28.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

R/W Rooble oo soo saaray amar ku socdo wasiirka arrimaha dibadda Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray amar culus oo si toos ah ugu socdo wasaaradda arrimaha dibadda, kaas oo la xiriira shaqaalihii laga saaray wasaaradda.

Rooble ayaa wasiir Cabdisaciid Muuse Cali ku wargeliyey in laga bilaabo kowdii Janaayo 2022 shaqaalaha dowladda ee la bedelay ama shaqada laga qaaday aanay waafaqsaneyn go’aankii horey uga soo baxay Golaha Wasiirada, sida lagu sheegay qoraalkan soo baxay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale faray in dhammaan shaqaalahaas dib loogu fasaxo howlahooda shaqo, dibna loogu celiyo goobihii iyo xafiisyadii ay ka shaqeynayeen.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray hey’addaha kale ee dowladda ee warqadan ogeysiinta lala socodsiiyay inay qabsadaan howlaha kaga aadan fulinta amarkan.

“Sidaas daraadeed waxaa la idinka rajeynayaa inaad sidaa ula socotaan fulisaana awaamiirta sare ku xusan” ayaa lagu yiri gabagabadii amarka kasoo baxay Rooble.

Go’aanka kasoo baxay ra’iisul wasaaraha oo haatan ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah, maadaama maanta uun xilka la wareegayo Madaxweynaha cusub ee dowladda Soomaaliyda, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, wuxuu amarkan saameyn doonaa shaqaalihii kala duwanaa ee ay wasaaraddu qaadatay wixii ka dambeeyey kowdii Janaayo ee 2022, maadaama dib loo soo celinayo shaqaalihii horey u joogay wasaaradda ee la beddalay & kuwa toos looga saaray shaqada.

Yaa jabiyay CC SHAKUUR doorashadii madaxweynaha?

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ahaa xubnihii filashada badan laga qabay doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa kamid noqday xubnihii ku haray wareegii hore ee doorashada madaxweynaha.

Waxay kamid aheyd dhacdooyinkii loogu yeeray ‘lama filaankii doorashada ee dhanka hoose.’

Cabdiraxmaan oo ahaa mucaaradka ugu weyn ee Farmaajo kasoo horjeeda ayaa dhinaca kale wuxuu shaqo muuqda ka qabtay dhinacyada dadweynaha, ganacsatada iyo saaxiibada dibadda, laakiin dariiq ay isaga iyo beeshiisa isaga soo dhaceen maalmihii u dambeeyey ee doorashada madaxweynaha oo loo arkayey faa’ido u soo korortay ayaa dhinaca kale loo akhriyey dhibaato soo deg degtay.

Kacdoon dhashay 72 saacadood ka hor doorashada madaxweynaha, kaas oo dabasocday soo jeedin markii hore la sheegay inay ka timid ra’isul wasaare Rooble iyo hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayey dadka qaar filayeen inay Cabdiraxmaan ka saacidi doonto natiijo buuran.

Kulamo kala duwan oo Rooble iyo Qoor Qoor lala yeeshay doorashada ka hor waxaa ku jirtay kalmad la yiraahdo hal musharax xoogiina isugu geeya.

Ganacsatada beeshaas ayaa sidoo kale soo jeedisay in hal qof la dhiso. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo loo arkayey kan ugu fursadda badan ayaa dhowr musharax oo ay ku jireen Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Dr. Cabdinaasir Cabdulle u tanaasuleen iyadoo markaas kadibna ay ganacsato siisay gacan maaliyadeed.

Hase yeeshee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame wuxuu ku haray wareegii koowaad ee doorashada madaxweynaha isagoo helay 15 cod.

Hadda waxaa aad la isku weydiinayaa cidda jabisay Cabdiraxmaan?

Kooxdiisa ololaha oo aan la hadalnay waxay toos eedaan dusha uga saarayaan hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Kaliya maahan inay diideen inay Cabdiraxmaan dhisaan, balse waxay toos ula dirireen dhammaan kanaaladii uu codadka ka heli karay sida ay kooxdiisa sheegtay.

Qoor Qoor wuxuu dhisayay Farmaajo, wuxuuna qorshaha labaad ka dhigtay Shariif Sheekh Axmed, waxaana la sheegay in xildhibaanada ka diida inay Farmaajo codka siiyaan uu ku qalqaalinayey inay Sheekh Shariif siiyaan. Rooble isagu bannaanka ayuu u taagnaa Xasan Sheekh.

Kooxda ololaha ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa laga soo weriyey in xilldhibaano go’aansaday inay codka isaga siiyaan in Qoor Qoor iyo Rooble ay soo dhex galeen oo ay badaleen kuna xireen musharixiin kale, taas oo burburisay halgankii Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee soo socday 5-ta sano, waa sida ay kooxdiisa ku doodeyso.

Lama yaqaano waxa ay sidaan u sameeyeen, laakiin dadka qaar waxay leeyihiin waxay aaminsan yihiin inuu dili lahaa fursadooda dambe ee siyaasadda, haddii uu soo bixi lahaa Cabdiraxmaan.

Suurtagal maaheyn inuu natiijo fiican keeno musharax ay la dagaalamayaan labadii siyaasi ee ugu sareysay beeshiisa ayey leeyihiin falanqeeyaashu.

Inkastoo aanan Cabdiraxmaan Cabdishakuur si gaar waxba uga weydiinin sababihii jabiyey iyo waxa uu qorsheynayo mustaqbalka dhow, hadana kooxdiisa ololaha waxay noo sheegeen in arrintaan si weyn la isaga wareystay dhowrkii cisho ee lasoo dhaafay oo ay tuhuno badan jiraan.

Xagga dadweynaha arrintani waxay aheyd dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay mid kamid ah hadalheynta ugu weyn ee siyaasadda Soomaaliya.

Soomaalida Netherlands oo dooratay guddi cusub

Dallada isu-tagga ururada Soomaalida “Federatie van Somalische Associaties” ee magaceeda loo soo gaabiyo [FSAN] oo ah dallad ay ku middeysan yihiin in ka badan 65 ururo Soomaali ah, oo ka dhisan waddanka Netherlands ayaa doorasho daah-furan oo shalay ka dhacday xafiiskooda Magaalada Amsterdam ku doortay guddi ka koobban 5 xubnood oo 2 ka tirsan ay ahaayeen Guddigii  hore ee dalladda.

Doorashada ka hor, ayaa maamulkii hore waxa ay ka warbixiyeen waxqadkii dallada muddadii ay joogeen, iyagoo ku amaanay ururada xubnaha ah howlaha ay ka hayaan magaalooyinka ay ka dhisan yihiin iyo xiriirka wada-shaqeyneyd ee ay leeyihiin dallada FSAN.

Gudoomiyahii hore FSAN Cali Waare ayaa inta aysan dhicin doorashada waxa uu codsaday inuu masuuliyadda uu hayo baneenayo maadaama buu yiri loo baahan yahay isbeddel iyo wejiyo cusub, isagana uu muddo soo hayey xilkan gudoomiyaha FSAN. 

Guddiga xilka ka degay ayaa soo jeediyay in 3 xubnood oo xilal kala duwan dalladda ka soo qabtay, laguna tuhmayay waaya-aragnimo dhinaca maamulka ah loo xilsaaro  agaasinka doorashada, waxeyna kala ahaayeen C/kariin, Mahad & Iikar.

Guddiga doorashada ayaa soo jeediyay in  9-ka musharax ee u tartamayay ka mid noqoshada guddiga FSAN midkiiba la siiyo sursad 3 daqiiqo ah, oo uu ku sharaxayo khibradiisa & haddii xilkaasi loo doorto waxa uu dalladda ku soo kordhin karo, iyada oo xubnihii ka socday ururada na fursad loo siiyay in ay  su’aalo weydiin karaan. 

19-kii xubnood ee ka socday ururada soo buuxiyay shuraadaha codbixinta ayaa u codeeyay sagaalkii musharax ee la doonayay in laga soo xusho 5 xubnood,  waxaana natiijadii doorashadu ku soo idlaatay:

1] Maxamed Cabdullaahi [Askari] wuxuu helay 12 cod
2] Maxamed Cusmaan [Guurre] wuxuu helay 9 cod.
3] C/shakuur Cilmi Xassan wuxuu helay 8 cod.
4] Amal Cumar waxay heshay 7 cod
5] Cabdiwahaab Yariisow wuxuu helay 6 cod
6] C/qaadir Nuune wuxuu helay   6 cod.
7]  Maxamed Siciid wuxuu helay 5 cod
8] Cusmaan Abuukar  wuxuu helay 4 cod
9] Shariif-ka wuxuu helay [waxba]

C/shakuur Cilmi oo doorashada ka galay kaalinta 3-aad ayaa soo jeediyay  inuu u  tanaasulo, ayna booskiisa soo buuxiyaan shaqsiyaad aan looga maarmin karin shaqada FSAN khibradooda daraadeed. 

