25.4 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Wasiirro caawa iska casilay DF Soomaaliya + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa is-casilay, xilli ay kasii dareyso xiisadda u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirrada is-casilay ayaa kala ah laba wasiir ku-xigeen iyo hal wasiiru-dowle, kuwaas oo xilka u baneeyay sababo la xiriira khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan hoggaanka Villa Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed.

Wasiiraddan is-casilay ayaa la rumeysan yihiin inay bilow u yihiin qorshaha xubnaha Koonfur Galbeed uga dareerayaan Dowladda Federaalka, taas oo muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay xiisadda labada dhinac.

Xubnahan is-casilay ayaa kala ah: Wasiiru-dowlihii Wasaarada Qorsheynta XFS, Axmed Maxamed Mashruuc, Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha dibadda XFS, Isaak Mohamud Mursal iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Maxamed Aadan Maxamed.

Xildhibaan Maxamed Aadan oo kamid ah saddexda wasiir ee caawa is-casilay ayaa sheegay in markii uu si dhab ah u qiimeeyay qaabka hoggaamineed ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si muuqata uga leexday mas’uuliyaddii qaran ee loo igmaday.

“Waxaan qaatay go’aanka is-casilaadda, markaan arkay duullaanka qaawan, sharci darrada ah ee lagu soo qaaday Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, taas oo si toos ah uga hor imaaneysa dastuurka dalka iyo mabda’a federaalka.”

Wuxuu intaas sii raaciyay: “Markaan sidoo kale arkay in xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada oo aan deegaan wadaag nahay, loo adeegsaday qorshe siyaasadeed oo lagu burburinayo laguna wiiqayo nidaamka dowladnimo ee Koonfur Galbeed ayaa qaatay go’aankan.”

Mas’uulkan ayaa sheegay in damiirkiisu u oggolaan waayay inuu qayb ka sii ahaado hannaan siyaasadeed oo dalka u horseedaya dhibaato iyo colaad hor leh. “Sidaas darteed, waxaan go’aansaday inaan iska casilo xilkii Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.”

AADAN MADOOBE oo qoraal carro leh ka soo saaray is-hortaaga Lafta-gareen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe ayaa si adag uga hadlay is-hortaaga safarkii uu maanta ku tegi lahaa magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

Aadan Madoobe oo soo saaray qoraal ay carro xooggan ka muuqato ayaa sheegay in si bareer ah Madaxweyne Lafta-gareen uga carqaladeeyay safarkiisa, taas oo keentay in safarkii guddoomiyuhu uu dib ugu soo noqdo Muqdisho.

“Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu si weyn uga xun yahay tallaabooyinkii u dambeeyay ee ay qaadeen maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo sii cakiray xaaladda isla markaana carqaladeeyay dadaalladii lagu dejin lahaa xiisadda taagan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in socdaalkiisu uu ahaa mid nabadeed, isla markaana ujeeddadiisu ahayd dejinta xaaladda, bilaabidda wada-hadal, iyo dhex-dhexaadin lagu xallinayo khilaafaadka jira, si looga hortago in xaaladdu isu beddesho qalalaase iyo gacan ka hadal.

“Tallaabooyinkii lagu hor istaagay socdaalkaas iyo xannibaadihii la sameeyay waxay lumiyeen fursad muhiim ah oo lagu yarayn lahaa xiisadda laguna gaari lahaa isfaham iyo wada shaqeyn,” ayaa lagu yiri qoraalka Guddoomiye Aadan Madoobe.

Sidoo kale wuxuu sheegay in socdaalkiisa uu hore ugu wargeliyay Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen, ayna isla ogaayeen, balse uu gadaal iska beddelay.

“Guddoomiyuhu asagoo tixgelinaya nidaamka dowladnimo waxa uu la hadlay Madaxweyne Lafta-gareen kuna wargeliyay socdaalkiisa iyo ujeedadiisa waxaana isla qaateen in maanta oo Khamiis ah lagu beego safarka laakiin arrintaas ay ku hirgeli waysay is-hortaag uu si bareer ah Madaxweyne Laftagareen ugu carqaladeeyay safarka Guddoomiyaha, taas oo keentay in safarkii Guddoomiyuhu uu dib ugu soo noqday Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Madoobe.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu si weyn uga xun yahay tallaabooyinkii u dambeeyay ee ay qaadeen maamulka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaas oo sii cakiray xaaladda isla markaana carqaladeeyay dadaalladii lagu dejin lahaa xiisadda taagan.

Guddoomiyuhu waxa uu caddeynayaa in socdaalkiisii nabadeed ee uu ku tegay deegaannada Koonfur-Galbeed uu ahaa mid ujeeddadiisu tahay dejinta xaaladda, bilaabidda wadahadal, iyo dhex-dhexaadin lagu xallinayo khilaafaadka jira, si looga hortago in xaaladdu isu beddesho qalalaase iyo gacan ka hadal.

Guddoomiyuhu asagoo tixgelinaya nidaamka dowladnimo waxa uu la hadlay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Laftagareen kuna wargeliyay socdaalkiisa iyo ujeedadiisa waxaana isla qaateen in maanta oo Khamiis ah lagu beego safarka laakiin arrintaas ay ku hirgeli waysay is-hortaag uu si bareer ah Madaxweyne Laftagareen ugu carqaladeeyay safarka Guddoomiyaha, taas oo keentay in safarkii Guddoomiyuhu uu dib ugu soo noqday Muqdisho.

Tallaabooyinkii lagu hor istaagay socdaalkaas iyo xannibaadihii la sameeyay waxay lumiyeen fursad muhiim ah oo lagu yarayn lahaa xiisadda laguna gaari lahaa isfaham iyo wada shaqeyn. Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu caddeynayaa inaan la aqbali karin in cid gooni ah isku gaarto yeesho arrimaha masiiriga ah ee dadka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo in lagu xadgudbo go’aannadii uu qaatay ama ahaa Madaxweynaha Laftagareen sida hirgelinta dhamaystirka dastuurka iyo hannaan dimuqraadiyadeedka dalka.

Guddoomiyaha waxa uu madaxda maamulka Koonfur Galbeed ugu baaqayaa in ay ka fiirsadaan xaaladda iyo tallaabooyinka aan u adeegeyn maslaxadda dowlad goboleedka iyo tan qaranka, loona dhaqmo si mas’uuliyadi ku jirto.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu markale adkeynayaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo hay’adaha dastuuriga ah, lana ilaaliyo wada shaqeynta u dhaxeysa heerarka kala duwan ee dowladda, taas oo saldhig u ah xasilloonida iyo dowladnimada dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu markale xaqiijinayaa sida ay uga go’an tahay in uu ka shaqeeyo midnimada dalka, dejinta xaaladaha cakiran, iyo dhiirrigelinta wadahadal iyo is-afgarad qaran.

— Dhammaad —

Daawo: Madaxweyne XASAN oo caawa ku dhawaaqay inuu…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidul-Fitriga u diray shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan ummadaha Muslimiinta caalamka, ayaa ku dhawaaqay cafis cusub oo soconaya muddo 90 maalmood ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marka hore si gaar ah hambalyo ugu diray Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, kuwaas oo habeen iyo maalin u taagan difaaca dalka iyo badbaadinta shacabka.

“Geesinimada iyo naf-hurnimada ciidankeennu waxay udub-dhexaad u yihiin nabadda iyo xasilloonida aan maanta ku naaloonayno,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Intaas kadib, Madaxweynaha ayaa cafis soconaya 90 maalmood, oo maanta ka bilaabanaya u fidiyay dhallinyarada weli ku harsan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

“Waxaan baaq nabadeed iyo cafis 90 maalmood ah u fidinayaa dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka tirsan ururrada Al-Shabaab iyo Daacish,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhallinyaradan inay ka soo noqdaan waddada qaldan ee ay ku habaabeen, una soo laabtaan bulshadooda Soomaaliyeed ee ay ka midka yihiin.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar walba diyaar u tahay inay soo dhaweyso dhallinyarada, una abuurto mustaqbal sharaf leh oo ay kaga qayb qaataan dhismaha dalkooda.”

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray hay’adaha amniga iyo garsoorka inay soo dhammaystiraan habraaca fulinta cafiska.

