25.7 C
Mogadishu
Wednesday, June 17, 2026

Maxamed Mursal oo kusoo biiray dagaalka Lafta-gareen iyo Xasan – Yuu la saftay?

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal oo maanta gaaray magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulkaasi.

Maxamed Mursal ayaa si cad u garab istaagay Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen, oo dagaal siyaasadeed culus kala dhaxeeyo hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in maamulka Koonfur Galbeed laga gardaran yahay.

“Nidaamka federaalka ama dastuurkii lagu heshiiyay 2012 wuxuu dhigayaa in dowlad-goboleedyada ay si gaar ah isku maamulayaan, oo howlahooda iyaga gaar u yihiin. Dowladda Federaalka waxaa leenahay dowlad-goboleedkan waxay iska laheyd yeysan kusoo fara-gelin,” ayuu yiri Maxamed Mursal.

Mursal ayaa difaacay qorshaha doorashada dadban ee uu haatan diyaarinayo Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen, kaas oo uu ku sheegay mid waafaqsan duruufaha jira, inkasta oo uu ka hor imanayo dastuurka cusub ee la meel-mariyay iyo hanaanka doorashooyinka qof iyo cod.

Sidoo kale wuxuu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inuusan awood ciidan u adeegsan faragelinta Koonfur Galbeed, isla markaana uu joojiyo abaabulka dagaal ee la sheegay inuu socdo.

“Madaxweyne Xasan Sheekh waddankaan waayo arag ayaa u tahay dhibaatooyinkii ay sol mareen bulshadan ku dhaqan Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, haddii aan hadda wax la tareyn, oo xagga bini’aadannimo iyo dhisida nidaamkeeda siyaasadeed, yaan inta ciidan lasoo wato la dumin,” ayuu yiri Maxamed Mursal.

Waxa uu sidoo kale farriin u diray musharraxiinta u hanqal taagaya hoggaanka Koonfur Galbeed, isagoo ugu baaqay inay yimaadaan Baydhabo si ay uga qayb qaataan geeddi-socodka siyaasadeed. “Dadka raba inay siyaasadda ka qayb qaataan ama tartamaan, tallada halkan ayay taallaa ee ha yimaadaan,” ayuu yiri.

“Dadka udhashay deeganka ee raba inay doorasho dhacdo idinkama jirto halka aad wax ka raadinaysa ee fadlan damiirkiina ha shaqeeyo, yaan la idin adeegsanin in deegankiina aad gacantiina ku bur burisan.”

Ugu dambeyntiina, wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh usoo jeediyay inuu dib iskugu laabto, isla markaana uu maamullada u oggolaado inay si iskood ah u qabsadaan doorashooyinka, maadaama muddo-xileedkoodu horey u dhammaaday.

“Madaxweynow, muddo xileedkii aan inbadan kala hadleynay waxay aheyd inay dowlad-goboleedyada doorasho galaan, gaar ahaan Koonfur Galbeed. Hadda waxaa la marayaa in labadii heer dowladeed ay isku duldumi rabaan, maadaama muddo xileedkii dowlad-goboleedyada mar hore dhamaaday, kii federaalka uu hadda dhamaaday,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo muuqaalka

Israel to deport thousands of Ethiopian asylum seekers

Tel Aviv, Israel – Israel is preparing to deport Ethiopian asylum seekers as early as next month after its High Court upheld a controversial government decision to strip them of temporary group protection.

The planned deportations have drawn outrage from rights groups, who warn that the move will force vulnerable people back to a country edging towards a renewed and devastating civil war.

The crackdown follows a January 2024 directive by then interior minister Moshe Arbel, who said there was no longer any security obstacle to returning Ethiopian citizens, including those from the war-ravaged Tigray region.

In December, Israel’s High Court backed the government’s position and rejected a legal challenge brought by a coalition of refugee organisations. The ruling gave the affected Ethiopians four months to prepare for their departure.

Rights advocates and Israeli authorities say immigration enforcement and deportations are expected to begin in mid-April.

Disputed numbers

The exact size of the population at risk remains heavily disputed, reflecting a system in which many undocumented Africans live entirely off the radar.

ASSAF, an Israeli aid organisation, estimates that around 8,000 Ethiopians now live in Israel under varying and precarious legal categories.

The Hotline for Refugees and Migrants (HRM), however, says the withdrawal of group protection directly endangers just under 1,400 people.

The Israeli Interior Ministry has cited an even lower figure, saying only about 700 individuals whose asylum claims were previously rejected face imminent removal.

Whatever the final figure, fear across the community is palpable.

Israel first granted blanket group protection to Ethiopian nationals in November 2021 at the height of the Tigray war.

The brutal conflict, which pitted Ethiopian federal forces against the Tigray People’s Liberation Front (TPLF), killed hundreds of thousands through direct combat, state-driven famine and the collapse of regional healthcare.

Although an African Union-brokered peace deal formally paused the bloodshed in November 2022, that fragile truce now appears to be unravelling.

In late January 2026, fierce clashes broke out again in western Tigray. Witnesses reported military drones hovering over the region and carrying out strikes.

The worsening security situation forced Ethiopian Airlines to cancel all commercial flights to Tigray’s airports, including the regional capital Mekele, cutting off a vital lifeline.

Panicked residents have reportedly started fleeing the region by car and withdrawing cash from ATMs as they prepare for the possible return of full-scale war.

Fear of new war 

Regional tensions are also rising. Ethiopia and neighbouring Eritrea have recently traded accusations over military aggression and border mobilisation, fuelling international fears that instability in the north could widen into a cross-border conflict.

Human Rights Watch says Ethiopia still has roughly 3.3 million internally displaced people, with hundreds of thousands in Tigray and neighbouring Amhara living in precarious conditions and with severely limited access to food and aid.

For Israeli campaigners, those facts make the deportation drive legally and morally indefensible.

They have also pointed to what they describe as a glaring contradiction: Israel’s own Foreign Ministry recently issued a strict travel warning advising Israeli citizens against all non-essential travel to Tigray because of the renewed fighting.

The deportation drive against Ethiopians is not an isolated case. It forms part of a decades-long Israeli effort to deter and expel African asylum seekers.

Between 2006 and 2013, tens of thousands of Africans, mainly from Eritrea and Sudan, arrived in Israel after making a perilous journey on foot across Egypt’s Sinai desert, before Israel built a massive border wall to seal the route.

Israel considers the vast majority of those arrivals to be illegal ‘work infiltrators’ rather than genuine refugees.

According to the United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR), about 80,000 people have sought asylum in Israel over the past 20 years. Fewer than one percent have ever won official refugee status.

Deterrence system

Although Israel is a signatory to the 1951 Refugee Convention, it has never passed domestic refugee legislation.

Instead, successive Israeli governments have tried to make life unbearable for asylum seekers in order to encourage their ‘voluntary’ departure.

Those measures have included indefinite detention in the remote Holot desert facility, the confiscation of part of their wages and the denial of access to the formal labour market.

In 2018, Prime Minister Benjamin Netanyahu’s government notoriously tried to strike secret deals to deport African migrants to Rwanda and Uganda.

When both African states publicly denied those arrangements amid a global backlash, Netanyahu then signed, and within hours scrapped, a landmark pact with the UNHCR that would have resettled thousands of migrants in Western countries while regularising the status of others in Israel.

Today, most long-term African asylum seekers remain trapped in legal limbo. Temporary visas protect them from immediate deportation, but they must renew them frequently and they remain shut out of basic social, economic and healthcare rights.

An ASSAF-backed study published in 2025 found that the human cost of the policy was severe: around 57 percent of surveyed refugees and asylum seekers in Israel were living in severe poverty, while 85 percent were facing some form of food insecurity.

For the Ethiopians now facing the April deportation deadline, the threat is no longer an abstract policy debate. The legal countdown has begun, pushing hundreds of people closer to the exit even as the country they once fled slides back towards the abyss of war.

DF oo ku dhawaaqday guda-galka doorashooyinka xilli ay K/G qabsanayso doorasho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku shaacisay in dalka uu galayo marxalad doorasho oo cusub, taas oo lagu tilmaamay mid loo dhan yahay oo daahfuran.

Wasaaradda ayaa sheegtay in geeddi-socodkan doorasho uu ku saleysan yahay shuruucda dalka, isla markaana la doonayo in lagu xaqiijiyo nidaam dimuqraadi ah oo ay si siman uga qayb qaataan dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Doorashadu waa xaq dastuuri ah oo muwaadin kasta leeyahay, isla markaana door muhiim ah ka qaata kalsoonida dadweynaha, kor u qaadista hufnaanta iyo ka qaybgalka bulshada in ay doortaan cidda ku matalaysa hey’adaha kala duwan ee heerarka dawladda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa hoosta ka xariiqday in doorashooyinka la qaban doono ay noqon doonaan kuwo xor iyo xalaal ah, oo waafaqsan mabaadi’da dimuqraadiyadda, isla xisaabtanka iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

Ugu dambeyntiina, Wasaaradda ayaa xaqiijisay in hay’adaha ku shaqada leh doorashooyinka ay diyaar u yihiin fulinta waajibaadkooda, ayna dhawaan guda geli doonaan, iyadoo dowladda federaalku ay muujisay sida ay uga go’an tahay hirgelinta nidaam doorasho toos ah.

