24.7 C
Mogadishu
Sunday, July 26, 2026

Iiraan oo ku dhawaaqday arrin soo afjareysa rejada Mareykanka

Tehran (Caasimada Online) – Xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan ayaa gashay marxalad xasaasi ah, iyadoo Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Iiraan, Kazem Gharibabadi uu Washington ku eedeeyay inay “jebisay” is-afgaradkii u dhexeeyay labada dal kadib markii ay biloowday hawl-gallo militari oo ka dhan ah.

Wasiirka ayaa si cad u sheegay in heshiiskii labada dal uu hadda “si dhab ah u dhammaaday,” taas oo god ku rideysa rejada Mareykanka ee in heshiis la gaaro, iyadoo Iiraan cadaadis lagu saarayo awood milateri.

Gharibabadi ayaa sheegay in tallaabada Mareykanka ay meesha ka saartay fursaddii wada-hadallada, isagoo ku eedeeyay Washington inay dooratay waddada iska hor imaadka halkii ay ka sii wadi lahayd dadaallada lagu xallinayay khilaafka.

Sidoo kale wuxuu xusay in ficillada militari ee Mareykanka ay dhaawaceen kalsoonidii lagama maarmaanka u ahayd sii socoshada wada-xaajoodyada.

Afartii maalmood ee la soo dhaafay Mareykanka iyo Iiraan ayaa isweydaarsanayay weerarro militari. Washington ayaa hawl-galladeeda ku beegsaneysay deegaannada xeebaha ee Iiraan, halka Tehran ay sheegtay inay weerarro ku qaaday saldhigyo ciidan oo Mareykanku ku leeyahay dalalka Khaliijka.

Mareykanka ayaa sheegay in ujeeddada hawl-galladiisu ay tahay in la wiiqo awoodda Iiraan ee ay ku carqaladeyn karto isu-socodka maraakiibta ganacsiga ee gobolka.

Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa mar kale ku dhawaaqay xannibaad dhinaca badda ah oo ka dhan ah Iiraan, taas oo sii kordhisay walaaca laga qabo xaaladda amni ee gobolka.

Wada-hadalladii u dhexeeyay Mareykanka iyo Iiraan ayaa muddooyinkii dambe ku socday dhex-dhexaadinta Pakistan iyo Qatar, iyadoo la isku dayayay in xal diblomaasiyadeed looga gaaro xiisadda labada dal.

Si kastaba, Tehran ayaa si cad u diidan aragtida ah in cadaadis militari lagu qasbi karo inay gasho wada-hadal ama ay wax ka beddesho mowqifkeeda ku aaddan Marinka Hormuz.

Iiraan ayaa marnaba aqbali doonin wax wada-xaajood ah oo ku yimaada hanjabaad ama xoog, sida uu sheegay wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Iiraan.

Hadallada ka soo baxay dowladda Iiraan ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha militari iyo kuwa diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Tehran iyo Washington. Khubarada ayaa ka digaya in haddii aan dib loogu laaban wada-hadallada, colaadda sii xoogeysaneysa ay saameyn ku yeelan karto amniga gobolka, isu-socodka maraakiibta caalamiga ah iyo suuqyada tamarta.

SAALAX oo weerar culus ku qaaday mucaaradka xilli ay socdaan wada-hadallada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa weerar ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka oo uu sheegay inay isku dayayaan inay isu muujiyaan kuwo go’aamin kara mustaqbalka doorashooyinka Soomaaliya.

Saalax ayaa sheegay in go’aanka ku saabsan nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa uu yahay mid u yaalla shacabka Soomaaliyeed, isla markaana aysan jirin cid gaar ah oo awood u leh inay go’aamiso hannaanka doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ku dooday in awoodda go’aaminta doorashada ay leedahay oo keliya shacabka Soomaaliyeed, halka siyaasiyiintaasi aysan lahayn awood ay ku go’aamiyaan hannaanka doorashada.

“Kuwa waxaad arkeysaan waxay leeyihiin doorashada dalka ayaan go’aamineynaa, haddana waxba kuma dhex jiraan,” ayuu yiri Saalax, oo weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ee ka soo horjeeda dowladda.

Mudane Saalax ayaa sheegay in qodobka ugu weyn ee la isku hayo uusan ahayn qabashada doorashada lafteeda, balse uu yahay nooca doorasho ee Soomaaliya ay qaadaneyso, isagoo xusay in arrintaasi ay tahay doodda dhabta ah ee u dhexeysa dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

“Waa in la isweydiiyo nooca doorasho aan rabno; ma tii odayaasha gacanta ugu jirtay mise doorasho ay shacabka si toos ah ugu doortaan qofka ay rabaan? Taasi waa dooda u dhexeysa mucaaradka iyo dowladda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay ra’iisul wasaare ku-xigeenka.

Wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka ay aaminsan tahay in shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay codkooda ku soo doortaan hoggaankooda, halkii lagu sii jiri lahaa nidaamyadii hore ee ku saleysnaa doorasho dadban, isagoo xusay in dowladda ku howlan hirgelinta hannaan doorasho oo shacabka fursad u siinaya inay si toos ah u doortaan madaxda ay doonayaan.

Hadalka Saalax ayaa ku soo aadaya xilli ay weli socdaan doodaha siyaasadeed ee la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka, iyadoo Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ay weli ku kala aragti duwan yihiin nooca doorasho ee Soomaaliya ka qabsoomeysa.

Si kastaba, arrinta doorashada ayaa weli ah mid ka mid ah qodobbada ugu xasaasisan ee horyaalla siyaasadda Soomaaliya, iyadoo la sugayo in wada-xaajoodyada socda ay dhinacyadu ku gaaraan is-afgarad ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka.

Lacag dheeraad ah oo lagu soo rogay xamuulka Turkiga ee loo soo raro Soomaaliya

0

Ankara (Caasimada Online) – Shirkadda caalamiga ah ee maraakiibta iyo gaadiidka xamuulka ee MAERSK ayaa ku dhawaaqday inay dhaqan-gelinayso lacag dheeraad ah oo lagu kordhinayo qiimaha xamuulka ka yimaada Turkiga ee loo soo raro Soomaaliya.

Lacagtan oo loo yaqaan Peak Season Surcharge (PSS) ayaa lagu dabaqi doonaa konteenarrada la soo raro, iyadoo shirkaddu soo bandhigtay qiimaha cusub ee lagu kordhinayo noocyada kala duwan ee konteenarrada.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay MAERSK soo saartay, konteenarka cabbirkiisu yahay 20 fiit waxaa lagu kordhin doonaa $200, halka konteenarrada cabbirkoodu yahay 40 iyo 45 fiit lagu kordhin doono $300.

Shirkaddu waxay sheegtay in lacagahan dheeraadka ah lagu dabaqi doono dhammaan xamuulka cusub ee ka soo baxaya Turkiga kuna wajahan Soomaaliya.

MAERSK ayaa sidoo kale caddeysay in go’aankan uu si rasmi ah u dhaqan-geli doono 28-ka Luulyo, 2026. Waxay intaas ku dartay in lacagta cusub aysan saameyn doonin dalabaadkii hore loo diiwaangeliyay, balse ay quseyn doonto oo keliya xamuulka la dalbado wixii ka dambeeya taariikhdaas.

Lacagta loo yaqaan Peak Season Surcharge (PSS) waa khidmad dheeraad ah oo ay shirkadaha maraakiibtu inta badan soo rogaan xilliyada ay sare u kacdo baahida adeegyada xamuulka. Ujeeddadeedu waa in lagu daboolo kharashaadka dheeraadka ah ee ka dhasha isbeddellada ku yimaada suuqyada maraakiibta iyo gaadiidka badda.

Khubarada gaadiidka badda ayaa sheegaya in PSS badanaa la soo rogo marka ay yaraadaan maraakiibta xamuulka qaada, dekeduhuna ay la kulmaan ciriiri iyo mashquul badan. Sidoo kale, kororka degdegga ah ee dalabaadka xamuulka, sare u kaca qiimaha shidaalka ama dib u dhaca safarrada ayaa ka mid ah sababaha shirkadaha ku qasba inay kordhiyaan khidmadaha noocan ah.

Inkasta oo MAERSK ay shaacisay lacagaha cusub iyo waqtiga ay dhaqan-gelayaan, haddana shirkaddu si rasmi ah uma aysan sheegin sababta gaarka ah ee ka dambeysa go’aankan.

Si kastaba, waxaa weli jira culaysyo dhanka isu-socodka ganacsiga caalamiga ah, kuwaas oo ay sabab u yihiin isbeddellada ka taagan suuqyada tamarta iyo xiisadaha amni ee ka jira Bariga Dhexe. Arrimahaasi waxay saameyn ku yeesheen qiimaha shidaalka iyo howlaha maraakiibta, inkastoo MAERSK aysan si toos ah ugu xiriirin go’aankeeda xaaladahaas.

