25.4 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Sawirro: Cabdicasiis Lafta-gareen oo ciidamo cusub ku soo bandhigay Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa maanta ciidamo cusub kusoo bandhigay magaalada Baydhaba, xilli ay magaaladaasi ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhexeyso ciidamada amniga maamulkaasi iyo kuwa mucaaradka ee la baxay ‘Badbaadada Koonfur Galbeed”.

Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa maanta oo ah maalintii labaad ee Ciidul-fitriga si rasmi ah ciidamadan tababar ugu u soo xiray xero ku taalla Baydhaba, kuwaas oo kamid noqonaya Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Maamulka ayaa sheegay in ciidamadan loo diyaariyey xoojinta amniga deegaannada Koonfur Galbeed, maadaama ay soo kordheen xaalado dhanka amniga ah oo ka dhashay gacan ka hadalka Lafta-gareen iyo mucaaradka Koonfur Galbeed oo isku haya arrimaha doorashada maamulkaas.

Sidoo kale, cutubyadan ayaa intii uu tababarku u socday lagu baray xirfado muhiim ah oo la xiriira ilaalinta amniga, la dagaallanka falalka lidka ku ah nabadda, iyo taageeridda howlaha dowladnimada.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la hadlay ciidamadan cusub ayaa ku boggaadiyey dadaalkooda, wuxuuna ku dhiirrigeliyay inay si hufan oo daacadnimo leh u gutaan waajibaadkooda ee ah ka hortaga cid waliba oo lid ku ah dowladnimada koonfur galbeed.

Lafta-areen ayaa sidoo kale xusay in Dowlad-goboleedla Koonfur Galbeed ay ka go’an tahay xoojinta tayada iyo tirada ciidamada ammaanka, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo horumar guud oo laga gaaro gobolka isagoo uga mahadceliyey Ciidanka AUSSOM gaar ahaan Dowlada Itoobiya oo gacan ka gaysanaysa tababarka ciidanka.

Ugu dambeyn wuxuu mahadceliyey dhammaan Wasiirada, saraakiisha amniga iyo guud ahaan shacabka koonfur galbeed sida ay ugarab taaganyihiin ciidamada oo u taagan ka hortagga duulaan uu sheegay in ay kuso qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, arrimahan ayaa muujinaya in loollanka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed uu galay marxalad cusub oo aad u xasaasi ah waxaana labada dhinac ay wadaan hub uruursi, iyadoo kasta uu doonayo sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa magaalada Baydhaba, ugana hirgelin lahaa qorshishiisa ku aadan doorasho ka dhacda Koonfur Galbeed Soomaaliya, maadaama uu dhammaaday muddo xileedka hay’adaha dowladda.

Mucaaradka oo kacdoon dhallinyaro oo Xasan Sheekh ka dhan ah ka hurinaya Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka ayaa bilaabay inay adeegsadaan dhalinyarada oo maalmahan dambe dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ka waday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, maadaama ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka ka jira dalka.

Siyaasiin ka mid ah xubnaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa soo saaray farriin ku socota dhalinyarada oo ay ugu baaqeen in ay abaabulaan dibadbaxayo ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo lagu diidayo barakicinta dadka danta yar.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in madaxweynaha uu kasoo cawday qaylo dhaanta hooyooyinka iyo aabayaasha laga dumiyay guryahooda, sidaas darteedna loo baahan yahay in ay hadda kacaan oo iyaguna ay banaanbaxaan dhalinyarada uu saameeyay barakaca.

Warsame ayaa gabdhaha iyo wiilasha ugu baaqay in ay is-abaabulaan, sidoo kalena ay qabtaan kulamo iyo isku soo baxyo nabadeed oo ay ku raadsanayaan xaquuqda ka maqan, maadaama ay saameysay barakicinta dowladdooda.

“Maadaama uu madaxweynaha ka cawday cabashada iyo qaylodhaanta hooyooyinka iyo aabayaasha la barakiciyo ay baraha bulshada la yimaadaan, waxaa lagama maarmaan ah in dhallinyarada wiilal iyo gabdho kasoo jeeda qoysaska la barakiciyey ay is abaabulaan oo ay qabtaan dibadbaxyo nabadeed, kulamo waaweyn, iyo dhaqdhaqaaqyo ay xaqooda kaga dhacsanayaan taliska waqtigiisu dhammaanayo. Waxaadna ogaataan in kuwa dulmiga geysta oo uu waqtigoodu dhammaanayo ay dadka u tabaryaryihiin” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay madaxweyne Xasan Sheekh uu  ka hadlay cabashada kasoo yeereyso qaar kamid ah shacabka magaalada Muqdisho ee la barakiciyay, wuxuuna sheegay in dacwada qoysaskaasi ay jirto, balse aysan waxba soo kordhineynin in ay ka qayliyaan baraha bulshada ‘.

“Nin ayaa Gurigiisa wado kusoo aadeysaa, nin ayaa ka guur la leeyahay Guriga dowladda waa xanuun badan tahay waana dhib, laakiin in baraha bulshada loo dacwoodo waxba ma keeneyso” ayuu yiri madaxweynuhu.

Horay Dowladda Soomaaliya ayaa u qaaday tallaabooyin lagu barakaciyay boqolaal qoysas ah oo daganaa dhulalka danta-guud ee caasimada oo hadda intooda badan la burburiyay, kuwaas oo ay soo wajahday xaalado adag iyo duruufo ka dhashay barakicinta lagu sameeyay.

Sacuudiga oo beddelay mowqifkiisa dagaalka Iiraan, si buuxdana Mareykanka ugu…

Riyadh (Caasimada Online) — Sacuudi Carabiya ayaa oggolaatay inay ciidamada Mareykanka u furto saldhig ciidanka cirka ah oo dhaca galbeedka dalkaas, tallaabadaas oo si weyn u ballaarinaysa joogitaanka milateri ee Washington xilli dagaalka wadajirka ah ee Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan uu galay toddobaadkii afaraad, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin reer Galbeed iyo Mareykan isugu jira.

Kadib wada-hadallo heerkoodu sarreeyo oo dhexmaray Elbridge Colby, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Dagaalka ee Mareykanka, iyo Wasiirka Gaashaandhigga Sacuudiga, Amiir Khalid bin Salman, xukuumadda Riyadh ayaa ciidamada Mareykanka siisay marin ballaaran iyo oggolaansho ay hawadeeda ku adeegsan karaan.

Mas’uuliyiin ayaa u sheegay warbaahinta Middle East Eye (MEE) in heshiiskani uu xuddun u yahay Saldhigga Ciidanka Cirka ee Boqor Fahad (King Fahd Air Base) ee ku yaalla magaalada Taif, waana tallaabo muujinaysa isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda milateri ee Boqortooyada.

Go’aankan ayaa inta badan salka ku haya arrimo juquraafi iyo kuwa amni. Magaalada Taif, oo dhacda galbeedka Sacuudiga, ayaa aad uga fog baaxadda ay gaari karaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan ee Shahed iyo gantaallada riddada dheer (ballistic missiles), marka loo eego Saldhigga Cirka ee Prince Sultan ee u dhow Riyadh, kaas oo la kulmay weeraro isdaba joog ah oo kaga imanayay Iiraan tan iyo markii uu dagaalku qarxay 28-kii bishii Febraayo.

Sidoo kale, Taif waxay aad ugu dhow tahay magaalada xeebta ah ee Jeddah oo ku taalla Badda Cas, taas oo siinaysa qiimo dheeri ah oo dhanka saadka ah. Iyadoo Iiraan ay si dhab ah gacanta ugu hayso Marinka Hormuz—oo ah halbowle muhiim u ah dhoofinta tamarta adduunka—Jeddah ayaa isku beddelaysa waddo sii kordhinaysa muhiimaddeeda oo lagu xoojinayo hawlgallada Mareykanka ee gobolka.

Mas’uuliyiin horay u soo shaqeeyay iyo kuwa hadda jooga ayaa sheegay in kumanaan ka tirsan ciidamada lugta ee Mareykanka ay haatan gobolka uga soo qulqulayaan dhanka Bariga Aasiya.

Mowqifka Sacuudiga oo is-beddelay

“Mowqifka Riyadh ayaa isu beddelay mid taageeraya dagaalka Mareykanka si loo ciqaabo Iiraan sababo la xiriira duqeymaheeda,” ayuu yiri sarkaal reer Galbeed ah oo ku sugan Khaliijka, isagoo intaas ku daray in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ay yeesheen wada-hadallo taleefan oo joogto ah saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay.

Isbeddelkan ayaa imanaya in kasta oo markii hore dalalka Khaliijku ay si weyn uga soo horjeedeen dagaalka. Markii uu Mareykanku ku biiray Israa’iil si ay u weeraraan Iiraan, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta iyo Qatar ayaa dhammaantood olole ugu galay in Washington ay ka waantowdo weerarka, iyagoo ku adkeystay in dhulkooda aan loo adeegsan karin saldhigyo laga duulo.

Balse aargoosiga Iiraan ayaa keenay qiimo aad u culus. Imaaraadka Carabta oo keliya ayaa dhexda ku bur-buriyay 338 gantaal oo ballistic ah iyo 1,740 diyaaradood oo drones ah tan iyo markii uu dagaalku bilowday.

Qatar ayaa iyaduna la kulantay dharbaaxo weyn markii Iiraan ay duqeysay warshadeeda sifeynta shidaalka ee Ras Laffan, taas oo jawaab u ahayd weerar ay Israa’iil ku qaadday xarunta gaaska Iiraan ee South Pars.

Wasiirka Tamarta Qatar, Sacad Al-Kacbi, ayaa sheegay in dayactirku uu qaadan karo saddex ilaa shan sano, arrintaas oo saameyn weyn ku yeelanaysa boqolkiiba 17% wax-soo-saarka gaaska ee dalkaas.

Burburka dhaqaale iyo midka kaabayaasha ayaa haatan dib-u-qaabeyn ku sameynaya xisaabaadka dalalka Khaliijka, in kasta oo aysan dhammaantood hal qaab uga jawaabeynin.

Sida la soo weriyay, Imaaraadka ayaa u sheegay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio inuu u diyaar garoobay dagaal socda sagaal bilood, halka Cumaan ay iska dhigtay dhex-dhexaadiye, ayna si adag u cambaaraysay colaadda.

Sacuudi Carabiya, dhankeeda, waxay qaadatay mowqif aad u adag. Kadib weeraradii Iiraan ay ku qaadday Riyadh iyo dekedda galbeedka dhacda ee Yanbu, Wasiirka Arrimaha Dibadda Amiir Faysal bin Farxaan ayaa si kulul u cambaareeyay wax uu ku tilmaamay “weerarada foosha xun” ee Iiraan, wuxuuna ka digay in Boqortooyadu ay xaq u leedahay inay qaaddo tallaabo milateri oo toos ah.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in madaxda Khaliijku ay sidoo kale isku dheellitirayaan mowqifkan adag iyo carada shacabka ee ka dhalatay dagaalka Israa’iil ay ka waddo Gaza, arrintaas oo ka dhigaysa xulafo milateri oo furan oo lala yeesho isbahaysiga Mareykanka iyo Israa’iil mid aad xasaasi u ah.