Hoos ka daawo muuqaalka

Iiraan oo weerar culus ku qaaday warshadda shidaalka ee ugu weyn Israa’iil

Qudus (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar gantaallo ah oo Iiraan ku qaaday xarun muhiim ah oo shidaalka lagu sifeeyo oo ku taalla gudaha Israa’iil, gaar ahaan magaalada xeebeedka waqooyi ee Haifa, iyadoo dhacdadan ay si weyn uga hadleen warbaahinta caalamka.

Weerarkan oo lagu beegsaday Xarunta Sifaynta Shidaalka ee ORL (Oil Refineries Ltd), ayey Wasaaradda Tamarta ee Israa’iil sheegtay in uusan jirin “khasaare baaxad leh” oo soo gaaray xaruntaasi, inkastoo uu sababay hakad kooban oo dhinaca adeegyada ah.

Wasiirka Tamarta ee Israa’iil, Eli Cohen, ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi uu sababay in korontadu go’do muddo kooban, balse dib si dhaqso ah loogu soo celiyay inta badan goobihii ay saameysay, taas oo Israa’iil ku muujinayso in nidaamyadeeda muhiimka ahi ay weli shaqeynayaan.

“Soo-gaadhista burburka ee shabakadda korontada ee waqooyiga waa mid ku eg meel gaar ah oo aan ballaarneyn,” ayuu yiri wasiirka, isagoo intaas ku daray in weerarro isdaba joog ah oo lagu qaaday waqooyiga dalka aysan waxyeello muuqata gaarsiin kaabayaasha aasaasiga ah.

Booliska Israa’iil ayaa dhankooda sheegay in kooxaha ku shaqada leh ka-takhalusidda walxaha qarxa la geeyay goobo dhowr ah oo ka tirsan Haifa, halkaas oo ay ku dhaceen haraadiga gantaallada, si loo xaqiijiyo badbaadada shacabka loona baaro wax kasta oo khatar ah.

Ilaa hadda, lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarkaasi, taas oo yareysay cabsi hor leh oo laga qabay in xaaladdu isu beddesho mid aad u halis badan.

Dhanka kale, Wasaaradda Ilaalinta Deegaanka ee Israa’iil ayaa sheegtay in firir ka dhashay gantaal hawada lagu burburiyay uu ku soo dhacay gudaha Haifa, iyadoo hadda uu socdo baaritaan lagu ogaanayo in ay jireen walxo khatar ah oo deegaanka wax u dhimi kara.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Iiraan iyo Israa’iil, gaar ahaan kadib weerarro hore oo lagu beegsaday xarumo muhiim ah oo la xiriira tamarta.

Si kastaba, arrimahan ayaa sii xoojinaya walaaca laga qabo in xaaladda gobolka Bariga Dhexe ay u gudubto heer ka sii khatar badan, iyadoo beesha caalamka ay si dhow ula socoto tallaabooyinka xiga ee ay qaadi karaan labada dhinac.

Lafta-gareen oo kulan deg-deg ah la yeeshay odayaasha xilli ay kasii dareyso xiisadda

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa kulan degdeg ah la qaatay odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed.

Kulankan ayaa yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan deegaanada maamulka, kuwaas oo salka ku haya khilaafka u dhexeeya Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray arrimaha la xiriira fara-gelinta uu maamulka Koonfur Galbeed ku eedeeyay Dowladda Federaalka, taas oo la sheegay inay saameyn ku yeelatay howlaha maamulka.

Lafta-gareen ayaa odayaasha dhaqanka la wadaagay mowqifka rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta dastuurka, madax-bannaanida dowlada, iyo wada-shaqeyn ku dhisan ixtiraam iyo wada-tashi.

Odayaasha dhaqanka ayaa dhankooda muujiyay walaacooda ku aaddan xaaladda taagan, iyagoo ku baaqay in la xoojiyo midnimada bulshada, lana ilaaliyo xasilloonida iyo nabadda deegaanada Koonfur Galbeed.

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed ayaa u muuqata mid kasii dareysa iyadoo meelaha qaar laga dareemayo abaabul ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyo muujinaya suurtagalnimada isku dhacyo hor leh.

Koonfur Galbeed ayaa xiriirka u jartay Dowladda Federaalka, iyadoo Madaxweyne Lafta-gareen uu si adag uga horyimid dastuurka cusub ee uu meel-mariyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa si cad u sheegay in ay u kala dhamaatay isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana Dowladda Federaalka aysan tegi karin deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda labada dhinac oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo dalka ka taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay doorashooyinka heer federaal iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka.

Aadan Madoobe oo loo diiday inuu u dhoofo Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo maanta la qorsheynayay inuu tego magaalada Baydhaba ayaa baaqday, kadib markii Koonfur Galbeed ay ka hor istaagtay inuu gaaro gudaha magaaladaasi.

Warar aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in hawada laga soo celiyay diyaarad sidday wafdi hordhac u ah Aadan Madoobe oo ay ku jiraan ilaaladiisa, kadib markii ay Koonfur Galbeed u diiday inay ka dagaan garoonka Shaati Gaduud, waxaana ugu dambeyn ay ku soo laabteen magaalada Muqdisho.

Safarka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa la xiriiray xallinta xiisadda ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed, balse ma suurtagalin, waxaana saameeyay go’aanka ay Koonfur ku joojisay diyaaradihii tegi jiray Baydhaba.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in Koonfur Galbeed ay hubka culus ee lidka diyaaradaha gaysay garoonka Baydhaba, isla markaana ay u digtay diyaaradaha in ay soo qaadaan mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo xubnaha mucaaradka ee dagaalka kula jira madaxweyne Lafta-agareen.

Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale ujeedka ku sheegtay in go’aankan uu la xiriiro xaqiijinta amniga deegaannadeeda, si looga hortego khatar dibadda ah.

Dhankeedka dowladda Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah, waxayna saaka ciidamo u dirtay magaalada Baraawe ee caasimada rasmiga ah ee Koonfur Galbeed, kuwaas oo loogu talagalay inay xoojiyaan ciidanka dowladda ee ku sugan halkaasi, sidoo kalena xaqiijiyaan amniga guud ee magaaladaasi.

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed ayaa u muuqata mid kasii dareysa iyadoo meelaha qaar laga dareemayo abaabul ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyo muujinaya suurtagalnimada isku dhacyo hor leh.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda labada dhinac oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo ay horay u taagnaayeen khilaafaad kale oo ka dhashay doorashooyinka heer Federaal iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka dhawaan la ansixiyay, kadibna uu saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Golaha Mustaqbalka oo taageeray Lafta-gareen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka kooban Jubbaland, Puntland iyo Madasha Samatabixinta ayaa taageero xooggan u muujiyay madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gebi ahaan xiriirkii u jaray Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Goaha ayaa ugu horreyn soo dhaweeyay go’aanka kasoo baxay madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen oo shalay qaadacay Dastuurka cusub ee la ansixiyay, isaga oo sheegay in ay aqoonsan yihiin Dastuurkii KMG ka ahaa ee 2012-kii.

Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka ayaa taageeray in Koonfur Galbeed ay qabsato doorashadeeda, waxayna sidoo kale ugu baaqeen Maamul-goboleedyada kale ee Galmudug iyo HirShabelle in ay doorasho galaan.

Dhanka kale, qoraalkan ayaa digniin loogu diray madaxweyne Xasan Sheekh , wuxuu goluhu ka digay in Ciidamada Qalabka Sida u adeegsado siyaasad.

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu soo dhowaynayaa go’aanka dowlad-goboleedka Koofur-galbeed ay ku diiday wax ka baddalkii sharcidarrada ahaa ee dastuurka, wuxuuna Madaxweyne Xasan Sh uga digayaa ku takrifalka ciidamada Qalabka Sida iyo hay’adaha kale ee bixiya adeegyada xasaasiga ah” ayaa lagu yiri bayaanka.

Taageerada Golaha Mustaqbalka ayaa timid, kadib markii uu madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen uu shalay soo saaray go’aanno xasaasi ah, kuna dhawaaqay in uu doorasho ka qabanayo Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana kasii horreeyay go’aan kale oo uu xiriirka ugu jaray dowladda dhexe.

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed ayaa u muuqata mid kasii dareysa iyadoo meelaha qaar laga dareemayo abaabul ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyo muujinaya suurtagalnimada isku dhacyo hor leh.