Arrintan ayaa imanaysa xilli ay kasii dareyso xiisadda u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed, uuna Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen qorsheynayo inuu magaalada Baydhabo ku qabto doorashado dadban, taas oo si adag uga soo horjeedo Villa Soomaaliya.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay si rasmi ah ugu wargelinaysaa shacabka Soomaaliyeed in dalku uu galayo marxalad doorasho loo dhan yahay, daahfuran, saldhigeeduna yahay shuruucda dalka.

Doorashadu waa xaq dastuuri ah oo muwaadin kasta leeyahay, isla markaana door muhiim ah ka qaata kalsoonida dadweynaha, kor u qaadista hufnaanta iyo ka qaybgalka bulshada in ay doortaan cidda ku matalaysa hey’adaha kala duwan ee heerarka dawladda.

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiintu waxay caddeyneysaa in geeddi-socodka doorashooyinku uu yahay mid toos ah, xor iyo xalaal ah (free and fair), kuna saleysan mabaadi’da dimuqraadiyadda, isla xisaabtanka iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiintu waxay xaqiijinaysaa in dhammaan hay’adaha ku shaqada leh geeddi-socodka doorashooyinka ay dhowaan gudan doonaan waajibaadkooda si waafaqsan shuruucda dalka.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ku celinaysaa ka go’naashaheeda ku aaddan xoojinta dowladnimada, dimugraadiyadda iyo hirgelinta nidaam doorasho oo hufan.

ーDHAMMAADー

Askar Qatari iyo Turkish ah oo ku dhintay diyaarad maanta ku burburtay…

Dooxa (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya diyaarad helikobtar ah oo ay leeyihiin milateriga Qatar oo maanta ku burburtay gudaha dalkaasi.

Diyaaraddan ayaa la sheegay inay soo dhacday kadib markii ay la soo gudboonaatay cilad farsamo, waxaana ku dhintay dhammaan dadkii saarnaa.

Dhammaan toddobadii qof ee saarnaa diyaaradda helikobtarka, oo ay ku jiraan saddex muwaadin oo u dhashay dalka Turkiga, ayaa ku dhintay shilkan diyaaradeed, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta dowladda Qatar.

Wasaaradaha Difaaca ee Qatar iyo Turkiga ayaa goor sii horreysay sheegay in diyaaraddu ay soo dhacday kadib markii ay la soo gudboonaatay cilad farsamo, taas oo wasaaradda Qatar ay ku tilmaamtay inay dhacday xilli diyaaraddu ay ku jirtay “shaqo maalmeed caadi ah”.

Afar kamid ah dadka dhintay ayaa ahaa xubno ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Qatar, halka mid kalena uu ka tirsanaa ciidamada wadajirka ah ee Qatar iyo Turkiga. Sidoo kale, labo kale ayaa ahaa farsamo-yaqaanno, sida ay si wadajir ah u sheegeen Wasaaradaha Difaaca ee Turkiga iyo Qatar.

Sida ay baahisay Wasaaradda Difaaca ee Qatar, dadka dhintay ayaa lagu kala magacaabay: Duuliye Kabtan Mubaarak Saalim Daway Al-Marri, Sajin Fahad Haadi Ghaanim Al-Khayaariin, Koperal Maxamed Maahir Maxamed iyo Kabtan Saciid Naasir Sameekh (oo dhammaantood ka tirsanaa Ciidamada Qalabka Sida ee Qatar).

Sidoo kale, Gaashaanle Sinaan Tashtekiin (oo ka tirsanaa ciidamada wadajirka ah ee Qatar iyo Turkiga) iyo labo shacab ah oo u dhashay Turkiga oo la shaqeynayay ciidamada, kuwaas oo kala ah Suleymaan Jemra Kahraman iyo Ismaaciil Anas Jaan, ayaa ku dhintay shilkan diyaaradeed.

Wasaaradda ayaa “tacsi tiiraanyo leh” u dirtay qoysaska iyo ehelada dadkii ku dhintay shilka.

Dhankeeda, Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Turkiga ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in mid ka mid ah askarteeda iyo labo shaqaale ah oo ka tirsan shirkadda difaaca Turkiga ee Aselsan ay ku dhinteen shilkan.

Waxay intaas ku dartay in diyaaraddu ay soo dhacday cilad farsamo awgeed iyadoo ku guda jirtay duulimaad tababar ah.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in mas’uuliyiinta Qatar ay sameyn doonaan baaritaanno qoto dheer oo lagu ogaanayo sababta rasmiga ah ee keentay in diyaaraddu ay soo dhacdo.

Ma jirto faah-faahin degdeg ah oo laga helay sababta dhalisay shilkan oo ka baxsan ciladda farsamo, mana jiraan illaa hadda wax caddeynaya in shilkani uu ka dhashay weerar cadowtooyo.

Saameynta xiisadda Gacanka

Dalka Qatar ayaa la kulmayay duqeymo isdaba-joog ah tan iyo markii Mareykanka iyo Israa’iil ay weerar wadajir ah ku qaadeen dalka Iiraan 28-kii bishii Febraayo, iyadoo waddankan ku yaalla Gacanka uu dhexda ka qabtay boqolaal diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) iyo gantaallo ay Iiraan soo ridday.

Horraantii toddobaadkan, weerarro ay Iiraan ku qaadday magaalada warshadaha ee Ras Laffan, oo ah xarunta ugu weyn ee gaaska dabiiciga ah ee Qatar, ayaa sababay “burbur baaxad leh”.

Weerarada Iiraan ayaa hoos u dhigay boqolkiiba 17 awooddii dhoofinta gaaska dabiiciga ah ee la dareereeyay (LNG) ee dalka Qatar, taas oo sababtay khasaare lagu qiyaasay 20 bilyan oo doolar oo ka luntay dakhliga sanadlaha ah ee dalkaasi, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters ugu sheegay maalintii Khamiista Sacad Al-Kacbi, oo ah Madaxa Fulinta ee shirkadda QatarEnergy, ahna Wasiiru-dowlaha Arrimaha Tamarta ee dalkaas.

Wuxuu sheegay in labo ka mid ah 14-ka warshadood ee sifeeya gaaska (LNG) iyo mid ka mid ah labada xarumood ee gaaska u beddela qaabka dareeraha (GTL) ay ku burbureen duqeymahan aan horey loo arag.

Lafta-gareen oo magacaabay taliye cusub oo taabacsan kadib magacaabistii DF

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa taliye cusub u magacaabay saldhiga booliska ee degmada Baydhabo.

Lafta-gareen ayaa Gaashanle Sare Mukhtaar Ibraahim Maxamed (Dugudow) u magacaabay inuu noqdo taliyaha cusub ee saldhiga booliska degmada Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed.

Magacaabistan ayaa imanaysa saacado kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay taliye cusub usoo magacowday saldhiga booliska Baydhabo.

Ka sokow xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed, waxay sidoo kale wajahaysa mid ciidan oo Muqdisho iyo Baydhabo amarrada ka kala qaadanaya.

Isla maanta, Dowladda Federaalka ayaa talis cusub u magacowday gobolka Baay, xilli ay haatan kasii dareyso xiisadda culus ee u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Asad Cabdullahi Cismaan (Diyaano) oo saaka wareegto soo saaray ayaa wuxuu taliyaha cusub ee qaybta guud ee booliska gobolka Baay u magacaabay Gaashaanle Dhexe Sadiiq Aadan Cali (Duudishe) oo horay usoo noqday taliyaha laanta CID-da.

Sidoo kale, wuxuu taliyaha cusub ee saldhigga booliska degmada Baydhabo isna u magacaabay Gaashaanle Dhexe Aadan Maxamed Axmed (Moora-Gaabeey), iyadoo taliyeyaasha la faray inay gutaan waajibaadkooda shaqo.

Maalin kahor waxaa sidoo kale gobolkan taliye u magacaabay madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen, kadib markii Dowladda Federaalka ay sheegtay in xilkii ay ka qaaday taliyihii hore oo iska diiday markii looga yeeray Muqdisho.

Arrimahan ayaa uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa Muqdisho iyo Baydhabo, taas oo haatan isku rogtay gacan ka hadal, kadib dagaallo ka dhacay qaybo badan oo kamid ah gobolka Baay.

Ciidamadii ugu badnaa oo maanta diyaarad lagu geeyay degmada Buurhakaba

0

Buurhakaba (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in weli ay kasii dareyso xiisadda dagaal ee ka taagan gobolkaas, iyadoo maanta ciidamo dheeraad la geeyay degmada Buurhakaba.

Ciidamadan oo kor u dhaafaya ilaa 300 oo askari ayaa waxaa diyaarad milatari looga soo qaaday degmada Xudur, waxayna ku biirayaan ciidamada la baxay ‘Badbaadada Koonfur Galbeed’ ee ku sugan halkaasi, lana wareegay degmada.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa muujinaya in mucaaradka uu isku sii fidinaayo deegaanno horleh, taas oo uga sii dareysa xiisadda hadda taagan ee u dhexeysa dowladda dhexe iyo maamul-goboleedka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, waxaa maanta degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool gaaray wafdi ay dirtay dowladda Soomaaliya oo ay ku jiraan xildhibaanno, kuwaas oo kasoo horjeedo madaxweyne Lafta-gareen, waxayna bilaabeen kulamo xasaasi ah.

