25.8 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Ciidamada Kenya oo garaac ku dilay afar dhallinyaro ah

0

Nairobi (Caasimada Online) – Meydadka afar nin oo dhalinyaro ah ayaa maanta laga helay Beer ay leeyihiin ciidamada Kenya, wuxuuna dilka dhalinyaradaas ka careysiiyey dadka deegaanka.

Afarta dhalinyarada ah ee meydkooda la helay ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen beerta dalaga ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Uasin Gishu ee Rift Valley.

Raggaan ayaa la sheegay in qorshahoodu uu ahaa inay gurtaan Galey ka soo hartay dalaggii beeraha Kenya ee dhawaan soo go’ay.

Ilaaladii beerta ayaa la sheegay in ay qabteen dhalinyarada oo ay garaaceen ilaa ay ka dhintaan, taas oo aad looga carooday, maadaama ay xiri kareen, iyagoo aan dilin.

Dadka ku nool deegaanka uu falkaas dil wadareedka ah ka dhacay ayaa tilmaamay in meydadka qaar qabaan dhaawacyo rasaas ah.

Afar nin oo kale oo iyaguna beerta ku soo duulay ayaa weli laga daweynayaa dhaawacyo ay ka mid yihiin rasaas iyo nabaro soo gaaray.

Dadka deegaanka ayaa aad ugu xumaaday dhacdadaan waxaan ay sheegen in ay aheyd in ciidamada ilaalada ah ay qabtaan dhalinyaradan intii ay dilka u geysan lahaayeen.

Sarkaal ka tirsan booliiska Kenya ayaa sheegay in uu socdo baaritaan culus oo arrinta ku saabsan.

Saciid Deni oo si yaab leh uga hadlay xiisadda ka taagan Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo wareysi cusub bixiyay ayaa si yaab leh uga hadlay xiisadda arrimaha doorashooyinka ka dhalatay ee ka taagan maamulkaas, gaar ahaan magaalada Garoowe.

Saciid Deni ayaa wareysi uu siiyay Hanoolaato wuxuu ku sheegay in aad loo buun-buuniyay xaaladda nabad-galyo ee ka dhalatay ismari-waaga siyaasadeed ee u dhaxeey isaga iyo mucaaradka Puntland.

Inkasta oo uu garawshiyo ka bixiyay saameynta iyo walaaca dadka ka qabaan arrinta, haddana waxa uu sheegay in dadka lagu barakiciyay warar been abuur ah oo lagu faafiyay baraha bulsahda.

“Waxaa aad uga walaacsanahay dhibaatada ay dhaliyeen wararka been abuurka ah ee lagu faafiyay Social Media-ha,” ayuu yiri Saciid Deni oo sheegay in xaaladdu degan tahay oo aysan jirin xaalad aloosan oo ay degan tahay xaaladda caasimada Puntland ee Garoowe.

“Haddii khilaaf iyo is af-garan waa’ uu jirina wada-hadal iyo in miiska dushiisa lagu xaliyo ayaa rejaynaynaa,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo hoos u dhigay xiisadda ka dhalatay arrimaha doorashooyinka maamulka.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in dad reer Puntland ay u istaageen xaaladda sidii loo dajin lahaa, isaga oo meesha ka saaray in ay jirto nabad-galyo darro iyo cabsi dagaal oo ka taagan gudaha maamulka.

Si kastaba, Mucaaradka iyo maamulka Deni ayaa isku-mari la’ nooca doorasho ee maamulkaasi, iyada oo mucaaradka uu rabo inay ku qabsoomto hanaankii hore ee ku yimaadeen madaxda hadda joogta, halka Deni uu rabo taasi beddelkeeda.

Arrintan ayaa sidoo kale keentay inay shacab fara badan ka baracakaan guryahooda, iyaga oo ka cabsi qaba in mar kale uu dagaal culus ka dhaco halkaasi.

Dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka Puntland ayaa loogu baaqay inay iskugu yimaadan miiska wada-hadalka, ayada oo beesha caalamka ka digtay rabshado kale oo ka dhaca Garoowe, uguna baaqday in wax weliba lagu dhammeeyo wada-hadal iyo deganaan.

“Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo loo haysto rabshad ama hanjabaad xoog. Cabashada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah oo loo marayo wada hadal. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadee,” ayaa lagu yiri farriinta xubnaha beesha caalamka.

“Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda, waxaana ku baaqaynaa in si deg-deg ah loo dejiyo xiisadda iyo wadahadallo degdeg ah oo ay yeeshaan madaxda siyaasadda iyo kuwa kale ee deegaanka.”

Daawo: Labo askari oo maanta ciidamada DF looga arrin ay ka gaysteen Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Labo askari oo ka tirsanaa ciidanka xasilinta caasimada Muqdisho ayaa maanta meel fagaare ah looga siibay tuutaha ciidamada qaranka, kadib markii lagu helay xad-gudub ay u geysteen bulshada.

Labadaan askari ayaa maanta la soo hor taagay ciidankii ay ka tirsanaayeen, kadibna waxaa ciidanka hortiisa tuutaha uga siibay Gaashaanle Aadan Jeelle Taliyaha guutada Boolis Militeri.

Labadaan askari ayaa lagu helay kiis la xiriira dhac dadweyne, waxaana laga dhex qabtay caasimadda, iyadoo guud ahaan fagaarahaan looga ruqseeyey ciidamada qaranka.

“Labadaan askari oo ka tirsanaa ciidankaan waxay ka been sheegeen dhaartii ay mareen, waxay dhac u geysteen shacab masaakiin ah, iyagoo ugu awood sheeganaya tuutaha iyo qorigii lagu iibiyey canshuurta shacabka,” ayuu yiri Taliye Jeelle.

Taliyaha oo sii hadlaayey ayaa yiri “Labadaan nin maanta wixii ka dambeeya askar maaha,” wuxuuna ciidanka hortiisa uga siibay tuutaha.

Ciidamadii fadhiyey goobta ayaa muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin in la ruqseeyey askartaan, “shacabka ayaaly ku laabanayaan, looma baahna askari markii awood la siiyo shacabkiisa u adeegsanaya,” ayuu yiri Gaashaanle Jeelle.

