25.1 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Sawirro: SOOMAALIYA iyo Kenya oo gaaray heshiis culus – Maxaa lagu heshiiyey?

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa galabta ku kala saxiixday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya heshiisyo is-afgarad oo ku saabsan dhinacyada, Arrimaha dibedda, Nabadgalyada, Dhaqaalaha, Ganacsiga, Waxbarashada iyo arrimaha adeegga Bulshada.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Sooaamliya u saxiixay heshiiskan.

Dhanka Kenya, waxaa heshiiskaan u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Musalia Mudavadi, heshiisyadan Is-afgarad ee ay gaareen labada dal, ayaa kor loogu qaadayaa xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirka Waxbarashada Kenya Mudane Ezekiel Machogu, ayaa kala saxiixday Heshiiska Is-afgaradka oo ku saabsan Iskaashiga Waxbarashada, Tababarka iyo Cilmi-baarista.

Heshiiskaan waxaa kor loogu qaadayaa xoojinta iskaashiga dhinaca waxbarashada ee labada dal.

Heshiisyadan ayaa qeyb ka ah Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, uu ku joogo dalka Kenya ee la xiriira adkaynta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada badan leh.

Arrinta keliya ee looga baaqsan karo in Muqdisho uu ku laabato xaalkii xumaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maalmihii tegay dib ugu soo laabtay toogashooyinka ay geysanayaan kooxaha argagixisada. Kadibna waxaa sahal noqotay inay baxsadaan falka kadib.

Dilkii ugu dambeeyay waxaa xaafada Iskuul Buluusiyo loogu geystay Korneyl Aadan Cumar Axmed (Aadan Biit) oo ka tirsanaa ciidanka dowladda, gaar ahaan Booliska.

Marka aad maqasho dilaagii waa baxsaday keliya ma ahan gaabis ciidan ee sidoo kale waxaa maqan wada-shaqeyntii laamaha amniga iyo shacabka magaalada.

Dib haddii aad u raacdo diiwaanka dhamaan dilayaashii lagu qabtay goobta ay falka ka fuliyeen waxaa iska kaashaday ama ay ku timid wada-shaqeynta shacabka iyo ciidanka.

Bartilmaameedka argagixisada waa qof walba oo aan fikirkooda raacsaneyn, haddii aanad argagixisada ku fikir aheyn waxay raadinayaan inay ku dilaan.

Sidaas darteed majirto sabab aad u sugto, waxa ugu horreeyay ee ku banaana waa inaad la shaqeysa ciidanka oo la wadaagta Garanwaaga iyo kuwa aad ka qabto shakiga ama aad xogtooda hayso, si aad u badbaado oo dadkana u badbaadiso.

Baahida ugu badan ee amniga waxaa qaba shacabka ku nool magaalada Muqdisho, haddana badankood ma caawinayaan kuwa doonaya inay difaacaan oo ah ciidanka.

Si loo soo afjaro toogashada socota, argagixisada ku dhuulaameysanaysa caasimadda, aadna u badbaadiso naftaada iyo midda walaalka la shaqeey laamaha amniga.

Dowladdana waxaa laga rabaa inay xafido xogta shacabka caawinaya ciidanka iyo inay dhisaan hal abuur cusub oo ay ku heli karaan gacanta shacabka. Xalka toogashadu waa xoojinta isku xirnaanta ciidanka iyo shacabka

NISA oo fashilisay isku dey dil, gacantana ku dhigtay Al-Shabaab-kii fulin rabay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa fashiliyey isku day dil oo xubno Shabaab ah ay rabeen inay ka fuliyaan magaalada Muqdisho.

NISA oo soo bandhigtay labada nin oo mid kamid ah uu meyd yahay, ayaa waxay dilka ka fulin rabeen degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa helay xogta labada dhagarqabe, kadibna waxaa lagu sameeyey daba-gal inta aysan gaarin bartilmaameedkoodii, sida ay goordhowey shaacisay NISA.

“Kadib waxaa halkaas lagu dilay mid kamid ah dhagarqabayaashii, iyada oo kii kale nolosha lagu qabtay, isagoo dhaawac ah,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Ciidamada NISA ayaa soo bandhigay meydka dhagarqabaha la dilay, dhaawaca kan nolosha lagu hayo iyo labo bistooladood oo ay ku hubeysnaayeen, islamarkaana ay qorsheynayeen inay dil ku geystaan.

Arrintan ayaa imaneysa xilli maalmihii u dambeeyay ay magaalada caasimada ah ee Muqdisho ay ka dhacayeen falal ammaan darri ah oo isugu jiro dilal, qaraxyo iyo weeraro loo adeegsanayay hoobiyeyaal kusoo dhacay xaafado ka tirsan gudaha caasimadda.

Dhammaan weeraradan ayaa dhacay, ayada oo weli dadaallo amni sugid ah ay wadaan ciidamada ammaanka oo bilo kahor ku guuleystay inay xasiliyaan amniga Muqdisho.

Xog: Buuq iyo cabasho ka taagan garoonka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa lasoo warinaya inay qorsheynayso in la yareeyo shirkadaha ka howl-gala garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Qorshahan ayaa si gaar ah wuxuu u saameeynaya duulimaadyada Nairobi-Muqdisho iyo Muqdisho-Nairobi.

Maalinkasta waxaa Muqdisho iyo Nairobi ka shaqeeya siddeed duulimaad ama diyaaradood oo ay mid kamid ah leedahay dowladda Kenya waana Kenya Airways, halka kuwa kale ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed.

Wasaaradda ayaa sidoo kale qorsheynaya in la kordhiyo tikidhka qiimihiisa. Hadda 260 dollar ayuu qofkii Muqdisho ka baxa ku tega dalka Kenya oo uuna kusoo laabanaya xisaab intaas lamid ah.

Laakiin markaan wuxuu qorshuhu yahay in lacagta la gaarsiiyo illaa 360 dollar oo lagu daro 100 dollar oo dheeraad ah lagu daro, sida ay warinayaan xubno kamid ah saraakiisha garoonka.

Arrintan ayaa waxay saameyn weyn ku yeelan karta ganacsatada Soomaaliyeed ee ka shaqeeya Muqdisho iyo Kenya, gaar ahaan kuwa diyaaradaha, sababta oo ah waxaa la doonayaa in la yareeyo shirkadaha duulimaad ee halkaasi ka shaqeeya iyo sidoo kale in la kordhiyo qiimaha.

