25.8 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Sawirro: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo maamulka Jubbaland kala wareegay…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa shalay kala wareegay dowlad goboleedka Jubbaland xaruntii uu ku lahaa magaallo xeebeedka Kismaayo gobolka Jubbada Hoose, xiili uu booqasho uu ku joogo Ra’iisul wasaare Xamza.

Ujeedka ayaa ah in dib u dayactir lagu sameeyo, kadibna dib-u-howlgeliyo, si adeegyada uu biyxo Bangiga Dhexe ee dalka loo gaarsiiyo deegaannada maamulka Jubbaland.

Munaasabadda wareejinta ee xarunta Bangiga Dhexe ee degmada Kismaayo waxaa goobjoog ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya  Xamza Cabdi Barre iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo labaduba boggaadiyay tallaabada shalay la qaaday.

Waxaa sidoo kale munaasabadda goobjoog ahaa Guddoomiyaha Maamulka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi, Wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan hey’adaha dowladda ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Xamza oo goobta ka hadlay ayaa ku tilmaamay dib-u-howlgelinta laanta Bangiga dhexe ee Kismaayo tallaabo muhiim ah oo qeyb weyn ka qaadan doonta horumarinta dhaqaalaha iyo in bulshada loo dhaweeyo adeegyada dowladda.

Sidoo kale wuxuu maamulka Bangiga Dhexe ku ammaanay dib-u-howlgelinta xarumihii uu ku lahaa dalka, si adeegyada uu bixiyo loogu soo dhaweeyo bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada, taas oo muujineysa in hey’adaha dowladdu ay soo xoogeysanayaan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa horay sidoo kale Kismaayo ku daah furay saddex mashruuc oo la xiriira xalka-waara iyo yareynta saboolnimada oo laga hirgelinayo deegaannada Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Saddexda mashruuc ee la daah-furay oo kala ah; XALDOON, NEGAAD iyo SEPOW, ayaa looga gol-leeyahay in wax looga qabto saameynta isbeddelka cimillada ee Soomaaliya.

Sawirro: Xamza oo golaha wasiirada Jubaland kala hadlay laba arrin oo xasaasi ah

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada Jubbaland oo diiradda lagu saaray gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ay daadadku saameeyeen.

Sidoo kale, kulanka waxaa xalay aad loogu gorfeeyey wajiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab oo lagu wado in dhawaan laga bilaabo deegaanada Jubbaland.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Golaha Wasiirrada Jubaland warbixin qoto-dheer ka siiyay howlaha horutabinta u leh Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo.

Qodobada uu Xamza warbixintiisa isku dul-taagay waxaa ka mid ahaa qorsheyaasha ku aaddan wax ka qabashada isbeddelka Cimillada oo sabab u ah in dalkeennu u dhexeeyo abaaro iyo daadad.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay mashaariicda horumarineed ee Dowladda Federaalku u hayso dhammaan Dowlad Goboleedyada dalka,  gaar ahaanna Jubbaland oo uu ka daah-furay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha wasiirrada Jubbaland u sharaxay goobaha uu ka dhagax-dhigay tiro mashaariic ah, isagoo sheegay in kuwo kalena ay waddada kusoo jiraan.

Ugu dambeynta Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray wasiir walba iyo masuul walba in uu kaalin muuqata ka qaato dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah.

Xamza Cabdi Barre ayaa Kismaayo ka sheegay in dhawaan uu wajiga labaad ee dagaalka lagu ciribtirayo ka bilaaban doono Jubaland.

 

Soomaalida Netherlands oo taageeray guddoomiye cusub oo la doortay + Video

0
Rotterdam (Caasimada Online) – Munaasabad lagu qabtay  Magaalada Rotterdam ee dalka Holland, ayna ka soo qeybgaleen xubno ka mid ah hormuudka Soomaalida ee dalkaasi ku dhaqan, ayaa taageero loogu muujiyay Xuseen Khadhiib oo doorasho ka dhacay Kemer-Antalya 30-kii Oktoobar ee sannadkan loogu doortay inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Dalladda Ururada GalMudug ee Yurub ee magaceeda loo soo gaabiyo GEDAN 4-ta sanno ee soo socota.
Munaasabadan oo ay soo qabanqaabiyeen Guddi uu horkacayay aqoonyahan Cali Yaxye ayaa dadkii ka hadlay waxaa ka mid ahaa; Guddoomiyaha & Guddoomiye ku-xigeenka dalladda FSAN Maxamed C/llaahi (Askari) & C/qaadir Cali (Nuune); Faadumo Faarax oo  agaasime ka ah Hay’adda Hirda,  Guddoomiyaha ururka Aasiya Ruqiyo Caddow, Zahra Siyaad Naaleeye oo madax ka ah waaxda arrimaha bulshada ee dalladda FSAN & xubno kale.
Guddoomiyaha dalladda FSAN Maxamed C/llaahi (Askari) oo ka mid ahaa dadkii madasha ka hadlay wuxuu ku nuuxnuuxsaday inuu soo dhoweynayo doorashada Xuseen Khadhiib loo doortay hogaanka GEDAN, isaga oo ku tilmaamay Guddoomiyaha GEDAN shaqsi horay loo soo tijaabiyay waxtarkiisa.
“Reer GalMudug waa dad astaan u ah Soomaalinimo, waxaa taas marqaati ka ah calanka GalMudug qeybta ugu badan waa qeybta buluuga ah, walaalkeey waxaan u rajeynayaa inuu ALLE ku asturo mas’uuliyadaas” Ayuu yiri Maxamed Askari.
“Xuseen Khadhiib waa shaqsi howlkar ah, GalMudug way u baahneyd, waxaan u balanqaadayaa inaan la garab taaganahay hiil & hoo intaba” Ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka FSAN C/qaadir Nuune.
Faadumo Faarax oo madasha ka hadshay waxeey dhinaceeda  sheegtay in kaalin weyn ay qaadan karaan qurba joogta haddii ay u soo jeestaan in ay dalka dib u dhiskiisa qeyb ka noqdaan.
Guddoomiyaha ururka Aasiya Marwo Ruqiyo Caddow waxey sheegtay in Guddoomiyaha GEDAN inuu yahay shaqsi ku suntan howlkarnimo, waxeyna ugu hambalyeeysay xilka culus ee loo igmaday.
HOOS KA DAAWO VIDOW-GA OO DHAMMEYSTIRAN:

Golaha Shacabka oo guda galay qorshe uu wato madaxweyne Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Sheekh Aadan Madoobe oo ay weheliyaan labadiisa ku-xigeen ayaa shir guddoomiyay kulan ay maanta isugu yimaadeen Guddiga Joogtada ah ee Golaha.