Isla mar ahaantaana, kalsoonidii lagu qabay dallada amniga ee Mareykanka ayaa sii daciifaysa xilli Washington ay la daalaa-dhacayso sidii ay Khaliijka uga soo buuxin lahayd kaydadka nidaamyada gantaal-ka-hortagga ee Patriot iyo THAAD.

Ilaa iyo haatan, falanqeeyayaashu waxay aaminsan yihiin in Riyadh ay isku dayayso inay iska caabbiso Iiraan iyadoo aan la jiidin dagaal baaxad leh oo toos ah. Imtixaanka ugu weyn ayaa laga yaabaa inuu ka yimaado Marinka Hormuz, halkaas oo khubaradu ay sheegayaan in Sacuudiga iyo Imaaraadku ay aakhirkii ku biiri karaan dadaalka uu Mareykanku hoggaamiyo ee dib loogu riixayo gacan-ku-haynta iyo awoodda Iiraan ee marinkaas.

“Soo afjarida dagaalka ayaa guud ahaan ah dookha la doorbidayo,” ayuu yiri Cabdicasiis Alghashian, oo ah khabiir dhanka amniga oo u dhashay Sacuudiga. “Balse kaliya maahan inaan runtii u baahannahay inaan abuurno is-caabbin awoodeed, waxaan sidoo kale u baahannahay inaan abuurno tusaale dhab ah oo loogu talagalay xilliga dagaalka kadib.”

Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay jidka keliya ee u furan Lafta-gareen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka, kaas oo ugu dambeeyay xiisadda ka dhex aloosan Villa Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in jidka kaliya ee hadda furan uu yahay wada-hadal.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la fadhiisto dhinacyada ay is-hayaan, ee Golaha Mustaqbalka iyo hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, oo haatan ka baxay safkiisa, balse hore xulafo ula ahaa.

“Waxaan rabaa inaan mar kale ku celiyo in gogolaha aan hore u iclaaminay ay weli furan yihiin. Wada-hadalkuna waa jidka keliya ee lagu gaari karo xal waara iyo dowladnimo dhameystiran. Waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu dalkeenna siiyo nabad waarta, barwaaqo iyo horumar,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku faanay in horumar laga sameeyay wada-hadalladii Villa Soomaaliya ay la yeelatay xubnaha mucaaradka ee is-hayaan, isagoo sheegay in mar walba albaabbada Madaxtooyada ay furan yihiin, si wada-tashi looga yeesho arrimaha masiiriga ah ee umadda Soomaaliyeed.

“Waxaa la qabtay goglo wada-hadal oo miro-dhal ah, kuwaas oo bulshada Soomaaliyeed marqaati ka tahay doorka hoggaamineed ee Madaxtooyada Soomaaliya hormuudka ka ahayd. Isku soo dhowaanshaha, isku tanaasulka, iyo ku xallinta khilaafaadka hab nabadeed ayaa aas-aas iyo saldhig u ahaa goglahaas iyo wada-hadalladaas,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed ayaa u muuqata mid kasii dareysa, iyadoo meelaha qaar laga dareemayo abaabul ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyo muujinaya suurtagalnimada isku-dhacyo hor leh.

Koonfur Galbeed ayaa maalmo ka hor xiriirka u jartay Dowladda Federaalka, iyadoo Madaxweyne Lafta-gareen uu si adag uga horyimid dastuurka cusub ee uu meel mariyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, uuna saxiixay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa si cad u sheegay in ay u kala dhamaatay isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana Dowladda Federaalka aysan tegi karin deegaannada maamulkiisa.

Si kastaba, xiisadda labada dhinac ayaa kusoo aadeysa xilli xasaasi ah oo dalka ka taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay doorashooyinka heer federaal iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka.

Hoos ka daawo muuqaalka

Wararkii ugu dambeeyay xiisadda dagaal ee Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in weli xaalad kacsan laga dareemayo magaalada Baydhaba iyo duleedkeeda oo saacadihii ugu dambeeyay ay ku dagaalameen ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa mucaaradka ee kasoo horjeedo madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.

Labada dhinac ayaa saaka dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wada gudaha iyo daafaha magaalada, iyadoo ujeedadu tahay sidii midba midka kale uga saari lahaa awoodda maamul uu ku leeyahay magaaladaasi oo haatan martigelineysay dagaallo xooggan.

Sidoo kale waxaa haatan socda kulamo gaar gaar ah oo uu dhinac kasta ku doonayo sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa magaalada, ugana hirgelin lahaa qorshishiisa ku aadan doorasho ka dhacda Koonfur Galbeed, maadaama uu dhammaaday muddo xileedka hayadaha dowladda.

Dagaalka labada dhinac ayaa sidoo kale kusii fiday bannaanka magaalada, iyadoo labada ciidan ay shalay iyo xalay ku dagaalameen deegaanno ku teedsan duleedka Baydhaba, kaas oo saameyn ku yeeshay dadka shacabka xilli ay u dabaal dagayaan munaasabaddda Ciidul-fitriga.

Ciidanka la baxay Badbaada Koonfur Galbeed oo war kasoo saaray dagaalladaas maanta ayaa ku eedeeyay ciidamada madaxweyne Lafta-gareen inay si toos ah u beegsadeen shacabka rayidka ah, kuwaas oo aan wax lug ah ku lahayn colaadaha jira.

“Ciidanka Badbaadada Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay si adag u cambaareynayaan dagaalka culus ee ka socda Deegaanada Baidawa ku teedsan ee ay dadka shacabka ah ku baraceen, kaas oo ay qaadeen ciidamo ka amar qaata maamulka Koonfur Galbeed ee waqtigiisa dhamaaday,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hoggaanka ciidanka badbaada Koonfur Galbeed.

Waxa kale oo lagu yiri: “Ciidanka Badbaadada Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay tilmaamayaan in falalkan ay yihiin xadgudub cad oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, isla markaana ay halis gelinayaan nolosha iyo badqabka shacabka aan waxba galabsan.”

Si kastaba, ha’ahaatee arrimahan ayaa muujinaya in loollanka siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed uu galay marxalad cusub oo aad u xasaasi ah, maadaama la sheegayo in ciidamada iyo saraakiisha dowladda ay diyaar u yihiin in ay tallaabo kasta qaadaan si loo xaqiijiyo qorshayaasha dowladda dhexe.

Sawirro: Sarkaal Shabaab ah oo nolosha lagu soo qabtay

0

Afmadow (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Jubbaland ka sameeyeen duleedka degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose, kaas oo lagu soo qabtay xubin ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa nolosha kusoo qabtay ninkan xilli uu ku dhuumaaleysanayay howdka degmada Afmadow, halkaas oo uu ka dhacay howlgalka ay qaadeen ciidanka.

Jubbaland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in ciidanku ay ka war heleen dhaq-dhaqaaqa ninka, kadibna ay howlgal guuleystay ay kusoo qabteen, waxaana haatan ku socdo baaritaanno dheeraad ah.

“Ciidanka Daraawiishta JL ee degmada Afmadow oo howlgal qorshaysan ka fuliyay saaka deegaanno ku teedsan woqooyiga magaalada ayaaa gacanta ku soo dhigay xubin kamida Argagixisada oo ku dhuumaalausanayay howdka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale wuxuu bayaanka intaas kusii daray “Ciidamada Daraawiishta dagmada Afmadow oo ka war hayay dhaqdhaqaaqa xubin kamida Argagixisada oo ku dhuumaaleysanayay deeganada miyiga ee hoos yimaada dagmada Afmadow ayey ciidamadu ku baacsadeen waabarigii hore ee saaka. Sidoo kale ciidamada aya baaritaanno kala duwan ka sameeyay dhammaan deeganaadaasi”.

Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaalada ay waddo Jubbaland ee lagu xaqiijinayo amniga guud ee deegaannada maamulkaasi, si looga hortago falalka amni darrada ah, gaar ahaan weerrada Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoo ciidamada ay isku sii fidinayaan deegaannada Miyiga dhaca ee duleedka Afmadow, halkaas oo ah meesha uu ka dhacay howlgalka.

Jubbooyinka ayaa kamid ah meelaha ay weli ku xoogan yihiin maleeshiyaadka Khawaarijta, waxaana badanaa ka dhaca dagaallo culus oo ay la galaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland.

Mareykanka oo diyaarinaya ciidamo lugta ah oo Iiraan ku wajahan – Maxaa is-bedelay?

Washington (Caasimada Online) — Wasaaradda Dagaalka ee dalka Mareykanka (Pentagon) ayaa diyaarisay qorsheyaal faahfaahsan oo salka ku haya in ciidamo lugta ah loo adeegsado dagaalka ka dhanka ah dalka Iiraan, sida ay Jimcihii baahisay warbaahinta CBS News oo soo xiganaysa saraakiil magacooda qariyay.

Qorshayaashan ayaa madaxweynaha hor-dhigaya xulashooyin dhowr ah oo lagu wajaho xaaladaha la xiriira haddii la qabto ama la xiro dad Iiraaniyiin ah, iyo waliba qaabka loola tacaalayo ciidamada u tababaran habka milateriga (paramilitary forces).

Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa u sheegtay CBS in ay tahay nidaam iska caadi ah in Pentagon-ku uu xaqiijiyo in Madaxweyne Donald Trump uu miiska u saaran yahay qorsheyaal kala duwan oo uu kala dooran karo, balse taasi “aysan ka dhignayn in madaxweynuhu uu qaatay go’aan” uu askar ugu daadgureynayo meelna.

Ilaa iyo haatan, wadar ahaan afar markab oo nooca dagaalka ah iyo in ka badan 4,000 oo ka tirsan ciidamada badda ee loo yaqaano Marines-ka Mareykanka ayaa lagu amray inay u ruqaansadaan Bariga Dhexe, iyadoo guutadii ugu horreysay ee ka imaanaysa gobolka Baasifigga (Pacific) la filayo inay halkaas gaaraan qiyaastii toddobaad gudahiis.

Dhaq-dhaqaaqyada maamulka Washington ayaa bixinaya saan-saan muujinaysa in dagaalkani uu noqon doono mid daba-dheeraada, in kasta oo madaxweynuhu uu isku dayayay inuu soo saaro baaqyo ugu yaraan si kumeel-gaar ah loogu dajinayo suuqyada caalamka ee sargo’an.