Sidoo kale waxay arrintaan saameyn ballaaran ku yeelan doonta dadka Soomaalida ee iskaga safra Kenya iyo Soomaaliya. Nairobi ama guud ahaan dalka Kenya iyo Soomaaliya waxay yihiin hadda meelaha ugu badan ee duulimaadyada ama dadka iskaga safraan.

Haddii Kenya shirkadaha ka howl-galaya la yareeyo waxaa kordhi doona qiimaha lagu tagayo Kenya ama looga soo laabanayo, taasi oo sababi doonta sicir barar xoog leh iyo inay yaraadan socdaalka Soomaaliya iyo Kenya.

Weli majirto wax war ah oo aan ka helnay dhinaca wasaaradda gaadiidka iyo duulista Soomaaliya marka laga reebo xogaha hordhaca ah ee warinaya in dowladda ay qorsheynayso in la yareeyo tirada shirkadaha duulimaadyad ee halkaasi ka shaqeeya, taasi oo saameyn dhinacyo badan ka dhalan doonto.

Arrintaan ayaa imaneysa xilli ay kordheen khilaafyada u dhaxeeya wasaaradda gaadiidka iyo shirkadaha duulimaadyada ka shaqeeya, ayada oo toddobaadyo kahor ay aheyd markii shirkadaha diyaaradaha ka shaqeeya ee Soomaaliya ay diideen lacago dheeri ah oo ay kusoo rogtay wasaaradda, midaasi oo maalmo hakad gelisay duulimaadyadii shaqeynayay, ayada oo ugu dambeyntiina lagu fasaxay go’aan kasoo baxay ra’iisul wasaare Xamza.

Safiirka UK oo la kulmay madaxda DF kadib kulankii SACIID DENI – Maxaa socda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta la kulmay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ambassador Mike Nithavrianakis.

Kulankan oo ka dhacay gudaha safaaradda Britain ee Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ugu muhiimsan yihiin; dib u xoreynta, xasillinta iyo soo kabashada hore, dib-u-heshiisiinta iyo qorshayaasha doorasho ee dowladda Soomaaliya.

Safaaradda Britain ayaa xaqiijisay inay ka go’an tahay inay si dhow ula shaqeyso, islamarkaana ay taageerto ajendayaasha iyo waxyaabaha mudnaanta u leh dowladda federaalka Soomaaliya, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Kulanka Amb. Mike Nithavrianakis iyo Wasiir Xoosh ayaa imanaya maalmo un kadib markii uu Safiirka uu booqasho ku tegay magaalada Garoowe, uuna la kulmay madaxweyne Saciid Deni oo xilligaan ay si weyn isku hayaan madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Kulankaasi oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa waxa uu safiirka kala hadlay Saciid Deni khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya dowladda federaalka, si gaar ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo hadda maraya meel xasaasi ah.

Safiirka ayaa markaasi Saciid Deni ku booriyay muhiimada ay leedahay in la wada-hadlo, xilli ay wakiilada caalamiga ah ay ku cadaadinayaan labada dhinac inay iskugu yimaadan miiska wada-hadalka, si xal looga gaaro xiisadda taagan.

Kulanka maanta ka dhacay xerada Xalane oo ay ku taallo safaaradda Britain ee Soomaaliya ayaa waxaa la fahamsan yahay inuu daba socdo kulankii Garoowe, waxaana xilligaan wakiilada caalamka ay dhinacyada cadaadis ku saaranayaan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka, oo dhawaan meeshii u sareysay gaaray.

Xog: Itoobiya oo caddaysay in aysan aqoonsan doonin Somaliland – Maxaa isbedelay?

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya oo wajaheysa cadadia diblumaasiyadeed oo la xiriira heshiis beenaadkii Addis Ababa ayaa dib uga joogsatay qeybo kamid ah heshiiskaasi.

Itoobiya ayaa diblomaasiyiinta reer Galbeedka la wadaagtay sida ay uga go’an tahay ixtiraamka midnimada dhuleed iyo midnimo siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,sida ay xaqiijiyeen illo diblumaasiyadeed.

Middan ayaa ka dhigan in dowladda Itoobiya ay ku dhaqmeyso, ilaalineysana Axdiga Midowga Afrika iyo sharciga caalamiga ah, oo ay horey u xoortay.

Sidoo kale waxay xukuumadda Itoobiya si cad ugu sheegtay diblomaasiyiintan “in aanay marnaba ballan-qaadin in ay aqoonsi diblomaasiyadeed siinayso maamulka Somaliland.”

Itoobiya ayaa sida muuqata dib uga guratay qodobka “aqoonsi” ee ay horey u sheegtay Somaliland inuu qeyb ka yahay heshiiska ay ku siinayso dhul badeedka, kaasi oo si adag uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxay sheegtay in aysan qaadin tallaabooyin ay ku dhaqan-gelinayso is-afgaradka, kaasi oo xad-gudub ku ah midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Heshiinkan ayay horraantii sanadkaan qalinka ku duugeen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed.

Arrintan ayaa imaneysa xilli ay Somaliland sheegtay in laba bil gudahood lagu soo gaba-gabeynayo dhameystirka heshiiskan, halka xukuumadda Abiy ay sheegtay taasi bedelkeed kadib cadaadis diblumaasiyadeed oo ay wajaheyso.

Si kastaba, heshiiska is-afgaradka, oo ay Janaayo 1, 2024 kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa dhaliyay dood weyn oo heer gobol iyo mid caalami ah.

Somaliland oo war ka soo saartay imaanshaha ciidanka TURKIGA ee xeebaheeda

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Dr Ciise Keyd Maxamuud oo warraysi gaar ah siiyay BBC Somali ayaa sheegay in ay ku wargeliyeen Turkiga in ayna iman karin xeebaha Somaliland.

“Turkiga waan u sheegnay in aanay xeebaha Somaliland soo gali karin, waana ogyahay in Somaliland xeebaheeda u taliso – Soomaaliyana ayna u talin. Wax haba yaraatee aanu warwar ka qabnana ma jiro,” ayuu yidhi wasiirka isaga oo aan waxka weydiinnay sida uu u arko heshiiska difaaca ee ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in uu meel gabagabo ah marayo hirgelinta is-af-garadkii Badda Cas ee u dhexeeyay iyaga iyo Dowladda Itoobiya.