Si kastaba, Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda labada dhinac oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo ay horay u taagnaayeen khilaafaad kale oo ka dhashay doorashooyinka heer Federaal iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka dhawaan la ansixiyay, kadibna uu saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Soomaaliya oo garab istaag wayn u muujisay dalalka Khaliijka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya oo soo saartay bayaan ku qoran Luqadda Ingiriiska ayaa si adag u cambaareysay weerarrada ay Iiraan la beegsatay xarumaha soo saarista tamarta ee dalalka Sacuudiga, Qadar iyo Isu Tegga Imaaradka Carabta.

Wasaaradda arrimaha dibadda oo iyadu soo saartay warsaxaafadeedka ayaa sheegtay in weerarrada Iiraan ay yihiin kuwo ka hor imaanaya shuruucda caalamiga ah iyo madaxbannaanida waddamada Khaliijka Carabta.

Sidoo kale, Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay si buuxda u garab taagan tahay Riyadh, Dooxa iyo Abu Dhabi oo hadda wajahay culeys xooggan.

“Soomaaliya waxay mar kale xaqiijinaysaa garab istaageeda buuxa ee dawladaha iyo shucuubta Sacuudi Carabiya, Qadar, iyo Imaaraadka, waxayna taageeraysaa tallaabooyinka lagu ilaalinayo madax-bannaanidooda” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale ku baaqday in wada-hadal lagu dhammeeyo khilaafka ka taagan bariga dhexe, gaar ahaan dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo kaashanaya Israa’iil, kaas oo saameeyay gobolka oo dhan.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay weli ka go’an tahay inay la shaqayso saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo dhiirrigeliyo nabadda, loona ilaaliyo kaabayaasha tamarta ee muhiimka ah” ayaa lasii raaciyay.

Warka kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kusoo aadayo, xilli dagaalku uu galay todobaadkii saddexaad oo xiriir ah, duqeymaha Mareykanka iyo Israa’iilna ay sii xoogeysanayaan, halka Iiraan ay bartilmaameedsanayso saldhigyada Mareykanka iyo goobo rayid ah oo ku yaalla Khaliijka,

Sarkaal gobolka ah wuxuu sheegay in dareenka ugu weyn ee madaxda Carbeed uu yahay mid cad: in Trump uu si buuxda u wiiqo awoodda milateri ee Iiraan.  Sida uu xusay sarkaalkaAS, beddelka arrintaas ayaa ah in lagu noolaado cabsi iyo argagax joogto ah.

Iiraan oo u badan Shiico ayaa inta badan shaki weyn ka qabtay dalalka deriska la ah ee Khaliijka Carabta ee Sunniga ah—kuwaas oo ah xulafada dhow ee Mareykanka, martigeliyana saldhigyo milateri oo Washington ay leedahay.

Sanadihii la soo dhaafay, Iiraan iyo xulafadeeda gobolka ayaa lagu eedeeyay inay weeraro ku qaadeen xarumaha tamarta ee Khaliijka, gaar ahaan weerarkii 2019 ee lagu qaaday xarumaha shidaalka ee Abqaiq iyo Khurais ee Sacuudiga, kaas oo hoos u dhigay wax-soo-saarkii Sacuudiga gariiriyayna suuqyada tamarta.

Hoos ka akhriso bayaanka oo dhammaystiran;-

Koonfur Galbeed oo qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah DF

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu hadda khilaaf culus kala dhexeeyo Dowladda Federaalka ayaa maanta qaaday tallaabo kale oo uga sii dareysa xiisadda labada dhinac.

Wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada Koonfur Galbeed oo qoraal soo saartay ayaa hakisay duulimaadyadii tegi lahaa Baydhaba, marka laga reebo diyaaradaha UN-ka iyo kuwa ay adeegsadaan ciidanka howlgalka AUSSOM.

Warqad kasoo baxday xafiiska wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Cali Maxamed (Amardambe), ayaa waxaa lagu amray diyaaradaha in aysan soo qaadi karin qof siyaasi ah oo aan heysan ruqsad rasmi ah, maadaama ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo culus.

Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale ujeedka ku sheegtay in go’aanakn uu la xiriiro xaqiijinta amniga deegaannadeeda, si looga hortego khatar dibadda ah.

Arrintan ayaa u muuqata mid si gaar ah loogu beegsanayo mas’uuliyiinta DFS iyo xubnaha mucaaradka oo la sheegay in qaarkood ay ku wajahan yihiin deegaanno ka tirsan maamulkaasi oo ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Horay Koonfur Galbeed ayaa si toos ah xiriirkii ugu jartay Dowladda Federaalka, iyada oo uu meel xun gaaray khilaafka Muqdisho iyo Baydhaba oo salka ku haya arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka Dastuurka dalka.

Dhankeedka dowladda Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah, waxayna saaka ciidamo u dirtay magaalada Baraawe ee caasimada rasmiga ah ee Koonfur Galbeed, kuwaas oo loogu talagalay inay xoojiyaan ciidanka dowladda ee ku sugan halkaasi, sidoo kalena xaqiijiyaan amniga guud ee magaaladaasi.

Si kastaba, Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda labada dhinac oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo ay horay u taagnaayeen khilaafaad kale oo ka dhashay doorashooyinka heer Federaal iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka dhawaan la ansixiyay, kadibna uu saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Xog: DF oo ciidamo u daad-gureysay Koonfur Galbeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhow ciidamo gaar ah oo ka tirsan kuwa Haramcad u daabushay deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya, xilli uu haatan sii xoogeysanayo khilaafka culus ee soo kala dhex-galay Muqdiso iyo Baydhaba.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidamadan oo boqolaal ah ayaa saaka diyaarad looga qaaday Muqdisho, waxaana la geeyay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, sidoo kalena ah caasimada rasmiga ah ee Koonfur Galbeed, halkaas oo ay ka bilaabi doonaan dhaq-dhaqaaqyo xooggan.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in ciidamadan oo ah qaybtii ugu horreysay lagu qaaday diyaarad nooca loo yaqaano Foker 50, waxaana ujeedka uu yahay in ay xoojiyaan ciidamada ku sugan gudaha magaaladaasi.

Sidoo kale, qorshaha Villa Soomaaliya ayaa ah in ay adkeysato gacan ku heynta magaalada Baraawe, illaa degmada Buurhakaba ee gobolka Baay oo ay ku sugan yihiin mucaaradka Koonfur Galbeed oo horay dhaq-dhaqaaqyo uga bilaabay halkaasi.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud xalay lagu amray inuu diyaariyo 1,100 askari oo laga soo xulayo qeybaha ciidamada, si loogu adeegsado Koonfur Galbeed.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa, iyada oo shalay madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen uu ku eedeeyay dowladda dhexe inay ka dambeysay dagaalladii ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Baay, isaga oo sidoo kale hoosta ka xariiqay in ay isku ajende noqdeen Dowladda Federaalka iyo kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay taasi caddeyn u tahay hub uu tilmaamay in lasoo dhex-marsiiyay Khawaarijta kadibna la geeyay degmada Buurhakaba oo ay joogaan ciidamo maleeshiyaad ah.

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed ayaa u muuqata mid kasii dareysa iyadoo meelaha qaar laga dareemayo abaabul ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyo muujinaya suurtagalnimada isku dhacyo hor leh.

Si kastaba, Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda labada dhinac oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo ay horay u taagnaayeen khilaafaad kale oo ka dhashay doorashooyinka heer Federaal iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka dhawaan la ansixiyay, kadibna uu saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiir Jaamac oo si kulul ugu jawaabay Lafta-gareen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qoraal kooban soo saaray ayaa si kulul uga hadlay xaaladda kacsan ee Koonfur Galbeed, isaga oo si kulul ugu jawaabay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo shalay shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Baydhaba.

Lafta-gareen ayaa bannaanka keenay waxyaabo badan qarsoonaa, isaga oo eedeymo u jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa.