“Ciidamo meelna geyn maayo. Haddii aan dirayo, hubaal idiinma sheegeen, laakiin ciidamo ma dirayo,” ayuu madaxweynaha yiri maalintii Khamiista. Wuxuu intaas ku daray, “Wuxuu ku dhammaan doonaa si dhaqsi ah,” isagoo dagaalka Iiraan ku sifeeyay inuu yahay “tamashle” ama hawlgal kooban oo uu Mareykanku fulinayo.

Madaxweyne Trump oo ku adkeysanaya mowqifkiisa ayaa yiri: “Waan arkayay waxa ka dhacaya Iiraan, waxaana is-iri, waan necbahay inaan sameeyo tamashlahan, laakiin waa inaan sameynaa. Runtii waxaan u malaynayay in nambarada qiimaha shidaalku ay kasii dari doonaan. Waxaan u malaynayay inuu kor u kici doono in ka badan inta uu kacay, laakiin waxaan wadnaa hawlgalkan kooban, markii la soo gabagabeeyana, waxaan heli doonnaa adduun aad uga ammaan badan.”

Wuxuu xusay in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu gabi ahaanba arrintaas ku raacsan yahay.

Dhanka kale, ra’yi-aruurin ay si wadajir ah u sameeyeen hay’adaha Reuters iyo Ipsos oo la baahiyay Khamiistii ayaa muujisay in ku dhawaad saddex-meelood laba (2/3) shacabka Mareykanka ay rumeysan yihiin in Trump uu dhab ahaan bixin doono amar ciidamo lugta ah loogu dirayo dagaal baaxad leh oo ka dhaca Iiraan.

Si kastaba ha ahaatee, boqolkiiba 7 oo keliya dadkii wax la weydiiyay ayaa taageeray fikraddaas dagaalka dhulka ah.

Ra’yi-aruurinta ayaa sidoo kale iftiimisay in qiimeynta taageerada Madaxweyne Trump ay kor u kacday hal dhibic, iyadoo gaartay boqolkiiba 40, marka la barbar dhigo boqolkiiba 39-kii uu haystay bilowgii dagaalka 28-kii bishii Febraayo.

Dagaal culus oo maanta ka dhacay aagga Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Dagaal xooggan ayaa maanta ka dhacay deegaanada ku teedsan magaalada Baydhaba, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidanka la baxay Badbaada Koonfur Galbeed.

Faah-faahin rasmi ah weli lagama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalkan, iyadoo uu dhacay xilli dadka deegaanka u dabaal-dagayeen munaasabadda Ciidul-Fidriga.

Ciidanka la baxay Badbaada Koonfur Galbeed oo dhankooda war kasoo saaray dagaalka maanta ayaa ku eedeeyay ciidamada madaxweyne Lafta-gareen inay si toos ah u beegsadeen shacabka rayidka ah, kuwaas oo aan wax lug ah ku lahayn colaadaha jira.

“Ciidanka Badbaadada Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay si adag u cambaareynayaan dagaalka culus ee ka socda Deegaanada Baidawa ku teedsan ee ay dadka shacabka ah ku baraceen, kaas oo ay qaadeen ciidamo ka amar qaata maamulka Koonfur Galbeed ee waqtigiisa dhamaaday,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hoggaanka ciidanka badbaada Koonfur Galbeed.

Waxa kale oo lagu yiri: “Ciidanka Badbaadada Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay tilmaamayaan in falalkan ay yihiin xadgudub cad oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, isla markaana ay halis gelinayaan nolosha iyo badqabka shacabka aan waxba galabsan.”

Sidoo kale waxay ugu baaqeen Madaxweyne Lafta-gareen oo ay ugu yeereen “maamulka waqtigiisu dhamaaday” inuu si degdeg ah u joojiyo weerarada ka dhanka ah shacabka iyo in la dhowro xuquuqda iyo karaamada dadka rayidka ah.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

CIIDANKA BADBAADADA KGS

Ciidanka Badbaadada Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay si adag u cambaareynayaan dagaalka culus ee ka socda Deegaanada Baidawa ku teedsan ee ay dadka shacabka ah ku baraceen, kaas oo ay qaadeen ciidamo ka amar qaata maamulka Koonfur Galbeed ee waqtigiisa dhamaaday.

Weerarkan gardarrada ah wuxuu si toos ah u beegsanayaa shacabka rayidka ah ee ku dhaqan deegaanadaasi, kuwaas oo aan wax lug ah ku lahayn colaadaha jira.

Waxaa si gaar ah murugo u leh in weerarkan uu dhacay maalin ciid ah, oo ah maalin ay dadku ku jiraan farxad, nabad iyo damaashaad.

Ciidanka Badbaadada Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay tilmaamayaan in falalkan ay yihiin xadgudub cad oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, isla markaana ay halis gelinayaan nolosha iyo badqabka shacabka aan waxba galabsan. Waxaan ugu baaqeynaa maamulka waqtigiisa uu dhamaaday:

  • In si degdeg ah loo joojiyo weerarada ka dhanka ah shacabka.
  • In la dhowro xuquuqda iyo karaamada dadka rayidka ah.

Sidoo kale, waxaan ugu baaqeynaa bulshada caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka in ay si dhow ula socdaan xaaladda ka jirta deegaanka Daa’uudow, isla markaana ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu ilaalinayo shacabka.

Wasiir ka tirsan DF Soomaaliya oo lugaha la galay fadeexad hor leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabduqaadir Cali ayaa la kulmay weji gabax heer caalami ah, kadib bayaan culus oo kasoo baxay Ururka Olombikada Adduunka (IOC).

Ururkan oo ah hay’adda ugu sarreysa ee maamusha arrimaha ciyaaraha caalamka, isla markaana taageero siiya isboortiga Soomaaliya, ayaa warqad faah-faahsan oo uu soo saaray ku caddeeyay mowqifkiisa ku aaddan xaaladda cakiran ee ka taagan gudaha hay’adaha ciyaaraha dalka.

IOC ayaa si cad u sheegay in hay’adda keliya ee sharciyadda haysata, isla markaana ay aqoonsan yihiin, ay tahay Ururka Olombikada Soomaaliyeed ee uu hoggaamiyo Axmed Xasan Wataac, taas oo meesha ka saaraysa cid kasta oo kale oo sheeganaysa hoggaan ka baxsan nidaamkaas.

Sidoo kale, IOC ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in hoggaanka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha uu qeyb ka yahay isku dayo lagu carqaladeynayo habsami-u-socodka ciyaaraha Soomaaliya, kuwaas oo ay ku jiraan abuurista kooxo ka baxsan hannaanka sharciyeysan.

Ururka ayaa arrintaas ku tilmaamay mid halis ku ah madax-bannaanida hay’adaha isboortiga, isla markaana dhaawici karta sumcadda Soomaaliya ee caalamka, haddii aan si degdeg ah wax looga qaban.

Warqaddan kasoo baxday IOC ayaa sidoo kale dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha kale ee ku shaqada leh ugu baaqday in la ilaaliyo sarreynta sharciga, lana dhowro madax-bannaanida hay’adaha ciyaaraha, si loo xoojiyo wada-shaqeynta iyo horumarinta isboortiga dalka.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli hay’adda Olombikada Soomaaliya ay dib ugu laabatay xafiiskeeda, kadib khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay wasiirka, kaas oo gaaray heer uu wasiirku adeegsado awood ciidan si uu ula wareego xarunta, taas oo sii xoojisay muranka taagan.

Maamul goboleed ku dhawaaqay inuu gogol wada-hadal u dhigayo DF iyo K/Galbeed

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisa uu bilaabayo dadaallo lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Koonfur Galbeed.

Cali Ciid ayaa sheegay in Galmudug ay diyaar u tahay inay gogol nabadeed dhigto, si labada dhinac ay ugu wada-hadlaan una gaaraan xal kama dambeys ah, xilli ay cirka isku sii shareereyso xiisadda u dhexeysa Muqdisho iyo Baydhabo.

Wuxuu tilmaamay in gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo ay qorsheynayaan in lagu qabto gogoshaasi, si fursad loo siiyo dhinacyada isku haya khilaafka inay si toos ah u wada-hadlaan, ugana gaaraan is-afgarad arrimaha taagan.

“Galmudug ahaan gogol baan dhigaynaa, diyaar ayaanna u nahay in aan xallino khilaafka u dhexeeya Muqdisho iyo Baydhabo. Gaalkacyo ayaan gogosha dhigaynaa, haddii ay taasi suurtagal noqon weysana Dhuusamareeb ayaan u wareejin doonaa,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.

Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in la joogo xilli ay muhiim tahay in xal gudaha ah laga gaaro khilaafaadka jira, isagoo xusay in la dhaafay marxaladihii lagu tiirsanaan jiray faragelinta shisheeye, isla markaana loo baahan yahay in hoggaanka Soomaalida ay iyagu is-xalliyaan khilaafaadkooda.

Si kastaba, illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed, kaasi oo ku aaddan gogosha wada-hadal ee ay Galmudug soo bandhigtay, xilli xiisadda u dhexeysa labada dhinac ay kasii dareyso.

Xiisadda labada dhinac ayaa kusoo aadeysa xilli xasaasi ah oo dalka ka taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay doorashooyinka heer federaal iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka.

Muxuu yahay amarka Xasan Sheekh uu maanta faray hay’adaha dowladda?

0

Gandarshe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta cutubyo ka mid ah Ciidamada Qalabka Sida iyo dad shacab ah kula ciiday deegaanka Gandarshe ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa amar cusub ah faray hay’adaha dowladda.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyntii hambalyo la wadaagay dadka Soomaaliyeed, Munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga awgeed, isaga oo tilmaamay in astaan u tahay is-jacaylka, midnimada iyo is garab istaagga dadka muslimiinta ah.

Xasan Sheekh oo dib u milicsaday xusuustiisii deegaan dalxiiseedka Gandarshe ayaa sheegay in duruufta iyo burburka ka muuqda kaabayaasha deegaanka ay tusaale u yihiin natiijada xukunka kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa faray hay’adaha dowladda in ay xoogga saaraan dib u dhiska iyo horumarinta deegaanka, ayna si dhaqso ah u hawl-geliyaan kaabayaasha muhiimka ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa shacabka ku dhiirrigeliyay in ay ka qayb qaataan dib u dhiska iyo horumarinta deegaanka, isla markaana ay ilaaliyaan amniga iyo wadajirka bulshada, si loo xaqiijiyo nolol wanaagsan oo waarta.

Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha ayaa ku boorriyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay sii joogteeyaan dhaqammada wanaagsan ee aynu mudnaanta siineynay muddadii bishii Ramadaan.

“Waa inaynu sii joogteyno garab istaaga halyeeyada difaacaya qaranka, kaalmada iyo u gargaarka dadkeenna danyarta ah, ka shaqeynta danta guud iyo ducada ku aaddan in uu Alle inoo wanaajiyo dalkeenna, naguna gallado amni, xasillooni iyo barwaaqo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ciidamada Koonfur Galbeed ee Baraawe ku sugnaa oo gaaray xeebaha….