Kulankan ayaa lagu dejiyey ajandeyaasha ugu horeeya ee kulamada Golaha Shacabka ee soo socda, maadaama hu dhawaan furmay kalfadhiga 4-aad ee golaha.

Xubnaha guddiga ayaa si qota dheer uga dooday ajandeynta kulamada kalfadhigan 4-aad iyo shaqooyinka kale oo muhiim u ah Golaha Shacabka Soomaaliya.

Ajandeyaasha sida weyn looga dooday waxaa ka mid ah kan wax ka bedelka dastuurka oo xukuumadda Soomaaliya ay qorsheyneyso in baarlamaanka la hor-geeyo inta lagu jiro kulamada ugu soo horeeya kalfadhigaan.

Ajendaha lagu hor-gey doono baarlamaanka in wax laga bedelo qodobo ku jira dastuurka ayaa ah kan ugu adag shaqada hortaalla BFS, waxaana cirka isku shareertay diidmo culus oo xildhibaanada qaar ay ka qabaan qorshahaan.

Xildhibaanada qaar ayaa sameystay kudlad ay kaga soo horjeedaan in baarlamaanka la marsiiyo qorshaha wax ka bedelka dastuurka, halka xukuumaddu ay olole xoog leh ugu jirto, sidii baarlamaanka loo marsiin lahaa qorshahaan.

Qorshaha cusub ee wax looga bedelayo dastuurka ayaa dhigaya in dalka laga hirgeliyo nidaam madaxtooyo oo madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ah, waxaana meesha laga saarayaa kursiga ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale, labo xisbi siyaasadeed oo kaliya ayaa lagu soo koobayaa talada dalka, halka muddo xileedka hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda uu noqonayo shan sano, hadii ay dowladda Xasan Sheekh ku guuleysato inay baarlamaanka mariso heshiiskaan.

Qorshahaan waa heshiis ka soo baxay shirkii ugu dambeeyey ee golaha wadatashiga qaranka, waxaana xusid mudan in Puntland aysan metelaad ku laheyn shirkaas, maadaama Madaxweyne Deni uu mar hore ka baxay golaha wadatashiga qaranka oo ka kooban madaxda DF iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Sawirro: Sida loo fuliyey howlgal lagu dilay madaxii maaliyada Shabaab ee Mudug

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan ku deegaanka ee hubka u qaatay inay la dagaalamaan kooxda Al-Shabaab ayaa galabta dilay madaxii maaliyadda ee Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Mudug.

Axmed Cabdullahi Cali oo loo aqoon jiray Nadaara ayaa lagu dilay howlgal qorsheysan, waxaana laga furtay mooto uu watay iyo qori AK47 ah.

Ninkaan oo caan ka ahaa gobolka waxaa dilay macawiisley ka baxday degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, waxaana lagu dilay deegaan lagu magacaabo Carfuuda oo hoos taga Xarardheere.

Carfuuda oo howlgalkaan uu ka dhacay ayaa 35 KM u jirta deegaan muhiim ah oo lagu magacaabo Dabagalo, kaas oo ka mid ah deegaanada koonfurta gobolka Mudug ee kooxda Al-Shabaab ay weli maamusho.

Ninkaan waxaa laga soo furtay 100 neef oo Geel iyo Ari isugu jirta, kuwaas oo dadka deegaanka uu ka uruuriyey, waxaana ciidamada ka baxsaday dagaalamayaal kale oo sarkaalkaan ilaalo u ahaa.

Sidoo kale, ciidamadu waxay soo bandhigeen boonooyin uu dadka ganacsatada ah ninkaani uga qaadanayey lacago baad ah, waxaana howlgalka lagu dilay fududeeyey dad uu xoolo ka dhacay oo deegaanka Carfuuda ku nool.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka howlgalkaas fuliyey ayaa Caasimada Online u sheegay in dhankooda uusan wax khasaare ah ka soo gaarin howlgalkaan.

Sidoo kale waxay saraakiishu sheegeen inay sii baacsanayaan dagaalamayaal ka tirsan kooxda oo ninka la dilay la socday, kuwaas oo ka baxsaday ciidanka.

Saciid DENI ‘oo meesha ka saaray’ arrin faaftay oo la xiriirta khilaafka dowladda

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo wareysi cusub bixiyay ayaa ka hadlay khilaafka maamulkiisa kala dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya.

Saciid Deni oo u waramay Hanoolaato ayaa waxa uu marka hore meesha ka saaray in gebi ahaanba meesha ka baxday wada-shaqeyntii Puntland iyo dowladda dhexe, taasi oo si weyn u faaftay kadib markii Puntland ay kal hore sheegtay inay u dhaqmeyso sidii dowlad madax-banaan oo kale.