DFS ayaa sidaan oo kale Khamiistii diyaarado ugu daabusho boqolaal askari oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, kuwaas oo ay tababarto dowladda Turkiga, qaybo ka mid ah deegaannada Koonfur Galbeed.

Ciidamadan ayaa ka degay magaalada xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, taas oo ah caasimadda rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed, in kasta oo xukuumaddu ay haatan hawlaheeda maamul ka waddo magaalada Baydhaba.

Ilo wareedyo dhanka milateriga ah ayaa xaqiijiyay in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud, uu Arbacadii dambe helay amar isku-diyaarinta 1,100 askari oo dheeraad ah, kuwaas oo laga soo xulay qaybaha kala duwan ee ciidamada si loogu daadgureeyo gobolka.

Si kastaba, Qorshaha Dowladda Federaalka ayaa lagu waramayaa inuu diiradda saarayo xoojinta fariisimaha Baraawe iyo sugidda amniga marinka isku xira Baraawe iyo Buurhakaba oo ka tirsan gobolka Bay, halkaas oo in dhowayd ay dhaqdhaqaaqyo ka wadeen maleeshiyooyin ka soo horjeeda dowladda.

Raggii la tartami lahaa Lafta-gareen oo maanta gaaray Baydhaba – Xagee mareen?

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta wafdi xildhibaanno ah iyo siyaasiyiin kasoo jeedda Koonfur Galbeed ay gaareen magaalada Baydhaba oo haatan ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo kuwa siyaasadeed oo ka dhashay xiisadda DFS iyo Koonfur Galbeed.

Xubnahan oo kasoo baxay Nairobi ayaa waxaa hoggaaminayo guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaana sidoo kale qayb ka ah Aadan Saransoor iyo xildhibaan Xasan Cabdinuur oo si weyn u taageersan madaweynaha Cabdicasiis Lafta-gareen.

Wararka ayaa sheegaya in xubnahan ay diyaarad qaas ah ku tageen Baydhaba, iyagoo kasoo duulay deegaano kamid ah dalalka dariska ah, iyaga oo jabiyay xayiraaddii duulimaad ee ay dhawaan dowladdu saartay Baydhaba.

Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in xubnahan ay la tartami doonaan madaxweyne Lafta-gareen, oo hadda qorsheynayo in doorasho deg-deg ah uu ku qabto magaalada Baydhaba, taas oo ay diidan tahay dowladda Soomaaliya.

Horay waxaa Baydhaba looga celiyay wasiirro iyo xildhibaanno federaal ah oo laga soo doorto Koonfur Galbeed oo doonayay inay gaaraan magaaladaasi, waxaana saameysay xayiraadda dowladda, waxaase ay u muuqataa in xubnaha la safan Lafta-gareen ay bilaabeen qorshe kale oo ay ku tegayaan Baydhaba.

Dhinaca kale, waxaa maanta wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo ay ku jiraan xildhibaanno ay gaareen degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool oo dhawaan laga taageeray qorshaha xukuumadda Soomaaliya ee la xiriira wax ka beddelka dastuurka iyo inuu isbeddal ka dhaco maamulka Koonfur Galbeed.

Si kastaba, dhaq-dhaqaaqyadan ayaa uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa Muqdisho iyo Baydhaba, taas oo haatan isku rogtay gacan ka hadal, kadib dagaallo kala duwan oo ka dhacay qaybo kamid ah Gobolka Baay.

Arimahan ayaa sidoo kale muujinaya in loollanka siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed uu galay marxalad cusub oo aad u xasaasi ah, maadaama la sheegayo in ciidamada iyo saraakiisha dowladda ay diyaar u yihiin in ay tallaabo kasta qaadaan, si loo xaqiijiyo qorshayaasha dowladda dhexe.

Sanbaloolshe oo digniin culus kasoo saaray xaaladda dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA, Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo qoraal xasaasi ah soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee sii cakirmeysa ee dalka, isaga oo walaac ka muujiyay, maadaama ay sii kordhayaan khilaafaadka gudaha ee taagan.

Sanbaloolshe oo kamid ah saaxibada aadka ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh ayaa digniin kasoo saaray jihada uu dalka aaday, isaga oo tilmaamay in sida ay wax ku socdaan aysan sax aheyn, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in arrintan ay keeni karto in aysan sii wada socon karin dadkii horay u wada joogay ee saaxibada madaxweynaha, taas oo  cadeynaysa in garabka Xasan Sheekh ay ka baxayaan saaxibo muhiim ah.

“Xaaladda siyaasadeed ee dalka, sida lagu wado sax ma ahan, haddii aan wax laga beddelin dad horay iskula socday kuma sii wada socon karaan sidaan”. ayuu qoraalkiisa ku yiri Mudane Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Horay waxaa sidaan oo kale u hadlay, isla markaana dhaleeceyn u jeediyay saaxibo ka tirsan xisbigii UPD ee hadda loo beddalay JSP ee madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna u muuqataa in qaar kamid ah saaxibada Xasan ay bilaabeen in ay si cad u sheegaan in hoggaamiyahooda jihada uu la aaday dalka aysan ahayn mid sax ah.

Si kastaba, hadalka Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa imaanaya xilli xasaasi ah, waxaana muuqata in xulafadii hore ee siyaasadda Xasan Sheekh ay hadda wajahayaan kala fikir duwanaansho dhinaca maamulka iyo xaaladda dalka.

Iiraan oo weerartay xarunta Nukliyeerka Israel ee Dimona, dhalisay khasaarihii ugu cuslaa

Tel Aviv (Caasimada Online) – Telefishinka dowladda Iiraan ayaa shaaciyay in gantaal lagu dhuftay magaalada Dimona ee dhacda koonfurta Israa’iil, halkaas oo ay ku taallo xarun nukliyeer, taasi oo lagu tilmaamay “jawaab” toos ah oo laga bixinayo weerar horay loogu qaaday xarunta nukliyeerka Iiraan ee Natanz.

Sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ah, Hay’adda Tamarta Nukliyeerka ee Iiraan ayaa xaqiijisay in xarunta kobcinta yuraaniyamta ee Natanz la bartilmaameedsaday, in kastoo ay xuseen in aan la soo werin wax dheecaan shucaac ah (radioactive leakage) oo halkaas ka dhashay.

Dhanka kale, milateriga Israa’iil ayaa xaqiijiyay in gantaal laga soo riday Iiraan uu si toos ah ugu dhacay dhisme ku yaalla magaaladaas oo ay ku dhex taallo xarun cilmi-baaris nukliyeer, sida ay werisay wakaaladda wararka ee AFP.

Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warrantay in ugu yaraan 20 qof ay ku dhinteen, in ka badan 100 kalena ay ku dhaawacmeen weerarkaas, inkastoo mas’uuliyiintu aysan weli bixin faahfaahin buuxda oo ku saabsan khasaaraha guud.

Waa khasaarihii ugu badnaa ee gaara ee maalin qura Israa’iil ka soo gaara dagaalka.

Sidoo kale, ugu yaraan 33 qof ayaa ku dhaawacmay kadib markii uu gantaal ku dhacay magaalada Arad ee koonfurta Israa’iil, sida ay sheegeen adeegyada gurmadka degdegga ah.

Afar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa xaaladoodu ay aad u liidatay, iyadoo shaqaalaha caafimaadku ay weli raadinayeen dad kale oo waxyeello soo gaartay.

Arad waxay qiyaastii 25 mayl waqooyi-bari kaga beegan tahay magaalada yar ee Dimona, oo ay si xun u duqeysay Iiraan.

Magaalada Dimona ayaa ku taalla mid ka mid ah goobaha ugu xasaasisan Israa’iil: Xarunta Cilmi-baarista Nukliyeerka ee Shimon Peres Negev, taas oo muddo dheer lala xiriirinayay barnaamijka hubka nukliyeerka ee Israa’iil aysan waligeed si fagaare ah u qiran.

Dowladda Israa’iil ayaa weli diidaysa in ay daah-furan ka sameyso arrintan, iyadoo aan qiranayn ama beeninayn hubkeeda, halka ay sii waddo ilaalinta mid ka mid ah xarumaha ugu ammaanka iyo dhufeyska adag ee gobolka oo ku dhex taalla saxaraha Naqab (Negev).

Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka (IAEA) ayaa sheegtay inay la socoto warbixinnada ku saabsan duqeynta Dimona, balse aysan weli wax xog ah oo ku saabsan burburka xarunta cilmi-baarista ee Negev ka helin dowladda Israa’iil.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo Israa’iil ay sir adag ku dabooshay barnaamijkeeda nukliyeerka ee aan la shaacin, waxaa soo baxaya su’aalo ku aaddan xaddiga macluumaadka lala wadaagayo kormeerayaasha caalamiga ah. Hay’addu waxay xaqiijisay in maamullada gobolka aysan soo werin wax heerar shucaac ah oo aan caadi ahayn, xaaladdana ay isha ku hayso.

Duqeynta Dimona ayaa timid saacado un kadib markii weerar ay iska kaashadeen Mareykanka iyo Israa’iil lala beegsaday xarunta kobcinta nukliyeerka Iiraan ee Natanz.