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamadii maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugnaa caasimadda rasmiga ah ee Baraawe ayaa doonyo ku gaaray xeebaha Kismaayo ee maamulka Jubaland.

Tan ayaa imaneysa xilli ay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya isku sii fidinayaan deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, isla markaana ay kasii dareyso xiisadda labada dhinac.

Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale la sheegaya inay dhaq-dhaqaaqyo culus ka wadaan gobollada Bay iyo Bakool kadib markii maamulka Koonfur Galbeed uu xoojiyay gacanta ku haynta magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ka socoto qaban-qaabada doorasho dadban.

Dowladda Federaalka ayaa ciidamo dheeraad ah u daad-gureysay dhinaca Baraawe, si ay iskugu furaan Xamar ilaa Baraawe, ugana sameystaan halkaasi saldhig cusub.

Qorshahan ayaa sidoo kale loo fasiray inuu yahay “Plan B” oo ay dowladda diyaarsatay, iyadoo Baraawe loo arko meel laga qaadi karo howlgalka haddii xaaladda Baydhabo ay sii adkaato.

Tani waxay muujineysaa in dowladda ay ka shaqeyneyso laba waji oo istaraatiijiyadeed si loo xakameeyo xaaladda kala soo darsi karta maamulka Koonfur Galbeed, oo isagu ku dhawaaqay inuu xiriirkii u jaray Dowladda Federaalka, isla markaana ay u imaan karin wax ka socda.

Dhanka kale, waxaa isa soo taraya xogaha tilmaamaya in dowladda ay go’aansatay in sida ugu dhaqsiyaha badan xilka looga tuuro Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-Gareen, iyadoo tallaabooyin siyaasadeed iyo kuwo amni labadaba la qorsheynayo.

Xogaha soo baxaya ayaa tilmaamaya in tallaabooyinkan ay qayb ka yihiin qorshe ballaaran oo dowladda ay ku doonayso in ay ku xakameyso siyaasadda Koonfur Galbeed, xilli dalka ka taagan yahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka iyo hanaanka doorashada.

Si kastaba, arrimahan ayaa muujinaya in loollanka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed uu galay marxalad cusub oo aad u xasaasi ah, maadaama la sheegayo in ciidamada iyo saraakiisha dowladda ay diyaar u yihiin in ay tallaabo kasta qaadaan si loo xaqiijiyo qorshayaasha dowladda dhexe.

Kumanaan gaari oo u socday Imaaraadka oo laga dejiyay Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Kumannaan gawaarida raaxada ah oo laga soo raray dalka Japan, kuna socday magaalada Dubai ayaa laga dejiyay dekedda Lamu ee dalka Kenya, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dekedda.

Dagaalka ka qarxay Bariga Dhexe ayaa u muuqda mid fursad koboc ah siinaya dekedaha iyo xarumaha isku-socodka maraakiibta ee qaaradda Afrika.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa baahisay muuqaallada tobannaan gaari oo ah nooca qaaliga ah ee Porsche oo la dhigay bakhaar ku yaalla Lamu. Jasiiraddan quruxda badan oo ka tirsan goobaha taariikhiga ah ee hay’adda UNESCO ayay dowladda Kenya u horumarinaysaa xarun weyn oo cusub oo dhanka gaadiidka ah.

Gawaaridan Porsche-yada ah ayaa ka mid ahaa in ka badan 4,000 oo baabuur oo toddobaadkii la soo dhaafay laga soo dejiyay laba markab oo ay leedahay shirkadda Grimaldi Group ee laga leeyahay dalka Talyaaniga.

Markabkii ugu dambeeyay ayaa ka soo shiraacday dekedda Yokohama ee dalka Japan 24-kii bishii Febraayo, afar maalmood ka hor intii aysan Mareykanka iyo Israa’iil dagaal ku qaadin Iiraan, arrintaas oo keentay in gebi ahaanba la xiro isku-socodkii maraakiibta ee marinka muhiimka ah ee Hormuz.

Dekedda Jebel Ali ee magaalada Dubai oo ahayd halka ay gawaaridan ku socdeen ayaa 1-dii bishii Maarso lagu garaacay duqeymo xagga cirka ah oo ay fulisay Iiraan

Si kastaba, gaadiidkaan ayaa la rabay in Dubai marka la geeyo kadib loo kala iibgeeyo dalal dhaca qaarado kala duwan oo ku xiran suuqa gawaarida ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Kororka dhaq-dhaqaaqa Lamu

Mas’uuliyiinta dekedda ayaa sheegay in jasiiradda Lamu ay filayso toddobaadka soo socda markab kale oo xamuul ah, kaas oo wada ilaa 5,000 oo baabuur.

“Weli waxaa badda ku jira maraakiib sida xamuul ku socday waddamada Khaliijka, balse maadaama ay xaaladdu halkaas ka sii dartay, maraakiibtaasi waxay intooda badan uun dhex wareegayaan ama sabbaynayaan badda,” ayuu yiri Cabdicasiis Mzee, oo ah Maareeyaha Dekedda Lamu, isagoo Arbacadii la hadlayay warbaahinta maxalliga ah.

“Ma ahan arrin la dabbaal-dego, sababtoo ah dadka halkaas ku nool dhibaatooyin iyo xaalado adag ayay wajahayaan, balse dhanka kale, inaga waa inoo fursad iyo duco ganacsi,” ayuu raaciyay.

Gawaarida ayaa lagu hayn doonaa dekedda ilaa iyo inta ay xaaladdu ka xasilayso, sida uu xaqiijiyay Mzee.

Dhanka kale, Hay’adda Dekedaha Kenya ayaa qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada ee X ku sheegtay in Lamu ay “u diyaar-garowday koror xooggan” oo ku yimaada dhaqdhaqaaqa xamuulka sababo la xiriira dagaalka.

Mashruuca dekedda Lamu ayaa markii ugu horreysay lagu dhawaaqay sannadkii 2012-kii, waxaana uu qayb ka yahay mashruuc weyn oo qiimihiisu dhan yahay 23 bilyan oo doollar, kaas oo isku xiraya waddamada Koonfurta Suudaan, Itoobiya iyo xeebaha Kenya, iyadoo dekedduna ay hawlaheeda shaqo si rasmi ah u bilowday abbaaraha sannadkii 2021-kii.

Maamulka dekedaha Kenya ayaa aaminsan in dekeddani ay isku diyaarinayso sidii ay u noqon lahayd xarunta ugu weyn qaaradda Afrika ee lagu kala wareejiyo xamuulka (transshipment hub) ee leh biyaha qotada dheer.

Dagaalka Iiraan oo galay weji cusub – Tehran oo qaaday tallaabo gilgishay caalamka

Tehran (Caasimada Online) — Iiraan ayaa si weyn u kordhisay cadaadiska ay ku hayso dhowr dal oo ka tirsan Gacanka Khaliijka, kadib markii ay duqeymo aargoosi ah la beegsatay kaabayaashooda tamarta. Tallaabadan oo jawaab u ahayd weerar ay Israa’iil ku qaadday xarunta gaaska ee South Pars ee dalka Iiraan, ayaa sii kordhisay cabsida laga qabo in dagaalka haatan socda uu gobolka oo dhan u horseedo weji cusub oo ah gacan-ka-hadal iyo burbur baahsan.

Xaaladahan cusub ee halista ah ayaa muujiyay in Iiraan ay aroornimadii hore ee Khamiista duqaysay xarunta weyn ee gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG) ee Ras Laffan ee dalka Qatar.

Weerarkan ayaa qayb ka ahaa olole ballaaran oo sidoo kale lagu beegsaday kaabayaasha tamarta ee Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Sacuudi Carabiya, arrintaas oo walaac weyn ka abuurtay badqabka saadka tamarta ee adduunka.

Duqeymahan oo dhacaya xilli uu socdo dagaalka wadajirka ah ee Mareykanka iyo Israa’iil ay 28-kii bishii Febraayo ku qaadeen Iiraan, ayaa yimid waxyar uun kadib markii Israa’iil ay dishay Wasiirkii Sirdoonka Iiraan, Ismaaciil Khadiib, isla markaana ay Arbacadii duqaysay xarunta LNG ee South Pars ee Iiraan, taasi oo ka caraysiisay Tehran.

Iyadoo Iiraan ay weeraro ku qaadayso dalalka deriska la ah ee Khaliijka — kuwaas oo ay si joogto ah u bartilmaameedsanaysay tan iyo markii uu dagaalku bilowday, iyadoo sabab uga dhigaysa joogitaanka ciidamada iyo saldhigyada Mareykanka ee ciiddooda — ayaa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu isna kor u qaaday hanjabaaddiisa.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu ku hanjabay inuu “gabi ahaanba burburin doono” xarunta South Pars haddii Iiraan ay sii waddo beegsiga dalka Qatar.

“Ma doonayo inaan oggolaado heerkan rabshadaha iyo burburka ah sababo la xiriira saameynta fog ee ay ku yeelan doonto mustaqbalka Iiraan, balse haddii mar kale la weeraro xarunta LNG ee Qatar, kama waaban doono inaan sidaas sameeyo,” ayuu yiri Madaxweyne Trump.

Isla mar ahaantaana, Trump ayaa isku dayay inuu dalkiisa ka fogeeyo weerarkii Israa’iil ku qaadday South Pars, isagoo xulafadiisa ugu dhow ee Bariga Dhexe ku sifeeyay inay “si xooggan u weerareen” xaruntaas, wuxuuna ballanqaaday in arrintaasi aysan mar kale dhici doonin haddii Tehran ay ka joogsato weerarada Qatar.

Trump ayaa hoosta ka xariiqay in Mareykanku uusan “wax shaqo ah ku lahayn” duqeynta lagu beegsaday xarumaha gaaska ee ka baxsan xeebaha gobolka Bushehr ee Iiraan.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Cabaas Araqchi, ayaa qoraal uu Khamiistii soo dhigay bartiisa xiriirka bulshada kaga digay in xukuumadda Tehran aysan muujin doonin “habayaraatee wax is-xakameyn ah” haddii kaabayaashooda mar kale la beegsado, xilli ay sii kordhayaan cawaaqib-xumada ka dhalatay weerarkii Israa’iil.

“Jawaabta aan ka bixinay weerarkii Israa’iil ee kaabayaashayada waxaan u adeegsanay QAYB YAR oo ka mid ah awooddeena. Sababta KALIYA ee aan isku xakameynay waxay ahayd inaan ixtiraamno codsiyadii ahaa in xiisadda la qaboojiyo,” ayuu Araqchi ku soo qoray barta X.

