25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Wasiir Beenebeene oo ka warbixiyay xaalad daran oo uu dhowaan kusoo arkay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-beene ayaa ka warbixiyay wixii uu kusoo arkay deegaanada Jubbaland, oo xaalad adag ay ka taagan tahay.

Wasiir Beene-beene oo khudbad ka jeediyey maanta xarunta Golaha Shacabaka ayaa waxa uu marka hore sharaxaad ka bixiyey xaaladda guud ee dalka iyo saameynta roobabka inta ay gaarsiisan tahay, isaga oo sheegay in aan la qiyaasi karin saameynta ka dhalatay roobabka guga ee dalka ka da’ay.

“Inta aan dadka u tageynay maydad biyaha wadaan ayaa meelaha qaar laga qabanayey oo ah meelihii biyaha go’doomiyeen oo ay ku dhinteen, halka inta soo hartay aysan heysan dhar, guryo iyo biyo nadiif ah,” ayuu yiri Wasiirka oo ka warbixiyey socdaal uu ku tegay deegaanada magaaladda Kismaayo ku xeeran, oo si siman fatahaadda Webi Jubba u gaaray, meelaha qaarne dad ugu dhinteen.

Maamulada sida saa’idka ah uu u saameyeen daadku ayuu ku sheegay Jubbaland, Koofur Galbeed iyo HirShabeelle oo gobolada labada webi maraan.

Sidoo kale waxa uu xaalka magaaladda Buula-burte uu ku tilmaamy mid aan la qiyaasi karin oo boqolkiiba sagaashan (90%) ay biyuhu xadigii saxda ahaa kor u dhaafeen, dabooleenne Aafar ka mid ah 5 ceel-biyood oo magaaladdu laheyd.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay wasiirka Qorsheynta XFS Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-beene in ay u gurmadaan oo garabsiiyaan walaalahooda ay saameyeen fatahaadaha iyo daadka ka dhashay roobabka guga ee dalka ka da’ay.

Gedo ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee ay haatan ka jiraan dhibaatooyinka ka dhashay xaaladda El-Niño, maadaama daadad xoogan yo fatahaado ay iskugu darsameen gobolkaasi.

Meelaha xaaladaha bani’aadanimo laga soo wariyay ayaa sidoo kale waxaa kamid ah degmada Baardheere oo buundooyinkii ay go’een iyo Garbahaarey oo iyadna xaalad adag gashay.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa haatan wada dadaallo ballaaran oo loogu gurmanayo kumannaanka qoysaska ah ee ay dhibaatada daran ku wajahaya gobollada dalka, waxaana gurmadkaas hormuud u ah hay’adda maareynta musiibooyinka qaran ee SODMA.

Axmed Madoobe oo ka dagay Afmadow + Sawirro

0

Afmadow (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Axmed Madoobe ayaa Afmadow u tegay arrimo la xiriira fatahaadaha iyo daadadka xoogan ee ku dhuftay gudaha degmadaas oo kamid ah meelaha ay ka jirto xaaladda adag.

Madaxweynaha Jubbaland iyo mas’uuliyiinta kale ee la socota ayaa u kuur-geli doono saamaynta dhibaatada ka jirta deegaanka, gaar ahaan sidii gurmad loogu fidin lahaa dadka ay saamaysay daadadka iyo fatahaadaha ka jira guud ahaan deegaanada Jubbaland.

Sidoo kale waxa uu booqan doonaa goobaha ay ku sugan yihiin qoysaska barakacay, isaga oo ka xog wareysan doono xaaladdooda, si gurmad bani’aadanimo loo gaarsiiyo.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, waxaana safarkan qayb ka ah saraakiil ka tirsan ciidamada Jubbaland, Xoogga dalka iyo kuwa Kenya ee ku sugan halkaasi.

Jubbaland ayaa waxaa ka taagan xaalad adag oo ka dhalatay fatahaado ku dhuftay saddex gobol ee maamullkaasi, kuwaas oo kala aha Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.

Todobaadkii lasoo dhaafay Axmed Madoobe iyo maamulkiisa ayaa dadaallo ku bixinayay samamta bixinta dadka ay sameeyeen fatahaadaha iyo kuwa soo barakacay oo la gaarsiiyay gurmad hordhac ah, si loogu soo dhaweeyay deegaanada u dhow Kismaayo.

Dadaalladaas ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo weli ku sugan Kismaayo oo u tehay arrimaha bani’aadanimo ee ka taagan maamulka Jubbaland.

Ducaale oo farriin u diray Xasan Sheekh, mucaaradka iyo xildhibaanada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow ayaa soo saaray qormo uu ciwaan uga dhigay “Tallooyin Qaran oo ku socda Madaxweynaha, Madaxdii Hore, Mudanayaasha Baarlamaanka.”

Xildhibaan Islow ayaa ugu horeyn Madaxweyne Xasan Sheekh kula taliyey in shaqada uu hayo uu daacad ka noqdo, sida wax ka bedelka dastuurka iyo dagaalka Khawaarijta, maadaama uusan u dhimanayn mansab dambe oo uu sii raadiyo.

Farriinta labaad wuxuu Xildhibaan Maxamed Abuukar u diray madaxweynayaashii hore iyo siyaasiyiinta kale ee hadda aan ku jirin xukuumadda, wuxuuna kula taliyey inay dowladda kala shaqeeyaan sidii dalka loo gaarsiin lahaa guulaha la hiigsanayo.

Farriinta 3-aad wuxuu Islow u diray baarlamaanka, wuxuu kula taliyey inay joojiyaan is kala qeybinta, isla markaana ay ka shaqeeyaan sidii loo dhameystiri lahaa dastuurka dalka oo baarlamaankii hore uu ku fashilmay inuu ka shaqeeyo.

Ugu dambeyntii, Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow ayaa ka dalbaday xukuumadda, baarlamaanka iyo cid kasta oo awooda inay u gurmato dadka ay saameeyeen fatahaadaha dalka ku dhuftay.

Hoos ka aqriso qoraalka Islow oo dhameytiran:

Bismillaahi, Salaan kadib..