Waxa uu xaqiijiyay in wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo maamulka aysan si toos ah u kala go’in, hase yeeshe ay dowladda Muqdisho isku hayaan arrimo masiiri ah oo ay tahay in loo maro waddo saxan, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda federaalka ah iyo dowlad-goboleedka Puntland wada-shaqeyn kala la’aan ah kala go’ ah majirto, waa la wada shaqeeya, laakiin qawaaniinta iyo arrimaha qaarkood waa isku diidan yihiin. Hal ku dal gal ayuu leeyahay, hawada dowladda dhexe ayaa maamusha, oo immigration-ka halkan ku yaalla dowladda dhexe ayuu hoostaga, diyaaradaha imanaya iyaga ayaa soo siiya ogolaanshaha,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Deni.

Sidoo kale waxa uu sheegay in shirarkii Golaha Wadatashiga Qarank uu uga baaqday kadib markii ay u cuntami weysay sida uu madaxweyne Xasan wax u wado, oo uu tilmaamay in uu deg deg badan ka muuqdo.

“Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu la yimid mission aad u weyn oo ah in dhowr billood lagu xaliyo wixii taagna oo dhan, annagana runtii waxay nagu noqotay arrin qariib ah, waxaan maleynaynay in dowladda marka ugu horeyso in ka horreeyaan arrimaha amniga iyo arrimaha isfahmka dowladnimada iyo waxyaabo badan,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa noo soo baxday in la rabo in muddo kooban lagu soo afmeero wixii oo dhan sida Dastuurka, iyada oo laga galin dooddo badan iyo isqancin fara badan. Markii dambe waxaa noo muuqatay in meel maalin kasta la fadhiyo oo shaqo lagu qabaneyn oo dood rasmi ah aysan dhaceyn annagana xaalad adag ayaa ku jirnay markaa hakin ayaa ku sameynay.”

Si kastaba, Saciid Deni ayaa hadda wajahaya culeyskii ugu xooggana oo gudaha ah, ayada oo mucaaradka uu dhawaan soo saaray jadwal doorasho oo ka gedisan midka guddiga doorashooyinka Puntland, iyada oo mucaaradka uu rabo inay ku qabsoomto hanaankii hore ee ku yimaadeen madaxda hadda joogta, halka Deni uu rabo taasi beddelkeeda.

Daawo: Odoyaashii ugu waa waynaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo bandhigtay labo kamid ah odayaashii ugu waa weynaa ee kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa aagga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Odayaashan oo lagu kala macagaacabo Axmed Cali Gadaf iyo Cali Xasan Geeddi ayaa isku soo dhiibay hay’adaha ammaanka ee dowladda, iyaga oo kasoo goostay kooxda Shabaab.

Labadan oday dhaqameed ayaa u dhexeyn jiray Al-Shabaab iyo shacabka, waxayna sidoo kale ay uruuri jireen lacagaha ay rabto kooxda iyo ciidamada ay ka doonayaan deegaanka.

“Annaga waxaan ahayn odayaal dhaqameed oo Shabaabka iyo dadka u dhexeeya xoolo waa naloo diraa, ciidamo waa naloo diraa waana ka keeni jiray dadka ” ayuu yiri Geeddi.

Sidoo kale Axmed Cali Gadaf oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu ka howlgeli jiray deegaanka Cowswayne oo dhawaan uun lagu laayay ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed, kadib weerar ay kusoo qaadeen Al-Shabaab, wuxuuna sheegay inuu ximli waayey dhibaatooyinka ay haatan wajaheyso kooxda, uuna sidaas uga soo tegay.

“Waxaan kasoo kacay oon ka imid degmada Ceeldheer, meel ka tirsan oo la yiraahdo Cowswayne, waxaana uga soo tegay Nabadoon u dhexeeya nimanka meesha jooga oo Shabaab ah iyo shacabka ayaan ahaay, waxaana ogaaday inaanan xamili karin arrintaas, waxaan go’aansaday inaan kasoo tago oo isku soo dhiibo dowladda” ayuu yiiri Gadaf.

Waxaa kale oo uu yiri “Haddii aan Xamar imid waxaan la xiriira mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, waana la ii geeyay dowladda gacanta la ii geliyay, mana la kulmin dhibaato”.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray odayaasha kale ee weli jira Al-Shabaab, isaga oo ugu baaqay inay isaga soo baxaan, iskuna soo dhibaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

“Waxaan anigu arkay inay ila arkaan ayaan rabaa wixii iga dambeeya, aniguna soo dhaweyn ayaan arkay iyo dowladnimo” ayuu mar kale yiri Nabadoon Gadaf.

Ganacsiyadii Dharkenley oo u xiran amaro kasoo kala baxay DF iyo Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta xiran inta badan goobaha ganacsiga ee ku yaalla Waddada Jaale Siyaad ee dhex-marta degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kadib amaro kala duwan oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa xiran goobaha ganacsiga ee ku yaallaya xaafadda Mac-mcaanka, Tabakaanyo Madow, Nuur Adduunyo illaa isgoyska Xoosh ee dgemadaasi.

Qaar kamid ah ganacsatada oo la hadlay Shabelle Tv ayaa ka warbixiyay sababta rasmiga ah ee ka dambeysa, waxayna sheegeen in dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Taliska NISA uu kusoo rogay amar ah in Kaamirooyinka qarsoon ee CCTV ay ku xiraan goobahooda ganacsi, sidaas oo kalena ay digniin kasoo gaartay Al-Shabaab oo diidan Kaamirooyinkaasi.

“Aad ayaan uga xunahay labada dhinac waxay na leeyihiin kan fur, kana xir marka dhibaato weyn ayaan ku qabnaa labada dhinac” ayuu yiri mid kamid ah ganacstada.

Sidoo kale wiil kale oo kamid ganacsatada ku dhaqan degmada Dharkenley oo ka hadlay arrintan ayaa shaaca ka qaaday in muddada loo qabtay inay ku xiraan Kaamirooyinka ay dhammaatay, ciidamada ammaankana ay bilaabeen inay xir-xiraan ganacsatada.