Wasiirka ayaa horay khadka taleefanka ugula xiriiray dhiggiisa dalalka Turkiga, Masar iyo Pakistan, isagoo kala hadlay weerarada milateri ee Mareykanka iyo Israa’iil, saameyntooda gobolka, iyo baahida loo qabo in dalalka gobolku ay yeeshaan feejignaan iyo isku-duwid wadajir ah.

Dowladda Qatar, oo ah dalka labaad ee ugu dhoofinta badan gaaska LNG ee caalamka, ayaa Khamiistii sheegtay in weerar gantaallada ballistic-ga ah oo Iiraan ay ku qaadday xarunta Ras Laffan uu sababay saddex dab iyo burbur baaxad leh. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa markii dambe xaqiijisay in dabka la xakameeyay, wax khasaare nafeed ahna aan la soo werin.

Tallaabo diblomaasiyadeed oo degdeg ah, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa u aqoonsatay uqeybsaneyaasha amniga iyo milateriga Iiraan inay yihiin “shakhsiyaad aan dalka laga rabin” (persona non grata), iyadoo u qabatay 24 saac inay dalka uga baxaan. Qatar ayaa weerarka ku tilmaantay “khatar toos ah” oo ku wajahan amnigeeda qaranka, waxayna Iiraan ku eedaysay inay qaadatay “waddo mas’uuliyad-darro ah.”

Isla xaaladdaas oo kale, mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inay la tacaalayeen shilal ka dhacay xarumaha gaaska ee Habshan iyo ceelka shidaalka ee Bab, kuwaas oo ka dhashay haraadiga gantaallo la dhexda lagu bur-buriyay. Xafiiska Warbaahinta Abu Dhabi ayaa xaqiijiyay in xarumahaas la xiray, wax dhaawac ahna aan la diiwaangelin.

Sacuudi Carabiya ayaa iyaduna sheegtay inay dhexda ku qabatay oo ay burburisay afar gantaal oo nooca ballistic-ga ah oo Arbacadii lagu soo riday caasimadda Riyadh, iyo isku-day weerar drone ah oo lala beegsanayay xarun gaas oo ku taalla bariga dalkaas. Khamiistii, Iiraan ayaa mar kale bartilmaameedsatay caasimadda Riyadh, waxaana sidoo kale la soo weriyay weeraro lagu qaaday dalalka Kuweyt iyo Baxrayn.

Afhayeen u hadlay Taliska Dhexe ee Khatam al-Anbiya ee hoos yimaada Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ayaa ku hanjabay in jawaabta Iiraan aysan “weli dhammaan”.

Isagoo la hadlayay wakaaladda wararka ee ISNA, wuxuu yiri: “Waxaan uga dhiigaynaa cadowga inuu galay khalad weyn isagoo weeraray kaabayaasha tamarta ee Iiraan… Haddii ay mar kale soo noqoto, weerarada xiga ee lagu qaadayo kaabayaashiinna iyo kuwa xulafadiinna ma istaagi doonaan ilaa si buuxda loo burburiyo.”

Khaliijku ma aargoosan doonaa?

Su’aasha haatan maskaxda lagu hayo ayaa ah in waddamada Khaliijku ay qaadi doonaan weeraro aargoosi ah oo ka dhan ah Iiraan, taas oo furi doonta weji cusub oo khatar ah oo ka mid ah dagaalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Faysal bin Farxaan Al Sacuud, oo Arbacadii ka qaybgalayay shir ay wasiirada arrimaha dibadda ee 12 dal oo Muslim ah ku yeesheen Riyadh, ayaa yiri: “Waxaan xaq u leenahay inaan qaadno tallaabooyin milateri haddii loo baahdo,” isagoo Iiraan uga digay in cadaadiskaasi uu keeni karo “cawaaqib-xumo dhanka siyaasadda iyo akhlaaqda ah.”

Khamiistii, wuxuu mar kale ka digay in dulqaadka loo hayo weerarada Iiraan uu yahay mid xaddidan, wuxuuna ugu baaqay Tehran inay si degdeg ah “dib ugu xisaabtanto” istaraatiijiyaddeeda.

Amiirka Qatar, Sheekh Tamiim bin Xamad Al Thani, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron. Xafiiska Amiirka ayaa markii dambe sheegay in labada hoggaamiye ay weerarka Iiraan u arkeen “xiisad abuur halis ah oo khatar ku ah amniga iyo xasilloonida gobolka, wiiqaysana amniga saadka tamarta adduunka.”

Sida uu tebiyay wariyaha Al Jazeera Zein Basravi oo ku sugan Dubai, weerarada Iiraan ayaa “burburiyay rajo kasta oo diblomaasiyadeed” oo u dhexaysay dalalka deriska ah ee Khaliijka.

“Xukuumadda Qatar waxay marar badan sheegtay in si kasta oo ay xaaladdu noqoto ay sii wadi doonaan riixida fikradda diblomaasiyadda iyo wada-hadalka,” ayuu yiri Basravi. “Laakiin arrintani dhab ahaantii waa mid tijaabinaysa adkeysigooda.”

Khabiirka cilmiga siyaasadda Mehran Kamrava oo ka tirsan Jaamacadda Georgetown ee Qatar, ayaa aaminsan in dalalka Khaliijku ay ku jiraan xaalad diblomaasiyadeed oo aad u adag.

Wuxuu xusay in hal dhinac ay ka jirto rabitaan xooggan oo ah in laga jawaabo gardarrada Iiraan, balse dhinaca kale ay dalalkani si dhab ah u ogyihiin in haddii ay dagaal la galaan Iiraan, aysan jirin cid dammaanad qaadaysa in Donald Trump uusan berrito meesha ka bixin isagoo ku dhawaaqaya guul Mareykan ah, taas oo waddamadan ku cidlayn doonta inay kaligood la dagaallamaan dal deris la ah.

Xilli dowladda Israa’iil aysan dhabarka u rigan duqeyntii South Pars, Wasiirka Difaaca Israel Katz ayaa ballanqaaday “layaab” horleh, xilli dalkiisu uu doonayo inuu “goyn” ku sameeyo hoggaanka sare ee xukuumadda Iiraan.

Ugu dambeyn, Xarunta Hawlgalada Ganacsiga Badda ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO) ayaa Khamiistii werisay in markab uu ku dhacay “madfac aan la garanayn,” kaas oo marayay masaafo dhan 4 mayl-badeed (qiyaastii 7 kilomitir) bariga magaalada Ras Laffan ee dalka Qadar.

Muran ka taagan da’da wiil Soomaali ah oo loo haysto dilka wiil u dashay Ukraine

Dublin (Caasimada Online) — Maxkamad ku taalla dalka Ireland ayaa Arbacadii dhegeysatay kiis la xiriira eedeysane Soomaali ah oo loo haysto inuu dilay wiil dhallinyaro ah oo u dhashay dalka Ukraine, xilli laamaha ammaanku ay weli la tacaalayaan xaqiijinta da’da rasmiga ah ee eedeysanaha.

Dhacdadan ayaa si weyn dib ugu soo noolaysay doodda ku aaddan qaabka dowladda Ireland ay ula tacaasho carruurta qaxootiga ah ee waddankaas kaligood taga iyagoo aan waalidkood la socon.

Vadym Davydenko, oo 17 jir ahaa, ayaa u geeriyooday dhaawacyo ka dhashay toorey lagu dhuftay abbaare 11:00-kii barqannimo ee 15-kii Oktoobar 2025. Dilkan ayaa ka dhacay xarun daryeel oo 24-saac shaqeysa oo ku taalla deegaanka Donaghmede ee waqooyiga caasimadda Dublin, halkaas oo la dejiyay wiilkan oo dhowaan uun ka soo qaxay magaalada Kyiv ee dalka Ukraine.

Magaca eedeysanaha ayaan warbaahinta loo soo bandhigin, maadaama gal dacwadeedkiisa lagu saleeyay inuu yahay ilmo aan weli qaan-gaarin oo sharciga carruurta lala tiigsanayo.

Eedeysanaha ayaa khadka fogaan-aragga (Video link) kaga soo muuqday Maxkamadda Dhexe ee Dambiyada (Central Criminal Court). Garsoore Paul McDermott, oo kiiskan gacanta ku haya, ayaa maxkamadda ka hor caddeeyay in Hay’adda Daryeelka Carruurta iyo Qoyska ee Ireland, oo loo yaqaano Tusla, ay weli waddo baaritaanno ay ku xaqiijinayso in eedeysanuhu uu yahay qaan-gaar iyo in kale.

Maxkamadda ayaa go’aamisay in dib loo dhigo dhegeysiga dacwaddan ilaa taariikh dambe oo isla bishan ah.

Su’aasha ku gedaaman da’da eedeysanaha ayaa ahayd udub-dhexaadka kiiskan bilihii la soo dhaafay. Markii dacwaddiisa markii ugu horreysay la horkeenay Maxkamadda Carruurta bishii Diseembar ee sanadkii hore, eedeysanaha ayaa ku andacooday in waraaqaha muujinaya taariikhda uu dhashay ay yihiin kuwo been abuur ah.

Wuxuu maxkamadda u sheegay in dalkiisu uu “burburay,” isagoo raaciyay in “qof kasta uu sameysan karo dokumiinti sheegaya inuu 17 jir yahay.”

Si kastaba ha ahaatee, fadhi dambe oo maxkamadda ay yeelatay bishii la soo dhaafay, ayuu eedeysanuhu beddelay hadalkiisii, isagoo qaatay mowqif ka duwan kii hore, wuxuuna yiri: “Da’daydu waa 17 jir, maxay boolisku intaas dhaafsiisan iga rabaan?” Maxkamadda ayaa durba kiiskiisa u gudbisay Maxkamadda Dhexe ee Dambiyada si loogu qaado maxkamadayn buuxda.

Kiiskan ayaa banaanka soo dhigay caqabadaha waaweyn ee ka jira nidaamka xaqiijinta da’da ee dalka Ireland, gaar ahaan marka ay timaado carruurta soo-galootiga ah ee dalkaas soo gaara iyagoo kali ah.

Sida uu dhigayo habraaca haatan shaqeeya, hay’adda Tusla waxaa ku waajib ah inay qof kasta oo isku diiwaangeliya inuu yahay ilmo aan qaan-gaarin ay ula dhaqanto sidii ilmo, ilaa iyo inta mas’uuliyiintu ay si rasmi ah uga xaqiijinayaan da’diisa, xitaa haddii shaki weyni uu ku jiro.

Nidaamkan ayaa wajaha culeys xooggan sanadihii u dambeeyay, maadaama ay si aad ah u kordheen tirada carruurta kaligood socotada ah ee loo gudbiyo kooxaha u qaabilsan hay’addan, taas oo culeys horleh saartay xarumaha hoyga iyo nidaamyada qiimeynta dalkaas.

Geerida Vadym ayaa argagax ku riday shacabka Ireland, gaar ahaan maadaama uu ahaa dhibbane dhowaan uun ka soo cararay dagaallada ka socda dalka Ukraine kahor inta uusan soo gaarin waddankaas.