Sida dastuurka FSAN uu dhigayo guddiga la doortay ee 5-ta xubnood ka koobban ayaa dhexdooda iska doortay Guddoomiye, Xisaabiye & Xog-hayn, waxayna u kala doorteen:-

Maxamed C/llaahi Askari [Askari] oo loo doortay Guddoomiyaha dalladda FSAN, C/wahaab Yariisoow ayaa noqday Xisaabiye, Amal Cumar oo loo doortay Xoghaye, halka Maxamed Cusmaan Guurre & C/qaadir Cali [Nuune] ay noqonayaan xubno ka guddiga ka tirsan.

Guddoomiyihii hore ee dalladda FSAN Cali Waare, ayaa lagaga mahadceliyay muddadii uu xilkaasi hayay waxqabadkii & dedaaladii loogu qidmeynayay mushtamaca Soomaalida ah, wuxuuna Cali u rajeeyay Guddiga cusub oo uu ku tilmaamay dad waxtar leh in ay halkaasi ka soo wadaan dedaalada ku aadan in laga shaqeeyo sidii da looga shaqeyn lahaa Soomaalidu iyaga oo isku duubban.

Hub ay bixisay hay’adda CIA-da Mareykanka oo lagu dilay 22 qof oo Soomaali ah

Boosaaso (Caasimada Online) – Ugu yaraan 22 qof oo ay ku jiraan laba caruur ah ayaa lagu dilay tobaneeyo kalena waa lagu dhaawacay hub ay bixisay hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA oo loo qeybiyey ciidan la-dagaalama argagixisada oo ka dhisan Soomaaliya. 

Dagaalka ayaa ku saabsanaa cidda maamuleysa hubkaas, waxaa sidaas baaritaan ay sameysay ku ogaatay warbaahinta VICE World News ee Mareykanka.

Dagaalka oo dhacay sanadkii tegay ayaa dhex-maray askar ka wada tirsan ciidanka PSF ee Puntland oo ay abuurtay CIA-da, islamarkaana ay tababareen ciidanka Navy SEALS. 

Dadka dhintay ayaa waxaa ka jiray caruur uu dhalay nin la magacaabo Saciid Shidow oo da’doodu aheyd 8 iyo 12 jir, nin kale oo uu dhalay oo 35 jir ahaa, waxaana ku dhaawacmay afar kale oo da’doodu aheyd 6, 8, 9, iyo 13 jir, markii hoobiye uu ku dhacay gurigooda magaalada Boosaaso. 

Sida ay shaacisay VICE, markii madaxweyne Trump uu ciidanka Mareykanka ka saaray Soomaaliya horaaantii 2021, waxay ka tageen hub badan oo ay ku jiraan hoobiyeyaal, qoryaha AK-47 iyo rasaas.

Ciidanka PSF oo isku qabsaday maamulka xarun ku taalla Boosaaso iyo hubkii laga tegay, ayaa qeyb ka mid ah waxay la safnaayeen madaxweynaha Puntland Saciid Deni, halka qeybta kalena ay la jireen Maxamuud Diyaano. 

In kasta oo xiisaddaas la qaboojiyey, haddana cilmi-baare Soomaali ah oo la hadlay VICE, balse codsaday inaan la magacaabin ayaa rumeysan in dagaalka uu mar kale dib u qarxi karo. 

Waxa uu sheegay in qoyska Diyaano iyo maamulka Puntland ay labaduba sheeganayaan PSF iyo hubka Mareykanka uu ka tegay, islamarkaana xiisaddaas aan weli xal buuxa laga gaarin.

Hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa dhismaha ciidanka PSF billowday 2002, waxaana kadib tababarkooda la wareegay ciidanka Navy SEALS ee ah xulka ciidamada Mareykanka. 

Mareykanka ayaa markii ay ciidankan abuureen waxay awoodda siiyeen qoyska reer Diyaano. Waxaa markii hore ciidanka hogaaminayey Cusmaan Cabdullaahi Diyaano, kadibna waxaa kala wareegay wiilashiisa. 2018-kii ayaa Maxamuud Diyaano wuxuu hoggaanka PSF ka beddelay Asad Diyaano. Sidoo kale hooyadood ayaa aheyd madaxa mashruucyada iyo sahayda PSF.

Markii Mareykanka ay Soomaaliya ka baxeen Janaayo 2021, madaxweyne Deni ayaa bilo kadib xilka ka qaaday agaasime Maxamuud Diyaano, balse agaasimaha ayaa ku gacan sayray, isaga oo sheegay in qoyskiisa ay leeyihiin PSF.

Kadib ciidanka ayaa u kala baxay kuwa taageersan Diyaano iyo kuwa raacsan Deni, halkaasi oo dagaal culus uu ka qarxay.

“Waxay u maleeyeen welina u haystaan in PSF ay ayaga leeyihiin, taasina waa dhibaato weyn,” ayuu yiri taxliiliye la hadlay VICE.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa mar wax laga weydiiyey beenin in hubkooda uu ku jiro gacanta PSF, balse waxay sheegeen inaysan wax lug ah ku laheyn wixii dhacay.

“Ciidamada Mareykanka kuma lug laheyn wax howlgal militari ah oo dhacay December 2021, sidoo kalena ma jiraan wax sheegashooyin khasaare shacab ah oo nasoo gaaray,” ayuu yiri wakiil u hadlay AFRICOM.

Dowladda Puntland iy saraakiisha PSF ayaa diiday inay ka jawaabaan codsiyo loo diray oo la xiriira dagaalkan.

Sidee habboon in laga yeelo ciidankii Gedo la geeyay?

Dowladdii madaxweyne Farmaajo ayaa meelo ka mid ah gobalka Gedo geysay ciidan heer federaal ah. Ujeedka ciidankaas maamulka Jubaland (JL) iyo madaxdi mucraadka waqtigaas, oo uu ku jiro madaxweynaha cusub, waxay ku sifeeyeen arrin siyaadadeed. waxaa ay cod dheer ku dhihi jireen “ciidanka ha la soo celiyo”. Madaxweyne Xasan sheekh si gaar ah ayuu ugu celceliyay in ciidaankaas khalad meesha lagu geeyay ayna tahay in dib loogu soo celiyo xeryihii laga qaaday. Haatan Xasan waa ninka dalka ugu sarreeya. Isagaa leh go’aanka iyo waxa laga yeelayo ciidankaas.

ka go’aan-qaadashada arrintaas waxay u baahan tahay helidda xog rasmi ah, kaadsiimo iyo ka fekerka meel ka fog halkii awal dooddu joogtay. Qormadaan gaaban waxaan rabaa inaan kusoo gudbiyo xog la xiriirta ciidammadda Gedo la geeyay. Waxaa ay u badan tahay in affriintaydu aysan gaarin madaxweynaha laakiin ugu yaraan dadka Soomaaliyeed waa in ay ogaadaan xogta dhabta ah ee ciidankaas iyo midda gobalka si ay sooyaalka ugu daraan tallaabooyinka la qaado. 

Aan ku billaabo naftayda iyo xiriirka Gedo naga dhaxeeyo. Gobalka Gedo waa halka qoyskaygu ku noolyahay. In waqti ah seddexdi sanaba mar ayaan tagayay. safarkaygi ugu danbeeyay wuxuu soo gabagaboobay 24’ki Maarso 2022. Midkii ka horreeyay wuxuu ahaa isla bilaha Feebaraayo iyo Maarso 2019. Waxaa kaas xigay 2016. Taasoo ka dhigan inaan tagay laba jeer oo Farmaajo xilka hayay iyo mar uu Xasan hayay. Safarki ugu danbeeyay marki laga reebo, waxaan tagi jiray Baladxaawo iyo Garbahaarreey iyo mar aan Doolow ku daray. 

Waxyaabaha aan mar walba u kuurgali jiray waxaa ka mid ahaa ciidammada iyo amniga. 2016, Garbahaarreey waxaa joogay ciidan u eg mid dowladeed. Si fiican u labbisan, gaajo aysan ka muuqan, xuquuq hela ilaa xadna disbiliin leh. Baladxaawo goortaas waxaa ay ahayd xero mooryaan. Ciidanka joogay wuxuu ahaa wiilal yaryar oo qoryaha dhulka ku jiidaya, aad u diifaysan, qaarkood dacas iyo macawiso gashanyihiin oo ay adagtahay in lagu tilmaamo ciidan. Gawaarida xamuulka keenta ayaad arki karaysay iyadoo dhowr wiil midba mar meel ku joojinayaan iyagoo lacag ka raba. Ma ahayn ciidan diiwaan-gashan oo xuquuq leh. Dhowr cisho oo aan joogay laba maalin oo ka mid ah ayay suuqa isku rasaaseeyeen iyagoo halis galiyay nafta dad badan oo shacab ah.