Waxaan halkan ku soo gudbinayaa xilligan xasaasiga ah tallooyin muhiim ah oo ku saabsan Xaaladda dalka, kuwaas oo toos ugu socda dhinacyada aan kor kusoo sheegay, waxaan ku bilaabayaa:

FARRIINTA KOOWAAD

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH. Mudane Madaxweyne sida aad hore u sheegtay waxaad tahay mas’uul laba jeer Madaxweyne dalkan ka noqday oo Darajo aysan u harsaneyn, haddana doonaya inuu dalka iyo dadka uga tago taariikh.

Waxaa ku hor yaallaa howlo Qaran oo ay ugu muhiimsan yihiin: Dagaalka Alshabaab oo aad bilowday iyo Dhammeystirka Dastuurka KMG ah, Deyn cafinta,  sidii dalka looga qaadi lahaa cunaqabateyta Hubka,  iyo Xoojinta Hay’adaha Dowladnimada.

Adigoo ku mahadsan dagaalka Alshabaab ee aad dadaalka gelisay, waa inaad dhammeystirtaa oo horseed u noqotaa in caddowgaas dalka laga xoreeyo oo aanu nala dhaafin muddo xileedkan.

Dhammeystirka Dastuurka oo muddo dheer aan lagu guuleysan, waa inaad Madaxweynow u wajahdaa Danta guud ee Qaranka darteed, kana ilaalisaa dano gaara ah. Wax ka bedelka Dastuurka, Qaab dhismeedka dowladda iyo Doorasho guud waa arrimo Qaran oo ka weyn rabitaanka Madaxweyne markaas xilka jooga.

Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh kula talinayaa inuu dhammeystirka Dastuurka iyo wax ka bedelkiisa daacad ka noqdo.

FARRIINTA LABAAD

Farriinteyda Qaran ee labaad waxay ku socotaa Madaxdii hore ee dalka, Mas’uuuliyiinta xilalka soo qabtay iyo Siyaasi kasta oo doonaya inuu qabto xilalka dalka ugu sareeya ee hadda ka horjeeda qaabka ay hadda wax u socdaan.

Walaalayaal, Madaxweyne, kasta ama mas’uul kasta wuxuu qeyb ka ahaa Geediga dowlad dhiska dalka ee weli socda, wuxuuna fursad u helay inuu dalka wax ka hoggaamiyo, balse nasiibdarro wuxuu ka tegay iyadoo Dowladnimada Soomaaliya weli cagaheeda isku taagin.

Mas’uulkasta oo hore xil usoo qabtay wuxuu isku dayay, dadaalna u galay inuu isbedel ka sameeyo dhinacyada Amniga, Doorashooyinka, Dastuurka iyo dhinacyo kale oo badan, laakiin waxaa xaqiiqo ah in mar kasta Maamul Goboleedyo ama Siyaasiyiin ay mucaarad ku ahaayeen.

Waxaa nasiib darro waxaa caado noqotay Mas’uul kasta mucaarad ku noqdo Madaxda ka danbeysa xitaa haddii ay wadaan isla Qorshihii uu isagu hore u doonayey inuu hirgeliyo markii uu xilka hayey, ujeedkiisuna yahay oo kaliya inuusan guuleysan madaxweynaha markaas joogo, taasoo Siyaasadda Soomaaliya ka dhigtay natiijo la’aan lugaha la is wada heysto.

Saaxiibayaal aan wax isu ogolaano, dalkana u turno, cid kastoo talada heysana aan u siino fursad ay dalka hore ugu wado iyadoo laga fiirinaayo Danta guud ee Qaran darteed. Dowladnimadana waa qori isu dhiib qofka shaley joogey maanta ma joogo, midka maanta  joogana Berri ma joogi doono.

FARRIINTA SADDEXAAD

Farriinteyda Saddexaad waxay ku socotaa Saaxiibadey Mudanayaasha Baarlamaanka Labada ee Gole BFS.

Walaalayaal, waxaan metelnaa codka shacabka, haddana xaalad kasta oo siyaasadeed iyo muddo xileed kasta waxaan la kala safannaa dhinacyada iska soo horjeeda ee ajendayaasha kala duwan leh.

Waxaa iga talo ah inaan u midowno Danteena guud, raacno tilmaamaha Dastuurka Qodobadda 136, 137, marka laga hadlayo wax ka bedelka iyo dhammeystirka Dastuurka KMG.

Haddii la helo Mudanayaal xilku dhibayo oo Danta Guud kaliya ka shaqeynaya, waan hubaa inaan dalka ka gudbin karno xaaladda uu ku jiro.

Xildhibaannada waxaa fashil ugu filan in Baarlamaanka 11-aad uu waqtigiisa dhammaado iyadoo Dastuurkii KMG ahaa ee lagu dhisay Baarlamaankii 9-aad aanu dhammaan.

Mar kale Mudanayaal aan u midowno Danaha Dalka iyo Dadka Dartood, una shaqeyno si aan uga qeyb qaadano horumarinta dowladnimada.

UGU DAMBEYN

Mudanayaasha BFS waxaan usoo jeedinaaya inaan u istaagno gurmadka loo sameynayo shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada kasoo gaartay fatahaadaha ELNINO.

Gurmadka shacabka waxaay waajib ku tahay qof walbo oo Soomaali ah ay ugu horeeyan Xukumada iyo mudanayaasha  Labada Gole.

Mahadsanidiin

Daawo: Xasan Sheekh oo war culus ka soo saaray arrinta…

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay fatahaada ku dhufatay magaalooyin badan oo ka tirsan koonfurta dalka, isagoo faahfaahiyey khasaaraha ka dhashay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in 101 qof ay ku dhinteen fatahaadaha ku dhuftay dalka, waxaa barakacay dad ka badan hal milyan iyo bar, halka ay geysteen khasaare hanti oo aad u baaxad weyn.

Xoolo nooc walba leh oo gaaraya 4,000 oo neef ayuu sheegay Madaxweynuhu inay ku dhinteen daadadka ku dhuftay gobollada dalka.

“Soomaaliya maanta waxay ku jirtaa xaalad gaar ah, dadkaan 16 sano ayey argagixiso ku fadhisay oo u diiday inay nolol sameystaan, waxay dadkeena ku qasbeen inay gacmaha hoorsadaan iyagoo wax tacba kara, hadana waxay ka hor istaageen hey’adihii caawi lahaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Wuxuu madaxweynuhu intaas ku sii daray in abaaro baahsan oo laga cabsi qabay inay macaluul u dilaacdo ay Soomaaliya ka jirtay sanadkii hore, halka sanadkaan ay dardareen daadad ka dhashay roobka da’aya iyo fatahaadda wabiyada.