Is-af-garadkaan muranka badan dhaliyay ee ay bishii koowaad ee sanadkaan maalintiisii koobaad ay la gashay dowladda Itoobiya, kaas oo dhigaayay in Somaliland aqoonsi buuxa ka hesho Itoobiya halka dowladda dhexe ee Itoobiyana laga kireynayo saldhig ciidamo badeed oo ay ku yeelanayso gudaha Somaliland.

Heshiiskan ayaa aad uga cadhaysiiyay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya sababayna in xidhiidhka diblumaasiyadeed ee labada wadan uu gabi ahaanba meesha ka baxo.

Sidoo kale Midowga Afrika ayaa kasoo horjeedsaday is-af-garadkaan dhacay, wadamo badan sida Maraykanka, Turkiga, Ururku Jaamacadda Carabta iyo kan Midowga Yurub ayaana soo saaray baaqyo ay ku sheegayaan ahmiyadda ay leedahay xurmeynta madax bannaanida iyo gobonimada dhuleed leedahay.

Saamaynta heshiiska ka dhalatay keliya kuma ekayn wadamada ka baxsan Somaliland ee qudha balse waxuu saamayn kale oo gudaha ku yeeshay xukuumada Hargeysa.

Waxaana is casilay Wasiirkii Gaashaandhiga ee Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, isaga oo sheegay in is-afgaradkaan ay Somaliland la gashay Itoobiya ay ahayd in golaha wasiirrada lagala tashado heshiiska ay Somaliland la gashay Itoobiya oo ah dal daris ah oo aan bad lahayn.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku tilmaantay heshiiskaan mid aan gabi ahaanba jirin lana aqbali karin, waxayna sheegtay in is-af-garadkani yahay mid xad gudub ku ah shuruucda caalamiga ah madaxbannaanida iyo gobanimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Fagaarayaal kala duwan ayayna madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya uga hadleen. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaana si adag uga hadlay, waxaa sidoo kale ka hadlay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Labada gole ee barlamaanka Soomaaliya oo ka fadhiistay arrintan guud ahaanba waxay qaadaceen heshiiska iyagoo qeexay in ay tahay xad gudub ka dhan ah qaranimada Soomaaliya.

Gudaha Soomaaliyana waxaa ka dhacay bannaanbaxyo looga soo horjeedo is-afgaradkaas waxaa ugu waaweynaa kuwo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, isu soo baxayaasha ayaana muujinaayay halhaysyo ay kamid yahiin ”Badeennu beec ma’aha!
Go’aankii ugu danbeeyay ee looga soo horjeedsaday heshiiskaas waxuu ahaa mid ka dhacay caasimadda Dooxa ee dalka Qatar.

Kalfadhiga Saddexaad ee Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta oo ay la leeyihiin Waddamada Bartamaha Aasiya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan oo lagu qabtay 30-kii Abriil, 2024 dalka Qatar, ayaa lagu caddeeyay taageerada amniga, xasilloonida, midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Waxay sidoo kale ku taageereen dowladda Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto ilaalinta madax banaanida Soomaaliya ee dhulka, badda iyo hawada, sida lagu sheegay Bayaanka Doha oo ka kooban 16 bog.

“Waxay cadeeyeen in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay xaq u leedahay in ay si sharci ah u difaacdo dhulkeeda sida ku cad qodobka (51) ee Axdiga Qaramada Midoobay, iyo qodobbada khuseeya Axdiga Jaamacadda Carabta, ayna taageeraan. dhismaha hay’adaha dowladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka Shirka Golaha Wasiirada kasoo baxay ayaa boggiisa sagaalaad lagu sheegay in ay si buuxda u taageerayaan mawqifka Dowladda Soomaaliya waxaana bayaanka lagu qeexay in uu yahay tallaabo khatar ku ah amniga qaranka Carabta.

“Wasiirradu waxay muujiyeen diidmada ay ku diideen is-af-garadkaan iyo wixii sharci, siyaasad, ganacsi ama millatari oo ka dhasha, waxayna ku booriyeen dhammaan dalalka inay cambaareeyaan oo ay diidaan qoraalkan. Waxa kale oo ay diideen isku dayo ay ku doonayeen in ay uga faa’iidaystaan “Heshiiskii Is-afgaradka” ee aan soo sheegnay oo ahaa in xaqiiqo cusub oo juqraafiyeed laga abuuro Gacanka Cadmeed, xeebaha Soomaaliya iyo Badda Cas, waxayna u arkeen tallaabo khatar ku ah amniga qaranka Carabta iyo socdaalka Badda Cas. Badda iyo Gacanka Cadmeed,” ayaa lagu yidhi bayaanka oo ay barta X soo gelisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Balse Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Iskeed Madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Dr Ciise Keyd Maxamuud waxuu sheegay in uusan khusayn warsaxaafadeedkaas meel walbana ay u galayaan raadinta aqoonsiga Somaliland.

“Nama khuseeyaan waxii [Shirkii] Dooxa kasoo baxay, qadiyadayaduna halkii bay taagantahay. Dalalkan carabta ee meesha isugu yimid ma’ay darsin qadiyadda Somaliland – ma’ay arkayaan xaqiiqadda Somaliland – waxa noo dan ahna waa in nala aqoonsado meel walba oo ay nala tagtana waan galaynaa.”

Isha: BBC Somali

Shaki weyn oo laga muujiyay safarka Xamza ee Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Shaki xoogan iyo walaac ayaa ka dhashay safar uu maanta magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ku gaaray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, kaas oo noqday safarkii ugu horreeyay, tan iyo markii loo magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya bishii June ee sanadkii 2022-kii.

Xamza ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Kenya William Ruto oo uu wadahadallo kula yeelan doono magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Ujeedka booqashadan ayaa ah mid lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo hoggaaminaaya wafdi ballaaran, ayaa saaka u ambabaxay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, halkaas oo uu ku tagaayo booqasho rasmi ah oo la xiriirta xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada Dal” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Haddaba qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaalay baraha bulshada ayaa walaac xoogan ka muujiyay booqashadan, waxayna sheegeen inay la xiriirro saxiixa heshiis qaad oo lala galayo Kenya.

Shacabka ayaa si wayn arrintan shaki uga muujiyay, waxayna sheegeen in qaadka Kenya uu faa’iido u lahayn Soomaaliya, halka ay dhiggeeda Kenya ka sameyso lacag aad u badan.

Ismaaciil Maxamed ayaa waxa uu yiri “Heshiis Qaad keenis miyuu saxiixaa? Ileen meshaas faa’iido kale kuma qabnee.”