Xukuumadda Tehran ayaa weerarkaas ku cambaaraysay inuu yahay “weerar dambiyeed”, iyadoo ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo heshiisyada nukliyeerka, oo uu ku jiro Heshiiska Ka-hortagga Faafida Hubka Nukliyeerka (NPT), waxayna ka digtay cawaaqib-xumo baaxad leh.

Hay’adda IAEA ayaa xaqiijisay weerarka Natanz, balse waxay werisay in aanu jirin shucaac ku faafay bannaanka xarunta, iyadoo bilowday baaritaan una soo jeedisay dhinacyada in ay is-xakameeyaan.

Iiraan ayaa horay uga digtay in ay beegsan karto Dimona haddii Israa’iil ay sii waddo weerarada ay ku hayso xarumaha nukliyeerka. Ilo-wareed milateri ayaa Sabtidii u sheegay Wakaaladda Wararka ee Tasnim in Iiraan ay beddeshay istaraatiijiyaddeeda, taas oo muujinaysa inay ka gudubtay siyaasaddii ahayd “jawaab isku-dhiganta”.

Sarkaalka ayaa xusay in Tehran ay hadda damacsan tahay in ay kor u qaaddo qiimaha iyo khasaaraha weerar kasta oo lagu soo qaado, isagoo ka digay in jawaabaha mustaqbalku ay noqon doonaan kuwo ballaaran oo waxyeello badan.

“Cadowgu waa inuu haatan gartay in haddii ay weeraraan hal kaabayaal, aan annaguna weerari doono dhowr ka mid ah kaabayaashooda; haddii ay weeraraan warshad sifeynta shidaalka ama gaaska, waxaan annaguna duqeyn doonnaa xarumo dhowr ah oo la mid ah, waxaana u dhigi doonnaa cashar burburiya,” ayuu yiri sarkaalku.

Wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay: “Iiraan waxay qalad kasta oo cadowgu galo uga jawaabtaa si lama filaan ah, waxayna dab qabadsiinaysaa danahooda.”

 

Aadan Madoobe oo u yeeray odayaasha K/Galbeed kadibna…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo haatan Muqdisho ka bilaabay dhaq-dhaqaaq la xiriira xaaladda Koonfur Galbeed ayaa xalay kulan la yeeshay odayaasha dhaqaanka ee maamulkaasi.

Aadan Madoobe oo ay kulankan ku wehliyeen wasiirro iyo xildhibaanno kasoo jeeda deegaanka ayaa waxaa odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Koonfur Galbeed ay kala hadleen xaaladda ka taagan deegaanada maamulkaasi, maadaama ay xaaladda faraha ka baxday dagaalana ay ka socdaan.

Ugu horreyn odayaasha dhaqanka ayaa guddoomiyaha la wadaagay xaaladaha deegaanada maamulka Koonfur Galbeed iyo sida ay muhiim u tahay in xal waara laga gaaro xaaladaha ka taagan deegaanadaasi.

Dhankiisa Sheekh AadanMadoobe ayaa odayaasha uga mahadceliyey kaalintooda ku aadan horumarka deeganadaasi, isagoo kula dardaarmay in ay sii dardargeliyaan kaalintooda adkeynta dowladnimada iyo horumarinta deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Aadan Madoobe oo isku dayay inuu tego Baydhaba ayaa is-hortaag waxaa ku sameeyay maamulka Lafta-gareen, iyadoo hawada laga soo celiyay diyaarad sidday wafdi hordhac u ahaa iyo ciidamo ka mid ah ilaaladiisa, taas oo keentay in ay sii kala fogaadaan Dowladda Federaalka iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulankan ayaa kusoo aadayo, iyada oo xiisadda Muqdisho iyo Baydhaba ay isku rogtay gacan ka hadal, kadib dagaallo culus oo ka dhacay degmooyin iyo deegaanno ka tirsan maamulkaasi, waxaana weli xaaladdu tahay mid kacsan.

Si kastaba, ha’ahaatee arrimahan ayaa muujinaya in loollanka siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed uu galay marxalad cusub oo aad u xasaasi ah, maadaama la sheegayo in ciidamada iyo saraakiisha dowladda ay diyaar u yihiin in ay tallaabo kasta qaadaan, si loo xaqiijiyo qorshayaasha dowladda dhexe.

Xog: Xasan Sheekh oo kusii jeeda Itoobiya + Qorshihiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in saacadaha socda uu u baxo safar dibadeed oo deg-deg ah, isagoo kusii jeeda dalka dariska ah ee Itoobiya.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in madaxweynuhu la kulmi doono ra’iisul wasaare Abiy Axmed, kulankaas oo diiradda lagu saarayo xaaladda cakiran ee ka taagan Koonfur Galbeed, maadaama ay joogaan ciidanmada Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah Abiy u gala hadli doono qorshihiisa ku aadan Koonfur Galbeed oo uu doonayo inuu ka hirgeliyo isbeddal siyaasadeed oo deg deg ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in safarka Xasan Sheekh Maxamuud ee Addis Ababa uu kooban yahay, isla markaana wada-hadalladaas kadib uu deg-deg ugu soo laaban doono gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Xiisadda u dhexeysa DFS iyo Koonfur Galbeed ayaa haatan sii xoogeysaneysa, waxaana xusid mudan in Lafta-gareen uu taageero wayn ka helayo ciidamada Itoobiya ee fadhigoodu yahay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo uu hadda ka qaban qaabinayo doorashada maamulka.

Sidoo kale, waxaa jirtay i nmadaxweynaha Koonfur Galbeed oo dhawaan kasoo laabtay dalka Sacuudiga ay Itoobiya u fududeysay inuu dib ugu laabto Baydhaba, kadib markii diyaarad milatari lagu geeyay magaaladaasi.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhaba, taas oo haatan isku rogtay gacan ka hadal, kadib dagaallo ka dhacay qaybo badan oo kamid ah Gobolka Baay.

Arimahan ayaa sidoo kale muujinaya in loollanka siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed uu galay marxalad cusub oo aad u xasaasi ah, maadaama la sheegayo in ciidamada iyo saraakiisha dowladda ay diyaar u yihiin in ay tallaabo kasta qaadaan, si loo xaqiijiyo qorshayaasha dowladda dhexe.

 

DF Soomaaliya oo Talis cusub u magacowday gobolka Baay

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Asad Cabdullahi Cismaan (Diyaano) oo wareegto soo saaray ayaa maanta Talis cusub u magacaabay Gobolka Baay, xilli ay haatan taagan tahay xiisad culus oo u dhexeyso Dowladda Federaalka iyo Koonfur Galbeed.

Sida lagu sheegay wareegtada soo baxday waxaa taliyaha cusub ee qaybta guud ee Booliska Gobolka Baay loo magacaabay Gaashaanle Dhexe Sadiiq Aadan Cali (Duudishe) oo horay usoo noqday taliyaha laanta C.I.D-da.

“Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo muhiimad siinaaya sugida amniga Gobolka Baay  ayaa u magacaabay Taliyaha Qeybta Boliiska Gobolka Baay ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Gaashaanle Dhexe. Sadiiq Aadan Cali (Duudishe)” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Booliska Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa taliyaha cusub ee saldhigga Booliska Degmada Baydhaba isna loo magacaabay Gaashaanle Dhexe Aadan Maxamed Axmed (Moora-Gaabeey), iyadoo taliyeyaasha la faray inay gutaan waajibaadkooda shaqo.

Waxaa kale oo warsaxaafadeedka lasii raaciyay “Magacaabistaan ayaa ku soo aaday xili xaalado amni daro ka taagan tahay gobolka Baay ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, waxaana laga dhowrayaa dib u habeynta Booliska Gobolka Baay”.

Maalin kahor waxaa sidoo kale gobolkan taliye u maacaabay madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen, kadib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay in xilkii ay ka qaaday taliyihii hore oo iska diiday markii looga yeeray Muqdisho.

Tallaabadan ayaa uga sii dareysa xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhaba, taas oo haatan isku rogtay gacan ka hadal, kadib dagaallo ka dhacay qaybo badan oo kamid ah Gobolka Baay.

Arimahan ayaa sidoo kale muujinaya in loollanka siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed uu galay marxalad cusub oo aad u xasaasi ah, maadaama la sheegayo in ciidamada iyo saraakiisha dowladda ay diyaar u yihiin in ay tallaabo kasta qaadaan, si loo xaqiijiyo qorshayaasha dowladda dhexe.

Turkey, Pakistan, Masar iyo Sacuudiga oo dhisaya isbaheysi Islaami ah oo awood badan

Riyadh (Caasimada Online) — Wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Turkiga, Sacuudi Carabiya, Masar iyo Pakistan ayaa markii ugu horreysay wada-hadallo xasaasi ah ku yeeshay magaalada Riyadh, iyagoo ka tashanaya sidii ay u mideyn lahaayeen awooddooda milateri iyo tan amni.

Kulankan oo dhacay maalintii Khamiista ayaa ku soo beegmay intii uu socday shir-madaxeedka dalalka Islaamka, wuxuuna daaha ka qaaday isbeddel weyn oo ku imaan kara shaxda siyaasadda iyo amniga ee gobolka.

