24.7 C
Mogadishu
Sunday, July 26, 2026

Puntland oo toogasho ku fulisay ninkii dilay taliye Guuleed

0

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa saaka degmada Jariiban ee gobolka Mudug laga fuliyay xukun qisaas ah oo lagu riday Ibraahim Kooshin oo ahaa ninkii lagu helay dilka Allaha u naxariistee Taliyihii Saldhigga Booliiska degmada Jariiban, Gaashaanle Guuleed Cabdulqaadir Kadleeye.

Xukunka ayaa la fuliyay kadib markii uu si deg-deg u soo maray dhammaan marxaladihii garsoorka, isla markaana ay isku afgarteen qoyska marxuumka iyo qoyska eedeysanaha.

Ibraahim Kooshin ayaa ciidamada ammaanku gacanta ku dhigay saacado yar kadib markii uu dhacay dilka taliyaha. Kadib baaritaanno iyo dacwad maxkamadeed, hay’adaha garsoorka Puntland ayaa ku riday xukun dil ah oo qisaas ah, kaas oo saaka si rasmi ah looga fuliyay degmada Jariiban.

Qoyska Marxuum Guuleed Kadleeye ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin caddaaladda la marsiiyay kiiska, iyagoo tilmaamay in fulinta xukunka ay qayb ka tahay xaqiijinta caddaaladda iyo ka hortagga falalka noocan oo kale ah. Waxay sidoo kale ku baaqeen in qof kasta oo geysta dil bareer ah si degdeg ah sharciga loo horgeeyo.

Waxay u mahadceliyeen ciidamada ammaanka Puntland oo si degdeg ah u soo qabtay eedeysanaha, inkastoo uu isku dayay inuu baxsado kadib markii uu geystay falka. Sida ay sheegeen, tallaabadaasi waxay muujisay sida ay ciidamada uga go’an tahay la dagaallanka dambiyada culus.

Fulinta xukunka qisaasta ayaa soo afjartay kiiska dilka Taliyihii Saldhigga Booliska degmada Jariiban, kaas oo toddobaadyadii la soo dhaafay si weyn looga hadal hayay deegaannada Puntland, maadaama uu ku lug lahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada ammaanka.

Allaha ha u naxariistee, Gaashaanle Guuleed Cabdulqaadir Kadleeye wuxuu ka mid ahaa ciidamadii Gorgor ee tababarka ku soo qaatay Turkiga xilligii dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxa uu ka tirsanaa saraakiishii dhowaan loo kala diray degmooyinka Puntland si loo xoojiyo amniga iyo howlaha booliska.

Marxuumka ayaa muddooyinkii u dambeeyay hormuud ka ahaa dadaallada lagu sugayay amniga degmada Jariiban, gaar ahaan la dagaallanka hubka sharci darrada ah, ka hortagga falalka amni-darrada ah iyo xoojinta howlaha Booliiska ee degmada.

Degmada Jariiban ayaa sidoo kale saldhig u ah ciidamo dhowaan laga qoray Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana mararka qaar laga soo sheegaa dhaq-dhaqaaqyo uu maamulka Puntland ku tilmaamay kuwo amniga lid ku ah, oo si joogto ah ay ula tacaalaan ciidamada ammaanka.

Fulinta xukunkan ayaa ku soo beegmaysa xilli Puntland ay adkeyneyso tallaabooyinka lagula dagaallamayo dambiyada culus iyo falalka amni-darrada ah. Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa marar badan ku celceliyay in qof kasta oo ku lug yeesha falal noocan oo kale ah la horgeyn doono caddaaladda, si loo xoojiyo kalsoonida shacabka ee nidaamka garsoorka iyo amniga.

IRAN oo dalalka Khaliijka u dirtay digniin culus oo la xiriirta Mareykanka

Tehran (Caasimada Online) – Dowladda Iiraan ayaa digniin culus u dirtay dalalka Khaliijka, iyadoo uga digtay inay u oggolaadaan Mareykanka inuu dhulkooda, hawadooda ama biyahooda u adeegsado weerarro ka dhan ah Iiraan.

Tehran ayaa sheegtay in tallaabo kasta oo noocaas ah ay yeelan doonto cawaaqib culus, isla markaana dalalka martigeliya weerarrada ay qaadi doonaan mas’uuliyadda wixii ka dhasha.

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka Iiraan, Mohammad Saleh Jokar ayaa sheegay in haddii Mareykanku ka faa’iideysto saldhigyada ama dhulka dalalka Khaliijka si uu u weeraro Iiraan, dalalkaasi ay wajihi doonaan “khasaare culus”.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Tehran aysan kala saari doonin cid kasta oo gacan ka geysata weerar lagu qaado dalkeeda.

Mas’uulkan ayaa sheegay in Iiraan ay xaq u leedahay inay difaacato madax-bannaanideeda iyo amnigeeda qaran, isagoo xusay in jawaab kasta oo ay bixiso ay ku saleysnaan doonto sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah.

Wuxuu intaas ku daray in Tehran aysan dooneyn in colaaddu ku fido gobolka, balse aysan aqbali doonin in dalalka deriska ah loo adeegsado weerarro ka dhan ah.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan ayaa ku eedeysay Mareykanka inuu jebiyay is-afgaradkii u dhexeeyay labada dal, iyadoo sheegtay in dib u soo celinta xayiraadaha la xiriira hawl-gallada badda ay ka dhigan tahay jebinta heshiisyadii iyo dadaalladii diblomaasiyadeed ee socday.

War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaraddu ayay sidoo kale Mareykanka ugu eedeysay inuu geystay waxa ay ku tilmaantay dambiyo dagaal, iyadoo ku andacootay in weerarro lagu qaaday xarumo rayid iyo kaabayaal adeeg bulsho oo aan ahayn bartilmaameedyo militari.

Sida ay sheegtay Tehran, goobaha la beegsaday waxaa ka mid ahaa xarunta caafimaadka ee Guutada 388-aad, xarunta kaydinta masagada ee Hoveizeh iyo goobo kale oo ay ku tilmaantay inay bixiyaan adeegyo muhiim u ah shacabka. Sheegashooyinkan ayaan weli si madax-bannaan loo xaqiijin.

Iiraan ayaa sidoo kale sheegtay in tani ay tahay markii saddexaad muddo hal sano gudihiis ah oo Mareykanku weerar ku qaado dalkeeda, xilli ay weli socdeen dadaallo diblomaasiyadeed iyo wada-hadallo lagu doonayay in lagu dejiyo xiisadda u dhexeysa labada dhinac.

Ugu dambeyntiina, Tehran waxay ugu baaqday dalalka Khaliijka iyo guud ahaan waddamada gobolka inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta sii hurinta colaadda. Waxay sheegtay inay weli ka go’an tahay xoojinta isfahamka, wada-shaqeynta iyo amniga gobolka, balse ay si adag uga jawaabi doonto haddii dal kale loo adeegsado weerarro ka dhan ah Iiraan.

Xasan Sheekh oo dhambaal u direy Ismaaciil Cumar Geelle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Wasiirkii Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti Marxuum Xasan Cumar Maxamed.

Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda, shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo qoyska uu ka baxay Wasiirkii Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti.

Xasan Sheekh ayaa xusay in marxuumku uu ahaa masuul qaran oo door muuqda ka soo qaatay horumarinta hay’adaha difaaca, adkeynta amniga iyo xoojinta doorka Jamhuuriyadda Jabuuti ee nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in Marxuum Xasan Cumar Maxamed uu si dhow uga qeyb qaatay dadaallada lagu taageerayay Soomaaliya, isaga oo door muhiim ah ku lahaa iskaashiga amni ee labada dal.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyey in Soomaaliya ay garab taagan tahay Jamhuuriyadda Jabuuti xilligan murugada leh, isaga oo tilmaamay xiriirka qotoda dheer ee walaalnimo, iskaashi iyo wax wada-qabsi ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab.

Xasan Cumar Maxamed ayaa shalay la xaqiijiyay geeridiisa. Wasiirka ayaa xilka Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti soo hayay, tan iyo sanadkii 2019, waxaana mar kale loo magacaabay isla xilkaas markii la dhisay xukuumadda cusub ee Jabuuti sanadkan 2026.

Sidoo kale wuxuu door muuqda kasoo qaatay hoggaaminta iyo horumarinta ciidamada qalabka sida ee dalka Jabuuti.

Xogta heshiis Midowga Yurub iyo Jabuuti wada saxiixdeen oo ku saabsan Badda Cas

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Midowga Yurub ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis la xiriira howl-galka badda ee EUNAVFOR ASPIDES, kaas oo lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada amniga, difaaca iyo xasilloonida gobolka.

Heshiiska ayaa dejinaya qaab-dhismeedka sharci ee hagaya joogitaanka iyo howlaha ciidamada iyo shaqaalaha Midowga Yurub ee loo dirayo taageeridda howl-galka ASPIDES gudaha Jabuuti.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka labada dhinac, heshiiska ayaa sidoo kale xoojinaya iskaashiga dhinaca amniga badda iyo dadaallada lagu ilaalinayo xasilloonida Badda Cas iyo guud ahaan gobolka.