Farxaan Kulmiye ayaa isna waxa uu yiri “Xiriirkee? Soo tii Xasan hadda ka yimid?, mise Axmed Madoobe iyo adiga ayaa la idiin kala gar qaadaa?.”

Baashi Maxamed ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Qaad iyo Sun lee noo soo saxiixeesaa maxaad dan ah oo ummadda Soomaaliyeed usoo kordhineysid ma jirto?.”

“Shaqada u horayso ee laguu diro dalka dibaddiisa ma saxiixa qaadku noqday?,” ayuu yiri Cabdi Maxamuud oo kamid ah shacabka shakiga xoogan ka muujiyay socdaalka ra’iisul wasaare Xamza ee dalka Kenya.

Farxaan Cumar Shariif: “War hoy waxa uu ra’iisul wasaaruhu uu aaday shacabka u sheega xariir labo dal ka dhaxeeya uma uusan aadine maxaad horta beenta noogu sheegtaan?.”

Sakariye Maxamed ayaa isna waxa uu yiri “Safar Salaama Raysal-Wasaare waxaan kaa codsanayaa in aadan Qaadka ka dhigin ganacsi Kenya iyo Soomaaliya ka dhexeeya.”

Xasan iyo Xamza oo laga dalbaday inay ka xishoodan arrin yaab leh oo soo baxday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib qaylo dhaantii ka dhalatay arrinta dhulka qabuuraha ee Iskuul Buluusiya ayaa waxaa soo kordhaya baaqyada iyo dalabaadka loo dirayo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka, si wax looga qabto arrintaas iyo guud ahaan ‘adhul boobka ka socda’ magaalada Muqdisho.

Senataro Maryan Faarax Kaahiye oo kamid ah Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay horay uga digeen dhul boobkan oo ay sheegtay inuu kusoo aaday kadib ansixintii wax ka beddelka dastuurka KMG ah.

Maryan oo ka hadashay arrinta qabuuraha Iskuul Buluusiya ayaa sheegtay in xaaladdan oo kale ay horay uga taagnayd qabuuraha Macallin Nuur, sidaas daraadeedna ay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ka dalbaneyso in laga xishood qabuuraha.

“Maanta waxay taagan tahay in Qabuurihii laga xishoon waayo oo xitaa Alle looga baqiwaayey” ayay tiri Senator Maryan Faarah Kaahiye oo qoraal dheer soo saartay.

Hoose ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

SHALAY WAXAY AHAYD QABUURIHII REER MACALIN NUUR IYO DAB-DAMISKA

Sidaan horey uga digay, boobka dhulalka Danta Guud ayaa imaan doona kaddib ansixintii Dastuurka oo ahaa mid baalmarsan dhammaan Xeer-hoosaadyada iyo acraafta kale ee labada Gole ee JFS.

Xildhibaanno kale iyo aniguba waxaan ummadda Soomaaliyeed u caddaynay in ballanqaadyo lagu baddashay Ansixinta Dastuurka-taas oo shacabkeena sharafta leh iyo inta yar ee waddaniyaddu ku dambayso ee Labada Aqal ku jirta ay ogyihiin.

Maanta waxay taagan tahay in Qabuurihii laga xishoon waayo oo xitaa Alle looga baqiwaayey.

Waxaa nasiib darro ah in Hoggaanka sare ee dalku uu sidaa maanta raali ka noqdo;inuu raali ka noqdo soo bixinta lafaha Dad badan oo Qaranka u soo shaqeeyey oo ku aasan Iskool Bolisiya.

Waxaan xusuustaa oo sidoo kale la ii xaqiijey in halkaas lagu aasay Xildhibaanno Qaran, Saraakiil Ciidan, Diblomaasiyiin iyo dad kale oo bulshadeena magac iyo maamuus ku lahaa!

Sidaa si lamida, waxaan Xildhibaanada Labada Gole ee damiirka-dowladnimo ku dambeeyo u soo jeedinayaa in ay u istaagan daryeelka iyo difaaca shacabkeena dhibban.

DIFAACA SHARAFTA QABUURAHA & DIFAACA SHACABKEENA QAALIGA AH WAA WAAJIB MUQADAS AH.

Sawirro: Sidee Xamza loogu soo dhaweeyay magaalada Nairobi?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibedda Kenya Musalia Mudavadi, wasiirka difaac Kenya Aadan Barre Ducaale, wasiirka arrimaha dibedda XFS Axmed Macalin Fiqi, xubno ka tirsan dowladda Kenya iyo Safiirka Soomaaliya ee kenya Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Safarka ra’iisul wasaaraha ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, socdaalka, amniga gaar ahaan la-dagaalanka Khawaarijta, dalxiiska, caafimaadka, iyo waxbarashada, sida algi yiri qoraal uu soo saaray xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Xamza ayaa inta uu joogo Kenya waxa uu la kulmi doonaa Madaxda Kenya iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, isaga oo la wadaagaya fursadaha maal-gashi ee ka jira dalka, qorshaha dowlad dhiska, la-dagaallanka Khawaarijta iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Xamza oo casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa sidoo kale wada-hadallo kula yeelan doono Nairobi.

Booqashadan ayaa kusoo aadeysa, xilli Kenya ay haatan qorsheyneyso inay heshiis cusub oo la xiriira qaadka la gasho dowladda federaalka Soomaaliya, si kor loogu qaado ganacsiga.

Horay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqashooyin kala duwan ugu bixiyay Nairobi ayaa heshiisyo kala duwan lasoo saxiixday dhiggiisa dalka Kenya William Ruto.

Xaaladda Kenya oo dareysa iyo arrin laga cabsi qabo

0

Nairobi (Caasimada Online) – Xaaladda ka taagan dalka Kenya ayaa kasii dareysa kadib roobabkii lixaadka lahaa ee ka da’ay halkaasi.

Saraakiisha ayaa ku qiyaasay in ka badan 200 oo qof in ay ku dhinteen Kenya tan iyo bishii March, iyada oo 90 kalena la la’yahay.

Kenya oo la daala dhacaysa fatahaado ay dad badan ku dhinteen ayaa geesta kale waxaa laga cabsi qabaa inay wajahdo duufaantii ugu horreysay abid, sida uu sheegay madaxweynaha dalkaasi William Ruto.

“Kenya waxaa laga yaabaa inay wajahdo duufaantii ugu horreysay abid,” ayuu madaxweyne Ruto u sheegay muwaadiniinta isagoo khudbad heer qaran ah u jeediyay dalkaasi, iyada oo xaaladda taagan ay saameysay boqollaal kun oo qof.