Go’aankan ayaa la filayaa inuu saameyn ku yeesho ganacsatada Soomaaliyeed ee badeecadaha ka soo dhoofsada Turkiga, maadaama qiimaha dheeraadka ah uu kordhin karo kharashaadka soo dejinta. Taasi waxay ugu dambeyn saameyn ku yeelan kartaa qiimaha badeecadaha lagu iibiyo suuqyada gudaha, haddii ganacsatadu u gudbiyaan kharashaadkaas macaamiisha.

Xiisadda dekedda Boosaaso oo ka dartay iyo Saciid Deni oo soo hadlay

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiisadda ka taagan dekedda Boosaaso, taas oo sababtay in ganacsatada ay joojiyaan shaqadii dekedda.

Deni ayaa caddeeyay in maamulka Puntland uusan wax canshuur cusub ah ku soo rogin ganacsatada, balse ay dib-u-habeyn iyo cusboonaysiin ku sameysay khidmadaha adeegyada laga qaado maraakiibta isticmaasha dekedda Boosaaso.

Waxa uu sheegay in Puntland ay mudnaanta koowaad siisay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dekedaha, garoomada diyaaradaha iyo isku xirka waddooyinka, si loo abuuro jawi ganacsi oo xooggan, loona kordhiyo wax-soo-saarka iyo maalgashiga, isagoo tilmaamay in ballaarinta dekedda Boosaaso ay laf-dhabar u tahay qorshaha dowladda ee lagu kobcinayo dhaqaalaha Puntland.

Sida uu sheegay madaxweynuhu, wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in canshuurta dekedda la kordhiyay aysan waxba ka jirin. Wuxuu sheegay in isbeddelka la sameeyay uu quseeyo oo keliya khidmadaha adeegyada laga qaado maraakiibta shisheeye ee badeecadaha keena dekedda, halka canshuurihii rasmiga ahaa ee dowladda ay sidoodii u sii jiraan.

Deni ayaa xusay in dib-u-eegista khidmadahaasi ay ahayd arrin muddo qorsheysneyd, balse dib loo dhigay sababo la xiriiray duruufaha dhaqaale ee dalka iyo dadaallada maamulka ee lagu garab istaagayay ganacsatada xilliyadii adkaa.

Wuxuu sheegay in hadda la gaaray waqtigii la waafajin lahaa khidmadahaasi baahiyaha adeegyada dekedda iyo horumarinteeda.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in dekedda Boosaaso ay xiran tahay ama shaqadeedu istaagtay. Wuxuu ku dooday in howlaha dekeddu ay si caadi ah u socdaan, maraakiibtuna ay weli ku soo xirtaan dekedda, shidaalkuna uu si joogto ah uga soo dago, halka howlaha dhoofinta iyo soo dejintuna aysan hakad gelin.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in albaabada ay xireen qaar ka mid ah ganacsatada waaweyn ee magaalada Boosaaso aysan ka dhignayn in dekeddu shaqadii joojisay, isagoo xusay in adeegyada dekedda ay weli socdaan, isla markaana maamulka dekeddu uu gudanayo waajibaadkiisa maalinlaha ah.

Deni ayaa sheegay in maamulka Puntland uu diyaar u yahay wada-shaqeyn iyo wada-tashi lagu xallinayo wixii tabashooyin ah ee jira, iyadoo la ilaalinayo danaha guud.

“Dhamaan dhinacyada ay arrintu khuseyso waa inay ka fogaadaan faafinta wararka aan la hubin iyo xogaha marin-habaabinta ah ee abuuri kara jahawareer,” ayuu yiri hoggaamiyaha maamulka Puntland.

Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in maamulka ay ka go’an tahay ilaalinta ganacsiga iyo dhiirrigelinta maalgashiga, isla markaana aysan jiri doonin tallaabo dhaawaceysa kobaca dhaqaalaha, isagoo xusay in casriyeynta dekedaha, garoomada diyaaradaha iyo waddooyinka ay muhiim u yihiin tartanka dhaqaale iyo soo jiidashada maalgashiga gudaha iyo kan dibadda.

Hadalka Deni ayaa ku soo beegmaya xilli ay cirka isku shareertay cabashada ganacsatada waaweyn ee isticmaasha dekedda Boosaaso, kuwaas oo maalmahan sameeyay shaqo-joojin ay uga soo horjeedaan lacagaha ay sheegeen in lagu kordhiyay adeegyada dekedda.

Ganacsatadu waxay ku doodayaan in kororkaasi uu sare u qaadayo kharashaadka ganacsiga, isla markaana uu saameyn ku yeelanayo qiimaha badeecadaha.

Muranka u dhexeeya maamulka Puntland iyo ganacsatada ayaa saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqii ganacsiga ee magaalada Boosaaso, iyadoo xarumo ganacsi oo waaweyn ay maalmo badan albaabada u xiran yihiin.

Sawirro: R/Wasaare Xamza oo maanta tegay safaraadda Qatar kadibna…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa booqasho ku tagay safaaradda dowladda Qatar ee magaalada Muqdisho, si uu uga tacsiyeeyo geerida ku timid Allaha u naxariistee Amiirkii hore ee Qatar, Marxuum Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani.

Ra’iisul Wasaaraha oo uga tacsiyeeyay Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, shacabka iyo dowladda walaaalaha ah ee Qatar ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay murugada geerida Amiirkii hore ay la-qeybsanayaan walaalahooda Qatar.

Mudane Xamza ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed ay dareensan-yihiin xiriirka walaaltinimo ee kala dhexeeya shacabka iyo dowladda Qatar, sidaas darteedna ay la qeybsanayaan murugada iyo tacsida.

Waxa uuna Alle uga baryey marxuumka in uu hoygiisa ka dhigo Jannatul Firdowsa, Amiirka Dowladda Qatar, qoyska reer Al-Thani iyo guud ahaab shacabka Qatarna. uu Samir iyo iimaan ka siiyo.

“Waxa aan qirsanahay doorka shariifka ah ee dowladda iyo shacabka Qatar ay ku leeyihiin garab istaagga walaalahooda Soomaaliyeed iyo guud ahaan shucuubta Carbeed. Tani waxay ka tarjumaysa sida ay shacabka iyo dowladda Sooomaaliyeed u dareemeen xanuunka geerida ku timid Amiirkoodii hore ee Qatar,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn Qatar ugu muujisay garab istaageeda, xilli ay ku jirto maalmo baroor-diiq qaran ah. Calanka Soomaaliya ayaa Isniintii hoos loo dhigay kadib geerida Amiirkii hore ee dalka Qatar Sheekh Hamad Bin Khalifa Al Thani.

Sheekh Hamad Al Thani ayaa Qatar hoggaaminayay intii u dhexeysay 1995 illaa 2013. Intii uu talada hayay, wuxuu hormuud ka noqday isbeddello waaweyn oo dalkaas ka hirgalay, kuwaas oo sare u qaaday doorka Qatar ee gobolka iyo caalamkaba.

Sannadkii 2013 ayuu Sheekh Hamad Bin Khalifa Al Thani si iskiis ah xilka ugu wareejiyay wiilkiisa, Amiir Tamim Bin Hamad Al Thani oo weli haya xukunka.

Sacuudiga oo kordhiyay taageerada milatari ee Soomaaliya – Maxaa socda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si muuqata u kordhisay taageeradeeda dhinaca milatariga ee Soomaaliya, iyadoo dhaqan-gelinaysa heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah oo ay labada dal kala saxiixdeen bishii Febraayo ee sanadkan, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda ciidamada Soomaaliya iyo iskaashiga amniga ee u dhexeeya Muqdisho iyo Riyaad.

Heshiiska labada dhinac ayaa diiradda saaraya horumarinta wada-shaqeynta difaaca, tababarrada ciidamada, is-dhaafsiga khibradaha milatari iyo kor u qaadista awoodda hay’adaha amniga Soomaaliyeed.

Inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin faah-faahinta dhammaan qodobada heshiiska, haddana waxaa muuqata in fulintiisu ay si tartiib-tartiib ah u bilaabatay.

Dhawaan, wafdi militari oo ka socday dowladda Sacuudi Carabiya ayaa booqday laba xero oo ku yaalla magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo lagu tababarayo ciidamo hoos taga dowladda federaalka Soomaaliya.