2019, Garbahaarreey waa ay sii hagaagtay. Xaqiiqdi waxaan kusoo arkay ciidan aad u disbiliin sarreeya. Waa ay adkayd inaad aragto askari qori sita oo suuqa maraya. Marki ay xeryahooda ka baxayaan waxaa laga reebi jiray qoryaha iyagoo tuutaha kaliya xiran ayayna magaalada soo aadi jireen. Maaddaama aan hub loo oggalayn in ay suuqa la maraan, galabnimo ayay xeryahooda ku noqon jireen. Baladxaawo waqtigaan (2019) isbaddal badan ayaan ku arkay. Wiilashi arradnaa tuute iyo kabo buud ah ayaa loo xiray. Muuqaal iyo haybad ciidan ayay yeesheen. Laakiin kuwa Garbahaarrrey ma aysan gaarin xagga disbiliinka oo wali hub ayay ku siteen suuqyada. 

2022 waxaan la kulmay waayo’aragnimo kale. Garbahaarreey ma aanan dhaafin. Iyadu ugama tagin ciidanki aan ku aqaannay. Ciidanku waa isla isagii laakiin waxaa lumay disbiliinki bilayay. Askartu habayn iyo maalin suuqyada ayay hubka la joogeen. iyagoo qoryaha dhabta ku haysta ayay biibitooyinka ku qayilayeen. Haddii aan waraystay sababta sidaan uu isugu baddalay ciidanku, waxaa la ii sheegay in wanaggi iyo disbillinki aan arkay uu la yimid taliyihii markaas xukumay. wuxuu ahaa nin adag oo aan cidna ugu joojin shaqadiisha. wuxuu hal jid saaray ciidanka kala sooc la’aan. Sargaalka hadda haysta ayay dadku iigu sheegeen nin jilicsan oo aysan askartu ka baqin. Sidii ay doonaan ayay u jabiyeen shuruucdi loo dhigay isna waxba ma dhaho.

Kuwaasu waa ciidanki awalba joogay oo ilaa waqtigii Xasan halkaas lagu ogaa. Waxaa kusoo kordhay malleeshiyaad NISA lagu sheegay. Waxaan magaalada (Garbahaarreey) ugu tagay laba Cabdibile oo NISA ku qoran tahay. Waxaa had iyo goor ku dhooban wiilal hubeysan oo kala jeestay iyagoo qoryaha keebka haysta. Muuqaalka hore waxaa kugu soo dhici qabaalladi sagaashamaadki lagu dagaal gali jiray. Marki ay magalaada dhex marayaan waa ay kuu xaqiiqoobi in ay yihiin mooryaanti rasmiga ahayd oo gaariga NISA loogu buufiyay.

Gaariga tiro badan ayay ku saaran yihiin. Isagoo aad mooddo galtaan la ganay ayaa suuqa la marsiin. Xiinkiisa, boorka uu kicinayo iyo quruuruxa uu firdhinayo ayaa argagax iyo cabsi ku rida dadka meesha ka dhow oo dhan. Bismillah iyo Ilaahow na mooti ayaa lagula noolyahay. Waxay dagganyihiin ayrboorrada dagmooyinka Gedo. iyagaa maamula wixii khidmad ahna ka qaada. Haddaan dhuuxaamay waxaa la igu xansaday in aysan ahayn NISA rasmi ah oo diiwaan la yaqaan ku jira, balse ay yihiin wiilal gobalka laga aruuriyay oo rag meesha qabsaday dadka ku baqdin galiyaan. Haddaan si kale u digo waa ciidan ka mid ah ciidanki Gedo la geeyay oo laba nooc ahaa. 

Nooca labaad ee Gedo la geeyay waa cidanka Gorgor oo Doolow iyo Baladxaawo la geeyay. Inkasta oo aanan tagin Baladxaawo intii ciidankaan la geeyay, haddana aad ayaan xogtiisa u raadiyay. Waxaan isku dayay inaan helo xog rasmi ah oo ku saabsan dhib iyo dheef wuxuu keenay. Baladxaawo ciidankaan waa ku diirsatay. Geynti ciidankaas waxay uga dhignayd xorriyaddii Soomaaliya lixdanki qaadatay oo kale. Si aad u fahanto muhiimmada arrintaas, aan ku siiyo xog kooban oo ku saabsan dagmada.

Ilaa iyo 1997’ki, dagmadaas waxaa gacanta ku hayay maamul gacan ku samays ah oo had iyo goor ku xiran waddamada dariska ah. Hadba kan ku gacan sarreeya gobal, Itoobiya iyo Kenya ayuu u shaqayn jiray. Haba u shaqeeyee danta shacabka uguma adeegayn. Labada dal xagga la macaamilka shacabka waxaa xun Kiinya. Itoobiya waa gumeyste aanan doonayn in dhagartiisa la fahmo. Laakiin Kiinya waa cawaan loo jabay oo aanan wax dan ah oo kale naga lahayn. 

Dadka ku nool Baladxaawo, oo in badan, noloshoodu ku xirantahay Mandera ayaa dhib weyn ku qabay askrata Kiinya. Qofkii ay doonaan ayay dili jireen, xiri jireen, kufsan jireen, dhici jireen ama waxa ay doonaan ka samayn jireen iyagoon ka baqayn xataa cambaarayn. Intaasu, inta badan, waxaa ay ka dhici jirtay xudduud-beenaadka. waayadii danbe waa ay soo tallaabsatay. Tan iyo markii gobalka loo dhiibay maamul JL ku xiran oo Kenya daacad u ah, waxaa ay billowday in ay dadka ku dhibaatayso Baladxaawo gudaheeda. Muwaaddiniin Soomaali ah, oo danbi loo xiray ama tuhun Shabaab loo xiray, ayay danbibaarayaal Kiinyaan ku dhexwaraysan jireen xabsiga Baladxaawo. 

Marar badan in ay jirdil xabsiga ugu geysteen ayaa la sheegay. Laakiin inta badan lacag baad ah ayay ka qaadan jireen. Ogow waxaan ku leeyahay, wiil soomaali ah oo Baladxaawo askari Soomaali ah ku xiray ayaa inta sargaal danbibaare Kiinyaan ah loogu yeero looga furan jiray lacag isagoo Baladxaawo joogo. Lacagtaas askariga Kiinyaan ah looma dhiibi jirin ee kuwa Soomaalida ah ee la shaqeeya marki horana u yeeray ayaa loo marin jiray. Sidoo kale kuwa Itoobiya ayaa iyaguna tuhmanayaasha waraysan jiray marki ay doonaan kuwa ay doonaanna Doolow u taxaaban jiray. 

Ihaanadaas ayaa lagu noolaa waqti dheer. Markii maamul dulligaas sharciyeeyay gobalki laga dhisayna waa la quustay. Quustaas waxaa meesha ka saaray ciidanki Gorgor ee Baladxaawo la geeyay. Wuxuu ahaa ciidan Soomaaliyeed, aad u tababaran, disbiliin leh, oo aan kusoo korin meel sawaaxili Soomaali ku gumeysto walina aan baran la shaqaysiga cadowga Soomaalida. Askartaan waxaa ay dageen xudduud-beenaadka. Waxaa marki ugu horreysay muddo 24 sano ah la dareemay xudduud rasmi oo kiinyaanku xurmeeyaan. Ayaamihii hore, shaqadoodi dad baarashada iyo hujuunka ahayd ayay Kiinyaanku isku dayeen. Laakiin marki ficilladaas ciidanka Gorgor gacan-ka-hadal kaga jawaabay xudduudka ayayba dhowr kiiloomitir ka sikadeen. 

Waxaa loo sheegay Kiinyaanka in aysan qofna xiran karin, dhibi karin ama aysan wax kale u geysan karin. “Qofkii idiin soo gudba ama u oggolaada inuu sii socdo ama naga noqo dhaha adinkoo xagtin gaarsiin.” ayaa lagu yiri. Marar ay isku dayeen in ay jabiyaan heshiiskaas, weerar xanuujiyay ayaa loogu jawaabay. Hal dhacdo oo qofka ay ku dhacday aan xogtiisa la socday aan idinku tusaaleeyo.

Waa gabar Soomaaliyeed oo Maraykan ka timid. Nayroobi ayay soo martay. ka dib in ay Baladxaawo u gudubto ayay rabtay. Xudduudbeenaadka ayay askar kiinyaan ah ku joojisay. Baarid ka dib waxay arkeen in ay baasaboor Maraykan ah sidato. Waa baarteen xoogaa lacag ah oo ay wadatay iyo baasaboorki ayay ka qaateen bax iska soco ayayna ku dhaheen. Konton tallaabo ayadoon socon ayay u tagtay ciidanki Gorgor oo ay ku barooratay. Taliyihii Gorgor, oo horey cashar lama illaawaan ah, ugu dhigay dhiggisa Kiinya ayaa taleefan u diray dhiggiisa. “Gabadhaas oo dhib noocaas ah loo geystay ayaa ila joogta. haddii aadan saacad gudaheeda lacagti, baasaboorki iyo askarigi ka qaatay aadan isku keenin xeradaada ayaan isku wareysan doonnaa” ayuu ku yiri. 

Amarki ayuu dagdag u qaatay. Isagoo lacagti iyo baasaboorki wado ayuu yimid. Wuxuu ergo ka furey in laga daayo soo xiridda askariga. Wuxuu ku dooday kiiskaan wuxuu noqon mid ilaa madaxdayda sare ay ogaato oo aan qoro sababta aan askariga u xiray. Dhib iyo howl aanan ka bixi karin ayay igu furi ee iga raalli noqda ayuu ku cataabay. Isagoo u arka in loo ixsaan falay ayaa lagu yiri iska soco mar danbana yaysan noo imaan dhacdo noocaan oo kale ah. Tani waa hal tusaale oo aan xog-ogaal u ahaa. 