“Waa la bixihaa, waa la yeelaa, war aniga guri ijaar oo adiga leedahay miyaan ku jiraa?”. ayuu shalay yiri madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu si gaar ah Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee dowladda dhexe ugu eedeeyay inay ka dambeeyeen dagaalladii ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Baay. Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in ay isku ajende noqdeen Dowladda Federaalka iyo Al-Shabaab, isla markaana ay taasi caddeyn u tahay hub uu tilmaamay in lasoo dhex-marsiiyay Khawaarijta kadibna la geeyay degmada Buurhakaba oo ay joogaan ciidamo maleeshiyaad ah.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay Wasiir Jaamac oo isna shaaca ka qaaday in Lafta-gareen uu mar hore ka dhamaaday muddo xileedka, balse uu ku joogay is-faham siyaasadeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Duqa ha loo sheego heshiiska kirada guriga uu ku deganaa wuxuu ku ekaa Dec.19. 2022. Wixii ka dambeeyey gurigaas Isfahan ayuu ku deganaa” ayuu yiri Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Wasiirka ayaa intaas kusii daray “KGS goob Farmaajo mar labaad loo afduubaayo ma noqoneyso, riyada ka kac ee doorasho qof iyo cod ayaa KGS laga qabanaa”.

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed ayaa u muuqata mid kasii dareysa iyadoo meelaha qaar laga dareemayo abaabul ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyo muujinaya suurtagalnimada isku dhacyo hor leh.

Si kastaba, Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda labada dhinac oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo ay horay u taagnaayeen khilaafaad kale oo ka dhashay doorashooyinka heer Federaal iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka dhawaan la ansixiyay, kadibna uu saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sirdoonka Mareykanka oo Congress-ka ku hor beeniyey arrin uu Trump ka sheegay Iran

Washington (Caasimada Online) — Hay’adaha sirdoonka Mareykanka ayaa Arbacadii shaaca ka qaaday in Iiraan aysan dib u dhis ku sameyneynin awoodeedii kobcinta Nukliyeerka ee ay horay u burburiyeen Mareykanka iyo Israa’iil sanadkii la soo dhaafay, shaacitsan si toos ah uga hor imaaneysa cudur-daarkii ugu weynaa ee uu Madaxweyne Donald Trump u adeegsaday dagaalka ba’an ee haatan ka socda dalkaas.

Tulsi Gabbard, oo ah saaxiib dhow oo madaxweynaha la leeyahay, haatanna ah Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Mareykanka, ayaa fariimo is-burinaya ka bixisay asalka iyo natiijada dagaalka saddexda toddobaad socda, xilli iyada iyo saraakiil kale ay hortageen Koongareeska Mareykanka. Waxay sidoo kale qiimeyn ku sameysay in hoggaanka Iiraan uu weli yahay mid shaqeynaya inkastoo uu wiiqmay.

“Natiijadii ka dhalatay Howlgalkii (Operation Midnight Hammer), barnaamijkii kobcinta Nukliyeerka Iiraan gabi ahaanba waa la tirtiray,” ayay Gabbard ku sheegtay markhaati-fur qoran oo ay u gudbisay guddiga sirdoonka ee Aqalka Senate-ka, iyadoo tixraacaysa duqeyntii Mareykanka ee bishii Juun 2025. “Ilaa xilligaas ma jirin wax isku day ah oo lagu doonayay in dib loogu dhiso awooddooda kobcinta,” ayay raacisay.

In kasta oo Gabbard aysan hadalladan ka hor sheegin kaamiradaha warbaahinta, haddana markii uu si adag u weydiiyay mudane ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga, waxay ku andacootay inaysan haysan waqti ku filan oo ay ku akhrido qoraalka oo dhan intii uu socday dhageysiga, balse mayna beeninin xogtaas sirdoon.

Madaxweyne Trump ayaa marar badan ku celceliyay inuu amray weerarka wadajirka ah ee lala beegsaday Iiraan 28-kii bishii Febraayo sababo la xiriira “khatar degdeg ah” oo soo food saartay dalkiisa.

Kadib duqeymihii Juun 2025, Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu si buuxda u burburiyay xarumihii Nukliyeerka Iiraan, balse tan iyo markii uu dagaalkan dambe qarxay wuxuu ku adkeysanayay in xukuumadda Tehran ay toddobaadyo uun u jirtay sameynta bambaano Nukliyeer ah, sidaas darteedna ay qasab ku noqotay inuu tallaabo qaado.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan la-socodka Nukliyeerka iyo inta badan kormeerayaasha madax-bannaan ayaan taageerin sheegashada ah in Iiraan ay qarka u saarneyd sameynta hub Nukliyeer ah, xilli dalkaas uu wada-xaajoodyo la lahaa ergooyinka Trump maalmo uun ka hor inta aan la weerarin.

Agaasimaha hay’adda sirdoonka ee CIA, John Ratcliffe, oo la weydiiyay wada-xaajoodyadaas ayaa mudaneyaasha u sheegay: “Waxay ahayd mid aad u cad in Iiraan, intii ay wada-hadallada ku jirtay, aysan lahayn wax niyad ah oo ay kaga dhabeyso.”

Tulsi Gabbard lafteeda ayaa xilligii ay ahayd xildhibaanad ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga waxay si weyn uga soo horjeedday in dagaal lala galo Iiraan.

Mid ka mid ah la-taliyeyaasheeda ugu sarreeya, Joseph Kent, ayaa Talaadadii iska casilay xilkii Agaasimaha Xarunta Qaranka ee La-dagaallanka Argagixisada, isagoo sheegay in Iiraan aysan ahayn “khatar degdeg ah”, Madaxweyne Trump-na ay marin-habaabiyeen Israa’iil iyo warbaahintu.

Xubnaha Dimoqraadiga ayaa si weyn u weeraray Gabbard, iyagoo ku eedeeyay inaysan keenin wax caddayn ah oo muujinaya in Iiraan ay leedahay khatar ka baxsan tii ay lahayd tan iyo Kacaankii Islaamiga ahaa ee 1979-kii.

“Madaxweyne Trump wuxuu yiri, annagu ma nihin booliska adduunka. Arrintaas ayuuna ku ololeeyay,” ayuu yiri Senator Michael Bennet oo ka tirsan Dimoqraadiga. “Hadda wuxuu naga dhigay booliskii adduunka, xeer-beegtidii, garsoorihii, iyo fuliyihii xukunka dilka.”

Marka la eego xaaladda gudaha Iiraan, Gabbard waxay xustay in nidaamka Tehran uu la kulmay dharbaaxooyin culus intii lagu jiray toddobaadyadii duqeymaha—oo ay ku jirto dilkii Hoggaamiyihii Sare Aayatullaahi Cali Khamenei—balse Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay weli tahay mid shaqeyneysa.

“Bulshada sirdoonka Mareykanku waxay aaminsan tahay in nidaamka Iiraan uu yahay mid taagan, balse si weyn loo naafeeyay awooddiisii maadaama la beegsaday hoggaankiisii iyo awoodihiisii milateri,” ayay tiri Gabbard. Waxay ka digtay in haddii nidaamkani uu badbaado, uu billaabi doono dadaal sanado qaadanaya oo uu dib ugu dhisayo milaterigiisa, gantaalladiisa iyo awooddiisa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Mareykanka oo $15,000 ka dhigay lacagta fiisaha ee laga rabo dadka 50 dal + Liiska

Washington (Caasimada Online) — Maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqday go’aan cusub oo ay muwaadiniinta u dhashay 50 waddan ugu xireyso shardi ah inay bixiyaan lacag damaanad ah oo gaareysa $15,000, si ay u dalbadaan dal ku-galka (Fiisaha) Mareykanka, sida uu Arbacadii xaqiijiyay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Washington.

Sarkaalkan, oo diiday in magaciisa la shaaciyo, ayaa warbaahinta u sheegay in 12 dal oo cusub lagu soo daray liis horay u jiray oo ka koobnaa 38 waddan, kuwaas oo u badan waddamo ku yaalla qaaradda Afrika.

Barnaamijkan la ballaariyay ee damaanadda fiisaha, kaas oo qasbaya in muwaadiniinta ajnabiga ah ay bixiyaan lacagtaas marka ay dalbanayaan fiisaha nooca B1 ama B2 ee ganacsiga iyo dalxiiska, ayaa si rasmi ah u dhaqan geli doona 2-da bisha April.

Ujeeddada laga leeyahay tallaabadan adag ayaa ah in looga hortago in dadka booqashada ku yimaada Mareykanka ay iska dhex joogaan dalka markii uu ka dhaco waqtiga dal ku-galkooda, sida uu xusay sarkaalka u hadlay Wasaaradda.