Howl-galka EUNAVFOR ASPIDES waa howlgal difaac oo badeed oo uu Midowga Yurub u aas-aasay ilaalinta maraakiibta ganacsiga iyo xaqiijinta xorriyadda isu-socodka maraakiibta ee Badda Cas. Howl-galkan ayaa door muhiim ah ka qaata sugidda amniga mid ka mid ah marin-biyoodka ganacsiga ee ugu mashquulka badan caalamka, xilli ay sii kordhayaan khataraha amni ee gobolka.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Dowladda Jabuuti iyo Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in saxiixa heshiiskan uu ka tarjumayo heerka kalsoonida iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac, isla markaana uu muujinayo sida ay uga go’an tahay ilaalinta nabadda, amniga iyo wada-shaqeyn miro dhal ah.

“Saxiixa heshiiskan wuxuu ka tarjumayaa kalsoonida labada dhinac iyo sida ay uga go’an tahay nabadda, amniga iyo iskaashi wax ku ool ah. Waxa kale oo uu muujinayaa in iskaashigoodu ku saleysan yahay qiyam iyo mabaadi’ ay wadaagaan, sida ixtiraamka sharciga caalamiga ah, xasilloonida gobolka iyo iskaashiga dhinacyada badan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Midowga Yurub uu weli yahay lammaane istaraatiiji ah oo muhiim u ah Jamhuuriyadda Jabuuti. Waxay tilmaameen in goobta juqraafiyeed ee gaarka ah ee Jabuuti iyo kaalinta ay ka qaadato nabadda iyo amniga gobolka ay ka dhigayaan waddan muhiim u ah wax ka qabashada caqabadaha amni ee wadajirka ah.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu xusay in iskaashiga labada dhinac uu door weyn ka ciyaarayo ilaalinta xorriyadda isu-socodka maraakiibta, sugidda amniga marin-biyoodka Badda Cas iyo taageeridda ganacsiga caalamiga ah, maadaama marinkaasi uu muhiim u yahay isu-socodka badeecadaha adduunka.

Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Midowga Yurub ayaa ugu dambeyn muujiyay rajada ay ka qabaan in heshiiskan uu sii xoojin doono xiriirka labada dhinac, isla markaana uu gacan ka geysan doono xaqiijinta himilooyinka wadajirka ah ee la xiriira amniga, xasilloonida gobolka iyo horumar waara. Waxay sidoo kale ballanqaadeen inay sii wadi doonaan wada-shaqeynta ku saleysan is-aaminaad iyo dan wadaag.

Ciidamo nooc cusub ah oo lagu soo bandhigay Dangorayo

0

Garoowe (Caasimada Online) – Degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal ayaa maanta lagu soo bandhigay boqolaal ciidan oo ay abaabuleen dadka deegaanka, kuwaas oo la sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan sugidda amniga iyo ilaalinta deegaannada degmada.

Munaasabadda lagu soo bandhigay ciidamada ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Puntland, saraakiil ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Mas’uuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in ciidamada cusub ay door muhiim ah ka qaadan doonaan xoojinta amniga deegaanka, iyagoo xusay in sidoo kale la wadi doono dadaallo lagu doonayo in ciidamadan ay xuquuqdooda ka helaan maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-galay saraakiil caan ka ah Puntland oo xilal sare hore uga soo qabtay ciidamada, waxaana ka mid ahaa Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere), Gen. Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) iyo Gen. Muxuyadiin Axmed Muuse. Saraakiishan ayaa la sheegay inay dhiirrigelin u jeediyeen ciidamada cusub iyo bulshada deegaanka.

Muddooyinkii dambe waxaa deegaannada Puntland ku soo badanayay ciidamada ay sameystaan beelaha iyo bulshada deegaanka, kuwaas oo qaarkood markii dambe ay dowladdu qaramaysay, halka kuwo kalena ay ku dhawaaqeen inay ku biireen ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kororka ciidamada deegaanka ayaa ku soo beegmaya xilli ay Puntland wajahaysay caqabado amni oo kala duwan, kuwaas oo sababay in bulshooyinka deegaannada qaarkood ay qaataan doorka sugidda ammaankooda.

Dhanka kale, ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa muddooyinkii dambe marar kala duwan ka cabanayay dib u dhac ku yimaada mushaaraadkooda. Cabashooyinkaas ayaa mararka qaarkood sababay gadood iyo inay ciidamada xiraan waddooyin muhiim ah, iyagoo dalbanaya in la siiyo xuquuqdooda.

Soo bandhigista ciidamada Dangorayo ayaa imanaysa xilli maamulka Puntland waddo dadaallo uu ku xoojinayso amniga iyo awoodda ciidamadeeda.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay caddaato sida ciidamadan cusub loogu dari doono qorshaha guud ee sugidda amniga iyo in dowladda Puntland ay qaadi doonto tallaabooyin ku saabsan aqoonsigooda iyo xuquuqdooda.

Iiraan oo amar culus siisay Xuutiyiinta – Maxaa ka dhacaya Badda Cas iyo Bab al-Mandab?

Tehran (Caasimada Online) – Dowladda Iran ayaa kooxda Xuutiyiinta Yemen ku amartay inay u diyaar garoobaan carqaladeynta ama xiritaanka marin-biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas, haddii Mareykanku weeraro xarumaha korontada iyo tamarta ee Iran, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah.

Saddex ilo-wareed oo la hadlay wakaaladda Reuters ayaa sheegay in qorshahan looga hadlay gudaha hoggaanka sare ee Iran, isla markaana fariinta loo gudbiyay Xuutiyiinta, oo ka mid ah kooxaha gobolka ee sida dhow ula safan Tehran.

Laba sarkaal oo sare oo Iranian ah iyo il kale oo gobolka ku sugan ayaa sheegay in Xuutiyiinta dhowaan lagu wargeliyay inay u diyaargaroobaan tallaabadan. Hase yeeshee, lama caddeyn qaabka fariinta loo gudbiyay iyo inay ka dambeysay hanjabaaddii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ahayd in la weerari karo kaabayaasha korontada Iran.

Wasaaradda arrimaha dibadda Iran iyo afhayeen u hadlay Xuutiyiinta ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyo warcelin ah.

Gantaallo iyo diyaarado drone ah

Il ku dhow Xuutiyiinta ayaa sheegay in kooxdu dhammaystirtay diyaar-garow ay ku weerari karto maraakiibta isticmaasha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Sida uu sheegay ishaasi, Xuutiyiintu waxay gantaallo iyo diyaarado drone ah geeyeen dhulka buuraleyda Yemen ee ku teedsan magaalada dekedda leh ee Xudeyda iyo aagagga ka sarreeya Gacanka Cadmeed.

Kooxda ayaa hadda sugeysa amar lagu billaabo weerarrada, ayuu yiri il-wareedka, iyadoo marin-biyoodka Bab al-Mandab uu yahay bartilmaameedka ugu muhiimsan.

Bab al-Mandab waa marin ciriiri ah oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, waxaana maalin kasta isticmaala maraakiibta shidaalka iyo kuwa ganacsiga ee isaga kala goosha Aasiya, Bariga Dhexe iyo Yurub.

Isha ku dhow Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegtay in xubno ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iran, gaar ahaan kuwa ku sugan Yemen, ay door ku yeelan doonaan go’aaminta waqtiga la bilaabayo howlgalka lagu carqaladeynayo marin-biyoodka.

Haddii Xuutiyiintu weerarro ka bilaabaan Bab al-Mandab, waxay halis gelin kartaa waddada keliya ee weyn ee beddelka u noqotay marin-biyoodka Hormuz, oo dagaalka Iran iyo Mareykanka awgiis ay hadda aad u yaraadeen dhaqdhaqaaqyada maraakiibta.

Laba marin oo isku mar halis galaya

Xiisadda cusub ayaa cabsi weyn ku abuurtay suuqyada tamarta, maadaama marin-biyoodka Hormuz uu horey u xirmay, halka Badda Cas ay noqotay waddada ugu muhiimsan ee loo weeciyay qayb ka mid ah shidaalka Khaliijka.

Dagaalka hadda socda ayaa billowday 28-kii Febraayo, markii Israel iyo Mareykanku weerarro ku qaadeen Iran. Tehran ayaa jawaab ahaan xirtay Hormuz, oo dagaalka ka hor ay mari jireen qiyaastii shan meelood meel shidaalka iyo tamarta dunida.

Xabbad-joojin jilicsan oo ay Tehran iyo Washington gaareen bishii Juun ayaa markii dambe burburtay, taasoo dib u soo celisay duqeymaha, weerarrada gantaallada iyo cabsida laga qabo dagaal goboleed oo ballaaran.

Haddii isku mar la carqaladeeyo Hormuz iyo Bab al-Mandab, labada marin ee ugu muhiimsan ee shidaalka Bariga Dhexe ayaa hal mar khalkhal geli kara. Arrintaas waxay sare u qaadi kartaa qiimaha shidaalka, kharashaadka gaadiidka badda iyo qiimaha badeecadaha dunida.