Xorriyaddaas dadku heleen, sharafka iyo gobinnimadaas la dareemay waxaa dheer in ciidaankaas dartii kiinya u joojisay darbigii ay ka wadday xudduud-beenaadka kasoo gudaha usoo galay Baladxaawo. Siduu caddeeyay waftigii uu hoggaaminyay wasiir Juxaa oo markaas ahaa wasiirka arrimaha gudaha dhowr kiilomitir ayay xadka Soomaliya soo galiyeen xarriiqa. Shaqadi socotay waxaa joojiyay shacabka caraysan oo guryahooda la dumin rabay. Ciidanka Kiinya, oo gacmahooda kala faanaya shacabkaas caraysan, ayaa doonay in ay adeegsadaan kuwa u shaqeeya ee magaca nala wadaaga. Ciidan daraawiish lagu sheegay ayaa maalmihii danbe difaac u ahaa Kiinyaanki dhulballaarsiga waday. Iyadoo isbaacsi lagu noolyahay oo daraawiishta JL iyo shacabku weerar iyo weerar celis isku yihiin ayaa Gorgor la keenay. Darbibaan dhisaynaa halkaas ayaa ugu danbsay lamana arag Kiinyaan danbe oo deyrka taagan.

Aan soo khulaaseeyo qormada. Ciidanka gobalka la geeyay waa laba. Ujeedki la rabo ha loo geeyee mid waa lagu diirsaday waana lagama maarmaan in halkiisa loo daayo. Midna wuxuu rabaa wax ka qabasho dhaqsa ah. Ciidanka NISA lagu sheegay wax aan dhib ahayn Gedo kuma hayo. Ma ahan ciidan dharcad ah ee waa mid tuutsaysan oo isaga iyo gaadiidkiisaba la yaqaan. NISA dharcad ah oo shaqadeedu sirdoon tahay waa loo baahanyahay, laakiin kan hadda jooga isbaddal ayuu rabaa.

Midka labaad waa ciidanka Gorgor ee xudduudaha la geeyay. Madaxweynow ogow in ciidaankaas ciidda Soomaaliyeed difaac u yahay. Ogow soo saariddiisu in ay ka dhigantahay bixinta arli Soomaaliyeed, dulleynta dad soomaaliyeed iyo hibaynta sharafki Soomaaliyeed. Waxaad ka shaqayso ha noqdaan sii xoojintooda iyo hubinta xuquuqdooda si aysan shacabka hunguri uga raadin. Ha noqdaan kuwo lixdi biloodba ama ugu badnaan sannadkiba mar la baddalo si aysan u baran la shaqaysiga waddammada dariska ah. Ogsoonow shaqadoodu waa ilaalinta xudduudaha ee maaha ilaalinta amniga gudaha. Waxaan u jeedaa, haddii JL dood kuula timaaddo, booliskooda ayaa ku filan ee wax kaga xiran ma jiraan ciidan ku eg ilaalinta xudduudka. Haddii intaas oo dhan wax lagu fahmi waayo, ogsoonow in Gorgorka la geeyay Gedo uusan ka duwanayn kan la geeyay Dhuusammareeb iyo Baladweyne. Haddii aanan dhammaan lasoo wada celinayn ma jiri karto sabab gaar ah oo loo beegsado kan Gedo jooga oo dhabtii ah kan ugu xaqsan. Ka dhabee Soomaali heshiis ah oo dunidana heshiis la ah adigoo hubinaya JL mid ah, nabad ah, xor ah oo xudduudaheeda ilaashanyihiin. 

Allaahumma hal ballaqtu!
W/Q: Ibrahim Aden Shire
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Somaliland oo xukun adag ku ridday wariyeyaal uu ku jiro Cabdimaalik COLDOON

Hargeysa (Caasimada Online) – Maxkamadda Racfaanka ee magaalada Hargeysa ayaa maanta xukun adag ku ridday Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo bilihii lasoo dhaafay u xirnaa maamulka Somaliland, kadib eedeymo culus oo loo jeediyey Wayiyaha la xukumay.

Maxkamadda Racfaanka ayaa maanta oo Isniin ah 23-ka May 2022 ku xukuntay laba sanno oo xabsi ah iyo saddex Milyan oo lacagta Somaliland ah.

Xukunkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo horey maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ay u soo saartay go’aan ay ku shaacisay in wax dambi ah lagu waayey Wariyey Coldoon, iyada oo amartay in laga sii daayo xabsiga, wuxuuna go’aankaasi soo baxay 3 Febraayo ee sanadkan.

Kadib waxaa go’aankaas kasoo baxay maxkamadda, Racfaan ka qaatay Xeer ilaalinta, waxaana kiiska sidaas loogu sii gudbiyey maxkamadda Racfaanka oo maanta xukun adag ku riday Coldoon.

Ehellada Wariyaha iyo qaar ka mid ah dadweynaha Somaliland ayaa si weyn u dhaleeceeciyey go’aanka kasoo baxay maxkamadda ee lagu ridday Cabdimaalik.

Coldoon oo xabsiga loo taxaabay taariikhdu markay aheyd 23/08/2021-kii, ayaa loo soo jeediyey eedeymo culus, sida dacaayad qaran dumisnimo ah, faafinta warar been abuur ah iyo aflagaadeyn siyaasiyiinta iyo golaha sharci dejinta ee Somaliland.

Sidoo kale eedeymaha kale ee loo soo jeediyey waxaa ka mid ah inuu warbixino liddi ku ah ka qoray Dugsiga Abaarso iyo Jaamacadda Barwaaqo, doodaas oo meel sare gaartay.

Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo ku caan baxay arrimaha samafalka iyo u gargaarida dadka taabaleysan ayaa marar badan siyaabo kala duwan loogu xiray Hargeysa.

Dhinaca kale maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta min hal sanno iyo afar bilood ku xukuntay Wariyeyaasha kala ah Maxamed Ilig iyo Cabdijibaar Maxamed halka ay xorriyadiisii u soo celisay Cabdiraxmaan Khaliif.

Wariyeyaashaan ayaa dhawaan lagu xiray magaalada Hargeysa kadib markii ay soo tabiyeen shaqaaqo ka dhacday xabsiga dhexe ee magaaladaasi.

Golaha ammaanka oo kulan muhiim ah ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya

0

New York (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa gelinka dambe ee maanta lagu wadaa inay kulan gaar ah ka yeeshaan xaaladda dalka Soomaaliya, kadib doorashooyinkii soo dhammaaday iyo isbedalladii dhowaan ka dhacay gudaha dalka.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska UNSOM ee QM ayaa waxaa lagu sheegay in kulankan diirada lagu saari doono sidii horey loogu sii amba qaadi lahaa horumarada ay gaartay Soomaaliya, loona garab siin lahaa dowladda cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta yeelanaya kulankoodii caadiga ahaa, kaas oo looga hadlayo xaaladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka UNSOM.

Kulankan ayaa waxaa khudbad ka jeedin doono wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan oo warbixin u gudbin doono golaha.

QM ayaa si dhow ula socotay xaaladdii adkeyd ee laga soo gudbay, waxaana golaha marar badan uu kulamo ka yeeshay is mari-waagi ka taagaan doorashadii soo dhammaatay, taas oo marar badan keentay isku dhacyo siyaasadeed iyo kuwa hubeysan oo laga hortegay.

Golaha ayaa la filayaa inay gabagadii soo saaraan bayaan ku aadan kulankooda, isla-markaana ay taageera ugu muujiyaan dowaladda cusub ee ka dhalatay Soomaaliya.

SI kastaba, wuxuu kulankan ku soo aadaya, iyada oo maanta ay si nabdoon u dhacday munaasabadda xil wareejinta Madaxweynaha cusub, Mudane Xasan Sheekh oo talada kala wareegay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Xog: Shaqsiga madaxweyne Xasan uu u magacaabayo agaasimaha madaxtooyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu magacaabo agaasimaha madaxtooyada kadib markii uu maanta si rasmi ah xafiiska ugala waraagay madaxweyne Farmaajo, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Xilkan ayaa la filayaa in loo magacaabo Xuseen Sheekh Maxamuud oo horay Senator u ahaa, balse aan dib loo soo dooran kadib markii uu ka mid noqday xubnaha madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen uu u diiday inay mar kale is-sharxaan. 

Xuseen Sheekh Maxamuud oo kasoo jeeda beesha Digil iyo Mirifle, ayaa ka mid ah guddoomiye ku-xigeenada xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. 

Magacaabista Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inay dejiso xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tan iyo markii la doortay aan laheyn nidaam rasmi ah, maadaama uusan cidna xil u magacaabin.