140,000 oo guri ayuu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh inay ku burbureen fatahaada dalkeena ku dhuftay, halka ay go’een buundooyin waaweyn oo Baardheere iyo Buurdhuubo oo gobolka Gedo ku yaalla uu ka xusay.

Ugu dambeyntii madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed ee wax heysta ka codsaday inay u gurmaadaan walaalaha ay saameeyeen fatahaadaha ku dhuftay qeyb badan oo dalka ka mid ah oo ay ugu daran yihiin Beledweyne, iyo inta badan magaalooyinka gobolka Gedo.

Hoos ka daawo

Waa maxay ujeedka shirka uu maanta Saciid Deni ka furay Garoowe? + Sawirro

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta furay shirweynaha sanadlaha ah ee Arrimaha diinta ee Puntland.

Shirweynahan oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Puntland, ayaa waxaa ka qeyb-galay culimaa’udiinka iyo hay’addaha kala duwan ee dowladda ee ku shaqo leh arrimaha diinta, cadaaladda, garsoorka, amniga, caafimaadka iyo haweenka.

Madaxweynaha Saciid Deni ayaa boggaadiyey qodobada ugu weyn ee looga hadlayo inta kulanka socdo, kuwaasi oo kala ah nabad-gelyada, xoojinta doorka haweenka ee arrimaha diinta iyo maamul wanaag ku saleysan diinteenna suubban.

Sidoo kale waxa uu ku baraarujiyey wasaaradda iyo culimaa’udiinka in la joogteeyo kulamada noocan oo kale ah.

Culimaa’udiinka munaasabadda ka hadlay ayaa dhankooda waxay ku tilmaameen kulamada noocan oo kale ah kuwo baahi weyn loo qabay, laguna horumarin karo wacyi-gelinta bulshada.

Waxay Madaxweynaha uga mahad-celiyeen wada-shaqeynta joogtada ah iyo ahmiyada uu siinayo doorka culimada.

Shirweynahan ayaa ah mid sanadle ah, waxaana sanadkaan diirada lagu saarayaa nabad-gelyada, xilli ay xiisad siyaasadeed ka taagan magaalada Garoowe iyo maamul wanaag ku saleysan diinteenna suubban.

Puntland oo shaacisay waxa uu ka dhashay qaraxii Garowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa war kasoo saaray qarax maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Booliska ayaa sheegay in ay ku dhaawacmeen saddex dhalinyaro ah, wuxuuna shaaciyay in qaraxa uu ka dhashay xabad nooca loo yaqaan (37), oo ay dhalinyarada ku qar-qaraaceen agagaarka wadada ka tagta Saldhiga Galbeed ee aada Bixin ee magaalada Garowe.

Saddexda dhalinyaro ee ku dhaawacmay qaraxa ayaa sida uu shaaciyay Booliska waxaa lagu kala magacaaba;

  1. Ana’s Ahmed Jaamac
  2. Ahmed Jaamac Cabdi
  3. Ayuub Cawil Cali

Booliska ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay socoto baaris ay wadaan waaxda miina baarista ee Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Gobolka Nugaal ay wadaan baaritaano dheeri ah oo la xiriirta dhacdadaas iyo waxa sabababay.

Saddexda dhalinyaro ee dhaawaca ayaa waxaa la dhigay isbitaalka, iyaga oo qaba dhaawacyo fudud, sida ay warbaahinta u sheegeen qoysaskoodu.

Kenya Airways oo qiimo lala yaabay ku billaabeysa duulimaadka Xamar-Nairobi

0

Nairobi (Caasimada Online) – Diyaaradda Kenya Airways ayaa shaacisay inay bilaabeyso duulimaadka tooska ah ee Muqdisho-Nairobi ah, kaasi oo dib u bilaaban doona horraanta sanadka soo aadan ee 2024-ka.

Kenya Airways ayaa sheegtay in duulimaadka cusub ee Muqdisho-Nairobi uu noqon doono toddobaadkiiba saddex jeer, kaasi oo ku kacaya qiimo aad u sarreeya.

Qiimaha Ticket-ka ay shaacisay diyaaradda Kenya ayaa ah $1050 (Kun iyo konton dollar), oo ah mid aad qaali u ah oo ka badan labo jibaar qiimaha Ticket-ka xilligan ee duulimaadyada Muqdisho-Nairobi.

August 2020, ayay aheyd markii duulimaadyada diyaaradda Kenya Airways si KMG ah loo hakiyay caabuqa Karoona (Covid-19) oo dilaacay awgiis, wuxuuna hadda dib u bilaaban doona 14-ka bisha Febraayo 2024.

Julius Thairu, oo ah Madaxa Ganacsiga iyo Macmiilka ee Kenya Airways oo ka hadlayay ka hor inta aan la bilaabin duulimaadka, ayaa yiri,

“Waxaan aad ugu xiisayneynaa suurtagalnimada in dib loo yagleelo xiriirkii Muqdisho iyo Nairobi iyada oo loo marayo KQ. Tallaabadan ayaa la xiriirta ganacsiga sii kordhaya iyo tirada sii kordheysa ee isu socodka hawada Kenya iyo Soomaaliya,” ayuu yiri Julius Thairu oo ah madaxa xafiiska ganacsiga iyo macmiilka ee Kenya Airways.

“Diyaaradda Kenya Airways waxaa ka go’an inay macaamiisheena siiso adeeg tayo sare leh, anagoo ka wada-shaqaynayna sidii aan u kobcin lahayn ganacsiga iyo maalgashiga si loo helo kobac joogto ah.”

Si kastaba, Dib usoo celinta duulimaadyada Muqdisho-Nairobi ayay Kenya Airways ku macneysay qayb kamid ah istaraatiijiyadda ballaarinta shabakadda Kenya Airways iyo horumarinta isku xirka qaaradda Afrika, si ay gacan uga geystaan horumarka dhaqaale ee mustaqbalka fog.