Dilkiisa ayaa abuuray dood horleh oo ku saabsan in nidaamyada dowladda ee lagu ilaaliyo carruurta jilicsan ee ka soo cararaya colaadaha iyo jidadka tahriibka ay yihiin kuwo la jaanqaadi kara baahida sii kordheysa.

Ilaa iyo haatan, su’aashii sharciga ahayd ee ugu weyneyd ee kiiskan ayaa weli taagan: in eedeysanaha loo sii aqoonsado inuu yahay ilmo yar xilli uu wajahayo maxkamadayn culus oo la xiriirta dilka wiilka 17 jirka ahaa.

Israel oo billowday olole lagu masaafurinayo kumanaan Itoobiyaan ah + Sababta

Tel Aviv (Caasimada Online) — Israa’iil ayaa bilowday olole ay ku xirxireyso magangalyo-doonka u dhashay dalka Itoobiya, iyadoo qorsheyneysa in bisha soo socota ay dalkeeda si qasab ah uga masaafuriso kumanaan qof oo haatan xabsiyada lagu gurayo, sida ay ilo wareedyo ka tirsan ururada bulshada rayidka ah u xaqiijiyeen warbaahinta Middle East Eye.

Laga billaabo 17-ka bisha Abriil, Hay’adda Dadweynaha iyo Socdaalka ee Israa’iil ayaa dhaqangelin doonta go’aan ay xukuumaddu gaartay bishii Janaayo ee 2024, kaas oo dhigaya in la tarxiilo dhammaan magangalyo-doonka Itoobiyaanka ah ee aan haysan diinta Yuhuudda.

Tallaabadan ayaa dardar horleh yeelatay kadib markii Maxkamadda Sare ee Israa’iil ay taageertay mowqifka dowladda, iyadoo meesha ka saartay dacwado ay gudbiyeen hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha oo markii hore hakiyay qorshahan.

Gilad Palombo, oo ah agaasimaha ololaha ee hay’adda Assaf oo u dooda qaxootiga ku sugan Israa’iil, ayaa sheegay in tirada dadka Itoobiyaanka ah ee lala damacsan yahay tarxiilka ay gaarayaan ilaa 8,000 oo qof, kuwaas oo ku dhawaad 1,000 ka mid ah ay ka soo jeedaan gobolka waqooyi ee colaaduhu ragaadiyeen ee Tigray.

Hay’adda Socdaalka, oo ah waax hoos timaada wasaaradda arrimaha gudaha oo nidaamisa deganaanshaha ajaanibta, ayaa durba bilowday xarigga dadkan, kuwaas oo ay Israa’iil sharcigeeda ugu yeerto “dhuumaaleystayaal” ama shakhsiyaad si sharci-darro ah dalka ku soo galay.

Palombo ayaa xusay in ilaa iyo inta aan dadkan la siin aqoonsi badbaado oo wadajir ah, aan loo oggolayn inay shaqeystaan, dhowr darsin oo ka mid ahna xabsiga loo taxaabay in kasta oo qaarkood dib xorriyaddooda u helay, ujeeddaduna ay tahay in dalka laga saaro sida ugu dhaqsiyaha badan.

Khataraha ka jira Itoobiya

Dib u celinta dadkan ayaa imaneysa xilli Itoobiya ay ka jirto xasarad bani’aadannimo iyo barakac baahsan. Dagaalkii ka dillaacay gobolka Tigray sanadkii 2020 ee u dhexeeyay dowladda dhexe iyo kooxda TPLF, kaas oo galaaftay nolosha in ka badan 100,000 oo qof, ayaa in kasta oo si rasmi ah loo soo afjaray heshiis nabadeed sanadkii 2022, haddana waxaa weli jira isku-dhacyo goos-goos ah iyo cabsi laga qabo in dagaal sokeeye uu dib u qarxo.

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in ilaa bartamihii 2025-ka ay gudaha Itoobiya ku barakaceen ugu yaraan 3.3 milyan oo qof, iyadoo gobollada Amxaarada, Oromada, Benishangul-Gumuz, iyo Tigray ay ka taagan yihiin xasillooni darro lixaad leh.

Bazi Gete, oo ah qoraa iyo filim-sameeye heysta dhalashada Itoobiya iyo Israa’iil, ayaa tilmaamay in inkastoo xabbad-joojin laga gaaray Tigray, gobolkaasi uu weli yahay mid go’doon ka ah qaybaha kale ee dalka.

Wuxuu ka digay in tarxiilku uu 8,000 ee magangalyo-doonka ah gelin doono khatar nafeed oo dhab ah, maadaama ay ku laabanayaan dhul u eg mid aan cidna maamulin, ayna la kulmi karaan ciqaab ama xarig, gaar ahaan haddii loo arko inay yihiin mucaarad ka soo horjeeda nidaamka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo markii uu xilka qabtay la yimid isbeddello, kuna guuleystay abaalmarinta Nabadda ee Nobel sanadkii 2019 kadib markii uu xalliyay khilaafkii xudduudda ee Ereteriya, ayaa markii dambe waddanka geliyay dagaal sokeeye. Tan iyo xilligaas, waxaa isa soo tarayay cadaadiska gudaha, xadgudubyada xuquuqda aadanaha, iyo ololeyaal faaf-reeb oo ballaaran.

Sidoo kale, xukuumadda Addis Ababa ayaa xilligan si weyn ugu janjeerta dhanka isbahaysiga Imaaraadka Carabta, iyadoo la rumeysan yahay in dalkeeda loo sii mariyo saadka Imaaraadku siiyo ciidamada RSF ee dalka Suudaan.

Waxaa intaas dheer in Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn ay si dhab ah uga fiirsanayso duullaan ay ku qaaddo Ereteriya si ay ula wareegto dekedda Badda Cas ee Casab, taas oo abuureysa dhiillo horleh oo gobolka ah.

Palombo ayaa ku raacay khataraha dhabta ah ee sugaya qaxootiga, isagoo carabka ku adkeeyay in gobolka Tigray uu si gaar ah khatar ugu yahay haweenka iyo carruurta dib loo celinayo, kuwaas oo wajihi doona macaluul iyo in la beegsado.

Siyaasadda tarxiilka ee Israel

Sida ay xaqiijisay hay’adda Assaf, Israa’iil waxaa ku nool ilaa 72,000 oo magangalyo-doon ah, kuwaas oo 50,000 oo ka mid ah ay haystaan maqaam “koox la badbaadiyay” oo sharciga waafaqsan, ayna u badan yihiin dad ka soo jeeda Ereteriya, Suudaan, iyo Ukraine.

Si kastaba ha ahaatee, 8,000 ee Itoobiyaanka ah iyo 14,000 oo qaxooti kale ah ayaan haysan aqoonsigaas, waxaana dowladda Israa’iil ay u aragtaa dad si sharci-darro ah ciiddeeda ku jooga.

Dhammaan qaxootiga iyo magangalyo-doonka, haddii ay sharci haystaan iyo haddii kaleba, ayaa wajahaya xannibaado adag oo dhanka sharciga iyo dhaqaalaha ah. Waxaa laga reebay inta badan adeegyada daryeelka bulshada, daryeelka caafimaadka dadweynaha, iyo shabakad kasta oo aasaasi ah oo lagu sugo nolosha bulshada. Ugu yaraan boqolkiiba 57% dadkan ayaa ku nool saboolnimo xun, halka boqolkiiba 85% ay wajahaan cunto yari baahsan.

Palombo ayaa ku doodaya in siyaasadda wasiirada arrimaha gudaha ee Israa’iil 20-kii sano ee la soo dhaafay ay ahayd sidii nolosha Israa’iil looga dhigi lahaa mid aan loo dulqaadan karin, si qaxootiga, oo markii ugu horreysay halkaas ka tagay Afrika sanadkii 2006, loogu qasbo inay si mutadawacnimo ah dalka isaga baxaan.

Dowladda Israa’iil ayaa horey, intii u dhexaysay 2013 ilaa 2018, heshiis lala gashay dalka Rwanda kaas oo ay ugu tarxiilaysay qaxootiga u dhashay Suudaan iyo Ereteriya, iyadoo sanadkii 2017 la weriyay in Israa’iil ay bixinaysay lacag dhan $5,000 qof kasta oo la aqbalo.

Palombo ayaa caddeeyay in hadafka dowladda uu yahay in aysan dalkaas ku harin wax qaxooti ah, dowladuna ay maalgashi weyn ku bixinayso sidii ay u tarxiili lahayd qof kasta oo ay awooddo. Labadii sano ee la soo dhaafay, baarlamaanka Israa’iil ee Knesset ayaa ansixiyay laba sharci oo si toos ah u beegsanaya magangalyo-doonka.

Gete ayaa gabagabadii xusay in qaxootiga iyo shaqaalaha ka soo jeeda qaaradda Afrika aan laga oggolayn Israa’iil, iyadoo mashiinka dacaayadda ee dalkaas uu u sawiro inay yihiin isha dhibaatooyinka oo dhan, taasina ay meesha ka saartay xuquuqdoodii aasaasiga ahayd ee ahayd inay dalkaas ku noolaadaan si sharaf iyo karaamo leh.

Trump oo ku amray Israa’iil in aysan dib dambe u weerarin…

Washington (Caasimada Online) — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Khamiistii sheegay inuu ku wargeliyay Israa’iil inaysan dib u soo celin weeraradii ay ku qaadday kaabayaasha gaaska dabiiciga ah ee Iiraan, kadib markii duqeymo aargoosi ah oo is-daba joog ah oo lala beegsaday xarumaha tamarta gobolka ay cirka u direen qiimaha shidaalka. 

Hadalka Trump ayaa imanaya xilli qiimaha tamartu uu si ba’an sare ugu kacay Khamiistii, kadib markii Iiraan oo ka jawaabaysa weerar ay Israa’iil ku qaadday xarun weyn oo gaaska laga soo saaro, ay duqaysay Magaalada Warshadaha ee Ras Laffan ee dalka Qadar.

Xaruntan ayaa sifeysa ku dhawaad shan-meelood meel gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG) ee caalamka, waxaana gaaray burbur lixaad leh oo qaadan doona sanado in dib loo dayactiro.

Sidoo kale, waxaa weerar lala beegsaday dekedda weyn ee Sacuudi Carabiya ay ku leedahay Badda Cas, halkaas oo ay xukuumadda Riyadh u weecisay qayb ka mid ah dhoofinteeda shidaalka si ay uga badbaaddo xannibaadda ay Iiraan saartay Marinka Hormuz oo ah barta looga baxo Gacanka Khaliijka.