Magacaabistan ayaa sidoo kale dhabbaha u xaari doonto bilowda dhismada dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayada oo ay xigi doonaan xilal kale oo dhowr ah, oo uu ugu weyn yahay xilka ra’iisul wasaaraha cusub.

Sawirro: Axmed Madoobe oo kulan deg deg ah isugu yeeray golihiisa wasiirrada

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa caawa shir gudoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen golaha wasiirrada Jubaland.

Madaxweynaha ayaa golaha uga warbixiyay safarkii uu dhowaan ku tegay magaalada Muqdisho oo uu kaga soo qeybgalay doorashada Madaxweynaha JFS iyo xaalada guud ee dalka.

Qoraal kooban oo lagu baahiyey bogga Facebook-ga ee Madaxtooyada Jubbaland ayaan bixin faahfaahin intaas ka badan, balse xogaha aan ka helnay kulankaas waxay sheegayaan in aad loo gorfeeyey sida gacanta Jubbaland loogu soo celi karo gobolka Gedo.

Dowladii uu hoggaaminayey Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhowaad labo sano gobolka Gedo ka heysatay Jubbaland, waxaana hadda weli ku sugan ciidan ka kala tirsan NISA iyo militeriga Soomaaliya, kuwaas oo ku xiran taliska berri xukunka dalka wareejinaya ee Farmaajo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo habeen ka hor ka hadlay xaaladda gobolka Gedo iyo qorshaha uga degan dib u hanashadiisa maamulidda gobolkaas ayaa rajo badan ka muujiyey inuu soo cesha karo Gedo.

Khilaafkii kooxda Farmaajo iyo hoggaanka Jubbaland ayaa sababay inay cadaawad xun isku qaadaan beelaha dega gobolka Gedo iyo maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe hoggaamiyo, waxayna inta badan siyaasiyiinta reer Gedo ku goodiyaan in Jubbaland aysan waxaba ku darsa doonin, inta Axmed Madoobe hoggaaminayo.

Axmed Madoobe ayaa habeen hore balan qaaday in maamulkiisu uu qorshe cad ula tegi doono dadka reer Gedo, sida in maamulka degmooyinka aan loo magacaabin ayagu ay soo dooranayaan hadda kadib, inuu gobolka ka hir-gelinayo dib u heshiisiin iyo inuu u fasaxayo dhamaan mashaariicdii horay looga xayiray gobolka Gedo, intii uu jiray khilaafkaan.

Dowlad noocee ah ayuu Farmaajo berri ku wareejinayaa Xasan Sheekh?

Muqdisho (Caasimada Online) – Isniinta berri Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xukunka ku wareejinaya Madaxweynaha cusub ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, oo dalkaan sii xukumi doona afarta sano ee soo socota.

Farmaajo wuxuu habeen ka hor ka guuray gurigiisii Villa Somalia, waxay kaamiraduhu qabteen gaadiidka ciidanka lagu qaado oo lagu raray alaabtii gurigiisa, wuxuuna degay guri ku agyaalla garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho, gurigaas waxaa horay u deganaa Axmed Qoor Qoor, balse hadda waa uu ka guuray, si Farmajo u dego.

Wixii Isniinta berri ka dambeeya waxaa dowladnimada Soomaaliya majaraha u qaba doona nin aqoon badan u leh oo horay u soo dhisay hey’ad kasta oo maanta ku howlgasha magaca dowladda Soomaaliya.

Dowlad noocee ah ayuu Farmaajo berri wareejinayaa?

Dad badan waxay qirayaan inuu jiro burbur iyo kala tag hor leh oo laga dhaxlay xukunkii soo idlaaday ee xukuumadii Farmaajo, waxaa sii fogaatay Somaliland, waxaa kala aamin baxay ciidamada qaranka oo kuwii horay u jiray, kuwo qaas ah laga dul dhisay.

Waxaa soo naaxday awoodii kooxda Al-Shabaab oo dadkaan iyo dalkaan dhibanaha u ah hadana ka taajirtay, markii la waayey dowlad ka difaacda, waxaa luntay qadiyadii soo dhicinta gobollada deriskeeda uga maqan Soomaaliya, kadib markii xukunka Farmaajo uu argagixiso u aqoonsaday jabhadda xoreynta Soomaali Galbeed.

Farmaajo wuxuu afar dekadood u saxiixay dowladda Itoobiya oo dagaal gaamuray uu kala dhaxeeyo dadka Soomaaliyeed, welina uu ku maqan yahay xaqii Soomaaliyeed ee sababay dagaalladii labada dal burburiyey.

Farmaajo wuxuu lumiyey oo albaadaba ka soo xirtay dowladaha Jabuuti iyo Kenya oo waqti iyo waayo badan ku bixiyey isku raadinta dadkii Soomaaliyeed ee kala tegay burburkii gaaray dowladnimadooda, waxay sabab u noqdeen labadaas dowladood in dib loo soo dhiso qaranimada Soomaaliya, waxayna ku guuleysteen marti gelinta dhismaha dowladihii u dhaxeeyey xukuumadii hore ee Xasan Sheekh iyo dowladii burburtay ee Maxamed Siyaad Barre, intaas Itoobiya waxay hagal daacineysay dib u soo kabashada Soomaaliya, balse Farmaajo waa iska indha tiray taariikhdaas.

Hadda wuxuu xukunka ka tegayaa dalka oo qarka u saaran dagaalo sokeeye, wuxuu noqonayaa xildhibaan sharafeed uu qarka u fuulay inuu ku waayo xukun jaceylkii u soca waayey, wuxuuna ka mid noqonayaa baarlamaanka 11-aad, weligiisna wuxuu ahaanayaa xildhibaan aan ku fadhin kursi beeleed.

Xukunkii Farmaajo waxaa laga dhaxlayaa kooxo ku xooggan Social Media-ha oo la yiraahdo CBB. Dadka taageera Farmaajo waxay u badan yihiin dhalinta ku foogan aaladaha Social Media-ha, haba u badnaadaane TikTok-ga, hadda markaad u fiirsato afkaartooda waxay muujinayaan xaalad quus ah, waxay aad uga naxeen guul darradii Farmaajo ee doorashadii dalka, qaarkood waxay habaarayaan dalka, dadka iyo dowladnimada Soomaaliya, waxayna muujinayaan inay jeclaan lahaayeen in hadii Farmaajo xukunka ka tegay aysan dowladnimo ka dambeyn.

CBB waa magac uu bixiyey siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaa laga soo gaabiyey (cayayaanka baraha bulshada) waxaa la yiraa dhalinyaro badan oo aad Social Media-ha uga taageerta Madaxweyne Farmaajo.

Intooda badan dhalinyaradaan waxaa la sii jiray san-dareerto ay siyaasiyiinta kale ku caayaan, kuna buun-buuniyaan dacaayada ay soo maleegaan kooxdii xukunka joogi jirtay ee Farmaajo, waxay u sameysan yihiin guutooyin ku xariira groupyo WatsApp ah, balse hadda waa ka soo xirmay biilkii uu sii jiray Farmaajo, waxayna dhalintaasi wayahaysaa quus aan horay u soo marin wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed.

Dowladda cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh caqabadaha ugu horeeya ee qabsa doona waa dacaayadaha CBB, kooxahaan dhalinyarada ah ee aadka u qabatima inay dacaayado ku faafiyaan barahooda gaarka ah ee Social Media-aha, waxay badankood aaminsan yihiin in dowladnimada dalka aysan ka dambey doonin Farmaajihii xukunka looga guuleystay.

Rajadu waxay tahay in laga meyrto ku dhowaad lix sano oo siyaasad qarda-jeex ah uu Farmaajo ku maamulayey Soomaaliya, waxaa cajiib ah sida ninkan uu maskaxda uga degay inta badan caamada, caruurta, haweenka iyo dhalinyarada soo hana-qaaday sanadahaan ee wax kala fahantay wixii ka dambeeyey markii la doortay Farmaajo, 2017-kii.

Aqoonyahanka, xog ogaalka, dhinacyada daneeya soo kabashada Soomaaliya iyo dhamaan indheer garadka Soomaalida, waxay qabaan in xukunkii Farmaajo uusan waxaba ku soo kordhin dowladnimada kobceysa ee Soomaaliya.

Hanti-dhawrka guud oo ka horyimid tallaabo ay qaadeen Golaha Wasiirada Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa si rasmi ah ugu wargaliyay Ra’iisul Wasaaraha joojinta Xeer-nidaamiyaha Sharciga Maareynta Maaliyadda oo Golaha Wasiirradu ay ku ansixiyeen shirkii toddobaadlaha ee Khamiistii.

Qoraalka wargelinta ee Xafiiska Hantidhawrka uu soo saaray ayaa lagu sheegay in xeer-nidaamiyaha la ansixiyay ay jiraan khaladaad sharci iyo qodobbo kasoo horjeeda Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (PFM Act 2019) iyo Sharciga Xafiiska Hantidhawrka Qaranka.

“Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa horay si sharci-darro ah u dhaqan-galisay xeer-nidaamiyaha Maareynta Maaliyadda Guud si aan waafaqsaneyn habraacyada uu farayo Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud ee 2019 iyada oo aan la horgeynin Golaha Wasiirada, sidoo kalena aan lagala tashan Hay’addaha dowladda ee ay khuseyso sida ku cad warqadda uu xafiiska Hantidhawrka Guud kasoo saaray arrinkaas,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xafiiska Hanti-dhawrka ayaa ku eedeyay Wasaaradda Maaliyadda inaysan raacin tallooyinkii uu horay u siiyay xafiiska Hanti-dhawrka oo hore ula xiriiray, islamarkaana ay ku adkeysatay inay mar labaad Golaha Wasiirada horgeysay, ayada oo Goluhuna uu ansixiyay.

“Tusaale ahaan xeer-nidaamiyahaasi waxa uu leeyahay khaladaad sharci oo Guud ahaan Xeer-nidaamiyuhu kuma qorna Luuqad sharci iyo hanaanka sharci-qorista, Xeer-nidamaayaha waxaa ku jira lambaro iska hor-imaanaya dhexdiis oo is-burinaya sida lambarka 98-aad oo ka hor-imanaya lambarka 19-aad.”

Ugu dambeyntiina waxa uu Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka sheegay in gabi ahaanba uusan dhaqan-gal ahayn xeer-nidaamiyahaan, illaa inta dib-u-eegis loogu sameynayo oo la saxayo.

“Waxaa rajeynaynaa in wax ka qabashada arrintan mudnaan gaar ah la siiyo si loo joogteeyo, loona horumariyo hawlihii laga soo qabtay dib-u-habaynta nidaamka Maaliyada dalkeena, looga fogaado waxkasta oo sahli kara musuq iyo wax is-daba-marin iyo ku takrifal hantida Umadda.

Villa Somalia oo war cusub kasoo saartay xil-wareejinta madaxweyne ee berri

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdirashiid Maxamed Xaashi (Duqa) oo ah Afhayeenka Madaxtooyada ayaa sheegay inay meel geba-gebo ah mareyso xaflada xil-wareejinta, taasi oo loo xil saaray guddi isku dhaf ah oo ka socda Xasan iyo Farmaajo.

Afhayeen Cabdirashiid ayaa sheegay in maalinta berri ah ay tahay maalinta rasmiga ah ee la qabanayo xaflada xil-wareejinta, taasi oo ku taariikheysan 23-ka bisha May.

“Guddiga waxa uu go’aamiyay maalinta Isniinta inay noqoto maalinta la qabanayo munaasibada xil wareejint, munaasibadaas oo ka qabsoomi doonta Madaxtooyada ayna xilka kula kala wareegi doonaan labada madaxweyne,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu xusay in xaflad xil-wareejinta ay ka qeyb-gali doonaan madaxda Soomaaliyeed oo kaliya, islamarkaana aysan jirin mas’uuliyiin dalal shisheeye oo lagu casuumay.

“Xil-wareejinta waxa kasoo qeyb-gali doonta madaxda Soomaaliyeed ee ku sugan caasimada, haddii ay ahaan laheyd madaxda dowlad federaalka iyo dowlad goboleedyada, Guddoonka baarlamaanka, xukuumadda wey kasoo qeyb-gali doonta.”

Shalay ayey aheyd markii uu Madaxweynaha Xafiiska Jooga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay sida wada-jir ah kormeer ugu sameeyen Madaxtooyada.

Labada Madaxweyne oo markii saddexaad ku kulmay Madaxtooyada Qaranka ayaa kulankoodan iskaga xog waraystay xaaladda guud ee dalka, sidii wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo qabanqaabada Munaasabadda Xil-wareejinta Madaxweynaha.

Si kastaba, Arrintan ayaa soo gaba-gabeyneysa 5 sano oo uu xafiiska joogay Madaxweynihii hore ee dalka, oo lagaga adkaaday doorashadii 15-ka May ee ka dhacday teendhada Afiysoone.

Xog: FAHAD YAASIIN oo ka dhoofay Muqdisho kahor xil wareejinta FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo saaxiibkiisa gaarka ah xildhibaan hore Cabdiraxmaan Dheere ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Fahad iyo saaxiibkiis ayaa saaka Muqdisho ka raacay diyaaradda Turkish Airline oo Maanta safar toos ah ku tageysay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Ma cadda hadidi Istanbul ay ku hakan doonaan oo kaliya iyo haddii safarkoodu halkaas yahay.

Waxaan sidoo kale cadden haddii Fahad uu si toos uga guuray Muqdisho oo uu dibad joog noqonayo wixii hadda ka dambeeya iyo inuu soo laabanayo, balse waxaa la sheegay inuu saaxiibadiis dhow dhow u sheegay inuu safar gaaban galayo uuna dib usoo noqonayo maalmo kadib, balse lama xaqiijin karo run ahaanshaha hadalkaas.

Safarka Fahad uu maanta kaga baxay Muqdisho ayaa kusoo aadayo maalin kahor inta uusan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud la wareegin xafiiska.

Fahad Yaasiin oo mar ahaa ninka ugu awoodda badan siyaasadda Soomaaliya ayaa ugu dambeyn gacmo maran kasoo istaagay loolankii siyaasadda Soomaaliya ee muddada soo jiitamayey oo dhinac kasta looga adkaaday.

Waxaa isaga shaqsiyan laga hor-istaagay inuu noqdo xildhibaan, taasi oo dhabbaha usii xaari laheyd inuu noqdo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka, kadib markii guddiga doorashada heer federaal ay sharci-darro ku qeexeen habkii loogu soo doortay Beledweyne.

Inkasta oo guddiga ay ku dhegeen, haddana waxaa aad loo rumeysan yahay in ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ahaa qofkii ka dambeeyey in Fahad loo diido xildhibaannimada.

Waxaa kadib isaga iyo madaxweyne Farmaajo looga adkaaday loolankii guddoonada laba aqal ee baarlamanka, oo dhammaantood ay kusoo baxeen xubnaha mucaaradka.

Albaabkii Fahad iyo Farmaajo ayaa ugu dambeyn soo xirmay markii madaxweyne Farmaajo looga adkaaday doroashadii madaxweynaha, taasi oo xaqiijisay in shan sano kadib aysan wax saameyn ah ku laheyn siyaasadda Soomaaliya.

Ma cadda hadda qorshaha xiga ee Fahad, oo lagu yaqaan inuu yahay nin xariif siyaasadeed ah, oo horey ugu guuleystay inuu soo saaro ama wax ka dhiso laba madaxweyne; Xasan Sheekh 2012, iyo Farmaajo 2017.

Waxaan sidoo kale caddeyn halka uu ku dambeyn doono kursiga xildhibaan ee Fahad laga hor-istaagay ee HOP086 oo weli aan go’aan laga gaarin.

Sidoo kale, safarka Fahad ayaa kusoo aadayo xilli Faarax Sheekh Cabdulqaadir uu doonayo inuu qaato kursiga HOP086, waxaana jiro qorshe mar kale lagu qabanayo doorashada kursigaas, oo uu baarlamankii 10-aad ku fadhiyey Faarax.

Maxaa looga hadlay kulankii madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdiga Mareykanka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa goordhoweyd shaacisay kulan xasaasi ah oo magaalada Muqdisho ku dhex-maray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo taliyahooda Generaal Stephen Townsend.

Kulanka labada masuul ayaa waxaa looga wada-hadlay wada-shaqeynta AFRICOM iyo gacan siinta Ciidamada Xooga dalka, si loo gaaro mustaqabal nabad iyo amaan ah.

Qoraalka ay soo saartay AFRICOM ayaa waxa lagu sheegay in General Stephen uu ugu hambalyeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Shacabka Soomaaliyeed, jawi wananaga ay kusoo dhamaatay doorashada dalka.

“21-kii May, General Stephen Townsend ayaa u hambalyeeyay Xasan Sheekh Maxamuud iyo shacabka Soomaaliyeed sida wanaagsan ee ay ugu soo dhamaadeen doorashada Soomaaliya. Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay sidii AFRICOM ay ula shaqeyn lahayd Ciidamada Xooga Dalka, si loo gaaro mustaqbal nabad iyo ammaan ah oo ay mudan yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Labada masuul ayaa sidoo kale waxa ku wehlinayay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, wuxuuna dhacay kulankaan maalintii Sabtidii ee shalay aheyd, sida lagu sheegay qoraalka AFRICOM, mana jirin wax war ah oo kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaad toddobaad ka hor saxiixay amar boqolaal askari oo Mareykan ah dib ugu celinaya Soomaaliya, si ay uga hortagaan kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Saraakiisha militariga Mareykanka ayaa horey u sheegay in la-dagaalankii Al-Shabaab ay wiiqday go’aankii madaxweynihii hore Donald Trump uu ciidamada Mareykanka uga soo saaray Soomaaliya.

Ciidamada Mareykanka ayaa laga soo qaadi doonaa qeybo kale oo ka mid ah Afrika si ay tababaro iyo taageero u siiyaan ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, oo loo arko ururka ugu weyn uguna hodansan ee xiriirka la leh Al-Qacida.