“Maanta degmada Dharkenley waa lagu yaaban yahay digniin horana waa la bixiyay, intii aan sugeynana waqtigii waa lasoo gaabiyay waa naloo imaaday, waana la xiroowaaa ganacstada” ayuu isna yiri wiil kale oo dhalinyaro ah, kana mid ah ganacsatada.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in amarkan ay kala kulmeen caqabad weyn, maadaama la siiyay waqti kooban, Kaamirada ay u baahan tahay in lasoo gado, kadibna la xiro.

“Sababta waxaa waayay waxaa la dhahowaa Kaamiro hala xiro, taasna waxay nagu noqotay caqabad, waayo saaka wax dukaan ah oo furan malaha” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale wuxuu yiri “Kaamirada fursad ayay u baahan tahay iska xir laguma xiri karo lacag ayay u baahan tahay shaqo ayay u baahan tahay kadib xiris ayay u baahan tahay wax fududna maaha”.

Amarkan kasoo baxay dowladda ee ah in Kaamirooyin lagu xiro goobaha ganacsi ee ku yaalla laamiyada ayaa inta badan ka dhaqan-galay degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana sababta lagu sheegay in lagula soconayo dhaq-dhaqaaqa amniga caasimada.

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaallo ka dhacay Sh/hoose

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya weeraro kala duwan oo ay xalay dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ka fuliyeen saldhigyo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa TMIS ay ku leeyihiin gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka koowaad oo ah mid xoogan ayaa waxaa lagu qaaday xero ay ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Daanow, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidankii ku sugnaa xerada iyo maleeshiyaadka weeerarka qaaday.

Saraakiil ka tirsna milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka uga yimid kooxda Al-Shabaab, welina ay joogaan deegaanka.

Sidoo kale weerarka labaad ayaa ka dhacay deegaanka Janaale, kadib markii ay weerar gaadmo ah xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda, waxaa isna xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay weerarkaasi waxa ay shaacisay inay ku dishay askar ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhankooda ciidamada dowladda ayaa sheegtay inay khasaare gaarsiiyeen xubnaha weerarka soo qaaday, haatana ay wadaan howlgallo amni xaqiijin ah.

Xaaladda aya maanta deggan, inkastoo lasoo wariyay ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS inay howlgallo ka bilaabeen qaybo badan oo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Gobolkan oo ay weli ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaallo khasaare gaysta oo ka dhasha weeraro ay soo qaadeen maleeshiyaadka kooxdaas.

Fal-celin culus oo ka dhalatay tallaabadii uu qaaday DENI

0

Garoowe (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay guddi uu magacaabay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kaasi oo ah “guddiga wada-xaajoodka arrimaha doorashooyinka.”

Saciid Deni oo xiisad xooggan kala dhaxeyso siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa xeer madaxweyne ku soo saaray magacaabida guddigan oo 7 xubnood, kuwaasi oo inta badan uu kasoo xushay golihiisa wasiiradda.

Guddigan ayaa waxa uu Saciid Deni guddoomiye uga dhigay Cabdi Faarax Siciid Juxa, oo ah wasiirka arrimaha gudaha dowlad-goboleedka Puntland, sidoo kalena waxay u badan yihiin xubno ku mayal adag qabashada nooca doorasho ee uu rabo madaxweynaha billooyinka u harsan yihiin.

Lama oga waxa ay guddigan ka goyn karaan ismari-waaga doorashooyinka ee u dhaxeeya mucaaradka iyo Deni, ayada oo horey siyaasiyiinta mucaaradka ay u diideen in ay wada-hadal la galaan madaxweyne Deni, oo ay sheegeen in uusan diyaar u aheyn wada-hadalka hanaanka doorasho ee la isku haya.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay?

Cabdirisaaq Xaashi: “Puntland wiiftooyinkii ayaa ka bilawday.”

“Deni iyo kooxdiisa fashilantey waxaan leeyahay idinkuu waqtiga idinku socdaa gudi been ah haku meereysanina ee doorasho la isla ogol yahay qabta,” ayuu yiri Qaasim Isxaaq Xasan.

Saciid Ciise Axmed: “Isu eekaa ayaamuhu waxaan xasuusta xilligii Farmaajo doorashadiisi iyo waraaqihii tira beelka ahaa oo uu soo saari jiray xilliyada danbe habeenkii.”

“Waa war wanaagsan in ay bilowdaan wada-hadalka xukuumadda iyo Mucaaradka,” ayuu yiri Danjire Maxamed Kaarad.

Cabdirashiid Cartan: “Dawladnnimada Puntland waxa ay u baahan tahay dib u qaabayn. Nin walba in uu tiisa wataa maaha wax soconaysa. Puntland shacabkeedu waxa ay rabaan doorasho la isla ogol yahay.”

Faysal Faarax Shire ayaa isna waxa uu yiri “Macno soo kordhin mayaan guddigaa waayo Deni ma rabo xal ee wuxuu rabaa tiisa ama burbur.”

“Madaxweyne hadaa haysaa jidkii wanaagsanaa waa soo dhaweyneyna guddigana waxaa rajeyneyna inay noqdaan kuwo shacabkooda iyo dadkooda nabad waarta u keena oo la dareen ah,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Somali.

Saciid ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Madaxweynuhu wada-hadalna waa sheegaa markasta hadana hawshiisa ayuu wataa oo abaabul ciidan iyo laaluush baarlamaan ayuu ku hawlan yahay, si tiisu u meel marto. Ha kala daayo arimaha.”

“Deni ma dadkii laga cabanayay ayaa xoojinaya wada-xaajoodka war Allah ayaa Somalia madax uga dhigin.” ayuu yiri Bicir Xaashi Dhoore.

Daawo: Cali Maxamed Geedi oo shaaciyay arrin caqabad weyn ku ah dowlad dhiska

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladii KMG aheyd Cali Maxamed Geedi ayaa shaaciyay in Dastuurka KMG ah uu caqabad weyn ku yahay dhismaha qarannimada.