Ruto oo Jimcihii hadlay ayaa sheegay in aysan jirin meel kamid ah dalka oo ka badbaadiyay “bur-burka”, wuxuuna ka digay in xaaladda la filayo inay kasii darto maalmaha soo socda, iyadoo la filay cimillo aad u daran.

“Duufaantan oo lagu magacaabo Hidaaya, waxay dhici kartaa wakhti kasta, waxaana la saadaalinayaa inay sababi karto roobab mahiigaan ah, dabaylo iyo mowjado xooggan oo khatar ah kuwaasi oo laga yaabo inay carqaladeeyaan dhaq-dhaqaaqyada badda ee Badweynta Hindiya iyo deegaannada ku teedsan xeebaha Kenya,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Dalkeennu waa in uu si adag oo deg-deg ah uga jawaaaabaa saameeynta dhibaatada ka dhalan karta, lana ilaaliyaa nafta iyo hantida.”

Madaxweyne William Ruto ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in dhammaan dugsiyada la xiro muddo aan la cayimin kadib roobabkii lixaadka lahaa ee dalkaasi ka da’ay.

Maxaa ka khaldamay amniga magaalada MUQDISHO?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maalmihii u dambeeyay ka dhacayay falal ammaan darri ah oo isugu jiro dilal, qaraxyo iyo weeraro loo adeegsanayay hoobiyeyaal kusoo dhacay xaafado ka tirsan gudaha caasimada.

Hoobiyihii u dambeeyay ayaa habeen hore kusoo dhacay guri u dhow madaxtooyada Soomaaliya, sidoo kale dilkii u dambeeyay waxaa loo gaystay Aadan Biit oo ka tirsanaa saraakiisha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaas oo lagu toogtay isaga oo fadhiyay maqaayad ku taalla agagaarka Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho.

Dhammaan weeraradan ayaa dhacay, ayada oo weli dadaallo amni sugid ah ay wadaan ciidamada ammaanka oo bilo kahor ku guuleystay inay xasiliyaan amniga Muqdisho.

Haddaba maxaa ka khaldamay amniga magaalada Muqdisho?

Korneel Cabdullaahi Cali Macow oo ka tirsan Saraakiishii hore ee NISA ayaa wareysi uu siiyay Idaacadda Kulmiye uga hadlay xaaladaha soo kordhay iyo khaladaadka ka jira hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya.

Sarkaalkan ayaa qiray in ay jiraan dhibaatooyin badan oo lagu hayo shacabka iyo ganacsatada, kuwaas oo qaarkood ay gaysanayaan xubno ka tirsan ciidamada, wuxuuna sheegay in arrintaas ay hoos u dhigtay taageeradii dowladda ee shacabka.

“Dadka dhibaato badan ayay ku jiraan, gaar ahaan ganacsatada waxaa dhibaato ku hayo booliska qaarkiis oo waddada u taagan, marka amni ayaan sugayaa dadweynihiina kama haysto taageero, hay’adaha amniga waxa ay luminayaan taageerada dowladda” ayuu yiri Macow.

Korneelka ayaa tusaale usoo qaatay weerarkii lagu dilay Sayid-Cali Cabdi Cadde oo ahaa sarkaal milatari ah oo dhowaan lagu dilay dagaal ciidamada ku dhexmaray degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

“Haddii aan tusaale usoo qaatay wiilkii sarkaalka ahaa ee lagu dilay Boondheere ciidan meesha maraayo oo baabuuro Tiknika ah wato ayaa askartii dagaalka kala timid oo bannaanka fadhiyo waa kala shakinay xabad ayaaba la’isku bilaabay, yaa u ogolaaday inay intaas oo rasaas ah ku ridaan xaafadaha?” ayuu sii raaciyay Korneelku.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay hay’adaha amniga inay dib isugu laabtaan oo ay saxaan khaladaadka ka dhex jira, si loo soo celiyo wada shaqeyntii shacabka iyo dowladda oo uu tilmaamay inay haatan meesha ka baxday.

Waxaan leeyahay hay’adaha amniga dib ha’isugu noqdaano oo marka dhibaatada lagu hayo dadka baaris halagu sameeyo” ayuu mar kale wareysiga ku yiri Korneel Macow.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan caasimada laga dareemayo culays amni, maadaama ay Al-Shabaab dib u billaabeem weeraradoodii, waxaana sidoo kale soo kordhay beegsi lagu hayo shirkadaha waa wayn, sida Hormuud iyo Korontada BECO.

Arrin cusub oo kasoo korortay dagalka Israel iyo Xamaas

Gaza (Caasimada Online) – Israa’iil iyo Xamaas ayaa weli isku maandhaafsan sidii ay u joojin lahaayeen dagaalka Gaza ka socda in ka badan 7 bilood.

Dagaalkan oo ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof, kuna qasbay in ka badan hal milyan oo Falastiiniyiin ah inay guryahooda ka cararaan.

Isagoo ku sugan Qaahira, hogaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh ayaa sheegay in kooxda falastiiniyiinta ah ay doonayaan xabad joojin dhamaystiran oo soo afjaraysa wuxuu ugu yeeray “gardarrada” Israel.

Sidoo kalena dammaanad qaadaysa ka bixitaanka ciidanka Israel ee Gaza, halka Xamaas ay sii daynayso ku dhawaad 100 la haystayaal Israa’iiliyiin ah, oo ay ku bedelato sii deynta boqolaal Falastiiniytiin ah oo xabsiyada Isreal ku jira.

Bayaan uu shalay soo saaray, Haniyeh wuxuu ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu masuul ka yahay “sii socoshada gardarrada iyo ballaarinta dagaalka, iyo burburinta dadaallada loo marayo dhexdhexaadinta nabadeed.

Netanyahu wuxuu diiday in la joojiyo dagaalka, tasoo uu sheegay inay ka dhigantahay in Xamaas oo khatar joogto ah ku ah maamulka Yahuudda gacanta loo geliyo Qaza.

Ra’iisul wasaare Xamza oo safarkiisi u horreeyay ugu baxay Kenya + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo hoggaaminayo ayaa saakiisii ugu horreeyay ugu ambabaxay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, tan iyo markii loo magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya bishii June ee sanadkii 2022-kii.

Xamza ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Kenya William Ruto oo uu wadahadallo kula yeelan doono Nairobi.