Xukuumadda Turkiga ayaa tan iyo sanadkii hore wadday olole ay heshiis amni kula gelayso Pakistan iyo Sacuudi Carabiya. Horraantii sanadkan, wasiir u dhashay Pakistan ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyay in qorshaha heshiiskan uu miiska saarnaa ku dhawaad muddo sanad ah.

Ilo wareedyo Turki ah oo xog-ogaal u ah arrintan ayaa horay ugu sheegay warbaahinta Middle East Eye in xukuumadda Ankara ay sidoo kale isku dayaysay in dalka Masar ay qayb uga dhigto isbaheysigan.

Xogaha ayaa xaqiijinaya in heshiiskani uusan noqon doonin mid la mid ah dammaanad-qaadka iyo ballan-qaadyada gaashaanbuurta NATO, balse uu noqon doono madal amni oo fududeyneysa iskaashi ballaaran oo dhanka warshadaha difaaca iyo arrimaha guud ee milatariga.

“Waxaan qiimeyneynaa sidii, annagoo ah dalal saameyn muuqata ku leh gobolka, aan awooddeena isugu geyn lahayn si aan xal ugu helno dhibaatooyinka taagan,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, oo Sabtidii la hadlay warbaahinta.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in waddamada gobolku ay iyagu hormuud u noqdaan masiirkooda, isagoo yiri: “Ugu horreyn, waxaan in muddo ahba sheegaynay in dalalka gobolku ay tahay inay isugu yimaadaan, wada-hadallo yeeshaan, fikradana horumariyaan. Waxaan xoogga saareynaa in gobolku uu isagu is-leeyahay.”

Wasiir Fidan ayaa intaas ku daray in waddamadan ay ka wada hadlayeen xaaladda cakiran ee haatan ka taagan gobolka, oo ay ku jiraan dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay ku hayaan Iiraan, iyo weerarada aargoosiga ah ee xukuumadda Tehran ay ku qaadday waddamada Khaliijka. Waxay si qoto dheer u falanqeeyeen faa’iidooyinka uu iskaashigoodu keeni karo marka la wajahayo caqabadaha noocaas ah.

Wuxuu si adag uga digay faragelinta shisheeye, isagoo yiri: “Sida mabda’a ah, waa inaan garannaa arrintan: inaan isugu nimaadno oo aan baranno inaan annagu xallinno dhibaatooyinkeenna, ama quwad shisheeye oo is-muquunis wadda ayaa imaan doonta, taas oo ama soo rogi doonta xal u adeegaya danaha iyada u gaarka ah, ama aan waxba qaban doonin iyadoo iska hor istaagaysa in kuwa kale ay tallaabo qaadaan.”

In kasta oo xukuumadda Ankara ay marar badan ku eedaysay Israa’iil inay tahay maskaxda ka dambeysa hurinta dagaalka Iiraan, haddana bayaan wadajir ah oo ay soo saareen afartan dal Khamiistii ayaa si kulul loogu cambaareeyay weerarada Tehran ay ku beegsatay Khaliijka. Bayaanka ayaa si aad u kooban u soo hadal qaaday Israa’iil, isagoo si gaar ah u dhaliilay siyaasaddeeda “ballaarinta” dhuleed ee ku wajahan dalka Lubnaan.

“Waa inaan barannaa inaan is-aaminno. Waa inaan si wadajir ah u wajahnaa arrimaha qaarkood. Waa inaan awoodnaa inaan qaadano mowqif mideysan,” ayuu yiri Fidan. Wuxuu xusay in Ankara ay khibrad ballaaran u leedahay xiriirka caalamiga ah marka ay timaado horumarinta dadaallada wadajirka ah iyo kuwa hay’adaha, isla markaana dalalka Pakistan, Sacuudi Carabiya iyo Masar ay mid kasta leedahay awoodo waaweyn oo ka ciyaara doorar goboleed oo aad u muhiim ah.

Marka la eego awoodaha is-kabaya ee dalalkan: Turkiga ayaa si weyn u maalgeliyay warshadihiisa gaashaandhigga, isagoo hormuud ka ah soo-saarista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee casriga ah, gantaallada iyo diyaaradaha dagaalka.

Pakistan ayaa iyaduna haysata awoodda hubka nukliyeerka, halka Sacuudi Carabiya ay si xawli ah isugu beddelayso xudun weyn oo dhanka teknoolojiyadda casriga ah ah. Dhanka kale Masar, oo ah dalka ugu dadka badan Carabta, ayaa loo arkaa laf-dhabarta gobolka sababo la xiriira awooddeeda iyo dhismaheeda milateri.

Dadaalladan isbaheysi-raadinta ah ayaa daba socda heshiis milateri oo laba-geesood ah oo ay bishii Febraayo ee sanadkan kala saxiixdeen Turkiga iyo Masar, kaas oo ujeedkiisu ahaa in la sii qoto-dheereeyo iskaashiga dhanka amniga.

Heshiiskaas wuxuu dhacay intii lagu guda jiray booqashadii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu ku tagay magaalada Qaahira.

Booqashadaas ayaa sidoo kale lagu saxiixay heshiis weyn oo dhoofin ah oo qiimihiisu dhan yahay 350 milyan oo doolar, kaas oo dhexmaray Shirkadda Farsamada iyo Kiimikada (MKE) ee soo saarta hubka Turkiga iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Masar. Heshiiskaas ayaa isugu jiray iibinta rasaasta iyo dhismaha warshado cusub oo hubka soo saara oo laga hirgelinayo gudaha dalka Masar.

DF oo war ka soo saartay duulimaayada Baydhaba ee la sheegay in la hakiyey

Muqdisho (Caasimada Online) — Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya ayaa si beenisay wararka sheegaya in la joojiyay duulimaadyadii ganacsi ee tagayay deegaannada maamul-goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo sheegashadaas ku tilmaantay “xog marin-habaabin siyaasadeed ah,” xilli uu sii xoogeysanayo loolan awoodeed oo u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulkaas.

beenintan ayaa daba socota maalmo ay caasimadda Muqdisho hareeyeen hadal-hayn iyo welwel xooggan, taas oo ka dhalatay xiriirka gebi ahaanba xumaaday ee u dhexeeya dowladda federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho iyo madaxda gobolka.

Hay’adda Duulista ayaa xaqiijisay in duulimaadyada rakaabka ee tagaya Baydhaba, oo ah xarunta kumeel-gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed, ay si caadi ah u shaqeynayaan iyadoo aan wax xayiraad ah la saarin.

Shirkadda diyaaradaha ee Jubba Airways, oo ka howl-gasha Baydhaba, ayaa sidoo kale u xaqiijisay warbaahinta in duulimaadyadeedii ganacsi ay si joogto ah u socdaan, in kasta oo shirkaddu ay xustay in dhowaan la carqaladeeyay adeegyo ay la socdeen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Horraantii toddobaadkan, waxaa soo baxay warar sheegayey in si lama filaan ah loo hakiyay duulimaadyada, arrintaas oo xannibtay boqolaal rakaab ah.

In kasta oo duulimaadyada Qaramada Midoobay iyo kuwa gargaarka bani’aadannimo ay hawlahooda sii wateen, jahawareerka ka dhashay isku-socodka hawada ee rayidka ayaa banaanka soo dhigay shakiga iyo cabsida siyaasadeed ee baahsan ee hareeyay dalka Geeska Afrika dhaca.

Xiisad milatari oo isa soo taraysa

Welwelka laga qabo duulimaadka Baydhaba ayaa ku soo beegmaya dhaq-dhaqaaqyo milateri oo xawli ku socda, kuwaas oo weji halis ah u yeelay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo Koonfur Galbeed.

Dowladda Federaalka ayaa Khamiistii diyaarado ugu daabusho boqolaal askari oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, kuwaas oo ay tababarto dowladda Turkiga, qaybo ka mid ah deegaannada Koonfur Galbeed.

Ciidamadan ayaa ka degay magaalada xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, taas oo ah caasimadda rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed, in kasta oo xukuumaddu ay haatan hawlaheeda maamul ka waddo magaalada Baydhaba.

Ilo wareedyo dhanka milateriga ah ayaa xaqiijiyay in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud, uu Arbacadii dambe helay amar isku-diyaarinta 1,100 askari oo dheeraad ah, kuwaas oo laga soo xulay qaybaha kala duwan ee ciidamada si loogu daadgureeyo gobolka.

Qorshaha dowladda federaalka ayaa lagu waramayaa inuu diiradda saarayo xoojinta fariisimaha Baraawe iyo sugidda amniga marinka isku xira Baraawe iyo Buurhakaba oo ka tirsan gobolka Bay, halkaas oo in dhowayd ay dhaqdhaqaaqyo ka wadeen maleeshiyooyin ka soo horjeeda dowladda.

Madaxda maamul-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ciidan-daabulkan u arkay daandaansi toos ah. Tallaabadan ayaa timid 48 saacadood uun kadib markii Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), uu si rasmi ah u hakiyay dhammaan wada-shaqeyntii iyo xiriirkii kala dhexeeyay dowladda federaalka.