Booqashada ayaa qeyb ka aheyd barnaamij ay maalgelinayso dowladda Sacuudiga, kaas oo lagu tababarayo cutubyo cusub oo la qorsheynayo inay ku biiraan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xogaha la helayo ayaa sheegaya in barnaamijku uu gaarsiisan yahay tababarka 5,107 askari, kuwaas oo ku kala sugan labada xero ee uu wafdiga Sacuudigu booqday.

Askartaas waxaa la sheegay inay ku jiraan ku dhowaad 2,000 oo dhalinyaro ah oo laga soo qoray deegaannada Puntland, halka ciidamada kale laga soo ururiyey gobollo kala duwan oo dalka ah.

Tababarka ayaa la qorsheeyey inuu socdo muddo sagaal bilood ah, si ciidamada loo siiyo xirfadaha aasaasiga ah ee militariga, nidaamka hawlgallada iyo tababarrada la xiriira dagaalka.

Sida ay wararku tilmaamayaan, tababarka ciidamada waxaa bixinaya khubaro iyo tababarayaal ajaanib ah oo ka kala yimid dalalka Romania, Ukraine, Koonfur Afrika iyo Colombia. Barnaamijkan ayaa la sheegay in uu si buuxda u maalgelinayo Sacuudi Carabiya, taas oo muujinaysa doorka sii kordhaya ee boqortooyadu ku leedahay dib u dhiska ciidamada Soomaaliya.

Taageeradan cusub ayaa Sacuudiga ka dhigaysa inuu si toos ah u ballaarinayo saameyntiisa amni iyo mid milatari ee Soomaaliya. Sanadihii la soo dhaafay, dalalka Khaliijka ayaa si isa soo taraysa u maalgelinayay tababarrada ciidamada iyo mashaariicda amniga, iyagoo doonaya inay xoojiyaan xiriirkooda istaraatiijiyadeed ee Geeska Afrika.

Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer ka mid ahaa waddamada ugu firfircoon dhinaca amniga Soomaaliya, gaar ahaan Puntland. Tan iyo horraantii sanadkii 2010-kii, Abu Dhabi waxay taageero joogto ah siinaysay Ciidanka Booliska Badda Puntland (PMPF), iyadoo u fidisay maalgelin, tababarro iyo qalab ciidan oo casri ah.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in ciidamada Imaaraadka ay saldhig ku leeyihiin magaalada Boosaaso, halkaas oo ay taageero dhinaca cirka ah ka geysteen hawl-galladii lagu beegsaday kooxda Daacish ee ka socday buuraha Calmiskaad. Taageeradaas ayaa lagu sheegay inay door muhiim ah ka qaadatay guulihii laga gaaray dagaalka lagula jiray kooxda.

Si kastaba, xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa galay marxalad adag, kadib markii dowladda Soomaaliya ay bishii Janaayo ee sanadkan joojisay heshiisyadii dekedaha iyo iskaashigii amniga ee ay la lahayd Abu Dhabi. Dowladda Federaalka ayaa ku eedeysay Imaaraadka inuu qaaday tallaabooyin wiiqaya madax-bannaanida iyo midnimada dalka.

Kororka taageerada milatari ee Sacuudi Carabiya ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay sii waddo dadaallada lagu dhisayo ciidan qaran oo awood u leh inuu la wareego mas’uuliyadda amniga dalka, iyadoo taageero ka helaysa saaxiibada caalamiga ah.

Haddii barnaamijyada tababarka iyo iskaashiga cusub ay si guul leh u hirgalaan, waxay door weyn ka qaadan karaan xoojinta awoodda ciidamada Soomaaliyeed iyo dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Aadan Madoobe oo afar qodob hordhigay Golihiisa Wasiirrada + Sawirro

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta macsalaameeyay Wasiirradii hore ee maamulka, isaga oo kuwa cusubna hordhigay 4 qodob oo xasaasi ah.

Aadan Madoobe oo kulan gaar ah la yeeshay golaha xukuumaddii hore ayaa uga mahadceliyey doorkii ay ka soo qaateen dhismaha iyo horumarinta dowladnimada Koonfur Galbeed, isaga oo xusay in dowladdu ay ka faa’iideysan doonto khibradaha iyo talooyinka masuuliyiinta hore si loo dardargeliyo adeegyada bulshada iyo horumarka guud ee dowladnimada.

Dhankooda Wasiiraddii hore ayaa bogaadiyey hoggaanka cusub, iyaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay inay la shaqeeyaan, kana qeyb qaataan dadaallada lagu xoojinayo nabadda, dib-u-heshiisiinta, midnimada bulshada iyo horumarka deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa kulan kale oo gaar ah la yeeshay Wasiirrada cusub ee Koonfur Galbeed ee uu dhowaan magacaabay, isaga oo kala hadlay dardar-gelinta howlaha horyaalla xukuumadda iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee Dowladda Koonfur Galbeed.

Waxaa kale oo kulanka  diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta Golaha Wasiirrada, dardargelinta adeegyada bulshada, adkeynta maamul-wanaagga, isla markaana la isku waafajiyo qorsheyaasha Wasaaradaha si ay u noqdaan kuwo wax ku ool ah oo ka jawaaba baahiyaha shacabka Dowladda Koonfur Galbeed.

Intaas kadib Aadan Madoobe ayaa Golihiisa Wasiirrada kula dardaarmay 4 qodob oo xasaasi ah, kuwaas oo kala inay si hufan oo daacadnimo leh u gutaan waajibaadkooda, sidoo kale mudnaan in ay siiyaan deegga bulshada, isla-xisaabtanka, iyo fulinta barnaamijyada horumarineed ee Dowladda.

Ugu dambeyn, Wasiirrada magacaaban ayaa uga mahadceliyey Hoggaamiyaha kalsoonida uu siiyey, waxayna ballanqaadeen inay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan horumarinta hay’adaha Dowladda, kor u qaadidda adeegyada bulshada, iyo xaqiijinta himilooyinka Dowladda Koonfur Galbeed.

Shacabka Dhuusamareeb oo tallaabo ka qaaday askari gaystay fal caro leh + Video

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo cajiib ah oo ay si deg-deg ah uga falceliyeen shacabka Dhuusamareeb, kadib markii askari ka tirsan ciidamada dowladda uu maanta goob fagaare ugu gacan qaaday wiil Caseeye ah, taas oo dhalisay caro xooggan.

Askariga oo ku sugnaa maqaayad ku taalla bartamaha caasimada Galmudug ayaa dharbaaxo ku dhuftay wiilka Baalashlaha. Arrintaas ayaa dhalisay inay ka caroodaan shacabkii ku sugnaa goobta oo iyaguna qaaday tallaabo deg-deg ah.

Dhalinyaro ku sugnayd goobta uu falku ka dhacay ayaa durbo qabtay askariga, kadibna ka qaaday qorayga, iyada oo si weyn loogu bogaadiyay sida ay uga falceliyeen falka.

Dhacdadan ayaa noqotay mid si weyn loogu hadal hayo baraha bulshada, iyadoo qaar ka mid ah dadka ka falceliyay ay ku tilmaameen in shacabka ay muujiyeen diidmo ka dhan ah tacaddiga loo gaystay wiilka yar ee usoo baxay inuu u shaqeeyo reerkiisa.

Dadweynaha ayaa sidoo kale ku baaqay in dhacdada loo maro waddo sharci ah, isla markaana tallaabo adag laga qaado askariga xadgudubka gaystay.

Xamdi Cali “Soomaalida waxaa ku jeclahey damiirka guuleysata meel kasta oo aad joogtaan Soomaaliyeey”.

Maxamed Axmed: “Kaas cidda markii horeba Qoriga u dhiibtay ayaa qaldanayd”.

Cabdinaasir Saciid Sandheere: “Askar maahan waa mooryaan hala xiro”.

Si kastaba ha’ahaatee, Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay hay’adaha ammaanka Dhuusamareeb iyo mas’uuliyiinta Galmudug oo ku aadan falka dhacay iyo haddii tallaabo sharci laga qaadayo askariga gaystay.

Cosoble oo Xasan Sheekh ka dalbaday inuu badbaadiyo Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Maamul Goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullaahi Cosoble oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda Puntland, isaga oo farriin u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Cali Cosoble oo kamid ah siyaasiyiinta taabacsan Villa Soomaaliya ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya inuu mudnaanta koowaad siiyo xal u helidda xaaladda siyaasadeed iyo amni ee ka jirta deegaannada Puntland, isaga oo si gaar ah uga dalbaday inuu badbaadiyo Hooyada Federaalka.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in hadallo iyo faan siyaasadeed aanay xal u noqon karin caqabadaha ka jira Puntland, balse loo baahan yahay ficil muuqda oo lagu wajahayo arrimaha siyaasadeed ee taagan.

Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay in xilligan adag lo baahan yahay in la qaado tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu xasillinayo Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweyne Xasan Sheekh, Puntland badbaadin ayay u baahan tahay. Faan been ah waxba ma taro ee haloo hooyo Puntland,” ayuu yiri Cali Cosoble.

Hadalkan ayaa imanaya xilli uu weli jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland, kaas oo saameeyay wada-shaqeyntii labada dhinac.

Khilaafkaas ayaa salka ku haya arrimo la xiriira wax-ka-beddelka dastuurka, nidaamka doorashooyinka, iyo awood-qaybsiga dowladda.

Arrimahan ayaa sidoo kale keenay in dhaq-dhaqaaqyo laga dareemo gudaha Puntland, kadib markii la sheegay in dowladda dhexe ay ciidamo ka qoratay deegaanno kamid ah maamulkaas, iyada oo tallabadaas uu ka horyimid Saciid Deni

Daawo: War cusub oo kasoo kordhay wada-hadallada u socda DF iyo mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) oo shir muhiim ah ka furay Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dhinacyada mucaaradka.

Wasiir Cabdisalaan ayaa qiray in haatan dalka kuu jiro marxalad adag,isla markaana uu jiro is-jiidjiid dhinaca siyaasadda, balse laga gudbi doono.

“Siyaasaddu marka ay mareyso marxaladaha maanta oo kale aan joogno waxaa iska jiid-jiid laakiin iyada lafteyda waxay muujineysaa biseyl siyaasadeed inuu jiro,” ayuu yiri Wasiir Cabdisalaan Dhaay.

Sidoo kale, wuxuu soo hadal qaaday wada-hadallada u socda labada dhinac ee ay garwadeenka ka tahay Beesha Caalamka, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay in kulmada socda ay guuleysan doonaan, laguna gaari doono natiijo wax ku ool ah.

“Meel wanaagsan ayuu marayaa wada-hadalka u dhexeeya Dowladda iyo Mucaaradka oo aan rajaynayno inuu wax wanaagsan inooga soo baxo,” ayuu mar kae yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo garabyada mucaaradka ayaa si guud uga mideysan in dalka loo jiheeyo doorasho toos ah, lagana gudbo doorashadii dadbaneyd ee muddada dheer lagu soo dhaqmay. Inkastoo weli ay socdaan wada-hadallo xasaasi ah oo ku saabsan qaabka loo wajahayo doorashooyinka qof iyo codka ah, haddana waxaa taagan khilaafyo siyaasadeed iyo aragtiyo is-diiddan oo ku saabsan hannaanka loo marayo hirgelintooda.

“In go’aan la gaaro oo doorasho la qabto waa iska sahlan tahay wax micno wayna kuma fadhido, laakiin waxaa la gefay doorashada sidee loo hirgelinayaa?, sidee noqoneysaa?, xaggee loo maraa?” ayay tiri Xaliimo Yarey oo ah Guddoomiyihii hore ee Guddigga Doorashooyinka Qaranka.

Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarinayso go’aanno muhiim u ah geeddi-socodka dimuqraadiyeynta, dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo qabashada doorashooyin dadweyne oo toos ah.

Madaxweyne Trump oo Netanyahu ku amray inuu ciidankiisa kala baxo laba dal

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ugu baaqay inuu bilaabo in ciidamada Israel dib looga soo daadgureeyo dhulka Suuriya, isla markaana uu qaado tallaabo la mid ah oo ku saabsan koonfurta Lubnaan, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan iyo Israeli ah.

Trump ayaa codsigan u gudbiyey Netanyahu intii lagu jiray wada-hadal telefoon oo dhexmaray Khamiistii, waxaana uu uga digay in joogitaanka ciidamada Israel ee gudaha Suuriya uu sii hurin karo xiisadaha, isla markaana uu sababi karo isku dhac cusub oo gobolka ka qarxa.

“Dadka halkaas jooga ma doonayaan joogitaankiinna. Waa inaad ciidamadiinna dib u daadgureysaan,” ayuu Trump ku yiri Netanyahu, sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah oo xog-ogaal u ahaa wada-hadalka.

Sarkaalka ayaa intaas ku daray in Trump uu Netanyahu u gudbiyey farriin la mid ah oo ku saabsan ciidamada Israel ee ku sugan gudaha Lubnaan.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha Israel ayaa xaqiijiyey in labada hoggaamiye ay ka wada-hadleen xaaladda xuduudaha, balse waxa uu sheegay in Netanyahu uu ku adkeystay muhiimadda ay dowladdiisu siineyso sameynta aagag ammaan oo ku teedsan xuduudaha Israel.

“Ra’iisul wasaaruhu wuxuu dhankiisa soo bandhigay baahida loo qabo aagag ammaan oo ku yaalla xuduudaha Israel,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska Netanyahu.

Israel ayaa hadda ciidamo ku leh qeybo ka mid ah koonfurta Suuriya iyo koonfurta Lubnaan, iyadoo dowladda Netanyahu ay ku dooddo in joogitaankaas uu lagama maarmaan u yahay ka hortagga weerar kale oo la mid ah kii Xamaas ay Israel ku qaaday 7-dii October 2023.

Sidoo kale, xubno sare oo ka tirsan xukuumadda Israel ayaa doonaya in ciidamadu muddo aan xadidneyn sii joogaan deegaannadaas. Siyaasiyiinta garabka midig qaarkood ayaa xitaa taageeray in degsiimooyin Yuhuud ah laga dhiso dhulalka ay ciidamada Israel ka qabsadeen Suuriya.

Codsiga Trump ayaa cadaadis cusub saaraya Netanyahu, xilli ay saddex bilood ka harsan yihiin doorasho si weyn u saameyn karta mustaqbalkiisa siyaasadeed iyo dacwadaha musuq-maasuqa ee muddada dheer ku socday.

Netanyahu ayaa lagu wadaa inuu ka fogaado tallaabo kasta oo weyn oo lagu dhimayo joogitaanka ciidamada Israel ee Suuriya, ama oggolaado ka bixitaan dheeraad ah oo ka dhaca Lubnaan, marka laga reebo qorshe xaddidan oo uu horey u aqbalay.

Wada-hadalka Trump iyo Netanyahu ayaa dhacay maalin kadib markii madaxweynaha Mareykanka uu kulan la yeeshay madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharca, xilli ay ka qeybgalayeen shir madaxeedka NATO oo ka dhacay Turkiga.

Maamulka Trump ayaa bilihii lasoo dhaafay waday dadaallo lagu doonayo in heshiis amni oo cusub laga dhex abuuro Israel iyo Suuriya. Hase yeeshee, saraakiisha Mareykanka ayaa ugu dambeyn ku qancay in Netanyahu uusan diyaar u ahayn tanaasulaadka ay Washington u aragto kuwa lagama maarmaanka u ah heshiiska.

Tanaasulaadkaas waxaa ka mid ahaa in ciidamada Israel si tartiib-tartiib ah uga baxaan dhulka Suuriya ee ay qabsadeen kadib burburkii dowladdii Bashar al-Assad bishii December 2024.

Toddobaadyadii ugu dambeeyey, qeybo ka mid ah koonfurta Suuriya waxaa ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeedo joogitaanka ciidamada Israel. Dadka deegaanka ayaa dhowr jeer ay isku dhaceen askarta Israel, taas oo sare u qaaday walaaca laga qabo in xaaladdu isu beddesho iska horimaad ballaaran.

Dhanka Lubnaan, dhexdhexaadiyayaal Mareykan ah ayaa Talaadadii magaalada Rome kula kulmay diblomaasiyiin ka kala socday Israel iyo Lubnaan, si looga wada-hadlo dhaqan-gelinta heshiis ay labada dhinac saxiixeen dhowr toddobaad ka hor.

Heshiiskaas ayaa dhigaya in Israel ay ciidamadeeda kala baxdo laba goobood oo tijaabo ah oo ay hadda ka joogaan koonfurta Lubnaan, kadibna ay halkaas ku wareejiso ciidamada dowladda Lubnaan.

Si kastaba, ciidamada Israel ayaan weli ka bixin labadaas goobood. Dowladda Lubnaan ayaa dalbatay in geeddi-socodka bixitaanka si degdeg ah loo bilaabo, isla markaana la soo bandhigo jadwal cad oo lagu fulinayo ka bixitaanno dheeraad ah.

Saraakiisha Israel ayaa sheegaya inay doonayaan in ciidamadoodu marka hore xaqiijiyaan in goobaha lagu heshiiyey laga saaray hubka iyo kaabeyaasha militari ee ururka Xisbullah, kahor inta aan loo gudbin aagag kale.

Dowladda Lubnaan ayaa taas ka hor timid, iyadoo ku adkeysatay in ciidamada Mareykanka ama koox dhexdhexaad ah ay qiimeeyaan in goobahaas laga saaray hubka Xisbullah iyo in kale.