Goobta ciidankaan lagu ruqseeyey askartaan waa xero ciidamada xasilinta Muqdisho ay ku leeyihiin xaafada Waxaracadde ee degmada Heliwaa, halkaas oo lagu feyliyey askar badan, si loo hor-geeyo labada askari ee fagaaraha looga saaray ciidanka.

Sidoo kale goobta waxaa ku sugnaa saraakiisha wacyi-gelinta ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ciidamada xasilinta caasimada ku baraarujiyey in bulshada ay u dhaarteen aysan kula kicin wax xad-gudub ah.

Hoos ka daawo

Guddoomiyaha ONLF oo ka hadlay cabsi la sheegay inay soo wajahday kadib markii…

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Guddoomiyaha ONLF Cabdiraxman Sheekh Mahdi Maadey ayaa markii u horreysay ka hadlay khilaafka ka dhex jira gudaha ururka ONLF.

Maadey ayaa meesha ka saaray cabsida burbur uu horseedo khilaafka mudada dheer ka dhex jira gudaha ururkiisa, kaasi oo uu sheegay in uusan waxba u dhimeyn, sida uu hadalka u dhigay.

“Intii halganku socday kolba qolo ayaa go’aysay oo ururka ka baxaysay, waa un qayb halganka kamid ah markaa halgamayaasha in isbaddelku ku dhaco waa un wax dabiici ah, qofku ikhtiyaarkii ayuu ururka ugu jiraa,” ayuu yiri Guddoomiye Maadey.

Waxa uu intaas kusii daray “Midnimada waan jecelnahay walaalaheen naga tagay waanu jecelnahay oo waanu soo wada halganay laakiin way naga leexdeen, balse geediga halganku wuu soconayaa ONLF-na shaqsi ka tagay iyo qof dhibaateeyay waxba uma noqonayso.”

Maadey ayaa sidoo kale waxa ka hadlay waxa ka hirgalay heshiiskii iyaga iyo Itoobiya, isagoo sheegay in Itoobiya ay ka dhaqan-gelisay oo keliya xabad joojinta.

“Heshiiska inaga iyo Itoobiya waxay Itoobiya ka hirgalisay kaliya xabad joojinta, balse qodobadii kale oo ay kamid ahaayeen dib u dejinta ciidanka aysan waxba kama hirgalin illaa hadda,” ayuu yiri Guddoomiye Maadey.

Si kastaba, ONLF ayaa waxaa muddo waxa ka dhex jira khilaaf sababay markii dambe in ururkii uu u kala qaybsamo labo dhinac, oo si siman xafiisyo ugu kala leh gudaha degaanka Soomaalida.

Illaa haddana majiro wax xal ah oo laga gaarey khilaafkaasi, inkasta oo marar kala duwan la isku dayay in xal la helo haddana arrinkaas khilaafku iyo kala qaybsanaantu wali waa mid jirta, waana ka gaabsaday guddoomiye Maadey ka hadalkeeda.

Xujo weyn oo hortaalla Ra’iisul Wasaare Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Xamza ayaa hal sano iyo bar kahor ka soo tagay magaalada Kismaayo, isaga oo Axmed Madoobe kasoo qaatay Xildhibaan u muuqday abaalmarinta kaalintiisi fududeynta dib usoo doorashadii Axmed Madoobe.

Xamza Cabdi Barre ayaa ahaa guddoomiyihii guddiga doorashada ee maamulka Jubbaland 2019-kii, markaas oo la qabtay doorasho aan nooceeda hore loogu arag labada heer dowladeed ee Soomaaliya, iyada oo la xasuusto in guddigii doorashada uu qabaa’ilka ku yiri kursi walba 3 qof u keensada kadibna qofkii uu Axmed Madoobe qaato ayaa Xildhibaan idin ah.

Inkasta oo qof walba diiwaankiisa meel ku sugayo maalinteeda, haddana booqashada Xamza ee maanta ee magaalada Kismaayo ayaa wadan wax su’aallo siyaasadeed ah oo ka imaanaya reer Jubbaland.

Markii Xamza laga dhigay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, dad badan oo reer Jubbaland ah ayaa ku kala qeybsamay sida uu kaalin uga qaadan doono xal siyaasadeedka gobolkaasi kala taagna dhowrka sano.

Qaar waxay qabeen in uusan wax aragti ah ka laheyn arrimaha Jubbaland ama uusan u abuurneyn dhiiranaan siyaasadeed, qaarna waxay qabeen inuu gacanta ka qaban karo Axmed Madoobe.

Sanad kadib magacaabistiisi qolada hore ayaa u dhoweyd xaqiiqada oo ra’iisul wasaaruhu si weyn ayuu uga baxsaday inuu furo qadiyada Jubbaland xilli uu Axmed Madoobe si weyn ugu raftay reer Gedo, dhinaca kalena uusan waxba u hanbeynin qabaa’ilka kale ee deegaanka.

Siyaasadda qeybta badbaadada mar adiga ayaa isfurta marna duruufaha ayaa ku furta. Xamza oo u dhowaa inuu magac xumo siyaasadeed ka qaado sida uu iskaga indho tiray arrimaha Jubbaland, ayaa waxa furtay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu dagaalka ka dhigay ajendihiisa koowaad, gadaalna iskaga dhigay arrimaha doorashooyinka ee heer maamul goboleed.

Inkasta oo ay jiraan dad badan oo weli diidan inuu Axmed Madoobe iska fadhiyo meesha, haddana Xamza xitaa haddii uusan rabin inuu wax ka qabto ama uusan ka qaban karin wuxuu hadda haysta fursad uu iskaga jeedin karo dadka reer Jubbaland, taasi oo ah qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh iyo heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran.

Safarka ra’iisul wasaare Xamza ee magaalada Kismaayo wuxuu kusoo aadaya iyada oo uu taagan yahay qorshe ku saabsan in la beddelo haykalka dowladnimada oo la tirtiro jiritaanka kursiga ra’iisul wasaaraha, iyada oo la qaadanayo nidaamka madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen.

Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) hoggaamiyaha Jubbaland oo wax ka saxiixay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee la gaaray 27-kii May ayay hadda wararka sheegayaan inuu cago jiid bilaabay kadib markii uu la kulmay dad badan oo siyaasiyiin ah oo ay magac guud wadaagan, kuwaasi oo diidan isbeddelka uu wado Xasan Sheekh.