Ujeedka booqashadan ayaa ah mid lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo hoggaaminaaya wafdi ballaaran, ayaa saaka u ambabaxay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, halkaas oo uu ku tagaayo booqasho rasmi ah oo la xiriirta xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada Dal” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in safarka ra’iisul wasaare Xamza uu ku saabsan yahay dib u eegis lagu sameynayo iskaashiga labada waddan oo ay ka mid yihiin amniga iyo difaaca wadajirka ah.

Sidoo kale waxaa qiimeyn lagu saameyn doonaa arrimaha duulimaadyada, ganacsiga, maalgashiga, kobcinta tayada adeegga bulshada iyo tacliinta sare ee labada dowladood.

Booqashadan ayaa lagu sio aadiyay, xilli Kenya ay haatan qorsheyneyso inay heshiis cusub oo la xiriira qaadka la gasho dowladda federaalka Soomaaliya, si kor loogu qaado ganacsiga.

Horay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqashooyin kala duwan ugu bixiyay Nairobi ayaa heshiis kala duwan lasoo saxiixday dhiggiisa dalka Kenya, William Ruto.

Danjire Awliyo oo afka furtay farriin culusna u diray beelaha Dir iyo Mareexaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirkii hore ee Soomaaliya u joogay dalka Senegal Maxamed Xuseen Awliyo oo baaq nabadeed ka soo saaray colaad ka taagan Galgaduud ayaa afka furtay.

Danjire Awliyo ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in xilligaan ay Galgaduud ku dagaalamayaan beesha uu ka dhashay ee Dir iyo beesha Mareexaan oo kala dega Caabudwaaq iyo Xeraale.

Wuxuu sheegay in reer Caabudwaaq ay ku tilmaamanyihiin wadaniyiinta ay Soomaali ku dayato, halka beesha Dir ay ku tilmaaman tahay diinta, maadaama ay ka dhasheen mashaa’ikh waaweyn oo laga ciseeyo Soomaaliya, gaar ahaan gobollada dhexe.

“Caabudwaaq waxaa ka soo jeeda dad qiimo badan oo hoggaan u soo noqday Soomaaliya oo la yaqaano wadaniyadooda, in maanta wiil yar oo reer Miyi ah uu dagaal geliyo oo dad kale u soo dilo suurtagal maaha, sidoo kale in wiilkaas uu waayo cid ceshata maba dhici karto,” ayuu yiri Amb. Awliyo.

Awliyo, ayaa sheegay in wax la isku dilo aysan maanta oolin inta u dhaxeysa Caabudwaaq iyo Xeraale, isagoo waxgaradka labada beelood ka codsaday in colaadaan ay deg deg u joojiyaan oo maleeshiyaadka kala qabtaan.

“Dhinaca kale gobollada dhexe markii la joogo Dir waxaa ka dhalatay oo lagu ciseyn jiray raacashada diinta islaamka, culimo waaweyn ayaa ka dhalatay, Fiqi Xasan, Sheekh Ibraahim, Sheekh Yuusuf Direed, diinta ayey dadka ugu tali jireen, aaway caalimiintii reer Sheekh Salaad, dadkii uu ka dhashay Yuusuf Dhegabadan, labada dhinacba waxaan ka codsanayaa nabadda inay u istaagaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Awliyo.

Waxgaradka labada beelood ayuu Awliyo ugu baaqay in dhiiga daadanaya aysan sii dhowran, “walaalayaal wax la isku dilo meeshaas ma yaalaan, dhulkaan waa dayacan yahay waana idinka badan yahay ee iimaanku ha idin soo galo, diinta islaamkana ku dhaqma,” ayuu yiri.

Maxamed Xuseen Awliyo ayaa aad ugu mahadceliyey culimo ka tirsan Ahlusunna oo isku howlay joojinta colaadaas, kuwaas oo ka kala yimid, Dhuusamareeb, Caabudwaaq, Guriceel iyo Xeraale, culimadaasi oo magacyadooda uu mid mid u sheegay ayuu sheegay inay qaateen doorkoodii joojinta colaadaas.

“Walaalaha Xeraale iyo Caabudwaaq waxaan leeyahay war dalka waxa ka socda miyaadnaan ogeyn, wiilka maanta micna darada idinkaga dhimanaya, waxay aheyd in Soomaali Galbeed uu cadowga ka xoreeyo oo dhulka la qaadanayo uu difaaco,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyo Safiir hore Awliyo.

Loolanka doorashada ee Galmudug: Caqabadaha iyo fursadaha musharaxiinta

Kani waa maqaal si qotadheer u faaqidaya doorashada Galmudug ka dhici doonta xilligii ay isku waafaqaan madaxweyne Xasan Shiikh iyo madaxweyne Ahmed Qoorqoor.

Aan si eex la’aan ah mid-mid ugu dul-istaagno 5-ta musharax ee ilaa iminka suuqa doorashada iskeentay – waxayna kala yihiin:

1. Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor)
2. Dr. Max’ed Adam Jimcaale (Koofi)
3. Liibaan Axmed Xasan (Liban Shuluq)
4. Mahad Maxamed Salaad (Maahir)
5. Cabdiraxman Max’med Xuseen (Odawaa).

Mid-kasta furadaha uu heeysto iyo caqabadaha ku gadaaman oo aan idinla wadaago ku soo dhawaada.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor)

Qoorqoor, Wiil ganacsade dhalay, ganacsi lagu soo barbaariyay, Jabhad, ganacsade, maareeye dekedda Muqdisho, wasiir federaal ah iyo madaxweyne Galmudug ah ayay taariikhdiisu u dhexeeysaa.

Shaqsi ahaan waxaan bartay 1992 oo aan xaafadda Ceymiska daris ku aheeyn reer Qoorqoor.

Nin dadaal badan, Habeenkii shaqeeya, maalin-kiina la helo, hadba midabkii uu doono yeelan kara, dantiisa u seex-seexan kara, kasban kara dadka, qaar la dagaali kara, qaar qosol ku dabari kara, Fikir uu adduun ku gaari karo aanu dadaal la’aan ku dhaafeeyn, waayo-aragnimo iyo hoggaamin dabiici ah leh – QABIIL DHANNA KALIGIIS KA QOSLA.

FURSADDAHA UU HEEYSTO

1. Inuu hadda kursiga ku fadhiyo, taas oo u saamaxeeysa inuu habsami-u-socodka doorashada isagu hoggaamiyo ama ugu yaraan kaalin ku yeesho.