Duqeymahan ayaa hoosta ka xariiqaya awoodda Iiraan ay weli u leedahay inay qiimo culus ka qaaddo ololaha Mareykanka iyo Israa’iil, waxayna bannaanka soo dhigeen xaddidnaanta nidaamyada difaaca hawada ee ilaalinta hantida tamarta ugu qaalisan uguna istaraatiijisan ee dalalka Khaliijka.

Madaxweyne Trump, oo culeys siyaasadeed iyo mid doorasho kala kulmaya sicir-bararka shidaalka ee saameynaya taageerayaashiisa asaasiga ah, ayaa si kulul u dhaliilay xulafadiisa oo si taxaddar iyo caga-jiid leh uga falceliyay dalabaadkiisa ahaa inay gacan ka geystaan sugidda amniga Marinka Hormuz, kaas oo ay marto boqolkiiba 20% shidaalka adduunka.

Balse wuxuu xaqiijiyay inuu u sheegay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuusan ku celin weerarada xarumaha tamarta.

“Waxaan ku iri, ‘Ha sameynin taas’, mana sameyn doono,” ayuu wariyeyaasha ugu sheegay Xafiiska Oval ee Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan, Sanae Takaichi.

Inkastoo sarkaal Mareykan ah iyo saddex xubnood oo xog-ogaal ah ay u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters in Trump uu ka fiirsanayo inuu kumanaan ciidamo dheeraad ah u daadgureeyo Bariga Dhexe, haddana kulankii uu la yeeshay Takaichi wuxuu ku adkeystay inuusan qorsheynaynin inuu ciidamo dhulka ah daadgureeyo. “Ciidamo meelna geyn maayo,” ayuu si cad u yiri madaxweynuhu.

Iyadoo uusan muuqan dhammaadka dagaalka oo haatan galay toddobaadkii saddexaad, isla markaana ay sii kordhayso cabsida laga qabo ‘naxdin shidaal’ oo caalami ah, dalalka Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Nederlands iyo Japan ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku muujinayaan inay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan dadaallada ku habboon ee lagu xaqiijinayo in si nabad ah loogu kala goosho Marinka Hormuz.

Waxay sidoo kale ballanqaadeen inay qaadi doonaan tallaabooyin lagu xasillinayo suuqyada tamarta, oo ay ku jirto in dalalka wax soo saara lagala shaqeeyo sidii loo kordhin lahaa dhoofinta shidaalka.

Bayaanka ayaan bixin wax faahfaahin ah oo muujinaya tallaabo degdeg ah.

Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz ayaa ku celiyay in gacan kasta oo laga geysto sugidda marinka ay imaan doonto oo keliya marka si buuxda loo joojiyo colaadda. Ka-cagajiidka xulafada Yurub ayaa ka turjumaya shaki weyn oo ay ka qabaan dagaalkan, kaas oo madaxda Yurub ay ku tilmaameen mid leh ujeeddooyin aan caddeyn, aysan iyagu doonin, awood badanna aysan ku lahayn maamulkiisa.

Gaar ahaan, duqeyntii Israa’iil ee xarunta gaaska South Pars ee Iiraan—taas oo Trump uu sheegay in Washington aysan ka warqabin—ayaa muujisay inuu jiro kala-qob-qob dhanka isku-duwidda istaraatiijiyadda iyo yoolalka dagaalka ee u dhexeeya labada xulafo. Si jahawareerka loo sii kordhiyo, saddex sarkaal oo Israa’iiliyiin ah ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkaas lagala tashaday Mareykanka, balse aan la filaynin in dib loogu celiyo.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa horay u sheegay in yoolalka Washington ee dagaalkan ay yihiin kuwo “aan isbeddelin, bartilmaameedkoodana saaran.”

Balse Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Mareykanka, Tulsi Gabbard, ayaa guddiga sirdoonka ee Aqalka Wakiilada u xaqiijisay in yoolalka Washington iyo Tel Aviv ay kala duwan yihiin.

Waxay xustay in dowladda Israa’iil ay diiradda saarayso curyaaminta hoggaanka Iiraan, halka madaxweyne Trump uu doonayo inuu burburiyo awoodda Iiraan ee rididda iyo soo-saaridda gantaallada, iyo waliba awoodda ciidamadooda badda.

Afhayeen u hadlay milateriga Iiraan, Ebrahim Zolfaqari, ayaa sheegay in weerarada lagu qaaday kaabayaasha tamarta ee dalkiisa ay horseedeen weji cusub oo dagaalka ah, isagoo ku hanjabay: “Haddii la soo celiyo duqeymaha ka dhanka ah xarumaha tamartayada, weerarada aan ku hayno kaabayaashiinna tamarta iyo kuwa xulafadiinna ma istaagi doonaan ilaa si buuxda loo burburiyo.”

Madaxa shirkadda QatarEnergy ayaa xaqiijiyay in weerarada Iiraan ay meesha ka saareen lix-meelood meel awooddii dhoofinta LNG ee Qatar, taas oo u dhiganta dakhli dhan $20 bilyan sanadkii, wuxuuna xusay in dayactirku uu qaadan doono saddex ilaa shan sano.

Tan iyo Arbacadii, weerarada Iiraan waxay sidoo kale ku qasbeen Imaaraadka inuu xiro xaruntiisa gaaska ee Habshan, waxayna dab qabadsiiyeen laba warshadood oo lagu sifeeyo shidaalka oo ku yaalla dalka Kuweyt. Sidoo kale, warbaahinta Israa’iil ayaa werisay in duqeyn Iiraan ay beegsatay xarumaha shidaalka ee dekedda Haifa, inkastoo uusan dhalin khasaare nafeed.

Burburka dhaqaale ayaa si degdeg ah looga dareemay suuqyada caalamka. Qiimaha saliidda ceyriin ee Brent ayaa kor u kacay ku dhawaad 3% isagoo gaaray $110.35, kadib markii uu horay u kacay 10% kahor inta aan la soo saarin bayaanka wadajirka ah ee xulafada. Qiimaha gaaska ee Yurub ayaa isna kacay in ka badan 15%, isagoo guud ahaan sare u kacay in ka badan 60% tan iyo markii dagaalku bilowday.

Suuqyada saamiyada ee Japn iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa hoos u dhacay ku dhawaad 3%, halka suuqa Yurub iyo Wall Street ee Mareykanka ay iyaguna wajaheen hoos-u-dhac ballaaran.

Cabsi laga qabo in sicir-bararku uu waaro ayaa ku dhiirrigelisay Bankiga Dhexe ee Yurub (ECB) iyo Bankiga Ingiriiska inay deynta sidiisa ku hayaan, iyadoo maalgashadayaashii horay u rajeynayay in dulsaarka la dhimayo ay hadda filayaan in la kordhiyo dhamaadka sanadka. ECB ayaa haatan saadaalinaya in sicir-bararka sanadka 2026 uu gaari doono 2.6%, taas oo ka sarreysa 1.9% ee la saadaaliyay bishii Diseembar.

Shir madaxeed ka dhacay magaalada Brussels, madaxda Midowga Yurub ayaa gudo-galay raadinta siyaabo ay ku yareeyaan culeyska qiimaha tamarta ee saaran warshadaha iyo macaamiisha, kuwaas oo markii horeba la daalaa-dhacayay nolosha sii qaaliyoobaysa.

Ergeygii QM ee DF ay ka cayrisay Soomaaliya oo geeriyooday

New York (Caasimada Online) — Diblomaasigii rug-caddaaga ahaa ee u dhashay dalka Koonfur Afrika, Nicholas Haysom, kaas oo muddo-xileedkiisii gaabnaa balse qalalaasaha watay ee uu ahaa ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu raad ma guuraan ah ku reebay siyaasadda dalka, ayaa Arbacadii ku geeriyooday magaalada New York isagoo 73 jir ah, sida ay Khamiistii xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku tilmaamay Haysom, oo ahaa qareen ku takhasusay dastuurka iyo dhex-dhexaadiye xilliyadii dambe madax ka ahaa hawlgalka Qaramada Midoobay ee Koonfur Suudaan, inuu ahaa “nabad-doon aan daalin.”

Xirfaddiisa diblomaasiyadeed ayaa ka soo bilaabatay xafiisyadii dowladdii cusbeyd ee dimoqraadiga ahayd ee Nelson Mandela ee Koonfur Afrika, isagoo gaaray qaar ka mid ah furimaha colaadaha ee ugu adag uguna jilicsan caalamka.

Balse gudaha Soomaaliya, Haysom waxaa si weyn loogu xusuustaa inuu sababay mid ka mid ah khilaafyadii diblomaasiyadeed ee ugu darnaa ee soo kala dhex gala Muqdisho iyo Qaramada Midoobay taariikhda dhow.

Isku-dhicii Muqdisho iyo QM

Guterres ayaa bishii September 2018 u magacaabay Haysom inuu noqdo wakiilkiisa gaarka ah ee Soomaaliya. Xilligaas, Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa door udub-dhexaad ah ku lahaa taageerada siyaasadda, isku-duwidda amniga iyo dhismaha dowladnimada dalka oo ka soo kabanayay bur-bur. Balse waqtigiisii Muqdisho ayaa si lama filaan ah ku soo idlaaday bilo gudahood.

1-dii Janaayo 2019, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inuu yahay shakhsi aan dalka laga rabin (Persona non grata), iyadoo ku amartay inuu si degdeg ah dalka isaga baxo, kuna eedaysay inuu si bareer ah u farageliyay arrimaha gudaha iyo madax-bannaanida dalka.

Khilaafkan qaraar ayaa dhashay kadib markii Haysom uu si toos ah u soo dhexgalay xiisad ka dhalatay xariggii bishii Diseembar 2018 loo geystay Mukhtaar Roobow, oo horay u ahaa ku-xigeenkii iyo afhayeenkii kooxda Al-Shabaab balse markii dambe isku soo dhiibay dowladda, kana mid noqday siyaasiyiinta u tartamaysay xilka madaxweynenimada maamul-goboleedka Koonfur Galbeed.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka tirsan hawlgalka Midowga Afrika (AMISOM) ayaa soo xiray Roobow, taas oo dhalisay banaanbaxyo rabshado wata oo dhiig ku daatay oo ka dhacay magaalada Baydhaba.

Warqad adag oo uu u diray madaxda dowladda Soomaaliya, ayuu Haysom si furan su’aal uga keenay saldhigga sharciga ah ee xariggaas, wuxuuna weydiiyay tallaabooyinka ay dowladdu qaadday si loo baaro rabshadihii dhimashada sababay ee xariggaas xigay.

Xiisadda ayaa si degdeg ah isugu beddeshay isku-dhac fagaare ah oo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay. Arrintan ayaa walaac qoto dheer ka abuurtay beesha caalamka, xilli dalka Geeska Afrika dhaca uu weli la tacaalayay dagaal adag oo lagula jiro kooxaha hubeysan, isla markaana uu isku dayayay inuu cago adag u yeelo hay’adaha jilicsan ee dowladda federaalka.