Ra’iisul Wasaare Xamza inkasta oo uu xafiiskiisa sheegay inuu Kismaayo u tegay u kuur-galida xaaladaha daadadka, la-dagaalanka argagixisada iyo inuu mashaariic dhagax dhigo, haddana taas waxaa ka muhiimsan in uu Axmed Madoobe dib ugu soo qanciyo inuu kaalintiisa ka qaato fulinta heshiiskii hore loo wada galay.

Madaxda maamullada qaar ayaan hore idinku sheegnay inay hal ujeedo ka lahaayeen heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee bishii May, qoddobkaas oo ahaa muddo kororsigooda, balse aanay dhamaan qoddobada kale rabin inay kala shaqeeyaan madaxweyne Xasan Sheekh, taasi oo hadda u soo shaac baxeysa si tartiib ah.

Sawirro: Xasan Sheekh oo daah-furay Hiigsiga Somalia ee 2060 – Muxuu yahay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daah-furay Hiigsiga Soomaaliya ee 2060-ka.

Hiigsiga 2060-ka ayaa saldhig u ah horumarinta nolasha, xoreynta iyo xasilinta, dhismaha kaabeyaashe dhaqaalaha iyo dowladnimada dalkeenna.

Munaasabaddan oo ay ka soo qeyb-galeen masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, wakiillada beesha caalamka iyo ururrada bulshada Rayidka ah ayaa lagu soo bandhigay qorsheyaasha muddaysan ee horyaalla shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, iyada oo la xaqiijiyey awoodda aan u leenahay in aan wadajir u gaarno hiigsigaas.

Madaxweyne Xasan ayaa khudbad uu ka jeediyey munaasabadda waxa uu sharraxay caqabadaha soo laa-laabtay ee dib dhigay nolasha dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horreyaan colaadaha, amni darrada, abaaraha iyo fatahaadaha isdaba jooga.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in uu muhiim yahay hiigsigan oo isku xiraya jiilasha maanta iyo kuwa mustaqbalka.

“Maanta, waxaan bilaabaynaa safar cusub, safar u horseedaya dalkeenna barwaaqo iyo horumar. Hiigsiga Qarn ee 2060-ka waxa uu muujinayaa sida ay nooga go’an tahay in aan ka gudubno caqabadaha hadda jira, annagoo aasaas adag u abuurayna jiilasha soo socda,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hiigsiga 2060-ka ayaa ka kooban saddex qeybood oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah;

1.Yoolalka dhow (2023-2025): waxa uuna yoolkan ku saleysan yahay xasilloonida, dabargoynta argagixisada iyo xal u helista arrimaha banu aadannimo.

2. Yoolalka Muddada Dhexe (2025-2040): Dhismaha awoodaha hay’adaha, dib u habaynta qaab-dhismeedka dowladda iyo xaqiijinta maamul muaamul wanaagga.

3. Yoolalka Muddada Fog (2035-2060) oo xoogga saaraya horumarinta dhaqaalaha, kor u qaadidda heerka nolosha iyo isku-duubnida bulshada.












Maxkamadda ciidamada oo ku dhowaaqday xukunka Cabdikaafi Nuur Yuusuf

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta soo saartay xukunka Dable Boolis Cabdikaafi Nuur Yuusuf, oo isagu muwaadin u dilay muran kala dhexeeyay askari kale.

Cabdikaafi ayaa loo soo xiray dil bareer ah oo u geystay marxuum Cali Cabdi Cali, falkaasi oo ka dhacay xaafadda Macalim Nuur ee degmada Dharkeenley 5-tii bishii September ee sanadkan.

Muran dhex-maray marxuumka iyo Sarkaal Booliska ka tirsan ayuu eedeysanaha soo dhex-galay, waxaana xigtay dharbaaxo uu ku dhuftay marxuumka oo ku sugnaa dukaan ay hooyadii ledahay.

Dhaqaaq yar kadib eedeysanaha ayaa xabad uu ka tuuray qoray AK47 ah madaxa qaaday marxuumka, oo isla goobtii ku naf baxay.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday lix iyo tobankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn ku xukumay Maanta Cabdi Kaafi Nuur Yuusuf dil toogosho taasoo ah qisaasta marxuum Cali Cabdi Cali.

Waxaa sidaas warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Abdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay tallaabadii uu shalay qaaday madaxweyne Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay magacaabay ergey cusub, kaasi oo lagu beddelay Maxamed Cabdi Waare, madaxweynihii hore ee HirShabelle.

Madaxweynaha ayaa Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka u magacaabay Xildhibaan Cumar Ibraahim Xaashi, sida ku cad wareegtadan oo ay goordhaweyd baahisay Villa Somalia.

Ergeyga Xasilinta iyo Ilaalinta Rayidka ayaa u xil-saaran xakameynta qasaaraha rayidka ah ee ku sugan deegaannada ay ka socdaan howl-gallada xoreynta dalka iyo Xasilintooda.

April 2023 ayay aheyd markii madaxweynaha uu madaxweynihii hore ee HirShabelle Maxamed Cabdi Waare u magacaabay ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Khadar Maxamed Berxood: “Cabdi Waare ma lagu booday mise musuqii ayaa soo qabtay.”

“Xukuumadda iyo ergada wee iska ag dhaw yihiin madaxweynaha caadi ma ahan dad wa qancis sida hore loogu socon laha,” ayuu yiri Gacal Xuseen.

Maxamed Cabdirashiid Kheyre ayaa isna waxa uu yiri “Ergadii hore meel ku sheega?.”

“Hambalyo Xildhibaan Cumar Xaashi Allaha kula garab-galo hawsha cusub ee lagu idmay,” ayuu yiri Axmed Ceydiid.

Cabdulqadir Maxamed Tahliil: “Nin saaxiibtinimo iyo dad isku wad ku fiican inaad tahay waxaa lagu garanaa xukuumaddii inaad ka garab dhistay xukuumad kale oo wadda ergo ah.”

Cali Yare Cabdi ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Shaqo waanaagsan Mudane.”

“Ergay? Ma dal kale ayaa loo magacaabay? Sow dalku malahan xukuumad leh wasiiro?,” ayuu yiri Cawil Cali Xaashi.