Waddamada cusub ee lagu soo kordhiyay barnaamijkan ayaa kala ah; Cambodia, Ethiopia, Georgia, Grenada, Lesotho, Mauritius, Mongolia, Mozambique, Nicaragua, Papua New Guinea, Seychelles, iyo Tunisia.

Sarkaalka ayaa caddeeyay in lacagtan damaanadda ah dib loo siin doono dadka fiisaha qaata haddii ay dalkooda dib ugu laabtaan iyagoo si buuxda u dhowraya shuruudaha fiisaha iyo damaanadda, ama haddii ay gabi ahaanba baajiyaan safarkooda.

Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii Janaayo ee 2025, Madaxweyne Trump, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, ayaa hirgeliyay siyaasad adag oo dhanka socdaalka ah.

Tallaabooyinkaas waxaa ka mid ah olole baaxad leh oo dadka lagu tarxiilayo, la-laabashada fiisooyinka iyo kaararka deganaanshaha (Green Cards), iyo waliba baaritaan qoto dheer oo lagu sameeyo baraha bulshada iyo khudbadihii hore ee dadka soogalootiga ah.

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa si kulul u cambaareeyay siyaasadaha Trump ee la xiriira socdaalka iyo safarka, iyagoo ku tilmaamay kuwo xaddidaya dammaanad-qaadka habraaca caddaaladda iyo xorriyadda hadalka.

Dhanka kale, Madaxweyne Trump iyo xulafadiisa ayaa ku doodaya in siyaasadahani ay lagama maarmaan u yihiin horumarinta iyo sugidda amniga gudaha ee dalka.

Bishii Juun ee la soo dhaafay, madaxweynaha ayaa soo saaray xayiraad safar oo si buuxda ama qayb ahaan uga mamnuucday muwaadiniinta 19 dal inay soo galaan ciidda Mareykanka, isagoo sabab uga dhigay in go’aankaas uu salka ku hayo amniga qaranka.

Sarkaalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku dooday in barnaamijka damaanadda fiisaha uu durba hoos u dhigay tirada dadka sharci-darrada dalka ku sii jooga kadib markii uu waqtigu ka dhaco dal ku-galkooda.

Waddamada 38-ka ah ee markii horeba ku jiray liiskan ayaa kala ah; Algeria, Angola, Antigua and Barbuda, Bangladesh, Benin, Bhutan, Botswana, Burundi, Cabo Verde, Central African Republic, Cote d’Ivoire, Cuba, Djibouti, Dominica, Fiji, Gabon, The Gambia, Guinea, Guinea-Bissau, Kyrgyzstan, Malawi, Mauritania, Namibia, Nepal, Nigeria, Sao Tome and Principe, Senegal, Tajikistan, Tanzania, Togo, Tonga, Turkmenistan, Tuvalu, Uganda, Vanuatu, Venezuela, Zambia, and Zimbabwe.

Madaxweyne Deni oo cafis u fidiyay in ka badan 100 qof

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa munaasabadda barakeysan ee Ciiddul-Fitriga awgeed cafis u fidiyey 127 maxbuus oo ku xirnaa xabsiyada Puntland, sida lagu sheegay qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada.

Go’aankan cafiska ah ayaa qeyb ka ah dhaqanka soo jireenka ah ee madaxda dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe ay sameeyaan xilliyada ciidaha, iyagoo fursad siinaya maxaabiista qaarkood inay dib ugu laabtaan bulshada, isla markaana ay helaan nolol cusub.

Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu shaaciyey in maxaabiistan la cafiyey ay tiradoodu dhan tahay 127, kuwaas oo ku kala xirnaa xabsiyo ku yaalla magaalooyin kala duwan oo ka tirsan Puntland.

Magaalooyinka ay maxaabiistan ku xirnaayeen waxaa ka mid ah Badhan, Boosaaso, Qardho, Garoowe iyo Gaalkacyo, kuwaas oo ah xarumo muhiim ah oo ay ku yaallaan xabsiyada waaweyn ee maamulka Puntland.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa munaasabadda Ciiddul-Fitriga awgeed cafis u fidiyey 127 maxbuus oo ku xiran xabsiyada Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalka, iyadoo sidoo kale lagu daray in maxaabiistaasi ay ku kala xirnaayeen magaalooyinka kor ku xusan.

Lama shaacin noocyada dambiyada ay galeen maxaabiista la cafiyey, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay u badnaayeen kuwo u xiran dambiyo fudud.

Si kastaba, cafiskan ayaan saameyn ku yeelan doonin xuquuqda madaniga ah, waxaana fulin doona Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyadoo la raacayo awaamiirta ku xusan xeerarka dalka.

Sidee Shiinaha u caawinayaa Iran xilli ay ku jirto dagaal culus

Beijing (Caasimada Online) — Xukuumadda Beijing ayaa muddo dheer ahayd saaxiib istaraatiiji ah oo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ka saaciday inay u adkeysato tobannaan sano oo cunaqabateyn dhaqaale iyo go’doomin caalami ah ah.

Tan iyo markii milateriga Mareykanka iyo Israa’iil ay bilaabeen inay duqeeyaan Iiraan dabayaaqadii bishii hore, Shiinuhu wuxuu xukuumadda Tehran u muujiyay taageero fagaare ah oo xaddidan, isagoo cambaareeyay dilkii loo geystay hoggaankii Iiraan, dhinacyadana ugu baaqay inay dagaalka si degdeg ah u joojiyaan.

Si kastaba ha ahaatee, taageerada qarsoon ee soo jireenka ah ee Shiinuhu siiyo Iiraan ayaa noqon karta mid xasaasi ah oo sii kordheysa xilli uu dagaalku sii daba-dheeraanayo.

Taageerada dhaqaale

Shiinaha ayaa ah isbahaysiga dhaqaale ee ugu muhiimsan ee ay Iiraan leedahay. Qiyaastii boqolkiiba 90% dhoofinta shidaalka ceyriin ee Iiraan, oo gaaraya 1.6 milyan oo fuusto maalintii, ayaa si toos ah looga iibiyaa Shiinaha, taas oo Tehran siisa dakhli u dhigma tobannaan bilyan oo doolar sanad kasta.

Xukuumadda Beijing ayaa u iibsata shidaalka Iiraan si ay u taageerto xulafadeeda iyo waliba iyadoo ku hesha qiimo dhimis aad uga jaban suuqa caalamka.

Falanqeeyayaasha dhaqaalaha ayaa ku qiyaasay in shidaalka Iiraan uu ka dhigan yahay boqolkiiba 12% wadarta shidaalka uu Shiinuhu dibadda kala soo dego. Shidaalkan ceyriin ayaa waxaa inta badan iibsada warshadaha yaryar ee madax-bannaan ee sifeeya shidaalka gudaha Shiinaha, kuwaas oo loo yaqaano “Teapots”, ayna xukuumaddu maamusho kootada ay wax ku soo dhoofsadaan.

In kasta oo Shiinuhu uusan aqoonsaneyn sharcinimada cunaqabateynta Mareykanka, haddana wuxuu doonayaa inuu ilaashado fursad uu isku dafiri karo, maadaama Beijing ay ka cabsi qabto in shirkadaheeda waaweyn lagu soo rogo ganaaxyo dhanka Mareykanka ah haddii ay si fagaare ah ula macaamilaan shidaalka cunaqabateyntu saaran tahay.

Sidaa darteed, xukuumaddu waxay dhiirrigelisaa in warshadaha yaryar ee madax-bannaan ay iibsadaan shidaalka Iiraan, beddelkii ay ka iibsan lahaayeen shirkadaha waaweyn ee dowladda, maadaama shirkadaha yaryari aysan ku xirneyn suuqyada maaliyadda ee caalamka, sidaas darteedna aysan saameyn ku yeelan doonin cunaqabateyn kasta oo ka timaada Mareykanka. Asalka iyo halka uu ka yimid shidaalkan ayaa sidoo kale inta badan ah mid ay qariyaan dalaaliinta suuqyada madow.

Sida ay sheegayaan saraakiisha Mareykanka, Iiraan ayaa adduunka ku maamusha shabakad maaliyadeed oo dadban oo aad u adag, taas oo uu si weyn u fududeeyo Shiinuhu. Warshadaha yaryar ee sifeeya shidaalka ayaa shidaalka Iiraan ku bixiya lacagta Shiinaha ee Yuan, xukuumadda Tehran-na waxay lacagtaas qaarkeed u isticmaashaa inay gudaha Shiinaha uga iibsato badeecado markaas kadib loo dhoofiyo Iiraan.