Go’aankan ayaa looga dan leeyahay “in lagu kordhiyo badqabka iyo wax ku oolnimada ciidamadeena, loona suurta-geliyo inay taageero wax ku ool ah siiyaan saaxibadeena,” waxaa sidaas tiri afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka Adrienne Watson oo ku dhowaaqday go’aankan.

Xasan Sheekh dabagal ‘kuma sameyn doono’ saraakiisha ciidanka ee loo haysto inay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Shantii sano ee uu dalka hogaaminayey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ciidamada dowladda waxay si aad ah ugu milmeen siyaasadda, ayaga oo gaystay falal ay ka mid yihiin dilal, siyaasiyiin la weeraray, kuwo xayiraado la saaray iyo ficillo kale.

Waxyaabaha aadka looga filayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ka mid ah inuu isbeddel ku sameeyo, oo uu nadiifiyo ciidanka, balse taxliiliyeyaasha siyaasadda qaarkood ayaa qaba inaysan taasi dhici dooni.

Samiira Qeyd oo ka faaloota amniga gobolka ayaa BBC u sheegtay in madaxweyna cusub uusan wax dabagal ah ku sameyn dooniin saraakiishii ciidamada ee la sheegay in siyaasadda ay ku dhex milmeen.

“Uma maleynayo in ciidamada wax laga qaadi doono, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu khudbaddiisa ku sheegay aarsi ma jiri doono, waxyaabo dabaglkooda muhiim ma ahan, hadda waxaa loo baahan yahay in la isku keeno dadkii kala tegay marka hore waa in soo dhiso xukuumaddiisa markaas baa taliyeyaasha wax laga baddali karaa,” ayey tiri Samiira

Waxay intaas ku dartay in taliyeyaasha ciidamada aanan dusha laga saari karin wax eed ah maadama ay qaateen amarka madaxdooda.

“Taliyeyaashii hore uma maleyn maayo in eeda dusha laga saari karo, waxay ahaayeen ciidan amar la siiyay oo qaatay amarkii madaxdooda, ma umaleynayo in dabogal dheeraad ah lagu sameyn doono ciidamadii siyaasadda ku milmay waa in ciidamada isbaddal lagu sameeyo, xuquuqdana la dhowraa.

“Madaxweynaha la doortay qofka uu soo magacaabo waxay ku xiran tahay madaxweynaha dhaqankiisa hadduu isaga ciidanka u isticmaalo in uu Shabaab kula dagaallamo in uu waddanka ku xoreeyo ama in dib u habeyn lagu sameeyo ciidamada, isaga dhaqankiisa ayaa laga arki doonaa laakiin hadduu ciidamada u isticmaalo siyaasadda dhaqankiisana haddii ay sidaas noqoto, waa suurtagal qofka la magacaabo in uu qaato amarka madaxda magacaawday,” ayay tiri Samiira. 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo horey uga hadlay arrimaha ciidanka ayaa sheegay in ciidamada qaar aysan lahayn sharci ay ku dhisanyihiin iyo waxyaabo kala xadeeya, loona baahanyahay dib u habayn badan.

Qeybo badan oo kamid ah deegaannada dalka waxaa gacanta ku haya ururka Al-Shabaab, mar kasta waxaa weeraro iyo qaraxyo ay geystaan Shabaab. dalka waxaa ku sugan ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS kuwaas oo ilaaliya goobaha muhiimka ee dowladda, sida Tendhaha Afisyoone oo ay doorashada ka dhacday.

Samiira Qeyd waxay qabtaa in shaqada ugu culus ee hortaalla madaxweynaha ay tahay dib u habeynta ciidamada.

“Dib u habeynta ciidamada oo muddo labo sano aan wax laga qaban, waa in uu dib u habeyntii bilaabo si uu kooxdii joogtay uu kala kaashado wixii la qabtay oo uu ogaado wixii laga qaban laha..waxaan u maleynayaa in dib u habeynta ciidamada ay tahay shaqada ugu culus ee hortaalla madaxweynaha cusub”

Soomaalida ku nool dalka KENYA oo dalab xasaasi ah u diray madaxweyne XASAN

0

Nairobi (Caasimada Online) – Soomaalida ku dhaqan dalka Kenya ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey isbedalka siyaasadeed ee ka dhacay dalka, gaar ahaan dowladda cusub ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha mar labaad la doortay ee Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Culumada iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan in madaxweynaha cusub uu dib u hagaajin doono xiriirka ganacsi ee labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya kaas oo xumaa sanadihii lasoo dhaafay.

Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul oo ka mid ah guddiga Ganacsatada Soomaalida ee Kenya oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa ugu baaqay Xasan Sheekh inuu ka dhabeeyo hadalkiisii ahaa Soomaali wada heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

“Badqabka iyo wanaaga darisnimada waa muhiim, waana tii uu kaambeynka ku galay Madaxweyne Xasan Sheekh uu lahaa Soomaali wada heshiis ah, dunidana heshiis la’ah, marka in dunida heshiis lala ahaado waa wax u wanaagsan dalka iyo dadka,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul sii raaciyey “Rajo xoogleh ayaa waxaan ka qabnaa inay bilaabeyso arrintan iskaashi wanaag isku soo dhowaasho,”.

Ugu dmabeyn wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay in lasoo celiyo xiriirka ganacsi ee labada dal, isla-markaana la’isku furo xadka Soomaaliya iyo Kenya.

“Runtii waxaa muhiim ah in ganacsigii dib loo soo celiyo in la abuuro xarumo kastam oo badeecada Soomaaliya kasoo geli karto oo meelo badan ayey ka timaadaa suuq weynbaa halkan ku yaalla oo dadka Soomaaliyeed ay ka faa’iideysan karaan,” ayuu markale yiri.

Kenya ayaa xiriir ganacsi iyo darisnimo ay kala dhexeysaa Soomaaliya, balse wuxuu xiriirku xumaaday markii ay is qabteen Madaxweyne Farmaajo waxayna taas sababtay inuu istaago ganacsigii ka dhexeeyey labada dhinac, sidoo kalena la xiro xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Xog: Madaxweyne XASAN SHEEKH oo arrimo xasaasi ah kala hadlay FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo markiisii seddaax shalay tegay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa kulan dheer la qaatay Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo Villa Somalia ka tirsan, kulankii shalay ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa diiradda lagu saaray arrimo xasaasi oo dalka ka dhacay intii uu xukunka joogay Farmaajo.

Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu Farmaajo hor dhigay weydiimo ku aadan hanaanka ay ku maqan yihiin dhalinyaradii la sheegay in tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, xilliga lagu heshiiyey in dalka lagu soo celiyo iyo documentiyada heshiiskii lagu qaaday.

Sidoo kale arrimaha xasaasiga ah ee Xasan Sheekh uu shalay Farmaajo kala hadlay waxaa ka mid ah, sida laga yeelayo dembiyadii dalka ka dhacay iyo qaabka loola xisaabtami karo dadka ku eedeysan.

Ilaha ay xogtaan ka heshay Caasimada Online ma xusin heshiis ay isla meel dhigeen Farmaajo iyo Xasan Sheekh oo berri lagu wado inay xukunka isku wareejiyaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u balan qaaday in dalka uu deg deg ugu soo celi doono dhalinaradaas ku maqan Eritrea, hadii loo doorto xukunka, waxaana durba waalidiinta Soomaaliyeed ka soo yeeray codsiyo Xasan Sheekh looga dalbanayo inuu fuliyo balan-qaadkaas oo wiilashoodii uu dalka ku soo celiyo.

Sanadkii 2019-kii ayaa dhalinyaradaas oo laga soo uruuriyey dhamaan gobollada dalka waxaa la isugu keenay Muqdisho oo diyaarado looga daabulay, waxaa la sheegay in tababar loo geeyey dalka Eritrea.

Tirada dhalinyaradaan waxaa lagu qiyaasay 7 kun, waxaana lagu siray in tababar iyo shaqo ciidan loo geynayo dalka Qatar, balse loo dhigay Eritrea, ilaa hadana lama yaqaan xaaladda ay ku sugan yihiin.

Dhageyso: Taageerayaasha Farmaajo ee baraha balshada oo billaabay arrimo naxdin leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhalinyaradii baraha bulshada ka taageeri jirtay Madaxweyne Farmaajo ee loo bixiyey CBB (Cayayaanka baraha bulshada) ayaa la soo baxday wejiyo cusub, kadib markii dhowaan xukunka dalka looga guuleystay Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Waxaa maalmahaan baraha bulshada aad loogu faafiyey muuqaalo ay iska soo duubeen dhalinyada CBB, kuwaas oo caro badan ay ka muuqato, qaarkood waxay ku guudinayaan inay is qarxi doonaan, halka qaar kalena ay wacad ku marayaan in Muqdisho ay gubi doonaan.

Waxay baraha bulshada ka billaabeen baaqyo ku aadan in wax la dilo, qaraxyo la sameeyo, la beegsado madaxda dowladda cusub, islamarkaana la gubo suuqyada Muqdisho, waxaana yaab leh in kadib baaqyadan uu gubtay suuqa Banaadir ee Muqdisho.