Aqalka Cad ayaa ka gaabsaday inuu si rasmi ah uga hadlo faahfaahinta wada-hadalka Trump iyo Netanyahu, balse ma uusan beenin xogta ku saabsan in madaxweynaha Mareykanka uu dalbaday in ciidamada Israel dib loo daadgureeyo.

Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in Trump iyo Netanyahu ay leeyihiin xiriir wanaagsan, isla markaana Israel ay weli tahay xulafada muhiimka ah ee Mareykanka.

“Madaxweyne Trump wuxuu xiriir xooggan la leeyahay ra’iisul wasaare Netanyahu, Israel-na mar walba waxay xulafo weyn u ahayd Mareykanka,” ayuu yiri sarkaalka.

Baaqa Trump ayaa muujinaya kala duwanaansho sii kordhaya oo u dhexeeya Washington iyo xukuumadda Netanyahu, gaar ahaan qaabka loo wajahayo dhulalka ay ciidamada Israel ka haystaan Suuriya iyo Lubnaan iyo dadaallada Mareykanka ee lagu doonayo in looga hortago dagaal kale oo gobolka ka qarxa.

Trump oo Bin Salman ku taageeray tallaabo xasaasi ah

Riyadh (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ku taageeray tallaabo militari oo ka dhan ah kooxda Xuutiyiinta Yemen, ka hor duqeyntii garoonka diyaaradaha Sanca ee horseedday weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ah oo lagu qaaday gudaha Sacuudiga.

Taageerada Trump ayaa timid kadib markii Maxamed bin Salmaan uu madaxweynaha Mareykanka horey ugu wargeliyey qorshaha howlgalka, kana codsaday taageero siyaasadeed iyo mid militari, sida ay sheegeen laba sarkaal oo Mareykan ah oo la hadlay warbaahinta Axios.

Iska horimaadka dhacay Isniintii 13-ka July ayaa ahaa kii ugu cuslaa ee si toos ah u dhex mara Sacuudiga iyo Xuutiyiinta tan iyo 2022, wuxuuna halis geliyey xabbad-joojin aan rasmi ahayn oo labada dhinac u suurta-gelisay inay muddo afar sano ah ka fogaadaan dagaal ballaaran.

Xiisadda ayaa bilaabatay markii diyaaradda Mahan Air ee laga leeyahay Iran ay horraantii bishan ka degtay magaalada Sanca oo ay Xuutiyiintu maamulaan. Diyaaradda ayaa qaaday wafdi sare oo ka tirsan kooxda, kuwaas oo Tehran uga qeybgalay aaska hoggaamiyihii hore ee Iran Ayatollah Cali Khamenei.

Duulimaad toos ah oo Iran ka yimaada kuna dega Sanca ma dhicin muddo ka badan toban sano. Dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay iyo Sacuudiga ayaa ka walaacsanaa in duulimaadyada noocaas ah loo adeegsan karo gudbinta hub, qalab militari iyo khubaro Iranian ah oo la geeyo deegaannada ay Xuutiyiintu maamulaan.

“Mahan Air waa diyaaradda Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran. Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateysay, kuna dartay liiska hay’adaha la mamnuucay,” ayuu yiri sarkaal Mareykan ah.

Toddobaadkii hore, Sacuudiga ayaa maamulka Trump la wadaagay walaaca uu ka qabo duulimaadyada Iran, wuxuuna codsaday taageero haddii ay khasab noqoto in tallaabo militari laga qaado Xuutiyiinta.

Safiirka Sacuudiga ee Washington ayaa Khamiistii la kulmay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Marco Rubio, halka Rubio uu maalintii xigtay khadka telefoonka kula hadlay wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga, Amiir Faysal bin Farxaan.

Wax yar kadib, Trump ayaa Jimcihii telefoon kula hadlay Maxamed bin Salmaan. Dhaxal-sugaha ayaa Trump ka codsaday inuu taageero howlgal militari oo looga hortagayo diyaaradda Iran iyo dhaqdhaqaaqyada Xuutiyiinta, codsigaasna madaxweynaha Mareykanka waa uu oggolaaday, sida uu sheegay sarkaalka Mareykanka ah.

Markii diyaaradda Iran ay Isniintii dib uga soo laabatay Tehran, iyadoo sidday wafdiga Xuutiyiinta, waxaa la duqeeyey dhabbaha diyaaradaha ee garoonka caalamiga ah ee Sanca, si looga hortago inay halkaas ka degto.

Xuutiyiinta ayaa duqeynta ku eedeeyey Sacuudiga. Hase yeeshee, wasaaradda difaaca dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa sheegatay howlgalka, iyadoo sheegtay in dhabbaha la bartilmaameedsaday si loo joojiyo diyaarad Iranian ah oo ku soo xadgudbeysay madaxbannaanida iyo hawada Yemen.

Diyaaradda ayaa ugu dambeyn loo weeciyey magaalada dekedda leh ee Xudeyda, oo ku taalla xeebta Badda Cas, halkaas oo ay si nabad ah uga degtay.

Sarkaalka Mareykanka ah ayaa ku andacooday in diyaaradda ay sidday hub, gantaallo iyo khubaro militari oo Iran u dirtay Xuutiyiinta. Eedeyntaas si madax-bannaan looma xaqiijin, Iran iyo Xuutiyiintuna waxay ku adkeysanayaan in duulimaadku ahaa mid rayid ah oo soo celinayey wafdigii ka qeybgalay aaska Khamenei.

Xuutiyiinta ayaa dhowr saacadood kadib ku jawaabay gantaallo ballistic ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo ay ku weerareen garoonka caalamiga ah ee Abha, oo ku yaalla koonfur-galbeed Sacuudiga, meel aan sidaas uga fogeyn xadka Yemen.

Isbaheysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa sheegay in difaacyada cirka ay qabteen gantaallada lagu soo riday koonfurta boqortooyada. Lama soo sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay weerarka, balse wuxuu ahaa weerarkii ugu horreeyey ee Xuutiyiintu sheegtaan inay ka fuliyeen Sacuudiga tan iyo markii xabbad-joojinta aan rasmiga ahayn ay dhaqan-gashay bishii March 2022.

Afhayeenka militariga Xuutiyiinta Yaxya Sarii ayaa sheegay in kooxda ay bartilmaameedsatay garoonka Abha, wuxuuna uga digay shirkadaha diyaaradaha inay adeegsadaan hawada Sacuudiga ilaa laga qaadayo waxa ay kooxdu ku tilmaamtay go’doominta garoonka Sanca.

Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegay in duqeynta garoonka ay soo afjartay “marxaladdii dejinta xiisadda”, hadalkaas oo sare u qaaday cabsida laga qabo in labada dhinac ay dib ugu noqdaan dagaalkii muddada dheer Yemen ka socday.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa 2014 la wareegtay Sanca iyo inta badan waqooyiga Yemen, waxayna dowladda caalamku aqoonsan yahay ku qasabtay inay u guurto koonfurta dalka. Isbaheysi uu Sacuudigu hoggaaminayo ayaa dagaalka ku biiray 2015, isagoo isku dayayey inuu xukunka kusoo celiyo dowladda Yemen.

Dagaalkaas ayaa dilay kumannaan qof, malaayiin kalena ka dhigay kuwo u baahan gargaar bani’aadannimo, ka hor inta aysan dhinacyadu gaarin xabbad-joojintii 2022, oo inkastoo ay si rasmi ah u dhammaatay haddana inta badan la ilaalinayey.

Taageerada Trump ee howlgalka Sacuudiga waxay muujineysaa in Riyadh ay ka cabsi qabto in iska horimaad kooban uu isu beddelo dagaal ballaaran oo u baahan taageero difaac, saanad iyo dhexdhexaadin diblomaasiyadeed oo Mareykanku bixiyo.

Waxay sidoo kale kusoo aadeysaa xilli xiriirka Iran iyo Mareykanka uu galay marxalad dagaal, taas oo sare u qaadeysa khatarta ah in iska horimaadka Yemen uu qayb ka noqdo loollan goboleed ballaaran.

Xuutiyiinta, oo Iran ay taageerto, waxay leeyihiin gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo gaari kara gudaha Sacuudiga. Kooxda ayaa sidoo kale sannadihii dhowaa weerarro ku qaaday maraakiibta maraysa Badda Cas iyo marin-biyoodka Baab al-Mandab, oo muhiim u ah ganacsiga caalamka.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in muranka diyaaradda Iran uusan ku koobneyn hal duulimaad, balse uu salka ku hayo cidda awoodda u leh inay maamusho hawada Yemen.