Qayb ka mid ah dakhliga shidaalka ayaa loo adeegsadaa nidaam u eg isdhaafsi, kaas oo iibsadayaasha shidaalka Shiinaha ay lacagaha ugu wareejiyaan shirkado ay dowladda Shiinuhu taageerto si ay mashaariic kaabeyaal dhaqaale uga fuliyaan gudaha Iiraan.

Lacagta ka soo xaroota iibka shidaalka ayaa sidoo kale dhex marta shabakad shirkado macmal ah oo qaabilsan wareejinta lacagaha, kuwaas oo inta badan sii mara hay’adaha maaliyadeed ee Shiinaha, una gudba dhanka Hong Kong, ka hor inta aan loo beddelin lacago kale oo caalami ah.

Saraakiisha Mareykanka ayaa xusay in inta badan lacagta ka timaada iibka shidaalka Shiinaha ay ku harto xisaabaad banki oo dibadda ah, oo ku yaalla xarumaha maaliyadeed sida Hong Kong, Dubai iyo Singapore. Xukuumadda Hong Kong ayaa dhankeeda beenisay in loo adeegsado ka-dhuumashada cunaqabateynta.

Taageerada agabka hubka

Dhanka kale, Shiinaha ayaa mar ahaa dalka ugu weyn ee hubka siiya Iiraan intii uu socday dagaalkii Ciraaq ee 1980-meeyadii, balse wuxuu joojiyay oggolaanshaha heshiisyada hubka waxyar uun ka hor intii aysan Beijing ku biirin cunaqabateyntii Qaramada Midoobay ee Iiraan sanadkii 2007, sida ay sheegtay Hay’adda Cilmi-baarista Nabadda Caalamiga ah ee Stockholm.

Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in shirkadaha Shiinuhu ay weli yihiin kuwa siiya Iiraan qalabka “labada ujeedo loo adeegsan karo” ee loo isticmaali karo arrimo milateri, sida matoorada lagu xiro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shahed, kiimikooyinka laga sameeyo shidaalka gantaallada iyo aaladaha elektiroonigga ah ee hubka kala duwan.

Bishii Diseembar, Pentagon-ka Mareykanka ayaa shaaciyay in shirkado ganacsi oo dhanka dayax-gacmeedka ah oo fadhigoodu yahay Shiinaha ay is-weydaarsadeen ganacsi ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan.

Sanadkii la soo dhaafay, wargeyska The Wall Street Journal ayaa weriyay in laba markab oo xiriir la leh shirkad ay dowladda Iiraan leedahay ay ka shiraacdeen Shiinaha iyagoo sida 1,000 tan oo ah maaddo loo adeegsan karo sameynta maaddada adag ee gantaallada oo ku filan in lagu sameeyo ilaa 260 gantaal oo ah kuwa riddada dhexe.

Bartamihii sanadka 2025, Iiraan ayaa kumanaan tan oo ah waxyaabaha laga sameeyo shidaalka gantaallada ka dalbatay Shiinaha. Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in aysan ka warqabin dalabaad gaar ah, balse waxay ku adkeysatay inay si adag u maamusho alaabaha labada ujeedo loo isticmaali karo.

Maalmo uun kadib markii Mareykanka iyo Israa’iil ay bilaabeen weerarada ka dhanka ah Iiraan, laba markab oo kale oo ku xiran isla shirkadda Maraakiibta Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa ka baxay deked ku taalla Shiinaha.

Dhaqdhaqaaqa maraakiibtaas ayaa kor u qaaday cabsida laga qabo in shirkadaha Shiinuhu ay Iiraan siinayaan kiimikooyin horleh oo loo adeegsado shidaalka gantaallada, inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin xamuulka ay sidaan.

Marka laga yimaado taageerada maadiga ah, Shiinaha ayaa sidoo kale Iiraan ka saaciday inay dhisto xiriirro diblomaasiyadeed oo caalami ah si ay u yareyso go’doominta saaran.

Sanadkii 2023, Beijing ayaa dhex-dhexaadisay soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee Iiraan iyo Sacuudi Carabiya, taas oo xilligaas loo arkayay tallaabo weyn oo Shiinuhu uu u qaaday dhanka diblomaasiyadda Bariga Dhexe, in kasta oo heshiiskaasi uu haatan si weyn u wiiqmay kadib weeraradii Iiraan ay ku qaadday Sacuudiga iyo dalalka kale ee gobolka.

Sidoo kale, Shiinaha ayaa u ololeeyay in Iiraan ay ku biirto ururka dhaqaale ee BRICS sanadkii 2024. Sidoo kale, Iiraan ayaa ku biirtay Ururka Iskaashiga Shanghai (SCO) oo ah urur ammaan oo ay hoggaamiyaan Beijing iyo Moscow sanadkii 2023, iyadoo bishii Diseembar martigelisay dhoolla-tusyo dhanka la-dagaallanka argagixisada ah oo ay kala qaybgaleen ciidamo ka socda dalalka xubnaha ka ah ururkaas.

Sawirro: Taliye Mahad Salaad oo tegay Sh/Hoose iyo xogta qorshe culus oo socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad ayaa caawa la afuray ciidamada ku sugan deegaanka Dhanaane ee gobolla Shabeellaha Hoose, halkaas oo uu u tagay kormeer iyo dhiirrigelin ku aaddan howlgalka ka dhanka ah argagixisada.

Agaasimaha ayaa ciidamada uga mahadceliyay dadaalka iyo naf-hurnimada ay muujiyeen intii lagu jiray bisha barakeysan ee Ramadaan ee ku aaddan sugidda amniga caasimadda, degmooyinka iyo deegaanada ku xeeran.

Agaasimaha ayaa si gaar ah u bogaadiyay qeybaha kala duwan ee ciiidamada qalabka Sida, kuwaas oo iyagoo sooman haddana habeen iyo maalin u taagnaa xoreynta dalka iyo xaqiijinta amniga guud ee qaranka.

Sidoo kale wuxuu xusay in heegankooda joogtada ah uu suurageliyay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si deggenaan iyo kalsooni leh u gutaan cibaadooyinkooda.

Agaasime Mahad Salaad ayaa caddeeyey in ciidamada qaranku yihiin tiirka lagu ilaaliyo jiritaanka iyo sharafta qaranka, isla markaana ay mudan yihiin qadarin iyo garab istaag joogto ah, si loo sii xoojiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka, Jeneraalka Sahal Cabudllahi Cumar iyo saraakiil ka tirsan ciidamada NISA, booliska iyo boolis-militeri ayaa Agaasime Mahad Salaad kala qeyb-galay kulankaan uu kula afuray ciidamada qaranka ee deegaanada fog ka suga amniga caasimadda Muqdisho.

Xogta qorshaha socda

Warar hoose ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamo dheeraad ah loo diray dhinaca Baraawe, si ay iskugu furaan Xamar ilaa Baraawe, ugana sameystaan saldhig cusub.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muujinaysa sida dowladda ay uga go’an tahay xoojinta joogitaanka ciidamada ee deegaannada muhiimka ah.

Qorshahan ayaa sidoo kale loo fasiray inuu yahay “Plan B” oo ay dowladda diyaarsatay, iyadoo Baraawe loo arko meel laga qaadi karo howlgalka haddii xaaladda Baydhabo ay sii adkaato.

Tani waxay muujineysaa in dowladda ay ka shaqeyneyso laba waji oo istaraatiijiyadeed si loo xakameeyo xaaladda kala soo darsi karta maamulka Koonfur Galbeed, oo isagu ku dhawaaqay inuu xiriirkii u jaray Dowladda Federaalka.

Dhanka kale, waxaa isa soo taraya xogaha tilmaamaya in dowladda ay go’aansatay in sida ugu dhaqsiyaha badan xilka looga tuuro Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-Gareen, iyadoo tallaabooyin siyaasadeed iyo kuwo amni labadaba la qorsheynayo.

Waxaa sidoo kale la hadal hayaa in Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe uu yahay musharraxa ay dowladda wadato, taasoo sii adkeyneysa xiisadda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.