Qiyaastii toddoba boqolkiiba tamarta adduunka ayaa hadda la rumeysan yahay inay marto Badda Cas, kaddib markii Sacuudi Carabiya iyo dalal kale ay qayb ka mid ah dhoofintooda ka weeciyeen Hormuz.

Sacuudiga ayaa ku dhowaad 70 boqolkiiba dhoofintiisa tamarta u wareejiyay dekedda Yanbu ee Badda Cas, taasoo dekeddaas iyo marinnada ku xeeran ka dhigeysa bartilmaameed istaraatiiji ah haddii dagaalku sii fido.

Sacuudiga oo walaac muujiyay

Laba ilo-wareed oo ku dhow dowladda Sacuudiga ayaa sheegay in Riyadh ay si dhab ah u qaadaneyso hanjabaadaha ka imaanaya Iran iyo Xuutiyiinta.

Sacuudiga ayaa la sheegay inuu ka warqabo in kooxda Yemen ay hadda si dhow Iran ugala tashaneyso xaaladda Badda Cas iyo dhaqdhaqaaqyada maraakiibta shidaalka.

Xiisadda ayaa sii korortay markii Xuutiyiintu gantaallo ku weerareen Sacuudiga, iyagoo boqortooyada ku eedeeyay inay duqeysay garoon diyaaradeed oo ay maamulaan. Weerarkaasi wuxuu dhaawacay xabbad-joojin aan rasmi ahayn oo muddo afar sano ah ka dhex jirtay labada dhinac.

Torbjorn Solvedt, oo ah falanqeeye sare oo Bariga Dhexe u qaabilsan shirkadda qiimeysa khataraha ee Verisk Maplecroft, ayaa sheegay in isku dhaca cusub ee Xuutiyiinta iyo Sacuudiga uu ku soo beegmay xilli aad u xasaasi ah.

“Haddii dagaalku sii xoogaysto oo uu gaaro kaabayaasha shidaalka iyo maraakiibta Badda Cas, wuxuu halis gelinayaa waddada keliya ee weyn ee beddelka u ah dhoofinta shidaalka gobolka,” ayuu yiri.

Tehran oo kordhineysa cadaadiska

Mid ka mid ah ilaha gobolka ayaa sheegay in hoggaanka Iran uu doonayo inuu Mareykanka ku cadaadiyo kharashka dhaqaale ee ka dhalan kara dagaalka, isagoo halis gelinaya maraakiibta Badda Cas iyo shidaalka Sacuudiga ee mara marin-biyoodkaas.

Isha ayaa sheegtay in carqaladeynta Bab al-Mandab aysan qasab ku ahayn hub casri ah ama gantaallo waaweyn.

“Qof kasta oo haysta qori wuxuu hakad gelin karaa maraakiibta. Uma baahnid gantaallo casri ah si aad u carqaladeyso isu-socodka,” ayuu yiri.

Iran waxay Xuutiyiinta u aragtaa qayb ka mid ah waxa ay ugu yeerto “Dhidibka Iska-caabbinta”, oo ay sidoo kale ku jiraan ururka Xisbullah ee Lubnaan iyo kooxaha hubeysan ee Shiicada Ciraaq.

Qaar ka mid ah kooxahaas ayaa durba ku biiray dagaalka u dhexeeya Tehran iyo Washington, balse Xuutiyiinta ayaan weli si rasmi ah ugu dhawaaqin inay dagaalka si buuxda uga qeyb qaadanayaan.

Mareykanka ayaa muddo dheer Iran ku eedeeyay inay Xuutiyiinta siiso hub, dhaqaale, tababar iyo xog farsamo, oo qaarkeed loo sii mariyo Xisbullah. Tehran ayaa marar badan beenisay eedeymahaas.

Xuutiyiintu waxay intii uu socday dagaalka Gaza weerarro badan ku qaadeen maraakiibta Badda Cas, taasoo ku qasabtay shirkadaha waaweyn ee maraakiibta inay isticmaalaan waddada dheer ee ku wareegta koonfurta Afrika.

Dib ugu soo laabashada weerarradaas, iyadoo Hormuz uu xiran yahay, waxay abuuri kartaa xaalad aan horey loo arag oo labada marin-biyood ee ugu muhiimsan tamarta Bariga Dhexe ay isku mar qalalaase galaan.

Guddoomiye Muungaab: Aniga dhagax-dhigeyga been ma aha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo maanta dhagax-dhigay dhismaha Dugsi Hoose iyo Dhexe oo laga hirgelinayo Waaxda Xaaji-Cabdi ee Degmada Gubadley ayaa jawaab kulul siiyay dadka kasoo horjeedo waxqabadkiisa ee inta badan ka dhaliila baraha bulshada ee Internet-ka.

Guddoomiye Muungaab ayaa shaaca ka qaaday in go’aamadiisa ah ay yihiin kuwa dhaxalgal ah, isla markaana wixii uu dhagax-dhigo uu fuliyo, si ay bulshada uga faa’iideysato.

“Waa ogtihiin aniga dhagax-dhigeyga been ma aha, wixii aan dhagax-dhigana waa fulaan,” ayuu yiri guddoomiye Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Duqa Muqdisho oo sidoo kale ka hadlay iskuulka uu maanta ka dhagax-dhigay Degmada Gubadley ayaa sheegay inuu bixin doono waxbarasho lacag la’aan ah, tallaabadaas oo uu tilmaamay inay qayb ka tahay siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir ee lagu xaqiijinayo in dhammaan carruurta caasimaddu helaan waxbarasho tayo leh oo loo siman yahay.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in maamulkiisa uu mudnaan gaar ah siinayo horumarinta waxbarashada, maadaama ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu dhisi karo bulsho karaan leh, isla markaana dugsigan cusub uu wax weyn ka tari doono baahida waxbarasho ee carruurta iyo dhallinyarada ku nool Deegaanka Xaaji-Cabdi iyo deegaanada ku xeeran, isagoo xusay in maamulka uu sii laba-jibbaari doono hirgelinta mashaariicda horumarineed ee bulshada taabanaya, gaar ahaan kuwa la xiriira waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada aasaasiga ah, si bulshada Caasimaddu u hesho adeegyo tayo leh oo waara.

“Dib-u-dhaca iyo si xun wax-u-raadiska waxaa asal u ah Jahliga. Dadka haddii ay waxbartaan, oo ay ilbaxaan nolosha waxay ku raadsanayaan qaab wanaagsan,” ayuu yiri  Muungaab, isaga oo ka hadlayay muhiimadda ay leedahay waxbarashada.

Waxaa kale oo uu xaqiijiyay, sida ay uga go’an tahay maalgelinta iyo horumarinta adeegyada waxbarashada, isaga oo xusay in dhismaha xarumaha waxbarasho uu saldhig u yahay kobcinta aqoonta, diyaarinta jiil karti leh iyo xaqiijinta horumar waara oo ay bulshada Soomaaliyeed ka wada faa’iidaysato.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed, Agaasimayaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, mas’uuliyiin heer gobol iyo degmo, odayaal, waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.

Muxuu yahay heshiiska lala soo galay Sacuudiga ee maanta la meel-mariyay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ku ansixiyay heshiiska is-afgaradka ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kaas oo ku aadan dhanka iskaashiga deegaanka.

Heshiiskan is-afgaradka ah (MoU) ee u dhexeeya labada dal ayaa waxaa horay u saxiixay Wasaaradaha Deegaanka ee labada dowladood, waana mid muhiim ah, sida ay shaacisay Xukuumadda Soomaaliya.

Haddaba hoos ka akhriso nuxurka heshiiska Soomaaliya iyo Sacuudiga?

✅ Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Heshiiska Is-afgaradka (MoU) ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kaas oo ay hore u kala saxiixdeen Wasaaradaha Deegaanka ee labada dal.

✅Heshiiskan wuxuu xoojinayaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada ilaalinta deegaanka, la-tacaalidda isbeddelka cimilada iyo horumarinta xalal waara.

✅ Wuxuu sare u qaadi doonaa is-weydaarsiga khibradaha, cilmi-baarista iyo dhismaha awoodaha hay’adaha ee labada dhinac.

✅ Heshiisku wuxuu dhiirrigelinayaa hirgelinta mashaariic wadajir ah oo la xiriira ilaalinta deegaanka, dib-u-soo-celinta dhulka iyo horumarinta adkeysiga cimilada.

✅ Wuxuu abuuri doonaa fursado cusub oo lagu kobcinayo iskaashiga farsamo, maalgashiga cagaaran iyo horumar waara.

✅ Ugu dambeyn, kulanka Golaha Wasiirrada ayaa si rasmi ah loogu ansixiyay Heshiiska Is-afgaradka, kaas oo qayb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah ee ilaalinta deegaanka iyo wax ka qabashada isbeddelka cimilada.