Sacuudiga iyo dowladda Yemen waxay doonayaan in duulimaadyada caalamiga ahi maraan oggolaanshahooda, halka Xuutiyiintu ay isku dayayaan inay muujiyaan inay si madax-bannaan u maamuli karaan garoomada ku yaalla dhulkooda.

Aqalka Cad kama uusan hadlin faahfaahinta wada-hadalka Trump iyo Maxamed bin Salmaan, wuxuuna su’aalaha loo diray ku koobay hadallo uu Trump horay ugu weeraray Iran.

Safaaradda Sacuudiga ee Washington iyaduna kama jawaabin codsi faallo ah oo ku saabsanaa taageerada Trump iyo doorka Riyadh ee duqeynta.

Dhacdadan ayaa hadda tijaabo weyn ku ah xabbad-joojintii afarta sano jirsatay, iyadoo dagaal cusub oo dhex mara Sacuudiga iyo Xuutiyiinta uu sii ballaarin karo colaadaha ka socda Bariga Dhexe, isla markaana khatar hor leh gelin karo Yemen oo aan weli kasoo kaban dagaalkii hore.

Ciidanka Danab oo burburiyay xarumo ay Shabaab kasoo abaabuli jireen weerarrada

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgallo qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab iyo kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland oo maanta ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada oo qaaday howlgal si weyn looga taxadaray ayaa beegsaday fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaannada Xawaalo-afwaax, Weelmaarow iyo Lafagari oo ka tirsan gobolkaasi, iyagoo khasaare u gaystay.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay gudaha u galeen saddexda deegaan, isla markaana ay burburiyeen godad ay Al-Shabaab ka qoteen halkaasi, kuwaas oo difaacyo u ahaa, waxaana lala simay dhulka.

Sidoo kale, ciidamada ayaa cagta mariyay xarumo iyo saldhigyo ay ku kaydsan jirin agabka oo ku yaalla halkaasi, sida ay shaaciyeen saraakiisha Danab.

Goobaha ay la wareegeen ciidamada ayaa sidoo kale la sheegay in Al-Shabaab ay kasoo abaabuli jireen weerarro qorsheysan, iyada oo ujeedka uu ahaa in laga hortego abaabulka Khawaarijta.

Ciidamada Danab oo ka duulaya amarkii uu bixiyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhawaan ku dhawaaqay dagaal kama dambeys ah ayaa maalmihii u dambeeyay xoojiyay howlgallada ay ka wadaan koonfurta Soomaaliya, iyaga oo habeen hore xilli saq-dhexe ah gudaha u galay degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hosoe, kadibna kusoo dilay 7 xubnood oo uu ku jiro sarkaal sare oo muhiim ah.

Howlgalkaas waxaa ka horreeyay mid kale oo isna ka dhacay deegaanka Hantiwadaag ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu dilay horjooge Cabdisalaan Macallin Abuukar oo kooxda u qaabilsanaa qorista maleeshiyada cusub iyo uruurinta baadda ee ay Al-Shabaab ka qaadaan dad shacabka ah.

Horjooge Cabdisalaan Macallin oo ay ciidamadu si dhow ula socdeen dhaq-dhaqaaqiisa ayaa lagu bartilmaameedsaday howlgal gaar ah oo la fuliyay 10-kii Luulyo 2026, xilli uu ku sugnaa guri ku yaalla deegaanka Hantiwadaag oo ugu dambeyn lagu khaarijiyay.

Uganda oo ciidan u diraysa Gaza kadib codsi ka yimid Trump

Kampala (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa lagu warramay inay mabda’ ahaan oggolaatay inay ciidamo ku biiriso howlgal caalami ah oo la qorsheynayo in laga hirgeliyo Marinka Gaza, kadib codsi uga yimid Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Wargeyska dowladda Uganda ee New Vision, oo soo xigtay ilo sare oo ka tirsan ciidamada, ayaa sheegay in Madaxweyne Yoweri Museveni uu si wanaagsan uga jawaabay codsiga Trump ee ahaa in Kampala ay ka qeybqaadato Ciidanka Xasilinta Caalamiga ah ee Gaza.

Ciidamadan ayaa la filayaa inay hoos tagaan Golaha Nabadda ee dhowaan la dhisay, kaas oo loo xil saaray taageeridda qorshaha xabbad-joojinta, sugidda ammaanka iyo diyaarinta marxaladda dib-u-dhiska Gaza.

Howlgalka la qorsheynayo ayaa la sheegay inuu gacan ka geysan doono ilaalinta kala dambeynta, badbaadinta dadka rayidka ah, fududeynta gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo iyo taageeridda dib-u-dhiska Gaza, oo burbur baaxad leh uu kasoo gaaray dagaalladii sannadihii lasoo dhaafay.

Uganda ayaa lagu wadaa inay howlgalka kula biirto dalal ay ka mid yihiin Morocco, Kosovo, Albania iyo Kazakhstan, kuwaas oo la sheegay inay horey u muujiyeen diyaar u ahaanshahooda ka qeybgalka qorshahan.

Saldhig dhinaca saadka iyo diyaarinta ciidamada ah ayaa lagu warramay in laga dhisayo dhinaca Israel ee marinka Kerem Shalom. Saldhiggaas ayaa marka hore qaabili kara ilaa 500 oo askari, kahor inta aan cutubyada loo gudbin gudaha Gaza.

Hase yeeshee, dowladda Uganda iyo taliska ciidamada UPDF weli si rasmi ah uma shaacin tirada ciidamada la diri doono, nooca cutubyada ka qeybgalaya iyo xilliga uu howlgalka bilaaban doono.

Agaasimaha ku-simaha warfaafinta ciidamada Uganda, Kornayl Chris Magezi, ayaa sheegay in UPDF ay tallaabo qaadi doonto marka ay hesho hagitaan cad oo istaraatiiji ah oo kasoo baxa Madaxweyne Museveni, oo ah taliyaha guud ee ciidamada dalkaas.

“Haddii madaxweynuhu bixiyo hagidda istaraatiijiga ah, wuxuu ciidamada UPDF ku amri doonaa inay tallaabada ku habboon qaadaan, annaguna waan fulin doonnaa,” ayuu yiri Magezi.

Qorshaha lagu dhisayo ciidamada xasilinta Gaza ayaa daba socda qaraar uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ansixiyey bishii November 2025, kaas oo taageeray qorshe nabadeed oo loogu talagalay Gaza, isla markaana oggolaaday sameynta ciidan caalami ah oo ku-meel-gaar ah.

Qaraarka waxaa taageeray 13 dal oo ka tirsan Golaha Ammaanka, halka Shiinaha iyo Ruushka ay ka aamuseen codeynta.

Jeneraal Jasper Jeffers oo ka tirsan ciidamada Mareykanka, loona magacaabay hoggaaminta howlgalka, ayaa la sheegay inuu dalalka ka qeybgalaya u kala qoondeyn doono waajibaadyo ciidan iyo kuwo maamul.

Waajibaadyadaas waxaa ka mid noqon kara taageeridda qorshayaasha amniga, ilaalinta goobaha muhiimka ah, fududeynta gargaarka iyo ka qeybqaadashada dadaallada lagu sii deynayo la-haystayaasha weli ku harsan Gaza.

Uganda waxay khibrad dheer u leedahay howlgalada nabad-ilaalinta, la-dagaallanka argagixisada iyo xasilinta dalalka ay colaadaha ka jiraan.

Ciidamada Uganda ayaa muddo dheer ka mid ahaa dalalka ugu badan ee ciidamada ku biiriya howlgalada Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxayna sidoo kale ka qeybqaateen dadaallo nabad-dhis iyo tababbar ciidan ah oo laga fuliyey South Sudan iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

Haddii ciidamadeeda loo diro Gaza, howlgalkaasi wuxuu noqon doonaa mid ka mid ah hawlgalladii ugu waaweynaa ee Uganda ay ka fuliso meel ka baxsan qaaradda Afrika.

Waxa kale oo uu Kampala gelin karaa kaalinta hore ee dadaallada caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu maareeyo ammaanka, gargaarka bani’aadannimo iyo dib-u-dhiska Gaza kadib sannado dagaallo iyo burbur ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Amiirka dalka Qatar + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Doha ayaa maanta kulan la yeeshay Amiirka dalka Qatar, Tamiim Bin Xamad, isaga oo uga tacsiyeeyay geerida ku timid Aabihiisa, ahaana Amiirkii hore, Sheekh Hamad Bin Khalifa Al Thani.

Kulankan ayaa waxaa labada mas’uul ku wehlinayay mas’uuliyiin sare oo ka kala tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Qatar, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Qatar ee loo yaqaano QNA.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda iyo shacabka Qatar uga tacsiyeeyay geerida Amiirkii hore ee dalkaas, isaga oo u muujiyay garab istaag buuxa xilligan murugada.