Cabdullaahi Yare Cabdi: “Waare ma danjiraa laga dhigi rabaa tolow.”

“Xasan Sheekh waxa ugu wayn ee uu ilaaliya waa saaxiibtinimada hadaad saaxiibo tihiin xil ku waayi maayo meel aan jirinba intuu magac u sameeyo uu mushaar wasiirna kuu qori,” ayuu yiri Sahal Muumin.

Cabdullaahi Cabdi ayaa isna waxa uu yiri “Soomaaliya Ergay gaar ah oo qof loo magacaaba ma harin, waa isku dhammaaatay. Magacaabiidda soo socota eray bixinteeda ayaa ka dhib badnaan doonta magacaabisteeda.”

Xildhibaano kudlad cusub maanta uga dhawaaqay Muqdisho kana horyimid…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka, isla markaana u badan xubnaha mucaaradka ayaa maanta Kudlad la magac baxday Toosin Qaran uga dhawaaqday magaalada Muqdisho ee caasimada dalkeenna Soomaaliya.

Xildhibaannadan oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay ujeedkooda iyo sidoo kale Kudlada ay maanta ku dhawaaqeen, taas oo kusoo aaday xilli xasaasi ah.

Khaliif Cabdi Cumar oo kamid ah xildhibaanadaas ayaa akhriyay warsaxaafadeed ay soo saartay Kudlada, isaga oo sheegay inay u taagan tahay ilaalinta dastuurka dalka.

“Annagoo ah xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee JFS waxaan halkan kaga dhawaaqeynaa magaca Kudlada Toosin Qaran, magacaas oo u taagan ilaalita dastuurka iyo xeer hoosaadka Golaha Shacabka” ayuu yiri Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in sidoo kale Kudladan ay meteleyso guud ahaan shacabka Soomaaliya, loona dhisay la xisaabtanka hay’adaha kala duwan ee dowladda dhexe.

“Ujeedada guud ee Kudlada waa metalaadda shacabka Soomaaliyeed, isla xisaabtanka iyo kor-joogteynta hay’adaha dowladda, dajinta iyo ilaalinta shuruucda dalka” ayuu yiri.

Sidoo kale xildhibaannadan ayaa kasoo horjeestay qodobadii kasoo baxay shirarkii u dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka iyo wax ka beddalka dastuurka Soomaaliya.

“Kudladan waxay walaac ka muujineysaa qodobadii kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran ee aan loo dhammeyn, kuwaas oo qaarkood ah ay ahaayeen kuwa ka hor imaanayo dastuurka iyo heheshiiyadii ay Soomaali wax ku dhisatay” ayaa la sii raaciyay qoraalka.

Waxaa kale oo lagu yiri “Waxaan soo jeedineynaa in wax ka beddalka dastuurka uusan ahayn wax koox gaar ah ay go’aan ka gaari karaan maadaama uu yahay heshiis siyaasadeed”.

Ugu dambeyn xildhibaannada ku dhawaaqday Kudlada cusub ayaa ka hadlay fatahaadaha iyo dagaalka Al-Shabaab, waxayna farriin u direen xukuumadda federaalka Soomaaliya.

“Waxaan fareynaa xukuumadda in shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan fatahaadaha ay gurmad deg-deg ah gaarsiiyaan” ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Daawo: Muxuu Jabriil Ibrahim Cabdulle ka yiri xilka loo magacaabay iyo qorshihiisa?

0

Nairob (Caasimada Online) – Jabriil Ibraahim Cabdulle oo uu dhawaan madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya,u magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xilkaas culus ee loo dhiibay.

Danjiraha cusub ayaa marka hore u mahadceliyay madaxweyne Xasan, maadaama uu igmaday shaqo qaran oo weyn, isaga oo ballan qaaday inuu gudan waajibaadkiisa.

Jabriil Ibraahim ayaa sidoo kale ka hadlay xiriirka labada waddan ee Soomaaliya iyo Kenya, isaga oo soo hadal qaaday mad-madowgii soo kala dhexgalay 5 sano ee lasoo dhaafay.

“Muhiimadda ugu weyn waxaa waayay xiriirka labada dal wuxuu kusoo aadayaa, ayada oo 5-tii sanno ay u dambeysay uu iska xumaa, sabab badan oo aad la socotaan” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxweynuhu siiyay awood dheeraad ah, taas oo uu ku macneeyay igmasho aan caadi aheyn oo aysan helin safiiradii isaga ka horreeyay.

Danjiraha cusub ayaa sidoo kale sheegay inuu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada waddan oo hadda meel wanaagsan jooga, uuna sii hormarin doono.

“Aniga waxaa layga rabaa inaan isku toltolo, waxaan aad ugu mahad-celinayaa madaxweynaha oo toos madaxweynaha kale ugala hadlay mas’uuliyaddan, igmasho aan caadi ahayn siiyay oo dhahay awoodeyda uu haystaa oo 100% in howlaha looga baahan yahay qabto” ayuu mar kale yiri safiirka cusub ee dowladda Soomaaliye ee dalka Kenya.

Waxaa kale oo uu yiri “Waxaa muuqda in xiriirka labada dal uu hadda Speed ku socdo anne waxaa la’ii yiri dhinacyada ka gal baasha haynteeda iyo shaqeynteeda”.

Magacaabistan ayaa imaaneysa, kadib markii Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) uu soo afmeeray shaqadii diblomaasiyadeed ee Kenya ee uu ahaa safiirkii Soomaaliya u fadhiya dalkaasi muddo shan sano ah.

Si kastaba, Jabiriil ayaa ku lug lahaa nabad dhiska iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, isaga oo madax ka ahaa hay’adda CRD oo shaqooyin wanaagsan kasoo qabatay Soomaaliya, sidoo kale waxa uu horay isugu soo sharraxay xilka madaxtinimo ee dalka.

Xog: Xilka cusub ee loo wado Maxamed Waare kadib xil ka-qaadistii lagu sameeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka u magacaabay Xildhibaan Cumar Ibraahim Xaashi.

Xilkaasi ayaa waxaa horey u hayey madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare, inkasta oo warqadda magacaabista aan lagu xusin in xilka laga qaaday.