Cali Geedi oo wareysi siiyay warbaahinta qaranka, ayaa soo dhoweeyay in wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka, lana dhameystiro, maadaama uu muhiim u yahay dowlad dhiska Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Caqabada hortaagan in dowlad dhiska Soomaaliya la dhameystir, imisa sanno ayaa dowlad dhis Soomaali lagu jiraa, intaas oo sano ayuu kumeel-gaar ahaa, caqabad kale ma jirto waa dastuurka,” ayuu yiri Cali Geedi.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa waxa uu sheegay in Dastuurka KMG ay inta badan qoddobadiisa iska hor imaanayaan, taasi oo caqabad ku noqotay in la dhameystiro dowladnimada Soomaaliya.

“Dastuurka qoddobadiisa iska hor imaanayan weeyi caqabad kale ma jirto, oo dowladihii oo dhan madaxa iyo mijaha la isku galiyay, marka waan jeclaan lahaa in wax laga beddelo, lana dhameystiro,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cali Geedi.

Sidoo kale waxa uu Xildhibaanada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay si deg deg ah uga howl-galaan arrintaan, si dastuurka uu uga baxo kumeel-gaarka.

“Waxaan ugu baaqayaa Baarlamaanka 11-aad ee Labada Aqal inay ku deg-degaan oo dastuurka ka saaran kumeel-gaarnimada oo dhameystiraan, si umadda Soomaaliyeed dhibaatada uga baxdo. Waxaana la gudboon Xildhibaanada iyo guddoonka labada Aqal ee Baarlamaan in ay fahmaan in caqabada hortaagan in dowlad dhiska Soomaaliya la dhameystiro dastuurka waaye, marka waa inay maslaxada umadda Soomaaliyeed fiiriyaan.”

Waxa uu intaas kusii daraya “Dastuurka Qur’aan ma ahan, marwalba wuxuu la saan qaadaya danaha shacabkaas iska leh waana la beddela. Maanta in qodob la beddelo ayaa loo baahanaya, berri in la beddelo loo baahanayaa, marka waa in maslaxada umadda Soomaaliyeed lagu saleeyo, oo waa in la saxo dastuurka.”

Hadalka Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa imanaya xilli ay dowladda Xasan qorsheynayso in Baarlamaanka la horgeeyo wax ka beddelka Dastuurka, si loo waafajiyo heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee 27-kii May ee sanadkaan.

Hoos ka daawo muqaalka

PUTIN oo ka dhabeeyey ballan-qaadkii Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Ruushka ayaa ka dhabeysay mid ka mid ah ballan-qaadyadii gargaar ee madaxweyne Vladimir Putin, ayada oo Soomaaliya ay noqotay dalkii ugu horreeyey ee hela, waxaa sidaas sheegtay dowladda Soomaaliya.

Markab xamuul oo sida shixnad gargaar oo gaareysa 25,000 oo tan oo haruur ah ayaa iman doona Soomaaliya maalmaha soo socda, sida uu sheegay safiirka Ruushka ee Jabuuti Mikhail Golovanov, sidoo kalena qaabilsan Soomaaliya.

Mikhail Golovanov, ayaa Sabtidii soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ka hor imaanshaha shixnadaha, si uu u soo gaarsiiyo dowladda Soomaaliya farriinta raashinka mucaawinada ah.

Xukuumadda Moscow ayaa ballan qaaday inay gargaar cunto ah siinayso dalalka Afrika, taasi oo qayb ka ah heshiiskii uu madaxweyne Vladimir Putin kaga dhawaaqay shirkii Ruushka iyo Afrika ee bishii July ka dhacay magaalada St. Petersburg.

Horaantii bishan, wasiirka beeraha ee Ruushka Dmitry Patrushev ayaa sheegay in laba shixnad oo haruur bilaash ah ay u ambabaxeen Burkina Faso iyo Soomaaliya, wuxuuna sheegay in horaanta bisha soo socota ay gaari doonaan labada dal.

Shixnado dheeri ah oo ku socda Eritrea, Zimbabwe, Mali, iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa la qorsheeyay inay yimaadaan dhammaadka sanadka.

Sida uu sheegay Patrushev, ilaa 200,000 oo tan oo haruur ah ayaa la geyn doonaa lixda waddan ee Afrikaanka ah ee ay soo food saartay cunto yarida.

Qabanqaabada bixinta haruurka bilaashka ah ee wadamada Afrika ayaa la sameeyay kadib markii Moscow ay diiday inay cusbooneysiiso Hindisaha Haruurka ee Badda Madow.

Heshiiskan ayaa waxaa markii hore garwadeen ka noqday QM iyo Turkey bishii July 2022, waxaana loogu talagalay in lagu fududeeyo dhoofinta haruurka Ukraine ee loo dhoofiyo suuqyada caalamka, gaar ahaan dalalka saboolka ah, taasi oo Moscow ay ku beddelaneysay in laga qaado cunaqabateynta reer galbeedka ee ka hortagayey dhoofinta wax soo saarka beeraha Ruushka.

Moscow ayaa ka baxday heshiiska bishii Luulyo, iyada oo ku eedaysay waddamada reer galbeedka inay sii wadaan inay adkeeyaan dhoofinta maraakiibta cuntada iyo bacrimiyayaasha Ruushka.

Soomaaliya ayaa noqonaysa dalkii ugu horeeyay ee lasiiyo deeqdan raashinka ah tan iyo markii uu billowday qorshahan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA.

Sabtidii, dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay xukuumadda Moscow kaalmada ay siisay, ayada oo sheegtay inay ka faa’ideysan doonaan kumanaan qoys.

Mareykanka oo sheegay inay Soomaali fuliyeen weerarkii loo maleeyey Xuutiyiinta

Washington (Caasimada Online) – Shan nin oo ay qabteen ciidamada Mareykanka kadib markii ay markab ganacsi ku afduubteen meel u dhow xeebaha Yemen ayaa noqday Soomaali, mana ahan Xuutiyiin, waxaa sidaas sheegtay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka.  