Aadan Madoobe oo hanjabaad culus soo saaray kadib weerarkii ciidanka Lafta-gareen

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (AadanMadoobe) oo maanta ka qeybgalay kala fadhiga 1-aad kulankiisa 5-aad ee Baarlamaanka maamulkaas oo lagu dhaariyay xubnaha cusub ee Golihiisa Wasiirrada ayaa si adag uga hadlay xaaladaha ammaan ee ka jira magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Sheekh Aadan Madoobe oo diray hanjabaad culus oo la xiriirta amniga guud ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin deg-deg ah oo wax looga qabanayo nabad-gelyada, iyada oo laga jawaabayo cabashada kasoo yeereyso shacabka.

“Dhibaatada taagan oo ay kamid tahay amni darrada iyo cabashada jidadka xiran waxaan ku dadaali doonaan in caqabadahaas shacabka Koonfur Galbeed laga dulqaado, uguna shaqeyno si daacadnimo ah,” ayuu yiri Aadan Madoobe.

Sidoo kale, Madaxweynaha oo ku hadlay luqad adag ayaa yiri “Looma dul-qaadan doono amni darro, waxaan wadnaa qorshe lagu adkeynayo nabadda”.

Hanjabaadda Sheekh Aadan Madoobe ayaa kusoo aaday saacado uun, kadib markii xalay ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen ay weerar culus ku qaadeen qaybo kamid ah magaalada Baydhaba, halkaas oo uu ka dhacay dagaal foolka fool ah.

Ciidamada Lafta-gareen oo deggan bannaanka magaalada ayaa weerarkooda ku bilaabay madaafiicda goobta, iyaga oo toos u beegsaday saldhig ciidamada Gorgor iyo kuwa Boolis Milataaro ku leeyihiin xaafadda Al-faras oo ka tirsan laanta Horseed ee degmada Baydhaba.

Dagaalka labada dhinac oo qaatay ku dhawaad hal saac oo xiriir ah ayaa waxyeelo ay kasoo gaartay dad shacab ah oo ay ku jiraan carruur iyo haween, kuwaas oo la dhigay isbitaalka guud. Sidoo kale waxaa jira khasaare kale oo soo gaaray qaar kamid ah askarta dagaalantay, inkastoo aan tiro ahaan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Si kastaba, dagaalka xalay ayaa kusoo aaday, xilli dhawaan si rasmi ah loo caleema saaray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Madoobe, kadibna uu soo magacaabay Golihiisa Wasiirrada oo maanta uun la dhaariyay.

Hantidhowraha oo warbixin xasaasi ah u gudbiyay golaha wasiirrada kadib baaris lagu…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hantidhowraha Guud ee Qaranka, Mudane Axmed Ciise Guutaale oo maanta ka qayb-galay shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa u gudbiyay warbixin xasaasi ah oo ku aaddan hawlaha baarista ee sanadaha 2024 iyo 2025-ka.

Warbixinta ayaa lagu soo bandhigay natiijooyinka muhiimka ah ee ka soo baxay baarista uu sameeyay xafiiska Hantidhowrka, arrimaha u baahan jihaynta iyo tallaabooyinka maamul.

Guutaale ayaa sidoo kale Golaha Wasiirrada la wadaagay horumarka laga gaaray ballaarinta baaxadda baarista, kororka warbixinnada la soo saaray, iyo gudbinta warbixinnada sanadlaha ah ee muddada uu sharcigu dhigayo.

Sidoo kale wuxuu adkeeyay muhiimadda dardargelinta fulinta talo-bixinnada baarista, xoojinta awoodaha saraakiisha idman, soo saarista habraac mideysan oo lagu maamulayo xilwareejinta hay’adaha dowladda, sare-u-qaadidda isla-xisaabtanka mashaariicda, iyo xoojinta hubinta adeeg-bixiyeyaasha la shaqeeya mashaariicda dowladda.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa dhanka kale bogaadiyay ansixinta Hindise-Sharciyeedka Sharciga Dhismaha Hay’adda Dakhliga Qaranka, oo ka mid ah arrimaha uu Xafiisku hore ugu soo jeediyey talo ahaan.

Axmed Ciise Guutaae ayaa sidoo kale Golaha Wasiirrada Soomaaliya uga mahad-celiyay meel-marinta hindise-sharciyeedkan iyo dadaalka ay ku xoojinayaan maamulka dakhliga, hufnaanta maaliyadeed iyo isla-xisaabtanka

Intaas kadib, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Xafiiska Hantidhowraha Guud warbixinta uu soo bandhigay isaga oo adkeeyay muhiimadda fulinta talo-bixinnada baarista, xoojinta maamulka maaliyadda guud, iyo in hay’adaha dowladda ay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah wax-ka-qabashada arrimaha la soo bandhigay.

Waxaa kale oo uu Ra’iisul Wasaaruhu tilmaamay muhiimadda ay leedahay in natiijooyinka baarista loo beddelo tallaabooyin maamul oo la fulin karo, si loo ilaaliyo hantida qaranka, loo xoojiyo isla-xisaabtanka, loona horumariyo tayada adeegyada dadweynaha.

Xogta weerar madaafiic ku bilowday oo ciidanka Lafta-gareen ku qaadeen saldhigga…

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay mar kale ciidamada daacadda u ah Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen ku qaadeen magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, iyada oo uu xigay dagaal toos ah.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in xalay saq-dhexe ciidamada Lafta-gareen ay dhanka waqooyi kasoo weerareen magaalada, iyaga oo beegsaday saldhig ciidamada Gorgor iyo kuwa Boolis Milataaro ku leeyihiin xaafadda Alfaras oo ka tirsan laanta Horseed ee magaalada Baydhaba.

Dagaalka ayaa ku bilowday madaafiicda goobta, waxaana xigay iska hor imaad toos ah oo dhexmaray labada dhinac, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo qaatay ku dhawaad hal saac ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah oo ay ku jiraan carruur iyo haween, kuwaas oo la dhigay isbitaalka guud.

Sidoo kale waxaa jira khasaare kale oo soo gaaray qaar kamid ah askarta dagaalantay, inkastoo aan tiro ahaan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Xaaladda ayaa maanta deggan, mana jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Koonfur Galbeed oo ku aadan dagaalkaasi.

Ciidamada weerarka qaaday oo horay looga saaray gudaha Baydhaba ayaa muddooyinkan isku uruursanayay deegaannada hoos yimaada magaalada, halkaas oo marar badan ay kasoo qaadeen weerarro arbushaad ah, waxaase ka hortegay ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Si kastaba, dagaalkan ayaa kusoo aaday, xilli dhawaan si rasmi ah loo caleema saaray hoggaamiyaha cusub ee Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Madoobe oo kusoo baxay doorashadii horay uga dhacday gudaha magaalada Baydhaba.

Golaha Wasiirrada oo maanta sameeyay dalacsiin iyo magacaabis + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan ay ku ansixiyeen magacaabis iyo dalacsiin la xiriirta hay’adaha dowladda, kuwaas oo isugu jira xilal diblomaasiyadeed iyo maamulka rugta ganacsiga Soomaaliyeed.

Golaha ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabista Cabdifataax Maxamed Ibraahim oo loo magacaabay xilka danjire, iyadoo tallaabadan ay qayb ka tahay xoojinta howlaha diblomaasiyadda Soomaaliya.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa go’aamiyay in Shaafici Nuur Calas loo dallacsiiyo darajada danjirenimo, taas oo muujinaysa kalsoonida dowladda ay ku qabto waayo-aragnimadiisa iyo doorka uu ka qaatay adeegga diblomaasiyadeed.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa magacaabay guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah ee rugta ganacsiga Soomaaliyeed, kadib markii si rasmi ah loo kala diray maamulkii hore ee rugta.

Xilka guddoomiyaha KMG ah ee rugta ganacsiga Soomaaliyeed ayaa loo magacaabay Yaasiin Maxamuud Cibaar, kaas oo hoggaamin doona rugta inta laga soo dhisayo maamul cusub oo waafaqsan habraacyada iyo shuruucda u degsan.

Magacaabistan ayaa la filayaa inay dardar-geliso dib-u-habeynta rugta ganacsiga Soomaaliyeed, iyadoo dowladda ay sheegtay inay muhiimad gaar ah siinayso tayeynta hay’adaha ganacsiga iyo kor u qaadidda adeegyada ay u fidiyaan ganacsatada Soomaaliyeed.

Yaasiin Cibaar ayaa si rasmi xilka kala wareegi doona guddoomiyihii rugta ganacsiga Soomaaliyeed, Maxamuud Cabdi Cali Gabeyre, kaas oo xilka ka qaaday Golaha Wasiirrada Soomaaliya.

olaha wasiir

Ninkii dilay taliye Guuleed oo la qabtay iyo ehelkiisa oo sameeyay arrin bogaadin leh

0

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Puntland ayaa shaaciyay in gacanta lagu dhigay nin ku eedeysan dilka Taliyihii Saldhigga Booliska degmada Jariiban ee gobolka Mudug, Gaashaanle Guuleed Cabdulqaadir Kadleeye oo lagu dilay weerar ka dhacay degmadaas.

Sida ay sheegeen saraakiisha Booliska Puntland, eedeysanaha oo lagu magacaabo Ibraahim Axmed Kooshin ayaa lagu qabtay howlgal ay ciidamada boolisku fuliyeen, kaas oo ay ka qayb qaateen odayaasha dhaqanka ee deegaanka.