Hase yeeshee Waare ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka, oo uu ugu hambalyeeyey Cumar Xaashi ku qiray inuu isaga beddelay.

“Hambalyo saaxiibkay mudane Cumar Xaashi oo ah Ergeyga cusub ee Madaxweynaha ee Xasilinta iyo Ilaalinta Rayidka. Waxaan rajeynayaa inaan kugula shaqeeyo doorkeena cusub. Xasilinta waxay muhiim u tahay sida dagaalka lagula jiro Al-Shabaab,” ayuu yiri Waare.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Waare xilkaas laga beddelay loona wado xil ka sarreeyaa oo ah ku-xigeenka xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD.

Inkasta oo dowladda Soomaaliya aysan laheyn magacaabista xilkan, haddana waxay leedahay inay gudbiso musharaxa, islamarkaana u ololeyso sidii loo magacaabi lahaa loona ansixin lahaa, taasi oo madaxtooyada ay dadaal badan ku bixisay.

Xogta ayaa sheegeysa in IGAD iyo dalalka xubnaha ka ahba ay aqbaleen codsiga Soomaaliya ee ah inay xilkan hesho.

Haddii xilkan uu ku guuleysto, Waare wuxuu noqon doonaa mas’uulkii saddexaad ee Soomaali ah oo xil sare ka haya ururka goboleedka IGAD xilligan.

Waxaa hadda IGAD xil ka haya wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo ah ergayga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan la qabsiga cimilada iyo ilaalinta deegaanka.

Sidoo kale, waxaa dhowaan Wakiilka IGAD ee Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Soomaaliya, loo magacaabay Maxamed Kaarshe oo horey usoo noqday wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug.

Daawo: Kulane Jiis oo weerar culus ku qaaday XASAN SHEEKH iyo R/W Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Kulane oo loo yaqaano (Kulane Jiis) oo kamid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya, gaar ahaan garabka mucaaradka ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo sidoo kale ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Kulane Jiis ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka ee ay hoggaamiyaan Xasan Sheekh iyo Xamza inay ka gaabisay xaaladaha adag ee ka dhashay fatahaadaha ku dhuftay dalka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in u gurmashada dadka ay uga mashquuleen arrimo siyaasadeed, sida wax ka beddalka dastuurka, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladii laga rabay gargaarka, guddiyo iyo abaabulka ganacsatada inay maanta siyaasad lasoo aadeyso baarlamaanka oo ay ka hadleyso in dastuurka la beddalo oo ay ka hadleyso in nidaamka dowladda la beddalo” ayuu yiri xildhibaan Cabdullaahi Aadan Kulane (Jiis).

Waxaa oo kale oo uu yiri “Dadkii oo biyaha dhex jiifa in siyaasad lagu kor furo oo madaxweynihii kaambeyn xildhibaanu ugu yeerto oo uu yiraahdo dastuurka hala beddalo nama qabato”.

Xildhibaanka oo sii hadlaya ayaa sidoo kale duray booqashada uu ra’iisul wasaaraha ku tegay Jubbaland, wuxuuna sheegay in dadkaas aysan u baahneyn igu sawir ee ay u baahan yahay ficil iyo in la gaarsiiyo kaalmo bani’aadanimo oo deg-deg ah.

“Deegaankaas igu sawir uma baahna, uma baahna hadal, wuxuu u baahan yahay ficil dhab ah” ayuu mar kale yiri Xildhibaanku.

Hadalkan ayaa Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Kulane waxa uu ka sheegay Kudlad la magac baxday Toosin Qaran oo maanta xildhibaanada mucaaradka ah uga dhawaaqeen Muqdisho.

Kudladan ayaa ka shaqeyn doono la xisaabtanka hay’adaha kala duwan ee dowladda dhexe iyo ilaalinta dastuurka, sida ay shaaciyeen xildhibaanada dhisay.

“Ujeedada guud ee Kudlada waa metalaadda shacabka Soomaaliyeed, isla xisaabtanka iyo kor-joogteynta hay’adaha dowladda, dajinta iyo ilaalinta shuruucda dalka” ayay yiraahdeen.

Daawo: Qoys dhan oo ku indho beelay Muqdishoi, kadib musiibo ku dhacday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Nolosha qoys Soomaaliyeed oo ku dhibaateysan magaalada Muqdisho ayaa qaylo dhaan u dirsaday dowladda iyo shacabka, si loo caawiyo.

Qoyskan oo ka kooban 5 ruux ayaa waxaa ku dhacday musiibo rabaani ah, kadib markii ay aragga beeleen, waxaana kadib lasoo darsay xaalad adag, iyaga oo ku hoos nool geed hoostiisa.

Cabdi Axmed Maxamed oo ah Aabaha qoyskan waa 72 sanno jir , wuxuuna aragga beelay isaga oo 16 sanno jir ah, waxaana hadda ugu sii darsoomay xaalado caafimaad darro.

“16-kaas wixii ka dambeeyay waxaan ahaa nin indho la’, marka hadda xoogaa maskaxda ayaa iskay dhaafsan maahinee si fiican ayaan u shaqeysan jiray” ayuu yiri Aabaha Qoyska.

Sidoo kale carruurtii qoyska ayaa iyaguna lamid noqday Aaabe Cabdi Axmed Maxamed oo midba mar ayuu aragga waayay, balse qisada xanuunka badan ayaan ah in subax aroor ah carruurta oo qaarkood loo diray dugsiga dib loogu soo celiyay guriga iyaga oo aragga la’.

Xaliimo Cabdi Axmed oo kamid carruurtaas, waxay arragga weysay laba todobaad kahor, Sayd-Cali Cabdi Axmed, isaguna wuxuu aragga beelay laba bilood kahor, sida lagu soo bandhigan warbixintaan oo uu ka diyaariyay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV).

Dhinaca kale Maxamed Diiriye Faarax oo ah adeerka qoyskan ayaa isuguna ka warbixiyay dhibaatada haysta reerka, isaga oo sheegay in aysan weli helin wax caawimaad ah.

Maxamed Diiriye ayaa intaas kusii daray in hooyada reerka uu ku dhacay xanuun kale oo aan la aqoon, isla markaana ay noqoto bareelis, waxna looga qaban waayey Digfeer.