Sawirro: Khasaaraha qarax ka dhacay magaalada Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Faah-faahino hordhac ah ayaa kasoo baxaya qarax goor sii horeysay ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa mid ka dhashay aalad aan illaa hadda la xaqiijin nooceeda, kaasi oo ka dhacay agagaarka wadada ka tagta Saldhiga Galbeed ee aada Bixin ee magaalada Garowe.

Sida illaa hadda la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay saddex dhalinyaro ah oo la dhigay isbitaalka, iyaga oo qaba dhaawacyo fudud, sida ay warbaahinta u sheegeen qoysaskoodu.

Ciidamada ammaanka caasimadda ayaa gaaray meesha uu qarax ku helay dhalinta, iyagoo baaritan ku wada qaraxan.

Waalidka dhalay caruurtan ayaa sidoo kale sheegay in aysan garanayn waxa ku qarxay caruurtooda, balse ka war sugayan baaritanka.

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online

Yuusuf Garaad oo shaaciyay dhibaato xooggan oo ka taagan garoonka Aadan Cadde

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Garaad Cumar ayaa shaaca ka qaaday dhibaato xooggan oo ka taagan garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde.

Yuusuf ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in dadka rakaabka ah ee garoonka Aadan Cadde ka soo dega xilliga habeenkii ay la kulmaan rafaad, maadaama gaari soo geli kara Gegida iyo mid ka bixi karaa aanay jirin.

“Waxaan arkay aabbe iyo hooyo mid kastaa ilmo yar kor u hayo, oo dhex taagan dhowr boorso. Dadka aga maraya ayay ku eegayaan indho ay ka muuqato war aan indiin duceynee gacan na siiya oo meesha naga saara,” ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Waxa uu sheegay in kadeedku uusan ku koobnayn oo keliya in bas iyo gaadiid kale midna loo diyaarin rakaabka, balse xataa aan loo oggoleyn in ay dalbadaanna.

“Waddada keliya ee furan waa mid aan laami ahayn oo in tunka lagu qaado maahee aan boorso lagu jiidi karin, mugdi ah, iyada lafteeda ay biyo fadhiyaan meelaha qaar, oo ay tahay in lagu lugeeyo kiilomiitir ka badan si gaadiidka dadweynaha loo gaaro.”

Sidoo kale waxa uu intaas kusii daray “Waxaan u qabaa in dadweynihii habeenkaas soo degey la dayacay, halisna la geliyay. Ma jirto dayaarad soo degi karta ruqsad la’aan. Airporku haddii uu gaadiid oo dhan ka xiran yahay, dayaaradahana waa in uu ka xirnaadaa.”

Hoos ka aqriso qoraalka;

Gegida dayaaradaha Aden Cabdulle waxay u baahan tahay in sida loo dhaamo.

Marka laga soo tago dhaliilo badan oo soo jireen noqday, oo aan la nool nahay, waxaan hadda jecelahay in aan ka hadlo dhaliil culus, wax ka qabadkeeduna aad u sahlan yahay.

Waxaan arkay dayaarad rakaab ah oo soo degtay 7- da fiidnimo iyada oo gaari soo geli kara Gegida iyo mid ka bixi karaa aanay jirin.

Ku dar xataa Baska Sahal ma shaqeyneyn.

Waxaan arkay hooyo sidda ilmo aad u da’yar oo hurdaya, isla markaa laba boorso midna dhabarka ku sidda midna jiideysa, oo dalcadda yar ee airporka looga baxo ku dhibban.

Waxaan arkay aabbe iyo hooyo mid kastaa ilmo yar kor u hayo, oo dhex taagan dhowr boorso. Dadka aga maraya ayay ku eegayaan indho ay ka muuqato war aan indiin duceynee gacan na siiya oo meesha naga saara.

Kadeedku kuma koobnayn in aan bas iyo gaadiid kale midna loo diyaarin rakaabka, in ay dalbadaanna aan loo oggoleyn.

Marka ay gegida lug uga soo baxaan, waxaa gaadiid ugu dhow kan dadweynaha oo maraya meel dhowr km u jirta. Afarta waddo ee airporka ka baxa, saddexda laamiga ahi waa ay go’an yihiin. Waxaa ceegaagta xareed ay ka tageen daadad meel fog ka yimid iyo roob maalmo ka hor da’ay.

Waddada keliya ee furan waa mid aan laami ahayn oo in tunka lagu qaado maahee aan boorso lagu jiidi karin, mugdi ah, iyada lafteeda ay biyo fadhiyaan meelaha qaar, oo ay tahay in lagu lugeeyo kiilomiitir ka badan si gaadiidka dadweynaha loo gaaro.

Waxaan u qabaa in dadweynihii habeenkaas soo degey la dayacay, halisna la geliyay.

Khasab ma aha in aad noqoto khabiir ama qof aad u fiiro dheer si aad u garato in rakaabka dayaaradda ku imaanayaa oo waayeel, carruur iyo xataa bukaan uu ku jiri karo, oo wata boorsooyin culculus ay u baahan yihiin gaadiid ay raacaan.

Ma jirto dayaarad soo degi karta ruqsad la’aan. Airporku haddii uu gaadiid oo dhan ka xiran yahay, dayaaradahana waa in uu ka xirnaadaa.

Waan la yaabay in aanan maqal dad rakaabkii ka mid ah oo Maxkamad geeyay cidda ka mas’uulka ah dayaca intaa la eg.

Khaladdaadka badan ee xalkoodu fudud yahay in midba mar la saxo, waxay dadweynaha siineysaa kalsooni, in ay samofishaan iyaguna ay nidaamka u hoggaansanaadaan.

Yuusuf Gama’diid: Xasan Sheekh wuxuu wadaa wixii uu shalay ku diiday Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Xuseen Axmed (Gama’diid) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kadib hadal kulul oo uu ka dhex jeediyay kulankii maanta ee baarlamaanka.

Gama’diid ayaa si weyn uga horyimid qorshaha uu wado madaxweynaha ee ku aadan wax ka beddalka Dastuurka KMG ka ah oo haatan ay ku howlan tahay Villa Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Xasan Sheekh uu hadda wado wixii uu shalay ku diidayay  Farmaajo, uuna ku dhaqmayo sharci darro, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweynaha maalmahaan waan aragnaa kulamo ayuu wadaa, Dastuur uu shalay isaga yiri xildhibaanow mas’uuliyiin ayaad tihiinee sharci darrada uu madaxweyne Farmaajo wado iyo muddo kordhinta ka hortega” ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed (Gama’diid)

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha inuu doonayo inuu si qasab ah ku fuliyo damaciisa ku aadan wax ka beddalka Dastuurka oo ay haatan ka taagan tahay dood culus.