Musharaxan ayaa saameyn ku lahaa gudaha deegaannada maamulka Koonfur Galbeed, isagoo hore dhowr jeer dhex-dhexaadiyay Cabdicasiis Lafta-Gareen iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Xogaha soo baxaya ayaa tilmaamaya in tallaabooyinkan ay qayb ka yihiin qorshe ballaaran oo dowladda ay ku doonayso in ay ku xakameyso siyaasadda Koonfur Galbeed, xilli dalka ka taagan yahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka iyo hanaanka doorashada.

Si kastaba, arrimahan ayaa muujinaya in loollanka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed uu galay marxalad cusub oo aad u xasaasi ah, maadaama la sheegayo in ciidamada iyo saraakiisha dowladda ay diyaar u yihiin in ay tallaabo kasta qaadaan si loo xaqiijiyo qorshayaasha dowladda dhexe.

Sacuudiga oo caawa lagu qaaday weeraro gantaallo

Riyaad (Caasimada Online) – Wasaaradda Difaaca ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in nidaamkooda difaaca cirka uu burburiyey afar gantaal oo nooca riddada dheer ah, kuwaas oo fiidkii caawa lagu soo riday caasimadda Riyaad.

Wasaaradda ayaa sheegtay in “qiimeyn hordhac ah ay muujinayso in aysan jirin wax khasaare ama dhaawac ah”, iyadoo sidoo kale ka digtay in burburka gantaallada uu ku faafay qaybo ka mid ah caasimadda.

Dhawaaqyo waaweyn oo u eg jug culus ayaa laga maqlay magaalada, waxaana qaar ka mid ah dadka deegaanku ay markii ugu horraysay telefoonnadooda ku heleen farriimo digniin ah oo ku saabsan khatar dhanka cirka ah oo soo wajahan.

Telefishinka dowladda ayaa goor sii horeysay baahiyey in nidaamka difaaca cirka ee Sacuudigu uu wajahay “khatar gantaallo” fiidkii Arbacada.

Boqortooyada Khaliijka ayaa la kulantay weeraro isugu jira boqolaal gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan (Drones), tan iyo markii uu bilowday dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan bishii la soo dhaafay. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in inta badan weeraradaas la fashiliyey.

Si kastaba ha ahaatee, weerarka caawa ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee dad badan oo ku nool caasimadda ay maqlaan dhawaqa qaraxyada ama ay helaan farriimo digniin ah.

Labo goobjooge ayaa sheegay inay arkeen wax u muuqday gantaallo hawada lagu burburinayo dacalka galbeed ee magaalada, gaar ahaan meel u dhow Xaafadda Diblumaasiyiinta ee ay ku yaalliin safaaradaha shisheeye.

Weerarkan ayaa yimid saacado ka hor intii uusan Sacuudigu martigelin shir wadatashi ah oo ay isugu imanayeen wasiirada arrimaha dibadda ee dhowr dal oo Carbeed iyo kuwa Islaam ah, si ay uga wada-hadlaan qaababka lagu taageeri karo amniga iyo xasiloonida gobolka, iyadoo uu socdo dagaalka Iiraan.

Ilo diblumaasiyadeed oo u dhashay dalka Turkiga ayaa xaqiijiyey in wakiilo ka socda dalalka Azerbaijan, Baxrayn, Masar, Urdun, Kuweyt, Bakistaan, Qatar, Suuriya, Turkiga iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta ay ka soo qayb-galayaan shirkan.

Ma jiraan calaamado muujinaya in xiisaddu ay qaboobayso, iyadoo dagaalku uu marayo ku dhawaad usbuucii saddexaad, dagaalkaas oo wiiqay amniga gobolka isla markaana sababay carqaladeyn aan horay loo arag oo ku timid sahayda tamarta caalamka.

Weerarku wuxuu muujinayaa khatarta sii kordheysa ee gobolka Khaliijka, halkaas oo xiisadaha siyaasadeed iyo milatari ay saameyn weyn ku yeesheen dhaqaalaha iyo amniga tamarta ee caalamka.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa ku booriyey shacabka inay ka fogaadaan meelaha halista ah, isla markaana aysan duubin ama baahin muuqaallo laga yaabo inay waxyeello u geystaan dadka.

Shirkadaha shidaalka iyo gaaska ayaa si dhow ula socday xaaladda, iyagoo diyaarinaya tallaabooyin dheeraad ah oo ka hortag ah si loo hubiyo joogteynta sahayda iyo amniga goobaha muhiimka ah.

Si kastaba, Iiraan ayaa haatan la sheegay inay wado qorshayaal lagu beegsanayo dalalka Khaliijka, kadib markii Israa’iil ay weerartay xarumo ku yaalla goobta gaaska ee South Pars, oo ah goobta gaaska ugu weyn dunida maanta.

Wakaaladda wararka ee Iiraan ee la xiriirta IRGC ayaa liis gareysay goobo ku yaalla Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, iyo Qatar, kuwaas oo ay sheegtay in Iiraan ay dhowaan weerari doonto si ay uga jawaabto weerarkii Israa’iil ee subaxnimadii Arbacada.

Goobaha South Pars iyo North Dome ee ku dhow ayaa muddo dheer si nabad ah u wadaageen Iiraan iyo Qatar.

Kadib Lafta-gareen, waa kee madax goboleedka labaad ee Xasan Sheekh u socdo?

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u muuqda mid luminaya madaxda dowlad-goboleedyadii taabacsanaa, iyadoo haatan uu meel sare gaaray khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Lafta-gareen oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo, ayaa sheegay in Xasan Sheekh uusan cidna naf u hayn, uuna usoo bareeray, xilli uu tanaasul badan u sameeyay rabitaankiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Lafta-gareen ayaa sheegay in dagaalka ay kusoo qaaday Villa Soomaaliya uusan ku eekayn isaga oo keliya, balse ay jidka kusoo jiraan maamullada kale ee hore xulafada ula ahaa Dowladda Federaalka. Wuxuu si gaar ah u carabaabay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoor-Qoor, oo uu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu u soo socdo.

“Shalay waxaa nala yiri Deni waa tuug dowladnimo ma rabo waa cadyahay waa nagula soo raacaya ha la cuno. Axmed Madoobe waa kii gaduudna ee ha la cuno, kii Madooba baa nagu haray waa aniga ha la cuno. Berrina waa kii Jaalaha ahaa ee ha la cuno, oo Qoor-Qoor ayaa ku xiga,” ayuu yiri Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.

Waxa uu intaas kusii daray: “Waraabe waxaa la yiraahda laf banaan taallana uma roona oo waa jajabinaa, laftiisana uma roona, oo waa dureysa oo dhiig ayay ka keenaysa. Qof la jooga (Xasan Sheekh) uma roona, qof maqana uma roona.”

Sidoo kale, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa si cad u sheegay in ay u kala dhamaatay isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana Dowladda Federaalka aysan tegi karin deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.

“Marka aragnay jidgooyinka iyo sida loo dhibaateynayo shacabka Koonfur Galbeed. Waxaan go’aansanay in Dowladda Federaalka xiriirka u jarno, wax ay noogu timaadana waa dulmi oo adduunka iyo dadka Soomaaliyeed waa u sheegayna,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

“Dowladda Federaalka nooma imaan karto, namana arki karaan illaa inta waxa ay ku jiraan wax ka beddelayaan, illaa la keeno wax Soomaali ku mideysan tahay oo la isla ogol yahay.”

Ugu dambeyntiina, Madaxweyne Lafta-gareen ayaa caddeeyay in Koonfur Galbeed ay gebi ahaanba qaadacday dastuurka cusub ee uu meel-mariyay Baarlamaanka Soomaaliya, uuna saxiixay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo sheegay in ay aqoonsan yihiin oo keliya dastuurkii 2012-kii.

“Dowladda Koonfur Galbeed waxay caddeyneysaa in dastuurka KMG ka ah ee la ansixiyay sanadkii 2012-kii uu yahay midka sharciga ah ee ay Soomaali ku heshiishay, laguna dhaqmaayo. Waxaan diidanahay oo aanan ogoleyn dastuurka cusub waa mid aan loo dhammeyn oo lagu meelmarsaday habraac khaldan iyo musuq-maasuq,” ayuu yiri Madaxweyne Lafta-gareen.

Waxa uu intaas kusii daray: “Maadaama ay dadka Soomaaliyeed kusii kala tegayaan (dastuurka cusub) qaybna kama nihin mana ku jirno, waana ka dignay, oo waxay arrintan qayb ka tahay waxa ugu wayn ee ay noogu socdaan dagaallada”.