Booliska ayaa sheegay in ninkan laga soo qabtay gudaha magaalada Jariiban, wax yar kadib markii uu ka baxsaday goobta dilka. Waxaana soo qabashadiisa gacan weyn ka geystay ehelladiisa.

Booliska Puntland ayaa caddeeyay in eedeysanaha loo gudbin doono hay’adaha garsoorka ee awoodda u leh, si loo mariyo hannaanka caddaaladda ee Puntland. Waxay sheegeen in baaritaannada kiiska ay weli socdaan, isla markaana la ururinayo dhammaan xogaha la xiriira dhacdada.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Taliska Booliska Puntland ayaa lagu yiri “Taliska qaybta Booliska gobolka Mudug ayaa gacanta ku dhigay eedeysane Ibraahim Axmed Kooshin, kaas oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dilkii Taliyihii Saldhigga Degmada Jariiban, Alle ha u naxariistee G/le Guuleed Kadleeye.”

Booliska ayaa intaas ku daray in qabashada eedeysanaha ay suurtagashay kadib iskaashi dhex maray ciidamada ammaanka iyo odayaasha dhaqanka ee deegaanka.

Taliye Guuleed Kadleeye ayaa muddooyinkii dambe si weyn ugu howlanaa la-dagaallanka hubka sharci darrada ah iyo kooxaha burcad-badeedda ah ee ka howlgala deegaannada xeebaha gobolka Mudug.

Dilka taliyaha ayaa gilgilay bulshada degmada Jariiban iyo guud ahaan gobolka Mudug, iyadoo mas’uuliyiin iyo shacabka deegaankuba ay ka tacsiyeynayaan geerida sarkaalkan oo lagu tilmaamay inuu door muuqda ku lahaa sugidda amniga degmada.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Puntland ay xoojisay dadaallada lagu sugayo amniga deegaannadeeda iyo la-dagaallanka hubka sharci darrada ah, burcad-badeedda iyo falalka kale ee amniga lidka ku ah.

Si kastaba, Mas’uuliyiinta amniga ayaa sheegay in baaritaanka kiiskan uu socdo, isla markaana caddaaladda la horkeeni doono cid kasta oo lagu helo inay ku lug lahayd dilka taliyaha.

La-taliyihii hore ee amniga qaranka oo sheegay in ay Soomaaliya burbureyso haddii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Macallin ayaa sheegay in mustaqbalka amniga iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya ay ku xiran yihiin awoodda dowladda Soomaaliyeed ay u yeelaneyso inay si madax-bannaan u xaqiijiso amniga dalka, isagoo ka digay in dowladnimo ku tiirsan ciidan shisheeye aysan noqon karin mid waarta.

Xuseen Macallin ayaa sheegay in ciidamada iyo taageerada caalamiga ah ay door muhiim ah ka soo qaateen sugidda amniga Soomaaliya muddo dheer, balse xilligii la gaari lahaa isku-filnaanshaha amniga uu dib uga dhacay sidii la filayay. Wuxuu xusay in dowladda looga baahan yahay qorshe cad oo lagu yareynayo ku tiirsanaanta ciidamada shisheeye.

“Dowladnimada ma dul saarnaan karto cid ama ajnabi. Waa nasiib-darro in shaqadii loo baahnaa inaan ka maaranno aanan sidii loo baahnaa u qaban,” ayuu yiri Xuseen Macallin, isaga oo muujiyay walaaca uu ka qabo dib u dhaca ku yimid dhismaha awoodaha amniga dalka.

La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka ayaa sheegay in xaaladda maanta taagan aan lagu eedeyn karin shacabka Soomaaliyeed, balse mas’uuliyadda ugu weyn ay saaran tahay dowladihii kala dambeeyay ee dalka soo maray, kuwaas oo laga sugayay inay dhisaan ciidan qaran iyo hay’ado amni oo awood u leh inay si buuxda ula wareegaan sugidda amniga.

Wuxuu tilmaamay in dib u dhaca ku yimid dib-u-dhiska ciidamada qalabka sida iyo hay’adaha kale ee amniga uu sababay in Soomaaliya ay weli u baahato taageero militari iyo mid farsamo oo dibadda ah.

Sida uu sheegay la-taliyihii hore ee amniga, haddii aan la sixin arrintaas, waxaa adkaan doonta in dalka uu gaaro isku-filnaansho dhinaca amniga ah.

Xuseen Macallin ayaa sidoo kale sheegay in dib u dhaca joogtada ah ee dhinacyada amniga iyo horumarka uu niyad-jab ku abuuro bulshada, isagoo xusay in shacabka ay ka daaleen caqabadaha soo noqnoqda iyo rajada dib u dhacday ee la xiriirta xasilloonida dalka.

“Shacabka marka ay arkaan daalka, dhaqaale xumada iyo in wax walba dib uga dhacayaan, waxay qaadaan niyad-jab. Waxa keenaya arrintaas waa inaanan hawshii nalaga rabay sidii saxda ahayd u qaban,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Hadalka Xuseen Macallin ayaa ku soo aadaya xilli ay sii xoogeysanayaan doodaha ku saabsan mustaqbalka howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo qorshaha Dowladda Federaalka ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka, iyadoo ay weli jiraan caqabado la xiriira awoodda ciidamada Soomaaliyeed iyo khatarta Al-Shabaab.

Doodaha la xiriira ku tiirsanaanta ciidamada shisheeye ayaa muddooyinkii dambe si weyn u taagna, iyadoo Dowladda Federaalka ay ku cel-celisay inay waddo qorshe lagu dhisayo ciidan qaran oo awood u leh inuu si buuxda u sugo amniga dalka.

Si kastaba, khubarada amniga ayaa aaminsan in gaaritaanka yoolkaas uu u baahan yahay maalgelin joogto ah, dib-u-habeyn hay’adeed iyo qorshe muddo dheer ah.

Abiy Ahmed oo dib u soo nooleeyey damacii badda, isaga oo shaaciyey in dalal ay…

Addis Ababa (Caasimada Online) — Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in dalkiisu uusan marin toos ah oo uu ku gaaro Badda Cas ku waayin cadaadis uga yimid quwado shisheeye, balse ay sababta ugu weyn ahayd kala qeybsanaan siyaasadeed iyo tabar-darro gudaha ah.

Abiy oo Arbacadii ka hadlayay furitaanka Madasha Wada-hadalka Qaran ee Itoobiya ayaa sheegay in khilaafaadka gudaha ay fursad siiyeen dowlado shisheeye oo uu ku eedeeyay inay ka faa’iideysteen kala qeybsanaanta shacabka Itoobiya.

“Intii aan safarkan ku jirnay, tabar-darradeenna gudaha iyo ka faa’iideysigooda awgiis, waxaan ku weynay marinkeennii Badda Cas,” ayuu yiri Abiy.

Waxa uu ku dooday in Itoobiya ay Badda Cas “maamuli jirtay, lahayd, kana faa’iideysanaysay kumannaan sano”, balse ay ugu dambeyn noqotay waxa uu ku tilmaamay “maxbuus juqraafiyeed”.

Abiy ayaa sheegay in xaaladda Itoobiya ee maanta aysan ka dhalan awood shisheeye oo si joogto ah u hor istaagi karta danaha dalkiisa, balse ay ka dhalatay Itoobiyaan ku guuldareystay inay si nabadeed u maareeyaan khilaafaadkooda siyaasadeed.

Hadalladiisa ayaa mar kale muujinaya sida xukuumadda Addis Ababa ay arrinta marin-badeedka uga dhigtay mid ka mid ah mudnaanta ugu weyn ee siyaasaddeeda dibadda, inkastoo aysan Itoobiya lahayn xeeb tan iyo markii Eritrea ay xorriyaddeeda qaadatay sannadkii 1993-kii.

Abiy oo digniin u diray dalal

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ma magacaabin dowladaha uu ku eedeeyay inay ka faa’iideystaan khilaafaadka dalkiisa, balse waxa uu sheegay inay jiraan dalal leh “cadaawad qarniyo soo jirtay” oo sugaya xilli ay Itoobiyaanku dhexdooda isku dhacaan.

“Marka aan wax dhiseyno ma muuqdaan. Markii aan dhisnay biyo-xireenka weyn ee Itoobiya na lama aysan joogin. Markii magaalooyinkeennu kobceen na lama aysan joogin,” ayuu yiri Abiy.

“Laakiin marka aan isku dhacno, si lama filaan ah ayay usoo muuqdaan, iyaga oo keenaya rasaas, dhaqaale iyo dacaayad warbaahineed.”

Abiy ayaa dalalkaas ku tilmaamay “gorgorro dul heehaabaya cirka Itoobiya”, kuwaas oo sida uu sheegay sugaya fursad ay ku helaan danaha Itoobiya marka uu dalku kala qeybsamo.

“Annaga ayaa lo’da iibsanayna, annaga ayaana go’aamineyna sida hilibka loo qeybsanayo. Haddii aannaan annagu dooran inaan wixii naga soo hara la wadaagno, gorgor xoog ugama qaadan karo xitaa hal kiilo oo hilib ah miiskeenna,” ayuu yiri.