“Waxaa halkan yaalla qoys ay musiibo rabaani ah isaga dhacday oo hadda wax loo sababsanayo aysan jirin Aabuhu wuu indha la’aa, hooyadii way soo dhacday bareelis weeyaan Digfeer ayay tiilay hal Isbuuc” ayuu yiri Adeer Maxamed Diiriye Faarax.

Ugu dambeyn qoyskan Soomaaliyeed ee dhibaatada adag wajahaya ayaa fariin cod dheer u diray dadka Soomaaliyeed, iyagoo ka dalbaday in loo gurmado, si ay u helaan caafimaad.

Daawo: Fiqi oo shaaca ka qaaday adeeg cusub oo dalka oo dhan laga hirgelinayo 2024

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa shalay daah-furay shirweynaha 2-aad ee guddiga qaran ee haggida dad dhigista iyo dhacdooyinka muhiimka ah.

Wasiir Fiqi oo hadal ka jeediyay shirweynaha ayaa shaaciyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay qorsheynayso in sanadka soo socda ee 2024 dalka oo dhan laga hirgeliyo adeeg dad dhigis oo hufan, la iskuna haleyn karo.

“Shirweynaha labaad ee guddiga qaran ee haggida dad dhigista iyo dhacdooyinka muhiimka ah ujeedkiisu waa soo jeedin howlaha qabsoomay iyo kuwa la qorsheynayo sanadka soo socda, kaasi oo ah hirgelinta adeeg dad dhigis, oo sharciyad leh, oo la isku halayn karo,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu dul istaagay ahmiyadda guddigaan, isaga oo ku booriyay in laga shaqeeyo ka mira-dhalinta qorshahaan, isagoo hoosta ka xariiqay muhiimada in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo dadaallada kel-keli iyo midka wadajirka ah ee socda.

“Guddigaan, oo ah guddi xubnihiisu isku dhafan yihiin kuwaas oo metela heer dowladd federaalka iyo dowlad-goboleedyada ayaa ah midka ay ku xiran tahay xil-gudashadiisa guulaysiga ama guul-darraysiga adeegga dad-dhigidda.”

Waxa uu intaas kusii daray “Sababta sidaas aan u leeyahay ayaa ah in xubin kasta oo guddigaan ka mid ah ay hoggaamiso wasaarad ama hay’ad xiriir toos ah la leh adeegga dad-dhigidda. Sidaa daraaddeed, waxaan si xurmad leh kaga codsanayaa xubnaha guddiga in aan xoojinno dadaalkeena, ha noqdo mid keli keli ah ama si wadajir ahba, ku aaddan ka miradhalinta dib-u-hirgelinta adeegga dad-dhigidda.”

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu ku booriyay hay’adaha caalamiga oo horay taageero uga soo qaatay barnaamijkan in ay sii wadaan shaqada.

Sidoo kale waxaa halkaasi kelmado kasoo jeediyay maamulka gobolka Banaadir iyo qaar ka tirsan dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Maamullada kala duwan ee dalka ayaa dhankooda xaqiijiyay in degmooyinka ay diyaar u yihiin hirgelinta howlahan, islamarkaana ay sugayaan maalintii la bilaabi doono, uuna nidaamka muhiim u yahay caafimaadka, waxbarashada, tirakoobka iyo guud ahaan bedqabka dadka iyo dalka.

Hoos ka daawo muuqaalka Wasiir Fiqi

Saddex gabdhood oo ku dhintay dhacdo maanta ka dhacday degmada Kaaraan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo xanuun badan oo maanta ka dhacday degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, taas oo sababtay dhimasho iyo burbur soo gaaray guryo ay daganaayeen dad shacab ah.

Dhacdadan ayaa timid, kadib markii uu soo dumay dhisme dabaq ah oo laga dhisayay agagaarka isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Kulmiye oo ka badbaaday dhacdadaas ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in dhibaatada ay dhacday kadib salaaddii subax ee saaka.

Waxa uu tilmaamay in dhismaha soo dumay ay dhabarkiisa dambe daganaayeen, isla markaana uu kusoo kordhacay, iyaga oo hurdo, qaarna ay jireen salaaddii subax.

“Degmada Kaaraan, qaybta u dhow Sanco waxaa saaka ka dhacay guri la wareejiyay darbigiisa 50 sanno ku dhawaad wareegsanaa ay guryo ka dhisanaayeen cid meeshaana markaas ayaa waxa ay sameeyeen carro buuxis annaga salka dambe ayaan ka saarnayn Ilaahey amarkiis annaga oo hurdeyno ayaa nagu soo kor dumay saaladdii subax kadib” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo ka bad-baaday dhacdadaasi.

Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay inay dhinteen saddex gabdhood oo daris la’ahaa, kadib markii uu kusoo dul dhacday dhismaha soo dumay, isaguna ka burbureen laba qol.

“Cida nagu dhaganeyd saddex gabdhood ayaa ku dhimatay, annagana laba qol ayaa naga duntay, laakiin waxba nama gaarin waa fakanay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in mid kamid ah haweenka ay ahayd Umul, isla markaana ay kamid noqotay dadka ku dhintay mashaqadaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada Kaaraan oo ku aadan dhacdadaas xanuunka ku reebtay dadka deegaanka.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa Muqdisho kusoo badanayay khasaaraha ka dhasha dhismaha dumayo, iyada oo loo sababeynayo khibrad la’aan iyo farsamo xumo darteed.

CC Shakuur oo shaaciyey waxa ay EAC uga duwan tahay 5 urur oo ay ku jirto Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa qoraal uu soo saaray isbarbar dhig ku sameeyay shan urur oo Soomaaliya ay qeyb ka tahay iyo urur-goboleedka EAC ee ay Jimcihii ku biirtay.

Cabdiraxmaan ayaa waxaa uu sheegay in Dallada Bulshada Bariga Afrika ee EAC ay uga duwan tahay ururada kale ee QM, AU, IGAD, AL iyo OIC in mudnaanta koowaad ee loo dhisay ay tahay dhaqaale iyo ganacsi, si taas loo xaqiijiyana ummadaha ku bahoobay daladda “ay ka gudbaan caqabadaha isu socodka dadka, fikirka, adeegga, badeecada iyo raasumaalka.”