“Dantaada gaarka ah iyo xukunka inaan joogo ayaan rabaa & Dastuur aad dad ku qasbeyso xagga iska dhig, Ilaaheybaa ku daalacanaayeen intaad ka baqdid ee Ummaddan sidii loo badbaadin lahaa ee buuraha saaran dadka taas ku baraaruji” ayuu mar kale yiri Gama’diid.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu meel iska dhigo siyaasadda, kadibna uu diiradda saaro xaaladda bani’aadanimo ee ka taagan dalka.

“Sharci darro ayaa hadda wadaa madaxweyne ee waxa kala qaybinayo Ummadda jooji gargaarka iyo arimaha taagan ka hadal iyo samata bixinta dadka” ayuu kusii daray.

Si kastaba, Kalfadhigga-aad ee baarlamaanka 11-aad oo furmay 25-kii bishaan November ayaa la filayaa in go’aan looga gaaro arrinta Dastuurka oo ay haatan dood ka qabaan siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo sidoo kale dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

DIGNIIN: Maxaa dhacaya toddobada cisho ee xiga?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Maareynta Musiinooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee (SoDMA) ayaa mar kale digniin culus soo saartay, taas oo ku aadan halis ku soo wajahan Soomaaliya, taas oo ay sheegtay inay muujineyso saadaal la sameeyay.

SoDMA ayaa shaaca ka qaaday in todobada cisho ee soo socota ay di’i karaan roobah xoogan oo daadad wata, isla-markaana ay ka di’i doonaan gobollada dalka.

“Todobada cisho ee soo socota oo ah asbuunca ugu dambeeyay ee bisha November iyo asbuuca ugu horreeya bisha December 2023ka waxay saadaashu roobka xilliga Dayrta muujinaysaa in roobab fiican ay ka di’i doonaan qaybo kamid ah gobollada dalka” ayaa lagu yiri digniinta.

Waxaa kale la raaciyay “Xaddiga roobabkaas ay heli doonaan sida saadaashu sheegeyso ayaa cabirkoodu u dhexeeyaa 30 illaa 100 (mm)” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Hay’adda ayaa si gaar ah u tilmaamtay in roobabkaas ay ku wajan yihiin  gobollada Bari, Nugaal, Sool, Sanaag, Togdheer, Baay, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo gobolka Banaadir, waxayna heli doonaan roobab cabirkoodu u dhexeeyo 50 illaa 100 (mm).

Degmooyin kamid ah gobolladan waxay saadaashu sheegeytay in roobabkaas ay sababi karaan daadad iyo fatahaado (Flood iyo Flash Floods).

Sidoo kale dgemooyin ka tirsan gobollada Mudug, Waqooyi Galbeed, Shabeelaha Hoose, Shabeelada Dhexe iyo Gedo ayaa waxaa la saadaalinayaa inay ka da’aan roobab cabirkoodu u dhexeey 30 illaa 60 (mm), sida ay sheegtay Hay’adda Maareyynta ee SoDMA.

Waxaa kale Hay’adda SoDMA ay intaasi ku dartay in roobabkaas la saadaalinayo ay sababi karaan khasaare xooga, ayada oo shacabka ugu baaqday inay muujiyaan feejignaan.

“Haddii roobabka la filayo todobaadkan ay da’aan sida saadaashu sheegeyso waxay gaysan karaan khasaare isugu jiro naf iyo maalba leh” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan xaalad bani’aadanimo oo aad u daran, taas oo ka dhalatay roobaab daadad wata iyo fatahaado xoogan oo ku dhuftay gudaha dalka.

Soomaalida xaafadda Islii ee Nairobi oo soo dhaweeyay magacaabista danjire Jabriil

0

Nairobi (Caasimada Online) – Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa dhawaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya.

Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ahaa madaxa hay’ada cilmi-baarista ee CRD, kana mid ahaa hoggaanka ururradda bulshada Rayidka ah ee dalka Soomaaliya, ayaa beddelaya Maxamed Nuur Tarsan oo uu magacaabay madaxweyne Farmaajo 2018-kii, kaasi oo intii uu fadhiyey Nairobi labada dal ay dhex-mareen iska hor-imaadyo diblomaasiyadeed.

Magacaabista Danjire Jabriil Ibraahim ayaa waxaa si weyn usoo dhoweeyay Soomaalida ku nool dalka Kenya, iyaga oo ku tilmaamay mid ay ku bogaadinayaan dowladda federaalka Soomaaliya oo ay sheegeen in ay tahay mid wax qabatay 16 bilood oo ay jirtay.

Nabadoon Axmed Faarax oo kamid ah Odayaasha ku nool xaafada islii ayaa u sheegay Caasimada Online in madaxweyne Xasan Sheekh uu dalka Kenya u soo magacaabay shaqsi aqoon u leh caalamka, isagoo sheegay in Danjire Jabril Ibraahim  uu yahay shaqsi wax ka qaban kara xaaladda Kenya iyo Soomaaliya iyo baahida Soomaalida ku nool Kenya.

Soomaalida ku nool Kenya, gaar ahaan xaafada Eastliegh ayaa ganacsiyo waaweyn ku leh Kenya, gaar ahaan xaafada  Eastliegh, waxayna Danjirayaashii soo maray dalka Kenya ay ka war qabeen dadka degan xaafadaas iyo ganacsigooda, xilli mararka qaar ay safiirada la kulmaan waxgaradka Soomaalida ee degta Eastliegh, kuwaasi oo ay ka wareystaan xaaladda amni iyo  hadii ay dhibaato kala kulmaan dowlada Kenya.

Isku soo wada duuboo Soomaalida degan Kenya, gaar ahaan xaafada Eastliegh ayaa lagu wadaa in ay maalmaha soo socda sameeyaan xaflado ay ku soo dhawaynayaan safiirka cusub ee Soomaaliya u soo magacaabatay Kenya Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Jabriil Ibraahim ayaa ah shaqsi aqoon u leh diblumaasiyada, waxa uuna ka soo shaqeeyay oo uu soo noqday madaxa hay’ada cilmi-baarista ee CRD kadib dilkii Marxuum Cabdiqaadir Yaxye.