Madaxweyne Laftagareen ayaa xukuumadda Muqdisho ku eedeeyay inay si firfircoon u hubeynayso maleeshiyo beeleedyo deegaanka ah si ay xoog uga tuuraan awoodda. Wuxuu sidoo kale si layaab leh ugu andacooday in mas’uuliyiin federaal ah ay gacan-saar la leeyihiin xoogagga Al-Shabaab, si ay hub ugu gacan-geliyaan kooxaha ka soo horjeeda maamulkiisa.

Mas’uuliyiinta dowladda federaalka ayaa si kulul isaga fogeeyay eedeymahaas. Wasiirka Dekedaha, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa dhankiisa ku dooday in muddo-xileedka sharciyeed ee uu madaxweyne Laftagareen ku fadhiyo uu dhab ahaan ku ekaa bishii Diseembar ee sanadkii 2022.

Miisaanka dagaalka Iiraan oo u janjeera dhanka Tehran iyo Trump oo jahwareersan

Tehran (Caasimada Online) — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo gaba-gabeynaya toddobaadkii saddexaad ee dagaalka Iiraan isagoo wajahaya xasarad u muuqata mid farahiisa ka baxeysa, sida ay werisay Reuters.

Qiimaha tamarta caalamka ayaa cirka isku shareeray, xukuumadda Washington ayaa u muuqata mid ka dhex go’doonsan xulafadeeda, ciidamo horlehna waxay isku diyaarinayaan in la daadgureeyo, in kasta oo uu horay u ballanqaaday in dagaalku uu noqon doono “tamashle kooban.”

Isagoo is-difaacaya, Madaxweyne Trump ayaa waddamada kale ee gaashaanbuurta NATO ku tilmaamay “fulayaal” kadib markii ay ka gaabsadeen inay gacan ka geystaan sugidda amniga Marinka Hormuz, wuxuuna ku adkeystay in howlgalku uu u socdo sidii loo qorsheeyay.

Balse hadalkiisii Jimcaha ee ahaa in dagaalka “milateri ahaan lagu guuleystay” ayaa ka hor istaagay xaqiiqada dhabta ah ee Iiraan oo muujinaysa adkeysi indha-adayg leh, iyadoo xannibtay isku-socodka shidaalka iyo gaaska Khaliijka, isla markaana gantaallo ku garaacaysa guud ahaan gobolka.

Trump, oo xafiiska la wareegay isagoo ballan qaaday inuu Mareykanka ka fogeyn doono faragelinta milateri ee uu ugu yeeray “nacasnnimada,” ayaa haatan u muuqda mid aan maamulayn natiijada iyo farriimaha colaad uu isagu qayb ka ahaa kicinteeda.

La’aanta istaraatiijiyad cad oo looga baxo dagaalkan ayaa xambaarsan khataro weyn oo ku wajahan dhaxalkiisa madaxtinimo iyo rajada siyaasadeed ee xisbigiisa, xilli xubnaha Jamhuurigu ay la daalaa-dhacayaan sidii ay u difaacan lahaayeen aqlabiyaddooda ciriiriga ah ee Koongareeska doorashooyinka dhexe ee bisha Nofeembar.

“Trump wuxuu isku dhisay sanduuq la yiraahdo dagaalka Iiraan, mana garanayo sidii uu uga bixi lahaa,” ayuu yiri Aaron David Miller, oo horay u ahaa dhex-dhexaadiye arrimaha Bariga Dhexe ee maamulladii Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga.

Wuxuu xusay in taasi tahay isha ugu weyn ee niyad-jabkiisa. Balse sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa gaashaanka ku dhuftay qiimeyntaas, isagoo ku dooday in la khaarajiyay inta badan madaxdii sare ee Iiraan, la quusiyay ciidamadoodii badda, lana burburiyay inta badan kaydkoodii gantaallada ballistic-ga, wuxuuna ku tilmaamay “guul milateri oo aan muran ka taagneyn.”

Xaddidnaanta awoodda Trump

Xaddidnaanta awoodda Trump — dhanka diblomaasiyadda, milateriga iyo siyaasadda — ayaa si cad u soo ifbaxday toddobaadkii la soo dhaafay.

Sida uu sheegay sarkaal kale oo ka tirsan Aqalka Cad, madaxweynaha ayaa la kulmay lama filaan markii xubnaha NATO iyo saaxiibada kale ee caalamka ay ka caga-jiideen inay maraakiibtooda dagaalka u diraan si ay u sugaan Marinka Hormuz.

Xilli madaxweynuhu uusan doonayn inuu u muuqdo mid go’doonsan, qaar ka mid ah la-taliyeyaasha ayaa u soo jeediyay inuu si degdeg ah u raadiyo waddo “looga baxo” dagaalka, xadna u yeelo baaxadda howlgalka milateri, in kasta oo aan la hubin in dooddaasi ay ku filan tahay inay qanciso Trump.

Khilaafyo u dhexeeya Washington iyo Israa’iil ayaa sidoo kale bilaabay inay soo shaac baxaan. Trump ayaa ku adkeysanaya inuusan horay uga warqabin weerarkii Israa’iil ay ku qaadday xarunta gaaska Iiraan ee South Pars, halka saraakiisha Israa’iil ay sheegeen in duqeynta dhab ahaantii lala kaashaday Mareykanka.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Trump uu haatan isku arko isgoys uu taagan yahay Howlgalka ‘Epic Fury’, iyadoo aan la hubin waddada uu qaadi doono.

Wuxuu go’aansan karaa inuu dagaalka sii xoojiyo oo uu xitaa la wareego xarunta shidaalka Iiraan ee Jasiiradda Kharg, ama uu ciidamo dhoobo xeebaha dalkaas si ay u ugaarsadaan gantaallada. Balse taasi waxay dhalin kartaa dagaal muddo dheer qaata oo shacabka Mareykanku ay aad uga soo horjeestaan.

Dhanka kale, maadaama labada dhinac ay diidan yihiin wada-xaajood, Trump ayaa ku dhawaaqi kara guul oo isaga bixi kara, balse taasi waxay dhaawici doontaa kalsoonida xulafada Khaliijka oo wejihi doona Iiraan dhaawacan, cadowtooyo wadda, isla markaana sii wadi karta raadinta hub nukliyeer ah oo awood u leh inay maamusho isku-socodka Khaliijka.

Jimcihii, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa werisay in milateriga Mareykanku uu kumanaan ciidamo dheeraad ah u daadgureynayo Bariga Dhexe, inkastoo aan weli go’aan laga gaarin in ciidamo toos loo geliyo gudaha Iiraan.

Cawaaqibka iyo xisaab-xumada Milateri

Dagaalkan ayaa sidoo kale muujiyay in saameyntii birta ahayd ee Trump uu ku lahaa dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed ee MAGA ay sii daciifayso, iyadoo shakhsiyaad caan ah ay si furan uga horyimaadeen colaadda.

In kasta oo taageerayaashiisu ay inta badan garab taagan yihiin ilaa hadda, falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in awoodda Trump ay wiiqmi karto toddobaadyada soo socda haddii sicirka shidaalku uu sii kordho, ciidamona la daadgureeyo.

Istaraatiijiyaha xisbiga Jamhuuriga Dave Wilson ayaa xusay in marka dhaqaaluhu uu saameyn yeesho, shacabku ay isweydiin doonaan sababta ay mar kale shidaal qaali ah u bixinayaan iyo sababta Marinka Hormuz uu u go’aaminayo inay fasax aadi karaan iyo in kale.

Sida ay sheegeen xubno ku dhow Aqalka Cad, tan iyo markii dagaalku qarxay, waxaa maamulka dhexdiisa ku soo badanayay dareenka ah in colaadda iyo cawaaqibkeeda ay ahayd in horay loo sii qorsheeyo si ka wanaagsan sidii dhacday.

Iiraan ayaa kaga aargudatay gantaalladii u haray iyo diyaarado drones ah si ay u wiiqdo awoodda milateri ee cadowgeeda, iyadoo xirtay marinka ugu muhiimsan dhoofinta shidaalka ee caalamka.

Safiirkii hore ee Mareykanka John Bass ayaa xusay in maamulku ku fashilmay inay ka fikiraan dhibaatooyinka ka dhalan kara dagaalka Iiraan, iyo in aysan waxyaabuhu u socon karin sidii warqadda ugu qorneyd.

Ugu dambeyn, xilli colaaddu ay daba-dheeraatay, Trump ayaa muujiyay jahawareer ka dhashay awood la’aantiisa ku aaddan maamulida sheekada warbaahinta, isagoo weriyeyaasha ku eedeeyay “khiyaano qaran” markii ay tebiyeen warar uu u arko inay wiiqayaan dadaalka dagaalka.

Brett Bruen, oo horay u ahaa la-taliye dhanka arrimaha dibadda ee maamulkii Obama, ayaa yiri: “Wuxuu ku dhibtoonayaa inuu maamulo wareegga wararka sidii uu caadeystay, maxaa yeelay weli ma sharrixi karo sababta uu dalkan dagaal u geliyay iyo waxa xiga ee dhici doona. Wuxuu u muuqdaa mid lumiyay awooddiisii gudbinta farriimaha.”

Daawo: Lafta-gareen oo hanjabaad u diray DF kadibna amar siiyay ciidankiisa

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo maanta tababar usoo xiray ciidamo cusub oo ka tirsan kuwa maamulkaas ayaa hanjabaad culus u diray Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu haatan kala dhexeeyo khilaaf xooggan.