Waxay falalkan ugu baaqayaan in dowladda cusub la geliyo marxalad adag, si aysan u hanaan maamulka dalka.

Dhalinyaradaan oo ku kala sugan dalka iyo dibadiisa qaarkood Farmaajo waxay ugu yeeraan Aabe, waxayna horay ugu caan baxeen caayda siyaasiyiinta, balse hadda waxay wajahayaan xaalad quus ah.

Qaar kale waxay sii wataan dacaayadaha ay ka faafinayaan madaxda cusub ee dowladda Soomaaliya, halka qaarna ay maalin kasta oohin iyo baroor la soo fariistaan barahooda gaar ah ee Social Media-ha.

Dadka taageera Farmaajo waxay u badan yihiin dhalinta ku foogan aaladaha Social Media-ha, haba u badnaadaane TikTok-ga, hadda markaad u fiirsato afkaartooda waxay muujinayaan xaalad quus ah, waxay aad uga naxeen guul darradii Farmaajo ee doorashadii dalka, qaarkood waxay habaarayaan dalka, dadka iyo dowladnimada Soomaaliya, waxayna muujinayaan inay jeclaan lahaayeen in hadii Farmaajo xukunka ka tegay aysan dowladnimo ka dambeyn.

Waxaa cajiib ah, sida ninkaan uu maskaxda uga degay inta badan, caamada, caruurta, haweenka iyo dhalinyarada soo hana-qaaday sanadahaan ee wax kala fahantay wixii ka dambeeyey markii la doortay Farmaajo, 2017-kii.

CBB waa magac uu bixiyey siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaa la yiraa dhalinyaro badan oo aad Social Media-ha uga taageerta Madaxweyne Farmaajo, intooda badan waxaa la sii jiray san-dareerto ay siyaasiyiinta kale ku caayaan, kuna buun-buuniyaan dacaayada ay soo maleegaan kooxdii xukunka joogi jirtay ee Farmaajo.

Waxay u sameysan yihiin guutooyin ku xariira groupyo WatsApp ah, balse hadda waa ka soo xirmay Jabterkii biilka Farmaajo, waxayna dhalintaasi wayahaysaa quus aan horay u soo marin wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed.

Dowladda cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh caqabadaha ugu horeeya ee qabsa doona waa dacaayadaha CBB, kooxahaan dhalinyarada ah ee aadka u qabatima inay dacaayado ku faafiyaan barahooda gaarka ah ee Social Media-aha, waxay badankood aaminsan yihiin in dowladnimada dalka aysan ka dambey doonin Farmaajihii xukunka looga guuleystay.

Halkee la geeyey dadkii ay ciidamada ATMIS kasoo wateen gobolka Sh/Dhexe?

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle ayaa sheegaya in ciidamada howlgalka ATMIS ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi, kaas oo ay ku xireen dad shacab ah.

Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa in ku dhowaad 10 qof oo shacab ah ay gacanta kusoo dhigeen, iyaga oo ku eedeynaya inay la shaqeynayeen kooxda Al-Shabaab.

Sida ay ogaataday Caasimada Online dadkan shacabka ah ayaa loo soo gudbiyey magaalada Muqdisho, si loogu sameeyo baaris dheeraad ah.

Lama oga siday ay Ciidamada ATMIS ka yeelayaan dadkan, maadaama la keenay xaruntooda dhexe oo ku taala Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale dadka deegaanka iyo qaar ka mid ah ehellada ragga lasoo qabtay ayaa dalab u diray dowladda Soomaaliya, waxayna ka codsadeen in loo soo daay, wiilashadooda, iyaga oo iska fogeeyey eedeynta loo jeediyey.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay ATMIS oo la xiriira howlgalkaas iyo dadka lagu soo qabtay.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo dhawaan ciidamada ATMIS looga dilay askar badan weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

DDF waa sababta shacabku u taageereen Xasan Sheekh

Marka hore aan ogaano ereyadda laga soo gaabiyey DDF. DDF waa sedex xaraf oo u taagan sedexda erey ee kala ah Dastuuri Dimuquraadi Federaali, 3-da erey waa kuwa astaanta u ah jiritaanka aasaasiga ah ee dowladnimo casri ah. Shacabka ayaa ku bartey Mudane Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ahaanshaha hogaamiye ah DDF xiligiisii 1aad ee uu xilka hayey 2012 ilaa 2017, Madaxweynihii 8aad JS. Hadana, shacabka ayaa ku xaqiiqsadey DDF-nimadda Md.Xasan khudbadiisii 14.05.22 uu ka horjeediyey kulanka Golaha Shacabka labada aqal taasoo dadka Soomaaliyeed u cadeysey in Musharax Xasan Shiikh uu u qalmo inuu noqdo Madaxweynaha JFS maadaama uu ahaa welina ku taagan yahay mabda’ DDF ee ay ku dhisan tahay Jamhuuriyaddda Federaalka Soomaaliya. Bal aan isla eegno hadaladii uu Xasan Shiikh ka yiri markii uu ka hadlayey arrimaha DDF. 

Dastuurka

Ballan-qaadyadda Madaxweynaha waxay wada ahaayeen Dastuuri, khubadiisa wuxuu diirada ku saarey qodobo muujinaya ilaalinta dastuurka. Gaar ahaan ilaainta xuquuqaha muwaadinka ee ka qeyb-qaadashada siyaadasadda, amaankiisa, helitaanka cadaalad iyo cabsigalin  la’aan. Md. Xasan ayaa yiri….. Waxaan ballan-qaadaya in sharafta iyo karaamadda dadka iyo dalka Soomaaliya aad loo ilaaliyo, waxaan ballan-qaadaya in qof muwaadin Soomaaliyeed aan dal kale loo dhiibin, waxaan ballan-qaadayaa qof Soomaali ah fikirka siyaasiga uu aaminsan yahay in aanan loo caburin loona cadaadin, waxaan ballan-qaadayaa in dalka deegaano kamid ah inaanan lagu soo rogin cunaqabteyn iyo cadaadis dhaqaale iyo mid siyaasadeed. Igama fileysaan in mashaakilaadka siyaasadeed ee dalka ka jira qori lagu xaliyo, in caburin lagu xaliyo, in cabsigalin lagu xaliyo, waxaan aad uga shaqeyn doonaa in qofka Soomaaliga maskaxda xor ka ahaado, caqli iyo damiirkana uu xor ka ahaado, aanu ku noolaan cabsi, aanu dhinacyaha fiirfiirin marka uu ra’yigiisa cabirayo. Waxaan waasicin doonaa saaxadda siyaasadda si ay dadka Soomaalida ay ra’yigooda si xornimo ah ugu soo bandhigaan. sidoo kale, dib-u-heshiinta siyaasadeed ayuu ka yiri in dastuurka oo si dhamasytiran loogu heshiiyaa ay tahay sababta keeneysa dib-u-heshiin siyaasadeed, wuxuu yiri “Dib-u-heshiisiinta Siyaasadda waxaa aasaas u noqon doona Dastuurka dalka loo diyaarinayo, haddii dastuurka qodobadiisa lagu heshiiyo waxaan aaminsan nahay in dib-u-heshiisiinta siyaasadda ay meel gaartey laguna dhaqmi doono”.

Dimuquraadiyadda

Md. Xasan ayaa yiri….. Dalkan kama suurowdo inay dib ugu soo laabato diktatooriyad oo qofi xukunka iska joogo, asagoo aan heysanin sharciyad. Dalkan kama suurowdo koox gaar ah ama heyb gaar ah iyo deegaano gaar ah inay yiraahdaan dalka xukunkiisa annagaa la wareegney. Waxaan aasaas uga dhigaynaa dimuqraadiyadeena xisbiyadda siyaasadda. Waxaan abuureynaa nidaam in dadka Soomaaliyeed ay ku kalsoonaadaan hey’adaha dastuuriga ah. Dhisida kalsoonidda dadka ee ku salaysan dimuquraadiyadda waa aasaaska aan doonayno inay dimuquraadiyeynta sal u ahaato.

Federaalka

Md. Xasan ayaa yiri…..Waxaa la sii xoojinayaa oo aan daadajin doonaa nidaamka federaalka oo ilaa iyo heer degmo iyo heer tuulo la gaarsiin doono, si mabaadii’dii federaalka ee aheyd xukunka iyo dowladnimadda in loo dhoweeyo dadka taladooda iyo talada dalka guud ahaanba. 

Khudbadan ayaa keentey in Mudane Xasan Shiikh uu ku soo baxo  65.4% codadka golayaasha shacabka 2022, halka Madaxweynehii ka horeeyey uu 2017 ku soo baxay 56.3%. Farqiga boqoleyda ee ay labada Madaxweyne uu midba mar ku guulaystey ayaa tilmaamaya sida dadka Soomaaliyeed u tabeen fikirkii Xasan Shiikh ee nidaamka dowladnimo ee ku dhisan DDF, ayna u doonayeen in fikirkaas la soo celiyo uuna noqdo mid hadda ka dib la waariyo.

Dowlad Dastuuri Dimuquraadi Federaali ah. 

Hassan Said Mohamed
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.