2. Waxqabad la wada qirsanyahay aadna loola tacajabay oo uu qabtay muddadii uu joogay Galmudug.

3. Inuu mideeyay casnhuurta iyo dakhliga Galmudug

4. Inuu degmo-kasta gole deegaan u dhisay.

5. Inaanu laheeyn cadow muuqda oo beegsi oo dagaal kula jira qarixii Laasgacameey kadib.

6. Xiriir aan xumeeyn ayaa kala dhexeeyaya dowladda federaalka ah

7. Fursaddiisa dib-udoorashada oo kor u kacday wixii ka danbeeyay markii dib loo soo doortay Saciid Deni.

8. Hadda waa ninka ugu fursadda roon inta tartameeysa haddaan wax isbeddelin, wuxuuna isbaheysi xooggan la leeyahay ugu yaraan hal musharax oo culus.

9. Waa nin si dabiici ah waayo-arag siyaasadeed ugu ah doorashooyinka, dhaqaale heysta, ama heli kara, wuxuuna ka dhex macaashi karaa is-diidooyinka iyo is-xinka musharixiinta kale.

10. Waa shaqsiga kali ah ee soomaaliyeed ee ka run sheegay halkudhiggii uu doorashada ku galay ee ahaa “Waayeel isku wadi kara”

11. Beesha uu ka dhashay ee Saleebaan oo xataa kuwa isaga mucaaradsan isaga ayaa ah kan ugu miisaanka culus, kaftan iyo gorgortanna Saleebaanku kama galaan hoggaamintiisa siyaasadeed ee Galmudug caadi ahaanna Saleebaanka waxaa lagu tilmaamaa beel taladeedu aruursantahay.

CAQABADAHA HORYAALLA

1. Caqabadda ugu weeyn ee hortaalla Qoorqoor waa inaanu jirin cid aamineeysa, wixii ka danbeeyay markii uu dhabarka ka jabiyay madaxweynihii iyo Ra’isalwasaarihii isaga soo dhistay ee dakanada siyaasadeed u soo galay – intaas kuma aanu ekeeyn ee saddex wareeg-doorasho oo habeenkii 15 May 2022 lagu galay teendhada afisyooni, hal wareeg oo kamid ah xataa kuma soo leexan dhanka madaxweynihii naftiisa u soo bixiyay ee Farmaajo – wayna adkaan doontaa inuu helo hoggaamiye danbe oo aamina – wuuse leeyahay xirfad uu ku kasbado.

2. Dowladda jirta oo sida muuqata aan isaga wadan.

3. Hoggaamiyayaasha mucaaradka midkoodna ma wato sida la qiyaasi karo (wax-se dib waa iska beddeli karaan).

4. Wuxuu ku guuldareeystay inuu xal u helo dagaalka soo noq-noqday ee beeshiisa kala dhexeeya inta badan beelaha kale ee Galmudug mararka qaarna gaadiidkiisa in ay qeyb ka yihiin ayaaba la far-muuqaa.

5. Musharax kale oo beeshiisa ah ayaa is sharaxay [Odawaa] waana culeys horleh oo kusoo kordhay.

6. Waxaa lagu tilmaamaa nin ku istimtaaca/raaxeeysta/nafis ku hela.inuu ciqaab daran marsiiyo qofkii dan kursi la xariirta ka soo yeesha iyo inuu yahay nin aanay waxba ka dhammaan xataa hadduu kula rabo waxaas uuna awoodo inuu inta ishu is qabato kuugu sameeyo oo jecel in Fahad Xabeeb loo wada noqdo.

7. Ma heeysto gole wasiiro oo wax kusoo kordhin kara ololihiisa doorashada oo xataa wasiiru-dowlaha xafiiskiisa ayaa musharax kale madaxa ololaha u ah.

8. Dadka xanta waxay ku sheegaan nin aakhirka wixiisa is-iibsan doona aniguse kuma jiro dadka taas oo aaminsan oo waxaan-ba aaminsanahay inuu yagleeli doono xisbi weeyn oo heer federaal ah.

La soco musharaxa xiga, musharexee jeclaan laheeyd inaan maqaalka xiga lagu soo qaato?.

W/Q: Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare)
Gudddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir.

Maxkamadda Gobolka oo mudeysay dacwadda 12 masuul + Magacyadooda

Muqdisho (Caasimada Online) –Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa mudeysay dhageysiga dacwad Musuq-maasuq ah oo loo haysto masuuliyiin ka tirsanaa hay’adaha dowladda, kuwaas oo lagu soo oogay eedeymo culus oo la xiriira xatooyo xoolo dadweyne.

Warqad saddex bog ah oo ka soo baxday maxkamadda ayaa lagu sheegay in maalinta Talaadada ah ee 14-ka bishaan loo fariisanayo dhageysoga dacwadda.

12 masuul oo agaasimayaal hore u badan ayaa magacyadooda lagu cadeeyey warqadda, kuwaas oo kiis culus oo eedeymo musuq ah uu ka yaallo maxkamadda.

Agaasimayaashii hore ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Koofi iyo Cabdul ayaa ku jira masuuliyiinta magacyadooda lagu soo xusay warqadda maxkamadda.

Sidoo kale, Agaasimihii waaxda canshuuraha beriga Muxudiin Xasan Saabey Jurus ayaa ka mid ah masuuliyiinta magacyadooda lagu soo tixay warqadaan ee mar kale loo fariisanayo dhageysiga dacwada loo heysto.

Dacwadda loo heysto ragaan ayaa dheeraatay, waxaana xafiisyada hantidhowrma iyo xeer ilaalinta ku adkaatay inay keenaan cadeymo lagu qanco.

Dhageysigii ugu dambeeyey ee kiiskaan waxay dacwad oogayaashu muujiyeen in aysan heysan cadeymo ku filan, taas oo sii xoojisay tuhunkii laga qabay in sumcad dil un lagu sameynayo masuuliyiinta lagu soo eedeeyey musuq maasuqa.

Hoos ka akhriso warqadda.

Sababta Farmaajo iyo Kheyre midkoodna uusan hal jiingad xitaa ugu laheyn XAMAR

Muqdisho (Caasimada Online) – Qofka doonaya xukun ama haysta ee raba inuu muddo dheer sii joogo kuma mashquulo xoolaha, haddii ay dhacdana waa inuu ka samra sharaf, xukun iyo diiwaan wanaagsan intaba.

Soomaaliya waa dalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka maanta. Saddex marxaladood oo dowladeed ayay leedahay Soomaaliya.

Mid waa 1960 illaa 1969, midna waa 1969 illaa 1991, midna waa 2000 illaa 2024. Madaxda ku xusan inta u dhaxeysa ee maamulay nidaam shaqeynaya qof walba wax gaar ah ayuu caan ku yahay.