Ugu horreyn Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa si adag u cambaareeyay duulaan uu sheegay in dowladda dhexe ay ku qaaday deegaannada Koonfur Galbeed, isla markaana ay ciidamo ku daabushay degmooyin ka tirsan maamulkaasi oo ay si buuxda ula wareegeen.

Lafta-gareen ayaa ku goodiyay in ay iska difaacayaan, isla markaana ay ilaashan doonaan dowladnimadooda, si aan looga dumin.

“Waxaa labadaan berri duulaan qaawan oo xishood la’aan ah oo bani’aadanimada ka baxsan oo Soomaalinimada ka baxsan oo mooryaanimo ah Koonfur Galbdeed ugu soo qaaday DFS iyadoo adeegsaneysa ciidamo gaar ah oo iyada leedahay, diyaaradana kusoo daabuleysa” ayuu yiri Lafta-gareen.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Koonfur Galbeed ma cabsaneyso intii uu qof ka noolyahana calankaas iyo dowladdaas waa ilaalineynaa”.

Waxaa kale oo uu amar siiyay dhammaan ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa cusub ee la tababaray, isaga oo faray inay sugaan amniga xuduudaha maamulkaas.

“Xuduuda Koonfur Galbeed ay leedahay waa la yaqaanaa laga bilaabo Ex-kontrol Afgooye, illaa iyo Jaziiro, meesha la yiraahdo Xaramka illaa xuduudka Ceelbarde, illaa xuduuda Gedo, inta u dhexeyso ayaa mas’uuliyad idin-ka saaran tahay”. ayuu Lafta-gareen ku yiri ciidamada uu maanta usoo xiray tababarka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo xiisadda Dowladda Federaalka iyo Koonfur Galbed ay isku rogtay gacan ka hadal, kadib dagaallo culus oo ka dhacay degmooyin iyo deegaanno ka tirsan maamulkaasi.

Si kastaba, ha’ahaatee arrimahan ayaa muujinaya in loollanka siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed uu galay marxalad cusub oo aad u xasaasi ah, maadaama la sheegayo in ciidamada iyo saraakiisha dowladda ay diyaar u yihiin in ay tallaabo kasta qaadaan, si loo xaqiijiyo qorshayaasha dowladda dhexe.

Somalia denies halting Baidoa flights as rift deepens

Mogadishu, Somalia – Somalia’s civil aviation authority has strongly denied reports that commercial flights to South West State have been suspended, dismissing the claims as “political disinformation” as a bitter power struggle deepens.

The clarification on Friday follows days of rampant speculation and alarm in the capital, triggered by an unprecedented breakdown in relations between the federal government in Mogadishu and regional leaders.

The Somali Civil Aviation Authority (SCAA) said commercial passenger services to Baidoa, the administrative capital of South West State, are operating “normally, with no restrictions.”

Jubba Airways, which frequently serves the route using Fokker 50 aircraft, confirmed to Somalia Today that its commercial flights were continuing, though the airline said some services carrying Somali lawmakers had recently faced disruptions.

Earlier in the week, travel agencies reported that commercial flights had been abruptly halted, stranding hundreds of passengers.

While United Nations and humanitarian flights continued to operate, the confusion over civilian air access underscored the acute political paranoia gripping the Horn of Africa nation.

Military escalation

The anxiety over the Baidoa flight route stems from a rapid and highly dangerous militarisation of the political dispute.

The flight rumours coincided with Mogadishu’s decision on Thursday to airlift hundreds of personnel from the elite, Turkish-trained Haramcad police force to parts of South West State.

The contingents landed in Barawa, a coastal city in Lower Shabelle that serves as the official capital of South West State, although the administration currently operates from Baidoa as its interim seat.

Military sources told Somalia Today that the commander of the Somali National Army, General Ibrahim Mohamed Mahmud, received orders late on Wednesday to prepare an additional 1,100 soldiers, drawn from various units, for deployment to the region.

The federal plan reportedly focuses on reinforcing positions in Barawa and securing the corridor stretching towards Buurhakaba in Bay region, where anti-government militias have recently become more active.

Regional leaders viewed the troop deployment as a direct provocation. It came just 48 hours after South West State President Abdiaziz Hassan Mohamed, widely known as Laftagareen, formally suspended all co-operation with the federal government.

Laftagareen accused Mogadishu of actively arming local militias to violently unseat him, and shockingly alleged that federal officials were colluding with the Al-Qaeda-linked Al-Shabaab insurgency to funnel weapons to anti-government forces.

Federal officials furiously rejected the claims, with Ports Minister Abdulkadir Mohamed Nur arguing that Laftagareen’s legal mandate to rule in fact expired in December 2022.

A fracturing federation

At the heart of the widening crisis is a sweeping constitutional overhaul pushed through by President Hassan Sheikh Mohamud.

Signed into law on March 8, the revised charter replaces Somalia’s clan-based indirect voting system with universal suffrage.

However, critics and regional leaders say the amendments amount to a blatant power grab designed to concentrate executive authority at the centre.

Crucially, the new constitution extends the presidential and parliamentary terms from four to five years, effectively delaying scheduled elections and granting Mohamud an extra year in office.

The unilateral changes have sparked a domino effect of regional rebellions.

The semi-autonomous state of Puntland withdrew its recognition of the federal government in March 2024, while Jubaland severed ties in November over a similar dispute over regional elections.

With South West State now joining the opposition bloc, Mogadishu faces open political revolts from three of its five federal member states.

Historical irony

For Baidoa, located about 245 kilometres (150 miles) north-west of Mogadishu, the standoff carries profound security risks.

The city is a highly sensitive military hub, hosting federal troops and international humanitarian operations in a region chronically battered by drought and militant violence.

The current tensions also revive painful memories of deadly electoral violence steeped in historical irony.

In late 2018, unrest engulfed Baidoa after federal authorities arrested former Al-Shabaab deputy leader Mukhtar Robow, who had defected and was running for the regional presidency.

His arrest sparked violent protests that left at least 11 people dead, clearing the way for Laftagareen, who was then widely seen as Mogadishu’s hand-picked proxy, to take power.

Today, the central government finds itself mobilising elite forces against the very leader it once helped install.

Security analysts warn that if the breakdown in relations disrupts civilian access and diverts military resources to manage a domestic political dispute, it will inevitably create a security vacuum.

Any sustained collapse in coordination threatens to hand Al-Shabaab a major strategic advantage, further complicating Somalia’s already perilous path towards stability.

Saudi Arabia opens Taif air base to US for Iran war

Riyadh, Saudi Arabia – Saudi Arabia has agreed to open a strategic western air base to the United States, expanding Washington’s military footprint as the US-Israeli war on Iran enters its fourth week, according a Middle East Eye (MEE) report

After high-level talks between Elbridge Colby, a senior official in the US Department of War, and Saudi Defence Minister Prince Khalid bin Salman, Riyadh granted US forces expanded access and overflight permissions.

The agreement centres on King Fahd Air Base in Taif, officials told the Middle East Eye (MEE) news outlet.

Strategic shift

The move marks a major geographical shift driven by military necessity. Located in western Saudi Arabia, Taif lies far beyond the reach of Iranian Shahed drones and ballistic missiles compared with Prince Sultan Air Base near Riyadh.

The base near Riyadh, intended to protect the Arab monarchies, has come under repeated Iranian attacks since the conflict erupted on February 28.

Taif’s proximity to Jeddah on the Red Sea also makes it a critical logistics hub. With Iran effectively controlling the Strait of Hormuz — the vital maritime chokepoint for global energy exports — Jeddah is emerging as a lifeline for sustaining US armed forces.

Thousands of American ground troops are currently en route to the region from East Asia, current and former US officials told MEE.

“The attitude in Riyadh has shifted towards supporting the US war as a way to punish Iran for strikes,” a Western official in the Gulf said, noting that US President Donald Trump and Saudi Crown Prince Mohammed bin Salman have held regular calls over the past three weeks.

Regional toll

When the US joined Israel in launching an attack on Iran, Saudi Arabia, the United Arab Emirates, and Qatar lobbied Washington heavily against the offensive.

They insisted that their sovereign territories, which host major US military installations, should not be used as launchpads.

Despite that initial reluctance, Gulf states have paid a heavy price as the Islamic Republic retaliates. The UAE alone has intercepted 338 ballistic missiles and 1,740 drones since the start of the war.

Qatar, despite its role as a neutral mediator, suffered a crippling blow when Iran fired missiles at its Ras Laffan refinery in response to an Israeli attack on Iran’s South Pars gas field.

Qatari Energy Minister Saad al-Kaabi estimated that repairs will take three to five years, severely affecting 17 percent of the nation’s gas production.

The immense economic and infrastructural toll is reshaping Gulf perspectives, but approaches vary.

Hardening stance

The UAE reportedly told US Secretary of State Marco Rubio that it is ready for a nine-month war and is not urging Washington to end the conflict quickly.

By contrast, Oman has carved out a niche as a mediator and fiercely condemned the conflict. Foreign Minister Badr al-Busaidi wrote in The Economist this week that this is “not America’s war” and that Washington was dragged into a conflict with little to gain.