“Qofka Soomaaliga ah wuxuu ku farxayaa oo keli ah in uu dalalkaas dal ku gal la’aan tegi karo. Waa guul in aan daladdaas wayn ku biirno, dawladduna way ku ammaanan dadaalkaas,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hoos ka aqriso qoraalka;

Soomaaliya waxay xubin ka tahay QM, AU, IGAD, AL iyo OIC oo ah ururo mudnaanta koowaad ee loo dhisay ay tahay iskaaahi dhanka siyaasadda, nabadgelyada iyo horumarka.

Daladda Bulshada Bariga Afrika waxa ay kaga duwan tahay in mudnaanta koowaad ee loo dhisay ay tahay dhaqaale iyo ganacsi, si taa loo xaqiijiyana ummadaha ku bahoobay daladda ay ka gudbaan caqabadaha isu socodka dadka, fikirka, adeegga, badeecada iyo raasumaalka.

Soomaaliya maanta ma haysato afkaar, adeeg, iyo badeecad buuran oo ay suuq geyso, waxaase jira in aan hayno rasumaal uu dal weliba doonayo in aan ku maalgashano.

Tusaale ahaan qof kasta ee Soomaali ah ee dakhligiisu kordho, wuxuu qoyskiisa dejiyaa Kenya, taasoo keentay in dabaqada dhexe (Middle Class)-ka Soomaalida ay badankood deggan yihiin Kenya, iyadoo maalgashiga ugu wayn ee dhismaha guryaha (Real State), uu haatan ka socdo Nairobi. Dabcan dawladaha kalana waxay daddaal ugu jiraan in aan rasumaalkeena ku maalgashano.

Qofka Soomaaliga ah wuxuu ku farxayaa oo keli ah in uu dalalkaas dal ku gal la’aan tegi karo, sababtoo ah wuxuu doonayaa meel uu naftiisa, hantidiisa iyo ubadkiisa ku aaamino, caafimaad iyo waxbarsho uga helo, dalxiis iyo nasashana u tegi karo, qarashka ku baxaya waxaasoo idilna waxay faa’iido u tahay dhaqaalaha dalalkaas.

Waa guul in aan daladdaas wayn ku biirno, dawladduna way ku ammaanan dadaalkaas, waxaase hubaal ah in aanan kaga faa’iidi karin sida uu haatan xaalkeennu yahay, haddiise aan waqti, tamar, hanti, hoggaan iyo caqligaba isku geyno wax ka qabashada taaganta, waxaan noqon karnaa dalka ugu faa’iidada badan timaaddada Gobolka.

Sawirro: Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Axmed Madoobe oo 2 arrin sameeyay maanta

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa maanta xarigga ka jaray dhismaha xarunta cusub ee wasaaradda caafimaadka dowlad-goboleedka Jubbaland.

Dhismaha wasaaradda oo loo dhisay qaab-casri ah, ayaa waxa uu ra’iisul wasaaraha sheegay in hirgelinteeda ay ku soo aadday xilli muhiim ah oo gobolka ay ka socdaan dadaallada wax ka qabashada cudurrada ka dhasha daadadka iyo fatahaadaha biyaha ee la xariira caafimaadka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray wasaaradaha caafimaadka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed in heegan ay galaan, si looga hortago cudurrada faafa ee ka dhasha biyaha wasakhaysan, islamarkaana ay ka yeeshaan qorshe cad.

Madaxda wasaaradda caafimaadka Jubbaland oo uu ra’iisul wasaaruhu kulan la qaatay, ayaa soo bandhigay qorsheyaashooda la xiriira wax ka qabashada saameynta roobabka daadadka wata iyo adeegyada kala duwan ee ay wasaaraddu siiso bulshada ku nool deegaannada Jubbaland.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sidoo kale waxay maanta soo kormeer ku tageen Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, iyaga oo maray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wuxuu warbixinno ku saabsan xaaladaha caafimaad ee dadka ku jira isbitaalka ka dhageystay dhakhaatiirta, oo la wadaagay cabsida ay ka qabaan cudurro safmareen ah oo ka dhasha barakaca degdegga ah ee soo foodsaaray dadka deegaanka.

Waxa uu faray wasaaradda caafimaadka XFS in wax laga qabto adeegyada uu u baahan yahay Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, maadaama laga cabsi qabo roobabka daadadka wata in ay sababaan cudurrada ka dhasha biyaha.

Kormeerka ayaa waxaa ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland ku wehlinayay Wasiirro iyo Xildhibaanno heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah.

Xundubey oo shaaciyey labada caqabad oo hortaagan qorshaha Xasan ee dastuurka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Xasan Xundubey oo si weyn kaga soo hor jeeda qorsha socda ee wax looga bedelayo dastuurka dalka ayaa tilmaamay caqabadaha ku xeeran ee aan la dhaafi kari doonin hadii la qaato nidaam madaxtooyo oo meesha laga saaro doorka ra’iisul wasaaraha.

Xundubey ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu ku madax adeygayo arrin ay muuqato in aysan meel gaari doonin, wuxuu sheegay in nidaamkaan uu horay Maxamed Siyaad Barre uga hirgeliyey Soomaaliya, balse markii uu wadi waayey uu ku qasabanaaday inuu soo magacaabo ra’iisul wasaare.

“Arrintaan waa mid halis badan waxayna sababi doontaa in Somaliland ay go’do anaga ayaana u sabab ah, sidoo kale Puntland ayaa go’I doonta ama lagu dhibtoo doonaa, marka arrinta wuu Xasan wato ee nidaamka madaxtooyo lagu dhisayo, waa mid aan Soomaaliya lagu maamuli karin,” ayuu yiri Xundubey.

Xundubey oo ka qeyb galay dood uu qabtay TV-ga SMS ayaa sheegay in nidaamkaan uu si gooni ah ugu adeegayo beelaha Hawiye, isla markaana aysan ogolaa doonin beelaha Dir iyo Daarood.

Wuxuu tusaale u soo qaatay in madashii heshiiskaan lagu gaaray ee golaha wadatashiga qaran aysan metelaad muuqata ku laheyn Puntland iyo Somaliland, taasina ay adkeyn doonto in dalka lagu maamulo nidaam aysan wax ka ogolaan.