Laakiin mowduuceenan gaaban wuxuu sheegaya laba kamid ah kuwii la arkay tobankii sano ee ugu dambeysay.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, siyaasi macangag ku ah xukun jaceylka, haysta laynka waddaniyada, isku-dayay inuu abuuro dariiq walba uu kusii joogi karo xukunka, ku eedeysan gabood-falo dowladeed, balse aan loo haysan xatooyo xoolo dadweyne.

Dhismaha guutooyin ciidan oo isaga gaar u taabacsan, in 17-ka degmo ee gobolka Banaadir uu u dhiibtay kooxo uu ula baxay xooggaga waddaniyiinta, in hoggaanka ciidamada uu ka nadiifiyay odayaashii kuna bedelay dhalinyaro rajiimkiisa daacad u ah, inuu kor usoo qaaday qabaa’ilada tabashada qabay iyo inuu sawirkiisa ka ilaaliyay in xatooyo lagu lifaaqo ayaa dhamaan ku siinaya inuu ahaa nin ka shaqeynaya inuu waqti dheer sii joogo xukunka.

Saddex sano iyo barkii ugu horeysay muddo xileedkiisa waxaa ra’iisul wasaate u ahaa Xasan Cali Kheyre. Waxaa la sheega inay labadoodu maamuleen dowladdii ugu dhaqaalaha badneyd Soomaaliya 24-kii sano ee u dambeysay.

Laakiin labadaasi nin midkoodna maanta magaalada Muqdisho wax guri ah kuma lahan xitaa jiingad yar, loomana haysto dhul dowladeed oo ay iibsadeen, xilli dad badan oo ay isku xilal qabteen ay leeyihiin hanti badan oo ma-guurto, dhulal iyo diiwaan wasakheysan oo ay xatooyo ku xardhan tahay.

Micnuhu waa xukun ayay kooxdaasi rabtay ee xoolo ma rabin. Dowladnimada Soomaaliya waa madax ka nool, waxaa la yiraahda dhamaan laamaha dowladda waxay u dhaqmaan sida ay madaxweynaha ka arkaan.

Madaxda caalamka soo martay dadka illaa maanta ugu muddo xileedka dheer waa kali-talisyada, sababtana waxaa lagu sheega inay xukunkii qaatee oo xoolihiina dadka u dhaafeen.

Shacabka inta badan loogama horkeeni karo madaxda inay waqti dheer xukunka haysteen, laakiin deg deg ayay dadweynaha ugu horyimaadan una nacaan madaxda jaano-boobka ah, sababta oo ah inta xukunka rabta waa kooban tahay laakiin xoolaha dadka oo dhan ayaa raba.

Xaqiiqadu waxay tahay in aan xukun guuleysta iyo xoolo tacbasho halmar laga wada shaqeyn karin.

Muxuu yahay shirka Nairobi uga socda DF iyo Kenya?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Nairobi maalintii sedexaad ka socoda shir u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo Kenya.

Shirkan oo ah midkii 3-aad ee guddiga wadajirka ah ee iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya (Joint Commission for Cooperation) ayaa waxaa wafdiga Soomaaliya ku hogaaminaya agaasimaha Afrika wasaaradda arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga.

Sidoo kale waxaa goobjoog ka ah Ambassador Jabriil Ibraahim Cabdulle, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya.

Shirkaan heerka farsamo ayaa noqon doona labo kalfadhi Kulamada qeybta gudiga wadajirka ah ee farsamo ee 3-da ilaa 5-ta May iyo kan wasiirada Isniinta 6-da May.

Shirka berri ayaa lagu wadaa inuu shir-guddoomin doono wasiirka arrimaha dibada Amb. Axmed Macallin Fiqi iyo dhigiisa Dr. Musalia Mudavadi.

Inta lagu guda jiro qaybaha dooduhu waxay diiradda saari doonaan dhinacyada horumarinta iskaashiga ganacsiga, kaabayaasha, amniga, beeraha, dalxiiska, caafimaadka, waxbarashada iyo dhaqaalaha buluugga ah.

JCC ayaa waxaa xigi doona booqashada ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Bare, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Ingiriiska oo shaaciyay inuu DENI kala hadlay khilaafka XASAN iyo laba qodob oo kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa shaacisay qodobo xasasi ah oo looga hadlay kulan shalay magaalada Garoowe ay ku yeesheen Safiirka Ingiriiska Danjire Michael Nithavrianakis iyo Saciid Deni.

Kulankan oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa waxa uu sheegtay safaaraddu in looga hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya mdaxweyne Xasan Sheekh iyo Saciid Deni, kaasi oo hadda maraya meel xasaasi ah.

Safiirka ayaa Deni ku booriyay muhiimada ay leedahay in la wada-hadlo, xilli ay wakiilada caalamiga ah ay ku cadaadinayaan labada dhinac inay iskugu yimaadan miiska wada-hadalka, si xal looga gaaro xiisadda taagan.

Hoos ka aqriso saddex qodob oo uu Ingiriiska sheegay in kulankaan looga hadlay;

1. Iskaashiga ama wada shaqeynta Puntland iyo UK, sidii kor loogu qaadi lahaa, iyada oo ay PL horey u dalabtay in si gaar ah ay ula macaamisho beesha caalamka.

2. Muhiimada ay leedahay in laga wada hadlo arrimaha muhiimka ah ee khilaafku kataagan yahay, gaar ahaana dibu eegista dastuurka DFS, oo ay Puntland diidan tahay nidaamka ay u martay madaxtooyada Soomaaliya, xili wakiilada caalamiga ah ee loo yaqaano C6+ oo ay UK ka mid tahay, ay ku cadaadinayaan labada dhinac in ay wada hadal siyaasadeed yeeshaan.

3. Sida ay UK gacan uga geysan karto kobaca dhaqaalaha ee mandiqada Puntland, tan waxay qeyb ka ahayd dalabka PL ee ah in mashaariicaha horumarinta gaar dhankooda loo siiyo, xili uusan xariir kala dhaxeynin DFS.

Geedi-socodka dowladnimada iyo nidaamka federaalka Soomaaliya oo kaalin weyn ku laheyd Puntland sida la ogyahay ayaa u muuqda in uu ku laabtay halkii uu marayay 2007-dii, xiligaas oo ahayd markii u horeysay oo Puntland xiriirka u jartay dowladda dhexe.