Hoos ka daawo muuqaalka

Somalia’s South West state cuts ties with Mogadishu

Baidoa, Somalia – Somalia’s South West state on Wednesday rejected the country’s newly signed constitution and stepped up its confrontation with Mogadishu.

Regional President Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen has also declared a formal break with the federal authorities and quit President Hassan Sheikh Mohamud’s ruling Justice and Solidarity Party (JSP).

Speaking at a press conference in Baidoa, Laftagareen said South West would recognise only the 2012 provisional constitution.

He described that document as the only legal charter agreed upon by all Somalis.

He said the new text had been forced through by a flawed process and warned that unilateral changes risked pulling the fragile Horn of Africa nation further apart at a time of acute political strain.

In its formal statement, South West said the move was taken in line with Article 50 of the state’s own constitution and framed it as a defence of the federal order agreed by Somalis.

“The South West government makes it clear that the provisional federal constitution approved in 2012 is the legal document Somalis agreed on and the one to be followed,” Laftagareen said.

“We reject and will not accept the new constitution. It is incomplete and was passed through a defective process and corruption.”

The broadside marks one of the sharpest ruptures yet between Somalia’s centre and its federal member states.

Rows over constitutional reform, delayed elections, and the balance of power have repeatedly opened deep political faultlines across the country.

A power struggle

A day earlier, South West had already suspended all cooperation and relations with Mogadishu.

Regional authorities accused the federal government of arming local militias and actively trying to unseat Laftagareen.

Political sources say the immediate trigger for Wednesday’s total rupture was an escalating pressure campaign by Villa Somalia against Baidoa.

South West leaders accuse federal ministers close to the presidency of interfering in internal affairs and fuelling rival political camps.

Federal officials have allegedly tried to peel away local centres of authority, undermine regional revenue streams, and reshape the local security chain of command.

The official statement went further, accusing the federal government of trying to divide communities and split security forces, including police and military units engaged in the fight against Al-Shabaab.

South West also rejected what it described as attempts to politicise local security and political relations in ways that violate both the state constitution and the 2012 federal charter.

In response, Laftagareen not only broke ties but also formally withdrew his backing for local council elections scheduled for mid-April in states still aligned with Mogadishu.

South West officials later announced that Laftagareen had resigned from the JSP and stepped down as its deputy chairman for security.

The JSP was launched in May 2025, with Mohamud and Prime Minister Hamza Abdi Barre at the forefront, to build a party structure ahead of promised direct elections.

The looming clock

The timing of the walkout is especially damaging for Mohamud.

South West had long been seen as one of the federal government’s most dependable regional partners in a deeply fractured political landscape.

For months, Laftagareen had broadly backed the president’s push to move Somalia away from its clan-based indirect voting model towards universal suffrage.

That project gained major momentum after residents of the capital voted in municipal polls in December 2025, the first direct vote in Mogadishu since 1969.

However, the showdown comes less than two weeks after Somalia’s parliament approved sweeping constitutional changes on March 5, which Mohamud signed into law on March 8.

The controversial amendments extended the terms of the president and lawmakers from four to five years, effectively pushing back planned general elections to 2027.

The dispute has sharpened as the electoral clock ticks down.

Under the 2012 provisional constitution championed by South West, the federal parliament’s mandate expires on April 14, and the president’s term ends on May 15.

Opposition figures grouped in the Somali Future Council argue that the new constitutional amendments are a thinly veiled attempt to bypass those deadlines and extend Mohamud’s time in office.

South West’s statement also called on Mohamud and his government to reconvene the fractured National Consultative Council and meet in a neutral venue to agree on an inclusive electoral model before those constitutional deadlines expire.

The current standoff carries a heavy sense of historical irony for both sides.

Laftagareen himself came to power in a 2018 regional election strongly backed by Mogadishu’s preferred candidates.

His victory followed weeks of tension and deadly protests in Baidoa after former Al-Shabaab deputy Mukhtar Robow was controversially excluded from the race.

At the time, analysts warned that the perception of Mogadishu imposing a regional leader could inflame instability.

Now, the federal government’s once-preferred candidate is leading the charge against the capital’s authority.

Widening rebellion

The constitutional dispute has now spread far beyond South West.

The semi-autonomous state of Puntland announced in March 2024 that it would no longer recognise the federal government over the reforms.

Jubbaland followed in November 2024, suspending ties with Mogadishu after a bitter dispute over regional elections and a dramatic exchange of arrest warrants.

South West’s revolt means a third key federal member state has openly broken with the centre.

The immediate fallout was visible on the ground on Wednesday, as commercial flights between Mogadishu and Baidoa were abruptly halted.

South West’s statement condemned what it called the politicisation of civil aviation and said two flights had been turned back from Baidoa over the past two days.

However, United Nations and other vital humanitarian flights are continuing.

Baidoa, about 245 kilometres (150 miles) north-west of the capital, hosts federal troops and regional security forces.

That geographic and strategic reality makes the standoff more than a mere constitutional quarrel.

South West is a critical arena in the broader war against Al-Shabaab.

Analysts warn that the Al-Qaeda-linked insurgents benefit immensely when relations between the federal government and regional administrations collapse.

The regional administration also accused Mogadishu of politicising international aid at a time when many Somalis face low rainfall and severe drought.

South West urged donors and international partners to oversee their projects directly rather than let assistance be manipulated for political ends.

It further appealed to the international community, the African Union, IGAD, and neighbouring countries to help prevent what it described as a slide towards division and the breakdown of the Somali state.

With Mohamud now facing open, coordinated resistance from Puntland, Jubbaland, and South West, the latest rupture threatens to turn a fraught political transition into a full-blown crisis over the future shape of the Somali state.

Mas’uuliyiin dhowr ah oo maanta iska casilay xisbiga madaxweyne Xasan + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afar xubnood oo ka tirsan Guddiga Fulinta Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa maanta ku dhawaaqay inay iska casileen xubinnimadoodii xisbiga.

Xubnahan ayaa is-casilaadooda ku sababeeyay hab-dhaqanka Guddoomiyaha xisbiga, oo ah Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayay ku eedeeyeen inuusan ixtiraamin xeerarka xisbiga iyo dastuurka dalka, isla markaana uu wado tallaabooyin ay ku sheegeen “kala irdheyn bulsho”, oo halis ku ah guud ahaan dalka.

Xubnahan oo kasoo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed ayaa doorar muhiim ah ku lahaa hoggaanka iyo jihaynta siyaasadeed ee JSP. Waxaana go’aankooda loo arkaa mid muujinaya kala aragti duwanaansho xooggan oo ka dhex jira hoggaanka sare ee xisbiga.

War-saxaafadeed kasoo baxay xubnahan ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in sababaha is-casilaadooda ay salka ku hayaan arrimo ay ka mid yihiin ku xadgudubka dastuurka, burburinta nidaamka federaalka, iyo kala fogeynta bulshada Soomaaliyeed. Waxay sidoo kale si weyn u dhaliileen hoggaanka ugu sarreeya xisbiga.

Isla maanta, Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku dhawaaqay in uu gebi ahaanba isaga baxay Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee JSP.

Lafta-gareen ayaa si rasmi ah isaga casilay xubinnimada Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka iyo xilkii uu ka hayay ee guddoomiye ku-xigeenka arrimaha amniga iyo dowlad-goboleedayda ee xisbigaas.

Arrimahan ayaa saameyn weyn ku yeelanaysa isku duubnida xisbiga iyo guud ahaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyadoo la sugayo jawaabta rasmiga ah ee hoggaanka JSP iyo sida ay uga falceliyaan eedeymaha loo jeediyay.

Hoos ka akhriso magacyada xubnaha iska casilay Guddiga Fulinta JSP:

  1.  Xil. Maxamed Xasan Maxamed (Murjaan) – Xoghayaha Xanaanada Xoolaha iyo Waraabka ee JSP
  2. Xasan Cali Maxamed Amardambe – Xoghayaha Qorsheynta iyo Istaraatiijiyadda ee JSP
  3. Xil. Alwiya Cabdullaahi – Xoghayaha Adeegga Caafimaadka ee JSP
  4. Xil. Mukhtar Maxamed Mursal (Boorow) – Xoghayaha Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee JSP