Danjire Jabril Ibrahim ayaa ku dhashay magaalada Muqdisho 1969-kii, isagoo isla magaaladan ku qaatay waxbarashada ilaa dugsi sare.

1990-1995: Cilmiga Sociology iyo Public Administration ayuu ka dhigtay Carleton Universiy, Otota ee dalka Canada, isagoo heysta shahaadada koobaad ee Political Science, waxaa uu si gaar ah ugu taqasusay xallinta khilaafaadka.

Mr. Jibril waxaa mudooyinkii la soo dhaafay ku jiray siyaasada, asaga oo soo boqday Musharax Madaxweyne, waxa uuna in badan ka soo shaqeeyaya oo uu Madax ka ahaa hey’adda Centre for Research and Dialogue (CRD), hey’addan oo ay wada aas-aaseen isaga iyo Dr. Cabdiqaadir Yaxye.

Danjire Jabriil Ibraahim ayaa sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyay wasaaradda cadaallada Canada, waxa uuna aqoon fiican u leeyahay siyaasada arimaha dibada.

Sidoo kale Danjire Jabriil ayaa ku lug lahaa nabad dhiska iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya xilligii hogaamiye kooxeedyada ay kala xirteen wadooyinka Muqdisho, isaga oo madax ka ahaa hay’adda CRD oo shaqooyin wanaagsan kasoo qabatay Soomaaliya xilli magaalada Muqdisho ay u kala xirnaayeen yogaamiye kooxeedyadii.

Cabdixakiin Cilmi Xasan
Nairobi Kenya
[email protected]
+254711830393

Shabaab oo qarxisay xarun ganacsi oo ku taal Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax xoogan oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Howlwadaag, kaas oo ay jugtiisu si xoogan u maqleen dadka deegaanka.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in xalay saq-dhexe uu ka dhacay dukaan lagu iibiyo qalabka Spare Parts-ka baabuurta oo ku yaalla isgoyska Black Sea ee degmadaasi, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Miinada ayaa la sheegay in lagu xiray, kadibna sidaas lagu qarxiyay, ayada oo falkaas lagu eedeeyay kooxda Al-Shabaab oo inta badan weeraro ka fuliso gudaha caasimada.

Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay qaraxan, balse waxaa lasoo wariyay in burbur uu soo gaaray dhismaha dukaanka iyo alaabtii tiilay.

Sababta loo beegsaday goobtan ganacsi ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii lagu xiray kaamirada qarsoon ee CCTV oo ay amartay dowladda Soomaaliya, balse waxaa dhanka kale ka horyimid kooxda Al-Shabaab oo haatan bilowday beegsiga ganacsatada.

Waxaa qaraxan ka horreeyay mid kale oo dhawaan ka dhacay degmada Yaaqshiid, kaas oo lala beegsaday Farmashiye isna lagu xiray Kaamirada, waxaana kasii horreeyay miinooyin kale oo lagu xiray xarumo ay shirkadda Hormuud ku lahayd Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Arrimahaan ayaa waxaa walaac ka muujinaya ganacsatada, maadaama ay dhexda u galeen laba dhinac oo kala ah dowladda oo ku amartay inay goobahooda ganacsi ku xiraan CCTV, halka kooxda Al-Shabaab iyana dul-dhigtay amar kale oo ah in aysan ku xiri karin kaamiro.

“Aad ayaan uga xunahay labada dhinac waxay na leeyihiin kan fur, kana xir marka dhibaato weyn ayaan ku qabnaa labada dhinac” ayuu yiri mid kamid ah ganacstad degmada Dharkenley oo uu saameyn ku yeeshay go’aankan kadibna xiran ganacsigiisa.

Si kastaba, magaalada Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay ammaankeeda waxa uu ahaa mid deggan, waxaana howlgallo ka wadan ciidamada dowladda Soomaaliya.

DF oo saanad ciidan iyo dhaqaale u heshay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay taageero lacageed iyo saanad ciidan ay u heshay dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab, taas oo ka timid Ururka Midowga Yurub oo si weyn u taageero Soomaaliya.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo warsaxaafeed soo saartay ayaa u mahad-celisay Golaha Midowga Yurub oo aysheegtay in ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed uu ugu yaboohay taageero dhaqaale oo dhan hal miylan oo Yuuro.

Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay in lacagtaas uu la socdo agab milatari oo loogu tala-galay ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee haatan dagaalka adag kula jira Al-Shabaab

“Wasaaradda Gaashaandhigga waxa ay soo dhaweyneysaa go’aannada Golaha Midowga Yurub ee ku yaboohay taageerada ciidamada Qaranka Soomaaliya saanad iyo agabka dagaalka iyo aduun lacageen oo dhan hal miylan oo Yuuro” ayaa lagu yiri qoraalka.

Warkan ayaa waxaa kale oo lagu sheegay in taageeradan lagu qalabeyn doono ciidamada milatariga ee hadda tababarka ku qaadanaya xerada Dhagabadan ee magaalada Muqdisho.

“Dhaqaalahan ayaa loo isticmaali doonaa tayaynta iyo qalabeynta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee hadda lagu tababaro xatunta Jenaraal Dhagabadan” ayaa lagu yiri.

Taageeradan ayaa qayb ka ah qorshaha ay dowladda Soomaaliya, kula wareegeyso amniga dalka oo dhan, marka ay baxaan ciidamada ATMIS dhammaadka sanadka 2024-ka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa xilligan ka socdo dadaallo dheeraad ah oo lagu xoojinayo amniga iyo guluf dagaal oo dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab.

BF oo u yeeray wasiir FIQI iyo guddoomiyaha SODMA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kalfadhiga 4-aad kulankiisa labaad ee Golaha Shacabka oo maanta uu shir-guddoomiyay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa looga dooday xaaladda ka taagan dalka, ayada oo lagu go’aamiyay in loo yeero wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha hay’adda SODMA.