Weeraro dhowaanahan socday oo lala beegsanayey maraakiibta ganacsi ayaa waxaa fulinayey Xuutiyiinta, waxaana loo arkay inay qeyb ka yihiin rabshadaha kusii kordhaya gobolka ee la xiriira dagaalka Israel iyo Xamas.

Hase yeeshee weerarkii ugu dambeeyey ayaa Pentagon-ka uu sheegay in qiimeyn horudhac ah ay muujineyso inay fuliyeen koox hubeysan oo Soomaali ah.

“Waxaan ognahay inaysan aheyn Xuutiyiin,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay afhayeenka Pentagon-ka Jeneral Pat Ryder, oo intaas ku daray “Inkasta oo burcad-badeednimada gobolka ay hoos u dhacday, haddana dhacdadan waxaa cad inay la xiriirtay burcad badeednimo.”

Dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ee fadhiggeedu yahay magaalada Cadan ayaa ku eedaysay Xuutiyiinta inay weerareen markabka MV Central Park xilli uu marayey Gacanka Cadmeed Axaddii.

Markabkan oo sitay calanka Liberia, islamarkaana ay maamusho shirkadda Zodiac Maritime, ayaa diray wicitaan caawimaad, waxaana ka jawaabay ciidamada Mareykanka ee markabka USS Mason.

Shanta nin ee weerarka soo qaaday ayaa isku dayay in ay ku baxsadaan doomo yaryar oo ay wateen, balse ciidamada Mareykanka ayaa ka daba tagay oo ku ridey rasaas digniin ah, “taasi oo keentay in ay is dhiibaan ugu dambeyntii,” sida uu sheegay Ryder. Waxaa hadda lagu hayaa markabka USS Mason dushiisa, ayuu yiri.

Si kastaba, in ka yar 90 daqiiqo kadib, laba gantaal oo ballistic ah oo laga soo riday Yementa ay maamulaan Xuutiyiinta ayaa ku soo dhacay meel 10 mile badeed (18 kilomitir badeed) u jirta markabka USS Mason. Markabka Mareykanka ayaan u jawaabin, isku mana dayin inuu ka hortago gantaallada sababtoo ah looma arkin khatar oo waxay ku dhaceen biyaha, ayuu yiri Ryder.

Waxa uu sheegay in aysan wali caddeyn in gantaallada ballistic ga ah ay beegsanayeen USS Mason.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli wax jawaab ka bixin warka sheegaya in dabley Soomaali ah ay ka dambeeyeen weerarka markabka ganacsi MV Central Park. 

Xamza oo shaaciyay 3 arrin weyn oo ay ka shaqeynayaan, halka mid uu buuq hareeyey

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay arrimaha waaweyn ee horyaalla xukuumadda in ay kamid yihiin qabyo-tirka dastuurka KMG ah, xilli Baarlamaanka la horgeynayo heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran.

Xamza oo xalay la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Kismaayo, ayuu sidoo kale waxa uu ka sheegay in dayn cafinta oo dhammaad ku dhow iyo amniga oo ay ugu horreyso cirib-tirka Shabaab iyo la-wareegidda amniga Qaranka marka ay baxaan ciidanka ATMIS ay kamid yihiin arrimaha ugu waaweyn ee horyaalla xukuumaddiisa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu ku boorriyey bulshada Kismaayo in ay hormuud u noqdaan dagaalka lagu cirib-tirayo kooxda Al-Shabaab oo dhawaan uu wajigiisa labaad ka bilaaban doono deegaannada Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu bulshada qeybaheeda kala duwan ee uu la kulmay uga warbixiyey dadaallada xukuumadda ee la xiriira dowlad-dhiska Soomaaliya, dagaalka dalka looga cirib-tirayo argagixisada iyo gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka.

Dhankooda, qaar kamid ah qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyey dadaallada xukuumadda ee la xiriira, sugidda amniga, cirib-tirka Al-Shabaab, u gurmadka dadka dhibaateysan iyo dadaalka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Wejiga hore ee dagaalka Al-Shabaab ayaa hadda maraya meel gebo-gebo ah, waxaana dhawaan bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Wejigan ayuu horey madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay in uu noqon doono mid lagu soo afjarayo jiritaanka Khawaarijta Al-Shabaab, oo wejiga koowaad looga xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda.

Deni oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta xiisadda taagan

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay guddiga wada-xaajoodka arrimaha doorashooyinka Puntland.

Saciid Deni oo xiisad xooggan kala dhaxeyso siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa xeer madaxweyne ku soo saaray magacaabida guddigan oo 7 xubnood.

“Markuu arkay baahida loo qabo in la magacaabo guddiga wada-xaajoodka Arrimaha Doorashooyinka. Iyadoo oo laga duulaayo in ay dalka ka dhacdo Doorashada Madaxtooyada iyo Golaha wakiilada taasi oo ku dhacda hannaanka dimuqraadiyadda ee hal qof iyo hal cod,” ayaa lagu yiri magacaabistan oo ay shaacisay Madaxtooyada Puntland.

Guddigan ayaa waxa uu Saciid Deni guddoomiye uga dhigay Cabdi Faarax Siciid Juxa, oo ah wasiirka arrimaha gudaha dowlad-goboleedka Puntland.

Sidoo kale waxaa guddigaan xubno ka ah; Maxamed Cabdiraxman Dhabancad, Xassan Yuusuf Majabe iyo Dr’s Naciima Cabdiraxmaan.

Guddigan ayaa sida muuqata uu madaxweynuhu kasoo xushay golihiisa wasiiradda, sidoo kalena waxay u badan yihiin xubno ku mayal adag qabashada nooca doorasho ee uu rabo madaxweynaha billooyinka u harsan yihiin.