Sidoo kale, waxaa lagu wadaa inuu ka qayb-galo aaskiisa oo ay Doha u tageen wafuud kala duwan oo ka kala socda waddamo badan, oo ay ka mid yihiin Sacuudi Carabiya, Isutegga Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Kuwait, Cumaan, Ciraaq, Suuriya, Pakistan, Itoobiya, Kazakhstan, Maldives, Rwanda, Lubnaan, Marooko iyo Liibiya.

Dhinaca kale waxaa magaalada Muqdisho ka socda baroor-diiqda Amiirkii hore ee dalka Qatar, iyada oo dowladda Soomaaliya ay calanka hoos u dhigtay muddo saddex cisho ah, kadib amar kasoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa kale buug qaran oo tacsi ah laga furay safaaradda Qatar ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu maanta tegay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cali oo saxiixay buugga tacsida isla-markaana gaarsiiyay dhambaal tacsi tiiraanyo leh uu ka siday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed, taas oo ku aadan geerida ku timid Aabaha dhalay Amiirka Dalka Qatar ahaana Amiirkii hore Sheekh Hamad Bin Khalifa Al Thani. Wasiirka waxaa soo dhaweeyay Safiir ku xigeenka Dowladda Qatar u fadhiya Muqdisho, Dr. Cabdullaahi bin Saalem Al Nuceymi.

Allaha u naxariistee, Sheekh Hamad Bin Khalifa Al Thani ayaa dalka Qatar hoggaaminayay intii u dhexeysay 1995 illaa 2013. Intii uu talada hayay, wuxuu hormuud ka noqday isbeddello waaweyn oo dalkaas ka hirgalay, kuwaas oo sare u qaaday doorka Qatar ee gobolka iyo caalamkaba. Sannadkii 2013 ayuu Sheekh Hamad Bin Khalifa Al Than si iskiis ah xilka ugu wareejiyay wiilkiisa, Amiir Tamim Bin Hamad Al Thani.

Si kastaba, Dowladda Qatar ayaa hadda wada qaban-qaabadii ugu dambeysay aaska loo sameynayo Amiirkii hore, iyada oo ku dhawaaqday 4 maalmood oo baroordiiq ah oo ka bilaabatay shalay, sidoo kale waxay hoos u dhigtay calanka dalka.

Xogta arrimaha weli la isku hayo kadib markii la isku raacay doorasho toos ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada mucaaradka ayaa si guud uga mideysan in dalka loo jiheeyo doorasho toos ah, lagana gudbo doorashadii dadbaneyd ee muddada dheer lagu soo dhaqmay.

Inkastoo weli ay socdaan wada-hadallo xasaasi ah oo ku saabsan qaabka loo wajahayo doorashooyinka qof iyo codka ah, haddana waxaa taagan khilaafyo siyaasadeed iyo aragtiyo is-diiddan oo ku saabsan hannaanka loo marayo hirgelintooda.

Haddaba maxaa khaldan haddii la’isku raacsan yahay doorasho dadweyne?

Guddoomiyihii hore ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Yarey oo wareysi siisay Somali Cable Tv, ayaa sheegtay in go’aan ka gaarista nooca doorashada aysan adkayn, balse caqabadda dhabta ahi ay tahay sida loo hirgelinayo.

Sidoo kale waxa ay hoosta ka xariiqday in hannaankii lagu dhisay geeddi-socodka doorashada uu markii horeba lahaa khaladaad, kuwaas oo sida ay sheegtay horseeday in khilaafka siyaasadeed uu sii daba dheeraado.

“In go’aan la gaaro oo doorasho la qabto waa iska sahlan tahay wax micno wayna kuma fadhido, laakiin waxaa la gefay doorashada sidee loo hirgelinayaa?, sidee noqoneysaa?, xaggee loo maraa?” ayay tiri Xaliimo Yarey.

Guddoomiyihii hore ee Guddiga Doorashooyinka oo la waydiiyay ‘Maxaa soo cel-celiyay murannada doorashada ayaa ku jawaabtay “Aas-aaskeeda ayaa khalad ahaa haddii aas-aaskeeda saxan yahay muran kama imaadeen”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Soomaaliya ay isku diyaarinayso go’aanno muhiim u ah geeddi-socodka dimuqraadiyeynta, dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo qabashada doorashooyin dadweyne oo toos ah.

Inkastoo weli ay jiraan kala aragti duwanaansho ku saabsan qaabka loo dhisayo guddiga doorashada iyo habraacyada lagu maamulayo doorashada, haddana xogaha la helayo waxay muujinayaan in inta badan dhinacyada siyaasadeed ay isku raacsan yihiin muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay u gudubto doorasho qof iyo cod ah.

Daawo: Soomaaliya oo war culus kasoo saartay xaaladda Yemen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay xaaladda kasoo cusboonaatay gudaha dalka Yemen, kadib markii dowladda caalamku aqoonsan yahay dakaas ee uu taageero Sacuudiga, ay qaaday weerarro ka dhan ah Xuutiyiinta.

Danjire Maxamed Rabiic, oo ka tirsan Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, ayaa jeediyay khudbad xasaasi ah oo uu kaga hadlay dagaalka Yemen, isaga oo ku tilmaamay wax aan la aqbali karin in dagaal dibadda laga soo abaabulo dalkaas oo muddo dheer wajahayay xasilooni-darro gudaha ah.

Sidoo kale, wuxuu soo jeediyay in xaaladda dalka Yemen iyo xalkeeda looga dambeeyo shacabka dalkaasi, fursadna loo siiyo in iyagu ay gaaraan go’aanka kama dambeysta ah.

“In Yemen loo soo waarido dagaal dibadda ah ma ahan wax la aqbali karo, waxaan ku baaqeynaa in xalka xaaladda dalkaasi looga dambeeyo dadka reer Yemen, iyagoo kaashanaya Qaramada Midoobay,” ayuu yiri Maxamed Rabiic.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka xun tahay xaaladaha kasii darayo ee Yemen, gaar ahaan dhibaatada ay wajahayaan shaqaalaha gargaarka e u xiran kooxda Xuutiyiinta ee dalkaasi.

Ugu dambeyn, Danjire Maxamed Rabiic ayaa ku baaqay in la ilaaliyo madaxbannaanida dalkaasi, sidoo kalena ay miiska wada-hadalka isugu yimaadaan dhinacyada is haya, si loo gaaro xal waaro.

“Waxaan sidoo kale ka xunahay shaqaalaha arrimaha Binu Aadanimada ee u xiran Xuuttiyiinta, waxaan ku baaqeynaa in dhinacyada is haya ay iskugu yimaadaan Miiska wada hadalka” ayuu sii raaciyay Danjiruhu

Hadalka DFS ayaa kusoo aadayo, iyada oo weerarkii ugu weynaa shalay lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Sanca, xilli diyaarad ay leedahay shirkadda Mahan Air ee laga leeyahay Iiraan ay isku dayaysay inay halkaas ka dejiso wafdi ka tirsan Xuutiyiinta oo ka soo laabtay aaska hoggaamiye sare oo Iiraan ah.

Dowladda Yemen ayaa dhankeeda sheegtay inay ka hortagtay diyaaradda, iyadoo ku doodday inay ka jawaabayso xad-gudub ay Iiraan ku hayso hawada dalka.

Kadib weerarkii Sanca, afhayeenka garabka militariga Xuutiyiinta, Yaxye Sariic ayaa isna sheegay in weerarkaas uu “soo afjaray marxaladdii xabbad-joojinta,” isagoo ku hanjabay inay qaadi doonaan jawaab militari oo ka dhan ah dowladda Yemen iyo Sacuudiga. Saacado uun kadib, Xuutiyiintu waxay dhankooda bilaabeen weerarro gantaallo ah oo ay ku beegsadeen gudaha Sacuudiga. Wararka ayaa sheegaya in gantaallo lagu weeraray saldhigga ciidamada cirka ee Boqor Khaalid, halkaas oo qiiq laga arkay, waxaana sidoo kale la beegsaday garoonka diyaaradaha Abha oo ku yaalla koonfur-galbeed Sacuudiga, meel qiyaastii 120KM u jirta xadka Yemen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Qatar + Ujeedka

0

Doha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Doha ee caasimada dalka Qatar, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Qatar iyo safiirka Soomaaliya ee dalkaasi.

Ujeedka safarka Madaxweynaha ayaa la xiriira ka qayb-galka aaska Amiirkii hore ee dalkaas, Sheekh Hamad Bin Khalifa Al Thani oo Axaddii geeriyooday.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu kulan la yeesho madaxda Qatar oo uu ugu horreeyo Amiirka dalka, Sheekh Tamiim Bin Xamad Aal Thaani oo uu uga tacsiyeyn doono geerida Amiirkii hore.