Hadallada Abiy ayaa loo arki karaa farriin ku socota dalalka deriska la ah Itoobiya, gaar ahaan xilli xiisado la xiriira Badda Cas, biyo-xireenka Nile-ka iyo xaaladda amni ee waqooyiga Itoobiya ay sii kordheen.

Xiriirka Itoobiya iyo Eritrea ayaa bilihii lasoo dhaafay mar kale xumaaday, iyadoo labada dowladood ay isku eedeeyeen faragelin iyo diyaar-garow dagaal.

Eritrea waxay hadallada Addis Ababa ee ku saabsan marin-badeedka u aragtaa halis ku wajahan madaxbannaanideeda iyo dekedaheeda, halka Itoobiya ay ku adkeysaneyso inay marin-badeed ku raadineyso hab nabadeed.

Murankii Soomaaliya iyo Itoobiya

Doodda marin-badeedka Itoobiya ayaa si weyn u saameysay Soomaaliya, gaar ahaan kadib heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Abiy Axmed iyo madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ay kala saxiixdeen 1-dii Janaayo 2024.

Heshiiskaas ayaa Itoobiya u oggolaan lahaa inay isticmaasho qeyb ka mid ah xeebaha waqooyiga Soomaaliya, iyadoo maamulka Somaliland uu sheegay in Addis Ababa ay beddelkeeda aqoonsan doonto madaxbannaanida uu sheegto.

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madaxbannaanideeda iyo midnimada dhuleed ee dalka, waxayna sheegtay in maamulka Somaliland uusan awood sharci ah u lahayn inuu Itoobiya ku wareejiyo qeyb ka mid ah dhulka ama badda Soomaaliya.

Murankaas ayaa xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa gaarsiiyay heerkii ugu xumaa muddo sannado ah, kahor inta aysan Turkigu dhexdhexaadin wadahadallo dhex maray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Abiy Axmed.

Labada hoggaamiye ayaa bishii December 2024 magaalada Ankara ku kala saxiixday heshiis ay ku xaqiijiyeen ixtiraamka madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal.

Heshiiska Ankara wuxuu dhigaya in Itoobiya ay marin-badeed ammaan ah oo joogto ah ku heli karto heshiisyo ganacsi oo ay si toos ah ula gasho dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo marin kasta uu hoos imaanayo awoodda madaxbannaan ee Soomaaliya.

Xiriirka labada dal ayaa tan iyo markaas soo hagaagay, waxaana madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya ay sii wadeen wadahadallo ku saabsan amniga, ganacsiga iyo xasilloonida gobolka.

Hase yeeshee, hadallada cusub ee Abiy ee ku saabsan in Itoobiya ay “lahayd” Badda Cas iyo digniinta uu u diray quwadaha shisheeye ayaa dib u soo celin kara walaaca dalalka gobolka ee ku saabsan ujeeddada dhabta ah ee ololaha marin-badeedka Addis Ababa.

Khilaafaadka gudaha Itoobiya

Abiy ayaa hadalladan ka jeediyay shir qaran oo ay kasoo qeyb galeen ku dhowaad 4,000 oo qof oo laga kala keenay gobollada Itoobiya, hay’adaha bulshada iyo qurbajoogta.

Madasha Wada-hadalka Qaran ayaa la filayaa inay socoto muddo bil ah, waxaana looga hadlayaa khilaafaadka siyaasadeed, nidaamka federaalka, amniga, aqoonsiga qowmiyadaha iyo arrimo kale oo muddo dheer kala qeybiyay dalka.

Hase yeeshee, geeddi-socodka ayaa wajahaya dhaleeceyn ku saabsan inuu yahay mid aan loo dhameyn. Qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradka iyo kooxaha hubeysan ayaa ka maqan, halka maamulka gobolka Tigray uu diiday inuu ka qeyb galo madasha.

Abiy ayaa sheegay in Itoobiya muddo dheer caado ka dhigatay in murannada siyaasadeed lagu bilaabo hadallo kulul, laguna soo gabagabeeyo xoog iyo dagaal.

“Siyaasaddeennu waxay ku bilaabataa ereyo adag, waxayna ku dhammaataa tallaabo xoog ah,” ayuu yiri. “Waa inaan hal mar oo kama dambeys ah bogsiinnaa dhaawacan.”

Waxa uu ka codsaday ka qeybgalayaasha shirka in khilaafaadka gudaha aysan u oggolaan inay dhaawacaan danaha istiraatiijiga ah ee Itoobiya, oo ay ku jirto raadinta marin ay ku gaarto Badda Cas.

“Arrin kasta oo aan gudaha isku khilaafno waan ka wada hadli karnaa, waan ka gorgortami karnaa, waana ku xallin karnaa madalo noocan oo kale ah,” ayuu yiri Abiy.

“Waa inaan ka taxaddarnaa inaan noqonno haramaha taariikhda ee danaha qaranka Itoobiya u gacan geliya quwado shisheeye.”

Xarunta George Bush oo ka digtay tallaabo Mareykanka uu ka damacsan yahay Somalia

Dallas (Caasimada Online) — Sarkaal sare oo ka tirsan Machadka George W. Bush ayaa Mareykanka ugu baaqday inuusan si degdeg ah uga bixin taageerada amniga Soomaaliya, iyadoo ka digtay in tallaabo aan si taxaddar leh loo qorsheyn ay wiiqi karto dadaalladii caalamiga ahaa ee muddada dheer lagu taageerayay dalka.

Elizabeth Kennedy Trudeau, oo ah agaasimaha siyaasadda caalamiga ah ee machadka, ayaa sheegtay in Washington ay tahay inay madaxda Soomaaliya ku cadaadiso inay qaadaan mas’uuliyad dheeraad ah, balse aysan burburin nidaamka taageerada ee ay weli ku tiirsan yihiin ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika.

Hadalkan ayaa lagu daabacay maqaal ay soo saartay Xarunta Madaxtooyada George W. Bush, xilli maamulka madaxweyne Donald Trump uu qorsheynayo inuu dhammaadka 2026 joojiyo taageerada Mareykanka ee howlgalka Qaramada Midoobay ee saadka iyo adeegyada siiya ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Maqaalku ma ahayn bayaan shaqsi ah oo ka soo baxay madaxweynihii hore George W. Bush, balse xilka sare ee Trudeau ay ka hayso machadka ayaa dooddeeda miisaan dheeraad ah siinaya.

Taageero shuruud leh

Trudeau ayaa sheegtay in Mareykanku uusan khasab ku ahayn inuu kala doorto laba waddo oo keliya: inuu Soomaaliya siiyo “lacag aan shuruud lahayn” ama inuu gebi ahaanba isaga tago.

Waxay qirtay in Washington ay ka daashay khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya, tabar-darrada hay’adaha dowladda iyo gaabiska ku yimid qorshihii ay ciidamada Soomaaliya si buuxda ugula wareegi lahaayeen amniga dalka.

Hase yeeshee, waxay ku doodday in la dagaallanka argagixisada iyo dhismaha dowladnimadu ay u baahan yihiin qorshe taxaddar leh, halkii taageerada hal mar la joojin lahaa.

Waxay soo jeedisay in Mareykanku sii wado taageerada ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika, balse uu ku xiro shuruudo cad oo la cabbiri karo.

Shuruudahaas waxaa ka mid noqon kara dib-u-habeyn lagu sameeyo hay’adaha amniga, isla-xisaabtan dhaqaale iyo in dowladda Soomaaliya ay kordhiso saamiga ay ku bixiso maalgelinta iyo maareynta amniga.

Trudeau waxay sheegtay in taageerada caalamku ay tahay inay xoojiso awoodda Soomaaliya, halkii ay noqon lahayd gargaar aan dhammaad lahayn oo dalka ku sii haya ku-tiirsanaan dibadeed.

Waxay sidoo kale ku adkeysatay in madaxda Soomaaliya looga baahan yahay inay si tartiib ah ula wareegaan kharashaadka, maamulka iyo joogteynta hay’adaha amniga.

Si kastaba, waxay ka digtay in taageerada la joojiyo ka hor inta aysan hay’adaha Soomaaliya awoodin inay kaligood shaqeeyaan, taas oo abuuri karta firaaq amni.

Cadaadiska Washington

Mareykanka ayaa horraantii bishan Midowga Afrika ku wargeliyay inuusan wixii ka dambeeya dhammaadka 2026 taageeri doonin howlgalka Qaramada Midoobay ee adeegyada saadka siiya AUSSOM.

Washington waxay sheegtay inaysan si toos ah uga hor imaan doonin kordhinta muddada howlgalka Midowga Afrika, balse aysan aqbali doonin in la sii wado nidaamka hadda jira ee ay Qaramada Midoobay ku bixiso adeegyada saadka iyo howlgalka.

AUSSOM, oo ka kooban ku dhowaad 12,000 oo askari, ayaa si weyn ugu tiirsan Qaramada Midoobay marka ay timaaddo cunto, biyo, shidaal, gaadiid, adeegyo caafimaad iyo qalab kale oo muhiim ah.