Xundubey ayaa Xasan Sheekh ku dhaliilay in mararka qaar uu ku madax adeygo nidaam aan shaqey doonin, isagoo yiri “Tookadii hore waxaa Xasan laga fuji waayey 10 wasiir xukuumad ka kooban, markii ay shaqey weysay ayuu qaatay taladii uu markii hore diiday, waad aragtaan hadda xukuumadiisu waxay ka badan tahay 70 wasiir, marka nidaamkaan waxaa cad in uusan shaqey doonin ee yaan la isku lugoyn,” ayuu yiri Xundubey.

“Madaxweynaha dastuurkaan ayaa lagu shex doortay, xeyndaabka dastuurkaan nagama saari karo, waxa laga rabo waa in dadkaan uu dib u heshiisiin u sameeyo, hadii aan madaxweyne ku xigeen qaadano oo ra’iisul wasaaraha laga gudbo Somaliland nooma soo noqoneyso, anaga ayaana u sabab ah,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay Xundubey in xiligaan aysan munaasab ku aheyn xitaa hadii ay dhaceyso in laga guurayo nidaamka hadda lagu maamulo Soomaaliya, “Hadii aan guureyno howlo culus ayaa loo baahan yahay, madaxweynaha la doortay qorshaha uu wato laguma dooran, markii uu musharaxa ahaa, waxaa laga rabay inuu dadka u sheego hadii uu doonayo inuu wax ka bedelo nidaamka lagu maamulo dalka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir hore Xasan Xundubey.

Hoos ka daawo

Daawo: Fartaag oo arrin xasasaasi ku eedeeyey DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka tirsan golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa ka warbixiyey xaaladda ka taagan deegaanada uu ka soo jeedo ee Jubbaland, isagoo shaaciyey buundooyin muhiim ah oo daadadka ka dhashay roob ay burburiyeen.

Senator Fartaag ayaa sheegay in xaalad aad u daran ay ka jirto Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo, wuxuu sheegay inay go’een buundooyinkii Baardheere iyo Buurdhuubo, sidoo kale buundada degmada Luuq ayuu sheegay in burbur xoog leh uu gaaray, magaaladuna ay ku jirto xaalad go’doon ah.

Senatorka ayaa shaaciyey in lasoo sheegayo inay burbureen buundooyinka Jilib, Bu’aale iyo Kadsuumo oo kooxda Al-Shabaab ay joogto cid u gurma kartana aysan jirin.

Fartaag ayaa aad ugu dhaliilay dowladda federaalka gurmad yarida, “Sidii la rabay dowladda dhexe uguma gurman dadkaas, dowladdu hadii ay wax gaarsiisay dadka ay xaaladda El-nino saameysay, weli doorkeeda wax badan ayaa ka dhiman ee ha dedejiso gurmadka,” ayuu yiri.

Sidoo kale Senator Fartaag ayaa codsi u diray dadka qurba joogta ah ee ka soo jeeda Jubbaland, “Walaalayaal wax iska uruuriya oo dedejiya, dadkeenu waxay ku jiraan xaalad aad u liidata, soo gurmada,” ayuu yiri.

Senatorka ayaa sheegay in hadda aan laga fekeri karin in la dhiso buundooyinka go’ay maadaama ay dadkii wajahayaan xaalad aad u daran oo u baahan in la badbaadiyo noloshooda, “Buundooyinka la leeyahay waa la dhisayaa dadkii mari lahaa ayaa dhamaanaya ee hala soo gaaro,” ayuu yiri Fartaag.

Wuxuu sheegay in buundooyinka la dhisi doono markii dadka laga samata bixiyo xaaladaan halista ah, “waan u soo jeesa doonaa dhismaha buundooyinka, safaaradaha ayaan la kaasha doonaa ama anaga dhan ayaa isugu tegi doona “Dakeenii ayaa badbaadin u baahan oo baahi u dhimanaya waxaad heysaan soo dedejiya walaalayaal,” ayuu yiri Fartaag.

Wuxuu sheegay in hobolka Jubbada Hoose ay ka jirto xaalad lamid ah tan ka jirta Gedo, balse aysan jirin cid soo bandhigeysa dhibaatada iyo cid u gurmaneysa toona, isagoo codsaday in la gargaaro dadka reer Jubbaland oo si siman ay u saameeyeen fatahaadaha uu sababay roobka Deyrta ee dalka ka da’aya.

Hoos ka daawo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo laga rabo dhismaha wasaarad cusub kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa Jimcihii si rasmi ah ugu biirtay dallada bulshada Bariga Afrika, waxayna sidaas ku noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo markaas ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda dalladan.

Kadib guushan taariikhiga ah ee Soomaaliya ay gaartay, waxaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud horyaalla xaqiijinta fursadaha iyo sharciyada ururkaan, oo ay si rasmi ah ugu dhaqan-gasho arrintaan.

Inkasta oo shuruudaha qaar ka soo bixidooda ay Soomaaliya ku qaadan karto dhawr sano, haddana waxaa Xasan Sheekh looga fadhiya in uu bilaabo dhismaha wasaarad cusub oo kamid noqoneysa xukuumadda.

Dal kasta oo xubin ka ah ururkaan waa in uu leeyahay wasiir qaabilsan Bariga Afrika, sidaas darteed waa in Soomaaliya dhistaa wasaarad qaabilsan Bariga Afrika.

Sidoo kale, Soomaaliya waa inay sameyso guddiyo qaabilsan ka shaqeynta sharciyadda loo baahan yahay iyo dhameystira qoddobo la xiriira xubinimada shaqeysa.

Shuruucda Soomaaliya wax badan ayaa iska beddeli doona, waa in aan wax badan oo sharciyo ah la wadaagno dalalka Bariga Afrika. Soomaaliya waa inay sharciyo badan la wadaagta dalalka ku jira ururkaan.

Si kastaba, ku biirista Soomaaliya ee EAC ayaa waxaa laga faa’iidi doona arrimo ay kamid yihiin; fursad ganacsi, isku socodka iyo weliba iskaashiga ammaanka, difaaca, tiknoolajiyadda iyo sharciga, kadib marka ay si rasmi ah u shaqeyso xubinimada Soomaaliya.