa waxaa hoggaaminayay guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Gedo, Cismaan Nuux Xaaji (Macallimuu), waxaana lagu beegsaday Al-Shabaab.

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgalladan ku gaaray deegaano horleh oo dhaca inta u dhexeysa magaaalooyinka Luuq ee gobolka Gedo.

Macallimuu oo hadal siiyay warbaahinta ayaa sheegay in dagaal ay la galeen Al-Shabaab, ayna ka dileen ugu yaraan 4 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

“Halkan waxaa ka dhacay dagaal ba’an nimankii nabad diidka ahaana waxaa ku gaaray khasaare illaa 4 qof waa kaga dhinteen, dhowr kalena dhaawac ayay ku jiiteen” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay sii wadi doonaan howlgallada gobolka Gedo, si looga saaro dagaalyahanada Al-Shabaab ee weli ku sugan halkaasi.

“Howlgalkan waa sida uu u billowday, waxaan filayaa in ciidamadu aysan sii joogi doonin meelahaan, waxaana taliskeena uu noqon doonaan gayd wayne” ayuu sii raaciyay.

Dhankiisa guddoomiyaha degmada Luuq ee gobolka Gedo, Daahir Muxumed Nuur ayaa sheegay in howlgalkan lagu xoreeyay deegaanka Shaatoolow oo ay horay u joogeen Al-Shabaab.

“Dhibaato ayaan gaarsiinay waan dagaalanay, haddana waxaan joognaa tuulaada Shaatoolow mana aragno Al-Shabaab oo waa carareen” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Gedo ayaa kamid ah gobollada ay weli ku xoogan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo weeraro khasaare leh ka fuliya deegaanada gobolkaasi.

Xogta sarkaal sare oo lagu dilay Muqdisho iyo ciidamada booliska oo tallaabo qaaday

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa xalay howlgal ka sameeyay magaalada Muqdisho, kaas oo lagu baadi goobayeen kooxiii ka dambeeyay dilka Aadan Cumar Ahmed (Aadan Biit) oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada Booliska.

Marxuumka ayaa waxaa toogasho ku dilay kooxo ku hubeysan bistoolad, xilli uu ku sugnaa agagaarka iskool Buluusiya ee magaalada Muqdisho, waxaana baxsaday raggii dilay.

Booliska oo qaaday tallaabo deg-deg ah ayaa sameeyay howlgal, balse waxa uu ku fashilmay inuu soo qabto dambiilayaasha dilka u gaystay marxuumka.

Aadan Biit oo muddo kasoo tirsanaa Booliska Soomaaliya ayaa xilliga la dilayay ku sugnaa maqaaxi ku taalla agagaarka isgoyska Dalsan, halkaas oo ah goob si weyn loo ilaaliyo.

Dilkan oo u muuqda mid si aad ah loo qorsheeyay ayaa waxaa ka dhashay hadal heyn xoogan, waxaana la is waydiiyanaa sida ay ku suuragashay in marxuumka lagu dilo goobtaas oo ay afarta dhinac ka jiraan ciidamo ku sugan kontaroolo ku yaalla halkaasi.

Mas’uuliyiin kala duwan ayaa ka hadlay dhacdadan, sida madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo ka tacsiyeeyay geerida sarkaalka lagu dilay magaalada Muqdisho.

“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Aadan Cumar Ahmed (Aadan Biit) waa mid naxdin leh. Marxuumku waxa uu Qaranka Soomaaliyeed u soo adeegayey muddo dheer, waxa uu door muuqda ku lahaa dadaalladii dib-u-dhiska dowladnimadeenna oo xilal muhiim ah uu ka soo qabtay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu kamid ahaa” ayuu qoraalka ku yiri madaxweyne C/casiis Laftagareen.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Ehelka,Qaraabada iyo Ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu Tacsiyaynayaa Gerida ku timid Alle Haunaxaristee Marxuum Aadan Biit”.

Magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay falal ammaan darri oo isugu jiro dilal qorsheysan iyo weeraro qaraxyo ah.