Saudi Arabia has adopted a notably harder line. After Iranian attacks on Riyadh and the western port of Yanbu, Saudi Foreign Minister Prince Faisal bin Farhan condemned Iran’s “heinous attacks”.

He warned that the kingdom reserved the right to take direct military action, a statement one former US intelligence official described to MEE as “fighting words.”

“Saudi Arabia and the UAE were neutral before this war,” Bernard Haykel, a professor of Near Eastern studies at Princeton University, said.

“But as they have been attacked, they have come to the realisation that they cannot live with this hardline Iranian regime next door.”

Hormuz test

The Gulf’s calculus is heavily complicated by broader regional outrage over Israel’s ongoing war in Gaza, which has killed over 72,000 Palestinians since October 2023.

Crown Prince Mohammed bin Salman has publicly accused Israel of committing genocide, making any overt military alignment with the US-Israeli coalition highly sensitive domestically.

Further angering Gulf capitals, Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu recently suggested that Arab monarchs should bypass the closed Strait of Hormuz by building pipelines through the desert to Israel — effectively giving Israel veto power over their energy exports.

“We can’t lose sight of Israel’s role. They want to bring the Gulf into this war,” Bader al-Saif, an expert at Kuwait University, said. “And let’s be clear, there is no clear exit strategy from the US.”

At the same time, confidence in Washington’s security umbrella is fraying. The US has struggled to replenish the Gulf states’ Patriot and Terminal High Altitude Area Defence (THAAD) interceptors.

For now, analysts say Saudi Arabia is trying to “thread the needle” between establishing deterrence and avoiding full-scale war entanglement.

A key test may come in the Strait of Hormuz. Experts suggest that the UAE and Saudi Arabia could eventually join a US-led operation to wrest control of the waterway back from Tehran, after Washington’s NATO and Asian allies rebuffed requests to take part.

Anwar Gargash, a diplomatic adviser to the Emirati president, told the US Council on Foreign Relations this week that the UAE could join such an operation.

“Ending the war is generally the preferred option,” said Abdulaziz Alghashian, a Saudi security expert.

But with Iran proving it can wreak havoc on global energy markets, he added: “Not only do we really need to create deterrence, but we also need to create a precedent for post-war.”

Wiilka Cali Dheere oo ka mid ahaa raggii weeraray Godka Jilacow + Liiska magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta baahisay muuqaal guud oo ku saabsan weerarkii ay horay ugu qaaday xarunta Godka Jilacow, kaas oo dhacay 5-tii October 2025-kii, isla-markaana gaystay khasaare iyo saameyn xooggan oo ka dhalatay weerarkaas, maadaama lagu beegsaday mid kamid xarumaha sida aadka ah loo ilaaliyo ee ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho.

Kooxda oo soo bandhigtay muuqaalka ragga fuliyay weerarka oo ahaa 8 nin oo isugu jirtay Soomaali iyo Ajaaniib, ayaa waxaa kamid ah wiil uu dhalay afhayeenka guud ee Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), kaas oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Sheekh Cali.

Sidoo kale waxay Al-Shabaab shaaciyeen magacyada iyo sawirrada siddeeda nin oo laba kamid ah ay ahaayeen ajaaniib kasoo kala jeeda dalalka Itoobiya iyo Tanzania, waxayna kala yihiin:-

1-Zakariye Cumar Saalax oo kasoo jeeda degmada Diinsoor, 2-Cabdifitaax Bashiir Xaashi oo kasoo jeeda degmada Cadaado, 3-Yaasiin Sheekh Xasan Maxamed oo kasoo jeeda degmada Buurhakaba, 4-Maxamed Guye oo ku magac dheer Ibnu Yaasir, kana soo jeeda gobolka Oromiya ee dalka Itoobiya, 5-Maxamuud Cabdulqaadir Muriidi oo kasoo jeeda degmada Jamaame, 6-Yuusuf Shacbaan oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Tanzania, 7-Cabdullahi Sheekh Aadan Maxamed (Jacfar) oo kasoo jeeda degmada Rabdhuure, 8-Cabdiraxmaan Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo kasoo jeeda Muqdisho.

Muuqaalka oo soconayo ku dhowaad hal saac oo xiriir ah ayaa waxaa laga dhex-arki karaa ragga weerar fuliyay oo watay gaari Cabdi Bile ah oo ay ku buufsan tahay astaanta Hay’adda NISA, kaas oo ka gudbay dhammaan baraha koontaroollada, illaa uu ka gaaro gudaha xarunta Taliska Jilacow ee NISA oo ku taalla degmada Boondheere, waxaana horay muuqaalka gaarigaas u baahisay dowladda Soomaaliya, maadaama ay duubtay kaamirada CCTV.

Waxyaalaha yaabka leh ee ku jira muuqaalka waxaa kamid ah in toos loo arkayo gaariga oo galaya xarunta Godka Jilacow, kaas oo ay duubteen Al-Shabaab, gaar ahaan ragga weerarka fuliyay, waxaana si shaki la’aan ah ay u galeen xarunta, illaa ay ka tageen bartilmaamoodka oo ahaa gudaha saldhigga.

Al-Shabaab waxay muuqaalkan cusub ku sheegteen in weerarkaas ay kusoo furteen maxaabiis uga xirnaa goobta, isla markaana 5 kamid ah ay ka qayb-qaateen howlgalka, halka qaarka kalena ay sii daayeen, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxay sheegashadooda intaas ku dartay in weerarka ay ku dileen 42 sarkaal oo ka tirsanaa sirdoonka, ayna dhaawaceen in ka badan 20 kale.

Marka uu gaariga ka gudbay koontaroolka ugu dambeeya ee Godka Jilacow, ayaa waxaa la maqayaaa ninka hoggaaminayay weerarka oo leh “Allaahu Akbar waa soo galay” isagoo gaariga joojiyay, kadibna ku amray ragga saaran in ay dagaan, waxyar kadibna waxaa dhaqaaqay baabuurka oo qarxay, iyadoo uu sidaas ku bilowday dagaal toos ah oo ragga hubeysan ay la galeen ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Waxaa kale oo ay Al-Shabaab muuqaalka kusoo bandhigeen wareysiyo laga qaaday ragga weerarka fuliyay oo ka warbixinaya iyada oo uu socda howlgalka oo saacado qaatay, isla markaana guul wayn ka sheeganaya.

Si kastaba, kooxda ayaa muuqaalkan si weyn ugu baahisay barahooda bulshada, wuxuuna kusoo baxay luqadaha Carabiga, Soomaaliga iyo Sawaaxiliga, iyaga oo howlgalkan ugu magac dareen “U gargaaridda kuwa Dulman”.

Sawirro: Cabdicasiis Lafta-gareen oo ciidamo cusub ku soo bandhigay Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa maanta ciidamo cusub kusoo bandhigay magaalada Baydhaba, xilli ay magaaladaasi ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhexeyso ciidamada amniga maamulkaasi iyo kuwa mucaaradka ee la baxay ‘Badbaadada Koonfur Galbeed”.

Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa maanta oo ah maalintii labaad ee Ciidul-fitriga si rasmi ah ciidamadan tababar ugu u soo xiray xero ku taalla Baydhaba, kuwaas oo kamid noqonaya Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Maamulka ayaa sheegay in ciidamadan loo diyaariyey xoojinta amniga deegaannada Koonfur Galbeed, maadaama ay soo kordheen xaalado dhanka amniga ah oo ka dhashay gacan ka hadalka Lafta-gareen iyo mucaaradka Koonfur Galbeed oo isku haya arrimaha doorashada maamulkaas.

Sidoo kale, cutubyadan ayaa intii uu tababarku u socday lagu baray xirfado muhiim ah oo la xiriira ilaalinta amniga, la dagaallanka falalka lidka ku ah nabadda, iyo taageeridda howlaha dowladnimada.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la hadlay ciidamadan cusub ayaa ku boggaadiyey dadaalkooda, wuxuuna ku dhiirrigeliyay inay si hufan oo daacadnimo leh u gutaan waajibaadkooda ee ah ka hortaga cid waliba oo lid ku ah dowladnimada koonfur galbeed.

Lafta-areen ayaa sidoo kale xusay in Dowlad-goboleedla Koonfur Galbeed ay ka go’an tahay xoojinta tayada iyo tirada ciidamada ammaanka, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo horumar guud oo laga gaaro gobolka isagoo uga mahadceliyey Ciidanka AUSSOM gaar ahaan Dowlada Itoobiya oo gacan ka gaysanaysa tababarka ciidanka.

Ugu dambeyn wuxuu mahadceliyey dhammaan Wasiirada, saraakiisha amniga iyo guud ahaan shacabka koonfur galbeed sida ay ugarab taaganyihiin ciidamada oo u taagan ka hortagga duulaan uu sheegay in ay kuso qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, arrimahan ayaa muujinaya in loollanka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed uu galay marxalad cusub oo aad u xasaasi ah waxaana labada dhinac ay wadaan hub uruursi, iyadoo kasta uu doonayo sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa magaalada Baydhaba, ugana hirgelin lahaa qorshishiisa ku aadan doorasho ka dhacda Koonfur Galbeed Soomaaliya, maadaama uu dhammaaday muddo xileedka hay’adaha dowladda.