Dhacdadan ayaa iftiimisay xiisado hoose oo u dhexeeyay Muqdisho iyo maamul-goboleedyada. Madaxda deegaannada ayaa si isdaba joog ah ugu eedeynayay dowladda federaalka ee uu xilligaas hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) inay isku dayayso inay qaabeyso natiijooyinka siyaasadda dowlad-goboleedyada iyo inay awoodda isugu geyso bartamaha.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa markii dambe muujiyay qoomamo qoto dheer oo ku aaddan go’aankii aan horay loo arag ee Soomaaliya ay dalka uga eriday ergeygii ugu sarreeyay ee QM, iyagoo dib u xaqiijiyay taageeradooda hawlgalka UNSOM balse carabka ku adkeeyay xasaasiyadda faragelinta caalamiga ah ee khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya.

Dhaxal nabad-doon

Inkastoo xilkiisii Soomaaliya uu ahaa mid kooban, wuxuu noqday mid ka mid ah cutubyada ugu muhiimsan ee waayihiisa diblomaasiyadeed ee dheeraa ee gobolka. Wuxuu markii dambe noqday la-taliye gaar ah oo qaabilsan Suudaan iyo koonfurta Afrika.

Sanadkii 2021, Qaramada Midoobay ayaa u magacawday madaxa Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Koonfur Suudaan (UNMISS), waana xilkiisii ugu dambeeyay ee sare ee uu ka qabto QM.

Mudadii uu joogay caasimadda Juba, Haysom wuxuu si joogto ah ugu boorriyay madaxda is-khilaafsan ee dalkaas inay fuliyaan heshiis nabadeed oo gaabis ahaa, ayna u diyaar-garoobaan doorashooyin muddo dheer dib u dhacay, isagoo inta badan Golaha Ammaanka uga digayay cawaaqibka ka dhalan kara fadhiidnimada siyaasadeed.

Geeridiisa ayaa ku soo beegmaysa xilli xiriirka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay uu galayo weji aad uga ka duwan kii hore. Hawlgalkii siyaasadeed ee muddada dheer soo socday ee UNSOM ayaa si rasmi ah u soo idlaaday bishii Oktoobar 2024, isagoo booska u banneeyay hawlgal xilliga kala-guurka ah oo kooban, kadib markii xukuumadda Muqdisho ay ku guuleysatay inay dhinto saameynta siyaasadeed iyo hawlgallada beesha caalamka ee gudaha dalka.

Kahor inta uusan ku biirin Qaramada Midoobay, Haysom wuxuu door muhiim ah ka qaatay isbeddelkii taariikhiga ahaa ee dimoqraadiyadda Koonfur Afrika.

Xilligii midab-takoorka (Apartheid), wuxuu ahaa qareen caan ah oo u dooda xuquuqda aadanaha, isagoo difaacay dacwado waaweyn oo ka dhan ah nidaamkii caddaanka tirada yaraa.

Wuxuu markii dambe noqday la-taliyaha sare ee dhanka sharciga iyo dastuurka ee madaxweynihii hore Nelson Mandela intii u dhaxaysay 1994 ilaa 1999, isagoo gacan weyn ka geystay qorista dastuurka dalkaas ee sida weyn loo ammaanay. Wuxuu sidoo kale si ballaaran uga shaqeeyay geeddi-socodka nabadda ee Burundi iyo Suudaan.

Balse gudaha Soomaaliya, Nicholas Haysom waxaa inta badan lagu xusuusan doonaa inuu ahaa ergeygii aan la gabban hadalka, kaas oo ku-adkeysigiisii difaaca xuquuqda aadanaha iyo habraaca caddaaladda uu isku dhac weyn kala kulmay dowlad xilligaas soo koreysay oo ay ka go’neyd inay muujiso madax-bannaanideeda iyo awoodeeda qaran.

Daawo: Sida maanta looga ciiday Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si weyn looga ciiday magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliya, maalinta koowaad ee Ciidul-Fidriga, iyadoo inta badan salaadda ciidda lagu tukaday goobaha fagaarayaasha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta boqolaal ka mid ah ciidamada qaranka iyo dad shacab ah kula ciiday deegaanka Gandarshe ee gobolka Shabeellada Hoose, kaas oo kamid ah deegaanada dhowaan laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu jeediyay salaadda Ciidda kaddib ugu hambalyeeyay dhammaan Muslimiinta caalamka, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed, munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Fidriga oo ah astaan midnimo, is-jacayl iyo farxad.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa geesiyaasha ciidamada qaranka ku ammaanay naf-hurnimada ay sameynayaan, xilli iyagoo sooman ay difaac uga jireen furimaha hore, si shacabku u helaan amni iyo xasillooni.

“Mashaariic waaweyn ayaa u soo socota deegaanka Gandarshe, waxaana dadka u soo socda mustaqbal aad u fiican,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale waxa uu shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay inay garab istaagaan ciidamada, taageeraan isla markaana u gargaaran dadkeenna danyarta ah, kana shaqeeyaan danta guud.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta salaadda Ciidul-Fidriga shacabka caasimadda kula tukaday Masjid Jaamaca Weyn ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ay kumannaan muwaadiniin ahi si wadajir ah ugu oogeen salaadda Ciidda soon-qaad.

Cirro ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan ummadda Somaliland gudaha iyo dibaddaba, isagoo tilmaamay in nabaddu ay tahay hanti qaran oo u baahan in si wadajir ah loo ilaaliyo loona adkeeyo.

Madaxweynaha Somaliland ayaa ganacsatada dalka ugu baaqay inay u diirnaxaan dadkooda, isla markaana muujiyaan mas’uuliyad qaran xilligan ay dunida ka jiraan colaado adag, iyagoo ilaalinaya xasilloonida suuqyada iyo danta guud ee bulshada.

Sidoo kale wuxuu si gaar ah ugu baaqay shacabka Somaliland inay garab istaagaan walaalahooda ay abaaruhu saameeyeen, isla markaana ay muujiyaan isu-naxariisasho iyo is-caawin, si looga gudbo xaaladaha adag ee nololeed ee haatan jira.

Si kastaba, munaasabadda Ciidul-Fidriga ayaa si weyn looga dabaaldegay guud ahaan magaalooyinka dalka, waxaana laga dareemayay saxmad waddooyinka waaweyn iyo goobaha ay isku yimaadaan dadka.

Hoos ka daawo muuqaallada

TRUMP oo go’aan ka soo saaray in ciidamo dhulka ah loo diro Iiraan iyo in kale

Washington (Caasimada Online) — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Khamiistii si cad u beeniyay wararka sheegaya inuu ciidamo dhulka ah uu daadgureynayo si ay gacan uga geystaan dagaalka uu dalkiisu ka wado Iiraan, isagoo weriyeyaasha u sheegay inuusan ciidamo geyn doonin “meelna.”

“Maya, ciidamo meelna geyn maayo,” ayuu yiri Trump mar uu ku sugnaa Aqalka Cad, kadib markii la weydiiyay inuu qorsheynayo inuu ciidamo horleh u diro Bariga Dhexe.

Wuxuu raaciyay hadal xasaasi ah isagoo yiri: “Haddii aan dirayo xitaa, hubaal idiinma sheegeen,” kahor inta uusan raacinin in Mareykanku uu sameyn doono “wax kasta oo lagama maarmaan ah si qiimaha shidaalka hoos loogu dhigo.”

Hadalladan ayaa imanaya xilli wakaaladda wararka ee Reuters ay werisay in maamulka Trump uu ka fiirsanayo inuu kumanaan askari oo Mareykan ah u daadgureeyo gobolka si ay u xoojiyaan howlgalkooda.

Saraakiisha ayaa miisaamaya hawlgal la doonayo in lagu sugo marin nabdoon oo ay maraakiibta shidaalku ku maraan Marinka Hormuz, iyadoo la adeegsanayo ciidamada cirka iyo kuwa badda. Marinkan ayaa si dhab ah u xirnaa tan iyo markii uu qarxay dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan, kaas oo bilowday 28-kii bishii Febraayo.

Maamulka Washington ayaa sidoo kale ka wada hadlay suurta-galnimada in ciidamo dhulka ah loo diro Jasiiradda Kharg ee Iiraan, halkaas oo ay ku taallo xarun kayd shidaal oo gacanta ku haysa boqolkiiba 90% dhoofinta shidaalka ee xukuumadda Tehran.

Ikhtiyaar kale oo miiska saaran ayaa ah in ciidamo Mareykan ah loo diro si ay ula wareegaan kaydka Yuraaniyamta sida weyn loo kobciyay ee dalkaas. Si kastaba ha ahaatee, ilo wareedyo ayaa Reuters u xaqiijiyay inaysan rumeysnayn in daadgureyn ciidamo dhulka ah oo la geeyo gudaha Iiraan ay tahay mid soo socota xilligan dhow.

Wada-hadalladan hoose ayaa soo baxaya xilli milateriga Mareykanku uu sii wado duqeymaha ba’an ee uu ku hayo ciidamada badda ee Iiraan, kaydadkooda gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo guud ahaan warshadaha difaaca ee dalkaas. Sida laga soo xigtay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Pentagon-ka, Mareykanka ayaa fuliyay in ka badan 7,800 oo duqeyn ah tan iyo markii uu dagaalku bilowday.

Ciidamada Mareykanka ayaa in ka badan 90 bartilmaameed ku duqeeyay Jasiiradda Kharg, in kasta oo ay bed-qab uga tageen kaabayaasha tamarta.

Haddii Washington ay isku daydo inay la wareegto gacan-ku-haynta Kharg, waxay u baahan doontaa ciidamo dhulka ah, taas oo halis weyn gelineysa nolosha askarta Mareykanka, maadaama ay u badan tahay in tallaabadaas ay dhalin doonto falcelin aargoosi oo aad u xooggan oo ka timaada Iiraan.

Dagaalkan khasaaraha badan dhaliyay ayaa durba galaaftay nolosha ugu yaraan 13 askari oo Mareykan ah, halka 200 oo kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo 10 ka mid ah ay qabaan dhaawacyo halis ah, sida ay xaqiijisay waaxda gaashaandhigga.

Colaadda ayaa haatan ku dhow dhammaadka toddobaadkiisii saddexaad iyadoo uusan muuqan qorshe cad oo lagu soo gabagabeynayo.

Aqalka Cad ayaa isku diyaarinaya inuu Koongareeska weydiisto miisaaniyad dheeri ah oo dhan $200 bilyan oo doolar si loogu maalgeliyo ololaha milateri.

Arrintan ayaa dhalisay qeylo-dhaan xooggan oo ku aaddan in Mareykanku uu si qoto dheer ugu sii dhex milmayo dagaal uu markii hore Madaxweyne Trump ku tilmaamay mid qaadan doona oo keliya afar ilaa shan toddobaad.