Diblomaasiyiin ayaa ka digay in howlgalka uu wajahayo dhibaato weyn haddii aan la helin hay’ad ama dalal kale oo beddela taageeradaas.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay in Washington ay ku dhowaad laba bilyan oo dollar ku bixisay howlgalka taageerada Qaramada Midoobay iyo kii ka horreeyay, balse aysan arkin natiijo u dhiganta kharashkaas.

“Ma ahan inaan sii maalgelinno howlgal aan gaarin ujeeddooyinkiisa muhiimka ah,” ayuu yiri afhayeenku.

Mareykanka ayaa madaxda Soomaaliya ku eedeeyay inay khilaafaadka siyaasadeed u oggolaadeen inay wiiqaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubeysan.

Khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamullada Puntland iyo Jubaland ayaa sidoo kale adkeeyay iskaashiga siyaasadeed iyo midka amni.

Midowga Afrika ayaa isna marar badan sheegay in kala-qaybsanaanta siyaasadeed ay carqalad ku tahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, wuxuuna ku baaqay wadahadal ay yeeshaan dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Cabsida firaaq amni

AUSSOM waxay ciidamada Soomaaliya ka taageertaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo weli gacanta ku haysa deegaanno badan oo miyi ah oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Kooxdu waxay si joogto ah u fulisaa qaraxyo, dilal qorsheysan iyo weerarro ka dhan ah xarumaha dowladda, saldhigyada ciidamada iyo goobaha ay shacabka ku badan yihiin.

AUSSOM waxay bishii Janaayo 2025 beddeshay howlgalka ATMIS, iyadoo qorshuhu yahay in ciidamada Soomaaliya si tartiib ah ula wareegaan masuuliyadda amniga.

Saraakiisha Midowga Afrika ayaa ku celceliyay in howlgalka uu u baahan yahay maalgelin joogto ah oo la isku halleyn karo, iyagoo ka digay in dhaqaale-yaraantu ay halis gelin karto guulihii amni ee la gaaray.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen beesha caalamka inaysan Soomaaliya ka tegin ka hor inta aysan ciidamadeedu awoodin inay difaacaan deegaannada laga saaro kooxaha hubeysan.

Trudeau waxay sheegtay in goobta istaraatiijiga ah ee Soomaaliya, oo ku dhow Gacanka Cadmeed iyo marinnada ganacsi ee Badda Cas, ay xasilloonida dalka ka dhigeyso arrin ka baxsan Soomaaliya oo keliya.

Waxay xustay in Soomaaliya ay 2023 ku guuleysatay barnaamijkii deyn-cafinta, kaas oo laga tirtiray ku dhowaad 4.5 bilyan oo dollar, kaddib sanado dib-u-habeyn dhaqaale ah.

Waxay arrintaas ku tilmaantay tusaale muujinaya in isbeddel lagu gaari karo marka taageerada caalamiga ah lagu daro dib-u-habeyn gudaha ah.

Hase yeeshee, waxay sheegtay in khilaafaadka siyaasadeed, dowladnimada tabarta daran iyo dagaalka socda ay weli halis ku yihiin horumarka dalka.

Fariinteeda ugu weyn ayaa ahayd in Washington ay adeegsato awooddeeda dhaqaale iyo diblomaasiyadeed si ay madaxda Soomaaliya uga hesho ballanqaadyo cad, iyadoo isla markaasna ilaalineysa taageerada lagama maarmaanka u ah in dalka uusan gelin xaalad amni oo ka sii daran.

Waxay ku doodday in kala-guur hufan oo si wanaagsan loo maareeyo uu ka kharash yar yahay in caalamku dib ugu soo laabto Soomaaliya marka xaaladdu mar kale faraha ka baxdo.

Iiraan oo soo ridday diyaarad Mareykanku leeyahay iyo dagaalka oo sii ballaaranaya

Tehran (Caasimada Online) – Dowladda Iiraan ayaa sheegatay inay soo ridday diyaarad dagaal oo nooca MQ-9 Reaper ah oo uu leeyahay Mareykanka, xilli ay sii xoogeysanayaan iska hor imaadyada militari ee u dhexeeya Tehran iyo Washington.

Iiraan waxay sheegtay in diyaaradda la soo riday ay ku duuleysay hawada magaalada Andimeshk ka hor inta aan la beegsan.

Sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC), diyaaradda ayaa lagu soo riday nidaam casri ah oo difaaca cirka ah. Ciidamadu waxay ku tilmaameen howlgalka mid looga hortegay waxa ay ugu yeereen xad-gudub lagu sameeyay hawada dalka.

Wakaaladda wararka ee Tasnim, oo xiriir dhow la leh IRGC ayaa baahisay in howlgalka lagu burburiyay diyaaradda MQ-9 uu si buuxda u guuleystay. Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta Iiraan ma aysan soo bandhigin wax sawirro ah ama caddeymo kale oo si madax-bannaan u xaqiijinaya sheegashadaas.

Dhanka kale, Mareykanka iyo Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaan weli si rasmi ah uga hadlin sheegashada Iiraan. Ilaa iyo hadda, ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Washington oo xaqiijinaya ama beeninaya in diyaarad nooca MQ-9 ah laga soo riday gudaha Iiraan.

Si kastaba, xiisadda gobolka ayaa sii ballaaranaysa, iyadoo Urdun ay ku dhawaaqday inay hawadeeda ku qabatay tiro gantaallo ah oo Iiraan laga soo ganay, xilli dalalka gobolka ay sare u qaadeen heegankooda amni, cabsi laga qabo in dagaalku ku fido dalal kale.

Wakaaladda wararka ee Petra ee Urdun oo soo xiganeysa ciidamada qalabka sida ee dalkaas ayaa sheegtay in siddeed gantaal oo Iiraan ay ridday lagu qabtay laguna burburiyay hawada Urdun, ka hor inta aysan gaarin bartilmaameedkoodii.

Milatariga Urdun ayaa sheegay in howlgalka lagu qabtay gantaalladaasi uusan sababin wax dhimasho ah ama khasaare hantiyeed. Waxay intaas ku dareen in ciidamada difaaca cirka ay sii wadi doonaan ilaalinta hawada dalka, iyagoo adeegsanaya dhammaan awoodaha jira.

Dhanka kale, militariga Iiraan ayaa hore u sheegay inay adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay u beegsadaan nidaamyada isgaarsiinta, xarun raadaar oo joogto ah iyo bakhaarro shidaal oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka, kuwaas oo ku yaalla saldhigga cirka ee Al-Azraq ee dalka Urdun. Sheegashadaas ayaan sidoo kale si madax-bannaan loo xaqiijin.

Isweydaarsiga eedeymaha iyo weerarrada u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan ayaa sii kordhinaya walaaca laga qabo amniga Bariga Dhexe, iyadoo khubarada ay ka digayaan in colaadda sii fidaysa ay saameyn ku yeelan karto dalalka deriska ah, isu-socodka maraakiibta caalamiga ah iyo xasilloonida gobolka oo dhan.

Xogta xiisad ka taagan sii-deynta shaqaalaha markab lagu haysto xeebaha Somalia

0

Qaahira (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaya khilaaf ka taagan wada-hadallada sii-deynta shaqaalaha markabka MT EUREKA oo ay ku jiraan siddeed muwaadiniin Masri ah, kuwaas oo muddo ka badan 70 maalmood lagu hayo markabka oo ku sugan agagaarka xeebaha Puntland.

Kiiskan ayaa dhaliyay eedeymo is-khilaafsan oo ku saabsan sida loo maareynayo dadaallada lagu doonayo sii-deynta shaqaalaha, iyadoo Guddoomiyaha Ururka Saraakiisha Badaha ee Masar, Al-Rubaan Al-Sayyid Al-Shadhli Al-Najjar uu ka digay in faafinta xogta la xiriirta wada-xaajoodyada iyo qaddarka madax-furashada ay dhaawici karto dadaallada socda.

Wuxuu sheegay in wararka lagu baahiyo warbaahinta iyo baraha bulshada ay adkeyn karaan wada-hadallada lagu doonayo in shaqaalaha si nabad ah lagu sii daayo.

Mas’uulkan ayaa ku baaqay in kiiska loo daayo hay’adaha dowladda iyo hay’adaha amniga ee ku howlan wada-xaajoodyada, isagoo carrabka ku adkeeyay in arrimahan lagu maareeyo waddooyinka rasmiga ah. Sida uu sheegay, ka fogaanshaha faafinta xogaha xasaasiga ah waxay sare u qaadi kartaa fursadaha lagu gaari karo xal.

Dhanka kale, Akram oo ah aabbaha mid ka mid ah badmaaxiinta la haysto ayaa sheegay in xaaladda caafimaad iyo tan nafsiyeed ee shaqaalaha markabka ay sii xumaaneyso maalinba maalinta ka dambeysa. Wuxuu sheegay in qoysasku ay ka walaacsan yihiin badqabka ehelladooda, maadaama muddadii lagu hayay markabka ay sii dheeraaneyso.