Kulanka oo uu goobjoog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Cabdullahi Abshirow ayaa waxaa uu ajendihiisu ahaa dhameystirka doodii socotay ee la xiriirtay xaaladda fatahaadaha ka jira dalka iyo khasaarihii ka dhashay.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa ajendaha kulanka maanta qeybtinta warbixinta xisaab xirka sanad maaliyadeedka ku dhamaaday 31-ka Decembar 2022-ka iyo qeybinta qoondaha Miisaaniyadda 2024.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa si isku mid ah ugu dooday ugana qiirooday qoysaska Soomaaliyeed ee wax yeeladu ka so gaartay fatahaada iyo daadadka ka dhashay roobabkii ka da’ay gobolada dalka.

Waxay xildhibaannadu soo jeediyeen in loo yeero hay’adaha dowladda u xil-saaratay arrimaha samafalka iyo mas’uuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha xukuumaddda federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo gunnaanaday kulanka maanta ayaa waxaa uu ku soo gaba-gabeeyay in loo yeero wasiirka arrimaha gudaha federaalka iyo dib-u-heshiisiinta iyo guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka ee SODMA.

Masuuliyiintan ayaa wax laga weydiin doona marka ay Golaha hortagaan xaaladda fataahaadaha ka jira dalka iyo halka ay wax marayaan, maadaama Xildhibaannada soo jeediyeen.

CC Shakuur: Xasan Sheekh isagaa awooddii isku koobay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Mudanayaasha golaha Shacabka ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa si wayn u dhaliilay hanaanka madaxweyne Xasan Sheekh uu ku doonayo wax ka badalka Dastuurka.

“Xasan wuxuu dalka ku maamulaa hadda hab madaxtooyo waana ay caddahay. Shirarka isaga dalka matala, Xildhibaanada isaga qaabilaya taas dood kama taagna,” ayuu ku yiri waraysi uu siiyay Barnaamijka Awooda Shanaad ee Dalsan TV.

Hogaamiyahan ku caan baxay Mucaarad-nimada ayaa dadka qeyb ku tilmaamaan in uu u cabiro si aan gabasho lahayn iyada oo mar-marka qaar lagu tilmaamo macalin jaamacadeed oo ka faalooda siyaasadda Soomaaliya taasi oo uu kaga duwan yahay siyaasiyiinta kale.

“Dhaqaale iyo Awood iyo wakhti ha isaga lumin madaxweyne arintaas. Hadii ay Barlamaanka meel mariyaan xitaa aniga ma aqbali doono,” ayuu ku yiri isaga oo sii hadlaya.

Kalsoonida Beelaha ayuu ku tilmaamay mid sal u ah hanaankaan Barlamaamiga ah isla markaana aanau suurtagal ahayn in madaxweyne oo kaliya uu iska qaato awooda isaga oo tusaale usoo qaatay madaxweynayaash Puntland iyo Somaliland oo haatan lagu kari la’yahay qabashada Doorashada labadaasi maamul.

Wax ka badalka Dastuurka ayay horey u diideen madaxweynayaal iyo ra’iisul wasaarayaal hore iyaga oo ka digay in isu-dheeli tirnaanta awooda fulinta ee dowlada federaalka ay Dheeliso.

Puntland ayaa iyadu dhawaan ku celisay in aan marna arintaasi qeyb ka ahayn isla markaana aanay aqbalayn.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo muddo ku eedeyn jira madaxweyne Farmaajo inuu iskiis isku koobay awoodda dalka, islamarkaana raadinayey muddo kororsi iyo kali-talisnimo, ayaa hadda u muuqda inuu cagta saaray dhabbahaas oo kale.

Daawo: Al-Cadaala oo weerar culus ku qaaday siyaasiyiinta kasoo horjeedo dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo xalay ka qayb-galay munaasabad ka dhacday Xarunta Tiyaatarka Qaranka oo lagu soo dhaweynayay ku biirista Soomaaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta kasoo horjeedo dowladda dhexe.

Al-Cadaala ayaa ugu horreyntii khudbaddiisa diiradda ku saaray ammaanka Muqdisho oo isbeddal laga dareemayo iyo dagaalka Al-Shabaab oo uu sheegay in guul laga soo hooyay.

Sidoo kale  waxa uu tilmaamay inay jiraan dad dano gaara leh oo siyaasiyiin ah oo dhammaan kasoo horjeedo horumarkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaad ogtihiin oo la socotaan, iyada oo waxaas oo wanaag ah ay waddada ka socdaan in weli dalkeena uu haraadi ku yahay dhaqanka ah in lugaha la’isku dhago” ayuu yiri.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku Maah-maahay “In kastoo loo baaqo oo loo sheego barwaaqo dadbey meeli bugtaa”.

Waxaa kale oo uu farriin u diray dadka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay in aysan dhageysan dadkaas baahinaya fikradaha aan u wanaagsanayen dalka Soomaaliyeed.

“Waxaan dadka Soomaaliyeed leeyahay mugdi iyo iftiin waa kala cad yihiin kuwa nuucaas ah ee marin habaabinta u taagan u duceeya in Ilaaheyn iimaanka uu geliyo” ayuu raaciyay.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda isbeddalo waa weyn oo uu ugu horreyo amniga oo natiijo wanaagsan laga gaaray, kadib dadaallo ay la timid dowladda federaalka Soomaaliya.

Maxaa ka cusub dagaalkii Danab iyo ciidanka HirShabelle?

0

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa Jowhar laga bilaabay xalinta dagaal khasaare badam heystay oo maalmo ka hor dhex maray ciidamada Danab ee Jowhar degan iyo booliska maamulka HirShabeelle.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida, qeybta 27-aad G/Sare Maxamed-Amiin Aadan Cabdulle ayaa Jowhar u tegay xalinta wixii dhacay.

Dagaalkaan ayaa ka soo bilowday weerar la sheegay in ciidamada booliska HirShabeelle ay ku qaadeen ciidamo ka tirsanaa Danab oo ku dhex sugnaa magaalada Jowhar.

Hal askari ayaa markaas laga dilay Danab, halna dhaawac ayaa looga qabtay, laakiin Danab oo ka careysan weerarkaas ayaa maalinkii dambe jidka u gashay guddoomiyaha baarlamaanka HirShabeelle, waxaana la isku furay rasaas badan.

Khasaare u badan dhaawacyo qaarkood soo gaaray masuuliyiin ka tirsan maamulka HirShabeelle ayaa ka dhashay halkaas, waxaana ka hadlay guddoomiye Luqmaan Xaaji oo dalbaday in jawaab cad uu taliska ciidanka xoogga ka bixiyo weerarkaas.