Doha waxaa sidoo kale gaaray madax iyo wafuud kala duwan oo ka kala socda waddamo badan, oo ay ka mid yihiin Sacuudi Carabiya, Isutegga Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Kuwait, Cumaan, Ciraaq, Suuriya, Pakistan, Itoobiya, Kazakhstan, Maldives, Rwanda, Lubnaan, Marooko iyo Liibiya. Dhammaan wafuudan caalamiga ah ayaa dowladda iyo shacabka Qatar uga tacsiyeeyay geerida Amiirkoodii hore.

Sheekh Hamad Bin Khalifa Al Thani ayaa Qatar hoggaaminayay intii u dhexeysay 1995 illaa 2013. Intii uu talada hayay, wuxuu hormuud ka noqday isbeddello waaweyn oo dalkaas ka hirgalay, kuwaas oo sare u qaaday doorka Qatar ee gobolka iyo caalamkaba.

Sannadkii 2013 ayuu Sheekh Hamad Bin Khalifa Al Than si iskiis ah xilka ugu wareejiyay wiilkiisa, Amiir Tamim Bin Hamad Al Thani.

Dhanka kale, dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday 4 maalmood oo baroordiiq qaran ah oo ka bilaabatay shalay, iyadoo calanka dalka hoos loo dhigay. Dowladda ayaa sidoo kale hadda wada qaban-qaabada aaska rasmiga ah ee loo sameynayo Amiirkii hore.

Si kastaba, Qatar ayaa kamid ah dalalka Carbeed ee taageerada kala duwan siiya Dowladda Federaalka, taas oo keentay in Soomaaliya ay hoos u dhigto calankeeda muddo saddex cisho ah, kadib amar kasoo baxay Madaxweynaha.

Trump oo bahdilay dalalka Khaliijka, kana dalbaday lacag xilli uu kasii darayo dagaalka Iran

Washington (Caasimada Online) – Xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iran ayaa gashay marxalad cusub oo aad u halis badan, kadib markii labada dal ay is dhaafsadeen weerarro militari, halka hadallo adag oo kasoo baxay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ay sii kordhiyeen walaaca laga qabo in colaaddu ku fido guud ahaan gobolka Khaliijka.

Wararka ayaa sheegaya in Iran ay billowday weerarro ay ku beegsaneyso saldhigyada ciidamada Mareykanka ku leeyihiin dalalka Khaliijka, iyadoo tallaabadaas lagu sheegay jawaab ay ka bixineyso duqeymihii ugu dambeeyay ee ciidamada Mareykanku ka fuliyeen gudaha Iran.

Madaxweyne Donald Trump oo warbaahinta kula hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in Mareykanku uu sii wadi doono difaaca dalalka Khaliijka, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in dowladahaasi ay bixiyaan kharashka ku baxaya sugidda amnigooda.

“Waxaan rabaa in nala siiyo lacag, sababtoo ah waxaan ilaalinaynaa qayb aad u hodan ah oo dunida ka mid ah. Lacag badan ayaan ku bixinnaa arrintan,” ayuu yiri Trump. Wuxuu intaas ku daray in Mareykanku dhaqaale ka heli doono dalalka uu difaacayo, sida Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Qatar, Baxrayn, Kuweyt iyo dalal kale.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanku uusan ku tiirsanayn shidaalka Khaliijka, maadaama uu leeyahay keyd shidaal oo ballaaran.

Dhanka kale, Trump ayaa ku dhawaaqay qorsheyaal cusub oo cadaadis dhaqaale lagu saarayo Iran, taas oo kamid tahay go’doominta dekedaha Iran. Wuxuu kaloo sheegay in canshuur dhan 20% lagu soo rogi doono dhammaan maraakiibta xamuulka ee isticmaasha marin-biyoodka Hormuz oo ka mid ah marinnada ganacsiga ee ugu muhiimsan dunida.

Isla waqtigaas, guddoomiyaha gobolka Bushehr ee Iran, Maxamed Mozaffari ayaa xaqiijiyay in ciidamada Mareykanku ay xalay duqeeyeen laba goobood oo ku yaalla degmooyinka Bushehr iyo Chaghadaq.

Wuxuu sheegay in goobihii la bartilmaameedsaday ay ahaayeen goobo gaar ah, balse baaritaannadii ugu horreeyay ay muujiyeen in aysan jirin wax dhimasho ama dhaawac ah oo ka dhashay weerarradaas.

Dhankiisa, Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in weerarradu ay ku beegsadeen goobo militari oo ku yaalla Bushehr, Chabahar, Jask, Konarak, Abu Muusa iyo Bandar Cabbaas.

CENTCOM ayaa xusay in ujeeddada howlgalka ay ahayd in la wiiqo awoodda Iran ee lagu weerari karo ama lagu carqaladeyn karo maraakiibta ganacsiga ee isticmaasha marin-biyoodka Hormuz.

Subaxnimadii Talaadada, ciidanka ilaalada kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa soo saaray bayaankoodii toddobaad, iyagoo ku dhawaaqay inay si rasmi ah uga jawaabeen weerarradii Mareykanka.

IRGC ayaa sheegtay inay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerareen xarunta isgaarsiinta dayax-gacmeedka iyo dhismaha ay deggan yihiin ciidamada Mareykanka ee saldhigga Juffair ee dalka Baxrayn.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in isla saaka uu dhacay mid ka mid ah weerarradii ugu waaweynaa ee ay IRGC qaaday tan iyo markii ay colaaddu cirka isku shareertay, iyadoo laba markab oo shidaal sida lagu beegsaday Marinka Hormuz.

Weerarkaas ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo amniga maraakiibta caalamiga ah iyo saameynta uu ku yeelan karo suuqyada tamarta.

Dowladaha Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn ayaa sheegay in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay weerarrada, halka siddeed kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhanka kale, wakaaladda wararka ee Tasnim, oo ku dhow IRGC ayaa werisay in weerarro kale laga fuliyay gudaha Kuwait, isla markaana “mowjado qiiq ah” laga arkay magaalada Manama ee caasimadda Baxrayn. Tan ayaa muujinaya in xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iran ay sii ballaaraneyso, iyadoo laga cabsi qabo inay isu beddesho dagaal saameeya gobolka oo dhan.

Maxay yihiin kulamada ay DF Soomaaliya ka wado Pakistan? + Sawirro

0

Islamabad (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa kulan doceedyo la yeelatay madax iyo mas’uuliyiin sare oo ka kala socday hay’adaha iyo dowladaha xubnaha ka ah ururka iskaashiga Islaamka (OIC) intii uu ka socday magaalada Islamabad shirka haweenka Islaamka.

Wasiirka ayaa kulan doceedyada la qaadatay agaasimaha fulinta Guddiga Madaxbannaan ee Joogtada ah ee Xuquuqda Aadanaha ee OIC (IPHRC), wasiirka shaqada iyo amniga bulshada ee Jamhuuriyadda Turkiga Waqooyiga Qubrus (TRNC) iyo agaasimaha guud ee xarunta cilmi-baarista iyo tababarka dhaqaalaha, bulshada iyo tirakoobka ee dalalka Islaamka (SESRIC).

Sidoo kale, kulamadan waxaa qeyb ka ahaa wasiirka arrimaha haweenka, carruurta iyo daryeelka bulshada ee Bangladesh, guddoomiyaha golaha qaranka haweenka ee Masar iyo xoghayaha guud ee golaha arrimaha qoyska ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Intii ay socdeen kulamadu, waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dalalka xubnaha ka ah (OIC), gaar ahaan dhinacyada horumarinta qoyska, ilaalinta xuquuqul insaanka, awood-siinta haweenka, daryeelka carruurta, horumarinta bulshada iyo is-dhaafsiga khibradaha iyo aqoonta.

Kulamadu waxay ku soo dhammaadeen is-afgarad ku saabsan sii ballaarinta iskaashiga iyo kor u qaadidda wada-shaqeyn miro-dhal ah oo wax ka tari doonta horumarinta adeegyada bulshada iyo hirgelinta barnaamijyada mudnaanta u leh Soomaaliya.

Wasiir Khadiija ayaa sidoo kale ka qeyb gashay kulamo kale oo lagu xoojinayay xiriirka Soomaaliya iyo dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), iyadoo xoogga lagu saaray sidii loo horumarin lahaa barnaamijyada bulshada iyo adeegyada la xiriira qoyska.

Wasiir Khadiijo waxaa kulamada ku weheliyey Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Pakistan, Danjire Sheekh Nuur Maxamed Xasan.


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60