Akram ayaa si toos ah ugu eedeeyay milkiilaha markabka inuu dib u dhigayo bixinta lacagta lagu heshiiyay si loo sii daayo shaqaalaha. Dib u dhacaas ayuu sheegay inuu sabab u noqday in afduubka uu sii dheeraado, isagoo ku baaqay in si degdeg ah loo dhammeystiro tallaabooyinka lagu sii deynayo shaqaalaha.

Sidoo kale wuxuu dhaliilay hay’ad uu sheegay inay sheegatay inay metesho adeegyada badda, isagoo ku eedeeyay inay si aan mas’uuliyad lahayn u shaacisay qaddarka madax-furashada. Wuxuu ku dooday in tallaabadaasi ay sii adkeysay wada-xaajoodyadii socday, isla markaana ay saameyn taban ku yeelatay dadaallada lagu doonayo in shaqaalaha lagu sii daayo.

Akram ayaa intaa ku daray inuu shaki ka qabo warar sheegaya in gargaar lacageed loo diray shaqaalaha markabka, isagoo dalbaday in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo arrintaas si loo caddeeyo xaqiiqada jirta iyo halka ay ku dambeysay lacagaha la sheegay.

Milkiilaha markabka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha loo jeediyay. Dhanka kale, dadaallada diblomaasiyadeed iyo wada-xaajoodyada lagu doonayo in lagu sii daayo shaqaalaha ayaa weli socda, iyadoo qoysaska badmaaxiinta iyo mas’uuliyiinta Masar ay rajeynayaan in xal degdeg ah laga gaaro kiiskan, si shaqaaluhu ay ugu laabtaan dalkooda iyagoo nabad qaba.

Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti oo geeriyooday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta geeriyooday Wasiirkii Gaashaandhigga dalka Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed Burhaan, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen mas’uuliyiinta dalkaasi oo tacsi u diray qoyskiisa, ciidamada qalabka sida iyo dhammaan shacabka Jabuuti.

Dowladdu ma shaacin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa geeridiisa, waxaase la filayaa in goordhow ay faah-faahin ka bixiso geerida wasiirka.

Marxuum Xasan Cumar ayaa xilka Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti soo hayay, tan iyo sanadkii 2019, waxaana mar kale loo magacaabay isla xilkaas markii la dhisay xukuumadda cusub ee Jabuuti sanadkan 2026.

Sidoo kale wuxuu door muuqda kasoo qaatay hoggaaminta iyo horumarinta ciidamada qalabka sida ee dalka Jabuuti.

Dhinaca kale, Dowladda Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka dowladda iyo shacabka Jabuuti uga tacsiyeysay geerida ku timid Wasiirka Gaashaandhigga dalkaas oo kamid ahaa wasiirrada sida dhow ula shaqeeyay.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo isagu soo saaray qoraalka ayaa ku tilmaamay marxuumka mas’uul qaran oo muddo dheer si hagar la’aan ah ugu adeegay dalkiisa, door muuqdana ka qaatay hoggaaminta iyo horumarinta hay’adaha difaaca ee Jabuuti, iyo xoojinta taageerada dalkiisu u fidiyo dadaallada dib-u-soo-celinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu tacsi u diray qoyska, ehellada, Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti, Ciidamada Qalabka Sida ee dalkaas, iyo ciidamada Jamhuuriyadda Jabuuti ee qaybta ka ah hawlgalka AUSSOM, isagoo Alle uga baryay inuu marxuumka hoygiisa ka dhigo Jannatul Firdowsa, qoyskiisa, ehelladiisa iyo guud ahaan shacabka Jabuutina ka siiyo samir iyo iimaan.

Is-beddel lama filaan ah: Dalalka Khaliijka oo aqbalay in…

Washington (Caasimada Onlien) — Qaar ka mid ah dalalka Carabta ee Khaliijka ayaa Mareykanka iyo dowladaha Yurub si hoose ugu sheegay in aysan gebi ahaanba kasoo horjeedin bixinta kharash la xiriira ilaalinta marinnada maraakiibta ee Marinka Hormuz, balse ay si adag u diidan yihiin in Iran awood u yeelato maamulidda ama xakameynta marin-biyoodkaas istiraatiijiga ah.

Saraakiil Mareykan iyo kuwo gobolka ah oo arrintan la socda ayaa Middle East Eye u sheegay in dalalka Khaliijku ay kala saarayaan laba arrimood: bixinta kharash lagu xaqiijinayo badbaadada maraakiibta iyo in Tehran loo oggolaado awood ay ku go’aamin karto cidda mari karta Hormuz.

Farriimahaas qarsoon ayaa imanaya xilli dagaalka Mareykanka iyo Iran uu mar kale xoogaystay, maraakiib ganacsina lagu weeraray biyaha u dhow Cumaan, taas oo sare u qaaday walaaca laga qabo hakad ku yimaada dhoofinta shidaalka iyo gaaska Khaliijka.

“Dalalka Khaliijka qaarkood lacagta la bixinayo dhib weyn uma arkaan. Dhaqaale ahaan saameyn muuqata kuma yeelaneyso. Waxa ay doonayaan waa xasillooni,” ayuu yiri sarkaal Mareykan ah oo la hadlay Middle East Eye.

Sarkaal kale oo gobolka ah ayaa sheegay in waxa dalalka Khaliijku ka cabsi qabaan aysan ahayn lacagta, balse ay tahay in Iran ay hesho awood ay markasta ku joojin karto ama ku fasixi karto maraakiibta.

“Ma doonayaan in Iran ay yeelato awoodda ugu dambeysa ee lagu go’aaminayo cidda soo geli karta ama ka bixi karta marin-biyoodka,” ayuu yiri sarkaalku.

Qorshihii Donald Trump

Farriimaha ay dowladaha Khaliijku gaarsiiyeen caasimadaha reer Galbeedka ayaa laga yaabaa inay sharxayaan sababta madaxweyne Donald Trump uu dib ugu soo celiyay fikradda ah in Mareykanka dhaqaale lagu siiyo ilaalinta Marinka Hormuz.

Trump ayaa Isniintii, 13-ka July, sheegay in Mareykanku isu aqoonsan doono “ilaaliyaha Marinka Hormuz”, isaga oo soo jeediyay in Washington ay hesho lacag u dhiganta boqolkiiba 20 qiimaha badeecadaha mara marin-biyoodka.

Waxa uu si gaar ah u magacaabay Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Qatar, Bahrain iyo Kuwait, isaga oo sheegay in dalalkaas ay tahay inay qeyb ka bixiyaan kharashka ciidamada Mareykanka ee ilaalinaya maraakiibta.

Hase yeeshee, hadalka Trump ayaa u muuqday mid ka hor imaanaya mowqifkii xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Marco Rubio, kaas oo bishii June sheegay in sharciyada caalamiga ahi aysan dowladna u oggolaan inay canshuur ama lacag marin ku soo rogto marin-biyood caalami ah.

Trump ayaa Talaadadii, 14-ka July, ka laabtay qorshihii khidmada boqolkiiba 20-ka ahaa, isaga oo sheegay in dalalka Khaliijku beddelkeeda ballanqaadeen heshiisyo ganacsi iyo maalgashi oo waaweyn oo ay la galaan Mareykanka.

“Waxaan go’aansaday inaan lacagtii boqolkiiba 20-ka ahayd ku beddelo heshiisyo ganacsi iyo maalgashi oo ay dalalka Khaliijku ka sameynayaan Mareykanka,” ayuu Trump ku qoray bartiisa Truth Social.

Waxa uu sidoo kale sheegay in madaxda Khaliijku ay diyaar u yihiin inay Mareykanka geliyaan maalgashi “heer aan hore loo arag”.

Go’aanka cusub ayaa meesha ka saaraya khidmad rasmi ah oo maraakiibta lagu soo rogo, balse ma beddelayo aragtida Trump ee ah in Washington ay dhaqaale ku hesho ilaalinta marin-biyoodka.

Trump ayaa sheegay in aysan caddaalad ahayn in Mareykanku kaligiis bixiyo kharashka ilaalinta waddo ay isticmaalaan Shiinaha, dalalka Aasiya, shirkadaha maraakiibta Yurub iyo dalalka Khaliijka.

Marinka Hormuz wuxuu isku xiraa Khaliijka iyo Badda Carabta, waxaana caadi ahaan mara qiyaastii shan meelood meel shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee caalamka lagu kala iibsado. Hakad kasta oo ku yimaada wuxuu si degdeg ah u saameyn karaa qiimaha tamarta iyo dhaqaalaha caalamka.

Marin-biyoodku wuxuu ugu yaraan 21 mayl-badeed u dhexeeyaa xeebaha Iran iyo Cumaan, halka sharciga badaha uu dowladaha xeebaha leh u oggolaanayo inay sheegtaan ilaa 12 mayl-badeed oo biyahooda ah.

Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badaha wuxuu dhigayaa inaan markab lacag looga qaadi karin oo keliya sababta uu u marayo biyaha dal, balse lacag lagu qaadi karo adeeg gaar ah oo dhab ahaan markabka loo qabtay, iyadoo aan maraakiibta lagu kala soocin. 


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60