Guddoomiye Maxamed-Amiin oo fagaare kula hadlay ciidanka Danab ee Jowhar ku sugan ayaa saraakiisha iyo askarta kula dardaarmay in aysan xabad dambe ku ridin cid aan cadowgooda, sida Al-Shabaab.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa kormeeray oo fagaare kula hadlay ciidamo ka tirsan kuwa maamulka HirShabeelle, isagoo yiri “Dhiigga bini’aadamka lama daadiyo, hadii aad wax saxeyso, ha sameyn qalad kale oo kaga dhigin arrinta qalad qalad ku sax,” ayuu yiri.

Maalmahaan guddoomiye Maxamed-Amiin ayaa ku sugnaa Jowhar, si xal looga gaaro qalalaasihii ka dhacay magaalada iyo isku dhacyadii ciidan ee cabsida ku abuuray dadka shacabka ah.

Hoos ka daawo

Mucaaradka Puntland oo caddeeyey mowqifkooda tallaabadii uu qaaday DENI

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dallada ay ku midaysan yihiin siyaasiyiinta Mucaaridka ah ee Puntland ayaa ka horyimid guddi qaabilsan wada-hadalka arrimaha doorashooyinka oo uu xalay magacaabay madaxweyne Deni.

War-saxaafadeed ka soo baxay dallada Mucaaridka ayaa lagu caddeeyay in ay diyaar u yihiin wada-hadal dhab ah oo ku saabsan hirgelinta doorasho hufan oo nabdoon kuna dhacda wakhtigeeda 8 Jan 2024.

Mucaaridka ayaa ku tilmaamay guddiga uu magacaabay madaxweyne Deni mid lagu xagal-daacinayo dadaallada ay hormuudka u yihiin odayaasha dhaqanka SSC-khaatumo si uu u sameeyo mudda kororsi sharci-darro ah.

Dallada Mucaaridka ayaa sidoo kale ku baaqay in fursad la siiyo dadaallada nabad raadinta oo ay wadaan odayaasha dhaqanka SSC si loo dejiyo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan muranka arrimaha doorashada islamarkaana aan laga hor dhicin dadaalkaasi.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran

Dalladda mucaaradka Puntland waxa ay u taagantahay ilaalinta xasiloonida, midnimada, Shuruucdii lagu dhisay Dowladnimada Puntland iyo badqabka mawaadiniinta Puntland.

Dalladdu waxay horay u sheegtay haddana cadeeyneysaa in ay diyaar u tahay wadahadal dhab ah oo lagu xaqiijinayo qabsoomidda doorasho hufan, nabdoon waqtigeediina ku dhacda.

Hadaba, warqadii 27/11/2023 madaxweynahu soo saaray kuna magacaabay guddi wadahadal, dalladu waxay u aragtaa in ay ahayd mid is burineysa daacad-darrana ka muuqato, dhinac ka sheegaysa wadahadal dhinaca kalena ay ka muuqato rabitaankiisa mudda korarsi.

Dalladdu waxay mar walba tageeraysaa guddoonkii isimadu ay horay u gaareen 01/11/2023, waxayna soo dhaweyneysaa dariiq kasta oo nabadgalyo ah, laguna gaari karo qabsoomida doorashada madaxtinimada Puntland, in ay ku dhacdo waqtigeedii dastuuriga ahaa (08.Jan.2024) si waafaqsan Dastuurka Dowladda Puntland qodabkiisa 79-aad.

Dalladdu waxay soo jeedinaysaa in fursad lasiiyo dadaalada nabadeed ee ay hormuudka ka yihiin Isimada Dhaqanka SSC-khaatumo, culimada, ganacsatada, haweenka, qurbo-joogta, bulshada rayidka ah iyo beesha caalamka.

Dalladu waxay shacabka Puntland ugu baaqaysaa inay u diyaar garoobaan doorasho ku dhacda wakhtigeedii 08.01.2024.

= DHAMMAAD =

Xog: Xaalad halis ah oo soo wajahday guddoomiyaha golaha wakiilada PUNTLAND

0

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa lagu soo warramayaa in haatan xaalad amaan ay soo wajahday, taas oo la xiriirta xiisada dagaal ee weli ka taagan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Guddoomiyaha oo laga soo duubay muuqaal qarsoodi ah “Off The Roccord” ayaa walaac xoogleh ka muujiyay xaaladda adag ee hadda lasoo daristay, sida laga dheehan karo Video-ga oo la duubay, xilli kulan la qaadanayay qaar kamid ah haweenka magaalada Garoowe.

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa shaaca ka qaaday inuu wajahayo xaalad cabsi ah oo la xiriirta noloshiisa, taas oo ka dhalatay khilaafka doorashada maamulka Puntland.

Sidoo kale waxa uu diray qaylo dhaan deg-deg ah, si wax looga qabto arrimaha soo kordhay iyo xaaladdiisa, maadaama uu ka cabanayo arrimo amaan.

”Nin maskiin ah oo reer Sanaag ah baan ahay 80 gaari oo tikniko ah baa dushayda saaran, mucaaradku haday i yimaddaan way i kaxaysan karaan” ayaa ka mid ahaa hadallada uu ugu cawday guddoomiyihiu haweenkii la kulmay.

Guddoomiyaha oo sii hadalay ayaa sheegay in mucaaradka aysan u muuqaan guddiga doorashada iyo madaxtooyada, balse ay kaliya arkaan isaga, sida uu hadalka u dhigay.

“Nimankii shaqada gacanta ku hayay umaysan tagin sida Guddiga doorashooyinka PEC iyo madaxtooyada aadi maayaan ee aniga keliya ayay i arkaan” ayuu ku sii yiri muqaalkan sida qorsoon looga duubay, kadibna lagu sii baahiyay baraha xiriirka ee bulshada.

Si kastaba, hadalka iyo muuqaalka laga soo duubay guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland ayaa dhaliyay hadal heyn xoogan, waxayna dadku uga hadleen siyaabo kala duwan.

Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalada hubanti la’aan ah oo ka dhalatay muranka doorashooyinka oo ay weli isku hayaan madaxweyne Deni iyo xubnaha mucaaradka ah.