Magacaabidda guddigan ayuu Deni sheegay inuu kala tashaday madaxweyne ku-xigeenkiisa Axmed Karaash, guddoonka Golaha Wakiillada iyo weliba xisbiyada siyaasadda.

Lama oga waxa ay guddigan ka goyn karaan ismari-waaga doorashooyinka ee u dhaxeeya mucaaradka iyo Deni, ayada oo horey siyaasiyiinta mucaaradka ay u diideen in ay wada-hadal la galaan madaxweyne Deni.

Mucaaradka ayaa sheegay in Deni uusan diyaar u aheyn wada-hadalka hanaanka doorasho ee la isku haya, iyaga oo xusay in Deni uu horey u sheegay in uusan marnaba wada-hadal ka gali doonin doorashada uu rabo ee qof iyo cod, taasi oo ay diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka.

Hoos ka aqriso magacyada xubnaha guddigan;

1. Cabdi Faarax Siciid Juxa (Guddoomiye)
2. Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin (Xubin)
3. Dr. Naciima Cabdiraxmaan (Xubin)
4. Cabdullahi Maxamed Xassan (Xubin)
5. Maxamed Cabdiraxman Dhabancad (Xubin)
6. Xassan Yuusuf Majabe (Xubin)
7. Xassan Caballa Xassan Xubin

Si kastaba, Dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka Puntland ayaa waxaa xilligaan lagu cadaadinaya inay iskugu yimaadan miiska wada-hadalka, ayada oo beesha caalamka ka digtay rabshado kale oo ka dhaca Garoowe, kuna baaqday in wax weliba lagu dhammeeyo wada-hadal iyo deganaan.

“Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo loo haysto rabshad ama hanjabaad xoog. Cabashada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah oo loo marayo wada hadal. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadee,” ayaa lagu yiri farriinta xubnaha beesha caalamka.

“Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda, waxaana ku baaqaynaa in si deg-deg ah loo dejiyo xiisadda iyo wadahadallo degdeg ah oo ay yeeshaan madaxda siyaasadda iyo kuwa kale ee deegaanka.”

Sawirro: Xogta kulan maanta ka dhacay Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ballaarinaya la-tashiyada ku aaddan xaqiijinta hiigsiyada dalkeenna ayaa kulamo la qaatay dhallinyarada, aqoonyahanka iyo hormuudka bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey dhallinyarada iyo aqoonyahanka uu la kulmay arrimaha uu muudnaanta siinayo, kuwaasi oo ay ugu horreyaan;

  1. Xoojinta fursadaha shaqada
  2. Kobcinta dakhliga
  3. Yareeynta saboolnimada
  4. Cirib-tirka Khawaaijta Al-Shabaab
  5. Dhammeystirka dastuurka
  6. Xaqiijinta hiigsiga Soomaali heshiis ah

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale waxa uu ku ammaanay dhallinyarada Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay difaaca dalka iyo xoojinta dowladnimada.

Waxa uu si gaar ah u dul istaagay fursadaha ugu jira dhallinyarada Soomaaliyeed ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika, wuxuuna ka rajeeyey in ay si mug leh uga dhex muuqan doonaan Dalladan, maadaama dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku tilmaaman yihiin hal-abuur, firfircooni iyo adkaysi.

Haldoorka uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa dhankooda soo bandhigay aragtida ay ka qabaan arrimaha qaran ee uu la wadaagay Madaxweynaha Jamhuuriyaddu, iyagoo xusay ahmiyadda ay u leedahay dalkeenna in la dhammeystiro dastuurka, xoreynta deegaannada, qaadista cunaqabateynta hubka, deyn cafinta iyo dib u dhiska ciidamada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay magaalada Muqdisho ka daah-furay Hiigsiga Soomaaliya ee 2060-ka, kaasi oo saldhig u ah horumarinta nolasha, xoreynta iyo xasilinta, dhismaha kaabeyaashe dhaqaalaha iyo dowladnimada dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in uu muhiim yahay hiigsigan oo isku xiraya jiilasha maanta iyo kuwa mustaqbalka.

“Maanta, waxaan bilaabaynaa safar cusub, safar u horseedaya dalkeenna barwaaqo iyo horumar. Hiigsiga Qarn ee 2060-ka waxa uu muujinayaa sida ay nooga go’an tahay in aan ka gudubno caqabadaha hadda jira, annagoo aasaas adag u abuurayna jiilasha soo socda,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sawirro: R/W Xamza oo baaq cusub u diray Soomaalida

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo maanta magaalada Kismaayo ka dhagax dhigay waddo laamiya, ayaa waxa uu shacabka Soomaaliyeed u diray baaq muhiim ah.

Dhagax dhiga waddadaan ayaa waxaa ra’iisul wasaaraha ku wehliyay madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa magaalada Kismaayo, waxayna iskuna xireysa qaar kamid ah xaafadaha magaalada.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasabadda dhagax-dhigga ayaa sheegay in dhismaha jidkani inuu qeyb weyn ka qaadan doono amniga, bilicda, shaqo abuurka, horumarka iyo isku-socodka magaalada Kismaayo.

Sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaruhu ugu baaqay shacabka Somaaliyeed in ay ka qeyb qaataan horumarka iyo dib-u-dhiska dalkooda, gaar ahaan kaabayaasha muhiimka ah ee ay kamid yihiin waddooyinka oo xukuumaddu ay mudnaan gaar ah siineyso.

Mudane Xamza oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland, ayaa sidoo kale waxa uu shalay xarigga ka jaray dhismaha xarunta cusub ee wasaaradda caafimaadka dowlad-goboleedka Jubbaland.

Ra’iisul Wasaaraha oo uu wehliyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale waxay kormeer ku tageen Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, iyaga oo maray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka.

Xamza ayaa waxa uu markaas faray wasaaradda caafimaadka XFS in wax laga qabto adeegyada uu u baahan yahay Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, maadaama laga cabsi qabo roobabka daadadka wata in ay sababaan cudurrada ka dhasha biyaha.

Aabe si arxan darro ah u dilay seddax gabar oo uu dhalay

0

Paris (Caasimada Online) – Aabe ku nool dalka Faransiiska ayaa qirtay inuu dilay saddex gabdhood oo uu dhalay, kadib markii uu u gacan galay booliska.

Ninkaan ayaa iskiis isugu dhiibay adhiibay booliska, waxaa sidaas sheegay ilo-wareedyo ka tirsan dacwad oogayaasha iyo booliska.

Ninkan oo 41 jir ah, ayaa tegay saldhigga booliska ee magaalo xeebeedka waqooyi ee Dieppe “si uu u sheego inuu dilay saddexdiisa caruur,” waxaa sidaas yiri dacwad oogaha magaalada.

Booliska ayaa sheegay inay meydka saddexda gabdhood ka heleen gurigiisa magaalada Alfortville, oo ku taalla duleedka koonfurta bari ee magaalada Paris.

Laba ka mid ah caruurta ayaa midi lagu dilay, sida ay sheegeen booliska, halka mida kale loo maleynayo inuu ceego ku dilay.

Waxaa la helay ayaga oo dedan, halka midka saddexaadna uu meydkiisa dul saarnaa kursiga fadhiga, sida ay muujinayso natiijada hore ee baaritaanka.

Aabaha ayaa 2021-kii lagu helay dambi rabshadeyn qoys, ayuu yiri qof ku dhow kiiska. Waxaa la soo saaray amar u diidaya inuu u dhowaado qoyskiisa, balse markii dambe waa laga qaaday.

Ninkan ayaa la dhigay xabsiga booliska, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha.

Daawo: Beesha Saleebaan oo wareejisay ciidan cusub oo qeyb ka noqon doona…

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Beesha Reer Xaaji Saleebaan ee Habargidir ayaa wareejiyay ciidan cusub oo loogu tala-galay ka qeyb qaadashada dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Nabadoonnada iyo odayaal kasoo jeeda beesha Reer Xaaji Saleebaan ayaa ciidankan geeyay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, waxayna ku biirayaan ciidamadii hore ugu sugnaa halkaasi, ee qeybta ka ah dagaalka socda.

Nabadoonnada iyo Odayaasha oo shir jaraa’id ku qabtay Xarardheere ayaa sheegay inay ku soo biireen halganka socda qeybaha dhiman dhameystirkiisa, sidoo kalena ay tallo wadaag la noqdaan dadka halkaasi degan.

“Waxaa kusoo biirnay in aan wax kasta oo wanaag ah oo loo sameynayo degmada Xarardheere iyo dadkeeda in aan qeyb ka ahaano,” ayuu u dhignaa hadalka Nabadoonnada iyo Odayaasha beesha ee halkaasi ka hadlay.

Sidoo kale waxay ku baaqeen in aan la siyaasadeyn dagaalka socda, oo beelaha kalena ay kaalintooda ka qaatan gulufka socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, “Waxaa naga mamnuucan oo anagu iska mamnuucnay oo walaalaha kalena ka dooneyna in aan la siyaasadeysan halganka lagula dirirayo Khawaarijta.”

“Dadka kasoo jeeda degmada Xarardheere waa inay soo gurmadaan, oo wax ka xasiliyaan dalka, horumarkiisana wax ka qabtaan. Umadda Soomaaliyeed ee gobolkaan kasoo jeeda waa ugu baaqeyna, nabadda na deeqda oo derisnimada iyo walaalnimada na deeqda.”

Sidoo kale waxay ku baaqeen in degmada loo dhameystiro adeegyada muhiimka, maadaama ay muddo gacanta ku haysay kooxda Al-Shabaab oo laga xoreeyay, islamarkaana ay hesho dhamaan adeegyada dowliga ah.

“Ballanteenu waxay tahay in Khawaarijta cirib-tirno, oo dal, diin iyo dad intaba duleystay. Waana in taakulo nooc walbana loo fidiyo ciidamada kala duwan ee dagaalka ku jir.”

Hoos ka daawo muuqaalka

Howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday fariisin ay lahayd Al-Shabaab + Khasaaraha

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ayaa howl-gal qorsheysan oo khasaare lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab ka fuliyay bariga gobolka Galgaduud.

Howl-galkaan oo dhacay xalay ayaa lagu bartilmaameydsaday fariisin kooxda ay ku lahayd deegaanka Ceel Xasan Cali oo dhanka koonfur kaga beegan magaalada Budbud ee bariga gobolka Galgaduud.

Sida uu warbaahinta dowladda u sheegay Hagar Barre oo hogaaminaayey ciidanka deegaanka ee howl-galka la fuliyey ciidanka xoogga dalka, waxaa kooxda lagu gaarsiiyay howl-galkaan khasaare xooggan, illaa haddana uu socda.

Ciidamada ayaa toogtay Lix kamid ah dagaal-yahaanada Shabaab ee ku sugnaa xarunta la weeraray, halka sidoo kale gacanta looga dhigay Hubkii ay adeegsanayeen dagaal-yahaanada howl-galka lagu Khaarijiyey.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in ciidanka ay weli dhulka howdka ah ku sii baacsanayaa firxadka kooxda ka haray kuwii ku baxay gacanta ciidanka xoogga iyo dadka deegaanka.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo garab ka helaya saaxibada caalamiga ah, kuwaasi oo lagu laayay Shabaab badan.

Si kastaba, Howl-gallada sifaynta Al-Shabaab ee Galmudug ayaa si isdaba joog ah looga gaaray guulo ballaaran, iyada oo lagu sii dhawaanayo meelaha kooban ee kooxda ku sugan tahay, sida ay horey u shaacisay dowladda.